Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. oh somalia you never stop you protests. Its well known after amisom puntland has the strongest military in the nation. Its no rag-tag militia or you wouldnt see these institutions like bases, command center, decks, training, arms, etc. I think its time to give somalia the puntland look of whatever
  2. I think a strong army in puntland is totally necessary. As farole said muhimada kowad ee dawlad kasta waa inu ciidan jira and that is the policy deal with it as bigger things happen. I believe our next goal as reer puntland is to encourage a policy to upgrade existing military hardware with modern hardware. This is the next goal
  3. Thats how you do it Boys. Puntland effective armed forces graduate. Proper institutions. Lets me re-count. 1. Police institution at Carmo. 2. Marine and Airforce Satellite Command Center with jet-fighter and helicopter decks, Tower, Base. Armed Forces Headquarter at 54. This is what you call a real state
  4. VIDEO AUDIO http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_tababar_soo_xirey_Sawiro.shtml
  5. Madaxweynaha Puntland oo tababar soo xirey (Sawiro) 22 Oct 22, 2012 - 8:49:44 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 22 October,2012 tababar u soo xirey cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland xerada 54-aad ee magaalada Garowe. Madaxweyne kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,Taliyaha ciidamada Daraawiishta Gareeye Gaas Siciid Maxamed Xirsi ''Siciid Dheere'',wasiirka Arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,taliyaha Booliska Puntland Gen.Maxamed Siciid Jaqanaf ,qunsulka Ethiopia u fadhiya Puntland Mr.Asmalash Walde-Meerat ,saraakiisha kala duwan ee ciidamada Puntland ,macalimiinta bixineysey tababarka iyo dadweyne ayaa ka soo qaybgalay xaflada loogu soo xirayey ciidamada dhamaystey afarta bilood. Bilowgii ayaa duleedka shishe ee xerada waxa madaxweynaha lagu tusey xirfadaha la baray ciidanka oo isugu jirey qaabka unugtu u hawlgalayso ,biraha jir-dhiska oo siyaabo kala duwan uga talaabsadeen iyo dab ridka heerar kala gedisan ay ahaayeen. Intaasi ka dib ayaa gudaha xerada waxa gaado ka ciyaar ku marey cutubyadii tababarkan dhamaystey oo aan si rasmi ah loo shaacin tiradooda,waxana tababarey saraakiil dalka Ethiopia ka timid. Madaxweynaha ayaa hadalo isugu jirey dhiirigelin iyo dardaaran u jeediyey ciidanka tababarkan ka baxay oo uu sheegey inay sugeyso hawl adag oo ah difaaca dalkooda. Qabyaalada ayuu kula dardaarmey inay iska ilaaliyaan madaxweynuhu,waxana uu ugu yeerey inay dhamaan ku daba saftaan magaca iyo calanka Puntland si kalmadoodu u midowdu. Shahaadooyin iyo abaalmarino ayaa madaxweynuhu goobta ku gudoonsiiyey qaar kamida ciidanka oo kaalamaha hore ka galay tababarkan,waxana ka mid ahayd gabar dadkii ugu sareeyey. Waa dufcadii labaad oo sanadkan ka baxda tababarka xeradan ,waxana mar marba ka danbeysa soo xogsanaysa rajada iyo niyada dadweynaha ee ku aadan jiritaanka iyo dhismaha ciidan tayaysan oo hanan kara difaaca iyo adkeynta midnimada Puntland.
