Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Allamagan, I just don't like people claiming things that are not true. If you go to somalinet forum you will see people posting over and over how the gedo people did this and did that. However this OFFICIAL government document from britain clearly debunks those claims that gedo people make. This document talks about their bravery and really says they were not brave soldiers and the british officers were disgusted with their performance!!!
-
Thats why your site is dying more then you think. Keep your site just for facts, people dont need to use for debates!!! Their other places to do that. U can't have a product that does everything, thats why product specialize!!! Besides why would I want to change my name? This is not my site, why would I care? If this site goes tommorow it dont bother me, it maintaince is not my issue I just use this site to get quick wrap up of the news!!! End of story bro
-
Jacaylbaro you see somaliaonline administrator yourself use many different names so you can keep forum busy and active with various different opinions. But that gets boring after while because people we dont want to argue and just want to increase their knowledge so they can set up for their futures!!! Thats why your killing your site more then anything by using two names or 5 names or 10 names and then starting a thread up and having active conversations with just yourself. People end up seeing it and dont even read anymore comments made by other like me i dont even read or respond on my threads that much. I just post the facts no debate nothing because i know it somebody switching names and im not here for that. I am here for 1 thing increase my knowledge on the various things happening throughout the world. But hardly ever get locked up in debate. If I wanna debate I will just go to paltalk lol.
-
Jacaylbaro, I don't have two name, but I started this topic and when I came back the name changed A_Khadar. So who changed my name? I don't carry two names sxb. But my name was changed and it was done by someone, so which moderator did it?
-
Who changed my name to A_Khadar? This topic was begun by me and I don't change my name!!!
-
I just want to post this interesting article on halgan regarding the greatest sultanate in Somali History Hobyo and it's contributions to Somalia!!! Please read here http://www.halgan.net/view_article.php?articleid=907
-
This is historical document that I came across regarding the british occupation of jubbaland. It makes references regarding the gedo citizens and the situation in jubbaland at that time!!! You can Read for yourself here http://british-colonial-africa-from-1873-to-1955.com/PDFS/4_JUBALAND_1917-18_SINGLE_2_.pdf Ps: All those somalinet losers that post garbage tales of gedo citizens being nationalistic will be in for rude awakening when you read this document!!!
-
miskiin according to prof dalxa, noone can touch his deputy parliament speaker position. So Speaker position apparently is going to be taken by sharif sakiin from what i can ascertain Pro. Dalxa “ Majirto cid isku soo sharixi karta gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka” Muqdisho: (Sh.M.Network) gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee barlamanka KMG Soomaaliya Pro Max’ed Cumar Dalxa ayaa sheegay in uu wali yahay gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya. Kadib shir jaraa’id oo maanta Magaalada Muqdisho uu ku qabtay Max’ed Cumar Dalxa oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id in uusan iska casilin jagadiisii gudoomiye ku xigeenimo islamarkaana aysan jirin wax xil ka qaadis ah oo ay ku sameeyeen mudanayaasha Barlamanka. Waxa uu sheegay Pro. Dalxa in uusan jirin wax sharci ah oo ogolaanaya in uu qof kale isku soo taago Jagada gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka, isagoo intaasi ku daray in uu wali hayo xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka. Dhinaca kale Gudoomiyaha gudiga Dastuurka iyo arimaha federaalka Barlamanka KMG Soomaaliya C/laahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inaysan dastuurka ku jirin in xil qofkii hayay uu noolyahay uu isku soo taago qof kale Hadalkaani ayaa ku soo beegmaya xili dhawaan xildhibaan Mowliid Macaane oo isku soo dharaxay gudoomiye ku xigeenka Barlamanka KMG ee Soomaaliya. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya. NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net
