Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Ministry Of Planning Ministry Of Security Ministry Of Women The Chamber of Commerce Bosaso Governor Residence Bosaso Council Garowe Governor Residence Garowe Council
  2. I am a proud puntland citizen and have always been. I know there are millions of us out there who are staunchly proud of this state and it's achievements. I will be presenting this in pictures so we can relax back and look at what has been achieved so far and what remains to be achieved. A Solid and well respected govt with proper governmnt institutions below; The Current Cabinet Current Guest House Current Presidency Office To Be Upgraded To New Presidential Palace That will Put anything in Somalia to Shame Parliament Ministry Of Finance Ministry Of Education Ministry Of Health Ministry Of Interior
  3. I am very proud of this initiative. This makes me proud to call puntland home
  4. Turkish development agency to open Puntland office October 02, 2012 Puntland regional President Abdirahman Mohamed Farole met with representatives of the Turkish International Co-operation and Development Agency (TIKA) in Garowe on Monday (October 1st) to discuss the construction of airports, inter-city roads and health and education centres, according to Puntland administration spokesperson Ahmed Omar Hirsi. "The delegation announced they will open an office in Puntland and will be back next month to fulfil their promises quickly. I expect these programmes will change a lot about social services," Hirsi told Sabahi. This is the second time TIKA representatives have visited Puntland this year. They visited the port of Bosaso, camps for internally displaced people, Qardo jail and health centres. They also plan to visit Galkayo to assess sectors that need assistance, Hirsi said. TIKA has been engaged in numerous aid activities in East Africa, including repairing roads in Mogadishu and donating food to Djibouti.
  5. Puntland is developing rapidly in all sectors. I am proud to call this place home. I can't explain what emotions is running in me I even have rashes developing on my arms because I can believe what im witnessing. It is like the old somalia come back again.
  6. Puntland wants to move forward but people on SOL wishes her backward. This is good because it only fuels puntland forward to make all the haters mad. How anyone with a sane mind can protest against this state especially witnessing the development that is occuring at every level is beyond me and clear cuqdad driven.
  7. BOOSAASO: Dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso oo laga wado dayactir(Sawiro). October 4, 2012 9:47 am GMT - Written by PP - Edited by PP Boosaaso: (pp)- Dekadda Caalamiga ah ee Magaalada Bosaaso ayaa waxaa ka socda dayac tir iyo dib u habayn aad u baahsan, kaddib markii gabi ahaanba laga saaray dhismayaashii dhexdeeda ka dhisnaa Dekeda, waxaana la bur-buriyey guriyihii ka xigay labadda dhinac si loo helo meelo waasac ah oo lagu fidiyo marsada Magaalada Boosaaso oo ah Mid kamid ah dekadaha ugu shaqada badan dalka Somaaliya. Dekadda weyn ee Magaalada Boosaaso ayaa sanadihii ugu danbeeyey waxaa lagu sameeyey dayactiradii ugu wanaagsanaa ee ay hesho tan iyo Markii la dhisay Dekeda, waxaana dekadda lagu sameeyey dib u qodis aad u wanaagsan iyadoo laga saaray ciidii iyo wax yaabihii kale ee dhex oolaa gudaha dekadda iyo hareereheeda taas oo gaadiidka badda u suura gelisay inay siwanaagsan ugu soo xirtaan Marsada maadama awal ay dhib ku ahaan jirtay gadiidka wada rarka culus inuu si fudud ugu soo xirto dekadda. Dawlada Puntland ayaa ku hawlan sidii ay dekadda ugu raadin laahayd Mashaariic lagu horumariyo si ay dekaddu u hesho dayactir iyo dhamaystir aad u wanaagsan maadama ay dawladii Somaaliya dhacday xili dekadda Magaalada Bosaaso uusan dhamaan dhismaheedii, Masuuliyiinta Wasaaradda dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa noo xaqiijiyey inay jirto heshiisyo la doonayo in lala galo Maalgaliyayaal caalami ah