Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Isimmada iyo Dowlada Puntland oo tacsi ka diray geerida Boqor Cabdilaahi [Maqal] Allaha u naxariistee waxaa dalka Finland maantay ku geeriyooday Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse,oo in muda ah sida la sheegay xanuun sanayay. Boqorka geeriyooday allaha u naxariistee ayaa ka tagay taariikh bug wayn,waxayna dad badan oo yaqaanay ay tilmaameen inuu ahaa nin alle ku banaysan dabci wanaagsan iyo ka shaqaynta maslaxada umadda Somaaliyeed,xitaa dhowr jeer ayaa loo xiray boqor Cabdilaahi isagoo ku guda jira arimaha bulshada iyo dantooda. Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo ku sugan magalada Kismayo xarunta Jubbaland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta ah ee boqor Cabdilaahi ku timi,wuxuna sheegay isagoo la hadlayay radiogarowe,inay ka naxeen geeridiisa isla markasna ay alle uga baryayaan inuu naxariistiisa Jano ka waraabiyo. Sidoo kale ehelkii iyo qaraabadii iyo waliba umadii uu ka baxay boqorka waxaa tacsi u diray Islaan Ciise Islaam Maxamad Islaam Muuse,wuxuna sheegay geeradia Boqorka inay wada taabatay umadda Soomaaliyeed. Garaad Maxamad Cilmi Shirwac oo ku sugan magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ayaa dhankisa sheegay allaha u naxariistee Boqor Cabdilaahi inay is yaqaaneen mudo ka badan afartan sano,wuxuna ku sifeeyay waxqabadkiisa mid aan dib loo qaban karin isla markasna mudan in mar kasta la xasusto. Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan ayaa ka mid ahaa Odayaashii sida wayn caawa uga hadlay geerida Boqor Cabdilaahi,wuxuna sheegay Boqorka inuu dhanka siyasada iyo dhanka dhaqankaba uu ku wanaagsanaa. Puntland Puntland ee Soomaaliyeed ayaa tacsi u dirtay dhamaan dadkii uu ka geeriyooday allaha u naxariistee Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo ahaa boqorkii 33-aad ee beesha *******,waxana warbaahinta la hadlay Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir. Allaha u naxariisto Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo maanta geeridiisa si wayn looga wada naxay,bahda Dunidaonline oo isku duuban,waxay tacsi taas la mid ah hawada u marinayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo dadkii uu ka geeriyooday Boqor Cabdilaahi. Nagala soo xariir :-Dunidaonline22@gmail.com Dunidaonline.com Xafiiska Garowe Listen to all the legend isims paying tribute to the 33rd king of beesha Sahal http://dunidaonline.com/index.php?id=9865
  2. Somalia: Clan king passes away 24 Jun 24, 2013 - 1:39:01 PM GAROWE, Somalia Jun 24 2013 (Garowe Online) – Bogor Abdullahi Bogor Muse a clan king, passed away in Finland succumbing to his ailing health on Monday, Garowe Online reports. The well-known Bogor Abdullahi suffered a stroke earlier this month and had been hospitalized in Finland. He passed away Monday afternoon after going into a coma. Bogor Abdullahi who comes from a lineage of clan kings was crowned in 2008 in a publicized event attended by then the late Somali Interim President Abdullahi Yusuf and then Puntland President Mohamud Muse Hersi (Adde) and thousands of Somalis, some who came from the diaspora. Puntland President Abdirahman Mohamed Farole – who currently is in the U.A.E – sent his condolences to the family, friends and Somalis who the clan king had passed away from. “On behalf of the Puntland government I would like to send my deepest condolences. He [bogor Abdullahi] had done incredible work for the people and state of Puntland. He wasn’t just a clan leader he was an activist, lawyer and humanitarian and our prayers go out to his family and friends,” said President Farole who spoke to media over the phone. According to local sources, Bogor Abdullahi’s body will be brought to Mogadishu where there will be a funeral ceremony held and then he will be buried in Bossaso. Abdullahi Bogor Muse was the 33rd king of the ***** clan-family. GAROWE ONLINE
  3. Madaxweynaha Puntland oo tacsi u direy boqor C/lahi 24 Jun 24, 2013 - 12:21:19 PM GAROWEONLINE Madaxweeyanha Dowlada Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamad Maxamud ayaa tacsi u diray Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse oo ku geeryooday dalka dibadiisa gaar ahaa wadanka Finland Madaxweeynaha Puntland oo ku sugan magaalada Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in uu ahaa Boqor Cabdulahi Alaha U Naxariistee nin wax badan Ummada Somaaliyeed u sooq abtay isla markaasna xasuus ku reebaysa dad badan waxqabadkiisa guud ahaan Somalia gaar ahaan Puntland. Dhageyso tacsida Madaxweyne Farole u direy Boqor Cabdulahi http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_Puntland_oo_tacsi_u_direy_boqor_C_lahi.shtml
