Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Cumar C/rashiid oo Kulan La Qaadanaaya Wasiiradiisa hore May 18, 2010 Ra’isulwasaarihi hore Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa kulan la qaadanaaya Wasiiradiisa hore,saacado ka dib markii uu Madaxweyne Sheikh Shariif kala diray Xukuumadiisa. Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegaayan in Cumar C/rashiid uu isugu yeeray dhamaan Wasiiradiisa hore isla markaana uu maanta kulan gaar ah kula qaadan doono hoygiisa,waxaana halkaas kusii qulqulaaya Wasiiradii hore. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa waxaa ay sheegaayan in kulanka uu yahay mid looga hadli doona go’aanka Madaxweyne Sheikh Shariif uu maalinimadii shalay ku dhawaaqay oo uu ku kala direy xukuumadii Cumar C/rashiid. Kulanka ayaa sidoo kale la leeyahay in ay macquul tahay in Cumar C/rashiid uu kasoo horjeesto go’aanka Madaxweyne Sheikh Shariif oo iminka ku howlan soo xulista Ra’isulwasaare cusub. Dhanka kale waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in habeenimadi xalay Madaxweyne Sheikh Shariif uu kulan la qaatay Cumar C/rashiid kaas oo la sheegay in looga hadlaayay kala dirista Xukuumada,waxaana aan jirin wax faahfaahin buuxda oo laga helaayo kulankaasi. Horseed Media
-
Xudeedi this is positive news that ilkajir has contacts with the diaspora, I would personally like to see ilkajir spend more time sanaag/hayland rather then going abroad always for some meet and greet!!! I totally understand that connecting with the diaspora is important same with attending international events however that doesn't mean you abuse that by just travelling every month abroad lol!!! This issue of travelling always is not just ilkajir but farole is just bad and shaykh sharif!!!
-
Dhagayso/Akhriso. Madaxweynaha S/Land Oo Caawa Shaaca Ka Qaaday Inay Joojiyeen Xafladii Xuska 18 May Ee Sanadkan 2010, Baaqna U Jeediyey Shacabka. (Hadhwanaagnews) Monday, May 17, 2010 Dhagayso/Akhriso. Madaxweynaha S/Land Oo Caawa Shaaca Ka Qaaday Inay Joojiyeen Xafladii Xuska 18 May Ee Sanadkan 2010, Baaqna U Jeediyey Shacabka. Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa ugu baaqay Shacabka reer Somaliland inay si nabadgelyo ah uga qeybqaataan hawsha kaadhadh bedelka ee guud ahaan dalka oodhan ka socota, isla markaana waxa sheegay inaanay jirin xafladii 18 May ee sanadkan 2010 ee sida caadadu ahayd la xusi jiray 18-May, isaga oo ku sababeeyey hawsha kaadhadh bedelka codbixiyayaasha ee dalka Ka Socota. Madaxweynuhu waxa sidaa ku sheegay mar uu caawa qasriga madaxtooyada kula hadlayey warbaahinta, isaga oo diiday in wax su’aal ah la weydiiyo. Inkasta oo muuqaalka madaxweynuhu aad u qurxoona, isla markaana ay ka muuqatay farxad iyo yididiilo. Madaxweynuhu waxa uu yidhi “Beri waa 18May 2010, xafladi ma jirto maadama ay dadkii diwaangelin ku jiraan, markaa waxaan jecelay inaan halkan dadka uga faa’iideyso oo aan hambalyo iyo kelmado dar-daaran ah uga gudbiyo” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale Md. Rayaale waxa uu hambalyo u direy shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan, isaga oo ugu hambalyeeyey sanad-guurada 19aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland Xornimada dib ula soo noqotay 18 May 1991-kii, waxaanu yidhi “Maanta Ilaahay Fadligiisa nabad ayeynu ku naaloonaynaa, nidaam dawladnima uu inoo dhisan yahay waxkasta oo ka dhimanba, laakin aanay heysanin nidaam cida kale ee hareeraheena ah, gaar ahaan wadankii aynu ka go’anay ee Soomaaliya oo ay had iyo jeer beesha caalamku ay buun-buuniso ayeynu haysanaa ilaahayna waynu ugu mahad-naqynaa” “Beesha caalamku had iyo jeer buun-buuniso ayaan maanta haysan, Illaahay ayaanu ugu mahadnaqaynaa waxaanay guushaasi ku timid wada jirka ummaddan xukuumad ahaan iyo dad ahaanba waad ogtihiin in marxalado kala duwan loo soo maray inuu dalkani qaran noqdo. Turaanturooyin badan buu soo maray fadliga Illaahay iyadoo hareeraheena waxa ka dhacaaya aad ogtihiin Illaahayna waxaan ka sii baryeyaa in uu inoogu sii wado nabadaasi iyo wanaagaasi. Diiwaangelin ayaa dalka ka socota, diiwaangelinta horta waxaynu dooranay mid ka fiican doorashooyinkeeni hore oo qof kastaaba hal kaadh qaato.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Laakiin duruufaheenii diiwaangelintani duruufaheenii ayaa badan oo dad meel degan ma nihin dadkii shalay meel iska diiwaangeliyay xilligan halkii ma degana oo meel kale ayey joogaan. Toban bilood ayaa laga joogaa wakhtigii murankii hore ee diiwaangelintu dhacay oo ay ahayd in la sifeeyo oo ay natiijo sax ahi ka soo baxdo, waxa inoo muuqata inaan wax badani ka soo bixin. Laakiin lagama maarmaan ayay noqotay inay sidaasi ay tahay inaynu ku galo dadweynahana waxaan ku boorinayaa inay kaadhadhkooda qaataan. Illaahay haddii uu yidhaahdana wakhtiga doorashada la qabtay ay nabad ku codeeyaan sidii caadada inoo ahayd saddex doorasho ayaynu soo marnay.” “Ninba ninka uu dooranayo warqad ayuu ugu ridayaa sanduuq looma baahna oo wax xasarad ahi dalkeena gudihiisa ay ka dhacdo Natiijada doorashada ka soo baxda ayuu noqonayaa go’aanka doorashadu haddii Illaahay yidhaahdo,” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale Md. Rayaale waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Somaliland inay gacan ka geystaan sidii ay dalka doorasho uga dhici lahayd, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi“Waxaan leeyahay dhamaan cid kasta oo Somaliland ah gudo iyo dibadda waxaan ku boorinayaa in gacan laga geysto sidii doorashada soo socota iyo diiwaangelintu u dhici lahayd, waxa ii muuqata oo isoo gaadhaya in dadku xoog kaadhadh bedelka u tagayn, halkan fariin ayaan uga gudbinayaa oo waxaan leeyahay shalayba waad isdiiwaangeliseene’e kaadhadhkiina qaata oo xuquuqda aad u leedihiin inaad codaysaan yaanay idinka lumine’e kaadhadhkiina qaata. Waxaan halkan ammaan uga soo gudbinayaa ciidamada qaranka oo horseed ka ah hirgelinta himiladda ummaddan oo ah inuu qarankani isu dhameystirmo oo la wada gaadho meel kasta, maanta nasiib wanaag meel kasta diiwangelintu way ka socotaa hambalyo iyo ammaan ayaan u gudbinayaa.” “Waxyaabo badan oo qarankan u qabsoomay wuu jiraa, waxyaabo badan oo ka dhimanina way jiraan. Waxyaabahaasi inoo qabsoomay dedaal ayay ku qabsoomeen run ahaantii, dedaalkaasina wuu sii socon doonaa haddii Alle yidhaahdo waxaan rajaynayaa in halkaasi laga sii wado.” “Somalland-na qaran dadkiisu walaalo yahay oo uu isjecel yahay oo uu isku kalsoon inay noqdaan ayaan u gudbinayaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba waxaanad iskugu xidhnaataan midnimada iyo qaranimadda Somaliland waa ta keliya ee aynu ku xaqiijinayno waxa duruufaha adag loo soo maray ee wali geedi-geeddii aynu ku jirno ee aanu inoo dhamaystirmin. Waxaan leeyahay ummadda Somaliland wax kasta oo khilaaf keenaya waa inaynu ka fogaano wixii isku soo keen dhaweynayana waa inaynu ku talaabsano.”ayuu yidhi Rayaale Mar Rayaale la hadlayey Shacabka reer Somaliland ayaa waxa uu la socodsiiyey inay labadii xafladood ee 18 May iyo 26 June ay dib u dhaceen, isaga oo arrimahaana ka hadlayana waxa uu yidhi “Shacbi weynahana waxaan leeyahay horta labadii xafladoodba midina doorashadii ayaa ku beegan 26-kii June oo waliba konton guuradeenii ah, qaranku kolba wixii mudan ayuun buu sameeyaa. Qaranimadeena waa inaan ku xusno kalmado iyo fariinta wanaagsan ee aynu isku gudbinayno weeye, hawsha inoo taala ee muhiimka ahna waa inaynu qabsano weeye, dadweynahana waxaan fariinta ugu diray inay berri kuyuugoodii (safafkoodii) ay ku jiraan oo xilkooda dastuuriga ah ee hawsha badan gutaan, dad baa ka imanaya miyiga oo u imanaya inay codkooda bixiyaan oo ay kaadhkooda bedashaan si ay codkooda u bixiyaan.” “Dad badan ayaa dedaal samaynaya waanan u mahadnaqayaa runtii waxaann u rajaynayaa ummadda reer Somaliland gudo iyo dibadba meel kasta oo ay joogaanba guul iyo horumar ayaan u rajaynayaa dardaarankayguna wuxuu yahay midnimadeenu inay Udub dhexaad inoo noqoto.Safaro ayaan soo maray beri dhawayd waxaan la kulmay Wasiirka Khaarajiga ee Faransiiska, waxa kale oo aan la kulmay la-taliyeyaasha madaxweynaha caalamku maalin uu maanta inooga dhow yahay inuu wax inagala qabto ma jirto, waana ay soo dhammaanaysaa inkiraaddii ahayd been fakatay runi ma gaadho, qolo goosatay ayaa la inaga dhigay waxaan ka goosanayna ma jirto ee markii aan midnimadii ku fashilanay baan dawladnimadeenii dib ula soo noqonay cid aan ka