  6. Arday ka qalin jabisay Machadka Khadiija bintu khuwaylid ee Garoowe [Maqal+Sawiro] Machadka Khadiija bintu khuwaylad oo ku yaala magalada Garowe ayaa waxaa ka qalin jabiyay arday garaysay 45-arday oo iskugu jira wiil iyo Gabdho, munaasibad shihaada qalin jabiska lagu siinayay ardaydaasi ayaa ka dhacay xarunta Jaamacada PSU ee Garoowe. Munaasibada qalin jabinta waxaa kasoo qayb galay wasiiru dowlaha mamulka wanaagsan,sarakiil ka socda dugsiyada Garoowe, mamulka Mahcadka Khadiijo iyo masuuliyiin kala waxaa goobta laga soo jeediyay khudbado u badnaa guubaabo iyo dhiiri galin ku wajahan ardayda shihaada qaadanaysa. Mamulaha machadka Khadiija Mukhtaar Axmad Faarax ayaa soo jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysay macadka xiligii la aas aasay iyo tirada ardayda ka qalin jabisay ,wuxuna sheegay ardayda ka baxday tiro ahaan inay gaarayaan 109-arday iyo kuwo maanta qalin jabinayo oo 45- ah "Run ahaantii mahcadkaan waxaa la aas aasay sanadkii 2005- ka dib waxgaradka iyo mutacaliinta Garoowe ay ku tashadeen in la sameeyo xarun lagu tababaro dhalinyarada oo diinta xafiada kuwo maanta qalin jabinayay waxay iskugu jiraan 21-gabdho ah iyo 24-wiilal ah waana arin lagu farxo"ayuu yiri Shiikh Mukhtaar. Dhamaan masuuliyiintii munaasibada ka hadashay ayaa aad usoo dhoweeyay waaga cusub ee u bilowday ardayda ka qalin jabisay ,waxayna ku booriyeen inay dhexdau xirtaan sidii kor loogu qaadi lahaa barashada culuumta sharciga iyo faham siinta shacabka soomaaliyeed siii loo baran lahaa diinteena suuban. Ugu danbayntii mamulka macadka Khadiija ayaa gudoonsiiyay ardayda shihaadadii ay mutayseen ,taasoo cadayn u ah inay waxbarasho ku saabsan culuumta shariga ay soo barteen. Dhegayso http://dunidaonline.com/index.php?id=7851
  7. Gaalkacyo : 150 Arday oo Ka qalin Jabisay Machadka Mudug Vocational Training Centre (Sawirro). Gaalkacyo (APL): Xarunta tababaradda iyo xirfadaha ee MUDUG VOCATIONAL TRAINING CENTER, ayaa maanta waxaa ay shashaado gudoonsiisay 150arday oo macadkaas ka qalin jabisay. Xaflad Si heer saraa Loo Agaasimay oo Shahaadooyin Lugu Gudoonsiinayay 150 Araday oo Kaqalin Jabisay Maxadka Barashada Xirfadaha ee MUDUG VOCATIONAL TRAINING CENTER. Munaasabada Shahaado Gudoonsiinta ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin kala gadisan kuwaas oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Agaasimaha Guud ee Isbitaalka weyne ee Gobolka Mudug, Gudoomiyaha sportiga Gobolka Mudug, Agasimaga Xarunta GEPDC iyo Maamle xigeenka Iskuulka Sare ee Cumar Samatar iyo Marti Sharaf Kale Ugu Horayn ayaa Waxaa Munaa Sabada Hadalkajeediyay Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed yuusuf Jaamac ''Waxaan aad ugu Faraxsanahay inaan Ka qayb galo Munaasabadaan Shahaadooyinka Lugu Gudoon siinayo 150 Arday oo Bartay Xirfado ay Kushaqaystaan Waxaana Kula Dardaarmayaa Ardayda Qalin Jabisay inay Aqoontooda Kushaqaystaan Dadkana Uga Faa'iideeyaan Wax ay Barteen'' Shahaadooyinka Ardayda Qalin Jabisay Lagudoonsiiyay ayaa Waxaa Weheliayay Shahaadooyin Sharfyo Lagudoonsiiyay Maamulka Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug Xarunta GEPDC iyo Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Gaalkacyo. Ardaydaan Qalijabisay ayaa Waxay Barteen Xirfado Kal Duwan Sida Cunbuyuutarka,Maamulka Xafiisyada Dawaarka(Makiinada Dharka) iyo Dabka baabuurta . Maamulaha Machadka MUDUG MUDUG VOCATIONAL TRAINING CENTER.ayaa Kasheekeeyay Marxaladihii Kala Duwanaa ee uu Soo Maray Mchadka iyo Sida ay Diyaarka ugu Yihiin in Xirfad Shaqo Labaro Dhalinyarada Soomaaliyeed Si looga Badbaadiyo Falalka Xun Xun. Xafladii shahaado Gudoonsiinta ayaa Waxay Kusoo Gabo Gaboowday Jawi Heersare ah iyadoona Ardaydii Qalin Jabisay Wajiyadooda Laga Dheehan Karay Farxad iyo Rayn Rayn.
