Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Dr.Farole oo furey Radio Puntland kana hadlay 10 Apr 10, 2013 - 7:25:01 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa galabta 10 April,2013 furey Idaacada Puntland ''Radio Puntland'' oo markii ugu horeysey hawada gashay gelinkii hore ee maanta lagana dhageysanayo mawjadaha gaagaaban. Madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka warfaafinta Maxamud Caydiid ,wasiirka Cadaalada Cabdi Khaliif Ajaayo ,xubno ka socdey dowladda talyaaniga iyo hayada UNOPS ayaa ka qaybgalay munaasabad kooban oo loo qabtey furitaanka Idaacada. ''Aad bn ugu faraxsanahay inaan furno idaacad aan leenahay oo maslaxada Puntland looga hadlo'' Ayuu yiri Madaxweynuhu oo ka hadlayey furitaankii Radio Puntland. Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqdey ,waxana fuliyey mashruucan hayada UNOPS. Sida ay sheegeen hawlwadeenada Warbaahinta Puntland waxa ku xigi doona furitaanka Telefishinka oo isna bisha soo socota ee May la filayo inuu hawada galo. Dadweynaha Puntland oo mudooyinkii danbe si wayn u sugayey furitaanka warbaahin markii ugu horeysey leed
  2. War Deg deg ah Radio Puntland oo hawada la galiyay Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxay sheegayaan in goor sii horaysan hawada la galiyay idaacada afka xukumada ku hadlaysa ee Radio Puntland. Qofkii ugu horeeyay ee idaacadaasi ka hadlay oo noqoday afhayeenka dowlada Libaax joore oo aan goor dhawayd qadka talleefonka ku waraystay ayaa sharaxaad ka bixiyay habka idaacadu u shaqaynayso,wuxuna sheegay in laga dhagaysan doono Mowjadaha dhexe oo dhererkeedu yahay waana ''Short Waves''.6.160-k-h.13.8-100 k-h. Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu wadaa galabtey inuu xariga ka jaro,waxana la socda masuuliyiin ka socota Hay'adda UNOPS iyo masuuliyiin kale. Khudbadaha laga jeedinayo munaasibada xariga looga jarayo idaacada dowlada iyo muuqaal-kaba kala soco www.dunidaonline.com
  3. Funny SOL users dhinac walbo ayay isku soo wada baxeen markay maqleen Openingka Puntland Radio iyo Presidential Square
  4. Radio Puntland oo laga furayo Garowe maanta 10 Apr 10, 2013 - 1:18:14 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa lagu wadaa maanta 10 April,2013 inuu xariga ka jaro Idaacada Puntland oo dhismaheedu socdey waayadan danbe. Madaxweyne ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire ,golayaasha dowladda ,warbaahinta iyo saraakiil ka socota Qaramada Midoobey ayaa dhankooda la filayaa inay ka qaybgalaan munaasibada balaaran. Sida Garowe Online u xaqiijiyeen hawlwadeenada xafladan waxa markii ugu horeysey maanta hawada galaysa Idaacada Puntland oo laga dhageysan doono Mowjadaha gaagaaban ''Short Waves''. Dhanka kale waxa heer gabo gabo ah maraya dhismihii xarunta cusub ee Madaxtoyada Puntland ee Garowe ,waxana shirkii ugu horeyey madaxda Puntland kula yeelatay wafdiga UNOPS oo u yimid arinta warbaahinta iyo garoomada Puntland. Kala soco Garowe Online faahfaahinta iyo sawiradda furitaanka Radio Puntland. One Section of the Presidential Palace Radio Puntland
  5. War Deg deh ah:- Gobal cusub oo kusoo biiray Gobalada Puntland War hoose oo ay warbaahinta Dunidaonline heshay ayaa waxa uu sheegayaa in Gobal cusub oo la magac baxay Guardafu Caasumadna looga dhigay degmada Caluula lagu kordhiyay 8-da gobal ee Puntland ay ka kooban tahay. Warkaan ayaa lagu jeex jeexay shirka Gollaha wasiirada xukumada Puntland ee Soomaaliyeed oo maanta ku qabsoomay xarunta madaxtooyada,waxana shir gudoon ka ahaa madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole. Gobalkaan cusub oo eray ahaan talyaani ah ayaa waxa uu noqon doono gobalada hoos imaan doono dowlada Puntland,waxana ilaa iyo hada marka laga tago xaruntiisa oo laga dhigay Caluula,isla shirka lagu magaacabay degmo cusub oo la yiraahdo Murcanyo kana tirsan gobalka cusub. Warkaan waxaa Dunidaonline goor dhawayd u