Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Jacaylbaro Its good horseedmedia is calling for accountability against puntland administration because they do read horseed. Its time other puntland media outlets do the same thing so the farole boys can see people want answers
  2. Faallo: Xaaladda Gobolka Cayn; Jawaabta Xukuumadda, Maqnaanshaha Baarlamaanka iyo Doorka SSC June 1, 2010 Todobaadyadii la soo dhaafey waxaa ka taagnaa deeganada Gobolka Cayn ee Puntland xaalad cakiran, kadib markii ciidamada Itoobiya ay u soo talaabeen xadka Soomaaliya, sidoo kale ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa isla maalintaas isku dayey in ay qabsadaan degamada Widh-widh oo 70km u jirta xarunta Gobolka Cayn. Taariikhdu markey ahayd 16.May 2010 ayaa warbaahinta Horseed Media ogaatey in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo dhaafeen halkii xuduuda u ahayd, isla markaana ay qabsadeen gawaari laga lee yahay deegaanka Buuhoodle, waxaan arintaas waraysi ka siiyey Horseed Media guddoomiyihii Buuhoolde rabbi ha u naxariistee Xuseen Ducaale oo isagu waraysiga kadib si kedis ah u dhintey 4 maalmood kadib, marka uu waraysiga bixiyey kadib waxa Horseed Media la xiriirtey wasiiro kamid ah Puntland waxa ay sheegeen in warkaasi aanu waxba ka jirin isla markaana shirkii dhacay 17.May 2010 ee golaha xukuumadda aan lagu soo qaadin. Dagaalka Buuhoodle ayaa dhacay 21.May 2010, waxaana isaga horyimid shacabka Buuhoodle iyo ciidamadii Itoobiyaanka ee xayiraada dhaqdhaqaaq ku soo rogey Buuhoodle, dagaalkaas waxaa shacabka Buuhoodle uga dhintey 13 qof, waxaana ku dhaawacmey dad gaaray 30 qof , sidoo kale isla maalintaas ciidamada Somaliland waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka Widhwidh, waxaana dagaal kala hortegey xoogag taabacsan hoggaanka SSC, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay shacab ku xasuuqeen halka loo yaqaan Balihadhac, guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasiin ayaa Horseed Media u sheegay in Widh-widh ay haystaan Somaliland halka xoogaga SSC ay ku hareeraysan yihiin waxaana wararka u danbeeyey sheegayaan in culimaa’udiin is xilqaamey ay wadaan waanwaan ah in ciidanka Somaliland dib uga baxo gobolka Cayn si loo baajiyo dagaal kale oo halkaas ka dhaca. Xukuumadda Puntland ayaa qaddiyada ka taagan Cayn ku koobtey waraysiyaal ay bixiyeen qaar ka mid ah wasiiarada Puntland, kuwaas oo arinta ku koobey in ay tacsi diraan iyo baaqyo labada dhinac ku aadan iyo in qaar kamid ah masuuliyiinta ka soo jeeda Cayn loo diro gobolka Cayn kuwaas oo wadahadal aan miro dhalin la yeeshay ciidamada Itoobiya. Madaxweynaha Puntland Markii uu dhacay dagaalka gobolka Cayn, Madaxweynuha Puntland waxa uu ku jirey safar, maalinta uu bilowdey shirkii Istanbul ee 21 May 2010 ayey hayad markii ciidamada Itoobiyaanku ay dileen 13 qof oo reer Buuhoodle ah isla markaana dhaawaceen dad gaaraya 30 qof, Madaxweynuhu waxa uu fursad u heley waraysi BBC-du la yeelatay 24 May 2010, laakiin kama faa’ideysan fursadaas wax tacsi ah hawada uma marin shacabkii halkaas ku dhintey, mana soo qaadin arinta Cayn. Madaxweyne Dr.Faroole ayaan lahayn qorshe cad oo ku aadan Gobolada Sool iyo Cayn, marka laga reebo maalintii uu doorashada gelaayey ee uu sameeyey balan qaadka ah in uu soo celinaayo dhulka maqan, waxaana la isweydiinayaa aamusnaanta dheer iyo qorshela’aanta ku aadan goboladaas sida ay dhaawac u gaarsiin karto midnimaddii Puntland.. Madaxweyne ku xigeenka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire waa nin khibrad u leh arimaha ciidanka, waxa uu ka soo qabtey xilal badan Puntland, magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa ay faraha Puntland ka baxdey mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, kadib markii ciidamo malayshiyo beeleed ah oo ka soo jeeda deeganaada Sool oo gacansaar la leh Somaliland kuwaas oo fadhiyey togga Waqi-dari ee duleedka Laascaanood ay gudaha magaalada u soo galeen xabadna ka bilaabeen, taas oo ay ku dhiiradeen ciidmada Somaliland ee fadhiyey Adhi-cadeeye in ay weerar ku soo qaadeen ciidamadii horfadhiyey, kadibna ay toos ula wareegaan Laascaanood. Gen.Cabdisamad Cali Shire waxaa aad loogu rajo weynaa in haddii uu qabto jagada labaad ee Puntland isla markaana uu talo weyn ku yeeshay maamulka in uu wax badan ka qabanaayo xaaladda gobolada Sool iyo Cayn, laakiin taasi may dhicin, doorashadii Madaxweynaha ee Puntland kadib ciidamo badan ayaa ku sugnaa Tukaraq kuwaas oo Puntland ka amarqaata, ma dhicin in madaxda sare booqdaan isla markaana soo dersaan xaaladooda dhabta ah, taas oo ciidamada dhiiri gelin u ah. Awoodaha Madaxeyne ku xigeenka waxaa kamid ah in uu isagu Madaxweyne ka yahay dalka inta Madaxweynuhu maqan yahay, laakiin waxa maanta ka socda Gobolka Cayn, Madaxweyne ku xigeenku war ah oo rasmi ah kama soo saarin isaga oo marar badan saxaafadda, ka soo muuqdey. Qaar ka mid ah shacabka ayaa is weydiinaaya in Madaxweyne ku xigeenku ku mashquuley simaaro la furo iyo xaflado laga qaybgalo halka qaar ka mid ah dalkii dab ka baxaayo, weliba shacabka qaarkiis ayaa tilmaamaya in Gen. Cabdisamad aanu ahayn ninkii wax loo tilmaami lahaa. Todobaadkan waxaa qunsuliyad ka furatey caasimadda Puntland dawladda Itoobiya, taas oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada maamul, ganacsiga, amniga iyo arimaha socdaalka, Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa halkaas ka jeediyey khudbad kooban oo lagu tarjumaayey af Amxaariga, waxaana dadka qaarkiis ku tilmaameen in ay ahayd khudbadii u xumeyd ee abid uu jeediyo nin masuul ah, isaga oo ilaaway qarniga iyo casriga la maraayo, iyo masuuliyadda uu hayo, isla markaana indhaha ka shareertey xaaladda taagan waxa uu ku tilmaamey abaalka ay Soomaali u hayso Itoobiya in uu yahay mid xitaa caruurta Soomaaliyeed ku barbaarin, doono, waxaana uu ku soo dhameeyey Itoobiya ha guulaysato, Malas Sanaawi ha jiroo ha joogo!, ma ahayn khudbad ka hadleysa xiriirka labada maamul arimaha ka dhexeeya ee loo baahan yahay in markasta la iska kaashado, sidoo kale waxanu kuba soo qaadin waxa maanta ka taagan Buuhoodle, iyo in shacabkii la khiyaameeyey kolkii ay hubkii ay ka qabsadeen Itoobiyaanka ay u gacan geliyeen odoyaasha dhaqanka taas oo heshiisku ahaa in loo sii daayo gawaarida laga xanibay, laakiin gawaaridii waxaa lageeyey Gaashaamo oo ka tirsan maamulka Itoobiya, iyada