iyo wadamada deeqaha bixiya si loo helo dekadda Magaalada Bosaaso oo dhamaystiran oo si buuxdana tartan ula tartami kara Dekedaha kale ee soomaaliya kuyaal. Gudaha Dekadda ayaa xiligan waxaad ku arkaysaa qalaba casri ah oo hawlo shaqo kawada sida cagaf-cagafyo iyo wax yaabo kale oo la halmaala waxaadna dareemaysaa shaqada iyo dib u haybnta laga wado dekadda Magaalada Bosaaso. Dhanka kale Dekadda Magaalada Bosaaso ayaa xiligii aan booqanay waxaa ka socdey dhaq-dhaqaaq ganacsi oo aad u weyn waxaana la arkaayey Maraakiib iyo Doonyo laga dajinaayo maciishado kala duwan, Waxayna Masuuliyiinta dekaddu noo sheegeen inay dekaddu xiligan tahay Mid aad u Mashquulsan maadama lagalay xiligii carafada oo dekaddan lagu yaqaan inay ka dhoofaan xoolo aad u fara badan. Dhowaan ayey ahayd markii qiimo dhimis dhaxal-gal ah lagu sameeyey khidmada lagaga qaado xoolaha dhoofaya Maxjarada Puntland waxaana talaabadan siweyn usoo dhaweeyey ganacsatada iyo Guud ahaan Bulsha weynta reer Puntland. Dekadda Bosaaso waa dekadda 4-aad ee ugu weyn dalka Somaaliya waxaana lagu tilmaama dekadda ugu shaqada badan dalka Somaaliya maadama ay ka dhoofaan xoolaha ugu badan ayna wax kala soo deegaan ganacsatada ugu badan ee Somaaliyeed gaar’ahaan ganacsatada Puntland, Koonfurta iyo Bartamaha Somaaliya iyo Somalida Ethiopia, Dekadda Bosaaso ayaa lagu tilmaama Mid aysan u kala sokayn dadka Somaaliyeed oo ay si siman wax ugala soo degaan kagana dhoof-sadaan. Puntlandpost, Boosaaso, Soomaaliya
  8. Qalinjebin 1,500 oo ardey loogu qabtey Garowe 4 Oct 4, 2012 - 2:06:00 AM GAROWE ONLINE xaflada qalin jabin ah Ardey tababar macaliinta la barnayay oo maanta loo soo gaba gabeeyay garowe Kuliyadda Tababarka Macalimiinta Garowe ‘’GTEC’’ ayaa lagu qabtey xaflad ay ku qalinjabinayeen ardeyda gaareysa 1500 kuwaasi oo macalinimada loo tababarayey muddo saddex sanno ah. Dhamaan gobollada Puntland ayay ka dhiganayeen ,halka qaarkood jaamacadda Bariga Afrika Bossaso ay ku tababaranayeen ,waxana ay iskugu jireen wiilal iyo gabdho. Xaflada qalin jebinta oo si hanaan leh loo soo agaasimey ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiinta kala duwan ee dowladda Puntland ,Hormuudka Kuliyadda GTEC ,wakiilo ka socdey hayadaha caalamiga ah iyo marti sharaf kale oo lagu casumey madasha. Maamulaha GTEC Dr.Cabdirisaaq Shoole oo furitaankii ka hadlay munaasabada ayaa warbxin ka bixiyay ardydani qalinjabisay iyo mudadii ay tabbarka ku jiren isagoo sheegay in looga gol lahaa in la helo ardey macalimiin ah oo tayo leh . Hormuudka Jaamacada Bariga Afrika qaybta Garowe Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka hadlayay munaasabada ayaa ku dheeraaday faa’idada ay leedahay in qofku macalin noqdo, waxana uu xusey in macalinku yahay furaha nolosha, ardeyda galinjabiseyna ayuu kuu booriyay in tababrkii ay qaateen wixii ka soo baxay xoojiyaan . Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada PSU Saalim Siciid Saalim ayaa sheegay in maanta ay guul tahay in ardey intaasi le’eg ay bartaan macalinmada ,iyadoona horey aysan u jiri jirin macalimiinta aqoon leh oo ka howl gala schoolada Puntland .isagoona ardeyda ku booriyay in maanta ay fuushay masuuliyad balaaran . Agaasimaha waaxda tababarada iyo mashaariicda wasaarada waxbarashada Puntlanad Maxmed Cali Faarax oo isna kalmo soo jeediyay ayaa xusay in dalku markii uu burburey ay noqotey caqabad la helo macalimin tayo leh oo ka howl gala iskuulaadka. Wasiirka waxbarshada Puntland Cabdi Faarax Siciid ‘’Juxa’’ oo soo xirey xaflada qalinjabinta ardeyda macaliminada baranyey ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimada saareen arimaha waxbarashada, islamarkaasina ay wasaaradu wadey olole balaaran oo ku aadan mideynta manaahijta iyo deeqaha waxbarashada oo Puntland ardey badan heleen deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah. Waa tiradii ugu badneyd abdi Puntland oo ka qalinjabisa tababarka macalinimada Kuliyadda GTEC ,waxana soo baxay jiil dhalinyaro macalimiin oo buuxin doona boosas badan oo banaanaa.
