Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Xaji ninka ugu weyn oo ku taagero wa u.k haday sidan kula dhaqmeen maxad aduunka kale ka sugaysa? your crazy dude
  2. If this is true, its excellent news. Progress on-land with the garowe principles
  3. Please note this road paving is a community initiative, this has nothing to do with the local government. They only did the gravel part under the JPLG program, the paving is strictly a community and business driven initiative. Its quite sad when the community can deliver more services to itself then the alleged administration!!!
  4. Xaaji Xunjuf;792514 wrote: That actually looks good very nice work dawlada hoose eeh boosaaso 1 road will not change Bosaso, there needs to be at least 10 roads that are paved before it is semi decent. If they can finish the 4 road paving in the city i'll be satisfied because the city struggles badly in the road sector. After that the Road Committee needs to get together and plan 2 road pavings annually for the city. With that sort of vision and correct management Bosaso will be paved within a decade. Its just poor planning on corrupt officials at the local level who are only how to manage their back pockets.
  5. Theres a long way to go for Bosaso. This is not enough to bring the city to have respectable roads. There needs to be about 10 road pavings before it is even semi decent. However I commend the bosaso community on getting this started it is well over-due
  6. Congratulations to Puntland from U.K, FRANCE, JABUTI, MOGADISHU WOMEN SOCIETY, BARI WOMEN SOCIETY, U.N, Somali Intellectuals. Does it get any better
  7. I am losing respect for raxanreeb, before I used to always believe anything they report because they are respected media that produces quality journalism based on facts. But as of late they have been hitting off the mark alot, for example the airport at galkayo being attacked has been denied by officials at the ground level. They also been reporting about poison activities taking place in Puntland, they first pinned the blame on the oil companies and now since that has been clearly disproven their pinning it on Saracen. I don't know but raxanreeb dadku way is-dagaalan waana laga gudba, what the hell is wrong with them!!!
  8. Tadamun definitely 1 of the top performing development organisations in the State. Thinking about that, what we should do in Puntland is hold an annual development organisation awards and award the best working development organisations and recognise them for their efforts!!! Just a Idea
  9. Boosaaso: Shirkii Sanadlaha ahaa ee hay’adda TADAMUN oo soo gaba gaboobey [sawiro] Updated:- 2 hours ago| 0 Commnets Hay’adda Wadaniga ah ee Tadmun Social Society (TASS), ayaa maantakusoo Gabagabeeysay xafiiskeeda guud ee Boosaaso shirka Sanadlaha ah ee aykusoo bandhigto waxqabadka Sanadwalba ay u qabato Bulshada Soomaaliyeed,waxaana sanadkan ay soo bandhigtay waxqabadkii 2011. Waxaana kasoo qaybgalayxubnaha jimciyada iyo marti kale. Hay’adda ayaa ku tilmaamtay sanadkii 2011 inuu ahaa sanadkiiugu shaqada badanaa, marka la eego baahida bulshada iyo dhibaatooyinkii ummadasoomaaliyeed sanadkaas qabsaday, waxayna si xoog leh ugu gurmatay dadkii ku dhibaatoobayabaarihii iyo Macaluushii ka dilaacday soomaaliya gaar ahaan Gobolladakoonfureed, iyado oo