Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Originally posted by Libaahe*: Couldn't you atleast make it more proffesional like afisoone's videos, ps. Xaage lagaga keenaya the supposed wife, qardho miyaa. Yeah alot of my aunties back there have been hassling me out about getting married and how they some really hot chicks ready for me. I am sure u all have relatives like that back at home don't you? Anyways like I said i might take them up on the offer if I don't get a girl here. Thats only if worse gets to worse but I am pretty sure I'll get a girl in qurbaha we will see.
  2. ÅRHUS: Ka soo qaybgal Xaflada Sabadguurda 12-aad ee Puntland Posted to the Web Jul 27, 17:54 Puntland Diaspora Forum Denmark Waxaa lagu casuumayaa dhamaan Dadka soomaliyeed ee Reer Denmark, in ay naggala soo qeyb galaan Munaasabada sanadguurada 12-aad ee Puntland, oo ku beegan taariikhda markay tahay: Maalinta Axada: 01.Agoosto.2010. Saacadana ay tahay 16:00-22:30 Cinwaankan Goobta shirka: Foreninghus Nordgårdskolen. Sigridsvej 46, Bygning 3. 8220 Brabrand Mobil: + 4528668897 Mobil: + 4531835439 M Jama Sooyaan: Mobil: + 4540720324 Abdirahman A. Shire FG: Waxaa barnaamijka ku jirta in uu Madaxweynaha Puntland iyo Madaxda sare ee Puntland ay nagala soo qeyb gali doonaan Qadka Telefoonka. Abdisalan Ali Farah Kala xiriir: pdfdgudomiye@gmail.com Daabacaada: Puntlandpost.com
  3. 13 qof oo dhintay is not mere skermish to me sxb. In a couple of hours of fighting. 5 haa lakin 13 is not good news waxaa iska cad in hub culus laysku adeegsaday iyo qoriga fududka layska dhigay. Anyways farole uma eeko qof soo af jareyo arintan wuu si wadaya illa atam gets out and atam wuxu ku dhartay meelna uma socodo. Wallahi Its worrying issue and can get alot worse. U know last time al-itihaad war caused close to 1000 deaths over 5 month period? Farole should really pay careful attention before we risk jepordizing our region for such silly nuisanes like atam. He should build up a big force to scare atam away rather then send contingents because atam will deal with those contingents and more deaths is just going to occur. The best thing farole should do is send a huge force triple the size of atams force. Say send 2000 boys there and atam has 500 he will realize there is no point to fight. But if u keep sending a few hundred attam has the capability to deal with that and the war will just continue. Farole should either end this peacefully or go hard big time. Lakin the middle ground is not solution and he should know better.
  4. If you think this is mere skermish sxb think again. Diyaarado Dul Heehaabaya Hawada Boosaaso iyo Galgala & Wararkii ugu Dambeeyey Deegaanka Waxaa magaalada Boosaaso iyo degaanada ku xeeran oo ay ku jirto degaanka Galgala laga maqlayaa illaa xaley diyaarado guuxoodu dheer yahay oo dul maraya kuwaasi oo dadku ku tilmaameen kuwa basaas ah. Saacadihii u dambeeyey ayaa guuxa diyaaradahan uu isa soo tarayey iyadoo ay shaley dagaalo u dhexeeyey ciidamada dowlada Puntland iyo kuwa Xarakada Shabaab ee taabacsan Sheekh Maxamed Siciid Atam ay ka dheceen buuraleyda u dhexeysa Karin iyo Galgala oo ah degaan ka tirsan gobolka Bari. Lama garanayo halka ay diyaaradahan ka yimaadeen maadaama aney suuragal ahayn in la arko oo ay yihiin kuwo jog sare ku duulaya, balse waxaa la sheegayaa inay yihii kuwo aan cidina wadin ee sawirada dusha sare ka qaada. Dad degaanka ah ayaa RBC u sheegay in maanta xaalada ay degan tahay oo aysan jirin waxdagaal ama iska horimaad ah oo halkaasi ka dhacay inkastoo labada dhinac ay weli is hor fadhiyaan. Ciidamo badan oo xoojin ah ayaa illaa shaley ka kala imaanayey magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso kuwaasi oo gaaray degaanka lagu dagaalamay, waxaana ciidamadan gurmadka ah hogaminayey madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire, wasiirka amniga Gen Yuusuf Khayr iyo wasiirka arimaha gudaha Gen C/laahi Ilka jiir. Ma muuqato wax wada hadal ah ama saansaan u eg, hase yeeshee waxaa wararka sheegayaan in labada dhinac uu mid walba soo xoojinayo aaga hore ee dagaalka. Warar soo baxaya ayaa sheegay in xoogaga dowlada Puntland ka soo horjeeda ay ciidamo dheeraad ah ku soo xoojiyeen dhinacooda oo ah xagga buuraleyda ka sokeysa Galgala oo shaley dagaalku ku gabal dhacsaday. Dowlada Puntland waxay ku adkeysaneysaa inay ka go’an tahay sidii loo soo afjari lahaa kooxaha hubeysan ee saldhiga ka dhigtay buuraleyda Galgala, kuwaasi oo Puntland ay ku eedeysay inay ku xiran yihiin Xarakada Shabaab ayna masuul ka yihiin dilalka iyo qaraxyada lala beegsado masuuliyiinta dowlada. Dhinaca kale ee ka soo horjeeda Puntland waxaa hormuud u ah Sheekh Maxamed Siciid Atam oo degaan ahaan gobolka Sanaag Bari ka soo jeeda. Mana jirto wax hadal ah oo rasmi ahaan uga soo baxay hogaanka Xoogaga Galgala oo warbaahinta ay heshey. Dhinaca kale ciidamada Puntland oo shaley xayiraad ku soo rogay gaadiidka safarka ee ka bixi jiray Boosaaso ayaa maanta fasaxay in baabuurtu ay isticmaalaan wadada ka baxda Boosaaso, mana jirto sabab dowladu sheegtay in wadada loo xiray. Hase ahaatee waxaa weli go’doomintii ay saran tahay Galgala iyo tuulooyinka hoos yimaada oo ay joogaan xoogaga Sheekh Atam, iyadoo gebi ahaanba mudo ka badan toddobaad aan jirin wax baabuur ah oo galay ama ka soo baxay wadada dhinaca galbeed uga baxda Karin oo tagta Galgala, waxaana loo maleynayaa in ujeedadu tahay in saadka laga gooyo degaanada ay joogaan kooxahan mucaaradka ah.
