Dr_Osman
Nomads-
Content Count
3,889 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Dr_Osman
-
Xaji constant complaining and whining. Puntland didnt begin overnight buddy
-
Its a historical day, a day when Puntland goes to the polls. a brief election background, Puntland elections will be an election show-down between Horseed the ruling party and opposition udad, wadajir, horcad fighting for 700 district seats in Puntland. It will be a one man one vote system. Only 3 parties can survive so one is set to go. Once it's decided which party has the least votes they will be culled from the election. The remaining parties will then share remaining district seats among themselves based on how much votes they recieved. The puntland parliament will be shared on porportionate sized percentages. Good luck too all the parties in puntland and may it be a peaceful multi-party elections
-
-
Dr.Farole: ''Shacabku codka ha bixiyaan doorashada'' 11 Jul 11, 2013 - 2:21:42 AM GAROWE ONLINE Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay inay isbadalka u hiilayaan isla mar ahaantaasina ay ka qayb galaan doorashooyinka dowladaha hoose oo 15 July,2013 dhici doonta. Hadalkan ayuu ka jeediyay Dr.Farole xili urur siyaasadeedka Horseed ee uu hogaaminayo maanta 11 July,2013 banaanbaxoodii ugu danbeeyay ku qabsadeen magaalada Garowe iyo guud ahaan deegaanada Puntland. Madaxwayne Farole waxa uu sheegay nidaamkaan hada ka hirgalay Deegaanada Puntland ee xisbiyada ina ka mid ahayd balan qaadyadii uu 2009 ku galay doorashooyinka ,wuxuuna raacshay inay ka dhabayn doonan sidii nidaamkaasi loogu dhaqmi lahaa. ''Cidaad rabtid u codee hadaad rabtid Horseed ha u codayn laakiin codee kuwo badan baa dhexda ka baxay oo waxay is lahaayeen waxaan hagaagi mayaan,kuwo badan-baa caqabad u dhigaaya oo umada horumarkeeda hor istaagaya,Somalidu waxay oran jirtay qofkii low isku dhuftaa isagaa u dhutiya,qofkii dhibaato sameeyo waa lagu ciqaabayaa waana laga jaasaynayaa'' Ayuu yiri Farole. Sidoo kale madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan ururada kale ee hada la aqoonsan yahay,wuxuna tilmaamay nidaamkaan inuu sharaf guud u yahay dhamaan umada Soomaaliyeed,maadama laga baxayo nidaamkii qabiilka. ''Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Nin durbaan tumay ilaaq dalbay,inaanu axsaab furno oo aanu iraahno nin walba ha tarmaya,waxa weeye tartama oo kuraasta madaxtinada u tartamaya,ninkii wanaag doonaya wanaagsan ha raaco aduunka oo dhan marxad culus oo dhaqaalo xumo ayay ku jirtaa,waxaasi oo dhan waxaa looga gudbi karaa midnimo iyo codawga oo hal meel looga wada istaago''. Doorashooyinka ayaa la filayaa inay afar beri ka dib ka dhacanaa deegaanada Puntland markii ugu horeysay ,waxana la soo gabogabeyeeyay ururada badi ololohooda doorasho. AUDIO http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Dr_Farole_Shacabku_codka_ha_bixiyaan_doorashada.shtml
-
Puntland: Public Statement by the Democratization Programme Steering Committee 11 Jul 11, 2013 - 4:23:36 PM Public Statement, July 10, 2013 The international donors supporting Puntland’s democratization efforts have been following the preparations and the campaign for the Local Council Elections on 15 July 2013 closely. As the citizens of Puntland move to vote for the first time in 44 years, we urge all political actors to display democratic tolerance in the spirit of a free and fair election during a peaceful holy month of Ramadan. These elections provide Puntland with an important opportunity to demonstrate its role in the political reconstruction of Somalia. The Democratization Programme Steering Committee includes representatives from the European Union, the United States, the United Kingdom, Norway, Sweden, Denmark and Switzerland.
-
This section will be dedicated to the Puntland elections observor by yours truly the doctor doctor give me the news
-
*ANWAR*;967622 wrote: WEN did Somalia have a king?? The day all somalia participated in his burial, the day he recieved a national burial, the day hassan shaykh said wuxu ka soo jeeday boqortoyo wuxuna ka dhintay somali oo dhan. Anwar the man was bigger then clan chief and if he wasn't all somalis wouldn't be there I can assure you of that. Historical facts that no boqortoyo existed among somali pastoral clans except that mighty man lineage, other somalis were aqil as the historical documents suggest. Anwar pay your respects to the 33rd king of somalia
-
Imagine Boss town and G-town dammnnnnnnn. No matter what sphere of the politics you fall under, but you gotta admit Puntland doing well.