goosanay ma jirin inkiraaddii noocaas ahayd way soo ****gaabanaysaa, caalamku xaqiiqdii ayuu u soo dhawaanayaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Doorashadan maanta “Inshaalaahu nabad bay ku dhiciye’e waxaan ummadda u sheegayaa markey nabadda inoogu dhamaato haddii la sugayay muddo badan inay noqon doonto aqoonsiga Somaliland, oo uu kaabiga saaran yahay oo balamo badan aanu ka hayno caalamka mudadii aan joognayna fariintii meel walba waanu gaadhsiinay ilaa Carabtii inoogu fogayd ayay qaar badani waaqici fahmayaan waxaan la dafiri karin ayay noqotay, runtii oo aan laga talaabsan karin.” “Waa suurtogal sidii shalay markii aan diiwaangelinta samaynaynay inuu cadowgu inagu soo maqan yahay mar kasta wuxuu ka fikirayaa inuu wax inoo geysto waa inaynu xukuumad, shacbi iyo ciidanba aynu feejignaan yeelanaa loo baahan yahay, waa laga yaabaa in la yidhaahdo wakthiga doorashada wax ha loo geysto sidii shalay ka dhacday madaxtooyada, safaaradii Itoobiya iyo xafiiskii UNDP waa suurtogal, Illaahay fadligii iyo ummadda oo isku tiirsan ayaynu kaga gudubnay. Waxaan shacbiga u sheegayaa inay feejignaadaan wixii ay dareemaan ee nabadeena dhib u geysanaya inay cida amniga ku shaqada leh inay mar kasta u soo gudbiyaan, indhaha boolisku wax ku arkaan waa dadweynaha, haddii aanu dadweynuhu booliska gacan siin waxay arkayaan ma jirto, gudaheena laftiisa wada nadiif ma aha waxa laga yaabaa inay qaar hurdaa inoo joogaan waayo qaar badan oo hore oo aynu qabanay way jireen iyo qaar maqan oo baxsi ku maqani way jiraan.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay doorashadaasi inoo socota waa doorashadii afraad waxaan odhan karaa waxaynu nahay qaangaadh waxaan aad iyo aad shacbiga ugu gudbinayaa in nabadeena, horumarkeena iyo dawladnimadeenaasi in Illaahay inoogu sii wado oo uu ina gaadhsiiyo waxaynu mudada dheer sugaynay waxa ka dhiman halkana waan ka ducaynaynaa wa bilaahi tawfiiq” Mustafe-Janaale Hadhwanaagnews.com/Office Hargeysa/Somaliland Email:Janaale94@gmail.com Listen to the radio piece here http://www.hadhwanaag.com/detail.asp?id=13209
-
XOG MUHIM AH: Cumar C/rashiid oo Dib Loo Soo Magacaabi Doono iyo Aadan Madoobe oo Wasiir La Siiyey Muqdisho (RBC Radio) Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow xafiiska madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu markale dib u soo magacaabi doono Cumar C/rashiid Cali Sharma’rke. Xog RBC Radio ka heley xarunta madaxtooyada ayaa shaaca ka qaadaysa in madaxweynaha uu waday saacadihii u dambeeyey ee khilaafka xoogani uu soo kala dhexgalay dowlada masuuliyeenteeda uu ku qanciyey Cumar C/rashiid in uu dib u soo magacaabi doono sidaasi darteedna uu ka aqbalo inuu xukuumadiisa kala diro. Go’aankaasi waxaa madaxweynaha iyo Cumar C/rashiid ay wada gaareen saacadihii la soo dhaafay, ka dib markii gudoomiyihii hore ee barlamanka Sheekh Aadan Madoobe uu shaley ku dhawaaqay in xukuumadii Cumar C/rashiid ay dhacday, isla markaana xaalad cakirnaan ah ay gashay jirintaankii xukuumada Cumar C/rashiid hogaaminayey. Sarkaal aad ugu dhow xafiiska madaxweynaha oo ku sugnaa Villa Soomaaliya habeenkii xaley [ 16-05-2010] markii ay kulan albaabada u xirnaayeen ay wada qaateen madaxweynaha iyo Cumar C/rashiid ayaa u sheegay wariye ka tirsan RBC in madaxweynuhu uu ka dhaadhiciyey mudane Cumar C/rashiid inuu ka war dhowro isbedelka cusub ee dowlada, hase yeeshee ay tahay in marka hore la kala diro xukuumada oo dhan si meesha looga saaro khilaafkan oo haddii aan go’aan deg deg ah laga qaadan sababi kara in xubnaha ugu sareeya dowlada ku meel gaarka uu kala geeyo. Madaxweyne Shariif ayey soo food saartay labo daran mid dooro ka dib markii ay si kulul isu weerareen Cumar C/rashiid iyo Aadan Madoobe oo kala hogaaminayey labo ka mid ah hay’adihii ugu muhimsanaa dowlada Soomaaliya taasi oo xaqiiqo ahaan khalkhal siyaasadeed oo culus gelisay dowlada oo dhan. Laakiin sarkaalkaasi ka tirsan madaxtooyada ayaa sheegay in hadda xaalada ay caadi ku soo noqon doonto ka dib markii uu madaxweynuhu qaatay go’aankii lagu riday gudoonkii barlamanka iyo raisul wasaaraha iyo xukuumadiisa oo dhan taasi oo naruuro iyo jiho cusub looga furayo xannuunka soo wajahay dowlada. Sheekh Shariif wuxuu ka faa’ideystay: - Qorshaha ugu weyn ee madaxweynaha ayaa ah in maadaama la filayey isku shaandheyn lagu sameeyo xukuumada markaasi ay haboon tahay in xukuumada la kala diro ka dibna raisul wasaare loo magacaabo uuna soo dhiso xukuumad ay ku jiraan ururka Ahlu Sunna iyo shakhsiyaad kale oo siyaasada lagu yaqaanay. - Arin kale oo muhim ah ayaa ah in madaxweyne Shariif maskaxda ku hayo habkii beelaha ee 4.5 ee lagu qeybsaday jagooyinka sare ee dowlada, taasi oo aan marnaba laga tallaabsan karin, waxaana xusid mudan in kulankii xaley ee ka dhacay madaxtooyada iyo wada tashiyo kale oo Sheekh Shariif la yeeshay la taliyaashiisa gaarka ah ay ku wargeliyeen inay adag tahay in mudo gaaban lagu raadiyo raisul wasaare cusub (oo dabcan laga keenayo beesha ******* oo hadda heysa jagada raisul wasaaraha). Waxaana madaxweynaha la tusaaleeyey in halkaasi ay kaga dhow dahay in mudane Cumar C/rashiid markale dib loo magacaabo. - La taliyaasha madaxweynaha waxay kaloo tilmaameen in sidoo kale ay xusid mudan tahay in mudane Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif ay is fahmi karaan iyadoo laga tusaale qaadanayo mudadii sanadka iyo barka ahayd ee uu xilka hayey oo aysan wax khilaaf ah oo banaanka yimid soo kala dhexgalin labadooda (Cumar C/rashiid iyo Sheekh Shariif) taasina ay tahay arin qadarinteeda leh. - Taliyaasha ayaa sidoo kale cadeeyey in dastuurka KMG uu awood u siinayo madaxweynaha inuu mar labaad soo magacaabi karo hal raisul wasaare xitaa haddii uu kalsooni ka waayo barlamanka ama xukuumada ay dhacdo. - Waxaa intaasi dheer in ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay Axmed Walad Cabdalla oo ah Engineerka naqshadeeyey dowladan lagu soo dhisay Jabuuti sanadkii 2009 uu isaguna ku cadaadiyey madaxweynaha inuu aad uga fiirsado go’aankiisa. Axmed Walad Cabdalla ayaa na loo xaqiijiyey inuu saacado badan xaley telefoon ay ku wada hadleen Sheekh Shariif. Dhinaca kale Sheekh Aadan Madoobe oo illaa xaley markii la sheegay in xilkii gudoomiyaha ay ka qaadeen xildhibaanada waday la tashiyo uu madaxweynaha la yeelanayo ayaa isaguna lagu qanciyey in la siinayo wasiir, sidaasi darteedna uu ka tanaasulo jagada gudoonka barlamanka madaamaa la isku qabsaday. Madaxweyne Shariif iyo xubno aad ugu dhow Sheekh Aadan Madoobe ayaa intuba ku cadadiyey Sheekh Aadan Madoobe inuu ka baxo sheegashada xilka gudoomiyaha barlamanka, maadaama ay tahay meel khilaafkeedu batay isla markaana had iyo jeer la isku heysto, waxaana laga dhaadhiciyey in taasi bedelkeeda uu qaato jago wasiir oo uga dhib fududaan doonta mida gudoonka barlamanka oo lagu mucaaraday. Waxaana Sheekh Aadan Madoobe oo aqbalay ballanqaadkaasi uu ku dhawaaqay inuu xilkii iskiis isaga casilay. Laakiin waxaa xusid mudan in mudanayaal badan oo ka mid ah barlamanka oo la kulmay wariyaha RBC ay wax lala yaabo ku tilmaameen hadalka Sheekh Aadan Madoobe oo ay sheegeen in isagoo shaley ‘xilka laga qaaday’ uu maanta yiraahdo waan is casilay!. Dadka siyaasada indhadheeya ayaa ku tilmaamay go’aankii Sheekh Shariif ee kala dirida xukuumada uu ahaa mid laga taxadaray madaama ay arintu meel adag gaartay, loona baahnaa go’aan adag oo miyir leh, Waxaana sida ka muuqata go’aankan uu ahaa mid la doonayey in Sheekh Shariif uu dhinac kasta ku qanciyo si uusan u kala ceyrin saaxiibadiis!. Sida RBC Radio xog hoose ku soo gaartay waxaa aad loo hadal hayaa in xubnaha golaha wasiirada cusub ay noqon doonaan kuwo aad uga yar kuwa haatan jira oka badan 30 wasiir, waxaana taasi looga gol leeyahay in xukuumadu noqoto mid kooban oo tayo leh isla markaana la maareyn karo. Waxaa sidoo kale jagooyinkooda heli doona xubnaha ururka Ahlu Sunna ay ugu talagaleen golaha wasiirada cusub oo hadda fursadii lagu siin lahaa ay soo baxday. Waxaana la filayaa in magacaabista raisul wasaaraha lagu soo beego ka dib shirka ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkga halkaasi oo kulan looga hadlayo arimaha Soomaaliya lagu qabanayo mudada u dhexeysa 21 illaa 23 bishan May, shirkaasi oo wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif ay ka qeybgali doonaan. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho
-
Sacad, yes it is mudug website in-particular goldogob owned!!!
