Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Jaaliyada Puntland ee UK oo isu diyaarinaysa soo dhawaynta Waftiga Puntland ee shirka London Posted by Pi on February 20th, 2012 London(Pi) Jaaliyada ayaa wada abaabul wayn oo lagusoo dhawaynayo Wafuuda Soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirka London, PDF-UK ayaa ayaa qorshaynaya inay Garoonka diyaaradaha London ku soo dhaweeyaan Waftiga Puntland ee ka qayb galaya Shirka London, Jaaliyadu waxay kaloo qayb wayn ka qaadanaysaa soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha oo iyana kusoo food leh London. Waxay kaloo Jaaliyada Puntland ee Uk qorshaynayaan inay si gaara u la kulmaan Waftiga Puntland, waxay kalooo qayb ka qaadanayaan kulamo ay Jaaliyada Soomaaliyeed la yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha marka uu dhamaado shirka London. Kala soco Puntlandi.com imaatinka Wafuuda Soomaalida ee London
  2. Garoowe:”Reer Puntland Waxay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee Walaalntimo noo muujiyey, Waligayana ma ilaawi doono Taageeridii ay nasiiyeen markii aanu Dagaalka ku jirnay, Waxaana Waajib ah inaanu Abaalkaas gudno”Wasiir katirsan dawlada Jabuuti. 18. february 2012 GarooweAllpuntland)-Wasiirka Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyada Jabuuti Dr.Xaamud Cabdi Suldaan oo Maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa magaalada garoowe ee caasimada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay Xiriirka Qotoda dheer ee u dhexeeya shacabka reer Puntland iyo kan Jabuuti isagoona sheegey inuu Puntland u yimid arimo muhiim ah oo kasokow inuu u yimid inuu ka qaybgalo shirka wadatashiga qaranka Soomaaliya uu sidoo kalena u yimid inuu Reer Puntland soo gaarsiiyo fariin amaan ah iyo mahadcelin uu u waday shacabka reer Puntland uuna uga soo qaaday shacabka Jamhuuriyada Jabuuti. Isagoo xalay ka hadlay gabagabada shirka wadatashiga Tastuurka Jamhuuriyada Soomaaliya qaybtiisii Labaad ayaa uu Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti Ayaa Sheegey inuu ka mahadcelinayo Taageeradii ay reer Puntland dhowrsano ka hor siiyeen ciidamada difaaca ee Jabuuti markii ay dagaalka kula jireen dalka Eretria oo weerar ku qaaday dalka Jabuuti, Wuxuuna sheegey in reer Puntland ay ahayaeen dadkii ugu horeeyey ee taageera Jabuuti Waqtigaas taasoo uu sheegey in imika la gaaray Waqtigii ay Jabuuti ka abaal gudi lahayd Taageeradii loo galay. “Reer Puntland Waxay weligood caan ku ahaayeen inay hormuudyihiin… Waxaan xasuustaa markii ay nagu soo gardarootay dawlada aanu deriska nahay (Eretria) in Dawlada Puntland iyo Shacabkooduba ay nasoo gaarsiiyeen taageeradii ugu horaysay Taasoo ahayd inay Xoolo nool gaarsiiyeen ciidamada difaaca kujira… Bal adiguba qiyaas inta uu farxi karo Askariga dagaalka kujira ee la siiyey Hilib uu cuno, Qiyaas farxada ay waridkiis iyo shacabka uu difaaca ugu jirana farxi karaan!, Oday hadii uu safar dheer galo oo uu reerkiisa kusoo laabto Labada wiil ee uu dhalay Haduu midna u bireeyo Ri’ dhaylo ah oo uu cano Midna uu degdeg ugu keeno Ciir uu Dhamo (Cabo) marka uu Ciirtaas cabana uu seexdo wuxuu yiraahdaa DUCADII CIIRLAA QAATAY, Hada reer Puntland ayaa qaatay Ducadayadii Waqtigaas mana ilaawi doono… Sidaas darteed halkaan (Puntland) Waxyaabaha aan ugu imid marka lagu daro Dadaalada dheeriga ah Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shacabka reer Puntland oo aan ogahay inay yihiin Kuwo caan ku ah inay tashtaan sidii horay uga dhacday Mararkii la’isku khilaafay madaxtinimada Puntland oo Aabayaasha reer Puntland ay go’aamo gaareen si fududna loo fuliyey, Waxaan amaanayaa waxyaabaha laga qiroon karo oo Puntland ka socda, Waxaan cadaynayaa in Jabuuti ay ku waajibtay inay ka abaalgudo taageeradii reer Puntland ay siiyeen hadana diyaar baanu u nahay”Ayuu yiri Wasiirka Arimaha diinta ee Jabuuti oo markii uu hadlayey Boqolaal ruux oo shirka joogay Ay u sacabo tumayeen isagoona ku celceliyey inay ku faraxsanyiyiin Dadaalka ay reer Puntland ugu jiraan Hormarkooda iyo inay Soomaali isku keenaan taasoo uu ku tilmaamay mid aysan jirin cid lamid ah oo geeska Afrika Joogta. Cabdiqani Xayir Cqxayir@hotmail.com Allpuntland Team
