Dr_Osman
Nomads-
Content Count
3,889 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Dr_Osman
-
Dowlada Puntland oo Yemen uga mahad celisay qaabilaada Qaxootiga Soomaaliyeed [sawiro] Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Farole ayaa maalinkii labaad booqasho ku jooga xarunta Wadanka Yemen ee Sanca,waxayna maanta kulan la qaateen masuuliyiinta ugu saraysa ee dalkaasi. Kulanka labada dhinac wada qaateen ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxwaynaha Wadanka Yemen Abdirabouh Mansur Hadi iyo Ra’isal wasaaraha Mohamed Basindawa,halka Puntland ay goob joog ahaayeen Dr. Farole iyo wasiiro la socda. Puntland waxay kala hadashay Yemen xiriirka u dhaxeeya, Amniga sida argaxisada, burcad badeedka iyo Tahriibta. Iyo weliba horumarinta xiriirka dhaqaaale sida bangiyada, duulimaadka iyo kaluumeysiga.
-
Kulankii 07 October, 2010 ku dhexmaray Sanca madaxweyne Cali Cabdala & Dr.Farole (Garowe Online) Dubai: Madaxweyne Farole oo u dhoofay dalka Yemen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole iyo wefti uu hogaaminayo ayaa manta 24 Sep, 2013 u duulay magaala madaxda dalka Yemen ee Sanca halkaas oo ay kulamo kula soo qaadan doonaan madaxda Dalkaas . Booqashada Madaxweynaha oo dhowaanahan ku sugnaa Magaaladda Dubai ayaa imanaysa kadib markii uu marti qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha wadanka Yemen Abd Rabbuh Mansur Hadi. Mudada uu weftiga Puntland ku sugan yahay Dalka Yemen ayaa lagu wadaa labada dhinac inay ka wada hadlaan Xaalada siyaasadeed ee Wadanka Soomaaliya, Sii xoojinta dagaalka ka dhanka ah Burcad badeeda, Tahriibta iyo Ganacsiga . Puntland iyo Yemen ayaa leh xiriir Ganacsi oo taariikhi ah iyagoo xuduud dheer ka wadaaga dhinaca Bada Cas taas oo lagama maarmaan ka dhigaysa in la sii adkeeyo Iskaashiga dhinacyada Amaanka, Dhaqaalaha iyo Isu socodka. Madaxweynaha Puntland ayaa horay booqasho rasmi ah ugu tegay wadanka Yemen sanadkii Bilawgii October, 2010 isagoo kulamo halkaas kula soo qaatay Madaxweynihii hore ee wadankaas Cali Cabdale Saalax . Garowe Online
-
How A Real Port Is Run Why don't you guys just give Puntland the deserve it respects. Maseerku waxba tari maysee. Accept this State wa dawlad jira waa umaad hormaray waa dad somali inay nabad helan 22 years ka soo shaqaynaysee
-
Fistfight breaks out in Somaliland parliament
Dr_Osman replied to Cambuulo iyo bun's topic in Politics
War meeshu waa zoo caadi ah. War Puntland waxas kama dhace dawlad ba ka jiree xildhiibanada zoomaliland -
Ciilka Tarzan Daawo. Look at the mayor of mogadishu and his childish antics when the puntland minister of health speaks Waxan oo HAG kale dal lama yeelan karno. Puntland fadlan nimanka ha laga tashdo ama ha loo tashdo ama weligeen sidan baan ku jirayna oo dalka wuxu ku jiraya isgabgabsi iyo burbur. Nimankan inaysan nabad rabin laguma qasbi karo. I urge Puntland to take action because there is no point waiting and wishing that HAG will grow up
-
