Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Garaad soofe of Buhoodle: The Khuusuusi Must leave Buhoodle.
Cowke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Thankful: Seem's Cowke's sources are far more reliable! Xaji is more of rinji/daynille fan, don't mind him. But apparently from what im hearing garad soofe came out on universal tv and totally denounced the people who spoke to the bbc and apparently he is saying "those people" were defaming the clan-elders of buhodle!!! Anyways so far its just rumours but if i get anything solid i will make sure to post!!! Any -
Garaad soofe of Buhoodle: The Khuusuusi Must leave Buhoodle.
Cowke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
The Buhodle Elder Verdict can be heard below in Audio!!! Garad Verdict -
Khasaarihii Duufaantii iyo Roobabkii ka da’ay xeebaha gobalka Bari (Sawiro) June 5, 2010 Xiligii aan ka Tagayay Xeebta Magaladan Bosaaso ayaa Waxaa ay ahayd 20/5/2010 Subaxnimo khamiisa Sacadu Markii ay ahayd 8.30 Subaxnimo safarkayga ayaa ku wajahnaa Degmada caluula Iyo Degaan Xebeedyada Hoos yimaadaa si aan ugu kuurgalo Xalada Deeganadaasi, Waxaan Raacnay oo aan ku safaray saxiimad ah nooca Dhereeya islamarkaa dadku ay u yaqanan laylo. Meesha aan usocono waa Masaafo fog Badana jawigeedu waa kacsanaa Waxana Xiligaasi jiray Digniino la isu Dirayay Dhanka Mobelada oo ay Diraysay Wasarada Dakadaha iyo Gadiidka bada taas oo loogu Digayay in aan Bada lagu safri karin ilaa Mudo Dhan 3 Bari ah, Sababto ah Wal Wal laga qabay Bada ayadoona Xiligaasi la filayay Duufano ka Dhaca Deegana ka Tirsan Puntland Sidaas oo ay tahay Safarkii Waan Siiwadanay Waxaana aan Safarkii aan kala Kulanay Dabaylo iyo Robaab lama illawaan Nagu Noqotay. Safarkaan waxaan oran karaa Waxaa uu ahaa Mid naxdin badan ilaa markii aan soo Dhafnay Tuula Xeebedka sida Bacaad, Buurgaabo, Buruc, Dhurbo, Murcanyo, Markii aan Soo Garnay Degmada Qandala ayaa waxaa Bilowday Roobka xoogisa baduna waa ay kacaday, xiligaasi waxaa bilaamay in ninkasta uu ka fakaro halka uu xaalku ku damayn doono arintu ayadoo ay sidaas ahayd, waxaan sii wadanay safarkii roobkuna waa sii xoogstay Dabayluhuna waa ay sii laba laabmeen ayadoo arintu sidaas yahay waxaan tagnay tuulada XAABO oo ugu Horayn safarkaygu ku wajahnaa xiligaas waxaa ay ahayd gabal gabad qoraxdana waa ay sii dhacaysay, tulada Waxaa ka da”yay roob xoog badan isgaarsinta tuladana waa ay go’nayd oo wax isgaarsina kama jirin xiligaasi. Markii aan gudaha ugalay Tulada Xaabo ayaa Roobkii Markale Sii Xoogstay Waxaana Xiligaasi Bilaamay in Guryo badani ay Dumaan hanti badana ay Biyaha qadaan. Xiligaas waxaa dhacday in qoysaas badani ay wayaan meel ay gabaad uga noqota qabowga roobka maadaama ay guryahoodi ay dumeen aydoo ay arinta sidaas tahay ayaa Waxaa soo dhacay biya xoogleh oo kasoo rogmaday buuraha ku teedsan tulada, biyahaasi oo u muuqanayay sidii wabi qar qarka jabsaday. Biyahaan ayaa xoogooda waxaa ay kusoo dhaceen meel kaabiga ku Haysa deegaan xeebeedka xaabo oo ay ku xirnayeen saxiimado ay lahayeen kaluumaysatada degaankaasi kuwaasi oo tira ahaan kor u dhafayay 30 saxiimadood. Dadka ayaa bilaabay in ay u istagaan sidii ay hantidaasi biyaha ugasoo reebi lahayeen qaar waa ku gulaysteen in ay biyaha ka soo reebaan qaarna waa ay la tageen. Wararka ka imanayay miyiga tuladaasi ayaa waxaa ay sheegayeen in biyahaasi ay qateen labo caruura oo ay kasoo qateen meel aan sidaasi uga fogayn tulada Xaabo. Tuulada xaabo waa tuula ku taal xeebta bada cas waxaana ay ka mid tahay deegaan xebeedyada hoos yimaada Degmada caluula ee gobolka Bari waxaana ay magaalada Bosaaso ay u jirtaa 84 mile dhanka bari. Tuulada waxaa ku nool dad badan oo ku tiirsan nolosha kaluumeysiga waxaa ku yaala gurya badan oo taariikhi ah, sidoo kale waxaa tuulada dhinac mara tog wayn oo kulmiya biyaha bada iyo xareeda waxana lagu magcaaba jaanka. Intii aan joogay tuulada xaabo ayaan waxaan bilaabay in aan u kuurgalo dhibaatoyinka iyo radadkii ay reeben Robabkii ka da’ay degmada caluula