Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Karkaar the Runner Up Got A Huge Welcoming Back Home. Welcome Back to Qardho Boys, you might've not been champion this year but you are champion in Qardho
  2. GAROOWE : Casho-sharaf iyo Abaal-marin la guddoonsiiyay Kooxda Kubadda Cagta gobolka Nugaal ee horyaalka Puntland (Sawiro) February 15, 2012 9:16 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Casho-sharaf iyo abaalmarin si heersare ah maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal u soo agaasimay oo abaalmarin lacageed lagu siiyay Kooxda Kubadda Cagta gobolka Nugaal oo haysta horyaalka Puntland ayaa lagu qabtay Maqaayadda New Wamo. Casharafta oo ay bixiyeen maamulka Shirkadda Biyaha macaan ee Farjano, ayaa waxaa Kooxdan abaal-marin lacageed oo laacib kasta la siiyay 100 doolar ayaa waxaa guddoonsiiyay maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal. Mr.Cabdirisaaq Nuur Halac Guddoomiyaha Cayaaraha gobolka Nugaal Cabdirisaaq Nuur Halac Guddoomiyaha Cayaaraha gobolka Nugaal ayaa waxa uu sheegay in ay abaalmarintan ugu talageen in lagu dhiiriyo Kooxda maadaama ay mudan yihiin oo guul taariikhi ah ay gobolka u soo hoyiyeen, waxa uu sheegay in ay doonayaan in Kooxda ay hayaan oo ay si gaara uga warqabaan si aysan Kooxdu u kala daadan. Mr.Cabdirisaaq, wuxuu sheegay guusha la gaaray ee u suurtagalisay in Kooxdan ay qaadaan Koobka lagu gaaray dadaal aad u ballaaran oo uu sameeyay maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal, kaas oo laga shaqeeyay dhanka tababarka iyo dhanka maamulka Kooxdaba, waxaana uu sheegay in guushu aysan iska imaan ee qadarta Eebe ka sokow dadaal aan kala harlahayn ay sameeyeen. Waxa uu ballan qaaday in ay ku dadaalayaan sidii Kooxdan ay u ahaan lahayd Koox dhisan oo markasta guulo soo hoyisa, wuxuuna ganacsatada iyo aqoonyahan kaba ka codsaday in ku caawiyaan horumarka Cayaaraha gobolka Nugaal. Axmed Jawle, oo maamula Shirkada Jawle Enterprise oo maalgalin ku samaysay Kooxdan, islamarkaasna abaalgud gaar ah siisay laacibkii dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee Finalka, goolhayaha Kooxda iyo weeraryahankii ugu fiicnaa Kooxda, ayaa waxa uu sheegay in shirkadiisa ay diyaar u tahay dhiiri-galinta iyo maalgalinta Cayaaraha gobolka Nugaal gaar ahaan Kooxdan guusha taariikhiga ah soo hoyisay. Jaamac Salaad Dhagadheere oo ka mid ah ganacsatada Puntland ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay maamulka Cayaaraha gobolka Nugaal, waxaana uu sheegay in ay yihiin kuwo taariikhda galay, wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha ay soo hoyiyeen. Dhowr Haween ah oo ka mid ah taageerayaashii Kooxda gobolka Nugaal ayaa waxay sheegeen in ay farxad darted ay la wareereen oo aysan iminka khudbadayn Karin, waxayna sheegeen in ay ka haween ahaan ay diyaar u yihiin in ay garbo u noqdaan Kooxdan. Dhammaan dadkii khudbadaha jeediyay ayaa ammaan u jeediyay Carwada Olombic iyo Dukaanka Jawle Enterprise oo ay sheegeen in la aantood aan guushan la gaarayn, ayna hawlwadeenada shirkadahan ay dhaqaalahooda iyo wakhtigooda ku baxsheen horumarka Kooxda gobolka Nugaal taas oo suurta galisay in ay Koobka qaadaan. Cismaan Cawad Wasiirkuxigeenka Wasaaradda Cayaaraha Puntland oo kulankan soo xiray ayaa u hamblayeeyay Kooxda gobolka Nugaal, waxaana uu sheegay in ay muujiyeen ciyaar-wanaag iyo guulo horseeday in ay Koobka qaadaan. Waa markii ugu horaysay ee Kooxda Kubadda Cagta ee gobolka Nugaal ay qaadaan Koob, iyada oo 6 tartan oo la qabtay mudada ay dhisnayd maamulka Puntland lagu qabtay Caasumada Puntland ee Garoowe, waxayna Finalka yimaadeen 2 jeer. Puntlandpost.com Well done boys, Truly you guys were the best in-form team in this year's cup, Nugaal true champions lets welcome our best team in 2012 and hold them up for all Somalia to see that this region is the best team in Puntland you got something to say bring it to the field and lets settle it