  4. Madaxweyne Xasan: Boqor King-Kong nabadeyn baa lagu xasuusan doonaa | on June 24, 2013 7 Comments President of Somalia Hassan Sheik Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa eheladii, Qaraabadii iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Rabbi ha u naxaristee Marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo maanta ku geeriyoodey Dalka Filand. Madaxweynahu Waxuu sheegay in Boqor Cabdullaahi uu ka geeriyoodey dhammaan umadda oomaaliyeed “Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun,Waxaan leenahay Allaah Samir ha inaga siiyo Boqorka dhammaanteen, waxa uu ka tegey dhammaan umadda Soomaaliyeed, waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaano dalka ahaana aqoonyahan Taqasus u leh sharciga, kana soo jeeda boqortooyo oo waqtigiisa ku bixiyey nabadeynta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynuhu. Sidoo kale Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Boqorka uu door muhiim ah ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ahaa ee ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka Soomaaliya sidoo kalana la soo shaqeeyey dowladdihii dalka soo maray. Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Marxuumku ka mid ahaa Odoyaashii iyo Siyaasiyiintii isku hawshay badbaadinta Qaranka Soomaaliyeed. - DHAMAAD - Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow), Senior Advisor & Spokesperson to the Office of the President,
  5. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse oo dalka Finland ku geeriyoodey | on June 24, 2013 54 Comments Inaa lilahi wa inaa ilayhi raajicuun Rabbi ha u naxaristee waxaa maanta oo taariikhdu tahay 24/06/2013 ku geeriyoodey dalka Finland Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse. Boqor Cabdullaahi ayaa muddo bil ah ku jirey Isbitaal ku yaala dalka Finland, kadib markii Dhiiga maskaxdu xirmey (Stroke), kadib waxa uu galay Koomo. Boqor Cabdullahi Boqor Muuse ayaa ah nin caan ah oo si weyn looga yaqaaney dalka Soomaaliya waxaana uu ka soo jeedaa Boqortooyada *******. Inkasta oo aan sadaradan yar ku soo koobi karin tariikhda dheer ee Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa haddana ka xusi karnaa in uu ahaa aqoonyahan bartey cilmiga sharciga isaga oo Jaamacad uga soo baxay dalka Talyaaniga Bilowgii lixdamaadkii qiyaastii 1964-tii, waxaa uu muddo dheer ka tirsanaa Wasaaraddii Caddaaladda ee Soomaaliya ka hor xukunka Mileteriga iyo kadiba, sidoo kale waxa uu mar joogey Iibka Qaranka Soomaaliya, ugu danbeyntii waxa uu aha Qareen madaxbanaan. Si kastaba ha ahatee Inqilaabkii ciidanka milteriga ee Soomaaliya 1969, waxa uu noqdey bartilmaameed inta badan la geeyo xabsiyadii Soomaaliya. Sanadkii 1986 waxaa dhintey aabihiis Boqor Muuse Yusuf Boqor Cismaan, markaas Boqor Cabdullaahi waxa uu ku jirey xabsiga, waxaana markii uu dhintey Boqor Muuse laga soo daayey Xabsigii uu ku jirey, iyada o xukuumaddii markaas jirtey sheegtey in ay cafis u fidiyeen tacsida darteed. Sanadkii 1987 ayaa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse loo caleema saarey in uu noqdo Boqorka Beelaha *******. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse waxa uu ka mid ahaa Duqeytidii saxiixey Bayaankii caanka ahaa ee Manifesto ama Sulux, kaas oo ay talooyin iyo baaq ay ugu dirayeen Xukuumaddii Maxamed Siyad Barre (AUN) 1990 si dalka loo badbaadiyo, waxaana uu ka mid noqdey duqeytidii xabsiga la dhigey isla sanadkaas. Sanadkii 1991 waxa uu ka mid ahaa odoyashii iyo siyaasiyiintii u istaagey in la badbaadiyo qarankii Soomaaliya, waxa uu ka qaybgalay shirkii Jabuuti 1 iyo 2 ee lagu soo doortey Madaxweyne Cali Mahdi, intaas kadib Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse iyo siyaasiyiin uu ka mid ahaa Gen.Maxamed Abshir Muuse waxay maamulayen Gobolada Waqooyi Bari oo ka badbaadey dagaladii sokeeye isla markaana ahaa goobo xasiloon oo Booliska iyo Garsoorku ka shaqeeyo, Isimadda oo uu hormuud u ahaa Boqor Cabdullaahi ayaana iska lahaa guddoonka mamaulkaas. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa ka qaybgalay inta badan shirarkii Soomaaliya xalka loogu raadinaayey sanadihii 1990 – 2000. Sanadkii 1998, ayuu xilka Boqortooyada ku wareejiyey walaalkiis ka weynaa Boqor Maxamuud Boqor Muuse rabbi ha u naxariistee oo dhintey sanadkii 2006. Sanadkii 2000 waxa uu ka mid ahaa ergadii ka qaybgashey Shirkii Carta ee dalka Jabuuti kaas oo lagu dortey Cabdiqaasim Salaad Xassan, Boqor Cabdullaahi ayaa xukuumaddii Cali Khaliif galaydh ka noqdey Wasiirka Gaashaandhiga. Kadib markii uu dhintey Boqor Maxamuud Boqor Muuse oo walaal la ahaa Boqor Cabdullaahi ayaa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse looga maarmi waayey mar labaad waxaana loo caleemo saarey Boqorka beelaha ******* sanadkii 2008, kadib Boqorka waxaa la soo dersey xanuun waxaana uu muddo ku noolaa dalka Finland oo ay deganayeen Xaaskiisa iyo caruurtiisa. Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa ifka uga tegay hal xaas saddex wiil iyo gabadh iyo todoba caruur ah oo caruurtiisu dhaleen. Meydka Boqorka ayaa lagu wada in maalmaha so socda loo duuliyo dalka Soomaaliya si loogu duugu. Rabbi waxaan uga baryeynaa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse in uu janadii firdawsa ka waraabiyo dhamaana umadda Soomaaliyeed samair iyo iimaan ka siiyo gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Boqorku. Qoraalkan maaha mid aan ku soo koobeyno taariikhda dheer ee Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse, waxaanse oran karna waa dulmar guud. Au-musse Salo, Finland Buuga Tacsida Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse – Riix Halkan http://users2.smartgb.com/g/g.php?a=s&i=g26-27222-dc
  6. Only cuqdad driven mad man can deny Puntland education success. This state has one exams for all its highschool and primary school students. It has 150,000 active students. Primary and Secondary school all study from an accredited Puntland Curriculum that is recognized by a number of universities. A Puntland high school student can take his shahado from Puntland and automatically enter kenya, sudan,yemen, turkey,ethiopia university without a question. Because it is a quality education. Even the IDPS are trained everyday with a number of skills such small business, manual work, fishing,and other careers. There is a number of Puntland studens graduating from technical schools that are constructing Puntland limousines and gaining technical skills and small business trading skills. Anyone who denies Puntland Health and Education success is lunatic
  7. Muqdisho Madaxa D.F.Somalia oo ka xumaaday horumarka waxbarasho ee Puntland [Maqal] War hoose oo aanu ka helnay Villa Somalia ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa madaxwaynaha Somaliya iyo qaar ka mid ah wasiirada xukumada Cabdi Farax Shirdoon Saacid,inay si kal iyo laab ah uga caroodeen horumarka muuqda ee waxbarashada iyo caafimaadka ay gaartay dowlada Puntland ee Soomaaliyeed. Shirwaynihii qaran ee waxbarashada Somalia looga hadlayay,kuna soo dhamaaday magalada Xamar ayaa ka marqaati ka cay in Puntland guul wayn ay ka gaartay dhanka waxbarashada iyo Caafimaadka,waana tan keentay in Madaxwayne Xasan Shiikh uu ka carooday in shirkaasi Puntland lagu ammaano. Drs.Maryan Qaasim Axmad oo ah masuulka ugu sareeya wasarada horumarinta addeega bulshada dowlada dhexe ee Somalia ayaa lagu soo warayaa in isbitaal la dhigay,ka dib markii ay madaxtooyada Somalia kala kulantay cadaadis iyo xanaan kulul oo ku aadan sababtee ugu ammanta shirka Puntland iyo waxqabadkeed. Dad badan ayaa arintaasi aragtiyo kala duwan ka baxshay,waxayna qaarkood tilmaamayaan inay tahay arin aan horay looga baran madaxda dowlada,balse ay salka ku haysa siyaasada dalka,maadama Puntland madaxdeeda ay marmar badan dowlada Xasan Shiikh ku tilmaamen dowlad jabisay sharciga dalka ,caburinna shacabka ku haysa. Wasiirad Maryan ayaa waxay dhankeeda sheegtay inay mudan tahay in la sheego gobal kasta oo Somaliya ka tirsan horumarka uu gaaray,waxayna shirka qaran furitaankiisa khudbad ay kasoo jeedisay aad ugu ammaantay madaxda Puntland horumarka lixaadka leh ee ay gaareen,isagoona sheegay inay ku dayasho mudan yihiin. ''Mamulka Puntland waxaan ku ammaanayaa waxbarashada culayska ay saareen iyo nidaamka waxbarasho ee ay abuureen,waxa hada Puntland wax ka barta in ka badan 150-kun oo arday,oo iskugu jira hoose dhexe,iyo sare ,jaamacadiina way dheer yihiin,habka ay imtixaanaadka u qaadaan ayaa ah mid cajiib ah,waan ku ammaanaya wana arin ku dayasho mudan''Drs,Maryan Qaasim Axmad. Drs.Maryan ayaa sheegtay inay aad u liidato waxbarashada konfurta Somaliya,loona baahan yahay sidii kor loogu soo qaadi lahaa,wuxuna hadalkeeda u dhacayay in lagu daydo Puntland oo fikir iyo taloba laga qaato. Siyaasi ku sugan magalada Muqdisho oo lasoo xariiray Dunidaonline xafiiska Muqdisho,ayaa sheegay isku dhaca soo kala dhex galay madaxwayne Xasan iyo Wasiirka adeega bulshada inuu salka ku haya ''Puntland maxaad u aqoon satay Jubbaland iyo faraha kala baxa Dastuurka'',sidoo kale masuulkaas oo codsaday in magaciisa la qariyo ayaa sheegay xaalada ammaan ee magalada Muqdisho inuu yahay mid faraha kasii baxaya. Isku soo wada duuboo siyaasada madaxwaynaha Somaliya ayaa hada u eg mid sii xumanaysa,ka dib markii la ogaaday inuu dalka dib ugu celinayo 1991-iyo wixii ka dhacay Soamlia. Halkan ka dhagayso Maryan oo waxbarashada Puntland ammanaysa http://dunidaonline.com/index.php?id=9845 Maxamad Xaaji Dunidaonline.com Xafiiska Muqdisho