qaylo dhaan aduunka oo dhan u dirtay ayna Hay’adahaCaalamiga ah iyo Kuwa islaamiga ahba deeqo badan ka heshay gaarsiisayna ummadasoomaaliyeed. Hay’adda ayaa sidoo kale dardargelisay Waxbarashada iyado oomaamusha 22 school oo isugu jira Dugsi hoose, dhexe iyo Sareba, waxaynakordhisay Tirada ardayda dhigata iskuuladeeda, waxayna ku dartay dhisamayaaliyo agab waxbarasho. Sidoo kale deeqo waxbarasho oo heer jaamacadeed ah ayaysiisay arday gaaraysa 170 Arday, kuwaas oo in kamid ah ay u dirtay jaamacadesare oo dibadda ku yaala. Hay’adda ayaa sanadkaas dhismayaal iyo mashaariic waaweyn kaherglisay Gobollada Puntlanad, waxayna Garowe ka dhistay Gaaroon Cusub ooloogutala galay Ciyaaraha Olympicada, Macad loogutalagay Beeraha iyo XanaanadaXoolaha (Agro-veterinary) ayay ka dhistay Magaalada Galkacyo, sidoo kalemaashaariic dhismayaal badan ka kooban ayay ka hergelisay gobollada Puntland ooisugu jira Iskuulo, Masaajid, Qodis ceelal iyo Dayac tir kuwa kale. Sidoo kale Hay’adda iyaa Safaro badan ku baxday aduunka ookusoo xoojisay Xiriirka ay laleedahay Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Hay’addahadaneeya Arimaha Soomaaliya. Hay’adda ayaa sidoo kale ka qaybgashay Shirar iyo TababaroCaalami ah, waxaana la’aasaasay Sanadii 1992dii, dhowaan waxay u dabaal degeysaa sanadguuradii 20aad ee kasoo wareegtay Asaaskeedii. Booqo Websiteka Hay’adda Tadamun: www.tadamun.rog
  10. Gaalkacyo:Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Mudug oo ka hadlay Qorshe lagu xaqiijinayo Amaanka Garoonka Gaalkacyo beeniyeyna in si awood kujirto gaari loogala baxay Saldhiga dhexe ee Gaalkacyo. 21. february 2012 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Mudug G/lle.sare Jaamac Axmed Maxamed (Jaamac Sandqaday) ayaa ka hadlay Xaalada amaanka ee gobolka Mudug oo uu sheegey inay imika meel wanaagsan marayso islamarkaasna ciidamada Amaanku ay gacan bira ah ku qabteen amaanka guud ee magaalada Gaalkacyo, Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Mudug wuxuu sheegey in ciidamada amaanku ay wadaan howlgalo culus oo ay amaanka iyo xasiloonida gobolka ku xaqiijinayaan wuxuuna sheegey in ay waxbadani ka hagaageen Amaanka gobolka Mudug isagoona sheegey in taas ay keentay wadashaqaynta ay bulshada la leeyihiin. Jaamac Sandaqad ayaa sheegey in ay Ciidamadu weli howlgalada Amaanka wadaan dad badana ay gacanta ku hayaan, Dhanka kalena wuxuu ka hadlay Weerarada mararka qaarkood lagu qaado Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo Isagoona sheegey in weeraradaas la xakamayn doono Isagoona sheegey inuu socdo qorshe culus oo ilaa dawlada dhexe ilaa maamulka gobolka Mudug ay wadaan kaasoo lagu xaqiijin ayo amaanka garoonka Gaalkacyo loogana hortagayo weerarada joogtada ah ee lagu qaado garoonka, Wuxuuna canbaareeyey Malayshiyaad kasoo jeeda Galmudug oo caadaystay inay weeraro ku qaadan Garoonka. Dhanka kalena Taliyaha taliska qaybta booliska ee gobolka Mudug Wuxuu beeniyey Warar ku saabsanaa weerar daqiiqado socday oo xalay lagu qaaday Saldhiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo oo la sheegey in koox burcad badeed ahi ay gaari awood kula bexeen, Wuxuuna taliyaha qaybtu sheegey in Weerarkaas ay ciidamada Amaanku fashiliyeen islamarkaasna ay kooxdii weerarka soo qaaday ku guuldaraysatay Qorshahoodii. Xafiiska Wararka Allpuntland, Gaalkacyo.
