Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. AUN, to the director of Qardho hospital. Jannada illahi haka warabiyo, he has done alot of good work for the people of Qardho. I am quite disappointed with alot of people are dying. First it was the shocking news of Abdullahi Yusuf, Then Kingkong and now the founder of qardho hospital. Its just to much to bare.
  2. Agaasimihii Isbitaalka guud ee Qardho C/raxman Siciid Aadan oo geeriyooday laguna aasay Magaalada Qardho [sawiro] | on July 1, 2013 13 Comments Waxaa maanta 1 luulyo 2o13 magaalada Qardho lagu aasan allaah u naxariistee agaasimaha Guud ee isbitaalka Qardho Marxuum C/rixmaan Siciid Aadan oo maanta ku geeriyooday magalada Qardho. Marxuum C/raxman Siciid Aadan ayaa xanuunsanaa bilihii tagay,waxaana maanta ku geeriyooday magalada Qardho, aifka waxa uu ugu tagay 6 caruur ah iyo hooyadood. Marxuum C/raxman Siciid Aadan Agaasimihii Isbitaalka Qardho ayaa ahaa nin si weyn dadka ay u jeclaayeen,waxa uu ahaa shaqsi ku dadaala Salaada,Sadaqada Cibaadada,Caawinta masaakiinta,intabadan dadka ku dhaqan magaalada Qardho ayaa si weyn u jeclaa waxaana laga dareemayaa aaska maanta loo sameeyey oo ay ka soo qeybgaleen dad aad u badan,waxaana qof walbo wajigiisa ka muuuqday tiiraan ku aadan geeridii ku timid Agaasimihii Isbitaalka Qardho C/raxman Siciid Aadan. Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ku geeriyooday Marxuum C/raxman Siciid Aadan,waxa uuna sheegay in uu ahaa nin u dadaala masaakiinta. Gudoomiyaha Gobolka karaka C/qur’aan Maxamed Aadan iyo kusimaha agaasimaha Isbitaalka Qardho Cismaan Cabdi Awmuuse aya sidoo kale tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday agaasimaha isbitaalka Qardho Marxuum c/raxman Siciid aadan. Cabdiraxman Maxamed Cali (Black) Horseed Media
  3. Kulan dhexmaray Puntland & Wafdiga DDS Ethiopia 2 Jul 2, 2013 - 1:09:57 AM GAROWE ONLINE Xarunta madaxtoyada Garowe ayaa maanta 02 July,2013 waxa kulan uu ku dhexmaray masuuliyiinta Puntland iyo wafdi ka socday dowlad degaanka Somali Ethiopia oo shalay soo gaaray. Wafdigan ayaa waxa hogaaminayay wasiirka tababarada iyo xirfadaha ee DDS Ethiopia Maxamed Faatix Maxamed oo ay wehelinayeen wasiir xigeenka kobcinta awooda shaqaalaha Qalbi Axmed Jaamac iyo salaadiinta dhaqanka ee deegaankasi oo kala ahaa Ugaas Khadar Axmad ,Suldaan Cabdiraxman Bade iyo Garaad Cabdimaalik Cismaan. Shirka ayaa qayb waxa ka ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo masuuliyiinta dowladda ,waxana Gen.Cabdisamad Cali Shire uu ku soo dhoweeyay Puntland wafdigan markii ugu horeysay noociisa oo kale yimadaan. Xoojinta xiriirka labada dhinac ka dib heshiiskii Jigjiga labada madaxweyne ku galeen sanadki horey ayuu ka hadlay ,waxana sidoo kale xusay inay iswaydaarsan doonaan khibradaha shaqo iyo maamulba. Dhankiisa ayaa Faatax uu tilmaamay in Garowe iyo Jigjiga ay deganyihiin dad isku mid balse duruufuhu kala fogeeyeen ,isagoona muujiyay farxadiisa ku aadan imaatinka Puntland iyo ka qaybgalka aaska qaran ee AHN boqorka. Waxa uu tibaaxay inay xiriir wanaagsan la leeyihiin Puntland islamarkaasina doonayaan sidii loogu sii horumarin lahaa gaar ahaan dhinacyada dhaqaale iyo maamulba. Wasaarada Waxbarashada Puntland xarumo ay ka mid tahay ayay wafdigani booqdeen ,waxana ay dhankodoa la yeelanayaan hogaanka dhaqanka kulamo kala duwan.