  3. Rudy, politically speaking somaliland was on life support for 20 years and now its dead and buried in the coffin. So stop your protesting like faysal ali waraabe who is a politically failed misfit
  4. Boys, Puntland High school Curriculums have been harmonized into one quality education. What solidifies it even more is the fact that our high school certificates is recognised by sudan, ethiopia, and kenya and students who graduate with Puntland high school certificates can use those as automatic entry into sudani, ethiopian and kenyan universities. That proves to you that its quality education. What's even more great is the education reform for primary schools will now kick-start june 2012 to have 1 harmonized education curriculum for all primary school students that is quality based and relevant to our local needs and will produce people who can help build the state and move it forward!!! I cant believe somalis havent done a ku dayo on this
  5. BOOSAASO: Madaxa Ururka haweenka Gobolka Bari oo soo dhoweeysay Shirkii Garoowe2 February 19, 2012 1:19 pm GMT - Written by PP - Edited by PP Boosaaso: (pp)- Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan (Guduudo) oo ka hadashay shirkii lagu soo gunaanaaday Caasimada Puntland ee Garoowe ayaa sheegtay inay si ballaaran ay u soo dhoweynayaan g’aanadii ka soo baxay Shirkii Garoowe2, waxayna dhanka kale xustay in dumarka soomaaliyeed uu shirkaasi u ahaa guul aad u weyn. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan (Guduudo) Guddoomiyaha ayaa intaas ku dartay in shirkii ku soo idlaaday Garoowe in go’aanadii ka soo baxay ay ku jirtay in 30% xubnaha baarlamaanka soomaaliya ay ku yeeshaan Dumarku, arrinkaas oo ay ku sheegtay guul ah u soo hoyatay dumarka soomaaliyeed. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari Maryan Maxamed Xasan (Guduudo) ayaa waxay kale oo dhaliishay Wasaarada Haweenka iyo Qoyska oo ay sheegtay beryihii u danbeeyey inuu ku dhex jiray khilaaf , khilaafkaas oo ay ku sheegtay mid aan weynayn , iyadoo ku dhaliishay Wasaarada haweenka habacsanaan iyo waxqabasho la’aan. Marwo Caasho Geelle oo Wasaaradaas maamusha ayey ku sheegtay Qof aad u wanaagsan oo howl kar ah , wax Ceeb ah-na lahayn , laakiin ay jirto Cabasho ah ku aadan wax qabasho la’aan ka jirta Arrimaha ku aadan Dumarka gobolka Bari. ” Waxaan Cabasho uu ku aadan waxqabad la’aanta gobolka u gudbinay Wasaarada Haweenka , welina kama aanu helin wax Jawaab ah” ayey tiri Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Bari. Maryan ayaa hadalkeeda ku gunaanuday, haddii ay howl ay timaado waa la is dhaliilayaa , cabashadooduna ay la xiriirto oo kaliya shaqooyinka laga qabanyo gobolka bari iyo siddii loo hormarin lahaa. Daabacadda: Puntlandpost.com
  6. GAROOWE : Agaasimaha Guud ee W. Waxbarashada PL “9 Manhaj ayaa loo sameeyay waxbarashada dadban (Non Formal Education) waxaan u samaynaynaa hal Manhaj” February 19, 2012 7:33 pm GMT - Written by Editor - Edited by Editor Garoowe:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Mudane, Maxamed Cabdiwahaab Axmed ayaa Puntlandpost uga warbixiyay Manhaj ay u samaynayaan Waxbarashada dadban ee Puntland (Non Formal Education), isaga oo sheegay in ay leedahay ahmiyad gaar ah oo ay dad badan oo reer Puntland ah ka faa’iidayn karaan haddii loo sameeyo Manhaj midaysan. “9 Manhaj ayaa loo sameeyay Waxbarashada dad badan, hay’ad kastaaba Manhaj u gaar ah ayay samaysay, taasna waxay keentay in ay meesha ka maqnaanto lahaanshihii (ownership)”. 