Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
UJEEDO: Bayaan Jaaliyadda UK ee ***** Posted to the Web Jun 03, 05:20 BISMILLAAHI RAXMANI RAXIIM UJEEDO: TACSI IYO CANBAARAYN KU: DHAMAAN DADWAYNAHA PUNTLAND KU: DAWLADA ETHOPIA KU: MAAMUL KU SHEEGGA SOOMAALILAND KU: DAWLADA PUNTLAND Waxgaradka, odayaasha, aqoonyahanadda, iyo dhaliyaradda jaaliyadda Puntland ee deegan dalkan UK (Ingriiska) ayaa kulan ay ka yeesheen dhacdooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay gobolka Cayn, degmada Buuhoodle iyo deegaanka Widhwidh. Jaaliyaddu waxay soo jeediyeen go’aamadan hoos ku xusan oo isugu jira tacsi iyo canbaarayn. Waxay jaaliyaddu: 1.Tacsi u diraysaa naftooda, iyo ehelkooda ay walaalaha yihiin ee ku nool degmada Buuhoodle iyo deegaanka Widhwidh taas oo la xiriirsan weeraradii gardarada ahaa ee ay ku dhinteen dad badani qaar kalena ay ku dhaawacmeen, isla markaana ay qaar kale oo badani ka barakaceen guryahoodii, iyo waliba hantidoodii (Gawaari) oo xaq-darro lagula tagay. 2.Canbaarayn kulul u soo jeedinaysaa Dowladda Ethopia, gardaradii qaawanayd oo sabab-la’aaneed ee ciidamadeedu ay ku soo qaadeen Degmada Buuhoodle, halkaas oo khasaare naf, maal iyo barakac uu ka dhacay. 3.Dawladda Ethopia ka filaysaa inay si dagdeg ah wax uga qabato xasiloonida deegaanka , daris wanaaga iyo xalinta dhibka ay ciidankeedu u gaysteen shacabka Buuhoodle, waxayna uga digaysaa dhicitaanka fal kaas la mid ah oo qalalaase iyo amaan daro ka hurin kara gayiga guud ahaantiis. 4.Cambarayn u soo jeedinaysaa Maamul-ku-sheegga labaxay Somaliland ee weerarka qaawan ku soo qaaday Widhwidh iyo Balihadhac oo ay ka dhaceen khasaare naf, maal iyo barakac loo gaystay shacabkii ku noolaa degaanadaas. Waxa ay sidookale digniin u soo jeedinayaan Maamulkaas in ay ka baxaan deegaamadaas, dhawraanna daris wanaaga. 5. Maamulka Dowladda Puntland ka doonaysaa inay ka soo baxdo doorkii kaga aaddanaa sugidda amaanka dhulka iyo dadkaba ee loo igmaday. 6. Dhamaan dadwaynaha reer Puntland ugu baaqaysaa inay si cad uga qayb qaataan difaaca dalkooda weerarka lagu hayo; sugidda amaanka deegaamadoodda iyo dhowridda sharaftooda iyagoo u huraya naftooda iyo maalkooda. Wa_bi Allahi Towfiiq. Guddoonka Jaaliyadda Puntland UK Maxamed Cabdi faarax botan-Shiike E-mail:faaraxbotan@hotmail.com Daabacaada: Puntlandpost.com
-
Bandhiga iyo Todobaadka (Sawiro) Magaalada Qardho waa Magaalo weyn oo bilicsan waxaa la qiyaasay dhulka ay ku fadhiso 75% in ay tahay dhir oo marka laga reebo 5 xafadood oo waweyn oo lakala yiraahdo Xorgoble, Shimbiraale, Kambo, Xingood, iyo Qoryacad waa Xaafado laga heli karo Adeegyada bulshada Xaafad walbana waxay ledahay oday Xafadeed oo marka ay dhibaato dhacda golfeeya oo hishisiiya labada dhinac , ma jirto Xaafad ay hal qabiil degan yihiin Xafad walba waxaa degi kara qofwalba ha ahaado mid aan u dhalan dhulka ama soo barakacay, Waxaa jira Cadaalad iyo Sinaan ay dadku wadaagan oo ma jirto cid ayagu shegan kara awood, Ganacsigu waa isha keliya ay dadka degaankan ay ku nool yihiin, Ganacsiga marka loo firsho xaga Xoolaha dhaqatada ayaa ka mid ah oo degaankan waxaa ugu badan ee laga helo dhaqaalaha waa xolaha nool ayadoo loo adeegsado malashada, dhaqashada , ibsashada , iyo dhoofinta oo laga dhoofiyo dakada boosaaso oo runtii si weyn ugu xiran xoolaha laga keeno Gobolka karkaar oo ah Gobolka keliya ee laga helo caano saafi ah oo nooc walba leh, Dhaqashada geela waa isha keliya ay dadkan ku nool yihiin waxaa loo adeegsadaa in laga bixiyo magta marka ay colaad timado ama qof ay dilaan, waayo dadka deegaankan waxay u badan yihiin dad jecel Cooladaha oo waxay kiciyan dabka, Odayga reerku haduu magaalada usoo aado howlo ganacsi waxaa laga yabaa in reerka loo daba maro oo wecda laga dhigo oo dhiig la daadsho , waayo dadku waxay isku yihiin cadow oo midba midka kale ma arki karo ganacsigiisa. Qiyaas la sameyay iyo indho indheen badan hayada Somcare ayaa waxay xaqiijisay dadka Gobolkan in ay yihiin dad firfircoon oo shaqo jecel balse ay jirto hididilo colaad iyo xaasidnimo daba dheeratay , Oday ka mid ah odayaasha deegaanka oo da’diisu tahay 85 jir oo muddo dheer ku nolaa ayaan waxan weydiyey sida ay dadku xasidnimadu usoo gashey? Jamac Max’ed Afminshaar wuxuu I sheegay in wagii hore hadii ay reer soo dagan wata shan wiil in lala yaabi jirey oo la dhihi jirey badanaa waxas oo wiilal ah side ayey u dhaleen sida isha loogu hayo ay marka dambe il u dhiman jireen qabuuraha ugu badan Puntland ama Geeska Africa waxay ku yalaan Degmada Bari oo ay ka mid tahay Qardho , Taasina waxay keentay in ay dadku tarmi wayaan oo ay dhintaan waxaana u sabab ah Cowriga (Isha) oo ah mid halis ah. Waa Cajiib in sidaas dadku isku cowriyaan oo ay xasid isku noqdaan, Jamac wuxuu dhalay 5 wiil oo intuba waxay jiraan dibada oo ma rabaan in ay yimadan dalka madama ay markii hore kaga tageen Cooladaha mantay ka tagan dalka. Mar aan Socdaal ku tagay Gobolada Bari ayaan waxaan wareysiyo la yeeshay dadka deegaanadaas oo ayagu ah dadka ugu hantida badan Soomaaliya balse kama muqato wax hanti ah oo waxaad modaa dad muddo dheer Qatanaa, Waayo waxay u badan yihiin dad macsiyeesta oo aan guursan lacagtoodana waxay ku lumiyaan macsi iyo qayilaad, Caafimaadkoodu waa litaa oo waxad modaa dad meel lagu xir xiray balse waxay lacagta ku shubtaan Account oo ma ogola in ay hal shilin Dhar iyo guryo ku ibsadaan kuna guursadaan , waayo xag alle ayey ka oman yihiin, Odaayasha ugu lacagta badan ayaan waxan weydiyey maxad hor mar u sameyn weydeen madama aad tihin dad qani ah oo wax soosar sameyn kara, dalka maad warshado keentaan? Inta ay qosleyn ayey waxay yiraahdeen hadii an lacagta gubno hadhow hadii aan dhimano maxan fa’idney waxaa inoo dhanta in aan ku raxeysano. Markan muddo ta**** casho joogay ayaan kasoo socdalay waxaana aaday degmada b/beyla oo ah meel aan jawigeeda u bogay oo buro dhadheer leh, B/beyla waa degmo ay ku yar yihiin dadka reer bariga ah oo waxaa dega dad saafi ah waxayna leedahay dugsi hoose/dhexe ah waxan ka xumaday in aysan laheyn dugsi sare iyo jamacad midna , Waxaan dhax galay dadka deegaankaas b/beyla oo runti ah dad xadariyiin ah oo soo dhaweyn wacan , markiiba waxaan indho indheen u aday dugsiyada degmada waxaana la kulmay macalimiin iyo Arday shekeysanaya oo igu noqotay mid aan la yaabo waayo markii aan jogay Qardho Dugsiyadeeda kuma arki jirin Macalin arday la fadhiya, Macallin Shariif ayaan Weydiyey xiliyada imtixaanka la gaaro ma wasarada Waxbarashada ayaa yimada oo qada mise waxad tagtaan deegaano kale? Wuxuu I sheegey in dugsiyada hoose lagaga qaado gudaha degmada balse kuwa dhexe ay aadan Qardho, Socdaalkeygii waxan kusii maray degaano kale oo fara badan markii dambena waxan ku ima Magaladan Qardho .. Socdaalkeygii ahaa