Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Banaan bax lagu taageerayo shirkii SSC ee ku soo gabogaboobey Nairobi Kenya oo maantay ka dhacay Laascaanood Published on: October 17,2009 Garowe Time 6:39 pm Laascaanood (RBC):- Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool, ayaa maanta waxaa ka dhacay banaan bax lagu soo dhaweynayo shirkii ku soo gagbogaboobey Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya. Kumanaan dad ah oo isugu jira Caruur,Haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay wadooyinka Magaalada Laascaanood, waxayna muujinayeen dadkan oo iskood isku soo abaabuley sida ay u taageersan yihiin qodobadii kasoo baxay shirkii beelaha Sool,Sanaag iyo ee kusoo idlaaday Magaalada Nairobi. Goob jooge ku sugan Magaalada Laascaanood oo lasoo xariiray RBC Radio, ayaa sheegaya in dadku ay si nabad galyo ah ku mareen wadooyinka magaalada oo aysan jirin habo yaraatee wax dhib ah oo uga yimid Ciidamada Maamulka Somaliland ee gacanta ku haya Magaalada Laascaanood. Goobjoogahan waxaa uu sheegay in dadkan ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan shirkaas qodobadii kasoo baxay iyo hogaanka cusub ee shalay xilkaas ay u doorteen ergadii gobalada Sool ,Sanaag iyo Cayn ee mudada ku shirsanayd magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya. Banaanbaxan ka dhacay Laascaanood ayaa ka tarjumaya rabitaanka ay dadka gobaladaasi u hayaan in ay danahooda si gaar ah uga tashadaan, maadaama gobaladaasi ay noqdeen kuwo markastaba murankoodu joogto ka yahay Puntland iyo Somaliland. Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga jawaabay go’aamadii shirkaas kasoo baxay, madaxwayne ku xigeenka dawlada Puntland Gen.C/samad Cali Shire oo kasoo jeeda Gobaladaas ayaa walaac ka muujiyay natiijadii shirkaas mar uu la hadlayay idaacadaha gudaha Puntland , sidoo kale Wasiirka Cadaalada Somaliland oo la hadley Idaacada BBC-da ayaa isaguna muujiyay sida loogu baahan yahay in wadatashiga la balaariyo la isuguna yimaado gudaha dalka gaar ahaana Gobalka. Abdulkadir Warsame Yuusuf RBC Radio,News Desk
-
Not bad response time. 1 month to catch these murderers who tried to escape into different locations within and outside of puntland. Noone is going to get away with nothing anymore in puntland, their will make sure to find whoever does crap within their juristiction will be brought before justice. Next one their agenda is to get the thugs who killed the minister and bring them before justice.
-
Xabsiga Garoowe oo la dhigay Shan nin oo Dil gaystay. Garowe:(Bosasomedia) Waxaa maanta Ciidamada booliska Magaaladda Garoowe ay Xabsiga dhigeen 5 nin oo ka danbeeyay Dilkii bil kahor ay Dil ugu gaysteen Wiil dhalinyaro ah kaaso oo ay ku rideen Barag. Ragaan Dilka Gaysta ayaa Sedex kamid ayaa waxaa laga soo qabqabtay Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobalka Mudud,Midna waxaa laga soo qabatay magaalada garowe, halka kan shanaadna laga soo qabtay Dagmada Afogooye ee Xarunta Sh/Hoose, Halkaas oo ay soo qabteen Ciidamada Al-Shabaab gacantana usoo sheen Dowlada KMG Soomaaliya,Dowladuna kadib ay kusoo wareejisay Ciidamada Dowlada Puntland, Taliyaha Booliska Gobalka Nugaal C/raxmaan Abshir (Qaanqaa) oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay Cidwalba oo fal danbi ah gasha inay Soo qaban doonaan meel walba oo Deeganada Punatland ay uga baxsadaan, isla markaasna wuxuu Taliyuhu uu sheegay in cidii Danbi kasoo Gasha oo usoo Gudba Gudaha Deeganada ay Dowlada Puntland ka taliso lala Xiiriirin doono Deegaanadii ay wax kasoo galeen, Falkaan oo ah kii labaad oo laga soo qabto gacan ku dhiigle ka baxsadady Deeganada Puntland,Waxaana Dilkaani u dhacay Taarikhdu markay ahayd 13 /09/2009,Gacan ku dhiig layaashan ayaa Xabsiga loo taxaabay maanta Barqadii. Xafiiska wararka Bosasomedia ee Garowe:-
-
Yeah bro, it is purely tribal they insist on that name for their region. Infact if you follow statistics from what i read the clan that is considered a majority in that region is only 40-50% of the demographic. This leaves 50-60% non onlf people feeling like their being colonized all over again but this time not from an outside force but an internal force. To many Somalis forget that tribal occupation is just equally as bad as foreign occupation. Their both totally unacceptable in todays world and anyone found committing them are always cutt from the world and in reality the occupier tends to suffer more. Their are exceptions to the rule like "israel" but on a majority foreign/internal occupiers are not looked upon favourably by the international community and that can lead to economic/military assaults on the culprit committing such acts. The ONLF are fighting one occupier namely ethiopia, so they become occupiers themselves over somalis in the western region. That is mainly one of many reasons of my personal dislike for the onlf.
