Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Originally posted by Sacad *Ducaale: General Duke, and how do you know pirateland websites are true? when it is known for making piratelandish propagendish even going as far as saying Faroole has a PHD when infact he was a taxi driver, it's properly run by faroole's son just like Garoweonline. Your very silly and don't pay attention to the news I posted on somaliaonline last year. Farole hates horseedmedia you can actually go read it again how he criticised it on here. Baaris dheer kadib waxaa noo soo baxday dagaalka saxaafadu kula jirto Puntland waxaa hormuud ka ahaa saxaafado dhowr ah, sida, Aamin Caamir, Dayniile, Jidbaale, Galgala news,laasqoray news, horseedmedia iyo kuwa kelo oo yar yar, waxayna dacaayada ugu kala badnaayeen sida aan ukala hormariyay (respectively), qolyahaan aan soo sheegay ayaa figrado guracan waxaa ku quudiyay dad isku magaacaabay qoraaga xorta ah ( independent writers) dagaal ba’ana ku haya masiirka Puntland. Verification can be found below http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Sanadkii_2009_Saxaafadda_iyo_PL.shtml Discussion on this biased article can be found here from last year!!! http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/21703 So how the can farole own horseedmedia? :eek:
-
Sacad what you mean nonsense? are you saying the news is fake? if that is the case then you are questioning horseed-media journalism quality which will make you look like a fool. Horseed media is properly the most reliable news in somalia up there with the bbc and voa because this is the only news which recieved awards from the united nations and infact was selected to represent all somali media at the united nations. Do you think the UN would trust such news media if it wasnt quality? Established in 1980 by the General Assembly, it aims at providing journalists from developing countries an opportunity to acquaint themselves with the work of the United Nations and cover United Nations activities on behalf of their news organizations. Verification can be found here http://horseedmedia.net/profile/ So please don't think this website is somalilandpress that noone knows and noone cares for!!! Horseed Media is up there as one of the best somali media and there certifications says alot and where they are invited to REPORT on behalf of the united nations, do you see any other media having that sort of credibility? Niyahow wax yaalo ***** ah laguma hadlo, just becareful what you say
-
Ciidanka Daraawiishta G/Sanaag Oo Qabtay Rag Halkaas Ka Wadey Ololaha Doorashooyinka Somaliland May 12, 2010 Ciidamada Daraawiishta Dawlada Puntland ee Gobolka Sanaag ayaa qabtay labo nin oo la sheegay in ay ka wadeen Degmada Baran oo ka tirsan Gobolka Sanaag Olole ay ugu gogol xaarayeen Doorashada dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo Gobolada Maamulka Somaliland. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Sanaag ee Puntland C/laahi Cumar Cashuur oo u waramay Warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in Ciidankoodu ay gacanta ku soo dhigeen labo nin uu sheegay in mid ka mid ah uu ahaa Ciidanka nabad sugida ee Somaliland iyo kan kale oo komishinka Somaliland ka tirsan,kuwaasi oo u jeedkoodu uu ahaa qaybinta Kaararka lagu cod bixiyo ee Doorashooyinka Somaliland. Waxaa uu hadalkiisa uu ku daray Taliyuhu in ay ka war heleen Ciidamada Daraawiishta Gobolka in ragaani ay ku soo galeen Magaalada Baran Gaari nooca loo yaqaano…(Layla Calaawi),ayna kaga soo dageen meel Magaalada ka baxsan abaara 8:00 fiidnimo ee xalay. C/laahi Cumar Cashuur Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Sanaag ee Puntland ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay iminka gacanta ku hayaan gaarigii iyo nin uu ku sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidanka nabad sugida ee Somaliland halka ninkii kale ahaa isna Komishinka ka tirsana oo u dhashay Gobolka uu ka baxsaday sida uu sheegayna ay ku raad joogaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen. Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliyuhu in ninkaan ka tirsan Ciidanka nabad sugida Somaliland iyo rag kale oo uusan carabaabin waxa ay yihiin in dhawaan ay u soo gudbin doonaan xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Isagoona hadlkiisa intaasi ku daray Taliyuhu in Dawlada Puntland ay ka tirsanayaan hagrasho la’aan dhanka Ciidanka ah oo ay Mas’uuliyiintii arintaani wax ka qaban lahayd ay isaga qaxweynayaan Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaas balse sida uu sheegay ay difaacayaan Gobolka. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Sanaag Dawlada Puntland C/laahi Cumar Cashuur ayaa sidoo kale sheegay in ay ku daba jiraan Xafiisyo qarsoodi ah oo uu sheegay in dhawaan ay saxaafada u soo bandhigi doonaan. Arintaan ayaa imanaysa xili ay dhawaan Ay ka dhaceen Magaalada Ceerigaabo rabshado sababay dhimshado iyo dhaawac. Cismaan Turaabi Horseed Media Boosaaso
-
This is a video of the galmudug party that happened in london, some familiar faces in that crowd lol.