-
Xaji well you should read it because it was posted on well respected website raxanreeb!!! I like the point the contributor made which said that he went to burco talked to the elders of that city and they don't want to see somaliland as recognized state they go to extreme lengths as to keeping the currency of somalia. Its silly to use the currency of nation that you separated from, it just defeats the purpose!!! He also made some good points regarding tribal issues that engulf that part of somalia even though they try to make it appear to be a "democracy" he used nice example of the girl who was arrested at hargeisa airport and turned into nasty habar vs habar war totally dismissing "democracy".
-
EDITORIAL: Somaliland… 19 Sano Ka Dib Qaran Mise Maamul Goboleed? 18-ka May 1992 ayaa gobolada Waqooyi (Somaliland) looga dhawaaqay maamul ay leeyihiin beelaha degaankaasi. Dhismaha maamulkaasi ayaa ahaa natiijo ka dhalatay kulankii ay magaalada Burco ku yeesheen sanadkaasi odayaal iyo siyaasiyiin degaanka oo hab beeleed go’aansaday inay talada ku wadaagaan. Aas aaskii maamulka Somaliland waxaa uu ka unkamay saddexdii gobol ee Waqooyi Galbeed (Hargeysa), Awdal (Boorame) iyo Togdheer (Burco). Waxaa xusid mudan in qeybo ka mid ah Sanaag iyo Sool ay ku jireen waxna ku lahaayeen yagleelida maamulka Somaliland ee shirkii beelaha Burco. Bilowgii, waxay dadka reer Waqooyi Galbeed (Somaliland) ujeedadoodu ahayd in horta maaro loo helo goboladaasi maadaama ay dalka intiisii kale dagaalo ka jireen. Hase yeeshee taasi micneheedu ma ahayn in arintaasi la isla wada ogaa. Siyaasiinta hor boodeysay taladaasi oo ahaa kuwii marki dambe xilalka ugu waaweyn ka qabtay maamulka Somaliland oo ugu horeeyey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxay ku dhawaaqeen in maamulka ay sameysteen uusan hoos tegin Soomaalida inteeda kale, laga bilaabo maalintaasna [18 May 1992] waxaa bilawday ku dhawaaqista ‘Jamhuuriyad la baxday Somaliland’. Aragtidii 1992 Bulshada ku dhaqan gobolada Waqooyi Galbeed Soomaaliya marna kuma mideysneyn ‘gooni u goosad’. Taasi ma aha feker aan anigu qabo ama koox kaliya ay aaminsan tahay, hase yeeshee waxaan dhihi karnaa waa arin ay wada fahamsan yihiin dad badan gaar ahaan intii xog ogaalka hoose u ahayd sida wax ku bilawdeen. Waxaana si fudud loo dhihi karaa waxaa arinta ay u kala qeybsanayd markaasi siyaasiyiintii SNM ee ka soo laabtay dagaalkii ay kula jireen dowladii militariga isla markaana ku dheganaa inay mar uun arkaan gobolada Waqooyi oo ka madax banaan Soomaalida. Waxaa qeybta labaad ay isugu jireen aqoonyahano wadaniyiin ah intooda badana waxbartay mudadii dowlada kacaanka isla markaana aaminsanaa in 18-ka gobol ee Jamhuuriyada Soomaaliya aysan qeybsamin iyo dad shacab ah oo arintaasi taageersan. Maxaa u qabsoomay Somaliland? Tan iyo aas aaskii maamulka Somaliland waxaa hirgalay qorshayaal dowladeed kuwii ugu muhimsanaa sida: Qabashada doorashooyinka madaxtinimada ee degaankaasi. Waxaa hawlgalay golayaal dowladeed sida barlamaan, guurti, gole xukuumadeed IWM. Xisbiyo siyaasadeed (Kulmiye, UDUB & UCID) ayaa hawlgalay. Waxaa muuqday kor u kac dhaqdhaqaaqa ganacsiga xorta ah oo ku xiran dekeda Berbera. Dadka badankiis waxay aaminsan yihiin in nolosha dadka caadiga ah ay tahay tan ku xiran ganacsiga. Amaanka guud ee degaanka oo la dhihikaro wuxuu gaaray heer la isku halleyn karo oo muwaadin iyo ajnabi ay u siman yihiin. Waxayna arintaasi sabab u noqotay in wadamada caalamka iyo kuwa deriska ahba ay indho gaar ah ku eegaan dhaqdhaqaaqyada ka socda degaankaasi. FG: Waxaa xusid mudan in ilaalinta nabada meel kasta ay tahay baahida koowaad ee bulshadu wada qabto. Waana waajib in ciddii masuuliyadeeda wax ku leh loogu hambalyeeyo. Xaalada siyaasadeed iyo xisbiyada mucaaradka Xisbiyada mucaaradka oo la dhihi karo waxay xilligan kaalin muhim ah kaga jiraan hawlaha bulsho iyo kuwa siyaasadeed ee degaanka kuma farxin doorashadii u dambeysay ee madaxtinimada. Waxaana si cad loo rumeysan yahay in doorashadaasi oo uu ku guuleystey Madaxweyne Daahir Rayaale la xaday. Dowlada waxay qirtay inay jireen khaladaad farsamo haba ugu badnaadto qalabka serverka ee doorashada iyo ku celcelin la sheegay in degmooyinka qaar laga sameeyey. Soomaalida, meel kasta oo ay joogaan iyo nooc kasta oo ay yihiin wali ma jirto bislaansho siyaasadeed oo horseedi kata in dadku ay la qabsadaan nidaan axsaab badan oo fakir xor ah ku sakeysan. Hase yeeshee waxaa degaanka Somaliland ka hirgalay wax u eg nidaam siyaasadeed axsaab badan. Inkastoo xisbiyadu ay jiraan magac ahaan oo Somaliland doorashooyinkii soo maray ay ka qeybgaleen saddexda xisbi ee jira, haddana wali waxaa taagan arimahan: Habkii qabiilka oo aan wali dadku ka gudbin, isla markaana wali lagu go’aamiyo talada iyo wax qeybsiga. Musuqmaasuqa ka jira degaanka oo meel kasta saameyn ku yeeshay. Horumar la’aanta dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo degaanka oo si rasmi ah u jaangooya aragtida dadka. Arimahan oo isbiirsaday waxay caqabad toos ah ku yihiin taabagalka axsaab siyaasadeed oo rasmi ah lana mid ah kuwa maanta dunida inteeda kala jira. Doorashooyinka Waxaa degaanka ka hirgalay saddex doorasho madaxtinimo oo ay ku tartameen xisbiyada saddexda ah ee hadda jira. Waxaase xusid mudan in doorashadii u dambeysay oo ahayd midi lagu murmay ee dhacday 2004 ay ku jireen waxyaabo badan oo isdaba marin ah sida ay wada qireen dowlada iyo xisbiyada mucaaradkuba. Qabashada doorashada was astaan muujineysa jiritaanka nidaam siyaasadeed ku dhisan tanaasul iyo tartan, inkastoo ay wali muuqato maqnaanshaha garaadkii hagi lahaa. Waxaase tusaale fiican oo aan marnaba la dafiri karin u tahay bulshada Soomaalida inteeda kale si ay ugu yaraan dagaal iyo xoog wax ku raadinta ugu bedelaan tartan furan. Waxaa hadda degaanka Somaliland loo diyaar garoobayaa doorashadii afraad ee madaxtooyada, taasi oo la filayo in saddexda xisbi ku loolamaan; inkastoo mid kasta uu ku adkeysanayo inuu awooda hogaaminta heli doono. Xisbiyada mucaaradka waxay qabaan in iyagu illaa haatanba tanaasul iyo dulqaad ay ku soo jireen, maadaama sida ay qabaan doorashadii u dambeysay la xaday sidaasina Daahir Rayaale xafiiska ku joogo. Laakiin taasi waxay dhalineysaa dareen kale oo xaalada dhinaca kale u qaadaya. Waa haddii dulqaadka hadda jira laga waayo dhinac uun ka mid ah dhinacyada siyaasada. Aragtida Shacabka iyo Nabada Dadka reer Somaliland waxay ka sinaayeen fikrada ku saleysan helida maamul amniga iyo xasiloonida soo celiya isla markaana dhaqangeliya sharciga, si ugu yaraan ay dadku u kala nabad galaan wax kaleba yeelkeede!. Malaha waxaa argatidaasi ka timid waayo aragnimadii laga dhaxlay dagaalkii ahliga ee dadka degaankaasi soo maray oo khasaare wixii uu geystey ay ka darneyd cadaawadii dhexmartey qoysaskii ehelka iyo xigaalada ah (dagaalkii loo bixiyey Habar-Habarta ee bilawgii 1990-meeyada). Mabda’ ahaan maamulku waa uu hirgaliyey nabada iyo xasiloonidii loo xilsaaray, waxaana degaanka ka curtay deganaansho soo jiitay dadka kale wixii dal iyo dibad joogay. Waxaana degaanka Somaliland hormuud ugu noqday gobolada kale qaarkood in ugu yaraan tallaabadii ay qaadeen reer Somaliland laga faa’ideysan karo, waxaana sidooda oo kale ku dayday goboladii Waqooyi Bari (Puntland) oo iyaguna maamul sameysatey 1998-kii. Hase yeeshee marka aad eegto aragtida dadka ma aha kuwo ka wada siman in dalku uu kala go’an yahay oo Soomaalidu ay xuduud kala sameysaneyso. Inkastoo ay jiraan qaar aaminsan sidaasi haddana waxaa jira qaar kale oo aan sidaasi sax u arkin. Tusaalayaal muhim ah; Siyaasiyiinta Kulmiye: Axmed Siilaanyo oo ah gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayey qorshaha siyaasadeed ee xisbigiisa (22 April 2010) ayaa sheegay in haddii uu qabto jagada madaxweynaha aqoonsi uu ka raadin doono caalamka, Siilaanyo wuxuu haalkiisa ku daray “…gobolada koonfureed waxaan kula dhaqmi doonaa dersnimo). Waxaa xaqiiq ah, marka aad dulucda hadalka Siilaanyo raacdo in siyaasiyiin badan sida Siilaanyo aaminsan yihiin in marnabada ay suuragal ahayn SOOMAALIYA oo labo loo kala gooyo. Tuusale kale Magaalada Burco oo ah halkii lagu qabtay shirkii beelaha ee lagu yagleelay Somaliland waxaa illaa maantadan ka shaqeeya