in aan wax badan ka ogaado deeganada Bari ayaa waxaa socdaalkeyga igu wehlinayey Asxaab Saxafiyiin ah oo ayagu dhulkaas si fican u yaqan. Kadib roobabkii ka da’ay degmadaan qardho ayaan kusoo beegmay, halkaas oo aan arkay qasaaro soo gadhey dadka ganacsatada iyo kuwa hantida leh, Sawirada aad u jeedan waa daaqsinka badiyaha qardho, roobabka dhawanadas ka curtay magaalada waxay is bedel ku sameeyen noolasha reer guraga gobolka karkaar ayagoo xoolihi ay daqsin usoo adeen dhirtaan dooga leh oo aad markad aragto dareemi kadho is bedelka ku yimi, waxaa jira dad ayagu ka cabanaya qasaarihi fatahadii roobka oo qarkood ay dadyowga dibada u tugsi tageen, qaarna ay nimcada alle ku shugriyeen oo xoolahooda malayaan, Hadaba odey magaciisa igu shegay C/rashiid Jamac diriye oo ah Ganacsade weyn oo reer Qardho ah oo muddo 10 sano ah ka ganacsan jirey Bakhaar, hadaba C/rashiid Jamac wu ka gabsaday in u sawirkiisa isiyo lakiin wuxuu iga waramay qasaarihii roobka u ugeystay wuxuuna I shegay lacag aan macquul aheyn oo qofki maqla usan rumeysaneyn balse C/rashiid waa nin wadaad ah oo diinta ku fican wuna u samrey oo aallle ayuu weydistey in n badalkeeda oo qeyr qabta u siiyo sida u isheegay, Wuxuu ishegay in ay aheyd lacag dhan 25,000 $ dollarka Mareykan aha iyo 25 Million oo SH.so Ah. Iyo Rashiin Badan, Waxan weydiyey Sidee u dhacday ma biyaha ayaa qaday mise waa lagaa xaday? Maya Baqaarkeyga ayaa ku yaal meel biyo mareyn ah balse ma arag biyo sedan oo kale ah mudadii dhereed aan degnaa. markii ay biyihii xoganaa ay soo dhaceen ayaan waxan moday in ay yihiin Ari soo socda isla markiiba waxan maqlay habro qeylinaya oo leh waan rumeysan wayey oo ku orday baqaarkii si hal haleyl ah waana ka gaari wayey ilahey amarkii, xitaa hadii aan xiri lahaa hoos ayey ka gali laheyn oo waxay aheyn biyo xogan oo ilaa 1 miter kor u dhafeyey baqaarkeyga oo ah mid hoos u qodan ayaa markii ay biyuhu galeen is iri qalabka kala bax lakiin ma jirin cid i cawineysay oo waxa markiiba qoyay lacagtii dollarka iyo midi somaliga aheyd xita ma aysan dhafin rashiid sida galeyda,burka,bariska oo ayadu markiiba noqotay kuwo fura, sonkorta oo ayaduna sidaa oo kale aan waxba ka arag. (Alla weyn ninkii Aaminaa Awood leh) C/rashiid Jamac waa nin samir badan wuxuu I shegay in u heli doono in ka badan hadi u alle u garto. Waxaa jira ganacsato badan oo ayaguna iga waramay fa’tahaadii roobabku iyo sameynta ay ku yesheen , Hadaba Guddomiyaha Gobolka karkaar Cabdi Maxamed CabdiQuraan oo u warameyay Subaxnimadii Sakay Idacada Codka Bulshada ee RBC Radio Xafiiskiisa Qardho ayaa wuxuu iga waramay in ay ka xun yihin haday yihiin Madaxda Gobolka karkaar Qasaarihi soo gadhey bulshada oo ah mid xag alle ka timi, Cabdi Quraan oo geeska kale aan waydiyey waxa ay ka qabanayaan Wadooyinka Magaalda siiba tan laamiga madha oo xiliyada roobka ay xayirmaan Gawari badan oo u kala gooshi lahaa deeganada. Wuxuu ishegay in aysan wajib aheyn in ay ayagu dayactiraan balse loo bahan yahay hayada u qabilsan Puntland wadooyinka oo noqotey mid ka seexata arrimaha wadooyinka ayuu shegay in ay wajib ku tahay in ay dhisaan dayactirana kuwa kale ee burbursan, wuxuna shegay in hayadahu ay gargaar deg-deg ah oo bini adanimo soo garsiyaan barakacaayasha oo ku nool nolal lidata. wuxuu kaloo mahad u celiyey dhalinyarada wadooyinka oo ayagu qabtay howl ka wanagsan Hayada wadooyinka oo aan la isla barbar dhigi Karin , wuxuu kaloo xusay in xaarumo ay dowlada hoose ay dhistay oo ay ka mid yihiin warshada Kaluunka in ay soo gadheen burbur dhanka dambe kaga yimi,wuxuu kaloo soo qatay beeraha ku yaal suuqa oo ayagu noqday mid ay biyihii kusoo rogmaday Magaalada ay taxaluf ku rideen. Isku soo wada duubo dadka barakacayaasha ah ayaa ayagu dhinacooda ka cabanaya noolal xumada ku timi ayadoo ay xiligan ku nool yihin guryo cooshado ka sameysan oo aysan jirin wax ka celiya ileyska quraxda iyo roobka, Hadaba noolal xumada dadkan ayaa noqotey mid soo noq-noqata oo ay hayaduhu ka cajisaan marka ay siyaan 10 kiish oo Galay ah iyo 20 gasac oo saliid ah, Taasi ma ah mid ****oli kadha bahida dadkan waayo waxay degan yihiin ila iyo 10 camp oo waweyn oo ku yaal gudaha magaalada , qiyaas ahaan ay sameysay hayada Tools ayaa waxay shegtay ilaa iyo 2,000 in ay ku nool yihin oo isugu jira Haween iyo Rag. Afhayeenka 10ka Camp Mr Maadey Salad Cegaag ayaa wuxuu iga warbixiyey hayadaha waxa ay u qabteen wuxuna I shegay in ay sawiro ka qataan oo ay yirahdan rashiin ayaan keneynaa balse way ka baxaan ayuu yiri , hada waan diidney qof dambe oo sawir naga qadan karo ma jiro waayo waan ognahay in aysan waxba inoo hayn oo ay dusheena ka shaqeystaan. Markan usii guda golay noolasha dadyowgas oo ah mid lidata ayaa ciyaalka yar yari subaxdi waxay adaan magaalada si ay lacag uga helaan balashka iyo dhaqida gawaarida, ayadoo hooyo xaamila ah oo I sheegtay in ay tahay 8 bilood ay magaalada u raadsato noolal malmeedkeeda oo ah dhaqida dharka oo hadba reer ay dharka u dhaqdo. Dhinac kale aydoo u roobku dumiyey Maxfalka Xirta Ahlu suna wa jamiica ayaa waxaa muqata in Maxfalkii u noqdo mid ay dadku ku kala gudban oo noqotey wado la maro ayan markaan arkey waxay ila noqotey wax aan la yaabo sababta ay culumada Aysan usoo dhugan oo aysan gacan ugu geysan hadaba ima surta galin in aan wadaadada Culumada aan la kulmo oo ma jirto cid masjidka Maxfalka joogta oo dad ku tukanaya maleh, waxaana dhax daqaya xoolo Ari iyo Damero. Hadaba waxan ka codsanayaa qof walba oo muslim ah in u wax ka qabto u gacan ka geysto, ciddi jecel in ay ka qeyb qadato waxay inosoo diri karaan fariin ayagoo oo kusoo hagajinaya Emailka ah Gooni2009@hotmail.com hadii alle idmo anaga ayaa kusoo jawaabi doona, Hadii aan aragno Codsiya badan oo inooga yimada bulshada Hadii aan aragno sida ay ugu heelan yihiin bulshada Soomaalida meel walba oo ay jogto waxaa ino surta galaya in an idin soo gudbino Sawirada Maxfalka si aad u aragtan qasaaraha iyo sida u noqday. Intan dib usugo soo laban doono Barnamijkan todobaadka xiga Bahda RBC oo idin leh Nabadiino nolal iyo kulanti wacan oo wanaagsan.(todobaadka dambe waad dhageysan doontan insha’allah) Qalinkii Wariye Axmed Xasan Gooni oo ka mid ah Howl wadeenada RBC Radio
-
