Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. The United Nation Human Right Council has released human rights report situation on Somalia. The report is below to read. U.N Human Rights Report On Somalia
  2. So Far the Cagaaran road in mudug was completed, so has the lafa goray road that connects hafun to caluula been done. This years goals. 1. Bendar Ziyada to Las Qoray Road 2. Road that goes to Hafun It's not bad way to start 2010. Inshallah step by step it will be all done and it's a matter of going up then onwards.
  3. Maamulka Degamadda Xaafuun oo Ka warbixiyey Dayactir laga wadey Wadooyinka Degmadda March 29, 2010| NEWS: Category | 4 comments Maamulka degmadda Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa ka warbixiyey dayactir weyn oo muddooyinkii la soo dhaafey ay ka wadeen waddada tagta degmadda, Mr. Yusuf CabdullaahiSanyare oo ah guddoomiyaha degmadda ayaa sheegay, in ay gacanta wax uga qabanayeen arintan, maadaama aysan haysan qalab waaweyn oo ay wax ku qabtaan,waddada ay noqotey meel bacaad xirey, waxaan ku guuleysanay in masaafo 9KM ah aan dhagax dhigney oo ka dhigney waddo Jay ah, waxaana hawshaani socotey tan iyo sanadkii la soo dhaafey, ayuu yiri Guddoomiyuhu. Dheyayso Waraysiga Gudoomiyaha Xaafuun Guddoomiyaha ayaa sheegay in mashruucan ay u raadiyeen taageero, welina ay rajo qabaan laakiin aysan u helin taageero balaaran oo lagu dhameeyo waddada Xaafuun, waxaana in muddo ah sugeyna inta ay ka dhamanaayeso waddada Lafagoroyo ee Caluula tagta taasna hadda waa mid soo dhamaatey. Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhibta ka taagan wasdada ay ogyihiin Masuuliyiinta Puntland, madaxweynaha waan kala hadalney wasiirka arimaha guduhu waa og yahay laakiin weli wax taageero ah oo dhanka maamulka naga soo gaarey ma jirto. Guddoomiyaha degmadda Xaafuun ayaa sheegay in dadka reer Xaafuun ay diyaar la noqdeen xoogooda haddii lagu taageero dhaqaalihii loo baahnaa, waxaa macquul ah in muddo 6 bilood ah waddadu ay noqoto mid wanaagsan oo aan bacaad ahayn, isgaarsiinta iyo noloshuba ay hagaagto. Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa cabasha ka muujiyey in maraakiibta shisheeye ee ka kaluumeysta xeebta Xaafuun ay yihiin kuwo marba marka ka danbseysa soo badanaya, waxaana hadda ay u bateen dhanka Hindiya kuwa ka yimaada kuwaas oo dhibaato u geysta Kaluumeysatada reer Xaafuun. Maxamuud Cabdi Ibraahim Horseed Media
  4. Burcad Badeeda Somaliya oo Saldhig weyn ka samaystay dekaddaa Ceelmacaan Muqdisho (RBC Radio):-Kooxaha Burcad Badeedda ah ayaa fariisin weyn ka samaystay duleedka magaalada Muqdisho oo ay gacan ku hayaan xoogaga islaamiyiin mucaarad ah oo kasoo jeedo dowlada kMG ah. Shabakadda RBC ayaa Macluumaad xasaasi ah ka heshay saldhig weyn oo ay kooxaha Burcadda ah ka samaysteeteen Dekadda macmalka Ceel-macaan duleedka Bari ee magaalada Muqdisho. Ceelmacaan oo ay gacanta ku hayaan Ururka Xisbul islaam waxaa hadda ka socda dhismooyin waaweyn oo ay samaysanayaan Kooxaha Burcad Badeeda oo halkaasi u arka goob Istiraatiiji ah. RBC waxay ogaatay in Saldhiggii maamulka Burcad Badeeda lagasoo raray degmooyinka Xarardheere iyo Eyl islamarkaana loosoo wareejiyay Ceel-Macaan gobalka Shabeelaha dhexe. Nin katirsan dhalinta Burcada Badeeda oo muqdisho ku sugan ayaa inoo xaqiijiyay in ay degeen Ceelmacaan halkaasna ay gaysteen Konteenaro iyo qalab kale oo ay ku shaqay doonaan saraakiisha Burcadda. shalay gelinkii dambe waxaa Ceel Macaan kusoo xiratay Dooni shixnado Hub ah ka keentay deegaanka Kudhaa gobalka Jubbada Hoose, taliskan ay Burcad Badeedu ka samaysteen Ceel Macaan ayaa qaabilsan maamulka iyo abaan duulka ciidamada balse ma noqon doono meel Maraakiibta lasoo qafaasho lagusoo xiro. waxaa cirifka Ceelmacaan ka socda dhismaha guri weyn oo la sheegay in uu ka koobnaan doono 4 dabaq oo ay dhisanayaan Kooxaha Burcad badeedda ah, doonyaha Fool faha loo yaqaan ayaa yaal Ceel macaan iyo doon waaweyn oo la sheegay in ay Burcad badeedu Xarardheere ka keensadeen. FG:-Faah faahin dheer oo ku saabsan Burcad Badeeda Ceel-macaan saldhigatay waxaan kusoo gudbi doonaa Barnaamijka Raad Raac Wararka oo saacadaha soo socda kusoo bixi doona RBC Radio
  5. Positive Development Good to see the mogadishu locals standing up to these thugs.
  6. A huge banquet was held in Minneapolis, for the former puntland security minister abdullahi sicid samater who is the former security minister of puntland. You can listen to the various speakers of the banquet and view pictures at horseed-media. HM
  7. This old video that i came across on youtube it is pretty funny stuff. It is the former mayor geesay threatening people on universal t.v. Enjoy. I can't believe some as ignorant as him actually became a mayor Ps: Btw galkayo is getting pretty big. that video was taken in early 2009. Pause it around the 0:51 - 0:52 mark it's definitely starting to build up.