oo la sheegay in ganaax iyo canshuur gawaaridaas laga qaadayo taas oo aan la garanayn halka ay salka ku hayso. Maamulka Puntland waxa loo doortey in uu shacabka u adeego, waxaa loo doortey in uu dalka ka difaaco cidkasta oo ku soo xadgudubta, hadaba shacabka Cayn miyaanu Puntland ahayn, haddii jawaabtu tahay maya, hala caddeeyo hana laga waantoobo in la sheegto, shacabka Buuhoodle oo ay u fadhiya axankii dadkii ka dhintey ma dawbaa in Madaxweyne kuxigeenku yiraahdo, Abaalka Itoobiya ma gudi karno caruurteena ayaana uga sheekeyn doonaa oo ku barbaarineynaa? iyo hadalo ka daran. Mise xaalku waa: Wanka macasha ii qabo; Adigu gawrac ii mari; Dhiiggana aan muudsado Inkasta oo siyaasiyiinta Gobolada SSC timahoodu hal dhan aanu u wada xiirmin, midkastaana maalin shacabka maqashiiyo xaajo uu dan ku wato, Sida Xaabsade oo maalin ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Waxa uu ka mid ahaa ragii asaasey Puntland isaga oo 9 sano ahaa Wasiir aan dhicin oo Puntland ka tirsan, halka maanta haddana uu shacabka maqashiinaayo “….weligey sidaan u qosley markaan Hargeysa ku noqdey uma qoslin intii aan Garoowe joogey…”, laakiin waxaa marag ma doonto ah in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin kuwa hortaagan in Somaliya laba loo kala jaro, xornimada iyo midnimada Soomaaliyana kaga jira baal dahab. Shacabka SSC ayaa u muuqda kuwo siyaasiyiinta u dhalatay ay lugooyeen maamulka Puntland oo ay wax ka dhiseen kuna qanacsanaayeen malahan wax qorshe ah oo ku aadan goboladaas, magaalada Laascaanood waxaa la qabsadey saddex sano ka hor, waxaana maamulku ku doodi jirey maamulkii hore ayaa lag qabsadey, 22 May waxaa maamulka Somaliland qabsadey magaalada Widhwidh (sida uu xaqiijiyey guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland), mana jirto cid ka hadashey arintaas isla markaana u diyaar ah in dhulka inta dhiman ay wax ka difaacaan. Baarlamaanka Puntland oo fasax dheer ku maqan Marka aad maqasho Baarlamaan qof walba waxaa maskaxdiisa kusoo dhaceysa Gole ay ku dhan yihiin wakiiladii Shacabka matalayey, kuwaasi oo hawshoodu tahay inay danta shacabka ka shaqeeyaan, sharciyada dajiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Xukuumada. Hase yeeshee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ah mid aan lagu tilmaami karin Baarlamaan u shaqeenaya shacabka, waxaa isweydiin muddan xili uu dalka xaalad adag iyo dagaalo ku jiro, isla markaana qeybo kamid ah dhulka Puntland ay sheegato, ay dagaalo dad ku dhinteen ka dhaceen, ayaan hadana waxaan jirin hal kalfadhi oo uu Baarlamaanka ka yeeshay marxaladahan dalka ka jira. Xataa Baarlamaanka haduu fasax ku maqan yahay waxaa khasab ah inuu kulamo deg deg ah isugu yimaado xiligii loo baahdo si marxalada dalka ka jirta lagala xisaabtamo su’aalona looga weydiiyo Wasiirada iyo Xukuumada dalka maamusha. Golaha wakiilada wuxuu gabay hawshisii ahayd la xisaabtanka Xukuumada iyo ka shaqeynta arrimaha Bulshada taabanaya, wuxuuna goluhu u muuqda mid fasax dheer ku jira isla markaana aan weli dareensaneyn hawsha sugeysa iyo marxalada dalka ku jiro. Baarlamaanka Puntland hawshiisu ma Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka bay ku koobantahay iyo Ansixinta Dastuurkii qabyada ah? Mise waa mid shaqeeya oo xisaabtama? Goormuu baarlamaanka kala xisaabtami doonaa xukuumada; arrimaha dhulka Puntland ee maqan? Xaalada dhaqaale iyo Amni ee uu dalka ku jiro? Waxqabadka Wasaaradaha? Dhameystirka hawlaha dimuquraadiyeynta iyo nidaamka Xisbiyada? iwm Baarlamaanka ka kooban 66-ka xildhibaan ee Beelaha Puntland soo magacaabeen, ma wuxuu raali ku yahay waxqabad la’aantan muuqata iyo inay xildhibaanadu hawshoodii ku koobnaato xarumaha lagu qaxweeyo iyo fadhi ku dirirka shacabka ku caweeyaan. Mise Baarlamaanka wuxuu weli ku mashquulsan yahay mushaharaadka loo kordhiyey? Hadii Baarlamaankii la xisaabtami lahaa Xukuumada uu hawshiisii kasoo bixi waayey, yaa la xisaabtamaya Baarlamaanka?, ma shacabka Puntland mise Issimadii soo magacaabay? Maxayse tahay kaalinta Issimadu ay ku leeyihiin wax ka qabashada marxaladaha dalka ka jira? Waxaa hubaal ah in Xaalada ka jirta gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay mid taabaneysa Puntland guud ahaan, xal u helideedana waa mid loo baahan yahay in si wadajir ah loo abaaro, ayadoo dhinac walba hawshiisa uu kasoo baxayo, Baarlamaankuna ogyahay xilka saaran, Xukuumadana ogtahay hawsha looga fadhiyo, shacabkuna taageeradiisana ay meesha ka muuqato. Hadii aysan arrimahaasi suurto gal ahayn, ma garbaa in Puntland ay sheegato gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ??? Hoggaanka SSC Hoggaanka SSC ayaa lagu dhisey shir muddo ka socdey dalka Kenya, kaas oo loogu magacdaray Horseed, waxaana mirihii ka soo baxay loogu magacdaray Hogaanka mideynta Beelaha SSC Hogaanka SSC ee lagu dhisey dalka Kenya, malahan qorshe cad oo qeexaya damacooda ah in ay xoreeyaan gobolada SSC, waxaa hogaanku sheegaa in ay yihiin Soomaali kana tirsan yihiin Dawladda Soomaaliya, taas waa inta Puntland sheegato isla markaana lagu dhisey maamulkii isir wadaaga ku dhisnaa ee Puntland in ay ka mid yihiin Dawlad Federaal ah, Hoggaanku waxa uu iska fogeeyaa in Puntland meel ka soo gasho maamulkooda, waxaana ay dan u arkeen in sidaasi ay tahay waxa ay ku midoobi karaan. Hoggaankan ma ahan mid ay ku mideysan yihiin Isimada goboladaas, waxaa shirkii Horseed ee Kenya ka qaybgalay sadex isim oo keliya, Shirkii Buurowadal miraha ka soo baxay waxa uu noqdey guddiga khusuusiga ah oo keliya waxaana meesha ka baxay arintii ugu muhimsanayd ee ahayd, in ciidamada loo qaybsado si beelo ah cidwalbana wixii lagu qoray ay keento, waxaana taas baajiyey kadib markii inta badan garaadadu ay heshiis la saxiixdeen maamulka Puntland heshiiskaas oo ay ku caddahay in Dawladdu ka musuul tahay xoreynta deegaanada maqan. Isla shirkii Buurowadal waxaa ka baxay oo bayaan ka soo saarey Isimada Cayn ugu waaweyn sida Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, iyo odoyaal miisaan culus ku leh gobolka Cayn. Hogaanka SSC xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya ma fiicna, waxaana loo tusiyey dad qaswadayaal ah, maamulka Puntland dhinac ma saari karaan oo waxaa ku jira kuwo xagjir ah oo aan magacaas maqli karin haddii kale looga baqaayo in ay meelo fogfog ka soo jeestaan, waxaana halku dhig u ah eray mideyn kara isla markaana