sheegay Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Eng,Maxamuud Xaaji Saalax oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka danbaysay in gobalkaan cusub la magacabo,waxana sida aanu helayno mustaqbalka Dhow gobalkaasi cusub ku biiri doono degmooyinkaan Baargaal-Xaafuun-Gunbax. Sidoo kale Shirka Gollaha wasiirada Puntland ayaa degmooyin kale oo cusub lagu magacaabay ,Degmooyinka la magacaabay waxaa ka mid ah Ceelaayo-Buuraan oo ka mid noqday Gobalka Haylaan. Sidoo kale Degmo Towfiiq la magac-baxday ayaa lagu kordhiyay Gobalka Mudug. Ilaa iyo hada Dowlada Puntland si rasmi ah uma faahfin degmooyinka iyo Gobalka cusub ee lasoo kordhiyay,balse waxaa lagu wadaa wasiirka warfaafinta Puntland inuu ka hadlayo magacaabista Gobalka Guardafu. Dunidaonline.com Xafiiska Garowe
  6. Xaaji why cant they just cut a deal, surely the fighting benefits noone. They had 20 years to think about it even the dumbest of ppl can see when something just aint working.
  7. I think the logical answer is they have no ambitions building they're regions or investing because they have mogadishu dreams. That is the only logical answer I can think of
  8. Xaaji, well puntland wasn't exactly a heaven when the people returned. It wasn't like mogadishu or hargeisa that was heavily invested into by colonial powers. Puntland and Galmudug share one thing our land was pretty much just waste-land however puntland rose up and developed while the galmudug folks didn't. All we need to see is the cities of those clans and it is struggling. Why is this the case. Surely they can develop theyre region like puntland did because if puntland could do it then galmudug has no excuse because of the lack of investments historically affected both regions alike.
  9. Mali so did the president tribe and they seem to be doing well politically and economically. Look at the development occuring in Mogadishu its amazing. Why isn't this replicated in galmudug
  10. I mean bossaso didnt become like this overnight But it was much more developed then galmudug at the 7 year mark there is no doubt about that
  11. This is a question that needs to be asked. What happened to Galmudug. This clan not to long ago was one the most powerful clans in Somalia, they tore the government apart, roamed with an iron fist yet today they are at the bottom of the barrell in all aspects from political to economical and when you look at they're state it says alot. For example Galmudug is now 7 years old. I remember looking at Puntland when it was 7 years old 2005 it was the time of cade muse rule and it was way more developed then where galmudug is. What happened to them. Does anyone know
  12. This is a disgrace. The galmudug community can do way better then this. For god sakes the Qardho Governor House looking better
  13. Xaji was devastated when he opened a thread about new ministry in hargeisa and isla marki puntland ba ka jawabtay with a dhagax dhig for mnistry of agricttulre
  14. Wefdi ka socda Puntland oo tegay magaalada Kismaayo | on April 4, 2013 0 Comments Waxaa maanta ka duuley garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland Garoowe wefdi heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Daahir Khaliif. Ujeedada socdaalka wefdigan ayaa lagu sheegay in ay tahay taageerada ay Puntland u hayso dhisamaha Jubba Land iyo sidii ay goob joog uga noqon lahaayeen dhalashada maamulkaas. Baarlamaanka Puntland ayaa fadhigoodi shalay ku soo dhaweeyey ansixinta axdiga kumeelgaarka ah ee Jubba Land yeelatey. Dhanka kale waxaa maalintii shalay gaarey magaalada Kismaayo 44 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo muujinaya sida ay u taageersan yihiin in dalku yeesho maamulo a mid ah kan Puntland oo kale maadaama dasturka lagu heshiiyey sidaas dhigaayo. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qabta aragti taas ka duwan isla markaana cod dheer ku sheegtey in waxa shirkaas ka soo abxa aanu sharci noqon doonin. Horseed Media News Desk More like this article