  3. Danjireyaal ka socda midowgya Yurub oo Garoowe soo gaarey Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa goor dhow kasoo degey wefdi heer sare ah oo ka socda qaar kamid ah dalalka ku bahoobey ururka midowga Yurub. Wefdigan oo Safiiro u badan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey qaar kamid ah golaha wasiirada ee dowlada Puntland oo ay kamid yihiin wasiirka Maaliyadda, wasiirka maamul wanaagga, iyo xubno ka tirsan golaha Baarlamaanka. Wefdiga EU ka socda ee Garoowe yimid ayaa waxaa kamid ah Safiirada Soomaaliya u qaabilsan dalalka Sweden, Italy, iyo Britain, waxaana sidoo kale goor dhow la filayaa in uu Garoowe soo gaaro madaxweynaha DKG ah ee Soomaaliya mudane Shariif sh. Axmed. Ujeedada socdaalka wefdiga midowga Yurub ka socda ee Garoowe soo gaarey ayaa ah sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen xiritaanka wejiga 2-aad ee shirka Garoowe oo qorshuhu yahay in maanta lasoo gaba gabeeyo. Waxayna noqonaysaa markii ugu horeysey oo ay tira danjireyaal ah oo intaas le’eg kana socda dalalka ku bahoobay ururka midowgya Yurub ay magaala madaxda Puntland ee Garoowe soo gaaraan. Horseed Media Garoowe
  4. rudy-Diiriye;790372 wrote: Would u really buy anything made in Bugland!! lol...I wouldnt even take it for free let alone shed my hard earned cash. Puntland is a free market, you can decide what you buy as a customer, be it imported stuff or locally made!!! There are initiatives in place to promote local manufacturing such as tax-exemptions for business men to invest into this sector which can move the state into becoming self-sufficient and creating job opportunities. As for the customers be rest assured you have the right to buy whatever you feel suits you and your lifestyle this is a free market economy
  5. Madaxda Soomaaliya oo ka qayb galay bandhig faneed caawa ka dhacay Garoowe [sawiro] Kooxda fanka ee Waabari Puntland ayaa caawa munaasibad ballaaran oo ka dhacday xarunta Jaamacada PSU kusoo bandhigay heeso iyo majaajilooyin ka turjumaya sida lagu baadi goobi karo maslaxada dadka iyo dalka Soomaaliya. Waxaana kasoo qayb galay bandhig-faneedkaani Ergooyinkii Shirka wadatashiga Tasduurka uga socday magalada Garoowe oo ay ka mid ahaayeen Dowlaada fadaraalka Soomaaliya.Puntland ,Galmudug,ehlu suna waljameca iyo Marti sharaf kale oo caalamiya. Kooxda fanka waabari Puntland oo u hogaanka hayo Abwaan Shubo ,ayaa caawa soo bandhigay Heeso wadani ah xanbaarsana midnimada qaranka iyo in hal meel looga soo wada jeesto danta Soomaaliya. Heesahaasi iyo Riwaayado goos goos ah ka dib ,madaxdii kasoo qayb gashay waxay aad ula dhaceen qaabka wanaagsan ee loo jilay bandhigaani ka hadlay sida uu u socdo Shirka looga wadatashanayo tasduurka Soomaaliya. Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad (Faroole) oo marka uu dhamaaday bandhiga hadalo kooban soo jeediyay ayaa sheegay inuu ku farax san yahay sida ay waabari Puntland uga hadleen marxalada lagu jiro iyo sida looga bixi karo. Wuxuuna sheegay Mudane Cabdiraxmaan qaabka looga bixi karo marxalada Soomaaliya ay ku jirto inay tahay cadaalada iyo in madaxda soomaaliya ay hal meel uga soo wada jeestaan qarannimada dalkeena Soomaaliya. Cali Cabdi-casiis Ducaale (Fantastic) Dunidaonline-Garoowe Farole has the look in his face saying "Hoyadi Wasuhu Muxu Yiri". Alla odeygu dabecad xuma, imagine meeting the guy I heard this man is causing problems at the conference
