Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Carafaat;786757 wrote: dr.osman, what is the conference about? The state has come of age. Thats what about. Its setting up democratic constitution, a referendum, democratic outreach education to citizens in the cities and country, electorates, multi-parties, one man one vote system. Its streghtening puntland institutions now so that people can vote for their presidents in an oil rich state
  2. Somalia: Puntland leader warns of 'new civil war' as Somaliland forces attack Buhodle 8 Feb 8, 2012 - 4:44:15 AM BUHODLE, Somalia Feb 8, 2012 (Garowe Online) - The President of Somalia's Puntland government has sent a strong warning to Somaliland forces after an attack on Buhodle city left dozens dead, Radio Garowe reports. Local sources and witnesses report that Somaliland forces launched an attack on Buhodle on Tuesday, after a week of quietness in the front line between Somaliland forces and clan militia based in Buhodle. At least 18 wounded persons mostly fighters and 3 dead persons were brought to Buhodle health centers, locals added. There was no casualty figures on the Somaliland side, but locals stated that Buhodle clan militia seized 3 armed trucks from Somaliland troops, who retreated from the front line. Around midday Tuesday, Somaliland forces had gained reinforcement from nearby military camps and the fighting had subsided by early afternoon hours. It was Somaliland's second attack on Buhodle since January 2012, when over 80 Somaliland soldiers were killed in day-long battles. Puntland's warning Puntland President Abdirahman Mohamed Farole, addressing the launching of Puntland's constitution in the state capital Garowe, told the crowd that Somaliland's continued aggressions in Buhodle area will not be tolerated. President of Puntland Dr.Abdirahman Farole "We condemn Somaliland's aggression on Buhodle and we demand Somaliland immediately withdraw from Las Anod town," said President Farole, adding: "We warn that if Somaliland continues its violent aggressions against Buhodle, that a new civil war might erupt in northern Somalia." President Farole continued, saying: "It is unfortunate that an administration which claims to support peace [somaliland] is now attacking peaceful areas. Speaking about Khatumo political group, Puntland's leader said that "politicians who failed in Somali politics should not seek positions with the blood of civilians." Continuing, he said: "No one should listen to failed politicians who want to create instability. Those politicians who were there when fighting erupted in Buhodle in January and then those same failed politicians fled to Ethiopia." Khatumo is a self-declared "state" in Somalia, following the conclusion of the Taleh conference attended by politicians and elders from the *********** clan that resides in Las Anod and Buhodle areas. Somaliland and Puntland claim ownership over Sool and Sanaag regions, home to ***** communities who share kinship with Puntland clans. Somaliland and Puntland regions have enjoyed relative stability since the 1990s, but the threat of instability has lingered over the region since Somaliland forces militarily seized control of Las Anod in October 2007. GAROWE ONLINE