-
This is trailer of the upcoming movie of Good-Will Ambassador Weris Dirie. Weris Diriye Movie Trailer
-
Thankful, Riyale was student of siyad barre what do you expect lol. But yeah your right the people of somaliland are real dumb bro you can tell them anything and they will believe you, waa iska very gullible. For example when they joined somalia they actually thought they were going to get prime minister spot reserved for them, but they were in for a rude awakening lol. They were told you only are 2 cities of somalia and a minority and in a democracy its based on "majority" rules!!! Then they were told you are not somaliland but your waqoyi in other words "waqoyi a region of somalia" hence we never compared somalia and somaliland in the same sense and here we go again with riyale pretty much using same tactics he learnt from the south!!!
-
Somaliland president meets French foreign minister pics
Cowke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaji 2 years later you will post dahir riyale meeting another foreign minister, how many meet and greets has he had with the international community so far? what has his results been like? Ask yourself bro. What have you got to show for all the meet and greets, when you get back to me on that one then you might see the light!!! As for farole his meet and greets actually get him something. When he went to America he put Puntland on the radar so America knows that they are there and exist not 1 president before him ever done that!!! Just last week he signed over the navy base when he met with ahmed abdalla and number of nations. You need to know what you get out of these meet and greets, because I've never seen not 1 thing somaliland benefited from it. If it's recognition they are seeking well thats impossible as no country interfere in somalia issues without the consent of the recognized government, can you imagine ahmed walad abdalla placing sanctions on these nations and all sorts of legal consequences if any country dared recognize somaliland? Sxb put it this way the second somaliland gets recognized by another nation, sharif will take that nation before the hague and make them pay huge compensation pay out plus revoke your aqoonsi. Its just not gonna happen the world doesnt operate the way you want it to operate it operates through procedures and standards. The UN doesn't endorse this the tfg for another nation to interfere and meddle in domestic policies of that nation without the consent of somalia or the u.n -
Somaliland president meets French foreign minister pics
Cowke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaji the only person I am aware of that somaliland met was the french president advisor on africa André Parant which HIIRAN reported. That is kind of like donald payne the advisor to obama on africa lol. But nowhere did i see any reputable site such as bbc and voa make any mention of this huge event of meeting the foreign minister of france lol. OOPS they might of not reported because it probably was not news worthy right lol -
Somaliland president meets French foreign minister pics
Cowke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaji it's kind of funny how whenever somaliland supposebly meets these big european politicians they never hold a press conference!!! Hell they don't even have the flag of somaliland and france next to each other as that is what they do when foreign dignatories come to another nation. Make matters worse would the bbc miss such a STORY if it were true and the other somali media not to mention the international media? Have u even noticed none of the somali media pick up on those fake stories, that kind of gives you a hint it's fake because whenever riyale goes to addis all the media outlets say so but whenever he goes somewhere else its only somaliland media playing the "cameraman" game quite ironic isnt it. But seriously bro do somalilanders actually believe it because that would even be more funnier -
Somaliland president meets French foreign minister pics
Cowke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaji, I hope you can now tell how desperate your people have became!!! Those pictures look soooo reallllll -
This short clip of a person showing on video how khat grows in a city called perth western australia. Infact the khat grows publicly and in peoples backyard Enjoy
-
Bossaso: President Faroole angry statement @ the killings
Cowke replied to General Duke's topic in Politics
Haatu, yeah farole thinks people will actually buy that cheap talk. The second he came to town this started happening what a coincidence huh!!! -
I hope they hold the election this time, But from what I saw recently at whats happening in burco and also in hargeisa I am not optimistic!!!
