Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Maamulka degmada Boosaaso oo soo bandhigay qorshe cusub oo ammaanka lagu sugayo [sawiro] Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Kulan looga hadlayey adkaynta ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta dowlada hoose ee degmada. Kulankaas oo ahaa mid looga arinsanayey sidii xaafadaha loo deriseyn lahaa islamarkaana loo tirakoobi lahaa guryaha iyo dadka mas’uulka ka ah si loo ogaado haybta dadka degen ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka degmada, Guddiyada xaafadaha, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo xubnaha joogtada ah ee golaha deegaanka. Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada uu amaanku uu leeyahay horumarka bulsho walba, wuxuuna sheegay in maamulku aysan waxba qaban Karin hadii aanay shacabkooda gacan buuxda ka helin. Xasan Cabdalle ayaa sidoo kale sheegay in nidaamkan cusub ee guryaha magaalada kooxaha la isugu raacinayaa uu yahay mid dunida oo dhan laga isticmaalo islamarkaana sahlaya in si fudud loo helo macluumaad dhamaystiran oo ku saabsan guri walba iyo dadka degen, arintaas oo uu duqu sheegay inay tahay mid amaanka magaalada lagama maarmaan u ah maadaama ay meesha ka saaarayso in dadka danbiilayaashi ahi ay bulshada ku dhex dhuuntaan. Madaxa amaanka ee xubnaha joogtada ah ee golaha deegaanka ee degmada Boosaaso Xildhibaan Xasan Mursal oo isna kulankaas si kooban uga hadlay ayaa ugu baaqay bulshada gaar ahaan gudiyada xaafadaha inay xil weyn iska saaraan sidii uu qorshahan cusub ee ay dowlada hoose wado loo meel marin lahaa. Khadro Maxamed Dhuungale oo iyaduna ah gudoomiyaha ururka haweenka ee degmada Boosaaso ayaa sheegtay in haweenku ay kaalin weyn ka qaataan amaanka iyo xasiloonida habkan cusub ee uu maamulka degmadu bilaabay si nabadgelyada loo dhowrana ay aad usoo dhoweynayaan islamarkaana ay dadaalkooda intii uu horay u ahaa kasii laban laabi doonaan. Si kastaba ha ahaatee kulankan ayaa qayb ka ah kulamo mudooyinkii u danbeeyey ka dhacayey magaalada Boosaaso loogana arinsanayey sidii looga hortegi lahaa cid walba oo xasiloonida khal khal gelin karta nabadana loo xoojin lahaa, kulamadaas oo ay qaarkooda Culimaa’uddiinka waaweyn ee Puntland ka qayb qaateen. Waana markii ugu horeysey oo maamul magaalada Boosaaso ka jiraa uu soo bandhigo qorshe xaafadaha lagu deriseynayo kaas oo ah mid guryaha magaalada qaab nidaamsan oo kooxo kooxo ah la isugu raacinayo si ay u fududaato in tirakoobka guryaha iyo dadka ku noolba loo ogaado si weynna uga qayb qaadan doona kahor tagga falalka ammaanka lidka ku ah bulshaduna ay si diiran usoo dhoweeyeen. Maxamed Salaad Horseed Media Boosaaso
  2. it was like serious full blown punch up in the parliament. Look at the guys swinging
  3. I love the guy who just stood up on the table and starting kicking everything he saw in the face. His had enough and full of qabiil testorone
  4. This guy is the same guy on this video angry about the garsoor war
  5. http://allsbc.com/dhageyso-wareysi-uu-afhayeenka-madaxtooyada-puntland-siiyay-sbc/ If u guys read her report its obvious she sourced her information from questionable people. I read her full report and some of the places she cited as references is somalinet no joke either!!! A state that has existed for 14 years will develop over time, The diaspora even though limited in Puntland have gotten behind it now because we see it's not going anywhere!!! Deal with it Puntland has moved forward and nobody will hold it back. I love how people hate puntland like ppl hate america tells u we are truly the righteous people. Noone talks about Galmudug hilarious
