Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. there goes our boy caalin doing the galmuruq strut in garowe with no armed guards
  2. Shir Looga Hadlayay Caafimaadka Soomaaliya Guud Ahaan Oo Nairobi Kusoo Gabogaboobey Maxaase Looga Hadlay? Yaase Kasoo Qaybgalay Soomaalida? (Warbixin+Sawiro) Posted by Pi on February 18th, 2012 Nairobi: Magaaladda Nairobi ee xarunta Wadanka Kenya ayaa waxaa 4 maalmood ee u danbeysay (13-17) ka socday shir caalami ah oo looga hadlayay caafimaadka guud ahaan Jamhuuriyada Soomaaliya. Shirkan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Gudiga Caafimaadka Soomaaliya {Somalia Health Sector Committee (HSC) } kaasi oo ah golle ay sannad ka hor ay Soomaalida iyo Deeq-bibiyeyaasha, iyo UN-ku wada aasaaseen. Gollahan Caafimaadka Soomaaliya ayaa ah gollihii ugu horeeyey ee ay Soomaalidu ku midoobaan si wadajir ah in looga wada shaqeeyo daryeelka caafimaadka dadka Soomaaliyeed waana markii u horeysay ee ay 20 sano mowqif mid ah caalamka la hortagaan, si markaasi ay hal cod ay aduunka wax ku waydiistaan. Shirka Waxaa kasoo qaybgalay: 1. Wasaaradda caafimaadka Puntland waxaa shirka uga qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame, Agaasimaha Guud Dr. C/risaaq Xirsi Xassan iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Dr.C/risaaq Xassan Ciise. 2. Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya waxaa shirka u fadhiyey Wasiirka Caafimaadka Dowaldda KMG ah ee Soomaaliya Dr. C/casiis Yuusuf, Wasiir ku xigeenkiisa Caafimaadka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Xubno kale. 3. Maamul gobaleedka Somaliland waxaa shirka uga qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Agaasimaha guud iyo Xubno kale. 4. Deeq-bixiya yaasha ay ka mid yihiin DFID (UK),SIDA(SWEDEN), USAID(USA) ,GAVI HSS, GLOBAL FUND iyo kuwo kale 5. Hayadaha loo yaqaan NGOs ee caafimaadka somalia ka howl galo UNICEF, UNFPA, WHO iyo Kuwo kale oo Caalami ah. Shirkan waxaa sidoo kale joogey Khabiirka Soomaaliya ugu caansan dhanka caafimaadka Dr. Khaliif Bille oo horey uga soo shaqeeyey meeelo badan oo caalamka ah isagoo ahaa wakiilkii hore ee hayadda Caafimaadka Aduunka ee WHO ee wadanka Pakistan, hormuudkii kulliyaddii Caafimaadka ee Soomaaliya iyo aasaasihii isla jaamacaddaas. Shirka Maxaa looga hadlay: Shirka Madaxda Soomaalidu waxay soo bandhigeen waxqabadyadoodii sanadkii hore, baahiyaha Caafimaad ee deegaanadooda ka jira iyo guud ahaan Soomaaliya, caqabadihii sanadkii hore iyo qorshayaasha sanadkan. Doodo, afkaaro iyo gorgortano adag kadib waxaa la isla gaarey qodobadan: 1. In la saxiixay heshiiska GAVI oo somalia ay ku helayso 11 malyan dolar, taasoo looga shaqayn doono horumarrinta caafimaadka gu aahaan. 2. Waxaa sidoo kale la saxiixay Qorshaha horumarrinta caafimaadka ee Dowlada Ingiriisku ugu talagashay somalia, kaasoo ay ku baxayso adduun gaaraya 46 malyan oo dolar 3 sanno ee soo socota. 3. In Somaliya laga bilaabo qorshaha loo yaqaan Community health workers oo kumaankun qof lagu hawlgelinayo. Qorshahaan oo hadda ka hor wax looga qabtay caafimaadka wadamada Pakistan, Afganistan, Ethoipia, iyo dalal kale oo Africa ku yaala. 