  8. Fadeexad— Drs. Maryan Qaasim Wasiirada horumarinta Bulshada oo Isbitaal la dhigey ka dib dhibaato kasoo gaartey markay amaantey heerka Waxbarasho ee Waxbarashada Puntland Muqdisho–21 Juun,2013–Puntlandi-- Wasiirada Horumarinta Arimaha Bulshada ee Dowlada Federaalka ah Drs. Maryan Qaasim ayaa Shalay Isbitaalka loo la cararay ka dib markii ay sarajooga ka dhacdey iyadoo sabab looga dhigey weerar iyo Culeys ay saareen shaqaalaha Villa Soomaaliya iyo hanjabaad ku aadan inay Xilkeeda waayayso, maxay tahay sababtu?? Howlwadeenada Puntlandi ee dhinaca dublamaasiyada ayaa heley Xogta Rasmiga ah ee ka dambeysey in Wasiirada dhiigu ku karo oo ay sara joog u dhacdo ka dibna Isbitaalka loola cararay oo ay ilaa hada jiifto. Arbacadii ayaa Wasiiradu iyadoo ka khudbaynaysa hoolka uu ka socdo Shirka Waxbarashada Soomaaliya waxay khudbadeeda u badisey oo si qodo dheer uga hadashey Heerka Waxbarasho ee Puntland, Waxay tiri “Waxbarashada Puntland waa mid tusaale fiican u noqotay Soomaaliya, waxay guul ka gaareen Waxbarashada iyo Adeega caafimaadka, waxayna mudan yihiin in arimahaas iyaga wax laga waydiiyo lagalana tashado, waayo Dadkaas waxay dhisteen hab wanaagsan oo Waxbarasho iyo xitaa Adeegyada Caafimaadka.” Hadalkaan ayaa aad uga xanaajiyey Villa Soomaaliya waxaana Wasiirada Khamiistii looga yeerey Xafiiska Madaxweynaha Waxaana si cad loogu yiri sidaan.. Waxaad hoos u dhigtey hamigii Dowlada, ma ahayn inaad amaan intaa le’eg aad u jeediso Dowlad goboleedka Puntland waayo amaantaasi waxay wax u dhimaysaa sumcada iyo siyaasada Dowlada, Shirka waxaan u qabanay inaan muujino kaalinta Dowlada hadase waxaad hoos u dhigtey sumcadii Dowlada, lagaamana fileyn inaad lid ku noqonayso siyaasadeena,. Erayadaas waa qaar kamid ah Erayadii Drs. Maryan Qaasim ay kala kulantay Villa Soomaaliya khamiistii (20 Juun,2013) waliba waxaa loogu darey hanjabaad iyo in lagu kala kaco fadhiga, Wasiiraduna aad uga xumaato arintaas. Wasiiradu inta ay aad uga xumaatay Hadalada aysan ka fileyn Wasiirada ayay ku jawaabtey “Mida kowaad Shirka inagu ma aynaan qaban waxaa qabtey Qaramada Midoobey inaga magaca iyo isku xirka uun baa la ina siiyey, tan kale Gobolada Dalku sow kuwaan Masuuliyiinta unahay ma ahan, ma garanayo in la qariyo Waxa jira, qofkuna wuxuu sameeyo waa lagu amaanaa si ay kuwa kale ugu daydaan” Waxayna kasoo baxdey Villa Soomaaliya iyadoo Xanaaqsan. Intaas loogama harin Wasiirada ee shalay oo shirka lasoo gabagabeynayay uuna Madaxweynuhuna goob joog ka ahaa ayaa Wasiirada Markii ay kasoo baxaysay Xafladii gunaanadka waxaa u yimid qaar kamid ah Odoyaasha Beesha ****** oo arinta dhacdey ka war heley waxayna ku yiraahdeen “Shaqadaada waad gudan waydey mise Garowe ayaa lagaaga yerey, Madaxweynuhu waa inuu keenaa booskaaga qof qaranka u shaqayn kara oo daacad ah”. Waxaa taas ka sii daran Waxaa iyana isla wakhtigaas Wasiirada hadalo kulkulul ku yiri Qaar kamid ah Shaqaalaha Xafiiska Madaxweynaha, taasaana dhalisey iney Wasiiradu markay ka baxaysey Hoolkii shirka Waxbarashada oo ay gurigeeda u socotay ay sarajooga ka dhacdo loolana Cararo Isbitaalka oo ay ilaa hada ku jirto. Waxaase kasii Cajiibsanaa in Madaxweynu uu khudbadiisa kusoo darey Erayadii ay Wasiiradu eedsatay isagoo ka duulaya Xanaaqii Wasaiirada kuna qancinaya iyada, ama uu ula jeeday si dublamaasiyadeed, maadaama Wasiiradu ay horey Xaqiiqda uga hadashey. Sida aan ka helney Dublamaasiyiin jooga Muqdisho Wasiiradu waxay waaayi doontaa Xilkeeda ama waxaa lagu qancin doonaa Wasaarada Haweenka oo qura. Puntlandi.com Muqdisho
  9. These are The godfathers of Muqdishu. And for the first time I agree with Xaaji, The capital isn't defined in the constitution and it will be discussed if it will remain th capital or not through conference called Shirka Mustaqbalka Casimada Somaliya. These HAG Godfathers want it both ways, they want Hamar to be a clan enclave yet have the title of capital city. You can't get it both ways guys. Hamar will be a normal gobol if you want a clan based city. I think these Godfathers prove why mogadishu isnt a viable capital for umada somaliyeed. I think a new designated federal capital should be decided on. Maybe even build a new city and distribute it evenly across the somali clans on a 4.5 basis. Mogadishu is were the blood is spilling, how do we still consider this the capital of somalia when so much blood has been shed the blood is still spilling. The best idea for somalis is start fresh, new capital, free of bad history, free of bloodshed, equally settled on a 4.5 basis and hamar can serve as a museum of war for our children on what tribalism can lead too.