  6. Garoowe: Wefdiga Jabuuti oo booqday qaar kamid ah xarumaha Dowladda [sAWIRO] Updated:- 22 hours ago| 0 Commnets Wefdiga dalka Jabuuti ka jooga magaalada Garoowe ee ka qayb gelaya shirka wadatashiga ayaa maanta booqday qaar kamid ah xarumaha dowlada. Wefdigan oo uu horkacayo wasiirka cadaaladda ee dalka Jabuuti ayaa waxaa kormeerkooda ku weheliyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamed Cali Shire. Waxaana goobaha ay maanta booqdeen kamid ah xarumaha wasaaradaha waxbarashada, arimaha gudaha, Baarlamaanka, iyo madaxtooyada. Xarunta wasaarada waxbarashada ee Puntland oo ay wefdigaasi Saxaafadda kula hadleen ayaa waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin wasaarada waxbarashada ka tirsan oo uu kamid yahay agaasimaha guud ee wasaaradda Maxamed Cabdi wahaab. Wuxuuna sidoo kale ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay waxbarashada Puntland soo martay iyo heerka ay maanta marayso, isagoo xusay in wasaaradu ay dadaal badan ku bixisay sidii Puntland dhinaca waxbarashada looga horumarin lahaa guulo badanna ay soo hoydey. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo isagu wefdigaas ku weheliyey kormeerka ay maanta ku sameeyeen qaar kamid ah xarumaha dowlada ee Garoowe ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay wefdigani Garoowe kusoo gaareen. Wuxuuna mahad balaaran u jeediyey dowlada Jabuuti iyo shacabkeedaba isagoo sheegay in Jabuuti ay mar walba tahay dowlad jecel horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed islamarkaana ay qayb weyn ka qaadatay dadaalada la rabo in Soomaaliya dib loogu dhiso. Wasiirka cadaaladda iyo awqaafta ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo isagu wefdigan hormuud u ah ayaa isna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay waxbarashadu uga qayb qaadan karto xalinta khilaafaadka iyo horumarka guud. Mr Xaamid waxa kale oo uu Puntland uga mahad celiyey horumarka balaaran ee ay ka samaysay dhinaca waxbarashada isagoo sheegay inay tahay wax lagu faano in Puntland ay horumar baaxad leh oo dhinac walba ah ku talaabsatay. Waa markii ugu horeysey oo wefdi noocan ah oo dalka Jabuuti ka socdaa ay magaalada Garoowe iyo guud ahaan Puntland soo gaaraan, waxayna ujeedada ay xiligan Garoowe usoo gaareeni tahay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen wejiga 2-aad ee shirka Garoowe oo shalay furmay. Maxamed Siciid Yuusuf Horseed Media Garoowe
  7. I love the open plan in the back of the university waxa keliya ka maqan in fountain yar meesha dhex dhigo iyo trees and grass. It would be superb then
  8. Arday Course Computer-ka ah ka qaatay Jaamacadda Boosaaso oo shahaadooyin la gudoonsiiyey [sawiro] Updated:- 32 mins ago| 0 Commnets Xaflad Shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday dhamaystay koorso culuumta Computerka lagu baranayey ayaa ka dhacday magaalada Boosaaso. Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, ayna kasoo qayb galeen marti sharaf badan oo bulshada qaybaheeda kala duwan ka tirsan, ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadda Boosaaso oo ay ardaydaasi in mudo ah wax kusoo baranayeen. Ardayda qalin jebiyey oo ay tiradoodu 30 tahay, ayaa koorsada ay qaateen oo socotey mudo 3-bilood ah laguna magacaabo CISCO, waxay ku barteen culuum tira badan oo Computerka iyo isticmaalkiisa ku aadan, gaar ahaan maadada la yiraahdo IT Essential. Ugu horeyn waxaa munaasabadaas ka hadlay hormuudka Jaamacadda Boosaaso Maxamed Cali Faarax, wuxuuna ka warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Jaamacada Boosaaso oo markii hore College ahayd soo martay iyo horumarka ay ka samaysay dhinaca waxbarashada. Mr Maxamuud wuxuu sidoo kale ka warbixiyey heerarka waxbarashada ay Jaamacaddu bixiso, iyo inta Faculty ee ay ka kooban tahay, isagoo sidoo kale sheegay himilooyinka ay Jaamacaddu ku taamayso in ay higsato mustaqbalka dhow, kuwaasoo uu tilmamaay inay kamid yihiin haqab tirka baahiyaha waxbarasho ee gobolka ka jira, gaar ahaan kuliyadaha aan dalka