  4. Wafdi ka socda Dowlad Degaanka Soomaalida ee Itoobiya oo si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe [sawiro] Waxaa galabta magalada Garowe xarunta Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed soo gaaray wafdi iskugu jira wasiiro iyo isimo oo ka yimi dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya. Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay wasiirka tababarada iyo xiriirka dawlad deegaanka Somaalida Ethiopia Faatax Maxamed, waxana duleedka koonfureed ee magalada Garowe si wayn ugu soo dhaweeyay mamulka Gobalka,wasiiro,Odayaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,waxayna dadka soo dhawaynta ka qayb galay ay siteen calanka dowlad deegaanka iyo kan Puntland. Ujeedka socdaalka masuuliyiintaan ayaa lagu sheegay inay tahay ka qayb galka Aaska magalada Qardho loogu samaynayo allaha u naxariistee Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo todobaaadkii hore ku geeriyooday dalka Finland. Wasiirka Tababarada Faatax Maxamed oo warbaahinta la hadlayay ayaa marka hore ka mahad celiyay habka wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magalada Garowe,wuxuna sheegay inay kulamo kala duwan la qaadan doonan mamulka xukumada iyo shacabka Puntland. Wafdigaan Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ka yimi,masuuliyiin ka imaan doonto dowlada dhexe ee Somaliya iyo madaxda Puntland ayaa la sheegay inay ka qayb noqon doonan Aaska Boqor Cabdilaahi oo la sheegay maalmaha soo socda in lagu aasayo magalada Qardho.
  5. The following is awaiting the great city of Bosaso. State of the art cement factory, metal factory, windows factory, and fishing factory with a investment injections in the education and health sector while hundreds of foreign multinationals are line up to get they're investment portfolio into the city. That what im talking about. Hurry up guys with the dhagax dhigis ceremony
  6. What u gonna do Xunjuf. What u gonna do. Theyre is an election occuring here go away with your garbage
  7. Don't under-estimate UDAD, it has a heavyweight politician in there. Former Prime Minister of Somalia. Professor Gaas
  8. Urur siyaasadeedka UDAD oo markii ugu horaysay banaan baxay [Maqal+Sawiro] Urur siyaasadeedka UDAD oo ka mid ah ururada iskugu soo haray ka qayb galka doorashooyinka,ayaa maanta qabsaday banaan baxoodii ugu horeeyay, waxana kasoo qayb galay taageerayaal tiro badan. Magaalooyinka sida wayn looga dareemayo banaanbaxa Ururka UDAD waxaa ka mid Magalada Garowe xarunta Dowlada Puntland,waxana wadooyinka qaar lagu arkayay dadyow badan oo sida astaanta ururka UDAD,Socod ay laamiga kusoo mareen dadkaasi ka dib waxay iskugu yimaadeen bartamaha magalada. Faadumo Diiriye oo ka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa ururka UDAD ayaa taageerasha ururka ugu baaqday inay codkaada