Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. excellent for the idp's. Their doing great job. Plus alot of them work at the port also and as labourers. I believe they will form a constitiencies in puntland sooner or later and will need to be involved in the politics!!!
  2. Abtigis. Puntland has deal with Ethiopia. The deal is they help us take the somali flag to every village of somalia. We started at villa somalia as you can see what is flying on top of there. ONLF has other agenda's such as having qabil state named "******iya". What does Puntland choose? Does it choose to jepordise it's relationship with ethiopia who is aiding puntland in achieving somali-nimo for some clan state called "******ia"? Anyways Puntland first and foremost priority is that blue flag no matter who gets in the way of it be it shabab, onlf, somali-diid, etc we will do whatever we can to make sure somalia remains united and strong!!!
  3. who-me because i was responding to the IRIN article which tries to make us appear as if we don't do nothing for the people who have fled the war. It is totally wrong. Puntland is doing it's best, it's limited but is trying. You know how many workshops, new settlements with tents, orphanage homes have been set up for them. I am only posting it now because we are being accussed of being non-courteous to the ppl who fled the war. You can see also the qardho appeal that was run recently to get help from puntland diaspora in sending money and helping these kids and what has already been done for them such as orphanage homes and education facilities just for themselves. You can watch that here Ps: I only am responding to charges made by the IRIN news, sure it has truth in it but they fail to mention what puntland has done and wants to do for these people!!!
  4. Bossaso Is trying to cope with the influx of people to the best of their ability but it doesn't help you fake news media just spreading lies about our region constantly. Secondly it doesn't help when you have tfg government members who are opposed to any development in puntland but puntland is doing it's best with minimal assistance. Lastly Charities are always done in puntland it's just that i don't necessarily post all of it. PS: Puntland doesn't rape kids like some places we know and we as sure don't use them as child soldiers. I can't say the same case for other somalis though!!!
  5. Waxgaradka iyo Culimada Boosaaso oo Bilaabay Xareynta Carruurta Derbiyada Ku Nool (Sawiro & Warbixin) Boosaaso, (RBC Radio) Qaar ka mid ah waxgaradka iyo culimada masjidka Al Huda ee magaalada Boosaaso ayaa bilaabay in la xareeyo isla markaana la dhaqanceliyo carruurta yar yar ee ku nool derbiyada magaalada Boosaaso. Guddi culimo ah oo kaashanaya gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yuusuf ayaa hirgaliyey xarun cusub oo loogu talagalay xareynta carruurta yar yar, halkaasi oo ay ku jiraan 48 carruur ah oo laga soo ururiyey waddooyinka magaalada Boosaaso. Xaruntan oo aan maanta booqasho ku tagnay ayaan kula kulanay culimada iyo waxgaradka isu xilqaamay hirgalinta xaruntan, waxaana laga dareemayay carruurta ku nool xaruntan nolol isbedel leh oo ay galeen wixii ka dambeeyey markii laga soo qabtay waddooyinka magaalada Boosaaso oo ay ku rafaadsanaayeen, iyadoo labo bilood oo kaliya laga joogo markii xaruntan cusub loo sameeyey carruurta ku dhibaateysan jidadka. Maxamed Jaamac oo ka mid ah culimada masjidka Al Huda ee magaalada Boosaaso oo gacanta ku haya xaruntan ayaa suxufiyiintii booqatay xaruntan u sheegay inay ku dhiiradeen furitaanka xarun noocan ah oo daryeel iyo waxbarasho lagu siiyo carruurta derbi jiifka loo yaqaano ee magaalada wadooyinkeeda lagu arki jiray. Wuxuuna intaa uu ku daray inaysan jirin hay’ad ama cid si gaar ah u taageerta xarunta marka laga reebo shakhsiyaad muxsiniin ah oo kharashaad iska ururiyey dhexdooda. Sida uu sheegay Maxamed Jaamac carruutan ku jirta xaruntan waxaa dhamaantood ay ahaayeen kuwii daroogada sida xashiishka iyo alkolada ku dhuuqi jiray wadooyinka magaalada Boosaaso, iyadoo dhibaatooyin isu geysan jiray dhexdooda mararka qaarna dembiyo geli jiray. Waxaana haatan badi carruurtaasi lagu xareeyey xaruntan cusub oo ah guri ay kireeyeen culimada, si carruurtan Soomaaliyeed looga ilaaliyo dhaqamada xun ay sameyn jireen iyo dhibaatooyinka iyaga laftooda soo gaari jiray. Carruurtan ma leh waalid masuul ka ah, waxayna si iskood ah ugu noolaayeen ugana xoogsan jireen wadooyinka iyagoo qaban jiray shaqooyin sida ururinta qaadka, tirtirada kabaha iyo arimo kale oo mararka qaar ay dhibaatooyin ka soo gaari jireen. Waxayna da’ ahaan isugu jiraan 3 jir illaa 16 jir, dhamaantoodna waa wiilal. Qaar ka mid ah carruurta laftooda oo aanu wareysanay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin noloshan cusub, iyagoo uga mahadceliyey culimada iyo waxgaradka isu taagay inay kafaalad qaadaan noloshooda. Waxayna noo sheegeen in jiif, cunto iyo waxbarashaba ay ku heystaan xaruntan la keenay. Makhtuub oo ah wiil 15 jir ah oo noo waramay ayaa sheegay inuu hadda salaada tukada isla markaana Quraanka si wanaagsan u bartay, wuxuu Makhtuub ugu baaqay carruuta kale ee weli ku harsan waddooyinka inay ku soo daydaan oo ay xarunta yimaadaan, kana baxaan nolosha ciyaal suuqnimada ee ay ku jiraan. Markii aan tagnay xaruntan carruurta lagu daryeelo, carruura qaarkeed waxay ku jireen qaadashada dersiga Quraanka oo markaasi uu macalinkooda la joogay, qaarkoodna waxay dhex ciyaarayeen barxada guriga ay degan yihiin. Macalinkooda oo aanu wareysanay ayaa noo sheegay in carruurta ay ka muuqato jacayl ay u qabaan Quraanka oo qaar ka mid ah ay hadda si wanaagsan u xafideen Quraanka. Nabadoon C/casiis Afguduud oo ka mid ah nabadoonada gobolka, isla markaana maanta booqday xaruntan ayaa baaq u soo jeediyey ganacsatada reer Boosaaso inay wixii karaankooda ah ku taageeraan carruurtan oo hadda ay heysato jiif xumo, maadaama aysan heysan gogol wanaagsan oo ay ku seexdaan. Daryeel caafimaad ayaa ka mid ah baahiyaha kale ee ay qabaan carruurtan. Baaq midkaasi la mid ah waxaa soo jeediyey gudoomiyihii hore ee gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yuusuf oo kaalin ka qaatay aas aasida xaruntan carruurta lagu xareeyey. Wuxuuna Xaaji Muuse ka codsaday maamulka, culimada iyo ganacsatada inay wax ka geystaan taakuleynta carruuurtan oo uu sheegay inay iyaguna dhibaato qabeen bulshadana dhibaato ku hayeen. Mid ka mid ah carruurta oo RBC Radio u waramay Ma jirto tiro koob rasmi ah oo laga hayo carruurta ku nool waddooyinka magaalada Boosaaso, waxaase la qiyaasayaa inay boqollaal ka badan yihiin. Illaa haddana magaalada kama jirto hay’ad si gaar ah wax ugu qabata carruurta ku nool waddooyinka, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo culimada iyo waxgaradka Boosaaso ay wax u qabtaan carruurta dhibaateysan. DAAWO SAWIRO BADAN: Sawirqaade: Maxamed Xasan RBC Radio
  6. War Murtiyeed: Shirkii Buuro wadal March 8, 2010 Waxaanu aad uga xunahay, kana warwarsanahay, sida loo majara habaabiyey ujeedadii Shirka Beesha ee ka socday Bura-Wadal. Is la markaana waxaa si buuxda u taageersnahay go’aanka taariikhiga ah ee uu qaatay Garaadka beesha Ahmed Garad-Garaad Cabdulaahi Garaad Maxamed . Isla markaana, waxaanan marnaba ka raja go’aynin; Isimadda kale ee beelaha SSC , inay si miyir leh, uga fiirsan doonaan danaha guud, raacina doonaan toobiyaha san. Mar labaad waxaan ku celinayaa, sida daweynaha SSC ,uga xunyihiin sida loo tusma habaabiyey ujeedadii shirka beesha. Wabilaahi Towfiiq, Cabdixakim C. X.Cumar Camay(Baabul) Bura-Wadal, G.Sool, Somalia
  7. Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe oo Ka Baxay Shirkii Buurowadal March 8, 2010 Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe ayaa war uu maanta soo saarey ku sheegay in uu gebi ahaanba isaga baxay wadahadalkii ka socdey Buurawadal kawaas oo u dhexeeyay Isimada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxaana shirkaas looga arinsanaayey sidii loo dhisi lahaa gudi khusuusi ah oo beesha hogaamiya. Garaad C/laahi Garaad Soofe, Garaadka Beesha Axmed Garaad ee (***********) waxa uu qoraalka uu soosaaray ku xusay inuu ogaysiinaayo Beesha *********** iyo Beelaha kale ee Soomaaliyeed iyo kuwa uu Garaadka u yahayba in uu la socod siinaayo inuu ka baxay shirkii ka socaday Buurowadal kasoo lagu dhisi lahaa Gudiga Khusuusiga ah Ka bixitaan kaan uu ka baxay shirka ka lagu dhisaayo Khusuusiga ayaa Garaad C/laahi Garaad Soofe Waxa uu ku micneeya in la dhinaca maray sharcigii Isimada ay horay u dhigteen ayna marin habaabiyeen dad dano gaar ah leh islamarkaan aan beesha dhulbahanta loogu ayan waxa dan ah u ah Garaad C/laahi Garaad Soofe ayaa sidoo kale qoraalkiisa ku cadeeyay in ay wada tashi sameeyeen Cuqaasha,Odayaasha,Aqoonyahanada,Siyaasiyiinta Beesha Axmed Garaad ay go’aan sadeen inay isaga baxaan shirka ka socad BuuroWadal ee lagu dhisi lahaa gudigii khusuusiga islamarkaan beesha Axmed Garaad uusan khusayan waxa kasoo baax shirkaas Dhawaan ayay ahayad markii ay isamada Beesha Dhulbahanta ay shir balaaran isgu yimaadeen kasoo ay kaga wada hadlayeen sidii ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan dib u xoreynta dhulka maqan, hogaan mideysana loo samayn lahaa. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Ee Garoowe
  8. Puntland is lining up new electrcity grids across puntland. Visit this site and see the current work that has been done and inshallah more work will be done. NEC SOMALIA Keep up the good work necsomalia and lets transform puntland cities and remote areas into up to standard electricity grids.