-
Kalfadhi Saaka U Furmay Saraakiisha Iyo Madaxda Puntland Oo Ku Aadan Laascaanod {Garoowe}17-08-09Magaalada Garoowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland waxaa ka furmay kulan xasaasi ahaa oo looga hadlayay sida ay suurta gal ku noqon karto in maamulka Puntland uu mar kale gacanta u gasho maamulka degmada Laascaanood. Degmada Laascaanood ee gobolka sool ayaa haatan waxaa gacanta ku haya maamulka labaxay Somaliland, waxaana Puntland lagala wareegay mar uu dagaal ku dhex maray halkaasi ciidamo labada maamul kala taabacsan. Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay in ay qasab tahay in gacan ku heynta degmada Laascaanood dib loogu celiyo maamulka Puntland. Kulankan ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socda laga soo saarayo war cad oo ku aadan gacan ku heynta degmada Laascaanood. Maamulka labaxay Somaliland ayaa ku doodaya in Laasnaanood ay ka mid tahay deegaanada maamulka Somaliland, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto arrinta degmada Laascaanood. Widhwidh Online News Des..Media Center
-
The closing ceremony of the somalia army training in djibouti. Serving their country against the enemy shabab and hizbi islam thugs who want to ruin the nation for personal greed.
-
SOMALIA: Women take on men’s jobs to feed their families Latest News, Top Story | News Desk | October 16, 2009 at 2:39 am NAIROBI, 15 October 2009 (IRIN) – Khadijo Mahamud, a mother of five, goes to Bakara market every day to look for work, despite the constant shelling. Her youngest child is 10 months old but Mahamud knows she has no choice but to leave him with her 10-year-old and venture out to find food for the family. “I have to leave the children and try and find something for them to eat; I will do almost any job,” she told IRIN on 14 October. “Some days I get to wash clothes, but other days I work as a porter or clean stores.” On a good day, Mahamud makes 50,000 Somali shillings (US$1.50). “There are days I don’t make even that much.” Like Mahamud, a growing number of women in Mogadishu has been pushed into tasks that were traditionally considered men’s work, such as serving as porters and pushing handcarts in the market. Mahamud said most women risked a lot coming to Bakara market but had no alternative. She said she had lost many friends in the market, killed by shells. “You will be carrying something for a client and then the shelling starts and you have nowhere to run; many friends died trying to earn some money for their children,” Mahamud added. Sharifo Adow, head of the Coalition of Grassroots Women’s Organizations (COGWO), said more and more women were carrying heavy loads in Bakara – the largest open-air market in the country – and one of the most dangerous places in the Mogadishu, with regular shelling by various fighting groups. “In the past, we were used to seeing women selling tea or drinks in the market but now you see more and more women porters or pushing handcarts,” she said. Adow said most of the women had lost their husbands and had no one else to help them, “so they do whatever is necessary to provide for their children. They are so desperate they will do anything to be able to get food to the children. “It is not only women who lost their husbands who work,” she said. “There are many whose husbands are alive but are the family’s breadwinners.” She said many of the men would not do some of the things the women did to feed their children. “These [women] are the poorest of the poor who could not even afford to get out of the city and go to the IDP camps,” Adow said. “They live a hand-to-mouth existence and cannot even afford to get sick for one day.” The Bakara market has suffered many casualties in fighting between government forces and two Islamist insurgent groups trying to topple the government. Nuurto Ali, a mother of four, also does labourer’s work in the market. She lost her husband five years ago when a shell landed on him. “I have been working here ever since.” Ali said the only help she gets is from her eldest son, Ali, 14, who works as shoeshiner in the streets of Mogadishu. “Every morning, even when there is fighting going on, I am here at dawn, so I can get the early work,” Ali said. Adow said aid agencies should think about setting up income-generating activities to help these women and their families. “These are people that have fallen into a black hole; they are not where the aid agencies are and no one else is helping them,” Adow said. ____ Source: IRIN NEWS
-