Stoic niyahow waxad tahay muran doon.Stoic front benchkas ma guddomiye ba fadhiyo ama madaxo ka tirsan calamka? that is the front bench and it's reserved for observing nations which Puntland Jubbaland are ama kursiyadas gadaal baan farisan lahayn with galmudug, tarzan, etc. I am not going to sit here and prove Puntland to you, it needs no defence. You just need to go out there and google it yourself and see how many presidents farole has met with, how many government delegations has come to garowe, how many bodies he meets with. This thread is about jabka gaaray beelaha HAG iyo shirqoolkood.The first attempt was to have farole sit at the back as apart of the delegation of somalia wuu diiday taas way iska cad dahay oo sawirada bay ka muqdan.Wuxu faristay meesha hore. Seating arrangement is not the issue.Its that Puntland sits equally as apart of the league of nations because that front bench is for nation and Puntland was there. Second attempt was to not publish farole speech live to the extent they cut the video in brussels but that was defeated and it was still recorded and is available on youtube. The third jab was they bribed somalii channel not to publish farole speech. Heerakas oo kala duwan oo jabka gaaray hag hadadan uu jeedin adaa cirka roob ku og. As far as the DR is concerned, anyone who comes in this thread and doesn't say HAG is getting desperate is a liar and muran doon
-
Sir la helay:Somalichannel oo Laaluush la siiyay gaaraya 1-Malyan oo Doolar inaysan soo gudbin Khudbadii M/weynaha Puntland (Daawo:Faroole oo Shirka Brusseles khudbadaynayo) Written by Administrator Wednesday, 18 September 2013 12:25 (Sir la helay:Tooshka Wareega ee Shacabkamedia oo helay Xog qarsoon) Teleefishinka Somali-Channel oo ay iska leeyihiin Ganacsato u dhalatay Puntland ahna Teleefishinka loogu daawasha badan-yahay Soomaaliya ayaa 1-Malyan oo Doolarka Mareykanka lagu laaluushay inaysan soo gudbin khudbadii Madaxweynaha Puntland oo markii dambe suurto-gashay in Teleefishinka EU-TV laga duubo,taasoo ay ka naxeen Kooxda HAG ee Maadxweyne Culusoow oo filanwaa ku noqotay khudbadii Faroole in ShacabkamediaTv iyo Warbaahinadda Puntland ay sii daayaan. Teleefishinka Somali-Channel oo ku sugna goobta shirka Brusseles ka socday ayaa Teleefishinka dansaday markii ay ******** in Madaxweynaha Puntland uu khudabadaynayo,waxayna ku bedeleen Barnaamish dood ah. Jaaliyadaha Puntland ee Caalamka ku dhaqan ayaa Teleefoono ku wareeriyay Teleefishinka Somali-Channel,waxaana la filayaa saacadaha soo socda inay ka hadli-doonaan sababta ku keliftay inay u soo gudbin-waayaan khudbadii Madaxweyne Faroole,inkastoo Webabka loogu jecel-yahay Puntland,ee sida Allidamaale,Dunidaonline,Garoweonline,Puntlandi iyo Shacabkamedia ay soo gudbiyeen khudbadii Madaxweyne Faroole,taasoo qalbi-jab iyo dhiig-kar ku riday Kooxda Hag ee Madaxweyne Culusoow oo filayay in khudbadiisa la qarin-doono. Bal aan aragno qaabka ay uga hadlaan SomaliChannel sababta ku keliftay inay 1-Malyan oo Doolar ay ku bedeshaan inaan lasoo deyn khudbadii Madaxweynaha Puntland iyo sida ay u qanciyaan Jaaliyadaha Puntland ee Caalamka iyo gudaha Soomaaliya ku dhaqan oo ka carooday sababta ay 1-Malyan oo Doolar ay ugu bedeshaan Somali-Channel inay san soo gudbin khudbadii Madaxweynaha Puntland. Shacabkamedia-Beyra-Puntland Runta Kama-Xıshoono Email:Shacabkamedia@live.com