01-02-12, waxaan halkan (Xarunta Wasaaradda) kullan ballaaran ugu qabanay dhammaan hay’adaha Waxbarashada naga kaalmeeya waxaan u sheegnay in aan doonayno in aan hal Manhaj oo midaysan u samayno Waxbarashada dadban ee Puntland (Non Formal Education), waxaan dhawaan shaqaalaysiinaynaa Guddi Khubaro ah oo soo diyaarsha Manhajka, kuwaaso oo dhinacyo badan ka eega oo soo diyaarsha (Frame Work) ayuu yiri. Faa’iido-xumida Manaajijta badan ee la sameeyay. Manaahijta badan ee loo sameeyay Waxbarashada dadban ayuu sheegay in ay yihiin kuwo aan faai’iido lahayn, maadaama ay hay’ado ajnabi ah sameeyeen dhaqaale badana lagu baxshay, waxa uu sheegay in ay yihiin kuwo tayadoodu hoosayso, islamarkaasna aysan ahayn kuwo buslhada baahidooda iyo hormarkooda Waxbarasho looga baaraan dagin. Faa’iidada hal Manhaj. Maxamed Cabdiwahaab, waxa uu sheegay Manhajka ay doonayaan in ay sameeyaan uu nqoon doono mid tayo leh, La kantaroolayo, dadkuna ay u arkayaan Manhaj ay leeyihiin (ownership). Dadka faa’iidaysanaya Waxbarasahda dadban. Sida uu sheegay ayaa Agaasimuhu, waxaa ka faa’iidaysan doona Manhajkan, dadka gaboobay, dadka dhexda kaga jiray Waxbarashada markii ay burburtay Dawladii dhexe ee dalka ee aan fursad kale helin, dadka reer guuraaga ah iyo kuwa tuulooyinka ku nool, dhamaan dadkana waxaa lagu qiyaasaa 60% in ay ka yihiin dadka reer Puntland. Mr. Maxamed Cabdiwahaab, waxa uu sheegay in Puntland ay ka diiwayn gashan yihiin 251 Iskuul oo ah kuwa Waxbarashada dadban, kuwaas oo haddii loo sameeyo hal Manhaj wax ka badali kara heerka Waxbarasho ee Puntland. Kadib Waxbarashada dadban Ardayda xagee ku biirayaan. Sida uu sheegay Agaasimahu, dadka ka faa’iidaysan doona Manhajkan cusub waxaa u furan sadex arimood oo kala ah in ay ku biiraan Dugsiga sare, in ay ganacsi bilaabaan iyo in ay farsamada bartaan. Sikastaba, sida ay qorshaysatay Wasaaradda Waxbarashada Manhajkan waxaa la hirgalin doonaan baramaha sanadkan 2012, si uu sanad-dugsiyeedka cusub uu ula jaanqaado. Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa horay u midaysay Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland, waxaana iminka la qaada Imtixaan midaysan, waxaana la baxshaa hal Shahado oo isku mid ah. Puntlandpost.com
  7. Boosaaso: Xagee marayaan dadaaladii dhaqaalaha loogu uruurinayey dadkii dabku cayreeyey? Updated:- 14 hours ago| 0 Commnets Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa bilihii u danbeeyey ka socdey dadaalo ay waxgaradka bulshadu ku doonayaan in dhaqaale loogu uruuriyo dadkii ku hanti beelay dabkii bishii 12-aad ee sanadkii tegey Suuqii magaalada Boosaaso gubey. Howsha dhaqaale uruurinta oo ay iska kaashanayaan waxgaradka, culimaa’uddiinka, iyo maamulka rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ayaa u muuqata mid aan gaarsiisneyn heerkii loogu tala galay kadib markii uu dib u dhac xoogani ku yimid. Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga iyo wershedaha ee puntland Maxamed Caydiid Jaamac islamarkaana qayb ka ah guddi gaar ah oo loo saaray uruurinta dhaqaalahaas ayaa ka warbixiyey waxa u qabsoomay iyo meesha ay wax u marayaan. Wuxuuna sheegay in dhaqaalaha ilaa iyo hadda soo ururay uu yahay mid kooban oo aan ku fileyn in la gaarsiiyo dadkii loogu tala galay, isagoo intaas raaciyey inay jiraan dhibaatooyin nololeed oo haysta dadka la rabo in gargaarka loo fidiyo kuwaasoo u badan haween caruur agoomo ah iyo kuwo lagu furay ka biili suuqa ka biili jirey. Gudoomiye ku-xigeenka rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland waxa kale oo uu sheegay in shirkadaha ganacsiga intooda badani aysan kasoo jawaabin qaylo dhaan arintaas ku aadan oo horay loogu jeediyey marka laga reebo