Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. ''PL magaceeda ayay uga qayb galaysaa shirka New-Deal'' 25 Jul 25, 2013 - 2:23:13 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa sheegay inay uga qaybgalayaan shirka New-Deal ee Brussels ka furmaya 16 Sep,2013 magaca Puntland . Hadalkan ayuu shaaciyay Dr.Farole ka dib kulan uu la qaatay wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Yurub uuna hogaaminayay Agaasimaha guud Afrika ee EU Nick Westcott. ''Puntland diyaar bay u tahay inay ka qaybgasho shirka New-Deal laakiin magaceeda ayay uga qaybgalaysaa'' ayuu yiri Farole. Wafdiga ayaa Garowe u yimid sidii ay wadatashi ku aadan shirka New-Deal u samayn lahaayeen ,waxana EU ay qorshaynaysaa in dib u dhisto dalalka ka soo kabanaya colaadaha iyo dagaalada sokeeye ayna ka mid tahay Somalia. Madaxweyne Farole waxa uu sheegay in Somalia ay ka jirto baahi wayn oo u baahan tageero caalami ah sida dhismaha kaabayaashaa dhaqalaaha iyo horumarinta adeegyada bulshada oo caafimaadka iyo waxbarashadu hormuud ka yihiin. Xasan Shiikh Maxamud ayaa GO ilo u sheegen in EU cadaadis ku saartay kaalinta Puntland iyo Somaliland ee shirka ka dhacaya Belgium ,waxana uu uga dhawaaqay shirkii shalay Muqdisho uu wafdiga kula kulmay. Dhankiisa ayaa Nick Westcott waxa uu tilmaamay inay ka wada hadleen Puntland mashaariicda horumarineed ,amaanka iyo tababarka ciidamada ,baahida ay soo gudbisteen iyo inay shirka uga qaybgalaan wafdiga Somalia. Sidoo kale geedi socodkii Dimoqraadiyada Puntland ee hakadka galay ayaa laga wada hadlay ,waxana EU sheegtay inay sii wadi doonto taageerida nidaamka xisbiyada oo Puntland ku edaysay qaswadayaal inay gacana ka geesteen joojinteeda. Shirka ka dhacaya Belgium ayaa ilo wareedyo lagu kalsoonyahay u xaqiijiyeen Garowe Online inuu madaxweyne Xasan Shiikh qorshaynayo fidinta casumaadyo gudoomiyaal gobolo sida Hiiraan ,Bay ,Bakool ,Shabeelaha Hoose ,Mareeg ,Ximan iyo Xeeb si uu ugu muujiyo qaab maamulo dalka ka jira. Wafdigan ayaa ka soo duulay Hargeysa saakay ,waxana duhurnimadii maanta ay dib Garowe uga dhoofeen dhanka magaalada Nairobi ee xarunta Kenya. I know what your SOL is thinking. Here he is as usual [imghttp://www.garoweonline.com/artman2/uploads/5/IMG_4058.JPG[/img] Halkan ka dhageyso shir saxaafadeedka Dr.Farole & Nick Westcott http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/PL_magaceeda_ayay_uga_qayb_galaysa_shirka_New-Deal.shtml
  2. Habka xulida oo la ansixiyay 24 Jul 24, 2013 - 4:11:31 AM GAROWE ONLINE Barlamaanka Puntland ayaa maanta 24 July,2013 si rasmiya u meel mariyay in xukuumada cusub Puntland ee imaanaysa lagusoo dooranayo nidaamkii hab beeleedka ahaa ee lagu soo dooran jiray xukuumadii hore. Arintaan ayaa ka dambeeysay ka dib markii guddiga sharuucda barlamaanka ay golaha barlamaanka horgeeyeen waqrad lifaaq ah oo ka hadlaysay sida lagusoo dooranayo barlamaanka midkaan ku xiga. 44 xildhibaan oo ku sugnaa golaha barlamaanka ayaa cod gacan taag ah ku meel mariyay in barlamaanka cusub uu ku imaado hab beeleed ayna soo xulayaan isimadii soo jireenka ahaa ee soo xuli jiriay barlamaanadii hore. Majirto cid ka kasoo horjeesatay ama ka aamustay isku raacida arintaan inta lagu jiray dood xildhinaanada ka yeelanayeen lifaaqa soo xulista barlamaanka cusub. Gudoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdi Rashiid Maxamed Xirsi ayaa ku dhawaaqay anisixta hab beeleedka lagusoo dooranayo barlamaanka iyo in isimada Puntland ay soo magacowdaan xubnaha cusub ee barlamaanka. Si kastaba ha ahaatee arintaan ka dhigaysa in xukuumada Puntland ee soo socota lagusoo doorandoono habkii qabaa’ilka taas oo meesha ka saaraysa nidaamkii axsaabta badan ee lagu hanweynayaa mudda badan. Halkan ka dhageyso codadkii mudanayaasha Barlamanka ee maanta http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Barlamanka_oo_an.shtml
  3. As Puntlander I Welcome this news. Crazy even thinking about somaliland running our airspace. Anyways that mashruc has gone in the bin just like the fibre optic crap has been canned
  4. Where is Xaji, Jb, Garoodi, Carafaat and the somaliland fighters. I bet they will come in and say we don't care about somaliya airspace, we only care about somaliland airspace. Well guess what all of somaliya airspace is run from mogadishu headquarter. The somaliland symapathisers will try and come up with an excuse as usual to downplay this latest news. The truthful ones will come in and call hamar an immature stakeholder that cannot be dealt with and is still the same as 1991 mentality.
  5. DHEGEYSO: Dowlada F. Soomaliya oo dib uga noqotay heshiiskii Hawada ee ay Somaliland la gashay July 24, 2013 10:50 am GMT - Written by Yusuf - Edited by Yusuf Wasiirka Warfaafinta Gaadiidka Cirka iyo dhulka Dowladda Federalka Soomaaliya Mr Ciilmooge oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad u beeniyay in Xarunta Laanta Hawada laga dhigayo Hargeysa. Wasiirka wuxuu tibaaxay in Xarunta weyn ahaan doonto Muqdisho balse adeega la gaarsiin doono Hargeysa iyo Garowe. Wasiir Ciilmooge wuxuu meesha ka saaray heshiiskii ergadii kala meteleysay DF iyo Somaliland ku saxiixdeen Istanbul,wuxuuna cuskaday sharciga xeerka ee Hawada Soomaaliya kana diiwaangashan Qaramadda Midoobay. Hadalkaan wuxuu wejigabax iyo fadeexo ku yahay ergadii Somaliland ee ku faanay inay Hawadii Soomaaliya u soo wareejiyeen Hargeysa. AUDIO http://caasimada.com/wp-content/uploads/2013/07/Dhageyso-Wasiirka-Warfaafinta-xukuumadda-ciilmooge-.mp3
  6. waryaa uchi muranka iyo waxaas iska daye, get yourself booked in for dental appointment because you won't get it in mogadishu or hargaysa