laga helin. Maamulaha Bankiga Dahabshiil qaybtiisa magaalada Boosaaso Prof. Yaasiin Xaaji Cabdilaahi, islamarkaana ah macalin Jaamacadda Boosaaso wax ka dhiga, ayaa isna ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay, iyo sida ay horumarka lagama maarmaan ugu tahay, wuxuuna sheegay in Dahabshiil ay ka go’an tahay taageeridda waxbarashada iyo bahdeedaba. Jaamac Yaasiin Jaamac oo ka tirsan gudoonka waxbarashada ee degmada Boosaaso ayaa isna u mahad celiyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Boosaaso, wuxuuna dhinaca kale hanbalyo u jeediyey ardayda qalin jebiyey, isagoo ilaah uga baryey in waxa ay barteen uu ku anfaco, kulana dardaarmay in cilmiga ay heleen ay dadkooda iyo dalkooda uga faa’iideeyaan. Macalin Faadil oo isna ah macalin Sudani ah ayaa munaasabadaas ka hadlay wuxuuna ku dheeraaday qiimaha waxbarashada, iyo sida ay waxbarashadu udub dhexaad ugu tahay horumarka bulsho walba, isagoo dhinaca kale tilmaamay in waxbarashada Technology-yada ku salaysani ay tahay mid maanta ay dunidu ku kala tagtay. Mid kamid ah howlwadeenada shirkadda Isgaarsiinta ee Golis laguna magacaabo Jaamac ayaa isna gaba gabadii hadal kooban goobtaas ka jeediyey, si gaar ah wuxuu uga hadlay Internetka oo ay qaar kamid ah ardaydu codsadeen in la tayeeyo, isagoo xusay in shirkaddu ay mustaqbalka dhow hirgelin doonto khad Internet oo ay aad tayadiisu u fiican tahay oo xawaare sare leh. Jaamacadda Boosaaso waxay kamid tahay Jaamacadaha ugu waaweyn Puntland waxayna ardaydan Shahaadooyinka la gudoonsiiyey noqonayaan dufacadii ugu horeysey ee dhamaysta koorsada CISCO ee lagu barto IT Assential. Cabdiraxmaan Maxamed Horseed Media Boosaaso Wow Cisco is a Huge ICT technology More pics can be viewed here http://horseedmedia.net/2012/02/17/arday-course-computer-ka-ah-ka-qaatay-jaamacadda-boosaaso-oo-shahaadooyin-la-gudoonsiiyey-sawiro/
  9. Hay’adda PHA oo dayactir ka wadda jidka isku xira Garoowe iyo Gaalkacayo [sawiro] Updated:- 18 hours ago| 6 Commnets Hay’adda dayactirka wadooyinka Puntland ee PHA ayaa hawlo dayactir ah ka wadda jidka u dhexeeya magaalooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe. Cabdinuur Gaada-yare oo ka tirsan mas’uuliyiinta hay’adda PHA oo Horseed Media ugu waramay xafiiskiisa magaalada Garoowe ayaa ka warbixiyey halka ay howlahaasi marayaan. Wuxuuna sheegay in jidka la dayac tirayo oo dhererkiisu 24km yahay uu isku xiro magaalada Garoowe iyo degmada Kalabayr. Cabdinuur ayaa mar ay Horseed Media weydiisey waxa dib u habaynta xiligan wadadaas lagu samaynayo kusoo beegay sheegay in jidkani uu yahay mid si aad u ah burbursan mudo 40sano ka badan aan wax dayactir ah lagu samayn. Wuxuuna intaas raaciyey in howsha dayactirka jidkan ay ku dhiiradeen kadib markii ay qalab ka heleen DKG ah ee Soomaaliya, qalabkaas oo Gaada-yare uu tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah balse aan *****li Karin baahida jirta. Hay’adda dayactirka wadooyinka Puntland ee PHA waxay horay dayactir ugu soo samaysay qaar kamid ah jidadka Puntland oo burbur xoogani uu ka muuqdey. Waxaana howlaha dayactirka ee ay xiligan ka waddo jidka u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo si diiran usoo dhoweeyey wadayaasha gaadiidka iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada. Maxamed Siciid Yuusuf Horseed Media Garoowe
  10. Naxar I thought you were from Puntland, Havent your family told you what people do there? People in Puntland prefer to buy things in stock. Whole-sale is huge there and it helps the environment the less plastic around the better. That one storage of shampoo would require 10-15 different plastic containers and there is no recylcing occuring so you can imagine what that would do to our city like plastic bags do which also should be illegalized.