ku taageeraan isbadalka Puntland ka jira,waxayna sheegtay inay yihiin ururka kaliya ee dadka reer Puntland horumar iyo kala danbayn gaarsiin kara. Sidoo kale waxaa ka hadlay isku soo baxaasi odayaal iyo dhalinyaro,waxayna sheegeen nidaamkan inuu yahay mid si wayn loogu liibaanayo,isla markasna shacabka looga baahan yahay inay isbadalka u hiishaan. Ugu danbayntii Gudoomiyaha ururka mucaaradka ah ee UDAD Siciid Faarax Sanwayne,ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay kulanka,wuxuna sheegay inay xooga saari doonan baahiyada ay shacabka u qabeen helitaanka biyo nadiif ah iyo koronto gaarta goobaha dadka danyarta ah ay degan yihiin,wuxuna balan qaaday Siciid inay wax badan ka qaban doonan xaaladaha ka jira Puntland. Taageerayasha ururka UDAD ayuu Siciid Sanwayne ugu baaqay inay codkooda ku taageeraan isla markasna ay usoo baxaan sidii looga dhabayn lahaa in la helo xukumada shacabka iyo dalka si wanaagsan uga adeegta,wuxuna madaxda ururka Horseed ku eedeeyay inay si aan munaasib ahayn ugu isticmaalaan dhaqalaha dowlada. AUDIO http://dunidaonline.com/index.php?id=9892
  9. Dahir aways is being led to prison and dhusomareeb and guriceel lack any vision for an administration while Puntland is in Campaign mode What a SHOT
  10. Ururada Siyaasadda Puntland oo wali ku guda jira banaanbaxyadooda [sawiro&Maqal] Urur siyaasadeedka Horseed ayaa maanta banaanbixisii kowaad ku qabsaday deegaanada Puntland,waxana banaanbaxyadaasi kasoo qayb galay taageerayasha ururka. Isku soo bixii ugu waynaa ee ururka Horseed ayaa ka dhacay magalada Garowe xarunta Puntland,waxana wadooyinka magalada lagu arkayay dad sita calanka ururka iyo astaamo ay ku qoran yihiin erayo ka hadlaya hilimada ururka,ka sakow socodka ay tageerayaasha ururku ku mareen wadooyinka magalada,waxana kasoo qayb galay banaanbaxaasi gudoomiye ku xigeenka ururka Gen,Cabdisamad Cali Shire iyo masuuliyiinta ka hoosaysa. Masuuliyiinta Ururka Horseed ayaa teegarayaashooda kula hadlay ugu danbayntii fagaaraha wayn ee barxada,waxayna dadka kula dardaarmayeen inay isbadalka u codeeyan oo ay taageero u muujiyaan ururka Horseed. Cabdiqaadir Nuur,Cabcasiis Nuur Cilmi Koor,Jaamac Cabdi Bulshaale,Cabdilaahi Ciise,Maxamad Cabdiqaadir Shiine,Xaawo Qaylo wayne,Farxiyo Shire,ayaa ka mid ah dadka u tartamaya duqa degmada Garowe ee ururka Horseed,waxayna dadkii kasoo qayb galay isku soo baxa ka codsadeen inay isbadalka u codeeyaan oo ay taageero balaaran u muujiyeen dadka tartamayaasha ah si loo helo hadafka nidaamkan loo hirgashay. Gudoomiye ku xigeenka ururka Horseed ahna ku simaha gudoomiyaha Gen.Cabdisamad Cali Shire,ayaa dadwaynihii kasoo qayb galay banaanbaxa u sharaxay waxyaabaha ay dalka ka qabteen,wuxuna sheegay inay wax badan oo kale dadka reer Puntland gaarsiin doonan. Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa waxa uu shacabka Puntland ka codsaday inay codkooda ku taageeraan ururka isla markasna ay u muujiyaan taageero hufan.wuxuna balan qaaday inay wax qabad baaxad wayn ay sii qaban doonan hadii ay ku guulaystaan talada dalka. Audio http://www.dunidaonline.com/index.php?id=9898 Horseed The Ruling Party Campaigns in Garowe
