Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Dowlada somaliya oo War saxafadeed ka soo saartay Dagalka Buhoodle ee ciidamada Ethopianka dulaanka kuwadaan May 21, 2010 – Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo ku sugan Abudhabi, UAE, ayaa saxaafadda kala hadashay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle. Xildhibaanka oo ku hadlaysay magaca Golaha Baarlammaanka Badbaadinta Soomaaliyeed ayaa hadalladeeda waxa ka mid ahaa, “Dagaalka ciidammada Itoobiyaanku ku qaadeen Buuhoodle waa gardarro aan geed loogu soo gabban. Wiilasha yaryar ee calankii Soomaaliya wata ee leh annagu Soomaali baannu nahay, in lagu dilo mabda’oodu waddaninnimo waa xaq darro. Dagaalka Itoobiya iyo Somaliland ku qaadeen dadka reer Buuhoodle, raalli kama nihin, waxan ugu baaqaynaa inay Itoobiya iyo Somaliland ciidammadooda kala laabtaan Buuhoodle. Caalamka waxan la socodsiinaynaa in masuuliyiinta Itoobiya ay masuul ka yihiin wixii meesha ka dhacay, waxanna ka codsanaynaa ha’aydaha gargaarka in daryeel bani’aadiminnimo loo fidiyo dadkii ku tabaaloobay iska-hor-imaadka oo weli socda.” ayay tiri. “Daahir Riyaale ma doonayo in doorashooyin ka dhacaan meeshuu joogo wuxuna rabaa inuu dadka ku mashquuliyo dagaal, waana sababta uu ciidammadiisa u geeyey Widhwidh iyo Buuhoodle. Waan la soconnaa siyaasadda gurracan ee ku salaysan iska-horkeenka iyo kala geynta,” ayay raacisay. Waxa kale oo Xildhibaanaddu ka hadashay hadalkii Faysal Cali Waraabe uu saxaafadda siiyey ee ahaa, “Sool iyo Sanaag iyo Cayn annagay naga mid yihiin…” Hadalkaa ayay xildhibaanaddu ku sheegtay inuu yahay meel ka dhac, dadkuna yihiin beelo, sida fadaraalka u degganna gobol waliba iskii isu maammulo. “Faysal beel buu ka dhashay, beel kale ayuu rabaa inuu ku duulo, waana la is yaqaannaa, waxan leeyahay gardarrada qaawan looma dul qaadan doono, nabaddana dhankiinna ilaaliya ayaan u soo jeedinayaa. Dagaalka Buuhoodle oo laba geesood lagu sheegay: Dhan ciidammada Itoobiyaanku kaga soo duuleen, iyo dhinaca kale oo Somaliland kaga soo duushey, ayaa la sheegayaa inuu ilaa hadda socdo. Dad fara badan ilaa dhawr iyo toban qof ayaa ku qudh baxday, oo labada dhinacba ah, dhaawucuna waa tira badan yahay. Dagaalka ayaa salka ku haya dadka degaanka Cayn oo diiday in waxaan Soomaalinnimo ahayn dalkooda la keeno
  2. Wasiirka amniga ee Puntland Jen.Yuusuf Axmed Kheyr oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Buuhoodle Posted to the Web May 21, 21:03 Garoowe:-Wasiirka amniga ee Puntland Jen.Yuusuf Axmed Kheyr ayaa caawa markii ugu horaysay waxaa uu ka hadlay dagaalka maanta ku dhexmaray gudaha magaalada Buuhoodle dadka shacabka ee ku dhaqan halkaas iyo ciidamo Itoobi yaanah oo isbaaro gawaari ay leeyihiin dadka degan Magaalada Buuhoodle. Wasiirka aminga dowlada Puntlland Jen.Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waraysi uu siiyey Idaacada BBCee afka Soomaaliga waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay dagaaka ka dhacay Buuhoodle waxaan uu ugu baaqay dowlada Itoobiya in ay xakamayso ciidankooda dibna uga saarto ciidanka magaalada Buuhoodle. Wasiirka Amniga ee Puntlland Jen.Yuusuf Axmed Kheyr ayaa waxaa uu sidoo kale ugu baaqay in dadka shacabka is dajiyaan lana joojiyo dagaalka isagoo sheegay in ay aqoon sababta ay dowlada Itoobiya ciidankeeda u soo galay halkaas iyada oo Puntlland iyo itoobiya uu ka dhexeeyo xiriir fiican. Wasiirka Amniga ee dowlada Puntlland Jen Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ay hayaan in ciidanka Itoobiya xayireen gurmad u socday Widh Widh oo ay soo galeen ciidamo daacad u ah S/land . Wasiirka amniga ee dowlada Puntlland Jen .Yuusuf Axmed ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dagaalka dadka ku dhinteen ee maanta ka dhacay magaalada Buuhoodle waxaan uu sheegay in Dowlada Puntlland ay odayaal iyo waxgarad u xilsaartay sidii loo dajin lahaa xaalada ka aloosan Buuhoodle. M_M_Deeq Halgan.net
