Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. I am very disturbed by the amount of Puntland haters on SOL, why are they hating Puntland for? What has Puntland done to them? is Puntland not a Somali region? Where does this hate and constant criticism of the state comes from? Please can the famed haters and you know who you are explain your reasoning, your motives and why you want such ill for the state? Please all pro puntlanders stay out of this, this is going to be the haters corner and we want to understand their reasoning behind hating Puntland. I personally suspect the haters have a mixture of jealousy at the progress happening in Puntland and possibly feel their clans or regions are falling behind or Puntland will out-do them with a mixture of tribal hatred and envy at the political successes Puntland has made within Somalia and the wider world. The above is what I think is causing this absurd amount of hate on SOL for Puntland, but I could be wrong and I want the anti puntlanders to come in and state your case on why your against Puntland, if you dont have a case then I will presume my reasoning is correct!!!
  2. Ajandaha shirka Dastuurka Garowe 14 Feb 14, 2012 - 1:18:26 AM Wasiiru dowladda dastuurka ,dimoqraadiyeynta iyo arrimaha federaalka Dr.Cabdi Xasan Jimcaale ayaa Radio Garowe uga waramay ajandaha shirka dastuurka Somalia ee heer qaran oo beri ka furmi doona Garowe. Shirkan oo qaybtiisi horey Garowe uga dhacey dhamaadkii 2011 ayaa waxa uu socon doonaa muddo saddex cisho ah 15-18 Feb 2012. Halkan ka dhageyso waraysiga Dr.Cabdi Jimcaale Radio Garowe la yeeshey http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ajandaha_shirka_Dastuurka_Garowe.shtml
  3. Ammaanka Garoowe oo aad loo adkeeyey iyo wufuud badan oo soo gaarey Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaala-madaxda Puntland ee Garowe oo uu beri ka furmi doono wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga. Taliska ciidamada Booliska ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in amaanka magaalada Garoowe uu yahay mid la isku halayn karo islamarkaana ay laamaha amaanku heegan sare ku jiraan. Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Nugaal Faarax Warsame oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Booliska gobolka Nugaal oo ah kuwo aqoon iyo waaya aragnimo dheer u leh sugidda ammaanku ay dadaalkoodii sii laba jibaareen. Dhinaca kale waxaa magaalada Garoowe kusoo qul qulaya wufuud ka socota dhinacyada shirkaas ka qayb geli doona oo shalay ilaa maanta kasoo degaya garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Wefdi ka socda dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo uu qayb ka yahay ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaana lafilayaa in saacadaha soo fool leh ay magaalada Garoowe soo gaaraan. Qaban qaabada shirka Garoowe-2 oo beri furmi doona ayaa laga dareemayaa guud ahaan magaalada Garoowe, wuxuuna wejigii 1-aad ee shirkaasi Garoowe ka dhacay dhamaadka bishii Dec ee sanadkii tegey ee 2011. Horseed Media
  4. Aragtida dadka ee guusha Nugaal 13 Feb 13, 2012 - 6:53:43 AM GAROWE ONLINE Kadib markii garoonka kubadda cagta Garowe ee Mire Awaare shalay lagu doonsiiyey kooxda gobolka Nugaal horyaalnimada gobollada Puntland ee kubadda cagta ayaa waxa magaalada Garowe ilaa markii lagu dhawaaqey dhamaadka kulanka kasocotey dabaaldega iyo farxada guusha u soo hoyatey Nugaal. Barnaamijka Rayiga Dadweynaha ee Radio Garowe oo inta badan diirada lagu saaro arrimaha markaasi ka taagan Puntland iyo guuud ahaan geyigeena Somalia ayaa maanta 13,Feb ,2012 waxa aanu ku eegney dareenka dadweynaha ku dhaqan caasimada Garowe eek u aadan guusha gobolka Nugaal ka gaarey ciyaaraha gobollada Puntland. Barnaamijka oo uu wado Fahad Jaamac Ciise ayaa waxa bilawga dib aanu ugu jaleeceynaa shalay galabta khudbadii uu ka jeediyey kuxigeenka madaxweynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,waxana sidoo kale qaybka ah barnaamijka gudoomiyaha isportiga gobolka Nugaal Cabdirisaaq Nuur Halac. Dadweynaha ayaa soo wacaya xiriiriyaha barnaamijka waxana ay soo bandhigayaan aragtiyadooda iyagoona dhanka kale muujinaya farxadooda ku aadan horyaalnimada Nugaal ee gobollada Puntland. Halkan ka dhageyso Rayiga Dadweynaha oo uu wado Fahad Jaamac Ciise http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Aragtida_dadweynaha_ee_guusha_Nugaal.shtml
