Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. ''Puntland waa xalka la-dagaalanka.....'' 26 Feb 26, 2012 - 8:23:39 AM Dadka ka faalooda ciidamada shisheeye ee xeebaha Somalia ka hawlgala ayaa tilmaamaya in dharbaaxo kulul ay ciidamadasu la heleen burcad badeeda ,inkastoo ay weli tagaanyihiin khataruhu oo aan xal loo helin. Sting Jarel Hansen oo ah baare Norwegian ah oo ku takhasusey Somalia,waxana uu aaminsanyahay in burcadu dhibaato badan kala kulmaan markii ay maraakiibta qabsanayaan,isagoona cadeeyey in kor u kaceen weerarada ciidamada shisheeye ku qaadayaan doonyaha yar yare e burcadu wadato. Hansen waxa uu soo jeediyey in dadaalada oo dhan aan la galin badda ee xooga la saaro dhulka oo ay iska soo abaabulaan kooxaha burcadu,waxana si gaar ah uu u xusey Puntland oo ku sheegay furaha la-dagaalankooda. ‘’Xalka dhibaatada burcada dhulka ayuu yaalaa, gaar ahaan Puntland oo loo baahanyahay in la horumariyo adeegyadeeda’’ ayuu yiri Hansen. Kooxda ilaalada xeebaha Somalia (Beyond Piracy) ayaa warbixinteedi ugu danbeysey ku sheegaty in kor u kacdey lacagtii madax-furashada ay dalban jireen kooxaha burcadu oo gaartey $4-5 Milyon 2011. Dowladda Puntland ayaa horey u soo jeediyey qorshaha dhulka lagala dagaalamayo burcad-badeeda shirkii London ka dhacey bartamihii Ocober 2011,waxana haatan ku sugan xabsiyada Puntland boqolaal maxaabiis burcad ah oo maxkamadu xukuno kala duwan ku ridey. GAROWE ONLINE
  2. LONDON: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey oo ka dhoofay London February 27, 2012 1:18 pm GMT - Written by PP - Edited by PP London: (pp)- Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa Saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada london, iyagoo ku sii jeeda deegaanada Puntland ee soomaaliya. Madaxda Puntland oo ka dhoofay London Wafdiga dowlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa dalka Ingiriiska kaga qayb galay shirkii 23-kii bishan ka dhacay magaalada London , kaas oo looga hadlayey arrimaha soomaaliya. Madaxweyanaha iyo Wafdigiisa ayaa intii ay joogeen London waxay kulamo kale la yeesheen amsuuliyiin ka tirsan dalka Ingiriiska iyo Jaaliyadaha Puntland ee Qurba-joogta ah ee W/ameerika iyo Yurub, kuwaas 3 casho oo Work shop ah uga socday magaalada London. Kulankaas Work shop-ka ah ayaa Qurbajoogta Puntland waxay ku casumeen Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Agustina Mahiga , isagoo Jaaliyadaha Puntland ku baraarijey inay si xoogan uga qayb qaataan horrumarinta iyo nabadgelyada deegaanada Puntland , wuxuuna kaloo Mahiga Jaaliyadaha ku baaraariyey inay muujiyaan ka qayb qaadashada iyo wadajirka iyo soonoolaynta soomaaliya, maadaama Puntland ay ka mid tahay deegaan soomaaliyeed oo Role Model u ah soomaaliya inteeda kale , maadaama go’aanadii taariikhi ahaa ee Garoowe1 iyo Garoowe2 ay ka soo baxeen barnaamijka la doonayo in lagu dhameeyo dowlada kumeel-aagrka ah ee hadda jirta. Daabacaadda: Puntlandpost.com
  3. Dhismihii lagu wadey Laamiga Boosaaso oo gaba gabo ku dhow [sawiro] Updated:- 1 hour ago| 4 Commnets Waxaa gabo gabo ku dhow dayactir todobaadyadii u danbeeyey lagu wadey qaybo kamid ah jidka Laamiga ah ee dhex mara magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Jidkan oo ah kan ugu weyn magaalada islamarkaana ugu saxmadda badan ayaa waxaa si joogto ah maalin walba u isticmaala gaadiid iyo dadweyne aad u tira badan. Waxaana hadda gacanta lagu hayaa inta u dhexeysa Hotel Nakhiil iyo xarunta dowladda hoose ee degmada Boosaaso halkaasoo horay burbur xoogani uu uga muuqdey. Gaar Yaasiin Axmed oo ah maamulaha shirkadda qandaraaska dhismaha wadooyinka magaalada Boosaaso la siiyey ee El-Gar oo maanta Horseed Media u waramay ayaa ka warbixiyey meesha ay wax marayaan. Wuxuuna sheegay in howshu ay gaba gabo ku dhowdahay balse ay in mudo ah hakad geli doonto maadaama sida uu sheegay uu ka go’ay Daamurkii jidka Laamiga looga dhigi lahaa haseyeeshee ay ka dalbadeen dalka UAE islamarkaana uu dhowaan u iman doono. Mr Gaar ayaa mar ay Horseed Media weydiisey sababta dayactirka jidka weyn ee Laamiga ah looga hor mariyey dhismihii lagu bilaabi lahaa wadada Gaaca ee aadda dhinaca Airportka wuxuu sheegay in taas ay keentay dhaqaalihii howsha lagu fulin lahaa ee hay’adaha mashruuca JPLG-ga taageeraa bixin lahaayeen oo aan weli soo bixin. Si kastaba ha ahaatee magaalada Boosaaso oo xudun u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland iyo qaybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa bilihii u danbeeyey ka socdey dadaalo ay wadeen waxgaradka, ganacsatada, iyo maamulka degmada kuna aadan sidii jidadka magaalada looga dhigi lahaa kuwo Laami ah si isu socodka dadka iyo bilicda guud ee magaaladaba kor loogu qaado. Waxaana xusid mudan in kharashka ku baxaya dayactirka ay shirkadda dhismaha wadooyinka ee El-Gar ku wado qaybo kamid ah jidka Laamiga ah ee Boosaaso dhex mara ay ku deeqeen ganacsatada iyo dadka iska leh dhismayaasha ku yaal wadada hareeraheeda. Feel free to comment on Horseed Media! Here you are with one of Somalia's most engaging forum
  4. Is it me or does that indepedent website author appear to be either a somali with his in-depth knowledge of Puntland or was he fed this nonsense by a somali to reproduce and make it appear legit that it came out of non-somali website mouth? You dont fool us puntlanders, give up hater the Puntland government will continue to progress and build up it's military capability and no amount of whining or asking non somali reporters or academics to help your cause will change that!!! Puntland is an oil producing state, it has the right to build up its military capacity to defend it's people and resources. Get used to it because this is only just the beginning!!!