ah “SSC waa tashatey cid ay sugeysaana ma jirto”, haddaba haddii aad jamhad tahay waxaad u baahan tahay meel aad dhabarka saarto, qaacido aad ka duusho waa in aad leedahay, waa in aad heshaa meel hubka iyo saanada aad soo marsan karto, dhaawacaaga aad geysan kartid isla markaana aad siyaasadahaaga ka wadan kartid laakiin waxaa isweydiin mudan qaabka hoggaanku doonaayo in uu wax ku xoreeyo?. Shirkii Buurawadal oo socda ayaa Isimada Nugaal ee Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed waxa ay ku casumeen ragii hormuudka ka ahaa shirkii Holhol ee Somaliland joojisey in ay Garoowe gogol walaalnimo u yimaadaan, isimadu kuma casumin magac Puntland, laakiin qaar kamid ah warbaahinta carabka dalabta ah leh ayaa ku sheegtey in Faroole Isimo soo adeegsadey qorshaha Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid ayaa ahaa in Garaadadu arintana aysan isku gooni yeelin ee haddii beel lagu wajahayo laga wadatashado, shirkaas waa ka cudur daarteen Garaadadii ay ku casumeen, weli la isma weydiin sababta Isimada dalabku ka yimid loogu gacansayrey? iyada oo maanta arintu ay marayso meel aysan shalay taagneyn, taas oo saamayn ku yeelan karta taageerada ay ka filan karaa SSC shacabka ku dhaqan gobolada kale ee Puntland. Somaliland iyo damaceeda qaloocan Somaliland inkastoo lagu amaano nabadgelyada iyo maamulka ay sameysteen hadana waxaa marnaba aan la qarin karin dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amni ee uga imaan kara Somaliland damaca qaloocan ee ay awood militari u adeegsadaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. Dadka ku abtirsa jabhadii SNM ee aasaaska u ahayd dhismaha Somaliland, ayaa siyaasadoodii ku wajahneyd ka go’itaanka dhulka Soomaaliya, waxay ku saleenayeen gooni isutaagooda dhibaatooyin beelahaasi ay u geysteen ciidamadii Dawladii Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Bare. Ayadoo aan la inkiri karin dhibaatooyinkii ay ciidamadii dawladii hore ee Siyaad Bare u geysteen deegaanada waqooyi iyo dhulalkii kale ee jabhadaha ka dagaalameen, ayaa waxaa la isweydiinayaa ma dhici kartaa in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, ay aqbalaan wixii ay 30 sano kahor ay diideen Shacabka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ahayd in xoog lagu muquuniyo rabitaankooda? Hadaba Somaliland oo ka awood yar dawladii militariga ahayd ee burburtay, waxay isku furtay mawjad siyaasadeed iyo colaad qoto dheer oo khal khal ku keeni kara nidaamka iyo nabadgelyada ay xiligan ku taamayaan shacabka reer Soomaaliland. Waxaana ayaduna meesha ka baxday doodii ahayd Puntland baa Soomaaliland kusoo duushay, ayadoo ay xiligan ay muuqato in dagaalka u dhaxeeyo Somaliland iyo shacabkii SSC oo si cad uga soo horjeestay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa. Waxaana adag dhiiga daadanaya ee gobalada SSC in wax ictiraaf ah ama guul siyaasadeed u keeno maamulka Somaliland. Naxligu waa wareegaa aduunkuna waa hadhka labadiisa gelin, labadii shalay xumaanta ku wada socotey ayaa beri cadwo isu noqonaaya, Somaliland xiligan waxay ku jirtaa marxalad xasaasi ah iyo doorashooyin, mana cada waxa xigi doona doorashooyinkaasi, waxaase hubaal ah in danta Somaliland ay ku jirto inay illaaliso daris wanaaga iyo wada noolaashaha beelaha jaarka ah. Xukuumadda Puntland waxaa la gudboon in xaaladda ay u aragto mid dhab ah oo khatar ah isla markaana ay ka baxdo riyada khiyaaliga ah ee ay dhexdabaalanayso Xukuumaddu waxa ay ku faantaa mushaharka ayaan joogto u bixinaa, magaca Puntland waxaan gaarsiiney meel sare oo shirar caalami ah ayaan ka qaybgalnaa, dasstuurkii ayaan habayney, waa arimo wanaagsan laakiin Shacabka wax weyn uma arkaan mushaharka aad naftiina siisaan iyo shaqaalaha xukuumadda taas oo ah lacagtii iyaga laga soo qaadey ee canshuurta ahayd ee shacabku waxa ay danaynayaan waa:gnb Puntland oo hal miisaan la wada saaro Dalka oo la difaaco lana ad keeyo midnimadiisa Maamulka oo la baahiyo lagana dejiyo laamiga iyo wada dheer taas oo ah hubaal in aan maamulku baahin gaarina meelihii u baahnaa (Sida ku cad cilmibaarista la joojiyey) Sharciga oo lagu dhaqmo. Mashruucyadii socdey oo dhamaystirma. Mashruucyo cusub oo la keeno. Lana hirgeliyo qorshihii looga bixi lahaa baarlamaanka beeleysan. Hussein Farah Horseed Media Listen to puntland vice president abdisamad shire praising the ethiopians listen Here
  3. Originally posted by Hales: Alshabaab is fixing all of this in the South, sxb The problem is not clan anymore. Because of the punishments and suffering the civillians have already gone through im sure they wont be clanist minded once theirs a state. I agree with you about the west not accepting an Islamic state though. The path through that is dead, Alshabaab with all due respect are just not realizing. And with that belliguerent hegemoth of a neighbours it will just continue to be an endless circle in the South. The two sides should negotiate, i think that Shariif should appease Alshabaab and agree things to their terms. Bro if the south was having religious war and it wasnt about clans as you stated, then the criminals who reside safely in mogadishu would be the first to recieve shariah law for the crimes they have committed!!! They are using religion to gain power in somalia ee diintu dhab kama ahan. They just have to use religion because this is what their donor wants. Al-qaeda is not going to provide you logistic for you to decide what system you think is ok, al-qaeda has 1 system and its extreme islam and if u take money from them you will also have to take their extreme islam vision!!! Can u imagine osama bin laden giving you money so you can install democratic system? of course not he hates democracy. He only 1 system and that is the system we all saw in afghanistan which we are seeing today in the south. The ppl in hamar are just taking the money and saying "i will install osama system in somalia because they will get the leadership" thats all they care about is to lead they dont care what system it is they will lead. Look at sharif yesterday he was al-qaeda today he is democratic. Somalis just care for the power if islam will take them to top seat they will use it, if democracy will they will use that also, if chinese noodle system will take them to the powerseat they will also you it to achieve their ambitions of being the president!!!