The Buhodleh and Widh widh Massacre: an opportunity for peace and stability Mr. Abdikarim Buh The concurrent disparaging incursion of the Ethiopian forces – the overlords of Somalia – in to the peaceful town of Buhodle that resulted an all out massacre of multitude of innocent civilians and Somaliland militia’s savage hammering of Widh-Widh district with the sole aim of forcing unwilling people to vote for the ruling party (UDUB) has come at the least desirable time. This military action is ill-timed as the region is in the run up to the long awaited election and thus can neither afford to give any ropes to the weak and bewildered opposition that has no viable agenda, nor to disappoint the international community that invested heavily on the election project, who are watching from afar. In times of confusion and civil war, history teaches us that the extremist ride on the back of the society and if this policy of belligerence is not tamed rapidly it will certainly backfire to UDUB who so far glided Somaliland through perilous times in which the opposition were prepared to stage pointless civil wars. Attention of the leaders should always focus on the fact that Somaliland’s fragile economy can’t sustain an open ended war of aggression against the SSC – the SSC is the third administrative region in Northern Somalia besides Somaliland and Puntland. It is very plausible that the opposition will use this unfortunate aimless militarism to their advantage if they play their cards right. The opposition is bound to depict (UDUB) as undemocratic and corrupt administration that is using- the funds the international community donated to Somaliland’s administration to conduct safe, fair and peaceful election – to start wars in the neighbourhood to uproot civilians from their towns. The current policy of militarism has the potentiality of tainting the success UDUB party is expected to reap from the ballot box which is due to take place very soon as the opposition is in no position to throw out a significant challenge other than to cry foul and claim that the vote was rigged. To score few political points, against the insane and far right opposition that live in the days of the now defunct and controversial SNM that has no relevance to the current situation except in the minds of the out-of-touch opposition, isn’t worth derailing the centrist UDUB party. In the eyes of the students of Somalia affairs this untimely running battles in Sool amounts to desecration of the good name of Somaliland’s people that prided themselves as the bearers of the banner of peace and the undisputed pioneers of bottom up local reconciliation which was and is truly an envy that the rest of the Somalis would wish to emulate. This policy of hostility and intolerance in place of the traditional negotiation based culture of Somaliland carries a potent warning sign that clearly paints a picture of mystified administration and a weak opposition that hijacked the lofty goals of Somaliland’s people – this dents the future confidence of the international community that would like to see Somaliland to march further in the way to democratic culture. Somaliland and SSC’s polity subscribe to unionist and secessionist agenda, albeit to different degree, but the divide should be best left under key and lock in view of the real serious security threats Puntland, SSC and Somaliland are facing – The Islamists onslaught which is spreading like bush fire. Brotherly people (SSC & Somaliland) must be fused together by the fear lest the wretchedness that crippled the rest of Somalia comes to roost in their back yard. Somaliland and SSC people among the Somalis are like twine brothers that speak the same dialect and have the same values in every aspect of social life which even makes Puntlander’s, next door neighbour, appear in the eyes of both group’s minds, foreigners from a far away land. In thin and thick and where ever they go the SSC and Somaliland people are attracted to each other to the exclusion of other Somalis which demonstrates that natural affinity and instinct is at play. There is no homogenous society, as far as unionism is concerned, on either side of the contending parties of this soon to smoulder house (Somaliland/SSC) which, if not quickly put off, will have a devastating effect on both groups –the right time to wash everybody’s laundry in the streets is yet to arrive. Societies that have shared centuries old culture and blood ties ought to have the same destiny so the preservation of the common umbilical cord should be paramount and at all times hoisted above the infantile question of Unionism VS secessionism in which the Hawkish politicians from both sides are tirelessly fishing in to reach their unholy goals. The Somalis are indebted to the SSC people for the exemplary role they played during the liberation wars led by Darvish movement that put Somalia in the history books. It’s stamped in the hearts and minds of all Somalis where ever they are and will remain so with the future generations – the price the SSC people paid for the cause of Somali nationalism is the only unparalleled historical treasure that Somalis collectively claim to own and as such will transcend generations. Having said so, I believe the SSC’s love for Somali nationalism is once again needed to play a constructive role that can reshape the whole of northern Somalia for the good of all. The geographical location of SSC and the rich diversity of its people hold the key that can safe Somaliland/Puntland people from eternal underdevelopment. Being the hinterland, SSC can serve as a bridge that can create a healthy and booming commercial competition between the ports (Berbera and Bossaso) that has the potentiality to generate employment opportunities and development for all which in the end can cement the stability of the whole of Northern Somalia as no stake holder can contemplate of killing the gees that lays the golden eggs – cooperation and negotiation is the only game that can rescue the suffering people of Northern Somalia irrespective of their political orientation . As a concluding remark I say “Seize opportunity by the forelock, for behind she is bald” – Somaliland and Puntland must stop patronizing the SSC people and start helping them in the establishment of their legitimate administration in their own land as SSC is neither Puntland nor Somaliland but an entity that has noble history. The myth of the colonial boundary is a dream in some of Somaliland’s politicians because the SSC people never accepted then and will never accept now – the tribal boundaries set by the British was the epicentre of the 21 year long war waged by the SSC people against the British colonialism and to expect the SSC people to embrace the same colonial and irrelevant boundary now can only be possible when a camel passes through the eye of the needle. Mr. Abdikarim Buh Email:- Abdikarimbuh@yahoomail.com Political analyst and wardheer contributor
-
I know that gedo airport is in the making and also a university, but this airport design looks a bit unreal or highly qowdhanized. Take you vote guys!!! Does this look like it will be the gedo airport or is it just nostalgic faan from gedo?