  8. PDF Group has released a firey press-release in relation to the foreign minister jangeli for his recent statements of closing somali embassies in the international community. You can read the press-release below PDF Press Release
  9. I was saying this earlier in relation for the diaspora to get involved in rebuilding process of the stadium and here is the quote!!! Not Bad. I don't know why the puntland diaspora doesn't get us involved in raising funds to help out in these initiaves. If we as the diaspora contributed we could install artificial grass into the fields. You can verify here http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/22410
  10. Qurba Joogta Puntland oo Loogu Baaqey In Ay Wadanka Hormarintiisa Ka Qayb Qaataan March 28, 2010| NEWS: Category | 0 comments Kulan balaaran oo maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Puntland ayaa looga hadlay sidii ay qurba joogta Puntland ay gacan uga gaysan lahaayeeN hormarinta deegaanada puntland Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka Socotay Wasaaradaha puntland madaxda shirkadaha xawaaladaha Puntland iyo qaar ka mid ah aqoonyahana ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland Agaasimaha qurba joogta deegaanada Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir oo ka hadlay goobta shirka uu ka socda ayaa sheegay in looga baahanyahay qurba joogta Puntland in ay gacan ka gaystaan hormarinta Deegaanadooda isagoo sheegay in uu kulamo la soo qaatay qaar ka mid ah qurba joogta Puntland ee ku dhaqan wadamada caalamka,waxaana uu intaasi ku daray in loo baahanyahay in qurba joogta ay ka qayb qaataan dhaqalaha lagu hormarinaayo Puntland oo ay Gacan uga sii yaan Dowladda “Waxaa loo baahanyahay waa sidii loo jaangooyin qorshe dhaqaale oo lagu aruurinayo Koonto ama Account ayuu yiri agaasimahu Agaasimaha wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caaliga ee Dowladda Puntland oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay aad u soo dhoweenayaan in qurba joogta Puntland ay ka qaybqaadato hormarinta Puntland waxaana uu intaasi ku daray hormarinta wadamada horumaray ay u fakereen qurba joogta iyo bBulshooyinka wadamadaasi ku dhaqan loogana baahanyahay in qurba joogta Puntland ay iyana ku daydaan. Jaaliyaha Puntland ayaa sameeyay Forum weyn oo ay ku mideysan yihiin taas oo loogu magacdaray Puntland Diaspura Forum, waxayna faracyo ku leedahay meelo kala gedisan, inkasta, waxaana madaxweynuhu magacaabey rag masuul uga noqda Jaaliyadaha dibadda oo lagala soo xiriiro. Maxamed Siciid Yusuf Garoowe, Puntland
  11. Saturday, March 27th, 2010 at 07:55 pm Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland: Waa Been Israel Nama Aqoonsaneyso, Mana Maqal Hargeysa (RBC Radio) Wasiirka arimaha dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar dhowaanahan soo baxay oo ku saabsanaa in Yuhuudu ay aqoonsan rabto maamulka Hargeysa ee Somaliland. Waxaans wasiirku uu beeniyey in wararkaasi ay yihiin kuwo xaqiiq ah. “Waa been wararkaasi ku saabsan in Israel ay na aqoonsan rabto. Ma aan maqal”, ayuu yiri wasiirka arimaha dibada Somaliland Mr. Ducaale oo oo wareydi siinayey idaacada VOA. Wasiirku waxaa uu sheegay in ay jireen warar ay warbaahintu faafisay oo ku saabsan in xukuumada Yuhuudu dooneyso inay aqoonsi u fidiso maamulka Somaliland laakiin waxaa uu sheegay in wasaaradiisu ama maamulka guud ahaan aaney maqlin wararkaasi isla markaana aysan waxba ka jirin. C/laahi Maxamed Ducaale oo wax laga weydiiyey xiriirada kale ee maamulkiisu la leeyahay wadamada deriska ayaa sheegay in wadamada Djibouti, Ethiopia iyo Yemen ay hadda xiriir wanaagsan la leeyihiin maamulka Somaliland. Wuxuuna intaa ku daray in dowlada Yemen ay dhowaan xafiis ka furaneyso magaalada Hargeysa kaasi oo isku xiri doona labada dhinac. Wasiirku waxaa uu dhinaca kale sheegay in hadda uu dalka Mareykanka ku joogo martiqaad uu ka heysto dowlada Mareykanka hase yeeshee wax faahfaahin ah kama uusan bixin waxyaabaha ay ka wada hadleenmasuuliyiinta Mareykanka ee ay wada hadleen. Waxaa uu sidoo kale C/laahi Maxamed Ducaale ka gaabsaday inuu qeexo nooca masuuliyada iyo xilka lagu martiqaaday markii uu tegey Washington maadaama dowlada Mareykanka aysan aqoonsaneyn maamulka Hargeysa. Inta badan masuuliyiinta Mareykanka aya marka ay booqashooyinka ku tagayaan wadamada dibada waxaa ay adeegsadaan baasaboorka Soomaaliga iyadoo sidoo kalena fiisaha (dalku galka) loo dhufto magaca Soomaaliya. Arimahan oo dhan ayaa dhabarjab ku ah sheegashada maamulka Somaliland, oo mudo ka badan 19 sano sheeganayey dowlad ka madax bannaan Soomaalida inteeda kale ayaa warbaahinta ka sheega inay ku socdaalaan baasaboorka aan la aqoonsaneyn ee maamulkaasi dibada ka soo daabacday. Dhinaca kale hadalka wasiirka uu ku beeniyey in xukuumada Yuhuudu ay wado qorshe ay maamulka Somaliland ku aqoonsaneyso ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan wargeyska Haartez ee Israel uu daabacay warbixinuu ka soo xigtay wasaarada arimaha dibada ee Yuhuuda taasi oo sheegaysa in Yuhuudu ay dooneyso in daneheeda ka hortaga siyaasada Carabta iyo la dagaalanka kooxaha Mayalka adag ka bilaabeyso Geeska Afrika iyadoo fulinta arintaasina bedelkeeda aqoonsi ugu bedeleysa maamulka Somaliland oo 19 sano aan helin cid aqoonsata. Xaamud Sheekh Xasan RBC Radio