  4. Originally posted by Dhubad.: Your theory is full of pot halls and is not that dissimilar from what has been happening for the last 20 years. It will just prolong the conflict that is all. I think the best way Somalia can be ‘fixed’ and united is through Islam period. We just need the right Islamic party who can lead the country to right direction. Islam? So the international community refused the taliban yet they will just sit by and watch somalia form an islamic state and not try to stop it? bro get real for second we don't live in the world by ourselves. Do you know what dire consequences of not having international support can mean? that can mean united nation trade bans on our ports where all member states of the u.n sign an agreement not to trade with somalia. That mean no export or import. They can freeze our assets such as hawala's by shutting down all international hawala offices throughout the world so the diaspora has no way to get money to the locals in somalia. They can even use military assaults or send an agent like ethiopia to go in and clean the place up. This is not the in the interests of somali people. The international community won't accept an islamic state unless it moderate like malaysia!!! They only accept saudi arabia and those countriess because of oil interests not because they like to!!! once that oil runs out I bet you will see western nations pushing saudi arabia to democraticize!!!
  5. I believe that Somalia can be fixed if the following occurs. Criminals from each clans are jailed/exiled/ or even exterminated from Somalia. This will bring justice to people who don't want to see the same person that was killing them or robbing them yesterday is being rewarded with government posts. Once the house-cleaning is done and every clan is purified we will be left with halal people and these halal people need to open up conference within Somalia and come together and talk about how to solve this mess. The conference needs to be attended by all sections of society. But below is who is needs to attend the reconciliation conference. Clan Elders Business Community Religious Leaders Politicians Diaspora Media My proposition is when the sit down occurs and all the respectative stakeholders are present, then we need to solve this current mess by implementing 4.5 but not by tribe but through tribe and resources. For example the capital city should be given to 1 tribe maybe d-block. The Presdent should be given to maybe usc. The Prime Minister SNM. Parliament=RRA...Ministerial roles divided up between the minority clans. This guarantees that over-representation of 1 clan doesn't exist but at the same time maintaining fairness and justice. Once that is sorted out all the stakeholders need to vote to see if they support this system to solve somalia problem if we have majority who agree then this needs to be implemented and every stakeholder business community to diaspora and religious elder need to respect the majority wish and if they don't the nation has to get them in line through diplomacy or force. The problem somalis have been suffering is that small minority of leaders have been hijacking the majority and we just sit there and put up with it, if we didnt sit there and put up with these small minority of criminals who have ulterior motives today somalia wouldn't be in such a mess. I think that my proposal will lead to more unified somalia where justice reigns and all the people who are nationalistic will need to accept it or else they have ulterior motives and those people need to be weeded out because as I said they are the ones who are hijacking the majority of peace seeking people. Thats my solution to fix somalia once the political problems are out of the way. We need to share resources equally through the federal states. The Federal GOVT needs to fund the regional stats and the regional states will give the federal government a slice of the taxation revenues generated in their region. The business community needs to fund the federal govt to achieve the goal of nationhood rather then putting their money behind thugs who are just out there for their own interests and not the national interest. The religious cleric should tell their mosque attendees and preach the govt is good and the people should get behind it. The diaspora should unite and support the government and do fundraisers to get make sure the government becomes reality. The media needs to promote good news about the tfg so as to win the hearts of the citizen. The politicians need to learn to agree to disagree without resorting to a gun.
  6. This guy is the next Raage Omar in the making watch out for him!!! Quality Journalism
  7. Mustafa Hagi Abdinur AFP Somali reporter wins CNN African journalist award NAIROBI (AFP) — Agence France-Presse's Somalia correspondent Mustafa Haji Abdinur has been awarded the CNN Multichoice African Journalist of the Year Award in the Free Press category. Abdinur, 28, who has been AFP's Mogadishu-based correspondent since 2006, was among several African journalists recognised at the ceremony in the Ugandan capital Kampala on Saturday. "Friends, I live in a country whose name has unfortunately become a synonym for lawlessness, where human life is not worth a lot and where press freedom simply does not exist," said Abdinur. He was chosen "for his work in Somalia including the 'Peace Journalism' initiative which he launched with the help of fellow Somali journalists earlier this year," organisers said. The CNN Multichoice Free Press Africa Award has previously been presented to the late Deyda Hydara from Gambia and the imprisoned Eritrean journalist Seyoum Tsehaye Musa Saidykhan. The CNN African Journalist of the Year Award was founded in 1995 by Edward Boateng and the late Mohamed Amin to recognise and encourage excellence in journalism throughout Africa. In November 2009, Abdinur won the Committee to Protect Journalists' (CPJ) International Press Freedom Awards. Source: AFP
  8. Somalifans, Excellent entertainment it's like everyone is trying to copy the daynille style of "shock shock" news with no substance. Galgala does it too. But its good entertainment I guess, but please don't take their news serious their news comes whenever they are having their khat episodes!!!