-
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa fariin adag oo ay Warbaahinta u raacisay waxay u dirtay Maamulka Soomaaliland oo gacanta ku haya ugu yaraan 7-Ruux oo Kaluumaysato reer Puntland ah oo lagu eedeeyey Fal Burcadbadeednimo ah & Burcad Badeed Soomaali ah oo si xawli ah uga qowlaysata Xeebaha gobolka Mudug ee Dawlada Puntland. Gudoomiyaha gobolka Mudug dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Col,Axmed Calisalaad Faarax oo ka qeybgalay shir muhiim ah oo looga hadlayey amaanka guud ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay dhawaan shir uu ka qeybgalay oo kadhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland,wuxuuna sheegey in shirkaasi uu ahaa mid muhiim ah islamarkaasna ay dhawaan wax ka qaban doonaan Burcad Badeeda kusugan gobolka Mudug. Axmed Cali Salaad wuxuu sheegey in ay Burcada kusugan magaalada Gaalkacyo oo wadata gawaarida ugu qaalisan ay inta maandooriyeyaal soo cabaan ay wax u dhimaan amaanka gobolka Mudug iyagoo adeegsanaya Qoryaha fud-fudud & gawaaridooda oo ay xawli ku kaxeeyaan taasina ay keentay in habeenkasta ay magaalada ka dhacaan falal dilala,Weeraro,Dhaawacyo,israsaaseyn & khalkhalin guud oo amaanka wax loogu dhimayo ay sameeyaan wuxuuna sheegey in hadii aysan waxaas ka waantoobin ay la kulmi doonaan talaabo ay dib uga shalaayi doonaan falalka ay imika ku dhaqmayaan. "Burcad Badeeda waanu ognahay inay isku soo gurtay gobolka Mudug oo ay dhamaan gobolada kale ee Puntland kasoo carareen,taasi masii socon doonto,ogaada Baddana Ajinabi & Ciidan reer Puntland ah baanu idiinka dhigaynaa dhulkana waanu isugu imaan doonaa..waadna ogaan doontaa waxaad nagala kulantaa..Masii socon doonto inaad gawaari inta xawli ku kaxaysataan aad magaalada Amaankeeda wax u dhintaan...Xaaraanta aad u canaysaana abaalkeeda ayaad heli doontaan"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Mudug oo si adag ula hadlay Burcad Badeeda kusugan gobolka Mudug. Gudoomiye Axmed Cali Salaad wuxuu fariin Adag u diray Maamulka Soomaaliland oo uu sheegey inay ka shaqeynayaan waxyaabo keeni kara isku dhac soo kala dhexgalay Shacabka labada Maamul kala dega,wuxuuna sheegey in si ay isugu dhuftaan ay ka shaqeynayaan islamrkaasna ay qabasadeen Kaluumaysatayaal reer Puntland ah taasina ay keentay in dadka reer Puntland ay ku jawaabaan qabsadashada dad & gaadiid u shaqeynayey hay'ada WFP. "Waxaad qabasateen kaluumaysato reer Puntlandi ah,si aad shacabka labada dhinac isugu dhufatanaa gawaaridiinii ayaad dhulkeena keenteen,waxaasi maahan wax la akhrisan karo,annaga siyaasada dawladeena ayaa noo qaabilsan laakiin soodaaya Kaluumaystada aad haystaan,gawaaridiina in lasiidaayo ayaanu imika ku mashquulsanahay siideyntooda,WFP-na waxaan u sheegayaa inaysan wax gawaari ah oo Waqooyi laga leeyahay dhulkeena u soo dirin si aanu u xalino dhibaatooyinka hada taagan"Ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Mudug oo sheegey inay imika ku mashquulsan yihiin soo celinta gawaari lagu haysto beesha garacad ee gobolka Mudug. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
DAAWO OO DHAGAYSO: Taariikh, qosol iyo mucjiso guud ahaan shirkii Amiin Caamir iyo Jaaliyada Denmark -- SU'AALIHIINII iyo Jawaabihii oo aan wax laga tagin wax tifaftir ahna aan lagu samayn ka dhagayso halkaan RIIX HALKAAN 3. juni 2010 APL Copenhagen (AllPuntland)- Siddaan wararkayagii hore idiinku sheegnay sawir-gacmeed sameeyaha weyn Amiin Caamir ayaa galabta (02 June 2010) lixdii galabnimo shir uu kaga sheekaynayay taariikhda farshaxankiisa u soo bandhigay jaaliyada Soomaalida ee Denmark. Sidddoo kale fursada Amiin Caamir kusoo gaaray Denmark waxaan akhristayaasha AllPuntland ku casunay in wixii ay su'aal ay waydiin lahaayeen Amiin u soo diraan xafiiska Allpuntland ee Copenhagen, kasoo Amiin Caamir waydiin lahaa jawaabta su'aalihiina. Shirkii galabta wuxuu ku furmay ereyo soo dhawayn ah oo uu Saalax Siciid oo magaca Jaaliyada ku hadlayay uu ku soo dhoweeyay Amiin Caamir oo isaguna bilaabay inuu ka sheekeeyo taariikhda sawir-gacmeedkiisa. Amiin intuu uu waday sheekada fankiisa dadkii dhagaysanayay waxay ahaayeen kuwo si weyn dhagaha ugu raaricinayay (Dhagaysnayay) hadalkiisa oo mucjiso, madadaalo iyo qosol ay kala kulmeen. Markii uu dhameeyay hadalkiisa ayaa shirkii laga galay 15 daqiiqo oo cabitaan iyo nasasho ah. Su'aalo iyo Jawaabo: Markii shirka la isugu soo noqday ayaa la guda galay Su'aalo Amiin la waydiinayay kuwaasoo ka imanayay dadkii goobta fadhiyay iyo su'aalihii faraha badnaa ee AllPuntland ka heshay akhristayaasheeda oo tifaftiraha Allpuntland soo koobay. AllPuntland.com You can listen to the questions that were asked Amin Arts Below. Amin Arts Audio More pics of The Amin Amir Conference can be seen Here
-
Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Read the article, abaayadiis. It offers its own solutions, which I and you might or might not agree. About why I am personally against federalism, just see how Waqooyi Galbeed and Waqooyi Bari is manipulated by Itoobiya. Why? Because of their discord and not being united. Imagine a ten more weak, divided states like that. Miskin you forget that somalis must remain fragmented or else we will remain in the same old status quo of 20 years. The people simply don't trust another clan to run the nations affair, how do you expect to overcome this obstacle? You focus to much on ethiopia but you forget to tell yourself, that ethiopia would never get inside somalia affair if somalis won't divided. It all comes back to the source problem of "division" among somalis, a united country sounds very good and it might even bring back somalia to its glory days but we need to be realistic for 1 second. If we were soooo united we wouldn't be slaughtering ourselves for 20 years
-
Originally posted by General Duke: ^^^Nonsense, President Yusuf is not in Galkacyu, nor is he coming out of retirement. Cowke the fake man from Karkaar, as usual is trying to be clever.. Bro i am reporting the news and it seems the ssc people are holding high hopes that "yusuf" will make a comeback!!! By the way, why is yusuf sooooo awfully quiet about the ssc issue? cade muse talked about ssc even after he finished his term in puntland he hosted garad jamac at panaroma hotel. So don't give the excuse he is retired therefore he makes no comment because cade is retired and he made comments!!! So what's mr.yusuf reason for his defening silence regarding ssc?
