Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. It's funny how the other rape topic was deleted yet the killing fields topic is allowed. War dadka adminka haayo xooga is-qariya dee, its to obvious who is admining SOL kind of like the snm kid caught in garowe says las anood after 5 minute of interrogation his burco lol reminds me kind of like SOL. Heaps of different tribes (supposebly) yet anything truthful on somaliland is deleted
  2. If you listen carefully towards the end of farole speech he says "Garowe wax inay ka soo baxdo ayaa lagu bartay" sir ba ku jirto. He is saying dawlad kasto keena lakin wuu burburaya thats why he listed all those previous transitional govts that failed because puntland was working behind the scenes making sure it never succeeds. But since he now came to Garowe dee garowe waxaa lagu bartay inay wax ka soo baxan buu ula jeeday. Its big warning to hassan shaykh dont mess with jubbaland
  3. Farole and Hassan Shaykh Press Release AUDIO http://www.midnimo.com/2013/04/28/madaxweynaha-jamhuuriyadda-oo-lagu-soo-dhaweeyay-garoowe/
  4. Xasan Shiikh oo si weyn loogu soo dhoweyey Garowe 28 Apr 28, 2013 - 4:00:43 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha DF Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn maanta 28 April,2013 loogu soo dhoweeyey magaala madaxda Puntland Garowe ,waxana wehelinayey xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo barlamanka Somalia. Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ,ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiiro ,xildhibaano ,taliyaasha ciidamada kala duwan ,aqoonyahano ,culimo ,dhalinyaro iyo ururada haweenka ayaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhoweyey Xasan Shiikh. Aqalka madaxtoyada cusub ee Puntland ayaa wafdiga DF Somalia loo galbiyey ,waxana halkaasi labada masuul ay kula hadleen saxaafada. Madaxweyne Farole ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay booqashada madaxweynaha Somalia uu ku yimid Garowe ,isagoona xusey in ay filayeen indhowaale imaatinkiisa. Dhismaha DF Somalia iyo kaalintii Puntland ay ka qaadatay hirgelinta geedi socodii ''RoadMapka'' ayuu wax ka taabtay ,halka uu Puntland ku tilmamay hooyadii Dowladda Soomaaliyeed. Nidaamka Federaalka Somalia ayuu ku sheegey Farole mida keliya ee la iskugu soo celin karo Somalida ,waxana uu rajo wanaagsan ka muujiyey wadahadalada ay yeelan doonaan. ''Somalia waxa la iskugu soo celin karaa oo keliya waa Nidaamka Federaalka oo waxna la wadaago waxna la kala leeyahay'' Ayuu yiri Farole oo sheegey in latashiyo iyo shirar ka yeelan doonaan dhamaystirka dhismaha DF Somalia. Dhankiisa ayuu Xasan Shiikh Maxamuud ka mahadceliyey soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameeyey,isagoo hoosta ka xariiqey in Puntland bud dhige u ahayd dadaalkii looga baxay KMG-nimada Somalia. ''Wax badan ayaa ka dhiman hirgelinta nidaamka Federaalka ah ,wadadu waa mid qodxo iyo dhaqxaani taalo ,waxana looga gudbi karaa iskaashi ,kalsooni iyo isku samir'' ayuu yiri Xasan Shiikh oo ka hadlayay sida dowladiisu ay u dhaqan gelineyso nidaamka Federaalka Somalia. Midnimada Somalia iyo sidii la iskugu keeni lahaa Somalida ayuu madaxweynuhu sheegey inay ka shaqeeynayaan ,waxana uu yiri. ''Dalkaani waa mid ,war ma kaal go'naa iyo ma kala tagnaa maanta ma taagna laakiin sidee dadkii iyo dalkii shalay meeshay joogeen iskugu soo celinaa ayaa noo taal inaa ka shaqeyno ,Somali waa hal''. Puntland ayaa Xasan Shiikh ku tilmaamey mid tusaale u ah Dowladda Soomaaliyeed maadaama ay ku timid fikir Soomaaliyeed oo isku tashatay iyadoo cidna dibadda uga iman. Kulamo iyo shirar ayaa la filayaa inay galaan madaxda DF Somalia iyo Puntland intay booqashadani socoto ,waxana sidoo kale ay booqan doonaan xarumo ku yaal magaalada Garowe. Kala soco Garowe Online booqashada Xasan Shiikh ee Garowe