  3. Madaxweynaha oo daahfurey Dastuurka Puntland 8 Feb 8, 2012 - 4:15:24 AM GAROWE ONLINE Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabddiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa maanta 8,Feb ,2012 waxa uu si rasmi ah u daahfurey Dastuurka Puntland oo ka dhacdey munaasabadiisu xarunta hayada cilmi baarista Puntland ee PDRC. Gudoomiyaha barlamanka Puntland ,wasiiro ka tirsan xukuumadda ,xildhibaano ,godoomiyaasha gobollada Puntland ,duqeyda 36 degmo oo Puntland ka kooban tahay, iyo marti sharaf ka socotey caalamka sida safiirka Talyaaniga ee Somalia Andrea Mazzella , Valentina Auricchio madaxa maamul wanaaga iyo amaanka Midowga Yurub iyo Yohan Svensson madaxa Interpiece Bariga iyo Bartamaha Afrika. Wasiiru dowlaha dastuurka ,dimoqraadiyeynta iyo arrimaha federaalka Puntland Dr.Xasan Cabdi Jimcale oo ka hadlay furitaankii kulanka maanta ayaa ka soo sheekeeyey marxaladihii kala duwaan ay somartey diyaarinta dastuurka Puntland ila maanta oo loo fadhiyo furitaankiisa. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Dr.Maxamed Xasan Barre ayaa lagu soo dhaweyey isna hadlka oo tilmaamey in Puntland hayaan u tahay nidaamka axsaabta badan oo laga guurayo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha. Gudoomiyaha guddiga madaxabanaan ee dastuurka iyo arrimaha federaalka Somalia IFCC Cabdilahi Xasan Jaamac oo laga casumey xaflada ayaa waxa uu ku booriyey Puntland inay hormuud ka noqoto dhamaystirka qabyo qoraalka dastuurka Somalia maadama lagu qabanayo Garowe todobaadka soo socda shirka looga hadlayao dastuurka. Ugu danbeyntii ayaa lagu soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole oo horaantii mahad balaaran u soo jeediyey hayada PDRC oo martigelisey kulanka iyo shaqada ay guud ahaan u hayso umadda reer Puntland. Dr.Cabdiraxman Farole ayaa xusey in balanqaadkii uu doorashada ku galay 2009 ay ka mid ahayd geedi socodka dimoqraadiyada Puntland,waxana uu balanqaadey inuu dhamaystiri doono qodobadda kale ee ka dhiman balanqaadkiisi inta uga dhiman wakhtiga. ‘’In dadweynaha loo celiyo xukunka,oo iyagu ka yimaado inay doortaan maxdaxdooda ,waana in qof weliba uu magaciisa ku doorto qofka uu doono’’ ayuu yiri Dr.Farole. Madaxweynuhu waxa uu iclaamiyey in bisha soo socota Garowe isugu iman doonaan wakiilada ka socdey bulshada Puntland ,isagoona u sababayey arintaasi inaan la gaarsiinkarin dhamaan deegaanada Puntland codbixinta aftida. Xeerarka ansixinta aftida dastuurka ,axsaabta siyaasadeed iyo kuwo kale ayuu tilmaamey madaxweynaha Puntland inay ku guuleysteen sameyntiisa iyo meel marintiisa. Nidaamka axsaabta tirada badan ayuu ku dheeradey madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Farole sharaxaadisa isagoona wax ka taabsan nidaamka wax ku salaysan awood qaybsiga beelaha. Dhinaca kale munasabada ka faaideysana fursada ayuu wax laga xumaado ku timaamey weerarka Somaliland ku qaadey degmada Buhoodle oo maanta ugu danbeyey dagaalka ka socdo ,waxana uu ugu yeerey inay ku laabato deegaanadii ay ku sugnaayeen ka hor 15.Jan-2012. ‘’Waxaan ugu yeereynaa Somaliland inay ka baxdo magaalada Laascaanood,beesha caalamkana waxana ugu yereynaa in shirka London ay isugu yimaadaan dad Somalia ah oo nabadda jecel’’. Waxa uu ugu baaqey Ethiopia oo haatan ku sugan yahay Silanyo inay ka waaniyan falalka uu ka wado Sool-joogta ,isagoona dhanka kale ugu yeerey inaysan waxba ka maqlin kuwo uu ku tilmaamey inaysan cidna matalin horeyn ugu soo fashilmey siyaasada ,dadkuna u xiiso qabin. Audio http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Madaxweynaha_oo_daahfurey_Dastuurka_Puntland.shtml
  4. My dad said most of siilanyo friends back in the hey-day of Somalia were all garowe-galkayo-bosaso-qardho. He told me his real good friend is mustafe haji aaden thats why he lives in hargeisa. My father also told me he was friends with siilanyo when he was commerce minister he helped hm out of jail when even his own ina adeer abdirazaq haji hussein insulted him badly I wont say what. But their beef was settled he said when they both met at the hajj recently back in 2004 and my dad brought those old wounds up. It was when he was young and just came from garowe to mogadishu and abdirazaq haji hussein and my awoowe were not on the good books cause they both had huge political differences especially regarding who will be the mp of garowe and that unfortunately rubbed off on my dad when abdirazaq haji hussein wouldnt even give him money to buy books. He said silanyo not only got him out of jail, he gave him alot money and helped my dad complete his studies