-
The mighty farole wins the day and hag is humiliated. Farole got to sit on the front bench with his brother jubbaland as indepedent nations while tarzan, galmudug, and all the other hags sat behind culusow. Farole won the day also because his speech was still delivered and captured even though you tried your hardest not to transmitt it. The doctor is furious and writing in caps for a reason and i want farole inu arintan jawab ka bixiyo oo hassan culusow kursiga ama casimada laga qado midooda. Somalidu xishoon wayday farolow awoodada tusi sack culusow or get casimada to be garowe or kismayo
-
Warbaahinta Raadreeb.com oo Heshay Xog ku saabsan is Hortaagii lagu Sameeyey Khudbadii Madaxweyne Faroole. Warbaahinta Raadreeb.com Xafiiskeeda Dalka Holland ayaa Helay Xog ku saabsan is hortaag lagu sameeyey Daawashada ama Baahinta Khudbadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole). Is Hortaaga Lagu Sameeyey Daawashada Khudbadii Madaxweyne Faroole ayaa waxa iska kaashaday Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ah Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo weliba Haweeneyda Arimaha Dibada u qaabilsan Wadamada Midowga Yurub Catherine Ashton oo iyadu la dhacsan qaabka qabyaaladaysan ee kooxda ****** Action Groupe wax u wadaan. Eng.Yariisow iyo Mss.Ashton ayaa dhamaanba Mamnuucay in Khudbadii Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Faroole laga daawado Shaashadaha Caalamka ,iyadoona markii Dr.Faroole Khudbada bilaabay dhamaanba la damiyey Shaashadihii laga daawanayay Khudbadihii Madaxda. Nasiib Wanaag waxa dhacday in Xubin ka Mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha Dowlada Puntland uu ka warhelay Shirqoolka la Maleegay ,isagoona Si deg deg ah Khudbadii Madaxweynaha Mobelkiisa ugu Duubay ka dibna Warbaahinta usoo Bandhigey amase usoo Gudbiyey. Isku soo wada Duuboo Khilaafka u dhaxeeya Dowlada Soomaaliya ee Muqdisho ka talisa iyo kan Dowlada Puntland ayaa ah Mid Cirka isku shareeray ,isagoona Weliba Gaaray Meelo ka Baxsan Gudaha Dalka Soomaaliya in lagu Dagaalamo. Watch Somalichannel report on the LOW BLOW by HAG at Brussels. " frameborder="0" allowfullscreen> Nice Try HAG but try again. Farole Wins the Day and shame all over you in Somalia as everyone sees how your bad your desperation has gone and at what levels you will stoop too. We also got Faroles speech even if you tried to not display it on the video and farole also SAT on the front bench as DAWLAD MADAXBANAN WITH JUBBALAND " frameborder="0" allowfullscreen> IT WAR TIME FAROLE AND MADOOBE HAKU DHAWAQAN GO'IITAN SI DEG DEG AH AMA IN CASIMADA SOMALIA LA SOO WAREEJIYO LABADAS ARIMOOD MOOYE WAX KALE YAAN LA YEELIN
-
Juriile. Thank God Farole Is Back Tarzan and Hag Devastated Ismacil Geele War Odaygi Farole Wuu Qarxay
-