  3. Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland oo Ka Hadlay dagaalkii Buuhoodle May 22, 2010 Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabo Bashiir Cabdicasiis Cumar(liilan) ayaa maanta Shir Jiraa’id ku qabtay xarunta Baarlamaanka kaga hadlay dagaalkii maalintii shalay ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Ceyn. Xildhibaanka ayaa sheegay inuu si aad ah uga xunyihiin dhibaatooyinka ka dhacay magaalada Buuhoodle taas oo ay ka dambeeyeen siduu sheegay maamulka Somaliland oo u sheegay in ay kasoo duuleen halka la yiraahdo Daroor isagoo sheegay in ay jawaab ku sugayaan Dowladda Itoobiya. Wuxuu sidoo kale sheegay in xasuuqa lagu sameeyay dadka shacabka ah ee degmada Buuhoodle ay isaga kaashadeen maamulka Somaliland iyo maamulka Daroor,siduu hadalka u dhigay. Xildhibaan Bashiir ayaa xusay in maamulka Somaliland ay joojiyaan sanaadiiqda ay ku wadaan suuqa hadii aysan joojina ay suuqa ay is arkayaan taasina meesha ay ku danbaynayso ay og yihiin maamulka Somaliland. Xildhibaanka ayaa ugu danbayntii ku baaqay in maamulka Somaliland uusan khal khal galin Amniga ka dhexjira deegaanada Soomaaliya ka xasiloonaa hadii ay sii wadan ay nabada hada lagu wada noolyahay ay meesha ka baxayso. Waa markii ugu horeysay Mudane ka tirsan Baarlamaanka Puntland uu ka hadlo dagaalkii shalay ka dhacay degmada Buuhoodle ee u dhaxeeyey Ciidamo Itoobiyaan ah iyo dadka degaanka. Dagaalka ayaa waxaa ku dhintey inka badan 10-qof oo rayid ah,wuxuuna dhaawaca kor u dhaafaya 33-qof. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
  4. Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynaha Dalka Turkiga oo Wada Kulmay (Sawiro) Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada istanbul ee dalka Turkey, halkaas oo uu ka furmay shir caalami ah oo looga hadlaayo dib u dhiska Soomaaliya, ayna isla qaban-qaabiyeen dowladda Turkey iyo Qaramad Midoobey. Isla galabta, Madaxweynuhu waxa uu kulan dheer la galay Madaxweynaha Turkey Abdullah Gul, isaga oo war bixin dheer ka siiyey xaaladda amni, midda siyaasadeed iyo tan nololeed ee Soomaaliya, dhanka kalana uga warramay himilooyinka dowladda ku meel gaarka ah iyo waxa ay ka rajeyneyso shirkan caalamiga ah iyo dowladda Turkiga. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu codsaday in ay xaaladda taariikhiga ah ee Soomaailya ay maanta ku jirto uu dalka Turkey ka istaago mowqif taariikhi ah. Madaxweyne Abdullah Gul oo kulan dheer la qaatay wafdiga ayaa Madaxweynaha xog-waraysi dheer ka weydiiyey arrimaha Soomaailya, iyada oo weliba, kolkii kulanka labada dhinac uu dhammaaday uu Madaxweyne Abdullah Gul codsaday in ay gooni isku haraan Madaxweynaha Soomaaliya iya isagu. Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee kulanka galabta ka qayb galay waxaa ka mid ahaa, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Tacliinta Sare, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha,Xildhibaan Cumar Idriis, Madaxa Xafiiska Madaxtooyada iyo Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada. Email: media@sompresidency.org
  5. Duke is your wife from that somaliland? why are you always so soft on them? Sxb its ppl like you who bend over backwards to please those cuqdad filled losers. Buhoodle has been invaded, they didnt call these invaders to come like the las anod issue this was clear breach done by the seccessionists. I cant stand people like you always soft on the seccessionists, go and join the farole and his wife club PUNTLAND DOESNT WANT NOTHING TO DO WITH THOSE LOSERS IN HARGEISA. Why are we being forced? We should give them karbash like aideed was done in galkayo. Seccessionist and usc are no different get it thru your head sxb
  6. Duke what is this garbage, noone is calling for violence? So how do you respond to someone that is attacking your borders? Violence is necessary to defend yourself. Somaliland has attacked puntland territory and it's time puntland responds back!!!
  7. I have to agree with duke on that. Puntland has failed the people of ssc and it's time farole ges his act together or start packing up and head back to Australia!!! These somaliland people need to feel the full force of puntland forget if they were victims of 88 or other victim cards they love to use to hold somalis as hostage. Unfortunately I think farole wife properly has brainwashed our leader and now he serves more the hargeisa case then puntland which elected him!!!! I think it would be wise move to dissolve this government and pass the government to the isims who are "indepedent" from puntland and organize a new government!!!