-
Madaxweynaha oo la kulmay ergadii gobolka Mudug 9 Jul 9, 2013 - 2:29:14 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa saaka 09 July,2013 kulan la qaatay ergadii gobolka Mudug ee ka qaybgashay AHN Aaskii Boqorka ee magaalada Qardho. Hotel Rugsan Square ee magaalada Garowe ayuu la quraacday madaxweynuhu ergada uu hogaaminyay Islaan Bashiir Islaan Cabdule ayna ku jireen gudoomiyaha gobolka Mudug ,ku xigeenka ,Duqa Degmada Galkacayo ,nabadoono ,siyaasiyiin hore iyo masuuliyiinta Dowladda. Dr.Farole ayaa ugu horeyn ka warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka soo socda sidii dhamaan looga qayb qaadan lahaa ,waxana dhanka kale ay odayaashu ka warbixiyeen xaalada gobolka Mudug iyo diyaargarowga xisbiyada. Si gaar ah ayaa waxa kulan iskula qaatay madaxweynaha Puntland iyo Islaan Bashiir ka dib Quraacdii sida guud la isku arkay ,waxana dhamaadkii Dr.Farole sagootiyay wafdigan oo Galkacayo u anbabaxay. Dhinaca kale kulan gaaban ayaa maalinkii shalay Qardho ku dhexmaray qaybo ka mida issimadii ka qaybgalay duugtii AHN boqor Cabdulaahi Boqor Muuse,waxana ay iska wareysteen xaaladaha deegaanada ay ka kala yimaadeen. Kulankan ayaa issimadu kaga hadlin wax siyaasad ah iyagoo ku gacan sayray baaq ay soo jeedsheen kooxo ka soo horjeeda nidaamka xisbiyada Puntland oo doonayay inay isku imaatinka issimada ee duugta boqorka uga faa'idaystaan arrimo siyaasadeed. GAAGAAB
-
Qardho[RBC Radio] Allaha ha u naxariistee Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ,iyadoona ay kasoo qeybgaleen marti sharaf kale duwan. Aaska Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan,Wasiirka Tacliinta sare ee Dawlad deegaanka Soomaalida Faatax Maxamed Faatax,Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan,Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi iyo marti sharaf kale oo badan. Waxaa sidoo kale kamid ahaa xubnaha kasoo qeybgalay Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland sida Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage,Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xasan Xaaji, Issimo ,Cuqaal,dhalinyaro,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland . Inta aan la keenin maydka AUN Boqor Cabdullaahi,waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka guud ee magaaladda Qardho,waxayna Ciidamadu bilaabeen baaritaano iyo iyagoo xiray Wadooyinka muhiimka ah ee magaaladda soo gala iyo kuwa ka baxa,waxaana xusid mudan in Xaaladda Qardho ay maanta u muuqatay mid kulmisa dhammaanba bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadba. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland,Cabdirixmaan Maxamed Faroole iyo Axmed Maxamed Islaan [Axmed Madoobe] ayaa afaafka hore ee magaaladda kaga hortagay boqolaal dadweyne,kuwaas oo lulaya Calamada Jubbaland,Itoobiya,Puntland iyo kand dawlad deegaanka Itoobiya,waxayna labada Madaxweyne ay u gacan taageen Shacakii soo dhaweeyey,iyagoona ku faraxsanaa soo dhaweynta loo sameeyey. Maydka AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayey diyaarad khaas ah kasoo qaaday magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxaana diyaaradii siday markii ay soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Qardho loo qaaday maydkiisa qabuuraha Qardho si halkaas loogu aaso.waxaana xusid mudan in maydka Boqorka ay la socdeen qaar kamid ah Eheladiisa . Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole oo hadalo kooban kasoo Jeediyey qabuuraha lagu aasay AUN Boqor Cabdullaahi ayaa ugu horeyn Tacsi u diray dhammaanba qoyska Boqortooyada iyo Boqor Cabdullaahi,wuxuuna EEBE iga baryey in Janadiisa ka waraabiyo. Mudane Cabdirixman Maxamed Maxamuud ayaa si gaar ah mahadcelin ugu jeediyey marti sharafka ka qeybqaadataya aaska Boqorka sida Wafuudii kala kala socotaya Dawladda Federaalka,Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo Somaliland,wuxuuna sheegay in Puntland kusoo dhaweynayaan. Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan[Axmed Madoobe] ayaa isna sheegay in qoyska AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse looga baahanyahay in Boqorka sadaqo jaariya u sameeyaan isla markaana wuxuu intaas ku daray in dhammaan Umadda Soomaaliyeed EEBE ka samir siiyo. …””” Allaha ha u naxariisto EEBENA aan u barino ,maaney inaan Ilaahay u barino ayuu inaga mudan yahay,Eheladiisiina waxaan leenahay samir iyo Iimaan Allaha ha inaga siiyo ,Ubadkii uu ka tagayna waxaan kula dardardaamayaa iney sadaqo Jaariya u sameeyaan oo hadduu maal katagayna maalkiisa loo sadaqeeyo ama Ceel ama Masaajid ha noqoto. Wuxuu intaas ku daray….””” Waxaan aad ugu mahadcelinayaa dadka kasoo qeybgalay,waxaan anigu Tacsi idin ka wadaa dadka reer Jubbaland oo aan u kala dhineyn ,meelaha qaarkood Odayaasha oo dhan baa soo hadlayey Siyaasiyiintii,kaliya waxan u nimid inaan aaskaas idin kala qeybgalno oo aan u duceyno Boqorka….””ayuu yiri Axmed Madoobe. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo hoggaaminayey Wafdiga Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey aqoonta uu u lahaa AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,wuxuuna sheegay in Boqorku ahaa nin aqoonyahan,siyaasi ah isla markaana u soo shaqeeyey Ummada Soomaaliyeed. …..””” Boqorku wuxuu ahaa boqor,siyaasi buu ahaa ,aqoonyahan buu ahaa ,wuxuu ahaa boqor kasoo qeybqaatay dib u heshisiinta Soomaalida,hay’ado badan oo dalku lahaana kasoo shaqeeyey,nin wuxuu ahaa dalka oo dhan aad looga yaqaano,aad looga Ixtiraamo ,Illaahay waxan uga baryeynaa inuu jana fardowsa geeyo,dadkiisii, ehelkiisii,qoyskiisiina uu ka samir siiyo……ayuu yiri Wasiirku. Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isna aaska ka dib hadalo kooban soo jeediyey ayaa mahadcelin ballaaran u diray dhammaanba Ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba ee aaska kasoo qeybgalay,wuxuuna Ummada Soomaaliyeed ka codsaday in cafis iyo danbi dhaaf u weydiiyaan EEBE. ….””” Boqor Cabdullaahi,wuxuu ahaa boqor Soomaaliyeed sida aaskiisa uga soo wada qetbgaleen Soomaali oo dhan oo cid walba leh ,mas’uuliyado kala duwan buu wadanka kasoo qabtay ,cid walba waa iney danbi dhaaf Ilaahay u weydiiyaan ay Cafiyaan taasna waxan ka Codsanaynaa Ummada Soomaaliyeed…””ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse. Shiikh Cabdulqaadir Aw-Cabdi ayaa sheegay in Ummada Soomaaliyeed looga baahanyahay iney ku cibra-qaataan isla markaana Ilaahay lagu xirnaado loona shaqeysto maalinta aakhiro. ….””” Waxaa loo baahanyahay inaad cibra qaadataan,waxaa loo baahanyahay Ilaahay inaan ku xirano,waxaa loo baahanyahay quluubta inaan Sifeyno,waxaan u dardaarmayaa dadka kheyr iyo wanaag iyo musaamaxo iyo in amniga la ilaaliyo,wadajirka la Ilaaliyo,la isa saamaxo wax badan la ilaaliyo……””ayuu yiri Shiikh Daahir Aw-Cabdi. Boqor Raabi oo kamid ah Issimada Somaliland ayaa sheegay isna ……”””….””” Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii iyo Ummada Soomaaliyeed oo dhan u ka baxay Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,oo aan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan ha inaga wada siiyo,asagana naxariistii Jano Ilaahay ha siiyo,Tacsidaas waxaan u dirayaa eheladii, Wasiirka Tacliinta Sare ee Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Faatax Maxamed Faatax.ayaa sheegay in Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse uu ka dhintay Ummada Soomaaliyeed oo dhan,wuxuuna intaas ku daray in Madaxweynaha dawlad-deegaanka uga sido Tacsi dhammaanba ehelada iyo qaraabada uu ka baxay Boqorku. …””” Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto buu ka dhintay ,wuxuu ahaaa boqor dhaqameed ,wuxuu ahaa nin Siyaasi ah,wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed….””””ayuu yiri Faatax Maxamed Faatax. Wuxuu intaas ku daray Faatax Maxamed Faatax.…””Haddaa nahay bulshada Soomaalida Itoobiya joogta iyo Shacabka Itoobiya oo dhanba dhammaanteyaba waxaan Jecelnahay inaan Tacsi gaarsiino bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto gaar ahaan Shacabka reer Puntland gaar ahaan reer Qardho gaar ahaa qoyskii boqorku ka dhashay Carruurtiisii ,Walaaladii iyo ehelkii inaan Tacsi gaarsiinaan rabnaa….”””ayuu yiri. Si kasta Aaska Qaran ee maanta loogu sameeyey magaaladda Qardho ayaa noqonaya mid si weyn ay uga wada qeybqaateen Ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba,waxaana ay u muuqanayaa mid maanta isu soo dhaweeyey dad kala aragti duwanaa.