Gudoomiye ku -Xigeenkii Barlamanka Ee Xukuumadii Maakhir state oo ka Hadlay shirka beelaha sool ugu soo gebageboobay Magaalada Nayroobi ee caasumada Kenya. Badhan:-Gudoomiye ku-Xigeenkii Hore ee Dowlad Goboleedkii Makhir oo ka hadlay aragtidiisa ku aadan Shirka lugu dhisayo Dalka kenya ayaa sheegay inay tahay mid isaga fikir ahaantiis uu qabo inay tahay arrin ka soo baxday Odayaasha Gobolka Sool iyo siyaasiyiintooda Lakiinse aysan Xubnihii hore ee Makhir State iyo Masuuliyiinta kale ee Gobolada Sanaag iyo Hayland aysan wax shaqo ah arrimaha shirkaasi ku lahayn. Mudane Cowshe oo ah Gudoomiye ku-Xigeenkii hore ee dowladii Makhir state oo Safar uga Yimid Caasumada Badhan ee Xarunta 2aad ee sanaag ayaa qeexay muhiimada ay leedahay beelaha gobolka Sool in ay aayahooda ka tashtaan, iyadoo gobolka ukala qaybsamay qeyb xoog ku haysata Somaliland iyo qayb gebi ahaanba maamul aan lahayn. Mar mudanaha wax laga weydiiyey in ay haboontahay in reer Sanaag/Haylaan/ iyo Galbeedka Bari ay shirkaan oo kale yeeshaan ayuu ku jawaabay, "ma hoboona, waayo gobolada reer Maakhir waxaa ka jira maamul ay shacabka raali ka yihiin." Gudoomiyaha oo hadalkiisa laga dheehankarayey qanacsanaan ku aadan boos qaadashada siyaasadeed ee reer Maakhir, iyadii oo inbadan xubnihii hore ee Maakhir ay ku biireen maamul gobaleedka Puntland. Ku biirida maamulka Puntland ayaa dhalisay in ay maamulka Puntland si wayn uga hana qaado gobolada Sanaag iyo Hayland. Xubnihii horay ee Maakhir sida (wasiirkii Amniga) Mr.Donyaale ayaa haatan ah wasiirada ugu firfircoon ee Puntland. Gudoomiyihii hore ee Makhir state ayaa sidoo kale ka warbixyey xaaladaha Magaalada Badhan ee Gobolka sanaag waxaan uu sheegay in Guud ahaan xarumaha maamulka dowlada ee Badhan sida Aqalka Gobolka iyo Laamaha dakhliga ee dowlada hoose iyo Wasaarada Maaliyada ay si rasmi ah uga soo xeroonayaan lacagihii iyo kharashaadkii Dhinacacanshuraadka ee dowlada. Maxamed Axmed Ciise Radio Dhahar
-
Xagee Ku Jiheysan Yahay Mustaqbalka Siyaasadeed ee Xasan Daahir Aweys? (Faallo Siyaasadeed) Published on: October 16,2009 Garowe Time 11:47 am Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaan u muuqda inuu hadda sii galayo ciriiri xagga siyaasada ah, ka dib markii ay muuqatey in ururkiisa uu ku guul dareystay in tartan awoodeed uu la galo Al Shabaab iyadoo sidoo kalana ay miro dhali waayeen dadaalo waanwaan ah oo Sheekh Xasan laftiisu uu la waday saraakiisha Al Shabaab. Tan iyo wixii ka dambeeyey markii bishii hore Xisbul Islaam ay ku jabtay dagaalkii magaalada Kismaayo ay kula galeen Al Shabaab waxa hoos u sii dhqacayey diiranaanta iyo kalsoonida xagga jiritaanka ee ururku uu heystey, taasi oo si weyn u soo shaac baxday markii saraakiil ka tirsan Xisbul Islaam oo weliba caan ahaa lagu dilay magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho, dad badan waxaa u muuqday weliuba waqtiga adag ee ay dilalkaasi ku soo beegmeen. Inkastoo hogaanka Xisbul Islaam ay diideen in Sheekh Aadam C/salaam oo ahaa sarkaalka looga dilay Beledweyne uu iyaga ka tirsanaa, haddana waxay qireen in Sheekh Aadam C/raxmaan oo loo yaqaanay Daalibaan uu ka mid ahaa xubnaha sare ee hogaanka Xisbiga, waxaa xusid mudan in saraakiisha Xisbigu aysan weli cara baabin cida dishay sarkaalkaasi- xitaa haddii ay hoos ahaan u og yihiin. Marka dib loogu laabto bilawgii halganka looga horjeedo dowlada KMG ee uu hogaamiyo madaxweyne Sheekh Shariif oo mar isagu laftiisa abaanduule u ahaa kooxahan, waxaa iska cad in sida ay ku bilawdeen kooxaha dagaalamaya aysan hore u lahayn ajende degsan oo la isla ogol yahay oo hawshu waxay ahayd “aanu wadno dagaalka ka dibna eegno halka la gaaro”. taasi waxay hadda joogtaa Shabaab iyo Xisbul Islaam kee talada ku xaq leh? Dabcan su’aal kama taagna in labada urur is ku hadaf ka ahaayeen dhowr arimood oo aan ka xusi karo; - Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen dagaalkii Ethiopia. - Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen dagaalka DKMG. - Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen dagaalka ciidanka AMISOM. -Shabaab iyo Xisbul Islam waxay ka mideysnaayeen in dagaalka socda uu yahay jihaad. Hadaba, waxaa su’aashu tahay maxaa keenay khilaafka hadda u dhexeeya Shabaab iyo Xisbul Islaam? Ka jawaabida su’aashan waxaa laga yaabaa inay u baahan tahay tafaasiil dheerad ah iyo in wax laga weydiiyey rag labada dhinac ka tirsan, laakiin waxaa isku dayeynaa inaan si guud u sharaxno sababaha ugu waaweyn khilaafka. Intii ay socdeen dagaaladii hubeysnaa waxaa labada kooxood mid walba u muuqatey baahida uu u qabo kan kale mar haddii ay jirtey dagaal iyaga ku wada socda oo dhinacna aanu dhaafi doonin, sidaasi awgeed in iyaga dhexdooda (Shabaab iyo Xisbul Islaam) ay isku jeedsadaan waxay ku ahayd guul daro. laakiin waxaa hadda muuqata in marxaladaasi laga soo gudbay, madaamaa ay gobolada iyo degmooyinka dalka intooda badan qabsadeen waxaa soo if baxay han ku saabsan awood qeybsi. Waxaa taasi dheer in Al Shabaab ay muujisay inay tahay awood ka xoog badan Xisbiga, jabka dagaalkana kaga badneyd sidaa awgeedna meel kasta oo la qabsadey taladeeda wax laga weydiiyo loogana dambeeyo, taasina Xisbiga way u cuntami weysey. Saraakiisha Al Shabaab waxay weligoodba dareen xasaasiyad wata ka qabeen Xisbul Islaam oo ay u arkaan urur isku wada siyaasad iyo diin aan is lahayn waxayna meel adag iska taageen in wax badan oo ka mid ah arimaha socda lug ku yeeshaan. Dhinaca Xisbul Islaam, walow ay qeyb ka yihiiin dagaalka ka dhanka DKMG hadana kuma raacsana Al Shabaab wax badan oo ka