Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. http://www.interpeace.org/2011-08-08-15-19-20/latest-news/58-2013/421-puntland-civic-education" frameborder="0" allowfullscreen>
  2. 1700 homes built for IDPS in Puntland. Thats somalinimo thats wadani thats gob
  3. Barakacayaal duleedka Bosaaso looga dhisay guryo Published on May 20, 2013 by Canab · No Comments · 993 views qaar ka mid ah barakacayaasha ku dhaqan duleedka magaalada Bossaaso ee gobolka Barri ayaa loo dhisay 500 boqol oo guri oo ay dhistay hay’adda UN-habitat. Munaasabad lagu wareejinayay guryaha loo dhisay qoysaska barakacayaasha ah ee ka soo barakacay gobollada dalka ayaa waxaa ka qeyb galay duqa magaalada Bosaaso, saraakiil ka socotay qaramada midoobay qeybta gargaarka iyo xubno ka socday hay’ada Un-habitat oo dhistay guryahan. Sargaal ka socday hay’adda Un-habitat oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in guryahan ay uga talagaleen dadka barakacayaasha ah ee aan awoodin in ay dagaan guriyo ka celiyo dhaxanta iyo qoraxda, kuwaas oo horay u daganaa aqalo ka sameysan cooshado. Duqa dagmada Bosaaso Xasan Cabdale Xasan oo sidoo ka hadlay goobta ayaa u mahadceliyay hay’adda isku xilqaantay dhismaha Guryahan waxa uuna intaasi raaciyay in wax weyn ay ka badali doonto xaalada dadka barakacayaasha ah kuwaas oo mararka qaar guryahooda ay gubtaan xiliyadda dabeylaha.
  4. Uchi Adeer Macaane im proud of puntland
  5. Puntland iyo Australia waa labo dawlad shiray " frameborder="0" allowfullscreen>
  6. Thats true, I am in Australia and the biggest clan in Somalis here are Puntland. There will be strong bi-lateral ties between Australia and Puntland
  7. ''Australia waxay daneyneysaa xiriirka Puntland'' Dhageyso 21 May 21, 2013 - 1:35:27 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa sheegay in Australia ay daneyneyso xiriirka Puntland iyo inay kaalin ka qaadato mashaariicda horumarineed. Shir saxaafadeed ay wadajir ugu qabteen Garowe maanta 21 May,2013 isaga iyo safiirka Australia u qaabilsan Kenya iyo Somalia Geoff Tooth ayuu sheegay madaxweynuhu inay diyaar u tahay Australia inay ka qayb qaadato horumarka socda. “Australi deeqaha Somalia waxbay ka bixisaa, Mahsariicda waxbarashada, amaaanka iyo horumarinta gacan weyn ayay ka gaysata,waxana ay danaynayaan xiriirka Somalia gaar ahaan deegaanada Puntland” ayuu Dr.Farole. Safiirka oo shalay gelinkii danbe soo gaaray Garowe ayna wehelinaysay ku xigeenkiisa Amanda Davis ayaa booqday xabsiga goobta laga dhisayo sidoo kale la kulmay wasiirka dekedaha Eng.Siciid Maxamed Raage. Geoff Tooth waxa uu sheegay inay ka wada hadleen Puntland arimaha amaanka ,horumarka dhaqaalaha ,la-dagaalanka burcad badeeda ,Beeraha iyo arrimo kale ,isagoo raacshay xasilinta Somalia ay doonayaan inay qayb ka noqdaan. ''Waxaan aaminsanahay in wax badan Australia ka qaban garto gaar ahaan Puntland oo ay jiraan dad ka soo jeeda oo jooga Australia ,inay soo noqdaan waxay qayb ka tahay xalka lagu horumarinayo deegaanadan'' ayuu yiri safiirku. Safiirka ayaa dib uga laabtay Garowe duhurnimadii maanta ,waana markii ugu horeysey uu yimaado Puntland tan iyo markii loo soo magacaabay xilkan labo sanno ka hor Halkan ka dhageyso shir saxaafadeedka Madaxweynaha & Ambassador Tooth http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Australia_waxay_daneyneysaa_inay_Puntland.shtml
