Dr_Osman
Nomads-
Content Count
3,889 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Dr_Osman
-
http://www.puntlandchamber.com/Final%20Puntland%20Investment%20Guide.pdf
-
Muuse Biixi Iyo C/Casiis Samaale Oo Xalay Gacanta La Isku Saaray+ Socdaalkooda Agabar. waxaa ay xalay isku dhunkadeen guri ku yaala magaaalad hargaysa. Hargaysa (GNN)- labadan masuul ee kala ah muuse biixi iyo c/casiis samaale ayaa waxaa in muddu ah dhexyaalay khilaaf huursanaa laakiin markii danbe dibada u soo baxay , iyadoo uu khilaafkaasi uu ka dhashay hogaaminta xisbiga kulmiye ee sanadaha soo socda oo uu mid kastaa sheegay in uu yahay musharaxa xisbiga , iyadoo ay labada masuul tartankoodiii ay xiligaa ay gaadhsiiyeen jifooyinka ay kasoo jeedaan oo ay la yeesheen shirar duceedyo aan la qarsan oo lagu qabsaday hoteelada waawayn ee hargaysa , shirarkaas oo ay ku baxday lacago aad u faro badan, haddaba iyadoo intaas oo dhan ay deeradu dhex maraysay ayaa xalay waxaa guri kuyaala magaalada hargaysa lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay muuse biixi iyo c/casiis samaale iyadoo gacanta la isku saaray ayna is dhunkadeen midkoodba midka kale. Kulanka oo qaatay saacado badan ayaan la sheegin wax war ah oo kasoo baxay oo aan ahayn in labada masuul gacanta la isku saaray ayna is laab xaadheen, kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen waxgaradka sacad muuse ayaa waxaa la sheegayaa in lagu qanciyay labadoodaba in ay si wada jir ah uga qayb qaataan shirka sacad muuse ee ka socda magaalada Agabar dibna ay u dhigaan loolankii siyaasadeed kana qayb qaataan shirka agabar, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda in ay uga qayb galaan iyagoo wada jir ah oo wada socda, ma cada halka uu ku danbayn doono loolankii adkaa ee ka dhexeeyay labada masuul . Kamaal Sh Ismail adem Reporter of Gabileynews A united SM. Here comes gabilay state
-
Ridiculous daynille propaganda. Why would Puntland host garowe 1 and 2 and at the same time look to dismantle it. caqliga reer hamarku waa kaa. War adaa halka is dhigay, ciddi kuma dhigin. Take responsibility for your failures and stop pointing the finger because for 22 years thats all you been doing is pointing the finger while hamar continues to deteriorate because your not addressing the REAL ISSUE which is YOU. As far as turkiga helping mogadishu, that's true. But remember what we have done to your president Your crazy for messing with Sahal folks. We influence kenya and ethiopia to support you or reject you.
-
Mohamed and his hag nonsense has been shut down from garowe, where do you think you are boy? this is puntland we don't take kindly to hag propaganda and garbage
-
War deg deg ah:- Dowlada Puntland oo xirtay xafiisyadda SNTV ee gobolada Puntland War qoraal ah oo maantey kasoo baxay xafiiska wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Mudane Axmad Shiikh Jaamac ayaa lagu sheegay mudo toban cisho ah in shaqadii laga joojiyay Tv-ga iyo idaacada ku hadasha afka dowlada federaalka Somalia. Nuqul ka mid ah qoraalka oo lasoo gaarsiiyay warbaahinta dunidaonline xafiiska Garowe ayaa u qornaa sida tan. Ku Dhammaan Hawlwadeennada Somali NationalTV Rugahooda Og: Wasaaradda Amniga iyo DDR Garowe Og: Puntland Radio&Tv Garowe Og: Madaxtooyada Dowladda Puntland Garowe Ujeeddo: Shaqo ka joojin SNTV Inta warar la helay laga salgaadhayo,SNTV waxa laga joojiyay howlgalkiisii uu ka hawlgalayay Puntland mudo 10-maalmood ah oo ka bilaabmaysa August 18-08-2013 Saacada 1:00 Duhurnimo. Sidaasi daraadeed,hawlwadeennada telefishinka SNTV waxa la farayaa in ay amarkaasi si buuxda u fuliyaan. Wasaaraddu waxay bilawday baaris ku saabsan arrimo la xariira Tv-gaasi,waxayna go'aankeeda dambe ku qaadan doontaa natiijada baaristaas. Axmad Shiikh Jaamac Yuusuf wasiika Warfaafinta Dowlada Puntland ayaa ku saxiixan. Dunidaonline.com Xafiiska Garowe
-
54 traffic lights to be installed at busy intersections in Mogadishu
Dr_Osman replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
Theyre really cheap like 150 bucks for 5 sets. http://www.alibaba.com/product-gs/543348902/Easy_Installation_300mm_Led_Solar_Traffic.html?s=p You just gotta source the poles which would be very cheap too. Shame on somalis for not picking this up -
He doesnt represent me at all. I have my own leaders thank you very much and Puntland has officially severed ties with this HAG based enclave.