iyo degaan xeebedka hoosyimaada. Dadka deegankaasi ayaa cabsho xoogle ka Muujiyay khasarihii ay rebeen robabkaasi waxaana ay codsiyo u jeediyeen hayada samafalka iyo Dowlada Puntland in ay gurmad lasoo garaan islamaarana ay dhibaatadaan soo fara galiyaan. Deeganada ay roobabkan sida baaxada leh uga da’een ayaa waxaa kamid ah degmada Caluula, Xaabo, Geesalay, Murcanyo, Booli Moog iyo Afkala-Haye, waxaana xiligaan deeganaadaasi ninkii tagaa uu arkayaa burbur Soogaray hantida dadka ku sugan deegamadaasi. Asli waa hooyo aan dadeeda ku qiyaasay 60 sano, waxaa ay ka mid tahay qoysaska ku dhaqan deegaanka Geesalay, hooyadaasi oo roobkaasi iyo dabayluhu ay dhiibaato ku reebeen ayaa Horseed Media u sheegtay in xoolihii ay dhaqanaysay ay sahaydeen robabkii iyo dabaylihii ka dhacay deegaanada saaran xeebaha Puntland ee Deegaanka Geesaleyna ay kamid tahay. Hooyadaasi oo diif ba,ani ay ka muuqanaysay ayaa codsatay in gargaar lala soo gaaro. Deegaanada dhibaatadu ay ku dhacday ee Horseed Media ay socdaalka ku tagtay ayaan waxaa ka muuqan wax kaalmo ah oo ay ka helaan dhan maamul ama hay’ado. Dadka ay guryahoodii ay ku burbureen roobabkii iyo duufaantii saameysay dhul xeebeedka hoosyimada Degmada Caluula ayaa hada waxaa ay jogaan dhul banaan, waxaana ay codsanayaan in cidkasta oo wax haystaan ay gacan ufidiyaan. Dadka deegaankaasi ku dhaqan ayaa ku tilmaamay khasaarihii ay dabaylaha iyo roobaka geysteen sanadkan kuwo u dhigma khasaarihii Puntland kasoo gaaray musiibadii Tsunamiga ee dhamaadkii 2004tii. Cabdisalaan Axmed Shire Horseed Media
-
Originally posted by Haatu: quote:Originally posted by Cowke: 7-Gaarisa 24 arday Why I never 1329 Arday oo maanta Imtixaanaadkii Finaalka ahaa ugu farsiisatay Dugsiyada sare ee Puntland (Sawiro)
-
Xaji, I think Picture Based News Is Better!!! By That Pic is the Ministry of Health. It's part of Farole deal to complete new ministries and parliament. This is the Ministry Of Education Building That was done also TThere is a few other ministries that's need to be ccompleted also, The ministries are going to look basic compared to the new Parliament!! Watch The Construction Builder Speak about and show the designs of the new parliament at 5:30 mark. Puntland Parliament
-
-
Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalada Form Four oo ka bilawday Deegaanada Puntland (Sawiro) June 5, 2010 Imtixaankan ayaa waxaa uu ka bilawday 7da gobol ee Puntland maanta oo taariikhdu tahay 5-june-2010, gobolada uu imtixaanku ka bilawday ayaa kala ah Karkaar, Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag, Cayn iyo Sool,imtixaankan ayaa waxaa soo qabanqaabiya wasaarada waxbarasha ee Puntland waxaana la qaada sanadkasta wakhtigaan oo kale. Imtixaankan fasalka 12aadka ee dugsiyada sare ee Puntland ayaa ka dhacaya 13 goobood oo ka tirsan deegaanada Puntland sida ay ii sheegeen hawlwadeenada imtixaanka, goobaha uu imtixaanku ka dhacayo ayaa kala ah. 1-Bosaso-3 goobood 2-Qardho 3-Garoowe-2 goobood 4-Gaalkacyo 5-Baran 6-Galdogob 7-Buuhoodle 8-Xudun 9-Buurtinle 10-Dhahar Sanadkan 2010 waxaa imtixaanka u fariisanaya guud ahaan dugsiyada sare ee Puntland 1330 arday. Qardho: Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa ka mida goobaha saaka looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 12aad (Form four) , ardada ka qaybgalaysay imtixaanka ayaa ka socday saddexda dugsi ee kala ah, Sheikh Osman Omar Secondary school, Muntada iyo Imamu Nawawi Qardho waxayna ku galayaan hal goob oo ah dugsiga sare ee Sheikh Osman Omar Secondary School. Aradada u fariisatay imtixaanka dugsiyada Qardho ayay tiradoodu dhan tahay 110 arday,oo isugu jira wiilal iyo gabdho, waxaana kormeere (Supervisor) ka ah gudoomiyaha waxbarashada gobolka Nugaal Khaliif Xuuxuule, macalimiinta muraaqibka ka ah (invigilators) goobta imtixaanka ayaa dhan 5 macalin waxayna ka kala socdaan dugsiyada, Nawawi Bosaso, Alwaaxa Garowe, Xamdaan Bosaso, iyo Public Secondary school Bosaso. Waa marki ugu horaysay oo saddexdan dugsi ku kulmaan imtixaanka shahaadiga ah ee wasaarada waxbarashada Puntland-Puntland National Examination Board (PNEB),waxaana loo aaneynaya inay ka dambaysay arrintani ka dib midayntii Manaahijta dugsiyada sare ee Puntland. C/rashiid Maxamed Daahir Horseed-Media,Qardho