lacagta shillinka Soomaaliga oo si caadi ah suuqyada iyo goobaha ganacsiga looga isticmaalaa. Dadka reer Burco hadii aysan ka badneyn 90% waxay fahamsan yihiin in aqoonsi raadinta iyo gooni isu taaggu ay ahayd sheeko ‘Awr ku kacsi ah’. Soomaaliduna aysan is hureyn. Taasi waxaa iigu daliil ah, booqashadii aan ku tegey Burco 2004 ayaan la kulmay oday degaanka ah oo aan isku baranay hotel aan magaalada ka deganaa. Sheekooyin badan oo ku saabsan xaalada Soaliland ayaa na dhexmarey, si cad waxaa uu iigu sheegay inuusan marnaba rajo ka qabin inuu arko Somaliland oo caalamka looga aqoobsan yahay dal madax bannaan. Sida odaygaasi oo kale waxaan shaki iigaga jirin inay jiraan boqollaal kale oo isaga la mid ah oo fikirkaasi aaminsan. Dhacdadii garoonka Hargeysa Galabnimadii 24-12-2009 ayaa gabar ka mid ahayd shaqaalaha wasaarada arimaha gudaha Somaliland ee Hargeysa soo gashay garoonka diyaaradaha Hargeysa iyadoo xilligaasi qorsheyneysay inay safar gaar ah ugu ambabaxdo magaalada Muqdisho. Haweeneydaasi waxay iyadoo xiran xijaab iyo indha sharer soo gashay qeybta lagu kontoroolo dadka dhoofaya ee garoonka, waxaa markaasi la socday gabar kale oo sida markii dambe ay noo sheegtay walaasheed ahayd. Gabadhii iyo walaasheed waxay soo dhameysteen hawlihii immigration-ka ee laga rabay dadka dhoofaya, wax yar ka dibna waxay u soo gudubtay Qeybta ay fariistaan dadka diyaarada sugaya. Intii aysan daqiiqado fadhin waxaa si deg deg ah halkii ay labada gabdhood wada joogeen soo galay labo askari oo sida na loo sheegay ka tirsanaa waaxda nabad sugida. Malaha waxay ku raad joogeen xog ay cid saddexaad ka soo heleen. Labadii askari iyagoo aan wax kale eegin ayey weydiiyeen magacii gabadha dhoofeysay wayna u sheegtay. Waxay ku amreen inay soo raacdo balse way ka biyo diiday taasi. Buuq ka dib waxaa labadii askari ay bilaabeen inay xoog ku kexeeyaan labada gabdhoodba, taasi oo abuurtay jawi buuq iyo fawdo ah oo ka dhex abuurmay garoonkii. Dad badan baa isu soo baxay si loo kala dhexgalo ugu yaraan labada gabdhood ee dagaalka la safan iyo askarta dooneysa inay labadoodaba ka kexeeyaan garoonka. Intii aaney arintu sii dheeraanba waxaa meeshii mar qura ka bilawday dagaal faraha la isula tegey oo u dhexeeya labadii askari iyo labo nin oo kale oo banaanka ka yimid. Sheekadii nabad sugiduna halkaas baa ugu dambeysay, mar haddii xaajadii ay noqotay habar wacasho qabiil. Xog wareysigii aan sameynay waxaa na loo sheegay in askartu ay ku daba jireen gabadha ka tirsaneyd wasaarada arimaha gudaha oo safar ugu socotay Muqdisho. Waxaa ay ku jeeday nin ay dhawaan guursatay oo ganacsade ah kuna nool suuqa Bakaaraha si ay halkaasi ugu soo booqoto. Marka aad dhamaan dhacdooyinkan db u raacdo waxaa xaqiiq ah; Awooda qabiilku inay tahay weli mida ugu sareysa guud ahaan Soomaalida oo dhan. Bulshada caadiga ah ee aan ku jirin siyaasada oo aan laga dhaadhicin karin in Muqdisho iyo Hargeysa labo kala yihiin Aqoonsiga Somaliland Maamulka Somaliland waxaa uu mudo ku dadaalay inuu caalamka ka helo aqoonsi, dadaalkaasi waxaa mararka qaar Somaliland La kaashaneysday wadamada deriska oo ay Ethiopia ugu horeyso iyadoo uga faa’ideysaneysa danaha gaar ahaaneed ee dowlada Ethiopia ka leedahay degaanka, gaar ahaan isticmaalka dekeda Berbera oo Ethiopia ugu yaraan uga kaaftoomi karto baahiyaha wax soo dejita ee wadamada kale ee gobolka oo qaarkood aysan isku wanaagsaneyn. Dabcan, waxaa qeyb ka ah in masuuliyiinta Somaliland ay arinta ku soo lareen cadaawada dheer ee ka dhexeyay labada dal (Soomaaliya iyo Ethiopia) si ay saraakiisha Ethiopia ugu tusaan in Somaliland tahay gobol Ethiopia ay maamulan karto wax kastana ka fushan karto haddii sida ay rabto loo yeelo. Laakiin illaa hadda waxaan marnaba aan lagu guuleysan in maamulka Hargeysa uu noqdo dowlad adduunku aqoonsan yahay. Dad badan baa waxyaabo kala duwan ku sheega sababta loo aqoonsan la’ yahay Somaliland, laakiin waxaa wali su’aal taagan GOORTA 18 gobol ee Jamhuuriyada Soomaaliya loo kala aqoonsan doono labo wadan oo kala madax banaan. HAL ARIN oo muhim ah ayaa waxay tahay in aragtida gooni u goosashadu aysan ahayn talo dadka reer Waqooyigu u wada dhan yahay, iskaba daa Soomaalida kale. Gabagabo Si kasta oo ay xaaladu noqoto waxaa isweydiin mudan mar haddii dowlada Somaliland aysan heysan aqoonsigii ay raadineysay 19 sanosi ay ay kaga madax banaanaato Soomaalida kale ma tahay xilligii ay ogolaan lahayd MAAMUL GOBOLEED la mid ah Puntland kana tirsan jamhuriyada Soomaaliya ee federaalka???!. W/Q: Faarax CaliFaaraxcali@gmail.com
-
Roobab Saacado Badan Da’ay oo Kala Xiray Wadada Isku Xirta Boosaaso iyo Qardho & Khasaarooyin Ka Dhashay (Sawiro) Qardho (RBC Radio) Waxaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ayey degaano badan oo ka tirsan gobolada Bari iyo Karkaar roobab biyo badan dhigay kuwaasi oo hakad geliyey isu socodka gaadiidka ee wadada isku xirta magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho. Roobabkan oo socday illaa habeen hore ayaa sababay iuu hakad ku yimaado gaadiidkii ka safri jiray Boosaaso ee u bixi jiray degaanada kala duwan kuwaasi oo mari jiray wada laamiga, ka dib markii buyo badan ay kala jareen wadada laamiga. Toga DURDURI oo ku yaalla tuulada Ceeldaahir ayaa biyo badan soo rogay kaasi oo xiray wadada laamiga, waxaana halkaasi mudo labo maalmood ah ku xaniban baabuur ka safartay Boosaaso oo ku sii jeeday meelo kala duwan iyo kuwo ku soo socday dhinaca Boosaaso. Baabuur dhex dabaalanaya biyaha Dad badan oo ay ku jiraan qoysas ka xagaa baxay Boosaaso iyaga iyo carruurtooda ayaa ka mid ah dadka ku xayiran wadada, kuwaasi oo baabuurtu ay dhexda kula xayirantay ka dib markii ay waayeen meel ay maraan. Biyaha roobka oo aad u xoog badan ayaa meelaha qaar la soo sheegayaa in dad ay qaadeen daadka. Waxaana xaley agagaarka degmada Carmo ku qalibmay gaari nooca xamuulka qaada iyadoo uu halkaasi uu ku geeriyooday hal ruux. Dad iyo baabuur ay xanibeen biyuhu Sidoo kale maalintii shaley waxaa baabuur kale oo ku qalibmay tuulada Ceeldaahir ku geeriyootay haweeney iyadoo mid kalena ay miyir beeshay ka dib markii gaarigii ay saarneyd ay ka qaadeen biyo daad ah oo wadada xiray oo baabuurku uu la dhex galay. Gudoomiye ku xigeenka degmada Carmo oo ay hoos yimaadaan degaanadaasi ayaa RBC u sheegay in roobabku ay xayireen isu socodka iyo iska warqabka degaanka. Wuxuuna sheegay in illaa shaley maamulka degmada Carmo ay gurmad u sameeyeen gawaari safar ah oo ku xayirmay wadada kuwaasi oo qaarkood ay qalibmeen. Wadada dheer ee laamiga ee ka tagta Boosaaso waxaa illaa maanta wali saf ku jira gaadiid fara badan oo safar u sii ahaa meelo kala duwan iyadoo la sugayo in biyuhu ay ka yaraadaan wadada laamiga ee ay soo galeen. Masuuliyiinta degmada Carmo ayaa iyaguna ciidamo dhigay halka ay wadadu ka xaniban tahay si dadka looga ilaaliyo maadaama darawalada qaarkood ay si bareer ah isugu dayaan inay biyaha dhex maraan taasina ay dhaliso in ay khatar gasho nolosha dadka saaran baabuurka ee rakaabka ah oo qaarkood carruur iyo haween ay ka mid yihiin. Roobabkan ayaa guud ahaan ka da’aya gobolada Bari, Nugaal, Karkaar iyo Mudug oo dhamaantood la soo sheegayo in dhulku uu biyo badan heley. Waxaana weli bilow ah xilliga guga sida ay noo sheegeen dadka la socda xilliyada sanadka. Cabdalle Axmed RBC Radio Email: cabdalleaxmed@yahoo.com DAAWO SAWIRO BADAN:
-