  10. GAROODI;962861 wrote: Saxib how can you afford tv when your Militia has not been paid for two years??? I think it's more hadal look forward to it. You do know what national means right?? It has to be heard and seen further then gorowe Are you trolling or are you lacking some political M O..War it will be seen all the way around the world via satellite TV, I just posted the bandwaves. By the way It's second studio is in London. So it's national. As for Puntland military you think im going to even debate such an issue with you after seeing the sanad gurrada of the marines packing jet fighers, helicopters, command control center, sophisticated bases, airport strip helicopter decks and armed helicopters, cargo-planes like the an-26, f450s. Please son There is no doubt about the strength of Puntland.
  11. Tilamok let me remind you that I have my Puntland Driver License and at this stage it is only recognized in Puntland but we will be pushing for it to be recognized around the world as an international drivers license like our high school certificates are recognized as entry points for a number of universities like turkey, sudan, kenya, ethiopia, and yemen. Your need to get it in your head that Puntland is an Indepedent State with it's own government, parliament, ministries, judicial system, central bank, army, navy, airforce,police, intelligence, flag, anthem. It has an ethiopian consulate active and yemen consulate opening soon. It now has liason offices to issue visas to a number of european and asian countries. Let's not forget that our leader meets world leaders such as libya prime minister, ethiopian pm, kenya president, yemen president. High level ministers around the world in particularly italy, uk, gulf states, india, australia, america. This goes vice versa and they come to puntland to meet with us. Whats your problem sir?. Puntland is indepedent nation waa madaxbanan yahay dasturkeena bay ku qoran tahay wuxuna wafaqsan yahay dasturka somaliya. We are indepedent untill the completion of federalism in Somalia.
  12. Lol kadafi maybe it's your lack of political skills or your just being a troll. When does a travel agent issue visas please let me know. They issued fares last time I checked. Puntland Govt prints the Somalia Passport and Issues visas to a number of countries some of those include the nations I listed.
  13. Puntland Radio is on the airwaves, here comes Puntland TV. I hope you guys all tune in and see Somalia from a Puntland Perspective.
  14. Garowe: Puntlandtv oo caawa hawada soo galay ka dib Muddo 15 sano ah oo uu jirey magaca Puntland,Warbixin. June 18, 2013 6:25 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe: (pp)- Maamulka iyo Shaqaalaha Warbaahinta Puntland ayaa hambalyo iyo bogaadin bulshada reer Puntland ugu direy tixaabadii kowaad ee Tv-ga Puntland oo lagu guuleystey in hawada si toos ah caawa looga daawado markii ugu horeysay muddo 15 sano oo ay Puntland jirsatey. Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Warbaahinta Puntland Abshir Abdulaahi oo wareysi Shabakada Puntlandpost.com la yeelatey ayaa sheegey isagoo ku hadlaya magaca Shaqaalaha iyo Xafiiska Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Puntland inuu ku faraxsan yahay TV-ga oo dhawaan barnaamijyadiisa iyo Wararkiisu bilaaman doonaan in si toos ah caawa markii ugu horeysay 15 sano oo Puntland jirsatey Tv ay leedahay laga daawado meelo badan oo ka mid ah dunida daafaheeda. “Dad badan oo ku faraxsan kusoo biiritaanka hawada ee TV-ga Puntland leedahay ayaa naga soo wacay meelo kala duwan iyaga oo noo sheegey inay daawanayaan islamarkaana muuqaalka Tv-ga lagu arki karo uu yahay mid aad u sareeya”Ayuu yiri Abshir Abdulahi Mohamed. TV-ga Puntland oo dhalooyinka dad badani ka daawanayaan caawa ayaa waxaa magaca uu sito ee shaashada u saaran uu yahay magaca Puntlandtv iyadoona astaanka lagu yaqaan calanka Puntland ay calaamad u tahay Tv-ga waxaana la filayaa in dhameystirka howshiisa Tv-gu oo ah bilaabitaanka baahinta barnaamijyada iyo wararkii ka bixi lahaa dhawaan dadweynaha ay soo gaari doonaan sida uu noo xaqiijiyey Mudane Abshir. Tijaabada TV-ga Puntland ee hawada ku jira waa:Thicom 3640 FR:28066 SIZE 3/4 Herizental, waxaana tijaabada Tv-ga laga soo baahinayaa London, iyadoona xarunta dhexe oo ah halka shaqaalaha iyo maamulku ka howl galayaan ay noqon doonto magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland. Horey waxaa hawada ugu jirtey Idaacada Dowlada Puntland oo labadii todobaad ee lasoo dhaafey baahineysay barnaamijyo iyo warar , iyadoona idaacada hadda shaqeysa oo ah midda la yiraahdo short wave-ka si toos ah looga dhageystaa Mowjadaha SW1-ka iyo SW2, iyadoona laga maqlo sida uu maamulka Warbaahintu noo xaqiijiyey Frequencyaha kala ah 13.800 Magaheyrtis ama 24.5 Mitir band oo Maalintii laga dhageysto iyo 160.6 magahayrtis ama 49 Mitir band oo habeenkii ah. Puntlandpost.com Garoowe.