  9. Qabqableyaal ayaa Somaliland Adeegsaday - WQ. Liban Ahmed Ismaandhaafka siyaasadeed ee ka taagan gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn waa mid ka dhashay dano siyaasadeed oo iska-horimanaya. Dhawr tusaale ayaa la soo qaadan karaa si loo muujiyo saamaynta ismaandhaafkaas siyaasadeed ku leeyahay nolosha dadka Sool, Sanaag iyo Cayn gaar ahaan beesha Dhulbahantaha. Dabayaaqdii sannadkii 2002dii ayuu madaxweynaha Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin, booqday magaalada Laas Caanood. Ciidan uu soo diray wasiirkii arrimaha gudaha ee Buntland ee xilligaas, Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa weerar ku qaaday Riyaale iyo wefdigiisii. Weerarkaas oo keenay geerida dad rayid ahaa. Si deg-deg ah ayuu Riyaale uga baxay Laas Caanood. Xaabsade oo wareysi siiyey Laanta Af Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegay in Riyaale gardarnaa waayo “ wuxuu soo booqday magaaladayda. Ma anigaa ugu tagay Boorame?” Shan sanadood ka dib dhacdadaas ayuu Axmed Cabdi Xaabsade, oo lagaga awood roonaaday loollan awoodeed oo ka dhacay Buntland, ku dhiirri-geliyey ciidan beeleed togga Waqi-dari fadhiyey oo labo nin- Dalbac iyo Ina Ceydiid Dhadhable-hoggaaminayeen inay magaalada soo galaan. Taana waxay keentay in ciidankii Somaliland ee Adh-caddeeye fadhiyey ay Laas Caanood soo galaan ka dib marki taageerayaashii Xaabsade ay xabadda ku jeediyeen dadkii ay u aqoonsadeen ciidanka Buntland. Xaabsade oo wareysi siiyey Laanta Af Soomaaliga ee BBCda ayaa, si uu u buriyo bayaan madax-dhaqameeyadu ka soo saareen qabsashada Laas Caanood, sheegay inuu isagu u yeedhay ciidanka Somaliland, odayaashuna talada guddoomiyaan balse aanay goyn. Dadka aan wax badan kala socon nolosha siyaasadeed ee Sool waxay si fudud u rumeysteen in Xaabsade yahay nin beesha Dhulbahantaha u kaxeyn kara meeshuu doono. Runtuse way ka duwan tahay taas: Xaabsade ciil iyo cadho ayuu Hargeysa kala soo taagey markii Allaha u naxariisto Maxamed Ibraahim Cigaal, madaxweynihii hore ee Somaliland, xilka Afhayeenka Golaha Waakillada ka qaaday Xaabsade oo kaalin weyn ku yeeshay kulankii dhidabada loogu aasay is-maamul goboleedka Buntland sanadkii 1998kii. Sida ay ugu muuqan kari weyday Marxuum Cigaal in hab *****nimo ah ismaamul lagu samayn karay, ayay hoggaamiyayaasha Buntland ugu muuqan kari weyday dhibta Buntland iyo beeshiisaba u geysan karo mid ka mid ah qotomiyayaasha Buntland oo gardarro siyaasadeed la kulmay wax u garaabana waayey. Qabsashadii Laas Caanood ka dib maammulka Somaliland waxa ay talo kaga ururtay inuu dhegeysto hawl-wadeenno dadkooda la hadli kari waayey, quursadayna madax-dhaqameedka inkastoo guurtidu ka mid tahay tiir ka mid tiirarka Somaliland ku dhisan tahay. La mood, mase noqon Sida dad badan ay la tahay, Buntland waxay noqotay tijaabo siyaasadeed oo beelaha Sool, Sanaag iyo Ceyn ay ku hungoobeen. Waxaase xusid mudan in aan la helayn oday la yiraahdo Buntland oo meel fadhiya: dadka Sool, Sanaag iyo Ceyn waxay Buntland ku leeyihiin hawl-wadeenno iyo madax-dhaqameed kaalin ku lahaa go’aano badan oo la gaaray, go’aanadaas oo keenay in horumarintii gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn la illoobo oo la tegeero dowladdii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf hoggaaminayey oo marar kala duwan fadhiggeedu ahaayeen Jowhar, Baydhabo iyo Muqdisho. Arrintan waxay keentay soo bixista hoggaanka Sool, Sanaag iyo Ceyn oo taageerayaashiisa badankoodu yihiin kuwii Buntland taageeri jiray marna aan turxaan-bixin ku samayn siyaasadda bulsho ee ismaamul-goboleed tolnimo iyo talo-wadaag lagu sameeyey. Hoggaanka Sool, Sanaag iyo Ceyn wuxuu qaadan karaa kaalin si meel la isugu keeno dhinacyada siyaasadda ee Sool, Sanaag iyo Ceyn. Taasi u la maan jeedo iyaga ayaa noqon kara hoggaanka keliya ee dadka SSC u arrimiya. Kala go’ deg-deg ah Maammulka Somaliland marnaba muu soo bandhigin jaangooyo siyaasadeed ku salaysan dan-wadaagnimo. Cuskashada soohdin gumeyste ka tagay kama duwana barnaamijkii siyasadeed ee ururkii SNM uu soo saaray 1990kii, barnaamijkaas oo xusayey in dowlad ay wada dhisi doonaan jabhadaha mucaaradku marka la rido maammulkii Siyaad Barre. Jabahaduhu waxay ahayeen kuwo beelo ku dhisan oo waxaa jiray beelo diiddanaa keli-talisnimadii dowladdii militariga balse u arkayay jabhadahii mucaaradka kuwo doonayey inay maammul xun ku baddalaan maammul ka sii xun. Taariikhda ayaa marqaati ka ah sida jabhadihii mucaaradku ugu biyo-shubteen dumiyeyaal ka darnaaday keli-taliskii. Tani waa mid ka mid ah sababaha Somaliland ugu adkeysato soohdimaha gumeystihii ka tegey. Dastuurka ururkii SNM wuxuu xusay midnimada Soomaaliyeed. Dastuurkaas wuxuu gaar u ahaa tageerayaashii ururkii SNM. Somaliland goonni-isu-taaggeeda ayaa lagu dhawaaqay sanadkii 1991kii iyadoon dastuurka isbeddel lagu samayn. Haddii Somaliland si aan ka fiirsasho lahayn u la midowday Koonfurta Soomaaliya sannadkii 1960kii, hoggaamiyayaashii ururkii SNM waxay sannadkii 1991kii gaareen go’aan deg-deg ah oo uu madaxweynihii ugu horreeyey ee Somaliland, Cabdiraxmaan Axmed Cali (AUN), ku tilmaamay mid laga noqday ka dib markii xilkii madaxwynimo laga qaaday oo uu maammul-u-eke- la sameeyey Jeneraal Maxamed Faraax Ceydiid (AUN) sagaashanaadkii. Maammulkii Cigaal iskama xilsaarin gobolladi maamulka Somaliland uusan gaarin waayo wuxuu ka soo kabanayey dagaallo sokeeye hase yeeshee wuxuu Marxuum Cigaal u sheegay Laanta Focus on Africa ee BBCda sanadkii 1995tii in Laas Caanood iyo Boorame “yihiin meelo argagixiso joogaan.” Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Meles Sanaawi, oo arrintaa wax laga weyddiiyey ayaa Cabdullaahi Xaaji, weriyaha Laanta Af Soomaaliga ee BBCda, u sheegay in uu garanayo “xadhkaha siyaasadda Soomaalida” (We are familiar with the intricacies of Somali politics.”) Marxuum Cigaal muu ahayn madaxweyne qabqable dhegeysta. Hal-beegga uu u adeegsan jiray culayska siyaasiga beelaha *****ga ka soo jeeda wuxuu ahaa xiriidhka ka dhexeeya siyaasiga iyo madax-dhaqameedkiisa. Qabqableyaal ayaa ku guuleystay kala fogeynta dadka Somiland goonni-isutaaggeeda doonaya iyo dadka midnimada Soomaaliya doonaya ee ku wada nool dhulkii Biritishku maammuli jiray. Somaliland oo si toos ah u la hadasha dadka doonaya midnimada (ha noqdeen kuwo tageersan hoggaanka SSC ama Buntland) ayaa noqon kara hindise keeni kara in laga wada hadlo sida loo wadaagi karo aaye siyaasadeed ama derisnimo wanaag loogu wada noolaan karo. Liibaan Axmad E-Mail:Libahm@mail.com Il - wardheernews.com