mid arimaha socda, waxaana ugu horeeya in Xisbigu ogol yahay in ay wada socon karaan dagaalka iyo wada hadalka oo la is bar wadi karo, laakiin Al Shabaab in lala xaajoodo DKMG waxay u tahay in lala hadlo “GAALO”. Ragga ku jira Xisbiga waxaa ka muuqata dhaqan siyaadeed diin ku maldahan, aas aaskii Xisbigana kama fogeyn in siyaasad wax lagu doono. Taasi waa mida dhalisay in qaar badan oo ka mid ah raggii hubeysnaa ee Xisbul Islaam ay ku biireen dhinaca dowlada sida Yuusuf Indha Cadde oo markii dambe xilka wasiiru dowlaha gaashaanmdhiga loo magacaabay, arintan Shabaab waxay ku dhalisay shaki weyn oo ay ka qadeen mabda’a Xisbiga, caro badana way ka qaadeen. Hawlgalada labada kooxood ay wada galaan waxaa sida la fahmi karo ku jirta kala qeybsanaan mug leh, tusaale dhinaca Xisbiga waxaa Al Shabaab ku eedeysaa inay baneeyeen dhowr goobood oo ay hore u qabsadeen, waxaa taa la socota in dad badan oo ay qabteen maleeshiyaadka Xisbul Islaam ay siidaayeen. Sarakiisha Al Shabaab waxay ka hor yimaadeen qorshihii lagu siidaayey sarkaal France ahaa ee laga soo qafaashay hotelka Saxafi 3 bilood ka hor iyagoo oo labo ah, kaasi oo sida la sheegay oo lacag laga qaatay, halka sarkaalkii labaadna weli uu ku jiro gacanta Al Shabaab. Bishii September Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu socdaal dhinaca dhulka ah oo uu kaga ambabaxay Muqdisho ku aaday gobolada dhexe si uu u qabanqaabiyo xarun Xisbigu leeyahay fadhina u noqota guud ahaan Xisbiga, laakiin waxaa qorshahaasi hor istaagay Al Shabaab, iyadoo rag ay ka mid yihiin Sheekh Muhktaar Roboq iyo Sheekh Fu’aad Shongole ay kula kulmeen Xasan Daahir degmada Jalalaqsi unasheegeen inuu dib u laabto. Al Shabaab waxay shaki ka qabeen hawlgalka Xasan Daahir oo ay u arkeen inuu keeni karo in gobolada dhexe oo ay ku jirto Hiiraan iyagana qeybo badan ka joogaan uu carqalad ku noqdo. Waxa iyaduna is faham la’aan ka jirtaa weli sida loo kala maamulayo qeybaha badan ee ay labada dhinac ka wada joogaan Muqdisho, waxay arintan banaanka timid markii rag si dhow ula socda arimaha kooxahan ay kula taliyeen Xasan Daahir inuu Muqdisho ku yeesho baro cayiman oo maamulkiisa hoos yimaada markaasna ku gorgortamo. Kulamo dhowr ah oo arintan laga yeeshay ayaa Al Shabaab ragga ugu sareeya gaashaanka ku dhufteen, waxaana la aaminsan yahay inay tani ahayd tallaabadii ugu horeysey ee Sheekh Xasan uu ka niyadjabo, wixii xilligaas ka dambeeyeyna waxa uu Sheekhu u guuray degaanka Ceelasha biyaha oo dadkii barakacay ay u guureen halkaasi oo uu saldhig iyo maamul degmo uu ka abuuray. Maamulka Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo Ceelasha biyaha ay u tahay wadada ay u maraan gobolada Koonfureed ayaan arintaasi aqbalin, wuxuuna u diray ciidamo degaanka Ceelasha biyaha si joogitaanooda uga muuqdo iyagoo canshuurna ku soo rogay. Al Shabaab waxay maamushaa degaano badan sida Muqdisho inteeda badan, Bay, Bakool, Labada Shabeelle, Gedo iyo qeybo ka mid ah Hiiraan oo dhamaantood aan wax talo ah laga siin Xisbul Islaam maamuladooda, sidaa darteed Xisbiga waxaa ku adkaatay in Jubooyinkana ay u daayaan Al Shabaab. Marka la kala saaro goobaha ay wada joogaan labada urur waxaa iyana jirta in ay kala muhimsanaayeen, Magaalada Kismaayo waxa dhinac walba uu u arkaa meel istiraatiiji ah oo leh deked wax lagala soo degi karo lagana dhoofin karo, gaar ahaan hubka isla markaana leh dakhli wax lagu socodsiiyo sidaa awgeed Shabaab way ka daadegi weysey in meeshaas wax lagala cuno. Waxaa xusid mudan in Xisbul Islaam ay aaminsanaayeen hab maamulka Kismaayo lagu wadaago qaab qabiil, laakiin ma ahayn mid hore u hirgashay waayo bishii August ee sanadkii hore ayey ahayd markii ay labada dhinac qabsadeen Kismaayo habka maamulkana waxaa waagaasi ka dhashay muran markii dambe lagu xaliyey in maamulka loo dhiibo dad ka so jeeda beelaha kale ee aan gobolka u dhalan, waxaana loo ballamay in mudo ka dib la sameyn doono maamul ballaaran oo laga wada dhex muuqdo. Saraakiisha Xisbiga ee uu hormuudka u ahaa Axmed Madoobe waxay u arkeen in Shabaabka Kismaayo talada maroorsadeen sidaasi darteedna aan awood lagula xaalo maahee xal kale jirin arintaas waxay cirka ku shareertey shakigii dhinacyada u dhexeeyey. Al Shabaab wallow dullaanka Axmed Madoobe ay ku micneysey mid keligiis ah, hadana waxay u aragtay mid gardaro ah ayna mudan tahay in “lala jihaado” waxayna dhalisay dagaal maalin cad ka dhex qarxa labada dhinac. Hogaamiyaashii labada dhinac oo arintan aan la dhacsaneyn, gaar ahaan kuwii Xisbiga waxay Shabaab weydiisteen xabbad joojin iyo in Kismaayo wax laga siiyo laakiin Shabaab go’aan adag ayey ka qaateen in Kismaayo gorgortan gasho. Sheekh Xasan Daahir Aweys tan iyo intii uu ka yimid Eritrea sanadkan hotaantiisii wuxuu ku rajo weynaa in markan ay tahay xilligii ugu dhowaa ee kursiga heli karo, ayaa hadda ay talada ku ciirsan tahay. Al Shabaab maanta diyaar uma aha inay hoos yimaadaan maamul Xasan Daahir hogaamiyo oo madaxweyne ka yahay, waayo halganka ay soo galeen ma ahayn mid u adeegaya Xasan Daahir, sida uu isaga u heystey. Dadka ka faalooda arimaha siyaasada ee dalka waxay qabaan in hadda ay u badan tahay in Sheekhu uu ku dhaqaaqo saddex arimood midood; 1- Inuu ka aamuso dhamaan waxyaabaha socda oo uu uga dambeeyo Al Shabaab, markaasina wuxuu halis ugu jiraa xabada Al Shabaab ee maalinba dhinac u socota. 