sadexda shirkadood ee Horseed, Golis, iyo Al-bixaar. Caydiid ayaa dhinaca kale tilmaamay in dadkii howshan loo xilsaaray intooda badani ay ka mashquuleen taasina ay keentay in yahoobaha oo markii hore xowli ku socdey oo gaabis noqo balse dhowaan la qorsheynayo in guddi hor leh loo saaro si mar kale dib loogu dhaqaajiyo. Ganacsato lagu qiyaasay 2,000 oo qof ayaa ku hanti beelay dabkii suuqa Boosaaso baabi’iyey horaantii bishii Dec ee sanadkii tegey ee 2011, waxaana jira dhibaatooyin dhanka nolosha kasoo foodsaadaray qoysas badan oo laga biili jirey badeecadihii gubtey. Horseed Media
  8. Xarunta Suweys Clinic oo adeegyo caafimaad oo casri ah Qardho ka bilowday [sawiro] Updated:- 20 hours ago| 3 Commnets Xarunta caadimaadka Suweyn Clinic Center ayaa maanta soo bandhigtay adeegyo caafimaad oo ay ku soo kordhiyeen adeegyada caafimaadka ay u qabtaan bulshada ku nool magalada qardho ee xarunta gobolka Karkaar. Maamulka guud ee Suweys Clinic and Pharmacy ayaa waxa ay shegeeen in ay soo kordhiyeen adeegyo kala duwan oo dhanka caafimaadka sida cumputerka lagu eego uurkujirta, sheybaar casri ah oo lagu baaro cuduro kala duwan, maamulka ayaa sheegay in ay keeneen daawoyin casri iyo xarun loogu talagalay in la jiifiyo dadka bukaanka ah ee la keeno xarunta iyadoo jiifka maamulka ay ku sheegeen in uu yahay lacah la’aan taas oo loogu daneenayo dadka ku nool magalada. Dr. Ibraahim Golicha Ali oo ka howlgala xarunta caafimaadka Suweys Clininc Center oo wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in uu qabto qaliimada kala duwan kuwaas oo dadka u baahinyihiin, Qaliimada oo sameyo Dhaqtarkaan ayaa waxa uu adeegsadaa qalab casri ah oo lagu soo kordhiyey xaruntaan. Maaulaha Xarunta Suweys Clinic Cismaan C/dalla Maxamuud ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin qancinta macaamiisha ku xiran xaruntaan Caafimaadka Suweys, waxa oo tilmaamay in magalaada qardho ay kaj irto baahiyo weyn loo qabo dhanka adeega caafimaadka inkastoo xaruntaan keentay adeegyo kala duwan oo caafimaadka ah wali waxaa magalada ka jira baahiyo caafimaad oo aad u badan. Cabdiraxmaan Maxamed Cali [black] Horseed Media Qardho
  9. Ban Ki Moon oo soo dhaweeyey shirkii Garowe 20 Feb 20, 2012 - 12:35:22 AM Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa madaxda Somalida ugu baaqey in si dhakhso ah u guda galaan gudlinta qodobadii lagu heshiiyey shirkii dastuurka Somalia. Madaxweynaha DKM Somalia ,raysal wasaaraha ,gudoomiyaha barlamanka ,madaxweynaha Puntland ,kan Galmudug , hogaamiyaha Ahlu Sunna ayaa sabtidii ay nu soo dhafney magaalada Garowe ku saxiixey heshiiska Garowe2 oo ay qaban qaabisey Qaramada Midoobey. ‘’Xogahayaha guud waxa uu amaan iyo bogaadin u dirayaa dhamaan dhinacyadii saxiixey Qorshe Hawleedka (Road Map) oo muujiyey midowg iyo balanqaad’’ ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Qaramada Midoobey. Waxa sii gaar ah u soo dhaweeyey xoghayaha guud tirada haweenka laga siiyey kuraasta barlamanka lasoo dhisayo oo ah 30% sida lagu sheegay bayaanka. ‘’Xogahayaha guud waxa uu filayaa in sida ugu dhakhso badan loo fuliyo balanqaadyadii la galay ,Qaramada Midoobeyna waxay diyaar u tahay inay taageerto oo bixiso dhaqaalihii lagu fulin lahaa’’ ayaa la raaciyey. Beesha caalamka ayaa la sheegay inay haatan dhawreyso sidii loo fulin lahaa heshiisyadan islamarkaasina ay taageereyso ,waxana sidoo kale ka mid ah midka ka dhacaya London maalinka Khamiista soo socota. GAROWE ONLINE
  10. Oh go away dayniile boy your not even in the equation, you will be confronted and expelled from the nation. Why are the haters showing their ugly faces nowadays