  12. Boosaaso(AllPuntland)- Shacuubta magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa maanta gurmad adag ufidiyey dadkii waxyeeladu shalay ka soo gaartay dabkii shalay sababay in ay guryo beelaan dad kor udhaafaya 1300 oo Qoys, waxaana maanta magaalada ka bilowday Ole-Ole adag oo ay qeyb wanaagsan ka qaateen Ardayda Dugsiyada Sare iyo Maamulka Puntland, gaar ahaana Masuuliyiinta dhawaan loo dhiibay gobalka Bari, oo ahaa masuuliyin soo jiiftay niyada dadka iyo taageeradooda. Dad usocday koox koox ayaa tagayay xaafadaha magaalada Boosaaso, waxa ayna dadka ka aruuriyeen wixii ay awoodaan, taasoo keentay in baabuur dhan oo gargaar ah luguna helay Alle Idinkiis, maanta la gaarsiin doono dadkii ay musiibada dabiiciga ah gaartay. Dhalinyarada iyo Culumada Diinta ayaa ku dhaqaaqayay hadalo ay uga soo horjeedaan in gargaaro la weydiistay Shaqsiyaad dhib ku haya Shacabka Islaamka, oo ula jeedeen Hay'adaha Samafalka oo inta badan lacagaha soo gala lugu eedaynayo in ay ku bixiyaan Hotelo iyo howlahooda gaarka ah. " Hay'ado uma baahnin Alle weyne ayaa wax caawiya, Alle ayaan gargaar weydiinaynaa, dadkeena ayaa isku filan, Alle ayaan isku xirnay, Alle Idinkiise wax kasta wey qabsoomayaan Hadii Rabul caalamiinku ogolado" Ayay lahaayeen Boqolaal Dhalinyaro ah oo socod ku tagtay Xaafadah magaalada Boosaaso. Culumada Diinta iyo Maamulka dawladda Hoose ee Boosaaso ayaa soo dhaweeyey talaabadan, waxa ayna sheegeen in dadka oo wax loo qabtaa ay tahay mid wanaagsan, waxa ayna Culumada aad uga hadlayeen hadalada mudooyinkii ugu dambeeyey soo baxayay oo ahaa in gargaar laweydiisto Hay'adaha Samafalka, taasoo ah mid uu Alle weyne ugu caroonayo dadkiisa. " Waa in aan muujinaa in aan ku xiranahay Rabul caalamiinka, waa in aanan oran Hay'adaha Samafalkoow gargaar keena, Umada isku filan ayaa nahay, Umad Islaam ayaan nahay Gargaar oo dhan gacanta Alle ayuu ku jiraa, isaga ayaana ka dooneynaa kana baryayanaa cid kale gargaar kama rabno" Ayuu yiri Gudoomiyaha gobalka Bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf. Dadkii dhibaatadu taabtay ee ku hoyday meesha cidlada ah xalay, ayaa maanta dareenkoodu ahaa mid kacsan, waxa ayna soo dhaweeyeen gargaarka ay lasoo gaareen Walaahooda, ee Alle ugu soo dhiibay. Shaqsiyaad ka tirsan Hay'adaha ka howlagala Boosaaso oo saaka tagay goobta ayaa la kulmay talaabooyin aysan horey uarki jirin, iyadoo horay ay dadku ku soo ordi jireen, balse maanta ayaa la sheegay in la waayay dadkii u imaan jiray, dadkii ay la kulmeena ay muujiyeen in aysan waxba uga baahneyn. Talaabada ay ku dhaqaaqeen Shacabka iyo Maamulka Boosaaso ayaa ah mid ay soo dhaweeyeen Shacabka Soomaaliyeed ee jooga dunida oo dhan, waxaana talaabooyinka ay bilow utahay balan qaadkii dhexmaray dadka iyo Maamulkooda oo ahaa in uu ku dhaqmayo Shareecada Islaamka, luguna taageero. F. C. Maxamed AllPuntland
  13. Madaxweynaha Puntland oo Safar Deg Deg ah Ku Tagaya Nairobi Garowe (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa isu diyaarinaya safar uu maalinta berito ee Axadda ah ugu socdaali doono magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida RBC Radio u xaqiijiyeen ilo wargal ahoo dowlada Puntland ka tirsan. Socdaalka madaxweynaha uu ku tegi doono Nairobi ma ahayn mid horey ugu sii qorsheysnaa madaxtooyada, waxaana wararku sheegayaan inuu yahay safar kedis ah oo madaxweynuhu si deg deg ah ugu ambabixi doono. Saraakiil u warheysa safarka madaxweynaha oo ku sugan Nairobi ayaa u xaqiijiyey wariyaha RBC Radio ee Nairobi in madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo dhowr masuul oo dowlada Puntland ka tirsan ay socdaal ku iman doonaan Nairobi isla todobaadkan. Waxaana socdaalkaasi uu ku xiriirsan yahay wada hadaladii muranka badan dhaliyey ee waayadanba hareeyey hawlaha madaxtooyada kuwaasi oo ku saabsanaa xilka qaadistii agaasimihii hay’ada sirdoonka PIS Col. Cismaan C/laahi Maxamuud (Diyaano) taasi oo uu ka biyo diiday Col. Cismaan Diyaano. Mid ka mid ah qabanqaabiyaasha safarka madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in safarka madaxweynuhu uu ka dambeeyey marti qaad uu ka heley saraakiil sare oo ka tirsan waaxda sirdoonka Mareykanka oo ku sugan Nairobi si ay uga wada hadlaan soo afmeerida xiisada ka dhalatay xilk qaadista sarkaalkan oo khilaaf ka dhex abuurtay taliska hay’ada PIS iyo madaxtooyada Puntland. Waxaana socdaalkan oo weli aan si rasmi ah loo shaacin uu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkii hore kulan ka dhacay madaxtooyada Boosaaso isla markaana wada yeesheen madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka oo uu hogaaminayey sarkaal Mareykan ah la isku afgaran waayey ka dib markii madaxweyne Faroole uu ku adkeystey go’aanka xilka qaadista agaasimaha Cismaan Diyaano taasoo sababtay in saraakiisha sirdoonka ay isaga baxaan kulanka. Lama yaqaano waxyaabaha sida gaarka ah looga wada hadli doono kulanka ka dhici doona Nairobi marka uu madaxweyne Faroole halkaasi safarka ku tago, hase ahaatee waxaa warar hoose sheegayaa in madaxweynaha iyo saraakiisha hogaanka sirdoonka Mareykanka oo ay hoostagto hay’ada PIS ay ka wada hadli doonaan sidii loo xalin lahaa la isuna meel dhigi lahaa khilaafka ka taagan xilka qaadista agaasimaha PIS. Xubnaha safarka ku wehlin doona madaxweyne Faroole ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose C/laahi Axmed Ilko jiir iyo agaasimaha cusub ee hay’ada PIS uu u magacaabay Col Cali Biinge kuwaasi oo dhamaantood ku wada sugan Boosaaso. Sida wararku nagu soo gaarayaan madaxweynaha Puntland waxaa uu qabaa in hay’ada PIS hadda wixii ka dambeeya ay noqoto mid hoostagta lagana maamulo madaxtooyada, laakiin ma cadda sida arintaasi uu ugu guuleysan karo adaxweynuhu waayo hay’ada PIS ayaa mushaharaad, tababarada iyo qalabkaba ka hesha dowlada Mareykanka. Socdaalkan ayaa soo baxay iyadoo madaxweynuhu maalmahan kulamo uu kula lahaa magaalada Boosaaso odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowlada, wuxuuna socdaalkan deg dega ah soo afmeerayaa shirarkii madaxweynuhu la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari oo uu todobaadkii hore soo gaaray.