4. In Mashaariicdan hirgalintoodu ay bilowdaan 6 bilood gudahood. Dhaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya waxaa loo qaybsanayaa 3 meelood waxaana dowladda Puntland ay helaysaa saddex meelood hal meel mashruuc kasta waana sida qaybaha kale ay iyaguna helayaan. Wasaaradda Caafimaadka Dowaldda Puntland waxay shirkan ka muujisay waxqabad balaaran kaasi oo ay qaybaha Soomaalida iyo deeqbixiyeyaashuna aad ugu amaaneen oo ay ugu bogaadiyeen iyadoo markaasna ay nasiib kale u heleen madaxda Wasaaradda Caafimaadka Puntland inay shirka gudoonshaan 2 maalmood. Waftiga Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland ee shirkaas ka qaybgalay ayaa wali ku sugan magaaladda Nairobi iyadoo ay kulamo la yeelan doonaan Safaaraddo iyo Hay’addo Caalami ah oo danaynaya inay wax ka qabtaan Caafimaadka Puntland. Intii uu Shirkan socday waxaa kulamo yeeshay madaxda wasaaraddaha Caafimaadka TFG iyo Puntland iyadoo ay isla soo qaadeen halka ay martey mucaawanadii Daawadda ahayd ee ay dowladda Turkigu ugu talagashay Soomaaliya gaar ahaan qaybtii Puntland ee lagu kala gatey Suuqyada Muqdisho, Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalku wax jawaab ah oo lagu qanco maysan siinin Madaxda Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Puntland. Ugudanbayntii Shirkii Caafimaadka Soomaaliya looga hadlayay ee Nairobi ayaa kusoo gabogaboobey jawi wanaagsan iyo guulo, waxaana shirka soo xirey Ergayga gaarka ah ee UN ka u qaabilsan arimaha gargaarka Mack Bowden. C/qadir Warsame Yuusuf Madaxa Warfaafinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland Abdiqadir72@gmail.com
  3. Garoowe:”Reer Puntland Waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee Walaalntimo noo muujiyey, Waligayana ma ilaawi doono Taageeridii ay nasiiyeen markii aanu Dagaalka ku jirnay, Waxaana Waajib ah inaanu Abaalkaas gudno”Wasiir katirsan dawlada Jabuuti. 18. february 2012 Garoowe:(Allpuntland)-Wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Jabuuti Dr.Xaamud Cabdi Suldaan oo Maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada garoowe ee caasimada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Xiriirka Qotoda dheer ee u dhexeeya shacabka reer Puntland iyo kan Jabuuti isagoona sheegey inuu Puntland u yimid arimo muhiim ah oo kasokow inuu u yimid inuu ka qaybgalo shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya uu sidoo kalena u yimid inuu Reer Puntland soo gaarsiiyo fariin amaan ah iyo mahadcelin uu u waday shacabka reer Puntland uuna uga soo qaaday shacabka Jamhuuriyada Jabuuti. Isagoo xalay ka hadlay gabagabada shirka wadatashiga Tastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya qaybtiisii Labaad ayaa uu Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti Ayaa Sheegey inuu ka mahadcelinayo Taageeradii ay reer Puntland dhowrsano ka hor siiyeen ciidamada difaaca ee Jabuuti markii ay dagaalka kula jireen dalka Eretria oo weerar ku qaaday dalka Jabuuti, Wuxuuna sheegey in reer Puntland ay ahayaeen dadkii ugu horeeyey ee taageera Jabuuti Waqtigaas taasoo uu sheegey in imika la gaaray Waqtigii ay Jabuuti ka abaal gudi lahayd Taageeradii loo galay. “Reer Puntland Waxay weligood caan ku ahaayeen inay hormuudyihiin… Waxaan xasuustaa markii ay nagu soo gardarootay dawlada aanu deriska nahay (Eretria) in Dawlada Puntland iyo Shacabkooduba ay nasoo gaarsiiyeen taageeradii ugu horaysay Taasoo ahayd inay Xoolo nool gaarsiiyeen ciidamada difaaca kujira… Bal adiguba qiyaas inta uu farxi karo Askariga dagaalka kujira ee la siiyey Hilib uu cuno, Qiyaas farxada ay waridkiis iyo shacabka uu difaaca ugu jirana farxi karaan!, Oday hadii uu safar dheer galo oo uu reerkiisa kusoo laabto Labada wiil ee uu dhalay Haduu midna u bireeyo Ri’ dhaylo ah oo uu cano Midna uu degdeg ugu keeno Ciir uu Dhamo (Cabo) marka uu Ciirtaas cabana uu seexdo wuxuu yiraahdaa DUCADII CIIRLAA QAATAY, Hada reer Puntland ayaa qaatay Ducadayadii Waqtigaas mana ilaawi doono… Sidaas darteed halkaan (Puntland) Waxyaabaha aan ugu imid marka lagu daro Dadaalada dheeriga ah Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shacabka reer Puntland oo aan