  5. Private firm flouts UN embargo in Somalia February 26 2012 at 12:34pm By Ivor Powell On the slippery trail of military deals Eight months after SA-linked private military company Saracen International was fingered in a UN Security Council as the “most egregious threat” to peace and security in the failed state of Somalia, Saracen continues to run and train a private army in violation of UN Security Council resolutions. Saracen, one of a cluster of shadowy private military contractors born from the ashes of the SA/British mercenary outfit Executive Outcomes, after nearly 18 months of military activity in the region, has yet to secure permission to operate as a security provider in a region so volatile Somalia has not had a functioning central government for upwards of 20 years. Tlali Tlali, the spokesman for the National Conventional Arms Control Committee, confirmed that neither the SA arm of the Saracen operation, nor any of the individuals associated with the Somali adventure had applied for accreditation as legitimate security contractors. UN Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG) co-ordinator Matthew Bryden confirmed the company had failed to seek or secure authorisation from the international authority to operate as a private military contractor in Somalia after being fingered in the Monitoring Group’s June 2011 report. We understand that the UN is in possession of compelling evidence that Saracen has continued with military training and deployment in defiance of the UN’s general arms embargo. The continuing violations of UN Resolutions 1973 and 1976 are expected to be addressed in detail in the SEMG’s forthcoming annual report at midyear. Saracen’s operation in Somalia is headed by Executive Outcomes stalwart and – until the mercenary outfit was disbanded – holding company director, Lafras Luitingh. Luitingh is also a director of Australian African Global Investments (AAGI) the company primarily involved in logistical supply and procurement for the operation. The Saracen operation, funded by anonymous donors in the United Arab Emirates, has also been linked to US private military contractor Erik Dean Prince, formerly head of the notorious Blackwater, now operating out of Abu Dhabi as Xe Services. A third shadowy connection uncovered in respect of the Saracen programme is to former Mogadishu CIA bureau chief Michael Shanklin. Originally contracted under the auspices of Somalia’s fragile Transitional Federal Government (TFG) to train up an anti-piracy task force, and to take care of presidential security, Saracen has since early 2011 been exclusively contracted to the administration of Abdurahman Farole, “president” in the semi-autonomous region of Puntland, and based near the Puntland port of Bossaso. The transfer of base and allegiance followed the cancellation of the TFG contract in the wake of allegations of violations of the UN arms embargo in February 2010. Shortly before the TFG deal was cancelled, a flight chartered by Saracen was grounded by the authorities in Somaliland – another of the semi-autonomous regions that make up the failed Somali state – and an unauthorised cargo of combat uniforms, military webbing and other materiel impounded. The cargo – enough to equip more than 500 soldiers- was vaguely detailed in the flight manifest as “safari equipment”. At the present time, Saracen controls, on behalf of Farole, what is estimated to be the largest military presence in Somali territory with the exception of the nearly 20 000 strong Amisom peacekeeping force. Photographs in the possession of Independent Newspapers show that its troops are equipped with state of the art hand-held light machine guns, as well as heavier machine guns mounted on turrets fitted in armoured vehicles and AK47 assault rifles. Earlier, as highlighted in the SEMG report, Saracen’s trainers complained that weapons already available from Puntland’s armouries were inadequate, and proposed that new weapons be accessed by “other channels”. Warned by the UN they would be closely monitored and that such imports would be in flagrant violation of the general arms embargo enforced under UN Security Council Resolutions 1973 and 1976, Saracen apparently backed down, saying they would rely on what the Farole administration could legitimately access on Somali markets. However, sources close to the UN in Somalia told Independent Newspapers that while the UN mission had not been in a position to scrutinise all deliveries, many of the weapons in the possession of the Farole forces were not available on internal markets in Somalia. After being fingered for “egregious violation of the arms embargo” and “representing a threat to peace and security in Somalia” in June 2011, Saracen undertook to suspend all operations, but said it would maintain a presence to secure equipment already inside Somali territory and to perform humanitarian functions like building clinics and delivering famine relief in rural areas. However, Independent Newspapers investigations have revealed that Saracen has routinely exceeded its avowed brief, and appears to have been pursuing different and shadowy agendas. At present the Saracen base outside Bassaso has capacity for an estimated 1 500 soldiers – three times the number of soldiers trained by the time Saracen agreed to suspend operations. Moreover, in the course of the past year, according to sources close to the UN operation, Saracen is known to have brought 15 000 tons of materiel into Puntland in defiance of the UN arms embargo, and without the UN being in a position to execute inspections. Other intelligence in the possession of Independent Newspapers indicates that in the second half of 2011, the Puntland port was closed off to normal control mechanisms for a period of 10 days while Saracen materiel was unloaded. It remains unclear exactly what the cargoes were. Meanwhile, in the current frame, Saracen has deployed forces to a military command centre at Qow in the Puntland hinterland, according to sources on the ground. There is also evidence that Saracen is operating at least four helicopters in Puntland – after UN monitors blocked the unloading of two Alouettes on a vessel linked to Saracen and its shadowy associates in the early part of 2011. In addition the operation is suspected to have access to at least six ocean-going vessels as well as several inflatable attack vessels. Funded to the tune of some $50 million (R380m) a year for an initial period of three years – the figure excludes the cost of military hardware – the avowed purpose of the Saracen operation was to train up an-anti piracy force on behalf of the Puntland administration. However, even in the June 2011 SEMG report the concern is expressed that “there were early indications that the Puntland authorities may have had alternate objectives in mind for the force”. Some of those “alternate objectives” could be highlighted in a letter dated 6 December 2010 and addressed to the UN by the “president” of the Galmudug region of fractured Somalia. Here reference is made to a “massacre” of “innocent nomads” carried out by Puntland security forces explicitly identified as having been armed and trained by Saracen. In one of a series of actions conducted by troops in armoured vehicles equipped with heavy weapons, the Galmudug leader says 35 people were killed, and 46 wounded, many of the casualties inflicted on women and children. While the direct involvement of Saracen in the incidents referred to has been questioned, sources close to the UN monitoring group said there were indications that Saracen could be equipping and advising militias loyal to Farole in ongoing civil conflict with Bedouin clans in the Puntland domain. Especially targeted are clans with an allegiance to the militant religious leader Sheikh Mohamed Said Atom – who has emerged as one of the major targets of US interventions in Somalia. Avowedly linked with the militant Al Shabaab, Atom, as well as other clan leaderships in the area are also highly resistant to the exploitation of mineral resources in their territory. Ironically, little activity is on record or has been alleged involving anti-piracy actions on the part of Saracen. Meanwhile the stakes have risen higher in troubled Puntland. With a concerns growing that Farole intends to secede from the fragile Somali federation, drilling has begun on two oil concessions in the territory held by Canadian mining company Africa Oil. With huge reserves already identified – and initial surveys indicating even more extensive offshore resources, Puntland is poised to become a major player in the horn of Africa. Against this backdrop, intelligence sources indicated that Saracen’s operatives, backed by Mohamed Farole – son of and designated advisor to the president – have sought to insert themselves into an oil security operation that to date has operated with UN accreditation and in co-operation with the international authorities. This would give Saracen a foothold in the resources-for-arms trade that characterised Executive Outcomes’ military adventures in Angola and Sierra Leone among other troublespots in the 1990s. Contacted for comment, Luitingh said he could not speak at that moment and failed to answer calls later. - Sunday Independent
  6. Walaac midkan la mid ah waxaa Qaramada Midoobay u gudbiyey hay’adda caalamiga ee duulimaadyada ee ICAO oo ka cabatay in Saracen garoon dayuuradeed oo macmal ah ka dhisatay meel u dhow garoonka Boosaaso ee Benderqaasim. Garoonkaasi oo la sheegay inay habeenkii kakacaan diyaarado helicopters ah ayaa la sheegay inuu qalqal geliyey hawlihii garoonka Boosaaso oo diyaaradaha rayidka ay ku degaan. [Muran ka dhashay garoonka Saracen] http://www.raxanreeb.com/2011/11/saracen-oo-garoon-macmal-ah-ka-sameysatay-duleedka-boosaaso-iyo-muran-arintaasi-ka-dhashay-warbixin/ Saracen iyo Shidaal baarista Puntland Saracen oo qalab ka dejisay dekeda Boosaaso bishii Oktoobar 2011 Wargeyska the independent ayaa sheegaya in shirkadda Saracen waqti xaadirkan ay masuul ka tahay ciidanka ugu badan ee Soomaaliya jooga- marka laga reebo ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho. Waxayna Saracen ciidankan gacanta ku heyso ay wakiil uga tahay maamulka Puntland ee uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole. Wargeyska ayaa sheegay in sawiro laga soo qaaday ay muujinayaan ciidamada Saracen oo ku qalabeysan qoryaha fudud ee gacanta lagu qaato, qoryaha culus iyo gaadiidka gaashaaman ee hubka la saaro. Inkastoo ciidamada ay tababareyso Saracen ay ku sheegtay inay burcad badeeda la dagaalami doonaan ayaa hadda aysan jirin wax tallaabo ah oo ay hawsha ka hortaga burcad badeeda ku leedahay sida warbixintu sheegeyso. Warar sir ahna waxay muujinayaan in Maxamed Faroole oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Puntland uu si weyn ugu leeyahay hawlaha shirkadda Saracen kaasoo Saracen soo dhexgeliyey sugida amaanka goobaha laga baarayo shidaalka ee Puntland. Arintaasoo keeni karta in Saracen ayba suuq u hesho sidii ay hub fara badan u soo iibin lahayd. Kharashka lagu maalgeliyey shirkaddan ayaa lagu qiyaasayaa $50 milyan (konton milyan doolar) saddexda sano ee hore. Sida Puntland ay sheegtayna waxay shirkada ka shaqeyn doontaa tababarida ciidamada badda laakiin wargeyska ayaa sheegayaa in Qaramada Midoobay ay qabtay tuhun ah in Puntland ay dano kale ku hoos wadato arinta ciidamada. Akhri warbixinta wargeyska Raxanreeb is losing credibility by the second these days.
  7. Shirkadda Saracen oo Lagu Eedeeyay inay ku Xadgudubtay Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya (Warbixin Iyo Sawiro) Comments (0) | Write Comment Garoon Saracen ka sameysatay duleedka Boosaaso Nairobi (RBC) Siddeed iyo toban bilood ka dib markii shirkadda Saracen International ay ka hawl bilawday Puntland ayaa waxaa soo baxaysa walaac laga qabo in shirkaddu ay ku lug leedahay hawlo xadgudub ku ah xayiraada hubka ee la saaray Soomaaliya sanadkii 1992. Warbixin ay gudbiyeen Guddiga Gaarka ee Qaramada Midoobay ugu xilsaaran la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee la yiraahdo “UN Somalia and Eritrea Monitoring Group (SEMG)” ayaa lagu sheegay in shirkadda Saracen International ay wado dhaqdhaqaaq khatar ku ah nabadda Soomaaliya ka dib markii ay si sharci darro ah dalka u gelisay hub aysan fasax u heysan. Matthew Bryden oo ah xiriiriyaha Guddiga la socodka cunaqabateynta hubka ayaa bishii June 2011 u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in shirkadda Saracen aysan wax ogolaansho sharci ah u heysan inay shirkad amni ahaan uga shaqeyso Puntland, iyadoo warbixinta guddigu uu gudbiyey bishii June 2011 ay shaaca ka qaaday in Saracen xaalada Soomaaliya uga dareyso ka dib markii ay ku lug yeelatay hawlo halis ku ah deganaanshaha. Shirkaddan Saracen oo hadda joogta Puntland waxay ka mid tahay shirkado gaar loo leeyahay oo ay sameysteen calooshood u shaqeystayaal Koonfur Afrikaan ah iyo kuwo Ingiriis ah. Laakiin kooxaha iska leh shirkaddan wax sharci ah kama heystaan wadamadooda, sida uu sheegayo wageyska the Independent ee laga leeyahay Koonfur Afrika. [Halkan ka akhri warbixinta wargeyska] http://www.iol.co.za/news/africa/private-firm-flouts-un-embargo-in-somalia-1.1242748 Saracen waxay hadda heysaa ciidanka ugu badan Afhayeen u hadlay Guddiga Dhowrista Heshiisyada Hubka ee Koonfur Afrika (National Conventional Arms Control Committee) oo lagu magacaabo Tlali Tlali ayaa sheegay in qeybta Koonfur Afrika ee Saracen iyo kooxaha kale ee kula jira