  11. Taageerasyaasha Urur siyaasadeedka Wadajir ee puntland oo maanta isu soo baxay+SAWIRO June 27, 2013 // diyeeshe // News Garoowe(PV):-Isu soo bax ay uu soo abaabulay urur siyaasadeedka Wadajir ee puntland ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Isu soo baxaan ayaa u muuqday mid tirada taageerayaashooda ku muujinayaan Urur siyaasadeedka Wada jir oo ka mid ah Ururada ku tartamaya doorashada golayaasha deegaanka ee Puntland. shacabka isku soo baxay ee taageersan urur siyaasadeedka Wadajir waxaa ay wateen boorar ay ku qornaayeen ereyo muujinaya hal ku dhigyada ururkaasi iyo kuwa taageero muujin ah. Wadooyinka Garowe qaarkood ayay dadkaasi ku soo wareegeen iyagoo isugu yimid fagaaraha inta badan lagu qabto isu soo baxyada. Qaar ka mid ah xubnaha ururka Wadajir ayaa hor kacayay dadka maanta isku soo baxay waxayna dalbanayeen in codka la siiyo ururkaasi sidoo kale waxay dhiirigelinayeen in shacabku ka qeybqaataan doorashooyinka guud ahaan. Intii dibad baxu socday waxaa dadweynaha la hadlay mas’uuliyiin ka tirsan ururka siyaasadeedka Wadajir kuwaasoo inta badan sharaxaad ka bixinayay siyaasadooda iyagoo dadaal badan u galayay inay ku qanciyaan shacabka hadafkooda siyaasadeed. Si kastaba dhawaan ayaa war ka soo baxay gudiga doorashooyinka waxaa asbuucaan loo qorsheeyay ururada inay soo bandhigaan awoodooda iyadoo dhamaan ururadana loo kala qeybiyay in midba maalin taageerayaashiisu isu soo baxaan. Wadajir oo loogu hormarshay ayaa maanta oo ku qornaa inay sameeyaan Campaign-kooda waxaana waqtiga loo kala siiyay sidan:- 27-ka June urur siyaasadeedka Wadajir 28-ka June urur siyaasadeedka UDAD. 29-ka June urur siyaasadeedka HORSEED 30-ka June urur Siyaasadeedka HORCAD Xafiiska Garoow puntlandvoice.com Wadajir Campaigns In Garowe
  12. Ururka Horcad oo banaanbaxdey 30 Jun 30, 2013 - 7:17:10 AM GAROWE ONLINE Urur siyaasadeedka Hormarka iyo Cadaalada Puntland ee HORCAD ayaa maanta 30 June,2013 banaanbixiisii kowaad ku qabsaday Puntland,iyadoona ay isku soo baxeen taageerayaashiisu fagaarayaasha magaalooyinka. Banaanbixii HORCAD ee Garowe ayaa ka dhacay baraxada magaalada ,waxana halkaasi dadwaynihii ka soo qayb galay kula hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta Ururka oo hoosta ka xariiqey inay diyaar u yihiin isbadal dhab ah oo Puntland ka dhaca. Yuusuf Bashiir Nuur oo ka mida xubnaha u sharaxan golaha deegaanka ee urur siyaasadeedka Horcad ayaa taageerayaasha u sheeagay in ay wax badan u qaban doonaan hadii ay door taan