-
Bahdilaad lagu sameeyay Axmed-Ileey(Weligaa ma aragtay Safiir warqadihiisa aqoonsiga fadhi looga gudoomay)) Written by Administrator Saturday, 17 August 2013 17:11 Safiirka Ururka ******-Action-Group u magacoowday Magaaladda Adis-ababa Axmed Cabdi-Salaan ayaa qaab bahilaad ah lagaga gudoomay warqadii aqoonsiga ee Madaxweyne Xasan Culusoow sida hoose oogu soo qoray. Madaxweynaha Itoobiya Gilma Worda oo sida sharcida Diplomaasiyadda qoraya ay aheyd inuu isagoo taagan ka gudoomo warqadahaga ayaa la yaab iyo amaag nagu noqotay inuu warqadda ka gudoomo isagoo fadhiya kursigiisa,halka qaab isagoo rukuucaya uu is duleynaya warqadda aqoonsiga ugu dhiibayo Danjire Axmed C/salaan. Waxaa xusid mudan Safaaradaha muhiimka ee ay is leeyihiin Ururka HAG dagaal-Diplomaasiyadeed ayaad ka furin-kartaa,ayaa waxa ay u kala magacoowdeen Kenya iyo Itoobiya Cali Ameeriko iyo Axmed C/salaan oo Ilmo Hiraab isku ah Shacabkamedia-Beyra-Puntland
-
Bosaso Airport and Garowe Airport will be international when completed. Galkayo airport will be the central regions main hub. Regional airports will be in qardho and carmo. 3 paved airports followed by 2 unpaved regional airports. That's just the start of it boys. Galkayo is getting new roads one of which will be paved. The sceptics may argue this is all electioneering projects and none of it will see the day and I must say its a strong argument to go against because to be quite honest im not holding my breath for anything significant to come from a government that is clearly on it's way out.
-
VIDEO:Maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo maantey arrimo dhowr ah ka hadley,ammaanka iyo horumarkuna ay ka mid yihiin Gaalkacyo[RBC Radio]Xarunta gobolka ee magaaladda Gaalkacyo waxaa saxaafadda shir ugu qabtey guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur iyo duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad,waxana ay labada masuul ay faah faahiyeen xaaladda ammaan ee gobolka iyo horumarka xiligaan lala doonayo degmada caasumada uu ah gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Shirkaan ay qabteen maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa u jeedkiisu uu ahaa sidii ay dadweynaha gobolka wax uga ogaan lahaayen xaaladda amni iyo mida horumar ee ka jirta gobolka iyo degmadaba. Ugu horeenti waxaa saxaafadda la hadley guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur,waxan uu guddoomiyuhuu hadalkiisa kaga hadley ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan kan degmada Gaalkacyo. Axmed Muuse Nuur guddoomiye ku-xigeenka gobolka waxaa uu sheegey in ammaanka uu xiligaan marayo meel wanagsan inkastoo ay jiran falal iska yar oo mararka qar dhaca kuwaaso dilal qorsheysan iyo qaraxyaba ay isugu jiraan. Guddoomiyaha waxaa uu si cadd uu u sheegey in ciidamada ammaanka ee Gaalkacyo ay ku dhiiran yihiin sidii ay uga hortagi lahaayen cid kasta oo isku daydda inay qal qal galiso ammaanka kajira xiligaan magaaladda. …””"Ammaanka Gaalkacyo waxaay la qabtaa amniga goboladda dalka,inkasto xiligaan uu wanagsan yahay,balse waxaa jirta isku xirnan ammaan xumo oo markii ay koonfurta dalka ay wax ka dhacaan Gaalkacyana waa ay ka dhacaan…”””ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug. Waxaa uu sidoo kale hadlkiisa uu baaq ugu direy shacabka gobolka isagoona ugu baaqey inay ciidamada kala shaqeeyan ammaanka si looga guul gaaro cid kasto isku deyda inay dhib geesato. Dhinaca kale waxaa isna shirkaan jaraa’id hadal ka jeediyey duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad kasoo dhankiisa ka warbixiyey horumarka iyo qorshayaasha xiligaan ka degsan. Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad waxaa uu sheegey in mudadaanba ay ku howlanaayen dhismayaal kala gadisan iyo dayactir iyagoo sare uqaadaya bilicda iyo nadaafadda degmada. Waxaa uu ugu danbeenti sheegey inay dayactirayaan laamiga dhexqaada magaaladda kasoo bur bur uu ka muqad,waxana uu sidoo kale sheegey inay dhawaan bilami doona dhismaha labo jid oo mid laami yahay kasoo dhex qaadi doona ama laga hirgalin doono xaafadda Garsoor ee magaaladda Gaalkacyo taaso baahi dhanka laamiga ah ay ka jirto. Inkasto xiligaan maamulka degmada Gaalkacyo ay sheegen inay wadaadan dhismayaan jiddad waa weyn oo qar kood ay yihiin laami hadda magaaladda Gaalkacyo waxay ka mid tahay magaalooyinka Puntland kuwaado horumarka bilicdda ku talabsadey. Hoos ka daawo muuqal ay shabakada Raxanreeb.com idin kaga soo diyaarisey shirka jaraa’id.
-
Dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Carmo oo maanta la dhagax dhigay | on August 17, 2013 Waxaa maanta la dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada Carmo ee Puntland,iyadoo garoonkaasi haddii la dhammeystiro dhismihiisa lagu wado in ay isticmaalaan qeybaha kale duwan ee bulshada. Maamulka degmada Carmo ee gobalka Bari iyo madax ka tirsan wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland ay si rasmi ah u dhagax dhigayn garoonka. Ibraahim Maxamad Shire oo ah gudoomiyaha degmada Carmo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in garoonka uu si wanaagsan uga qeybqaadan doono bilicda degmada,iyaddoo uu *****li doono baahiyaha dhinaca duulimaadka ee degamada . Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ay rajeenayaan in lagu soo gaba-gabeeyo dhismaha garoonka muddo kooban,isagoo ka codsaday jaaliyadda ka soo jeeda degmada in ay ka qeybqaataan dhismaha garoonka diyaaradaha ee degmada CARMO iyo hormarinta degmada. Waxa ay 90 km u jirtaa degmada Carmo magaala ganacsiga maamulka Puntland ee Bosaso,iyadoo sanadihii u dambeeyay degmadaasi laga dareemay hormar dhinaca dhsmaha ah. Horseed Media News Desk.
-
Dr.Farole oo dhagax dhigay Masjid 16 Aug 16, 2013 - 3:58:28 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta 16 Aug, 2013 ku dhagax dhigay xarunta Madaxtoyada Masjidka Al-shuhadaa oo loogu talogalay inay ku ogaan salaada shaqaalaha iyo ciidanka Madaxtoyada. Dhulka uu ku fadhiyo Masjidka ayaa noqonaya 35x22, waxana madaxweynaha wehelinayay culimo. Madaxweyne Farole ayaa ka dib dhagax dhiga dhismaha Masjidkan ku tilmaamay ficil alle loogu dhowaanayo, isagona sidoo kale ku dhiirgeliyay dadweynaha Puntland inay ku dhiiradaan ka qayb qaadashada tabarucaadka iyo sadaqada. ‘’Masjidka Al-Shuhadaa waxaan ugu magacdarnay oo ah intii naftooda u hurtay difaaca Puntland’’ ayuu yiri Dr.Farole. Shiikh Axmed Daahir oo ka mida culimada Puntland ayaa goobta ka sheegay in loo baahanyahay u istaagida in la dhiso goobaha cibaadada Puntland , isagoona ka soo shekeeyay khayrka ku jira. Aqalka Madaxtoyada Puntland ayaa bishii April, 2013 loo wareejiyay xafiisyada dowladda ka dib dhisme socday muddo ka badan sanad. " frameborder="0" allowfullscreen>
-
Daawo Sawirada Isbaitaal weyn oo laga furey Carmo Hay’ada World Medical Relief ayaa Qalab iyo dawooyin soo gaarsiisay Isbitaal ka cusub ee Bilcil , muanasabada waxaa kasoo qayb galay Maamulka Gobolka Bari iyo masuuliyiinta Ha’ayada Medical Relief, Duqa degmada Carmo Ibraahim Shire Maxamed oo hadal kooban ka jeediyey munaasabada wuxuu uga Mahad celiyey Masuuliyiinta World Medical relief Qalabka iyo Isbitaalka ay ugu deeqeen. Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo isna ka hadlay goobta ayaa xusay baahida Caafimaad ee ka jirta Deegaanka iyo sida uu Isbitaalka Wax wayn uga badalayo, Madaxa Hay’ada World Medical Relief George Samsun oo isna halkaas ka hadley ayaa xusay iney Hay’adiisu sii wadi doonto kaalmeynta Puntland.Waxa xusid mudan in wafdiga uu hogaaminayay Madaxa hay’ada World Medical Relief George Samsun oo ay qayb ka ahayeen Madaxda hay’ada Relif, Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan iyo hogaamiye dhaqameed si habsami leh loogu soo dhoweeyay degmada Carmo.