-
-
Imtixaanka Fasalka Form Four Oo Ka Bilaabmay Magaalada Bosaaso (Sawiro) June 5, 2010 Waxaa Saaka degaanada Puntland si toos ah uga bilaabmay Imtixaanka dugsiga Sare gaar ahaan fasalka ugu dambeeya ee Form Four,goobaha ay imtixaanku ka bilaabmeen ayaa ka mid ah magalaada Bosaaso oo ay ardaydu tageen Iskuulada si ay uga qaybgalaan imtixaanka. Ardayda ayaa inta aysan imtixaanka gelin la siiyey wacyigelin iyo nidaamka ku aadan arimaha imtixaanka ayagoo laga dardaarmay in ay iska ilaaliyaan waxyaabaha ka reeban oo aan la ogolayn. Tirada guud ee ardayda imtixaanka u fariisatay ayaa gaaraya 642-arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal,waxaana lagu galaaya imtixaanka saddex goobood ardayduna waxaa ay ka kala yimaadeen iskuulada kala ah; 1-Imaamu Shaafici 86 arday 2-Imaamu Nawaawi 127 arday 3-Najax 85 arday 4-Cabdulaahi Ismaacil oo ku yaalla degmada Ufeyn,waxaana ka yimi ilaa 6-arday 5-Xamdaan 141 arday 6-Bosaaso 105 arday 7-Gaarisa 24 arday 8-White Tower – Minaaratul Baydaa 68 arday Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland Cali Axmed Gamuute oo la hadlay Horseed Media isagoo ku sugan mid ka mid ah saddexda xarumood ee lagu galaayo imtixaanka ayaa sheegay in sanadkaan uu yahay mid taariikhi ah maadama ardayda ay tahay markii ugu horeysay oo si mideysan degaanada Puntland laga wada galo imtixaanka fasalka Form Four,wuxuuna hambalyo u diray dhamaan arday ku dhaqan Puntland. Saddexda xarumood ee imtixaanka lagu kala galaayo ayaa kala ah dugsiga sare ee Bosaaso,Dugsiga Imaamu-Nawaawi iyo Dugsiga Xamdaan oo aan halkaas booqanay,waxaana ardayda qaar aan la kulanay markuu imtixaanka soo dhamaaday ay inoo sheegeen in ay ku faraxsanyihin imtixaanka ay galeen ayna rajeynayaan in ay natiijo wanaagsan helaan gaba gabadiisa. Xarumahaas ayaa ku sugnaa ilaaliyaal si aad ah u sugaayay imtixaanka ayadoo ay ilaalinayeen fasalada ay ardaydu fadhiyeen oo ay imtixaanka ku galaayeen. Imtixaankaan ayaa si rasmi ah uga furmey 7-da gobol ee Puntland,waxaana ardayda guud ahaan ay yihin 1340-arday ayadoo magaalada Bosaaso ay tahay gobolka ugu badan ay ardaydu imtixaanka fariistay. Horseed Media
-
Garaad soofe of Buhoodle: The Khuusuusi Must leave Buhoodle.
Cowke replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Issimo iyo Cuqaal go'aamo kasoo saarey Buhoodle 5 Jun 5, 2010 - 8:03:11 AM Kulan maanta 05.06.2010 ka dhacey degmada Buhoodle oo ay isugu yimadeen issimada iyo cuqaasha ka taliya degaankaas ayaa laga soo saarey go'aamo ah ay kamid yihiin in halkaas ay isaga baxaan Issimo kale iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Sool. Issimada iyo siyaasiyiinta la sheegey iney isaga baxaan degaanka Buhoodle ayaa waxaa hurmuud u ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali iyo xubno kale oo siyaasiyiin kuwaasoo wayadaan dambe dabada ka riixayay urur loogu magac darey SSC kaasoo khilaaf xoogan dhex dhigey dadka walaalaha ee reer Sool. Issimada go'aanka soo saarey ayaa waxaa kamid ahaa Garaad Cabdulahi Soofe iyo Garaad Suleymaan Burale kuwasoo dhinaca kale sheegey in maamulka Somaliland ciidamdooda kala baxaan gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in go'aankan yimid kadib markii Garaad Jamac iyo kooxdan la socotaa ku dhawaaqeen iney dagaal ka abaabulayaan degmada Buhoodle saldhig-na ka dhiganayaan.i Degmada Buhoodle oo ah magaalada madaxda gobolka Cayn ee Puntland ayaa Issimada degaanku waxaa ay welwel ka muujiyeen in hadii xubnahaan saldhig ka dhigtaan wax u dhimi karto midnimada shacabka Puntland islamarkaana amni daro u keeni karto shacabka degaankaas kuwaasoo dhowaan dad kaga dhintey rabshado halkaas ka dhacey. Afahyeenka Issimada go'aanka soo saarey cheif Caaqil Maxamud Cumar Camey oo la hadley Idacada BBC-da