  5. Oh no farole has gone live.. Audio http://puntlandnews24.com/madaxwayne-faroole-oo-ugu-baaqay-maamulka-somaliland-inuu-ciidankiisa-si-degdeg-ah-uu-ugala-baxo-laascaanooddhageyso/
  6. Carafat maxamed farole is half hargeisa but he hates his abtis, you guys raised a monster
  7. Radio-daljir ceebta wala astuura, farole yuu inagu dirin SSC. They shouldnt released this
  8. M/wayne Faroolle oo cambaareeyay weerarka Soomaliland ay kusoo qaaday Buuhoodla,isagoona qasawadayaal kutilmaamay maamulka Khaatumo Wed, 08 Feb 2012 07:06:17 -0500 am -05:00 -18000 Garowe,Feb 8 -Madaxwaynaaha dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo maanta ka hadlayay munsaabad kadhacday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamay weerarkii ay ciidamada Somaliland kusoo qaadeen deegaano ka mid ah degmada Buuhoodle oo ay ugu dambeysay dagaalkii saaka ka kadhacay duleedka Buuhoodle. Madaxwaynaha ayaa ku tilmaamay wax nasiib darro ah in maamulka Somaliland uu soo weeraro goobo ay ku suganyihiin dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah. "Waxaa nasiib darro ah in xukuumadda Somaliland ay weerar qaaban kusoo qaado magaalada Buuhoodle bishii January 15keeda,wararka sida ay nagu soo gaarayaana saaka mar kale ay soo weerartay,iyadoo ciidamadeeda ay fadhiyaan goobihii miyiga ee xoolaha biyaha ka cabayeen"ayuu yiri madaxwaynaha Puntland oo intaasi raaciyay xiligaan in la joogo dhibaatada Soomaaliya in lasoo afjaro oo uu maamulka Somaliland weeraro kusoo qaado deegaanada Buuhoodle. Madaxwaynaha ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inuu ciidankiisa dib ugu celiyo goobihii ay fadhiyeen 15kii January ka hor,isagoona uga digay inay dagaal sokeeye ka dhalato talaabooyinka ay Somaliland ka wado deegaanKa Buuhoodle. "Kuwa iyagu meel aan waxba ku jiri wax ka raadinaya ama hadba dhinac usoconaya oo raadinaya in hadba geedi socodka Soomaaliyeed dhiig ku raadiyaan oo maalintii Buuhoodle lasoo weerarayay ku sugnaa,dabadeedna Itoobiya u cararay waxaan u sheegaynaa sida aad wax ku raadinaysaan waxba ku heli maysaan"ayuu sii raaciay madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Madaxwayne Faroole ayaa sheegay dowladda Itoobiya oo ka shaqaynaysay inaysan isku dhicin Somaliland iyo Puntland inay runta u sheegto madaxwaynaha Somaliland oo xiligaan ku sugan dalka Itoobiya,ayna waxba ka dhagaysan dad uu ku tilmaamay inay yihiin qaswadayaal. "Aduunka waqtigaan xaadirka ah ee maanta la joogo oo anagu ka hadlayno dimuqraadiyeen qof walba xaq buu u leeyahay ayihiisa inuu ka taliyo,magaalada Laascaanood haysashadeedu waa waxa sabab u ah oo kuwo siyaasiyiin isku sheegaya ay rabaan inay kaga faa'iidaystaan qalalaaso siyaadadeed inay mar dambe xukun meel kaga helaan " Madaxwaynaha ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu ugu baaqay maamulka Somaliland inuu ciidamadiisa kala baxo magaalada Laascaanood kahor inta uusan furmin shirka London ee la filayo inuu qabsoomo. "Waxaan ugu yeeraynaa dowladda Somaliland inay magaalada Laascaanood si degdeg ah uga baxdo oo aysan ka qaybgalin shirka London ciidamadeeda oo ku sugan magaalada Laascaaood'ayuu yiri madaxwayne Faroole,isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxaa uu sheegay beesha caalamka inaysan shirka London ugu yeerin dad Soomaaliyeed oo nabadda kasoo horjeeda. Hadalka madaxwayne Faroole ayaa waxaa uu soo baxayaa xilli ay saaka dagaallo ka dhaceen deegaano ka mid ah degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn. Diiwaanka Wararka Daljir Boosaaso.