  11. Wasiirka amniga iyo DDR Col.Khaliif Ciise Mudan Xubnahan ka badbaaday shirqoolka, waxay sheegeen in daqiiqado yara kadib markuu shilku dhacay ay arinta la socodsiiyeen wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan wuxuuna u yeeray taliyihii Ilaalada magaalada gudaheeda, wuxuuna taliyahaasi sheegay in ciidanka ay soo arkeen dhallintan uusan ahayn ciidankiisa, Wasiirka Amniguna wuxuu u ballan qaaday inuu baaritaan ku sameyn doono. Wasiirka Amniga oo ay weheliyeen wasiiro kale oo ka tirsan Puntland ayaa sheegay inay ka xun yihiin wixii dhacay iyagoo sheegay in raggii falka geystay la xiray ayna tusi doonaan dhibanayaasha, laakiin ma jirin wax ficil ah oo intaasi xigay, subaxiina lama tusin dadkii la yiri waa loo xiraq shirqoolkii dilka ahaa. Sida dad badan ay qabaan inta badan ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo kuwa Garowe ma hoostagaan wasaarada amniga iyo saraakiisha ciidamada, taasi ayaana keenta in xitaa saraakiisha amaanka ee Garowe iyo kuwa gobolka Nugaal aysan ka war heyn falalka xeeladeysan ee Ina Faroole ku fulinayo magaca maamulka aabihiis. Xafiiska Wararka RBC News Nairobi Kenya Cabdi Xayi Garaad oo dhaawac ah (bidix) iyo C/salaam Caato. Some of the other guys present at when this allegedly occurred Suspect: Maxamed Farole
  12. Garowe: Mas’uuliyiin Ka Tirsan Bulshada Rayidka & Saxafi Caan ah oo Ka Badbaaday Shirqool Dil oo uu Maleegay Maxamed Faroole (Warbixin + Sawiro) Nairobi (RBC) Xubno isugu jira masuuliyiinta ururada bulshada rayidka, masuuliyiin ka tirsan hay’adaha DKMG Soomaaliya iyo wariye caan ah oo Soomaaliyeed ayaa maanta shaaca ka qaaday inay ka badbaadeen isku day oo lagu khaarajin lahaa oo uu soo maleegay Maxamed C/raxmaan Faroole oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Puntland. Maareeyaha Wakaalada Filimada Soomaaliya C/salaam Caato ahna saxafi caan ah iyo filimqaade, Cabdihaye Cismaan Garaad oo horay u ahaan jiray ku xigeenka hay’adda CRD, Najmo Axmed Cabdi oo hogaamisa urur dhalinyaro iyo Nuur Diinari oo horey u ahaan jiray ku xigeenka madaxa shaqaalaha ee Villa Soomaaliya ayaa Cabdisalaam Caato u xaqiijiyey Shabakada Raxanreeb in toddobaadkii hore, xilli ay ka qeybgaleen shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Garowe ay ka badbaadeen shirqool iyaga lagu khaarajin lahaa oo, sida ay sheegeen uu soo maleegay Maxamed C/raxmaan Faroole oo ah wiilka madaxweyne Faroole ahna la taliyaha madaxweynaha ee dhanka saxaafadda. Xubnaha oo Jimcihii [17-02-2012] ka baxay magaalada Garowe ayaa ka sheekeeyay qaabkii ay uga badbaadeen shirqool iyaga looga takhalusi lahaa oo ka dhacay bartamaha magaalada Garowe kaasoo sida qorshuhu ahaa ay fulin lahaayeen ciidamada madaxtooyada Garowe. “Anaga waxaan ka mid ahayn ergadii ka qeybgaleysay shirkii wadatashiga ee lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe runtii aad ayaan ugu faraxsanaa tegideyda Puntland waayo waa hoy Soomaaliyeed oo nalaka marti geliyey saaxiibadeyna qaar waxay u ahayd markii ugu horreysayoo ay tagaan Garowe mudadan burburka, wax kasta waa siduu Illaahay ugu talagalay. Waxaana ka noolnahay xagga Alle.” Sidaasi waxaa Raxanreeb u sheegay Maareeyaha Wakaalada Filimada Soomaaliyeed C/salaam Caato. C/salaam Caato oo ah saxafi caan ah, waxaa uu ahaa soo saarihii barnaamijka Wargelin (wargelin.com) iyo tifaftiraha shabakadda wararka ee Bartamaha.com. C/salaan ayaa shirka u tegey si uu u sameeyo filin dukumintari ah oo ay diyaarinaysay Wakaalada Filimada Soomaaliyeed oo dhowaan dib loo shaqo