  9. Bosaaso Kulan Looga Hadlaayo Xaalada Magaalada Ceerigaabo oo Kasocda Gudaha Magaalada Boosaaso Boosaaso magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Dowlada Puntland ee Somaliyeed Ayaa Waxa Maal Mahan kasocsocda Dhaq Dhaqaqyo Kulan Looga Hadlaayo Arimaha Gobolka Sanaag khaasatan Magaaalada ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Shirkan Ayaa Ahaa Mid Mudo Ayaamo Ah Socdey oo laga ilaaliyey Saxaafada Waxana Lasheegay In Ajandaha kulankaasi uu Yahay Magaalada ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Waxana Kulankaas Kasooqeyn Galaya Masuuliyiinta Gobolka Bari Iyo Siyaasiyiin Xildhibaano Golaha Degaanka Magaalada boosaso Saraakiisha Ciidamada Gobolka Iyo Guurtida Gobolkaasi. Kulankan Ayaa Lasheegay In Mudooyinkan uu Socondoono islamarkaana Diirada lagu Saaraayo Arimaha Degmada ceerigaabo ee Gobolka Sanaag kulankan Ayaa Waxa Si Hoose uga Qayb Galay Masuuliyiinta Dowlada Puntland oo Khudbad Kajeediyey Waxana Kulankaasi lays Kula Sooqaaday In Magaalada Ceerigaabo Ay Tahay magaalada Puntland Dadkeeda Iyo Degaankeedaba Yihiin Islamarkaana Gacanta lagusooceliyo Beesha Gobolada Sanaag Iyo Bari Ayaa Shirkooda Socondoonaa Mudo Maalmo Ah Waxana Shirkaad Aan kamaqneyn maamulka Puntland. Shirkan Ayaa Siweyn Loogaga hadlay in Magaalada ceerigaabo Iyo Arimeheeda Iyadoo Beesho Meesha Kasaartay In Ceerigaabo Ay Tahay Magaalo Lawada Degan yahay lana Xusay In Beesha Gobolka Iska leh Dhinaca Ay Noqdaan ceerigaabo Ku Khasbantahay hadii Jiritaankeeda uu Muqadasyahay islamarkaana Dhowaan Dastuurka Puntland Lagu Daray In Magaalada ceerigaabo ee Gobolka Sanaag Puntland Laga Dhigo Ama Khad Cagaaran ladhex Mariyo Kulankan Ayaa Muhiimadiisa Ahayd In Magaaalda Ceerigaabo Ay Sanaag Intiisa Kale Raacdo Ama Calaamad Cagaaran loosameeyo oo Cidii Guryo Kuleh Ay Degaankooda Katalin karaan Balse Aaney Jiridoonin In Magaalada Sidan kusiijirto beelaha ********** ee Degmada ceerigaabo Degan Ayaa Dhankooda Soodhoweyey Qorshaha Magaaalada Boosaaso lagu Gaarey islamarkaana Kudhiri Geliyey In Lataabadaas Ay Taageerayaan. Taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Sanaag Ayaa Horay Ushaaciyey In Degmada ceerigaabo uu tegaayo Kana Eryaayo Maamulka Somaliland iyadoo Taasi Ay Is Hortaageen odayaasha Degaanka oo Sheegay In Qorshe Weyn magaalada Ceerigaabo lagu tagidoono oo Ay Arintaas Cagta Udhigaan maamulka Gobolku. Ceerigaabonews/desk Boosaaso Puntland Somalia maxamed Aamiin Yare
  10. Anwar. Puntland Iyo Somali flag wa lama taabtaan. Since 1960 illa manta weligeena ma dhigin iyo weligeena ma dhigi doona. Even when we have politicians who are mucarad to the president in hamar, they always have the blue flag.