  7. This proves if the diaspora return, we can rebuild our beautiful state of Puntland.
  8. Booqo Xarunta Abshir Dental Clinic & Labrotory ee Garoowe ku Taala Comments (0) | Write Comment Abshir Dental Clinic & Labrotory Magaca dhakhtarka: Dr.maxamed axmed xaaji abshir Aqoontiisa: dhakhtarka wuxuu wataa shahaadada koowaad ee jaamacada Daaweynta ilkaha oo loo yaqaan bachelor degree. Xarunta adeegeda &halka ay ku taal: 1. Daaweynta suuska iyo sidii looga hortagi lahaa( fillings, root canal treatments) 2. Daaweynta cudurada ku dhaca ciridka ( scalling) 3. Galinta ilkaha noocyadooda kala duwan ( full denture, partial denture, fixed prosthesis) 4. Bixinta ilkaha iyo qaliimada fudud ( extractions, minor surgeries) 5. Tala bixin guud xaga afka ah ( consultation ) 6. Xaruntan waxaa la aas-aasay 16 November 2011 7. Waxay ku taal Magaalada Garoowe ee Puntland aga- gaarka Hotel Shaariqa. 8. Waxaad Xarunta ka Heleysaa Ajnabi ka shaqeeya xaga ilka Gelinta (Lab Technition) “ABSHIR DENTAL CLINIC wuxuu idiin balanqaadayaa in uu si hufan oo daacad ah idinku shaqeeyo talo iyo tusaale wacannah idinka siiyo sida ugu haboon ee ilkahaaga loo daweyn karo, Hadafkeenu ma ahan oo kaliya in aan eegno qarashaadka yar ee aan macmiilka ka qaadno ee waxaa muhiim inoo ah in Macmilkeenu helay adeeg waafi ah anagoo waliba xooga saareynaa inaan dheeri uga dhigno adeegyo kale oo muhiim ah oo ay ugu horeyso talo bixinta waxaana idin leenahay kusoo dhawaada Waji furan hawlwadeeno u heelan shaqadooda iyo wax qabad aqooni ku larantahay oo dhameystiran. FG: waxaad Nagala soo xiriiri kartaan telphonada iyo Emailka hoos ku qoran: Tel: 090-7362485 ama Land-Line 843284. Email: Waraabe99@hotmail.com
  9. This is long over-due. Very long over-due. Shame on Turkey for turning it's back on Puntland. Welcome Italy.
  10. Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Bosaso oo dhowaan bilaabanaya Garowe–20 Luuliyo,2013–Puntlandi– Sida ay Warar hoose ku heleen Howlwadeenada Puntland ee u dhuun daloola Madaxtooyada Puntland waxaa dhowaan bilaabanaya howlaha lagu dhisayo Garoon ka Diyaaradaha Bosaso, Waxaana hada meel dhow maraya shaqooyinkii iyo Dadaalada loogu jiro in howsha dhismaha Garoonka ay bilaabato, Sida aan Warka ku helney Shirkadii dhisi lahayd Garoonka ayaa dhowaan waxay soo dejinaysaa Qalabka Dhismaha oo ay u isticmaalayaan dhismaha Garoonka Diyaaradaha, waxaana la qorsheynayaa in si deg deg ah ay howshaas ku dhamaato. Sida la qorsheynayo Garoonka diyaaradaha Bosaso waxaa laga dhigayaa Garoon Caalami ah oo ay Diyaaradaha waaweyn soo caga dhigtaan iyadoo xitaa sida naqshada ka muuqata loo sameyn doono dhalal laamiga ay diyaaradu soo caga dhigato, waxayna taasi saamaxeysaa in Habeenkii ay diyaaraduhu soo caga dhigtaan kana duulaan Bosaso. Dowlada Puntland waxay horey dhowr jeer u shaaciyeen in dhismaha Garoon Caalami ah oo Puntland yeelato uu qarka saaran yahay, kasoo noqon doona Garoonka Diyaaradaha Bosaso balse balan qaadkaas dhowr jeer ayuu dib u dhacay sababo jirey awgeed, Dowlada talyaaniga ayaa hada gacan wayn ka geysan doonta dhismaha Gagida Diyaaradaha Bosaso, waa sida aan warka ku helney, shirkada dhisaysana waa shirkad Talyaani ah. Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. cabdiraxmaan Sheikh Maxamed faroole mar uu ka hadlayay isagoo dhaliiley kaalmada ay Dowlada Turkigu u qabato Soomaaliya ayuu yiri “Dowlada Turkigu Puntland dhabarka ayay u jeedisey lakiin waxaa booskooda noo galay Dowlada Talyaaniga” Qurba joogta Puntland ayaa baahi wayn u qaba Garoon Caalami ah oo Puntland yeelato, sida ay Xeeldheerayaal ku xeel dheer arimaha Safarada ay Puntlandi us heegeen hadii Garoonka Diyaaradaha Bosaso la casriyeeyo waxay saamaxaysaa in kumayaal Soomaali ah oo Qurbaha ku nool ay sanad walba usoo dalxiis tagaan Puntland xiliyada barwaaqada iyo xiliyada uu fasaxa Iskuulada ay ka jiro Qurbaha. Puntlandi.com Garowe
  11. Another step in the right direction for Puntland. This state is truly proving it is by far the No 1 in the educational sector of Somalia. Were talking about primary/high school school curriculums unified and developed by the Puntland Ministry of Education. Were talking about universities across the region delivering educational outcomes. Even some universities have medical faculty and on-site university hospitals. Were talking about technical institutes ranging from vocational to technical across the region Were talking about Puntland high school certificates recognized as qualifiers to Sudan, Kenya, Ethiopia, Yemen, and Turkey universities. The educational sector is doing very well in this state. I suggest somalis take note