Golaha Wasiirada Puntland oo Soo Saaray Warsaxaafadeed Ka Dhan ah Somaliland May 16, 2010 | NEWS Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa maanta shir ay isugu yimaadeen, ku canbaareeyey maamulka Somaliland, arimaha ay ka wadaan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn Golaha wasiirada oo uu shirkooda guddoominaayey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, waxaana ugu horeyn ay ka wada hadleen xaaladdii u danbeysey ee dalka, waxyaabaha ay aadka uga hadleen waxaa kamid ahayad Xaaladaha ka soo kordhey Gobolada Sanaag, Sool iyo Cayn, Doorashada Somaliland, Mudaaharaadyada dhacaya iyo shilkii u danbeeyey ee ka dhacay magaalada Yubbe. Golaha wasiirada ayaa canbaareyn dusha uga tuurey maamulka Somaliland: “Waxay Xukuumadda Puntland cambaaraynaysaa faragelintaas sharcidarrada ah oo dhalisay mudaharaadyo guud oo ka dhacay degaannadaas la soo farageliyay dadweynuhuna kaga soo horjeedo keenista qalabka doorashada ee maamulka Somaliland”. Golaha Wasiirada ayaa baaq u direy maamulka Somaliland: “….Xukuumadda Puntland waxay maamulka Somaliland ugu baaqaysaa inay keenista qalabkooda doorashada ku ekeeyaan degaammadooda si aysan khalkhal dambe u gelin amniga, xasillooda iyo deggananshaha Gobolladii keliya ee Soomaaliya ka nabdoonaa….” Wasiirada Puntland ayaa baaq toos ah u direy Maamulka Somaliland “……..Haddaba, Xukuumadda Puntland waxay maamulka Somaliland ugu baaqaysaa inay keenista qalabkooda doorashada ku ekeeyaan degaammadooda si aysan khalkhal dambe u gelin amniga, xasillooda iyo deggananshaha Gobolladii keliya ee Soomaaliya ka nabdoonaa…..” Warsaxaafadeedka ayaa ugu danbeyntii baaq loo jeediyey beesha caalamka kaas oo ku aadan arinta Doorashada Somaliland iyo sanaadiikhda ay u soo waddo Gobolo ka tirsan Puntland “…… Dawladda Puntland waxay Beesha Caalamka, iyo Dawladaha deriska ah ee Urur-Goboleedka IGAD ugu baaqaysaa inay soo dhex galaan si uu maamulkaasi u joojiyo faragelinta sharcidarrada ah ay ka waddo degaannadaas Puntland isla markaasna ay ciidammadooda kala noqdaan goobaha ay haatan joogaan…….” Dawladda Puntland ayaa looga fadhiyaa in ay difaacdo isla markaana ilaaliso xuduudaha maamulkeedu gaarsiisan yahay, waxaana la is weydiinayaa sida doorkaas ay uga soo baxyso Dawladda Puntland, dhanka kale waxaa maanta ka dhacay Tuulada baraagaha Qol ee Degmada Dhahar ku dhaw in waxgaradku isku waafaqay in laga hortago haddii maamulka Somaliland isku dayo in uu halkaas keeno sanaadiikhda coadadka. Qaar badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Sool iyo Cayn ayaan wax kalsooni ah ku qabin maamulka Puntland waxayna bilaabeen in ay ciidamo beeled isugu keenaan meelo ka mid ah gobolka Sool waxayna samaysteen maamul u gaar ah ciidankaas. Doorashooyinka Somaliland ayaa dhici doono bisha Juun 26-deeda, waxaana ay wacad ku mareen in ay ka hirgelin doonaan doorashada Gobolada Sanaag Sool iyo Cayn ee ka tirsan maamulka Puntland, lama oga in doorka Dawladda Puntland uu ku ekaan doono Canbaarayn dusha looga tuuro Somaliland.
-
Dr.Farole is playing a wait and see strategy with the seccessionist. As we all know their is conflict between the seccessionist regarding silanyo, by waiting for the election and letting silanyo take over the hargeisa seat will guarantee that the awdal/oodweyn people leave this silly somaliland mess and join federal somalia and I think farole wants to make sure they sign the papers at garowe with ahmed walad abdalla present!!! The other-side is if silanyo doesn't win which is very unlikely or if riyale postpones the election this will guarantee a war in somaliland or at the very least silanyo will split and join federal somalia and bring along his degaans. Dr. Farole however must realize if the election is postponed again that we shouldn't wait anymore and just take over sool and sanaag!!! The garaads have been told this in garowe hence why majority of the garaads are satisfied except two garaads who have gone out of the way to destroy the whole game-plan of puntland so I kind of support farole to arrest the ssc supporters because this faction will make somaliland forget their problems!!! Puntland is state that promotes federalism, any tribe that joins that system is victory for puntland and it appears were going to have new members after this election
-
Adan Madoobe oo La Sheegay in Xilkii Laga Ridey May 16, 2010 | NEWS Kalfadhigii Baarlamaanka ee maanta buuqu hareeyey ayaa wararka u danbeeyey ee ka soo baxay halkaas sheegayaan in Xildhibaano kor u dhaafaya 310 xildhibaan ay isku raaceen in waqtigii uu ka dhamaadey Adan Madoobe, isla markaana la soo dooranaayo Guddoomiye Cusub, Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid ayaa arintaas saxaafadda u faahfaahiyey waxaana uu sheegay in Maalmaha soo socda uu shirguddoomin doono Xildhibaanka ugu da’da weyn isla markaana la soo dooran doono Guddoomiye cusub. Adan Madoobe oo maanta ay u suurta geliweydey in uu la hadlo Xildhibaanada kadib markii ay buuq iyo qaylo kala hortageen kala bar Xildhibaanadii goobta fadhiyey ayaa saxaafadda u sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanku ay u codeeyeen in Xukuumaddii dhacdey. Wararkan ayaa ah kuwo is diidan laakiin, waxaa cad in maanta shirkii uu ahaa mid buuq iyo xaalad aan deganayn ku dhamaadey. Horseed Media News Desk
-
-
Cumar C/rashiid: “Guddoomiyihii Hore ee Baarlamaanku Khiyaano Qaran Ayuu Galay” (Sawiro) May 16, 2010 | NEWS Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayuu kaga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Sheekh Aadan Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka isagoo sheegay in hadalka Aadan madoobe uu yahay nin daad qaaday xumbo cuskay isla markaana uu wixii maanta ka dambeeya aanu aheyn guddoomiye Baarlaamanka, isagoo taageeray go’aankii xubnaha golaha Baarlamaanka ay ku rideen Aadan madoobe kuna doorteen Guddoon cusub oo si kumeel gaara u shir guddoomiya. Ra’iisal Wasaaraha ayaa shirkiisan ku sheegay in waxa dhacay maanta uu kaga cudur daaranayo ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ayna tahay wax lala yaabo, maadaama Aadan Maxamed Nuur oo inta gurigiisa shir jaraa’id ku qabtay ugu sheegay saxaafada in ay dhacday Xukuumadii dalka ka jirtay taasoo ah dembi Qaran iyo wax aan sharciga waafaqsaneyn. “Waxa dhacay maanta waa wax aan muddo ka digeynay oo aniga iyo Madaxweynahaba aan isaga fakir aheyn in la qaboojiyo xiisada loona hogaansamo sharciga, balse waxa uu Guddoomiyihii hore ee Baaralamaanka sameeyey dembi Qaran, maadaama uu xukuumad sharci ah isku dayay inuu afkiisa ku burburiyo waana lala xisaabtami doonaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaasi sii raaciyay. “Guddoomiyihii hore ee Baaralaamka waa nasiib darro inuu sidaasi u dhaqmo, bahda saxaafaduna indhihiina ayaad ku aragteen in Golaha Baarlaamanku ay ku shireen Xarunta Golaha Baaralamaanka 318 xubnood isla markaana cod caqlabiyad leh ay ku diideen guddoonka Baarlamaanka” ayuu yiri Mr. Sharmarke oo wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidamada AMISOM ay u galbiyaan Madaxtooyada Aadan Madoobe maadaama sharciyan uu dhacay wixii ka dambeeyey codeyntii Baaralamanka. Ra’iisal Wasaaraha ayaa soo dhoweeyey doorashada guddoonka cusub wuxuuna xusay inuu la shaqeynayo inta looga gudbayo guddoon sharci ah oo bedela Aadan Madoobe. Ugu dambeyntiina beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay is dejiyaan kalsoonidoodana ay adkeeyaan lagana gudbayo marxaladan kala guurka ah ee dalku ku jiro. Dhinaca kale, guddoomiye kuxigeenkii labaad ee Golaha Baarlaamaanka Cismaan Cilmi Boqore oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku tilmaamay go’aanka Aadan Madoobe mid aan sharciga waafaqsaneyn isla markaana kalitalisnimo ah isagoo xusay in sharciyan uu dhacay uuna yahay maanta wixii ka dambeeya xubin ka tirsan Baaralamaanka. Garaad Salaad Xirsi garaadcadde@hotmail.com Xildhibaan Xaaji Shukri – PHotos by Radio Muqdisho
-
Moonlight, firstly the syl didn't transfer power to italy they transferred power to the united nation which agreed that from 1950-1960 is a transitional period where somalia will be heading to indepedence. For those 10 years somalia was trusteship and were being groomed to run the state affairs. SYL didn't want to sign another agreement to be colony of britain lol, they just got what they wanted which was to be indepedent after that 10 year transitional period period and if they did end up signing to britain that would be sell out to their policies which was ANTI COLONIAL!!! The SYL policy was always "greater somalia"
-
I think their is clause in the agreement that abdullahi yusuf signed with igad and the u.n when he resigned from the president post. It said that he won't leave puntland but he will leave somalia politics. That is why you see the old man come to puntland every now and then where-as you dont see the same case with abdiqasim salat or geedi or any of those guys!!! As for this article of farole son, he just has huge chip on his shoulder, theirs even rumours that he was threatening osman diyano at bossaso when he went there!!!