hawlgalka ay ka wadaan Soomaaliya aysan dhamaantood heysan wax ruqsad ama fasax ah oo ay tilmaamaya inay yihiin shirkad qandaraasle ah!. Qaramada Midoobay oo aad uga walaacsa hawlgalka Saracen ayaa hadda ku raadjooga sidii ay u heli lahaayeen cadeymo dheeraad ah oo muujinaya xadgudubka Saracen ay ku hayso cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya taasoo ka hor imaaneysa qaraarada kala ah 1973 iyo 1976 ee Golaha Amaanka ay horay uga soo saareen xayiraada hubka ee Soomaaliya. Waxaana lagu wadaa in xog faahfaahsan oo arinkan ku saabsan markale loo gudbiyo Golaha Amaanka bartamaha sanadkan 2012 xilligaasi oo Guddiga Gaarka ee Cunaqabateynta Hubka Soomaaliya ay keeni doonaan warbixin sanadeedkooda. [Warbixin sanadeedkii 2011 loo gudbiyey Golaha Amaanka] http://daccess-dds-ny.un.org/doc/UNDOC/GEN/N11/439/03/PDF/N1143903.pdf?OpenElement Saraakiisha CIA iyo Saracen Marine Command Center Hawlgalka Saracen International ee Soomaaliya ka wado waxaa hadda hogaamiya nin lagu magacaabo Lafras Luitingh kaasoo ku magacaaban agaasimaha barnaamijka. Luitingh ayaa sidoo kale ah agaasimaha shirkad lagu magacaabo “Australian African Global Investments (AAGI)” oo lafteeda dhanka logistikada u qaabilsan hawsha ay wado Saracen. Hawsha shirkadda Saracen ka wado Soomaaliya waxaa maalgeliya rag aan magacooda la sheegin oo degan Imaaraadka Carabta. Waxay shirkadda sidoo kale xiriir la sameysatay rag hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Mareykanka CIA waxaana ka mid ah nin lagu magacaabo Erik Dean Prince. Erik Dean waa madaxa ugu sareeya shirkadda Blackwater oo dalalka Ciraq iyo Afghanistan kala shaqeysa ciidamada Mareykanka, laguna tuhunsan yahay in hawsheeda amaanka ay u dheer tahay hawlo basaasnimo ah. Blackwater waxay hadda ka hawlgashaa Abu Dhabi iyadoo adeegsaneysa magaca “Xe Services”. [Akhri magac bedelashada Blackwater] http://projects.washingtonpost.com/top-secret-america/companies/xe-services-llc/ Waxaa jira nin saddexaad oo ku dhexjira dhaqdhaqaaqa Saracen ee Soomaaliya kaasoo ah Michael Shanklin oo horey u ahaan jiray sarkaalkii CIA-da Mareykanka u qaabilsanaa Muqdisho. Saracen iyo DKMG ah Saraaakiisha Saracen qaarkood ayaa ah xubno hore oo CIA ka tirsanaan jiray Saracen ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2010 la ogaaday inay heshiis kula jirto DKMG ah. Heshiiskaasi oo ay gashay xukuumaddii Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa la sheegay inuu dhigayey tababarida ciidamada badda iyo ciidanka ilaaliya madaxtooyada Villa Soomaaliya. Waxaana ka dib ku xigay heshiika ay la gashay maamulka Puntland sanadkii 2011. Hase yeeshee bishii Febraayo 2010 ayaa xukuumadda KMG Soomaaliya shaaca ka qaaday inay ka baxday heshiiskii Saracen. Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa labaduba muujiyey walaaca ay ka qabaan hawlaha Saracen taasoo keentay in DKMG ah ay joojiso heshiiskii ay kula jirtay. Waxayna arinta sii xoogeysatay markii qalab ciidan oo ku socday Puntland isla markaana saarnaa diyaarad u kireysan Saracen lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargeysa. Qalabkaasi oo ahaa dharka ciidanka, kabo iyo qalab kale oo aan la shaacin ayaala qiyaasayaa inuu in ku filan illaa 500 askari qalabeyntooda. Inkastoo dawlada dhexe ee Soomaaliya ay joojisay heshiiska Saracen haddana Puntland ayaa weli heshiis kula jirta Saracen iyadoo hawlihii shirkadana ay sii ballaarteen. Saldhiga ugu weyn ee Saracen waxay ka dhigatay meel u dhow dekeda Boosaaso ka dib markii DKMG ah ay uga baxday heshiiska. Hub cusub oo soo galay Markii bishii June 2011, warbixinta Guddiga Gaarka ee cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya loo gudbiyey Golaha Amaanka, waxay Saracen sheegtay inay joojineyso dhamaan wixii hawl ah ee ay ka waday Soomaaliya, laakiin ay ilaashaneyso qalab ka yaalla Soomaaliya ayna bilaabeyso mashaariic bani’aadanimo sida dhismaha isbitaalo iyo raashiin gargaar oo la gaarsiiyo dadka ku nool dhulka miyiga ah. Warbixinta wargeyska ayaa sheegtay in Saracen ay keentay hub cusub oo aan horey suuqyada Soomaaliya u yaalin kaasoo ay u keentay ciidamada Faroole walow horey Saracen ay u sheegtay inaysan hub keeni doonin oo kaliya ay ku ekaan doonto wixii ay horey u heysteen ciidamada maamulka Faroole. Ilo wareed ku dhow Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Saracen ay gudaha dalka soo gelisay illaa 15,000 tone oo qalab militari ah. Haddana ay gacanta ku heyso 1,500 askari oo ay tababareyso tiradaasoo saddex jeer ka badan intii ay tababartay ka hor intii aysan Qaramada Midoobay ka joojin shaqada ay ka wado Puntland. Lixdii bilood ee ugu dambeeyay sanadkii tegey 2011, illaa toban jeer ayaa dekeda Boosaaso laga joojiyey hawlaha caadiga ee dekeda qabato sabababo lagu sheegay qalabka u dagaya Saracen darteed (Akhri warbixinta dekeda) http://www.raxanreeb.com/2011/10/xaggee-ku-dambeeyey-raashiinkii-deeqda-lagu-sheegay-ee-saracen-ka-soo-dejisay-dekedda-boosaaso-xog-laga-heley/, waxaana shaki weyn laga qabaa waxa uu dhab ahaan qalabkaasi ka koobnaa wallow wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire oo Raxanreeb weydiisay waxa ka degaya dekeda uu xilligaasi sheegay in raashiin deeq ah ay dejinayeen kaasoo illaa hadda aan la ogeyn halkuu ku dambeeyay. [Akhri hadalkii wasiirka maaliyadda] http://www.raxanreeb.com/2011/10/markab-saanad-militari-u-wada-shirkadda-saracen-international-oo-ku-soo-xirtay-dekedda-boosaaso-warbixin-sawiro/ Cabashada Galmudug In Saracen hub soo gelineyso dalka, waxaa sii xoojiyey ka dib markii cabasho ay ka timid maamulka Galmudug oo Puntland ay deris yihiin, waxaana madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caalin uu Guddiga Gaarka ee Cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay warqad uu u diray oo ku taariikheysan 6-dii Disembar 2010 uu ku sheegay in ciidamada maamulka Faroole ay dad reer miyi ah ku laayeen miyiga gobolka Mudug. Warqada Galmudug ayaa sheegtay in rag ku hubeysan qoryaha casriga iyo gaadiidka gaashaaman degaanka Bacaadweyne ku dileen 35 ruux, 46 kalana ay dhaawaceen kuwaasoo u badnaa haween iyo carruur. Warqada Caalin uu qoray waxay kaloo ku eedeysay in Saracen ay hub iyo talo siineyso maleeshiyo daacad u ah madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole. Wargeyska The Independent ayaa sidoo kale warbixinta ku sheegay in qabiilada ay sida gaarka ah u beegsadeen ciidamada madaxweyne Faroole uu ka mid yahay reerka uu ka soo jeedo hogaamiyaha koox maleeshiyo ah oo ka dagaalanta buuraleyda Galgala ee gobolka Bari Sheekh Maxamed Siciid Atam. Wararka kale ee wargeysku sheegay ayaa ah in Saracen ay ciidamo tiro badan ku daad gureysay deegaanka Qaw oo ku dhow Boosaaso. Waxayna hadda shirkada heysataa afar diyaaradood oo nooca helicopter-ka ah iyo ugu yaraan lix doonyood oo nooca dheeraaya ah.