2- Inuu dalka ka baxo oo uu xaalada siyaasada dusha kala socdo. 3- Ama inuu qaato go’aan lama filaan ah oo uu ku biiroi DKMG, kana qaato xil sare sida ragii ka horeeyey, si kastoo loo cambaareeyo. Dabeecada golaha siyaasada ayaa ah khasaare iyo faa’iiido, la yaabna ma leh in shakhsi meel lagu ogaa meel kale lagu arko, oo taasi oo waa caadada siyaasada. Xasan Daahir waa nin lagu yaqaan ad- adeyg, gaar ahaan go’aan qaadashada, laakiin taasi waxaa laga yaabaa inay ka awood badiso marxalada hadda uu ku jiro oo ah “labo daran mid dooro”. W/Q: Faarax Cali
-
Miskiin. If people are denying reuters to defend shabab, then you know their is serious problem in the somali community!!! i am not in the mood to argue about it's authenticity, a reputable organization like reuters not to cross-check it's sources and in this case abdi sheikh is very unlikely. They won't risk their international standing as reliable news media over "shabab" I mean would you? Of course not. Wax macquul ah maba ku hadlan shabab supporters like geel jire. Geel jire, wake up and attack the issue and not deny it like that it is fake. These people are humiliating residents and in particular women by making them "shake their breasts" and they are doing this infront their family members and brothers. Totally disgraceful actions by this click, who not long ago was "checking people's teeth" what sort of people are this any reasonable person will ask? Shabab should prove to the people their good alternative administration and they should be doing this by opening health clinics not sending bomb threats to medina hospital which they recently did. They don't even like the good things like hospitals working for the people, which really makes anyone wonder "dan maa nagu jirto" shabab. I must say no. They are not building roads, schools, hospitals, enhancing trade, creating job opportunities. These are the things any mamul should be focussing on not focusing on "checking women breasts" not only is it totally unacceptable behaviour but it's inappropriate especially doing this in public to humiliate women and their respective families. Somalis need to make a tough choice, nimankani dan maa nagu jirto? this is why i posted this. And this is what i was intended the topic be about not about reuters authenticity. subhanallah way washteen shabab supporters.
-
Mintid. Attack the issue not point the finger somewhere else.
-
Guys I don't post fake news. This is stuff is reality and like one of the board members stated 99% of what comes out of reuters is credible. After-all they won't run a news-piece that is fake and jepordize their standing among the international media community. You can verify the authenticity of the news at reuters website if you want. Reuters Ps: Guys rather then arguing is it true or not or even denying as propaganda and making excuses for this barbaric thugs. Maybe it's time we wake up and realize these people are not really "wadaad" nor do they have any care for islam. Hey they even have women shaking their breasts for goodness sake, even when shariah didn't exist you wouldn't be seeing men saying that to women and especiall "in-front of their brothers or family members in public day-light" All the shabab supporters revise your position the evidence is overwhelming against shabab. Are you going to just turn a blind eye to it and make excuses for them? or are you going to deny it as propaganda? or will you wake up and realize these shabab are pimps.
-
Oodhweyne either your naive or just trying to save face regarding the ensuing disaster over gabiley. It takes one small incident of civil un-rest to lead to the calamity of a civil war. You know my friend with all your posh english, it fathoms me to disbelief that you have no clue how instability can lead to an ensuing disaster. Civil wars always start with societal un-rest or over skermishes which lead to an ensuing inferno. This situation in gabiley no matter how many peace-assemblies you have has not solved the issue and it seems like it's round 4 again. As far as your political situation are concerned, can't you see their non-existant? The police are crapping their pants in gabiley as the reports suggest. If their were strong institution as you claim the police officer in this report piece wouldn't be frightened but would rely upon the institution in place to deal with the situation if the case arises. However the case seems to be their are no institutions at all or at the very least their weak institutions and that is why he is scared and that is understandable. The peace-assemblies are incompetent in somaliland, if they can't resolve this issue 3 times how can you have any faith in them is beyond my comprehension.