-
Old Park Lane Capital sees plenty of potential at Range Resources Old Park Lane Capital has initiated coverage of Range Resources (ASX: RRS, AIM: RRL), praising its “highly attractive spread of exposure” to frontier exploration and stating that the value of just one of its wells alone underpinned the current market value of the company, which could develop into a major player in the E&P (exploration and production) sector. The broker said that the exposure to frontier exploration was balanced out by low risk assets that were already in production, while the “transformation” of the company could be delivered by its projects in the Puntland region of Somalia, where Range holds a 20% working interest in two PSAs (production sharing agreements) in the Dharoor and Nugaal onshore basins. The interest in Dharoor is contributing, while the interest in Nugaal is carried for about US$16 million. Old Park Lane expects the first exploration well in Puntland to be spudded before the end of the current year and the second well in early 2011, providing Range Resources with exposure to multi-billion barrel prospects. The company’s 25% interest Smith #1 discovery well on the North Chapman Ranch Project in Texas has commenced production at what the broker said were “impressive rates,” stating that just this well underpinned Range Resources’ current market value with additional upside offered by the success of the currently drilled Russell Bevly #1 appraisal well at North Chapman, which has recently reached a depth of 6,425 feet. Russel Bevly is located just 570 metres north-northwest of the Smith #1 well. Following on from the recently released Independent Reserves and Valuations Report, the company anticipates that the well will provide valuable information regarding the size and geometry of the reservoir and move additional reserves into the Proved Producing category. Petroleum engineers Lonquist & Co LLC (Lonquist) have estimated the total gross commercially recoverable reserves (1P, 2P and 3P) of the North Chapman Ranch Field at 215 Bcf (billion cubic feet) of natural gas with 45 Bcf attributable to Range, 15.9 mmbbl (million barrels) of oil with 3.3 mmbbls attributable to Range and 15.9 mmbbl of natural gas liquids with 3.2 mmbbls attributable to Range, which holds a 20% interest in all subsequent wells to Smith #1. The report has made an independent PW10 DCF valuation of Range’s net interest of US$226 million. Should the company achieve positive results in Puntland, Old Park said it could transform into a major player in the sector. Range Resources also has operations in the Republic of Georgia, expecting to “firm up several attractive drill targets” by Q3 and look for farm-in partners to fund future drilling. Range’s activities in Georgia included the completion of the heads of agreement with Strait Oil & Gas to complete Phase II of the PSA and subsequent approval form the Georgian government for the Geophysical Institute of Israel to commence the 2D seismic operation on both block VI1 and block VIb. The seismic operation that started in November has proceeded well with over 150 km (kilometres) of seismic acquisition having been completed despite recent severe weather conditions with the completion of this operation expected to occur in the end of February to early March 2010. Old Park concluded that in the best case resource estimate and “heavily discounted” risk parameters Rage’s interest in Puntland could be valued at 9.5 pence per share and the recoverable reserves in Texas at 3.3 pence per share.
-
Miskiin If we didn't love hamar then our government wouldn't work with them. Hamar daradiisa uma naceyo somalia ee somalia way ka weyn tahay hamar as far as im concerned. Hamar is going thru a tough time we won't abadon our brothers we will try to help as much as we can and rebuild this nation that we lost due to ignorance. SXB I don't hate people, hamar people are just being hijacked by a few leaders who just care for themselves and not the nation. They do have good leaders like aden abdulle but nowadays you don't see those sorts of leaders being promoted from hamar which is quite sad as far im concerned!!! All somali leaders today are bad lakin waa la kala daran yahay keliya. Farole aint good too but his not as bad as some of the other leaders. Heerkasi baynu manta jogna in la yirahdo "leaderyasheena way kala daran yahin" lakinse wax kheyr ah dalka uma joggo!!!
-
Miskiin, Puntland is state of Somalia, it's not separate and participates inside Somalia politics. You speak of puntland as if it's separate. Puntland is just 1 area of somalia, can't i love my area of somalia? lol. Maxay ku kala duwan tahay if u rep garowe or hamar? wa isla meeshi waa somalia. Maybe u should talk to the seccessionists regarding loving somalia
-
Amistad, No I haven't Seen an English article of it. But 300 soldiers have defected from Hargeisa according to jidbaale!!!
-
Amistad, No I haven't Seen an English article of it. But 300 soldiers have defected from Hargeisa according to jidbaale!!!
-
Copenhagen (AllPuntland)- Waxaa magaalada Copenhagen ee caasimada wadanka Denmark soo gaaray Amiin Caamir oo ah farshaxaniiste weyn oo ku caanbaxay samaynta sawir gacmeedka kartoonka loo yaqaan, kaasoo uu ku muujiyo ama ku cabiro marxaladaha siyaasadeed, kuwa bulsho iyo kuwo nabad galyo ee Soomaaliya iyo marar caalamka kaleba. Dad badani aad bay u jeclaystaan Kartoonadiisa oo ay ku tilmaamaan hal abuure xaqiiqda ka warma, halka qaar dhaliilo iyo handadaad u jeediyaan marka uu soosaaro sawir si uun u khuseeya hawlahooda ama deegaankooda. Dad badan oo AllPuntland xiliyo dhow iyo kuwo hore la soo xiriiray ayaa amaan iyo dhaliilba qofba si ku cabiray Amiin iyo sawir gacmeedkiisa, haddaba Copenhagen oo ay ku taal xarunta dhexe ee AllPuntland (APL) oo uu hadda joogo Aamiin ayaa waxaa APL usuuro gashay inay la hadasho Amiin oo ay ku balameen inuu siiyo waraysi ay su'aalihiisa kala qayb galayaan Akhristayaashu, kolkaas Akhriste fursadaan su'aal, amaan iyo dhaliil, maxaad waydiin la hayd Aamiin Caamir. Su'aalihiina iyo kuwo kale oo tifaftiraha APL isku dubo riday ayaa toos loo waydiindoonaa Amiin Caamir ee su'aashaada kusoo *** formkaan Riix Halkaan ama toos ugu soo *** emailka raadgure@gmail.com