  6. Gudoomiyaha gobolka Bari iyo Wefdi uu horkacayo oo u kicitimay degmada Qandala Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Wefdi mas’uuliyiin dowlada ka tirsan, waxgarad, iyo Isimo isugu jira oo uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan ayaa maanta ka ambabaxay dekedda magaalada Boosaaso. Wefdiga gudoomiyaha oo ay ku jiraan mas’uuliyiin badan oo ka tirsan golaha wasiirada ee dowlada waxaa kamid ahaa wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Yaasiin Xirsi, Wasiir ku-xigeenka wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska Maymuun Cabdi Ducaale, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka Cabdishakuur Mire Aadan, iyo Agaasimaha waaxda dowladaha ee hoose ee wasaarada arimaha gudaha Jaamac Xasan Xuseen. Socdaalka wefdiga Gudoomiyaha gobolka Bari ayaa ku jiheysan degmada Qandala oo kamid ah degmooyinka ugu qadiimsan gobolka, waxaana ujeedada safarkoodu ay tahay sidii ay Gole deegaan ugu soo sameyn lahaayeen degmadaas oo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya aan nasiib u yeelan inay hesho maamul degmo oo si fiican u shaqeeya. Dad weyne tobonaan gaaraya iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo madaxda wasaarada dekedaha iyo gaadiidka badda ayaa sii sagootiyey wefdigaas oo dekedda ka raacay Doon si gaar ah iyaga ugu qaaday degmada Qandala oo ay mudo 6-saac ku dhow usii socon doonaan. Waa markii ugu horeysey oo wefdi heerkiisu uu intaas gaarsiisan yahay ay degmada Qandala u kicitimaan, waxayna arintani qayb ka tahay balan qaadyo dhowaan uu maamulka gobolku sameeyey, kuwaas oo ahaa in dhamaan degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay loo sameyn doono goleyaal deegaan si maamulka gobolka looga dhigo mid deegaanada oo dhan wada gaarsiisan. Maxamed Salaad Horseed Media Boosaaso
  7. Thats excellent news!!! Because if galkayo leaves and I mean the yusuf folks farole knows he is screwed and will need to step down. Infact this might help set up SHIR BAD-BAADO and save ssc for puntland
  8. Xaaji listen very carefully at the 20;10 till 20:40 mark. It is directly towards the haters of puntland. I love to its so gatowe-style
  9. Xaji u gotta listen to this guy from garowe at the 17:30 mark till 21:10 mark http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Waxqabadka_Duulista_hawada_PL.shtml His speaking to you xaaji and your type
  10. Xaaji im sure u were listening intentively to farole speech who I think is great orator and speech man. His alot more entertaining to listen to boring silanyo and sharif. Farole has this speech about him where u feel when his talking his the guy from the maqaahiyad
  11. Gaacur your trying to say that farole destroyed puntland already, his going to destroy it even further with oil!!! thats the gist of ur argument and thats what ur using picture by amin amir who will do whatever u say as long the $$$$ makes it to his paypal account before close of business
  12. I can't believe all puntland haters are out tonight!!! wow this oil news is just making them go crazy in jealousy because their ppl will be left behind
  13. This is very serious. All of the SSC elders have signed off on this new state. I can't believe Puntland Govt has ignored it. As for me I personally support it, if they are united behind it good luck!!! As for it's legality. I dont really see huge issue as it is 3 regions. The constitution doesn't say you must control 100% of the two regions. It simply says "2 states or more can unite and form an administration" Similar to what gal-mudug did. Galgudud=1 state..Mudug=2...Hence Gal-Mudug!!! Their control is limited but the constitution doesn't say u must control those two states. It simply says if the ppl come together and form two states or more they will be recognized as a regional administration. So in other words the gedo-jubba community came together in nairobi and decided on an administration, do they control those regions? no but its still considered a regional administration for the simple reason two or more regions came together to build a government. It doesn't say where it must happen it can be local or in the diaspora!!!