  11. Dowladda KMG Oo Soo Bandhigtay 12-jir La Baray Sida Dadka Loo Bireeyo + Sawiro Mogadishu (GMN) – Dagaalayahano kor u dhaafaya 10 oo kasoo goostay kooxda Xisbul Islaam ayaa maanta usoo galay Dowladda, waxaana maleeshiyaadkani iyo xubno ka tirsan dowladda ay shir jaraa`id ku qabteen xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaalada Muqdisho. Wiil yar oo aan wali qaan-gaarin ayaa ka mid ahaa maleeshiyaadkani, wuxuuna la hadlay saxaafadda isagoona sheegay in ay ka mid ahaayeen maleeshiyaadka Xisbul Islaam ee ka dagaalameysay deegaanka Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Sh. C/Qaadir Cali Cumar oo goob joog ahaa goobta shir jaraa`idka ku qabteen maleeshiyaadkani ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka towbad keeneysa dhibaateynta shacabka, wuxuuna dhalinyarada wali dagaalada wada ugu baaqay in ay fahmaan cida ay la dagaalayaan iyo waxa ay ku dagaalamayaan. Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiiru dowlaha madaxtooyada Xassan Macallin iyo C/raxiin Ciise Cadow, waxeyna iyana soo dhaweeyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen dhaliyaradan. Wiilka yar ee da`diisa lagu sheegay 12-jir ayaa sheegay in uu tababarro ku soo qaatay deegaan duureedka loo yaqano badda madow oo ku yaala gobolka Jubada Hoose, wuxuu qiray in rag ajnabi iyo Soomaali isugu jira ay tababaro sida dadka loo gowraco ay ka mid tahay ay ku siiyeen, isagoo sheegay in markii hore ay maleeshiyadu cirbad daroogo ah ku dureen. Wasiirka arrimha gudaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in canug aan wali qaan gaarin loo adeegsado dagaalo, taas oo uu ku tilmaamay in ay ka hor imaanayso Diinta Islmaaka, qawaaniinta caalamiga ah iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida. C/risaaq Indhajaceyl Gedoonlinenews@gmail.com
  12. Plus farole hasn't even updated the public on how the work is going on the new parliamentary buildings he started the construction work in garowe on march 2009. Here is the design draft of how the parliament is to look. Here is the surveyor scoping the land http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=6280 However totally no update from farole in relation to the progress. If they can finish building galkayo terminal in 3 months as they stated recently I don't see why it needs to take 1 year to set up the new parliamentary buildings. I know it's just not 1 parliament building their doing they are working on doing totally new ministry buildings which most of the ministry buildings have been completed. It's just the parliamentary building I haven't seen any update on iyo halkee buu mareya!!!
  13. This new film done by minnesota diaspora community who visited bossaso this year and recorded a film of the town. Totally majestic!!! Enjoy Ps: As for the run-way of the airport that needs to be completed by puntland government which they are working on. Plus The extension of the port is a big must if we want more customers!!! My suggestions again for 2010 for bossaso to improve on the following areas 1. Road network through the city. The bossaso administration has been promising for years now yet has done maybe 1 or 2 roads for the towns. They really need to improve there. 2. Urban Planning. We need to separate the city into three distinct areas. 1 area be the financial zone where companies can come and build their properties and contribute to the activity of the financial capital of puntland. Plus segment a residential areas only to locals or people who come from abroad to build homes. and then we need the third zone for dekeda and beachside and make sure the dhows are lined up in orderly fashion and designated an area. 3. Roads. This is a promise the bossaso locals have been hearing for years but no local bossaso admin has really delivered. Lets hope the new bossaso admin actually delivers and sets up road-network with street signs in the city to make traffic smoother. 4. Airport runway pavement needs to be done. Farole has been calacaaling for months about completing it but i haven't seen anything he has added that is worthy to be mentioned. 5. Dekeda expansion and port facility headquarters cade muse was doing farole is still failing on continuing it!!! Anyone else has any inputs for imrpovement of the city would be appreciated. Plus We need to finally settle on the hamar issue and get back our properties from there and our investments. We are only building for the past 11 years with not even half our financial muscle. We need to settle those dead accounts. I know just uunlaaye had multi million dollars in hamar which hasn't even been addressed by sheik sharif. Anyways thats my input, but so-far excellent job bossaso and keep up the hard work!!!
