Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Rabshado ka dhashay Xafladii Somaliland ee Holland [sawiro] | on May 19, 2013 Waxaa habeenimadii Sabtidii ay rabshado ka dhaceen xaflad balaaran oo loogu dabaaldegeyey xuska 18ka May ee Somaliland oo ka dhaceysya caasimada siyaasada ee dalkaasi Holland (Den Haag – Tha Hague). Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmatay rabshado ka dhacay gudaha xaflada oo ka dhaceysay goob lagu qabto xafladaha waaweyn oo ku taal magaalada The Hague. Ciidamada Booliiska oo boqolaal gaaraya ayaa xaflada soo gaaray kadib markii rabshado ka bilowday dhalinyaro xaflada dhexdeeda ku dagaalantay ay ka dhasheen dhaawacyo, waxaana goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka caafimaadka ee Ambalance. Booliiska ayaa ku khasbay dhamaan dadkii xafladaasi ka qeyb galay inay halkaasi isaga baxaan isla markaana joojiyey gebi ahaan xafladii halkaasi ka socotay. Dadkii xaflada laga soo saaray ayaa diiday markii danbe inay ka kala tagaan goobta xaflada ka dhaceysay nawaaxigeeda, iyagoo halkaasi muddo dheer taagnaa. Booliiska oo isku dayey inuu dadkaasi kala diro ayaa xir xiray qaar kamid ah dadkii halkaasi taagnaa markii ay ka horyimaadeen amarka Booliiska, halka la sheegay mid kamid ah Soomaalidii halkaasi joogay uu Gitaarad madaxa uga dhuftay mid kamid ah askarta taasi oo keentay in ciidamada iyaguna awood adeegsadaan. Waxay ahayd markii ugu horeysay oo ciidamo tiro intaas la eg loogu yeero xalad ay dhiganayeen jaaliyada Soomaalida, waxayna xafladan ahayd tii ugu weyneyd ee lagu xusayey 18ka May oo sanadkan ka dhacda dalka Holland. Xafladan ayey sidoo kale ku sugnaayeen Soomaali kale oo ka kala timid dalalka Jaarka la ah Holland gaar ahaan Germany iyo Belguim. Booliiska ayaa xaqiijiyey inay xireen sadex qof oo labo kamid ah lagu tuhmayo inay yihiin raggii halkaasi dagaallka ka bilaabay inay ahaayeen waxaana da’adooda lagu sheegay 19 iyo 22 jir. Halka ninka sadexaad oo lagu sheegay 38 sano jir loo heysto inuu weerar ku qaaday ciidamada Booliiska. Horseed Media News Desk
  2. Hotel Casri ah oo Qardho laga furay [sawiro] Waxaa magaalada Qardho laga furay Hoteel Embeeyey oo si weyn ugu duwan hoteelada ku yaalo Puntland. | on May 19, 2013 Xafladii lagu furaayey Hoteelkaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi,Maamulka Degmada,kan Gobolka,Ganacsato iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan. Xafladda furitaanka Hoteelkaan ayaa waxaa laga soo jeediyey Hadalo kala duwan,waxaana la isku raacay in Hoteelkaan oo ka duwanyahay hoteelada ku yaalo Puntland marka loo eego qalabeynta casriga ee lagu sameeyey,waxaana la keenay Jiif aan noociisa laga helay Puntland,qolwalbo waxa uu leeyahay Suuli ugaarah, Dhalo aad kala soconkartid wararka caalamka, Internet iyo adegyo kale oo nafta si weyn ay ugu qanceyso hadii aad mar uun soo gaarto oo aad seexato. Madaxweynihii Hore Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo ka hadalay xafladaani ayaa sheegay in dhismaha Hoteelkaan waxa weyn ka badalay bilicda magaalada Qardho,waxa uuna ganacsatada ka soo jeeda Qardho ugu baaqay in ay maalgashi ku sameeyaan magaalada. Axmed Xirsi Embeeyey Milkiilaha Hoteelkaan ayaa waxa uu sheegay in ay ku faraxsanyihiin in dhismo sidaan oo kale ah ay ka dhisaan magaalada Qardho,waxa uu sheegay in dad badan ay la yaabanaayeen markii dhismahaan labilaabayey laakiin maanta waxaa hubaal ah in uu ka mid noqday hoteelada ugu casrisan ee ku yaalo Puntland,qalabka la keenay ayaa waxa uu sheegay in uu yahay mid noociisa ku cusub Puntland,waxa uuna ugu danbeyntii xusay in qofwalbo ka qeybgalo hormarinta magaalada Qardo Hoteelkaan ayaa waxa uu ka koobanyahay qeybo kala duwan,Qeybta Supermarketka, Restauranti aad ka heleyso rashiin aad u macaan,Isbitaal ay joogaan dhaqaatiir kala duwan, Farmashiye aad ka heleysid daawooyin casri ah iyo hotel aad la dhaceyso hurdasiia macaan hadii aad marun seexato. Furitaanka dhismaha Embeeye ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli magalada Qardho ay soo gaarayaa xagaabaxayaasha ka imaanaya magaalada Bosaso,waxaana la filayaa in ay ku qanci doonaan marka ay soo gaaraan Qardho,waxana shaki ku jirin sanadkaan ganacsiga Qardho oo si weyn isku badalay,hadii aad inmuudo ah ka maqneyd magaalada Qardho waxaad daremeysaa in magaaladii ay isbadashay dhanka dhismaha,hormarka,amaanka. Cabdiraxman Maxamed Cali (Black) Qardho-Karkaar-Puntland-Somalia.