  9. Puntland oo ka bilowday Boosaaso Qaadashada Leysinka Wadiga Gaadiidka October 3, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor Amuurah ku aadan hir galinta Qaadashada Sharciga Baabuur Wadista ayaa waxaa ka war Bixiyay ugu Horaytii Agaasimah Waaxda Tababarada iyo Laysinada Puntland Qaasin Cabdilaahi Sayfle isagoo sheegay in Maantay oo ay Bisha Tobnaad tahay 3 Sadex laga hirgalinaayo Boosaaso oo ah Xarunta Dhaqaalah Puntland Wadayaasha Gaadiidkana laga Rabo inay qaataan isna diwaan galiyaan Hadii ay ku Guulaystaan Imtixaanka ay helayaan laysinka hadii kalana aysan helen Dhanka kalana Waxaa qaabka loo qaadanaayo ka warbixiyay oo faafaahin dheer ka dhiibay Cabdifitaax yuusuf mataan oo kamid masuuliyiinta soo saaritaanka laysinada ayaa sheegay in qaab Casriyah loo soo sarayo qofkuna uu maraayo sharciyo badan oo loogu tala galay in aan laysku qaldamin isagoo sheegay in qaab kamayuutar ah loo samaynaayo qof kalana uusan isticmaali karin qof laysinkiisa taas oo uu sheegay in caalamka laga isticmaalo Ugu dabaytii ayaa waxaa arinkan Bixinta Laysinada ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlah Guud iyo Gaadiidka Puntland faarax Cali Cabdi oo sheegay in uu yahay arinkan Bixinta Laysinka ama Sharciga Wadista Gaadiidka uu yahay mid In lagu farxo mudan Maadaama Puntland ay ka hir galisay Magaalada Garoowe Magaalooyinka Puntland oo dhanah Mar dhow laga hir galinaayo. Wasiir ku Xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Boosaaso ay tahay Magaalada ugu Gaadidka Badan Puntland lagana doonaayo in sida ugu Haboon laysku soo diwaan gasho ,hadii kalana uusan Wadada ,Dakada ,iyo meelah kalaba uusan mari doonin Dareewal aan Wadan Laysin. Sharciga Wadista Gaadiidka ayaa Mudo Shan Bilood ka hor waxaa laga bilaabay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland iyadoona Maantay oo ay Bisha Tobnaad Tahay Sadex Laga Hir Galiyay Boosaaso ,mudo Gaaban gudaheedna lagu wado in laga hir Galiyo Magaalada Galkacayo ee Xarunta Gobalka Mudug Sawiro
  10. Yeah there is development happening and future developments being sealed all around Puntland.
  11. Wadooyin laami ah oo laga dhisayo gudaha Garowe 1 Oct 1, 2012 - 8:40:31 AM GAROWE ONLINE Magaala madaxda Puntland ee Garowe ayaa maanta 01 October,2012 waxa laga bilaabey dhismaha wadadii ugu horeysey oo laami ah taasi oo dhexmarta gudaha magaaalada ,waxana ka soo qaybgalay masuuliyiinta dowladda ,maamulka gobolka Nugaal ,kan degmada Garowe iyo saraakiil ka socotey wakaaladaha kala duwan ee Qaramada Midoobey. Wadada Eng.Khaalid ee bartamaha ku taal ayaa noqotey tan ugu horeysa ee laga bilaabayo shaqada waxana xariga ka jarey wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir. Duqa degmada Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi oo ugu horeyn ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay iney qorshahan soo billaabeen waqti hore haatana uu marayo meel wanaagsan,isagoona ka sheekeeyay waddooyin jey ah oo ay horay ugu hirgeliyeen magaalada. Cabdi Nuur waxa uu tilmaamey in wadadan uu ku baxeyo dhaqaale gaaraya ilaa $100 ,waxana uu raaciyey in dadweynaha ay ka qayb qaadan doonaan dhismaheeda. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa isna ka codsaday shacabka iyo ganacsatada iney kaalin ka qaataan dhamaystirka waddadan,wuxuuna guddoomiyuhu si' gaar ah farriin ugu diray dadka deegaanka iyo ganacsiga ah ee ku soo jeeda laamiga iminka gacanta lagu hayo shaqadiisa. Waddadan laamiga ah ee maanta laga bilaabay magaalada Garowe ayaa qayb ka ah Mashruuca JPLJ oo lagu horumarinayo Magaalooyinka Puntland ,waxana dhaqaalihiisa bixisa Qaramada Midoobey ,iyadoona horey looga hirgeliyey wadooyinkan oo kale xarunta ganacsiga Puntland ee Bossaso