codkoodana siiyaan doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la qorshaynayo 15 July,2013. Maxamed Khaliif cawil ayaa shegay in urur Horcad uu u arko in cadaaladu tahauy wax walba asaaska u ah Sahuur Xaashi Maxamed oo ka mida xubnaha golaha dhexe ee ururka ayaa sheegtay in ururuka HORCAD uu mudnaan gaar ah siin doono gabdhaha iyo horumarinta adeegyada bulshada. Ugu danbayntii ayaa waxa soo xiray gudoomiyaha ururka HORCAD ee gobolka Nugaal Axmed Cali Faarax oo taageerayaasha u sheegay in ururku uu soo xulay dadka u sharaxan golayaasha deegaan dad dhalinyaro ah aqoona leh isgoona sheegay %40 ay haween yihiin. Isu soo baxan uu maanta sameeyay ururka HORCAD ayaa dabo socda kuwo la mida oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ururada siyaasada Puntland ay ka sameeyeen magaalooyinka kala duwan ,waxana ay qayb ka ahaayeen ololaha ay ugu jiraan doorashooyinka deegaanka ee soo socda. Audio http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Horcad_oo_isku_soo_baxeen_taageerayaashiisu_Garowe.shtml
  13. A bright future lies ahead for the Financial Hub of Puntland. Bossaso
  14. We Mean Business Were Talking Puntland Shirkado laga Leeyahay Dalalka Maraykanka ,Imaaraatka iyo Shiinaha oo Dhowaantan la filayo inay Maalgashi Ka Sameeyaan M.Bosaaso iyo Nawaaxigeeda. Shirkado Ganacsi oo laga Leeyahay Dalalka Imaaraatka ,Maraykanka iyo Weliba Shiinaha ayaa lagu wadaa inay Maalgashi Ganacsi ka Sameeyaan Deegaano ka Mid ah Gobolka Bari Puntland Gaar Ahaan Magaalada Bosaaso iyo Nawaaxigeeda. Kulan Magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraarka ku dhexmaray Ganacsato Kasoo Kala Jeeda Gobolka Bari iyo Weliba Dalalka Imaaraatka ,Maraykanka iyo Shiinaha ayaa lagu kala Saxiixday sidii Ganacsigaasi lagu Hirgelin lahaa. Agaasimaha Shirkada Majestic Group Mudane Cabdulqadir Cabdi Fanaan oo Warbaahinta Raadreeb la hadlay ayaa sheegay in Shirkadani ay daneynayaan Sidii ay Maalgashi ugu Sameyn Lahaayeen Degaano ka Mid ah Gobolka Bari Gaar Ahaan Magaalada Bosaaso iyo Nawaaxigeeda. Agaasime Fanaan Waxa uu Sheegay in Shirkadahani ay Keeni Doonaan Warshado Sameeya Sibirka, Birta, Muraayadaha iyo Weliba Warshado Kalluun oo Casri Ah. Sidoo Kale Masuuliyiintan Shirkadahan Shisheeye ayaa waxa ay sheegeen inay ka qeybqaadan doonaan Horumarinta Deegaanka Sida Caafimaadka iyo Waxbarashada. Masuuliyiin ka socota Shirkadahan ayaa lagu wadaa inay Booqasho ku tagaan 15-08-2013 Magaalada Bosaaso iyo Nawaaxigeeda si ay usoo indha indheeyaan Halkii ay Warshahooda Baroosiga u dhigi Lahaayeen. Isku soo wada Duuboo Tan iyo intii ka danbeysay Shirkii Soomaalida ee lagu qabtay Dalka Ingiriiska ee looga hadlayay arimaha Ganacsiga ayaa waxa deegaanada Puntland ku qulqulaya shirkado Shisheeye,Kuwaas oo dannaynaya sidii ay Maalgashi ugu Sameyn Lahaayeen Deegaanada Puntland.
