Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Wadadaan waxa ay toos uga timaadaa garoonka diyaaradaha Boosaaso, taas oo toos u aada Madaxtooyada Boosaaso, waxaan laga bilaabay dayactir looga dhigayo laami ah lana wado hadda hawsheeda,waxaana dhinacyada wadada saaran Dugisa Sare ee Bosaso Puplic Secondry School iyo Machadka Caafimaadka. Shaqo ka socotay Waddo laga bilaabay dayactir oo ay soo kormeereen Guddiga Horumarinta degmada Boosaao oo ka kooban Culuma’udiin, Aqoonyahano Ganacsato iyo Nabadoono xushmad weyn ku dhex leh bulshada dhexdeeda kuwaas oo u istaagay horumarinta degmadooda.
  2. Wadadaan waxa ay si toos ah u tagtaa Isgoyska Gaaca taas oo ka timaada dhanka Airpor-ka,waxaana halbowle muhiim ah u tahay goobo badan oo ganacsi oo ay dhexmarto wadadu sida Huda Phone,Super Phone, City Center, Carwo Golden Gate, Carwo Golden Standard, Bookshop Sacaada, Hotel Jubba, Bank Dahabshiil, Salaam Puntland Bank iyo goobo kale, waxaana la filayaa in dhawaan laga dhigo laami bilic u yeela magaalada ayna hawshiisu wadaan Guddiga Horumarinta degmada Boosaaso. Bakhaaradii uu dabku la simay dhulka Suuqii gubtay ee Boosaaso oo lagu wado dayactir deg-deg ah, waxaana dib usoo laabtaya rajadii dadka ee dhanka ganacsiga Suuqa. Qololkaan isku dhegan waxaa dhisanaya ganacsatadii dharka ee hantidoodu ku basbeeshay dadbkii ka kacay Suuqa Bosaso,waxa ay u muuqdeen kuwa Sandaqadihii u badaley dhagax kuna faraxsanaa hawsha ay wadeen. Gurigan ka sameysan Qoryaha iyo Safiitada intiinii garaneysa ayaa argtay waa Hotelkii ugu horeyey ee Bosaso laga dhiso sida ay RBC Radio Boosaaso u sheegeen dad wakhtiga la dhisayey joogay,waxaana lagu magacaabaa BADDA CAGAHA GELI. Halkaan waa Dugsiga Imaamu Al-nawaawi Boosaaso,waxaana la’aasasay 1992 xiligaas oo lagu bilaabay in wax lagu barto dhowr qol gudaha Iskuulka,kaas oo ay isu Xilqaameen dhalinyaro u dhalatay Puntland sidoo kalena mudadii uu jiray ayaa Hoggaanka ay usoo qabteen 10-maamule oo ay ku jiraan rag Masaari ah intii la aasaasay Dugsiga. Huruuse Hotel,waxa uu kamid yahay Hoteelada ugu qadiimsan haddana ugu waa weyn gudaha magaalada Boosaaso,waxaana lagu Xasuustaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdillaahi Yuusuf oo degi jiray intii aan la dhisin Madaxtooyada magaalada Boosaaso iyo mas’uuliyiin fara badan oo kale. Haween Suuqa Boosaaso ay kaga gubteen meheradihii ay ku ganacsan jireen oo hadda ku ag ganacsanaya meel banaan ah,kuwaas oo ay ka muuqato dhiiranaan iyo carcar ganacsi oo hor leh. Waa gabar kamid ah haween ku ganacsada Suuqii basbeelay ee Boosaaso, waxayna hada ku ganacsataa meel banaan waxeyna RBC u sheegtay in markii hore heysatay ganacsi iyo meherad buuxdahttp://www.somaliaonline.com/community/newthread.php?do=newthread&f=7y haystay. Macalin ardey ka baaraya in uu sito Waraaqo qash ah mid kamid ah Iskuulada Boosaaso gaar ahaa Imaamu Nawaawi xiligaas oo aan booqanay”"Alla macalin wax qash ah ma sito ayuu ardeygu ku hadaaqayey,waayo waayo ayey nasoo xasuusisay!!!!. Halkaan waa dismaha mid kamid ah Shirkadda Towfiq Commercial Center,waxaana si weyn uga qeybqaatay bilicda magaalada Boosaaso isaga iyo kuwa kale oo farabadan,waxaana uu saaranyahay wadada Gaaca aada.