  8. R.ganacsiga Buugaag Kusoo Bandhigay [sawiro] Updated:- 1 hour ago| 0 Commnets Magaalada Boosaaso waxaa maanta lagu soo bandhigay dhowr buug oo horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha laga qoray. Buugtan oo 3 ah waxaa qoray Dr. Siciid Cali Shire, waxaana lagu soo bandhigay xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland. Dr-ka ayaa mar uu ku suugnaa munaasabad aqoon isweydaarsi lagu soo xirayey oo maanta rugta ganacsiag ka dhacday Horseed Media u waramay. Wuxuuna sheegay in qoraalka Buugaagtani uu mudo 5-sano ka badan ku qaatay, islamarkaana ay tahay markii ugu horeysey ee uu rugta ganacsiga ee Puntland kusoo bandhigo. Dr. Siciid Cali Shire ayaa dhinaca kale mar aan wax ka weydiiney faa’iidada ay Buugaagtani ganacsatada u leeyihiin wuxuu sheegay inay ka caawin doonaan sidii ay ganacsigooda u horumarin lahaayeen. Isagoo intaas raaciyey in ganacsatadu sidoo kale ay 3-dan Buug ka dheehan doonaan macluumaad tira badan oo ku aadan sida looga gaashaanto caqabadaha horseeda in ganacsiga iyo maareynta dhaqaalaha lagu fashilmo. Buugaagta maanta rugta ganacsiga lagu soo bandhigay oo horay meelo badan oo dalka iyo dibaddiisa kamid ahba uu Dr-ku ugu soo bandhigay ayaa kala ah: 1- Furaha Ganacsiga 2- Hogaamiye 3- Bangiyada Islaamka Horseed Media
  9. Siminaar horumarinta ganacsiga ku saabsan oo Boosaaso lagu soo gaba gabeeyey [Codad+Sawiro] Updated:- 2 hours ago| 0 Commnets Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu soo gaba gabeeyey aqoon isweydaarsi horumarinta ganacsiga ku saabsan oo mudo labo maalmood ah ka socdey xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee Boosaaso. Siminaarkan oo lagu baranayey waxyaabaha sababa fashilka ku yimaada ganacsiga iyo sida looga hortegi karo ayaa waxaa casharadii la qaatay bixinayey qoraaga Soomaaliyeed ee caanka ah ee Dr. Siciid Cali Shire. Munaasabadii aqoon isweydaarsigan lagu soo xirayey oo ay joogeen ganacsatadii ka qayb qaatay iyo mas’uuliyiinta ugu sareysa rugta ganacsiga ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim. Wuxuuna u mahad celiyey Dr.Siciid Cali Shire isagoo tilmaamay in uu ganacsatada Puntland u hibeeyey in badan oo wakhtigiisa qaaliga ah kamida si uu ugu faa’iideeyo. Mr Xayir wuxuu dhinaca kale ganacsatada ku booriyey inay ka faa’iideystaan macluumaadkii ay heleen, si ay ganacsigooda ugu horumariyaan. Cabdiraxamaan Maxamuud Jaamac Xundhur oo ku hadlayey afka ganacsatadii aqoon isweydaarsiga mudada labada maalmood ah socdey ka qayb galay ayaa u mahad celiyey rugta ganacsiga iyo Dr-ka casharada siiyey, wuxuuna sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay ganacsigooda ugu dabaqi lahaayeen macluumaadkii ay heleen mudadii ay Siminaarka ku jireen. Dr. Siciid Cali Shire oo isna goobta ka hadlay ayaa hanbalyo iyo bogaadin u diray maamulka rugta ganacsiga oo si fiican usoo dhoweeyey, wuxuuna xusay inay sharaf weyn u tahay in uu la kulmo ganacsatada Puntland, isagoo intaas raaciyey in qof walba oo Puntland yimaadaa uu arki karo baaxadda horumarka ka jira iyo himilooyinka dhanka ganacsiga ah ee ay higsanayso mustaqbalka dhow. Si kastaba ha ahaatee aqoon isweydaarsigan oo lagu baranayey waxyaabaha keena fashilka ku yimaada ganacsiga iyo siyaabaha looga hortegi karo ayaa waxaa soo qaban qabisay rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland waxaana bixiyey Dr. Siciid Cali Shire oo ah qoraa caan ah, cilmi baare, iyo la taliye dhanka ganacsiga ah. Horseed Media Boosaaso Audio http://horseedmedia.net/2012/02/28/siminaar-horumarinta-ganacsiga-ku-saabsan-oo-boosaaso-lagu-soo-gaba-gabeeyey-codadsawiro/
  10. 1998 till 2012 The Government of Puntland existed, the question is how far has it come politically, economically, militarily, socially, etc. Please contribute your opinion on how far the state has come since it's inception and have you been suprised or did you expect nothing less!!! I would like to see some of SOL posters opinions regardless if their pro or anti puntland they must have an opinion regarding what this state has progressed to in the last 14 years. What we do know is that the north-east somalia was barren land at the onset of civil war. It didnt have an effective government from 1991-1998, a good 7 years even though it was peaceful and prospering their was no unified government in the region, each area took care of itself. However since the onset of Puntland government things changed and the question is, was is it for the better or for worse. My opinion is it was for the better and for the simple fact look at Bosaso-Garowe-Galkayo today and compare it to 1991 and see the difference. Look at the peace that has reigned in the region for pretty much the whole part of the civil war. Look at the political fruits we have brought in from domestic and international politics the oil and multi-nationals investments, security deals with dubai, PIS and CIA, none of which existed prior to Puntland, I think based on that the creation of Puntland has done more good then bad for the locals, thats if we were to honestly weigh the good and bad on a scale over a 14 year time period.
  11. I dont know the words 100% but it mentions each city of somalia. I think it is waqoyi song
  12. LONDON: Jaaliyada Puntland oo Xaflad London ugu qabatay Madaxda Dowlada Puntland (Faah-faahin) February 27, 2012 1:27 am GMT - Written by PP - Edited by PP Print London: (pp)- Xaflad Ballaaran oo Xalay lagu soo dhoweeyey Madaxda dowlada Puntland, Puntland Diaspora Forum International iyo Masuulka ugu sareeya Xafiiska (UNPOS) ayaa ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriiska . Madaxda Puntland oo xaflad soo dhoweyn ah loo sameeyey Xafladaas ayaa waxaa ka hadlay Agustina Mahiga oo ah masuulka ugu sareeya Xafiiska QM ee Soomaaliya, Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaam Maxamed Faroole, Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya C/weli Maxamed Gaas , Wasiirka Arrimaha Guddaha & dowladaha hoose Gen. C/laahi (Ilkajiir), Prof. C/risaaq Jurille , iyo masuuliyiin kale. Hadalkii Xildhibaan Prof. C/risaaq Juriile Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurile) Xildhibaanka ayaa khudbo qiimo leh ka jeedeeyey Xafladaas ayaa si guud ugu mahadceliyey Marti sharafta iyo Madaxda Puntland, wuxuuna Prof. C/risaaq Cusmaan Xasan (Jurille)hadaladiisa qiimaha badnaa ku bilaabay sidan ” Waxaan aad ugu faraxsanahay anaan ka mid ahay muwaadiniinta Reer Puntland, waxaan reer Puntland ku tilmaami karaa inay yihiin dad soomaali jecel laguna yaqaan taariikhda soomaalida inay yihiin dad nabad jecel, Waxaan kaloo xusayaa in Puntland ay noqdeen hoygii qaranimada Soomaaliya marka la fiiriyo shirarkii Caalamiga ahaa ee ka dhacay Puntland sida Garoowe1 & garoowe2 , waxaana mahad gaar u celinayaa Madaxda Puntland uu ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole, waxaana idinkula dardaarmayaan inaad dowlada hadda jirta aad taageertaan, maadaama ay ku talaabsatay Guulo la taaban karo oo wax ku ool ah oo dhanka nabada ah iyo dhanka mashaariica horrumarinta, waxaan kale oo idiinkula dardaarmayaa inaad adkeysaan Nabada deegaanada Puntland, faraha ku qabataan nabada Puntland” ayuu yiri Prof Jurile. Hadaladii ugu muhiimsanaa Khudbadii Madaxweyne Faroole Madaxweynaha Puntland dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ” Waxaan halkaan mahad gaar uga soo jeedinayaa Jaaliyada soomaaliyeed ee Puntland sida wanaagsan ee ay u soo qaban qaabiyeen Xafladaan, Waxaan idiin sheegayaa in Puntland ay ku talaabsatay horrumar la a taaban karo, Puntland waxay Martigelisay shirarkii Caalamiga ahaa ee Garoowe1 iyo Garoowe2, waxaana ka soo baxay natiijadii wanaagsanayd ee lagu yimi Magaalada London. Puntland waa nabad , waxaan shacabka Puntland kula dardaarmayaa inay adkeeyaan Nabada , maxaa yeelay Nabad la’aan wax la gaari karo ma jiraan, waxaa loo baahan yahay shacab iyo dowlad in gacamaha la is qabsado , horrumar-na taas ayaa lagu gaari karaa. Waxaan shacabka Puntland u sheegayaa in Puntland 13 sano kahor ay qaadatay nidaamka Federaalka , Puntland cidna kama xigno, anagana Banaadir cidna nagama xigto , qofkii go’aan ku gaara meeshuu doono ayuu degi karaa soomaaliya , Laakiin maamulka wadanka lagu dhaqayo waa inuu ahaadaa Federaal oo dowlad dhexe la isugu yimadaa, anagoo ka faa’iidaysanayaa dhibaatooyinkii horay uga dhacay soomaaliya sida dagaalkii Sokeeye oo aan ognahay inuu yahay waxa Soomaaliya halkaas dhigay”. Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo Xafladaas ka hadlay Raiisal wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof. C/weli Maxamed Gaas oo xafladaas waqti danbe soo gaaray ayaa hadalo kooban sheegay , isagoo yiri ” Aad baan u salaamayaa madaxda dowlada Puntland sida Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale , Jaaliyada , Martisharafta. Waxaan halkaan ka xusayaa in Somaalida degan London ay muujiyeen dadaal dheeraad ah , waxaana uga mahadceliyaa sida ay Jaaliyada soomaaliyeed ee Uk ugu istaageen arrimaha Soomaaliya iyo sida ay u feejigan yihiin , Soomaali waxay Tiraahdaa Kheyr wax kaama dhimee shar u toog haay, markaa shacabka Soomaaliyeed sida xilkasnimada leh ay af-ka u furteen oo ay meelwalba ay qayladooda u gaarsiiyeen ah inay maxmiyad la gelinayo waa ku mahadsan yihiin sida wanaagsan ee ay u feejigan yahiin” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanuday Raiisal wasaare Gaas. Dr. Maxamed Xasan Barre ( Shimbiralaaye) oo ah Guddoomiyaha Doorashooyinka Puntland ayaa hadal kooban ka sheegay xaflada ayaa Carabka ku dhuftay inay diyaariyeen habkii doorashooyinka Puntland , isagoo sheegay in mustaqbalka Puntland ay ka dhici doonto Doorahooyin ku dhisan habka Dimoqraadiga ah. Wasiirka Arrimaha Guddaha & dowlaha hoose Gen. C/laahi Ilkajiir Gen. C/llaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) “ Waad salaaman tihiin Jaaliyada Puntland ee halkaan nagu casuntay, waxaa kaloo salamayaa Raiisal wasaaraha , Marwada Raiisal wasaaraha iyo marti sharafta kale ee halkaan ku sugan. Wadankii waad la socotaan horrumar ballaaran ayaa ka socda anigu wasaarada aan maamulo horrumar ballaaran oo heer gobol iyo degmo doorashooyin ayaa ka dhacay waxwalbana waxay u socdaan siddii la rabay. Puntland Nabadgelyadeeda waa hagaagsan tahay, waxaana kula dardaarmayaa Shacabka Puntland iyo Qurbajoogtu inay garab istaagaan Maamulka Puntland si la isaga kaashado Horrumarka dalka , taas oo ku imaan karta in la is kaashado horrumarka Puntland. Waxaan hadda nagu maqaalo ah waad maqasheen baan u malaynayaa Kooxaha Galgala ay ku biireen Al-shabaab, , waxayna masuuliyada ugu weyn ay saaran tahay dadka deegaanka ee ay joogaan kooxahaasi, anagu hadaan nahay dowlada Puntland marnaba gacmaha laaban mayno , laakiin shacabku waa inay kala shaqeeyaan dowlada shaqsiyaadka wax u dhimaya shacabka iyo ammaanka Puntland”. Augustina Mahiga” Puntland Waxay Role Model u tahay Soomaaliya” Dr. Augustine Mahiga Ambashatoor Mahiga “ Waxaan soo marnay jid aad u dheer , oo aanu dhammaanteen ka wada shaqaynay, Waxaan hambalyo u jeedinayaa dowlada Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo soómaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen. Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe1 iyo Garoowe2 waxay suutageliyeen shirka London, waxaana idiin sheegayaa hadalka uu ku hadlay Cameron ee ahaa (Dowlada Federaalka ma dhaafi karto waqtigeeda), anagu waxaan go’aankaas ku soo gaarnay Shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2, oo waxwalba horaan usoo dhamaynay , wax dhamaysan ayaa lala yimi London, Puntland hadaysan jirin lama gareen wax heshiis ah , waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo Dowlada Puntland oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland. Waxaan kaloo ku farax sanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2 bilood kahor igu marti qaaday inaan ka soo qayb galo shirkooda oo ay uga hadlayeen horrumarinta Puntland dhanka siyaasada , Waxbarashada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyada”. Inkasta oo Xaflada waxyaalo badan laga hadlay haddana waxaan ku dadaalnay oo kaliya inaan soo qaadano hadaladii gaarka ahaa oo kooban ee ay meeshaas ka sheegeen masuuliyiintii ka soo qayb galay Daabacaadda: Puntlandpost.com
  13. Mahiga”Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen.” Posted by Pi on February 27th, 2012 London(Pi) Xafladii ay Jaaliyada Puntland ee London usameeyeen Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London ayaa waxaa marti u ahaa Danjiraha Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya u qaabilsan Augostine Mahiga, wuxuuna Xaflada ka jeediyey khudbad dheer. Hadaladii Mahiga waxaa kamid ahaa Agustina Mahiga” Puntland Waxay Role Model u tahay Soomaaliya” Ambashatoor Mahiga “ Waxaan soo marnay jid aad u dheer , oo aanu dhammaanteen ka wada shaqaynay, Waxaan hambalyo u jeedinayaa dowlada Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo soómaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen. Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe1 iyo Garoowe2 waxay suutageliyeen shirka London, waxaana idiin sheegayaa hadalka uu ku hadlay Cameron ee ahaa (Dowlada Federaalka ma dhaafi karto waqtigeeda), anagu waxaan go’aankaas ku soo gaarnay Shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2, oo waxwalba horaan usoo dhamaynay , wax dhamaysan ayaa lala yimi London, Puntland hadaysan jirin lama gareen wax heshiis ah , waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo Dowlada Puntland oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland. Waxaan kaloo ku farax sanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2 bilood kahor igu marti qaaday inaan ka soo qayb galo shirkooda oo ay uga hadlayeen horrumarinta Puntland dhanka siyaasada , Waxbarashada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyada”. Inkasta oo Xaflada waxyaalo badan laga hadlay haddana waxaan ku dadaalnay oo kaliya inaan soo qaadano hadaladii gaarka ahaa oo kooban ee ay meeshaas ka sheegeen masuuliyiintii ka soo qayb galay Sawiradii xaflada oo ay kasoo Qaybgaleen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyo Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole, hada ayaan gacanta ku haynaa oo soo gudbinaynaa, Waxaa Xaflada iskusoo dubaridey PDF-Uk, waxaa Marti u ahaa PDF USA, PDF CANADA IYO PDF DENMARK. Puntlandi.com London
  14. Does anyone know this somali song that sings about each city in Somalia? I dont know what the song name is
  15. Red Emperor to raise £6.9 mln for Puntland and Georgia exploration 8:17 am by Ian Lyall Red Emperor is raising £6.9 million at a modest discount to Friday’s closing price on AIM. Red Emperor Resources (LON:RMP, ASX:RMP) said this morning that it is raising £6.9 million to fund its exploration programmes in Puntland and Georgia. It is doing so via a two-tranche placing of shares at 18 pence each, a modest discount to Friday’s closing price on AIM. Almost 16.2 million shares are being issued in the first tranche, with a further 22.3 million expected to be placed in the second. The company can place up to an additional 7 million new shares as “over-subscriptions” to Australian shareholders to the second tranche. The placing is being organised by Fox-Davies Capital and Old Park Lane in the UK and Max Capital Pty in Australia. In an update on progress, Red Emperor said that its Shabeel-1 well in Puntland, an autonomous territory of federal Somalia, is now at 1,230 metres. In the former soviet state of Georgia, meanwhile, the Namakhvani well is expected to spud in mid April.