  5. War Deg deg Ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Garoowe April 28, 2013 - Written by Webmaster - Edited byadmin Wararka Deg dega ah ee ku soo dhacaya Warqabadka SBC International ee xarunteeda Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in si rasmi ah uu u soo gaaray garoonka diyaaradaha Kanoko ee magaalada Garoowe Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ayaa waxaa kaga hortagay Garoonka Diyaaradaha Garoowe Dadweyne aad u tiro badan oo ay horkacayaan Madaxda Sar sare ee Puntland . Waxaa ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan golaha baarlamanka. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn iyo salaan safdheer ka dib loo gelbiyay dhanka iyo madaxtooyada dowlada Puntland ee magaalada Garoowe, Waxii ku soo kordha wararka dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa. Daalacatey :122
  6. Dr_Osman;944009 wrote: Ciidan dheeraada, Wadooyinka Magaalada soo gala ayaa goor dhaweyd gabi ahaan la xirey iyadoo la sheegey in dib loo furayo dhowaan.Waxaa magaalada dul heeheebayaHelikopteradii dowladda Puntland oo ka qayb qaadanaya ilaalinta, amaanka iyo nabadgelyada Magaalada Garoowe.. Boolis dheeraada ayaa koox koox u lugaynaya Wadooyinka Garowe, meelaha qaar waxaa lagu arkayaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ilaalada Madaxtooyada iyo Martida, kuwasoo ku hubeysan hub culus iyo Qalab casri ah, waxaa iyana meelaha qaar lagu arkayaa Ciidan dharcad ee nabadsugidda ah(PIS). The security forces are looking 4 the xunjufs, the jbs, the burahadeers and theyre shabab infested family
  7. War Deg Deg Ah—Madaxweyne Xasan Sheikh oo Garowe u duuley iyo Madaxweyne Faroole oo Garowe kusoo dhweynaya Muqdisho–April 28, 2013–Puntlandi.com– Madaxeynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh iyo Wafdi uu horkacayo ayaa goor dhowayd ka duuley Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade ee Magaalada Muqdisho isagoo kuii jeeda Puntland. Sacada soo socota ayuuna ka dagayaa Garowe halkaasoo uu ku soo dhwayn doono Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo Masuuliyiin ka tirsan Labad Gole ee Puntland. Kala soco puntlandi safarka Madaxweynaha Puntlandi.com Muqdisho
  8. Shacabka Puntland oo siyaabo kala duwan u arka soo dhaweynta Madaxweynaha Dowlad Federaalk Qormadaan mid ka mid ah Wariyayaasha Puntlandi ee Garowe ku sugan ayaa ku falanqaynaya jawiga Iyo soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheikh ee Puntland Garowe–April 28, 2013–Pi— Maanta waxaa Magalad Garowe ee Caasimda Puntland marti u ah Madaxweynaha Dolada Federaalka Soomaaliya taasoo imaatinkiisa ay siyaabo kala duwan uga sheekeysanayaan Shacabka Puntland goobaha lagu qaxweeyo iyo goobaha shaqada. Dadk badankooda ayaa aamin san inuusan Xasan Shiikh marnaba uusan heleyn soo dhaweyntii loo sameyn jirey ragii isaga ka horeeyey sida Madaxweyne Shariif Shiek Axmed iyo Raysal waaare Gaas, tasoo ay ku macneeyeen dad badan inuusan Xasan Sheikh ahayn nin u muuqda inuu yahay Madaxweyne Soomaaliyeed, balse habdhaqankiisu yahay Madaxweyne Muqdisho iyo nawaaxigeeda, sida uu u diidan yahay nidaamkii isaga lagusoo doortey ee Federaaliisamka, waxay kaloo ku macneeyeen sida uu u maareeyey Xaalada Jubooyinka oo aan lagu farax sanayn, dhinaca