-
Xaji yeah bro theirs pics!!! Puntland iyo Norwey oo iska kaashanaya Dhaqan celin lagu samaynayo B/Badeeda Barnaamijkaan oo ay iska kaashanayaan Dowlada Norway iyo Dowlada puntland ayaa waxaa ujeedadiisa lagu sheegay in uu yahay mid lagu dhaqan celinayo dhalinyaradda hab waafaqsan shareecada islaamka iyadoo la wacyi galinayo 600 oo dhalinyaro ah loo samaynayo xirfado iyo shaqooyin, xirfadahaas oo ay ka mid yihiin sida konrontada Farsamada gacanta iyo kuwo kale. Xaflad balaaran oo mashruucan xariga lagaga jarayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay xarunta jamacadda PSU ee Magaalada Garowe taas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka puntland Wasiiro Xildhibaano Isimo Culumowdiin iyo ha’yada Fulinaysa Barnaamijaani oo deeqdu soo martay NSA oo ah ha’yad Norwegeian ah Ugu horayn waxaa ka hadlay Wasiirka Wasarada Cadaalada diinta, awqaafta puntland iyo dhaqan celinta oo ayagu hawsha fulinayo khaliif Xasan Ahmed oo ka warbixinaya ujeedada barnaamijkaan lagu jihaynayo dhalinyarada burcada sidii looga soo weecin lahaa Falalka burcada loguna abuuri lahaa shaqooyin iyo xirfado kala duwan Daa’uud Maxamud cumar waa wasiirka Qorshaynta iyo xirirka caalamiga ah ayaa isna tibaaxay in loo bahan yahay odaasha dhaqanku sidii ay horay u sameeyeen in ay wacyi galiyaan dhalinyarada oo ku hoobanaya bada qaybna la qabanayo kuwana lagu laynayo Wakiilka ha’yada NSA u qaabisaln Kenya, Somaliya iyo Uganda Eng Gaim Kerbeaab ayaa sheegay in hawshaani ay xil iska saaraan Dowlada puntland maadaama uu muhiim u yahay dhalinyarada in loo abuuro shaqooyin waxaana kale oo uu sheegay in uu Mashruucani soconayo mudo 3 sano ah laguna hormarayo in ku dhow 200 oo dhalinyaro ah oo isaga baxay Burcadnimadii in ay iayagu laf ahantoodu ay wacyigalin sameeyaan Dhibta burcada iyo ku dhiiri galinta in ay qabsadaan maraakiibta ayaa waxaa la sheegay in ay qayb ka yihiin haweenka sida ay sharxayso Siciido Xirsi Cigaal oo ah Madaxa ha’yada Diakooniya . Ugu danbayntii ayaa waxaa sooa ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo isagu si rasmi ah xariga uga jarayey Mashruucan waxaana uu u mahad celiyay Dowlada Norway oo kaalin wayn ka qadatay barnaamijkaan waxaa kale uu intaasi ku daray in mar walba loo bahan yahay wacyigalinta dhalinyarada caadaysatay tahriibta iyo Burcada isagoo soo dhaweeyey marshruucaan kuna tilmaamay mid ka qayb qaadan kara sidii xal loogu heli lahaa dhalin yarada soomaliyeed ee ku howlan sidii ay maraakiib uga qafaalan lahaayeen biyaha caalamiga ah C/naasir Yaasiin Salaad SBC International Garoowe
-
Bossaso: President Faroole angry statement @ the killings
Cowke replied to General Duke's topic in Politics
Already posted farole threats along with the pictures below, their no need to repeat it!!! http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/22845 -
Below is a the video of Saado Ali Welcoming to london, Enjoy!!! Ps: BTW notice alot of onlf supporters lol, I guess their is no way to separate the two
-