  10. Originally posted by Haatu: If P/land wants to keep those regions it needs to be prepared to risk soldiers. if not SSC needs to be allowed to go it alone. I am just telling you what the older and wiser people say regarding ssc and they simply don't want to send any troops over there and their not happy about the dilemma's with in the darwish and the divsion and defectioons and all sorts of issues. If i had my way I would send troops but from what my father says it won't be happening and the darwish will have to liberate themselves and they are serious bro wax kaftan ma ahan. So the darwish shouldnt waste their time waiting but start moving and freeing las anod just drop the ssc name and replace it with puntland name is all i was working, sure farole administration has failed them but doesn't mean they gotta leave puntland just for 1 man because puntland is bigger then farole. Farole term has a beginning and it will have an end but puntland existence is not going anywhere and will exist permanently.
  11. Faahfaahin Kasoo Baxaysa dagaal Ka Dhacay Magaalada Beledweyn May 31, 2010 Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaaya in halkaas ay isaga baxeen Maleeshiyada kooxda Xisbul Islaam ee halkaas ka ariminaysay. Ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu habeenimadi xalay dagaal kula wareegay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee duleedka Beledweyne ayaa la sheegay in ay fariisin ka samaysteen Buurta Janta Kundishe oo aan aad uga fogeyn Beledweyn Maleeshiyada Kooxda Xisbul Islaam ayaa u baxsaday sida la sheegay dhanka iyo degmada Buulobarde,isla markaana iminka magaalada Beledweyn aan iminka cidna ka arimin. Qaar ka mid ah dadka deganaa magaalada ayaa bilaabay in ay halkaas isaga barakacaan iyagoo ka cabsi qabaa inuu dagaal culus halkaas ka dhaco,waxaana ay dadku horey u sameyeen barakac ka dib markii u fatahaad sameeyey Webiga Shabelle ka dib markii ay burburtay buundadii liiq liiqato. Khasaaraha ka dhashey dagaalada ka dhacey saaka iyo xalay agagaarka magaalada Beledweyn ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 6-qof oo isugu jira dad rayid iyo dhinacyadii dagaalamaysay. Horseed Media
  12. Originally posted by Haatu: ^ If you lot were serious about P/lands unity, you would've sent the troops long time ago. Sadly, Faroole is a bit of a chicken when compared to former leaders. All he knows is how to argue with Shariif while people in Sool are getting slaughtered. Faroole is killing P/land. Yeey might need to come out of retirement for P/lands sake. When I asked my father regaring the sool issue he said their was secret meeting that said no ssdf soldiers will be going to sool because their is alot of darawish people their who are double agents and get us killed. However logistics will be provided to them to free themselves such as medicine/money/weapons but thats it as far as puntland concerned from what my father told me he said alot of boys died out there while the darawish were drinking shax at hargeisa or some were passing puntland strategies and bases in sool to the enemy. Ideally what they need to do is liberate themselves under the puntland name and if they need support it will provided to them minus soldiers as i stated theirs bit of lack of trust issue from puntland and don't want to risk their boys for two-faced agents. Puntland has fought many times sxb in sool my aunty husband is still wounded and getting monthly medical bills from us from the battles in sool back 5 years ago and not to mention how many puntlanders died in sool for them only to see the darwish man sitting and sipping shax in hargeisa and even worse double agents in the puntland soldiers. Its not 1 sided story sxb as the darawish love to portray but the point is they need to free themselves using the name puntland, is that so difficult? they will be given whatever logistic they need from garowe except puntland troopers. So still today puntland is supportive of the ssc cause but the ssc ppl now have changed the whole game into forming a mamul and creating itself an enemy in garowe and that doesnt help freeing las anod that just adds more enemies to their plate and they creating their enemies themselves
  13. Haatu, the whole point of federalism is to unite tribes uner a mamul if we can't even get along with out closest of kin how can we get along with hamar or hargeisa? Puntland was created to show the other somalis that a mamul can be created of different clans from different regions and cohesively live in peace. This is to set an example to the south to get their act together and unite and form and administration. If puntland is divdied into clan fiefdoms trying to build a qaran is going to be long way ahead. We must love ourselves first and then our neighbours before we can think about national government. Can you imagine building a government when las anod and garowe cant even get along and their 80km apart? its not good image bro towards unity of somalis because unity starts at home period
  14. Mr.Somalia If i am puntland or not it wont be decided on somaliaonline and that is cheap way of trying to get out of tough questions and sorry it won't work!!!Secondly its my opinion I dont want to see darawish-state its unrealistic. But as far freeing themselves yes that is something that I do want to see. So what if this admin has failed, according to your warp logic, so if obama fails americans will leave america? what sort of crack are you smoking sxb? farole failing the state is not even be questioned here it is you who keep debating about how farole has failed lol. What is being questioned is the unity of puntland and the unity of people is through the people not through farole or the president. What the ssc people need to do is start lobbying for change or even an armed resistance against farole to get him to change his policies, but this idea of "i will leave puntland because farole has failed me" is unacceptable sort of behaviour. Puntland is bigger then farole, you, or me. It is the people that make the state and when the ssc people say "I will leave the state" is no different to the games the snm play with Somalia.