  5. General it's funny somaliland hasn't commented on this galgala issue, war dadkas wa dad funny ah wallahi. I thought silanyo would operate differently to rayale. Anyways mr.atam is dangerous man ma ahan sida cade muse oo kale oo sameystay jabhad to save puntland. This atam guy wants to destroy puntland and establish a totally radical system. Atam mamul ayuu sheegtay sxb. He has soldiers that take their orders from him. Its really mamul vs mamul whats happening in bari and their can only be 1 mamul for waqoyi bari ama sheekada galmudug iyo cadaado ayaba dhacayso.
  6. SOMALIA: Clearance and safety messages save lives Source: Mines Advisory Group (MAG) Date: 23 Jul 2010 "I am so happy today and I will stop worrying about this danger to children and also other villagers" - Hawo Khalif, whose house in Riigoomane had been 25 metres from a stockpile of 105 white phosphorous mortars. Riigoomane is a small rural community situated 40 kilometres north west of Galcaio close to the Ethiopian border within Puntland State of Somalia. The majority of people living in Riigoomane depend on the land for their survival, raising livestock including goats, sheep and camels which they then trade or slaughter in order to eke out an existence. MAG first visited Riigoomane earlier this year, to carry out a field assessment in conjunction with the Puntland Mine Action Centre (PMAC). The area is known to have experienced many years of armed conflict, and both MAG and PMAC were aiming to establish how assistance could best be provided to the community. After sitting with community elders it became clear that the area was contaminated with various forms of Explosive Remnants of War (ERW). The effects of discarded ERW were all too clear to Farah Nur a 12-year-old boy who lost four fingers when playing with a fuse he found lying under a bush. The next day PMAC dispatched the Puntland Police Explosive Ordinance Disposal (EOD) team to the site to conduct Mine Risk Education (MRE). MRE was delivered in Riigoomane to groups of men, women and children in order to mitigate against any immediate risky behaviour. During this vital dialogue between the community and the team, Istahil Ahmed, a woman living in the centre of the village reported that there were munitions buried at the rear of her home. She was worried for her children who played on this open ground and wanted to extend her home but was scared to dig foundations. The EOD team recorded this suspected buried stockpile as a Dangerous Area and then reported it back to PMAC. MAG and PMAC returned to Riigoomane in July, fully equipped to excavate the area which was surrounded on three sides by houses. The team quickly got to work in the blistering heat, carefully excavating the soil in search of the buried munitions. Community members were naturally inquisitive, asking many questions about the police EOD team and the technical support provided by MAG. Hawo Khalif, whose house was located 25 metres from the excavation site commented: "I am so happy today and I will stop worrying about this danger to children and also other villagers." After 35 minutes of shovel work the team unearthed the items of ERW, and were surprised to find a sizable stockpile of 105 white phosphorous mortars. White phosphorous is a uniquely dangerous munition as once detonated and exposed to air its content burns intensely and can only be extinguished when starved of oxygen. In addition to this, one large anti tank mine was also discovered in the pit. MAG's technical experts decided that all munitions although corroded were in a safe state to transport to the PMAC Controlled Demolition Site in Garowe. When viewing the munitions being loaded to be removed from the community, Khadijo Jama a 70-year-old woman grabbed the sleeve of MAG's interpreter and commented: "MAG was sent by God to us and thank Allah for their operation. MAG are the only people which I can see have helped us." Following this, the team, PMAC and MAG packed up, said their farewells to the people of Riigoomane and departed back to base. The munitions were destroyed by controlled demolition two days later and their potential danger was removed for good.
  7. Wasiir PL oo gaaray Degmada Dhahar 27 Jul 27, 2010 - 12:13:02 PM GAROWE ONLINE Wasiirka Xanaanada Xoolaha Md. Siciid Xasan Shire ayaa socdaal ku tagay magaalada Dhahar oo ah xarunta gobolka cusub ee Haylaan. Ujeeda socdalka wasiirka ayuu ku sheegay xilli uu u waramay Radio Garowe iney tahay wacyigalinta bulshada gobolkasi ee ku saabsan ka hortaga argagixisada caalamigaa ee ku soo duushay deeganada Puntland iyo in shacabka garab siiyaan Dowlada si loo soo afjaro kooxdaasi. Wasiir Siciid Xasan Shire ayaa intasi ku daray in kulamo uu la qaatay hogaanka Dhaqanka gobolka Haylaan kana wada hadleen arimaha adkaynta amaanka. Wasirka Xanaanada Xooloha Puntland ayaa sheegay in ay isaga iyo mas'uuliyiinta gobolka iyo odayashu ay socdalo ku tagayan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka si bulshada loogu booriyo adkaynta amaanka Mandaqada. Dhageyso Wasiirka oo la hadlaya Wariye Saalim Audio