-
I thought the titleka meant Dawlada Puntland
-
Typical Garoodi hides when he sees puntland is on the move. Its another devastating blow to the rebel enclave
-
Its just garoodi being garoodi who always gets the famed puntland disgust and contempt look
-
Just give up garoodi Puntland looks tens time better then your hargaysa the only city you can bring to the table. I can bring multiple cities that are developed you can only bring one. Go away garoodi you will never be a puntland citzen or muwadin but a shisheeye and at best a permanent resident
-
Garodi you will never be puntland ha is-waalin adeer macaane, waad noogtaye
-
oh yes he did
-
Where is Garoodi camps in Hargaysa? oops I forgot he lives in one at bosaso so what can he build
-
Kaamka Mustaqbal ee Bosaso oo laga hirgaliyay leerarka cad-ceeda ku shaqeeya(Cod+Sawiro) | on August 12, 2013 Waxaa xerada Mustaqbal oo ay ku jiraan dadka ku barakacay gudaha Soomaaliya ee magaalada Bosaso laga hirgaliyay leerarka ku shaqeeya cad-ceedda, kaasi oo loogu talagay in uu xerada ifiyaan xiliyada habeenkii. Kaamkan oo ay ku jiraan dad isugu jira carruur ,dhalinyaro,haween iyo dad da’ah ayaa ku yaala bariga magaalada ,gaar ahaan aaga buuraha oo ah goob ka fog magaalada. Leerarka ayaa waxaa xerada ka hirgalisay hay’adda DRC oo ka mid ah hay’adaha ka hawlgala deeganaada Puntland iyo guud ahaan Soomaalya,islamarkaana horey ugu dhistay kaamkaan 350 guri oo ka sameysan jiinkad oo ay ku noolyihiin dadkan iyo waliba suuliyaal. Waxa ay ka koobanyihiin leerarka laga hirgaliyay xerada 20, waxaana laga dhex suray goobaha ugu muhiimsan kaamka oo la is dhihi karo waxa ay ifinayaan guud ahaan xerada. Binti Cumar Samatar oo ah gudoomiye ku xigeenka kaamka oo wareysi siisay Horseeed Media ayaa sheegtay in ay ku faraxsanyihiin in kaamkooda laga dhes suro leerarka ku shaqeeya cad-ceeda,ayna u mahadcelinayaan maamulka dowladda hoose ee Puntland iyo hay’adda DRC. Waxa ay intaasi ku dartay in aysan ahayn kaamkii ugu horeeyay ee laga dhex suro leerarkan, waxaa horey laga hirgaliyay kaamam farabadan oo ku yaala magaalada. Hadaba halkan ka dhegeyso wareysiga Binti. http://horseedmedia.net/2013/08/12/kaamka-mustaqbal-ee-bosaso-oo-laga-hirgaliyay-leerarka-cad-ceeda-ku-shaqeeyacodsawiro/ Horseed Media. News Desk
-
Waxaan filayaa in la gaarey Xiligii Soomaaliya laga xukumi lahaa Garowe, Ileyn wixii Muqdisho galaa waa Qaran dumise 22 Sano Waxay Soomaaliya kusoo jirtey Jab iyo bur bur iyo Dowlad lugaha ay hayaan Dad Daaha Muqdisho Gadaashiisa taagan, Madaxweynuhu ma gaari karo go’aankiisa, Xildhibaanadu kama doodi karaan Waxay doonaan, codka markay qaadayaana Sanduuq qarsoon looma ogola waayo Gacan taagu waa siyaasada Muqdisho iyo in Xildhibaankii kasoo hor jeesta siyaasada Muqdihso la arko 2ama la