  12. OGEYSIIS…OGEYSIIS…OGEYSIIS | on July 19, 2013 Waxaa loogu bishaaraynaa dadweynaha reer Puntland ee waxbarashada jecel in la furay Macad la mataana ah SUDAN UNIVERSITY OF SCIENCE AND TECHNOLOGY , macadkaas oo loogu magacdaray Macadka Xanaanada iyo daaweynta xoolaha ee TECHNICAL COLLEGE OF VETERINARY MEDICINE ee ku yaala Magaalada Galkacyo. Waxay isdiiwaangelintu bilaabanaysaa 18 Bishan July,2013 iyadoo ay socondoonto muddo gaaban lana qaadan doono tiro arday oo xadidan. Shuruudaha ardayda looga baahanyahay ayaa ah: In ardayga uu dhamaystay dugsiga sare, sitana shahaado dugsi sare oo la aqoonsanyahay ama wax u dhigmaIn uu keeno orginal iyo copy shahaadadiisa In uu la yimaado 8 xabo oo sawiro teesare ah In uu l ayimaado cadayn dhalasho iyo sugnaan In luqada Englishka uu si fiican uga dhisanyahay In ardaygu uu diyaar u yahay barashada xanaanada iyo daaweynta xoolaha Macadkaas oo lagu qalabeeyey qalab casri oo ay ku jiraan Shaybaarada ugu hormarsan caalamka waafaqsana Shaybaarada Jaamacadaha caalamka, Macadka waxaa wax ka dhigi doona Dhakhaatiir isugu jirta Somali iyo Ajaanib. Macadka wuxuu ku haminayaa inuu soo saaro dhakhaatiir xanaanada iyo daaweynta xoolaha, maadaama wadanka uu ku tiirsanyahay waxsoo saarka xoolaha, ayna jirto baahi dhakhaatiir xanaanada iyo daawenynta xoolaha loo qabo. Sidoo kale Macadka ayaa leh deegaan loogu talagalay in lagu tababaro ardayda baranaysa Xanaanaada iyo daaweynta xoolaha waxayna ka heli karaan noocyada xoolaha lagu tababari doono ee ay dhaqdaan dadka soomaalida iyo duurjoogta. Macadka waxaa bixinaysa Shahaadada Diplom ka koowaad Jaamacada SUDAN UNIVERSITY OF SCIENCE AND TECHNOLOGY, ardayda waxay dhamaystiran karaan Degreega 1aad marka ay diplomka dhameeyaan. Isdiiwaagnelintu waxay ka bilaabanaysaa magaalada Galkacyo, gaar ahaan xafiiska ku meel gaarka a Macadka ee ku yaala daarta weyn ee Amal Bank, qolka 103 dabaqa 2aad. Wixii faahfaahin dheeri ah kala xiriir telephonadan:- 7003200 ama 7790098 Email: somali.vet@gmail.com Mahadsanidiin Maamulka Macadka Xanaanada Xoolaha ee Galkacyo
  13. " frameborder="0" allowfullscreen>
  14. Hiraaboow ma waxaad jeclaan laheyd in Faroole la keeno Maxkamaddii gabadha miskiinta ah kufsiga & xarigga isugu dartay?!. W/Q Farah Warsame Farah Warsame Melbourne, Australia Bile1971@hotmail.com Luulyo 16 2013 Comments (7) | Write Comment Hiraaboow ma waxaad jeclaan laheyd in Faroole la keeno Maxkamaddii gabadha miskiinta ah kufsiga & xarigga isugu dartay? Maqaal Jawaab u ah af-lagaadadii Ali Hiraabe u geystay madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Sh Max’ed Faroole. Waxaan akhriyay maqaal xumaan & dhaqan-xumo xambaarsanaa ee uu qoray shakhsi isku magacaabay Ali A. Hirabe ma ahan markii ugu horreysay ee shakhsigan af-lagaado toos ah & mid dadban-ba u geysto ummadda reer Puntland & madaxdoodaba. Damiirka ayaan kuu saamaxeyn in aad ka aamusto shakhsigan oo kale ee caadada ka dhigtay in uu had & jeer aflagaado & isku *** kula dhex wareego ummadda Puntland ee nidaamka & kala dambeynta horseeday. Waa shakhsi aan xishoon, wax walbana u heysta in uu magac ku helayo. Wuxuu u soo tafaxeytay sidii uu ummad islaam ah isaga horkeeni karaa, waqti kaleba yeelkeede, wuxuu xitaa xushmeyn waayay bishan aan ku jirno ee Ramadaan ee barakeysan. Waxaan markaa ku khasbanaaday in aan wax ka iraahdo maqaalkaa af-lagaaddada, isku dirka & qabyaaladu ka muuqatay ee uu hawada soo mariyay shakhsigaasi. Maqaalka Hiraabe wuxuu u muuqday in uu qoray daqiiqado uun ka dib markii la maqlay magaalo/ooyin Puntland ka tirsan ayay wax ka dhaceen. Ma hubsan kamana dharagsana waxa dhacay waxa ay yihiin. Isma barbar dhigin waxa halkaa ka dhacay & waxa magaalooyinka kale ee soomaaliyeed ka dhaca. Ma sugin waxa dowladda Puntland arrintaa ka yeeli doonto, ma sidii dagaal-oogayaashii ayay qoryaha cabbeysan doontaa mise si caqli ku jiro ayay wax u xallin doontaa? Ma sugin waxa qaramada midoobay ka oran doonto halkaa oo weliba wakiilkeedu goob joog ka ahaa. Ma hubsan xaalku sida uu ku dambeyn doono ee fudeydkii aan dadka qaar ku aqiin ayuu lasoo baxay qalinkiisii xanafta watay-na kula boobay. Waan hubaa Hiraabe qaabka degdeggu ka muuqdo ee qoraalka u soo gudbiyay hadduu wax yar dib u dhigi lahaa in uu calyada dib u liqi lahaa. Farxadda uu la batbatay ee ku kalliftay in uu sidan wax u qoro-na murugo isu badali laheyd, inkastoo aan aaminsanahay in ay mar horeba taabatay. Fudeydka Hiraabe ma aha mid iska yimid, keligiina kuma aha ee waa mid meelo kale oo badan ee ay Villa Soomaaliya kamid tahay laga qabo, makarafoonada ayaa la boobaa marka la maqlo in gabari ku kuftay Puntland. Xishood la’aantooda isla waqtigaa ay gabadha kuftay ka sheekeynayaan waxaad maqleysaa dhawaaqa rasaasta ka socota meel aan ka fogeyn halka ay khudbada ka hayaan, waxaaba suurto-gal ah in 10 dhimatay. Waxaanse is-weydiiyaa waqtiga ay Puntland gelinayaan may dhibta jirta wax uga qabtaan? Kii wax u sheegi lahaa waa kanoo kale oo aflagaadada lasoo taagan, markaasaan iska qancaa. Waxaa sidoo kale jira dad badan oo gudaha & dibeddaba ku nool dhagtu isaga sii taagan tahay, kuwaas oo jeclaan lahaa in ay mar uun maqlaan Alle kama dhigee Puntland oo dab ka holcayo. Ujeedada maqaalkan ayaa ah in aan shakhsigaas xumaanta intaa le’eg u bareeray wax u sheego. Dhagihii Alle waaniyo ayaa waansan ayay soomaalidu tiraahdaa, ma filayo in uu wax ku qaadanayo, laakiin dhowr kelmadood aan iraahdo Hiraaboow meeshu waa Puntland. Haddaad arki jirtay ummad aad qabyaalad, qurun & isku *** inta kula dhex wareegto kaa dhageysta dabadeed qoryaha isu cabbeysa oo hadhoow dhiigga & hilibka la kala garan waayo, Puntland meeshaas ma aha!. Puntland waa maamul caan ku ah nabad & kala dambeyn, dad aqoon & khibrad