Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Maalinta Qaxootiga Aduunka Oo Maanta Gaalkacyo Si Weyn Looga Xusay (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Maanta oo kale sanad kastaa waxaa Aduunka oo dhan laga xusaa Munaasabada maalinta Qaxootiga Aduunka waxaana magaalooyinka dalka Soomaaliya ee laga xusay ka mid ahaa Magaalada Gaalkacyo ee maamulka Gobolka Mudug. Munaasabad si weyn loo soo diyaariyey ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacdey hoteelka Seylaan ee magaalada Gaalkacyo, taasi oo ay soo qaban qaabisey Hay’ada Qaramada Midoboay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, waxana ka soo qeyb galay Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska, Maamulka Gobolka, kan degmada, Saraakiisha Hay’ada UNHCR, Barakacayaal iyo dad Qaxooti ah oo ka yimid dhinaca dalka Itoobiya. Munaasabada ayaa waxay la heyd noocya badan, waxana intii ay socotay lagu soo bandhigay khudbado ay jeediyeen mas’uuliyiintii ka qeyb gashay iyo suugaan isugu jirta Soomaali iyo Itoobiyaan, taasi oo soo jiidatay dareenka dadkii ka qeyb galay xafladaasi lagu maamuusayey maalinta qaxootiga aduunka. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska ee Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye ayaa ka mid ahayd mas’uuliyiintii ka qeyb gashay munaasabada waxayna sheegtay in Puntland ay diyaar u tahay marti galinta iyo gacan qabashada dadka barakacayaasha ah ee Soomaaliya gudaheeda ku barakacay iyo kuwa Qaxootiga ah ee ka yimid dalalka Soomaaliya la deriska ah, waxayna intaa ku dartey Wasiiradu in haweenka Soomaaliyeed ee barakacayaasha la gargaaro had iyo goor. Munaasabada ayaa waxaa lagu soo bandhigay Suugaan, iyadoo koox ardey ah oo ka socota Dugsiga Waxbarashada iyo Horumarinta Nabada ee GCPD ay soo bandhigeen heeso Soomaali ah oo ka hadlaya wadaniyada iyo daryeelka dadka barakacayaasha ah, taasi oo qiiro galisay dhamaan ka qeyb galayaasha munaasabada, waxaana suugaanta ay ardeydaasi ku luqeyneysay soo agaasimey Abwaanka weyn ee C/qaadir Cali Cigaal. Waa Koox Fanaaniin ah oo ka socota Dugsiga horumarinta nabada iyo waxbarashada ee magalada Gaalkacyo. Dhinaca kale dad ka socda Qawmiyada Oromo ee dalka Itoobiya oo ka mid ah Qaxootiga dul saarka ku ah magaalada Gaalkacyo oo ka qeyb galayey munaasabada maalinta Qaxootiga Aduunka ayaa soo bandhigay ruwaayado, majaajilo iyo heeso kuwaasi oo qosol galiyey dadkii madasha fadhiyey, waxaana dhamaan suugaantaasi ay ku cabirayeen dhibkii iyo qaxarkii ay uga soo carareen dalkooda iyo dheefta ay ku heystaan gobolada Puntland. Waa Koox fanaaniin ah oo ka socota qowmiyada Oromo ee dalka Itoobiya. Sarkaal ka tirsan xafiiska UNHCR oo munaasabada xiriiriye ka ahaa. Ciyaar dhaqmeed ay soo bandhigeen koox fanaaniin ah oo ka soo jeeda qowmiyada Oromo ee Dalka Itoobiya. Waa munaasabadii ugu qaalisaneyd ee nooceeda ah oo laga dhigo magaalada Gaalkacyo, waxana munaasabadihii kuwan ka horeeyay ee lagu maamuusayey maalinta Qaxootiga ay ahaayeen kuwa tayo ahaan ka hooseeyay tan maanta loo qabtey maalinta qaxootiga. RBC Radio.
  2. Puntland oo yeelatay gobolkii 8 aad oo lagu magacaabo Hayland Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud ayaa wareegto uu maanta ka soo saaray xafiiskiisa ku magacaabay gobol Haylaan oo noqonaaya gobolkii 8 aad ee Puntland. Wareegtada Madaxweynaha Puntland oo tirsigeedu ahaa 49 soona baxday maanta oo ay bishu tahay 20.06.2010 ayaa u qorayd sidatan; Markii uu Madaxwaynuhu arkay Dastuurka Puntland qodobkiisa 80 aad iyo kiisa 7 aad farqadiisa 1 aad, markuu la tashaday Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, waxaa uu xeeriyay inuu Magacaabo Gobalka Haylaan. Gobolkaan ayaa waxaa magaalo madax u noqon doonta degmada Dhahar, waxaana wareegtada Madaxweynaha lagu sheegay in degmooyinka gobolkaasi dib uu ka soo magacaabidoono. Gobolka Hayland ayaa wuxuu noqonayaa gobolkii 8 aad ee gobolada hoos yimaada dawlada Puntland oo maamusha dhul qiyaaso inuu baaxadiisu ka badan tahay 1/3 dhulka Jamhuuriyada Somaliaya.