  8. Sharmake oo ka hadlay Galgala 27 Jul 27, 2010 - 8:35:44 AM Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ah ee Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay Buuralayda Galgala kuna tilmaamay in ay ahayd mid lagu doonayey in lagu wiiqo nabada iyo xasiloonida ka jirta deegaanada Puntland. Ra'iisul Wasaare Sharmake ayaa ku tilmaamay arin la yaab leh qaabka ay u higsadeen in ay carqalado ka sameeyaan deegaano nabdoon oo ay u barakaceen dadkii ay ka cayrsadeen guryahooda ee koonfurta Dalka Somaliya wuxuuna sheegay in Puntland ay qaaday talaabo geesinimo leh oo ay ku suganayso amnigeeda. "Waa muuqataa in ururkani uu u taagan yahay qaska dalka iyo dadka Somaliyeed ee aysan kutagalku ahayn fidinta diinta Islaamka anigoo u hadlaya dhamaan Golaha Xukuumada waxaan aad ugu faraxsan nahay jabka ay buuralayda Galgala kala kulmeen kooxahaasi waana talaabo tii ugu haboonayd oo ay qaadeen shacabka iyo dowlada mideysan ee Puntland. Ra'iisul Wasaaraha DFKMG ah oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Arrintani maahan mid loo dulqaadan karo in kooxahani ay dhul nabdoon iska weeraraan wallow ay cawaaqib xumo kala kulmeen waxaanse Beesha Caalamka ka dalbanaynaa in ay gacan ka geysato ciribtirka kooxahani usoo jeestay xaalufinta goobaha yar ee wali ay nabad iyo maamulba uu ka jiro sida Puntland oo kale." Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baaqay shacabka Reer Puntland in ay sugtaan nabadooda ayna la shaqeeyaan Dowlada si loo sugo amniga wada jirna looga hortago qas wadayaasha kusoo duulay Gobollada Puntland. GAROWE ONLINE
  9. You guys better watch it because are very powerful clan and reach everywhere when we need to. Look at what happen to your hate house called galgalanews http://galgalanews.com/ You are really asking for all makhiri sites to get shut down if you keep up with your nonsense
  10. Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid iyo Prof.Cosoble oo Shir La qaatey Jaaliyadda Stockholm July 26, 2010 Maanta oo tariikhda ahayd 24 July 2010 waxa lagu qabtay Stockholm Xaflad si heer sare loo soo agaasimay taas oo ay ka soo qayb galeen Siyasiyiin, Aqoonyahano, Odayaal wax garad ah iyo dhalinyaro. Waxaa Xafladaas soo agaasimay Ururka SSUF ee Ururka isbahaysiga Dhalinyarada Somaliyeed Xafladaas oo muhimadeeda ahayd soo dhoweyn la soo dhoweyaanyo Mudane Xildhibaan Cabi Cabdulle Siciid ( Jinni Boqor ) madama uu yahay Odey Siyaasi waaya arag ah iyo wacyi gelin ku saabsan in aan laga quusan xal u helida Somalia. Khubadda waxa lagu soo dhoweeyey Xildhibaan Jinni Boqor, oo aad uga hadlay marxaladihii ay soo martay Somalia gaar ahaan xilligii SYL ilaa Xilligaan Bur Burka. Mudane Jnni Boqor waxa uu carabka ku dhuftay in Somalia ay joogto maanta quus, aan ka mid ahaa Siyasiyiinta ku howlanaa 20 –kii sano ee bur burka bal in aan wax toosino, lakiin aay adkaatay in wax laga qabto Somalia. Waad aragtaan in maalin ba maalinta ka dambeysa ay Somalia ku sii hoobaneyso Ceel dheer ay adag tahay in laga soo bixiyo. Anniga ahaan waxaan ahay nin dá ah howsha waa in aad idinka da´da yar aad sii wataan, idinka oo isku dayaya in aad aasaastaan koox is ogol, isku qalbi fiican, kooxdaas oo sameysata hogaan lagu kalsoon yahay. Markaas aad isku deydaan in aad mideysaan Somalida ku nool Sweden, oo aad noqotaan hormuudka Somalida qurba joogta ah. Waxa dhacaysa markas in ay idinku daydaan Somalida kale ee qurba joogta ah. Ayuu yiri Jinni Boqor. Maanta waad aragtaan in Badda Somalia ay u soo dulaan tageen Maraakiib ka socota China, Japan, USA, England, India iyo waddamo kale oo badan, taas micnaheeda waa in la dal dasho qayraadka badaheena, wax ka hadlaya ma jirto, waa nasiib darro ayuu yiri. Wiilashii yar yaraa ee aasaasay SYL, waxay ahayeen kuwa aan lahayn aqoon sare u lahayn , waxay qaarkood dhigteen School-kii Seeraalaha, wax dhaqaale ahna ma haysan, lakiin waxay mideeyeen fikirkoodii oo ay isku afgarteen, in ay Gumeystaha ka xoreeyaan Dalkooda, iyaga oo aan wax dhaqaale ah haysan ayay suuragashay in ay u dhoofaan Newyork Russia iyo weliba China, taas waxa keentay Niyadooda qaaliska ah, is aaminaada iyo kalsoonida ay ka heleen shacabkooda. Marka idinka maanta waad ka aqoon badan tihiin dhalinyaradii SYL, waad ka dhaqaale badan tihiin , haddana wax baa khaldan, waxa khaldan waa in la toosiyaa, ayuu ku soo gebegebeeyey hadalkiisii. Kedib waxa hadalka qaatay Professor Cabdulahi Cosoble, oo ahaa Garyaqaanka Guud ee Dowladii Abdullahi Yusuf. Mr Cosoble waxa uu carabka ku dhuftay in qabiil iyo goboleysi aan meel lagu gaareyn, wax somali weyn lagu waayay in aan gobol lagu heleyn. Waa in qabyaaladda la joojiyaa ayuu yiri, oo la helaa Wada tashi, lagu mideeeyo Somalida deggen Sweden, kedibna loo gudbo Somalida kale ee deggen Europe, taas oo sameyn xoog leh ku yeelan karta wadanka Somalia. Mr Cosoble waxa uu yiri: Dowlad Somalia looga soo dhiso Debedda wax tar yeelan meyso, waa in Dadka Somalida ah ay dhistaan Dowladooda. Dowladaas oo damaanad qaadi karta Amniga qofka Muwaadinka ah, islamarkaasna si caddaalad ah ugu adeegta bulshadeeda. Waad aragtaan maanta in Baddaha Somalia lagu aaso sunta haraaga Neuclearka, iyo haraaga wasakhda warshadaha reer Galbeedka, taas waa nasiib darro, waa in aad ka fakartaan dalkiina iyo dadkiina oo aad isku hadaf ka noqotaan xal u helida iyo heshiisiinta dadka somaliyeed. ayuu ku soo koobay haadalkiisii. Horseed Media Stockholm, Sweden The Great Politican Jinni Boqor In The Middle :cool:
  11. Waxaan aad ula yaabey dhowr joornaal oo ku hadla afka sheekh atam kuwaasoo caadeystay in ay ka been abuuraan xaqiiqada jirta. Waxaa la soo weeraray deegaanada beesha waxaana soo weeraray shaqsi qandaraas ka soo qaatay koonfurta somalia. Dadku waa isyaqaan sheekh atam xagee ka keenay geesinimada uu leeyahay waxaan u socdaa boosaaso. Hadaba dadka ku abtirsada magaalada boosaaso iyo deegaanada ku xeeran waa in ay isha ku hayaan joornaalada u adeega shabaabka ee beryahan la soo baxay xirfadii lagu yiqiin cadawga soo jireenka ah ee Puntland. Hadaba waxaa laga yaabaa dadkaas duulaanka idinku ah in ay qaarkood idinla joogaan boosaaso ama garoowe oo ay bariis ka cunayaan dabadeedna idin caynayaan oo ay idinku soo hogaaminayaan cadow. Sheekh atam waxaa qandaraaska uu ka soo qaatay al shabaab si uu lacag uhelo khalkhalna u geliyo amaanka puntland. Dadka ku taageeraya beel ahaantana waxaa ay ku riyoodeen sheekh atam hadii uuqabto boosaaso idinka ayaa yeelanaya sidii kismaayo oo kale ka dhacdey ka dib markii uu ina salaad booy lacagtii loogu deeqay somaliya uu hub ku soo gatey isaga oo ay dalaal u aheyd jabuuti iyo Eritrea. Ka dibna uu abuurey walaalihii galgaduud. Hadaba dadka ku abtirsada goboladaan waa in aysan waxba reeban oo ay meelana iska dhiogaan naxariista tolnimo, oo ay ilaalsadaan nabadooda iyp sharaftooda. Kalana saaran saaxiibkooda iyo cadowgooda. Waxaan idinka codsanayaa in aad ila fiirisaan joornaaladan qaar sida ay uga been abuureen dagaalkii lagu soo qaadey Puntland iyaga oo u difaacaya qaab qabiil sheydaanka gacan ku dhiiglaha ah ee tijaarada ku doonaya burburinta Puntland. http://www.allsanaag.com/ http://www.laasqoray.org/press/ http://www.laasqoray.net/ Cabdi Naasir Odowaa Cabdiiyare@hotmail.com Copyright © 2009 Allidamaale.com
  12. By the way it's so obvious that atom is involved because all the officials that have been assasinated none of them happen to from his clan which is ironic huh lol Why hasn't their been an attempt on ilkajir or the countless number of makhiris in the bossaso mamul? ileen qofka soo direyo derbi jiifka waba oday makhiri ah lol. Thats the only logical explanation i can think of for why no makhiris have been assasinated. Makhiris are in puntland govt and also in lower level govt at the degaan level but never has their been an attempt to kill them. Anyways mr.atam needs to stop taking advantage of little derbi jiif kids in bossaso. I bet he says "he is $100" if u kill that official U will get an extra bonus payment so you can pay for your tahrib cost to yemen. These derbi jiif who are unemployed get manipulated by this insane clown and start hitting puntland officials and alot of them have been successful in their hits. Anyways puntland has done 1 good thing, the admin got rid of the derbi jiif so now atam cant manipulate anyone. The minorities who have employment wont risk doing such silly things so he can't source them. As for the remaining element left in galgala which number about 500 soldiers under the guidance of atam who are from all clans ma ahan just makhir well hada ayayba socota hawshooda so watch the news and lets see what the result will be. I expect atam will shift operations similar to how they shifted from bargaal to galgala after the american airstrikes. But if they do shift operations and puntland doesnt go after them then its clear to me that puntland really is not after terrorism but really after something else in galgala which i wont go into detail about. However if the puntland admin is true to their word they must get rid of this guy either kill him/jail him/ or exile him from all of somalia then the war on terror will be successfully won and puntland will be terror free state. If atam leaves the remaining soldiers need to be incoporated into puntland army.
  13. Their is also reports that they get boatful of weapons mainly ak 47 and small arms at ceelayo shipped to them from al-qaeda in yemen. Thats why they want to take over bosaso sxb because its bigger port and can handle larger weaponry to be docked down where-as ceelayo cant and has to rely on just small boats with arm shipments in it. Anyways the guy has an agenda and he wants bosaso and they always did. If puntland admin vacates guess what will happen to the north? A huge influx of weapons will dock down at bossaso. Soldiers will come pouring in from the south at the galkayo door and with the policy these guys have you know what they will do? just total rampage and conquering as much land as possible for shabab. Once they get done in puntland. The south is already pacified by them anyways they will head straight to burco. So I find it strange somaliland ppl actually supporting this clown lol, its like they asking to have instability in the north
  14. I love this part of garoweonline coverage. Peaceful transfer of power from one elected official to another is not completely uncommon in Somalia. In 2005, and again in 2009, Puntland State held presidential elections and in both cases the opposition leader was elected president. However, the international community has largely neglected both peaceful regions of Somalia, Somaliland and Puntland, and has invested massively in Mogadishu where Al Shabaab insurgents are fighting to topple the unpopular but Western-backed TFG led by President Sheikh Sharif Ahmed. Somaliland, located in the northwest corner of Somalia, unilaterally declared independence from the rest of Somalia in 1991 but has not been recognized internationally. The unrecognized separatist republic claims Sool and Sanaag regions, which are disputed with Puntland, a self-governing federal state that has never declared independence. Somaliland's election did not take place in most of Sool and Sanaag regions, as Somaliland forces control a very limited area in these two regions. During June 26 election day, at least four Somaliland election workers were killed in Sool region during election-day skirmishes You know whenever they put articles in english section siiba latest news it always get copied by allafrica and posted on their news site for all african leaders to read lol.