-
Listen below to Garad Soofe speak about the battle for buhodle!!! Garad Soofe
-
Shariif Xassan Shiikh Adan oo Iska Casiley Wasiirka Maaliyadda May 24, 2010 Wasiirkii Maaliyadda ahaana Raysal Wasaare ku xigeenka Dawladda Federaalka Shariif Xassan Shiikh Adam ayaa maanta ku dhawaaqey in uu wasiirka Maaliyadda iska casiley, Shariif Xassan ayaa warqadiisi iscasilaada u gudbiyey Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid, waana ka aqbalay. Shariif Xassan ayaa iska casiley Wasiirka Maaliyadda laakiin waxaa uu la haray raysalwasaare kuxigeenka. Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Shariif Xassan uu doonaayo in uu u tartamo booskii uu baneeyey Adan Madoobe ee Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka. Shiikh Adan Madoobe oo todobaadkii la soo dhaafey iska casiley kursiga Afhayeenka kadib markii ay cadaadis saareen xildhibaanada baarlamaanka, waxa uu ku eedeeyey Shariif Xassan in uu yahay ninka gadaal ka waday khilaafkii Baarlamaanka, kaas oo sababay in oo ka dego kursiga Afhayeenka Baarlamaanka, wuxuu sheegay in Shariif Xassan ku bixiyey dhaqaale faro badan, waxaana uu ku tilmaamey sababtu in ay tahay aargoosi!. Raysalwasaare ku xigeenka Shariif Xassan ayaa ahaa Afhayeenkii u horeeyey ee Baarlamaanka Federaalka, waxaa xilka laga qaadey sanadkii 2007, kadib markii uu ku biirey kooxaha mucaaradka, Saadaasha laga bixinaayo in uu dib u noqdo afhayeenka Baarlamaanka ayaa ah mid weyn Horseed Media
-
World Most Dangerous City. Mogadishu. It's the latest investigative video done by MSNBC news channel who visit somalia to take a look at the current mess the capital city finds itself. You can watch the video here MSNBC Somalia
-
Maareeyaha Shirkada Golis Telecom oo Khudbad ka jeediyey Shirkii Istanbul ka socday(Sawiro) May 24, 2010 Shirkii dib u dhiska Soomaaliya ee ka socday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaasoo aay soo qaban qaabisey dowlada Turkiga, Xafiiska Siyaasada ee UN-ka ee Somalia iyo Dowlada Federalka ee Somalia ayaa waxaa si gaar loogu eegay doorka Shirkadaha gaar ahi aay ka geysan karaan dib u dhiska dalka. Waxaana xooga lagu saaray qaybaha Isgaarsiinta, Xoolaha, Kaluumeysiga iyo Adeegyada xawilaadaha. Qaybaha Isgaarsiinta waxaa matalayay oo khudbad ku aadan halkaas ka jeediyey Maareeyaha Guud ee Shirkada Golis oo ka mid ahaa wafdi Ganacsato ah oo aay hogaaminaysay Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Shirkaasi goobjoog ka ahaa. Maareeyaha Shirkada Golis Mudane Aadan Sheekhdon Cali oo halkaas kusoo bandhiga taariikhda Isgaarsiinta Somalia, heerkii aay soo martay iyo halka aay manta joogto ayaa si weyn u iftiimshey horumarka baaxada leh ee Isgaarsiinta Soomaaliyeed aay samaysay isagoo muujiyey doorka laf-dhabarta ah ee aay kaga jiraan horumarinta dalka iyo dadkaba.
-
Ganacsato Reer Puntland ah oo Ka Qaybgashay Kulankii Istanbul(Sawiro) May 24, 2010 Waxaa maalinimadii shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga lagu soo gabeeyey Kulan caalami ah oo looga hadlaayay arimaha Soomaaliya gaar ahaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka jirta. Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay ganacsato Soomaaliyeed kuwaas oo intooda badan ka tegay dalka Soomaaliya,waxaana si aad ah uga muuqday ganacsato Reer Puntland ah. Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo kulankaasi ka dib la hadlay Warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in waxyaabaha kulanka looga hadlay ay ku jirtay sidii ganacsatada ay ka geysan karaan dib u dhiska dalka Soomaaliya,wuxuuna xusay in ay jireen qodobo looga hadlay sidii loo hirgelin lahaa oo loo horumarin lahaa oo ay ka mid ahaayeen: 1. Isgaarsiinta 2. Dhismaha wadooyinka; 3. Dhoofinta xoolaha; 4. Kaluumeysiga, 5. Bangiyada iyo xawaaladaha 6. Tamarta Kulanka ka dhacay Istanbul ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka socotay Dowladda Puntland oo uu hogaaminaayay Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole. Horseed Media
-
Mashallah for these rains, done good for the land. Theirs reports that rains have hit ssc regions!!!