  3. After-all the un-necessary hyped up threads on SOL, the khaatuumo conference has begun in Taleh. Its Historic day for the people of SSC where all sections of the SSC community are represented in this much needed conference. I am very happy that the conference has the unity of somalia as its first principle. This will only mean either a regional administration is born in that region or they will join Puntland. Either option they take I wish the people of SSC the very best and hope that the region can sort out it's divisions among itself and reach a conclusion. The meaning of khatuumo in arabic is "now or never" or "do or die" so I am looking forward to seeing what the conclusion of this important unity conference produces. If they rejoin Puntland they are welcome with open arms and are a key stakeholder in the state, if they choose to be a regional administration then I will also welcome that however their will need to be some sort of principles shared with Puntland like common defence pact, economic cooperation, political unity at the federal level. Kinda of similar to the unspoken Abudwaq agreements!!! Anyways from Dr. Osman I wish the folks of that region a successful conference and a fruitful outcome
  4. Wejiga 2-aad ee shirka Khaatumo II oo maanta furmay & midnimada Somaliya oo bud-dhig looga dhigay shirka. Thu, 05 Jan 2012 22:25:00 -0500 pm -05:00 -18000 Taleex, Jan 05 - Waxaa maanta ka furmay magaalada Taleex ee gobolka Sool wejjigii 2-aad ee shirka Khaatumo II ee wejigiisii 1-aad uu furmay 26-kii December, 2011. Furitaanka shirka ayaa waxaa ka hadlay ardaayada martigalinaya shirka, qaar ka mid ah Issimada beesha ***********, xubno ka mid ah guddiga qabanqaabda shirka, iyo indheergarad kale. Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise Cabdi oo hormuud ka ah shirka Khaatumo II ayaa khudbado kooban oo ay ka jeediyeen furtinaanka shirka xusay in midnimada Somaliya ay bud-dhig u tahay shirka Taleex, halka aaya-ka-talinta masiirka beesha, daryeelka bulshada, iyo rabitaanka beeshu ay yihiin ujeedada guud ee shirka. Garaad Jaamac Garaad Cali oo isna khudbad ka jeediyey furtaanka shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay midnimo iyo is-kaashi si horumar loo gaaro. Madaxa saxaafada ee shirka Adam C/llahi Shuuriye oo u warramay barnaamijka Caawa & Daljir ayaa sheegay in shirku uu meel wanaagsan marayo, jawi wanaagsan ku furmay, ajandaha shirkana la guda-gali doono Sabtida. Waxaa uu intaas ku daray in ergooyinka shirka oo dhan 150 wakiil oo ka socda qurbaha iyo 60 wakiil oo ka socda wadanka gudihiisu ay gorfayn doonaan ajandaha shirka, gaar ahaan masiirka beesha. Mar wax laga weydiiyey dawrka Issimada ayaa uu sheegay in Issimadu ay goobjoog ahaayeen, kaalin shariif ahna ay ku leeyihiin geedi-socodka shirka Khaatumo. Hore ayaa waxaa loogu qabtay London shir kan ka horeeyey ee Khaatumo I oo lagu gorfeeyey masiirka, danta, iyo rabitaanka bulshada SSC; waxaa kaa ka horeeyey shirar lagu qabtay Nairobi & Buurawadal oo lagu dhisay hoggaanka SSC. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir. You can listen here to key speeches by garad jamac ali garad ali http://www.radiodaljir.com/view.php?id=2225
  5. Somalia;770814 wrote: I last knew her whereabouts to be in Sweden. Good job Yeah she's been to sweden, oslo and now doing the rounds in the U.K. Thats why I said Fund-raiser in Europe
  6. I had to post this, Because it is an excellent program if executed. This will guarantee students who cannot afford higher-learning tuition fees the diaspora will chip in and guarantee they get the education. This is excellent program by Ministry of Education an strong performing ministry and needs to be recognized
