Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. nuune somalia iyo meelaha meeshan loogama hadleyo. War Iga tag meeshu wa boomings
  2. The livestock industry is booming. Xoolaheena Puntland " frameborder="0" allowfullscreen>
  3. Thats a b.s list because the ambassador in china was yusuf dheeg the former foreign minister under sharif govt and I know this for personal reasons. Plus he is back there now as ambassador as we speak
  4. Jacaylbaro you want a some tuna or salmon with that sir. WLC to Garowe are you a resident, citizen or a refugee of the Capital of Puntland
  5. Wiil Cusub the somaliland minister saw somaliland is 1.5 million thats including sool/sanaag/awdal which account for half of that which the electoral roll in somaliland showed half million voters...Puntland is counting up to 5 million...South is 9 million...With 2 million in jubbaoyinka....3 million in bay/bakool/shabelle regions and 4 million in the HAG zone
  6. Timetable Sample design and update of sample areas Sep-Nov 2012 Recruitment and Training of Field Staff Dec 2012 Field Data Collection for the sample Feb 2013 Data processing and evaluation Feb—March 2013 Data analyses and delivering preliminary population estimates and indicators(Somaliland Minister saw it and cried) Feb— March 2013 Report preparation and finalization April—June 2013 Dissemination July 2013(When All Somalis Will Know) Design of Master Sample June—Aug 2013
  7. This thread is for all the JBS, Xajis, Carafaats, Burahadeer of the world. You dont like Puntland that is obvious but you cant stop it. Just leave Puntland alone if you don't like it. You don't see me wasting my time on Mogadishu and Somaliland all day because I don't care. I am focussed on my region and my development
  8. Garoowe: Suuq kalluunka Garoowe oo maanta Jariga laga jarey iyo warshado keydka kalluunka oo la dhisey,Sawiro. April 22, 2013 7:33 pm GMT - Written by PP - Edited by PP Garoowe: (pp)- Suuqa kalluunka Magaalada Garowe ayaa maanta xariga laga jarey,kaasi oo ay xariga ka jareen u qeyb-samaha gargaarka bini,aadanimo ee Somalia Philippe Lazzarini iyo Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Puntland Eng Maxamed Faarax. Munaasabad loo sameeyey suuqan cusub ee kalluunka lagu gadayo ayaa waxaa kasoo qeyb galey wasiiro ka tirsan xukuumada Puntland, Maamulka D/hoose Garoowe, Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey iyo Xubno kale oo matalayey deeq bixiyaal qeyb ka qaatey dhismaha mashaariic ka socota Puntland. Suuqan maanta xariga laga jarey ayaa dhismihiisu uu socdey muddo ku dhow hal sano, wuxuuna qeyb ka yahay mashaariic ay dowlada Puntland ku tilmaamtey abuurista iyo kobcinta dhaqaalaha,iyada oo laga faa,iideysanayo kheyraadka wadanka. Qeybaha uu ka kooban yahay suuqan cusub ayaa waxay kala yihiin Mashiino casriya oo ah kuwa barafka dhaliya ,labo talaagadood oo kuwa keydka kalluunka loo isticmaalo midiina ay qaado shan tan oo kalluun ah. Sidoo kale suuqa qeybihiisa waxaa ka mid ah miisas loogu talo galey kuwa ganacsatadu ku iibsan lahayd kalluunka, saddex xafiis oo suuqu leeyahay,Kuwaas oo xafiisyo ka furanayaan Wasaarada Kaluumeysiga , Dowlada Hoose Garowe iyo Xafiiska shirkada ku guuleystay tartan ka dib maamulida iyo ilaalinta suuqa iyo hool baaxad weyn oo kalluunka lagu iibin doono. Agaasimaha waaxda masharicda iyo tababarada Wasarada Kalumeysiga Puntland Faysan Faarax Cali (Faysal Dhukane) ayaa sheegey in suuqaan ay ka faa,iideysan doonaan ganacsatada danta yartaa sida dhalinyarada, haweenka iyo IDP-ga . Shirkada Maamuleysa Suuqa ayaa iyadu shaqadeedu