ogahay inay yihiin Kuwo caan ku ah inay tashtaan sidii horay uga dhacday Mararkii la’isku khilaafay madaxtinimada Puntland oo Aabayaasha reer Puntland ay go’aamo gaareen si fududna loo fuliyey, Waxaan amaanayaa waxyaabaha laga qiroon karo oo Puntland ka socda, Waxaan cadaynayaa in Jabuuti ay ku waajibtay inay ka abaalgudo taageeradii reer Puntland ay siiyeen hadana diyaar baanu u nahay”Ayuu yiri Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti oo markii uu hadlayey Boqolaal ruux oo shirka joogay Ay u sacabo tumayeen isagoona ku celceliyey inay ku faraxsanyiyiin Dadaalka ay reer Puntland ugu jiraan Hormarkooda iyo inay Soomaali isku keenaan taasoo uu ku tilmaamay mid aysan jirin cid lamid ah oo geeska Afrika Joogta. Cabdiqani Xayir Cqxayir@hotmail.com Allpuntland Team
  4. AfricaOwn;790968 wrote: These are strange people , very strange. Pure jealousy my friend and I love it, Cuz it tells us were doing something right
  5. oh by the way but is it me but does that pitch looks like it is gonna be massive. It appears where the rocks are and look how far the other side of the stadium is and that is only seeing it from a width perspective, god only knows how long the pitch is but I assume its gonna be stadium quality and not football ground quality. It looks massive
  6. So what you all think guys, should we also equip the stadium with night lights so the kids can play at night? And what you think the prospects are when garowe completes it what sort of message will this send to other puntland cities and somalia in general? Will they do the ku-dayo on it or will they just ignore it or will they send congratulations?
  7. Garoowe:Madaxweynaha Puntland Iyo Wafti isugujira Puntland iyo Jabuuti oo Kuwajahan Jamhuuriyada Jabuuti. 18. february 2012 Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Magaalada garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland ay kusugnaayeen Wufuud sarsare oo katirsan qaybaha kaladuwan ee madaxda Soomaalida, Xubno heer sare ah oo kasocda Wadamada deriska ah, Wakiilada Igad iyo Midowga Afrika, Madax badan oo ka tirsan xafiisyada siyaasada iyo amaanka ee Midowga Yurub, Xafiisyada Soomaaliya ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa, Safiirada wadamada England iyo Italy iyo Xubno kale oo aad u farabadan ayaa wufudaasi qaarkamid ah waxay bilaabeen diyaargarow ay maanta dib uga noqonayaan wadamadii ay awal kayimaadeen. Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha kaladuwan ee dawlada ayaa maanta ku mashquulsan kulamo aan caadi ahayn oo ay la qaadanayaan madaxda caalamiga ah ee Garoowe joogta iyadoona xubanahaas qaarkood ay maanta Kormeero isdabajoog ah ku marayaan xarumaha kaladuwan ee dawlada iyo goobo kale oo Muhiim, qaarkamid ah Xubnahaas oo hadlayana waxyaba sheegeen inay mucjiso ku noqotay in Puntland ay martigelinkarto Wufuuda intaas le’eg iyagoona amaanay Nabada iyo xasiloonida Puntland ka jirta oo ay ku tilmaamay mid aysan awal malaysanayn. Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroolaha Puntland ayaa la filayaa in isaga iyo Wasiiro ay kamidyihiin Wasiirka Arimaha, gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Jen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Wasiiru-dawlaha Xiriirka Caalamiga ah Prof.Abdulkadir Abdi Hashi iyo xubno kale oo badan ayaa la filayaa inay goordhow u dhoofaan Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti Iyadoona ay Waftiga Puntland isa sii raaci doonaan Wafti uu horkacayo Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta ee Jabuuti Dr.Xaamud Cabdi Suldaan iyo xubno kale oo badan kuwaasoo madaxweynaha u keenay casumaad rasmi ah oo uu madaxweynaha Puntland ka helay dhigiisa jabuuti, Madaxweyne Faroole iyo xubnaha lasocda ayaa maanta waqtiyada danbe gaari doona Jabuuti iyadoona maalmo kooban uu halkaas kusugnaan doono, Waxaa la rajeynayaa waftiga Madaxweynuhu inay Jabuuti kadib u dhoofaan Magaalada Dubai iyadoona intaas kadib ay u dhoofi doonaan Magaalada London oo ay uga qaybgali doonaan shirweynaha caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo halkaasoo Puntland ay casumaad rasmi ah ka heshay. Cabdiqani Xayir Cqxayir@hotmail.com Allpuntland Team