  15. I am loving the equipment, very sophiscated. I hope Somalia Govt uses appropriately
  16. Jabuuti oo qalabka ciidamada ugu deeqday Dowladda Soomaaliya – Sawiro | on April 4, 2013 n iyo markii laga qaadey dowladda Soomaaliya xanibaadda hubka ee saarned Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992, ayaa dalka Jabuuti noqdey dalki u horeeyey ee hub ugu deeqa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Hubkan ayaa isugu jira gawaari gaaashaaman iyo kuwa ciidamada lagu daabulo waxaana war ka soo abxay xafiiska raysalwasaaraha Soomaaliya loo dhigey: ______ Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda Jabuuti deeq hub ah, oo loogu talagalay tayeynta ciidamaday Soomaaliyeed. Ra’iisal Wasaaraha oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jabuuti, ayaa saaka guddoomay hubkan oo ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwa loo adeegsado xamuulka ciidanka. Munaasabad ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan, ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar Hufane. “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba” ayuu yiri Mudane Faqi. Ra’iisal Wasaare Saacid oo munaasabadii heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan hub, sidoo kalena tilmaamay in hubkan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka caalamiga ah ee adeegsiga hubka. “Hubkani guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Jabuuti,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray “Waxaan halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas’uuliyadi ku jirto” Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula kulmay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Jabuuti, wuxuuna kadib soo kormeeray Dekeddaha dalka Jabuuti, isaga oo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan dekeddahan, waxayna warbixino ka dhegeysteen maamuleyaasha dekedaha Jabuuti. Horseed Media 2013
  17. This is what this puntland citizens thinks of this thread
  18. Guriceel is no qardo but development wise its probably similar to ufayn or carmo at best
  19. I am happy for the ppl of guriceel and how the town has developed.
  20. http://radiomuqdisho.net/daawo-sawirradabilicda-degmada-guriceel-ee-ggalguduud-iyo-sida-ay-u-horumartay/
  21. Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay wasarada beeraha Gen.Cabdisamad Cali Shire Madaxwayne ku xigenka Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah shaqalaha wasarada beeraha iyo waraabka ayaa maanta dhagax dhigay xarunta cusub ee ay wasaradaaasi ku yeelanayso duleedka waqooyig ee magalada Garowe Dhigax-dhigaasi ka dib Madaxwayne ku xigeenka oo warbaahinta goobta kula hadlay ayaa sheegay inay farxad tahay in qaar ka mid ah wasaradaha xukumada ay yeeshaan dhul u gaar ah,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay helitaanka xarumo cusub oo ay mulkiyadiisu iska lee yihiin wasaradaha dowlada. Madaxweyne ku xigeenku ayaa sheegay xukumada hada talada haysa inay ku guulaystay in badi wasaaraddaha u dhisto xarumo ay u madax-banaanyihiin, halka uu xukuumadii hore sheegay inay degenaayeen guryo kiro isla markasna ku dhex yaala magalada gudaheeda. Dhinaca kale Wasiirka wasarada beeraha iyo waraabka Dowlada Puntland Mudane Maxamuud Xaaji Saalax ''Biriishkalo'' oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay farxad galinayso in uu maanta xarunta cusub ee wasarada beeraha uu dhagax dhigo madaxwayne ku xigeenka Puntland,wuxuna sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in wasarada beeraha ay hesho xarun u gooniya. Sidaan oo kale madaxwayne ku xigeenka Puntland dhowaan waxa uu dhagax dhigay xarunta wasarada duulista hawada iyo garaamada,taasoo ku taal isla meesha wasarada beeraha laga dhisayo. Dhegayso Gen. Shire iyo Dhegayso Eng. Saalax http://dunidaonline.com/index.php?id=9180