  15. I was not expecting that sort of outcome to be quite honest. I was expecting something more along this line Anyways congratulation to all somaliland for peaceful election and a peaceful transfer of power. I honestly didn't think silanyo would make it to the office alive. Anyways congratulation to all the waqoyi people and lets hope silanyo can bring peace,prosperity, and development to all the people of the north. He has alot of work to do. SSC crisis. There is also puntland issue to deal with over las anod. He has to also dialogue with the govt in hamar by solating the north doesn't help them nor does it help us because somalis needs peace today hadad runta rabtid sxb waxaan aad uu jeedid on somaliaonline iyo paltalk iyo cafeka waa iska fadhi ku dirir crap but the reality is ppl at home dont want a bullet but want a future. I hope silanyo brings his ppl out of their self-inflicted isolation and sit down with somalia. Somali govt is in no-way looking to destroy somaliland, noone denies inay mamul yihin sxb noone wants to take that away either lakin the only thing laysku haysto waqoyiga waxay tahay "seccession" factor. Wax kale lagu haysto ma jirto. Somaliland should play an active role in somalia not sit on the sideline is my opinion. It will show the world they are not just caring for clan interest u know what i mean? Anyways Silanyo is good guy from what my father has told me however he hasnt seen him since pre 1991 govt so who knows what he is like today.
  16. Somalia: Puntland appoints woman-led 'Awareness Committee' 27 Jul 27, 2010 - 12:06:15 PM The president of Somalia’s Puntland State government has appointed a special committee to raise awareness about public safety and terror threats, Radio Garowe reports. President Abdirahman Mohamed Farole appointed a nine-member committee consisting of Cabinet ministers, led by Women Development Minister Asha Ghelle. Mr. Mohamed Farah Gashan, Puntland's state minister for good governance, told reporters in the Puntland capital Garowe that the new 'Awareness Committee' will visit all the regions and speak through media outlets to address the public. The committee consists of: Women's Development Minister (chair); Justice Minister; Public Works Minister; Environment Minister; Fisheries Minister; State Minister for Good Governance; State Minister for Security; Deputy Health Minister; and Deputy Agriculture Minister; Mr. Gashan said: "Every person in Puntland is expected to partake in a united effort against international terrorists who have attacked Puntland and who are the enemy of our peace." He indicated that some members of the 'Awareness Committee' have already traveled to major Puntland cities, namely Bossaso and Galkayo. Mr. Gashan stated that a government delegation led by Puntland Vice President Abdisamad Ali Shire has arrived in Bossaso to help reinforce ongoing security operations against suspected insurgents and terror sympathizers. A Puntland security crackdown in Bossaso has exposed insurgents, who attacked a Puntland army post yesterday near Bossaso. Puntland troops killed more than 13 militants and captured many more, including a man on a U.S. wanted list. In Galkayo, Justice Minister Abdi Khalif Sheikh Hassan led a Puntland delegation to help raise public awareness about security threats posed by the terror groups, such as Al Shabaab, an Al Qaeda-affiliate group that controls much of southern Somalia. Al Shabaab's strict policies are supposedly based on Islamic law, but the group's repressive behavior has alienated the majority of Somalis. In Al Shabaab-controlled areas, there are extra strict measures imposed upon women who are not allowed to work or to travel alone. Observers often praise Somali women's heroic role to have shouldered unimaginable burdens during the country's 20-year conflict, as many households became single-parent due to relentless conflict and displacement of civilians. Puntland, located in the northeast corner of Somalia, is a self-governing region that considers itself part of a federal Somalia. GAROWE ONLINE
  17. Somalia: Somaliland's new President Silanyo sworn-in 27 Jul 27, 2010 - 11:39:35 AM The newly elected leader of Somalia’s separatist region of Somaliland was sworn-in on Tuesday in a well-organized event attended by local and regional officials, Radio Garowe reports. Somaliland security forces had cordoned off areas around the presidential palace in the capital Hargeisa, where the dignitaries had arrived from other regions of Somaliland and neighboring countries to attend the historic transfer of power from President Dahir Riyale to the new leader, Mr. Ahmed Mohamed Silanyo, a former opposition chief. Historic moment: Riyale and Silanyo Djibouti's information minister, Ethiopia's tourism minister and Kenya's deputy Parliament speaker were among the foreign dignitaries that attended Tuesday's swearing-in ceremony. President Silanyo was sworn-in by Somaliland's chief justice, who repeated the words of the oath of office. Speaking briefly, Mr. Silanyo said he will announce his new Cabinet tomorrow and deliver his first official speech. Mr. Riyale the outgoing leader of Somaliland, congratulated incoming President Silanyo and promised to work with the new administration. He called on the people of Somaliland to "unite as the elections are over," and praised neighboring countries