  8. Xiriirka Federaalka & Somaliland oo sii xumaaday iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka baxay Shirka ka dhacayey Switzerland Waxaa Todobaadkan Magaalada Geneva ee Dalkan Switzerland soo wada gaaray laba wafdi oo ay kala hogaaminayeen Wasiirada Adeega Bulshada Dowlada Federaalka ee Somaaliya Drs. Maryan Qaasim Axmed iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog). | on May 20, 2013 Ujeedada Mas’uuliiyntan ay u yimaadeen Dalkan Switzerland ayaa waxa ay aheyd in ay si Wadajir ah ugu qeyb galaan kulan sanadle ah oo ay soo qaban qaabiso Hay’ada WHO ee Qarmada Midoobey u qaablisan Caafidmaadka oo looga hadlo Caafimadka Adduunka kaasi oo ka dhaca Magaalada Geneve. Qorshaha dhabta ah ayaa ahaa in Wafuuda ka socota Somaliland iyo Puntland ay ka mid noqdaan wafdiga Wasiirada Adeega Bulshada ee Dowlada Federaalka ee Somaliya ayna wada fadhiistaan miiska loogu tala galay Dalka Soomaaliya. Balse Maanta oo uu shirka furmay oo lagu waday in ay wafdiga ay Hogamineyso Wasiirkada Adeega Bulshada ay shirka ka soo qeyb galaan waxaa aan ka soo qeyb galin furitaanka shirka Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xoog) ka cudurdaartay ka qeyb galka Shirka isagoo sheegay in ay jiraan xaalado shaqsiyeed. Balse ilo lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyay in Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud uu ka qeyb galka shirka loogu hadlayo Caafimaadka Aduunka uu kaga baaqday kadib markii Maamulka Somaliland ee Hargeysa ay sidaasi ku amreen. Arintaan ayaa la xiriirtay xiriirka aan wanaagsaneyn ee xiligaan u dhaxeeya Beesha Caalamka, Dowlada Federaalka iyo Somaliland. Somaliland ayaa dhowaan sidoo kale waxa ay diiday in ay ka qeyb gasho shirkii London ee looga hadlayey taageera caalamka ee wadanka Soomaaliya. Goor dhow Naga filo Wareysiyo arintaan la xiriira. Cabdiqani Cali Dalmar Horseed Media Geneva-Switzerland
  9. Xaaji maseerkaga la dhimo, Puntland horumarkeeda iyo shacabkeeda iyo dawladeeda ayaad ka xun tahay
  10. nuune inaad uu jawabtid maba ahayn. U can see clearly his just arguing for the sake of arguing
  11. Xaajiga iyo Jbka oo maseer dilay
  12. Magaaladda Gaalkacyo oo laga dareemayo hormar dhinacyada dhismaha Iyo ganacsiga ah(Daawo Sawirro) Comments (8) | Write Comment Sawirr mujinaya qar ka mid ah daaraha magaaladda Gaalkacyo Raxanreeb.com Gaalkacyo[RBC Radio]Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa la soo baxdey muqaal qurxoon kadib marki mudooyinkii ugu dambeeyey hormar dhinacyada dhismaha iyo ganacsiga ah ayadoo hormarkaasi ka jira magaaladdana uu keenay in durbaba isbedel dhanka bilicda ah laga dareemo Gaalkacyo. Shabakadda Raxanreeb.com ayaa uu kur gashey xaaladda isbadalka ku saleysan ee ka jirta Gaalkacyo kuwaaso isgu dhafan hormarkan dhanka dhismaha iyo ganacsiga,waxaa intaa usii dher inuu isbadalkan uu yimid kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyey ay magaalada si aad ah usoo dhismeysay waxaana dhismahaasi iyo goobo ganacsi oo waaweyn oo laga hirgeliyey magaaladda Gaalkacyo ay wax weyn ka bedeleen muuqaalkii Gaalkacyo. Xiliyada ad dhexqaadeysid jidadka dhaadher ee magaaladda waxaa ku muqanayo daaro ad uu dhaadher kuwaso isgu jira Hoteelo iyo gobo ganacsi oo ay bulshadu ku ganacsadaan Kuma koobna oo qura hormarka ay magaalada Gaalkacyo sameyneysay sanadihii ugu dambeeyey dhanka dhismaha oo waxaa sidoo kale ay magaaladu si aad ah hormar uga sameysay dhanka ganacsiga waayo Gaalkacyo hada waxaa ku yaala suuqyo farabadan kuwaasi oo maalin walba ay dadku u dukaameysi tagaan. Marka aad suuqyadaasi tagto waxaad ku arkeysaa goobo ganacsi oo ay ka mid yihiin carwooyinka kuwaasi oo loo sameeyey si la mid ah sida carwooyinka ku yaala dalalka dunida hormaray waxaana carwooyinkaasi looga adeegtaa si lamid ah sida carwooyinka dalalka caalamka,waxaana dadku ay ka helayaan wax walba oo baahidooda la xiriirta. Magaaladda Gaalkacyo waxaa ay ka mid tahay magaaloyinka waa weyn ee dalka waxana ku nool dad ad u farbadan kuwaso ganacsi xogleh galiyey magaaladda. Naga fillo sawirro kale iyo warbixino an idin kaga soo diyaarinay magaaloyinka waa weyn ee dalka. Hoos ka daawo sawirro ka turjamaya isbadalka Gaalkacyo