Yaa Puntland Ku Shirqoolay Brussels [Warbixin+Sawiro] September 18, 2013 // Warar Somaali Shirkii maalin ka hor Somalida loogu qabtay magaalada Brussels ayaa waxaa ka dhacday fadeexo iyo isqab-qabsi salka ku hayey loollan iyo is-muujin dhinacyada Somaliyada ee shirkaas ka qayb galay. Dowlada federaalka Somalia ayaa si weyn ugu dedaalaysay inay niyad jabiso maamulka Puntland, oo shirkaas si gaar ah loogu casumay, hase yeeshee dowlada federaalka ayaa Puntland muuqashadeeda madashaaas caalamiga ah ku daciifinaysay kadib markii madaxweynaha Puntland lagu qoray markii hore inuu xaga dambe ee madaxweyne Xasan soo fariisto. Dr. Faroole iyo Prof. Juurile ayaa si weyn arrinkaas uga dagaalamay, waxaana la arkayey madaxweynaha Puntland oo si adag uga horyimid bahdilka la la damacsan yahay, waxaa sidoo kale madaxweynaha lagu wargeliyey inuusan ku qorneyn khudbada, taas oo keentay in Puntland iyo wafdigii ka socday goobta isaga dareeraan, waxaase arrinta soo dhexgalay wakiilo ka socday midowga yurub oo qaabilsan arrimaha Somalia, gaar ahaan masuul sare oo dhowr jeer oo hore Garoowe lagu soo dhoweeyey. Waxaa kaloo Puntland fadhigeeda ugu yimid arrinta lagu sameeyeyna ka raaligeliyey wasiirka arrimaha dibada dalka Ethopia oo illaa tiro dhowr jeer ah la arkay isagoo dajinaya lana hadlaya madaxweynaha Puntland iyo waliba hogaamiyaha Jubba. Dowlada Somalia ayaa si weyn u dooneysay in maqaamka Puntland laga xaqiro ama la qariyo, iyadoo madaxweyne Faroole uu qaadan waayey markii loo sheegay inuu fariisanayo kuraasta dambe ee Xasan Sheekh iyo Fawsiya ku fadhiyeen, waxaana la doonayey inay isla fadhiistaan barasaabada ka yimid Somalia oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha gobolka Banaadir Tarzan. Dedaalo iyo galaangal siyaasadeed oo uu si weyn uga dhex muuqday Prof. Juurile ayaa ugu dambayntii keentay in xaalada la qaboojiyo, iyadoo arrinta qarka u istaagtay in Puntland shirka ka baxdo warbaahinta isugu yeerto. Shakhsiyaad qurbaha ka tagay, oo hab qabiil u abaabulan iyo rag ka tirsan madaxtooyada Somalia oo ay ku jiraan Faarax Cabdulqaadir iyo Tarzan ayaa shirqoolkan injineero ka ahaa, iyadoo aan la ogeyn waxa ay ka faaiidayaan faquuqida gobol xasiloon oo ka mid ah Somalia. Dhacda kale ayaa iyaduna madasha shirka ka dhacday kadib markii la yeeriyey in madaxweynaha Puntland khudbeyn doono, kooxo Xamar ka yimid iyo kuwa dowlada ka tirsan ay mar kale sameeyey shirqool iyagoo qaybta warbaahinta EU-da ee shirka sida tooska ah u daadihinayey kaga codsaday in hadalka Dr. Faroole la damiyo oo aan live coverage laga dhigin sida khudbadihii hore ee ay jeediyeen madaxdii ka socotay caalamka iyo waliba kuwii ka socday dowlada federaalka. Lama yaqaano waxa lagu qanciyey farsama yaqaanada ka tirsan EU-da oo ku shirka ka hagayey qol gees ah oo tiyaatar ah, waxaana la arkay dhowr jeer inay qolkaas galeen oo ay rag ka tirsan shaqaalaha madaxtooyada oo ay ku jiraan gacan yara-yaashiisa iyo kuwa kale oo qurba joog ah oo la hayb ah madaxweynaha. Dadka Xamar kasoo kicitimay ayaa tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 70-qof ayaa shirkan si weyn uga muuqday dadka qaarkiis waxay ku socdeen magacyo urur, kuwa samafal, indheergarad, iwm halka dowlada Puntland dadka ka socday ee qurbaha ka tagay ama Puntland ka yimid ay ka yaraayeen 9 qof, taas oo aan ahayn isu dheelitir sax ah. Puntland News-24 [FG: Sawiradan waa markii muranka