noqon doontaa mid kalluunka kasoo qaada xeebaha Puntland, kuna wareejin doonta dadka ku ganacsanaya suuqa,waxaana sidaas ku dhex maraya kala faa,iideysi u dhexeeya shirkada iyo ganacsatada danyartaa. Suuqan noociisa oo noqonaya midkii ugu horeeyey oo laga fuliyo Puntland ayaa waxaa uu horudhac u yahay suuq-yo kale oo dhawaan lagu wado in laga hirgaliyo Magaalooyinka Bosaso iyo Gaalkacyo , Sidoo kale mashruuca ka faa,iideysiga ganacsiga kalluunka ayaa waxa qeyb ka ah dhismaha dekad yar oo bosaso laga hirgalin doono, looguna tala-galey inay kusoo xirtaan doon-yaha kalluunka ka shaqeeya. Dhanka kale waxaa dhawaan laga hirgaliyey degmooyin badan oo ku yaal xeebaha Puntland warshado loogu talo galey in loo isticmaalo keydka kalluunka suuq-yada loo iib-geynayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin meelaha ilaa iyo hadda laga dhisey Xaafuun, Beyla, Garacad, Xaabo, Halka dhismaha warshadahan sidoo kale ay ka socdaan Eyl,Tooxin iyo Urdiyo oo dhamaantood ka tirsan Puntland. Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com Puntlandpost.com Garoowe. Daawo Sawiro Dheeraad ah oo Suuqa Kalluunka ku saabsan
  9. Madaxwaynaha Puntland & wefdi Talyaani ah oo xariga ka jaray idaacada cusub ee dowlada [Maqal&Sawiro] Madaxwaynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed oo ay weheliyaan gollayaasha Xukumada & Barlamanka, masuuliyiin ka kala socda Dowlada Talyaaniga, Hay'ada UNOPS, Saraakiisha ammaanka iyo marti sharaf kale ayaa maanta si rasmiya xariga uga jaray idaacada afka dowlada ku hadlaysa oo dhowaan si tijaabo ah hawada loo galiyay. Madaxwayne Faroole marka uu xariga ka jaray masuuliyiintii Talyaaniga iyo UNOPS ka socday ayuu soo tusay qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha Idaacadu, waxayna dhamaan galleen xafiisyada loogu talo galay idaacada iyo Tv- dowlada Puntland. Dhanka kale Madaxwaynaha Puntland ayaa wefdiga Dowlada Talyaaniga waxa uu kala wareegay 15-gaari oo loogu talo galay inay ku howl gallaan ciidanka booliska Puntland. Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad oo furitaanka idaacada ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay maanta ay tahay maalin taariikhiya, ayna ku wayn tahay quluubta dowlada Puntland, maadama dowladu buu yiri ay heshay warbaahin u gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiyo howlaha ay qabtaan iyo xaaladaha Puntland halkay marayso. Madaxwayne Faroole oo khudbadiisa dheerayd, ayaa waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday horumarka ka socda Puntland iyo hagaajinta garoomada diyaaraha magaalooyinka qaar, wuxuna dowlada Talyaaniga ku ammaanay dadaalka iyo Mashaariicyada kala duwan oo ay Puntland ka taageertay, wuxuna sheegay agabka warbaahintan maanta la furay inay ugu deeqday xukumada Talyaaniga, taasina ay tahay arin aan la ilaawi karin. Dr. Faroole ayaa sidoo kale uu soo hadal qaaday Deeqda 15 ka-Gaari ee dowlada Talyaaniga isla goobta idaacada lagu furayay ku wareejisay madaxwaynaha, waxana gaadiidkasi loogu tala-galay in ay ku shaqeeyaan ciidanka Booliska Puntland. Wakiilada Safiirka Soomaaliya u jooga Dowlada Talyaaniga oo goobta hadal kooban kasoo jeedisay ayaa sheegtay, inay madaxda Puntland fariin diiran uga sido safiirka Talyaaniga oo howlo shaqo awgeed munaasibadaani imaan waayay, waxayna sheegtay in Talyaanigu uu danaynayo gacan qabashada Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa maamulka Puntland oo ka mid ah mamulada dalka ka jira ee waxqabad wanaagsan tusay caalamka. Dunidaonline.com Xafiiska Garowe AUDIO http://dunidaonline.com/index.php?id=9320