  8. JB stop copying Puntland, jabuti even sent you mps and the u.k sent you their deputy ambassador in nairobi. Politically its over for hargeisa. The two city state is coming to a close and the corridor of power (galkayo-garowe-bosaso) is on top of the world
  9. Maamulka wasaaradda caafimaadka ee Bari oo ka warbixiyey waxqabadkooda sanadkii tegey Updated:- 2 mins ago| 0 Commnets Maamulka xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari oo Horseed Media waraysi gaar ah siiyey ayaa ka warbixiyey waxqabadkooda sanadkii tegey iyo qorshooda ku aadan sanadka cusub ee 2012. Agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe oo maanta xafiiskiisa magaalada Boosaaso noogu waramay ayaa sheegay in ay horumar badan dhinaca caafimaadka ka sameeyeen. Wuxuuna mar aan weydiiney waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay sanadkii hore qabteen uu sheegay inay qayb weyn ka qaateen gurmadka abaarihii ku dhuftay deegaano kamid ah gobolka Bari islamarkaana ay kooxo caafimaad u direen si daryeel caafimaad oo daaweyn iyo nafaqeyn isugu jirta loogu fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen. Mr Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in xafiiska wasaaradda caafimaadka ee gobolku uu sameeyey kooxo si gaar ah u tababaran kuwaas oo daryeel caafimaad ka fuliya dhulka miyiga ah ee fog gaar ahaan miyiga degmooyinka Isku-shuban, Ufeyn, Qandala, iyo Caluule. Agaasimaha wasaaaradda caafimaadka ee gobolk Bari ayaa mar uu ka jawaabayey su’aal ay Horseed Media weydiisey oo ahayd waxa ay wasaaradu ka qabatay daryeelka dhismaha iyo qalabaynta isugu jira oo ay u baahan yihiin qaar kamid ah Isbitaalada ku yaal degmooyinka gobolka uu sheegay in mustaqbalka dhow ay ku rajo weyn yihiin inay kiciyaan Isbitaaladii hore ee dogmooyinka: Isku-shuban. Qandala. Caluula. Iyo Baargaal. Siciid Maxamed Waraabe ayaa dhinaca kale sheegay in xafiiska wasaaradda caafimaadka Puntland ee gobolka Bari uu yahay midka ugu horumarsan dhamaan xafiisyada lamidka ah ee ka jira gobolada kale ee Puntland. maadaama dib u habayn dhinaca maamulka iyo shaqada ah lagu sameeyey uuna ka kooban yahay dhowr waaxood oo kala ah: Waaxda caafimaadka asaasiga ah. Waaxda xog uruurinta caafimaadka. Waaxda faya-dhowrka iyo nafaqada. Waaxda la dagaalanka nafaqo darada. Iyo waaxda kooxaha caafimaad ee guur guura. “ Maamulka caafimaadka ee gobolku isaga oo la kaashanaya ururka dhakhaatiirta Puntland wuxuu dhowaan bilaabayaa olole lagu diiwaan gelinayo laguna xaqiijinayo khibaradda iyo aqoonta dadka ka howlgala xarumaha caafimaadka iyo kuwa kale ee wax ka dhiga goobaha caafimaadka lagu barto si looga hortago dadka sifaha aan sharciga ahayn howsha caafimaadka usoo dhex gala iyaga oo sheeganaya inay aqoon u leeyihiin” Mr waraabe ayaa yiri mar uu ka jawaabayey su’aal ay Horseed Media weydiisey oo ahayd: xarumaha caafimaad ee kusoo badanaya gobolka iyo goobaha waxbarasho ee caafimaadka lagu barto maxaa qorshe ah oo xafiiskiina uga yaal madaama ay suurtagal tahay in dad badan oo aan cafimaadka xirfad iyo aqoon durugsan u lahayni ay ka howl galaan. Wasaaradda caafimaadka Puntland oo lagu tiriyo inay kamid tahay wasaaradaha ugu shaqada badan uguna firfircoon wasaaradaha Puntland ayaa waxay xafiisyo ku leedahay dhamaan gobolada, xafiiska gobolka Barina wuxuu si hoose u maamulaa xarumaha caafimaadka ee 7-degmo ee gobolka Bari uu ka kooban yahay. Horseed Media Boosaaso