  5. Diyaarinta shirka Dastuurka Garowe oo socota 14 Feb 14, 2012 - 12:58:15 AM GAROWE ONLINE Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxa lagu wadaa inuu ka furmo maalinka beri ah wajiga labaad ee shirka wadatashiga dastuurka Somalia ee heer qaran (Somali National Constitution conference). Horey ayaa shalay waxa soo gaarey garoonka Garowe wafdi kasocda maamulka Galmudug oo uu horkacayo madaxweyne Maxamed Axmed Caalin ,waxana soo dhaweeyey madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire. Maantana waxa la filayaa inay Garowe yimaadaan wufuud kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo barlamanka DF Somalia ,Ahlusunna ,xafiiska Qaramada Midoobey siyaasada u qaabilsan Somalia UNPOS iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casumey. Guud ahaa caasimada Garowe ayaa laga dareemayaa qaban-qaabada shirka ,iyadoona ciidamada amaanka Puntland si weyn uga hawlgalayaan magaalada si ay amaanku iyo nabadgelyada u sugaaan. Dhanka kale madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa saaka ku booqdey wafdiga Galmudug hotelka Ruqsan Square oo ay deganyihiin.waxana labada dhinc iska wareesteen xaalada dalka iyo iskaashiga amaanka ee ka dhaxeeya labadooda. Madaxweyne kuxigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka amniga Puntland Gen.Khaliif Ciise Mudan ,taliyaha ciiamada daraawishta gen.Siciid Maxamed Xirsi ayaa ku weheliyey Dr.Farole booqashadan iyo shirka ay la galeen madaxda iyo maamulka Galmudug. Garowe Online ka filo wararkeena soo socda faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan wufuuda Garowe imanaya ,sawirada soo dhawaynta iyo khudbadda ay jeediyaan oo dhamaystiran haddi Eebe idmo. Halkan ka daawo sawirada kulanka dhexmarey Puntland iyo Galmudug
  6. Reopening a topic from 3 years ago shows the desperation of some SOL Members. Heedhe Puntland waxay la janqaday calaamka, xaqiqdu wa taa
  7. WLC galmudug to garowe 2. This conference will touch on sensitive matters such as what form of federalism we are going to take in Somalia, and I hope it exposes your xafaad mamul as unconstitutional. But then again the constitution only says "2 or more states can freely form a regional administration" it never says how much you must control in each state to claim it as your own state. Maybe a formula needs to be devised on who can claim the state for their own if it is an area that is shared. For example we could calculate regional cities of each state as per 1991 formula and base it on which clan owns the state and who doesn't. For example Mudug is 5 regional cities as per the 1991 borders. 1. Galkayo. 2. Garacad. 3. Galgodob. 4. Hobyo. 5. Harardheere...The galmudug boys have hobyo, harardheere as a majority. Puntland has two cities garacad and galdogob as majority based cities. The decider is in galkayo and who owns most xafaads. Out of Galkayo 4 districts all of are puntland except baraxlay so the state goes to Puntland. The Same formula can be used across the board in all of somalia to decide which clan is a majority in a state if that state is shared between clans. Puntland is the largest regional administration in Somalia and constitutes 8 states. The land mass is un-matched by any regional administration!!!