  14. JUURILE:- HAAYADDA ADRA OO CUSBITAALKA DEGMADA WAACIYE UGU DEEQDAY QALAB ISUGU JIRA SOLAR IYO BETTERIYO JRL:- WAACIYE Haayada ADRA ayaa ugu deeqday Cusbatalka weyn ee degmada waaciye qalab isku jira solar iyo Betteriyo ku waas oo loo isticmaalayo koronta ahaan. qalabkan ay haayadu ugu deeqday hospitalka ayaa ah mid asagu Guran qoraxda. madaxa mashruuca The Somalia Energy and Livelihoods Project (SELP) ee haayada ADRA Madane max,ed c/casiis cartan oo aanu waxka waydiinay wax tarka qalabkan ayaa noo sheegay in wax ka tari doono baahida koronto ee ka jirtay cusbatalka isla markaasna uu ka ****olidoono kharajkii shidaalka ee shidijiray cusbatalka, matoor cusbatalka ayaa ah mid ka baxsan magaalada isla markaasna aan heli jirin koronto joogta ah hadase ah mid u muuqda in baahidii koronto ee badnayd meesha ka baxaysa. SAHAL MUUSE XAFIISKA JRL EE DEGMADA WAACIYE
  15. Al-Shabaab oo Mamnuucday Barashada Luuqadda Ingiriiska iyo Sayniska March 5, 2010 Xarakadda Al-Shabaab ee ka mid ah Mucaaradka ka dagaalama dalka Soomaaliya ayaa mamnuucday in la dhigo luuqadda Ingiriiska iyo maadooyinka Sayniska ah. Maamulka Islaamiga ee degmadda Afmadow ee gobolka Jubadda Dhexe ee Xarakadda Al-Shabaab ayaa soo saaray wareegta u ku mamnuucayo in iskuuladda halkaas ku yaalo laga dhigo maadooyinka Sayniska iyo weliba luuqadda Ingiriiska,waxaana talaabadaas loo badinaaya ka dib marki dadka degan halkaas ay diideen amar hore ay soo jeediyeen oo ahaa in ay ku biiran dagaalka ay wado Xarakadda. Dadka degaanka ayaa iyagu Saxaafada u sheegay in saddex ka mid ah iskuuladda halkaas ku yaala loo qabtay hal bil in manhajyada(Syllabus) loo bedelo Carabi iyo maadooyinka diiniga. ”Waxaa ayna weydiyeen in Ardayda ay kusoo biiraan Ciidankooda si ay u dagaalamaan,balse arintaas waan diidnay oo aan kasoo horjeesanay”,ayuu yiri mid ka mid ah Macalimiinta halkaas wax ka barta oo ka gaabsaday magaciisa. Waxgaradka ayaa iyaguna sheegay in Ciidanka Xarakadda Al-Shabaab ay maalinimadi axadda ay albaabada isku dhufteen Iskuuladda ku yaala degmooyinka Waamo iyo Dhoobaale ayna ku amreen doonaan joojinta barashada Luuqadda Ingiriiska. ”Maamulka Islaamiga waxaa ay xireen goobaha waxbarashada,waxaana ay ku amreen in ay joojiyaan barashada luuqadda Ingiriiska oo ay sheegeen in ay tahay luuqadda ay iska leeyihin Reer Galbeedka”,ayuu yiri Cali Mowliid Maxamuud oo ka mid ah Waxgaradka degmadda Afmadow. Waxaana uu sheegay in arintaas ay ku sababeen in mustaqbalka ardaydaas ay basaasin u noqon doonaan Reer galbeedka. Iskuuladda ayaa dib loo furay maalinimadi talaadada ka dib marki Macaliminta iyo Waxgaradka ay ogolaadeen amarkaas.waxaana ay go’aankaas saamayn ku yeelatay 23-macalimin oo aan aqoon luqadda Carabiga oo ku khasabtay in ay ka tegaan shaqada. Talaabadan iyo go’aankaan ayaa ilo Xog Ogaal sheegaayan in ay daba joogto hadal kasoo yeeray Dowladd Ingiriiska oo ku sabsan in ay Xarakadda Al-Shabaab ku darayso liiska Argagaxiisada Caalamka. Horseed Media
  16. Shirkada Golis Telecom Somalia oo Maanta Soo Bandhigtay Telefoono Tamarta Qorraxda Ku Shaqeeya Boosaaso, (RBC Radio) Shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom Somalia ayaa maanta soo bandhigtay telefoono mobile ah oo ku shaqeeya tamarta qorraxda. Shir jaraa’id oo maareeyaha guud ee shirkada Golis Aadam Sheekh Doon Cali uu ku qabtay xarunta shirkada ayuu shaaca kaga qaaday in shirkadu ay soo kordhisay telefoonadan gacanta lagu qaato oo ah nooc loo adeegsanayo awooda qorraxda (solar system), taasi oo qofka adeegsanaya uu kaga maarmayo inuu u baahdo koronto marka uu dabka ka dhaco telefoonka. Maareeyaha shirkada Golis Aadam Sheekh Doon Cali waxaa uu sheegay in telefoonkan uu noqonayo mid si weyn wax uga tara baahida macaamiisha gaar ahaan kuwa ku nool dhulka miyiga ama tuulooyinka ee aan had iyo goor heli karin koronto. Waxaa sidoo kale baahida telefoonkan xitaa dareemay dadka ku nool magaalooyinka maadaama uu yahay mid si fudud isu kaarikeynaya. Maareeyaha guud ee Golis oo ka hadlay dadaalkii ay shirkadu u gashay keenista telefoonadan gacanta ayaa sheegay in telefoonkan uu ku yimid dalab ay shirkada Golis sameysay, iyadoo