  16. Garoowe:Qorshaha Sadexda Sano ee Soosocota ee Wasaaradda Qorshaynta puntland oo Maanta si rasmi ah losoo bandhigay…(Sawiro). 26. february 2012 APL Garoowe ( Allpuntland) : Qorshaha Sadexda Sano ee Soo socota ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Lagu Maamulidoono ayaa Lagu soo Bandhigay Shir Balaaran oo ka Furmay Xarunta Wasaaradda ee Garoowe ,Waxaana kasoo Qaybgalay Wasaaradaha Bahwadaagta la ah Wasaaradaan Qorshaynta ,Waaxyaha Wasaaradda iyo Masuuliyiin kale. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ah ee Dawlada Puntland Dr.Faysal Siciid Muuse (Faysal Siciid Dheere) ayaa ugu Horayntii ka Warbixiyey ujeedada kulankan oo uu Sheegay in Looga Golleeyahay Sidii loo Meelmarin lahaa Qorshaha 3 sano ee soo socda ee Wasaaradda lagu Maamuli lahaa isagoona sheegey in Qorshahani uu ka balaaranyahay kana waxqabad badnaan doono kuwii hore. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga puntland Daa’uud Maxamed Cumar oo si Rasmi ah u Furay kulankan ayaa Xusay in ahmiyad wayn ay u leedahay Horumarinta Qorshahan wasaaradda,Daauud ayaa sidoo kale ku Booriyey ka Qaybgalayaashu in ay ku biiriyaan Taladooda iyo Fikirkooda Qorshahaan si uu u noqdo Wax mira dhal la Taaban karo ay kasoo Baxdo. Wasiirku waxaa uu Carabka ku Dhuftay in uu soo Maray Marxalado kala Duwan iminkana ay diyaariyeen La taliyayaasha Wasaaradda oo Waqti Balaaran Geliyey sidii loo Heli lahaa Qorshe ku Haboon wasaaradan, kaasi oo ay ku dhexjiridoonaan ,sida ay u shaqayndoonto wasaaradani ,Hay,adaha Caalamiga ah sidii ay ula Shaqayn lahayd iyo Waliba Wasaaradaha ay wada shaqaynta laleedahay. Kulanka ayaa socondoona Mudo 3 Cisho ah iyadoo looga Doodi doono Qorshaha Sadexda Sano ee Soo socota Lagu Dhaqidoono Wasaarada Qorshaynta ,iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah. Xafiiska Wararka ee Allpuntland Garoowe.
  17. king there is always going to be a long way to go, but its better then what mogadishu folks are doing their city. Its a step in the right direction and it should be encouraged not disproved
  18. Maamulka Degmada Bosaso ayaa maanta Laami saaray Wadada Gaac ee Magaalada Bosaso . Maamulka degmada Bosaaso ayaa maanta si rasimiya laami u saaray wadada Gaaca oo ah wado muhim ah dhanka isu socodka gaadiidka iyo dadka gudaha magaalada Bosaso. Wadadan ayaa horay u ahayd mid uu aad uga muuqdo bur bur farabadan taasi oo mararka qaarkood dhibaatooyin ku keeni jirtay gawaarida isticmaala wadadaasi . Gudoomiyaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo SBC kula hadalay gobta ay shaqadu ka socotay ayaa sheegay in mudo badadn ay wadeen dayactirka wadada Gaaca ilaa ay maanta ka soogaartay in lasaaro Laami sidaasi waxaa SBC u xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Bosaso Mudane Xasan Dhanka kale gudoomiyaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan ayaa shacabka Reer Bosaso ugu baaqay in ay gacan kageystaan shaqooyinka uu maamulku wado ee ku aadan soo celinta bilicda Magaalada dhaqaalaha Puntland ee Bosaso iyo waliba furitaanka wadooyinka muhimka ah . Masuuliyiin ayaa SBC u xaqiijiyay in wadada xigta Gaaca ee laamiga lasaarayo ay tahay wadada Hor marta Warbaahinta Caalimiga ah ee SBC aadan dhanka garoonka diyaaradaha . Maamulka degmada Bosaso mudadii gaabnayd ee uu xilka hayey waxa uu ku talaabsaday horumar dhanka wax qabashada ah oo waliba u badan furida wadooyinka Bosaso iyada oo la og yahay in Bosaso ay caan ku tahay wadooyin ciriir aha Cismaan Saalax Ismaaciil SBC International Boosaaso Daalacatey :9
  19. Ok this is good progress, the manufacturing sector in Bosaso is united a regulatory lobby that will enhance competition and cooperation between manufacturers. For example why have 3 fish can factories, when we can diversify? this sort of lobby can achieve that through cooperation of factory owners on what the nation needs and where to invest. I believe this also should expand and we really in dire need of an electricity regulator so that electricity companies do not just throw wires around poles and follow best practises however this can only be achieved through a united regulatory body that can enforce these standards upon electrcity providers. The direction the state is going is good and indicates future growth and progress. Manufacturing union is established, banking services are there, port activity is booming, infrastructure building is occuring especially with roads which will enhance further activities in the city, the oil is being drilled and major oil firms are in negiotation to set up pipelines and refineries. So the environment for progress is definitely there and Puntland is ready to move on from war to prosperity, come on aboard guys or be left behind its up to you