  14. This is an advertisement i came across on youtube of the bossaso golden star mall. Enjoy Ps: I can't wait to see the other mall that recently build advertisement!!!
  15. Janagale, Remember the clan-elders from sanaag were in garowe not long ago? Remember those clan-elders are very anti-osman diyano for example just read the sanaag websites and articles like "The greatest impediment to puntland progress" published a while ago by disgruntled sections of society of osman diyano man-handling techniques. What I think it is that farole was pressured by the sanaag clan elders to replace diyano and asked for other demands such as releasing sanaag prisoners from bossaso prison. Just to add the nail to the coffin, why did farole not replace 1 sanaag minister? mmmm suspicious if you ask me!!! I think this whole re-shuffle is due to the pressures of sanaag politicians. On a final note osman diyano is doing fine job, if he wasn't 50 people a day would be dying in puntland from hamari terrorists planting bombs and using all dog-act techniques to harm the state interest!!! There is nothing that warrants osman diyano change, as you stated the man is doing the job he was hired for. He took over the PIS in 2004 and ruled it since 2010. Today thanks to him the PIS is the best trained and best armed force in the nation. Even the darawish are fairly well trained soldiers and if they weren't i would suspect they would be dying everyday in hamar from enemy fire which seems not to be the case at all!!! That is my opinion on the matter and as far osman diyano keep up the fight!!! Don't let farole replace you with farole puppet who will ony care for farole interests!!!
  16. Qaliin Dhanka Caafimaadka Ah oo ka Socday Isbitaalka Jaamacada ee Bosaaso oo Lasoo gaba gabeeyey(Sawirro) March 26, 2010| FEATURED STORIES, NEWS: Category | 11 comments Qaliin socday mudo sadex todobaad ah ayaa waxaa uu si rasmi ah kusoo gaba gaboobay Isbitaalka Jaamacada Manhal ee ku taalla duleedka magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Waxaana uu qaliinkaan ahaa mid loo fidinaayay dad isugu jira danyar iyo kuwa kale,waxaana fulinaysay dhaqaatiir ku takhasusay qaliinada guud kuwaas oo u dhashay dalka Soomaaliya. Qaliinadaas oo ka koobnaa kuwa fudud iyo kuwa dhexe ayaa mudadaas loo sameeyey dad tiradooda gaaraysa 272-qof.waxaana ay kala ahaayeen:qaliinka dhuunta sida fiixda,qaliinka jirka dhushiisa burooyinka iyo baabasiirka(qeybta gudaha iyo dibada) iyo qaliino kale sida Eerno oo laba nooc ah iyo xabaddo laga soo saaray jirka gudihiisa,qaliino dhanka sanka ah iyo faruurta oo isugu jira carrurta iyo dad waa weyn ah. Isbitaalka Jaamacada Manhal ayaa waxaa dhistay Jimciyadda Kheyriga ee Manhal fadhigeedu yahay Soomaaliya gaar ahaan degaanada Puntland oo ay ka howlgasho.waxaana dhismaha Isbitaalka la furay 26-ki Bisha Febraayo ee Sanadkaan 2010-ka. Dhismaha Isbitaalka ayaa waxaa uu ka kooban yahay 3-dhisme oo kala ah: 1-Qeybta Bukaan Jiifka(Inpatient) 2-Qeybta Booqashada(Outpatient) 3-Qeybta Maamulka(Adminstration) Waxaana ay dhismahaan dhamaan yihin kuwa si fiican u qalabaysan,iyadoo qalabka Isbitaalka ay yihin kuwi ugu dambeeyey.waxaana ka howlgala Shaqaale u tababaran adeegyada Caafimaad ay qabato Isbitaalka. Munaasabad Shahaado Sharaf lagu gudoonsinaayay Dhaqaatirti iyo kooxdi fulisay qaliinadi Caafimaadka,waxaana goobjoog ka ahaa Masuuliyin ka socotay Maamulka gobolka Bari oo ugu horeeyey Gudoomiyaha Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf,Maamulka Isbitaalka iyo Marti sharaf kala duwan. Dr.AxmedSaadiq Maxamed Axmed oo ah Madaxa guud ee Isbitaalka Manhal ayaa ka hadlay munaasabadaas,wuxuuna ka sheekeyey qaabka loo aas aasay Isbitaalka iyo weliba adeegyada ay fuliso. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay masuuliyinta Puntland in ay gacan siiyaan Isbitaalka isla markaana ay ka qayb qaatan adeegyada ay fulinayso. Gudoomiyaha gobolka Bari Sheikh C/xaafid Cali Yuusuf oo halkaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey furitaanka iyo weliba adeegyada uu Isbitaalka u fulinaayo dadweynaha.wuxuuna sheegay in maamulka ay garab istaaganyihin Isbitaalka mar weliba.Munaasabada ayaa gacan ka geystay isla markaana isku xirkiisa maamulaayay Al-Ustaad Axmed C/qaadir Warsame(Qodax).sidoo kale munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ganacsade Liibaan Yuusuf Axmed(Tropical). Waxaana mahadcelin gaar ah loo soo jeediyey Madaxa Hay’adda Manhal C/waaxid Xaashi Xassan iyo Madaxa Caafimaadka Manhal Dr.Maxamuud Shiino iyo Ku xigeenka Manhal Maxamed Xassan