  15. Somalia: Al Shabaab admits killing its own senior officials 30 Jun 30, 2013 - 12:54:44 PM MOGADISHU, Somalia June 30, 2013 (Garowe Online) - Al Shabaab militant group in Somalia has publicly admitted killing two senior officials, underscoring the growing violent dispute within the militant group, Garowe Online reports. In an audio recording provided to Somali media, Abdiaziz Abu Musab, Al Shabaab’s military spokesman, said Al Shabaab group killed Ibrahim Haji Jama Micad (Ibrahim Afghani) and Abdihamid Hashi Olhaye (Moallim Burhan) in an operation to arrest them. “We are informing their family members of the killing and we [Al Shabaab] buried them,” said Abu Musab. He dismissed media reports that Ibrahim Afghani and Moallim Burhan were captured and executed by Al Shabaab militants. Instead, Abu Musab claimed that the two deceased Al Shabaab officials were killed in an operation to arrest them after they fought back. Abu Musab said an Al Shabaab court had ordered their arrest and the two deceased officials fought against militants sent to arrest them in Barawe, a coastal town in Lower Shabelle region. Similarly, Abu Musab said another operation in Ramo Adey village of Bay region to arrest a senior Al Shabaab member, Muktar Robow Abu Mansur, resulted in the killing of an Al Shabaab fighter sent to arrest Abu Mansur, who later escaped. Abu Musab said unnamed persons “who were dividing Al Shabaab had escaped Barawe”, and some reports said Abu Musab was referring to Sheikh Hassan Dahir Aweys, who was detained in Galgadud region after escaping Barawe and is currently jailed by the Somali federal government in Mogadishu. This development marks the growing violent dispute within Al Shabaab ranks, as Al Shabaab chief Ahmed Abdi Godane is fighting former comrades for domination of Al Shabaab group. Ibrahim Afghani was Godane’s deputy and was wanted by the U.S. government with a US$7million bounty. GAROWE ONLINE
  16. Dilka Afghani oo la shaaciyay 30 Jun 30, 2013 - 1:12:28 AM Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaaciyay in la dilay Ibraahim X. Jaamac Miicaad [ibrahim Afghan] iyo C/xamiid Xaashi Colhaye [Macalin Burhaan] oo ka mid ahaa saraakiisha sarsar ee Ururka Al-shabaab. Afhayeenka Milateriga ee Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab ayaa hadal uu warbaahinta siiyay ku sheegay in labadan ruux ay diideen amar ay siiyeen ciidamo loo diray inay soo xiraan, ayna isku dayeen inay dagaalaamaan taasna ay keentay in la dilo. “Qoysaskooda iyo Caruurtooda ayaan ku wargelinay dilkooda, inaga ayaana aasnay” ayuu yiri Abu-Muscab oo sheegay inay ka mid ahaayeen xubno isku dayay inay Al-shabaab kala furfuraan, kuwaasoo qaarkood ay baxsadeen. Ibrahim Afghan ayaa wuxuu ka mid ahaa 7 xubnood oo saraakiisha Ururka Al-shabaab ka tirsanaa oo Mareykanka uu madaxooda saaray Malaayiin Dollar, waxaana uu noqonayaa kii ugu horeeyay saraakiishaas oo ku baxa gacanta Al-shabaab. Dilka labadan ruux ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan iyadoo qaar ka mid ah wararkaas ay sheegayaan in la qabtay markii hore markaas kadibna la toogtay, inkastoo Al-shabaab ay arintaas beenisay. “Labadan walaalaha ah waxaa la dilay iyagoo dagaalamaya, waan abeer wararka suuqa la dhexmarinayo ee ah in xabsi laga soo baxay dabadeedna la toogtay” ayuu yiri afhayeenka Milateriga Al-shabaab. Sidoo kale Afhayeenka Al-shabaab u hadlay wuxuu sheegay in Howlgal kaas la mid ah oo la doonayay in lagu soo qabto Sh. Mukhtaar Roobow uu isna ka dhacay deegaanka Raamo-cadey ee Gobolka Bay, halkaasna lagu dilay mid ka mid ah xubnihii howlgalka loo diray. “Howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Raamo-Cadey waxaa lagu dilay mid ka mid ah walaalihii loo diray inay howlgalka fuliyaan oo ay soo qabtaan rag ka mid ahaa kuwa doonayay inay Al-shabaab kala furfuraan” ayuu shirkiisa jaraa’id ku yiri Sh. Abu-Muscab. Afhayeenku wuxuu sheegay in laba ruux iyo rag ay wataan ay ka baxsadeen Baraawe, kuwaasoo uusan magacaabin, balse waxaa la sheegayn inay kala yihiin Sh. Xasan Daahir Aweys iyo Sh. Mukhtaar Roobow Cali [Abu-Mansor] oo labadooda si dhuumaaleysi ah uga baxay degmadaas. Arintan ayaa waxay muujinaysaa heerka uu gaaray khilaafka soo dhexgalay Ururka Al-shabaab iyadoo labada xubnood ee la dilay iyo labad baxsaday ay qorsheynayeen inay ku dhawaaqaan Urur kale oo kasoo horjeeda Al-shabaab. GAROWE ONLINE
  17. Xaji im not 100% sure. But I've been told wadajir is ssc owned and is popular there and in mudug. Not sure about who is leading horcad.but it is huge in sanaag/haylan and will probably get bari/karkaar snce midnimo is gone.I can find out the leader of horcad if you want, but in all fairness these parties are really mixed up, they're isn't a clan that owns anything. A number of people from different clans come together and a select party leader
