Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Wasaarada Waxbarashada oo 30-gabdhood waxbarasho jaamacadeed ugu deeqa Wasaarada waxbarashada Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta warbaahinta usoo bandhigay waxbarasho jaamacadeed oo loogu deeqay 30 hablood oo laga soo xulay Gobalada Puntland. Munaasibad deeqdaasi lagu soo bandhigayay ayaa ka dhacday hoolka shirarka Wasaarada waxbarashada Puntland Waxaana kasoo qayb gallay Wasiirka waxbarashada Puntland Mr.Juxa, ku simaha agaasimaha guud ee wasarada Maxamad Cali Faarax, wasiir ku xigeenka haweenka, Madaxda UNPD Garoowe iyo waalidiin, waxaana goobta laga soo jeediyay khudbado ka hadlaya waxbarashada haweenka iyo muhiimada ay qoyska u lee dahay. Bilowkii Kullanka waxaa hadlay ku simaha agaasimaha Guud ee wasarada waxbarashada mudane Maxamad Cali Faarax Farmayeeri, wuxuna sheegay ilay lagama maarmaan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada haweenka iyo tayaynta aqoontooda "run ahaantii wasaarada waxbarashada waxay u istaagtay sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada gabdhaha ,gabdhahaani 30-ka gaaraya waxaa laga soo kala xullay 7-da gobal ee puntland iyadoona loo eegayo hadbka sida ay u awoodin hanaanka waxbarasho" Wasiirka wasaarada waxbarashada Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inaysan hada bilow ahayn sidii waxbarashada haweenka kor loogu qaadi lahaa basle tani waxay ka qayb tahay buu yiri sidii waxbarashada haweenka kor loogu qaadi lahaa. Sidoo kale Juxa waxa uu uga mahad caliyay madaxda UNPD oo dhaqaalaha waxbarashada haweenkaani gaaraya 30ka ku deeqday "waxbarashadaani waxaa si gaar ah loogu eegayaa gabdhaha saboolka ah oo aan awoodin dhaqaalaha Jaamacadaha,waxan rajaynayaa in barnaamijkaani laga faa'iidaysto oo aan laga dhigin mid khasaartay waxan idin ku dhiiri galinayaa inay wax tar muuqda ka gaartaan waxbarashada jamacadeed ee la idin ku deeqay" Juxa ayaa yiri. "Run ahaantii waa barnaamijkii ugu horeeyay oo ay UNDP wasaarada waxbarashada kala shaqaysay barnaamijyo kala way naga qayb qaateen basle waxbarashada haweenka waa kii ugu horeeyay waxan rajaynayaa inuu dhabada usoo xaaro wada shaqaynta labada xarumood ka dhaxeeya" Gabadhaha waxbarashada jaamacadeed loogu deeqay ayaa waxaa lagu soo xullay qaab ku aadan dhanka awooda dhaqaalaha iyo sida ay ugu baahan yihiin.waxaana laga soo xullay Todobo gobal oo kalla ah. G-Bari 5-gabadhood G-Karkaar 4-Gabadhood G-Nugaal 4-Gabdhood G-Mudug 5-Gabdhood G-Cayn 4-Gabdhood G-Sool 4-Gabadhood G-Sanaag 4-Gabadhood Madaxa UNDP Garoowe oo kalmad dardaar ah goobta kasoo jeediyay ayaa sheegay inuu ku farax san yahay kor usoo qaadista waxbarashada haweenka,wuxuna sheegay kor u qaadista waxbarashada haweenka inay qayb ka tahay horumarka iyo geedi socodka aqooneed ee soomaaliya. "UNPD khimrad ahaan waxay caalamka oo dhan ku ogaatay hadii la rabo in la hormarsho mushtamaca in marka hore haweenka wax la baraa waayo qayb ayay ka yihiin nolashada aduunka" madaxa UNDP Garoowe. Docdo kale waxaa goobta ka hadlay Faadumo Shugri oo madax ka ah xarunta horumarinta waxbarashada haweenka ee wasarada,waxayna tilmaamtay maanta inay guul u tahay inay aragto haween waxbarasho jaamacadeed hellay oo hadana ku dhiiran sidii ay dadkooda ayaaha danbe wax u baraan. Xamdi Cabdi Jaamac waxay ka mid tahay Araydii helley waxbarashada jaamacadeed hadal ay goobta kasoo