  9. War Dag Dag ah: Dagaal Xoogan ayaa Haatan ka Socda Magaalada Gaalkacyo Updated:- 4 mins ago| 0 Commnets Iska hor’imaad u dhaxeeya ciidamo Ka Tirsan maamulka Puntland iyo Maleeshiyaad qas wadayaaal ah aya waxa uu hadda ka socdaa xaafada Horumar ee magaalada Gaalkaccyo Xarunta gobolka Mudug Dagaalkaan oo bilawday saaka 10kii subaxnimo ayaa ilaa haatan ka socda xaafada Houmar dhanka agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada gaalkacyo waxaana jirta rasaas wiifto ah oo so gaaraysa xaafadaha ka agdhaw halka dagaalku uu ka socdo haatan Dagaalkan ayaa lag soo waramayaa in u bilawday ka gadaal markii ay ciidamo ka tirsan kuwaa ilaalada xaduudaha ee puntland ay hawlgal ka wadeen xaafada horumar oo xigta dhanka maamulka Galmudug waxaana wararku ay intaas ku darayaan in meleeshiyaadku ay weerareen gaari tikniko ah oo ay lahaayeen ciidamada Puntland. Khasaraha dagaalka ayaa ilaa iyo haatan aaan la sheegi karin waxaase wararku ay sheegayaan in ay jirto Dhaawacyo la geeyay isbitaalada ku yaala waqooyiga iyo kuunfurta magaalada gaalkacyo Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka mudug oo ku aadan dagaalkan ka socda xaafada horumar ee magaalada gaalkacyo mana jirto ilaa iyo haatan cid si rasmi ah faah faahin uga bixin karta inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dagaalk labada dhinacba . Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay magaalada Gaalkacyoka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh. Horseed Media Leave a comment
  10. Maamulka Khaatumo State Oo Caawa Shir Saxaafeed Kuqabtay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Buuhoodle (Dhegayso+Sawiro) Maamulka Khaatumo State Of Soomaaliya ayaa caawa aqalka madaxtooyada maamulka Khaatumo State ku qabtay shir saxaafadeed laga hadlay dhinacyo badan. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadaly Madaxwayne ” Maxamed Yuusuf Jaamca” Indhasheel. oo kahadlay waxyaabihii uqabsoomay maamulka Khaatumo State iyo weliba waxyaabaha ay qorshaynayaan, sidoo kalana waxa uu kahadlay dagaalada Ka soconaya qaybo kamida Gobolka Cayn. waxaa isna halkaasi ka hadlay Wasiirka arimaha Gudaha maamulka Khaatumo State Yaasiin Axmed Sulub ugu horayna sheegay in guulo la taabo karo kasoo hooyeen dagaaladii lakowsaday ee ka dhacay deegaanka G/ Cayn sidoo kalana waxaa ukahadlay halka ay marayaan howlihii dhisida maamulka ee dhamaan degmooyinka iyo gobolada waxa uu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan isagoo sheegay inay gacana xabada kuridayaan gacana maamulka ay kudhisayaan taasna ay uqayb samaan. Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo State Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa isna dhankiisa ka hadlay arimo dhowr ah waxuuna ugu horayn sheegay in ay kamaamul ahaa diyaar uyihiin nabad waarta oo dhexmarta maamulka Khaatumo State iyo maamulada ay deriska yihiin taasi oo kumacneeyay inaysan ahay nabad gole kaga kac ah. Hasa ahaatee waxa uu nabadaas ku xidhay in maamulka Siilaanyo uu kabaxo deegaanada uu ku sugan ee khaatumo State sidoo kalana uu joojiyo duulaanka uu ku doonayo inuu kaqabsado deegaano horleh hadii aan taas lahelina waxa uu madaxwaynuhu sheegay inaysan suura gelayn nabad lala galo maamulka Uu minjirara habaabiyey Siilaanyo. Ugudanbayna madaxwaynaha ayaa kahadlay safardhawaan laga yaabo inuu ugu kicitimo deegaano katirsan maamulka Khaatumo State. Shirkan Caawa lagu qabtay aqalka madaxtooyada maamulka Khaatumo State ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu madaxwaynaha maamulka Hargeisa ku baaqay nabad, waxaana xusid mudan baaqaas kadib ay Jabhada SNM duulaan kusoo qaaday deegaanka Sooljoogto. halkaasi oo ay iskacaabin xoogan kala kulmeen ciidamada Maamulka Khaatumo State ee kusugan jiida hore ee dagaalka. Khatuumo State Press Conference. Audio http://horufadhi.com/2012/02/07/maamulka-khaatumo-state-oo-caawa-shir-saxaafeed-kuqabtay-aqalka-madaxtooyada-ee-magaalada-buuhoodle-dhegaysosawiro/