  8. Good progress, the marines need to do the low-level projects because this is can impact positively on the local community and also raise the profile of the marines as not just protectors of our coastline but also a community driven force for the betterment of the people of puntland. The oil is good that secures our future, but at this current stage we need to focus hard on the low level basic things such as roads, schools and hospitals
  9. Muranka badan iska daaya, cya at the garowe conference and bring ur political beef to the table
  10. some very interesting agenda items on the table at garowe-2. Which type of federalism will Somalia take? can we seriously tolerate xafads becoming government?. How are we going to rebuild the federal institutions in Mogadishu and the number of seats to be allocated in the upper house of the federal parliament. All of this will be answered at GAROWE 2. see ya there boys
  11. Shirwaynaha 2-aad ee Dastuurka oo 15-ka February lagu qabaneyo Garowe Mon, 13 Feb 2012 07:10:01 -0500 am -05:00 -18000 Garowe, February, 12 - Dawladda Puntland ayaa 15-ka bishaan February u cillaamisay in Garowe lagu qabanayo shirwaynaha heerka qaran ee Dastuurka, kaasi oo loogu magac-daray Garowe 2. Wasiiru-dawlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland Dr C/xassan Jimcaale oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa si qeexan arrintaasi uga waramay, waxaana uu sheegay in shirkaan lagu qabanayo Garowe uu dabo-socdo shirkii hore ee ku saabsanaa Dastuurka kaasi oo Garowe lagu qabtay 21-kii illaa 24kii bishii December dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2011. Wasiirk ayaa ku tilmaamay ajandayaasha looga hadli-doono shirka Garowe inay ka mid-yihiin nooca nidaamka federaaliisimka ee la qaadanayo, sidii xukunka dawladda federaalka loo baahin-lahaa, sidii loo dhisi-lahaa hay’adaha dawladda federaalka ee Soomaaliya, iyo tirada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya. Wasiiru-dawlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka dawladda Puntland Dr C/xassan Jimcaale ayaa sheegay in shirkaan loogu magac-daray Garowe 2 ay kasoo qayb-qaadan doonaan madaxda dawladda dhexe, baarlamaanka dawladda dhexe, Ahlusuna, iyo Gal-mudug, waxaana imaan-doona beesha caalamka oo ay ka socdaan UNPOS, UNKA, iyo madaxda dawlado danneeya arrimaha Soomaaliya. Diiwaanka Wararka Daljir Garowe.
  12. Puntland Security Minister Press Conference regarding various security matters Audio http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Ciidamada_amaanka_Puntland_oo_soo_qabtey_burcad_argagixiso.shtml
  13. ADDIS ABABA: Maxaa ka soo baxay Safarkii Siilaanyo ee Addis Ababa ?? February 12, 2012 6:05 pm GMT - Written by PP - Edited by PP Addis Ababa: (pp)- Waxaa bishaan 6-deedii booqasho deg deg ah Safar ugu ambabaxay Magaalada addis Ababa ee xarrunta dalka Ethiopia Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), booqashadaas oo daba socotay booqasho horay ay Addis Ababa ku tageen Wasiirka arrimaha dibadda iyo arrimaha Guddaha ee Maamulka la magac baxay Somaliland, kaas oo ku soo dhamaatay guuldarro. Guuldaradii dhanka siyaasada ee soo wajahaday Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Arrimaha Guddaha ee Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa keentay