  3. A rape epedemic in this pedofilia ridden jaad infested rebel enclave
  4. Kufsigii ugu Naxdinta iyo Yaabka Badnaa oo Hargeysa ka Dhacay Qisadan waa mid ka yaabisey qofkasta, waxaana qorey Joornaalka Jamhuuriya ee ka soo baxa Hargeysa, waxaana u soo daabacney in waalidiinta caruurtu ay ku baraarugaan falalka naxdinta leh ee hareerahooda ka dhacaaya: Kufsigii ugu naxdinta iyo yaabka badnaa ayaa dabayaaqadii toddobaadkii hore ka dhacay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii la faraxumeeyey gabadh yar oo jirta 7 bilood iyo wiil ay walaalo yihiin oo isagana da’diisu tahay laba sanno iyo badh. Labada carruur ah ee la faraxumeeyey oo falkaas axmaqnimada ah dhaawacyo culus ka soo gaadheen oo hadda lagu daaweynayo cusbitaalka Guud ee Hargeysa, aya sida la sheegay waxa arrintaas ciidammada boolisku u qabqabteen dhawr nin oo lagu xadhiidhinayo inay ka dambeeyeen falka cadowtinimada ah ee lagula kacay ubadka saqiirka ah. Agaasimaha Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana madax ka ah qaybta baadhista iyo la socoshada tacadiyada ka dhasha kufsiyada Mr. Axmed Daahir Aadan oo koox weriyeyaal ah shalay subax kula kulmeen gudaha cusbitaalka, ayaa xaqiijiyey in carruurtaas yaryar ee walaalaha ah lagula kacay faraxumayn cadowtinimo waxyeello weyn ka soo gaadhay. Mr. Axmed Daahir waxa uu xusay in falkani yahay kii ugu horreeyey noociisa ee lagu faraxumeeyo wiilka iyo gabadhan walaalaha ah oo noqonaya carruurtii ugu da’da yaraa taariikhda ee soo mara Cusbitaalka Guud ee Hargeysa. Agaasimuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in wiilka iyo gabadha walaalaha ah oo cusbitaalka la geeyey Jimcihii toddobaadkan loo geystay kufsi dhaawacyo culus ka soo gaadheen labadoodaba, isagoo dhinaca kalena shaaca ka qaaday inay sii kordhiyaan falalka kufsiyada ah ee ka dhaca caasimadda Hargeysa. “Arrinta kufsigu waa wax si weyn inoogu soo kordhaya, waxyaabo aynaan dhaqan u lahayn, waxaabaynu maraynaa maanta in carruur yaryar oo 7 bilood jira in la keeno cusbitaalka oo kufsi loo gaystay, waa laba carruur ah oo walaalo ah oo gabadh 7 bilood jirta iyo wiil laba sanno iyo badh jira, waxaana loo gaystay dhibtaasi oo ka muuqata, waxaanay iminka yaalaan cusbitaalka oo la keenay Jimcihii. Way jiraan kufsiyada noocan ahi oo waxa la arkay 3 sanno, 7 sanno , laakiin dhacdadani waa da’dii ugu yarayd. Waxaannu codsanaynaa in la sameeyo wacyigelin fara badan, gaar ahaan warbaahintu, waa arrin aan loo dulqaadan karayn oo carruur aad u da yar ayaa la keenayaa, waxaanan qabaa in carruurnimada aanay waxba sheegi karin lagaga faa’iidaysanayo,†ayuu yidhi Dr. Axmed Daahir, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan maqli jiray inanka geel jiraha ah oo caano ka dhergay ayaa wax samayn jiray, kadibna dalkaba wuu ka tagi jiray oo wuu baxsan jiray, iminka qofkii dhibtaa gaystay ayaa is difaacaya oo mararka qaarkood lagu odhanayaa waxba kama jiraan.†Agaasimuhu waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey xafiis loogu talogalay inuu ka shaqeeyo falalka kufsiga oo laga sameeyey cusbitaalka Guud dhexdiisa, kaas oo hadda gacanta ku haya falka kufsiga ah ee loo gaystay labada carruur ah ee yar yar. Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xafiiska SARC waxa loo sameeyey inuu ka shaqeeyo arrimaha kufsiga, gaar ahaan dumarka oo loo keenay hablo baadhitaan ku sameeya, waxaana iska shaakada Jamhuuriyadda Somaliland iyo hay’adda UNDP. Runtii xafiiskani waxaad moodaa inuu faa’iido badan leeyahay, waayo qofkii dumarka ahayd qof la jinsi ah ayaa waraysanaysa oo qaadaysa oo maxkamadda gaynaysa. Dadweynahana waxaannu ku dhiirigelinaynaa cidii dhibtaa la kulanta inay xafiiskan yimaadaan oo ay ka helayaan caafimaadkii, booliskii iyo baadhitaankiiba, waxaannu xafiisku ku dhexyaalaa cusbitaalka Guud ee Hargeysa.