  10. An IT sector is starting to begin in Puntland there is around 1000-2000 skilled IT workers in Bosaso alone just going from the graduations i've seen. Waan soo dhowaynaya waa horumar la taban karo
  11. Boosaao: 400 oo arday ayaa ka qalin jebiyey machadka New-Generation Updated:- 18 mins ago| 0 Commnets Munaasabad balaaran oo shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jebisey Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation ayaa ka dhacday dugsiga Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso. Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waxbarashada ee gobolka, waxgarad, waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan. Ugu horeyn waxaa xafladaas ka hadlay maamulaha Machadka New Generation Feysal Cabdi Cartan wuxuuna sheegay in ujeeda xafladan loo qabtay ay tahay qalin jebinta dufcadii 3-aad ee arday ah ee Machadkaas ka baxda iyo weliba sidii ardaydaas shahaadooyinkoodii loo gudoonsiin lahaa. Wuxuu sidoo kale sheegay in Machadku uu dadaal badan ku bixiyey sidii ardayda looga dhisi lahaa dhinaca garaacista Computerka maadaama ay muhiim tahay in qofka Computerka bartaa uu si fiican wax ugu qori karo, isagoo dhinaca kale xusay in machadku uu bilaabi doono dhowaan koorso dhinaca caafimaad ah. Muuse Jibriil Maxamed oo ka socodey gudoonka waxbarashada ee gobolka bari oo isaguna munaasabadaas kasoo qayb galay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay barashada xirfaduhu dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada u leedahay. Wuxuuna sidoo kale sheegay in gudoonka waxbarashadu ay ku faraxsan yihiin islamarkaana ay soo dhoweynayaa waxbarashada uu Machadkaasi bixiyo iyo weliba sida ay maamulkiisu ugu heelan yihiin inay soo saaraan jiil cusub oo wax bartay. Mas’uuliyiin badan ayaa madashaas ka hadlay waxaana kamid ahaa Dr. Maxamed Siciid Kawir, Prof. Ibraahim Cali Xasan, iyo Maxamed Dhakuul Bayr oo dhamaantood ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay islamarkaana ku booriyey ardayda qalin jebisey inaysan waxbarashada halkaas kaga harin. Waa dufcadii 3-aad ee arday ah ee ka qalin jebiya Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation, waxayna tiradoodu ahayd 400 oo arday kuwaas oo la baray qaybaha Computerka ee kala ah Software Programs iyo Hardware iyo weliba luqadda English-ka Cabdiraxmaan Cabdi Maxamed (Xudeyfi) Horseed Media Boosaa
  12. Yep thinks looking good. On the Political Front, our Political conference ends successfully in garowe. The following are agreed upon. 1. The Somali Nation will be administered through federalism. This includes providing capacity to existing regional governments through-out Somalia and also building federal based administration where shabab has been removed. 2. The parliament will have two assemblies. A lower assembly consisting of 225 mps and upper assembly consisting of 54. 3. 