in Madaxweyne Siilaanyo uu safar deg deg ah ku tago magaalada Addis-Ababa , isagoo kulan toos ah la yeeshay Raiisal wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi , iyagoo ka wadahadlay arrimo badan oo ay ugu muhiim sanaayeen Nabadgelyada & Ganacsiga. Nabadgelyada: Markaan soo qaadano qodobka ugu horeeya ee nabadgelyada ayaa waxaa jirtay in ciidamo beeleedyo laga soo abaabulay Hargeysa ay bishii Oktoober ee sanadkii la soo dhaafay ay Shacab Ethiopian ah ay ku xasuuqeen deegaanka Yoocaale ee gobolka Dhagax-buur, arrinkaas oo markii danbe sababay in ciidamada dowlada Federaalka ah ay soo qab-qabteen raggii falkaas geystay oo markaas baxsad ahaa , laguna maxkamadeeyey Magaalada Jig-jiga , kuwaas oo lagu xakumay xabsiyo kala duwan, gadaadiidkii iyo hubkii ay wateena ay la wareegtay Dowladda federaalka ee Ethiopia. Waxaa kaloo jiray in Bishii la soo dhaafay ee January in lagu qabtay magaalada Gaashaamo Afar nin oo hubaysnaa oo ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab , kuwaas oo markii la soo qabanayey dagaalamay, lana soo qabtay iyadoo hadda lagu haayo jeelka Jig-jiga dhowaana Maxkamadda la hor keeni doono. Waxaa kaloo horay u jirtay in 4 jeer ay ciidamo ka tirsanaa ururada ka soo horjeeda Ethiopia ee (ONLF & OLF) oo lagu soo tababaray dalka Ereteria in ay ka soo dageen Xeebaha Saylac iyo Lughaya, kuwaas oo u sii gudbay Ethiopia. Waqtigaas wixii ka danbeeyey ma fiicnayn xiriirkii u dhaxeeyey Maamulka Siilaanyo & Dowladda federaalka ee Ethiopia, iyagoo ku eedeeyey in ururada nabadiidka ah ee ka soo horjeeda midnimada Ethiopia ay marin u tahay deegaanada ay maamulaan maamulka Siilaanyo. Waxaa intaas dheer in maamulka Siilaanyo uu xiriir dhow la yeeshay cadowga Koowaad ee Ethiopia oo ah dalka Masar, iyagoo horay isu dhaafsaday booqashooyin , arrinkaas oo shaki weyn ku abuurtay Maamulka sare ee Ethiopia. Haddaba, kulankii dhexmaray Siilaanyo iyo Zenawi wuxuu noqday mid lagu kala tago qodobadii la isla soo qaaday ee xagga ammaanka iyo ganacsiga. Zenawi ayaa Siilaanyo kula taliyey inuu la shaqeeyo maamulka Kililka ee federaalka Ethiopia, halka Siilaanyo uu doonayey in si toos ah Addis Ababa ugu xirnaado. Warar madax banana oo na soo gaaraya ayaa sheegaya in Siilaanyo uu ka biyo diidanaa muddooyinkii u danbeeyey inuu la shaqeeyo Maamulka soomaalida ee Federaalka Ethiopia iyo inuu tago Jig-jiga oo dhanka ammaanka uu hoos yimaado. Waxaa kaloo Zenawi uu kala hadlay Siilaanyo inuusan Xoog ku dayin arrinka Buuhoodle iyo Awdal, kuwaas oo waqtigan ka soo horjeeda siyaasadda maamulka la magac baxay Somaliland , iyagoo u arka maamul qabiil oo gooni u goosad ah oo dantooda kaliya ka fakiraya. Xagga Ganacsiga: Ganacsiga Somaliland ayaa ku dhisnaa Xoolaha Ethiopia , iyadoo Ethiopia ay siyaasadeeda dhaqaalaha bedeshay , kuna xisaabtamaysa hantideeda oo ku fadhida qiimo lagac ah oo adag (Hard currency), qodobkaasi isaga ahna Zenawi waa ka gows qabsaday. Zenawi ayaa u sheegay in xoolaha gudaha Ethiopia ka baxaaya ay ku bixi karaan sifo sharci ah oo ah qaabka Letter of credit (LC). Waxay kaloo ka wada hadleen shixnado badeecado ah oo ku xayiran dekedda Berbera ayna leeyihiin ganacsato Ethiopian ah , kuwaas oo qaabka Transit-ka ah ku soo mari jiray dekedda Berbera oo aan Canshuur laga qaadi jirin waayadii hore, waxaana