-
Mr Somalia I think Silanyo will decide to cut burco and form his admin under federal somalia and lead an autonomous state. There is more benefit for him that then this current mess called somaliland. All the hayadaha will be based in burco and their will be more development there, politically speaking they will come under federal somalia and partake in federalism and at same time have alot more respect within somali community, plus have the chance to lead Somalia It works out perfect for them then living in this mess they are in now and it works out good for us in puntland as federalism will get new members and grow from there
-
Ngone politically speaking puntland only cares about 1 thing the most. Hamar!!! They introduced a federal concept of government that is recognized by the world today and even ethiopia support it. Ethiopia has guaranteed to support puntland 1 somalia federal vision whilst support somaliland as regional state with all waqoyi apart of it. So puntland can't get it all unfortunately so I guess alot prioritization was done and the mamul there decided that ethiopia support for the tfg is alot more important to us then towns in sool and sanaag. But what baffles me is why they still put on these games like the threats to somaliland etc. Maybe their something else involved that I am not aware of but it's just strange playing such games. Does it help riyale stay longer in power? who knows There is another issue from puntland perspective, the election to take place in somaliland is win-win situation for us as it will cause clan tensions between the snm click AND MAKE THEM finally relize just like in the past 1960 the conflicts they had is no different to today and hamar will be their final solution just like in the past. Those people love to make out 1960 union as something they were willing to do, but really they had no choice because they werent agreeing in waqoyi at all and mogadishu was seen as the solution to such khilaaf. The reer burco were never fond of it, awdal, ssc, etc back in those days and even to today hasn't really changed much if u think about it!!! As for ethiopia support for puntland and somaliland within the federal framework, definitely somaliland gets the edge because of the onlf issue. Ethiopia simply dont trust puntland with such a task because the onlf were even seen openly docking down weapons at bossaso port regularly lol. So thats my twist on things its just my opinion but that is what only can literally make sense to me out of this mess. Its quite sad how ethiopia has strong influence in somalia thats why i kind of pray for ethiopia to self destruct and if they do somalia can be free again. But im sure some ***** clan will make a move and get foreign support and then all clans will follow suit beucause everyone is out there trying to survive!!!
-
Gaalkacyo:"Inaad Deriskayaga duqaysaan Idiinkama yeelayno Maalindanbe"Midkamid ah Nabadoonada Mudug oo Galmudug Canbaareeyey. 24. maj 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Qaarkamid ah Malayshiyaad kasoo jeeda Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa shalay aroornimadii hore isku dayey inay joojiyaan shaqada Garoonka weyn ee magaalada Gaalkacyo kadib markii ay dhowr hubka rasaasta waaweyn ah ku soo garaaceen garoonka Diyaaradaha ee magaalada Gaalkacy,Hubkan markii uu dhacay oo ay garoonka fadhiday Diyaarad yar oo nooca qaadka ka keena Wadanka Kenya ayaa waxay keentay in Hub ka waaweyn midkii lasoo tuuray ay ku jawaabaan Ciidanka Daraawiishta ee Puntland,walow aysan labada hub wax khasaaro ah gaysan hadana waxay baqdin ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo. Qaarkamid ah Nabadoonada Koonfurta Gaalkacyo ayaa canbaareyn & eedeyn u jeediyey malayshiyaadka Koonfurta gaalkacyo kadib markii ay dhowr jeer oo hore hub ku garaaceen garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo,waxayna sheegeen in tilaabooyinka noocan oo kale ah aysan derisnimada ku wanaagsanayn isla markaasna ay khasaaro naf & maalba keeni karto maadaama ay Ciidanak Puntland markasta ku jawaabaan hub ka khatar badan midka koonfurta gaalkacyo laga soo tuuro. Nabadoon Cali Diiriye Aloore oo kamid ah Odayaasha koonfurta gaalkacyo ayaa sheegey inay ka xunyihiin tilaabooyinka Noocan oo kale ah,wuxuuna sheegey in saraakiisha ciidamada ee Maamulka Galmudug ay markasta sheegeen inay malayshiyaad hubka kala carareen,waxaana uu warkaas ku tilmaamay mid aan xaqiiq ahayn oo wax loogu dhimayo derisnimada & Walaaltinimada dadka wada daga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. "Waxaanu ka xunahay falalka ay ku dhaqmaan ciidanka Galmudug,waa kuwo foolxun markastana saraakiishoodu waxay sheegaan inay ciidanku hub iska rideen,waa arin aanan la yeeli karin waayo Taliyuhu hadii uusan ciidankiisa amri karin waa inuu iska dhaafo xilkan uu sheeganayo,wiilasha hubka ridayana waxaan u sheegaynaa in aanu u dulqaadan doonin maalin danbe in deriskayaga la'iska duqeeyo,waayo khasaaradu anaga ayey nagu soo laabanaysaa,cidii wax qabtana waa inay afka ka sheegato"ayuu yiri Cali Diiriye Aloore. Hadalka Nabadoonkan ayaa imaanaya xili ay dhowr jeer oo hore soo noqnoqdeen falalka noocan oo kale ah oo ka dhasha Hub laga soo tuuro koonfurta magaalada Gaalkacyo taas oo hadhow khasaaro u keenta dad badan oo anan waxba galabsan,waxaana ay Mas'uuliyiinta labada maamul dhowr jeer ku baaqeen in la joojiyo falalka noocan oo kale ah oo derisnimada wax u dhimi kara. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Ciidamo SSC Ah Oo La Sheegey Inay Fariisimo Ka Sameysteen Duleedka Tuulada Gambare... May 23,2010 by Buhoodle-Gedo-News Dhinac bari ee magaalada Laascaanood meel masaafo ahaan u jirta 20 Km waxaa saacadihii la soo dhaafey dhaqdhaqaaq ciidan oo xoogan ka waday ciidamo aad u xoogan isla markaasna ay hogaaminayaan Saraakil ciidan ka tirsan kuwa SSC ee bilihi la soo dhaafey ku sugnaa Degaanka Buuro-Wadal. Ciidamadan ayaa ilaa shalay duhurnimadii ku soo qulqulayey Jiidaha dhinaca bariga kaga toosan magaalada Laascaanood ayaa la sheegey inay hogaaminayaan saraakil si weyn looga yaqaano gudaha dalka soomaaliya lana soo shaqeeyey dawladii dhexe ee dalka soomaaliya. Ciidamadan SSC ayaa fariisimo ciidan ka sameystey degaanka u dhexeya Tuulada Gambare & Higlada,waxaana ciidamadan la sheegey inay ku hubeysan yihiin gaadiid dagaal oo ay soo iibsadeen Jaaliyadaha *********** ee dhawaan sameystey Maamula Goboleed la magaca baxay Sool,Sanaag Iyo Cayn,waxaana ciidamadan fariiisinka ka sameystey dhinaca Duleedka magaalada Gambare la sheegey baabuurtooda dagaalka inay ku buufsan yihiin Magacan: [ Sool Sanag & Ayn Salvation Army]. Ciidamadan ayaa la sheegey inay ka soo kicitimeen shalay duhurnimadii Xeryo tababaro uga socdeen oo ku yaala magaalada Buurowadal & qaybo ka mid ah Gobolka Mudug,waxaana ciidamada halkaasi soo gaarey lagu sheegey inay gaarayaan 3000 oo askari oo intooda badan tababaro u soo xirmeen,sidoo kale gaadiidka dagaalka ay wataan ayaa la sheegey inay kor u dhaafayaan 53 gaadiidka dagaalka ah ee loo yaqaano tiknikadda. Sidoo kale waxaa wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool laga soo sheegayaa inay ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo saacadihii la soo dhaafey magaalada gudaheeda ku sugnaa ay ka baxeen halkaasi una jihaysteen dhinaca bari ee magaalada si ay iskaga difaacaan Ciidamada ku soo jiheysan. Ciidamadan SSC ee fariisimaha mileteri degaankaas ka sameystey ayaa la sheegey inay hogaaminayaan saraakil & siyaasiiyin Goboladaas ka soo jeeda,waxaana la sheegey inay ka mid yihiin saraakiil si weyn looga wada yaqaano guud ahaan dalka soomaaliya lana soo shaqeeyey dawladi dhexe ee soomaaliya,waxaana ka mid ah saraakiishaas Col: Isbariije, Col: Nadalo. Col: Axmed karaasha oo isugu hadda ah wasiirka ka tirsan Puntland & siyaasiga caanka ah ee Baashe Cali Jamac. Ciidamadan dhawaan soo gaarey duleedka Tuulada Gambare ayaa laga cabsi qaba inay maalmaha amase saacadaha soo socda dagaal ku soo qadaan ciidamada somaliland ee ku sugan daafaha magaalada Laascaanood,waxaana laga cabsi qabaa in dagaaladaas qasaare ka soo gaaro dadka rayidka ah. Dhanka kale waxa degan xaalad guud ee degaanka widhwidh oo aanay maanta wax dagaalo ahi ka dhicin,waxaase wali fariisimahoodii isku horfadhiya Ciidamadii somaliland & kuwa SSC,waxaana wararku sheegayaan inay labada dhinac gurmadyo aan kala joogsi lahayn u kala dirayaaan goobaha dagaalka. Mana jiraan cid waan-waan ka dhex wada labada quwadooda ee ku dagaalamaya gacan ku haynta degaanada balaaran ee gobolada SSC. C/kariim Axmed Bulxan Buhoodle-Gedo-News Gedonet.com@gmail.com