Madaxweyne ku-xigeenka PL oo Garowe ka furey mashruuc 5 May 5, 2010 - 6:40:23 AM Munaasabadan oo maanta 5 May,2010 ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacada PSU ee magaalada madaxda Puntland ee Garowe ayaa lagu soo bandhigay mashruuc looogu talo-galey sidii loo badali lahaa nolasha dadka burcad badeeda ahaan jirey iyo kuwo haatan u hanqaltaagaya, loona sameeyo xirfado ay ku badelaan nolashooda. Mashuuraca waxaa si wadajira u fulinaya hay'adda NCA oo dhaqaale ka hesha dalka Norway & Wasaarada Caddaalada iyo dhaqan celinta. Waxaa ugu horayn munaasabada hadal kooban ka jeediyey maareeyaha mashruucan Burhaane Goshe Makaa'iil.oo u mahad celiyey dowlada,culimada iyo hogaanka dhaqanka Puntland doorka lama ilaawaanka ah ee sida wadareed uga qayb-qaaten sidii loo suulin lahaa burcad badeeda iyo dhaqan celintooda. Maxada hay'ada NCA islamarkana wakiil UGA AH wadamada Somaliya, Kenya, iyo Ugandha GAIM KEBREB ayaa sheegay in ujeedada mashruucu yahay in la jiheeyo dhalinyarda noqotey burcad badeedka iyo sidii loo soo celin lahaa kuwa ku maqan badaha. Munasabada lagu furayey mashrucan ayaa waxaa ka hadley Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi-samad Cali Shire isaga oo sheegey sida loogu bahaanyahay in dhaqan celin lagu sameeyo dhalinyarada Burcad badeedka ahaan jirey iyo kuwa noqonaya isaga oo xusey in loo bahaan yahay in shaqooyin loo abuuro iyadoo la barayo xirfado. Puntland badaheeda ku xeeran oo ay ka howlgalaan Burcad badeed ayaa laga wadaa olole balaaran oo lagula dagaalamayo kooxahaas badaha ka qowleysta. GAROWE ONLINE
-
Masuuliyiinta Puntland oo Xariga Ka Jaray Mashruuca Ballaarinta Biyaha Boosaaso (Daawo Sawiro) Boosaaso (RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc lagu balaarinayo biyaha magaalada Boosaaso. Mashruucan oo uu maalgeliyey Midowga Europe waxaa dhameystirkiisa iska kaashaday shirkada biyaha Boosaaso iyo hay’ada tamarta ee PSAWEN. Waxaana xaflad maanta ka dhacday xarunta madaxtooyada Boosaaso oo lagu furayey mashruucan ka qeybgalay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, wasiiro ka tirsan dowlada iyo wafdi ka socday hay’ada Unicef oo dhawaan soo gaaray Boosaaso. Madaxweyne Faroole ayaa kulan kula qaatay wafdiga madaxtooyada iyadoo kulankaasina looga hadlay muhimada uu leeyahay mashruucan iyo sida looga faa’ideysan karo. Madaxweynaha oo munaasabada madaxtooyada ka hadlay ayaa ku dheeraaday qiimaha biyuhu u leeyihiin nolosha dadka, isagoo sheegay in gaar ahaan degaanada Puntland ay dhul oomane ah una baahan in laga sameeyo ceelal tiro badan. Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in mashaariicda noocan oo kale ah laga wada fuliyo gobolada oo dhan si ay uga wada faa’ideystaan maalgelinta hay’adaha. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhinaca kale ka hadlay dhibaatooyinka dadka soo barakacay isagoo sheegay in dadkaasi qaarkood ay amaanka caqabad ku yihiin, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in dadkaasi loo sameeyo meelo gaar u ah oo ka baxsan magaalooyinka. Kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiin ka socotay hay’ada Unicef iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada. Kulanka ka dib ayaa masuuliyiinta dowlada oo uu hogaaminayo madaxweyne Faroole iyo wafdiga hay’ada Unicef waxay booqasho ku tageen halka laga hirgaliyey keyd weyn oo biyaha loogu talogalay kaasi oo ka kooban haamo biyo, matooro iyo dhulka biyuhu maraan oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso. Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xaruntan keydka biyaha ee cusub. Keydkan ayaa sida masuuliyiintu sheegeen waxaa dhismihiisu uu qaatay mudo lix bilood ah iyadoo lagu keydin karo biyo ku filan magaalada Boosaaso. Cabdalle Muumin RBC Radio
-