  15. Afhayeenka Dawlada oo ka hadlay TV-ga Puntland oo caawa hawada si tijaabo ah ugu jira [Maqal] Afhayeenka Dowlada Puntland ee Soomaaliyee Axmad Cumar Xirsi ''Libaaxjoore'' oo la hadlayay warbaahinta gudaha saacid ka dib markii uu hawada si tijaabo ah usoo galay Puntland-tva ayaa sheegay inay tahay guul ballaaran oo shacabka Soomaaliyeed usoo hoyatay. Libaaxjoore waxa uu sheegay xarunta ugu wayn ee Tv-ga inuu yahay magalada Garowe,xarunta labaadna London,wuxuna sheegay hadafka laga lee yahay warbaahintaan cusub inay tahay sidii shacabka Soomaaliyeed ee ku kala firdhisan daafaha caalamka loo gaarsiin lahaa waxyaabaha horumarka leh ee ay gaareen shacabka Puntland iyo xaaladaha ka socda. Wuxuna hambalyo u diray dhaman shacabka Puntland meel kasta oo ay ka joogaal aduunka,wuxuna sheegay inay u tahay furqad qaali ah. Arimaha ay baahinayaan war baahintaan cusub ee ay yeelatay Dowlada Puntland ayaa waxaa ka mid ah horumarka ay Puntland gaartay,arimaha bulshada,siyaada iyo dhaqaalaha dalka,wuxuna hawada ku jiraa afar iyo labaatan saac oo xariir ah. Puntland ayaa yeelatay 15-sano ka dib warbaahin u gaar ah,isla markasna ah caalami,taasoo qayb ka noqon doonta horumarka ay gaartay xukumada talada haysa. Dhegayso http://dunidaonline.com/index.php?id=9821
  16. Khadafi, the Garowe Visa office deals with visas to dubai-saudi-ethiopia-yemen. Bosaso Visa Office deals with visas to malaysia, china, pakistan and Turkey. Federalism is still alive, who said it isn't except your warped interpretation of federalism which is along the lines of a centralized federalism which is not what Puntland nor the constitution supports. We support a de-centralized Federalism and for your information Puntland constitution says we will take care of our own affairs as an Indepedent state untill federated states are born and re-negiotation with the federal govt is taken place.
  17. Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) Magaaladda Boosaaso Oo Laga Furay Xafiis Qaabilsan la Talinta Khilaafaadka dhanka Ganacsiga iyo Fisooyinka [Wareysi+Sawirro] Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) Boosaaso[RBC Radio] Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa laga furay Xafiis ka shaqeyn doona xalinta khilaafaadka ka dhex dhaca ganacsiga sida Shirkadaha arrimaha la xiriira ee dhanka ganacsiga iyo soo saarista Fiisooyinka Waxaana sidoo kale uu qaban doonaa in bulshada reer Puntland uu u fududeeyo in u soo saaro Fiisayaasha dalalka Turkiga, Shiinaha,Pakistan,Malaysiya. Guddoomiyaha Xafiiska la talinta khilaafaadka ganacsiga Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) oo RBC Radio ugu waray magaaladda Boosaaso ayaa ka warbixyey arrimaha uu qabanayo Xafiiskoodu. Wuxuu sheegay in Xafiiskoodu uu wax badan ka qaban doono dhibaatooyinka iyo khilaafaadka maamul ee ganacsiga ka dhex dhasha isla markaana ay siin doonaan tallooyin wax ku ool ah. …”””Xafiiskan wuxuu wax ka qabanayaa una furanyahay kala talinta iyo khilaafaadka dhibaatooyinka maamulka gaanacsiga iyo kuwa sida gaarga ah loo leeyahay haddii khilaaf dhexyimaado……”””ayuu yiri Abshir Axmed Yuusuf. Mudane Abshir Axmed Yuusuf ayaa xusay in sidoo kale tallooyin iyo la talin siin doonaan qofka doonaya in uu ganacsi bilaabo watana lacagtiisa balse aan garaneyn goobta uu ku jihayn lahaa ganacsigiisa,wuxuuna intaas ku daray in Xafiiskoodu uusan khusayn ama shaqo ku lahayn arrimo Siyaasadeed. …..””” Qofkii raba inuu ganacsi ama uu lacag haysto una garan waayo wuxuu ka qabto lacagta inaan si fudud u siino la talin sida ugu haboon ee u ku qabsan karo,Xafiiskan ma khuseeyo wax Siyaasad ah ma hoos yimaado…””ayuu yiri. Fiisayaasha. Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) ayaa sidoo kale RBC Radio u sheegay in Xafiiskoodu u qaban doona bulshada reer Puntland in afar wadan oo Caalamka kamid ah Fiisayaashooda usoo saari doonaan,taasina ay tahay fursad loo baahanyahay iney ka faa’ideystaa. Fiisayaasha Xafiiskoodu soo saari ayuu ka sheegay iney yihiin wadamada ,Shiinaha,Pakistan iyo Malayshiya,waxayna yihiin Fiisayaasha ay qeybaha Caafimaadka,Ganacsiga iyo Waxbarashada. …””Xafiiskan wuxuu sidoo kale soo saaraa qeybaha Fiisooyinka dalal farabadan oo kamid ah afar wadan oo kala ah Turkiga,Shiinaha,Pakistan iyo Malayshiya, afartaas wadan Fiisooyinka ay soo saaraan waxa weeye qeybta Caafimaadka,Ganacsiga