  11. Al-Shabaab : Shacabka Puntland Waa In Aadan Ogolaan Shirarka Lagu Qabanaayo Garoowe Comments (0) | Write Comment Muqdisho (RBC) Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo saxaafada kula hadlay deeganka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa ku tilmaamay shirkii ka dhacay Garoowe mid lagu baadiyeynaayo umada Soomaalida. Mar uu ka hadlaayay qodob ka mid ah shirka wuxuu yiri “Shirka waa la yiri dastuurka cusub 30% waxa ka yeelan doona haweenka, waa baadil lagu rabo in lagu maran habaabiyo dhaqanka iyo diinta ay lee dahay Soomaalida” Wuxuu digniin u jeediyay shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe. ” Waxa aan ugu digeynaa shacabka reer Garoowe in aysan marti galinin shirka cadowga ay kala soo cararayn muqdisho in markasta lagu martigaliyo guryihiina ma ahan marwalbo kitaabaka qur’aanka ka soo horjeeda lagu martigaliyo guryihiin Shabaka Reer Puntland waa idiin doqonimo” ayuu yiri Cali Dheere. “Waa in aad noqotaan kuwa u hiiliya kitaabka Alle, wax garadka iyo dadka kale ee wax garadka reer Puntland ka damqanaya sharafta iyo dadnimada waa in aysan waxaas oo kale yeelin” ayuu yiri Cali Dheere. Sidoo kale waxa uu Cali dheere ka hadlay shirka lagu dabayaaqada bishan ka dhacaya magaalada Londan oo ku tilmaamay mid lagu curyaaminaayo umada soomaaliyeed. Al-Shabaab oo dhawaan ku biirtay Al-Qaacida ayaa inta badan ka soo horjeesta shirarka Soomaalida loo qabto ee ka dhaca gudaha dalka iyo dibadiisa, tii oo ay ijirto iyadoo aan ka qeybgalin. RBC Radio ———————— Xafiika Wararka Muqdisho
  12. This is a pathetic attempt to do a character assination on puntland citizen fuad shangole and it didnt work, so try again with you baseless propaganda
  13. Boys ignoring this wont help, its a reality in the making, it requires a serious discussion on what this can mean to somalia if this stadium completed. I fully understand that every region in somalia plays in a dustbowl ground but puntland is stepping out and I know you all feel very upset that is going to happen because you can imagine the faan factor that will happen in the future. So you can ignore it now or face the music Boys. The stadium is going to have huge impact on somalia. I cant wait to see the look on somali faces when the stadium is completed cause our kids in puntland training for the football tournament on proper stadium and other football teams will play in dusty grounds
  14. Xildhibaan Salaad Cali Jeelle: Heshiiska Garowe Wuxuu Horseedayaa Dagaal Sokeeye oo Hor Leh (SAWIRO) Comments (0) | Write Comment Muqdisho (RBC) Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay in heshiiska Garowe uu ka yimid shir “xaaraan ah” sida uu yiri uuna horseedayo dagaal sokeeye oo markale Soomaaliya ka dhaca. Xildhibaan Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in dadkii ku shiray magaalada Garowe aysan keligood go’aan ka gaari karin talada dalka Soomaaliya iyo dastuur u sameynta, isagoo sheegay in haddii sidaasi lagu sii socdo ay sababi karto dhibaato hor leh. “Dadka ku shiray Garowe, ma waxay ahaayeen wakiilo Soomaalidoo dhan metela, waayo Soomaali ama waa gobolo ama waa qqabiilo marka yay ahaayeen dadka Garowe ku shiray” ayuu isweydiiyey Salaad. Wuxuu sheegay in lixda saxiixayaasha heshiiska Garowe ay marooqsadeen talo ka dhexeysa in ka badan 10 milyan oo Soomaali ah. “Haddii waxa ka soo baxay Garowe la isku dayo in la meelmariyo waxay horseedi doontaa dagaal sokeeye oo markale Soomaaliya ka dhaca, taasna waan ka digeynaa” ayuu yiri xildhibaanka. Xildhibaan Salaad Cali Jeelle Dhanka kale, wuxuu xildhibaan Salaad Cali Jeelle sheegay in dalku uu leeyahay baarlamaan KMG ah, haddii la sameynayo dastuurna ay tahay in baarlamaanku ansixiyo kalsoonina la weydiisto shacabka Soomaaliyeed. Xildhibaan Salaad Cali Jeelle “Dastuur waxaa loo sameynayaa waa Soomaali oo dhan, marka haddii dastuur federaal ah la yeelanayo waa in Axdiga hadda jira saldhig u noqdaa, waana in shacabka