  7. Waxaa magaalada London soo gaarey wafdi-heer-qaran ah oo ey hogaamineyso, Marwo Sahra Axmed Kooshin oo ka tirsan Wasaarada Waxbarashada Puntland, Marwo Sahra, ayaa waxa ey safaro kala gadisan ku martey dalal-Europe kamid ah, sida Holland Norway Sweden iyo Uk. Hadaba waxaa caawa London marti u ahaa wafdiga Sahra Kooshin. Shirkan caawa London ka dhacey oo ey soo qaban-qaabsheen Ururka Haweenka Puntland ayaa waxaa marti ku ahaa xubno si-weyn looga yaqaan Dalka Soomaaliya, waxaa hadalka furey oo soo dhoweynta sameeyay, Gen Cabdulaahi Cali Cumar, oo isagu amaaney howsha Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo doorka Sahra Axmed ey ka qaadaneyso isku-xirka Jaaliyada Puntland iyo Wasaaradaas, Gen Abdulaahi ayaa sidoo kale ka-codsadey Jaaliyada Puntland ee Uk dagan iney taageero u muujiyaan Marwo Sahro maadama ey mudan tahay in-lagu taageero barnaamijka weyn oo ey ololaha uugu jirto, intaas kadib waxaa isna hadalka qaatey Nabadoon Maxamed Maxamuud Indhayare oo si-weyn looga qadariyo Jaaliyada Puntland ee Uk, ayaa isna ku amaaney Saharo dadaalka ey uugu jirto kor-u qaadista wasaaradaas iyo sida ey isugu howshey iney tayayso Wasaarada Waxbarashada. waxaa isna goobta ka hadley, Wakiilka Jaaliyada Puntland Prof Abdulqaadir Faarax Jibriil oo isna hadalo dhiiri-galin ah ka sheegey goobtii shirka, dadkii hadalka qaatey ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa Aqoonyahan Ismaaciil Aadan Diiriye, oo isna xusey ahmiyada waxbarashadu lee dahay iyo sida loogu baahan-yahay in Jaaliyada reer Puntland ey door-muuqda ah ka ciyaaraan horomarka Puntland dhan-walba iyo iney buuxiyaan booska uuga banaan. ]Mudane Abdulqaadir Teeragarees oo isna ah La-Taliyaha Raisal-Wasaaraha Soomaaliya arimaha Qurbajoogta, Prof Abduwali Gaas, ayaa tilmaamey iney muhim tahay in la-taageero Barnaamijka Sahra Axmed wado, Sakariye Isticmaar oo isna kamid ah dhalinyarada reer Puntland ee aadka u fir-fircoon ayaa isna xusey in-haatan la-gaarey xiligii Jaaliyada Puntland ey ka qeyb-qaadan laheyd horomarka Puntland iyo in-dadka reer Puntland ey kafaalad qaadaan Ardeyda Jaamacada iyo Iskuulada aan awoodin (Sponsorship Education Programme) Maadama Jaaliyadu ey ka ciyaari karto dowar weyn sidii loo dhiiri-galin lahaa ardeyda aan fursada dhaqaale u helin iney helaan waxbarashada sare. Ugu danbeyn Sahra Axmed ayaa daah-furtey barnaamijkeeda iyadoo soo bandhigtey qoraalo iyo tirakoobyo laga sameeyay Wasaarada Waxbarashada, waxa ey sidoo kale Sahra bandhigeeda kamid ahaa horomarka iyo isbadelka Wasaarada Waxbarashada ku dhacey muddadi ey joogtey iyo sara u kaca horomarineed, Sahra ayaa iftiimisey barnaaijka ey u soo banaan-baxdey oo ah in la-taageero shaqada Wasaarada Waxbarashada iyo in dadka reer Puntland ey dib-ugu ceshaan dalkooda aqoonta iyo khibrada ey heleen si-loo helo bulsho dhameystiran. Sahra oo sidoo kale soo bandhigtey Film, laga duubey Wasaarada Waxbarashada kaasoo tilmaamayay waxqabadka Wasaarada iyo Yoolka fog oo ey wasaaradu tiigsaneyso, ugu danbeyn Sahra ayaa codsatey in Qurbajoogta reer Puntland ey taageeraan barnaamijkan oo ah mid-bilow ah isla-markaana u baahan taageerada Qurbajoogta, Sahra ayaa safaro ku tagi doonta Caasimada Labaad ee Uk Birmingham iyo Magaalada Leicester oo loo balamiyay Jaaliyada reer Puntland si ey barnaamijka muga weyn ugu soo bandhigto. Shirka Xaawo Matooto oo kamid ah haweenka haldoorka reer Puntland ahaana qaban-qaabiyaha xaflada ayaa amaan iyo taageero u muujisey Sahra iyadoo balan qaadey in haweenka Puntland ey ka qeyb-gali doonaan barnaamijkeeda, waxaa sidoo kale meesha ka hadley, Faadumo Cabdulaahi oo iyana kamid ah haweenka kaalinta weyn uuga jira Jaaliyada Puntland, iyo Muxubo, Fowsiyo Cumar-Yare. Waxaa sidoo kale ka hadley Abdulaahi yare oo isna meesha ka sheegay erayo qiima leh, iyo Cali Aar oo isna soo bandhigey xog muhim ah. Sakariye Maxamed Isticmaar.