Siyaasada Arimaha Dibada ayay dad badan u arkaan inuusan wax guul ah uusan ka gaarin. Saaka Waabarigii mar aan dhexmaray suuqa Garowe waa la hadal hayaa imaatinka Madaxweynaha lakiin jawigu wuu ka dawan yahay subax aan xasuusto oo la mid ah subaxaan oo kale waa subixii uu madaxweyne Shariif imaanyay Magaalad, iilamana muuqato inuu Madaxweyne Xasan sheikh helaayo soo dhaweyn diiran dhinaca shacabka Puntland. Goor dhow ayaa la filayaa inuu madaxweynuhu kasoo dago Garoonka Diyaaradaha Garowe, halkaasoo ay iminka kusii wajahan yihiin Madaxweynha Dowlada Puntland Dr. Faroole iyo Masuuæiyiin kale. Puntlandi.com Garowe
  9. War deg deg ah oo toos ah–Live– Garowe oo gabi ahaan Xiran, Xasan Sheikh oo la sugayo iyo amaanka oo la adkeyey Live from Garowe Inkastoo uusan Wali Madaxweyne Faroole uusan Tagin Garoonka diyaaradaha Garowe si uu usoo dhaweeyo Madaxweyne Xasan Sheikh hadana waxaa Garoonka hada ku sugan Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Wariyayaal fara badan, Magaalada Garowe ayaa amaankeeda aad loo adkeyey iyadoo wadooyinka qaar ay xiran yihiin, waxaa magaalada lagu arkayaa qaybo kamid ah Ciidan dheeraada, Wadooyinka Magaalada soo gala ayaa goor dhaweyd gabi ahaan la xirey iyadoo la sheegey in dib loo furayo dhowaan.Waxaa magaalada dul heeheebaya Helikopteradii dowladda Puntland oo ka qayb qaadanaya ilaalinta, amaanka iyo nabadgelyada Magaalada Garoowe. Madaxweyne Xasan Sheikh Marka uu yimaado Garowe waxaa losoo galbinayaa dhinaca Magaalada, Waxaa lasoo dhexmarsiinayaa Magaalada, si uu salaan uga qaato shacabka Magaalada iyadoo xawaara gaaban gawaarida lagu wado, ka dibna waxaa loo galbinayaa Madaxtooyada cusub ee Puntland halkaasoo ay kulamo goos goos ah ku yeelanayaan isaga iyo Madaxda Puntland, Waxaa iyana la qorsheynayaa inay wada qadeeyaan isaga iyo Madaxweyne Faroole, qadadaasoo ka dhacaysa Madaxtooyada Puntland ee Cusub. Boolis dheeraada ayaa koox koox u lugaynaya Wadooyinka Garowe, meelaha qaar waxaa lagu arkayaa Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Ilaalada Madaxtooyada iyo Martida, kuwasoo ku hubeysan hub culus iyo Qalab casri ah, waxaa iyana meelaha qaar lagu arkayaa Ciidan dharcad ee nabadsugidda ah(PIS). Waxaa jira wadooyin gabi ahaan xiran magaalada, inkastoo shacabka Magaalada ay badankoodu isu diyaarinayaan soo dhoweynta Madaxweynaha Kala soco Puntlandi safarka Madaxweynaha ee Puntland
  10. Chimera, I agree its a good initative and I hope it gets replicated across Puntland Prisons. I think Bosaso Prison needs to get knock down and a state of the art prison built considering its the biggest city in Puntland. Strange both of our state of the art prisons are in garowe and qardho when it should be galkayo bosaso.
  11. Prof.Axmad Ismaaciil Samater oo kusoo wajahan Deegaanada Puntland Prof.Axmad Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoon yahana Soomaaliyeed,waxna ka dhiga Jaamac ku taal Mareykanka ayaa shaaciyay inuu socdaal ku imaan doono deegaanada Puntland,isla markasna u guur gali doono xaalada dadka degan dhulkaasi ay ku sugan yihiin. Sidoo kale waxa uu sheegay Prof.Axmad xooga inuu saari doono sidii uu dhaayaha usoo saari lahaa xaaladaha kala duwan ee dadka soomaalida ah ay ku jirto,wuxuna sheegay Xamar oo kaliya inaysan Soomaaliya ahayn balse ay wanaagsan tahay in la helo dareenka dadka Soomaaliyeed. Hadalkaan ayuu sheegay xilli uu ku dhawaaqayay inuu isaga baxay baarlamaanka Soomaaliya oo xubin ka ahaa,wuxuna sheegay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed inay san ku xirnayn xil basle loo baahan yahay in mar kasta laga shaqeeyo midnimada Soomaali oo dhan iyo sidii loo horumarin lahaa. Docda kale siyaasada madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ku sheegay inay ka bixi la dahay ku dhaqanka 4.5 ayna wax sidaasi usii wayn gudaha dalka kusoo kordhin,wuxuna Prof,ku sheegay inay wanaagsan tahay in lagu dhaqmo nidaamka federaalka iyo waliba sidii shacabka Soomaaliyeed looga saari lahaa dhibaatooyinka ay kusoo jireen in ka badan 20-sano. Dunidaonline.com Xafiiska Muqdisho