jeedisay ayay ku sheegtay inay guul ka gaari doonto waxbarashada loogu deeqay,waxaa hadalkeedii dhamaan aad ugu farxay masuuliyiintii kaso qayb gallay una sacabo tumay sida dhiiran oo ay codkeeda ku muujiyay inay mar kasta haweenku dhanka waxbarashada ay kaga wanaagsan yihiin hadii ay noqon lahayd dib usoo eegista qoyska . Sahra Axmad Xirsi (Kooshin) oo ah la-taliyaha wasaarada waxbarashada ee dhanka haweenka ayaa goobta kasoo jeedisayay magacyadda gabadha waxbarashada loogu deeqay, waxayna tilmaamtay inaysan marnaba ka hari doonin sidii kor loogu soo qaadi lahaa aqoonta gabdhaha reer Puntland. Qaynta horumarinta waxbarashada haweenka ee wasaarada waxbarashada ayaa dhexda u xirtay sidii kor loogu qaadi lahaa hanaanka waxbarasho iyo karti aqooneedka dumarka, waxayna marar badan soo bandhigeen daraasaad ay ku sameeyen heerarka goobaha waxbarasho ay ku yihiin haweenka iyo in wax laga badalo. Hay'adda UNDP ayaa dhaqaalaha ku baxaya Ardaydaani waxbarashada hellay ku deeqday, waxaana la rumaysan yahay UNPD inay saxiib dhow la tahay wasaarada waxbarashada sidii la iskaga kaashan lahaa soo kobcinta aqoonta da'yarta. Wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Farax Siciid (Juxa) Madaxa Hay'adda UNPD oo ka hadlay madasha xaflada ku simaha agaasimaha guud ee wasarada Maxamad Cali Faarax (Farmayeeri) Sahra Axmad Kooshin oo soo bandhigtay Gabdaha waxbarashada helay & halka ay kasoo kala jeedan Mid ka mid ah Gabdhihii Deeqda waxbarasho hellay Dunidaonline-Garoowe Cali Ducaale Fantastic
  2. Midowga yurub oo Puntland ugu Deeqay lacag dhan 50 milyen oo Yuro+Sawiro November 4, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Safirka Midowga Yurub ee Somaliya Michele Cervone iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe xarunta Puntland waxaana ka dib soo dhaweyn ay kulamo laqaatay madaxda dowlada Puntland. Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran ayaa qaatay mudo saacado ah waxaana markii uu soo dhamaaday saxaafada si wada jir ah ula hadlay madaxweynaha Puntland iyo safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Safiirka oo ku horeeyay hadalka ayaa sheegay in midowga Yurub Soomaaliya uu ugu deeqay 158milyan oo Yuro islaamrkaana Puntland ay ka heshay lacagtaasi 50 Milyen oo yuro taasi oo Puntland loogaga taageerayo Dhinacyada Deegaanka, iyo Howrumarinta Waxbarashada. Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in Puntland lacagtaasi ay u adeegsandoonto dhinacyada deegaanka Waxbarashada iyo Amaanka. Waxaa uu sidoo kale madaxweynuhu ku tilmaamay taageeradan lacageed ay Puntland ka heshay midowga yurub ay noqoneyso tii ugu balaarneyd islamarkaana laga faaiideysan doono. Lacagtan Puntland loogu deeqay ayaa qeyb ka ah 158da melyan ee uu midowga yurub ugu deeqay Soomaaliya waana mid loogaga faaiideysanayo ka shaqeynta, Arimaha deegaanka, waxbarashada iyo weliba Amaanka. Sawiro
  3. Saving Lives Saving Animals Horumar Me defending the state against the hordes of enemies who want to see the greatness diminish
  4. Its not bad if u ask me. As usual there is a long way to go. After 14 years we shouldnt really be building ministries but progress is progress
  5. Horseed has really blurred the line between journalism and pan-politico tribalism. I am calling for horseedmedia to keep it professional and stop this anti puntland nonsense cuz some of your journalists were arrested.