  11. Helmet, you can have every city in waqoyi but Siilanyo still reports to this man When you get out of the shadow of that man then you won the war till then your president still is below the president and p.m who call the shot. TFG is weak is what you will cry back no matter how weak it is the world will never back anything else and that should tell you something about your worth!!! Even Garowe Has more political weight then anything somaliland has achieved in 20 years. Sitting with university professors aint political success. And Somaliland has destroyed many times to destroy Puntland and it just hasnt worked out or them. The world just keeps telling them we back garowe principles cause this clan is much more powerful then you. Political success goes hand in hand with military strength or else why isnt any regional administration as powerful as Puntland
  12. Boosaaso:Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Nairobi u dhoofay kana qaybgalaya Shirweyne looga hadlayo Caafimaadka Soomaaliya. 14. february 2012 Boosaaso:(Allpuntland)-Wafti balaaran oo uu horkacayo Wasiirka wasaarada caafimaadka ee dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa saaka Puntland ka dhoofay iyagoona kusii jeeda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaasoo ay uga qaybgalayaan shirweyne looga hadlayo caafimaadka Soomaaliya, hormarintiisa iyo baahiyaha caafimaadka iyadoona shirkaas ay ka qaybgalayaan madax ka socota hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan howlaha caafimaadka iyo Madaxda maamulada Soomaalida u qaabilsan dhanka Caafimaadka kuwaasoo kawada xaajoonaya arimo muhiim ah. Wasiirka Caafimaadka ee Puntland ayaa la filayaa inuu khudbad kajeediyo shirkan oo Arbacada beri ah ka furmaya magaalada Nairobi isagoona soo jeedin doona Khudbad ku saabsan heerka Caafimaadka ee Puntland, Baahiyaha ay shacabka Puntland u qabaan dhanka Caafimaadka, Taageerada loo baahanyahay iyo waxyaabo kale oo ku saabsan Hormarinta Caafimaadka Puntland iyo guud ahaanba Soomaaliya. Dr.Cali Cabdullaahi Warsame ayaa inta uusana ka dhoofin Puntland APL u sheegey in dawladiisu ay jeedin doonto arimo badan oo ku saabsan Hormarinta caafimaadka, Wuxuuna sheegey inay codsan doonaan in Puntland looga howlgalo si ka nidaam wanaagsan kana fiican sidii horey looga howlgali jiray isagoona intaas kudaray in inta uu Nairobi joogo u kulamo kaladuwan la qaadan doono madax sarsare oo katirsan hay’adaha caalamiga ah oo uu kala hadlayo Qorshaha balaaran ee Wasaaradiisu ay sanadkaan ku hormarinayo Caafimaadka Puntland taasoo ka balaaran kuwii sanadihii hore, Wasaarada Caafimaadka ayaa imika safka hore uga jirta Wasaaradaha ugu waxqabadka iyo tayada badan Wasaaradaha Puntland. Cabdiqani Xayir Cqxayir@hotmail.com Allpuntland Team
  13. GAROOWE : Hay’adda NESHA oo bilowday dayactirka wadada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo (Sawiro) February 16, 2012 10:27 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor Print Garoowe:-Hay’adda dayactirka Jidadka Puntland NESHA ayaa bilowday dayactirka wadada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii wadadaasi ay muddo dheer burbursanayd, waxaana furay dayactirka jidkan Wasiirka Hawlaha Guud Daahir Khaliif. Xassan Cismaan Cali Guddoomiyaha NESHA Dayactir lagu samaynayo wadada laamiga ah ee u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacyo Guddoomiyaha hay’adda NESHA Cismaan Xassan ayaa waxa uu sheegay in hay’addu go’aansatay in ay dayactir ballaaran ku samayso wadadan, kadib markii dakhligiii soo gali jiray Hay’adda la kordhiyay oo M-wadaxwaynaha uu go’aansaday in dakhliga la kordhiyo si loo horumarsho Jidadka Puntland. Jidkan, ayaa la filayaa in la dhamaystiro illaa inta dhammaantiis la dayactirayo oo uu noqon karo mid si wanaagsan loo maro oo aan lahayn wax dhibaato ah. Halka ka daalaco Jidad kala oo NESHA ay dayac-tirtay http://www.puntlandpost.com/garoowe-nesha-oo-dayac-tirtay-jidka-u-dhaxeeya-garoowe-jalam-xarfo-gaalkacyo-sawiro/ Dyactirka jidadka Puntland ayaa hay’adda NESHA ka saaciyda kadib markii ay qalab wanaagsan ka heshay dhawaan hay’adda DFKS.