Madaxwaynaha Puntland oo Xariga Ka Jaray Dhisme Lagu Siyaadiyey Keydka Biyaha Bosaso May 5, 2010 Madaxwaynaha Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray dhisme weyn kaas oo keydinaaya Biyaha isla markaasna ay ku soo dhacayaan 10 ceel oo ku yaala magaalada Bosaso biyahooda, qaadkiisu uu gaarayo 1000m3 ama meter cube, kaasi oo biyo nadiifa siin doona Dadwayna ku nool Magaaladda Boosaso ee xarunta Gobolka Bari. Mashruuca Keydkaan ayaa waxaa maalgaliyay Hay’adda Unicef oo hirgalinta ceelal biyood dhowaanahanba ka waday Gobolka Babri iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland. Munaasabadda Keydka xariga lagaga jarayay oo ka dhacay madaxtooyadda Boosaso ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiiradda Puntland,masuuliyiin ka socday Hay’adda Unicef, Saxaafadda iyo marti sharaf kale. Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda xariga looga jarayay Keydka Biyaha ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhowaynayo Hay’adda Unicef mashruucaasi ay fulisay, isla markaana uga mahad celinaayo. Waxaana uu intaasi ku daray madaxwaynuhu in goobaha baahiyaha qaba Puntland aysan ahayn magaaladda Boosaaso,hasa yeeshe ay jiraan goobo fara badan oo ka tirsan Puntland oo baahiyaha biyo la,aaneed ay salka u dhigeen. Madaxweynaha ayaa sheegay tan iyo markii la bilaabay biyo gelinta Bosaso ee GUMCo in aysan marna ****olin baahaida biyaha ee Bosaso, taas oo sabab u ahayd baaxadda magaalada Bosaso oo marba marka kadanbeysa sii weynaaneysey, inkasta oo mararkaan danbe ay fiican tahay. Madaxwayne Cabdirixmaan Shiikh Maxamed ayaa saraakiishii Hay’adda Unicef ka socotay fariin ku aadan wax ka qabashadda baahiyaha ugu dhiibay saraakiishii goobtaasi ka joogtay Hay’adda. Keydka Biyaha ku wareejisay Wasiirka Halwlaha Guud iyo Gaadiidka Eng Daahir Khaliif oo ka guddoomay Hayadda Unicef documediga ceelkaasi. Si kastaba Keyka biyaha cusub ayaa waxaa la filayaa in wax wayn uu ka badalo baahiyaha biyo ee ay qabto Magaaladda Boossaso ee xarunta Gobolka Bari. Cabdiqani Cabdullaahi Horseed Media Bosaso, Puntland
-
Dr.Faroole: “Dadkayga Mar Danbe Lama Argagixin Doono” May 5, 2010 Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo maanta ka hadlaayey munaasabad lagu qabtey Madaxtooyada Bosaso taas oo ay ka soo qaybgaleen qaar kamid ah hay’adaha Caalamiga ah ee ka hawlagala Puntland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in qorshe loo sameeyo dadka soo barakacay, qorshahaasna la doonaayo in ay iska kaashadaan Puntland iyo hay’adaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ku soo barkacay Puntland ay ku qiyaasaan ilaa 300.000 oo qof waxaana uu sheegay in ay tuulo kasta joogaan, waxaana uu hay’adaha ugu baaqey in ay dhibta ka timid barakcayaasha ay xalinteeda qayb ka noqdaan taas oo ah sidii dhul loo siin lahaa looguna dhisi lahaa, Isbitaalo iyo Iskuulo looga dhiso. Madaxweyanaha ayaa sheegay in dadka soo barakacay ee ka yimid dhulka dagaaladu ka jiraan ay ku soo dhexdhuunteen dad argagixiso ah, kuwaas oo ah kuwo la soo direy oo dilaa ah, waxa uu u sheegay madaxdii hay’adaha in amaanka dadka Puntland ay wax walba uga muhimsan tahay, dadkaas qorshe deg-deg ah oo wasaaradaha la dhigi doono ayaan ka soo saaraynaa, sharci adag ayaana kula dhaqmaayaa, sababtuna waa shalay nin ayaa lagu diley Bosaso, xalayna laba qof waxaana diley waa iyaga, cid kale oo dishey ma jirto ma jireyso argagixisnimo danbe oo dadkayaga lagu sameeyo ayuu si caro leh u yiri Madaxweynuhu. Ma ahan markii u horeysey ee masuuliyiinta Puntland ay eedeeyaan dadka soo galootiga ah in ay ka danbeeyaan falalka amaan darida ah ee ka dhaca Puntland, dhawaan ayey ahayd markii sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska uu saxaafadda u sheegay in sadex nin oo falal qaraxyo ah ka geystey Puntland iyo Baydhabo xiligii Cabdullaahi Yusuf maxkamad lagu soo taagi doono Garoowe kuwaas oo aan weli maxkmaddaha ka soo muuqan. Horseed Media