  8. Somalia, the minister is an all-star the m.v.p of puntland ministries. He has done so much in the past 3 years, dadki ayuu nafta ku soo celiyay. I wish he never leaves
  9. Somalina;770789 wrote: Wasiirka caafimaadka PL waa raggeedii. Excellent work. I know he is very hard working minister, can you believe the parliament of puntland actually called him to be held accountable recently. Amazing isn't it!!! This guy is an all-star for Puntland and has done an excellent job. Tarikh dahab ah ayuu ka galay Puntland and I wish he becomes Puntland President!!! But then again I bet farole told parliament to haul the minister of health into question time because I think farole knows if this guy runs for president he will win easily. Infact Parliament called the 4 hardest working ministries for question-time. Ministry of health, Education, Women's affairs and Sports. Amazing noone else got called in!!! I guess farole doesn't fear other ministries cause noone will vote for them to be president
  10. I feel furious at how ppl are working behind the scenes at stopping puntland progress by telling foreigners Puntland is to dangerous to visit. Alla dadku xasidsana. Warheedhe Somalia oo dhan ayaa manta ka fa'ideystay qalimadan. 160 people over a 9 day period. It wasn't just for Puntland. Secondly this program will continue and they will return in April, so I hope that tears apart the haters who are trying to stop Puntland's progress. And to make matters even sweeter our doctors will be trained in kenya to do these operations so we become self-sufficient!!!!
  11. Excellent work minister of health, lets aim high and make the population of puntland all healthy and vibrant!!!
  12. Garowe: Isbitaalka guud ee Caasimada Puntland ee Garowe waxa ka socda hawlgal balaaran oo ay wadaan dhakhaatiir ka timid Wadamada Kenya iyo Kongo kuwaasi oo qaliimo u samaynaya dadka farfaruuran ee bishinta kore jeexan ama Dhabxanaga iyo Dalqadu isku daloolaan. muddo 10 Casho ah oo ay joogaan dhakhaatiirtu Garowe waxay qaliimo u sameeyeen 160 qof, kuwaas oo isaga kala yimid Gobalada wadanka Soomaaliya guud ahaan, Dhulka Soomaalida Itoobiya iyo Xeryaha qaxootiga ee Kenya. Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa u fududaysay dadkan inay qaliimadaas helaan kadib markii Madaxda wasaaradda caafimaadku ay dadaal badan u galeen sidii loo heli lahaa dhakhaatiir qaabilsan qaliimadaas waxayna wasaaraddu ku guulaysatey inay dalka keento dhakhaatiir u dhalatey qaaradan Afrika gaar ahaan wadamada Kenya iyo Kongo. Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan kaalmo taborucaad ah iyadoo uu dhakhaatiirta shaqadan qabatey uga mahadceshay taageerada ay siiyaan dadka Soomaaliyeed iyo sida ay mustaqbalka ugu iftiimiyiin dadka bulshada dhexdeeda cuqdada uga dhex maqnaa kuwaas oo hada kusoo laabtey ayna ka markhaati kacayaan sawirada hoos ku qoran iyo qof walba sida uu yahay maantey iyo shalay. Madaxa Dhakhaatiirta Help The Child Face Tomorrow ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wax u qabtaan dadka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in ururkoodu u dhisan yahay sidii ay dadka bulshada ka dhex maqan ugu soo dhexdari lahaayeen oo ay mustaqbalkooda mugdiga ah iftiin ay ku naaloodaan ay uga dhigi lahaayeen taas oo uu sheegay inay ku faraxsan yihiin kooxdooduna ay wada yihiim mutadawiciin si iskood ah isku abaabulay oo aan wax mushaar ah ku shaqeyn waqtigoodana ka sadaqaystey saacado. Sawiradan Nala Daawo Waa kuwo aan isku barbardhigayno dadkan Soomaaliyeed sidii ay markii hore ahaayeen iyo markii qaliimada lagu sameeyey sida ay noqdeen ma jirin qof qosli karayay inuu afka gacanta saarto mooyaane balse hada way dhoolacadaynayaan oo qoslayaan waxaana gashay kalsooni qaarkoodna waxay iisheegeen inay mugdigii ka baxeen oo ay hada dadka la siman yihiin, waxay mahadcelin aan lasoo koobi karin u jeediyeen dhakhaatiirta. Cabdulqaadir Warsame Yuusuf Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Abdiqadir72@gmail.com Sawirada waxaa qaaday: Paul Kimani oo sawir qaade u ahaa Dhakhaatiirta Help the Child Face Tomorrow Below are the before and after shots