-
Buuhoodle:"Annaga & Malayshiyaadka Hargaysa waanu isnaqaanaa car magaalada Buuhoodle hasoo galeen"Gudoomiyaha Degmada Buuhoodle. 15. maj 2010 APL Buuhoodle:(Allpuntland)-Maamulka Degmada Buuhoodle ee magaalo madaxda Gobolka Cayn ee Dawlada Puntland ayaa ka hadlay Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay sameeyeen qaarkatirsan Ciidanka Soomaaliland oo kusoo dhawaaday qeybo badan oo kamid ah gobolada ay Dawlada Puntland si toos ah umaamusho,waxayna maamulku sheegeen in ay tahay Daandaansi lagu wado shacabka reer Buuhoodle. Gudoomiyaha Degmada Buuhoodle ee Dawlada Puntland Xuseen Dacwi Ducaale oo APL galabta laxiriirtay ayaa sheegey in uu jiro dhaqdhaqaaqyo ay samaynayaan maamulka Soomaaliland,wuxuuna sheegey in ay Shacabka & Maamulka Buuhoodle & guud ahaanba gobolka ceyn u istaageen sidii ay isaga difaaci lahaayeen Ciidanka soomaaliland hadii ay isku dayaan in ay soo galaan deegaanada Puntland. "Annaga & Malayshiyaadka Maamulka hargaysa sifican ayaanu isku naqaana,oo inbadan ayaanu isasoo aragnay,Car hasoo gaaraan deegaanadeena way ogyihiin inaysan wax fiican nagala kulmi mayaan oo Difaac ayaanu ugu jirnaa,hadii ay soodhawaadaana waxaanu u diyaar garownay in aanu isdifaacno marka hada dib inay u laabteen ayaanu maqalnay waana mida dantu ugu jirto"Ayuu yiri Xuseen Dacwi oo digniin u dirayey Maamulka Soomaaliland. Dhanka kale wuxuu canbaareeyey Gudoomiyuhu ciidamo Ethiopian ah oo soogalay qeybo kamid ah gobolka Cayn ee Puntland wuxuuna sheegey in ay taageerayaan kuwa Maamulka Soomaaliland isla markaasna ay xir-xireen qaarkamid ah Baabuurta shacabka Buuhoodle,waxaana uu xiritaanka baabuurtan ku tilmaamay khalad ay ethiopia Puntland ka gashay. "Ciidamado Ethiopian ah ayaa dhanka Hawdka oo aanu xuduudka ka leenahay soo galay,waxayna xanibeen baabuurtii Buuhoodle soo geli jirtay,taas waanu canbaareynaynaa waa in ay si dhakhso ah usoo daayaan Baabuurteena waayo waxaanu nahay Labad Dawladood oo saaxiibo ah isla markaasna wada shaqeeya waa in aysan wada shaqeynteena ku xadgudbin"Ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Buuhoodle. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Ciidamo Ethiopian ah oo galay degmada Buuhoodle May 15, 2010 | NEWS Ciidan Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa lasoo sheegaaya in ay galeen degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn. Gudoomiyaha degmada Buuhoodle Xuseen Dacwi Ducaale oo ay la xirrirtay Horseed Media ayaa xaqiijiyey in Ciidan ka socda Itoobiya isla markaana wata gaadiidka dagaalka ay degmadaas soo galeen halkaasi. Wuxuuna sheegay in si kedis ah oo aan la ogeyn in ay halkaas kusoo galeen ayadoo ay fariisin ka samaysteen Bariga magaalada oo ay hada ku suganyihin isagoo sheegay in ay xayireen dhaq dhaqaaqa gawaarida ee ka baxaayay iyo kuwa soo galaayay magaalada. Gudoomiyaha ayaa xusay in aysan aqoon sababaha keenay in Ciidamada Itoobiyaanku ay xilligaan soo galaan Buuhoodle,wuxuuna ku daray in aysan jirin ilaa iyo hadda cid ay qab qabteen oo ay xireen. Buuhoodle ayaa ka tisan Maamul Goboleedka Puntland, waxaana dhawaan kusugnaa wefdi heer wasiir ah, maamulka Puntland kama hadal arintan iyo in ay wax ka og yihiin. Gobolka Ceyn ayaa iyadu xad la leh dalka Itoobiya,waxaana dhowr jeer oo hore qaybo ka mid ah gobolkaasi ay soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah. Horseed Media
-
This an interview with one of the leading anthropologist in the world Dr. Cheikh Anta Diop who did melanin test on pharoah mummy and found the melanin content was the same as sub-saharan africa. You watch the interview here Pharoah Melanin Ps: Tutankhamun dna testing will be very much anticipated as the europeans love to make egypt sound "mixed" society but the evidence is mounting up against them because you can find pyramids that pre-date the egyptians in parts of sudan, so you can see where they got their inspiration it wasn't greece because you don't see such "beginning" at all!!! The europeans try to use the fact that greeks and different people lived in egypt and therefore it was mixed society, but thats like saying america is mixed society because african americans live there but that doesn't change the fact its white uropean majority country!!!
-
Thankful Puntland media is very reliable, the only issue they have is "how some outlets" will twist the story in their favor. The exact opposite is the case with somaliland majority of their news "starts" with baseless propaganda and even news that don't exist nor can be verified!!! The hamari news are better but they do also spin the news to their advantage. So really when it comes to reliablity trust puntland and hamari news because at least you know the news actually "occurred" as for how they spin it to their advantage that is something you need to decide yourself, but I usually cross check across multiple media outlets and then decide what position is probably the closest to the truth!!!
-
Thankful for all intent and purpose garoweonline might be biased but I have not seen it report fake news, it's quite reliable!!! Garoweonline just looses it when it starts putting their spin on the story even though the issue did really take place. By the way allpuntland did report it you can read below!!! Garoowe:Daraawiishta Puntland oo oo howlgalo kasameeyey Meelo kamid ah Sanaag. 15. maj 2010 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email Print This Article | Daabaco warkaan Garoowe:(Allpuntland)-Ciidanka Daraawiishta Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa 24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxay howlgalo aan kala joogsi lahayn kasameeyeen deegaano hoosyimadaa Degmada Baran ee Gobolka Sanaag Bari Puntland,waxaana ay howlgaladani ku baaheen Buurta Galgala ee Xuduudka gobolada Bari & Sanaag ee Puntland. Taliye sare oo katirsan Ciidanka Daraawiishta ee Dawlada Puntland APL u xaqiijiyey Howlgaladan,wuxuuna sheegey in aysan wax dhibaato ah kasoo gaareen Ciidankooda,isla markaasna ay tageen meelo badan oo lagu tuhunsan yahay inay joogaan dad ay xukuumada Puntland aaminsan tahay inay qorsheeyaan weerarada ka dhaca Puntland. Taliyahan oo diiday in magaciisa aanu xigano wuxuu sheegey in howlgalkan uu kamidyahay howlgalo lagusugayo amaanka guud ee deegaanada Puntland,gaar ahaan kan magaalada Boosaaso oo ay xukuumadu aaminsan tahay in khalkhal gelintiisa laga soo abaabulo meelo kamid ah Bariga fog ee Puntland. Warar hoose oo ay APL ka heshay weerarkaas ayaa sheegaya in Weerarku dhacay kadib markii gaari nooca yaryar ah oo uu saarnaa Sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdulqaadir Muuse oo kamid ah dadka ay sida weyn xukuumadu imika u raadinayso,mase jidho xaqiiq dhab ah oo warkaas xaqiijinaya. Saraakiisha Daraawiishta Puntland ee gobolada Sanaag & Bari oo howlgalkan iska kaashaday ayaa sheegey in Howlgalkan ay ku dhaawacmeen uguyaraan 3-Ruux ayna ku dhinteen 2-Ruux oo kale oo dhamaantood ay ahaayeen dadkii gaariga saarnaa,waxayna ciidanku sheegey in Maxamed Cabdulqaadir uu kujiro dadka dhintay,walow aysan jirin cid si toos ah u cadayn karta dilka Ninkan. Howlgalkan oo aysan weli sitoos ah u xaqiijin Dawlada Puntland ayaa sidoo kale aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Saraakiishan lasheegey in la weeraray oo Saaxiibo dhow la ah Hogaamiye Maxamed Siciid Atom oo ku dhuumaalaysanaya Buurta galgala,wuxuuna howlgalkani noqonayaa kii u horeeyey oo ay Puntland in mudo ah ka fuliso halkaas. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Waa Kuwee Isimada Puntland? May 15, 2010 | EDITORIAL, NEWS Editorial Dadka tariikhda yaqaan waxa ay tilmaamaan in magaalada Xuddun la yiraahdo ee gobolka Sool, ay ahayd meeshii dadka dega gobolada la isku yiraahdo Puntland ay ku heshiiyeen waxa loo yaqaan xeer *****, ayna ku heshiiyeen sida ay u qaybsanayaan Saldanada, magta iyo waxyaabo kale oo badan, waqtigaas waxaa lagu tilmaamaa qarnigii 17aad 1600 – 1700, sidey doontaba ha noqotee goobtii heshiiskaas ka dhacay waxaa loo bixiyey Xuddun, oo macnaheedu yahay meeshii lagu xuddumay xeerka *****ga. Saldanada iyo magaca isimadu taariikh dheer iyo door shariif ah ayey ku leeyihiin bulshada degta Puntland, mar bay ahaayeen kuwo taladu iyaga ka go’do ardaaga ay ka taliyaan waxaa ku xeernaa garcas garasho iyo aqoon dheer leh kuwaas oo ka talin jirey beeshaas wixii dani ugu jirto, waxayna lahaayeen wakiilo meelaha aysan gaari karin. Haddii aan taariikhdaas fog soo dhaweeye markii xukunka daakhiliga la qaatey sanadihii 50aadkii, waxaa gobolka Bari talo loogu noqon jirey isimo kooban oo magac iyo maamuus weyn bulshada ku lahaa, Boqor, Garaad, Ugaas iyo Sadex Beeldaaje. Markii guumeystuhu yimid dalka waxaa is badalay xaalka Soomaaliya, waxaa la ridey saldanooyin badan oo waagaas jirey. Qaar kamid ah isimadu waxa ay sii wateen taladii bulshada iyaga oo xubno ka ahaa Golihii Shacabka ee fadhigiisu Muqdisho ahaa sida Ugaas Yaasiin Ugaas Cabdiraxmaan iyo Beeldaaje Xaaji Cabdullaahi Beeldaaje Maxamed, Garaad Cali Garaad Jaamac oo 60kii ku soo biirey iyo qaar kale. Kadib markii talada dalka ay la wareegeen ciidamdii xooga dalka 1969, doorka isimadu waxa uu ahaa mid ku eg beelaha soo caaleema saarey, waxa ay ku dedaali jireen in beeluhu nabadgelyo kala helaan, deris walaalnimo lagu wada noolaado, wixii dhib ah ee dhacda xeer iyo xaal waayeel lagu dhameeyo, waxaana ay dawladda ka heli jireen mushahar yar oo aan ahayn wax la sheego. Burburkii Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, gobolada waqooyi bari waxaa taladii markiiba gacanta ku dhigay Isimadii gobolka, kuwaas oo tiradoodu aysan ka badneyn 10 isim, siyaasiyiintii SSDF waxa ay ahaayeen kuwo cayaara doorka arimaha dibadda una madaxbanaan, laakiin arimaha gudaha waxaa bud-dhig u ahaa Isimada talada u danbeysana ay ka go’i jirtey. Waxaa la tilmaamaa in ay ahayd markaas marka ay bilowdeen in isimo cusub oo aan soo jireen ahayn markaas la caleemo saaro, waxaana beelaha qaarkood caleema saareen isimo, waxaana arintaasi ay salka ku haysey beelaha caleema saarey isimada cusub oo aan horey u lahaan jirin Isin, isla markaana doonaayey in cadkoodu muuqdo oo aan qof kale mindida daabkeeda u qaban, laakiin muddooyinkaas ma jirin beel Isim iska lahayd in ay mid kale ka dhinac taagto. Kadib markii ummadda Soomaaliyeed ay ku guuleysan waayeen in ay dhistaan dawlad ay u dhanyihiin oo lagu wada qancsan yahay, waxaa loo guntadey in la samaysto maamul ka balaaran kii ku koobnaa gobolada Waqooyi Bari, waxaana la isku raacey in Puntland la asaaso oo ay tahay dawlad goboleed, lagu baadi doono qaranimadii Soomaaliyeed, laguna sugo inta bulshada degta koonfurta Soomaaliya ay u bislaanayaan in la asaaso dawlad federaal ah, ergada shirkaas fadhidey waxay dhamaayeen 433 ergay oo ka kala socdey 5 Gobol iyo Deegaanka Buuhoodle, Waxaa saxiixey asaaskii Puntland 26 Isim oo keliya. Gobolka Bari 8 Isim Gobolka Nugaal 4 Isim Gobolka Mudug 5 Isim Gobolka Sool & Deegaanka Buuhoodle 6 Isim Gobolka Sanaag 3 Isim Waxayna qalinka ku duugeen 13 Bishii March 1998-dii, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah heshiisyadii ugu wanaagsanaa ee dhulkaas lagu qabto, inkasta oo siyaasiyiintu aysan weligoodba fulin balanqaadkooda laakiin maamulka oo ban cidla ah laga yagleelay heer wanaagsan ayuu gaarey maanta, inkasta oo uu qaangaar yahay haddana wax badan ayaa ka dhiman. Kacaankii Isimada Cusub Kadib markii Puntland la asaasey, waxaa soo baxdey oo muuqatay doorka weyn ee ay lee yihiin Isimadu, waxaana mid kasta oo magac jecel isku dayey in uu dorkaas qayb ka noqdo waxaana tusbax xariga laga jaray noqdey isimada cusub ee maalinkasta la cimaamadaayo, arimahaas waxa ay salka ku hayeen dhawr arimood kuwaas oo laga tilmaami karo: Siyaasiyiinta qaarkood oo sameeya Isimada Xuquuq iyo Sed raadin Dhaqaale & Magacdoon Isinkii hore oo nin jilicsan noqdey Si kastaba ha ahaatee Isin kasta maalin maalmaha ka mid ah ayaa abkiisi hore la caleema saarey ama qarniga 21aad ayuu la saanqaadey oo waqtiba kama tegin, waxaase hubaal ah markii ay tahay mid ab ka ab ah way ka maamuus iyo sharaf badan, midda banka cidlada ah laga oodo. Reer guraagu markii ay meel cusub degayaan waxay reerka ku furaan xero laga baxay ama la degi jirey, xooluhu isla habeenkaankaas waa fariistaan, laakiin haddii ban cidla ah aad xero uga oodo, in ay la qabsadaan waa adagtahay, habeenkaasna istaag ayuu ugu dhamaadaa. Waxaa in badan oo ka mid ah dadka indheergaradka ah ay isku raacsan yihiin, in faa’iidada iyo khasaaraha ka dhashey Kacaanka Isimada ay khasaarooyinku badan yihiin, waxaa meel hoose u dhacay magac weyn oo maamuus lahaa, waxaana qofku isku caddeeyaa in uu Isim yahay waa cimaamada midabka cas lagu xardhey ee meelkasta lagu iibiyo oo garabka la saarsado iyo koofiyad yar, waxkasta oo xeer iyo dhaqan ahaa ee Isim lagu soo xuli jireyna meesha waa ka baxdey. Dastuurka Puntland iyo Isimada Axdigii u horeeyey ee Puntland doorweyn ayuu siin jirey Isimada, talada u danbeysa iyaga ayey dib ugu laabaneysey, waxaa ka mid ahaa qodob ah, haddii dawladdu dastuur afti lagu ansixiyo muddo sadex sano ah ku diyaarin weydo waa jiritaan beeleysaa, waxaana talada ku wareegaysaa Isimada, arintaas oo ahayd middii horseedey dagaaladii ka dhacay Puntland sanadihii 2001 – 2003, ee Isimada Puntland naftirkoodu ay dhibane ku noqdeen kadib markii si gardaro ah lagu diley Suldaan Axmed Maxamed Hurre. Dastuurka cusub ee hadda sugaaya in afti loo qaado door weyn ma siinaayo isimadda, waxaa ka hadlaaya qodobka 110 waxaana uu u qoran yahay sidan: Isimada la aqoonsan yahay waa heerka u sareeya arimaha dhaqanka; Isimadu ma geli karaan arimaha xisbiyada siyaasadeed; doorka isimadda waxa uu ku soo koobayaa qodobka 110, faqradihiis 1-6, in uu yahay arimaha dhaqanka oo keliya, dastuurku ma caddeyn qaabka lagu kala garanaayo Isimada la aqoonsan yahay iyo kuwa aan la aqoonsanayn, haddii lagu aqoonsanaayo in aabahood iyo awoowayaashood ay salaadiin ahaayeen, waxaa jira kuwo Puntland wax ka asaasey oo Saldanada samaystey aabahood iyo awoowgoodna aysan Isim ahayn, waxaaba dhici karta in shirkii Puntland lagu asaasey ay guddoominayeen. Haddii aan xeer adag loo samayn isimadda, kaas oo beelaha u qeexaaya tubta la doonaayo in ay qaadaan si looga fogaado sicirbararka Isimadda ku dhacay waxaa hubaal ah in markasta ay maamulka iyo Isimaddu labo waddo kala qaadayaan, mid maamulku waa ku saxsan yahay Isimo u dhigma Baarlamaanka Dawladda Federaalka meel la geeyo malahan, waxaa jirta aragti ah Isimadda iska lahaa ansixinta xubnaha galaya Golaha Wakiilada ayaa asal iyo marjac dhaqanka u ah, waxaase isweydiin mudan Beelaha qaar ayaa jira xubnoba aan ku lahayn Golaha Wakiilada, haddii aysan ku lahayn Isimkoodu talada dalka aragti kumalaha miyaa, waa arimaha u baahan in si wanaagsan loo qeexo, waxkastana caddaladda gundhig looga dhigo. Isimadii ku shirey Bosaso Todobaadkii la soo dhaafey isimo gaaraya 28 Isim oo dhamaantood ah kuwii gadaal ka samaysey ayaa Madaxweynaha Puntland dhaliil xoogan u jeediyey, isimadan xaq waa u leeyihiin in ay shiraan, dastuurka Puntland waxaa ku cad in qofku aragtidiisa xor la yahay isla markaana cabbiro karo si furan, haddii aanu ka shaqeyneyn nabadgelyo xumo, laakiin isimadan ma aqoonsan yihiin dastuurka Puntland haddii ay aqoonsan yihiin iyagu waa ka duwan yihiin dadka caadiga ah, marka hore shir aysan isimada oo dhan u dhamayn in magaca Isimada ay ku hadlaan daw maahayn, marka labaad doorka dastuurku siinaayo waa in ay arimaha dhaqanka ku ekaadaan iyo heshiisiinta beelaha, hawshii ay iska lahaayeen ayeyna maamulka ku eedeeyeen ee ahayd heshiisiinta beelaha, arinta ugu daran waxa ay ahayd iyaga oo ku dhawaaqey Shir deg deg ah la isugu yimaado kaas oo looga arinsanaayo aayaha Puntland, miyeysan taasi ahayn burbur iyo fawdo umadda loo horseedaayo. Jawaabta Isimada Soojireenka ah Isimada soo jireenka ah oo muddo dheer indhaha ka qarsanaayey ninka dhahaaya isimada Gobolka Bari ayaan afhayeen u ahay, oo afhayeenimadaas waxna ku taageera waxana ku canbaareeya in ay u jawaabaan gar iyo daw ayey ahayd, sababtuna waa qof aan ii hadal ku oran in aad ku hadasho magiciisa waa meel ka dhac, anigu makala faddilaayo oo ninwalba reer ayaa caano ku shubtey ama isaga ayaa caano isku shubey, laakiin haddii isimku ka soo talaabo arimihii Beeshiisa oo uu u soo talaabo arimaha guud waa lama huraan in jawaab laga baxshaa. Jawaabta Madaxweynaha & Kala doorashada