†Inkasta oo aan ilaa hadda xogo sugan laga hayn sida uu u dhacay falka axmaqnimada iyo nacasnimada leh ee lagula kacay ubadkaas iyo cidda fulisay toona, haddana sida aabbaha carruurtaas iyo adeerkood oo shalay ku sugnaa gudaha cusbitaalka Guud u sheegeen suxufiyiinta labadan carruurta ah oo ka soo jeeda qoys kala tegay, waxa faraxumaynta lagula kacay xilli ay gacanta ku haysay hooyadood oo sida la sheegay badhtamihii toddobaadkii hore kala soo wareegtay ayeydood aabbo o haysay, balse afar maalmood kadib markale hooyadood dib ugu celisay gacanta ayeydood, isla markaana ku wargelisay in carruurtu xannuunsanayaan, una raadinayso daawooyin dhakhtar u soo qoray, laakiin aanay dib ugu soo noqon ilaa hadda. Waxa kale oo ilahaasi xuseen in markii ayeydood ka dareentay carruurta xaalad caafimaad-darro iyo oohin aan joogsi lahayn darteed isku dayday inay baadhis dhinaca jidhka ah ku samayso kadibna ku baraarugtay dhaawacyo culus oo ku yaal labada ubad ah, dabadeedna ula carartay dhinaca cusbitaalka, sidaana lagu ogaaday in waxyeellada soo gaadhay carruurtaasi ka dhalatay faraxumayn aan weli la caddayn siday u dhacday iyo cidda geysatay midna. Haseyeeshee, sida wararku tibaaxeen waxa falkaas u xidhxidhan dhawr nin oo lagu tuhunsan yahay masuuliyadda tallaabadaas yaxyaxa iyo foolxumada leh ee lagula kacay gabadha toddobada bilood jirtay iyo wiilka yar oo isagana da’diisa lagu sheegay laba sano iyo badh. Dhacdadan la yaabka leh, ayaa dad badan ku abuurtay argagax iyo fajiciso maskaxdooda ka dhaadhiciwayday, marka lo eego da’da carruurta la faraxumeeyey oo ah kuwo aanay weligood xataa ku riyoon in wiil rag u hunguroodo. Geesta kale, saraakiisha laanta baadhista dambiyada ciidanka booliska (CID-da) oo sida la sheegay iyagu gacanta ku haya eedaysanayaasha u xidhxidhan falkan oo aannu isku daynay in aannu la xidhiidhno xalay cawayskii si wax looga waydiiyo xogaha la xidhiidha faraxumaynta lagu kacay walaalaha abaydinka ah iyo cidda lo ohayo, ayaanay noo suurtogelin. Xigasho: Jamhuuriya Newspaper
  5. FADEEXAD: Kufsiga Dumarka loo geeysto ee Degaanada Somaliland oo laga caabaday Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in kufsigu uu magaaladaasi ka noqday mid aad u sii kordhaya. Warbixintaan baa waxaa qoray jaraa’idka AP Kufsigaan oo ay geysanayaan inta badan dhalinyaro abaabulan ayaa waxaa loo geestaa badankii haweeen guryahooda habeenkii loogu dhaco ka dibna la xambaarto iyo caruur aad u da’ yar. Warbixin laga qoray kufsigaan aadka u tirada badan oo ay xaqiijiyeen ilo caafimaad oo Hargeysa ku sugan ayaa lagu sheegay inta ruux ee kufsigaasi ku dhacay tan iyo bilaawgii sanadkaan in ay tahay 84 haween ah oo caruur ay ku jiraan. Bishii Maarso ee sanadkan ayaa ahayd markii Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadahana ee HRW sheegtay in ciidammo ka tirsan dowladda, kooxo hubeysan iyo horjoogayaasha kaamamka ay dhibaato isugu jira kufsi iyo dhac u geystaan barkacayaasha ku jira xeryaha magaalada Muqdisho, islamarkaana ay Hay’addaas ku qiyaastay tirada dumarka lagu kufsaday magaalada Muqdisho ay dhan yihiin 1700 dumar, ayna kufsadeen maleeshiyaadka dowladda. Falalkan kufsiga ah ayaa Hay’addu sheegtay inaan inta badan la diiwaan galin amaba aan