qiimaha ay hadda ku iibineyso uu yahay mid aad uga hooseeya midkii ay shirkadu ku soo iibsatay, taasi oo muujineysa sida shirkada Golis ay u daneyneyso inay bulshada ka horumeriso dhinaca adeega isgaarsiineed ee ay faraha kula jirto. Shirka jaraa’id ee uu qabtay maareeyaha shirkada Golis waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay telefoonada cusub ee ay shirkadu keentay, iyadoo saxaafadu la tusay qaabka uu u shaqeynayo telefoonkan. Cumar Ciise Faaruuq oo ah madaxa suuqgeynta iyo ganacsiga ee shirkada Golis oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in telefoonkan uu yahay mid ku shaqeynayo simcard-ka shirkada Golis oo kaliya. Wuxuuna Cumar Faariiq intaa ku daray in telefoonka uu yahay mid aad u qiime jaban oo dadka oo dhan ay iibsan karaan. Madaxa suuqgeynta ee shirkada Golis waxaa uu sheegay in keenista telefoonadan ay timid ka dib markii ay soo baxday baahi dadka ku nool meelaha fog ee miyiga ah kuwaasi oo in badan ay ka soo yeereysay cabasho dhinaca dabka ah. Iyadoo ay maanta si rasmi ah shirkadu u daah furtay telefoonkan cusub ee nooca qorraxda ku shaqeeya ayaa haddana waxaa durba laga dareemayey gudaha xarunta shirkada dadweyne tiro badan oo isla markiiba bilaabay inay iibsadaan telefoonadan cusub si ay uga baxaan dhibaatada ay dhinaca dabka ku qabeen, taasi oo mararka qaar sababi jirtay in qofka uu ka lumo telefoonkiisa. Shirkada Golis ayaa haatan u muuqata mid horey ugu sii talaabsaneysa inay ka jawaabto baahi kasta oo dhinaca isgaarsiinta ka jirta iyadoo la jaanqaadeysa horumarka dunidu ka gaartay technology-ada. Waxaana dhamaadkii sanadkii hore ay shirkadu furtay adeeg casri ah oo macaamiisha u suuragelinaya in telefoonka ay ka dhex furtaan hab fudud oo lacagaha ay ugu keydsan karaan.
  17. Gaadhiga nabadoonada baa gacanta ku hayso oo kamid ah puntland. They will make sure the trade happens properly!!!
  18. Qaar ka Tirsan xilibaanadda Dowladda Puntland iyo Wax garadka deeganada Burtinle iyo Tuulo jalam ee Gobolka Nugaal ayaa Waxay Gudda Galeen sidii loo soo dayn lahaa baabuur ay leeyihiin Ganacsato ka soo jeeda Maamulka Somaliland isla markaasna lagu hayso dhulka miyiga ah ee degmada Burtinle. Baabuurtaan oo loo haysto Gabadh ay maamulka somaliland Gacanta ku hayaan isla markaasna laga soo xaday deegaanada Fog ee Gobolka bari isla markaasna ay dad Toogu ah iibsadeen balse kadib ay Gacanta u Gashay Maamulka Gobolka Togdheer ee somaliland uuna wax muuqda ka qaban waayey ayaa haatan Waxay arintu isu bedeshay in la soo celiyo baabuurtaas. Xilibaan Siciid khaliif Muuse Waxaa uu ka mid yahay Golaha xilibaanada Dowalada Puntland Waxaa uu ka mid ahaa qaar ka Tirsan xilibaano iyo Wax Garad muddo ku raad joogay sidii loo soo celin lahaa baabuurtaas oo ay dheceen dhalinyaro carootay oo ehelo yihiin Gabadha afarsano jirta ee lagu hayso magaalada burco ee xaruunta Gobolka Togdheer. Xilibaanku Waxaa uu sheegay in ay in badan la hadleen dhalinyarada haysata Gaadiidkaan Gaadhay 2 baabuur ee Waa wayn Waxaana is afgaran waa badan kadib ay sheegeen in ay ka soo qaadeen baabuurta isla markaasna ay xaliyeen oo ay sheegeen in ay waxyaabo badan ka qaban doonaan soo daynta Gabadhaan oo ay somaliland hasyto ayna Falkeeda Gelayaan siddi ay somaliland ugala hadli lahaayeen. Dhegayso: Xilibaan Siciid khaliif Muuse. Gaadiidkaan oo ka hadal siiyey dad badan oo uu ka mid yahay badhasaabka isagu Gacanta ku haya Gabadhaan ayaa haatan Waxaa Gacanta ku hayya Nabadoono odoyaal iyo wax garadka kale oo iyagu ka soo jeeda deeganada Gobolka nugaal Gaar buurtinle iyo Tuula jalam, iyagoona Gacanta ku sii hayn doona ilaa inta ay Warcad ka heli doonaan Maamulka Somaliland waxaana baabuurtaan loo soo wadda xagga Caasumada Puntland ee Garoowe. Arintaan oo muddo hadal haynteedu socotay ayaa haatan u eg mid kala furfurantahay maxaa yeelay baabuurtii loo haystay Gabadha da,da yar ee reer Puntland ayaa haatan waxaa Gacanta ku haya Puntland, Waxaana markaas Cadaanaysa ama soo iftiimaysa in la soo dayn doono Gabadhaan, oo ay Puntland la xidhiidhi doonto maamulka Deegaanada Togdheer oo ay Gabadhaan ku sugantahay. Allidamaale.com Office of Puntland.