geliyey. [booqo facebook C/salaam facebook.com/wargelin]. C/salaan wuxuu sheegay in mudadii saddexda maalin ahayd ee uu socday shirkii Garowe uu dhowr jeer u yimid Maxamed Faroole uuna weydiiyey su’aalo la xiriira shaqadiisa, uuna u sheegay hase yeeshee mar walba uu dareemayey in wax aan caadi ahayn ay socdeen. Maalintii khamiista oo bishu ahayd 16kii Febraayo ayaa Cabdisalam Caato waxaa shirka kasoo saray Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) oo ah ahayeenka dowladda Puntland wuxuuna u geeyay Maxamed C/raxmaan Faroole oo banaanka ku sugayey, waxayna weydiiyeen inuu Shabakadda Raxanreeb warbixinno u diray maalintaas iyo in kale, waayo maalintaas waxay ahayd maalintii Federaalka laga wada hadlayey oo doodo badani ay socdeen, Waana loo diiday in saxaafaddu ay timaado oo ay ka war bixiso. Cabdisalaam Caato oo walaalkiis uu yahay Maamulaha Raxanreeb ayaa u cadeeyay inuusan shaqo ku lahayn oo wax war ahna uusan u gudbin, Maxamed Faroole oo ka xanaaqsan sababta Raxanreeb ay warka shirka u tebinayso iyo doodaha socda ayaa ku yiri Cabdisalaam Caato “Ma ogtahay walaalkaa wuxuu sameeyo inaan adiga kugu xiri karno ama kugu Waxyeelayn karno” waa sida uu noo xaqiijiyay Cabdisalaan Caato. Habeenkii Jimcaha ee 17-ka Febraayo oo ahayd habeenkii shirka la soo xirayey, Abaarihii 11:00 fiidnimo ayaan ka soo dhaqaaqnay hoolka shirka waxaana ku soconay hotelka aan deganeyn, laakiin intii aan sii soconay ayaa meel dhexe waxaa nagu joojiyey niman hubeysan oo watay baabuur oo aan garaneyn” ayuu yiri C/salaam oo sheekadiisa sii wata. C/salaan wuxuu sheegay in nimanka hubeysan ee joojiyey baabuurkooda ay ahaayeen ilaa lix, kuna lebisnaa dharka tuutaha. “Markii nala istaajiyay waxay nimankii oo nagu yiraahdeen jidka weyn ka weecda oo midig u gala jid raf ah oo xaafad kale sii galaya………. Markaa aniga waxay indhahayga qabteen baabuur cad oo u eg Corolla ama Cresida ah oo ka imaanaya dhanka naloo wado, gaarigaas ayaa askarta la istaagay oo haddana dhaqaaqay wuxuuna fuulay laamiga dheer ee bartamaha magaalada Garowe dhexmara [waana dhanka anaga naloo diiday]…. markaan weydiinay jidku wuu furan yahay ee maxaa naloo weecinayaa ayay igu yiraahdeen adiga [C/salaan] soo deg, markuu u sheegay inuu martida shirka yahayna gaariga ayay kasoo jiideen intay qoryaha lasoo baxeen kadibna waxay ku amreen darawalkii baabuurkeena inuu dhaqaaqo.” ayuu sii sharaxay C/salaan. C/salaam Caato wuxuu sheegay in markii ay sheekada halkaa mareyso baabuurkiina uu weli taagan yahay inuu uu soo degay Cabdihaye Cismaan Garaad oo ah la taliyaha wasiirka dastuurka dhinaca dib u heshiisiinta horayna u ahaa ku xigeenka hay’adda CRD oo markaasi baabuurka saarnaa ayna isla socdeen. “Markii ay C/salaan baabuurka ka reebteen xilliguna ahaa waqti dambe ku dhowaad 12:00 habeenimo ayaan anigu [Cabdihaye] soo degtay si aan u weydiiyo sababta loola degay Caato. Waxaan u sheegnay nimankii hubeysnaa in anaga aan marti nahay oo shirka Garowe u nimid magaalada, waxaan ku iri way aaway masuulkiinii isla markiiba waxay nagu bilaabeen labadeenii in qoriga ay nagu garaacaan, laad iyo feerna leysugu keena daray”, Askarta ayaa u badnaa dhanka Cabdihaye oo markiiba waxaad moodaa in loo tilmaamay waxaan nahay oo cidna maysan warsan waxaan nahay hadalna nagama aysan yeelin sidaasi waxaa sheegay Cabdihaye Garaad oo weerarkaasi uu ka soo gaaray dhaawac gacanta bidix. Sida ay noo sheegeen ilo aad loogu kalsoon yahay oo uu u waramay wasiir ka tirsan xukuumadda Faroole waxaa ay sheegeen in gaariga cad ee caato uu ka