maamulka Siilaanyo uu ku soo rogay Canshuur, taasoo ganacsatada Ethiopia ay u cuntami weyday , maadaama heshiiskii hore uu ahaa mid canshuur dhaaf ah. Zenawi ayaa ka biyo diiday in ganacsata Ethiopia ee alaabta kala soo dega Berbera iney bixiyaan wax Canshuur ah , waxna aan laga bedeli Karin heshiisyadii hore ee ay kala galeen Ethiopia & Somaliland, kaas oo ahaa in Canshuur la’aan alaabta Ethiopia looga soo dejiyo Berbera. Siilaanyo ayaa si fudud uga aqbalay go’aanka Zenawi, wuxuuna ku baryootamay Siilaanyo in wax laga siiyo loona fasaxo gadiidka Xamuulka ka qaada dekedda Berbera ilaa gudaha Ethiopia. Waxaana horay u jirtay in gaadiid badan oo Hargeysa laga leeyahay ay waagii hore xaduudyada Ethiopia ay ka gudbi jireen , haddase loo diiday gaari aan wadan taarigada Ethiopia inuusan xadka ka gudbi Karin, taas oo curyaamisay in ganacsato badan oo reer Somaliland ah ay baabuurtoodu dhooban yihiin magaalooyinka Berbera, Hargeysa iyo Burco. Guuldaradii Siyaasadeed ee Siilaanyo ka soo wejehday maamulka sare ee Ethiopia , wuxuu safar deg deg ah ugu duulay Jabuuti , isagoo Ismaaciil cumar Geelle kala hadlay inuu heshiisiiyo Isaga & Maamulka Jig-jiga ee soomaalida Ethiopia , sidoo kalena uu isaga dab-qaado maamulada Awdal & Khaatumo oo ay siyaasad ahaan aad u kala f********. Inskata oo maamulka Siilaanyo iyo Ismaaaciil Cumar Geelle waayadii danbe uu u dhaxeeyey Mugdi siyaasadeed, kaddib markii ismaaciil Cumar Geelle uu yiri ” Reer Somaliland waa ay ku deg-degeen gooni u goosadka , waxayna la mid yihiin Gaari laga hormari mariyey Dameerkii Jiidi lahaa” Sikastaba ha ahaatee, Weli nama soo gaarin jawaabaha uu siiyey Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweyne Siilaanyo, balse la arki doonee maalmaha soo socda Talaabada u qaado Ismaaciil Cumar Geelle. Xassan Nuur Xaaji E-mail: hassangarweyne@gmail.com Xog u gaar ah Puntlandpost.com Daabacaddda: Puntlandpost.com
  14. You Terrorists laying bombs everywhere and mines are so silly, Puntland has a fleet of F350S to scope out those mines, bombs and any other explosive devices enemies lay down in the battle zones with it F350's
  15. Sarkaalkii Miinooyinka u qaabilsanaa Al-shabaabka buuraleyda Golis oo gacanta lagu soo dhigay Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Wasaaradda amniga ee Puntland ayaa sheegtay in lasoo qabtay ninkii dhinaca miinooyinka u qaabilsanaa xoogaga Al-shababa xiriirka la leh ee ku sugan buuraleyda (Cal-madow). Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Saxaafadda uga warbixiyey qaabkii ay qabashada ninkaasi u dhacday. Wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanku ay weerareen koox Al-shabaab ka tirsan oo ku shirayey deegaan ku yaal buuraleyda Golis halkaas oo ay ku waaberiisteen xilli arooryo ah. Col. Khaliif wuxuu intaas ku daray in inta badan raggii goobtaas ku sugnaa ay baxsadeen haseyeeshee qaarka gacanta lagu soo dhigay uu ku jiro Axmed-khayr Siciid Maxamed oo ah nin la dhashay Maxamed Siciid (Atam). Wasiirka amnigu wuxuu sidoo kale sheegay in ninkaasi uu qirtay inuu yahay mas’uulka kooxahaas u qaabilsan dhinaca miino dhigista iyo sameynta walxaha qarxa sida ugu dhakhsaha badanna maxkamad lagu soo taagi doono. Khaliif Ciise wuxuu ugu danbeyntii sheegay in ay jiraan haraadiga kooxihii dowladu dagaalka kula jirtey ee deegaanadaas ku sugnaa oo meelaha qaar ku dhuumaaleysanaya islamarkaana ay ciidamada ammaanku ku raad joogaan. Waa markii ugu horeysey tan iyo intii uu bilowday sanadka cusub ee 2012 oo ay ciidamada ammaanka ee Puntland howlgal ay sameeyeen kusoo qabtaan mas’uul sare oo ka tirsan xoogaga Al-shabaab xiriirka la leh ee ku sugan buuraleyda u dhow degmada Galgala. Horseed Media