Ciise. Dhaqaatiirta qaliimad kala duwan fulinaysay ayaa iyagu lagu kala magacaaba; Dr.Maxamed Salaad Maxamuud Dr.AxmedSaadiq Maxamed Axmed(Hospital General Director) Dr.C/laahi Cumar Asad Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka oo kala ah: Mukhtaar Xuseen Maxamed Maxamuud C/laahi Khuurshe Cumar Cali Cadow Faduma iyo Xamdi Waxaana xusid mudan in 2-da Bisha April ee soo socota lagu wada in Isbitaalka laga bilaabo adeegyo Caafimaad oo isugu jira qaliinka indho fiqista,daawooyinka indhaha iyo muraayadaha araga indhaha. Dadweynaha ayaa iyagu soo dhoweeyey adeegyada uu fuliyey Isbitaalka,iyadoo adeegyada socday mudada Saddexda asbuuc uu kusoo dhamaaday si guul ah. Horseed Media
  17. Beesha Reer Boqor ee Dhishiishe oo Caleemo Saaray Caaqil(Sawirro) March 26, 2010| FEATURED STORIES, NEWS: Category | 7 comments Munaasabadaan ayaa waxaa kasooqayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, maamulka gobolka bari Isimo,odayaal dhaqameedyo, Ganacsato Culimaa’udiin iyo dadweyne kale. Masuuliyiinta ka soo qaybgalay Munaasabadda waxaa kamid ahaa Wasirka Dakadaha Siciid Maxamed Raaje godoomiyaha gobolka bari shiikh cabdi xaafid cali yusuf xildhibaan maxamed xorxorle masuuliyin kasocotay shirkada Isgaarsinta ee Golis iyo masuulinkale oo Igana joobtaasi joogay. Wasiirka Dekadaha Dowlada Puntland Siciid Maxamed Raage oo Munaasabada Caleema saarka hadal kasoo jeediyay ayaa waxaa uu ugu horayn umahad celiyay dadkii kasooqayb galay munaasabadaasi waxaana uu dardaran usoojeediyay caqilka ladoortay in uu xilkiisa sidaacadnimo ku jiro waxaana uu sheegay in xilka uu maanta qaday uu yahay xil aad ubaaxadwayn oo ladunayo in uu si daacad uguto oo uu ka shaqeeyo waxkasta oo horumar uu kujiro waxaana uu intaasi ku darayin ay diyaar u yihiin in ay lashaqeeyan caaqilka oo ay waxbadan ka caawindonaan. Gudoomiyaha gobolka bari Sheekh C/xaafid Cali Yuusuf oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay caleemasarkaan caqil cismaan ismaacil waxaana uu sheeg in uu kusoodhowenayo xafiiska maamulka gobolka bari oo ay diyaar u yihiin in uu lashaqeeyo waxaana uu ka codsaday caqilka in uu ka shaqeeyo amaanka iyo kala damaynta dalka iyo deeganka. Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin oo munaasabadaasi soo xiray ayaa waxaa uu kusooxiray duco uu ugu duceenayay in ilahay uu ududeeyo washa baxada wayn ee maanta loo doortay. Munaasabada ayaa si kastaba kusoo dhamaatay jawi degan iyo sidii loogu talagalay. Munaasabada ayaa si kastaba kusoo dhamaatay jawi degan iyo sidii loogu talagalay. C/salaan Axmed Shire Horseed Media
  18. Dab Khasaare Sababay oo Maanta Qabsaday Xero Qoxooti oo Ku Taalla Boosaaso (Sawiro) Boosaaso (RBC Radio) Dab xoogan oo khasaare sababay ayaa maanta baabi’iyey qeybo ka mid ah xerada qoxootiga ee ‘100 Buush’ ee magaalada Boosaaso. Dabkan oo bilawday saaka waaberigii ayaa burburiyey in ka badan 100 guri oo ka mid ah xerada qoxootiga halkaasi oo ay ku noolyihiin dad ka badan 5,000 oo barakacayaal ah. Khasaaraha rasmiga ee dabka ayaa la filayaa inuu ka bato inta la og yahay maadaama ay xerada qoxootiga ee gubatay tahay meel isku raran ah isla markaanu aanu weli jirin tiro koob rasmi ah oo lagu sameeyey. Shaqaalaha waaxda dab demiska Magaalada Boosaaso ayaa gurmad ay sameeyeen ku guuleystay inay dabkan demiyaan, wallow ay aad u koobnayd awooda ay leeyihiin shaqaalaha dab demiska oo ku shaqeeya hal gaari oo kaliya. Qaar ka mid ah dadka degan xeradan qoxootiga ee dabku qabsaday ayaa u sheegay RBC Radio in sidoo kale ay jirto hanti isugu jirta qalabkii jiifka iyo agabkii guryaha ee ay heysteen dadka barakacayaasha ah oo ku basbeeshay dabkan. Goob joogayaal ayaa ku waramay in dabku uu ka bilawday guri ay reer deganaayeen iyadoo dabku uu markii dambe ku fiday guryaha aaga ka dhowaa oo dhan. Waxaa la arkayey dad badan oo ka mid ahaa dadkii ku noolaa guryaha gubtay oo ka firxanaya guryaha gubtay iyagoo carruurtooda gacmaha ku sita isla markaana raadsanaya meel ay carruurtooda la gaaraan. Waxaana gurmadka dadka kala qeybqaatay dadweynaha reer Boosaaso ee degan agagaarka xerada qoxootiga oo ku dhextaalla magaalada. Qaar ka mid ah dadka khasaaraha soo gaaray ayaa ku cataabay inaysan heysan meel ay ku noolaadaan ama ay hoy ka dhigtaan maadaama ay guryahoodii basbeeleen. Waxayna codsadeen in gurmad loo sameeyo. Masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada Boosaaso ayaa booqasho ku tegey xerada qoxootiga ee gubatay iyagoo soo eegay xaalada ay ku sugan yihiin qoysaska ay hoy la’aantu soo foodsaartay, waxaana baaq ay soo saareen masuuliyiintu