hadalka Kadib markii warbaahinta uu ka hadley Suldaan sheegtey in uu afhayeen u yahay isimada Gobolka Bari ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo arintaas ka hadlaaya ku tilmaamey ninkii u hadley raggii eedeeyey Madaxweynaha in uu yahay nin argaggixisadu soo dirtey aabihiis iyo awoowgiisna aysan isin ahayn, argagixisaduna ay isimada gashey, hadalkaasi maahayn mid daw ah mana ahan hadal loo isticmaalo shacab aad madaxweyne u tahay, kala doorashada hadalkuna waa wax weyn, waxaa jira laba erey oo isku macne ah laakiin hadba kii aad doorato ay wax kuugu dhismi karaan ama kaaga dumi karaan, mid xun iyo mid wanaagsan, mucaarad iyo mu’ayidba Madaxweynuhu waxa uu yahay Madaxweyne, waa markii labaad oo ay arintaani dhacdo waxaa ka horeeyey Nabadoon Cabdicasiis Afguduud oo tuug lagu sheegay,Rabbi ha u naxariistee Cali Cilmi Afyare oo Bakheyl uu muddo dheer soo haybinaayey oo sooryo uu filaayey iska dhaafe soo dhaweyn ka waayey ayaa yiri: Waxba yaanuu ku siinee haddii uu ku hawili waayo; Oo hadalka kaan laga heshiin kuugu horeysiiyo; hah mawaad hureysaa allow lagu……..si kastaba ha ahaatee khudbad yar oo Madaxweynuhu ka jeediyey Masjid ku yaala Garoowe taas oo ku aadanayd bulshada ********iya ayaa daaweynteedi muddo dheer qaadatay, waana muhim in hoggaamiyuhu hadalka soo jiidashada, midnimadda iyo walaalnimadda ku dhisan uu markasta doorto, kana fogaado hadalka kaan laga heshiin. Nidaamka Xisbiyada Badan Sandkaynu joogno waa 12 guuradii Puntland, nidaamka beelaysan waa mid dhib iyo shiddo badan waa mid dib u socod ah, waa mid kii karti iyo aqoon lahaa dib u dhigaaya, qofwalba taariikhda waxbaa u gala oo ka hara, kooxda haysa talada waxay hastaan fursad weyn oo ay ku hirgelin karaan balanqaadkoodi ahaa in nidaamka Xiasbiyada badan Puntland laga hirgelinaayo, qofwalbana dhaxalka uu dadkiisa uga tago ayaa loo ayaa, waxaa la soo gaarey xiligii la hiigsan lahaa han sare, aduunka tegayna dhinac laga raaci lahaa. Digniinse waxaan u iri hadal yaroon ugu danbeysiiyay Gudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaaye Dusha waxaad ku qaadeen culays dayn ka xoog badane Dariiqaad fashaan baa hadhow laysku daadihine Haddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaane.…….(Waxaa tiriyey rabbi ha u naxariistee Afyare) Ismaaciil X.Saciid Editorial | ©2010 Horseed Media.
-
King jong il outfits are popular in puntland. Cade Muse Abdullahi Yusuf
-
Puntland President and Germany Foreign Ministry Delegation Meet May 14, 2010 | NEWS IN ENGLISH The president of Puntland State, H.E Dr. Abdirahman Mohamed Mohamud hosted in his office a delegation led by the Deputy Head of East Africa Division for the German Foreign Ministry Mr. Karsten Geier. Mr. Geier arrived on Thursday, 13th –May, 2010 in Puntland on a two-day official visit. The Purpose of this visit was to congratulate Puntland for the stability it has created in its territory and for its commitment to the creation of a strong federal system in Somalia. During the meeting, the President’s discussions with the visiting delegation covered a wide range of issues and all the discussed issues were agreed upon by the parties. Present at the meeting was the State Minister for Planning and International Cooperation, H.E Dr. Abdulkadir Abdi Hashi, the Chief of Cabinet Hon. Ali Barre and senior staff in the President’s office. The delegation also visited key ministries where they held discussions with the Minister of Education H.E Mr. Abdi Farah Juha, the Minister for Environment H.E Mr. Abdigani Elmi, the Minister of Health H.E Dr. Ali Abdullahi Warsame and the deputy Minister of Livestock and Animal Husbandry Hon. Abdiweli Hirsi Tomorrow, the delegation is expected to visit the Ministry of Public Works and Housing followed by a visit to the Ministry of Women Development and Family Affairs. Furthermore, the delegation will visit Non-state actors and institutions in Puntland including, Puntland Development Research Center (PDRC), Puntland State University, Garowe General Hospital and Garowe International Airport among other places. Mr. Karsten Geier will conclude his working visit to Puntland on Sunday.
-
Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Qaabilay Wefdi Ka Socdey Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Jarmalka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa galabta kulan la qaatey wafti heer sare ah oo ka socda dawlada Germany kuwaas oo soo gaarey magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland. Wasiirka Caafimaadku waxaa uu kulan la qaartey Ku xigeenka Kaaliyaha arimaha geeska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Ariamha dibadda ee Wadanka Germany waxaana ay ka wada hadleen arimaha Caafimaadka. Shirkan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, waxaana kulankan kasoo qaybgalay Wasiiru dawlaha xiriirka caalamiga ah ee Puntland C/qaadir Cabdi Xaashi, Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqaalaha Wasaaradda. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Karsten Diethelm Geier oo ah ku xigeenka Kaaliyaha Arimaha dibadda u qaabilsan Wasaaradda Arimaha dibada ee Wadanka Germany, Wasiirka Caafimaadka Puntland waxaa uu warbixin kooban ka siiyay Waftiga Germany isbadalada Wasaaradda ka socda iyo halka ay marayaan adeegyada Caafimaad ee guud ahaan Puntland iyo waliba baahiyaha dhanka Caafimaadka ee dalka ka jira, waxaana Wasiirku uu sheegay in dhibaatooyin badan oo dhanka Caafiamadka inay jiraan ayna ugu horeeyaan Dhakhaatiir la’aan iyo Cusbitaaladii waa weynaa oo aan badankood shaqeynayn. Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan ayaa waftiga usoo bandhigay qorshaha Wasaaradda ee dhanka Caafimaadka iyo dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka ee taagan ee u baahan in wax laga qabto. Wasaaradda Caafimaadka ee Dawlada Puntland ayaa dawlada Germany waxay ka codsatey inay wax kala qabato dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka ah ee dalka ka jira, lagana caawiyo sidii tabobaro loogu fidin lahaa dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Caafimaadka ee dalka iyo in la isku xiro hay’adaha dhanka Caafimaadka ka shaqeeya ee Germany iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Ku xigeenka Kaaliyaha geeska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arimaha dibadda ee Germany Karsten Diethelm Geier ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka soo dhaweynta diiran ee uu kusoo dhaweeyey Xarunta Wasaaradda Caafimaadka, sidoo kale waxaa uu u mahadceliyey Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xisri Xasan, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxaana uu tibaaxay inuu ka shaqeyn doono sidii uu isugu xiri lahaa Hay’adaha Wadankiisa [Germany] iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland, sidoo kale masuulkan waxaa uu balan qaadey inuu baahiyaha dhanka Caafimaadka ka jira inuu wax ka geysan doono uuna horgeyn doono xafiiskooda. Kulankan ayaa kusoo gabogaboobey jawi aad u wanaagsan, waxaana wasaaradda Caafimaadka ee dawlada Puntland ay wadaa qorshayaal ay ku doonayso inay ku dardargaliso hawlaha Caafimaadka, iyadoo Wasaaraddu isku wada raadinta xiriirka dibadda iyo ka shaqeysiinta Cusbitaalada iyo goobaha Caafimaadka ee dalka, wasaaradu sidoo kale waxay wadaa qorshe ay kula xisaabtamayso Hay’adaha iyo Ururada dhanka Caafimaadka ka shaqeeya ee dalka ku sugan. Wasaaradda Caafimaadka Puntland Xafiiska Garowe.
-
Djibouti Recognises Kosovo Pristina | 12 May 2010 | Petrit Collaku Kosovo Foreign Minister Skender Hyseni has confirmed that the Republic of Djibouti has recognised Kosovo’s independence. Djibouti’s embassy in France sent a diplomatic note to Kosovo’s embassy in France with the message that "the Republic of Djibouti has taken the decision to recognise Kosovo’s independence". Hyseni thanked Djibuouti Foreign Minister Mahmud All Youssouf and expressed Kosovo’s readiness to establish diplomatic relations between the countries. Djibouti is a country in the Horn of Africa, bordered by Eritrea, Ethiopia, and Somalia. It has some 800,000 inhabitants. Djibouti gained independence from France in 1977. Djibouti is the 68th country to recognise Kosovo.