  13. Xaji cut the project please. Its not doing any favors for security. And in Puntland we don't chop heads off!!!
  14. Dhakhaatiirta Qaabilsan Qaliimada Dadka Farfaruuran Oo Qado Sharaf Loogu Sameeyey Beeraha Jibagale 04. January 2012 Garowe: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maalintii Arbacadii (04-Jan-2012) qado sharaf u sameysay dhakhaatiirtii qaliimada taborucaadka ah ka waday Isbitaalka guud ee caasimada Puntland. Qada sharaftan waxaa joogay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Wasiirku xigeenka Dr. Maxamed X.Ducaale,Wasiiru dowlaha Maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xirsi, Agaasimayaasha waaxyaha wasaaradda caafimaadka iyo shaqaalaha, Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab iyo Duqa degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi iyo marti sharaf kale. Martiqaadkan waxa uu ka dhacay Beeraha Jibagale oo 20 km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Garowe ee caasimada Puntland, beerahan ayaa ah kuwo aad u qurux badan ayna kasoo baxan qudaarta noocyadooda kala duwan sidoo kalena beeraha waxaa lagu dhaqaa Geel, Lo’, Ari iyo Fardo. Markii la qadeeyey ayaa Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Qarjab iyo Duqa Garowe C/casiis Nuur Cilmi waxay halkaas kasoo jeediyeen hadalo kooban iyagoo sheegay in martiqaadkani uu yahay mid lagu soo dhaweynayo dhakhaatiirta hawlgalka caafimaadka ka waday Isbitaalka Garowe waxayna madaxda Gobalka Nugaal ay mahadnaq balaaran usoo jeediyeen dhakhaatiirta Kenya iyo Congo ka socotey kuwaas oo markii labaad waxqabad la taaban karo oo kaalmo ah u fidiyey bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland ku dhaqan. Madaxa Dhakhaatiirta Dr. Meshach N. Onguti oo halkaas isaguna ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay martiqaadka wanaagsan ee loo sameeyey dhakhaatiirtooda iyo sida loogu sharfay beeraha quruxda badan ee Jibagale. “ Runtii wax aan dhaho garan maayo, aniga iyo kooxdayduba waxaan maqsuud ka nahay martiqaadkan sharafta badan ee ay wasaaradda caafimaadku noo sameysay, maahan meeshan iyo martiqaadkanba mid aan ilaawi karayno waad na sharafteen waan idiinka mahadcelinaynaa anagoo isku duuban” ayuu yiri Dr. Onguti. Dhakhtarku waxa uu ka hadlay hawlgalkooda isagoo sheegay inay ku jiraan maalintii 9-aad marka lagu daro maalintii 27-Dec-2012 oo ay dalka yimaadeen isla markaasna ay shaqada horey ka galeen iyagoo aan nasan, waxayna qaaliimo u sameeyeen dhakhaatiirtu 140 qof. “ Anagu waxan nimid Garowe 27-Dec-2011 isla maalinkaas maanan nasan shaqadan horey ka galnay ilaa maanta (Arbaco,4-Jan-2012) waxaan qaliimo u sameynay 140 qof, qaliimadu waxay isugu jireen qaliimada dadka farfaruuran iyo kuwo guud oo aanu u samaynay dad kooban oo xaaladoodu ay khatar ahayd dhamaan qaliimadaas waan ku guulaysanay” ayuu yiri Dr. Onguti. Dr. Onguti waxaa kale oo uu sheegay in xiligii hore ee ay yimaadeen inay qaliin u sameeyeen dadka bishinta kore ka jeexan oo ay u *****leen hayeeshee ay dib u cesheen dad faro badan oo dhabxanga iyo dalqaduba dalooshey kuwaas oo aysan wax u qaban Karin maadaama aysanwadan qalabkii qaliimadooda u sahli lahaa balse doorkan waxa u usheegay in dhakhaatiirtoodu aysan qofna dib u celin. “ Markii hore ee aanu nimid bishii October sanadkii hore 2011 hawshu