kaga codsadeen dadweynaha iyo ganacsatada in la caawiyo dadka walaalahood ah ee ay dhibaatadu soo gaartay. Duqa magaalada Boosaaso Maxamud Faarax Beeldaaje ayaa baaq uu soo saaray waxaa uu u jeediyey hay’adaha samafalka ee ka hawlgalka gobolka iyo ganacsatada degaanka inay gurmad u sameeyaan dadka ay dhibaatadu ka soo gaartay dabkan. Waxaana sida duqa magaaladu uu sheegay in galabta kulan ay la qaadan doonaan dhamaan hay’adaha samafalka si ay ugala hadlaan dhibaatada dabkan iyo sida wax looga qaban karo. Dabka noocan oo kale ah ayaa inta badan ku soo noqnoqda magaalada Boosaaso gaar ahaan xilliyada xaggaaga oo dabeyluhu ay ku badan yihiin magaalada. Waxaana maamulka degmada uu ku celceliyey in loo diyaargaroobo sidii looga hortegi lahaa dababka iyo in loo gurmado khasaaraha ka dhalan kara dababka noocan oo kale marka ay bilawdaan. Sawirada: Maxamed Xasan
  19. Dr.Suleymaan Axmed Ciise (Xaglatoosiye) oo xoriyadiisi dib u helay March 26, 2010| NEWS: Category | 6 comments Kadib markii lagu xirey magaalada Nairobi ee dalka Kenya hogaanka sare ee Gobolada SSC, Dr.Suleymaan Axmed Ciise iyo qaar kamid ah hogaanka SSC, ayaa maanta xoriyadoodi dib u helay sida uu noo xaqiijiyey mid kamid ah raga ka agdhaw hogaanka sare ee SSC. Labada hogaamiye oo ay la socdaan qaar kamid ah jaaliyada SSC ayaa doonaayey in ay gudaha u soo galaan Gobolada SSC, waxaana lagu qabtey Garoonka diyaaradaha ee Wilson Airport, xili ay doonayeen in ay ka duulaan halkaas. Xariga masuuliyiintan ayaa waxaa marin habaabin ku sameeyay qaar kamid ah warbaahinta, taas oo u muuqatay mid lagu talo galay, waxaana qaar kamid ah warbaahinta afsoomaaliga ku hadasha ay sheegeen in Dr. Xaglatoosiye uu ka mid yahay dhalinyarada ku biirey ururada xagjirka ah kuwaas oo ka dagaalama gudaha Soomaaliya, halka qaarkood ay sheegeen in loo haytso hogaamiyaha gobolada SSC in uu ka danbeeyay qaraxyo ka dhacay magaalada Laascaanood. Sida laga soo xiganaayo qaar kamid ah dadkii la socdey Dr.Suleymaan ayaa sheegay in ciidankii dharcadda ahaa ee xirey markii ay ku waayeen wixii ay ku doonayeen in ay xabsiga ku geeyaan ayey sheegeen in ay uga shakisan yihiin in uu yahay nin dhawaan ka baxsadey xabsiga, ninkaas oo ay sheegeen in uu gacansaar la lahaa xarakada al-shabaab. Dr. Suleymaan ayaa markii la sii daayey saxaafadda u sheegay in dawladda Kenya aysan u sheegin sababta loo xirey, waxa ay sheegeen in aan ku jiro dadka la raadinaayo taasna caddeyn waa u waayeen, imana soo daayeen haddii aan ahay mid ka mid ah argagixisada ayuu yiri. Sidoo kale waxaa la sii daayey laba nin oo lala xirey kuwaas oo kala ahaa Axmed Cali Xassan oo haysta dhalashada dalka Kenya iyo Mxamed Xuseen Xaashi oo haysta dhalashada dalka Kenya Sidoo kale qofka aan xogta ka helnay ayaa sheegay in ay arintaani ahayd qorshe shirqool ah kaas oo ay garanayaan dadka soo maleegay, iyo meelaha laga soo falkiyey, waxaana uu sheegay in xitaa goobta lagu diyaariyey mid kamid ah warbaahinta ku hadasha Soomaaliga si loo duubo marka la xiraayo, waxaana ay sheegeen masuuliyiintan in ay dhawaan soo bandhigi doonaan ragii soo maleegay qorshihii diyaaradda looga reebay Hogaanka SSC. Dr.Suleymaan Axmed Ciisie Kaar iyo ku xigeenkiisa Col.Cali Sabaray ayaa lagu doortey shir loogu magacdaray Horseed kaas oo beesha *********** ay uga arinsanayeen aayahooda, oo ka dhacay dalka Kenya. Suleymaan Axmed Ciise ayaa muddo dheer deganaa dalka Maraykanka, waxa uu ahaa ganacsade isla markaana ka shaqeeya hawlaha samafalka, waxaana uu Isbitaal weyn ka dhisey magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn, sanadkii 2009 ayuu u tartamay jagada Madaxweyne ku xigeenka Puntland, taas oo uu kaalinta labaad galay, kadib Madaxweyne Faroole ayaa ku soo daray Golihiisi wasiirada ee u horeeyay, Xaglatoosiye ayaa door-biday inaanu ka mid noqon Golaha wasiirada ee Madaxweyne Faroole, waxaana xilkaas mar danbe loo magacaabey nin kale. Axmed Muuse Nairobi Kenya
  20. Fake pic, look at the shoulder of somaliland finance minister near the prime minister of kenya. Beside all u need to do is verify online and google "somaliland Raila Odinga" and all u see is somaliland websites, but no other indepedent news agency reporting this story not any somali news agenies nor kenya. I feel sorry for them, if their own journalist have to lie in such way imagine what their leaders lie about. Im glad somali media outlets are professional and keep their intergrity. Anyways i suggest if u ever want to read somaliland news just read it from voa, bbc, and hiiran. The somaliland websites are just unreliable!!!