la sheegin, waxaana taa ugu wacan iyadoo haweenka la kufsado ay ka cabsadaan in laga aarguto iyo in bulshada laga sooco. Shirkii London ee soomalida ayaa Hay’adda HRW ugu baaqday xubnaha ka qeybgalaya shirka London ka furmaya in ajandayaasha lagu daro oo mudnaan gaar ah la siiyo arrimaha xuquuuqda aadanaha iyo isla xisaabtanka, gaar ahaa xuquuqda dumarka. Isku soo wada duuboo kufsiga ku soo kordhaya deegaanada Somaliland ayaa waxay imaanaysaa iyadoo ilaa hadda uusan jirin masuuliyiin Somaliland oo arrintaan ka hadashay.
  6. Correction: Somaliland-Rapes story MOGADISHU, Somalia (AP) - In a story May 12 about rapes in a region of Somalia known as Somaliland, The Associated Press erroneously reported that Somaliland declared independence from the rest of Somalia in 1960. Somaliland declared independence in 1991. A corrected version of the story is below: An upsurge of gang rapes has hit the breakaway region of Somaliland - a normally peaceful enclave considered by many to be a sanctuary from Somalia's decades of violence. Knife-wielding young men follow women along the dusty streets of Hargeisa, the capital of the region, dragging them inside buildings to rape and rob them. Children are among the victims. At least 84 women have been raped since the beginning of this year, according to rights activists and medical officials. "This year is more terrifying than last year when we were barely receiving two or three in each month. This year we are seeing a new victim for every day," said a nurse at a hospital in Hargeisa. She insisted on anonymity because she is not authorized to release the details. "It's rampant and victims are being attacked at homes, streets or anywhere now," she said. The northern region of Somaliland declared independence from the rest of Somalia in 1991, but it has not won international recognition as an independent state. Having escaped decades of conflict in Somalia, Somaliland employs its own security and police forces, justice system and currency. It is seen by some neighboring countries as a bulwark against terrorism. It also has a reputation for successfully maintaining law and order for its population of 3.5 million. The outbreak of gang rapes in Somaliland began early this year and has surprised local residents who blame gangs of young men. Confronted by the spate of attacks, police have arrested dozens of suspects, but the rapes continue on Hargeisa's streets and in back roads. Some of the victims were beaten while others suffered stabbings by the gangs. This could dent the women's freedom in Somaliland where they can drive and exercise many freedoms. Many women do not wear the veil in public. But now some religious leaders suggest that women remain closer to their homes to avoid the rapes. "This is in fact a horrible outbreak, raped and bleeding children are being brought into hospitals every day," said Nimo Hussein Qowdhan, Somaliland's deputy health minister. "It's becoming out of control. We must concentrate on fighting it." Two young children were recent victims of the gang-rape attacks, said officials. "It's a disturbing development, even children are being raped by criminals," said Fathia Hussein Ahmed, chairwoman of Somaliland's national human rights commission. "According to a report we have made, children are the most affected." She said rapes continue to haunt victims, as many women are shunned by some communities after being raped by gangs. Some are divorced by their husbands because of the