  18. The mayor should've of known better, never pick a fight in Galkayo cuz you will get one.
  19. Jawaari oo ka tacsiyeeyey Geeridii Boqor C/laahi Boqor Muuse (Warsaxaafadeed) June 25, 2013 8:01 am GMT - Written by PP - Edited by PP Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Boqor C/laahi Boqor Muuse (King Kong) oo ku geeriyooday dalka Finland. Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN waxaan ugu horeyn doonayaa inaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyo geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkeen Boqol C/laahi Boqor Muuse oo ay geeridiisa nasoo gaartay, runtii waa geeri naxdin leh waxaanna Alle uga baryayaa inuu siiyo naxariistiisa jano, umadda Soomaaliyeed guud ahaanna uu Samir iyo iimaan ka siiyo” Gudoomiyaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “ runtii Marxuum Boqor C/laahi Boqor Muuse waa shaqsi caan ku ahaa raadinta nabadda iyo xalka shacbiga Soomaaliyeed, si gaar ah waxaan ugu xasuustaa doorkii wanaagsanaa ee muuqday ee uu Boqor C/laahi Boqor Muuse Allaha u naxariistee ku lahaa geedi socodkii dalka looga soo saaray KMGka waxaa xaqiiqo ah in Soomaalida guud ahaanba ay wanaagiisa xasuusan doonaan,umadduna way tabi doontaa” “ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya magaceyga iyo magaca Golaha Shacbiga waxaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed u dirayaa tacsi tiiraanyo leh, si gaar ahna waxaan ugu tacsiyadeeynayaa ehelada iyo qaraabada Marxuumka oo aan leeyahay Samir iyo iimaan dhammaanteenba Alle hanaga wada siiyo” ayuu tacsidiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. —DHAMAAD— Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
  20. Raysalwasaare Saacid ayaa ka tacsiyadaynaya geeridii ku timid Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muuse | on June 24, 2013 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga dirayaa qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan Salaadiinta Soomaaliyeed isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo galabta ku geeriyoday dalka Finland. “geeridu waa xaq, waqtigiisa ayaana dhamaaday, waxaana aad noo taabatay geerida naxdinta leh ee ku timid Boqor Cabdulahi Boqor Muuse, oo runtii ahaa nin magac weyn ku leh gayigga Soomaaliya, hadii ay ahaan lahayd mid dhaqan iyo mid siyaasadeed intaba, Boqorku waxaa uu qayb weyn ka soo qaatay sidii dadka Soomaaliyeed u heshiin lahaayeen mudadii lagu jiray bur-burka, wuxuuna xilal muhiim ah ka soo qabtay dowladihii rayidka ahaa iyo kuwii ka danbeeyey intba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid Ra’iisul Wasaaraha ayaa ilaahay uga baryey marxuumka inuu janatul fardowsa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo, qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay. Amiin! Amiin! Amiin! Xafiiska Raysalwasaaraha