  8. War deg-deg ah: Dagaal Ka Dhacay Buuhoodle May 21, 2010 Waxaa maanta abaarihii 12:00 duhurnimo dagaal ka qarxay magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn, dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo todobaad ah halkaas ku sugnaa, iyo shacabka reer Buuhoodle. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa xanibaad ku soo rogey dhamaan gawaarida halkaas ku sugneyd kuwaas oo safarkoodu ku wajahnaa qaybaha kale ee Soomaaliya, waxayna fasaxayeen kuwa u baxaayey dhanka Burco. Wararka hadda ka soo baxaya halkaas ayaa sheegaya in dagaalka ay bilaabeen ciidamada Itoobiyaanka, waxaana ka hortegay shacab hubeysan kuwaas oo diidanaa in ciidooda dawladda Itoobiya ku maamusho. Ma cadda weli khasaaraha dhabta ah ee halkaas ka dhashey, waxaa warar hordhac ah sheegayaan in ciidamada Itoobiyaanku halkaas ay ka geysteen xasuuq ayna ku garaaceen hub culus xaafadaha shacabka, waxaana goobjooge ku sugan Buuhoodle warbaahinta u sheegay in uu arkey ilaa sadex qof oo meyd ah. Xirriro aan la samaynay degmada ayaa inoo surtagali weyday sababo Isgaarsiinta oo go’aan,waxaana aan la aqoon sababaha keentay in Isgaarsiinta la jaro. Xarunta gobolka Cayn ee Buuhoodle ayaa ahayd mid ka nabad gashey dagaalada, waxaana shacabka Buuhoodle ay ahaayeen kuwo samaystey nabad isla markaana cod dheer ku sheegay in ay yihiin Puntland. Maamulka Puntland ayaa diidey in ay ka hadlaan ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafey, shirkii u danbeeyey ee Golaha Xukuumadda ayaanba lagu soo qaadin sida uu wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiqani Salaad Gurey Horseed Media u sheegay. Guddoomiyihii Buuhoodle oo maalintii shalay si kedis ah u dhintey Xuseen Ducaale ayaa arintan aad uga digey waxaana uu ugu baaqey ciidamada Itoobiyaanku in ay halkaas isaga baxaan, waxaa uu ka digey in dagaal dhici karo, shacabkuna aysan u adkeysan karin in lagu maamulo guryahooda isla markaana la xanibo dhamaan gawaarida halökaas ku sugneyd. Dhegayso Waraysigii u danbeeyey ee Horseed media la yeelato Marxuumka oo ka hadlaaya ciidamada itoobiyaanka dhegayso: Dagaalka ayaa ah mid weli socda wixii ka soo kordha wararkayaga danbe ayaan ku soo gudbineynaa Horseed Media News Desk Listen to the wareysi here HM
  9. Abtigis killing amhara's is an option but the whole point of having a war is so you can hurt your enemy and at the same time put the advantage to your side!!! Killing 1 amharic soldier when their is another 100,000 soldiers to deal with is not big loss for them. Just do your calculations!!! But if the onlf wants to remain on the war-path then it would be good idea to team up with the oromo's at least then you have the numbers to challenge addis ababa. I prefer the onlf lay down it's arms, sign a ceasefire agreement and get top posts within the ethiopian government. Preferrably posts dealing with somalia. Its better u rule somalia from addis ababa and influence who is president of somalia which can benefit your people alot more because all somali politicians will be promising to build jubba, to give ur ppl kismaayo, and etc etc etc. Either way today we all under ethiopians 1 way or another, the question is when will you start taking advantage of the situation and put yourself in the leading seat? Your ppl being based in ethiopia already gives u strategic position that other somalis dont have!!!
  10. Nomad, no election will happen, riyale is already building up his reasons why elections can't be held. SSC threat, Puntland Threat, He even docking down new shillings.