rapes. "We are creating awareness among local communities to illustrate the negative impact of rape," she said. The sexual attacks have brought the long-taboo subject into street conversations and have provoked calls for a new approach toward rapists, instead of the traditional clan-related legal solutions. Clan elders often let off rapists with softer punishments. In Somaliland, it is common for the clans to make their own rulings to evade harsher sentences from the government judiciary. "We warn that the traditional clan justice system (should) avoid solving these cases, instead, courts must apply the ruling to such cases," said a statement from a consortium of human rights groups in Somaliland. Unlike the rest of Somalia where women avoid reporting crimes to law enforcement agencies, women in Somaliland are increasingly reporting their cases to the hospitals and police. Hospitals are creating counseling for victims of sexual attacks. Activists say this may also be driving the increase in reported rapes, as women are aware of services and more likely to seek help or report rape. However, police and rape victims struggle to identify the culprits who are believed to be unlinked, making it hard for investigators to contain the violence through arrests. "You never know who's to blame," said Sadiya Hassan, a resident in Hargeisa, the capital of the breakaway region by phone. "The attacks forced us to avoid walking while dark or through back roads." "This is not easy to pinpoint exactly what triggered (the rapes) but the cost of marriage for young people in Somaliland is too high and contacts between the opposite sex before marriage is also frowned upon and the fact that many youths in the diaspora returned to the country may also have contributed," said Mohamed Abdillahi, a university professor in Hargeisa city.
  7. DHACDO XANUN LEH:-8 jir ka sheekeyneysa kufsi loo geystay-: “Gabadhnimadeydii waayay, caddaaladna waayay” November 13, 2012 - Waxaa Tafaftiray warkani : khaliif - Kufsiga oo ka mid ah dembiyada ugu waaweyn ee laga galo haweenka, ayaa saameyn iyo cuqdad aan harin ku reeba noloshooda, gaar ahaanna wuxuu si aad ah uga jiraa dalalka ay dagaallada iyo colaaduhu ka oogan yihiin, oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Aamina (Ma aha magaceeda dhabta ah) waa gabar 18jir ah, hooyadeed iyadoo yar ayay dhimatay waxaana soo koriyay aabbaheed, sanadkii 2010kii dhammaadkiisii ayaa lagu kufsaday magaalada Hargeysa. Xilli habeen ah oo ay ka timid xaflad aroos, ayaa wiilal xaafadda ay isla degganaayeen ay soo weerareen, waxay kala carareen moobilkii ay wadatay, dabadeedna iyadoo kadaba carartay oo dooneysa inay moobilkii dib uga soo ceshato ayay surka bud kaga dhufteen, kadibna kula kaceen kufsi. Aamina oo ka sheekeyneysa ayaa waxay tiri “ Muddo saacad ah oo aan miyir la`aa kaddib ayaan soo toosay, nin aan is garaneyno ayaan waddada kula kulmay kaddibna gurigeyga ayuu i geeyay, markii aan waalidkey arrinta u sheegay waxay i geeyeen saldhigga si loo dacweeyo wiilashii dhibka ii geystay, balse sidaan doonayay wax leyguma qaban, inkastoo urur samafl oo saacida haweenka kufsiga loo geysto uu i siiyay talooyin uuna ii caqli celiyay, igana caawiyay inaan nolosheyda dib u billaabo, niyda dhis fiicanna ii sameeyay”. Aamina xilligaas ka dib waxay dacwad u gudbisay maxkamadda, iyadoo isku dayeysa inay cadaaladda la hortagto dadkii falkaasi foosha xun u geystay, balse maxay kala kulantay? “Garsoorihii ayaa igu yiri haddaad dooneyso in