lanteeda Af-Somaliga ayaa sheegey in kulankaan ay u dhamaayeen Issamadii, cuqashii, ciidamadii iyo ganacsatadii u ahaa go'aankii kasoo baxey: 1- In gobolka Cayn dadweynihiisu nabad ku dhawaaqaan 2- In ciidamada Somaliland si deg deg ah gobolka Sool uga baxaan wadahadalna laga galo hadii loo baahdo 3- In dowladda Ethiopia nabad galyo lagula noolaado 4- In Issimada iyo xubnaha la socda ku noqdaan meelaha ay ka yimaadeen kuwaasoo yimid xaley degmada Buhoodle. Cheif Caaqil Maxamud Cumar Camey oo la waydiiyey in Issimada la sheegey iney ka baxaan Buhoodle la waydiiyey waxa ay doonayaan ayaa yiri waa lala hadley waxeyna yirahdeen "Dadka na diidan waan xirxireynaa dagaalna waa ka qaadaynaa degmada Buhoodle". Caaqilka oo la waydiiyey cidda ay la dagaalamayaan xubnahaan yimid ayaa yiri "Ma garanayo balse waxan u maleynaya iney rabaan in Buhodle cadow kusoo hogamiyan loona qabsado sidii Laascaano." Caaqil Maxamud Cumar oo BBC waydiisay in Issimada iyo xubnaha la socdaa ee yimid Buhoodle wataan siyasada ah in gobolka Sool ka go' Puntland iyo Somaliland oo kaligii meel istago ayaa sheegey in taasi tahay midda la diidan yahay, fikir ahaana ku kala fogyihiin islamarkaana shacabku ka horyimid. Caaqilka ayaa ku jawaabey in siyaasada xubnahaan tahay midda dadka Sool diidan yahay isaga oo sheegey in aysan diidaneyn in dib loo qabto degaanada Sool ee maqan. Cheif Caqil Camey ayaa sheegey in Issimada go'ankan soo saarey ay ku dhanyihiin cuqaashii gobolka kuwaasoo kuwasoo ay kamid ahaayeen Garad Cabdulahi, Suldaan Siciid, Garaad Saleebaan iyo IWM. Degmada Buhoodle ayaa waxaa ku sugan wafti ka socda dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka Barlamanka Mud.Xaaji. GAROWE ONLINE -
Shir U Dhaxeeya Dad Ka Kala yimi Degaanada Puntland,Somaliland Iyo Koonfurta Soomaaliya Oo Ka Furmay Garoowe (Sawiro) June 5, 2010 Shir hal maalin ah soconaaya ayaa maanta ka furmay Xarunta Library-ga ee magaalada Garoowe kaas oo ay kasoo qaybgaleen dad ka kala yimid Somaliland,Koonfurta Soomaaliya iyo dad kasocday degaanada Puntland kuwaas oo la shaqaynaayay mashruuc ay wadaan Hay’addaha UNESCO iyo JCC oo ku sabsan Nabada iyo xalinta khilaafaadka. Shirkaan ayaa waxaa looga hadlaaya wixii kasoo baxay Mashruuca Nabada iyo Xalinta Khilaafadka iyo Wixii Qabsoomi Waayay Sababaha ay u qabsoomi waayeen,waxaana furay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdiqani Salaad Guray oo sheegay in muhiim yahay shirkaan loona baahnaa qodobada looga hadlaayo. Wasiir Kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in mashruucaan ay wada fulinayaan UNESCO iyo Dawladda Japan ayaa ahaa mid loogu talagalay in dadka laga dhiso dhinac Nabada lagana hortago Khilaafaadka. Ugu dambayntii ayaa Wasiir kuxigeenka waxaa uu sheegay inuu ka codsanaayo in aysan dhinac marin qoraalka ajandaha ee shirka. Maxamed Siciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe,Puntland
-
Madaxweyne ku xigeenka PL oo maanta Furay Talaalka Maalmaha Caafimaadka Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad cali shire ayaa maanta ilmihii ugu horayey dhibacaha talaalka Cudurada dilaaga ah ku bilaabay munaasbad balaaran oo xariga looga jarayey maalmaha caafimaadka dhalaanka iyo hooyada oo laga fulinayeo dhamaan puntland caruurta ka yar shanta sano, sidii loo ogaan lahaa nafaqada caruurta, gooryaanka iyo hooyada uurka leh caafimaadkooda Waxaana barnaamijkaani gacan ka gaysanayey ha’yado ay ka mid ahayeen WHO Unicef iyagoo la kaashanaya Wasaarada Caafimaadka, Wasirka Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi warsame oo ka hadlay munaasabada lagu furayey wajiga koowaad maalmaha caafimaadka dhalaanka ayaa siweyn uga faalooday inta cudur ee dilaaga ah ee laga Talaalayo Caruuta. Inkastoo ay goobta ka haldeen masuuliyiin badan oo ka kala socday Dowlada puntland iyo ha’yadaha caalamiga ah oo wada tilmaamay ahmiyada uu u leeyahay talaalka Carurta iyo hooyada ay tahay mid aad u saraysa waxna ka tari doonta xili walba oo uu la soo darisaan xaanuuno una noqonaya difaac