  11. Gaalkacyo: 5 sanno jir Talyaani oo 800 Dolar ugu deeqay Isbitaalka Gaalkacyo & Dhaqaatiirta oo bixin doona waqtigooda.... 21. maj 2010 APL Tool Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu *** Email Print This Article | Daabaco warkaan Gaalkacyo(AllPuntlabnd)- Isbitaalka Gaalkacyo oo gaaray meeshii ugu xumayd ee abid uu cagta dhigo, ayaa hada ladoonayaa in wax laga qabto, waxaana maalmihii ugu dambeeyey ee socday dadaalo adag oo ku wajahan dhismaha Isbitaalka guud ee gobalka Mudug, oo xirnaa wixii ka dambeeyey markii laga cayriyey Hay'adi gacanta ku haysay ee MSF-Holand. Dhaqaatiirta gobalka Mudug ayaa ka qiray gudaha madal looga hadlayay xaaladaha Isbitaalka in ay waqtigooda ku bixin doonaan Cusbitaalka in ay dadka ku qaabilaan, loogana baahan yahay dhamaanba dadweynaha in ay qeyb wanaagsan ka qaataan dhismaha hada la bilaabi doono. Gudoomiyaha gudiga dhaqaatiirta ee gobalka Mudug Prof, Maxamed Jaamac Salaad oo mudo dheer ka soo shaqeynayay xaaladaha Isbitaalka Gaalkacyo, ayaa sheegay in uu mudo dheer ku raad joogay waxka qabashada Isbitaalka, balse aysan suuragalin markii ay jireen xaalado badan oo wax loogu dhimayay Isbitaalka. Prof, Maxamed Jaamac oo caan ku ah arrimaha neerfayasha ahna dhaqtarka kaliya ee jooga Soomaaliya, ayaa sheegay in uu mudo dhan 10 sanno joogay Isbitaalka, mar kastana uu keenayay adeegyo caafimaad, laakiin adeegyadiisii oo dhan ay noqdeen kuwa aan waxba tarin, markii lugu shaqeyn waayay. Dhaqtar ayaa soo bandhigay arrin dadkii gogosha fadhiyey oo dhan ka fajacisay oo ahaa in Wiil udhashay dalka Talyaaniga, markaasna jira 5 sanno oo kaliya, waalidkiisana ay siiyeen 800 Dolar, ayna ugu talagaleen in uu ku sameysto xaflad sannad guuradiisii dhalashada, ayaa usoo diray Isbitaalka Gaalkacyo, markii uu arkay xaaladaha murugsan ee uu ku sugan yahay Isbitaalka Gaalkacyo. Isimada gobalka Mudug, Madaxda dawladda, Ganacsatada iyo Aqoonyahanada ayaa balan qaaday in ay sida ugu dhaqsaha badan u aruurin doonaan aduun gaaraya 400,000 Dolar, taas oo lugu dhisayo Isbitaalka Gaalkacyo oo ay dhisme ugu dambeysay sannadkii 1935-tii. 400,000 Dolar ayaa dhowraysa in ay bixiyaan dadka udhashay gobalka Mudug, maadaama ay lamahuraan tahay in ay Gaalkacyo hesho adeegyo caafimaad oo xor ah, markasna aysan cidna cid ka xigin, waxaana looga fadhiyaa Bulshada Mudug in ay dhisaan Isbitaalka Gaalkacyo. F. C. Maxamed AllPuntland
  12. This is a very good video of the important health services being carried out by msf team in galkayo!!! You can watch the video here MSF
  13. Somalia: Tropical Storm Alert for Puntland Source: Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) Date: 20 May 2010 Heavy rains in Bari region as tropical storm passes the Horn of Africa During the last 24-hours a tropical storm has developed in the northern Indian Ocean and hit the north eastern parts of Somalia (Puntland). Currently the storm is bringing strong winds and heavy rains along the coastline of Bari region (Figure). The storm is expected to move away from the coastline towards the northwest direction into the Gulf of Aden. The storm is expected to diminish by May 22nd, 2010. The rains are however expected to extend inland in the next 12 hours with moderate winds. Therefore, it is advisable to stay in doors and take the necessary precautions since these winds might lead to destruction of weak structures. Flash floods are also foreseen in the coastal towns on Bosasso, Qandala and Caluula. SWALIM and partners are monitoring the situation and will update you accordingly. For more details on rainfall and cyclone tracking you can consult: http://www.cpc.noaa.gov/products/fews/CYCLONES/nindian.shtml
  14. Nuune, lol at what? The fact of on the ground is very clear for even the most naive of persons. Without local support in mogadishu no government will work!!! No matter how many times we try to install a government it just won't work without the support of the locals. The question is rather then saying this person was right or that person was wrong is pointless because we are still stateless regardless who is right and wrong. We need to get out of this statelessness that we are in and then maybe we can start talking about who is right and wrong!!! Right now Somalia needs a government, thats all it needs it doesn't need to revisit old wounds or clan card or religious card!!! People are dying for nothing today over there. I personally just want to see a Government that is effective and can bring law and order to the nation, If that person is from my clan wonderful, if that person is not from my clan then I am prepared to swallow my pride and support whatever government that can make somalia be nation again!!! But the last thing I dont want to see is the current stalemate we have been in for the past 20 years because noone wins we all lose at the end of the day except a few people at the top of the pecking order who make profit out of it!!!
  15. Abdullahi Yusuf was right on some Issues such as federalism but he was dead wrong on bringing ethiopians!!! At the end of the day abdullahi doesnt have local support in hamar and when all is said and done for any government to be successful they need local support in hamar PERIOD!!!