Soomaaliyeed la weydiistaa kalsoonida” ayuu sii raaciyey xildhibaanka oo aad u dhaliilay golaha loogu magac daray “Golaha Daastuuriga” ee lagu go’aamiyey shirka Garowe. War saxaafadeed uu shalay soo saaray Madoobe Nuunow Maxamed oo mudanayaasha baarlamaanka u doorteen afhayeenka cusub ee baarlamaanka, wuxuu sharci daro ku tilmaamay qodobada heshiiska Garowe iyo shirarkii ka horeeyey. Mudanayaasha baarlamaanka ee raacsan Madoobe Nuunow ayaa diidan heshiiska Garowe, halka garabka taageersan Shariif Xasan ay qeyb ka yihiin heshiiska. Xildhibaan Salaad Cali Jeelle This is the same guy who was haing fist fight in parliament just in december last year You and Rudy we wont be listening to a BAR OF YOUR HATRED
  15. Yeah nasir theres heaps to do in Puntland for fun 1. Horse Ridding on some of the best plains in Somalia 2. Camel Ridding 3. Mountain Hiking 4. Forest Treks. One Through Calmadow and the other through Hafun The other Forest treck through hafun 5. Swamp cruises in Hafun Cave exploring Picnic at the Lakes Beaches
  16. Below is the In-depth Garowe Communique signed by the stakeholders for the somali nation http://www.raxanreeb.com/2012/02/somalia-communique-from-garowe-second-somali-national-consultative-constitutional-conference/
  17. The Galmuruq Strut in Garowe Madaxweyne Caalin oo Furka ku Tuuray “Shirkii Garowe 2″ Iyo Hadalo Kulul oo Qaarkood Sir ahaa oo uu Ka Sharqamiyey (Dhageyso) Comments (21) | Write Comment Garowe (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin oo furitaankii shirka “Garowe 2″ galabta khudbad ka jeediyey ayaa ka dhawaajiyey in go’aanadii wareegii hore ee shirka Garowe ka soo baxay lagu xadgudbay ka dib markii sida uu sheegay la sameeyey guddiyo uusan maamulkiisa wax war ah ka geyn. Caalin wuxuu sheegay in DFKMG ah ay sameysatay guddiga khubarada ee dastuurka iyadoo taasi oo kaliya aysan ahayn waxyaabaha muujinaya sida loogu xadgudbay heshiiskii Garowe, isagoo sheegay in had iyo jeer madaxda Soomaalida aysan ka dhabeyn waxa ay saxiixaan. “Sidii wax loogu heshiiyey uma socdaan taasna waxaa u daliil ah sameynta guddiyo aan wax wadatashi ah laga sameyn, taas kaliya amaahee arimo kalana waa jiraan” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug. “Markii shirkii ugu horeeyey Xamar lagu qabtay waxaan lahaa waxa aad sheegeysaan iyo waxa uurka ku jira ha is waafaqeen, waa markaan lahaa ALLOW YAA UURKA JEEXA !!!” ayuu sii raaciyey Caalin oo si weyn u xanaaqsanaa. LABADA SHARIIF MID HALA TUURO Madaxweyne Caalin ayaa markii uu khudbadiisa bilaabay isku khalday magaca SHARIIF XASAN oo madasha fadhiyey iyo madaxweyne Shariif, markii ay dadkii kale damceen inay saxaana wuxuu si bareer ah u yiri “Anigu mar horaan sheegay labada Shariif hadaan midkood la tuurin magacyadoodaa la isku khaldayaa”. Isla bilawgii hadalkiisa wuxuu Caalin u mahadceliyey marti sharafta iyo ka qeybgalayaasha shirka Garowe 2, wuxuuna ka dib sheegay inuu u mahadcelinayo HAWEENKA GAROWE maadaama iyaga kaliya ay soo dhoweeyeen, siduu sheegay. YAXAASKII DADKA LAQAY! Madaxweyne Caalin wuxuu markale ku laba kacleeyey ergada shirka oo uu sheegay inaysanmeteli karin Soomaali oo dhan balse ay jiraan dad kale oo meesha ka maqan loona baahan yahay in la keeno, haddii daacad laga yahay raadinta xalka ummada Soomaaliyeed. “Hadda tusaale ahaan marka aansoo qaato, halkan yaa BUUXA. [waa] DKMG ah ama baarlamaan ha noqoto ama maamul ha noqoto, marka yaxaaskii dadka laqay miyaad noqoneysaan, AAWAY dadkii kale? maamuladii kale aaway”ayuu ergadii shirka weydiiyey madaxweyne Caalin. XUKUN DAAKHILIGA SOOMAALIYA Madaxweyne Caalin wuxuu markale shaaca ka qaaday arin sir ahayd ka dib markii uu ka digay in Soomaaliya tobanka sano ee soo socota ay geli doonto XUKUN DAAKHILI ah maadaamaay iyadu isku sameysay caddaalad