ayaa shacabka puntland waxaa fariin u diray dhiirigalin ah in ay qaataan talaalka kana faa’iidaystaan madaxwayne ku xigeenka puntland C/samad cali shire . Waxaa uu madaxweyne ku xigeenku sheegay in ay tani tahay muhiimad dhanka caafimaadka ah bulsha weynta Puntlandna ay si wanaagsan uga faa iideystaan . Ugu danbayntii marka ay xafladu dhamaatay isla markaasna ay goob jog ka ahayen dhamaan timamkii loogu tala galay in ay qaadaan talaalka kana hawlaagaan goobaha loo cayimay ayaa loo amaray in ay bilaababaan olalaha talalka iyadoo ay dhinacsocdaan wacyigalin laga wado idaacada maxaliga oo dadka lagu fahan siinayo talalaka iyo faa’iidadiisa C/naasir Yaasiin Salaad SBC International- Garoowe
-
1329 Arday oo maanta Imtixaanaadkii Finaalka ahaa ugu farsiisatay Dugsiyada sare ee Puntland (Sawiro) (Garowe)RBC: Waxaa maanta si isku mid ah ugu fadhiistay imtixaanada Dugsiyada sare ee Puntland gaar ahaan fasalka ugu danbeeya ee Afaard oo ah halka ay ku qalin jabiyaan aradyda dugsiyada sare 1329 Arday oo ka kala socda 24 Dugsi oo ku yaala Gobalada Puntland oo dhan. Ardaydaa Imtixaanadaa u fadhiisatay ayaa waxa ay imtixaanadaa ku galayaan 13 Goobood oo loo cayimay oo kuyaala gudha Gobalada Puntland kuwaas oo ay u cayintay Wasaaradda waxbarashada Puntland oo ah wasaaradda arimahaa u xilsaaran. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa booqday qar ka mid ah Goobahaas waxa uuna halkaa kula hadlay ardayda wax ka dhigata dugsiyadas uu booqday oo ay ka mid ahaayen dugsiga Ganbool iyo Dugsiga sare ee Imaaami Nawawi qaybta Garowe. Wasiirka ayaa ardaydaa ku bogaadiyay in ay dadaal dheer u galaan sidii ay uga faai,daysan lahayeen fursadaha waxbarasho ee wasaaradu ka heshay dalka diabadiisa waxuuna kula dar daarmay in ay ka taxdiraan habka imtixaandka loo galayo oo ka fogaadaan waxyaabaha dhibaatida u keeni kara. Ardayda Imtixaanada u fadhiisanayay ayaa qaarkood Warbaahinta RBC u sheegeen in ay Imtixaaaandka sanadkaan uu yahay mid ka duuwan kuwii hore islamarkaana ay diyaar garow xoogan u galeen sida uu u sheegayy RBC Maxamuud Timi Jilac oo ka mid ah aradyda dhigta Dugsiga sare ee Ganbool. Imtixaanadka dugsiyada sare ee Puntland ayaa socon doona muda shan cesho ah waxuuna si rasmi ah ugu bilowday Maanta Dugsiyada sare ee ku yaala Gobalada Puntland islamarkaana waxaa waraaqdaha Imtixaanadaa u qaybiyay qaar ka mid ah dugsiyadas wasiirka waxbarashda Puntland Cabdi Faarx Juxa. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo Wasaarada Waxbarashada Puntland ku sheegay in guulo Puntland u soo hooysay (Garowe) RBC: Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali shire ayaa ku amaanay Wasaaradda Waxbarashada Puntland tilaabo wax ku ool ah in ay qaaday taa oo ku sheegay mid taariikhi ah xili uu qodbad u jeedinayay tira arday ah oo imtixaan uga furmay Dugsiga sare ee Ganbool ee Magaalada Garowe. Cabdi Samad Cali shire waxa uu sheegay in wasaaradda waxbarashad ay markii ugu horaysay ku guulaysatay in ay midayso imtixaanada dugsiyada sare ee Puntland iyo kuwa dhexe iyo hoose, waxuuna sheegay in tilaabadaa ay tahay mid taariikhi ah oo guul ah oo Puntland u soo hoyatay. Madaxwayne ku xigeenka ahna sii hayaha xilka Madaxwaynaha Puntland Cabdi Samad Cali shire waxa uu sheegay in ardaydaa Imtixaanka u furmay ay ku dadaalaan sidii ay u heli lahaayeen fursadaha waxbarasho oo Puntland ka heshay dalka dibadiisa markii ugu horaysay . Waxuuna tilmaamay ardaygii imtixaanadaa ku guulaysta in uu fursad waxbarasho oo lacag la,aan ah ka heli doonaan dalka Yaman, Suudaan. iyo gooba kale oo wasaaradda waxbrashada Puntland dadaal ugu jirto in ay waxbarasho lacag la,aan ah u hesho ardayda dugsiyada sare ka soo qalin jabiyay. Ugu danbayntii ayuu ugu duceeyay ardayda in ilaah ku guuleeyo imtixaanka ay galayaan waxuuna dhinac kale la dar daarmay macalimiinta loo xil saaray ilaalinta imtixaanadaa oo ah kuwa ka duwan imtixaanadii hore marka loo eego sida uu xaalku iminka yahay waana markii ugu horaysay ee Madaxwyane ku xigeen iyo xubna Golaha Xukuumada ka socda furaan Imtixaanada sanad dugsiyadeedyada. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Wasiirka Dekedaha Puntland: Xabsiyadeenu Bakhaaro Ma ahan, Waxaan Jecelnahay in La Fududeeyo Dadka Ku Jira (Sawiro) Boosaaso (RBC Radio) Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in maamulka uu dhowaan fulin doono xukunada dadka ku xiran xabsiyada ee dembiyada kala duwan loo heysto gaar ahaan xukunada dilalka ah ee ay maxkamaduhu rideen. Wasiirka oo ka hadlay shir saxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maxaabiista ku jirta xabsiyada ee ku eedeysan falalka burcad badeednimada ay tiro bateen loona baahan yahay in sharciga la waafajiyo maadaama ay buux dhaafeen xabsiyadu. “Waxaad moodaa in xabsiyadeenu bakhaaro noqdeen, waxaan jecelnahay inaan fududeyno dadka si dhakhso leh”, ayuu yiri wasiirku. “Waxaan u maleynayaa in wax badan la fulin doono, wixii dhimanaya ee waqtigoodu galay in la khaarajiyo oo la dilo. Laakiin ma noqoneyso in meel la iskaga hayo”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka dekedaha Puntland oo hadalkiisa laga dhedhesan karay in la khaarajin doono qaar ka mid maxaabiista dilalka ku xukuman ee weli ku jira xabsiyada kuwaas oo qaarkood horey kiisaskooda loo joojiyey. Wasiirka dekedaha ayaa ku baaqay in go’aan deg deg ah laga gaaro maxaabiis toddoba ah oo maalintii Khamiistii lagu soo qabtay hawlgal ay ciidamada Puntland ku soo furteen markab MV QSM Dubai kaasi oo burcad badeedu ka afduubeen xeebaha Puntland. Siciid Maxamed Raage ayaa dhinaca kale fariin u diray dadweynaha reer Puntland isagoo sheegay in ka fogaadaan taageerida burcad badeeda ama inay hab qabiil u difaacaan marka la soo xiro kooxaha afduubyada geysta, wuxuuna yiri. “Waxaan shacabka reer Puntland uga digayaa magaaladii martigalisa burcad badeeda sharci baa laga soo saarayaa, wax dambe oo burcad badeed ah kama sii jiri doonaan xeebaheena. Waxaan shacabka uga digayaa inay magaalooyinkooda ku soo dhoweeyaan burcad badeeda ama inay gaadiid la timaado”, Wasiirka mar uu ka hadlay hawlgalkii markabka MV QSM Dubai lagu soo furtay waxaa uu sheegay in haddii maamulka loo fasaxo soo furashada maraakiibta ay u fududahay in xoog lagu soo badbaadiyo dhamaan maraakiibta ku afduuban xeebaha Puntland, isagoo dhinaca kalena ku eedeeyey wadamada iyo shirkadaha iska leh gaadiidka la afduubo aysan ogoleyn in xoog lagu soo furto oo ay taasi bedelkeeda madax furasho siiyaan burcad badeeda. Waxaa uu tacsi u diray eheleadii uu ka geeriyooday kabtankii markabka MV QSM Dubai Captain Sayed Jacfar Jafari oo u dhashay dalka Pakistan kaasi oo ay burcad badeedu ku dishay markabka markii ay afduubeen. Meydka Kabtankaasi oo hadda yaalla Boosaaso ayuu wasiirku sheegay in loo duulin doono dalkiisa dhowaan si halkaasi loogu aaso. Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladu hadda gacanta ku heyso toddobadii nin ee geystey afduubka markabka uu ku geeriyooday kabtankaasi, kuwaasi oo la sugayo tallaabada uu maamulku ka qaadan doono burcad badeedaasi oo weliba degaanada Puntland ka soo jeeda. Cabdalle Muumin RBC Radio Wasiirka dekedaha, Siciid M. Raage Burcad badeedii ay ciidamadu soo qabteen Burcad badeeda waxaa lagu bilaabay baaritaan
-
Originally posted by Dhubad.: That is my home town right there "Where I got grown, streets we would roam. But out of the darkness, USC came to destroy us, I came the farthest, Among the hardest survival Learn from these streets, it can be bleak Except no defeat, surrender retreat " I am quite suprised not much has changed regarding somali nomadic lifestyle in 1940 and the nomads in Somalia today. It's quite interesting video for all to see how liflife was in rural somalia in 1940!!!
-
This is historical video from bardere in 1940 that was produced by the italians. It shows the people/lifestyle/culture etc. It's truly fascinating to see somalis haven't changed that much since then in regards to their traditions and culture. Anyways you can watch the historical footages below!!!