-
Nabadoonada Gobolka Bari oo Maanta Ka Hadlay Xaalada Buuhoodle (Sawiro & Dhageysi) Boosaaso (RBC Radio) Nabadoonada Gobolka Bari ayaa maanta shir ay ku qabteen magaalada Boosaaso kaga hadlay xaalada degmada Buuhoodle oo ay dhowaan ka dheceen dagaalo dhexmarey ciidamo Ethiopian ah iyo dad degaanka ah. Nabadoon C/casiis Yuusuf Afguduud oo shirka jaraa’id kula hadlay wariyaasha ayaa sheegay in nabadionadu ay aad uga xun yihiin dagaaladii ka dhacay degmadaasi isagoo sheegay in Ethiopia ay ugu baaqayaan inay xilka iska saaraan dhowrista jiritaanka xuduuda Soomaaliyeed. “Waxaan aad uga xunahay xiisadaha ka jira Buuhoodle, dowlada Ethiopia waxaan ugu baaqeynaa inay dhowrto xuduudaha Soomaaliyeed madama aysan jirin dowlad dhexe oo isu xilsaarta ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta”, ayuu yiri nabadoonu. Nabadoon Afguduud ayaa sheegay in ka nabadoonada Bari ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin dadka reer Sool iyo Cayn ee dhibaatadu ka soo gaartay duulaankii ciidamada Ethiopia ku soo qaadeen degaanka. “Waxaanu leenahay dadka walaaleheena ee degaanka war idinkama tegin ee waan idin garab taaganahay hiil iyo hooba, wixii idin dhiba ayaa na dhiba, wixii idin dhowrana way na dhowraan”, ayuu yiri nabadoon Afguduud. AMA Nabadoon C/casiis Afguduud wuxuu intaasi raaciyey in dadka degaanka aysan kaga jawaabin waxyaabaha halkaasi ka dhacay dagaal balse ay muujiyaan dulqaad, isagoo sidoo kale codsaday in loo dhego nuglaado codsigii dadka degaanka ee ahaa in loo soo celiyo gawaari ka badan 16 oo ay dhowaan ciidamada Ethiopia ka kaxaysteen degmada Buuhoodle kuwaasi oo weli gacanta ugu jira ciidamada Ethiopia. “Waxaa lagu wada joogaaderis wanaag in deris wanaagii la dhowro ee la tixgaliyo dadka degan deegaanadaasi, anagu ka mid baan nahay dadka degaankaasi degan, waxaanu jecel nahay in cid kasta oo dunida ku nool aan kula noolaano deris wanaag ciddi iyadu aan markaa ku gacan seyrin ee aan diidin deris wanaaga, iyaguna sidaasoo kale inay soo dhoweeyaan deris wanaaga ayaan ugu baaqeynaa”, ayuu hadalkiisa ku daray nabadoonka. Nabadoonka oo ka hadlay dhibaatada guud ee ka jirta dalka ayaa sheegay inay sabab u tahay kala qeybinta ummada Soomaaliyeed oo looga faa’ideystey in la xukumo iyadoo loo soo maray qabyaalada oo ah arin Soomaalida daashatay. Mar nabadoonu aan weydiinay waxa ay ka geysan karaan dhibaatada egaanka ka dhacday ayaa waxaa uu sheegay in weli dadaaladu ay socdaan oo aysan joogsan, markastana ay ku dadaalayaan in dadka nabada loogu baaqo. Nabadoonka ayaa ugu baaqay shacabka iyo masuuliyiintoodaba inay muujiyaan deganaan oo aysan xaalada uga darin, maadaama danta shacabka ay ku jirto xasiloonida. Wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta dowlada Puntland inay ugu yaraan hadal ka geysato dhibaatada ka dhacday degaanka maadaama ay masuul ka tahay dadka degaanada Puntland ku nool oo dhan. Shirka jaraa’id ee nabadoon C/casiis Afguduud ayaa ku soo beegmay iyadoo toddobaadkii hore dagaaladii ka dhacay degmada Buuhoodle ee dhexmarey ciidamada Ethiopia iyo dadweynaha ay sababeen khasaare xoogan oo dadka rayidka ah soo gaaray, taasi oo cambaareyn xoogan loo soo jeediyey. Dowlada ku meel gaarka Soomaaliya ayaa shaley ugu baaqday Ethiopia inay ka waantowdo faragelinta dhulka Soomaaliyeed ee ay ku nool yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaana baaqa nabadoonka ee ku wajahan xaalada Buuhoodle uu noqonayaa midkii ugu horeeyey ee ka soo baxa dhaqanka Puntland oo ku saabsan ama looga hadlo xaalada Buuhoodle tan iyo intii ay colaadu dhexmartey dadka reer Buuhoodle iyo ciidamadii Ethiopia ee soo weerarey. RBC Radio Audio Here
-
Kulan U Dhaxeeya Hay’addaha iyo Wasaarada Qorsheynta Puntland oo Furmay(Sawiro) June 1, 2010 Waxaa maanta Lagu qabtay kulan balaaran Xarunta Wasaarada Qorshaynta Iyo Xirrirka Caalamiga ee Dawlada Puntland kasoo ay kasoo qayb galeen hay’adda UNDP,Hay’addaha Maxaliga iyo qaybo kamid ah Wasaaradaha Dawlada Puntland. Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlaayo waxyaabihii la qabtay Bilihii nasoo dhaafay kuwasoo ay fuliyeen hay’addaha Maxaliga ah iyo Hay’adda UNDP. Kulankaan ayaa waxaa furay Wasiirka qorshaynta iyo Xirrirka caalamiga ah Md.Daa’uud Maxamed Cumar kasoo sheegay in kulankaan maanta looga hadlaayo waxyaabihii la qabtay bilihii tagay. Wasiirka ayaa waxaa uu intaa ku daray in kulankaan ay horay ugu qaban jireen Xaruntooda isla markaana uu ka codsaday wasiirku in lagu qabto xarunta wasaarada si loo ogaado waxaa qabsoomay iyo waxaan qabsoomin iyo sababta ay u qabsoomi waayeen maadaama uu dhamaad yahay wajigii labaad ee mashaariicda ay fuliyaan hay’adda UNDP iyo Hay’addaha Maxaliga ah. Md Daa’uud Maxamed Cumar ayaa intaa ku daray in inta uu socdo kulankaan maanta bilaabmay lagu eegi doono waxyaabiihii la qorsheeya ee ku jiray mashaariicda dhamaadka ah ee aan qabsoomin Sababta ay u qabsoomi waayeen iyo wixii u baahan in lagu daro mashaariicda soo socda. Kulankaan ayaa ahaa mid ay horay ugu qaban jirtay Hay’adda UNDP Xarunteeda Kasoo ay hay’addu ku qiimaynayso waxqabadkii lixdii bilood ay qabteen iyada iyo NGO-yada Maxaliga ah ee la shaqeeya kasoo uu wasiirku ka codsaday in lagu qabto xarunta wasaarada oo ayna kasoo qayb galaan dhamaan cid kastoo mashaariic la fulisay Hay’adda UNDP Lixdii Bilood ee lasoo dhaafay si wasaarada Qorshaynta ay u ogaato waxa loo qabtay degaanada Puntland. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
-