calaamadeysto. Waxaa hubaal ah in 22 Sano sababta ay Soomaaliya u yeelan waydey Dowlad tayo leh meelo qaldan laga doonayey, Sababta Rasmiga ahi waxaa weeyey Caasimada soomaaliya ee Muqdisho oo noqotey Magaalo seegtey Meeqaankii Caasimadnimo, Dawoda Soomaaliya ku yeelan karto Dowlad tayo leh waa Caasimada oo laga badalo Muqdisho, WAAAAAYO Muqdisho 22 Sano bay lugaha haysatey Shacabka Soomaaliyeed Muqdisho 22 Sano baa maalin walba 22 qof lagu aasayey Muqdisho 22 Sano baa Dulmi lagu hayay Dad Islaam ah. Muqdisho waxaa isku urur sadey Dad aan Dowladnimo iyo Shacab Soomaaliyeed Dan ka lahayn. Waxaa Xaqiiq ah in aysan habooneyn in Reer kaliya lagu eedeeyo dhibka Muqdisho ka jira, waxaa Muqdisho daaheeda gadaashiisa fadhiyaa Mafiyo reer kasta leh, inkastoo loo kala badan yahay, Reerka Magaalada u badan magac ahaan waxaan hubaa iney yihiin Dad loo martiyi karo, lakiin Talo farahooda kuma jirto maanta, Xalkuna waa magaaladoo la go’doomiyo lagana wareejiyo caasimada. Hadii la rabo qaran Soomaaliyeed oo tayo leh , Caasimada si kumeel gaara halooga wareejiyo Muqdisho, oo ha lageeyo Magaalo kale Bsydhabo ama Kismaayo, ka Waran Garowe , Dalku Muqdisho oo qura ma ahan Soomaali na muqdisho oo qura kuma noola. Waa in la helaa magaalo aysan joogin Ciidan shisheeye, tasoo laga helayo ciidan Soomaaliyeed oo dhowra amaanka Madaxda iyo xildhibaanada Qaranka, Waa in la helaa Magaalo ay Madaxdu go’aankey raabaan gaari karaan iyadoo aysan jirin cid u hanjabaysa ama ay ka baqayaan. waxaan hubaa hadii Masuuliyiinta dowlada iyo Xildhibaanada soomaaliya ay helaan Magaalo ay xor u yihiin in dowladnimo tayo adag la heli lahaa. Madaxda Reer Galbeedku Markey Muqdisho yimaadaan oo ay la kulmayaan Madaxda Dowlada waxay kula kulmaan Xalene iyo Garoonka Diyaaradaha oo ay Amisom gacanta ku heyso, iskumana haleeyaan iney Habeyn seexdaan Muqdisho, saacado kooban bay la joogaan Madaxweyne Xasan Sheikh iyadoo waliba saacadahaas aan la dhaafin Xalane ama Garoonka diyaaradaha LAAKIIN markay Garowe Tagaan waxay horey usii qaataan Boorsooyinkooda iyo Macawisahooda si ay u seexdaan garowe, iyadoo amaankooda ay sugayaan Ciidan Soomaaliyeed oo qura, Waxayna Madaxweynaha Puntland iyo Waiiradiisa kuwada casheeyaan barxada Madaxtooyada Puntland, halkaasna maalmo baa la isku waraystaa laguna wada qaxweeyaa. Ergaygii gaarka ahaa ee QM Augostiina Mahiga baa waxaa laga Hayaa inuu yiri “Nairobi inaan seexdo waxaan ka jeclahay Garowe markaan u hoy’do” Waaxaan Xasuusanaa Alla ha u naxariistee Madaxweyne Cabdullahi yusuf markuu Xukuumadiisii ka raray Kenya wuxuu ka dajiyey Jowhar iyo Baydhabo, Waxaan ka dhaxalney Iftiin dowlad nimo, lakiin iftiinkaasi wuxuu damey Markii Muqdisho la geeyey Dowladii. Dowlad hadii la rabo Caasimad soomaaliya haloo raadiyo. W/Q Xasan Farataag USA