xaga kuraasta iyo Paratakoolka la isku khilaafay si fiican u DAAWO] Farole - Puntland halkan farisan kari mayso waxanu nahay dawlad madaxbanan oo ka awood badan mamul kasta dalka ka jira Farole Has Had Enough Of This HAG Garbage and Just Walks Away From The Conference The Man at the back is Shocked. If Puntland Leaves There Is No Somalia.. Operation Lets Get Farole Back Gandhi Is Like War Arintu Ma Ficno Culusow is like I am the president not Farole Farole Is Back On The Front Bench Where He Should Be And he Brought Jubba With Him
-
Yurub oo $ 2.7 Bilyan ugu deeqday dalka Soomaaliya | on September 17, 2013 0 Comments Shirkii New Deal ee loo qabtay dalka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba gabeeyey magaalada Brussels, shirkaasi oo dhaqaale badan loogu deeqay dalka Soomaaliya dib u dhiskiisa. Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku tilmaamay shirkaasi mid taariikhi ah oo aan horey noociisa loogu qaban dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in deeqda gaareysa 2.7 Bilyan oo Dollar wax looga qaban doono baahida gobalada dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in dhaqaalaha lasiin doono Soomaaliya lagu bixin doono goobo cayiman, isla markaana dowlada Federaalka hormuud ka noqon doonto fulinta, iyadoo beesha caalamka dusha kala socon doonto. “…Sanadkasta 2014, 2015 iyo 2016 lacagta lasiinayo Soomaaliya waa cadahay, goobaha lagu bixinayo waa cayiman yihiin…” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud wareysi uu siiyey laanta Soomaaliga ee VOA. Shirkii ka dhacay Brussels maalinimadii shalay ayey sidoo kale kasoo qeyb galeen wafuud ka kala socota maamulada ka jira dalka Soomaaliya, sida Puntland, Jubba iyo Galmudug. Mashaariicda dhaqaalahan ayaa la sheegay in laga fulin doono dalka Soomaaliya guud ahaan, iyadoo goobaha mashruucyada lagu fulinayo qaarkood la qeexay, sida magaalada Hargeysa-Somaliland, magaalada Garowe-Puntland & bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Mashaariicda ayaa u kala bixi doona: Dib u dhiska Hay’adaha dowliga ah iyo Dimuquraadiyada, Hay’adaha Amaanka, Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha iyo Xoolaha.[Halkan ka akhriso Mashaariicda EU-da maalgelin doonto] Dhaqaalahan ayaa waxaa kala bixin doona Midowga Yurub oo ugu deeqay Soomaaliya $650 milyan oo dollar, halka inta kale dhaqaalaha ay si gaar ah u bixin doonaan wadamada UK, Sweden, Denemark iyo Germany. Cadadka Dhaqaalaha ay balan qaadeen wadamadan ayaa ah mid ka badan intii horey loo filayey sida ay sheegeen diblumaasiyiinta ka qeyb galay shirka. Madaxweynaha guddiga Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu taageeri doono “Nolosha cusub ee dalka Soomaaliya”, waa siduu hadalka u dhigayee. Horseed Media 2013
-