dheeraad ah leh ay hagayaan. Waxaan ka dareemayaa hadaladaada & kuwa kula fikirka ah in ay aad u dhibsadeen laf dhuun gashayna ku noqotay siyaasadda & hadalada Faroole. Shalay haddaad ka qeylineysay AUN C/laahi Yuusuf ama Cadde Muuse maanta in aad Faroole hoos u jiideyn anba waan ogahay, wax kalena maahee waa cuqdada qabyaaladeed ee kaa buuxda. waan ogahay in aad jeclaan laheyd/laheydeen in aad aragto madaxweyne Faroole oo kursiga Puntland baneeyay. Aan kaa sii farxiyee Madaxweyne Faroole mar ay noqotaba kursiga wuu ka dagi laakiin kuma oran karo waa waqtigaa, waxaanse kaaga nixinayaa in kii yimaadaba uu kuu darnaan doono. Haddaan reer Purnland nahay shakhsiga kuwa fidno wadayaasha (********tu) neceb-yihiin annagu waan jecelnahay, xitaa haddaan badalno kan aan ku badalnaa waa mid doonaya in uu xumaanta kaa reebo, maadaama aadan jecleyn in xumaanta lagaa reebo-na dabcan qeyladaadu wey sii socon inta caqligu kaaga hagaagayo. Kee istaahila in Maxkamad lasoo taago? Ma kan dadkiisa & dalkiisa wax u qabtay oo shisheeye & sokeeyaba ku nabad galeen, mise kan meelna looga baxsan waayay? Ma kan dalkiisii la dayacay ka dhigay meel la dagi karo mise kan weli burburinaya tii ummaddu wada laheyd? Ma kan nidaamka & sharciga inta sameystay kii soomaaliyeed-na ku daray, mise kan sharcigii bililiqeystay ee Cabdalla Shideeye geeyay? Ma kan ummadda hantidoodii ka dhacay soona bara-kiciyay, mise kan kuwii hantidooda la dhacay ee la dhibaateeyay (barakacayaasha) soo dhaweeyay? Ma kan kufsiga & dilku caadiga u tahay mise kan dadkiisa u damqanaya? Ma kan dhulkiisa ilaashanaya mise kan iibsanaya? Waxaan aaminsanahay hadduu innaba caqli kugu jiro cid hala maxkamadeeyo lama soo shir tagteen illeyn ma ogid in aad markhaati isku fureyso’e. Maxkamad vs Hiraabe. Ma adaa maanta Maxkamad ka sheekeynaya? Bal caqligaa day! Goormaad Maxkamad & waxay qabato baratay? Maxkamaddaadu sow ma aha tii gabadha miskiinta ah kufsiga & xariga isugu dartay? Maxkamadaadu sow ma aha tii weriyiyaashii xumaanta soo bandhigay habeenka madow jeelasha ku gurtay oo carab & cajami-ba ka qeyliyeen? Maxkamadaadu sow ma aha tii bixisay LOOMA OOYAAN ee masaakiiinta oo keliya ka adkeyd? Maxkamaddaadu sow ma aha midda daggan guri dad leeyahay oo xoog lagu heysto. Goormaad heerka ereyga maxkamad in aad afka ka tiraahdo gaartay?.War Soomaali waa ku taqaane ma dad aan ku aqoon ayaad wax u sheegeysaa? Mise kuwii awalba ku dhageysan jiraya ayaad wax u akhrineysaa? Waan ogahay in aad jeclaan laheyd in aad aragto shakhsi Puntland kasoo jeeda oo MAXKAMADAADA (kama wado tan aadamiga) lasoo saaro,laakiin waxaadan ogeyn in Puntland tahay dowlad federaalka ka tirsan nidaamkeedana u madax banaan, sida garsoorka, fulinta & sharci dejinta. Aan ku saxee shakhsiga Puntland u dhashay garsoorka wuxuu u sameystay in uu isku xukumo. Xitaa adigan sidan u hadlaya ee fidnada wada haddaad Puntland joogi laheyd caddaalad la yaqaan ayaa lagu marin lahaa, xuquuqdaada ilaalineysa ee aan aheyn tii gabadha miskiinta ah la mariyay. Sheegsheegista ereyga FEDERAL waxaa ka fiican macnihiisa oo aad barato Inta aad waqtiga ku dhumineyso af-lagaaddo & isku *** ummadeed, baro macnaha dowladnimo & waxa Federal loola jeedo. Markaad barato u gudbi kuwa indhaha ku kala qaaday xukuumaddii KACAANKA ee u heysta in dowladnimadu tahay madaxweyne 3-da hey’adoodba isku heysta. Waan ka xumahay in aad macnaha Federal u qaatay nidaamka Muqdisho maanta yaalla. Waxaa qurux badnaan laheyd in aad daqiiqad-ba allaha ka dhigee fursad siiso sidii aad u akhrin laheyd waxa Federaal loola jeedo, weliba isagoo luqado badan oo Af-soomaaligu ku jiro, ku qoran ayaa la heli karaa. Haddaad sidaa yeesho waan hubaa in aadan maqaalkan oo kale soo qorteen. Aqoonta & xirfadda waa la bartaa ee lama sheegto Hiraaboow haddaad arki jirtay qof wuxuu iska sheegto lagu dhajiyo sida Jeneraal, Doctor, Xildhibaan iwm, raad-raacna laheyn, annaga maaha ciddaad isugu sheegi laheyd. Waxaad iska soo hormarisaa ereyga DR oo magacaaga ka horreeya mar walba, kuma oranayo magacan Hiraabe & Dr-nimo isma qaadan karaan!! ee waxaan ku oranayaa Dr-nimadu xoog & anaa ku habsaday maaha ee waa heer aqoon oo uu qofku gaaro. Midse waan kuu qirsanahay adiga & kuwa magacyada (title)-da cusub la baxay, in aad caalamka kusoo siyaasideen cilmi cusub oo aan u baahneyn in waqti & lacag lagu lumiyo, waxaanse ku faraxsanahay in dadka aad Dr-ka u tihiin oo keliya ay khibraddaa idinka qaadan doonto mustaqbalka dhow. Maalin dhoweyd oo aan TV-yada Soomaalida daawanayay waxay indhaheygu qabteen ciidamo loo khudbeynayo oo xero ciidan ku jira, haddaan been iska dhowro intuba korneel & wax ka sarreeya ayay ahaayeen. Caad igama saarna in talada noocaas ah ee ciidamadii wada jeneraal ka dhigtay bilaa khibrad & aqoon ah, ay adiga & mid kula mid ah maskaxdooda kasoo maaxatay. Haddaan runta kuu sheego shakhsiga aad leedahay maxkamad hala soo taago, isagaaba xabsiyo waaweyn magaaladiisa looga wadaa dhisme. Beenna kuu sheegi mayee adiga & kuwa kula fikirka ah ee ummaddu ka harsan weysay ayaa lagu wadaa in laga buuxiyo. Waana qaabka keliya ee aad wax ku fahantaan adiga & kuwa kula midka ah ee u heysta in noloshuba tahay fitno la abuuro, ummad la isku gubo, dad la laayo iyo aqoon aan la heysan oo la sheegto. Waxaanse kusoo gabagabeynayaa intaadan ka hadal maxkamad & meelo kaa fogfog waa howlo waaweyn oo aadan weli gaarine bal marka hore hoostaada waxa yaalla ee foolxumo ah eeg waxna ka qabo taasaa adduun & aakhiroba dan kuugu jirtaaye. Farah Warsame Melbourne, Australia Bile1971@hotmail.com