  11. Faah faahin ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay duleedka Buuhoodle Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Xaaladda deegaanadii uu saaka dagaalka xoogani ka dhacay ee duleedka Buuhoodle ayaa saaka degen. Warar dheeraad ah oo soo baxay ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku gacan sareeyaan ciidamada deegaanka,waxaana wararku ay intaas ku darayaan in 3 Gaaro oo nooca dagaalka ah laga qabsaday ciidamada maamulka Somaliland. Khasaaraha dagaalka ee labada dhinac kala gaarey ayaan ilaa iyo hada la ogeyn waxaana degmada Buuhoodle lasoo gaarsiiyey 6-askari oo ciidamada Somaliland maxaabiis ahaan looga soo qabsaday. Xaaladda ayaa xiligan ah mid degen waxaase laga cabsi qabaa in dib mar kale dagaal u qarxo maadaama ay labada dhinacba abaabul ciidan oo xoog leh wadaan, guud ahaan jewiga guud ee Buuhoodle ayaana ah mid saan saan colaadeed oo xoogan laga dareemayo. Waxayna labada dhinac ku kala sugan yihiin Sool-joogto oo qiyaastii 28km waqooyiga degmada Buuhoodle kaga beegan iyo Meygaagle oo waxyar u jirta, ciidamada Khaatumo saaka waxay gaareen Meygaagle haseyeeshee markii dagaalku qaboobey ayey Sool-joogto dib ugu soo noqdeen. Madaxweynaha Puntland ayaa isna ka hadlay dagaalka saaka ka bilowday duleedka Buuhoodle xilli uu khudbad ka jeedinayey munaasabad lagu daah furayey Dastuurka Puntland, codka madaxweynaha iyo faah faahin dheeri ah oo ku saabsan dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashayba Horseed Media saacadaha soo fool leh ayey idiin soo gudbin doontaa. Horseed Media
  12. where is Somaliland is big bad ciidamada qaranka? ma sheeko bay ahayd waxaas? cawe ciidamada qaranka lagu sheego? war awdal-toghdheer-waqoyi galbeed dhamantooda waxay fadhiyan qorilugud waxana ka adag carurta buhodle iskaba daa khatuumo state soldiers oo weliba dagaalka galin, carur baba ku filan!!! There is no denying somaliland is weak state ur militarily weak and thats why u ran away from somalia wad og tahay dacifnimadada. That makes sense!!! and garoweonline publication also made that clear in other words maxamed farole was saying "if the kids of buhodle is whooping ur backside, what u think khatumo soldiers will do? u see the point now
  13. Of course somaliland wont talk about its defeat but pictures dont lie. Those trucks are somaliland and that soil is buhodle another massive defeat by the ciidamada madaniga ee buhoodle to somaliland rag-tag militia and as garoweonline put it "This battle proves how militarily weak somaliland is at this stage cuz its losing to security guards".. They havent even fought khatuumo state forces yet. Thats what garoweonline was meaning
  14. Dagaalkii Duleedka Buuhoodle oo Qadar ka Dib u Bilawday Iyo Gaadiid laga Qabsaday Somaliland oo la Geeyay Buuhoodle (Faahfaahin) Buuhoodle (RBC) Dagaalkii saaka waaberigii ka qarxay deegaanka Sooljoogto ee duleedka magaalada Buuhoodle ayaa dib u bilawday ka dib markii uu qadar hakaday, sida wararka ugu dambeeya nagu soo gaarayaan. Dagaalka ayaa saaka qarxay wax yar ka dib xilligii Salaada Subax, wuxunaa dagaalku ku bilawday madaafiic ay isweydaarsadeen labada dhinac waaberigii ka dibna waxaa bilawday dagaal toos ah. Sooljoogto waxay dhanka Galbeed ka