-
hatu, these guys are hopeless. Why don't they build a road, hospital, school, etc and provide a decent administration that serves it's constituents. They can't do any of these things because their red-listed as terrorist group and no-one in the international world does business with terrorists. That is why their reduced to this at looking at women breasts.
-
Somali Islamists whip women for wearing bras By Abdi Sheikh Somalia's hardline Islamist group al Shabaab has publicly whipped women for wearing bras they say violate Islam by constituting a deception, north Mogadishu residents said Friday. The insurgent group, which seeks to impose a strict form of sharia Islamic law throughout Somalia, amputated a foot and a hand each from two young men accused of robbery earlier this month. They have also banned movies, musical ringtones, dancing at wedding ceremonies and playing or watching soccer. Residents said gunmen had been rounding up any woman seen with a firm bust and then had them publicly whipped by masked men. The women were then told to remove their bras and shake their breasts. "Al shabaab forced us to wear their type of veil and now they order us to shake our breasts," a resident, Halima, told Reuters, adding that her daughters had been whipped Thursday. "They first banned the former veil and introduced a hard fabric which stands stiffly on women's chests. They are now saying that breasts should be firm naturally, or just flat." Officials of Al Shabaab, which Washington says is al Qaeda's proxy in the failed Horn of Africa state, declined to comment. The group's hardline interpretation of Islamic law has shocked many Somalis, who are traditionally moderate Muslims. Some residents, however, give the insurgents credit for restoring order to the regions under their control. Al Shabaab, which means "youth" in Arabic, control large swathes of south and central Somalia. Abdullahi Hussein, a student in north Mogadishu, said his elder brother was thrown behind bars when he fought back a man who humiliated their sister by asking her to remove her bra. "My brother was jailed after he wrestled with a man that had beaten my sister and forced her to remove her bra. He could not stand it," Hussein said. Men were not spared the' moral cleansing'. Any man caught without a beard was been publicly whipped. "I was beaten and my hair was cut off with a pair of scissors in the street," Hussein said. "My trouser was also cut up to the knee. They accused me of shaving my beard but I am only 18. They have arrested dozens of men and women. You just find yourself being whipped by a masked man as soon as leave your house." (Editing by Helen Nyambura-Mwaura) Source: reuters.com
-
SOMALIA: Rival clans "re-arming" over Somaliland farm Officials are warning renewed fighting is likely between two rival clans in breakaway Somaliland, where they are reported to have amassed a large number of weapons and positioned hundreds of militiamen near disputed farmland in Gabiley region. "We are afraid new conflict could break out any time," a police officer, who requested anonymity, told IRIN, adding that the clans had at least 1,000 militiamen, armed with automatic rifles such as AK47 rifles and BKM handguns, in or near the Elberdale farmland area. The dispute over the farmland dates back to the 1950s with the two clans - the Reer Nour and Reer Hared - each claiming ownership. Since the beginning of 2009, they have fought at least four times: in April, May, July and September, resulting in 19 deaths and several hundred families displaced. Dahir Muhumed Eggeh, one of the Reer Hared militiamen, said a farming project, established in the late 1950s, was at the centre of the conflict, which came to a head in 1988. The clans fought on opposite sides of the 1981-1991 war between the Somali National Movement (Somaliland's liberation organization) and the army, which was loyal to then Somali president, the late Mohamed Siad Barre. The Reer Nour supported Barre while Reer Hared supported the SNM. Aw Hassan Diiriye Elmi, a former chairman of Gabiley District, said: "This conflict is linked to the repercussions of [actions by] Siad Barre, who tried to remove one of the clans from their land... we came back to the country from refugee camps to find new signs put up by our neighbours, who have since tried to take away our lands." With the two clans arming militiamen, the price of handguns and other light weapons has gone up. "Before [in 2008], light weapons, such as a Kalashnikov, cost US$370-400, but now it goes for between $650 and $700," one of the militia leaders in Elberdale said. Weapons smuggling The militia leader, who requested anonymity, said: "There are two routes for weapons to enter Somaliland - crossing from Bosasso [in Puntland] to the eastern regions of Somaliland, and from the west, especially the area between Zaila and Lughaya at a place called Sanka Doonyaha, where fast boats load weapons at night." Abdillahi Omar Qawdhan, a Somaliland coast guard consultant and marine expert, told IRIN: "We have information that illegal small arms are smuggled to parts of the Somaliland coast but what we know is that small-calibre ammunition is imported to the west coast in sacks by the Yemeni boats that import fuel and other items to the west coast ports such as Cel-Sheik, Bula-Har, Bulo-Addo and Zaila. "We have information that even small arms such as the BKM and bullets are being imported by local businessmen. Weapons destined for Ethiopia as well as Somalia have been smuggled to these places. "Since the beginning of 2009, we have recovered more than 300 pistols [smuggled in] from Yemen in the eastern Berbera [sahil region]," he said. However, Mohamed Osman Hudhun, Somaliland's western coast army chief, disputed this, saying: "There are no weapons imported into the western coast because I am from this area and every single incident is reported to me." Source: irinnews.org