  13. Bal eega xajiga iyo jb oo guri ka helay garowe...kkkkkk 00:36 to 00:45
  14. Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Geoff Tooth 20 May 20, 2013 - 9:12:22 AM GAROWE ONLINE Safiirka Australia u fadhiya Kenya Geoff Tooth ayaa maanta 20 May,2012 soo gaaray magaala madaxda Puntland ee Garowe ,waxana garoonka ku soo dhoweeyey wasiiro iyo saraakiisha madaxtoyada. Booqasho ayuu ku tagay xabsiga Garowe oo dhismihiisu socdo ,waxana sidoo kale uu la kulmay wasiirka dekedaha iyo la-dagaalanka burcad badeeda Eng.Siciid Maxamed Raage oo ay ka wada hadleen qaabka ay Australia Puntland taageero u siin karto. Xarunta Madaxtoyada Garowe ayaa galabta waxa madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed ku qaabilay safiirka,waxana wehelinayay wasirka maaliyada Faarax Cali iyo ku xigeenka safiirka Amanda Davis. La-dagaalanka burcad badeeda iyo horumarinta adeegyada asaasiga Puntland ayaa labada masuul ka wada hadleen ,waxana kulanka qayb ka ahaa barida safiirka waxyaabaha dhaqaalaha Puntland uu ku tiirsanyahay. Caawa ayaa casho sharaf madaxweynuhu ugu sameeyey Garowe safiirka ,iyadoo la filayo in maalinka beri ah ay si wadajir ah ula hadlaan saxaafada si ay uga warxibiyaan kulankoodi iyo qaabka uu ku soo dhamaaday.
  15. Puntland oo 1200-guri ku wareejisay barakacayaasha Garowe iyo Burtinle [sawiro] Waxa maanta 600-guri lagu wareejiyay qaar ka mid ah barakacayaasha ku nool magalada Garowe,guryahaan la wareejiyay ayaa waxaa dhistay Hay'adda Wold Vision oo dhaqaale ka helaysa Ingiriiska iyo Cenada. Dadka barakacayaasha ah ayaa guryahaan looga dhisay duleedka bari ee magalada Garowe,waxana loo baxshay xaafada Jilab.waxayna ka mid noqonaysaa xaafadaha magalada. Munaasibadii lagu taah furayay wareejinta xaafada cusub ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwaynaha Puntland,gollayaasha xukumada,saraakiil ka socotay Hay'ada dhistay hoygaan ee Wold Vision,mamulka gobalka kan degmada iyo masuuliyiin kale. Bilowgii xafada waxa ka hadlay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab,wuxuna sheegay Hay'adda Wold Vision inay Garowe iyo Buurtinle ka dhistay 1200-oo guri looguna talo galay dadka soo barakacay ee degan Puntland. Qarjab waxa uu sheegay xaafadaan cususb inay u dhan yihiin adeegyadii arimaha bulshada sida ,biyaha,xarunta caafimaadk,xarunta nabadgalyada,wuxuna sheegay dowlada Puntland inay dadaal dheeraad ah ku bixisay sidii mar qura dadka danyarta ah loogu heli lahaa hoy ayay kaga harsadaan qoraxda iyo dabaysha magalada ka dhacda. Muuse Gaarana Cilmo oo ku hadlayay afka dadka guryahaan loo dhisay ayaa uga mahad celiayay hay'adii dhistay iyo xukumada Puntland,wuxuna sheegay kolkii hore inay deganaan jireen guryo ka samaysay baco iyo xooshado la isku talow,balse hada ay ka najaxeen daruuftii ka haysatay dhanka hoyga. Sargaal ka tirsan Hay'adda Wold Vision oo munaasibada ka hadlay ayaa ka waramay dhismaha guryahaan maraxaladihii ay soo mareen,wuxuna sheegay sanadkii hore inay bilaabeen dhismaha isla markasna hada ay gaareen guushii laga lahaa oo ahayd in dadka danyarta ah ay helaan meel ay ku nagaadaan. Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdilaahi Axmad Jaamac''Ilkajiir'' ayaa dhankiisa sheegay sidaan oo kale Degmada Burtinle inay ka socoto munaasibad lagu wareejinayo guryo 600-gaaraya oo ay ha'adda Vision ka dhistay,wuxuna dadka danyarta ah ugu baaqay Ilkajiir inay ammaankooda ka shaqeeyaan oo ay laamaha amniga kusoo wargaliyeen cidii ay ka shakiyaan si gacan bir ah loogu qabto. Ugu danbayntii munaasibada waxaa soo xidhay madaxwaynaha Puntland Dr,Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole,wuxuna sheegay xukumada uu hogaaminayo inay ka go'an tahay sidii dadka danyarta ah gacan waxqabad loogu fidin lahaa,wuxuna sidoo kale tilmaamay in looga baahan yahay barakacayaasha inay waxqabad la yimaadaan oo ay xafidaan guryaha loogu deeqay. Puntland waxay ka mid tahay dhulka ay kusoo barakacaeen dadka uu saameeyay colaada iyo dagaaladii ka dhacay koonfurta Soomaaliya. Dunidaonline.com Xafiiska Garowe
  16. Dr.Farole oo furey guryo loo dhisay barakacayaasha 20 May 20, 2013 - 1:07:42 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa maanta 20 May ,2013 xariga ka jaray 600 oo guri kuwaasi oo hayada World Vision u dhistay barakacayaasha Garowe ku dhaqan. Wasiiro ka tirsan xukuumadda ,xildhibaano ,madaxda hayada World Vision ,maamulka gobolka Nugaal ,masuuliyiinta degmada Garowe ,gudoomiyaasha barakacayaasha iyo dadweyne ayaa ka soo qaybgalay xaflad loo qabtay wareejinta guryahan. Xaafada Jilab oo duleedka Garowe ku taal ayaa duqa degmadu Cabdicasiis Cilmi Koor uu sheegay inay noqoneyso xaafada 8-aad ee magaalada Garowe ,waxana ay soo bandhigeen qaar ka mida cayaaraha hidaha iyo dhaqanka ee gobollada Konfureed. Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa ka warbixiyey guryahan oo uu sheegay in 1200 ay ahaayeen lagana kala dhisay mid 600 oo guri degmooyinka Garowe iyo Buurtinle islamarkaasina ay ku dhanyihiin adeegyadii kala duwanaa sida Ceel biyoodka ,Saldhig Boolis ,Xarunta caafimaad iyo mid waxbarasho. Puntland ayaa waxa ku sugan in ka badan 300 kun oo barakacayaasha Koonfurta Somalia ka yimid ka dib colaado iyo abaaro ka dhacay goboladaasi.waxana guryahan loo dhisay yihiin kuwo deegaan ay iska leeyihiin ayadoona qoysasku u heleen qori tuur ama nasiibka. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen.Ilkajiir ayaa maalin qiimo wayn ku tilmaamay maanta ka dib 600 oo qoys oo lagu wareejinayo guryo ay leeyihiin ,isagoona xusay in Puntland ay soo dhoweyneyso walaalahooda Soomaliyeed ee colaadaha Koonfurta ka jira ka soo barakacay. ''Hadii ay horey barakacayaal u ahaayeen maanta waa deegaan ,Somalia dadkoo dhan ayaa wadaag,waxaan ognahay kuwa Muqdisho jooga inaan loo ogolayn deegaan balse anagu waan u ogolaanay ,way shaqeystaan .ilmahooda bay waxbartaan waxana ay nagu leeyihiin xuquuqdooda inay helaan'' ayuu yiri Ilkojiir. Wasiirka ayaa ku booriyey dadka degaya xaafada Jilab inay adkaystaan nabadgelyada ay haystaan islamarkaasina iska ilaaliyaan in lagu soo dhex dhuunto. Madaxweynaha Puntland ayaa soo xiray xafladan waxana uu u mahadceshay hayadii dhistay guryahan iyo dowladda Canada oo ku deeqday dhaqaalaha ku baxay dhismaha guryahan. ''Waxaa waxtar ka ah wixii muuqda oo dadka wax u noqonaya sida guryahan ,biyaha ,waxbarashada ,cafimaadka ,wadooyinka iyo baahiyaha kale ee jira'' ayuu yiri madaxweynuhu oo ka hadlay deeqaha caalamku ku bixiyo taageerida Somalia oo badidood ku baxaan safaro iyo siminaaro. Dadka reer Puntland ayaa Dr.Farole ku amaanay sida ay u soo dhoweeyeen walaalahooda dalka qaybihiisa kale ka soo barakacay ,isagoona ku baaqay isdhexgal bulsho iyo in la