-
Uchi, I agree. They don't belong here with they're childish antics. They have no solid arguments and belong in the minor leagues over at SNET. I don't blame them for trying to upgrade to the major league, but I blame the admins for jepordising SOL credibility for tolerating it this long. It is really hurting SOL credibility.
-
Somaliland politicians have this idea of HAG saving the day but it's beyond HAG. The constitution is what HAG, SAHAL, Anyone needs to use. If they don't and break it they can be sacked you do realize that because the dastur is bigger then any one individual. Maybe you need a lesson in what a dastuur is and watch dood wadaag with my ismacil dirie teaching it. You SNM rag-tags really need an Ismacil Dirie lesson Habeenimadii Xalay oo ey Bishu aheyd 03/07/2013, Waxaa laga baahiyay Tv-Universal dood aad u Xiisa badan oo looga hadlayay arrimo aad u badan, doodan ayaa lagu casumey Aqoonyahan Ismail Dirie, oo ah Guddoomiyaha Ururka Iftiimin, Mudane Ismail Dirie ayaa doodan kusoo bandhigey Aragtiyo Iyo Dood ku dhisan Aqoon Iyo Taariikh, Waxa doodaan ka qeyb-galey Dad iskuwada Aragti ah oo Maamulka Madaxweyne Hassan Culusow taageerayay oo aad moodey iney ahaayeen kuwa lasoo xuley. Hoos ka eeg Link Doodan Our boy Ismacil Dirie knowledge is so high, it don't matter if the opposition is booing him or not he shreds them up with facts, history, and recommendations and provides scholarly refutations with reasoning, logic and common sense
-
Faysal Ali Warabe unleashes some secrets of the pedofile enclave. U see Salax and Malistar your pedofile region you defend all day is going behind your back cutting shady deals. But you will still defend it even if they're robbing you blind and never bringing any ictiraf. Thats what I call heavy dose of sillyness. As long they make sure you are kept out of becoming any threat to Somalia borders, I have no issues. If I were you i'd start getting some real leaders that will make you a threat not cutting shady deals with the SFG. The SFG can't do anything about borders. This is dasturi thing, the govt not only needs to uphold the dastur but they have to promote it and enforce it and the dastur is one somalia. You really wanna be a threat. Pay out everyone in the parliament and mamul goboleed using dahabshiil funds and get them to change the dastur to recognize somaliland or else you stand no chance.
-
http://www.galgalanews.com/?p=25219
-
Madaxda Dowlada Federaalka oo ka qeybgalay Salaadii Janaasada ee Boqor Cabdullahi Boqor Muse (Sawirro) | on July 7, 2013 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay salaadii Janaasada ee Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muuse oo maanta lagu tukadey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aden Cadde. Marxuum Boqor Cabdullahi Boqor Muse ayaa maanta meydkiisa la soo marsiiyey Muqdisho iyadoo salaadda ka dib loo qaaday magaalada Qardho oo lagu aasi doono meydka marxuumka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa yiri “ Geeridu waa xaq, waxaana EEBBE uga baryayaa eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan Soomalida inuu samir iyo IIMAAN naga wada siiyo geeridii marxuum Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (King-Kong) oo si weyn looga yaqaanno Soomaaliya, isla markaana mas’uuliyad Qaran ka soo qabtay dalka. Marxuumka waxaa lagu yaqaanaa shaqsi nabaddeed. Boqorka waxuu siyaasadda ka sakow ka mid ahaa madax dhaqameedka Soomaaliyeed, waxaan EEBBE uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, annagana samir iyo IIMAAN naga wada siiyo.” Madaxweynaha ayaa marwada marxuumka, carruurtiisa iyo eheladdaba gacan qaaday una tacsiyeeyey. Munaasabaddan salaadda Jinaasadda waxaa kaloo goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, wasiiro, xildhibaanno, siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo bulshoweynta Soomaaliyeed. Horseed Media News Desk