  10. Loving the Armed Helicopters. Shooting from the Sky.
  11. This now a party to be reckoned with. Heavyweight Ina Gaas joins
  12. Gudoomiyaha Ururka UDAD GAROWE: Xisbiga UDAD oo shaaciyey inuu kusoo biiray Prof. Gaas April 18, 2013 7:01 am GMT - Written by PP - Edited by PP Garoowe: (pp)- Xisbiga UDAD oo ka mid ah Xisbiyada ka hana qaaday Puntland , ayaa shaaca ka qaaday in xisbigooda uu kusoo biiray Raiisal wasaarihii hore ee DF ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas. Guddoomiyaha Xisbiga Saciid Maxamed Faarax ayaa ka warbixiyey kulano ay la yeesheen masuliyiin ka socotay Ururka midowga Yurub oo ay kawada hadleen arrimaha dimoqraadiyeyna Puntland. Guddoomiyaha ayaa afka ku ballaariyey in Xisbigooda uu kusoo biiray Prof. Gaas , ayna aad ugu faraxsan yihiin, ayna soo dhoweynayaan. Ururada Mucaaradka iyo siyaasiyiinta la yaqaan ayuu ugu yeeray guddoomiyuhu in ay kusoo biiraan Xisbigooda , isla markaasna ay ka wada shaqeeyaan Nabada iyo horrumarka Puntland. Sikastaba, Puntland oo waqtigan ay ka jiraan xisbiyo badan ayaa loo badinayaa in billaha soo socda ay isku hardin doonaan loolan siyaasadeed oo la doonayo in labada Xisbi ugu codka badan doorashooyinka degmooyinka ay u tartamaan higaanka sare ee Puntland. Doorashooyinka Puntland ayaa muhiimadooda leh marka la gaaro waqtiga doorashooyinka ,Waxaana doorashooyinka Puntland sida lagu wado ay noqon doonaan kuwa xamaasad xanbaarsan , maadaama 14 sano kaddib la gelayo doorashooyinka ay shacabku ku dooranayaan muwaadinka ay doonayaan. Nagala soo xiriir : puntlandpost.pp@gmail.com Puntlandpost.com Garoowe, Puntland
  13. Talaabo your scared to admit the truth that Puntland has the best presidential palace in Somalia. Nothing matches it
  14. Oodweyne. There is nothing to argue about I dont see anyone recognising somaliland when I do then we will talk till then spill your jibberish and create articles to suit your interest as long as the next day u wake up and see somaliland is still in the same hole im not to concerned
  15. This agreement was no different to the one Puntland had. You can see the things that were agreed upon. Puntland and SFG meet So what if Somaliland and SFG meet. Its no different. Dalku wa federal and this is normal.
  16. War competition wuu jira and only when u dont have something that Puntland has you all say we are not competing with each other calamka la tartan and all this baloney to hide the fact you've been outdone just admit it
  17. Complicated haka ordin voteka. Adeer votekaga dhiibo dadka haku mashqulin arimo kale, laga yeeli maayo ,votekaga ba la sugi
  18. Vote boys. And yeah alot of ministries are going to be opening up soon. The Federal zone of garowe is where our politics with shisheeyaha will be dealt with
  19. Xaaji my opinions are never to far from raad-haye
  20. Xaji its interesting u avoid the presidential palace topics, let me guess you got nothing bad to say so you stay away lol or is it you feel yourself out done and cant match it
  21. SNM iyo USC oo kulankoodii Turkiga Qiyaamo qaran ku heshiiyey? Last update 13-04-13 Kulankii qiyaamada qaran ee dhex maray Xasan Sheekh Maxamuud (U.S.C). iyo@ Axmed Maxamed Siilaanyo (SNM) ayaa waxay saxaafada ummadda Soomaalieed u dhigeen in ay ka midaysan yihiin Qodobbada hoos ku qoran:- 1.In lasii wado wadahadallada u dhexeeya labada dhinac 2.In qodobbadii kasoo baxya shirarkii London iyo Dubai ee horay loo gaaray la dhowro 3.Inay sii socdaan wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Somaliland, beesha calaamku ay ka taageerto dhinaca fududeynta haddii loo baado. 