xigtaa Buuhoodle illaa 30- KM, waana meeshii uu dhowaan ka dhacay dagaalkii dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Buuhoodle. Sida uu sheegay wariye madax bannaan oo degmada Buuhoodle jooga dagaalka ayaa qadar qaboobay hase yeeshee wuxuu markale dib u bilawday ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay soo rogaal celiyeen. C/risaaq Bakeyle oo ka tirsan maamulka maamulka degmada Buuhoodle oo telefoon aan kula hadalnay wuxuu sheegay in illaa saddex baabuur oo nooca dagaalka ah kuwaasoo laga soo qabsaday ciidamada Somaliland. Mid ka mid ah baabuurtaasina waxaa saaran qoriga Zuu-ga. C/risaaq wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale dhankooda hayaan maxaabiis ay dagaalka ku soo qabteen. Dhanka Somaliland weli kama hadlin dagaalka iyo baabuurta la sheegayo in looga qabsaday dagaalka. Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac Dad ku sugan magaalada Burco ayaa Raxanreeb u sheegay in isbitaalka Burco la geeyay dhaawac iyo meydad lagu sheegay illaa 12 ruux kuwaasoo ahaa ciidamada maamulka Somaliland. Dhanka magaalada Buuhoodle waxaa la geeyay tobaneeyo dhaawac iyo saddex dhimasho oo ah ciidamadii dagaalamayey. Dagaalka ayaa ku fiday Meygaagle iyo Qorilugud. Qorilugud waxaa horey u joogay ciidamada Somaliland. Xaalada magaalooyinka Buuhoodle iyo Burco ayaa aad u kacsan iadoo dadku ay aad u hadalhayaan dagaalka, sida uu soo sheegayo wariyaha Raxanreeb ee Hargeysa. Dagaalkan wuxuu yimid xilli ay dawlada Ethiopia wado wada hadal ay isugu keeneyso madaxda Somaliland iyo kuwa Khaatumo State. Waxaana hadda arimaha wada hadalkan dartiis Addis Ababa u jooga masuuliyiin ka socota labada dhinac. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
  15. Sool-Cayn-Bari-Hayland are out. 4 teams remain. Mudug-Nugal-Karkaar-Sanaag. Nugaal is in top form this tournament they are looking good and I think the way thinks are shaping out the cup will stay in GAROWE THIS YEAR I am looking forward to the semis
  16. Gobolada Sool iyo Sanaag oo Galabta fooda isku daray koobka gobolada Puntland February 7, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Garoonka Mire Awaare ee Magaalada Garoowe oo ay ka socdaan ciyaaraha gobolada Puntland ayaa maanta waxaa ku ciyaaray 4 gobol oo laba ka mid ahi hareen halka laba kalena ay soo bexeen. Ciyaarta hore waxay dhexmartay gobolada Sanaag Vs Sool oo ku jira Group-ka d Waxaana ciyaartaasi aheyd mid gobolkii badiyaa uu u soo baxayo wareega semi Finale-ka waxaana badiyay gobolka Sanaag ka dib Regoore yaal markii ciyaartii ay ku dhamaatay bar bar dhac. Waxaa iyana Ciyaar aad ay wada yeeshay gobolada Cayn Vs Mudug taasi oo aan ku xirneyn gobolkii badiya maadaama gobolka Mudug uu isagu leeyahay dhibco ku filan oo uu ugu soo bexayo wareega 4ta koox, micnaheedu taasi waa gobolka Cayn oo sidaasi ku haray, Waxaana ciyaartaasi ay guushu ku raacday gobolka mudug 2-1.
  17. Ma Boosaasaad ka timid Ma bari hoosaad ka timid Ma soo badi baa is tiri Ma boorkey kugu rogeen” February 6, 2012 // Sports, Warar Somaali Gobolka Bari ayaa guud ahaanba mac-salaameeyey koobkii gobolada Puntland, kadib markii maanta gobolka ay mataanaha yihiin, balse duruufuhu kala kexeeyeen ee Karkaar ay ku suul daartay Hal Gool iyo Eber. Karkaar galabta waxay u baahneyd oo kaliya hal dhibic, hadii Hayland mar kale lagu celiyo draw, amase laga badsho laakiin waxay jeebka ku hubsatay 3 dhibcood, qaab ciyaareedkooduna wuxuu ku jaan go’onaa daafaca adkeeyso, hal goolna kugu filan. Karkaar waxay horay uga soo badisay laacibiinta Hayland, balse waxaa dhagaha ku dhuftay iyagana Nugaal, oo