shakiyey uu saarnaa Maxamed faroole. Cabdihaye wuxuu ka mid ahaa ergadii bulshada rayidka ee shirka ay ku martiqaaday hay’adda UNPOS. Cabdihaye Garaad sidoo kale hadda wuxuu la taliye u yahay wasiirka dastuurka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya, wuxuuna aad ugu jiray doodihii ku saabsanaa Federaalka, Baarlamaanka iyo Doorashooyinka, wuxuuna si aad ah uga doodayey arrimahaas. Xukuumadda faroole ayaa qol kasta ay u joogeen dad ay kusoo qorteen waxayna riixayeen qorshayaal iyaga u gaar ah taasna Cabdihaye aad ayuu uga dooyey dadka kalena uu u fahansiinayey maadaama uu yahay qof Soomaali ah yaqaanana sharciyada Doorashooyinka, wuxuuna xirfad dheer ku leeyahay dib u heshiisiinta taasoo uu muddo fara badan kasoo shaqeynayey. Dhaawaca gaarey Cabdihaye ayaa ugu cuslaa meesha C/salaan caato, Nuur Diinaari iyo Najma iyagana dhaawacyo hoose ay soo gaareen laakiin waxaa noogu xun ayay dhaheen niyad xumida iyo sharaf ka dhaca ay nagu sameeyeen Maxamed Faroole iyo Askartiisu. Inta weerarku uu ku socdo C/salaam Caato iyo Cabdihaye Garaad, waxaa baabuurka saaran Najmo Axmed Cabdi iyo Nuur Diinaari oo lagu amray inaysan baabuurkooda ka soo degin haddii kale la toogan doono hadey soo dhaqaaqaan, sida ay sheegeyso Najmo Axmed Cabdi oo iyaduna ka socotay urur dhalinyaro, Najmo ayaa raacisay hadalkeeda “weligey ismaanan oran Soomaali aad u martiday ayaa qori madaxa kaaga qabanaysa oo haddana walaalahaagii kula socday qori dabadiis la dhacaysa… tabar la’aan ayaan dareemay” Najmo waa gabadhii Soomaaliyeed ee kaliye ee la kulantay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama [ Daawo Najmo oo suaal weydiineysa Obama ], wediiseyna suaal xasaasi ah. Najmo waxay u dadaashaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxay iyaduna shirka Garowe uga qeybgashay sidii ay meel ugu ogaan arrimaha dhallinyarada Soomaaliyeed. Sidoo kale, Nuur Diinaari oo mudo dheer madaxtooyada Villa Soomaaliya ka ahaa ku xigeenka madaxa shaqaalaha xafiiska madaxweyne Shariif oo ka mid ahaa xubnaha shirqoolkan ka badbaaday ayaa sheegay in qorshaha dilka qarsoodiga ah uu ahaa mid diyaarsanaa laakiin uu Alle ka badbaadiyey Cabdihaye Garaad oo ah sarkaal ka socday Ururada Bulshada oo dhaawaca culus ka soo gaaray shirqoolkaan ayaa waxa uu ku raacay Nuur Diinaari in ay shirqool abaabulan uu ahaa waxa uuna ku saleeyey arimahaan hoos ku qoran. - Goobta isbaarada ay kula kulmeen, waxay ahayd meel aad uga durugsan goobtii shirku ka socday ee Jaamacadda PSU, mana ahayn meel laga fili karay ciidan ilaalo haya. - Ragga falka loogu talagalay waxay wateen dharka tuutaha, halka ciidamada magaalada dhexdeeda joogay ay ahaayeen dhamaantood boolis, wax ciidanka Daraawiishta ahna ma joogin gudaha magaalada marka laga reebo ciidanka madaxtooyada oo hawlo gaar ah fuliya. - Isbaarada waxaa la diyaariyey ugu yaraan labo saac ka hor waayo fiidkii hore oo meesha baabuur ku marnay ma oolin wax kontorool ah iyo ciidan midna. - Taliyihii masuulka ka ahaa amaanka shirka oo markii dambe dhacdada loo sheegay,wuxuu cadeeyey in habeenkaas wax ciidan ah ku ogeyn goobta la sheegay oo ahayd mee u dhow hotelka Global isaguna uusan masuul ka ahayn raggaasi meesha lagu arkay. - Mid ka mid ah xubnaha wasiirada ee dawlada Puntland oo aan rabin in la magacaabo wuxuu xaqiijiyey in baabuurkii caddaa oo u ekaa Cresidada ee naga hor yimid, nimanka hubeysanna la hadlay uu saarnaa Maxamed C/raxmaan Faroole. taasoo cadeyneysa in qorshaha uu ahaa mid isku xiran. Wasiirka amniga muxuu ka yiri dhacdadan?