-
jacaylbaro caseyrland website is just as reliable galgalanews!!! lol, guys who write the news as they chew qat. This news is totally false news and stop postinge garbage like that
-
Koora, ina adeer oo silly ah talada loo dhibto yey fa'ido ugu jirta? ma beesha osman diyano bay fa'ido ugu jirta? hell no. The only person that benefits from that silly guy from canada is farole because his vision is the same as farole vision which is the total neglect of bossaso!!! its not all about ina adeer politics, because ur ina adeer could be working for somebody elses interests!!!. So don't say "ina adeerkisa ayaa loo dhibey" because that won't cut the mustard!!! Koorshe the puntland politicians need to stop playing this dog-act politics by satisfying the clan criterias but then choosing a person from a clan that supports their interests!!! This is not the puntland i want to see and we need to stop it immediately
-
Zack,Osman diyano has no reason to step down, he has been performing his job quite well!!! Some canadian stooge who has no clue or experience with Bossaso is not the right choice to lead the PIS. Their will be a day when osman diyano steps down but its not today nor in the immediate future however when he does step down I am sure he CAN NAME the new head of PIS and pass that onto farole on who should be the new head of PIS. Farole just wants to have stooges for his own family sake, he could careless about Bossaso security or anywhere other then garowe!!!
-
Farole is playing games now, he knows full well as soon as he stepped foot into Bossaso these assasinations has happened!!! Stop blaming people that are UN-ARMED DISPLACED PEOPLE on actions which he is most likely responsible for or at the very least he has "foot" in what is occurring!!! This is pretty much trying to make osman diyano look bad by causing instability in the city and then justifying why he needs to get rid of osman diyano!!! He fools noone but he needs to grow up and stop disturbing the people with his childish acts
-
DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo Dilalkii Boosaaso Ka Dhacay Ku Eedeeyey Dadka Soo Barakacay, Digniina u Diray Barakacayaasha Boosaaso (RBC Radio) Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa goor dhoweyd oo maanta ah shaaca ka qaaday in falakii dilalka ahaa ee xaley iyo shaley ka dhacay magaalada Boosaaso inay ka dambeeyeen qaar ka mid ah dadka soo barakacay eek u nool Boosaaso. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa shaaciyey inuu ogsoon yahay in dadka soo barakacay ee degan Boosaaso ay ku dhexjiraan dad argagixiso ah oo loo soodiray inay amaanka Puntland halis geliyaan, kuwaasi oo uu ku eedeeyey inay fuliyaan falalka dilaka iyo qaraxyada ee magaalada ka dhacay. Madaxweynuhu Faroole ayaa si adag ugu nuuxnuuxsaday in si deg degah talaalabo looga qaadi doono dadkaasi, isagoo sheegay in maamulkiisu uu ka dhamaaday dulqaadkii. Golaha wasiirada ayuu madaxweynuhu sheegay in maalmaha soo socda ay kulmi doonaan kana soo saari doonaan qodobo gaar ah arinta dadka soo barakacay. Mar uu ka hadlay dhinaca hay’adaha qaabilsan dadka qoxootiga wuxuu madaxweyne Faroole uga digay inaysan la yaab ku noqon haddii ay maqlaan war ka soo baxa dowlada Puntland oo dadkaasi ku wajahan. Warkan oo faahfaahsan iyo sawiro goor dhow ayaan soo daabici doonaa.