  15. Xiligii Faroole D.F maxkamad geeyn laheeyd sow maaha. W/Q Dr.Ali.A.Hirabe Comments (41) | Write Comment Xiligii Faroole D.F.maxkamad geeyn laheeyd sow maaha. Dr. Ali A Hirabe Hirabe_a@hotmail.com Luulyo 16 2013 Dr. Ali. A. Hirabe Haddii aayan ka hadal dowlada federaalka gumaadka Faroole ka wado dhulka Puntland sow lama dhihi karo dowlada federaalka ayaa qeeyb ka ah gumaadka sabbata oo ah shacabka la gumaadayo waa shacab Somali ah xilka badbaadinta shacabkaa waxuu dusha ka saaran yahay dowlada Federaalka oo loo idmaday badbaadinta iyo nabad ku noolaanshaha dhamaan umada Somali.,waxaa waajib ah in dowlada Federaalka aay dhexdhexaad ka noqoto loolanka siyaasadeed ee ka dhex jira reer Puntland ,Faroole asaga oo xiligiisa dhamaaday ayaa raga ugu sareeyo dowlada federaalka sida R/wasaaraha iyo Madxaweeynaha ay garab istaageen kuna booqdeen Garowe Faroole xili siyaasiyiinta reer Puntland ku wargeliyeen in Faroole uusan ciddna xilka u hayn balse loo baahan yahay in gogol dib u heshiisiin ah loo qabto Isimada iyo qabiilada reer Puntland si meesha looga saaro xurgufta siyaasadeed ee sabbabi karta dagaal in uu ka dhaco Puntland, runtii dowlada federaalka waa aay garan weeyday xilgaa maanta waxaa looga fadhiyaa dowlada federaalka sidii aay nabada loogu soo danbaali lahaa dhibka iyo gumaadka uu Faroole bilaabay,waa fursad qaali ah in dowlada Federaalka aay u muujiso shacabka Puntland in xil adag uu ka saaran yahay,dowlad federaalkana aay diidan tahay gumaadka Faroole ee shacabka uu Puntland, shacabka iyo qabiilada Puntland dowlada Federaalka waa in aay u fidisaa gogol nabadeed si nabad iyo wadanoolaansho dhab ah uga hirgasho Puntland. Xildhibaanada Federaalka ee ka soo jeeda Puntland waxaa quman in aay cod dheer ku dhahaan Faroole waa danbiile dagaal mudan in maxkamad la geeyo, xildhibaanada federaalka ee Puntland waa in aay kala doortaan Faroole iyo shacabka, haddii aay garab istaagaan Faroole waxaa aay luminaayaan sumcadii aay ku lahaayeen umada Soomaali guud ahaan gaar ahaan shacabka Puntland. Faroole waa qaswade mudan in maxkamad la soo taago sabbabta soo socota 1. Xil uu umad u hayo ma jirto balse waxuu gumaad ka geeystay G. Bari iyo G. Mudug akhristow bal dib u xusuuso gumaadkii Gaalkacayo xaafada Garsoor oo u adeegsaday ciidamada Puntland iyo hubkii lagu gaday canshuurtii laga qaaday shacabka Puntland. 2. Waxaa uu sabbab u ahaa dagaalka ka socda Jubooyinka asaga oo ujeedka uu ku taageeray Jubbaland ay aheeyd in wallaalo fooda is daraan. 3. Wuxuu dalka u ogolaaday inay ka hawlgalaan shirkado shisheeye oo aan sumcad iyo xurmo ku lahayn adduunka sida shirkadda SARACEN INTERNARTIONAL oo ay leeyihiin calooshood u shaqeystayaal South African ah, iyadoo la ogsoon yahay in dawladii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya ay kala noqotay ogolaanshihii horey loo siiyey markii la ogaaday hab dhaqanka Saracen. 4. Faroole waa uu ka soo horjeedsaday dastuurka qabyo qoraalka ee lagu saxiixay Garowe, waxaa uu marar badan cadeeyay in dowlada federaalka aay ka baxaayaan sow qaswade maaha mudan in maxkamad la soo taago. Waxaan ku wargelin lahaa Faroole in xiligiisu dhamaaday aayna mudan tahay in uu si nabad ah isga tago Puntland si shacabka Puntland iyo Odayadooda siyaasiyiintooda uga tashadaan aayaha Puntland ,haddii aadan qaadan taladaa wallaahi adiga oo intaa kasii foolxun ayaad ka tageeysaa Puntland, inta gacantaada ku dhimatay intii aad xukunka qabatay Puntland kuma aayan dhiman, taariikhda Puntland waa mid la qoray maxkamadna lagu soo taagi doono Faroole. Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com
  16. Siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeday dowladda Soomaaliya oo goor dhow shir uga furmaya Magaalada Nairobi. Kulan ballaran oo ay kasoo qeyb galayaan siyaasiyiin mug weyn ku leh saaxadda siyaasaadda Soomaaliya ayaa goor dhaw ka furmaya hoteelka Laico Regency ee magaalada Nairobi. Siyaasiyiintan ku shariya Nairobi ayaa waxay si weyn ugu soo horjeedaan qaabka ay u shaqeyneyso dowlada Federaalka iyagoo sheegay in ay dhaliilsan yihiin qaabka maamul ee madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud sida uu Raadreeb.com u sheegay mid ka mid ah abaabulaaysha Kulanka. Waxaa la filayaa in kulan siyaasadeedkan ay ka soo qeyb galaan koox ay hogaaminayaan Cali Maxamed Geedi iyo Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke oo labaduba Ra’iisul wasaareyaal kasoo noqday dowladihii kumeel gaarka ahaa ee Soomaaliya Soomaray. Xubnaha ku shiraya magaalada Nairobi ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, kuwaasoo saameyn ku leh siyaasada dalka, waxaana ka mid ah Dr. Cali Khaliif Galeyr, C/wahaab Ugaas Khaliif iyo xildhibaano kale. Sidoo kale xubnaha kale ee shirka ka furmaya Hotelka Laico Regency ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah Dr. C/raxamaan Macalin Baadiyow Jen. Maxamed Warsame Darwsiih, wakiilo matalaya Putland iyo Jubbaland. Abaabulka kulankan goor dhow ka furmaya Nairobi ee lagu dhaliilayo dowlada ayaa waxaa qeyb weyn ka ah tiro ka mid ah xildhibaanada Soomaalida ah ee dowlada Kenya ku jira. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Nairobi ku qabanaya Shirka ayaa warbaahinta Raadreeb u sheegay in ay kulankan sida ay hadalka u dhigeen ay umadda Soomaaliyeed ugu sheegayaan sidii looga hortagi lahaa bur bur ku yimaada dowladda Soomaaliya oo xilligan xaalad adag ku jirta iyo sidii Xukuumad tayo leh loo sameyn lahaa