  8. Talaalka Xoolaha Puntland 22 Oct 22, 2012 - 3:28:43 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 22 October,2012 ka qaybgalay munaasabad lagu daahfurayey talaalka Xoolaha Puntland. Xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland ee Garowe ayaa lagu qabtey waxana ka soo qaybgalay wasiirka ,ku xigeenadiisa ,wasiiro kale oo ka socdey Xukuumadda ,dhakhaatiirta baxaysa ,saxaafada iyo marti kale. Hayada Cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO ayaa mashruucan dhaqaalihiisa bixineysa oo ay fulineyso wasaaradu ,waxana gobollada iyo deegaanada Puntland u baxaya kooxo dhakhaatiir ah si ay u soo talaalaan xoolaha. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sheegey in 60 dhakhaatiir ay u bixi doonaan dhamaan deegaanda si looga talaalo xoolaha cudurka Sanbabka loo yaqaan. Waxa uu raaciyey wasiirku in ku dhowaad Hal malyan yihiin xoolaha loogu talo galay barnaamijkan in la daweeyo ,isagoona 20 maalmood ku mudeeyey. Madaxweyne Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole oo soo xirey xafladan ayaa muujiyey farxadiisa ka soo qaybgalka barnaamijkan oo uu sheegey inuu yahay muhiim maadaama xoolaha ay Somalida dhaqalaha iyo noloshooduba ku xirantahay. Dhakhaatiirta baxaysa ayaa madaxweynuhu ku booriyey inay tagaan deegaanada ka baxsan wadooyinka islamarkaasina qalabka isgaarsiinta loogu diro fariimaha talaalka si xoolaha ay u keensadaan. Madaxweynuhu waxa uu sheegey in dhakhaatiirta soo baratay caafimaadka xoolaha ay dowladiisu mudnaan gaar ah siisey ,sidoo kalena ay la mid yihiin Dhakhaatiirta dadka ,Injineeradu iyo akaadamiyaha booliska oo dhamaan marka ay ka soo qalin jebiyaan si toos ah dowladu u shaqaaleyso. Hayada FAO oo barnaamijkan wada ayuu u mahadceliyey Dr.Farole raaciyeyna in lala xisaabtami doono hayada caalamiga ah ee Puntland oo uu qalinka ku duugey inay kala tashiilaan dhaqaalaha caalamku ugu deeqo Somalia. DF Somalia iyo Puntland ayuu cadeeyey madaxweynuhu inay ka baxeen KMG-nimadii islamarkaasina toos ula xiriiri doonaan deeq bixiyaasha caalamka mashaariicda horumarineed iyo kuwa gargaarka ah. Ugu danbeyntii ayaa Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud waxa uu bilaabey talaalka oo ridii ugu horeysey loo keeney ,waxana la filayaa in maalinka beri ah dhamaan kooxahan dhakhaatiirta ahi u kala baxaan deegaanada Puntland.
  9. Compound Casri ah oo Laga furey Magaalada Gaalkacyo(Sawiro). 20/10/2012 | Filed under: Somali News | Posted by: Saacid Yare Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa lagu soo kordhiyay Compound Casriya ah , kaasoo loogu tala-galay innay ku nastaan Martida, Madaxda iyo Dadweynaha kale ee ku nool Magaaladda. Xaflad Balaaaran oo xariga loogaga jarayo Campoun-kan ayaa waxaa habeenimadii xalay lagu qabtay gudaha Magaalada Gaalkacyo. Compound–kan oo lagu magacaabo Sugulle ayaa waxaa xalay Xariga ka jaray Duqa Degmadda Gaalkacyo Korneyl Siciid Cabdi Faarax, waxaana ka soo qeyb-galay,Gudoomiyaha Gobalka Mudug Maxamed Yusuf Jaamac ”Tigeey”,Aqoonyahano,Odayaal,Haween,Dhalinyaro iyo Ganacsato. Gudoomiyaha Gobalka Mudug ”Tigeey” ayaa mar uu halkaasi ka jeediyay hadal waxa uu sheegay in Magaaladda Gaalkacyo ay u baahneyd ”Compound Sugulle” isagoo xusay innay tahay meel aad u qaboow oo intii ay joogeen indhuhu ku doogsadeen. ”Waxaan u aragnaa Sugulle Compound meel lagu nasto loona dalxiis tago oo ku soo siyaaday Magaaladda Gaalkacyo,waxaana ay iila muuqataan meel aan u soo kala hormari doono!!”ayaa ka mid ahaa hadalada gudoomiyaha Gobolka Mudug. Sugulle Compound ayaa ku yaalla duleedka Magaaladda waxaana uu ka koobanyahay Hotel, Cafateria, Restaurant, Super Market, Parkin aad u weyn iyo goobo lagu nasto oo aad u quruxbadan. Goobtan ayaa waxaa aas aasay ganacsade ka soo jeeda gobolka mudug waxaanay qeyb ka noqoneysaa Horumarka gobolka dhinaca