sanadkan si weyn ugu dedaalaysa in Koobku uusan dhaafin jidadka waaweyn ee caaasimada, waana tan uu qof walba kuu sheegayo. Xulka reer Karkaar waxay sidaas ku leeyihiin 6-dhibcood maadaama ay laba jeer ka badiyeen, Hayland iyo Bari, halka Nugaal ay leedahay iyana 6 dhibcood, balse ciyaarta isla maanta dhex mari doonta iyaga iyo Hayland hadii ay badiyaan 9 dhibcood ayey lahaan doonaan. Waxaa xusid mudan in Hayland hadii ay xataa Nugaal kasoo badiso, aysan tartanka kusii jiri doonin, maadaama Karkaar ay soo badisay, lix dhibcoodna heysato Nugaalna lix kale heysato. Waa guul daradii labaad oo ku dhacda Libaaxyadii gobolka Bari, oo sanadkan la tuhmayo in siyaasad ahaan loogu soo safay caruur yar yar oo aan khibrad lahayn, kadib markii mar qura la waayey laacibiintii gobolku lahaa oo aanba tartankaba ka qayb galin. Gobolka Nugaal oo isagu ah gobolka ugu khatarsan sanadkan isalamarkaana aaminsan mukalaal minankeeda joogta, ayaa gobolka Bari guul daradii koowaad huwiyey, ciyaartii labaadna waxaa Bari ay bareejo la gashay gobolka Hayland, iyadoo maantana ciyaar ay ku khasbanayd inay badiso kusoo dhamaatay guul darro. Xulka Gobolka Bari ee maanta Boorsadiisa ka qaatay tartankii lixaad ee ciyaaraha Puntland ayaa waxaa la isweydiin karaa maxaa soo dadajiyey inay dhakhso uga baxaan horyaalka. Iyadoo la xasuusan yahay gobolka Bari inuu ahaa xulkii labaad ee ciyaaraha gobolada Somalia kaalinta labaad kagalay kadib markii Banaadir ay qaaday koobka. Xulka Gobolka Bari wuxuu kaloo ahaa xul dhisan, khibrad, weeraryahano laga cabsado oo culus lahaa, waana tan keentay inay koobab badan qaadaan oo ay ugu dambeeysay koobkii ciyaaraha gobolada Puntland ee Garoowe lagu qabtay. Sanadkan sheekadu sidaas maaheyn oo ciyaartoyda waa la iska soo aruuriyey, waxay ahaayeen muuqaal ahaan dad aad u yar yar, horayna aan loogu arki jirin fagaarayaal Spoorti, marka laga reebo dhowr ciyaartoy oo u dheela koox caan ka ah Boosaaso oo lagu magacaabo Horseed-media. Markii uu yeray Firimbigii ugu dambeeyey ee galabta ciyaartii gobolka Bari looga saaray Koobka ciyaaraha Puntland, ayaa waxaa soo shaax baxay guux ahaa in tababaraha xulka Gobolka Bari iyo gudoomiyaha Spoortigaba G. Bari ay is casilaan, oo shaqada ka fariistaan. Puntland News-24
  18. Puntland Oo Marsa Cusub Ka Dhiseysa Boosaaso Boosaaso, Febaury 7, 2012 (Mareeg.com): Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu qorsheynayo sidii marso yar oo ay doomaha kaluumaysigu kusoo xirtaan looga samayn lahaa dhinaca Nec-Fish ee dekedda magaalada Boosaaso. Wasiirka gaadiidka badda, dekedaha iyo la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa sheegay iney ku tala jiraan in marso kale laga garab dhiso dekadda weyn ee Boosaaso. Wuxuu sheegay wasiirku in maamulka Puntland uu arrintan kala kaashanayo hay’ado caalami ah, islamarkaana uu ku rajo weyn yahay in qorshahaas cusubi dhaqan geli doono mustaqbalka dhow. Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay dhismaha marsada cusub ay tahay si howsha dekeddu ay u kala fududaato, islamarkaana doomaha yar yare ee kaluunka iyo kuwa kale ee degmooyinka xeebaha ku yaalla ka yimaada iyo dalalka deriska ah u heli lahaayeen meel gaar ah oo ay kusoo xirtaan. Eng. Siciid Maxamed Raage ayaa dhinaca kale sheegay in qorshaha wasaarada ee sanadkan cusub uu ku jiro sameynta dhismeyaal waaweyn oo ay xooluhu ku nastaan ka hor inta aysan dekedda soo gelin iyo in dekedda lagu qalabeeyo layrarka iyo agabka kale ee gaadiidka badda kala haga si howsha dekeddu ay u noqoto mid 24-saac joogto ah. Mareegonline Does anyone know what a marsa is? is that a harbour ?