  17. Garoowe: Meydad la keeney Isbitaalka iyo Gaari uu leeyahay Gen Cade Muuse oo la qabtey. July 14, 2013 12:41 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe: (pp)- Meydka Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdi Jaamac Cilmi (Cabdi dhagaf ) oo ahaa Taliyaha Ciidanka Guutada 1aad ee Kumaandoosta Puntland ayaa la keeney magaalada Garowe ka dib markii uu ku dhintey taliyuhu rasaas lagu furey saldhiga Qardho hortiisa. Geerida Taliye Cabdi dhagaf ayaa si weyn looga dareemey guud ahaan Puntland, iyadoona dhacdadii taliyuhu uu ku dhintey ay geysteen kooxo hubeysan oo dadka badankiis ay u aaneynayaan inay ka danbeysay shirqool uga yimid rag ka tirsan siyaasiinta mucaaradsanaa nidaamka Asxaabta ee Puntland. Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdi Dhagaf ayaa ka mid ahaa saraakiisha sanadihii u danbeeyey tababarada ay soo siiyeen Midowga Yurub, kuna soo dhameystey tababarkiisa Dalka Ugandha ,Iyadoona uu ahaa Marxuum Cabdi Dhagaf nin si weyn looga yaqaaney deegaanada Puntland. Kooxaha diidadanaa nidaamka Asxaabta ee Puntland ayaa mudooyinkii u danbeeyey ku howlanaa aruursiga maleeshiyo beeleedyo ay kula dagaalami karaan gudaha Puntland ciidamada amaanka ee Puntland, kuwaas oo sida ay ku eedeeyeen saraakiisha Puntland, inay mucaaradka ku jira siyaasiinta diidanaa nidaamka asxaabta xiriiro dhow ay la sameynayeen cadowga dibada. Marka loo eego sida ay wax u dhaceen maanta waxay ahayd mid dadka reer Puntland aan farxad galin , iyadoona abaabulka dhacdadii Qardho la hadal hayo inay ku lug leeyihiin rag uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Puntland Gen Cade Muuse. Waxaana wararka Puntlandpost.com Qardho kasoo gaaraya ay sheegayaan in ciidamadii uu xukumey taliye cabdi dhagaf ay ku qabteen saldhiga qardho agagaarkiisa gaari uu leeyahay Gen Cade Muuse oo xilli gaariga ay saarnaayeen maleeshiyo hubeysan oo ciidanka rasaaseynayey. Isku soo wada duubo waxaa ku dhintey dhacdadii Qardho ee maanta 4 ka tirsan ciidamada Puntland oo uu ku jiro Taliye Marxuum Cabdi Dhagaf,halka 3 qof oo shacab ahna ay ku dhinteen dhacdadaasi dhaawacuna uu intaas ka badan yahay. Puntlandpost.com Garoowe.
  18. Puntland Government Suspends Local Council Elections 14 Jul 14, 2013 - 3:16:13 AM The President of Puntland State of Somalia H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole), in lengthy consultations with the Vice President, Parliament Speaker, Council of Ministers and National Security Council members, Chairman of Transitional Puntland Election Commission (TPEC), and prominent members of civil society, has issued the following decision regarding the suspension of Local Council Elections scheduled for tomorrow, Monday July 15, 2013. The President: Having valued the paramount responsibility of the Puntland Government leadership to safeguard the security, stability and unity of the people of Puntland State; Having seen the destructive forces of instability and terrorism using as a tool the Local Council Elections, to organize behind the common cause of destroying Puntland State’s unity and stability; Having recognized the Puntland Government’s committed efforts to implement the democratization process, including many achievements and milestones reached so far; Having considered the domestic spoilers and external manipulators funding and organizing instability and election violence in Puntland State; Having recognized the existential threat to peace, security and stability for the people of Puntland State; Having valued the Puntland people’s aspirations for good governance, peace, and justice; Puntland hereby suspends the Local Council Elections scheduled for tomorrow July 15. In light of this difficult decision, Puntland Government would like to express its utmost appreciation for the enthusiastic public support for the democratization process, and the Government assures the public the Government is committed to advancing the Democratization Process and holding elections, when it is appropriate. Puntland would like to express its thanks and appreciation to the international community who have been supporting this democratization process, where many successful steps have been completed over the past decade, until this stage and Puntland is confident the support will continue in the years to come. The Government calls upon the peace-loving Puntland communities and the Government Forces to protect their unity, security, and stability and against the destructive forces of aggression aiming to destroy the peace in Puntland.