Wasarada Cafimadka Puntland oo qabatey kulan balaaran 1 Jun 1, 2010 - 12:12:23 PM Sawir guud: Xarunta Wasaarada caafimadka Puntland Shirkan ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Caafimadka dawlada Puntland ee Garowe , waxaana kasoo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, Wasiiru dawlaha Maamul Wanaaga Maxamed Faarax Ciise , wafti heer caalami ah oo ka socdey Xafiiska WHO-EMRO, WHO Soomaaliya, Deeqbixiyeyaasha Caalamiga iyo Agaasimeyaasha Isbitalada guud iyo kuwa gaarka loo leyahay ee magaaloyinka Puntland, Kuliyadaha iyo Machadyada Caafimaadka iyo marti sharaf kaleeto. Shirkan ayaa gabi ahaanba waxaa looga hadlayay oo uu ku saabsanaa Qorshaha xoojinta habka Caafimaadka Puntland shanta sano ee soo socota., waxaana soo qaban qaabisay W. Caafimaadka dawlada Puntland. Dadka ka soo qaybgalay guud ahaan waxay gaarayeen boqol qof, Shirkuna wuxuu galinkii danbe 2:00pm iyadoo uu socdey ilaa 5:30pm galabnimo, shirka maantey ayaa gabi ahaanba ahaa soo jeedinta qorshayaasha W. Caafimaadka, Baahiyaha dalka ka jira iyo waxqabadka Wasaaradda, sidoo kale waxay Wasaaraddu fursad u siisay Isbitaalada guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, Ururada Dhakhaatiirta iyo Kuliyadaha Caafimaadkuba inay soo bandhigaan waxqabadkooda iyo baahiyaha haysta. Waa markii ugu horeysay oo Wasaradda Caafimaadku shir cayn kan oo kale ah inta ay qabato hadana u yeerto Dhakhatiirta iyo madaxda Caafimadka Gobalada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa si rasmi ah shirka u furey waxaana uu si diiran ugu soo dhaweeyey wafuuda kala duwan ee shirkan joogtey ee ka kala yimid meelaha fog, waxaana uu Wasiirku kasoo qayb galayasha uga warbixiyey Wasaradda iyo qorshayaasheeda dhanka Caafimaadka, baahiyaha jira iyo taageerada ay ka rabaan hay’adaha caalamiga ah ee Caafimaadka ka shaqeeya. Dr. Cali Cabdullahi Warsame waxaa uu mahadcelin u soo jeediyey madaxa Xafiiska WHO Soomaaliya oo kasoo shaqeysay in wafuudan tirada badan inay Xarunta Wasaaradda soo xaadiraan, waxaana uu sheegay inay taasi ku timid qorshaha iyo nidaamka suuban ee ay Wasaaraddu la timid ayna doonayso inay dalka wax uga qabato kulana shaqeyso hay’adaha Caalamiga ah iyo deeq bixiyeyaasha. . Waftigan balaaran ee maantey soo gaarey Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa hogaminaysay Dr. Na’eema Al-Gasseer oo ah caawiyaha Agaasime Gobaleedka Xafiiska WHO-EMRO, Dr. Na'ema mar ay ka hadashey shirka waxey hanbalyo iyo bogaadin usoo jeedisay Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame, Agasimihiisa guud Dr. C/risaaq Xirsi Xassan iyo dhamaan shaqaalaha, waxayna haweenaydan sheegtay inay ku faraxsan tahay inay timaado Puntland ayna la kulanto dadkii hormuudka u ahaa Caafimaadka Puntland oo ay Wasaaraddu ugu horeyso. . Shirka maanta 1.06.2010 ka dhacay xarunta Wasaradda Cafimaadka Puntland gabi ahaantiis waxaa uu ahaa mid lagu soo bandhigayay baahiyaha Caafimaad ee dalka ka jira iyo waxqabadyada Wasaarada, Isbitalada guud iyo kuwa gaarka loo leyahay, waxaana xubin walba oo matalaysay urur ama Isbitaal ay soo bandhigeen waxqabadkooda iyo baahiyaha haysta. Wasaradda Caafimaadka ayaa iyadu soo bandhigtey waxqabadkeedii hore iyo kan cusub intii la dooortey Wasiirka cusub, iyadoo agaasimaha cusub sidoo kale soo bandhigey baahiyaha jira. Gabagabadii shirka ayaa waxaa hadalkii xiritaanka la siiyey Wasiiru dawladaha Maamul wanaga Puntland Maxamed Farax Ciise Gaashan oo isaguna soo dhaweyey Waftiga calamiga ah, waxaana uu sidoo kale u hanbalyeeyey Wasaradda Caafimadka iyadoo uu markaasna ku dhawaaqey in shirku xiran yahay. Cabdulqaadir Warsame Yuusuf Wasaaradda Caafimaadka Puntland Xarunta Garowe
-
JUURILE:-Shirkii ugu danbeeyey ee Isimada SSC oo dhacay maalintii sabtida ahayd ={ kaasoo ay ka soo qayb galeen ugu yaraan 8 sideed Isim,kuwaasoo ka Shawrayey ama wax iska waydiiyey doorka ugu haboon ee ay ku dardar galinkaraan ama ka qaadan karaan {Qorshihii Midneynta iyo Xoraynta SSC}. Wuxuuna isimada shirkoodu kaga duwanaa kuwii hore ee ay isugu imaan jireen todobaadkiiba mar, wuxuu ahaa qorshe cusub oo ay ku doonayaan inay kawada xaajoodaan waxna iskaga ogaadaan maadaama isim waliba oo ka turjumayey beel ,wuxuu kaloo ahaa qorshe cusub oo ay doonayaan inay ku muujiyaan ficil ah inay kuu muujiyaan ama gacan ka geystaan sidii ay umadda SSC ugu boorin lahaayeen sidii midnimada iyo xoraynta looga qayb qaadan lahaa. Sideeda Isim oo kala ah labada Garaad jamac, Ugaas cabdilaahi ciise,Boqor cabdilaahi dabagooye,Garaad cali buraale,Garaad cabdi salaan,Ugaas faarax dheere ,Garaad mashqare. iyagoo dhamaan tood isku afgartay siday u tayaynlahaayeen midnimada beelaha SSC . Waxayna isku raaceen inay isu kala qaybiyaan deegaanada Hawdka ,Nugaasha iyo Sanaagba, si ay u adkeeyaan midnimada beelaha walaalaha ah maadama lagu jiro xilli kala guur ah oo loo diyaar garoobayo in dadka ka soo jeeda goboladaas ay iska caabiyaan xoogaga isku ballaadhinaya Degmooyinka kuwaasoo qabasday Degmada Widhwidh todobaadkii la soo dhaafay. Waxayna go aan ku gaadheen in tuulo ilaa degmo,ilaa gobol lagu dhiiri galiyo qorshaha midaynta dadkeena si uu noqdo mid muujinaa inisimada SSC ay diyaar ugu yihiin midnimada SSC iyo Xoraynta SSC. Waxa kaliya oo ay isku raacsanyihiin Isimada SSC iyo shacabwaynaha SSC ayaa waxay tahay kalmadda Midaynta iyo Xoraynta iyo in laga soo horjeensado qorshaha maamulka Dawladd doonka ah ee riyaale,hase ahaatee waxaanay isku raacsanayn in la noqod maamulka Puntlnad ,in laqaato maamulka SSC ,in la noqdo Maamulka somaliland ,waxayna intooda badani ka soo horjeedaan ama dhamaan toodba in la noqdo ama la raaco maamulka gooni isutaaga .Waxaa sidoo kale shacabka ssc isku raacsanyahay midnimada iyo xoraynta Isimadii gaadhilahaa dhanka hawdka ayaa ka baaqsaday inay saaka oo isniin ah ka soo baxaan buurowadal waxayna safarkoodii ka dhigteen berito haddii eebe idmo . Isimadan oo ay ka mid yihiin Wafti ay hogaaminyaan labada Garaad jama,Garaad cali buraale,Cabdilaahi dabagooye iyo Ugaas faarax dheere.waxayna isimadaasi berito la shiridoonaan beesha reer boocame iyadoohalkaasi uu uga horreeyo Ugaascabdilaahi ciise oo isagu galabnimadii sabtida ahayd u soo ambabaxay Boocame ,waxayna ku sii hakan doonaan magaalada iyagoo maamlinta barrito ah uu ka dhici doono shir lagu sii sagootinayo iyaguna ay ku wacyi galinayaan mujtamaca reer boocame . Waxaa kaloo xagga Nugaasha u ambabixidoona todobaadkanUgaas cabdilaahi ciise,Garaad cabdisalaan iyo Garaad mashraqekuwaasoo ku sii mari doona Garaad sulaymaantuulo kale, Dhamaan odayadani waxay u ambabaxayaan tuulooyinka iyo degmooyinka gobolada ssc waxayna labada kooxoodba isku taxalujinayaan bal in siwada jir ah loomidoobo Qorshahan cusub ayaa wuxuu noqonayaa mid kii ugu horreeyey oo isimadu si wadajir ah uguwareegaan deegaanada ay odayaasha u yihiin ,wuxuuna noqonayaa qorshihii ugu horreeyey oo si wada ji ah loogu kala baxo hawd iyo nugaal oo ay isku taxalujinayaan bal dadku inay wada qaataan midnimo iyo xorayn si loowada jiro