  6. Proud of the state's achievement in such short period. The Dr is always Proud to call Puntland Home
  7. Madaxwaynae Faroole oo booqday xarumo cusub oo ay dhisaysanayso Dawlada Puntland [sawiro] ‏ Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamad Maxamuud (Faroole) oo ay weheliyaan Wasiirada Deegaanka Caafimaadk, Howlaha guud iyo Sarakiil ka socota Madaxtooyada ayaa booqasho ku tegay Dhismayaal cusub ee dowlada Puntland ka hirgalinayso duleedka waqooyi ee magalada Garoowe. Madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad ayaa ku horumaray xarunta cusub ee ay yeelatay wasaaradda Deegaanka, isagoona si toos ah u dhagax dhigay xaruntaasi, sidoo kale waxaa Madaxwaynuhu sii marayay xarunta Idaacada iyo TV-ga dowlada Puntland oo hada howsheedu heer gabo gabo ah marayso, waxaana uu ku tilmaamay in dhismahani cusub uu noqon doono mid casri ah loo bogi doono markuu dhamaado. Xarunta wasaarada Caafimaadka, Dhismaha Madaxtooyadda cusub, Xabsiga loo dhisayo Burcad badeedka ayaa madaxwaynaha iyo masuuliyiintii la socday ay maanta soo mareen,waxayna dhamaantood aad ulla dhacsanaayeen dhismaha quruxda badan ee loo dhisay xarunta madaxtooyadda Puntland oo ka kooban qaybo kala duwan. Waxaana intii aanu dhex maraynay xarunta madaxtooyadda cusub ee Puntland ishaydu qabatay dhismayaal aad u qurux badan iyo goobo loogu talo gallay in lagu qabto munaasibada habeenkii sida xusaska iyo barnaamijyada caalamiga ah. Dr. Faroole ayaa ku amaanay masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha cusub ee xamsiga loogu talo gallay in lagu hayo burcad badeedka soomaalida ,wuxuna kula dardaarmay inay dhamaystiraan oo ay boobsiiyaan si dib dalka loogu soo celiya dhalinyarada burcad badeedka ahi. Hadaba Akhristayaal hoos ka daawo xarumaha cusub ee dowlada iyo booqashadii uu madaxwayne Faroole ku tagay Cali Cabdicasiis Ducaale (Fantastic) Dunidaonline.com Garoowe-Puntland
  8. Garowe: Dr.Farole oo dhagax dhigey xarun cusub 31 Oct 31, 2012 - 6:48:46 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 31 October,2012 waxa uu dhagax dhigey xarunta cusub ee wasaarada Deegaanka ,Dalxiidka iyo Duur-joogta Puntland. Duleedka Waqooyi ee caasimada Puntland ayay ku taal xaruntan ,waxana dhinac joogey wasiirka deegaanka iyo dalxiiska Puntland Cabdiqani Yusuf Cadde iyo ku xigeenka Burhaan Cilmi Xirsi. Wasiir Cabdiqani Yuusuf oo bilowgii ka hadlay xarunta la dhaxdhigey ayaa faahfaahiyey intay ka koobantahay oo sheegey in 12 qol ka koobantahay ,xafiisyada wasiirada iyo Hoolka shirarka. Hayada World Vission ayuu sheegey inay dhaqaalaha gacan ka geysaneyso dhismaha xaruntan oo uu raaciyey inay gobollada Puntland ka fureen xarumo dhirta lagu xanaaneeyo. Xili Roobaadka ayuu wasiirka deegaanku tilmaamay inay u qorshaysantahay inay hawl ka qabteen biyaha iyo sidii loo xiri lahaa si looga faa'ideysto. Madaxweynaha Puntland ayaa markii dhagaxii ugu horeeyey dhigey ka dib dhismaha hadalo kooban saxaafada uga soo jeediyey oo ku amaanay waxqabadka wasaarada deegaanka. Dhirta la jarayo oo xaalufin deegaanka ku ah ayaa madaxweynuhu soo hadal qaadey kuna amrey wasaarada inay talaabo ka qaado islamarkaasina badalkii dhuxusha la shito in la keeno. Dhinaca Ugaarta ayaa Dr.Farole waxa uu cadeeyey in ugaarsigeedu yahay mid aan la ogoleyn oo deegaano ka tirsan Puntland joogaan dad loo xilsaarey inay ilaaliyaan deegaanka iyo cida ugaarta dabaneysa. Wasaarada Caafimaadka Puntland oo aaga ku taalay ayaa Dr.Cabdiraxman Farole booqdey halkaasi oo soo indha-indheeyey sida shaqadu uga socoto iyo weliba hool cusub oo wasaarada loo dhisey dhowaan. kadib intaasi ayaa madaxweynaha Puntland waxa uu kormeer ku marey xarumo dowladeed oo dhismaheedu socdo sida Idaacada Puntland ,Madaxtoyada iyo Xabsiga Garowe oo intaba shaqadu ka socotey. Garowe iyo guud ahaan gobollada kale ee Puntland ayaa waxa sanadihii ugu danbeysey ku soo badanayey xarumaha ay dowladu leedahay kadib markii horey ugu shaqeyn jireen badi guryo si gaar ah loo leeyahay ,waxana ay ka mid tahay waxyaabaha sida weyn loogu amaanay xukuumadda haatan talada haysa. AUDIO http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Garowe_Dr_Farole_oo_dhagax_dhigey_xarunta_cusub.shtml