-
Istanbul: Pic that will shock SNM secessionists: enjoy
Cowke replied to General Duke's topic in Politics
Thats look like photoshop that picture. Just look at the body frame of rayale bulging out like that, plus the white dude is starting into camera not even flinching -
For those interested you can listen to the wareysi on daljir regarding these attacks in galkayo below!!! http://www.radiodaljir.com/audio/C/axad.ram
-
Sacad 1 scenario? lol let me tell you my friend it's already confirmed historically that somaliland are allies of the usc and even till this day they are allies because the galmudug president who went to london got nice welcome from jaaliyada somaliland president. Watch it on universal.tv Their is definitely ties sxb. Their no question mark there!!! The question is why is puntland ignoring this clear breach against our territories!!! THAT IS WHAT SUPRISES ME THE MOST. If somaliland is welcoming our enemies who killed alot of our kinfolk, how can these ppl viewed as friend of puntland? It really annoys me when I hear some puntland say we dont want to disturb the peace in northern somalia. These ppl are disturbing our peace by supporting our enemies!!! Ma doqon baynu nahay mise something is up in garowe and were not being told the full story!!!
-
Shirkii Arimaha Somaliya ee ka socda Istambul oo maanta la soo geba gebeeyay (Sawiro) Waxaa maanta la soo gabagabeeyay shirkii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Istanbul ee dalka turkiga . Shirkan oo arimaha lagu gorfeeyay ay ugu waynayd, xasilooni la'aanta ka taagan dalka Soomaliya iyo weliba sidii wax looga qaban lahaa, sidoo kale dhinaca maalgashiga iyo horumarinta qaybaha nabdoon ee Soomaaliya. Shirkaan ayaa maanta waxaa ka hadlay Madaxwaynaha DKMG Shiikh Shariif Sheekh Axmed, Madaxwayne dawlada Somaliyeed ee Puntland Dr. C/axman Maxamed Maxamud (Faroole) iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsa Arimaha Somaliya Weled Cabdalle, waxayna dhamaan si wada jir ah uga hadleen xaaladda Somaliya iyo waxyaabaha looga baahan yahay dawladaha iyo hay'adaha Caalamku in ay la qabtaan Soomaaliya. Sidoo kale waxay ganacsatada Soomaliyeed ka codsadeen in ay dhinac istaagaan daladda, dantuna uga jirto inay la shaqeeyaan daladda shirkaan ayaa waxaa aad uga dhex muuqday ganacsatada reer Puntland oo soo bandhigatay qaybo ka mid ah wax soo saarkooda sida Warshada kaluumaysiga Laas-qoray iyo tan Xaabo. Waxaana si muuqata loogu baaqay in caalamkuna maal gashado Somaliya si looga baxo dhibaatada ka taagan dalka. Baaqii Shirka Istanbul Gebagebadii shirka Istanbul ayaa waxa laga soo saaray Baaq ku wajahan Caalamka iyo weliba Shacabka Somaliyed, waxaana lagu xusay Baaqan, in garab la siiyo in dowlada Federaalka si ay dhameystirto go’aamadii shirkii dib u heshiisiineed ee kal hore ka dhacay dalka Jabuuti, in dalka Soomaaliya loo dhiso ciidan awood leh, si looga baxo amni xumada aafaysay dalka. Shirkan ayaa waxaa loogu baaqay in Beesha Caalamku garab istaagto dadaalka Dowlada Puntland ay kula dagaalamayso burcad badeeda, amniga iyo dib u dhiska dalka, iyo in Puntland xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay Dowlada Federaalka KMG ee Somaliya. Waxa kale oo baaqani si gaar ah u xusay, kaalinta ay Ganactsada Somaliyeed ku yeelan karaan dib u dhiska Soomaaliya, waxaana Shacab waynaha Soomaaliyeed loogu baaqay in ay iska kaashadaan, gacana ka gaystaan nabadeynta dalka Somaliya.