  19. I am running for office in Qardho, hell with Puntland its to big for me to manage
  20. Kalfadhigii 3aad ee Golaha degaanka Qardho oo furmay (Sawiro) February 6, 2012 // Warar Somaali Waxaa maantay si rasmi ah loo furay kalfadhigii saddexaad ee golaha degaanka degmadda Qardho, kaas oo ay goob joog ka ahaayeen in ka badan 20 xildhibaan oo ka tirsan golaha degaanka Qardho. Kalfadhigaan oo socday mudo saddex cisho ah ayaa waxaa looga doodayey wax yaabaha u hirgalay dowladda Hoose mudooyinkii ugu dambeyay. Arimaha sida aadka ah looga doodayo ayaa waxaa ka mid ah Arimaha miisaaniyadda dowladda Hoose,Caafimaadka,Waxbarshadda,Amniga,Hagaajinta wadooyinka magaaladda iyo weliba sidii loo hirgelin lahaa sarre u qaadista arimaha bulshadda ee degaanka. Kalfadhigaan ayaa waxaa gudoominayey Gudoomiyaha golaha degaanka ahna duqa Magaaladda Qardho Maxamed Siciid Ciise (Hogaama la roor) iyadda oo la filayo in uu socon doono illa iyo dhowrka maalmood ee soo socda. Golaha degaanka ayaa waxaa looga fadhiyaa wax ka qabshadda sidii wax looga qaban lahaa arimihii loo doortay oo ay ka mid ahaayeen hirgelinta mashaariicda arimaha bulshadda . Xildhibaatadda oo qaarkood hadal ka jeediyey kalfadhiga golaha degaanka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin furitaanka kalfadhiga 3aad ee Golaha degaanka. Waceys Caydaruus Guure xoghaynta Golaha degaanka iyo duqa magaaladda Qardho ayaa u sheegay Saxaafadda in ay dhawaan ay soo gudbin doonaan qodobadda looga doodayo kalfadhiga golaha leeyihiin. Kalfadhigaan ayaa waxaa uu noqon doonaa kii saddexaad oo golaha degaanka Qardho kaas oo la filayo in ay ka soo baxaan waxqabad dhab ah. Puntlandnews24 Qardho-Soomaaliya
  21. Gaalkacyo:(Allpuntland)-Ciidamada Amaanka ee gobolka Mudug ayaa Caawa markale gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kawada howlgalo culus oo lagu xaqiijinayo Amaanka guud ee gobolka Mudug gaar ahaana Amniga iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo iyadoo holwgalkana dad badan lagus oo qabqabtay imikana su’aalo lagu waydiinayo qaarkamid ah dadkii lagu soo qabqabtay howlgalada culus ee Amaanka iyo Xasiloonida lagu xaqiijinayo. Ciidamada Amaanka ayaa Howlgalkooda caawa laga dareemay guud ahaanba magaalada Gaalkacyo waxaana ciidamadan oo watay gaadiidka booliska ee gobolku ay howlgaladooda ka sameeyeen meelo badan oo kamid ah Magaalada Gaalkacyo iyagoona u ekaa inay si gaar ah u beegsanayeen goobaha ay ka dhacaan falalka ugu badan ee Amnidarada ah kuwaasoo dad badana kasoo qabqabtay meelo badan oo ay shilal ka dheceen iyo meelo kale oo ay saraakiisha Amaanku sheegeen in la tuhusanyahay. Gudoomiyaha gobolka Mudug ahna gudoomiyaha gudiga Amniga ee gobolka Mudug Mudane.Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo Howlgaladan si toos ah u hogaaminayey ayaa APL u sheegey in Howlgalada dad badan oo qaarkood la tuhunsanyahay lagu soo qabqabtay wuxuuna sheegey Gudoomiyaha gobolku in Howlgalkani uu yahay kii ugu balaarnaa ee lagu xaqiijinayo Amaanka gobolka Mudug, Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegey in dadka lasoo qabqabto su’aalo lawaydiin doono cidii wax lagu waayana la fasixi doono. Shacabka gobolka Mudug ayaa soo dhaweeyey Howlgalkan culus waxaana ay sheegeen inay la shaqaynayaan ciidamada Amaanka si hubantii looga dhigo Amaanka gobolka Mudug, Shacabku waxay mahadcelin balaaran u direen Maamulka gobolka Mudug oo howlgalkan Amaanka lagu xaqiijinayo si qorshaysan usoo diyaariyey. Cabdiqani Xayir Cqxayir@hotmail.com Allpuntland, Team