War Deg deg ah– Madaxweyne Dr. Faroole oo khudbad dheer ka jeediyey Shirka New Deal Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa Shirka New Deal ka jeediyey khudbad dheer oo ka hadlaysa Xaalada Soomaaliya, Madaxweyne Faroole wuxuu ka warbixiyey kaalinta Puntland kasoo qaadatay dhismihii Dowlada Federaalka iyo xaalka ay hadda marayso siyaasada soomaaliya. Madaxweyne Faroole wuxuu ka hadlay Xaalada Puntland, wuxuuna u mahad celiyey Beesha caalamka kaalinta ay ka qaadanayso nabadeynta iyo dib u dhiska Soomaaliya, wuxuu kaloo u mahad celiyey Midowga Yurub oo soo qaban qaabiyey shirkaan loogu yeerey NEW DEAL. Khudbada madaxweynaha goor dhow baan idiin soo gudbineynaa iyo waliba khudbadihii Wafuuda kal sida Madaxweyne Xasan Sheikh, Wasiirka Maaliyada DF iyo Wasiirada Arimaha Bulshada ee DF. Hadda markii uu madaxweyne Faroole khudbadda dhameeyay waxaa la galay qado waxayna wufuudda isugu soo noqonaysaa shirka saacadda markay tahay 3-galabnimo. Isha ku haaya Puntlandi Puntlandi.com Brussels
-
Somalia manta xeer wuxu maraya inu la soo shir tago wordpress site oo cid walbo oo free uu furan qarto waxay doontana ka hadli karan. http://waajid.wordpress.com/2013/09/16/kashifaad-faroole-oo-ka-been-sheegay-ka-qeybgalkiisa-shirka-brussels-iyo-cadeymo-la-helay/ Somalia xeerkas baad maraysa waad jabtay adeer
-
Somalia why are you so upset about Puntland sida Indepedent Nation ah looga casumay Shirka Brussells? I don't understand Somalia waxad mooda inuu si hoose ka cilqabo Puntland. Adeer Puntland wuu ka hadlaya agendahiisa uu gaarka ah oo quseeyso umadisa iyo dalkisa madaxbanan.
-
It's a tremendous project and I am very proud of the mudug community and the current governor tigay. Walle Mudug Shali iyo Manta waa arin puntland oo dhan ku daysan karto. Thank you governor for your excellent efforts and wadanimo. This project will connect 4 towns in Mudug. Gara'ad-Jariban-Galkayo-Galdogob and will be 320 KM in total length. This a true iskaga wax uu gabso and reinforces the idea that shicibku haday kacan iyaga wax gabsan karo. I am very proud of this project and cannot explain what it does to my emotions to see 4 communities unite to work for a common goal that will benefit the locals.
-
Mali, The Puntland Government will present it;s own agenda at the new deal conference centring around the 5 year plan for the state. Representative of Puntland will speak on behalf of Puntland
-
Puntland oo si gaar ah loogu casumay shirka Brussels 13 Sep 13, 2013 - 2:06:25 AM Dowladda Puntland ayaa wafdi heer sare ah uga qaybgalayaa shirka ka dhacaya 16 September, magaalada Brussels ee xarunta Belgium ka dib markii ay ka heshay Midowga Yurub caasumaad gaar ah. 25 July, 2013 ka dib booqashada Wafdi EU ka socday Garowe ayaa madaxweyne Farole shaaciyay in Puntland diyaar u tahay ka qaybgalka shirka New-Deal hadii ay magaceeda ku tageyso. Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in EU si toos ah Casumaad ugu fidiyeen Puntland inay la tagto shirka wafdigeeda iyo ajandaheeda gaarka ah. Guddi ka kooban wasiiro iyo khuburo oo dhowaanahan ku hawlanaa diyaarintana qorshaha sy Puntland hordhigi doonto madaxda EU oo ugu horeeyo barnaamijka horumarined ee hiigsiga shanta sanno ee soo socota. Khilaaf ayaa in mudo ah ka dhex jiray Puntland iyo DF Somalia kaasi oo Dastuurku sal u yahay, waxana 05 Aug, 2013 xiriirka Puntland u jartay Muqdisho. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa haatan ku sugan magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka kaasi oo shalay ku soo gabogaboobay shirweynaha saddexaad ee la-dagaalanka burcad badeeda. GAROWE ONLINE