  13. Cameron: “ Nooma Qorsheysna In Aan Somaliland Aqoonsanno” Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Ra’iisul wasaaraa dalka Britain David Cameron ayaa sheegay in dowladda Ingiriisku aysan marnaba ictiraafi doonin maamulka raba in uu Soomaaliya inteeda kale ka go’o ee Somaliland. Cameron oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC ayaa xusay in dowladiisa aysan marnaba qorshaha ugu jirin aqoonsi ay xiligan siiso maamulka madaxweyne Siilaanyo. Ra’iisul wasaaraha dalka Ingiriisku oo ka jawaabayey su’aal ay BBC-du weydiisey oo ahayd diyaar ma u tahay inaad Somaliland u ogolaato madax-banaani? wuxuu yiri: “ Shirkani kuma saabsana aqoonsasho Somaliland, mana ahan qorshaha Britain” Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata yiri: “ Qorshaha Britain waxa weeyey in uu xiriir fiicani kala dhexeeyo dhamaan dhinacyada Soomaalida, saldhiggaas ayaanuna ka duuleynaa” Hadalka kasoo yeeray David Cameron ayaa meesha ka saaraya warar mudooyinkii u danbeeyey laysla dhex marayey oo sheegaya in shirka London uu yahay mid loogu gogol xaarayo sidii Somaliland aqoonsi loo siin lahaa. Khamiista beri ah ee ay taariikhdu ku beegan tahay 23/2/2011 ayaana la filayaa in uu qabsoomo shirka xal u helidda dhibaatooyinka Soomaaliya looga hadli doono oo ay dowlada Ingiriisku martigelisey ayna kaso qayb gelayaan dhinacyada Soomaalida laguna casumey in ka badan 50-dal iyo hay’ado caalami ah. Horseed Media
  14. Waxaa uu sheegay beeralayda gobolka Bari inay ku guulaysteen inay soo saaraan qudradda noocyadeeda kale duwan,marka laga reebo Muuska iyo Cambaha oo ka yimaada koonfurta Soomaaliya. Puntland is self sufficient in agriculture minus bannanas and mangos. End of story
  15. Farole Speech At Garowe II Prime Minister of Somalia Speech at Garowe II
  16. Gudoomiyaha Iskaashatada beeralayda G.Bari oo sheegay inay kobcayso wax soo saarka beeralayda gobolka Bari. Tue, 21 Feb 2012 08:10:02 -0500 am -05:00 -18000 Bossaso,Feb 21 -Gudoomiyaha guddiga iskaashatada beeralayda gobolka Bari ayaa waxaa uu sheegay wax soo saarka beeralayda gobolka Bari inuu yahay mid soo kobcaya. Gudoomiyaha gudiga Axmed Maxamed Muumin oo waraysi siinayay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay hay'adaha UNDP, CEFA iyo wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland inay dhowaan la yeesheen kulamo looga arin sanayo sidii hay'adahaasi u taageri lahaayeen beeralayda gobolka Bari. Waxaa uu sheegay beeralayda gobolka Bari inay ku guulaysteen inay soo saaraan qudradda noocyadeeda kale duwan,marka laga reebo Muuska iyo Cambaha oo ka yimaada koonfurta Soomaaliya. Gudoomiyaha ayaa kacodsaday wasaarada beeraha iyo hay'adda FAO inay taakuleeyaan beeralayda gobolka Bari,si'ay wax soo saar wanaagsan u sameeyaan. Diiwaanka Wararka Daljir,Bossaso.