daro. “Haddaan laga digtoonaan caddaalad darada iyo ururada la dhisayo tobanka sano ee soo socota Soomaaliya waxay geli doontaa xukun daakhili ah. Waan ku qasbanaan doonaa ogaada!” ayuu yiri madaxweyne Caalin. Madaxweynaha Galmudug wuxuu eedeyn kala dul dhacay DKMG ah oo uu sheegay inay keligeed qaadato deeqaha uga yimaada beesha caalamka ee ay ku hesho magaca Soomaaliya, isagoo xusay in caalamka uu dhaqaale badan ku bixiyo amaanka, Galmudugna dhowaan uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah. Shirkado ajnabi ah oo hub soo geliya dalka Maxamed Axmed Caalin, isagoo weli hadalkiisa kululaa ee xanaaqa ahaa sii wata ayaa carabka ku adkeeyey inay jiraan shirkado ajnabi ah oo hubka keena Soomaaliya kuwaasoo qabiilada qaarkood siiya halka qaar ka mid ah hubkaasina uu ka shakisan yahay in loo gudbiyo kooxo “argagixiso ah”. FEDERAALKA Caalin wuu sii waday oo wuxuu markan weerar afka ah ku qaaday NIDAAMKA FEDERAALKA isagoo yiri “Federaal ma ahan wax Soomaali taqaano, waxaana loo baahan yahay in laga fiirsado talaabooyinka aan qaadeyno iyo cawaaqibka ka dhalan kara”. Wuxuu ka digay in dhibaato horleh la abuuri doono iyadoo la raadinayo in wax la xaliyo taasina ay noqon doonto nasiib daro weyn oo ummada ku dhacda. Wuxuu intaa sii raaciyey in markii dadka qaar maqleen in Soomaaliya ay qaadaneyso nidaamka federaalka ay bilaabeen sameynta maamulo cusub taasoo dhalisay in hal magaalo saddex maamul yeesho, siduu yiri Caalin. FIKRADO GAAR AH OO LA ISKU QASBAYO Caalin wuxuu sheegay in shirka Garowe uu xambaarsan yahay “fikrado dad gaar ah aaminsan yihiin la doonayo in si jujuub ah la isugu shubo” siduu yiri. Wuxuu intaa sii raaciyey in dalka badankiis uu gacanta ugu jiro Al-Shabaab oo wax soo haray ay yihiin wax yar isla markaana siyaasiyiin ujeedo badan ahi isku heystaan Rbc Radio Audio http://www.raxanreeb.com/2012/02/madaxweyne-caalin-oo-furka-ku-tuuray-shirkii-garowe-2-iyo-hadalo-kulul-oo-qaarkood-sir-ahaa-oo-uu-ka-sharqamiyey/
  18. The only way forward is through the garowe principles
  19. Everyone is looking forward to hearing puntland president also know in some political circles as afku dhiigle
  20. im still in awe of the grass stadium, i am wondering how big the stand will be also, cause this could end up being like this it looks by how they put the billboards around and the stand, it could turn out to be like this. But im not sure about how big the stand will be but I am certain it will bigger the mire aware at garowe
  21. I can't wait to hear our president farole give one of those bone shattering speeches, alot of people will be crying and we all know the somalis all look forward to hearing faroole
  22. I think it is well over-due that I congratulate this state on the amazing progress it has made on the political front. It wasn't to long ago when the state wasn't even in the picture in-particularly the sal-balaraar era or better known as the aideed age. It was also in political isolation during the Abdiqasim Hassan Salat tenure and the state wasn't even recognised by the then incumbent TNG. I think everyone who follows Somalia politics knew very clearly Abdiqasim Salad stance on our state and he said its non-existant and referred to it as "balaayo-land". On The Federal Front Its been a tough road, a tough journey, with tears, blood, and struggle for Puntland to rise out of obscurity(1991-2004) to dominating Somalia since 2004 and Beyond. We have not only set up the TFG system in 2004, we are the first ones to dismantle it and replace it with an official Somalia Federal Government. What does this mean to other somalis? this means that this is no longer a transitional government that can be changed at tandem the test and try era has come to a final close. Beyond august 2012 this