  12. Wasiirka arimaha gudaha Puntland oo dhagax dhigay wado cusub oo laami ah Garowe October 1, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Wadadan cusub ee laamiga la saarayo furitaankeedii waxaa ka qayb galay wasiirka arimaha gudaha Puntland iyo madaxa mashruuca JPLG ee hormarinta dowladaha hoose ee ay maal galiso qaramada midoobay, duqa degamada iyo gudoomiyaha gobolka nugaal, waxaana lagu sheegay dhererkeeda in kabadan hal kilow mitir isla makaana ay ku baxayso 96kun oo doolar. Duqa degmada Garoowe C,casiis Nuur Cimli ayaa ka warmay mudada uu soo socday qorshaha lagu wadadan laamiga lagu saarayo iyo lacagta ku baxaysa waxaana uu yiri “sanadii 2010 waxaan ku bixinay mashruuc lagu saarayey jay sanadkan 2012 dhamaanba dhaqaalihii aan ka helaynay barnaamijka JPLG waxaan ku bixinay dhismaha laamiga la saarayo, laakiinse howsha laga qabanayaa waa ka badan tahay intaas waxaana bixinaya bulshada degan xaafada wadadan laga dhisayo aniga oo ka wakiil ahna waxaan saxiisay qandaraaska shirkada dismaha samaynaysa waxaana ka rajaynayaa in ay dhakhso lacagtaasi uga soo ururto bulshada waxaana uu xusay in wadan cusub loo samayn doono afar buundo oobiyuhu maraan duqa degmada Garoowe waxaa uu rajo ka muujiyey in mustaqbalka ay macquultahay in ay wadooyinkale laami ka dhigaan. Patric oo ah madax mashuurca jointa program ee lagu hormarinayo dowladaha hoose ee hayadaha qaramada midobay ayaa muhiimad wayn ku tilmamay dhistaanka wadadan waxaaana uu ku aamanay bulshada gacanta ay gaysteen, “ waxaan u malaynayaa in ay fursad wanaagsan u tahay mashruuca JPLG in uu awood u yeesho in ay ka qayb galaan hirgalinta wadadan cusub in aan manta xuso ka qayb galka bulshada rayidka ah sida ay uga qayb qateen qorshaynta dhismaha wadan labo sano ka hor waxaana manta ugu yeerayaa gudoomiyaasha degmooyinka Puntland in ay ka fekeraan hindisaha iyo qorshayaasha lagu hirgaliyo wadooyinkan oo kale mustaqbalka. Wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Puntland Axmed Jaamac Ilko jiir ugu dambayntii madasha ka hadlay ayaa sheegay dhistaanka wadooyinku in ay qayb ka yihiin hormarka dowladu ku tilaabsanayso. Wadadan oo ah tii ugu horeysey ee noocani oo kale ah ee laga hirgaliyo Garoowe waxaa la filayaa in bilici ahaan ka sokow ay suuta galin doonto in ay balaadhaan suuqyada iyo dukaamada ganacsiga, waxaana hubaal ah in wadadan iyo kuwa kale ee la sheegey in la dhisi doono mustaqbalka ay qeyb laxaad leh ka qaadan doonaan camirnaanshaha magaalada garoowe ha yeeshee wadan haatan la dhisayo wax badan kama badly doonto mashquulka wadada wadnaha u ah Gaoowe oo cidhiidhi badn uu ka jiro . Sawiro
  13. A new era begins and foreign investments kick-start in Bosaso financial capital of Puntland