  21. It costs about $200,000 to install the actual grass in american football fields. If u buy the materials from dubai or china it will be alot cheaper. As for the installation, i am certain their are trades-men already in puntland that can do it or can be trained to do it, because i have seen places with that fake grass for example look at the presidential palace in garowe. Fund-raising is all that is needed to gather the funds from the diaspora, who should contribute to projects like this!!!
  22. It costs about $200,000 to install the actual grass in american football fields. If u buy the materials from dubai or china it will be alot cheaper. As for the installation, i am certain their are trades-men already in puntland that can do it or can be trained to do it, because i have seen places with that fake grass for example look at the presidential palace in garowe. Fund-raising is all that is needed to gather the funds from the diaspora, who should contribute to projects like this!!!
  23. It costs about $200,000 to install the actual grass in american football fields. If u buy the materials from dubai or china it will be alot cheaper. As for the installation, i am certain their are trades-men already in puntland that can do it or can be trained to do it, because i have seen places with that fake grass for example look at the presidential palace in garowe. Fund-raising is all that is needed to gather the funds from the diaspora, who should contribute to projects like this!!!
  24. Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa si kulul u cambaareeyey guddiga Qaramada Midoobay u xilsaartay la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, kaasi oo dhowaan warbixin uu soo saaray kaga hadlay arimaha burcad badeeda ee ka jira xeebaha Puntland. Madaxweyne Faroole oo maanta soo gaaray magaalada Boosaaso ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xarunta madaxtooyada kaga hadlay arimo ay ka mid yihiin socdaalkii uu ku soo maray magaalada Qardho, amniga, maamulka iyo tallaabooyinka laga qaaday kooxaha burcad badeeda, taasi oo inta badan lagu eedeeyo inuusan waxba ka qabanin. Madaxweynaha Puntland waxaa uu ugu horeyntiiba dadweynaha Boosaaso uga mahadceliyey sidii ay u soo dhoweeyeen, isagoo sheegay inay taasi tusaale u tahay sida shacabku isugu xiran yahay. Wuxuuna ugu baaqay dadweynaha guud ahaantood ugu baaqay inay sugida amaanka iska kaashadaan. “… Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan intii na soo dhoweysay, ha ahaato golaha wasaarada, madaxda gobolka, madaxda degmada, ciidamada qalabka sida, dadweynaha.. aad iyo aad ayaan idinkaga mahadcelineynaa soo dhoweyntii aad noo sameyseen, anigoo ku hadlaya magaceyga iyo kan wafdiga aan hogaaminayey ee ka yimid magaalo madaxdii dowlada ee Garowe”, ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa ka hadlay safarkii Qardho Madaxweynaha waxaa uu faahfaahin kooban ka bixiyey safarkii halka habeen qaatay ee uu ku soo maray degmada Qardho halkaasi oo kulamo uu kula soo yeeshay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda degaankaasi. Madaxweyne Faroole ka sokow xaalada abaarta ee dhulka uu ku soo arkay, ma jirin wax xog ah oo uu ka sheegay kulamadii isaga iyo odayaasha reer Qardho ay yeesheen. “..Safarkayagan waa safar iska caadi ah waa safar shaqo. Shaley (subax) baan ka soo ambabaxnay Garowe (magaalo madaxda dowlada Puntland), shaley intii badneyd iyo xaley waxaan joognay (magaalo madaxda gobolka Karkaar) Qardho”, ayuu yiri madaxweyne Faroole. Isagoo si gaar ah uga hadlaya kulankii Qardho waxa uu yiri, “… Waxaan halkaa ku aragnay masuuliyiintii, odayaasha dhaqanka, madaxdii degaanka, gobolka iyo ciidamada (intaba), wadaduna aad bey u fiicneyd, roob baa xoogaa da’ay laakiin dhulka ma wada gaarsiisneyn. Ee…..xooluhuna xoogaa caato waa ahaayeen, laakiin jilaal weyn ma jirin. Mahadaas waxaa iska leh Illaah, Waxaana rejeyneynaa, xilligii roobka ayaa. Illaahay waxaa ka baryeynaa in Raxmadiisu noogu deeqo”. Maxaa uga qorsheysan Boosaaso? Madaxweyne C/raxmaan Faroole waxaa uu wax ka tilmaamay waxyaabaha u qorsheysan inuu Boosaaso ka qabto iyo mudada uu sii joogi doono. “.. Ku talogalkayagu waa inaan maalmo joogno, oo aan ka hawlgalno, wixii shaqo ah ee yaalla, hay’adaha caalamiga (gaar ahaan) iyo dowlada isku dubaridka maadaama isbedel dhacay dhowaan oo lagu sameeyey xubnaha dowlada iyo hay’adaha kale qaarkood gaar ahaan gobolka Bari oo loo magacaabay gudoomiye gobol oo cusub iyo gudoomiye degmo”, ayuu yiri madaxweyne Faroole. Amniga Puntland ayuu ka hadlay madaxweyne Faroole Madaxweynaha Puntland waxaa uu ku eedeeyey dhibaatooyinka amni xumo ee horey uga dhacay Puntlabnd inay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan dembiilayaal shisheeyee kuwaasi oo uu madaxweynuhu ku sifeeyey ‘cadow shisheeye ah’. “…Wax walba fureheeda waa amni. Wax badab aan ka hadalnay haddaan amni jirin wax jira ma jiraan. Dowlada kaliya amniga kuma filna, waxaana loo baahan yahay in laga qeybqaato. Waayadan