  19. Munaasabad balaaran oo lagu caleema sarayay Beeldaajaha Cal-bari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin ayaa waxaana ay kadhacday garoonka wayn ee dagmada Caluula ee gobolka Bari. Munaasabadaan ayaa waxaa kasooqayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, Isimo aad u faro badan, odayaal dhaqameedyo, Ganacsato Culimaa’udiin iyo dadweyne aad u faro badan dad. Masuuliyiinta ka soo qaybgalay Munaasabadda waxaa kamid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse, G/kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed, sidoo kale waxaa khadka Telefonka kaga qaybqaatey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col.Cabdullaahi Yusuf isaga oo ku sugan dalka Yemen, Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole, raysalwasaaraha Dawladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali. Goobta ay ka dhacaysay munaasabadda caleemasaarka Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasin ayaa waxaa soo buuxdhaafshay dadwaynaha kunool dagmada caluula kuwaasi oo si aada uga qayb qadanayey caleemasaarka beel daajaha Cal bari. Isimada Puntland ayaa halkaas ka soo jeediyey khudbado kala gedisan waxaana ugu horeyntii halkaas ka hadley Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah ku simaha Boqor Cabdullaahi, waxaana uu hanbalyo u direy Beeldaajaha, waxaana uuu sheegay Boqorku in xil weyn maanta loo dhiibey Beeldaaje Ismaaciil loona baahan yahay in uu xilkaas gudo una shaqeeya umadda ku dhaqan geyigaas. Kadib khudbadihii ay jeediyeen Isimadii halkaas ka qaybgashey waxaa iyaganu hadalo kooban ka jeediyey halkaas, siyaasiyiin hore sida Madaxweynihii Soomaaliya, Col.Cabdullaahi Yusuf oo isagu khadka telefonka kaga qaybqaatey waxaana uu aad ugu dheeraadey xiriirkii wada shaqeyneyd ee ka dhaxeeyay isaga iyo Beeldaaje Yaasiin rabbi ha u naxariistee, waxaa sidoo kale ka hadley goobta Gen.Cadde Muuse oo isagu goobta ku sugnaa. Munaasabada Caleema saarka Sidoo kale waxa goob joog ka aha Xubno ka socda Dowlada Puntland oo aay ka mid yahiin Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Salaad Xareed, Gudoomiyaha Xilka Wareejin doona ee Gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yusuf, Iyo weliba ku Xigeenadisa, Madax kale oo ka socda Hay’adaha kala duwan ee Dowlada, waxaa xafladda si weyn uga dhexmuuqdey shirkadda Golis oo iyadu u sahashey goobta caleemo saarka waxyaabo badan sida isgaarsiinta, iyada oo shirkadda Golis gacan ku siisa bulshada rayidka ah arimaha caynkan oo kale ah. Ugu danbeyntii waxaa la caleemo saarey Beeldaajaha Calbari Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin, waxaana caleemo saaray Boqor Burhaan Boqor Muuse, kusimaha Boqorka *******, waxaana loogu duceeyey in rabbi la garabgalo shaqada culus ee loo igmadey. Cabdisalaam Axmed Shire Horseed Media More pics can be viewed here HM Media
  20. I suggest maxamed ali samatar join the tfg and get immunity such as morgan who is "lama taabtan". Infact it is how you carry yourself that will decide if you face justice or not. I suggest strongly sit under the tfg umbrella and you will be safe!!!