  14. Wafdi kasocad dowlada Turkirga oo soo garay magalada Bosaso (sawiro) Wafdi balaran oo kasocday dowalada turkiga aya soo garay gudaha magalada Bosaso ee xarunta goblaka bari waxana garoonka diyradaha ee magalada Boasaso kaga hortegay masuliyiin katirsan dowlada puntlanad . Wafdigaan oo ka koobana afar xubnood oo Turkish ah ayaa waxa imatinkooda puntaland ay salka ku haysaa mashaaric kala duwan oo lafilayo inay kahir geliyaan gudaha puntland waxana ay wafdigani kasocdan Hay,ad turkiga u qabilsan iskashiga xiriirka calamiga ah waxana ay horay usoo mareen magalada Moqdisho ee casimada somalia iyagoona howlo dhanka mashariicda ah kasoo hirgeliyay. Magcyada xubanaha wafdiga aya kala aha Abdulhad Kondagi(Somali Program Coordinater),Mustafa Hasim Polat(African Desk Tika),Celallettin Guncengi(Engineer) iyo Zaid Mukhtar Adle(Assistant Officer). Munasabad kooban oo lagu qabtay gudaha garoonka diyaradaha Banderqaasim International Airport ayaa waxa siwada jira saxafada kula hadlay masuliyinta wafidaga turkiga ah iyo madaxda dowalaad ee soo dhoweynta mujisay. Ugu horayn wasiirka cafimadka puntland Dr. cali c/laahi warsame oo kamid aha masuliyiinta wafdiga kusoo dhoweysay garoonka diyradaha aya gobta hadal kajediyay waxana uu uga mahad celiyay wafdiga imatinkooda puntland isagoona amanay dowalada turkiga iyo kalinata muuqata ee ay kaqadatay gacansiinta umada tabalaysan ee somaliyeed. Dhinaca kale Mustafa Hasim Polat oo kamid ahaa xubnaha wafdiga ayaa isna mujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin imatinkooda puntland isagoona sheegay inaysan ahayn marki ugu horaysay ee ay yimadan gudaha puntland balse ay marar hore ay yimadeen puntlnad xiligana ujeedka imatinkooda ayuu ku macneyay sidii ay ugu kuur geli lahayeen xalada nololeed ee dadka kunool bosaso gaar ahana barkacayasha iyo inay mashariic kahirgeliyan magalooyin dhowra oo kamida puntland. Wafdiaga aya intasi kadib waxa ay boqasho indho indhayna kutageen kamamka ay kujiran dadka barakacayasha ah ee kunool Bosaso iyo sidoo kale xarumaha muhimka ah ee Bosaso sida Dekeda Bosaso jamacadaha iyo maxjarka weyn ee Bosaso. Imatinaka wafdigaan ee gudaha puntland aya waxa aad usoo dhoweyay masuliyinta puntlanad waxana ladhowraya in mashariic kala heera ay kahirgelin donan puntland.
  15. Puntland is coming of age. It's over guys. It is just going to get more and more emotional, spirited, passioned, and nationalistic as the years go on. Deal with it Puntland is here to stay.
  16. If farole wishes to extend his term so be it for this monumental task that lies ahead of democratising the puntland region. There will be no war for the top post in puntland and this will be solved through calm heads as has always been the case. I urge SOL to refrain from trying to start a fire where there isn't one and grow up and learn from puntland's developmental pace and how that reflects on your own clan areas. You should be asking yourself why is puntland sending students on scholarships. Where is my students?. Or why is puntland constructing a well in a town, where is my people's well. Or why is puntland having a blood bank where is mine. This is what you should be talking about and not sensitive issues like the top post of puntland and the controversy surrounding farole's term.