  14. Badhan oo Laga Furay Markaz Diinta Islaamka lagu Barto Daawo Sawirada 13th January 2012 · 0 Comments Markaz Sunnah, waa xarun aad u wayn oo dhismaheedu ka socdo, magaalada Badhan, Xaruntan, aya waxa loogu tala galay Muslimiinta ku dhaqan magaalada Badhan, iyadoo oo leh, Masajid aad u wayn, Maktabad, (Library), Xarumo wax lagu akhristo, ama Cilmi baaris lagu samayn karo, Xarumo muxaadarooyinka iyo wacyi galinta bulshada lagu qaban karo, Goobo wax barasho. Markas ka ayaa mustaqbalka hadii Eebe idmo la sii kordhin karaa. Magalada Badhan oo ah magalooyinka ugu waa wayn gobolka Sanaag, ee Soomaaliya, ayaa aad u kortay sanadihii danbe, iyada oo xaruntii Jamacada Maakhir na la bilaabay, Sidaas ayaa keentay, in laga furo goobo badan oo waxbarasho , oo kaabayeeye, dhismaha iyo horumarka dad waynaha ku dhaqan magalada Badhan. Sidoo kale dadka Badhan ku dhaqan ayaa aad usoo dhowaynaya Markas kan cusub. Markas kan oo hada dhow dhow dhamaystirkiisu ayaa waxaa maal geliyey, Maxamed Ahmed Yusuf,( Maxamed Xawar), waxaana dhistay shirkada Hawar Heights uu masuul ka yahay Adam Ahmed Yusuf,(Adam Xawar). Shirkada Hawar Heights oo shirkad dhismo, ayaa ka fulisay, dhismayaal badan oo casri magaalada Badhan, dhismayashaan oo isku jirta guryo, masaajido, iyo Skuulo iwm. Isha Warka GalGalanews.com
  15. I don't know why Puntland is silent regarding this!!! Every major isim in SSC has just united and agreed to build a new state. Puntland needs to speak on this issue if it is in favor or if it is against!!! It should stop being silent crucial issues
  16. Issimada gobollada SSC oo ayiday, guddoomiyeyna go'aankii ergada ee dhismaha dawlad goboleed. Fri, 13 Jan 2012 03:13:31 -0500 am -05:00 -18000 Taleex, Jan 12 - Issimada gobollada Sool, Sanaag & Cayn ayaa shir ay maanta ku yeesheen madasha shirka Khaatumo II ayaa ayiday go'aankii ergada ee bisha 10-keedii lagu go'aamiyey dhismaha maamul goboleed. Issimada ayaa ayiday go'aankii ergada ee ahaa dhismaha maamul goboleed mideeya beesha ***********. Go'aamada shirka oo ka kooban saddex (3) qodob ayaa ka ahaa: 1. Dhismaha maamul cadaalada ku salaysan ee gobollada Sool, Sanaag & Cayn, 2. In aanay gobollada SSC ka tirsanyn maamulada Puntland & Somaliland, isla markaana la laalay shuruucdii iyo cahdiyadii lala galay labada maamul, 3. Samaynta dastuur ku salaysan shareecada Islaamka, maamulkuna uu yeelan doono afar (4) gole: i. Baarlamaan, ii. Xukuumad, iii. Garsoor, iyo iv. Gole Dhaqan. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  17. Galia your now becoming immature and its obvious the oil update has just made you just go crazy
  18. Wish us luck guys, this will be transforming for all somalis!!! In Puntland, Red Emperor holds a 20% working interest in two licences encompassing the highly prospective Dharoor and Nugaal valleys. These two exploration areas cover over 36,000km2 and have independently been assessed to potentially contain a combined 19 billion barrels of oil in-place. Red Emperor’s joint venture partner and PSA operator Africa Oil Corp. Not bad I am very satisfied!!! Liban Muse Boqor is saying 2 billion just in shabeel- well. Wow and then after that going to nugal well which contains more. Were working in a prospective 36000 kilometers so theres going to be hundreds of wells in both areas which will combine up to 19 billion barrels in place. Wish us luck guys were moving forward and farole said were gonna build massive infrastructures with the oil money