Djibouti and Ethiopia as "friends of Somaliland." President Silanyo becomes the four president of Somaliland since 1991, after: Abdirahman Tur, Mohamed Ibrahim Egal, and most recently, Dahir Riyale, who was president since 2002. The separatist region is praised for maintaining relative peace and the semblance of governance, although the region remains dirt-poor in terms of development and its educated class lives abroad, like fellow Somalis, due to the overall instability of Somalia as a whole. Peaceful transfer of power from one elected official to another is not completely uncommon in Somalia. In 2005, and again in 2009, Puntland State held presidential elections and in both cases the opposition leader was elected president. However, the international community has largely neglected both peaceful regions of Somalia, Somaliland and Puntland, and has invested massively in Mogadishu where Al Shabaab insurgents are fighting to topple the unpopular but Western-backed TFG led by President Sheikh Sharif Ahmed. Somaliland, located in the northwest corner of Somalia, unilaterally declared independence from the rest of Somalia in 1991 but has not been recognized internationally. The unrecognized separatist republic claims Sool and Sanaag regions, which are disputed with Puntland, a self-governing federal state that has never declared independence. Somaliland's election did not take place in most of Sool and Sanaag regions, as Somaliland forces control a very limited area in these two regions. During June 26 election day, at least four Somaliland election workers were killed in Sool region during election-day skirmishes. GAROWE ONLINE
  18. Madaxweynaha cusub ee S/land oo maanta la dhaariyey 27 Jul 27, 2010 - 8:27:23 AM Xaflad balaadhan oo uu maanta [July 27] xilka kula wareegaayay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lagu qabtay xarunta Madatooyada ee magaalada Hargeysa. Axmad Silaanyo--Sawiradii Xafladda July 27--Hargaysa Waxaana ka soo qayb galay wufuud balaadhan oo ka socotay Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Itoobiya, Wasiirka Warfaafinta ee Jabouti iyo Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Kenya kuwaasoo hogaaminayay saraakiil farabadan oo ka tirsan Xukuumadahooda. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ugu horeyntii Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Saylici ku dhaariyay Dhaarta Distooriga ah ee Dalka inay u maamuli doonaan si daacadnimo ah, dhexdhexaadnimo ah, ilaalin doonaan shuruucda Dalka u taala, isagoo Siilaanyo khudbad kooban oo dhaarta kadib halkaas ka jeediyay ku sheegay Xukuumaddisa inuu ku dhawaaqi doono berri isla markaana uu jeedin doono khudbadiisa Madaxtinimo Sawiradii Xafladda July 27--Hargaysa Intaa kadibna waxa khudbadii ambabaxa halkaas ka jeediyay Daahir Rayaale Kaahin oo balan qaaday inuu Siilaanyo Xukuumaddisa la shaqayn doono, Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynihii hore ee Somaliland waxa uu ka waramay Sooyaalkii Siyaasadeed ee Mandaqada uu la lahaa mudooyinkii kala duwanaa ee uu xilka hayay gaar ahaana waxa uu Farta ku fiiqay Dawladda Jabuuti iyo Itoobiya oo uu sheegay markii uu talada kala Wareegay madaxeynihii hore ee geeriyooday inay si fiican u gacan qabteen isagoo Siilaanyana kula dardaarmay inuu xidhiidhka dalalkaasi sii xoojiyo, isagoo tilmaamay inay albaab u yihiin aqoonsiga Somaliland. Waxa uu si geesinimo ku jirto u qiray Xisbiga Kulmiye inuu Doorashadii kaga guulaystay isagoo saaxiibadiisa UDUB uga mahad celiyay inay ku taageereen go'aankii uu ku aqbalay natiijadii Doorashada, waxaanu xusay isaga iyo xisbigiisuba inay u jideeyeen Xisbiyada inay Sdaas oo kale u aqbalaan Guusha haddii tartanka lagaga adkaado. Sawiradii Xafladda July 27--Hargaysa Axmed Siilaanyo waxa uu noqonayaa madaxweynihii 4aad ee ay Somaliland yeelatay waxana uu sanadkii 2003 Doorashadii la qabtay ku guuldaraystay in uu noqdo Madaxweyne, hasa yeeshee dedaal iyo samir badan oo uu sameeyay waxa uu haatan ka noqday Madaxweyne Somaliland. Maxamed Jamaal, Garowe Online Hargeysa
  19. Ururka horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka oo laguddoonsiiyay deeq buugaag Puntland Library and resource center ayaa waxa ay ugu deeqday buug dhanka wax barashada ah urur maxa li ah oo kashaqeeya horumarinta dhanka wax barashad iyo caafimaad ka kaasi oo lagu maga caabo Somali Horn Association for Health and Education Development (SHAHED) , deeqdaan la guddoon siyaay ururkaasi ayaa isugu jirta buugta maadooyinka dugsiga sare lagu qaato ee ee kala duwan iyo buugaag kale oo ah dhanka hour marinta waxbarashada iyo tignoolajiyada waxaana deeqdaasin si rasmi ah ula wareegay madaxa wax barassshada ee ururukaasi c. Madaxa Xafiiska Maamulka Hay adda Somali Family Services Abdurashid Ali Farax liyo Madaxa Libreriga Mr: Ibrahim Mohamed Ducaale ayaa si wada jir ah u guddoonsiiyey deeqdan buugta Madaxa qeybta waxbarashda ee Ururka SHAHED C/risaq Omar Saalax oo si kooban uga warbixiyey faa iidada ay buugtani u leedahay Ururkiisa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay deeqdaan ay guddoonsiiyeen mas’uuliyiintaani ayna aad u soo dhawaynayaan kana faaiidaysan doonan buugtan isagoo ku daray in ay buugtani wax ka tari doonto kor u qaadida dhanka aqoonta ardayda Hoos yimada uruurkooda ., sidoo kalena ay tixraac wanaag ay u noqon doonaan buugtani macallimiinta wax ka dhiga