-
Dagaal culus oo ka soconaya Mareer gur iyo Godoon oo 50 KM u jirta magaalada Dhuuse mareeb Posted to the Web Jun 01, 08:01 Galgaduud:-Wararka haatan naga soo gaaray gobalka Galgaduud gaar ahaan magaalada Dh/mareeb ayaa sheegaya in uu dagaal culus ka socdo tuulooyinka Mareer gur iyo Godoon oo 50 KM u jira magaalada Dhuuse mareeb ee xarunta gobalka Galgaduud. Dagaalkan ayaa waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada la baxay Ahlu Suna iyo kooxada Al-shabaab dagaalka ayaa khasaaro gaarsiiyey labada kooxood oo ku dagaalamaya xukunka gobalka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan labada kooxood ee Al-Shabaab iyo Ahlu Suna ayaa mid walba sheegtay in uu guulo ka gaaray dagaalada ka socda. Ma jiraan ilo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheegteen labadan kooxood . A/Cawale Halgan.net
-
Mid ka mida Beelaha dega Gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqey iney sameynayaan maamul.hadaba afhayeen u hadlay beeshaas ayaa wareysi uusiiyey VOA shaley wuxuu sheegey in maamulka loo sameynayo dhamaan Gobolada dhexe ee beeshu degaan ahaan u leedahey. London(Puntlandi.com)Shirkii ay isugu yimaadeen wadanka Ingiriiska Beel ka tirsan beelaha dega Gobolada dhexe ayey ku dhawaaqeen iney sameeynayaan maamul goboleed la magacbaxey Maamulka Gobolada bartamaha ee Soomaaliya. Wareysi uusiiyey VOA Mohamed Xaashi Cabdi oo ah madaxa gudiga loosaarey ineysoo dhisaan maamulka ayaa sheegey la sameeyey gudi kakooban 57 xubnood oo kasoo shaqeeya dhismaha maamulka. Wuxuu kaloo sheegey in dhulka maamulka loosameynayo uu yahey dhulka ay beeshu ka degto Gobolada dhexe oo dhan sida kuwa hada beeshu degantahey iyo kuwo kale oo beeshu deegaan ahaan u leedahey balse gacantooda hada ka maqan oo kamid ah Gobolada Bartamaha Soomaaliya. Mohamed Xaashi Cabdi mar waxlaga waydiiyey goobaha uu maamulkaan ka jiri doono wuxuu yiri "Way badanyihiin sida Dhuusamaree.dhabad,balanbale,Galinsoor,Caabudwaaq,Xeraale iyo dhamaan deegaanadaas oo dhan oo beesha deegaan ahaan u laheyd xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya(Dowladii Maxamed Siyaad Bare alla ha u naxariistee)". Maxamed Xaashi Cabdi oo ah afhayeenka Gudiga loo xilsaarey ineysameeyaan Maamulkaan wuxuu kaloo sheegey iney Beeshu sameyneyso maamulkaan oo noqondoona sida maamulka Puntland oo kale. Puntlandi.com post@puntlandi.com
-
Col Cabdilahi Yuusuf Axmed iyo Wefti uu hogaaminayo oo ka soo degey Garoonka Diyaraaha ee Gaalkacayo May 31, 2010 Madaxwaynihii hore Dawlada Federaalka X-Madaxwaynihii Puntlandna ahaa iyo Wefti kaloo balaadhan ayaa soo gaadhey Magaalada Gaalkacayo ee xrunta Gobolka Mudug Warar xogogaal ah, oo na soo gaadhay ayaa waxay noo xaqiijiyeen in Col Cabdilahi Yuusuf iyo Wetfi ay u yimaadeen xiligan xaalada SSC Iyo Puntland. WIXII KA SOO KORDHA KALA SOCO RIINJI
-
Maleeshiyaad Ka Tirsanaa Maamulka Hargeysa Oo Ku Sugnaa Xudun Oo Iyagu U Soo Wareegay Ciidamada SSC Written by Jidbaale.com Tuesday, 01 June 2010 07:23 Laascaanood (Jidbaale.com) mar aanu la xidhiidhnay degmada Xudun oo ka tirsan gobolka Sool ilo si weyn loogu kalsoon yahay waxay noo xaqiijiyeen inay maleeshiyaad ka tirsanaan jirey maamulka hargeysa oo uu horboode u ahaan jirey Xuseen Ducaale Dheeg, ay isaga soo goosteen, ka dib markii ay ******** in la soo gaadhay xilligii la isu taagi lahaa safaynta iyo dib u soo celinta deegamada maqan. Ciidamo ay tiradoodu dhan tahay 300 oo askari oo wata hubkooda iyo tababarkooda ayaa ku biiray ciidamada xaq u dirirka ah ee SSC, kuwaasi oo haatan ku sugan degmada Tukaraq oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo iyaguna ka soo goostay dhinaca maamulka Garoowe, oo iska halkasi xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey. Isku soo wada duubo dhamaan ciidamada isaga soo baxaya maamulada u bahoobay dibindaabyeynta shacabka SSC ayaa ku soo beegmaya xilli shacab weynaha SSC ee gudaha iyo dibaduba ay ka midaysan yihiin sidii ay sharaftooda iyo dhulkooda ula soo noqon lahaayeen. Jidbaale.com@gmail.com Jidbaale.com
-
Maleeshiyaad Ka Tirsanaa Maamulka Hargeysa Oo Ku Sugnaa Xudun Oo Iyagu U Soo Wareegay Ciidamada SSC Written by Jidbaale.com Tuesday, 01 June 2010 07:23 Laascaanood (Jidbaale.com) mar aanu la xidhiidhnay degmada Xudun oo ka tirsan gobolka Sool ilo si weyn loogu kalsoon yahay waxay noo xaqiijiyeen inay maleeshiyaad ka tirsanaan jirey maamulka hargeysa oo uu horboode u ahaan jirey Xuseen Ducaale Dheeg, ay isaga soo goosteen, ka dib markii ay ******** in la soo gaadhay xilligii la isu taagi lahaa safaynta iyo dib u soo celinta deegamada maqan. Ciidamo ay tiradoodu dhan tahay 300 oo askari oo wata hubkooda iyo tababarkooda ayaa ku biiray ciidamada xaq u dirirka ah ee SSC, kuwaasi oo haatan ku sugan degmada Tukaraq oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo iyaguna ka soo goostay dhinaca maamulka Garoowe, oo iska halkasi xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyey. Isku soo wada duubo dhamaan ciidamada isaga soo baxaya maamulada u bahoobay dibindaabyeynta shacabka SSC ayaa ku soo beegmaya xilli shacab weynaha SSC ee gudaha iyo dibaduba ay ka midaysan yihiin sidii ay sharaftooda iyo dhulkooda ula soo noqon lahaayeen. Jidbaale.com@gmail.com Jidbaale.com