iyo Waxbarashada,……”””ayuu yiri Mr Abshir. RBC Radio oo weydiisay Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) sababa xiligaan ku dhaliyey in Xafiiskan ka furan Boosaaso iyo baahiyaha keenay ayuu kaga Jawaabay…..!!!!! JAWAAB……””” Wallaahay waxa nagu dhaliyey khaasatan magaaladda Boosaaso waa magaalo aad u weyn oo ah magaalo madaxda ganacsiga Puntland sidaa darted waxaan aragnay markii aan dalka khaasatan anigu aan imi waxan arkay waxyaalo badan oo fursado ah oo dalka dhexyaala oo ah qeybta Ganacsiga,waxaana garows anahay in Shirkadaha isu keeno si ay si mideysan wax u wada qabsadaan iskuna darsan karaan Ganacsigooda….”””ayuu yiri Abshir. Guddoomiyaha Xafiiska la talinta khilaafaadka ganacsiga Abshir Axmed Yuusuf (Sallacalee) ayaa gabagabadii tallooyin usoo Jeediyey dhalinyarada Tahriibta galeysa iyo kuwa waxbartay,wuxuuna kuwa Tahriiba kula taliyey in dalkooda joogaan isagoona arrimahaas u sababeeyey shaqo la’aan dalka ka jirta. Halkan ka Dhageyso Waraysiga ay Raxanreeb la Yeelatay Guddoomiye Abshir Axmed Yuusuf Guji Halkan http://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/Abshir.mp3 NB: Waxaa Wareysiga qaaday Cismaan Turaabi
  18. Salax somalilanders have not only fled to Mogadishu but they are fleeing to Puntland and being employed in the shoe industry and other metal sectors. They're doing well. 9:03-11:20
  19. Dhagayso Suldaanka JareerWeyn, Axmed-Rashiid Sh. Shucayb “Gobolkayga ayaa la igu Gumeystaa lana igu gumaadaa,Waxaana ka dambeyey Beesha Madaxweynaha oo magac dowlad nosoo huwata” Dagaalkii saaka ka qarxay Nawaaxiga Jowhar oo u dhexeeyey labo beelood oo dega deegaanka ayaa sababay in gumaad loogeystey beesha ********** ka dib markii Beesha kale oo ahayd beeesha Madaxweyne xasan Sheikh ay u awood sheegteen, Ciidamadii watay magaca Dowlada oo ahaa beesha Madaxweyne xasan Sheikh ayaa si toosa Dagaal beeleedka uga qaybqaatey, dagaalka ayaa markii hore ka qarxay kadib markii Dad rayid ah oo haween ku jiraan una dhashey beesha Jareerwayn sigaadmo ah lagu diley. Sida uu Ugaaska Beesha ********** sheegey waxaa lagu heystaa Dhulkooda inay ka taliyaan iyadoo loo awood sheegtey kadib na magaca Dowlada lagu xasuuqay Maatadoodii, AUDIO http://puntlandi.com/dhagayso-ugaaska-jareerweyn-axmed-rashiid-sh-shucayb-beesha-madaxweyne-xasan-sheikh-oo-huwan-magaca-dowlada-oo-gumaadey-beesha-jareerwayn-dagaalkii-jowhar-ee-maanta/
  20. Kalfadhigii 30-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta furmay [Maqal+Sawiro] Waxaa maanta hoolka shirarka aqalka gollaha wakiilada Puntland ka furmay kalfadhigii 30-aad ee ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka,waxana furitaanka shirkaasi kasoo qayb galay gollayaasha, xukumada,garsoonka iyo masuuliyiinta ugu saraysa ciidanka difaaca Puntland. Bilowgkii kalfadhiga waxaa ka hadlay afhayeenka gollaha wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamad Xirsi,wuxuna sheegay arimaha ugu muhiimsan ee fadhigaan looga hadlayo in ay ka mid yihiin magacaabista Gobal iyo degmooyin cusub oo ay horay usoo ansixiyeen gollaha xukumada iyo ajandayaal kale. Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray in ka badan 40-mudane,iyadoona dhanka kale isla maanta la dhaariyay Farax Caydiid Cosoble oo uu dhalay allaha u naxariistee Xildhibaan Caydiid Cosoble oo geeriyooday. Madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo fadhiga baarlamaanka ku dhawaaqay inuu furan yahay ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan Puntland ,sida nabadgalyada,nidaamka dimoqraadiyada iyo doorashooyinka gollayaasha deegaanada oo dhici doono bisha danbe bartamaheeda. ''Mudaneyaal xaalada guud ee nabadgelyada Puntland waa fiican tahay marka laga reebo dhacdooyin mar-marka qaarkood dhaca oo aynu la qabno adduunka iyo somaliya inteeda kale kuwaasoo intooda badan ay ka danbeeyaan kooxaha argagaxisada ah oo markasta ku mashquulsan dhibaataynta iyo waxyeelada dadka iyo dalka Somaliya''.Cabdisamad Cali Shire. Sidoo kale ku simaha madaxwaynaha Puntland ayaa barlamaanka uga war bixiyay halka ay marayso nidaamka axsaabta siyaasada iyo doorashooyinka,wuxuna sheegay bisha danbe 15-keeda sida uu qorshaha yahay in la qaban doono doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland,taasoo ku tilmaamay inay qayb ka tahay dowlada hada jirta balanqaadkii ay samaysay xiligii ay talada Puntland la wareegaysay. Sida uu sheegay Gudoomiyaha baarlamanka maalinka barito ah ayaa lagu wadaa mudanayaasha baarlamaanka Puntland inay ka hadlaan dhowr ajande oo baarlamaanka la horkeeya,iyadoona arinta ugu wayni ay tahay ka doodista gobal cusub uu dhowaan magacaabay madaxwayne Faroole iyo dhowr degmo. Nagala soo xariir :- Dunidaonline22@gmail.com Dunidaonline.com Xafiiska Garoowe