way cusbayd kaliyana waxaan samaynay inaan *****lno bishinta kore ee jeexan waxaan ka xumahay inaan fayskii hore dirnay bukaano dhabxanaga iyo dalqadu isku daloolaan, maantey waxaa farxad noo ah inaanan qofna dirin ha jeexnaado bishinta kore ama dhabxanaga iyo dalqadu ha isku dolaalaane dhamaantood waan qalaynay waxaan caawinayay caruur yar yar, Dhalinyaro wiilal iyo gabdho ah iyo waliba dad waa weyn dhamaantoodna waxaan u samaynay qaliimo iyo daaweyn maantey kuwo aan qoslayn ayaa qoslaya kuwo afka maro ugu *****lnayd ayaa dhoolo cadaynaya oo aan laga dareemayn qaliinka lagu sameeyey” ayuu yiri Dr. Onguti. Dhakhtarku waxa kale oo uu amaan iyo bogaadin usoo jeediyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland iyo shaqaalahooda oo uu ku tilmaamay koox isku duuban, wadashaqeyn qoto dheerna leh, waxaa kale oo uu amaanay shaqaalaha Isbitaalka Garowe isagoo carabka ku dhuftey inay tabobar ugu dhex wadeen shaqada, waxaa kale oo uu dhakhtarku carabka ku dhuftey inay raadinayaan qorshe aqoonta la isku waydaariyo tusaale ahaan in tabobar ay dalka Kenya kusoo siiyaan qaar ka mid ah shaqaalaha oo ay qaliimada dadka farfaruuran soo baraan. “ Farxada kale waxay ahayd waxaan u nimid Madax iyo shaqaale Caafimaad oo isku duuban shaqo wadaag ah iskuna kalsoon, waa sida Kooxdayadu u wda shaqeyso oo kale waxaana leeyahay hadaynu iskaashano wax weyn ayaan qaarada Afrika ka badali karnaa waana samayn karnaa wax ka weyn waxa reer galbeedku caalamka kusoo kordhiyo, anagu qaliimo kaliya maanan samaynayn ee waxaan ku dhex wadnay tabobar aanu siinaynay shaqaalaha Isbitaalka Garowe kuwii saalada nagala shaqeynayay oo waxa aan qabanaynay aanu tusaynay si ay fikrad uga qaataan waxaana rajaynaynaa inaan aqoonta iswaydaarsano oo qaar shaqaalaha ka mid ah aanu isku dayno inaanu geyno Isbitaalada Kenya ee aanu ka shaqeyno si ay usoo bartaan shaqadan ayna u badbaadshaan dadkooda” ayuu yiri Dr. Onguti. Dr. Omguti waxa uu sheegay in la isku dayay in la baajiyo socdaalkooda oo la shaki galiyo hayeeshee waxa uu carabka ku dhuftey inuu telefoon kula soo hadlay wasiirka caafimaadka uuna u sheegay wasiirku in dad badan oo loo balanshaqey ay sugayaan dhakhaatiirta. “ Waxaa shaki nalaka gashay socdaalkayaga oo waxaa nalaku yiri ma tagi kartaan Puntland oo waa khatar markaas ayaan anigu telefoon kula soo hadlay wasiirka Caafimaadka oo hortayda hada fadhiya dabadeed wasiirku wuxuu iisheegay in dadkii qaliimada loo samayn lahaa ay balansan yihiin oo la diiwaangashay wax caqabad ahna aysan jirin, wasiirku wuxuu noosheegay in xaaladu ay khatar noqonayso hadii aanan u imaan dadka caawintayda u baahan dabadeedna waxaan tashi kula noqdey hay’adayada Help the Child Face Tomorrow waxaan go’aan ku qaadanay aniga iyo kooxdayadu inaan deg deg kusoo baxno ilaahay ayaa mahadaas leh waanu nimid wixii naloo sheegayayna been ayay ahaayeen Puntland waa la imaan karaa oo waxaan leeyahay anaga joogna oo ka shaqeynay, waxaa nala socda doorkan Dhakhtar Kongo u dhashay anaa soo shukaamiyey oo ka codsaday inuu nasoo raaco, rag badan oo cusub oo nagu jira doorkan waxay ka walwalsanaayeen wax aad cuntaan ma helaysaan ma qaadataan waxuun cunto ah lakin hilib iyo caano fareesh ah ayaa miiska loosoo saarayay markaan dhexdayada kaftanayna waxaanu isla garanay Puntland inay hodan tahay oo aan laga tagi Karin in lagu soo noqnoqdo maahane” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Dr. Onguti Madaxa Dhakhaatiirta Help The Child Face Tomorrow. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isaguna ka hadlay gabogabadii wuxuuna mahadcelin aan lasoo koobi Karin usoo jeediyey dhakhaatiirta Help the Child Face Tomorrow wuxuuna u sheegay inaysan waligood iloowi doonin shacabka Puntland iyo madaxdooduba oo uu waxqabadkoodu galay taariikhda maadaama ay dad badan oo bulshada ka dhex maqnaa ay kusoo celiyeen kana saareen cuqdadii bulshada ay kala dhex baxeen. “ Waxaan halkan mahadcelin aan lasoo koobi Karin uga soo jeedinayaa dhakhaatiirta Help the Child Face Tomorrow oo ah dhakhaatiir walaalaheen ah inooga yimid Kenya iyo Kongo, walaalayaal waxaad noo qabateen waxaanan waligayo idinku iloowi doonin waxaad badbaadiseen caruurtayadii, dhalinyaradayadii iyo waayeelkayagii, qaliimada aad noogu tabarucdeen maahan kuwo aan heli karaynay way nagu adkayd, waxaad iftiimisiin mustaqbalka gabdho iyo wiilal dhalinyaro ah oo niyad jab ka ahaa mustaqbalkooda maanteyse ku jira farxad aan lasoo koobi Karin oo aad bulshadii kusoo dhexdarteen runtii dadka aad wax u qabateen qaarkood anaaba ka garanwayaayey qaliinka ilaa aan u fiirsaday ama aan arkay dhaawaca” ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka Caafimaadku waxa uu intaas ku daray inuu soo dhaweynayo balanqaadka bisha April ay dhakhaatiirtu kusoo noqonayaan dalka mar saddexaad wuxuuna ka codsaday wasiirku inaysan ka daalin kaalmada ay Puntland iyo shacabkeeda u fidiyeen, waxaa kale oo uu wasiirku bulshada caalamka ku booriyey inay yimaadaan Puntland isagoo sheegay in dad waxmagarad ah ay ka shaqeeyaan nacayb ayna dadka ajaanibta ah u sheegaan in Puntland aan la tagi Karin. Xafladan ayaa kusoo dhamaatey jawi aad u qurux badan iyadoo markii hadalku dhamaadayna ay dhakhaatiirta iyo madaxda kale ee dowladu ay kormeer socod ah ku bixiyeen beeraha Jibagale waxayna daawadeen Beeraha, Xoolaha ku nool sida Geela, Lo’da, Ariga iyo Fardaha waxayna dhakhaatiirta iyo madaxda la socotey ay Garowe kusoo noqdeen iyagoo faraxsan aadna maqsuud uga ahaa martiqaadkii Wasaaradda Caafimaadku ugu samaysay beeraha Jibagale ee waqooyiga Garowe. C/qadir Warsame Yuusuf Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka abdiqadir72@gmail.com
  15. Listen im not jealoust at all and happy either way somaliland takes this. Xaaji your very immature and just want Somaliland to be known as having the best ICT in the nation. Thats your only objective to say "Look at you Puntland your still on dial-up and locals in somaliland have faster speeds then ppl in europe". Thats your only aim, but my aim is about keeping the relative peace in somaliland and its in everyone interest to cut this project which has already started flaming insecurity. Save lives, throw the cables out
  16. Somalia, no whats suprising is that somaliland is not saying a word about it to the UAE or even at the very least asking the TFG to speak to the UAE regarding this matter. 2 months under arrest with no charges and his no location is not known has even concerned human rights organisations. I hate arabs. The bosaso mayor brought bullets into nairobi airport was taken to prison and released the following day.