  16. I just stated the status of puntland for all the confused souls on SOL
  17. These guys who have issues with Puntland indepedent status, need read the constitution that was just ratified. 3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan. Puntland is indeed an indepedent state, that doesn't mean it has separated from Somalia. It functions indepedently untill a federal constitution is ratified in Somalia and signed by Puntland, till then we will function with all the powers of an indepedent state. Is that hard for somaliaonline crowd to understand? we are indepedent till that federal constitution is ratified and signed by Puntland. So thats our status...Dawlad Madaxbanan
  18. The best team in Puntland 2012 goes to NUGAAL
  19. Xulka kubadda cagta ee Nugaal oo Koobkii qaaday kana guuleystey xulka Karkaar Updated:- 17 hours ago| 64 Commnets Ciyaar aad u xiisa badan oo in mudo ah la sugayey ayaa galabta ka dhacday garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe. Ciyaartan oo ahayd Final-ka tartanka 6-aad ee kubadda cagta gobolada Puntland waxaa wada yeeshay labada xul ee Nugaal iyo Karkaar oo iyagu wareegga kama danbeysta ah isugu soo haray. Qaybta 1-aad ee ciyaarta ayaa waxaa 2 gool ku hormaray xulka gobolka Nugaal oo iyagu xamaasad aad u saraysa garoonka kusoo galay islamarkaana goolka 1-aad dhashtay ciyaarta oo socota wax hal daqiiqo ka yar. Markii laysugu soo noqday qaybta danbe ee ciyaarta ayaa waxaa labo gool la yimid xulka gobolka Karkaar sidaas oo natiijada ciyaartu ay ku noqotay barbar dhac 2-2 ah. Markii uu wakhtiga ciyaartu dhamaaday ayaa si toos ah waxaa loogu gudbey gool ku laadyada iyada oo aan wakhti dheeri ah lagu darin. Gool ku laadyadana waxaa ku adkaaday xulka Nugaal oo ay guushu ku raacday 5-4, waana markii ugu horeysey ee xulka gobolka Nugaal uu horyaalka kubadda cagta ee gobolada Puntland noqdo. Qaabka xulka Nugaal koobka loo gudoonsiiyey, khudbadda madaxweyne ku xigeenka Puntland oo galabta ciyaartaas daawanayey, iyo sawiradaba Horseed Media goor dhow ayey idiin soo gudbin doontaa. Horseed Media
  20. Puntland Football Champions 2012. Nugaal " frameborder="0" allowfullscreen>
  21. (((Live))) (Dhamaadka Ciyaaraha Gobolada Puntland Karkaar Vs Nugaal) February 12, 2012 - Written by Webmaster - Edited byWebmaster Dhageyso live Idaacada SBC international oo si toos ah ay uga socto ciyarta Finalka ah ee u dhaxeysa Gobolada Karkaar Vs Nugaal, Ciyaaraha gobolada Gobolada Puntland. Riix Linkigan http://www.ustream.tv/channel/allsbc
  22. Gaacuur;788257 wrote: Dr.Osman waxaa fiicneyd inaad dhahdo: Puntland tells TFG or Puntland tells Federal Gov. Laakiin waxaad dhahday: Puntland tells Somalia, oo la moodo ineysan ka tirsanayn Somalia. Well forget about that formalitie and the discuss the issue of scholarship looting that is occuring in muqdishu, where scholarship are being sold in market-places!!! Gaacur do you condone this?