  16. Xildhibaan Caasho Cabdalle: Waxaan Codsaneynaa Wasiirada Musuqmaasuqa Loo Heysto inaysan Dalka Ka Bixin (Sawiro & Dhageysi) Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalle oo xubin ka ah guddiga Maaliyada, lacagta iyo ilaalinta hantida ee barlamanka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xeer ilaalinta ka codsaneyso in safarada dibada laga joojiyo illaa 10 wasiir oo ka tirsan dowlada ku meel gaarka Soomaaliya. Xildhibaanada oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay eedeyn shaley guddiga maaliyada ee barlamanka u soo jeediyeen xubno ka mid ah wasiirada dowlada ku meel gaarka ah kuwaasi oo lagu eedeeyey lunsi hanti qaran. Caasho Axmed Cabdalle waxay sheegtay in warqada eedeynta wasiiradaasi loo gudbiyey xeer ilaalinta guud isla markaana uu saxiixay ku simaha gudoomiyaha guddiga maamilyada xildhibaan Maxamed Axmed Woosh. Iyadoo intaasi raacisay in xeer ilaalintu ay si deg deg ah u baarto waxyaabaha lagu soo eedeeyey wasiiradaasi. Caasho waxay sheegtay inay ka codsaneyso xeer ilaalinta, hanti dhowrka iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh baaritaanka inay xayiraad ku soo rogaan xubnahaasi inta baaritaanku socdo oo laga joojiyo inay wax safar ah dalka uga baxaan. Waxay sidoo kale xildhibaanadu ku baaqay in baaritaanka ka dib masuuliyiintaasi dembiyadooda lagu qaado lana marsiiyo wixii sharcigu ka qabo isla markaana laga mamnuuco inay wax xil dambe ah u qabtaan ummada. Hadalka xildhibaanada ayaa ku soo beegmay iyadoo guddiga maaliyada ee barlamanka oo baaritaan mudo dheer soo waday ay shaley ugu dambeyn xeer ilaaliyaga guud ee qaranka u gudbiyeen dukumiti dheer oo ay ku qoran yihiin illaa 10 ka mid ah wasiirada dowlada kuwaasi oo lagu eedeeyey lunsi hanti qaran. Dukumintigaasi waxaa sidoo kale loo gudbiyey madaxweynaha iyo hanti dhowrka guud ee dowlada. Lama oga sida ay dacwadan ku dhamaan doonto iyo sida ay ku fuli karto codsiga xildhibaanada ee ah in masuuliyiin haatan xilal haya safarada laga xayiro. Waxaana xusid mudan in weliba xilligan ay dowladu ku jirto shaqaaqo siyaasadeed oo dhexdeeda ah iyo iyadoo aysan dowladu wada maamulin dalka oo dhan oo aan la kontorooli karin safarada dadka la eedeynayo. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho dhegayso here http://www.raxanreeb.com/?p=49803
  17. Xildhaabanada Baarlamaanka Federaalka oo u hanbalyeeyay Raysalwasaare Sharmarke May 20, 2010 Kadib markii Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dib uga laabtay go’aankii uu ku kala dirayay Xukuumada uu hogaaminayo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa waxaa si weyn looga dareemay qeybaha kala duwan ee Dowladda, gaar ahaaana Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Xarumaha Wasaaraddaha iyo Baarlamaanka. Xildhibaanadii ugu faraha badnaa ayaa soo buux dhaafiyay guriga Ra’iisal Wasaaraha iyagoo si weyn ugu hambalyeeynayay Ra’iisal Wasaaraha oo isaguna ay wajigiisa ka muuqatay farxad aad u weyn. Xildhibaano uu ku jiray Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlaamaanka Xaaji Shukri Sh. Axmed ayaa si weyn ugu hambalyeeyey waxaana sidoo kale soo buux dhaafiyay xafiiskiisa Golihiisa Wasiirada oo iyagu muujiyay inay aad ugu faraxsan yihiin go’aankan madaxweynaha ee ka laabashada kala diristii Xukuumada iyadoo sidoo kalena uu joogay Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ahaa Guddoomiye kuxigeenkii 2-aad ee Baaralamaanka. Guriga uu degan yahay Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa hal mar si wada jir ah loo soo buux dhaafiyay, waxaana jiray agaasimeyaal xoghayeyaal joogto, safiiro, Siyaasiyiin iyo waxgarad fara badan oo iyaguna hambalyada qeyb ka ahaa. Sidoo kale, dhamaan shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa iyaguna marxabeeyey si wada jir ahna ku yiri “Ra’iisal Wasaare jir oo joog”. Dhinaca kale, arrinta ayaa ah mid soo afjareysa khilaafkii ugubka ahaa ee soo jiray todobaadyadii ugu dambeeyey taasoo la dhalatay khilaaf soo kala dhex galay guddoonka Baarlamaanka iyo Xukuumada Ra’iisal Wasaare Sharmarke. Garaad Salaad Xirsi E-mail: garaadcadde@hotmail.com
