Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Qardho: Ku-simaha Boqorka ******* oo Qado-sharaf u sameeyey Wefdiga Madaxweynaha [sawiro] Updated:- 3 hours ago| 6 Commnets Ku-simaha Boqorka ******* Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta qado sharaf u sameeyey madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.C/raxman Shiikh Maxamed iyo qaar ka tirsan wasiiradiisa iyo nabadoonada ku nool magaalada Qardho ee xarunta gobolka karkaar. Qado sharaftan ayaa ahayd mid si heer sare ah u dhacday waxaana intii ay socotay mas’uuliyiintii lagu casuumey isweydaarsadeen hadallo ku aadan sida ugu haboon ee nabadda iyo xasiloonida guud ee gobolka looga dhigi lahaa mid sugan. Wasiir ku xigeynka arimaha gudaha Cali Yuusuf Cali xoosha oo saxaafadda la hadalay ayaa aad ugu mahadceliyey kusimha boqorka qadosharafta oo u sameeyey mas’uuliyiinta Dowladda iyo nabadoonada ku nool magalada Qardho,isaga oo sheegay in ay ku faraxsanyihiin sida ay nabadoona ugu soo qeybgaleen kulankan. Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Karkaar Nabadoon Maxamed Aadan Cali oo ka mid ahaa nabadoonadii ka soo qeybgalay qado sharaftaan ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan madaxda dowladda oo ugu horeeyo madaxweynaha dowladda Dr.C/raxman Shiikh Maxamed oo magalada Qardho u joogo xalinta khilaaf u dhaxeeyo beelo walaalo ah oo wada dagan magalada Qardho,nabadoonka ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin qado sharafta oo u sameeyey kusimaha Boqorka Boqor Burhaan Boqor Muuse. Ugu danbeyntii kulankaani ayaa waxaa soo xiray kusimaha Boqorka ******* Boqor Burhaan Boqor Muuse oo sheegay in Qadosharaftaan in ay ku aadantahay soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha iyo wasiirada la socda,waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay dadaalada uu madaxweynaha ka wado xalinta qilaafka u dhaxeeyo labada beelood eek u nool Qarhdo,waxa uuna rajeeyeyin dhawaan la xalindoono arintaas. Horseed Media
  2. wlc back home boys to boocame strictly puntland city and our puntland education minister was there not long ago doing some project related activities
  3. Ciidamo iyo Hub Kasoo Goostay Somaliland oo Soo Gaaray magaalada Boocame ee gobolka Sool [sawirro] Boocame [RBC Radio] Ciidamo iyo hub kasoo goostay ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Boocame ee gobolka Sool,kuwaas oo tiro ahaan gaaraeyey ilaa 50-askari,waxaana si weyn usoo dhaweeyey dadka deegaanka kunool. Mid kamid ah askarta soo goosatay oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sababta keentay in ay kasoo tagaan magaalada Laascaanood oo iminka gacanta ugu jirto Somaliland ay tahay ka dib markii ay u dulqaadan waayeen hagardaamada iyo dhibka uu Maamulka la magac baxay Somaliland uu ku hayo Shacabka SSC ayna markaas go’aan ku gaareen in ay kusoo biiraan Shacabkooda. Hubka ay lasoo goosteen ayaa waxaa kamid ah Gaari uu saaranyahay Qoriga loo yaqaan Zuu-ga iyo Gaari kale oo u saaranyahay Qoriga Shilkaha kuwaas oo dhamaantood lagu soo bandhigay magaalada Boocame ee gobolka Sool, Ilaa hadda kama aysan hadlin soo goosahada Ciidanka iyo hubkooda Maamulka Somaliland Saraakiishooda dhanka Ciidanka,waxaase tani ay dhabar jab ku noqoneysaa Maamulka Somaliland oo sheegta in goboladaasi ka tirsan yihiin Maamulkooda. RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso
  4. Sh.Shariif oo tababar u soo xiray kun askari oo ku biiraya ciidamada DKMG+SAWIRO March 17, 2012 - Written by editor - Edited byeditor Madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta tababar u soo xiray kun askari oo ka mid ah ciidamada dawlada oo tababar mudo socdey uu u soo dhamaaday. Ciidamadan oo tiradoodu gaarayso 1000 askari ayaa waxaa tababarka loogu soo xiray xerada Jasiira ee duleedka magaalada Muqisho, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen dhuulo iyo gaada ka ciyaar ku aadan tababarkii ay qaateen. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku tilmaamay tababarka ciidamadan u soo dhamaaday mid muhiim ah oo ku aadan waxqabadka dawlada ee la xiriira dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed. DAAWO SAWIRADA