  15. Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Didn't you notice the fanfare about Ethiopia opening an 'Embassy' in Garowe? Nimanku waa cajiib ninyahoow. Sida dumarka ayey Xin u nool yihiin. Might have been better to call themselves XINLAND, rather than Puntland. I have a proposal. A land swap with the ONLF. If they love Ethiopia so much, let them take Dhagaxbuur, Qoraxeey, Godey, Afdheer and give us the barren fields of Mudug and Nugaal. Who celebrated the opening of ethiopia consulate? their was only 3 people there and the person who opened is a darwish Besides I didn't celebrate and nor did anyone that I know celebrate. I believe all the consulates should be located in hamar and to be quite honest I dont like Ethiopia involvement in Somalia but sometimes you need to accept the fact "even if puntland leaves ties with ethiopia their will be other clans who still have ties with them" therefore its kind of pointless. Marka waa in laga fa'ideysta for ourselves they are not going anywhere the ethiopians sxb and that is not because of ethiopia but because of the division among somalia.
  16. I would like to propose a conspiracy theory. When president farole said the "12th anniversary of puntland" this year will be held in las anod, is their something we are being told in that? For example look at the election date for somaliland june 26? puntland anniversary month is a August? its only 1 month after? My theory is that ethiopia told farole hang on untill the election in happens in hargeisa and what a coincidence the election is 1 month before puntland anniversary which farole said in his speech at last years anniversary "sanadguradda puntland ee 12 aad waxay ka dhaceysa las anod" So does anyone see the conspiracy theory? Or is it a coincidence that somaliland election date falls 1 month before puntland anniversary? To make matters even more weird farole promising to hold puntland anniversary in las anod 2010 august 1 year before. It might just be a coincidence or it maybe ethiopia already told farole to wait when the elections are over and you can take las anod back.
  17. Originally posted by Mr. Somalia: Cowke , you need to pipe down your nonsensicality, just for a once here! Irregardless of which Garaad supports Puntland or NOT, the fact that the SSC people are slowly coalescing behind their elders and uniting for their common cause, is indeed a worthy and honorable sight to behold. I wish my brethren ALL the success in their endeavors to rid themselves of the traitors in their midst who have brought so much opprobrium and disgrace to the proud people peoples of Sool, Sanaag and Cayn. Isha-Allah; victory is theirs, ALONE. I am happy their liberating their land, I've never had an issue with that it's just why cant they liberate their land without destroying puntland unity? Puntland was created for 8 regions, if they don't agree with the mamul in garowe that is fine and that is their right to disagree with it but "Leaving Puntland" because of farole is really a bad move as far as im concerned. They can hate the leader but don't hate the system. The leader can be changed anytime so why do they want to leave? why cant they help save puntland? Cade didnt leave because of abdullahi, he wanted to save puntland. i wish the darawish people were bit more like that but their not. Hal odey daradisa ayey puntland uga baxayan ma caadi bay kula tahay taas? niyahow waxaas caadi ma ahan, puntland way ka weyn tahay hal nin.
  18. Aliyah, let me tell you secret ok. when farole is time is finished you wont see any ssdf president happy. The agreements already have been signed before farole even was declared president!!! The ssdf group today dont have good leaders left, therefore it's time to pass the torch plus it will lessen the chance of conflict in puntland. When farole was being elected do you know that cade muse and farole had 60 technicals each facing each other prepared to go to war in garowe? It was abdullahi yusuf interventation that stopped a bloody battle from happening but dont worry none of that stuff hitt the news!!! Aliyah The sanaag born general is probably the only decent leader left up in puntland who can secure us from two threats 1 in the south and 1 from the north and I put my $$$ on him leading puntland next.
  19. Garaad Jaamac Garaad Cali,Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,Garaad Cali Buraale,Boqor Cabdilaahi waa isimada u kicitimaysa Hawdka deegaamada SSC,iyadoo isimada inta kalena ay Deegaamada Nugaasha ay hawlaha ka wadayaan. The garad next garad jamac is very staunch puntlander and was at signing ceremony. Most of the garaads are at tukaraq in this picture except probably 1 or 2 who are at hawd and garad saleban is missing.