  12. War Deg Deg ah– Madaxweyne Xasan Sheikh oo beri tagi doona Garowe Garowe April 27, 2012–Puntlandi– Warar dublamaasiyadeed oo howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu beri oo axad ah April 28 Garowe tagi doono islamarkaana uu halkaa ku qaabili doono Madaxweyne Faroole Madaxweyne Xasan Sheikh oo iminka ku sugan Magaalo xeebeedka Mombasa ayaa halkaas wuxuu kulan kula yeelanayaa Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, oo ay ka wada hadlayaan amuuro ku saabsan xaalada Soomaaliya. Sida ay warka ku heleen Howlwadeenada Puntlandi.com Kulanka ka dhici doona Garowe ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu wada tashi ku aadan Shirka London uu kala yeelanayaa Madaxweyne Faroole. Puntlandi.com Garowe
  13. Beer cusub oo la dhagax dhigey xabsiga Garowe 27 Apr 27, 2013 - 2:48:05 AM GAROWE ONLINE Beer cusub oo uu yeelan doono xabsiga cusub ee dhismihiisu ka soconayo magaalada Garowe ayaa maanta 27 April,2012 la dhagax dhigey , waxaana kasoo qeyb galey munaasabad lagu dhagax dhigayey masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Beeraha ,Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland iyo Saraakiil ka socotey Hay,adda UNPOS, Wasiirka Wasaarada Beeraha Puntland Eng Maxamud Xaaji Saalax oo ka hadley dhagax dhigan ayaa sheegey in beertani faa'iido weyn u yeelan doonto maxaabiista , islamarkaana ay rajeynayaan inay noqoto mid miraheeda ay gurtaan, iyadoona uu sheegey taas bedelkeeda inay kasoo dhagax dhigtey wasaaradiisu xabsiga ku yaal Magaalada Bosaso. Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar ayaa sheegey in beertan ay qeyb ka tahay mashruuca dhismaha xabsiga oo ay fulineyso hay'adda UNPOS , iyadoona looga faa'iideyn doono maxaabiista iyo ciidanka Asluubta Puntland. Taliye Cali Nuur waxa uu intaas raaciyey in shaqada beertan lagu tababari doono maxaabiista , kuwaas oo mustaqbalka ay kasoo bixi doonaan xirfad-layaal kala duwan oo noqon doona beeraley , wuxuuna sheegey in Puntland xabsi-yadeeda oo dhan ku rajo weyn yihiin ka hirgalinta mashaariicdan oo kale, iyadoona maalintii shalay bosaso beer noocan oo kale ah xabsigeeda lagu dhax dhigey. Saraakii ka socota Hay,adda UNPOS ayaa kasoo qeyb gashey dhagax dhigii Beerta, waxaana sidoo kale beertan la dhagax dhigey ay kusoo beegmeysa xilli uu gabo gabo ku dhow yahay dhismaha xabsiga cusub ee laga wado magaalada Garowe oo noqon doona kan ugu wayn guud ahaan Puntland. Halkan ka dhageyso Axmed Cawil Warbixinta uu ka diyaarshay beertan http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Beer_cusub_oo_la_dhagax_dhigey_xabsiga_Garowe.shtml
  14. Wiil cusub a population with 6 million with pirates numbering 300-400 doesnt contribute to work adeer. Wax loo jawaabo xataa ma aha. The fact of the matter is piracy is a response to trawlers and everyone knows this. But it appears wad ka xun tahay in puntland ay horumartay lakin inshallahu horumar wayn aad ka naxdid baan soo wadna lol
  15. Wiilcusub the facts remain facts. The population of puntland is 6 million. Somaliland 2 million