kala faa'ideysto hidaha iyo dhaqanka. ''Waxa Muqdisho laga soo sheegayo inaysan halkan ka dhicin idinkaa marqaati ka ah,taasina waxaan ku amaanaya dadweynaha reer Puntland oo soo dhoweyey walaalahooda colaadaha iyo abaaraha ka soo cararay'' ayuu yiri Farole. Xeryaha barakacayaasha Muqdisho ayaa HRW shaaciyey bishii March in tacadiyo iyo kufsi ciidamada dowladdu iyo kooxo hubaysani u gaystaan haweenka,waxana la raaciyey in cagojuqlayn iyo hayb sooc u dheertahay halka qaarkood loo diiday inay ku noqdaan goboladii ay ka yimaadeen sida Bay iyo Bakool. Halkan ka dhageyso khudbada uu jeediyey madaxweynaha Puntland http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Garowe_Dr_Farole_oo_xariga_ka_jaray_xaafada_barakacayaasha.shtml
  17. Rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland oo soo bandhigtay Carwo shaqo(Job Fair) | on May 19, 2013 Waxaa hoolka shirarka ee Jaamacadda Muqdisho faraceeda Bosaso lagu qabtay bandhig, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland(Puntland Chamber of Comerce and Industry) oo gacan ka helaysa Hay'adda UNDP. Kulanka ayaa ahaa mid lagu soo bandhigayey carwo shaqo, waxaana ka soo qeybgalay maamuulka rugta ganacsiga, Ganacsato,dhalinyaro, culm’udiin qaar ka mid ah Hay’adaha ka hawlgala Puntland iyo marti sharaf kale. Arday gaareysay 300 ayaa ka soo qeybgalay munaasabadda, kuwaasi oo wax ka bartay jamaacadaha ku yalaa Bosaso iyo 40 shirkadood oo goobta ku soo bandhigay boosas shaqo oo ka banaan shirkadahooda, waxaana ka mid ahaa shirkadahaasi Dahabshiil Bank iyo Salaam Bank. Ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga Maxamad Caydiid Jaamac oo sheegay in kulankaani ay ugu talagaleen in ay ku soo bandhigaan carwo shaqo, taasi oo lagu talagay in ay ka faa’ideystaan ardayda dhammeysatay jamaacadaha ku yaala deegaanada Puntland. Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiye ku xigeenka Rugta in arday ay u fureen tobabarka ku saabsan sidii ay ardayda loogu saameyn lahaa sganacsi iyo shaqo abuuris. Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay Prof. Cali Sheekh oo ah hormuudka Jamaamcadda Muqdisho ee magaalada Bosaaso oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin haddii ay yihiin maamulka jamacadda in ay marti galiyaan kulan sidaan oo kale oo muhiimad weyn u leh arday reer Puntland. Faarax Xaaji Mire oo ah madaxa xirir bulshada ee shirkadda isgaasiinta Golis Bosaso ayaa isna goobta ka hadlay, waxa uuna sheegay in shirkadda Golis ay qeyb libaax leh ka qaadatay barnaamijkan, waxa ayna maalgalisay barnaamij loogu magacdaray XILWA FAST FOOD oo ah kambani sameenaya cuntada fudud. Waxa ay sameeyeen cuntadii ay cunayeen marti sharaftaan ka soo qeybgashay xafladadan waana shaqo abuur loo sameeye ardayda dhameysatay jaamacadaha Puntland qaarkood ayuu hadalkiisa ku daray mudane faarax Gabagabadii waxaa kulanka ka hadashay Xamdi Cumar Cali oo ka mid ahayd ardaydii kasoo qeybgashay kulanka oo u mahad celisay Rugta ganacsiga iyo Hayadda Tadamun oo ay shaqo ka heshay kadib markii ay u gudbisay siifigayda intii ay soctay xafladda. Waa bandhigii ugu horeeyey ee Rugta ganacsiga Puntland ay soo bandhigaan, kaasi oo loogo magacdaray [Carwo Shaqo],waxa ayna maamulka Rugta ay balan qaadeen in ay sii wadayaan bandhiga noocaan oo kale, kaasi oo faa’ido weyn u leh ardayda reer Puntland, isla markaana fududeyn kara ALLE ka sakay in ay ardaya ay helaan shaqoooyin. Horseed Media Bosaso-Puntland Somaliya
  18. I Guess there is a first time for everything. Talow labadi meesha ku dagalamay ma jaad bay isku haysteen lol