  17. DEG DEG: Maleeshiyaad Hubsayn oo weerartay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo[RBC Radio] Maleeshiyaad hubaysan oo sida la sheegay ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa maanta weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkaco oo xiligaasi ay ka socotay hawlo dhanka duulimaadka ah. Kooxda maleeshiyada ah oo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhowr baasuuke kusoo tuuray garoonka iyadoona uusan geysan wax khasaare ah,waxaana ka gudaha garoonka fadhiyey diyaarado isugu jiray kuwa rakaab keenay,kuwa qaadayey iyo kuwa caalami ah sida kuwa UN-ka. Taliyaha qeybta Booliska gobolka Mudug Jaamac Maxamed Axmed ayaa RBC Radio u sheegay in hubka ay soo tuureen aysan wax khasaare ah geysan haddana ay ku guda jiraan cida falkaas ka danbeysa ayna wadaan baaritaan ku aadan hawshaas. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aysan Jawaab ka bixin Ciidamada Puntland ee ku sugnaa gudaha garoonka taasina ay ugu wacantahay in aysan habooneyn in kooxo maleeshiyo ah loo jawaabo. Inta badan ma ahan kuwa ku cusub magaalada Gaalkacyo gaar ahaan garoonka diyaaradaha oo hub lala dhaco waxaana ay noqoneysaa mid marar badan soo noqnoqtay balse kuwii horre ayaa geysan jiray khasaare walow kan maanta uusan wax khasaare ah geysan. RBC Radio Gaalkacyo
  18. Madaxweyne Faroole oo si Weyn Loogu soo Dhaweeyey London (Daawo Sawirro) Comments (0) | Write Comment 20 February 2012 Wafdi ka socda Dowladda Puntland uuna hogaaminayey Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa caawa [20 Feb 2012] ka soo degay Magaalada London halkaasoo loogu balansanyahay inuu ka furmo Shirweyne Caalami ah oo ku saabsan arrimaha Somalia. Wafdiga Puntland waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Md. Cabdi Farax Siciid (Juxa), Wasiirka Warfaafinta Md. Axmed Cali Askar, Wasiiru-dowlaha Xiriirka Caalamiga Md. Cabdulqadir Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Puntland Md. Maxamad Xasan Barre, iyo sarakiil ka tirsan Madaxtooyadda Dowladda Puntland. Wafdiga Puntland ayaa waxaa garoonka Heathrow International Airport kusoo dhaweeeyey Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingriiska (Foreign and Commonwealth Office – FCO) iyadoo Wafdiga loo galbiyey Qeybta VIP-da ee garoonka Heathrow. Intaasi ka dib ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Farole waxay la kula kulmeen gudaha garoonka dayuuradaha xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London halkasoo Madaxda Dowladda Puntland si weyn loogu soo dhaweeeyey. Shirka Caalamiga ah ee arrimaha Somalia ayaa furmi doona 23 Feb 2012 iyadoo ay ka soo qeybgali doonaan in ka badan 50 Dowladood. Shirkii Dastuurka Somalia (Garowe II) ayaa lagu soo gabogabeeyey xarunta Dowladda Puntland ee Garowe maalintii Jimcaha 17 Feb 2012, iyadoo ay Madaxda Somalia shirkaasi ku saxiixeen Garowe Principles II oo ah heshiis qeexaya habsocodka barnaamijka Dastuurka Federaalka ee Somalia. Waxaa Raxanreeb.com Soo Gaarsiiyey Qoraalkaan iyo Sawiradaba Communications Office The Puntland Presidency Puntland State of Somalia E-mail: info@puntland-gov.net Web: www.puntland-gov.net
  19. ''Garowe2 waa talaabo loo qaadey dhankii saxda ahaa'' 20 Feb 20, 2012 - 6:54:46 AM France ayaa soo dhaweysey heshiiskii Garowe2 oo ay hogaamiyaasha Somalidu ku gaareen shirkii ay soo qaban-qaabisey Qaramada Midoobey ,waxana uu qayb ka ah soo dhisitaanka xukuumad iyo barlaman cusub marka uu dhamaado xiliga KMG-ku Aug2012. Afhayeenka wasaarada arrimaha dibedda Fransiiska Vincent Fluorine oo shir saxaafadeed uu ku qabtey maanta 20 ,Feb 2012 Paris ayaa sheegay in heshiiska cusubi yahay mid talaabo horey u qaadaya wadadii saxda ahayd,isagoona ugu yeerey masuuliyiinta Soomaaliyeed inay si dhab ah u fuliyaan qodobadii ay ku heshiiyeen. Fluorine waxa uu sheegay in France si joogta ah ula shaqeyneyso dalalka bah-wadaagta ku yihiin Beesha Caalamka sidii nabad iyo xasilooni dib loogu soo celin lahaa Somalia oo muddo 20 sanno kor u dhaafeysa nidaam daro kajirtey. Heshiiska Garowe lagu gaarey ayaa ku soo beegmey xili martiqad uu madaxda iyo dhinacyada siyaasada Somalia u fidiyey raysal wasaaraha Britain David Cameron sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka daba dheeraad ee Somalia ka taagan. Garowe2 ayaa waxa ku gaarey xarunta jaamacada PSU Garowe saxiixayaashii geedi socodka nabada Somalia,iyadoona goob joog ahaayeen wakiilo kasocda Beesha Caaalamka iyo daneyaasha Somalia ,waxana uu socdey muddo saddex maalmood ah. GAROWE ONLINE
  20. Beergaal, where did you read that from? source? or is it just hear-say