  18. Shariif oo ka laabtay go'aankiisi Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka noqday go'aankii uu hore u sheegay in uu xilka uga qaaday Ra'iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo xukuumaddiisa. Waxay ka dambeysay ayuu yiri in uu la tashaday sharci yaqaanno iyo mudanayaal baarlamaanka. Maalmihii ugu danbeeyay ayaa khilaaf iyo go'aamo is burinaya ay ka soo baxayeen masuuliyiinta ugu sareysa dowladda KMG ah. Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Sharmarke, ayaa isagu horey ugu gacan seyray shaqo ceyrintiisa oo uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay maalintii Isniinta. Madaxweyne Shariif ayaa daba joogay go'aan uu Guddoomiyihii Baarlamaanka, Shiikh Adan Maxamed Nuur, uu saxaafadda u sheegay Axaddii oo uu yiri dowladdii wey dhacday, waxaana riday baarlamaanka. Taa waxaa ku xigtay in Adan Maxamed Nuur uu maalintii ku xigtay shir jaraa'id Madaxweynaha ay wada qabteen uu ku sheegay in isagu xilkiisii iska casilay. Madaxweyne Shiikh Sahriif Shiikh Axmed wuxuu kolkaa sheegay in xukuumadda la kala diray oo uu soo magacaabi doono Ra'iisal Wasaare cusub. http://www.bbc.co.uk/somali/news/story/2010/05/100520_madaxweyne_shariif.shtml
  19. C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynihi hore ee Somalia ayaa ugu baaqay Shariif iyo Sharma'arke inay ku dhaqmaan axdigii ay ku soo dhaarteen. Madaxweynihii hore ee dowladdii TNG, C/Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay khilaafka ka dhexjira madaxda dowladda KMG ee Somalia. C/qaasin, wuxuu nasiib darro ku tilmaamay is-afgaran waaga u dhaxeeya madaxweyne Shariif iyo ra'iisul-wasaare Sharma'arke oo uu sheegay inuu yahay mid aan loo baahnay, wuxuuna ugu baaqay labadooda inay akhriyaan oo ay ku dhaqmaan axdiga KMG ee Somalia ee ay ku soo dhaarteen. Madaxweyne C/qaasim mar uu ka hadlayay sida uu arko xal loo helo mushkilada Somalia, wuxuu soo jeediyay in shirweyne guud lagu qabto dalka gudihiisa, kaasoo ay isugu yimaadaan odoyaasha iyo cuqaasha kala duwan ee beelaha Somalida, kuwaasoo uu sheegay inay guullo ka gaadhi karaan xaallada Somalia. C/qaasim Salaad Xasan, wuxuu mas'uuliyada dhibaatada Somalia korka uga tuuray, siyaasiyiinta Somalida iyo waliba wadamo uu ku sheegay inay ka mid yihiin Ethiopia iyo Mareykanka oo uu xusay inay sii horuniyaan dagaallada Somalia. Wareysiga madaxweynihii hore ee Somalia C/qaasim Salaad Xasan qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso. VOA
  20. Shixnado Lacag Cusub ah oo Dhawaan Ku Soo Fool Leh Somaliland (Warbixin) Hargeysa (RBC Radio) Warar laga heley ilo wareedyo xasaasi ah ayaa sheegaya in shixnad lacag cusub ah oo dibada lagu soo daabacay ay ku soo fool leedahay degaanada Somaliland toddobaadyada soo socda. Ilo wareedkan oo ka gaabsaday in la xigto ayaa u sheegay Shabakada RBC in shixnadaasi lacagta oo shilinka Somaliland ah ay ku soo fool leedahay magaalada Berbera ee maamulka Somaliland halkaasi oo laga soo dejin doono garoonka diyaaradaha ee Berbera. Waxaana haatan socpota qabanqaabada sidii lacagtaasi loogu warejin lahaa maamulka. Sababta loogu doortay in lacagta laga soo dejiyo garoonka Berbera ayaa ah si aan loo ogaan marka ay lacagta soo degeyso, sidaasi darteedna saraakiisha madaxtooyada Somaliland ayaa go’aamiyey in lacagtan ay ka soo degto Berbera ka dibna gawaari lagu galiyo Hargeysa. Sida ay tilmaameyso xogtan ay na siiyeen dad wargal ah oo lagu kalsoonaan karo waxaa lacagtani ay gaareysaa illaa 50 Bilyan oo shilinka Somaliland ah, taasi oo ay leedahay dowlada Somaliland, sida lagu cadeeyey dalabkii lacagta lagu daabacay. Sarkaal sare oo ka ag dhow xukuumada Somaliland oo naga codsaday inaan magaciisa shaacin ayaa noo xaqiijiyey in diyaarad sida lacagtaasi lagu wado inay soo gaarto garoonka Berbera 28ka bishan May 2010. waxaana la filayaa in lacagtaasi la galiyo magaalada Hargeysa. Lacagtan cusub waxaa lagu soo daabacay dalka Indonesia waxayna qeyb ka tahay heshiis ay wada galeen shirkad laga leeyahay Indonesia iyo dowlada Somaliland, sida xogta ay tilmaameyso. Ma cadda sababta lacagtan loo soo daabacay hase yeeshee waxaa warar xog ogaal ahi sheegayaan in dowlada Somaliland ay qorsheyneyso inay lacagtan u adeegsato doorashada soo foolka leh ee lagu wado inay dhacdo 26-ka Jube sida lagu madaleeyey. Xukuumada Somaliland ayaa ka gaabsatay inay gabi ahaanba wax tafaasiil ah ka bixiso lacagtan cusub. Masuuliyiinta bangiga dhexe ee Somaliland ayaa markii wax laga weydiiyey waxa ay ka og yihiin lacagtan ayaa sheegay inaysan la socon oo ayan wax war ah ka heyn lacagtan cusub ee ku soo fool leh Somaliland. Qaar ka mid ah xisbiyada mucaarada masuuliyiintooda ayaa cambaareeyey keenista lacagtan cusub iyagoo ku tilmaamay mid xisbiga UDUB ee xukuumada ay ku doonayaan inay ku xadaan codadka doorashada soo socota. Gudoomiyaha UCID Feysal Cali Waraabe oo isaguna maanta ka hadlay ayaa dadweynaha ugu baaqay inaysan codadkooda iibsanin oo ay taasi khiyaano tahay. Dhinaca kale dadweynaha ayaa ka walaacsan in lacagtan cusub ay dhaqaalaha wax u dhimi doonto iyadoo laga cabsi qabo in miciishada caadiga ah ay kor u kacdo haddii ay lacagtan soo gasho magaalooyinka.