  5. Closer to home ladan, you will find the same sort of educational success happening every week. Its the most progressive region in Somalia with something new happening every second day!!! Gaalkacayo: Dufcaddii 1-aad ayaa ka baxday Jaamacadda PUST [sawiro] Updated:- 9 hours ago| 3 Commnets Dufcadii 1-aad ee arday aha yaa ka qalanjabiyay jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUST) ee magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug. Munaasabad balaaran oo ka dhacday xarunta jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUST) ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka sh.sh.dh iyo cayaaraha Puntland Cabdiwali Indho Guran.Gudoomiye xigeenka gobolka Mudug Farxaan Cali xirsi ,duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi faarax ,Pro Maxamed Jaamac salaad iyo qaar ka mid ah aqoonyaahanada gobolka Mudug. Munaasabadan oo Shahaadooyin lagu gudoonsiiyaya arday dhan 32 arday oo ka qalainjabisay kuliyadaha kala duwan ee lagu barto jaamacada PUST ayaa waxaa ugu horaytii daah furay duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax oo ugu horaytii ka hadlay qiimaha waxbarshada. Col Siciid Cabdi duqa degmada Gaalkacyo ayaa aad ugu bogaadiyay ardayda qalinjabisay in ay tacliinta ay barteen ugu shaqeeyaan degaankooda iyo dadkooda isla markaana ay sii kordhiyaan tacliintooda oo aysan intaan uga harin. Mursal Abdilsalan Xasan (Daabjeerin) oo ah Financial strategist jaamacada PUST isla markaana waday xiriirka munaasabada ayaa hadalka ku soo dhaweeyay qaar kamid ah masuuliyiintii ka soo qayb gashay xafldan oo dhamaantoodba ugu mahadceliyay jaamacada PUST dufcadii koowaad ee ay soo saarto tan iyo markii dhidibada loo taagay. Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi oo isna kalmad kooban ka soo jeediyay xaflada ayaa ugu horayti mahadnaq balaaran u soojeediyay maamulka jaamacada PUST isagoo dhanka kale kula dardaarmay ardayda qalinjabisay in ay sii wadaan waxbarshadooda islamarkaana ay bulshada uga faaiideyan tacliinta ay haatan haystaan. Qaar kamid ah ganacsatada gobolka Mudug oo munaasabadan ka soo qayb gashay isla markaana uu kamid ahaa Eng cumar dheere ayaa u balanqaaday ardayda qalinjabisay in ay siin doonaan shaqooyin kala duwan oo ku salaysan kuliyadaha ay ka qalinjabiyeen Ugu danbaytii waxaa munaasabada soo gunaanuday Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada cayaaraha Puntland Cabdulwali Indhu guran ayaa uga mahadceliyay jaamacada dadaalkeeda dhanka waxbarshada ee ay ka wado gobolka Mudug . Wasiirka ayaa isna balanqaaday in wasaaradiisu ay balan qaadayso shaqaalaysiinta ardaydan qalinjabisay isagoona gudoonsiiyay shahaadooyinkii loogu talagay ardayda ka qalin jabisay jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUS) Axmed Maxamed Cali Horseed Media Gaalkacyo-Puntland
  6. Ladan Maxamuud Saleebaan oo ku Guulaysatay Abaal marin Waxbarasho (Daawo) 17/03/2012 | Filed under: Somali News | Posted by: admin Ladan Maxamuud Saleebaan oo ah gabar Soomaaliyeed kana soo jeeda Puntland, , ayaa ku Guuleystay Abaal-Marin xaga Waxbarashada ah. Gabdhan ayaa noqotey Gabdha ugu sareysa Iskuulaadka Waxbarashada Xaafad ey dagan yihiin Boqol kun oo qof laguna Magacaabo London Brough Of Camden. Ladan Walaasheed Iimaan ayaa horey u dhigey British Record GCSE. Gabdhan ayaa noqoneysa Gabadhii Labaad ee ugu Sareysay Ardeyda Soomaalida ee GCSE dhigta ee ku dhaqan Dalkan Britian marka laga reebo Walaasheed oo aan wali la jabin Kaalintii ey dhigtey oo ahaa 10,GCSE, A,Star
  7. kingy, horumarka ay gaarayso puntland dad badan ayaa ka xun, bal eega habartan iyo naxdinta ka hayso horumarka puntland oo aysan waxba ka gaban karin inay eegto mooye
  8. war meeshu waxa ka socodo rice farms, meeshu ma shiino ba? puntland waa meeshu ugu beero badan waqoyiga somalia marki la soo dhaafo beletweyn illa zaylac
  9. waryaa kingy its high 5 time for the horumar of bosaso Bosaso undeniably the best city in Somalia
  10. I am very satisfied with the electricity cables not being swung across poles, which actually I think contributed to the market blaze. I am happy to see the market is rejuvenating and its doing so alot more better then it was before. Dad badan ayaa ka naxay Bosaso iyo horumarkooda, waxa dhiman in magalada laga wada dhigo laamiyo iyo superhighways