dambe marar badan ayaa falal amni xumo dheceen, laakiin mudadatan dambe xasiloonaan ayaan kujirnaa. Taasna waxaa keenay Illaah fadligiis iyo ciidamada amniga oo dadaalay iyo dadweynaha oo la shaqeeyey”, ayuu yiri madaxweynuhu. “.. Waxaan u soo jeedineynaa dadaal dheeraad ah inay sameeyaan dadweynaha Boosaaso oo ah magaalo weyn, dariiqyadeeduna yar yar yihiin, dadkuna aad isu dul saaran yahay oo ciidamaduna ayan meel walba istaagi karin inay ciday tuhmaan inay amni xumo meeshaan u joogto ama fal dembi ah gashay inay gacantooda ku soo qabtaan ama inay tilmaamaan iyagoo aqoonsaday…”, ayuu sii raaaciyey madaxweynuhu. Madaxweynuhu Waxaa uu dhaliilay hay’adaha caalamka Mar uu madaxweynuhu ka hadlay warbixintii dhowaan ay shaaciyeen guddiga la socodka cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay (International Monitoring Group) isagoo ku tilmaamay mid ay ka buuxeen warar been abuur ah oo laga faafiyey gaar ahaan maamulka iyo masuuliyiinta Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya. “Way iska jiraan cadow shisheeye oo ka ganacsada oo aad iyo aad uga ganacsada amaan darrada Soomaaliya. Waxa weeye Victim (dhibane) bay Soomaaliya u noqotay in amaan daradeeda dad ka ganacsado. Gaar ahaan dadka ajnabiga oo hay’adaha caalamiga lacago kaga hela amaan darida Soomaaliya. Maxaa yeelay haddii Soomaaliya amni ka dhaco oo maamulku soo noqdo ama mid goboleed ha noqdo, ama midka Puntland oo kale, ama mid degmo hoose, ama midkii dhexe (national) ha noqdo. Dee markaas fitnada Soomaaliya haddii ay meesha ka baxdo, dad badan oo kumanyaal ah oo wax ku hela fitnada Soomaaliya baan wax heleyn”, ayuu yiri madaxweyne Faroole. “Masalan haddii aan tusaale u soo qaato, Puntland waxay noqotay meesha kaliya ee Soomaaliya oo dhan burcad badeeda la dagaashay, gaar ahaan intii maamuulkaan (aan anigu madaxda ka ahay la doortay) 264 qof ayaa xabsiyada Puntland ku jira oo maxaabiis burcad badeed loo qabtay ah sida uu ii sheegay wasiirka amniga oo aan shaley telefoon ku wada hadalnay”, ayuu hadalkiisa ku daray. Waxaa uu sidoo kale cambaareeyey warbixino ay hore u soo bandhigtay hay’ada caalamiga ee Xasaradaha (International Crisis Group), taasi oo ku dhaliishay maamulka Puntland inuusan waxba ka qaban burcad badeeda. Wuxuuna sheegay in hay’adaha ajnabiga ay yihiin kuwo ka shaqeeya burburinta dalka. “Beri hore Qolada ICG la yiraahdo waryaabo negative ah oo aan xaq ahayn oo been abuur ah bey ka qoreen Puntland”, ayii yiri madaxweynaha. “..sidoo kale hay’ada la yiraahdo MG (Monitoring Group) oo Qaramada Midoobay u shaqeysa been aan sal iyo raad toona lahayn bey Soomaaliya oo dhan ka qoreen gaar ahaan Puntland. Oo maxayba nagu faaninayaan haddiiba wixii aan ku faansaneyn ay ceeb u rogeen oo yiraahdeen dowlada ayaa shirko la ah burcad badeeda”, ayuu madaxweyne Faroole sidoo kale yiri. Madaxweynaha waxaa uu ka hadlay burcad badeeda Madaxweynaha Puntland waxaa uu si gaar ah u magacabay qaar ka mid ah raga ugu waaweyn burcad badeeda ee dhowaan lagu xusay warbixintii Qaramada Midoobay kuwaasi oo la sheegay inaan la qaban. “Shaqsiyaadka ay tilmaameen oo aan anigu magacyadooda (koley) qaarkood horey u maqlay… mid la yiraahdo BAQALYO oo xabsiga dhexe Boosaaso ku xiran baa waxaa la yiri suuqa ayuu jooga lama qaban. Midkle oo la yiraahdo XANAANO oo intuu baxsaday Yemen lagu qabtay baa la yiri Suuqa ayuu joogaa ma xirna. Nin la yiraahdo BOOYAAX oo caan ahaa oo intii aanu maamulkan imaanin ka baxay oo dad badan oo burcad badeeda galayey ka hor joogsaday.. oo markii aan hawlgelinay culimaa’udiinka iyo odayaasha hor kac u noqday oo tusay goobaha ay joogaan, dhalinyarada in la hanuuniyo ka qeybqaatay, xumaanta burcad badeedu leedahay sheegay, inuu ka baxay meel walba ka sheegay baa la yiri waa burcad badeed oo meeluhu marayaa”, ayuu yiri madaxweyne C/raxmaan Faroole. Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in burcad badeedu hadda ka guurtay xeebaha Puntland isagoo sheegay in degmada Garacad iyo Xarardheere ay isugu tageen kooxaha burcad badeeda. Madaxweynuhu wuxuu cambaareeyey warbixintii MG “Waxaan aad iyo aad uga xunahay una cambaareyneynaa, adduunka oo dhana u sheegeynaa dadkaas falalkaas been abuurka sameynaya oo Soomaaliya kaga ganacsanaya in wax laga qabto. Anaguna intaas kaga hari meyno. Waxaana kaga daba tageynaa in aan xeer ilaaliyaal caalami u qabsano”, ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweynuhu, wuxuu ugu dambeyntii cambaareeyey baaqii kooxda Qaramada Midoobay ee Monitoring Group ee ku jiray warbixintii bishan March 10-keedii loo gudbiyey golaha amaanka ee ku saabsanayd in DKMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland laga taageero la dagaalanka burcad badeeda, taasi oo madaxweyne Faroole uu ku tilmaamay inay tahay eex laga galay Puntland. RBC Radio
  25. Not Bad. I don't know why the puntland diaspora doesn't get us involved in raising funds to help out in these initiaves. If we as the diaspora contributed we could install artificial grass into the fields.