dugsiga, maxadyada iyo jamacadaha kala gadisan ee ku yaala goobaha uu ka shaqeeyo ururkoodu sidoo kalana uu faa’iido u leeyahay ardayada wax laga barayo waa sida uu hadalka u dhigaye. C/risaq Omar Saalax waa madaxa waxbarashada ee ururka SHAHED ayaa waxa uu ugu danbayntii u mahadcelyey dhammaanba masuuliyiinta iyo madaxda Puntland Library and Resource Center. wuxuuna noo sheegay in buugaagta lagu wareejiayay ay kala yihiin dhammaanba maadooyinka laga qaato dugsiyada sare iyo waliba waxbarasho dheeraad ah waxayna ahaayeen ilaa 10kartoo oo waa wayn waxayna kala yihiin buugaagtaasi sidaan Mathmatics, English, Biology, Chemitry, Social Study, General Books, Marketting, IT , Health,Literature. Si kastaba ha ahaatee Puntland Library and Resource Center oo horay ugu caan baxaday in ay ka caawiso ardada reer puntland ee dugsiyada Sare, College-yada iyo Jaamacadaha dhigata buug iyo goobo ay wax ku akhristaan ayaa hada waxa uu u muuqdaa inuu sii badinayo dadaalkiisa uu ku doonayo inu ku waxay sii baadh siiyo dhammaanba puntland llaadhisay waxqabadkeedii iyadoo deeq buugaag iyo agab waxbarasho gaadhsiinaysa meelo ka baxsan goobaha ay xarunta ku leedahay. Maxamed Daahir SBC INternational Garoowe
  20. GAROOWE :Ururka Dhalinyarada Puntland (Youth Peer Network) oo Maanta 50 dhalinyaro ah siminaar ugu qabtay Posted to the Web Jul 27, 13:04 Garoowe:(pp)- Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska dowlada Puntland ee magaalada Garoowe siminaar soconaya mudo hal maalin ah oo uu soo qaban qaabiyey Ururka dhalinyarada Puntland (Youth Peer Network) kaas oo u qabtay 50 dhalinyaro ah oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan caasimada puntland ee magaalad Garoowe. Siminaarkaan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socday dowlada puntland ayaa waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Puntland mudane Axmed Xasan bilo oo ugu horayntii u mahad celiyey dhalinyardii iskood isku xilsaary in ay soo qaban qaabiyaan aqoon iswaydaarsigaan islarmarkaan ku tilmaamay kuwo u adeegaya bulshadooda reer puntland. Tababarkaan ayaa waxaa lagu baranayey sidii dhalinyarada looga waciyigalin lahaa cudurka HIV/Aids iyo xaquuqda bini’aadamku uu leeyahay islamarkaana ay dhalinyaradu kaalin lixaadleh uga qaataan sidii ay bulshadooda uga wacyigalin lahaayeen ka hortaga cudurada halista ah. Xaaji oo ah xubin ka mida ururkaan soo qaban qaabiyey aqoon iswaydaarsigaan ayaa Puntlandpost uga warbixiyey ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay in konton dhalinyaro ah loo qabto aqoon iswaydaarsi waxaana uu sheegay in muhiimada laga leeyahay siminaarkaani uu yahay in dhalinta laga waacyi galiyo doorka ay bulshadooda uga wacyi galin karaan ka hortaga cudurka HIV/AIDs. Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhaqaalaha ku baxay tabaabrkaan uu iska aruuriyey ururku islamarkaana xusay in qofkasta oo isku daya in uu dalkiisa wax u qabto u qaban karo. Ugu dambayntii dhalinyaradaan ayaa waxaa horay tabar u siisay Hay’ada UNFPA taas oo u tabartay sidii ay bulshadooda uga wacyigalin lahayeen cudurka HIV/AIDS hortaantii sanadkii 2009. Siciid Cabdisalaan Siciid Wakiilka Puntlandpost-Garoowe E-mail loole15@hotmail.com
  21. Don't worry usc boy puntland wuu tashday. Puntland oo magacawday guddi heer wasiiro ah oo Wacyigalineed (Audio) Dowladda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday guddi heer wasiirro ah oo loo idmaday wacyigelinta iyo ku wargalinta shacabka ee hadba wadciga jira. Guddigan ayaa ka kooban tiro wasiirro iyo wasiir ku xigeenno ah, waxaana guddoomiye u ah wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee Puntland Marwo Caasha Geelle Diiriye, waxana afhayeen u ah wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaagga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan. Mr Gaashaan oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta dowladda Puntland ee Garowe ayaa ka hadlay guddigan iyo hawlihiisa, waxa kale oo uu wasiiru dowluhu ka hadlay wadciga taagan iyo dagaalladii ugu dambeeyey ee ciidamada Puntland la galeen maleeshiyo taabacsan Alshabaab oo uu hoggaamiye Maxamed Siciid Atam. Wasiiru dowle Gaashaan ayaa dhanka kale ammaan iyo bogaadin shacabka magaalada Boosaaso ugu soo jeediyay qabashadii ay u gaysteen nin gudaha magaaladaas ku aasayay miino looga gol lahaa in qarax waxyeello reeba lagu gaysto. Ka dhagayso shirka jaraa'id ee wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaagga PL halkan. Audio
  22. Muqdisho:(Allpuntland)-Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Muqdisho ayaa markii ugu horaysay Cnabaareyn adag kasoo saaray Dagaalkii shalay ay galeen Ciidamo katirsan Kuwa Puntland & Koox diimeed katirsan Alshabaab,waxaana ay sheegeen in Dagaalkaasi uu yahay mid aanan wanaagsan. Gudoomiyaha Odayaasha Beelaha Muqdisho Maxamed Xassan Xaad oo Warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa markii ugu horaysay Canbaareeyey dagaalada gobolka Bari ee Puntland kasoo cusboonaaday,waxaana uu sheegey in loo baahanyahay in dadka reer Puntland ay aayahooda ka tashadaan islamarkaasna ay Nabadooda ilaashadaa. "Waxaan u tacsiyeynayaa cidkasta oo dagaalkii shalay ku dhimatay eheladoodana tacsidaas waanu udiraynaa,waanuna ka xumaanay Dagaalkaas,reer Puntland oo in badan nabad ahaa ma doonayno inay dagaalo dhexda u galaan,Waxaana leeyahay Reer Puntland-now aayihiina ka tashada oo nabadiina ku dadaala"Ayuu yiri Mr,Xaad. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  23. Allidalaamale:-Duqa Magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo Maanta Magaalada Gaalkacyo Shir jaraa,id ku qabtay ayaa ka hadlay isu socodka gaadiidka iyo Dhaqdhaqaaqa Dadka ee Goballda Puntland. Duqa ayaa Shegay Amar ka soo baxay madexweynaha Dawlada Puntland in lagu mamnuucay Isusocodka Gaadiidka iyo Dadka ee Goballada Puntland iyadoo uusan Qofka ama gaadiidku Wadan Warqad Cadaynaysa Dhaqdhaqaaqiisa Deegaanada Puntland. Duqa ayaa shirkiisan Jaraa,id wuxuu ku Mamnuucan in Gawaarida rakaabka iyo kuwa Xamuulkuba ay Magaalada ka baxaan ama ay soo galaan iyagoon haysan Warqad dhaqdhaqaah ah oo ay ka soo goosanayaan Xarunta Dawlada hoose. Duqu wuxuu sheegay Baraha Contro-lada ah in lagu baarayao Dhamaan Gaadiidka Xamuulka ah iyo kuwa Rakaabka, wuxuuna Sheegay in dhulka la soo dhigay Dhamaan Alaabta Saaran Gawaarida Xamuulka ah baritaan kadibna dib loo rarayo, sidoo kale Gawaarida rakaabka qada Waxaa lagu Amray in aysan Wax rakaab ah ka qaadin Magaalada gaalkacyo iyo Deegaanada hoos yimaada hadii taasi dhacdana Gariga iyo rakaabka saaranba laga Doonayo warqad Dhaqdhaqaaq ah oo loogu ogolaanayo Safarkiisa. Duqa ayaa isagoo tixraacaya Amarkan ka soo baxay Xafiiska Madexweynaha Dawlada Puntland ee Magaalada Garowe wuxuu ugu baaqay Saraakiisha iyo Ciidamada Amniga, Ciidamada Contro-lada ka hawgala iyo Bulshaduba in ay u hogaansamaan Awaamiirtan oo uu ku sheegay in lagu Xadidayo Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka iyo Dadweynaha si looga guulgaaro Dadaalada Dhinaca Amniga ah ee ay Dawladu wado. Arrintan Waxay ku soo aaday Xilli Deegaanada Puntland aad looga hadalhayo Dagaaladii shalay ka dhacay Deegaanka Galgala ee Gobalka Bari ka tirsan ee u dhaxeyay Ciidamada Puntland iyo Kooxo taabacsan Wadaadka Atam oo gacan saar la leh Ururka Al-shabaab. Cumar Afguduud Allidamaale.com Gaalkacyo
  24. I love dr.warsame knowledgable articles on how to improve puntland in developmental sector. He does some great articles not only provides criticism but also suggestions on what can be done to improve. It's constructive criticism and im all for that. Dr warsame I am sure he is aware of the nec company in garowe which has done some electricity development but mainly commercial/residential and nothing major. The pics for that can be seen on their gallery here http://necsomalia.com/ Solar power has already started in puntland a longtime and is feasible option. You can see nice video of solar power hitting the streets in Bossaso. http://www.mayomo.com/75058-solar-cooking-in-somalia So yes dr.warsame has a point it is possible to invest into these technologies in puntland and has already happened as far as solar power is concerned but it needs to be greatly expanded. The streets need to alight at night and suburbs glowing. Maybe that can be a goal that can be set for puntland.
  25. Wakalada Korontada Waxa magalooyinka waaweyn ee Puntland xiliyada habeenkii ka muuqda gudcur iyo mugdi jidadka xaafadaha iyo jidka dheer ee magalada dhexdeeda. Shirakadaha korontada oo ah shirkado shakhsiyaad lee yihiin ayaa waxa ay u fakareen oo kaliya meesha ay lacag ka helayaan oo kaliya lakiin uma fakarin danta guud ama maslaxada umada . waana arin aanu fahmi karno waa shirkado tijaarad u furan. Waxa meesha ka maqan doorkii dowlada oo mar hadii shirkadihii ay guryaha kaliya ay galiyeen dabka korontada yaa mas=uuliyada jidadka dhaadheer iyo xaafadaha iftiimintooda ay saaran tahay waa su=aale. Waa muhiim in ay dowlada ay soo dagsado wax yaabaha loo yaqaan wind power oo aan u baahneyn shidaal in ay ku shaqeyaan oo sadex xabo oo noocan oo kale ayaa ku filan magalada sida garowe oo kale korontadeeda inuu siiyo ! Noocan ayaa waxa ay soo saarta dab gaaraya 2 mw oo ah 2000 oo kw waana sadex noocan oo kale ayaaba ka badan magalooyinka waaweyn ee Puntland, waa muhiim in ay dowlada ay doorkeeda kasoo baxdo ee kaga aadan dhanka laamiyada xaafadaha iyo jidadka magalooyinka waaweyn kasaaran . waxa kaloo muhiim ah in baalayaashu ay noqdaan nooc isku filnaansho leh oo aan lahey xarig koronto ee dabka isaga isa siinayo sida noocyada la shaqeeya qoraxda oo kale . baalayaashaas ayaa waxa si muhiim ah u anfici lahayeen Puntland oo ay tahay mas=uuliyada dowlada in ay wadanka keento . Waxan oo dhan ama nalalka jidadka uma baahna in ay xargo yeeshaan ka laalaada ama in ay dabka ka helaan motor ama wax shidaal ku shaqeeya , waana aragtaan sida ay u fudud yihiin waana muhiim in ay dowlada aysoo galiso wadanka si ay ugu faa=iideyso dadkeeda oo ay uga soo baxdo doorkeeda kasaaran in ay u ekadaan magalooyinka Puntland kuwa iftiin leh oo trafik light leh oo sharci ka jiro maaha sida ay hada wax yihiin in ay xaaladu ahaato waxaan mareyna sanadkii 2010 waana muhiim somalia in ay la jaanqaado aduunka . dadka canshuurta laga qaadayo maxa loogu qabanayaa hadii ay jidadkoodu mugdi yihiin ama aan nadafada laamiyadu ay xun yihiin ama caafimaad aysan laheyn iyo waxbarasho ubadkoodu helo . Saad aragtaan aduunku meeshiisa ma taagna ee saacadu wey dhaqaaqdey somalina meel ilahey og yahay ayey taagan yihiin . nalalkii trafik lightka xata waa ka baaran taan in aad ku marmarsiyootaan dhaqaalo badan ayey u baahan yihiin waxaad aragtaan sida ay qoraxda ugu shaqeynayaan . waa muhiim in dalka meesha uu hada taagan yahay horey looga dhaqajiyo !! Dr > Ali Warsame