4.In labada dhinac ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Soomaaliya hesho iyo in la dhiirrigeliyo horumarinta Somaliland. 5.In si wadajir ay dhinacyadu uga shaqeeyaan sugidda ammaanka, tababarrada, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn. 6.In saddex bilood gudahood lagu qabto Istanbuul shir kale oo lagu dhameystirayo qodobbadii la isku afgaran waayay intii uu shirku socday. 7.In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara qodobbadan lagu heshiiyay iyo sii socoshada wadahadallada. Haddaba qodobadaan uu heshiiskoodu dhigaayo, maaha kuwa wali saxaafada la siiyey tafaasiil ay fahmi karayaan dadka intooda badan, waa war siyaasadaysan oo aan qeexayn waxa dhabtaa ee kulankoodu ku salaysnaa, waxay ka waa hadleen iyo waxay dhab ahaantii ku heshiiyeen.Waxaa kaliya oo cad in labadaa jabhadood U.S.C IYO SNM ay ahaayeen kuwii qiyaamada qaranka Soomaaliyeed shirkada ku ahaa umaadda Soomaaliyeedna mudaada 23ka sanno ah meeshaas dhigay. Hashiiskaan cusub ee SNM IYO USC maxuu kaga duwan yahay heshiiskii hore ee ay qiyaamada qaraka Soomaaliyeed ee ay awal ku wada socdeen 23kii sanno ee la soo dhaafay.SNM iyo USC waxay 23kii sanno ee la soo dhaafay u taaganayeen in aan qaran soomaaliyeed dib loo helin, haddii aan mid dantiisa gaarka uga dhex muuqaynayn,waxayna 23kii sanno ee la soo dhaafay ka wada shaqaynayeen qiyaamadaas cad oo ay ummadda Soomaaliyeed ku hortaagnaayeen. Ururka SNM waxay u xuubsiibteen am waxa ay maanta isugu yeeraan Jamhuuriya Somaliland, ee ayadu gooni isu taagtay. Halka USC ay marar badan shaarka badasheen oo hadba wax isku sheegayeen sida dawladii salbalaar, Ali mahdi, Carta, Maxaakiimta islaamiga, Xisbul islaam, Al-shabab iyo Damul-jaddiid oo hada sheegayna Dawlada sharcigaa ee dalka Soomaaliya. 1964kii ayey ahayd markii ugu horesay ee koofurta soomaaliya looga dhawaaqay Urur la magac baxay Ururka Iririsimka, ururkaas oo ay ku midoobeen beelaha ****** iyo *****.Xiligaas waxii ka danbeyey waxaa Ururka Irirismku u taaganaa qiyaamada ummadda Soomaaliyeed, waxayna markii ugu horeysay qiyaamadooda ku asiibeen dhulkii soomaaliyeed ee gacanta gumaysiga wali ku jiray ee NFD iyo Soomaali galbeed oo ay u aqoonsadeen in aysan Soomaali maqan ahayn, waxayna heshiisyo hoose la galeen, gumaysigii Ethiopia, Kenya iyo Gumaystayaashii reer Yurub ee Soomaliya kala qaybinayey, waxaa kaloo jira in ay ka soo hor jeesteen dib u xoraynta Soomaalidii gacanta gumaysiga Xiligaas ku haray, waayo degaanadaa waxay u arkayeen in ay ku nool yihiin dad aan la qabiil ahayn oo dhamaan degaanadaas Djabouti maahe intooda kale in dadka ku nool yihiin ******* Ismaaciil dhul ka maqan. Waxaan xasuusanahay Heshiiskii Manaafaqii Mohamed Ibarahim Cigaal@ ee (Carusha), kaasi oo Munaafaqaasi dhul Soomaaliyeed (NFD) Gumaytayaasha u saxiixay, In kasta oo xiligaas kadib hadana la ogaaday in uu Heshiis kaas la mida ku dhex jiray in uu la saxiixdo Gumaysigii Boqortooyadii Ethiopia, oo ayadu markaas talada wadankaas haysatay, si dhulka Soomali galabeed Officieel loogu wareejiyo Ethiopia. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay oranaysaa (( Si kastoo doofar durur iyo dalaal u dhex galo- hadana waligiis ma daahiro)). Soomaalidiid waa Soomaalidiid magac kasta oo uu qaato ama shaar kasta oo uu badashoccShirka ay maanta isugu yimaaadeen USC iyo SNM kama duwana qiyaamadoodii qaranka Soomaaliyeed ee ay shirkada ku ahaan jireen. Wararka ay saxaafada ummadda Soomaalieed u soo bandhigeena maaha wax cad iyo wax ummadda Soomaaliyeed quseeya, waxa dhabtaa ee ay ka wada hadleena waa Qiyaamo ummadda Soomaliyeed,Gaar ahaan beelaha Soomaalieed ee aan shirkaba goob jooga ka hayn. Wabilaahi towfiiq Qalinkii:- M.Yusuf (Raad-haye)