wiilashii dhibka kuu geystay laguu xiro, ma ahan mid suurto gal ah sababtoo ah wiilashu wax bey bartaan waana wiilal walaalahaa oo kale ah, waxaa kuu wanaagsan inaad iska cafiso oo aad qaadato magdhowgaaga 50ka halaad ah. Runtii hadalkaas aad baan ula yaabay waana ka diidayay anigoo ku adkeystay in hal sano ha ahaatee wiilasha la ii xiro oo cadaaladda la ii mariyo, sidoo kale reerkeygu sidoo kale waxay doonayeen inaan magta qaato, balse sababaha aan u diiday magta waxaa kamid ah iyadoo aan maalin walba wiilasha is arkeyno oo aan xaafad wada degannahay taasoo i dhibeysa, iyo iyagoo haddii aan la xirin gabdho kale isla falkaan u geysanaya oo haddana mag dhiibaya. Dadaal dheer ka dib wiilashii hal sano ayaa lagu xukumay, nasiib darrose reerkooda ayaa lacag ka dhiibay waana lasoo daayay. Aniga magteydiina ma qaadan, wiilashiina lama xirin oo labada dhinacba waan seegay” . Intaas ka dib waxaa gadhan ku dhacay niyad jab weyn, “Aad baan uga niyad jabay caddaalad darrada la igu sameeyay, haddii la ii ciqaabi lahaa wiilashaas dhibka ii geystay niyadda ayaa iigu degi lahayd, dhibka i gaaray culeyskiisa ayaa iga fududaan lahaa, iyagana mar dambe gabar kale kufsi uma geysteen. Balse hadda aniga ayaa is samirsiiyay maaddaama aysan ii harin wax kale oo aan sameeyo”. Inkastoo Aamina cuqdad badan uu nafteeda ku abuuray falka kufsiga ah ee lagula kacay, haddana kama quusan nolosha, haatan gelin way shaqeysaa iyadoo gelinka kalana wax barata, balse waxaa walwal xooggan ku haya takoorka ay kala kulanto bulshada ay la nooshahay “Qof walboo i garanaya ayaa i far muuqaya oo dhahahay waataas gabadha la kufsaday, xitaa dadka aan guriga kula noolahay ayaan ka cabsi qabaa inay igu caayaan dhibka i gaaray.” Aamina waxay ugu dambeyn farriin u direysaa dhammaan haweenka iyo gabdhaha sideeda oo kale loo geystay kufsiga, “ Waxaan ugu baaqi lahaa dhibbanayaasha kufsiga inay naftooda ku kalsoonaadaan, oo ay ogaadaan in kufsigu yahay qaddar gabar walba ku dhici karta, waa inaysan ka niyad jabin nolosha oo ay Ilaah talo saartaan.” In badan ayay caddaalad darro ka cawdeen dhibbanayaasha kufsiga, iyagoo aaminsan in haddii ragga falalkan geysanaya la marsiiyo ciqaab adag, ay yaraan lahaayeen fal-dembiyeedkan foosha xun ee kufsiga. W/Q:Nimco-Ayaan Maxamuud Ciise Marqaan News Online
  8. Xaaji Xunjuf;951807 wrote: Fantastic Osman hana so duqeyn uun:D Wallahi waxba lama harayno sanadkan. Inti aanu xishoonay nagu filane. Sanadkani waxaanu kow soo bandhigayna airforceka oo furi doono marchka. Waxaa ku xigi doono marineka iyo hubkooda, waxan ku xiggi doono darawishta iyo hubkooda, waxana ku xiggi doono PISTA iyo hubkooda. This year we will put on a big event
  9. Xaji xunjfow ogow sanadka kowda august waxba lama harayno. Airforceki ayaa ka duuli doono ogow Hubkasi iyo cidamadasi aad soo ban-dhigteen mid ka si badan baan soo bandhigayna. Wa inoo kowdi
  10. Xaaji interesting u dont support him when it is clear they are about to become history. But in all fairness I doubt Xajigu ever really supported Godane
  11. Mullah your little jealous devil. War meeshu wa BOOMINGS