  14. WAR HADDA SOO DHACAY: Shirkii Garoowe Oo Lagu Kala Kacay Comments (1) | Write Comment Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin Garoowe (RBC) Sida ay u sheegeen Shabakadda RBC Radio illo ku sugan Xarunta Jaamacada PSU, oo uu ka socdo shirka Garoowe 2- ee looga hadlaayo arrimaha dastuurka waxa lagu kala kacay shirka ka dib markii ergada ka socotay maamulka Galmudug ay ka baxeen shirka. Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ay wehliyaan taliyihii horre ciidamada Booliska iyo afhayeenka baarlamaanka Galmudug iyo ergo kale oo ka socday dhinaca maamulka Galmudug ayaa iskaga baxay shirka. ka dib markii shirka lagu soo hadal qaaday in wax loo qeyb sado qaab qabiil. Qaar ka mid ah ergada shirka ayaa soo jeediyay in wax lagu qeybsado si qabiil ah, laakin hadalkaas waxa ka soo horjeestay madaxweyne Caalin oo sheegay haddii sidaas ay tahay in shirka laga soo qeyb galiyo dhamaan qabiilada Soomaalida sida, ******, *******, Digil iyo Mirifle iyo Beesha Shanaad. Markii uu murankaas socda ayaa waxa goobta iskaga baxay ergada Maamulka Galmudug kuwaas oo aaday Hotelka ay dagan yihiin.waxana sidaas ku is-taagay shirka oo lagu kala dareeray. Madaxweynaha Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Faroole oo istaagay ayaa sheegay in uu shirka sii socon doono, iyadoona loo yeeri doono ergada Jaamacada Carabta laakin warkiisa waxba kama badalin istaaga shirka uu ku yimid. Sidoo kale wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ergada Galmudug uu Hoteelka ay dagan yihiin ugu tagay Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaa oo hadda ka dhaadhinaca madaxweyne Caalin iyo Ergadiisa in ay dib ugu soo laabtaan madasha shirka. Si kastaba, Madaxweyne Caalin furitaankii shirka waxa uu shaley ka sheegay in maamulkiisa wax dhaqaale ah uusan ka gaarin deeqaha beesha caalamka ay ku daldalaan Dowladda Fadaraalka KMG ah iyo maamulada kale sida Puntland, hadalkaas waxa uu muujinayaa sida uu suluugsan yahay Madaxweyne Caaalin iyo maamulkiisa qorshaha hadda socda. Wixii ku soo kordha warkan iyo shirka Garoowe oo istaagay, waxa aad kala socon doontan markasta haddii alle idmo Raxanreeb.com RBC Radio ————————- Xafiiska Wararka Garoowe
  15. Ilo Taango oo soo Kordhisay Warshada Shaanbooga Samaysay Daawo Sawiro 15th February 2012 · 0 Comments Bosaaso:- Warshada Sharaabka Soo Saarta ee Ilo Taango ayaa Kordhisay Wax soo saarkeeda taasi oo mudooyinkii u danbaysay Soo Saaraysay Adeegyo kale oo Guud ahaan Somaliya ku Cusub sida Samaynta [ Faynka] loo adeegsado Hotelada iyo Goobaha kaleba. Shirkada Ilotaango ayaa dhawaan waxay Daah Furtay Warshada Cusub oo Soo Saarta SHaanbooga taasi oo Loogu Wan Qalay [iloshaanbooWarshadaasi Cusub ee Shaanbooga soo saartaasi waxay Saldhig ku leedahay Magaalada Bosaaso in kastoo Guud ahaan Gobolada Dalka Farac looga Furidoono. Shaanboogaasi oo ah mid Dhowr Nooc ah oo Tayadiisu wanaagsantahay wuxuu Noqonayaa Shaanboogii ugu Horeeyay ee Gudaha Dalka Somaliya lagu Farsameeyo. Tan iyo Markii ay Meesha ka baxday Dowladii dhexe ee Somaliya waxa Sare u Kobcayay Ganacsiga Dalka Somaliya, Boqolaal Ganacsato Somali ah ayaa dalka Maal Gashatay kuwaasi oo ku Dhiiraday inay Wax soo saarka Dalkooda Sare u Qaadaan. Isha Warka GalGalanews.com