  21. Mohamed Ali Samatar case, a ring of classic scapegoating By Mohammed Ibrahim Shire History is frequently rewritten following changes in a country’s political arena or status, more commonly in third world nations than first. The victors take this opportunity to redraw the attended events, both good and bad, in the matrix of time. Fabricated or exaggerated occurrences that form the umbrella of deformed history become the main purpose to legitimize the new state of affairs and condemn their previous opponents. Atrocities are carefully and selectively highlighted whilst the new rulers’ past enormities are swept nicely under the rug or conveniently transferred to their opponents in order to strip themselves clean of all traces that resemble their past war-crimes. At times, they succeed in their concerted effort of pulling the wool over the eyes of the international community, however at most, they fail whilst the canals of time heals the attempted distorted revisionism. Somalia is a different case, a nation where clan loyalties are preeminent; the method of historical objectivity holds no significant value. To top it all, Somalia has had no written history prior to 1972. The average Somali assumes solely and commonly at face-value, the tales conveyed to him by his kinsman with no regard to its accuracy. This clan-orientated gullibleness was notoriously exploited by the Somali rebel movements during the 1980’s where they transmitted from their radio stations in Ethiopia fictious reports of targeted Somali communities on the identification of hailing from certain clans. It was a shifty tactic to rekindle support for their groups and rally their clan-members against the then-ruling government. Now this opportunitistic scapegoatism is hitting the international scene once again, this time, against the former prime-minister and vice-president of the last functioning state, Mohamed Ali Samatar. Mr. Mohamed can rightfully be regarded as the longest surviving Somali ex- politician. An aged man equipped with priceless experienc and insight, he stayed absent from the bewildering Somali civil war conflict. Born in Kismayo, Somalia to a marginalised minority clan, known as Tumal, he quickly rose to a remarkable position fully attained through his merit and competence and the lack of conforming to the expected social standard of hailing from an outcast clan. Best known as a skilled strategist during his tenure as Somali’s Defence minister in the Somali-Ethiopian war, majority of the Somali populace has a general positive attitude towards him as a vibrantly nationalist who defended the unity and independence of Somalia during countless circumstances. However, there are others who consider him as the perfect scapegoat to unleash their wave of allegations. Abusing the unfortunate fact that minority clans are rarely, if it at all, protected due their status, what better to test the theory of historical revisionism under the watchful eyes of the international community than a former high-level member of the last stable Somali government who hails from a ostracized group. Until Somalia finally gains its feet and has the actual ability to scrutinize past actions and allegations, free any clan bias or vested interest, we should fiercely resist this cheap campaign based on baseless allegations that reeks from clannish flavour to tarnish and paint the accused Somali prime-minister in a negative light. QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM We welcome the submission of all articles for possible publication on Raxanreeb.com. Feel free to email us your article today. Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of Raxanreeb.com
  22. Diyaarada African Express oo ka mid ah Diyaarada howlgala Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxyeelo ka soo gaartay Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ka dib markii diyaarada oo Xawaare sare ku soconeysa ay ka baxday Dhabaha Diyaraadaha ku caraaraan ee Runway-ga Garoonka Boosaaso Diyaaradan oo ahayd mid Todobaadkan Ka shaqo biloowday Deegaanada Puntland ayaa waxaa saarnaa rakaab farabadan kuwaasi oo qaarkood ahaa kuwo transit ahaa inakasta oo aysanjirin waxyeelo soo gaartay rakaabka hadana waxaa uu burbur xoogan Gaaray guud ahaan Diyaarada African Express Masuuliyiinta Shirkada African Express ee Boosaaso oo warbaahinta SBC International Khadka telfoonka kula hadlay ayaa sheegay in Diyaarada ay ku socotaya ka dibna ay Ka baxday wadada Balse aysan jirin Cilad kale oo diyaarada ku timid waxaana ay sheeegeen inaysan Jirin cid wax ku noqotay Diyaarada African Express ee Maanta ka baxday Dhabaha Diyaaradaha ee Garoonka Boosaaso ayaan ahayn markii ugu horeysay oo ay diyaarad wax ku noqoto Garoonka Banderqaasim waxaana Dhawaantan diyaarada Daalo Ay ku dhacday gudaha garoonka ka dib markii ay jabtay Lugta hore ee Diyaaradaasi Garoonka Banaderqaasim oo ka mid ah Garoomada Dalka Soomaaliya islamarkaasina ay mudooyinkii ugu danbeeyay ka socdeen Dayacatirka Tarminalka iyo Wadadaba ayaa waxaa ku soo daga kana dhoofa Diyaarado farabadan oo ukala goosha Dalalka Caalamka iyo Kuwa Gobolkaba.
  23. What you guys says? I think he has failed puntland!!! I personally think the leadership should be given to good ministers working hard like the minister of education or minister of interior.
  24. Dalmar, prove your statement. show me in somali history where this has ever occured in somali regions. just even show me 1 case in somalia or any somali inhabited state!!! You need to back up your words sxb. U can't just make blanket statements. Sure their is criminal everywhere i don't disagree, however this sort of crime i can safely say has never occurred in somalia. By the way what makes angry is, if they treat their kids like that who gives them the right to send oromo messengers to steal our kids???? Nin carurtiisa fara-xumeeyo kaadi miyuu dhaafa? Sxb this is urgent issue and u need to condemn the barbaric people of that unrecognized rebel enclave.
  25. Sxb im not puntland, im not somali, im from space. why the hell do you care? it's none of your bizness who i defend and who i don't!!! Sxb just keep changing your names because u have obvious ^^^ when u do duke. That's why i dont bother with ur topics because u just use 10 names and fill it up and try to start a debate with yourself. Its gotta be boring talking to yourself. Anyways stay out of my bizness im not here to play games and change names like you.