  12. Maqal”Gudoomiyaha G/Nugaal oo ka jawabay Hadal uu kajeediyay Xaflad Dhigiisa G/Banaadir May 9, 2013 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa Jawaab ka bixiyay Hadalo uu ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Xaflad ka dhacday magaalada London carunta dalkaasi Ingiriiska. Hadalka uu jeediyay Tarsan ee jawaabta keenay ayaa ahaa tan uu ugaga hadlay Maamulo Sameystay Calamo aan jirin waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana taasi ku tilmaamay Arin aan lagu hadlin lagana fiirsan gudoomiyaha gobolka Nugaal. Waxa uu taabtay gudoomiye Cabdi Xirsi Cali Taariikh kooban oo ku saabsan dhigiisa Gobolka banaadir isagoo sheegay in marar badan uu qaladaad ka galay Puntland iyo Calanka Soomaaliyeedba. Dhinaca kale waxa uu Gudoomiyaha Nugaal ka hadlay qodobo kale oo ku saab sanaa isbedel xatooyo ah oo la sheegay in lagu sameeyay Dastuurkii lagu heshiyay ee loo sameeyay Dowlada federaalka Soomaaliya. Waxa uu sheegay gudoomiye Qarjab in Cidii qiyaanada iyo isbedelka aan sharciga aheyn ku sameysay Dastuurka kuwo galay Qiyaano qaran, umada soomaaliyeedna aysan u noqon karin kuwo ka turjuma. Waxay imanayaan ka hadalka Arimaha Dastuurka iyo Jawaabta Gudoomiyaha Gobolka nugaal uu u diray dhigiisa Gobolka Banaadir xili ay soo shaac baxday qiyaano iyo wax ka bedel xatooyo ah oo lagu sameeyay Dastuurka dowlada dhexe ee Soomaaliya qodobo ka mid ah . SBC International Garoowe. Daalacatey :331 The vicious audio below http://allsbc.com/36284/
  13. All Bossaso needs now is shiny towers going up. I suggest all the telecommunication and banks stand up and invest in headquarters like iftin and golis is. I urge the business community abroad return now and invest in the city because this is going to be home for a long time to come.
  14. 22sano ka dib Muuqaalka Magaalada Boosaaso Maanta waa sidee?+Sawiro May 8, 2013 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Salaama Markale, Maanta waxaan Idiin hayaa Sawiro Guud oo ku tusinaya Boosaaso waa magaalo ganacsiga Puntland, oo Dulsare ka sawiran, quruxda Guryaha, Bilicda kale iyo Qaab dhismeedka loo bogay. Sawirada Aad daawan Doontaan waxaa laqaaday Dhowaan, lakin waqtiyo kala duwan sida kuwo la qaaday Xili Qorax dhac ah Ama Galab ah, iyo kuwa la qaaday xili Barqo ah Daawasho Wacan
  15. Puntland addressing IDP issues. One house at a time
  16. Hay’adda DRC oo dhagaxdhigtey 280-guri oo ay yelan doonan barakacayaasha ku dhibateysan xeryaha kuyaala magaaladda Gaalkacyo(Sawiirro) Gaalkacyo[RBC Radio]Deegaanka hala-booqad ee duledka waqooyi ee magaaladda Gaalkacyo waxaa maantey laga dhagaxdhigey deegaan cusub oo ay deegaameysan doonan dadka barakacayaasha ah ee dhibaatadu ku heysato guddaha xeryaha ay kunool yihiin ee ku yaala magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dhismaha guryahaan ayaa qeyb ka ah barnaamij ay hay’adda DRC ku caawinayso barkacayaasha Puntland oo ah nin dadka laga saro nolasha liidata ee ku heysata xeryaha ay ku noolyihiin lanagarsiyo xalwaara kaasi oo ah in dadka barakacayaasha ah la deegaameyo iyagoo loo dhisayo guryo iyo adegyada as aasiga nolasha uu ah oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo caafimadka. Munaasabadd ka dhacdey goobta laga dhagax dhigey guryaha ayaa waxaa kasoo qeyb galey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo xubno ka socdey hay’adda DRC. Faadumo Maxamed Cigaal oo dahfurtey munaasabadda lugu dhagax dhigeyey guryaan ayaa waxaa ay sharaxad ka bixisey iyadoo ku hadleysey afka hay’adda DRC qorshaha ay xiligaan wado DRC ee ku aadan hormarinta dadka barakacayaasha ah waxana ay sheegetey in mashruuc ay malgalinayso EKO ayna hirgalinayso hay’adda DRC. Faadumo Maxamed ayaa so hadal qadey in guryahaan gaaraya illaa 280-guri ay noqon doonan kuwo jingad ah waxana ladajindoona sida ay sheegtey dadka xiligaan ku dhibaateysan kaamamka kuyaala guddaha magaaladda Gaalkacyo iyadoona goobta sida ay tilmaamtey ay noqondoonto deegaan cusub oo yeelata dhamanba adegyada as aasiga ah ee ay ubaahantahay nolasha adanaha tasi oo lugu yaqaney deegaan dad ay daganyihiin. Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad ayaa isna sheegey in DRC ay wado qorsho ku dayasho mudan taasi dhibta loga sarayo dadka iyagu ku dhibaateysan xeryaha ay kunoolyihin ee ku yaala guddaha magaaladda Gaalkacyo,ugu danbentiina waxaa uu ka mahadceliyey mashrucaan balaaran ee ay wado DRC. Cabdulqaadir Xirsi diiriye ayaa isna u hadley qoysa ku deeqay dhulka laga dhagaxdhigey guryaa lugu wado in ladajiyo dadka barakacayaasha ah waxana uu sheegey in uu ku faraxsanyahay in dhulkaan ladajiyo qoyos farabadan oo ay dhibaato ku heysatey goobihi ay ku noolayen. Dhisida guryahaan ayaa lo xilsarey kambaniga JIDCOM kasi oo isna dhinacisa balanqaadey in sida ugu macqulsan ay ku dhisi doonan guryaahan maadam ay yihiin guryo logu tala galey dad danyar ah. Ugu danbeynti guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”oo dhagax dhigey 280-guri ayaa sheegey in uu ad ugu faraxsanyahay in maantey deegaankan ay ka dhagax dhigayan cadad guryo ah oo intaa la ‘eg,waxana uu intaa ku darey in waxbadan deegaan uu kabadali karo nolasha qoysas badan oo xiligan dhibaatoyin kala gadisan ay la darseen. Guddoomiyaha ayaa hadalkisaan baaq ugu diray dhamanba hay’addaha ka shaqeya arimaha dadka danyarta ah inay ku deydan DRC isla markana ay fuliyaan arimaha ay wad oo kale waxana uu mahadcil usoo jeediyey hay’adda DRC iyo barnaamijkedaan hormarined. Mashrucaan lugu deegaaneynayo isla markana loga saroyo dhibaatadda dadka ay ku heysato xerya ay kunoolyihiin ee barakacayaasha ayaa qeyb ka ah mashruc balaaran oo ay wado hay’adda DRC oo ka qeyb qaadata hormarinta dadka danyarta ah. Iimaan Maxamed Jaamac RBC Radio Xafiiska Gaalkacyo
  17. Gen.Shire oo dhagax dhigey xarunta Waxbarashada 2 May 2, 2013 - 2:21:51 AM GAROWE ONLINE Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 02 May,2013 duleedka Garowe ku dhagax dhigey xarun cusub oo ay yeelaneyso Wasaarada Waxbarashada Puntland. Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ,Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdulahi Axmed Jaamac Ilkajir ,Agaasimaha guud Maxamed Cabdiwahaab Axmed,hawlwadeenada wasaarada, masuuliyiin ka socotey hayada caalamiga ah iyo shirkada dhiseysa xaruntan ayaa ka soo qaybagaly dhax dhiga. Wasiir Juxa ayaa sheegey in dhulkan uu ka koobanyahay 160x120 ,waxana uu u mahadceliyey dowladda Hoose ee degmada Garowe oo ka shaqeysey dhulkan ,isagoona xusey in xarunta dhexe ee wasaaradu buuxsantay. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegey dhankiisa in dowladdu wado qorshe wasaaradaha looga soo dhex saarayo maagaalada gudaheeda ,islamarkaasina haatan ay qaybtood shaqadu toos uga socoto. Dhismahan ayuu ku tilmaamay Gen.Shire mid wax wayn ka tari doona waxbarashada ubadka reer Puntland,mahadna u soo jeedshey dhamaan intii ka soo shaqeysey. Dhanka kale waxa uu tacsi u direy madaxweynaha dowlad deegaanka Somali Ethiopia oo ku aadan geeridii ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Dhoodaan. Duleedka magaalada Garowe oo dhowaan laga furey dhismaha madaxtoyada cusub ayaa waxa ku yaal wasaaradaha Caafimaadka ,Cadaalada ,Idaacada ,waxana socda dhismayaasha Beeraha ,Deegaanka iyo Xabsiga weyn ee Garowe. Halkan ka dhegeyso codadka masuuliyiinta ee dhagax dhiga xaruntan http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Gen_Shire_oo_dhagax_dhigey_xarunta_wasaarada_waxbarashada.shtml