  21. Guddiga Maaliyada ee Barlamanka KMG oo Xeer Ilaalinta Guud u Gudbiyey Liiska 10 Wasiir oo Lagu Eedeeyey Musuqmaasuq Muqdisho (RBC Radio) Guddiga Maaliyada, Lacagta iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ayaa maanta soo gudbiyey liis ay ku qoran yihiin magacyada 10 Wasiir oo ka tirsan xukuumada ku meel gaarka kuwaasi oo loo gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee dowlada. Maxamed Axmed Woosh oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga M,aaliyada iyo ilaalinta hantida ahna ku simaha gudoomiyaha ayaa sheegay in qoraalkaasi uu gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isla markaana dhowaan go’aan laga gaari doono. Liiskaasi loo gudbiyey xeer ilaaliyaha ayaa qeexaya eedeymo lunsi lacago, hanti dowladeed iyo qalab kale oo ay ku keceen illaa 10 wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada ee hadda ku jira xukuumada. Kuwaasi oo la sheegay inay dano dhaqaale doon ah u rogeen hawshi loo dhiibay isla markaana ay si xatooyo ah u qaateen hanti ummadeed. Haddaba wariyaasha RBC Radio oo isku dayey inay wada helaan magacyada 10 ka wasiir eek u qiran liiskaasi ayaa waxaa noo suurtagashay inaan qaarkood helno, waxaana ka mid ah; 1- Wasiirka Maaliyada ahna raisul wasaare ku xigeenka; Shariif Xasan Sheekh Aadan 2- Wasiirka Lacagta; Eng C/raxmaan Yariisow 3- Wasiirka kaluumeysiga ahna raisul wasaare ku xigeenka; C/raxmaan Aadan Ibbi. 4- Wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka; Madoobe Nuunow Maxamed. 5- Wasiirka Jaaliyadaha C/laahi Axmed Ashari 6- Wasiirka gaadiidka; C/risaaq Juriile Wasiirada iyo kuwo kale oo aaney noo suuragalin ayaa sida ku qoran dukumitiga maanta loo gudbiyey xeer ilaaliyaha guud waxaa lagu eedeyey inay magaca wasaaradaha ay maamulaan ku lunsadeen hanti qaran. Waxyaabaha qoraalkaasi lagu qeexay waxaa ka mid ah lunsi lacag caddaan ah (cash), gaadiid, viisooyin iyo safato dibada ah oo loo bedelay ab ganacsi iyo arimo kale. Wasiiradan qaarkood ayaa horey loogu xusay warbixin bishii March ee sanadkan ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan cunaqabateynta hubka Soomaaliya, waxaana warbixintaasi ay si cad u cadeysay inay wasiiradaasi ku keceen musuqmaasuq iyo hanti lunsasho. Guddiga maaliyada ee barlamanka ee soo gudbiyey warbixintan ayaa codsaday in si deg deg ah loo baaro eedeymahan ka dibna maxkamd la soo taago dhamaan xubnaha wasiirada ah ee eedeynta loo soo jeediyey. Waxaa xusid mudan in warbixinta ay xitaa kujiraan musuqmaasuq yo falal boob ah oo dhacay xilligii dowladii C/laahi Yuusuf oo ay galeen masuuliyiintii xilligaasi wasaaradaha joogay oo qaarkood hadda joogaan. Isla qoraalkan ayaa nuqulo ka mid ah waxaa isla maanta guddigu u gudbiyeen maxkamada sare, bangiga dhexe, hanti dhowrka guud iyo madaxweynaha. Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Soomaaliya C/laahi Daahir Barre aya sheegay in qoraalkaasi uu kala tashan doono hanti dhowrka guud ka dibna la bilaabi doono baaritaan. Eedeymahan ay ka dhawaajiyeen guddiga maaliyada iyo dabagalka ee barlamanka ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf xoogan uu u dhexeeyo madaxda sare ee dowlada isla markaana uu muran ka taagan yahay jiritaanka xukuumada ay wasiiradan ka tirsan yihiin. Si kastaba waxaa la eegayaa halka ay dacwadan ka dhanka ah 10 wasiir ku dambeyn doonto.