-
Nairobi:Cabdi Jiinow oo Nairobi ka iibsaday Guri qiimihiisu lagu sheegay Hal Milyan oo Dollar Xilli Canshuuraha Dekedda anay ku dhicin Qasnada Dowladda 16. oktober 2009 APLMaareeyaha Dekedda Muqdish Cabdi Jiinow Calisow ayaa ka iibsaday magaalada Nairobi dhismo guri oo aad u ballaaran kaas oo qiimo ahaan ku fadhiya lacag dhan hal milyaan Dollar sida ay sheegayaan dad goobjooyaal ah. Nairobi(Allpuntland)Maareeyaha Dekedda Muqdish Cabdi Jiinow Calisow ayaa ka iibsaday magaalada Nairobi dhismo guri oo aad u ballaaran kaas oo qiimo ahaan ku fadhiya lacag dhan hal milyaan Dollar sida ay sheegayaan dad goobjooyaal ah. Jiinow oo ku taqafalay dhaqaalaha ka soo xerooda Dekedda Muqdisho ayaa ka degan xaafadda Heligaham halkaas oo dhismo aad u qurux badan ka iibsaday Maareeyaha. Cabdi Jiinow waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaadka si cad u dhacay hantida qaranka Soomaaliyed, tan iyo markii loo dhiibay Dekedda Muqdisho bilawgii sanadkii 2007 dii ma jirto cid Jiinow la xisaabtimi karto. Jiinow ayaa waxaa uu ka qeyb qaatay dagaalkii lala galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf isagoo si dadban lacag u siin jiray Nuur Cadde iyo Axmed C/salaan. Sidoo kale Jiinow ayaa waxaa uu adeegsadaa koox ka tirsan Xisbul Islaam kuwaas oo hoggaamiya Axmed Sheekh Muxyadiin (Axmed Laashan). Xildhibaannada ku sugan Nairobi iyo Ganacsatada Soomaaliyed ayaa is weydiinaya lacagta laga bixiyay Guriga uu Cabdi Jiinow ka degan yahay Magaalada Nairobi. Sidoo kale dhinaca muqdisho ayaa laga soo sheegaya in uu iibsaday Maareeyaha dhulka loo yaqaano (DHULKII GADUUDANAA) oo ku yaala dhinaca dambe ajabka Shidaalka ee ku yaala KM4 ee Degmada Hodan. Xafiiska Wararka Nairobiee Allpuntland
-
1 thing that has to be on our agenda, especially in bossaso is to sort out those damn electric wires being tied around poles and stuff. 1. It's safety concern.2. It's poor urban designing. This issue affects all somalia unfortunately, however we need to better ourselves and get on top of it. The best solution is when the oil production begins, to use that revenue into an electricity grid in puntland. Bossaso can be the provider and a grid map to all the major cities of every region. Billion dollar infrastructure, and this is where the oil money is critical.
-
The Goal Inshallah is. Puntland. 2 ports at Bossaso and Las Qoray. Jubbaland under morgan 1 port. FAI International is building a las canood and badhan airport, which was signed with the italian embassy by the tfg. After the dust settles, Puntland will have Bossaso, Las canood, Badhan, Garowe, Galkacyo and Inshallah Kismayo If Morgan gets the job done. The benadiris will have 1 mogadishu port. Galmudug None...sland 1 port. 3 ports, 5 airports...Total Economic Dominance in the federal somalia.
-
http://www.youtube.com/watch?v=PuEuWb14gbQ
-
Yaa Madaxweyne ah oo xarigga haya? (Sawir/VIDEO) POLLS/Codee, Photos, Top Story | Idil Sugule | October 10, 2009 at 10:07 pm Sida maalmahaan oo dhan ay dadku isla dhex marayaan ayaa ah in Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif markuu la kulmayay Soomaalida qurbaha ayaa waxaa dhacaysay mar kasta in suaalaha loo wado Madaxweynaha intooda badan uu qaadanayay oo ka jawaabayay Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan, Iyadoo arrintan ay xoojinayso kulankii ardayda OSU iyo hooyooyin ay BBC-du waraysatay. Waxaa ka maqalnay dad gaaraya ilaa iyo 7 qof oo la kulmay Madaxweynaha ay la yaabeen xadgudubka Shariif Xasan uu ku qaadanayo suaalaha loogu talo galay Madaxweynaha Soomaaliya. Dadka badankiisa waxay aad uga niyad jabsanaayeen kulankii ay sida gaarka ah rabeen inay ula yeeshaan Madaxweynaha inuu markasta dhinac fadhiyay Shariif Xasan, dadka qaarkii isla goobtaas ayay Madaxweynaha ka dalbadeen waxa ninkani uu meesha u joogo maadaama ay isaga rabeen inay gaar u arkaan. Visit this to see The Finance Minister Whisper in the ear of Sheikh Sharif on his recent tour of minnesota. Visit Here to give your poll vote on who is really in charge Sheikh Sharif or Sharif Hassan. http://www.bartamaha.com/?p=13885
-