  19. Doorashooyinka Deegaanka Puntland oo la joojiyay 14 Jul 14, 2013 - 3:04:39 AM Puntland State of Somalia Dowladda Puntland waxay Joojisay Doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka WAR SAXAAFADEED 14 July 2013 Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole, markuu si qotodheer ah ula tashaday Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wasiirada iyo xubnaha Guddiga Nabadgelyada Dowladda Puntland, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KMG ah, iyo dad xurmo ku leh Bulshada Rayidka ah, wuxuu soo saaray go’aankaan ku saabsan joojinta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ka dhici lahaa Puntland berri Isniin July 15, 2013. Madaxweynaha Dowladda Puntland: Markuu qiimeeyey mas’uuliyadda iyo xilka weyn ee ka saaran ilaalinta amniga, xasiloonidda, iyo midnimada dadka Reer Puntland; Markuu arkay kooxo isu soo bahaystay khalkhalgelinta degenaanshaha iyo waxyeeleynta midnimada Puntland, kuwaasoo ay ka mid yihiin argagaxiso doonaya inay si xun uga faa’idaystaan qabsoomidda Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland; Markuu aqoonsaday dadaalkii dheeraa oo Puntland usoo gashay hirgalinta iyo meelmarinta nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, iyadoo tallaaboyin badan oo lagu guulaystay la soo maray ilaa hadeer; Markuu qiimeeyey qaswadayaasha gudaha iyo khalkhalgeliyaasha dibedda oo maalgelin iyo abaabul uga qaybgalaya abuurida xasilooni-darro iyo isku dhac xilliga doorashada Puntland; Markuu aqoonsaday khatar ku imaan karta amniga, nabadgelyada iyo xasiloonidda dadka Reer Puntland; Markuu qiimeeyey himilooyinka dadka Reer Puntland ee dowlad-wanaaga, nabadda, iyo cadaaladda; Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u joojisay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland oo qabsoomi lahaa July 15. Iyadoo la qaatay go’aankaan adag, Dowladda Puntland waxay shacabka usoo jeedinaysaa mahadnaq balaaran niyadda ay u hayaan una muujiyeen in geedi-socodka nidaamka doorashooyinka socdo, waxayna Dowladdu dadka u balanqaadaysaa inay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa sidii loo hormarinlahaa nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, doorashada-na la qaban doono wakhtiga ku habboon, inshallah. Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka oo soo taageertay nidaamkaan muddo 10-sanno ku dhowaad ah, marxalado badan oo lagu guulaystay lasoo martay Dowladda ilaa wakhtigaan xaadirka ah. Dowladda Puntland waxay kalsooni ku qabtaa in Beesha Caalamka ka taageeri doonto sii wadida nidaamka asxaabta mustaqbalka. Dowladda Puntland waxay ugu yeeraysaa dadka Reer Puntland oo nabadda jecel iyo Ciidamada Amniga inay daafacaan Midnimadooda, Amnigooda iyo Degenaanshahooda, si ay uga guulaystaan kuwa isu soo bahaystay burburinta Puntland. Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha Puntland shirka uu qabtay http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Puntland_waxay_Joojisay_Doorashooyinkii_Deegaanka.shtml
  20. Gaalkacyo oo lagu gubay Sanaadiikhdii Doorashada [sawiro] | on July 14, 2013 Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi gebi ahaan lagu gubay sanaadiikhdii dowlada Puntland u keentay in cododka lagu rido doorashooyinka Golayaasha deegaanka. Ciidamadii galbinayey sanaadiikhda ayaa lagu soo waramayaa inay kala wareegeen shacab hubeysan kuwaasi oo gebi ahaan burburiyey sanaadiikhda iyo waraaqo ku jiray oo ah kuwii cododka. Sanaadiikhdan ayaa lagu waday in maalinta beri oo ku beegan 15ka July la dhigo goobo cayimin oo ku yaal Gaalkacyo, lamana shaacin meelaha codbixinta ka dhaceyso, waxaana sidoo kale muuqatay in Sanaadiikhda kuwo qaar Codadka horey loogu soo guray oo xiran iyo kuwo faaruq ah oo aan waxna ku jirin, sida aad ka arki doontaan Sawirada hoose. Dhinaca kale Codod bixinta ayaa u muuqata mid horey loo sii diyaariyey si musuq maasuq ah, waxaana qoraalada ka muuqda 4 xisbi oo uu ku jiro Xisbiga Wadajir oo isaga baxay doorashada maalinimadii Khamiistiina shaaciyey. Arrintan ayaa ka dhigeysa ururada Doorashada ka qeyb qaadanayey sadex urur oo kaliya oo kala ah Horseed, UDAD iyo Horcad. Xeerka Doorashada Puntland ayaa qorayey in doorashada golayaasha deegaanka ay ugu yaraan ka qeyb geli karaan 4 xisbi, taasi oo loo maleenayo sababta liiska looga saari waayey ururka Wadajir ee doorashada ka baxay. Horey ayey sidoo kale ururada Midnimo & PPP uga baxeen doorashooyinka golayaasha deegaanka. Arrintan ayaa kusoo aadaysa xili maanta uu dagaal xoogan ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar oo sidan oo kale looga diiday sanaadiikhda doorashada oo ay dowlada Puntland u kala dirtay gobalada. Dagaalka Qardho ayaa isagu keenay dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay gacanta isula tageen shacabka iyo ciidamadii sanaadiikhda ka keenay magaalada Garowe. Dagaalkaasi ayaa inta hada la og yahay ku dhimatay 5 qof, oo ay ku jiraan 3 askari oo uu kamid yahay Taliyihii watay ciidamada Garowe ka yimid. Magaalooyinka Iskushuban, Rako Raaxo, Bander Bayla, ayaa labo maalmood kahor sidan oo kale looga soo saaray magaalada ciidamadii waday sanaadiikhda Doorashada. Gobalka Sanaag, magaalooyinka Dhahar iyo Badhan ayey dhamaadkii bishii June sidan oo kale ciidamada Somaliland gacanta ugu dhigeen sanaadiikhdii codbixinta ee loo waday magaalooyinka Dhahar, Badhan iyo Laas Qoray. Faah Faahinta wararkan mar dhaw baan idiin soo gudbin doonaa haduu eebo idmo! Horseed Media News Desk