-
This is an interview of djibouti president Ismail Guelleh regarding his political positions ranging from somalia to eritrea to djibouti. You can watch the 3 series part below
-
Thankful, I doubt it
-
Wafdi Ballaadhan Oo Madax Dhaqameedka SSC Ah Oo Gaadhay Buuhoodle(Daawo Sawirada ) Written by Jidbaale Friday, 04 June 2010 13:28 Buuhoodle(Jidbaale.com):-Wafdi ballaadhan oo ka kooban qaar ka mida Isimada SSC ayaa galabta saacadu amrkay ahayd 5:00 gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn. Wafdigan ayaa waxaa horkacayay Garaad Jaamac Garaad Cali, waxaana ku weheliyay safarkan Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cali Buraale iyo Ugaas Faarax Dheere. Wafdigan ayaa soo dhowayntooda waxaa ka qayb qaatay dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle qaybeheeda kala duwan, waxaa sidoo kale soo dhowaynta ka qayb qaatay Hoggaamiyaha SSC Dr. Saleeebaan Xagla-toosiye iyo Hoggaamiye Xigeenka Cali sabarey. Soo dhowaynta ka dib ayaa wafdiga Madax dhaqameedku hadal kooban ka hor jeediyeen shacabkii soo dhoweeyay iyagoo ugu horayn uga tacsiyadeeyay dhacdooyinkii Buuhoodle iyo Widhwidh ee dadka badani ku nafwaayeen. Wafdigani waxay shacabka uga mahad celiyeen soo dhowaynta balaadhan ee ay u fidiyeen. Jidbaale.com Pics Can be viewed here Garad Welcoming Buhoodle And also Below here. I Plus Love the fertile land in the pics below!!! More Pics Here
-
Boqorka oo ka soo laabtay safaro uu ku soo maray wadamada Findland iyo Dubai ayaa soo gaaray galabta magaalada Boosaaso abaare 3:00 galabnimo, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah isimada Puntland, waxgarad, eheladiisa iyo wariyaal kala duwan. Take your Pick Xaji. Dubai Or Finland!!! They met at either one of those places!!!
-
xaaji you need to just concern yourself with the following “Waxaan ku buraarujinayaa Soomaalida, hadda waxay leeyihiin maamulo badan inay noqdaan kuwo ku tartama horumarka iyo nabada, lagana shaqeeyo Soomaalinomo. Anigu dad badan baan kulanay waxaaa ka mid ahaa siyaasiga Axmed Siilaanyo oo aan ka wada hadalnay deris wanaaga”, ayuu yiri Boqor C/laahi. Ps: By the way this king is a very respected individual throughout africa and the middle east. Infact go to youtube and watch his caleemo saar and you will even see arabs sitting there. Secondly This king also can influence osman diyano THE Most Powerful Unit in Somalia The PIS. Remember sxb the PIS is unmatched by anyone because the PIS confronts southern extremists and hence is important to America then anyone else in Somalia!!!
-
Boqor Cbdulaahi Boqor Muuse oo Maanta Lagu Soo Dhoweeyey Boosaaso (Sawiro) Boosaaso (RBC) Boqor C/laahi Boqor Muuse [King-kong] oo mudooyinkii u dambeeyey ku maqnaa wadamo dibada ah ayaa galabta ka soo degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo lagu soo dhaweeyey. Boqorka oo ka soo laabtay safaro uu ku soo maray wadamada Findland iyo Dubai ayaa soo gaaray galabta magaalada Boosaaso abaare 3:00 galabnimo, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah isimada Puntland, waxgarad, eheladiisa iyo wariyaal kala duwan. Boqor C/laahi Boqor Muuse [King-kong] ayaa hadal kooban oo saxaafada ku siiyey hotelka Panorama ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashadiisa xilligan, iyadoo ay tahay xilli roobab badan dalka ka da’een. Wuxuuna u mahadceliyey dhamaan masuuliyiin, isimo iyo dadkii kale ee ka qeybgalay sooo dhaweyntiisa. Boqorku wuxuu sheegay in safaradiisa dibada intooda badan ay ku saabsanaayeen arimo famil ah hase yeeshee ay jireen dad masuuliyiin iyo siyaasiyiin isugu jiray oo ay kulmeen. “Waxaan ku buraarujinayaa Soomaalida, hadda waxay leeyihiin maamulo badan inay noqdaan kuwo ku tartama horumarka iyo nabada, lagana shaqeeyo Soomaalinomo. Anigu dad badan baan kulanay waxaaa ka mid ahaa siyaasiga Axmed Siilaanyo oo aan ka wada hadalnay deris wanaaga”, ayuu yiri Boqor C/laahi. Wuxuu Boqorku intaasi raaciyey in loo baahan yahay in wadanka ay horumariyaan dadkiisa oo isugu jira dhalinyaro, salaadiin, aqoonyahano iyo cuqaal kuwaasi oo uu ugu baaqay inay qabtaan kulamo aqoon isweydaarsi ah oo talooyinka la isku dhaafsanayo. “Ma aha in dadku siday u fadhiyaan ay watigooda ku dhameeyaan oo ay sidaasi ku dhintaan, waxaa loo baahan yahay fikrado cusub oo dadka loo dhiibo iyo shirar aqoon isweydaarsi ah oo horumarka iyo danta dalka looga wada tashado”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey Boqorka. Boqor C/laahi Boqor Muuse waxaa uu ka cudurdaartay in wariyaasha ay wax su’aalo ah weydiiyaan isagoo sheegay inuu daalan yahay oo uu safar soo galay, hase yeeshee waqtiyo dambe uu si faahfaahsan uga hadli doono warbaahinta. Waxaa kulankan goob joog ka ahaa sidoo kale wakiilka boqorka Yaasiin Muuse Boqor iyo isimo ka mid ah kuwa Puntland. Wuxuuna Boqorku sheegay inuu dhawaan tegi doono degaano kale oo ka mid ah Puntland. RBC Radio
-
Mubarak Construction Owner has been interviewed regarding the development that is occuring in the Garowe Capital. Check it out Below. Mubarak Group Interview Ps:Amazing some of the new suuq designs and parliament that is being built!!! Keep it up and keep going strong mubarak is all i can say and for all the haters let this video serve as warning to you that puntland is moving forward with or without you!!!