  16. Shirkii Dasuurka Soomaalia oo si rasmi ah Garowe uga furmey (Sawiro + Cod) Updated:- 1 hour ago| 1 Commnets Shirkii Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga fumey xarunta Jaamacadda Puntland ee magaalada Garowe. Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Dawladda Federaalka Soomaaliya, Galmudug, Ahlu-Sunnah iyo Puntland oo marti loo ahaa, sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay xubno ka socda ururada rayidka ah, Odoyaasha dhaqanka, haweenka iyo culimada Soomaaliyeed. Shirka waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana fududeynayey xubno ka socda beesha Caalamka Shirkan ayaa lagu qeexaya dastuurka uu yeelan doonto dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa dhabbo cad loogu jeexaya nidaamka Federaal ee Soomaaliya noqon doonto. Shirkan ayaa ah mid daba socda shirkii hore ee lagu qabtey magaalafda Garowe kaas oo loogu magacdaray Garowe Principles, waxaana uu dhamaystir u yahay qaybtii qabyada ka ahayd Road Map-ka ee dastuurka iyo Federaalka. Maxamed Siciid Yusuf Wakiilka Horseed Media Garowe, Puntland, Somaliya Dhegayso Khudbadihii lMadaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, Afhayeenka Baarlamaanka DFKG SHariif Xassan Shiikh Adam, Raysalwasaaraha Soomaaliya Prof.Cabdiweli Cali Maxamed, Madaxweynaha Galmudug Col.Caalin http://horseedmedia.net/2012/02/16/shirkii-dasuurka-soomaalia-ii-si-rasmi-ah-garowe-uga-furmey-sawiro-cod/
  17. Dangerous. Lughaya state has a backer Djibouti. Can become a reality if they push for it
  18. Carafaat I intentionally left out the airport entrance of galmudug so it doesnt provoke insults and showed farole sitting with them at rugsan square
  19. The longest envoy i've ever witnessed in Somalia
  20. Wafdi Jabouti oo yimid Garowe & Shirka oo furmaya maanta 15 Feb 15, 2012 - 1:37:16 AM Hoolka shirarka Jaamacada PSU Garowe ayaa la filayaa in saacadaha soo socoda uu ka furmo wajiga labaad ee wadatashiga dastuurka Somalia,iyadoona haatan ay ku suganyihiin goobtaasi wufuudi kala duwanayd ee shirka ka qaybgalaya. Horey ayaa shalay waxa u yimid Garowe wasiirka koowaad ee DF Somalia Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada iyo wafdiga Galmudug uu hogaaminayo madaxweyne Caalin. Maanta 15,Feb ,2012 ayaa laga sugayaa Garowe inuu soo gaaro wafdi kasocda baarlamaanka DF Somali uu horkacayo gudoomiye Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo weliba ergayga Qaramada Midoobey Somalia Dr.Augstine Mahiga. Dhanka kale madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa garoonka diyaaradaha saaka ku soo dhaweeyey wafdi heer sare ah oo kasocda Dowladda Jabouti kaasi oo uu horkacayey wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Xaamud Cabdi Suldaan. Waxa ku weheliyey socdaalka wasiirka agaasimaha guud ee madaxoyada Jabouti Ismaaciil Xuseen Taani iyo taliyaha amaanka Jabouti Xasan Siciid Kheyre iyo u qaybsanaha Puntland ee Jabouti Cali Cabdi Awaare. Ka dib salaam sharaf ay ka qaateen cutubyo katisan daraawiishta Puntland iyo ciidamada bambeyda ayaa loo galbiyey dhanka aqalka martida ee loogu talo galay wafdigan Jabouti ka socde,waxana Dr.Farole uu u sheegay inay farxad u tahay imaatinkooda iyo weliba ka qaybgalka shirka dastuurka Somalia. Faahfaahino dheeraad ah ka filo Garowe Online wararkeena xiga. GAROWE ONLINE