ganacsiga. –Barta ay dhacdo Xeradda Sugulle -Sugulle Compound is in Galkayo,Puntland,Somalia,with Global Coordinates N6’47”56x E 47’25”15. -Sugulle Compound wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 6200 M2,wuxuuna leeyahay Hawo Saafiya iyo mid furan oo Nafta uroon. -It is located in a prime area in the Northern suburban part of the city,along Galkayo-Garowe Highway just opposite Dhagacade Hospital. -21 Qo oo Deganaansho oo mid kasta leeyahay Washroom,Bathroom iyo Hawo Nadiif ah. -Waxaad ka helaysaa Maqaaxi cuno iyo biibito ku qancindoona. -Waxaad ka helaysaa Suuq-yare baahidaada kuu fududeeya. -Waxaad ka helaysaa Qudaar noocyo kala duwan leh. -Biyo la nadiifiyay oo ceel ku yaalla laga soo saarayo. -Biyo-gelin si dhamaystiran loo geliyay dhamaan xeradda. -Korontadda ku xiran waa 24-Saac 7-Maalmood ee Asbuuca.
  10. Apohis they say addis ababa is the safest country in the africa which is good. But it lacks any beaches which what I need. Plus the hotels arent anything like kenyas with its resorts and stuff. Do you think more fun is to be had at addis or nairobi? I wont be on a car but on foot, taxi, and buses. If I do go to Kenya I intend to do the following; 1. Safari for 3 days 2. Mount kilamanjaro 3. Down-town shopping in nairobi 4. Visiting Restaurants of all kind 5. Nightclubs occasionally 6. Mombasa beach If in Addis 1. Historical sites around ethiopia like all the churches, castles, and history 2. Omo river 3. Downtown shopping in addis 4. Nightclubs I have a feeling nairobi will be more fun because it is more modern and has alot of tourists for a good reason. But I am worried about safety issues cause I will be on foot mostly where-as the safety issue in addis is non-existence but then im worried I'll get bored because it is very conservative over there from what I read.
  11. Its obvious noone has been to nairobi
  12. Sharmarke have you been? I heard somalis are detained regurly and bribed. It wont be much of a holiday if all i will be doing is paying bribes which should be dedicated for shopping. All i plan to do is alot of shopping in nairobi, safaris, visiting mt kilamanjaro and just getting a feel of the life in the down-town. In Mombasa my plan is to relax on the beach under palm trees. Visit some of the old historical areas, restaurants, etc. I am going there for relaxation and doing the touristy thing.
  13. Hey all, Has anyone been to Nairobi lately and what is the situation like there. Is it ok for somali travellors from abroad to visit nairobi and mombasa for the summer holiday? or is it dangerous and are somalis being targetted. I know that kenya has alot of corruption and bribery and that somalis face alot of it but they are usually somali refugees how do the somalis from europe-america fair over there. No sheeko sheeko guys because im planning on taking a vacation to Africa this summer for the holidays to take a relaxing break. I want both a modern city with alot of buuq for 2 weeks like nairobi and 2 weeks relaxation on an island like mombasa. Any advice would be appreciated from people who have been there lately and can explain th situation and what the life is like, is things cheap, how not to get robbed by doubled up market prices, taxi fares, etc.
  14. This is well needed development, and I hope Waciye dam system can prove to be a blueprint for the rest of puntland on water managementlike qardho prison is a blueprint for prison infrastructure. I am very happy and welcome this well needed water initiative where droughts will be a thing of the past for Puntland. I also strongly urge looking into cloud seeding to generate rain where rain has fallen in drought striken areas. This is a start and a glorious journey Puntland is undertaking on modernising somali water management systems from barkads to dams.