  20. Dallad ay ku bahoobeen wershedaha Puntland oo Boosaaso looga dhawaaqay [Codad+Sawiro] Updated:- 1 min ago| 0 Commnets Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta looga dhawaaqay urur ay ku bahoobeen wershedaha ka jira Puntland. Munaasabadii ururkan lagu daah furayey oo ka dhacday xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, maamulka rugta, iyo ganacsato badan. Madaxdii munaasabadaas kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje, gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim, ku-xigeenadiisa Siciid Xuseen Ciid, Maxamed Caydiid Jaamac, iyo xoghayaha guud ee rugta Axmed Ciise Maxamuud. Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Axmed Ciise Maxamuud wuxuuna ka warbixiyey qaabkii lagu soo doortay gudoonka sare ee ay dalladaasi yeelanayso iyo inta xubnoond ee ay ka kooban yihiin. Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo intaas kadib hadalka qaatay ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in wershadaha Puntland ay yeeshaan dallad ay ku bahoobeen taasina ay horseedi doonto in Puntland ay hurmar dhanka dhaqaalaha ah oo weyn ku talaabsato. Cabdifataax Jaamac Nuur oo isaga loo doortay gudoomiyaha dallada ganacsatada wershedaha ee Puntland ayaa isna sheegay in dalladan cusub ee al sameeyey ay noqonayso mid wax badan tarta maadaama laga soo bilaabo xiligii ay dowladdii dhexe burburtay uusan jiran nidaam mideysan oo isku xira wershedaha dalka ka jira. Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee rugta ganacsiga Puntland Siciid Xuseen Ciid oo kamid ahaa mas’uuliyiintii munaasabadaas ka hadlay wuxuu ka warbixiyey faa’iidada ay wershaduhu leeyihiin maadaama ay kaalin weyn ka qaataan wax soo saarka dalka arintaas oo uu mudane Ciid tilmaamay inay tahay midda ay dunidu ku kala hor martay. Cabdiladiif Yuusf Barre oo kamid ah asaasayaashii rugta ganacsiga kuna jira ganacsatada ugu waaweyn Puntland ayaa isna ku booriyey gudoonka cusub ee ururka wershedaha inay ku dadaalaan sidii ay xilka la saaray uga soo dhalaali lahaayeen, isagoo intaas raaciyey in ganacsatada ay tahay inay qayb weyn ka qaataan horumarka guud ee bulshada. Wasiiru dowlaha ganacsiga ee Puntland Maxamuud Faarax Beeldaaje oo gaba gabadii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday sida ay dowladdu dadaalka dheeriga ah ugu bixiso harumarinta dhaqaalaha, isagoo intaas raaciyey in inta badan ganacsatadu ay cashuurta ka cawdaan, cashuurtuna ay tahay waxa keliya ee horumarka dalku ku imaan karo. Waa markii ugu horeysey ee Puntland laga sameeyo dallada ay wershaduhu ku mideysan yihiin, waxaana gudoonka sare ee maamulka ururkaas loo doortay ay kala yihiin sidan: Gudoomiye: Cabdifataax Jaamac Nuur Gudoomiye ku-xigeen 1: Maxamuud Maxamed Jaamac (Carab) Gudoomiye ku-xigeen 2: Khaalid Xasan Cali Horseed Media Boosaaso Audio http://horseedmedia.net/2012/02/26/dallad-ay-ku-bahoobeen-wershedaha-puntland-oo-boosaaso-looga-dhawaaqay-codadsawiro/
  21. Cilmibaaris horumarinta deegaanka ku aadan oo Qardho lagu soo gaba gabeeyey [sawiro] Updated:- 2 mins ago| 1 Commnets Iydoo dhawaan si rasmi ah Jaamacdda Bariga Soomaaliya ay u daah furtay barnaamij bandhiga cilmi baaris oo la doonayo in arday Jaamacadda iyo weliba dadka aqoonyahanka ah ay baaritaan ku sameeyaan sidii looga qeyb qaadan lahaa horumarka degaanka. Barnaamijkaan ayaa waxaa si weyn looga hadlay qaabka ay dunidda maantay horumarka u sameeysay iyadda oo tusaale loo soo qaatay dalal badan oo maantay caalamka horumaray ah. Eng. Yuusuf Cali Xidig oo ka tirsan Aqoonyahanka u dhashay Qardho ayaa si weyn uga hadlay sida dalka maantay ay horumarka u sameeyaan, isaga oo sheegay in jirtaanka dal ama da’diisa aysan ku xirneyn horumarka uu dalka gaaro. Dalka Masar iyo India oo jiray 2000 oo sanno ayaa waxaa ka horumarsan, dalka Austriala iyo kuwa badan oo ka tirsan Yurub oo jiray 150 Sanno keliya, isaga oo sheegay in Maantay Qardho oo degmo loo aqoonsaday 82 sanno ka hor aysan weli gaarin halkii la rabay. “Maantay dadka Soomaalida ah waxa ay aaminsan yihiin oraahda ah , We are in this state because we see something done wrong and say “Let it be” oo ah in dadka maantay wax walba oo khalad ah aysan isku dayin xataa in ay wax ka qabtaan, ayuu barnaamikiisa si weyn uga hadlay. Cali Maxamed Cali Maamulaha Jaamacadda ayaa isaga sheegey inbaaristaan ay waxa weyn ka tari doonto guud ahaan shacabka Qardho in ay isbedel dhab ah lagu sameeyo xagga horumarka degaanka. “ Ninka Qardho ku korey waxaa uu la mid yahay 100 qof, waayo waa mid leh han libaax oo kale oo shacabka uu la nool yahay waxa badan ayuu kaga duwan yahay xagga fekerka iyo hamiga, waayo Qardho raggii Soomaaliya taariikhda ku lahaa oo dhan ayaa ka soo jeeda” ayuu yiri Cali Maxamed Cali. Barnaamijkaan ayaa waxa uu noqnayaa mid wax weyn ka tara guud ahaan shacabka, iyadda oo si rasmi ah qeybta Cilmi bariista ee Jaamacadda ESU ay u hirgelin doonto in magaaladda wadooyinkeeda iyo weliba bilicda magaaladda. Dhawaan ayaa la filayaa in ay arday Jaamacada ay soo bandhigan qeybtii ugu horeysay cilmi baaris ay ku sameeyeen guud ahaan magaaladda Qardho, sida uu sheegay Cabdiraxman Maxmed Cali “Black” Afhayeenka Ardayda Jaamacadda Bariga Soomaaliya. Waxaa hubaal ah in magaalada Qardho ay leedahay arrimo badan oo horseedi kara inay si tayo leh u korto una saan-qaaddo horumar hadii qurba joogta u dhaltay Qardho ee dibaddaha jira ay gudaha ka sameeyaan maal gashi, sida magaalooyinka kale ee puntland ay qurba joogta u dhaltay horumarkeeda uga qeyb qaateen. Waxaa laga ma maarmaan ah in qaabka horumarintu noqdo mid lagu asteeyo qorshe marxaladaysan oo ballan qaadaya horumarinta degmada si ay u noqoto geyi cammiran oo soo jiita maal-gashiga, ganacsiga,mashaariicda adeegyada, kuwa xanaanada xoolaha, warshadaha iyo kaabayaasha la xiriira,taasoo u baahan in si hagaagsan loo maalo khayraadka iyo fursadaha degmada ka jira ee uu Eebbe ku mannaystay uguna hiiliyey Cabdiraxamaan Maxamed Cali [black] Horseed Media Boosaaso
  22. Damn that speech by farole at london made me proud to be puntlander!!! He is like real president