30% of the parliament allocation will go to women 4. The president will be selected via parliament and the President selects the Prime Minister and the p.m selects the cabinet 5. Somalia will go to the london conference united 6. We had high level delegation come from the international community such as the A.U, E.U, U.N, Djibouti, Somalia TFG at its highest level and international and local media were present. This will help Boost the Puntland profile even further On the regional front we have a high level health conference occuring at Kenya where our most beloved Puntland health minister is attending, The Democratisation of the state is going well and more local administrations are functioning in the state more then ever before. On the security front its been quiet in the state but its still to early in the year to give such a forcast but I must thank the Puntland Armed Forces and its tireless work that has been conducting be it in the security sector, humanitarian, or community driven projects. On the Development front we have many projects happening. Some of the key ones to note are 1. Golis, iftin, tawakal building headquarters in Bosaso. And golis is also building a headquarter in Garowe. 2. A complete road rehabilitation work is occuring on the garowe to galkayo road from the beginning to the end, Bosaso is also completing its own road paving projects for the city and the port is well under-way for an expansion. 3. The garowe sporting ground is under construction and is looking to be the first grassed stadium in Somalia. 4. A Medical Academy and a Fish Market is being built in Garowe 5. There are off the road projects occuring under the JPLG programe to reach out to the coastal areas 6. A new Parliament and Presidential Palace are currently being constructed in garowe 7. Qardho-Ceel Dahir are booming on the residential and commercial fronts 8. Galkacyo Is a bit sleepy but as for now their is the on-going terminal construction and airport rehabilitation occuring. 9. The Oil Program is well under way and doing well 10. Garowe airport is under construction and seems to be gradually changing everytime I see it. 11. Garowe will now be pharmeucitical manufacturer making our medicine locally and not exporting it via dubai to our local pharmecies. Unknown Status Projects 1. The new Galkayo Hospital 2. SEPCO electricity in Bosaso Total failed Projects 1. Bosaso Run-way pavement So yeah guys thinks are looking good on the political and development front without a doubt. As for the security front its too early to say because were at the beginning of the year, but as of now things have been quiet. So hop on the Puntland express where there are no stops till the state is self-sufficient, booming, and politically a powerhouse
  13. Anyways, the reality is their is 1 phase left of the garowe stadium, and it will be complete maybe not in time for the puntland cup as alot may have been suspecting but It will be ready for grand opening once the last phase is completed. This will lead to a boom in puntland as soon as they all hear garowe has now international stadium, you can imagine Bosaso will build one to complement it
  14. Gaacur loves to ignore the reality wax lamid ah taasi aar ha inna tuso dhulkiisa, wa nin iska hadlay maseer dishay lakin maseer dadkaga waxba uma halaysid ogow taas
  15. Just go away with your negativity, negativitiy wax lagu ma soo dhiso. There is 3 phases in the grandest sports stadium in Somalia, be patience it will come through. I am just damn glad it will be grassed because I thought from pics I saw that it wouldnt be, but as usual the picture taker was focusing on one side of the stadium that is still dirt. Sxb this is huge guul uu soo hoyatay dhamaan somaliyeed in manta laga dhisayo garoon calaami ah oo carurteena ku ciyaaran, kuna taba bartan. Iskaba daa wixi kale ee calaamiga sida handball court, track fields, etc