-
Gudoomiye Kuxigeenka Hogaanka SSC Oo Wareysi Siiyey Horseed Media (Dhegayso) June 4, 2010 Guddoomiye kuxigeenka midnimada iyo badbaada ee SSC Col.Cali Xassan Axmed Sabarey oo waraysi khaas siinayay Horseed Media isagoo ku sugan degmada Widh-Widh ee gobolka Ceyn ayaa ka hadlay arimo fara badan oo ay ka mid yihiin ciidamada SSC iyo Somaliland ee isku hor fadhiya. Wuxuu sheegay in wali ciidamada SSC iyo ciidamada maamulka Somaliland ay isku horfadhiyaan duleedka degmada Widh Widh ee gobolka Cayn, isagoo sheegay in taasi ay keeni karto isku dhac kale oo uu sheegay in dhex maro ciimadooda iyo kuwa soo duuley. Col. Cali ayaa sheegay Odeyaal dhaqameedyo ka tirsan Puntland ay kulan la yeesheen maamulka Somaliland isla markaasina ay ugu baaqeen in ay isaga baxaan degmada Widh Widh. “…Dumar iyo caruuro ayey dhibgaarsiiyeen ciidamada soo duuley, anaga wax xirriira nagama dhaxeeyo dad ku soo duulay deegaan kale,waxaan ugu baaqaynaa in ay isaga baxaan degmada..” ayuu yiri. Dhegayso waraysiga Col.Cali Sabaray Qorsheyaasha SSC iyo arimaha Buuhoodle Guddoomiye kuxigeenka golaha badbaadada iyo midnimada SSC ayaa sheegay in aysan waqtigan qeexayn tilaabooyinka Milateri ee ay doonayaan in ay qaadaan, hase yeeshee waxa uu uu ku kobay in qorshahoodu yahay marka hore in la xoreeye dhulka maamul loo sameeyo. Col Cali Sabaray ayaa xusay in ay doonayaan in beesha caalamka ay tusaan dulmiga ay wadan maamulka Somaliland ee ka dhanka nabadgalyo ku wada noolaanshaha umada. Cali Xassan ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo galeen magaalo dhaqan ahaan aysan garanayn, dhibta dhacdayna waanu ka wada hadalnay Itoobiya, waxaana ay balan qaadeen in ay dib dadwaynaha ugu soo celin doonaan 17 gaari oo todobadakan bilowgiisii ay ka kaxaysteen degmada Buuhoodle isla markaasina ay la aadeen Gaashaamo oo ah xadka Itoobiya. Mar Horseed Media ay waydiisay warar soo baxayay oo sheegaayay in dagaalka ay qaadi doonaan 26 bisha oo ku beegan waqtiga loo dareeraayo doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in arimahaasi ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in dagaal uu waqti kasta dhici karo, “..hadeerba waan isu muuqanaa ciidankoodi…”. Gudoomiye kuxigeenka oo ka hadlaayay aragtida uu ka qabo wefdi isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ee ku sugan degmada Buuhoodle ayaa sheegay in wefdigaasi aysan is arag isla markaasina ay u arkaan wefdigaasi dad yimi degaankooda. Hoggaanka SSC iyo Puntland Col.Cali Xassan ayaa sheegay in aysan jirin waqtigaan wax xiriir ah oo ka dhaxeeya SSC iyo Puntland isagoo intaasi ku daray in SSC aysan waqtigaan u bahnayn maamulka Puntland, Shacabka Puntland xiriir ayaa naga dhexeeya, dhibna kama sheeganayno, laakiin maamulki Puntland waa mid fashilmey ayuu yiri Col.Sabaray Sidoo kale wuxuu sheegay in ay hore isu khilaafeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo Hogaanka sare ee SSC Dr.Saleebaan Axmed Ciise Xagle Toosiye isagoo xusay in maamulka Puntland uu jid khaldan qaaday uuna ku adkaystay ku sii socoshada jidkaas khladan Horseed Media The audio of this article can be listened to Here