  21. Garowe: Furitaanka kalfadhiga 30-aad ee Barlamanka PL 15 Jun 15, 2013 - 2:05:23 AM GAROWE ONLINE Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna sii hayaha xilka madaxtinimada Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 15 June ,2013 si rasmi ah u furey kalfadhiga 30-aad ee golaha wakiilada Puntland. Hoolka Barlamanka ee magaalada Garowe ayaa waxa fadhiyey 48 mudane oo ka tirsan aqalka wakiilada Puntland ,wasiiro xukuumada ka socdey ,sarakiisha kala duwan ee ciidamada iyo marti sharaf lagu casumey fadhiga Barlamanka. Ajandayaasha horyaala barlamanka ayaa waxa ka mida Maxkamada dastuuriga ,xisaab celinta miisaaniyada ,ansixinta gobolka Guardafu ,degmooyinka cusub iyo wixii xeerar ah oo xukuumadda u soo gudbiso golaha inta fadhigoodu socdo. Gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirisi ayaa hadal kooban soo jeediyay oo uu kaga hadlay golaha waxyaabihii ay meel-mariyeen kalfadhigii 29-aad. Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbad dheer soo jeediyay uu uga hadlay amaanka ,nidaamka asxaabta badan iyo arrimaha Federaalka Somalia. Nabadgelyada. Puntland mid nabdoon ayuu ku tilmaamay Gen.Cabdisamad ,inkastoo ay jiraan dhacdooyin uu sheegay inay kala mid yihiin qaybaha kale ee dalka kuna eedeeyay inay ka danbeeyaan kooxo argagixiso ah. Ciidamada amaanka Puntland iyo sirdoonkeeda ayuu ku sifeeyay kuwo ka hortagay oo fashiliyay qorshayaal lagu doonayay in shacabka Puntland lagu waxyeeleeyo. ''Aad ayaan ugu bogaadinayaa ciidamada kala duwan ee Puntland iyo shacabkeeda oo runtii fahmay cadawgeeni in aanu cidna dhaafayn dowlada ,culimo ,waxgarad iyo shacaba'' ayuu yiri. Arimaha Dimoqraadiyada Puntland. Doorashooyin xor ah inay ka dhacaan Puntland 15 July,2013 ayuu rajo wanaagsan ka muujiyay ,waxana uu raaciyay in meel fiican hawshu marayso. ''Waxaan ku kalsoonahay in doorashooyinkaasi si nabad ah u dhici doonaan ,anagoo diyaar u ah balanna qaadayna in hadi nalaga guulaysto aanu ku wareejino talada dalka xisbigii ku guulaysta'' ayuu yiri Gen.Shire. Siyaasada iyo Federaalka Somalia Puntland iyo kaaliinteedi dalka KMG-nimada looga saarayay iyo samayn dastuurka ayuu ka soo sheekeeyay madaxweyne ku xigeenka Puntland. Wax laga xumaado ayuu ku tilmaamay Gen.Shire in DF oo sanad ka yar jirta durba laga tirsado khaladaad waawayn oo hadii lala hadlona aan garawshiiyo laga helin. ''Dastuurkii dalka ee lagu heshiiyay ayaa meesha laga saaray ,oo lagu badalay mid la soo qoray ,waxa uu farayaa dastuurku in dadku samaysan karaan maamul u gaar ah laba gobol iyo wixii ka badan ,waxa nasiib daro ah in DF dagaal kala hortagto Jubaland iyo shacabkeeda'' ayuu yiri. Ciidamada DF iyo kuwa Al-shabab ayuu sheegay inay iska kaashadeen burburinta Jubaland ,waxana uu raaciyay inay Puntland marar badan isku dayday inay dhexdhexaadiso madaxda DF iyo Jubaland. Talo soo jeedin 1- Reer Puntlad ayuu u soo jeediyay inay dhowraan kana shaqeeyaan nabadgelyada oo aanu qof dan lihi dhibaato ka dhex abuurin. 2-Maamulka Jubaland iyo shacabkeeda ayuu soo jeediyay isku xirnaansho iyo midnimo isagoona raaciyay in cadawgii dhulkooda ka xoreeyeen weli duljoogo kuna haminayo inay dib u qabsadaan. 3-Madaxda DF ayuu u soo jeediyay inay ku laabdaan dhaqanka dastuurkii asalka ahaa ee Somalia ''Dalka waxa lagu hogaamin karaa midnimo ,cadaalad ,dhexdhexaadnimo iyo wixii ay ku heshiiyeen oo la ilaaliyo'' ayuu ku soo xiray hadalkiisa. Dhanka kale waxa goobta lagu dhaariyay xildhibaan Farax Caydiid Casowe ayaa lagu dhaariyay oo golaha ku soo biirtay iyadoo uu gudoomiyuhu sheegay in beesheedu soo gudbisay ka dib markii bishii aynu soo dhaafnay aabaheed maagalada Laascaanood ku geeriyooday. I have a bit of hope they're going to put a nice garden here. I see some work happening Thank God looks like on the right hand corner they're laying carpet and modernizing the in the inside in preparation for multi party politics. Lets just hope they update the seating while they're at it.