  20. Now i know that certain ssc soldiers defected from the puntland camp, you can tell by the red-berets some of them are wearing however what shocks me is the that most of the garaads who signed an agreement with puntland just the other day are now welcoming people who are traitors to puntland? Anyways I think this website has twisted the truth a bit by trying to portray the garaads as anti puntland and welcoming defected soldiers from puntland it just doesn't add up why would those garaads sign agreements with puntland just the other day. SSC is confusing place thats for sure :confused:
  21. Tukaraq,(Lasanod Online)- Isimada SSC ayaa maanta Xaflad ugu qabtay deegaanka Tukaraq Ciidankii SSC ee kasoo goostay Maamul Goboleedka Puntland- Isimada ayaa ku dhiirigeliyay ciidamadan dadaalkii ay u galeen inay qayb ka noqdaan dadaalada iyo dagaalada dib loogu xoraynayo deegaamada SSC gacanteeda ka maqan, Boqor Cabdilaahi Oo ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa si wayn ciidamadan ugu amaanay dareenka wadaniyada leh ee ay qaateen ugana dhiidhiyeen inay iska joogaan meel kale iyagoo ciidoodii lagu soo duulay, Sidoo kale Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa halkaas ciidamada kala hadlay isagoo Garaadku sheegay in wax lagu farxo tahay in fogaanta intaa leeg aad usoo marteen dalkiina inaad daafacdaan iyadoo qaar meel u dhaw joogaana ayna weli dareenkaasi gelin. Garaadku wuxuu wax lagu farxo ku tilmaamay in cudud intaa leeg oo ciidan oo SSC ay maanta u diyaar yihiin inay dalka maqan soo celiyaan isagoo kusoo dhaweeyay ciidankan kuwii hore ugu jiray Furinta horre ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Garaad Cali Buraale ayaa iyaguna khudbad qaaliya halkaas uga jeediyay ciidankan iyagoo ugu hanbalyeey dareemada iyo raganimada uu ilaahay u dhaliyay oo ay ku garteen inay dalkooda iyo dadkooda kala qayb qaataan waxyaalaha dhacaya. isimada ayaa kulankaas ka bacdi shirar albaabadu u xidhanyihiin la galay saraakiisha ciidankan horkacaysa,iyadoo sidoo kale ay shirarkaas loogu yeedhay oo ay ka qayb galeen saraakiil kale oo ciidan horey tukaraq u joogay ah. Munaasibadan maanta waxay isimadu ku sheegeen in shir ay yeesheen ay ka soo saareen in isimada SSC ay safaro kala duwan ukala baxaan oo deegaamada SSC. Waxayna isku qaybiyeen laba qaybood oo kala aadaysa deegaamada Hawdka iyo Nugaasha, Garaad Jaamac Garaad Cali,Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil,Garaad Cali Buraale,Boqor Cabdilaahi waa isimada u kicitimaysa Hawdka deegaamada SSC,iyadoo isimada inta kalena ay Deegaamada Nugaasha ay hawlaha ka wadayaan. Ciidamadan ay isimadu maanta xaflada uqabteen ayaa ahaa cutubyo ciidan SSC ah oo kasoo goostay Maamulka Puntland iyadoo abaabulka lagu soo anbabixiyay ay qayb ka ahaayeen ganacsatada SSC ee magaalada Boosaaso. Wariye: Abdiqani I. Goox admin@lasanod.com Xafiiska Wararka Lasanod Online, Laascaanood.
  22. Ilka-Dahablee, haa qorshuhu bridge bay ahayd lakinse hada laami ayeyba halkas dhigeen waa yaab. Anytime their can be strong winds or strong rain it will flood out that road. But your totally correct the job was supposed to be a bridge, I don't know maybe some financial/technical issues occurred and this is the best they could. Ps: Here is what the original deal was when it was first proposed. http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/22030
  23. Muqdisho:Ciidamo Puntland lagu soo tababaray oo Muqdisho gaaray. 30. maj 2010 Muqdisho:(Allpuntland)-kudhawaad 400 oo askari oo kamid noqonaya Booliska Soomaaliya ayaa waxay gaareen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya,ciidanka oo dhawaan tababar ugu soo dhamaaday kuliyada Booliska Soomaaliyeed ugu weyn ee Carmo oo katirsan gobolka Bari ee dawlada Puntland ayaa waxaa maanta loosameeyey xaflad heer qaran ah oo lagu soo dhaweynayo. Ciidamadan oo inkbadan 50-kamid ahi ay haween yihiin ayaa waxaa ay ku labisan yihiin Dhar kaduwan kuwa ay ciidamada Booliska dawladu xiran yihii waxayna Saraakiisha ugu saraysa boolisku sheegeen inay dhinacyo badan uga duwan yihiin kuwo horay booliska loogu soo tababari jiray,xaflad lagu soo dhaweynayey Ciidankan oo ay ka qeybqaateen madax u badan Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Arimaha Gudaha & taliyeyaal ciidan oo uu kamid ahaa taliya guud ee Booliska Jamhuuriyada Soomaaliya & saraakiil kale. Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada soomaaliya oo hadal kooban kasoo jeediyey xafladii ciidanka lagu soo dhaweynayey ayaa amaan Dawlada Puntland oo markasta ciidamada booliska tababaro u samaysa,wuxuuna sheegey in saraakiil howl kar ahi ay kusuganyihiin degmada Qardho ee gobolka Bari waxaana uu sheegey inay amaanayaan hay'ada UNDP oo tababarada Booliska dhanka Tafaasilaadka & mushaaraadka tababarayaasha ka taageerta. Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya wuxuu sheegey in ciidankan oo kharash badani galay in looga baahanyahay inay qaataan kaalintoodii ciidanimo,wuxuuna sidoo kale sheegey in ay ciidankani ka qeybqaadan doonaan hawlgalo muhiim ah oo dhawaan muqdisho ka dhici doona,Wasiirku wuxuu sheegey in Ciidankan oo dhalinyaro u badan looga baahan yahay inay kaalinta Booliska Soomaaliyeed oo imika liidata inay qaataan shacabkana badbaadiyaan oo ay dawlada Awoodeeda koowaad noqdaan. Taliyaha Guud ee Booliska Soomaaliya Jen,Cali Maxamed Xassan (Cali madoobe) ayaa isna xafladaas ka qeybqaatay wuxuuna sheegey in ciidankan tababarkooda dhibaatooyin badan laga soomaray,wuxuu taliyuhu sheegey in loo baahan yahay in Booliska oo kaalintooda qaatay in lataageero islamarkaasna ay Boolisku imika ku jiraan heegan Buuxa oo ay ku doonayaan inay waxbadan ka qabtaan xaalada dalka Soomaaliya oo imika meeshii ugu xumayd maraysa. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  24. SOMALIA: Puntland to start construction of new Navy base May 31, 2010 Minister of Ports and and marine transportation at the construction site in Bander Siyada Puntland will start construction of a new navy base in the coastal village of Bandar Siyada, officials said. Today, construction of Puntland navy base to bolster the fight against Somali pirates began at Bandar Siyada village, about 25km west of Bosaso city, the commercial capital of Puntland. The construction of the new base includes training centre for new recruits and a command center for the Puntland navy force, funded by a UK based security company, called SARACEN INTERNATIONAL and the Puntland State administration. A delegation led by Puntland’s Minister of Ports and officials from SARACEN International visited the construction site, today. The Construction of the base began when the first cornerstone was laid by Mr.Said Mohamed Rage, the Minister of Ports and marine transportation of Puntland. “…Puntland will establish a new navy force, that is able to combat against pirates and secure our seas….” says Mr.Rage. “…this will be a new force that is different from previous marine security forces, those forces have failed because they were none state entities, they were controlled by private companies, but now we will create the Puntland state navy that will have all the necessary equipment and training,” said Mr.Rage. Somali pirates continue their attacks against international ships in the Gulf of Aden, despite the international naval escorts and patrols. Currently, The EU Naval Force (NAVFOR) Operation Atalanta off Somalia is part of the international naval operation, to protect World Food Programme (WFP) vessels and prevent piracy. The construction of this navy base will be the first in Somalia for decades. Somalia has been without an effective central government since President Siad Barre was overthrown in 1991. Horseed Media