  15. Finally progress in the water sector for remote towns of Puntland. I am loving the off the road initiatives, its long over-due
  16. Waaciye oo laga hirgelinayo War Biyo qabatin ah 10 Oct 10, 2012 - 8:04:42 AM GAROWE ONLINE Degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa laga hirgelinayaa markii ugu horeysey War Biyo qabatin ah iyadoona ay dhinac socdaan dadaalada Deegaanka looga ilaalinayo xaalufka. Duqa Degmada Waaciye Dr.Cabdisalan Bashiir Cabdisalan oo la hadlay maanta 10 October,2012 Idaacadda Radio Garowe ayaa sheegey in dhismaha Wartan ka danbeysey baahi biyo oo guud ahaan gobolku qabo. ''Waa War lagu keydinayo Biyaha xiliyada abaaruhu jiraan maadaama aynu ogsoonahay in gobolka Karkaar biyo la'aan ka jirto'' ayuu yiri gudoomiyu. Wartan ayaa dhismaha iyo dhaqaalaha waxa qaabilsan hayada UNICEF ,waxana la sheegey in Biyaha ay hayn karto muddo badan loogana gudbi karo xiliyada Jiilaalka oo roobabku jirin. Duqa degmada Waaciye ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arimaha xaalufka deegaanka taasi oo uu sheegay in ay guul ka gaareen,waxana uu xusay in wakhtigan cid xaalufin ku haysa deegaanka Waaciya aysan jirin. Halkan ka dhageyso Wareysiga C/Qani Cabdi la yeeshey Duqa Waaciye http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Waaciye_oo_laga_hirgeliyey_War_Biyo_qabatin_ah.shtml
  17. Apophis do you think this may cause problems having 3 presidents in one xafaad or do you think the cooler heads in baraxlay will save the day
  18. Anyone in SOL ready to comment on the state of affairs in Baraxlay.,Who's running the show in Galmudug.
  19. Sedex Madaxweyne oo Galmudug Leedahay oo Xalay Koofurta Gaalkacyo ku wada Hoyday October 10, 2012 08:15 2 Comments Koofurta Magaalada Galkacyo oo ah Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wada sugan 3 Masuul oo midba dhankiisa sheeganaya in uu yahay Madaxweynaha Xaqa ah ee Maamulka Goboleedka Soomaaliyeed Galmudug. Maxamed Axmed Caalin, oo ah Madaxweynihii Hore ee Maamulka Galmudug ayaa shalay gaaray Koofurta Magaalada Galkacyo Waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay qaar ka tirsan Maamulkiisa iyo Taageerayaashiisa. Sidoo kale Mudane Caalin ayaa sheegay in uu weli yahay Madaxweynaha Rasmiga ah ee Maamulka Galmudug, inta dadka ku abtirsado Galmudug ay soo dhisanayaan Maamul loo Wada dhanyahay. Maxamed Axmed Caalin, ayaa sidoo kale ka digay in Maamulka Galmudug ay isku Koobaan Hal Been, waa sida uu Hadalka u dhigay. Sidoo kale Koofurta Galkacyo oo ah Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa Todobaadkii hore waxaa gaaray Wafdi uu Hogaaminayay Maxaned Cabdi Tima kala Jeex oo isna dhankiisa sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ee Maamulka Galmudug. Taageerayaal Fara Badan ayaana Todobaadkii Hore waxa ay ku soo dhoweeyeen Koofurta Magaalada Galkacyo. Si kastaba ha ahaate Cabdi Xasan Cawaale (Qeybtiid) oo isna dhankiisa aaminsan in uu yahay Madaxweynaha Rasmiga ee Maamulka Galmudug , ayaa shalay waxa uu ka digay in Maamulkiisa uu Gacan bir ah ku qaban doono Cid kasta oo isku dayda in ay qal qal galisa Amaanka Deegaanada Hoos yimaado Maamul Goboleedka Galmudug. Mudane Cabdi Qeybdiid ayaa Xil wasiirnimo waxa uu ka soo qabtay Xukuumadii Cumar Cabdirashiid, sidoo kale waxa uu mar soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed. Mr. Qeybdiid ayaa waxa uu ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyadii laga Awood Roonaaday ee mar ka Talin jiray Magaalada Muqdisho. Koofurta Galkacyo Haatan waxaa ka jira Jahwareer siyaasadeed, iyadoo laga Cabsi qabo in ay isku dhacaan Taagerayaasha 3 Madaxweyne ee ku wada sugan Koofurta Magaalada Galkacyo. Cabdiqani Cali Dalmar Horseed Media
  20. Qardho Garowe Galkayo Strong Security Institutions Police Institution Marine Insitutition Army Institution National Crime Institute