  16. Wiilcusub somaliland is hard at chewing khat, Puntland is hard at work.Really says enough. 47% unemployment the lowest in Somalia. ADEER you've got 70% of your people chewing khat how can I debate with this. There is 30% gap in employment stats and this sort of gap is going to be seen in population come july
  17. Sabriye, I don't compare to Somaliland why would I with these sorts of stats. My shift of Somaliland has been a while for good reasons
  18. Ciidamadda Badda Puntland PMPF Oo Gacan Kusoo Dhigay Kalluumeysato u Dhalatay Dalka Iiraan [sawirro+Dhageyso] Boosaaso[RBC Radio] Ciidamadda Booliska Badda Puntland ayaa maanta soo bandhigay rag iyo Doonyo Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan kuwaas oo lagu eedeeyey in si sharci-daro ah uga Kalluumeysanayeen deegaanka Qaw ilaa Ceelaayo. Hawlgalaan oo dhacay shalay 2:30 duhurnimo isla markaana lagu soo gabagabeeyey 5:30 galabnimo ayey Ciidamada Badda kusoo qabteen 5-Doonyood ,78-qof oo Iiraan u dhalatay iyo 12-qof oo Soomaali ah,kuwaas oo ilaalo u ahaa Kalluumeystada Iiraan. Taliyaha Ciidamada Booliska Badda Puntland Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo Xafiiskiisa Saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in Ciidamadu gacanta kusoo dhigeen 5-doonyood,78-qof oo Iiraan u dhalatay iyo 12-Soomaali ah,wuxuuna intaas ku daray in hawlgalkaas lagu guuleystay. Wuxuu sheegay Taliyuhu in dadka deegaanka Qaw ee gobolka Bari ay Ciidamada Badda Puntland kusoo Wargeliyeen Doonyaha 5-ta ah ee Iiraan laga leeyahay oo si sharci-daro ah uga Kalluumeysnaya Xeebaha Qaw iyo ilaa Ceelaayo. …”"” Waxaan ku guuleysanay shalay hawlgalkaas oo bilowday 2:30-duhurnimo 5-doonyood,Shaqaale dhan 78-Iiraaniyiin ah iyo 12-Soomaali ah oo ka Kalluumeysanayey inta u dhaxeysa Qaw ilaa Ceelaayo,doonyahaas oo laga leeyahaywadanka Iiraan kagana Kalluumeysanay halkaas si Sharci-daro ah…”"”ayuu yiri. AUDIO http://www.raxanreeb.com/2013/04/ciidamadda-badda-puntland-pmpf-oo-gacan-kusoo-dhigay-kalluumeysato-u-dhalatay-dalka-iiraan-sawirrodhageyso/
  19. Ciidanka Badda oo soo qabtey doonyo Kaluumeysi 24 Apr 24, 2013 - 7:23:47 AM GAROWE ONLINE Ciidanka badda Puntland ''PMPF'' ayaa gacanta ku soo dhigay 5-doonyood oo laga leeyahay dalka Iran iyo 78 Badmaax oo saarnaa,kuwaasi oo Kalluumaysi sharci daro ah ka waday Xeebaha Puntland ka dib hawlgal ay ciidanku qaadeen. Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax oo la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in hawlgalka ay kusoo qabteen Doonayahan uu ka dhacay nawaaxiga degaanka Qaw ee gobolka Bari. ''Badmaaxiinta aan qabanay waa 78-qof oo u dhashay wadanka Iran iyo 12-qof oo u dhashay dalka oo ilaalo u ahaa Doonyahan Kaluumaysiga sharci darada ah waday''Ayuu yiri taliyuhu. Wuxuu intaas ku daray Cabdirisaaq Diiriye Faarax in uusan hakad galayn hawl galada ay kula dagaalamayaan Doonyaha Xeebaha Puntland ka wada Kaluumaysiga sharci darada ah. Wasiir ku xigeenka wasarada Kaluumaysiga Puntland Muuse Geele Yuusuf oo ka mid ahaa masuuliyintii la hadlay Warfidiyeenada ayaa soo dhoweeyay hawlgalka Ciidamada ibadda Puntland ay kusoo qabteen Doonyaha Kaluumaysiga sharci darada ah ka waday xeebaha Puntland. PMPF ay hawlgalo ay horay u sameeyeen ay kusoo furteen maraakiib ay afduub u haysteen Kooxo Burcad badeed Soomaali ah,waxaana jiray ay si adag ula dagaalameen Kooxihii Burcadbadeeda ee horay ugu sugnaa deegaanada dhaca xeebaha gobolka Bari.
  20. No city in Somalia matches mogadishu, I must give credit where credit is due. Mogadishu is looking good