  16. Gaacur they were disappointed that it didnt open for the puntland regional cup, lakin the last phase of it ba harsan, Phase 3. It will be completed hopefully in-time for the national football cup 2012 december, thats the target now. But if u could not see the grass already laid out, then your blind not me. Waxaa harsan stand and darbi lagu wareejiyo uun, lakin hawsha ugu weyna way soo dhamatay
  17. Beach day outs C'mon guys admit Puntland is moving forward
  18. Please note I already knew about this spring-baths years ago. I learnt it from this guy Those spring baths are awesome, its like play area for kids and also serves as a sauna llike experience. But then again you are all not from Puntland so you wouldnt understand. Our kids enjoy themselves and have the facilities available to them
  19. Carruurta idin kaga muuqata Sawirkaan waxa ay kamid yihiin boqolaalka Todobaad walba usoo dalxiis tagta Biyo Kulule,waxaana ay i sheegeen in biyaha ceelka biyo kulule ay ka dabaal fiican yihiin kuwa badda aadna ay uga helaan. Halkaan waa barkad ku dhextaala Ceelka Biyo Kulule,waxaana ay gaar u tahay dumarka oo ku dabaasha xiliga aan ka qaadaynay Sawirrkana diyaar ayey u ahaayeen balse waxa ay codsadeen in wajiyadooda aana la arag waana sababta ay gadaal ugu jeesteen,waxaana ay aad ugu faraxsanaayeen Imaatinka biyo kulule. Qoysaska dalxiiska u keenay Carruurtooda Ceelka Biyo Kulule ayey kamid yihiin labadaan gabdhood iyo gabadha yarta ah kuwaasoo ku faraxsanayaa imaatinka Ceelka,waxaana inta ay joogaan ku karsadaan cuntadooda ilaa inta uu gabalku ka dhacao biyaha baraafaha ayey isaga noqnoqdaan. Taariikh kooban. Ceelkan oo magac ahaan la yiraahdo BIYO KULULE ayaa waxa uu kamid yahay ilo-biyoodyada burqada,waxaana sida la i sheegay degay meesha uu kuyaalo AUN Ugaas Xasan Maxamuud Samatar qiyaastii 1880. Intii uu deganaa AUN Ugaasku wuxuu ka sameeyey dhinaca Ceelka Biyo Kulule beer weyn oo u ka bixi jiray Timirta iyo dhismayaal kale oo ilaa hadda marka aad tagto qaarkood dhisamayaashooda aad weli ku arkayso. Guumaystihii Talyaanigu markii uu yimid dalka waxa uu durba bilaabay in uu ku sameeyo dayactir xoogan isagoo inta badan Saraakiisha sarsare ay u imaan jireen nasasho ahaan iyo in ay biyaha uga faa’ideystaan xanuunada ku dhaca ciidankooda. Ka dib markii uu Guumaystihii Talyaaniga dalka isaga baxay ayaa gacanta waxaa haddana ku qabatay Dawladdii AUN Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo ku sameysay xoogaa dayactir ah sida baraagaha iyo dhisamayaal yar qiyaastii 1971 ilaa 72. Iminka gacanta waxaa ku haya Ceelka Biyo Kulule Caruurtii uu dhalay iyo kuwii ay sii dhaleen ALLAHA HA U NAXARIISTEE Ugaas Ugaas Xasan Maxamuud Samatar sida uu i sheegay Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo kamid ah ehelada Ugaaska. Nala Daawo Sawirro kale oo badan oo Ceelka Biyo Kulule ah.
  20. Raxanreeb iyo Sawiradii Isbuuca 18/02/2012 (Photo News) Comments (0) | Write Comment Halkaani waa dusha sarre ee Il biyoodka Biyo Kulule oo kuyaala banaanbax magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,waxaana sida dad xog ogaal ahi noo sheegeen in markii ugu horreysay uu degay Allaha ha u naxariistee Ugaas Xasan Maxamuud Samatar isagoo ka sameeyey beer weyn ilaa intii uusan Guumaystihii Talyaanigu kala wareegin qiyaastii 80-maadkii. Barkadaan yar ee aad arkaysaan waa mid kamid ah baraagaha ku dhexyaala Ceelka Biyo Kulule ,waxaana ay gaar u tahay haweenka sida dhalinyaro iyo kuwa da’da ah xiligaan dhowr hablood ayaa ku dhex-dabaalanaya…baashaal. Qolkaan burbursan waxa uu ku yaala oogada sarre ee buurta ka koreysa Il-biyoodka Ceelka,waxaana sida ay i sheegeen dad hayey Taariikhda Biyo kulule, dhisay qiyaastii 1880 AUN Ugaas Xasan Maxamuud Samatar iyadoona sababah loo dhisayna ay ahayd kaneecada,bahlaha oo ku