  21. Bursaalax oo lagu gubay Sanaadiikhdii Doorashada Puntland [sawiro] | on July 14, 2013 Magaalada Bursaalax oo kamid ah gobalka Mudug ayaa kamid ah goobaha maanta lagu gubay sanaadiikhdii dowlada Puntland u geysay halkaasi in loogu codeeyo golayaasha deegaanka. Gaarigii siday sanaadiikhdan oo ay shacabka Bursaalax la wareegeen si nabad ah ayaa waxaa isla bartamaha magaalada dab lagu qabadsiiyey sanaadiikhdii oo dhamaantood ahaa kuwo horey loo soo buuxiyey oo waraaqihii ku jiraan, afkana laga soo xiray. Sidoo kale magaalooyinka, Qardho, Gaalkacyo, Iskushuban iyo Bander Bayla ayaa kamid ah goobaha lagu gubay sanaadiikhda doorashada, halka magaalada Rako Raaxo rasaas ka dhacday labo maalmood kahor halkaasi ay dib isaga soo noqdeen ciidamadii waday. Shacabka ayaa u muuqatay inay soo baxday wixii ay cabanayeen oo ah in dowlada ku shubaneyso doorashada, taasi oo ay cadeynmo uga dhigayeen Sanaadiikhda magaalooyinka la keenay oo horey loo soo buuxiyey, sida ay sheegeena la rabay in magaalada la keeno kadibna dib loogu cesho Garowe, iyadoo laga dhigayo in ay shacabka codeeyeen. Waxaa xusid mudan inaan shacabka loo shaacin goobaha ay codbixinta ka dhaceyso taasi oo keentay in shacabka jidka u istaagaan gaadiidka sanaadiikhda waday, waxaana jira warar sheegayey in xog ay shacabka ka helayeen xubno hawsha doorashada ku jiray oo ku sugan Garowe, kuwaasi oo u sheegayey xiliyada sanaadiikhda kusoo beegnaayeen magaalooyinka qaarkood. Waxaan iyaduna jirin wax olole doorasho ah oo ka dhacay deegaanada Puntland, iyadoo ururada tartamaya aysan soo bandhigin musharaxiintooda u taagan doorashada golayaasha deegaanka, arrintaasi oo salka ku heysay diidmada xoogan oo ka imaanayey dhinaca shacabka. Horseed Media News Desk
  22. Faahfaahin khasaarihii ka dhacay magaalada Qardho | on July 14, 2013 Sida aan ku sheegney wararkayagii hore ee maanta waxaa iska hor imaad ka dhacay magaalada Qardho subaxnimadii hore ee maanta, kadib markii ciidamo ku gaashaaman gawaarida qoryuhu ku rakiban yihiin ay magalada soo geliyeen laba gaari oo sida warqadaha codeynta ee loo asteeyey maalinta berri. Waxaa ka hortegey shacab caraysan kuwaas oo ku mudaaharaadey isla markaana diidey in si khasaab ah codbixin ay ku tilmaameen mid xaaraam ah gobolka laga fuliyo. Arrinta ayaa aad u sii cuslaatey waxaana dadkii shacabka ahaa ay la soo baxeen gawaarida dagaalka oo u dhiganta kuwii gelibinaayey sanadiikhda, waxaana u suurta gashey in ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah gawaaridii sidey Saanaadiikhda, waxaana saarnaa 11 sanduukh oo ku socdey magaalada Qardho, kuwaas oo ay ka buuxaan agabkii la sheegey in lagu gelayo doorashada qoriga lagu ilaalinaayo, qorigana looga hortegay. Gaariga la qabtey waxa uu ahaa mid ay ku rakiban yihiin laba Taariko oo ah Somaliland iyo Puntland, sida muuqata dadku waxay sheegayaan in gawaaridii Puntland keliya ka diiwaan gashanayd ay diideen isla amrkaana garanayeen khatarta halkaas ka soo socota, sidaas ayaana kaliftey in gawaari khabaar moog ah oo Somaliland ka diiwaan gashan la keeno. Sanaadiikhdii ayaa laga soo dejiyey gaarigii sidey, waxaana dadweyne caraysan ay ku gubeen meel barxad ah iyaga oo ku dhawaaqayey dooni meyno doorasho khasab ah dooni meyno ku shubasho xaaraan ah dooni meyno Faroole iyo hadale kale. Qabashada gaariga sanaadiikhda wadey waxay ku timid dagal cabaar socdey waxaana ku dhintey laba askeri oo ka tirsanaa ciidankii wadey Sanaadiikhda iyo Askeri kale oo ka tirsanaa Taraafikada Qardho. Waxaa xusid mudan in Sarkaalkii watey ciidankaas oo dagaalkaas ku dhintey kaas oo lagu magacaabo Col.Cabdi Dhagaf, Dhanka shacabkii la dagaalamey waxaa ka dhintey hal nin waxaana kaga dhawaacmey nin kale, sidoo kale waxaa jira dad shacab ah oo laamiga ku dhintey waxaana ay gaarayaan ilaa laba qof. Ciidankii ka yimid dhanka Garowe ayaa weli ku sugan Xerada Booliska ee Qardho, halka dhalinyaradii la dagaalantey aysan waxba ka fogeyn. Magaalada Qardho ayaa ah mid aan koronto lahayn, waxaa xiran dhamaan goobaha ganacsiga waxa shaqeynaya adeega telefonka oo dadku isku waraysanayo. Gurmadyo ciidan Ciidamada ku sugan Xerada Booliska Qardho ayaa la sheegayaa in ay dalbadeen gurmad ciidan kaas oo wararka qaar sheegayaan in ay ka soo baxeen magaalada Carmo oo habeenkii xalay ahayd ciidamo xoogan la geeyey iyo ciidamo kale oo Garowe ka soo baxay, Xaaladda ayaa ah mid degan, ma jiro wax dhaq-dhaqaaq ah, waxaana dhici karta haddii ciidamadaasi yimaadaan in Qardho uu ka dhaco dagaal la isla galo gudaha magaalada kii u horeeyey maadaama ay jiraan ciidamo xoogleh oo hubeysan oo ka soo horjeeda xisbiga Madaxweyne Faroole. Taariikh cusub oo qormeysa Nin ka mid ah waxgfaradka Qardho ayaa Horseed Media u sheegay in la arki jirey jeligii teliye hub haysta oo xukunka maroorsada dadkana hub ugu faana, laakiin waxa Dr.Faroole wado waa taariikh cusub Dimoqraadiyad qoriga caaradiisa lagu socodsiinayo waa cashar cusub oo Puntland barayso caalamka intiisa kale, odaygu haddii uu hub haysto muu kursigiisa xejisto oo hubka ku difaacdo inta uu qoorqabad iyo qori caaradiis ayaad doorasho ku gelysaan uu lee yahay ayuu yiri Cabdi Cali oo ka mid ah waxgaradka Qardho. Cabdi Cali ayaa sheegaya in shacab hubeysan oo tikniko haysta aan qaabkan wax looga hirgelin karin ayna soo baxdey wixii laga digaayey markii hore. Horseed Media News Desk