  17. GAROOWE : Wasaaradda Waxbarashada PL oo 60 Ardey u direty waxbarasho sare dalka Ethiopia September 24, 2012 10:51 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Kulan lagu qabtey Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxaa lagu soo ban-dhigey 60 Ardey oo loo dirayo Deeq Waxbarasho sare dalka Ethiopia ee aan dariska nahay. Cabdi Faarax Saciid (Juxa) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa waxa uu sheegey in Ardeydan 40 ka mid ah dhigan doonaan Degree 20ka kalana ay dhigan doonaan Diploma, waxa uu kula kula dardaamey Ardeyda in ay ka faa’iideystaan wakhtiga qaali ah ee ay haystaan, waxa uu sheegey in ay yihiin Safiiro matala Puntland sidaasdarteedna loo bahaan yahay in ay ilaashaan sumcaddooda iyo tan Ummadda Puntland, ayna dhawraan sharciyada dalkaasi. Waxa uu sheegey in loo baahan in sidii Ardeydii hore oo kale ay uga faa’iideystaan fursada muhiimka ah ee ay haystaan. taas oo ay ugu wacan tahay Ardeyda oo loo fiirsho dhibcaha oo ay keenaan. Cabdilaahi Jaamac Ilkajiir Wasiirk Arimaha Gudaha Puntland ayaa ammaaney Wasaaradda Waxbarashada Puntland waxaana uu sheegey in uu hormuud ka yahay Wasiirka Wasaaradda, waxaana uu sheegey in ay dadaal badan u gashey sidii Ardey badan loogu heli lahaa Waxbarasho dibada ah. Safiirka Ethiopia u fadhiga Garoowe ayaa waxa uu sheegey in aad ugu faraxsan yahay in Ardey badan ay dalkiisa Waxbarasho u raadsadaan, waxa uu sheegey in uu shuruucda dalkaasi iyo sida ay ku gali lahaayeen dalka Ethiopia ay Safaaraddu u fududeyneyso. Waxa uu u sheegey Ardeyda in ay la mid yihiin oo la xaquuq yihiin Ardeyda Ethiopianka ah ee ay wax la baranayaan, waxaana uu sheegey in aysan ka walwalin Luuqada, isaga oo sheegey in uu Puntland joogey muddo 3 sano ah uusana ku hadlin Luuqadda Soomaliga islamarkaasna u dadka oo dhan la sheekeysto oo uusan wax dhibaato ah dareemin. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa 510 Ardey u dirtey Waxbarasho dibada ah, waxayna tani qeyb ka tahay hadafka Wasaaradda Waxbarashada oo ah in 600 in ay u diraan Waxbarasho dibada ah. Puntlandpost.com The Brainchild
  18. Wasaarada waxbarashada P/land oo saagootisay Arday deeq waxbarasho heshay September 24, 2012 - Written by Webmaster - Edited byeditor Munaasabada lagu sagootinayey arday dalka Ethiopia ka helay deeqada waxbarasho ayaa lagu qabtay xarunta wasaarada waxbaashada ee Magaalada Garoowe , Waxaa ka qayb galay munaasabadaasi sagootin Wasiirada Wasaaradaha waxbarashada iyo arimaha gudaha Puntland, qunsulka Ethiopia u fadhiya yo waalidiin iyo marti sharaf iyo ardaydii la sagootinayay. Wasiirka wasaarada waxbarashada Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa kawaramay waxa ay soo baran doonan ardaydan oo tiradoodu gaarayso lixdan arday, Waxaana uu sheegay Wasiir Juxaa in Ardaydani ay soo kala barandoonaan maadooyin kala duwan oo faaiido u leh, waxaana looga kala qeybin doonaa deegaanada Maamulka Federaalka ee Dalkaasi. Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Axmed Jaamac Ilkajiir oo isagana halkaasi ka hadlay ayaa ku la dardaarmay ardayda in ay ka faaidaysantaan waxbarashada islamarkaana waxaa uu ku amaanay wasaarada waxbarashada dadaalkeeda ku aadan deeqaha waxbarasho ee ay u raadiso ardayda reer Puntland. Qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland Ismalaash oo ardayda dalkiisa u aadaysa deeqada waxbarasho lahadlay waxa auu ku booriyey in ay ku daadaalan sidii ay uga faaiideysan lahaayeen deeqaha waxbarasho islamarkaana waxaa intaasi uu ku daray in dowladiisu siiwadi doonto deeqaha waxbarasho ee ay siiso Puntland oo uu sheegay in ay yihiin sxbo dhow. Mid ka mid ah hooyoyinka dhalay ardayda helay deeqaha waxbarasho ayaa madasha ka sheegtay in ay ku faraxsantahay deeqdan waxbarasho ee lacag la.aanta waxayna ku amaantay daadalka wasaarada waxbarashadu ugu jirto in ay hesho deeqo waxbarasho. Inkasta oo wasaarada waxbarashada Puntland sheegtay sadexdii sano ee la soo dhaafay ay deeqo waxbarasho u direen arday tiradoodu kor u dhaafyaso afar boqol oo arday sanadkan waa dufcadii ugu horaysay ee deeq waxbarasho u baxaysa iyadoona dowlada sudaan ay joojisay 50arday oo deeq waxbarasho ka helay ka dib markii ay wasaarada waxbarashada Somalia ku wargalisay in aysan aqabalin shahaadado uusan saxiixin wasirka waxbarashada Somalia Sawiro
  19. Jacaylbaro;873401 wrote: Inaalillaaah ,,, Oo meesha dhan ee aad New York ka dhigaysay blood bank may lahaynba ?? ,,, Maseertay