  9. This is what the constitution says; Article 9. The Capital City of the Nation The status of the capital city of Somalia shall be determined in the constitutional review process, and the two houses of the Somali Federal Parliament shall enact a special law with regards to this issue.
  10. http://www.channel4.com/news/somali-justice-forgiveness-money-or-execution
  11. Cayda hala daayo waa dawlada puntland iyo xarunta cusub hada la dhisayo waad ogsoon tihin waa degaanka dawlada ama puntland government square wuxuna noqonaya meel cajib ah. Parliamentka somaliand bosaso municialpity kama wayna waa qol yar..how can u compare puntland parliament to that. Sxb we have two parliament just there wax waalan
  12. Puntland Parliament Is watching also the new cabinet to be announce in the MOG Farole In AWE to see the line-up of the cabinet in the MOG
  13. Puntland priority should be first locally, this policy of hamar first and puntland second has been left behind with abdullahi yusuf and cade muse era. A new era has begun in Puntland were our efforts will be regional based which farole clearly showed somalis that he wasn't running for anything in mogadishu which I and many people was expecting him too because his term is ending 2013 while getting a new 4 year term in mogadishu seemed logical. Anyways I am firm believer that puntland should come first. Because puntland folks are in migration pattern now rather then going south to hamar everyone is going up north. How many puntland people do you know that are building a house in mogadishu compared to how many puntlanders are building a home in puntland. I think farole made a wise decision to shift puntland politics officially by declaring his intention not to run for mogadishu becuz lets be real the people of puntland have shifted from mogadishu to puntland now. As for farole there is not much he can do for mogadishu as they even refuse they're own kin in power. They will need to fix they're internal issues first before anyone else can help.
  14. Xaji you go tell that guy in mogadishu not me. Puntland is welcoming of every national govt that is in the interest of the nation. You dont see us mucaraad when we dont get a seat. Hell the boys in mog are even mucarad when they do get the seat. You need to put your efforts into bringing mogadishu to line not puntland. We are not the obstacle bro we have welcomed the new govt with open arms even though we dont have anything in it thats patriotism.
  15. Why are people so against a strong puntland you do realize by doing that you are encouraging puntlanders to invest more and more in our security sector. As long as we believe there is a tangible threat to the people of puntland this won't stop and it will only continue to get stronger and stronger
  16. Xaji because we are building our federal state, We will contribute what is required to the somali govt when other states do the same. Anagu wajibkena waan gudan karna lakin we wont if others wont. We will continue building a strong puntland because puntland is ours. A strong security sector is a must even the e.u now is helping puntland out knowing there is no going back from this other then continuing to build a strong force. Sxb wixi manta la gabtay iska daa beri waxa soo socodo ka baq
  17. You must understand puntlanders are big fans of strong security sector and farole is delivering exactly what the population wants and needs
  18. Xaji why would we want a strong somalia so it can attack us. We want a strong puntland in boys we can trust. Puntland will continue the path of modernizing its security sector and somalis will need to deal with