-
Sir fakatay:******* waa Kansar Soomaali ku jira aniga ayaana ka gooynaya:(Daawo:Daqiiqada 7-aad iyo 35-Second marka la marayo Sirtan Daawo) Daawo:Tooshka Wareega ee Shacabkamedia ayaa baaritaan ku sameeyay hadal sir ah oo Professor Cali Khaliif kashifay,waxaana hadalkan sida lag dha-dhansankaro loogu dan-leeyahay Beesha *******. Xildhibaan Cali Khaliif ayaa daaha ka-rogay hadal uu Madaxweyne Xasan Culusoow si hoose ugu sheegay Madax sida hadalka u dhacayo ka tirsan Wadamadda Kenya ama Itoobiya midkood,kuwaas oo laga soo xigtay inuu ku xantay inuu dhagta ugu sheegay inuu la dagaalamayo Beelo uu ku sheegay inay yihiin Buro Kansar ah oo u baahan in laga gooyo Soomaaliya,waxaana Tooshka Wareeka oo Karbuuno 10-qaad ah hadalka Cali Khaliif ku ifiyay,u soo baxday in Beelaha lagu sheegay Buro-Kansar ee la goonayo in tuhunka u badan-yihiin in Beesha *******-Ismaaciil uu ka warhayo,balse wuxuusan u xisaabtamin in Wadamadda Deriska ee hadalka uu ku xamanayo inay madax ka yihiin Beesha-****** oo Kenya iyo Itoobiya wax laga weydiiyo. Riix:oo Daawo:Daqiiqada 7-aad iyo 35-Second ka biloow Xildhibaan Cali Khaliif oo kashifay in Madxweyne Xasan Culusoow oo Kansar ku sheegfay Beesha ******* isagoo xantan laga soo weriyay madax ka tirsan Wadamadda deriska " frameborder="0" allowfullscreen>
-
Al-Amriki oo la dilay iyo Xaasaskiisii oo la Qaniimeystay(Weerarka lagu dilay Al-Amriki ayaa waxaa la dhintay Nin Pakistaani ah oo Dhalashada Ingiriiska heysto) Written by Administrator Thursday, 12 September 2013 11:52 Hogaamiyaha Alshabaab Axmed Godane ayaa maanta ku guuleystay inuu dilo Abuu-Mansuur Al-Amriki oo Mareykanka u dhashay kuna caasiyay amaradda Kooxda Alshabaab,waxaana sidoo kale lala dilay Muhaajir u dhashay Dalka Pakistan balse heysta dhalashadda Ingiriiska oo lagu magacaabi-jiray Usama Al-Britani. Dilkan ayaa ka dhacay Deegaan ka mid ah Gobolka Gedo,waxaana Alshabaab ay ku guuleysteen inay nolol ku qabtaan Nin Masaari ah,waxaana arintan ay ku soo beegmaysaa fadwo shalay Culimo Soomaaliyeed ku soo saareen in lala dagaalamo Kooxda Alshabaab oo lagu tilmaamay inay yihiin Khawaarij Takfiir ah oo si khaldan Diinta u fahmay. Weli wax hadal ah kamaa soo bixin Ururka Alshabaab dilka ay u geysteen 2-dan Muhaajir ee Jihaadka u yimid Soomaaliya,balse ay dileen Raggii ay u heysteen inay yihiin Muslimiin walaalahood ah,balse ku noqday Munaafaqiin waaba hadii ay rumoowdo dilkan loo geystay Muhaajiriin Soomaaliya u heystay inay Jihaad u yimaadeen,balse gacanta kuwii ay u soo gurmadeen ku baxay. Shacabkamedia ma xaqiijin-karo dhimashad Abuu-Mansuur Al-Amriiki,balse xogtan waxaan ka helnay ilo lagu kalsoonaan-karo,waxaana xusid mudan in muddo 5-bil laga joogo ay mar Alshabaab ku faaneen inay dileen Al-Amriki,balse markan waxay u badan-tahay inay ku guuleysteen inay khaarajiyaan. Dhinaca kale warar soo gaaraya Shacabkamedia ayaa sheegaya in Alshabaab ay qaniimeysteen Xaasaskii Abu-Mansuur Al-Amriiki,lamana yaqaan Diinta u fasaxday Xaasas la qabo in la qaniimeysto.