  17. It's good that the locals are rising up against this project because employment should be given to locals. I say the best solution is to end this project before a war begins
  18. Thats totally nonsense 2 months to have some under arrest. Something is really fishy here!!! Somaliland Government should speak to the united arab emirates or did they set it up? So many questions!!! I didn't know he was under arrest in dubai!!!
  19. Boqor Cismaan Buur Madow oo Ku Dhowaad Labo Bilood u Xiran Sirdoonka Imaaraadka Carabta Boqor Cismaan Buur Madow wuxuu ka soo laabtay Xajka markii la qabtay Nairobi (RBC) Sida ay maanta shaacisay hay’ada u dooda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International waxaa mudo ku dhow labo bilood ciidamada sirdoonka Imaaraadka Carabta u xiran Boqor Cismaan Maxamuud Buur Madow oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedka Soomaalida. Bayaan ay soo saartay Amnesty International ayaa lagu sheegay in Boqor Buur Madow la qabtay 17 November 2011 xilli uu ka soo laabtay Xajka, Waxaana xilligaasi laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Dubai. Bayaanka Amnesty ayaa sheegay in ciidamo hubeysan oo ka tirsan sirdoonka Imaaraadka Carabta ay qabteen hogaamiye dhaqameedka ka dibnaay la aadeen meelaan la aqoonin. “Wax qareen ah ma uusan helin loomana ogolaan in maxkamad la geeyo wuxuna khatar ugu jiraa jirdil ama in lagu xadgudbo” ayaa lagu yiri bayaanka Amnesty ay maanta soo saartay. Warar soo gaaray xafiiska Raxanreeb ee Nairobi ayaa sheegaya in Boqor Buur Madow eheladiisa ay ka raadiyeen xabsiyo ku yaalla Dubai iyo Rasel Kheimah balse ay ka waayeen taasoo walaac hor leh keentay. Sanadihii u dambeeyey Boqor Buur Madow wuxuu ahaa dibad joog ka dib markii ay isku dheceen maamulka Axmed Siilaanyo oo uu Boqor Buur Madow si weyn u dhaliilay. Boqor Buur Madow ayaa qeyb weyn ku lahaa nabadeyntii beelaha waqooyiga ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa waxgaradkii shirkii Burco ee 1992 ee nabadda deegaanada waqooyiga looga arinsanayey. RBC Radio Xafiiska wararka Nairobi
  20. I just finished watching that video, Some very harsh words and bitter realities told. I hope this issue ends peacefully for all stakeholders involved. Meeshu waxba awalba ma yiilin ee inaad isku dagaashin wa idin ceeb
  21. Thats totally nonsense. Peace was achieved in Puntland since 1991 till Today. Sure the Isimo play a key role but we must not forget that once you get involved in mogadishu that will bring "revenge attack" factor as evidently seen through Puntland. The second Abdullahi Yusuf went there and established the TFG Puntland stability was put in jeopordy before that it never was. Look at How uganda got involved and straight away a bomb goes off at kampala, Same with Kenya!!! So the main factor to keeping the peace is having strong traditional elders and also not getting involved in mogadishu. But for nation-hood sake Puntland will get involved and play it's role in bringing peace to Somalia, So when all is said and done and historians look back at this era "everyone will say Puntland gob bu ahaa"
  22. Thats garbage news, Every Puntian supports Azania farole was the first to praise it. A regional state in Azania is a benefit to the locals and also spreads federalism. It is totally legal and meets the 2 state requirement. Kick out the Shabab guy. Shabab has no place in Somalia
  23. Erigavo Hospital Burco Hospital Berbera Hospital Maternity Hospital In Hargeisa Hargeisa Third Hospital Borama Hospital Gabiley Hospital 2nd Borama Hospital