Somalia: Al Shabab is Happy to Unite with Taliban (RBC NEWS) Published on: October 15,2009 Garowe Time 12:49 pm ABDALLE MUUMIN RBC NEWS. E-mail: cabdallemuumin2@gmail.com MOGADISHU- (RBC Radio)- As growing concern of the international community becomes harder than always, Al Shabab a armed group which the US said is an Al Qaeda’s proxy has said they are now happy to unite with Taliban fighters, whom the world journals reveaed they are crossing from Yemen to Somalia. Sheikh Ahmed Abu Yasir, One of Al Shabab’s top persons in Somalia told RBC Radio that the group is not much worry what the world sees a “dangerous”, meaning that Al Shabab and Taliban are the same objective. He said that to carry out any of the two groups’ goals thay must do every step which could make possible tu unite the two sides. The danger is most acute in this country, where lawlessness was rampant since the former military regime of Si’ad Barre had been toppled in 1991. The Transitional government, which has the international support controls little outside the capital of Mogadishu, and not even all of that city, the city is divided into many parts which its mostly controlled by Al Shabab. “Al Shabab is power full and can prevent TFG and other forces, we are not wory about that”, Abuu Yasir told RBC. The world media continues to cover Taliban members crossing from Yemen and Somalia border to unite with the Al Shabab fighters, but this has taken its chance already because these groups, Al Shabab and Taliban have been unified since US led troops invaded Afghanistan in 2001. so that it is easy to take good and strategical basis in Somalia. already manmy of Taliban fighters had reached Yemen to take part the wars between the government and the Shias militias of Huthis in the north of Yemen. But Al Shabab senior officers who called all Muslim fighters in the world to come to Somalia say there is no any law that prevents Muslim fighters to come in the country, even with out a visa. “No…… this land is for Muslims, Muslims belong it, every Muslim may come simply, we don’t need a visa or passport”, Al Shabab spokesman Sheikh Ali Rage Said in a public speach. Somali experts spoke about this matter say the situation in Somalia is better than in Yemen because of Taliban along side with Al Shabab may build strong groups of Islamists and also simply settle the ground with out any fear. Somali president Sheikh Sharif Seikh Ahmed warns with out international support this can be done nothing, Al Shabab already tried to topple the TFG as five months wars still going in the capital, Mogadishu. The U.S. military commandos last month launched a daring helicopter assault in which they took out the most-wanted al Qaeda operative in east Africa, Saleh Ali Saleh Nabhan, along with his bodyguards. Al Shabab vowed to compensate for Nabhan’s death, and then attacked AMISOM’s main base in Mogadishu short after weeks. Some experts say the need for that the TFG would make use of the new conflict between Al Shabab and Hizbul Islam in Kismayo is not power full one, because the TFG has no enough soldiers and money to deal with this matter. Any how if the TFG does not do more it seems that Al Shabab will be stronger one as the Xisbul Islam was defeated in recent clashes.
-
Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo Ka Warbixiyay Safar Shaqo Oo Uu Ku Tagey Dhowr Wadan Oo Afrika Ku Yaal. Published on: October 15,2009 Garowe Time 7:28 pm Gaalkacyo (RBC):- Wasiirka Caafimaadka ee maamulka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kadib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tagey dhowr wadan oo ka tirsan Qaarada Afrika. Dr. Biixi ayaa ka sheekeeyay safarkii uu ku kala baxshey dhowr wadan oo Afrikaan ah, isagoo sheegay in wadamada uu tagey ay ka mid ahaayeen Cameroon iyo Kenya, kuwaasi oo uu ku soo galay kulamo uu la qaatey hay’ado caalami ah oo caafimaadka ka shaqeeya iyo madaxda dalalkaasi ee dhinaca caafimaadka. “Waxaan galay ilaa iyo 3 Shir oo ku saabsan Caafimaadka Aduunka oo aan kaga qeyb galay wadamada Kenya iyo Cameroon, ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi. Mar uu ka hadlayay Wasiirka Caafimaadka Puntland waxa uga soo qabsoomay kulamadaasi oo la taaban karo ayuu sheegay in uu balan qaadyo caafimaadka ku saabsan dawladiisu ka heshay Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO, iyo sidoo kale Dawladaha Yemen iyo Sudan oo ah dawlado taageera Soomaaliya, Puntland na xiriir wanaagsan ay leeyihiin. Dr. Biixi waxaa uu si gaar ah u xusay in uu soo dhameeyay sanadkan in Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO ay balan qaaday in sanadkan ay Dawlada Puntland ka caawin doonto Talaalka ka hortaga cudurka Hargabka Doofaarka dadka aadaya Sucuudi Carabiya si ay u soo gutaan Xajka iyaga oo caafimaad qabana ay dalka dib ugu soo laabtan si aysan wadamada ay aadayaan aysan uga soo qaadin fayruska cudurkaasi. Wasiirka Caafimaadka Puntland waxaa uu intaa ku daray in uu soo helay deeq ka timid dhinaca iyo wadanka Talyaaniga oo ah mid dib loogu habeynayo Isbitaalka weyn ee caasimada Puntland ee Garowe, waxaana arintaasi ay ka dambeysay sida Wasiirku sheegay kadib markii uu kulan dheer la qaatay Safiirka Dawlada Talyaaniga u fadhiya wadanka Kenya. Dr. Bashiir Cali Biixi Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa ugu dambeyntii ka waramay Isbitaalka Guud ee Gobolka Mudug oo uu sheegay in uu ka jiro dayac baahsan, isagoo intaa ku daray inuu wada hadal la galay Hay’adii MSF Holland ee horay uga howlgali jirtay Isbitaalka, wada hadal dheer ka dib na ay isla ogolaadeen in ay dib ugu soo laabato Gaalkacyo kana howlgasho Isbitaalka, taasi oo ay ka aqbaleen Wasiirka, haatana ay wadaan saraakiisha Hay’adaasi dhowr Barnaamij oo shaqooyinkooda kamid ah. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio Gaalkacyo.