  19. Oh god guys its hyping up...Oh my god I am sooooooooooo happy
  20. Liban Muse Boqor Interview To BBC regarding the Oil drilling http://www.bbc.co.uk/somali/ganacsi/2012/01/120111_business.shtml
  21. Guuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuullllllllllllllllllllllll
  22. Faroole”Dhawaan Shidaal ayaan la soo baxaynaa” (DHAGEYSO) January 13, 2012 - Written by Webmaster r Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo wareysi siiyay BBC-da Qeybteeda Afka-Soomaaliga waxaa uu ku sheegay in dhawaan deegaanada Puntland gaar ahaan deegaano ka tirsan Gobolka Bari laga soo sarayo Shidaal. Madaxweynaha ayaa xusay in Maamulka Puntland ee Haatan uu si aad ah isku howlay sidoo loo sii wadi lahaa qorshaha shidaal soo saaritaanka oo ay horey u bilaabeen Maamulki isaga ka horeeyay ee Puntland waxaana uu xusay in Haatan ay la keenay riiigii qodi lahaa ceelka shidaalka dhawaana la soo saari doono. ”Anigu hadaan xafiiskii imid waxaan go’aansaday in wixii khaldanaa ee awalka aan ku ciilqabay dib u saxno, waana saxnay dib baan ugu noqonay Kuntraad cusub baan galanay howshii in dib loo bilabo oo la nooleeyo baan go’aansay, wixii aan ka qabanay dhulkii iyo wixii ka howlgalayay banu soo koobnay, ugu danbeyntiina shirkadihii inay keenan RIIGII howsha lagu qaban lahaa ayaa muddo qaatay waxaad ogtahay dalkanu in dal dagaal sokeeye uu afeeyay oo magac xumo dibada u martay waxaa isku xirmay amaankii iyo howshii laga qaban lahaa amaanka dabiiciga ah, marka waxaanu ka shaqeynay sidii amaanka looga shaqeyn lahaa oo meesha sidii wax looga qaban lahaa ” Madaxweyne C/raxmaan sheikh Maxamed waxaa uu Xusay in haatan la keenay riigii qodi lahaa dhulka kheyraadka ku jiro isaga oo xusay in haatan uu ka tagaan yahay dooxada dharoor waxaana uu sheegay in kheyr badan la rajeynayo oo dhawaan la soo saari doono shidaal. SHidaalka laga qodayo Deegaanada Puntland ayaa waxaa uu mamulku sheegay inuu meesha ka saarayo Shaqo la’aanta iyo dhaqaalo xumida jirta iyado oo dhawaana howshaasi la rajeynayo in guul laga gaaro. hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli mudooyinkan ay si dardar leh u socdeen qalab geynta goobta shidaalka laga baarayo oo la geeyay dhamaan qalabkii looga shaqeyn lahaa Deegaanka Dharoor oo ah goob la sheegay inuu buuxo shidaal Ceyriin iyo kheyraad kale. Shidaalka Maamulka Puntland oo damacsanyahay inuu ka soo saro deegaanada Puntland waxaa uu noqonayaa hadii la soo saaro markii ugu horeysay oo kheyraad dabiici ah laga soo saaro guud ahaan dalka Soomaaliya. Shacabka ku dhaqan Deegaanadan ayaa aragtiyo kala duwan ka qaba in shidaal laga soo saaro deeganadan qaar badan ayaa aaminsan in aanu jirin wax shidaal ah oo ku jira Deegaanadan laakiin waxaa la sugi donaa Natiijada Ka soo baxsay Shidaal qodista Iminka Socota. DHAGEYSO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA PUNTLAND UU SIIYAY BBC-DA http://allsbc.com/sbcon/wp-content/uploads/2012/01/Faroole.mp3 Xuquuqda Wareysiga waxaa Leh BBC Somali
  23. galia you wish it was happening but its not. Noone is fighting and Farole is in Bosaso!!! The only thing happen is the preparation for the opening of the biggest project in Somalia the oil drilling