badan dhulka uuna ka doorbiday dhalada sarre ee buurta. Halkaan waa beer timireed muddana waxba kama aysan bixin,waxaana ay ku dhinac taalaa Ceelka Biyo kulule isna sida aan kasoo xigtay Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago wuxuu i sheegay in beertan uu sameeyey AUN Ugaas Xasan Maxamuud Samatar wakhtigaasna u ka bixi jiray Timirta si weyna looga faa’ideysan jiray balse maaha maanta mid Timirtii lagu yaqaanay ay ka baxdo. “”Kaleexo aan quusee”" ama “”Anigaa kaga fiican quusida biyaha” erayadan waxa ay kamid ahaayeen kuwa ay is dhaafsanayeen nin dhalinyaro ah iyo wiil aan ku qiyaasay 9-jir oo kuwada dabaalanay barkad biyo ka buuxeen kuna dhextaala bartamaha Ceelka Biyo Kulule. Wiilkaan yar ee aad u jeedaan magaciisa wuxuu igu sheegay Yusuf,waxaana RBC Radio uu u sheegay in uu ku faraxsanyahay imaatinka Biyo Kulule si fiicana uu u dabaashay sidoo kale imaan doono xiliyada uu fasaxa Iskuulka leeyahay. Halkaan waa mid kamid ah barkadaha ku dhexyaala Ceelka,waxaana kusoo dhaca biyo sidaas aan u kululeyn balse Caafimaad ahaan u fiican sida xajiinta,maqaarka jirka iyo qeybaha kale jirka,waxaana xusid mudan in dhakhaatiirtu ay daawo ahaan ugu soo qoraan dadka qaarkiis si ay ugu soo qubaystaan kuwaas inta Taariikhdu sheegto uu EEBE Caafimaad ka siiyey tusaale sida dadka gacanta ku hayaa i sheegaan waxaa jirtay qiso layaab lahayd ka gadaal markii gabar muddo kursiga curyaamada ku fadhiday laga soo dejiyey diyaarad dabadeedna 7-berri daawo ahaan u timid Ceelka markii danbe iyadoo soconaysa lugaheeda ku kortay diyaaradii keentay markii horre iyadoo aan socon kari. EEBE Qadartiisu weynaa!!!!!!. Halkaan waa berkada ay kusoo dhacaan biyaha ka yimaada Ilbiyoodka sarre ee Ceelka xiligaasina waxa ku dhex baashaalayey ragan aad u jeedaan oo sida ay i sheegeen dalxiis ahaan uga faa’ideysanayey kuna faraxsanaa Jawiga macaan ee ay ku jireen intooda badana isku weydaarsanayey Xaalada dalku uu marayo.. Kuwaani waan qaar kamid ah qosaska usoo dalxiis taga Biyo Kulule,waxaana inta badan ay yimaadaan xiliyada ay Carruurtoodu fasaxa waxbarasho leeyihiin iyadoona laga qaado khidmad yar oo lagu kaabo bilicda,waardiyaha iyo nadaafada Ceelka…farxad ayaa ka muuqata Wajiyadooda maasha allaah.
  21. Ok its official. Gaacur stop whining, your prayers has been answered Xiritaankii shirka wadatashiga ee Garoowe-2 [Codad+Sawiro] Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Magaala-madaxda Puntland ee Garoowe waxaa xalay lagu soo gaba gabeeyey wejiga 2-aad ee shirka wadatashiga arimaha Dastuurka ee Garoowe-2. Shirka oo qorshuhu ahaa in shalay gelinkii danbe lasoo afmeero wuxuu soo gaba gaboobey xalay saqdii dhexe kadib markii qaar kamid ah qodobada heshiiska la isku mari waayey. Waxaana heshiiska oo ay wada saxiixeen madaxda dhamaan dhinacyad shirkaas ka qayb gelaya kamid ahaa: Yaraynta tirada xildhibaanada Baarlamaanka oo la isku raacay in laga dhigo 250. Ansixinta Dastuurka oo laysla qaatay in ergooyin 1000 gaaraya oo bulshada qaybaheeda laga soo kala xulay ay u codeeyaan. Sameynta gole 54-xubnood ka kooban oo Baarlamaanka ka sareeya. Iyo nidaamka maamul ee dalka oo laysla gartay in laga dhigo Federal ku salaysan 18-kii gobol ee horay u jirey. Horseed Media waxay sidii ay horayba idiinku balan qaaday halkan idiinku soo gudbineysaa khudbadaha ay madaxdii shirkaasi jeediyeen iyo sawiro muujinaya muuqaalkii ay xafladaasi lahayd. Dhegeyso codka Madaxweyne Shiriif Dhegeyso codka Madaxweyne Faroole Dhegeyso codka wasiirka cadaaladda Jabuuti Dhegeyso codka wasiirka Dastuurka ee DKG http://horseedmedia.net/2012/02/18/xiritaankii-shirka-wadatashiga-ee-garoowe-2-codadsawiro/