  11. War meeshu ma shabeelaha ba, waaba yaabay...The agriculture boom continues!!! bal idinku na tusiya dhulkiina
  12. Heerka Wax Soo Saarka Beeraha Degaanka Dhud ee Gobolka Bari oo Kor u Kacay(Sawiro). 17/03/2012 | Filed under: Somali News | Posted by: Saacid Yare Heerka Wax Soo Saarka Beeraha Degaanka Dhug ee Gobolka Bari ayaa Kor u Kacday,Iyadoo Dhawaan qaar ka mid ah dadka degaanka Dhug ee Gobolka Bari ay bilaabeen Tabcashada Beeraha ayaa Waxaa haatan Muuqata in Horumar laga Samaynayo Dhinaca wax soo saarha dalagyada. Dalagyada la beeray ayaa waxaa ka mid ah Sida :Babayga ,Yaanyada, Qaraha, Barbarooniga, Masagada, Digirta, Timirta iyo kuwo kale waxaana beeraleydu ay Sheegeen in ay ku tala jiraan beerista dalagyo kale sida Mooska iyo Liinta, waxaana imminka deegaano hor leh loo diyaarinayaa in wax lagu beero ka dib tijaabooyinkii hore oo hididiilo wanaagsan muujiyay. Inta badan waraabka Beerahan waxa uu yahay Roob ku bax inkastoo ay jiraan Siyaabo kale oo lagu waraabibay hase ahaatee ma badna. Tani waxa ay dhiiri galinaysaa dad badan iyadoo cadeyneysa in dalagyo kala duwan ay ka baxayaan deegaanka Dhud ee Gobolka Bari.
  13. Come on guys xasidnimada iska daaya, Puntland is booming admit it and stop lying to yourself or are you going to blindly ignore all the cities and towns with a boom happening in every sector? come on guys just swallow your pride and admit it you have been left behind.
  14. I heard khadar mom was from garowe, Ill ask my dad but im pretty sure he said curadkisa ayaa reer hargeisa dhaleen. God im so lazy I could go down to melbourne or contact someone there as im only a 1 hr air flight away from that city.
  15. I don't know about you guys, but I visit my local somali cafe quite often to hear the people's opinion about the latest going on in Somalia and there is this rampant rumour about mohamed farole going around, there is heaps but i'll list the ones i've heard from various people; 1. Mohamed farole got married to some garowe lady who is garoob and the wedding was held in dubai with a price tag of $2 million 2. Mohamed farole regularly goes to hargeisa and his mother apparently owns heaps of properties there, some of the largest ones in the city. Plus his mother is related to some high up folks in somaliland govt. 3. Mohamed farole is influencing his father politics and telling him what to do and what not to do and mohamed farole could be influenced by his mother. I don't know if you guys have heard these rumours but its rampant in my cafe, is there any truth behind it?
  16. PUNTLAND : Shirkadaha Shidaalka ka qodaya Puntland oo noqday kuwo Isha lagu hayo Suuqa maalgashiyada London March 16, 2012 10:38 am GMT - Written by Yusuf - Edited by Yusuf Print Puntland:-Shirkadda Red Emperor Resources oo ka mid ah shirkadaha ka qaybqaadanaya qodida Shidaalka Puntland ayaa noqotay shirkadda indhaha lagu hayo waxayna isbuucaan oo dhan ahayd mid qiimaheedu aad u kacayey, Arbacadii la soo dhaafay keliya waxay shirkadaani kor u kacday 15%, markii ay Suuqa soo gashay in ceelkii Shabeel-1 laga helay Shidaal ka koreeya halkii laga malaynayey. Waxaa isbuucaan la wada sugayaa in lagu dhawaaqo natiijadii ugu dambaysay iyadoo Shirkadaha Shidaalka qodaya iyo Dowlada Puntland ay si wadajir ah u shaacin doonaan natiijada, taas oo Saamiyada (Shares) shirkadaha Range Resourse, Red Emperor Resources iyo African Oil sida la sdaalinayo ka dhigi doona mid cirka isku shareera. Puntlandpost.com
  17. Carafaat;804746 wrote: Dr.Osman, in term of size you are comparing the biggest, second biggest and the 13th biggest city of Somalia with eachother. Well thats thanks to colonials for setting up shop in your backyard, not ours!!! John iyo James ba ka dhici jiray Berbera and we all know where the largest church was located in somalia mogadishu, wax lagu faano miyaa waxaas? you should faan about what your fathers did not what someone else fathers did your father lol!!!! I faan about saldanadayda because its my fathers and grandfathers Anyways this about progressiveness and which city is leading. Like I said im undecided as far as city vs city is concerned because I find both strength and weaknesses in most cities, but as a region vs region my mind is already made up after assessing facts