will be the official somalia government. The official government to be born in mogadishu august 2012 will be better known to somalis and the greater international community as the third republic, the government will be built in spirit of the garowe principle. We have decided on what sort of government we would like to see for Somalia and it will be a Parliamentary democracy, and the power of the state will be given to the prime minister who will have executive power, while the president will be head of state for ceremonial purposes. Similiar to the Ethiopia system with a strong p.m and a weak president. We have decided how the parliament will look like and it will consist of two assemblies. A upper house for the regional governments and lower house for the constituency. This sort of system will provide a check and balance for the future Somali government so there isn't a misunderstanding between regional entities and the federal government. The big question on everyone lips is who will be more powerful the regional governments or the federal government. This has been answered and power will be vested into the regional governments. So its been good start to the year 2012 for Puntland. We have just inked one of the greatest agreements in Somali history and finally broght an end to the political battles between somali clan families. We will all walk together hand in hand as brothers in the spirit of the garowe principles. History will remember as the clan that was a peacemaker in Somalia similar to how history remembers Yasin Osman Keenadid as the father and creator of SYL who brought somalis together. On the regional front Puntland is doing steadily and progressing on it's own regional government. We are well under-way for setting up the state's first multi-party parliamentary democracy. The state has moved rapidly on the local governance front in setting up functional local councils in remote towns. Today Puntland has 15 functioning local councils which are Bosaso, Garowe, Galkayo, Qardho, Badhan, Eyl, Burtinle, Buhodle, Qandala, Bargaal, Bandar Bayla, Jariban, Waciye, Isku-shuban, Ufayn. Puntland is heading towards good governance practises and there is more training sessions and meetings occuring to enhance stronger institutions in the state especially at the local and also at the regional level. Puntland is attending conferences worldwide such as kenya meeting for somalia health sector building and also the London Conference. It is currently on a diplomatic visit to Djibouti to streghten bilateral ties between the two states, Puntland is strongly shifting its focus away from the corridor of power(Galkayo-Garowe-Bosaso stretch) and is getting involved on the off-the-road project. This is major regional shift of policies and It's about time. On the other areas of Puntland and in-particularly ssc regions the state has failed miserably and needs to begin an outreach campaign to bring back the locals in those areas. The sanaag issue and its wadaad politics is out of control and nearly spilling over to the commercial capital Bosasso. I think oil and mineral exploration in those areas with the support of their elders will bring them back into the fold of Puntland and guarantee peace for the region in the longer term and we should shift our policies to be a resource based one to entice the locals back. As for neighbouring regions and in particular galmudug who is threatening the most military strategic city in Puntland Galkayo, there needs to be a god damn resolution agreement and not a ceasefire agreement as has been for the past 20 years. As for Somaliland politically it has collapsed and has re-joined Somalia however its militias are on the offensive and Puntland needs to respond in the same manner,