  22. Pictures of the heavy rain that hit bari can be seen here http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/22942 Plus theirs reports of a cyclone to hit the bari region today carrying 40km gusty winds!!! Lets hope it doesnt cause to much damage!!! Duufaano Kusoo Fool leh degaano ka tirsan Puntland May 19, 2010 Gudoomiyaha gobolka Karkaar Cabdi Quraan Maxamed Aadan oo u waramaayay Horseed Media ayaa sheegay in duufaano dabaylo wata ay kusoo fool leeyihiin degaano ka tirsan Puntland gaar ahaan Caluula iyo Xaafuun oo ku kala yaalla gobolada Karkaar iyo Bari. Waxaa uu intaasi ku daray in duufaanadaasi saamaynta ugu balaaran ay ku yeelan doona gobolka Karkaar isagoo sheegay in digniino ay gaarsiiyeen maamulada degmooyinka la sheegay in duufaanadaasi ay kusoo wajahanyihiin. ”Waxaa maamulka gobolka soo gaarsiiyey xog taasi Hay’adda HADMO oo masiibooyinka qaabilsan Puntland,waxaana dabaylahaasi ay jarayaan saacadii 40-KM”,ayuu yiri. Gudoomiyaha ayaa uga digay kaluumaysatada in ay u kaluumaysi doontaan Badda laga bilaabo 20-ka Bishaan aan ku jirno ee May. Sanadii 2004-ti Bishii December ayay ahayd markii degaano ka tirsan gobolka Karkaar gaar ahaan Xaafuun ay ka dhaceen dabaylihii Tsunaamiga loo yaqaanay taas oo halkaas ka geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal. Horseed Media
  23. XUSUUSTA RAXANREEB: Madaxweynaha Xilka Kama Qaadi Karo Raisul Wasaaraha (Condoleezza Rice Dec, 16 2008) [sawirka: Condoleeza Rice oo 16 Dec 2008 ka hadashay xilka qaadistii Nuur Cadde] Iyadoo ay haddaba taagan tahay dooda ku saabsan xilka qaadista madaxweynaha dowlada Soomaaliya ee wasiirka koowaad [raisul wasaaraha] ayaanu keydka wararka ee warbaahinta Raxanreeb.com waxaanu dib uga soo fatashnay xogyahihii hore ee arimaha dibada ee dowlada Mareykanka Condoleeza Rice (dowladii Bush) oo sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliya aanu awood u lahayn inuu xilka ka qaado ama shaqada ka fariisiyo raisul wasaaraha. Condoleeza Rice ayaa hadalkaasi sheegtay wareysi lala yeeshay 16-December 2008 markii uu khilaafka xoogan soo kala dhexgalay madaxweynihii DKMG C/laahi Yuusuf Axmed iyo raisul wasaarihii xilligaasi Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde). C/laahi Yuusuf ayaa xilligaasi sheegay inuu shaqada ka farsiisiyey wasiirkii koowaad taasi oo dood dhinaca sharciga ah dhalisay. Haddaba madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa shaley [17-May-2010] sheegay inuu kala diray xukuumadii raisul wasaare cusubna soo magacaabi doono, taasi oo uu diiday Mr Sharma’arke. Yaa iska leh xilka qaadista raisul wasaaraha? Haadaba waa kan wareysiga Rice oo qoran oo aan qeybtaasi ka soo qaadanay: SU’AAL: Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ceyriyey raisul wasaarihii, Soomaaliya waa kee qofka iska leh awooda ceynkaasi ah? XOGHAYE RICE: Waa hagaag eeg,,, ugu horeyn waxaanu aaminsanahay raisul wasaaraha Soomaaliya waxaa kaliya xilka ka qaadi kara barlamaanka. Sidaasi darteed waan aqoonsahahay (Nuur Cadde). Taasi waanu u cadeynay madaxweynaha Soomaaliya (C/laahi Yuusuf). Haddaba mar haddii xilligaasi Mareykanku sheegay inuu aqoonsan yahay xukuumadii Nuur Cadde, sow Ma aha in haatana uu aqoonsan yahay xukuumada Cumar C/rashiid?!!!. QUESTION: Does the U.S. favor imposing sanctions on Eritrea for its role in the internal conflict? And with the president now firing the prime minister, who is actually authorized in Somalia to authorize this? RICE: Well, look, first of all, we believe that the prime minister of Somalia can only be relieved by the parliament, and therefore we recognize him. And we’ve made that clear to the president of Somalia. Secondly, they need to work together. They have too many problems to be involved in these kinds of spats. I mean, the people of Somalia deserve better than this. And I just sat in a session in which the international community pledged all kinds of support to Somalia, all kinds of help to Somalia. Whether we agree or disagree among ourselves about exactly what kind of force can bring security, everybody in there wants to see security for Somalia, wants to see the Djibouti process work. The least that the leaders of Somalia can do is be equally committed to that cause, and we’re sending that message very strongly. You can verify the condelezza rice comment on Abdullahi Yusuf Sacking Nur Cade and she said that the president doesn't have that authority and still recognized nur cade as the PM. Verifcation can be seen below Condolezza Rice Verifies President Cant Sack PM
  24. Same case in Bari, heavy rains that hit the other day. You can check the pictures here. http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/22942