  21. Puntland oo beenisey in deegaanka Sugurre ciidamo looga laayey Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Dowlada Puntland ayaa beenisey war ay qaar kamid ah Saxaafadda Soomaalidu baahisey maalin nimadii shalay. Warkaas oo ahaa in ciidamo badan oo kuwa ammaanka Puntland ka tirsan lagu laayey deegaanka (Sugurre) ee magaalada Boosaaso ayaa lagu tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn. Afhayeenka dowlada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax-joorre) oo maanta magaalada Garoowe Saxaafadda shir ugu qabtay ayaa sheegay in uusan jirin wax dagaal ah oo deegaankaas ka dhacay. Libaax-joorre waxa kale oo uu tilmaamay warka sheegaya in askar 20 ku dhow lagu laayey deegaankaasi uu yahay mid been abuur ah xaqiiqadana aad uga fog, wuxuuna intaas raaciyey uusn jirin wax isa hor imaad ah oo goobtaas ka dhacay. Hadalka dowlada Puntland kasoo baxay ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah warbaahinta Soomaaliya gaar ahaan kuwa koonfurtu ay baahiyeen in kooxda Shabaabka xiriirka la leh ee buuraleyda Golis ay laayeen 17-askari oo Puntland ka tirsan. Sugurre oo qiyaastii 4okm dhinaca koonfur galbeed magaalada Boosaaso kaga beegan waxaa ku sugan ciidamo tira badan oo ka irsan laamaha ammaanka ee Puntland, horayna deegaankaas waxaa uga dhacay dagaalo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxaha hubeysan ee buuraeyda Golis. Horseed Media
  22. Garoowe: Shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya Updated:- 7 mins ago| 0 Commnets Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa ka socda diyaar garowgii ugu danbeeyey ee qabsoomidda shirka wadatashiga Dastuurka oo maanta furmaya. Inta badan wufuudii shirkaas ka qeyb geli lahayd ayaa magaalada Garoowe soo gaarey, waxaase jira qaar kamid ah ergooyinka oo weli la sugayo Dhinaca kale ammaanka magaalada Garoowe ayaa maanta si aad ah loo adkeeyey gaar ahaan agagaarka jaamacadda PSU oo hoolkeeda uu maanta shirku ka furmayo. Weriyaha Horseed Media ee Garoowe oo isagu xiligan ku sugan meel u dhow goobta uu shirku ka dhacayo oo aan khadka Telefoonka kula xiriinay ayaa kusoo waramaya in qaban qaabo xoog lihi ay socoto inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin wakhtiga uu shirku bilaabmi doono. Shirkan ayaa daba socda kii dhamaadkii sanadkii tegey isla xarunta Puntland ee Garoowe ka dhacay, waxaana ka qeyb gelaya ergooyinkii joogey kii hore oo kala metelaya DKG, Puntland, Gal-mudug, iyo Ahlu-Sunna. Qodobada ugu muhiimsan ee lagu gorfeynayo inta uu shirkani socdana waxaa kamid ah dib u eegista Dastuurka qabyada ah iyo meel marinta habka maamul ee ay ku shaqeyn doonto dowlada cusub ee marka marxaladda KMG ah laga baxo imaan doonta. Horseed Media waxay bahweynta ku taxan u balan qaadaysaa soo gudbinta sawirada iyo weliba khudbadaha ay mas’uuliyiinta kala duwani ka jeediyaan furitaanka shirka. Horseed Media
  23. Excellent work guys, Sidas baan ka rabna. Every house in every district should have adequate water and electricity supply.
  24. funny how they compare puntland soldiers wanting to see aussie porn, compared to german guy who went to hargeisa to make a porn of them!!! But then again its SOL I wouldn't expect anything less