  3. UNICEF hands over water project in Somalia Nairobi, 11 May 2010 – In an effort to boost access to basic services in Somalia, UNICEF is strengthening local capacity in the northeast region of the country to provide safe drinking water to children and their families. “Water is the main source of life, but it can also be a source of disease. So it is vitally important that families have access to safe water,” UNICEF Regional Director for Eastern and Southern Africa, As Sy, said today coming back from a visit to Bossaso in the semi-autonomous region of Puntland, northeast Somalia, where he inaugurated a water supply system constructed with UNICEF support. With funding from the European Union, UNICEF supported construction of a 1,000 cubic meter water tank on a nearby hillside and installed a seven kilometer pipeline that delivers water to the town below. The extension project began in 2008 and took one and a half years to complete. The extension to the town’s water system connects an additional 87,000 people, or 65 percent of the Idp town’s population, to a safe drinking water supply. Internally displaced people (IDPs), their host communities and the urban poor are also served by the new system. Before the project began only 47,000 people (35 percent of the population) had access to safe water. “It is encouraging to see that if government leadership, community engagement, and support from the international community come together, we can ensure access to social services even under very difficult circumstances,” said Mr. Sy. “The water project is just one example of what we can achieve together.” Bossaso’s water supply system is maintained through an innovative public-private partnership in which the local authority, the community and the private sector work together to guarantee sustainable service delivery. The system is managed by a Water Board which ensures that water quality and quantity standards are met; establishes affordable water rates; manages household connections; and ensures kiosks (water collection points) are operated and maintained efficiently. Water is free to public institutions such as schools, hospitals and mosques. “It has been a humbling experience to see how resilient people can be in such a difficult environment, how mothers always try to find the best possible way to feed their children, take care of them, and send them to school,” Mr. Sy said. “Despite these successes, however, we are faced with great challenges when it comes to providing basic infrastructure to the growing number of displaced people, and helping young people grow to be true citizens and be protected against enlistment by extremist groups and participation in piracy activities. All of this calls for us to influence policies, to create an enabling and peaceful environment - together with the leadership - to care for the most vulnerable women and children in Somalia.” While in Bossaso, Mr. Sy also visited a Mother and Child Clinic, located in the IDP settlement '100 Bush'. Since malnutrition remains significantly above the emergency threshold in Somalia, UNICEF has been supporting the clinic’s therapeutic feeding programme for severely malnourished children. Thanks to these interventions acute malnutrition rates of children in the IDP camps decreased from 27% in 2008 to 18% in 2010. UNICEF staff in Bossaso also briefed the Regional Director on efforts to improve maternal and child health through Child Health Days. The campaign – supported by UNICEF, WHO and NGO partners - aims to reach children under five years of age, twice a year, with a package of high-impact life-saving interventions. About UNICEF UNICEF is on the ground in over 150 countries and territories to help children survive and thrive, from early childhood through adolescence. The world’s largest provider of vaccines for developing countries, UNICEF supports child health and nutrition, good water and sanitation, quality basic education for all boys and girls, and the protection of children from violence, exploitation, and AIDS. UNICEF is funded entirely by the voluntary contributions of individuals, businesses, foundations and governments. For more information about UNICEF and its work visit: www.unicef.org For further information please contact: Denise Shepherd-Johnson, Communication Chief, UNICEF Somalia. Mobile: +254 722 719 867. Direct line: +254 20 7623958. Email: dshepherdjohnson@unicef.org Michael Klaus, Regional Chief of Communication, Eastern and Southern Africa, Mobile: +254 716 431 880. Direct line: +254 762 2214. Email: mklaus@unicef.org
  4. JUURILE:-Maamulka Dawladda Hoose ee Bossaso oo Maanta Hawllo Waddo Sifayn ah Kabilaabay Magaalada Bossaso+Sawirro Dawladda hoose ee Magaalada Bossaso ayaa maanta ka bilowday Magaalada Bossaso olole lagu bur bruinaayo dhismayaasha sharci darrada ah ee ku yaalla hareeraha Waddooyinka Magaalada Bossaso kuwaasi oo ciriiri geliyey maritaanka Waddooyinka Magaalada. Ka hor intaan ololaha bur burinta saaka la bilaabin ayaa waxaa ka horeeyey qorshayaal ay horay u dejiyeen masuuliyiinta Dawladda Hoose oo uu ugu horeeyo Duqa Degmada Bossaso Maxamuud Faarax Beeldaaje iyo sidoo kale masuuliyiinta Gobolka Bari, kuwaasi oo dadka ugu baaqay in ay isaga guuraan goobaha sharci darrada ah. Bur Burinta goobaha sharci darrda ah ayaa waxaa saaka si xoogleh uga socdeen waddada dheer ee isku xirta Airporka iyo Dekedda Bossaso iyadoo sidoo kale Waddooyinka kale ee Magaalada u dhamaantood maamulku balan ku qaaday in ay kasamayn doonaan bur burinta goobaha sarci darada ah uuna socon doono hawlgalku mudooyikan. Waddooyinka maanta la bur burinaayey ayaa waxaa abbaarro 7:00-dii subaxnimo lagu soo daayey shaqaalaha Dawladda hoose oo waday hawsha bur burinta iyo Ciidamada ammaanka oo siweyn ula socday arrimaha ammaanka iyo dhaq dhaqaaqa guud ee goobaha ay hawshu ka socoto. Goobaha maanta cagta la mariyey ee la bur buriyey ayaa waxa ay u badnaayeen Sanqadao, Buushash iyo Balbalooyin qaarkoodna waxaa lagu iibin jiray qaadka halka qaarka kalena ay ahaayeen goob kale oo ganacsi. Qaar kamid ah dadka laga bur buriyey goobaha sharci darrada ahaa ee ku oolaa hareeraha waddada ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen hawlgalka maanta lagu bur buriyey goobahoodii ganacsi waxayna aad uga soo hor jeesteen hawlgalka waddo banaynta ah. Faadumo Cali Nuur oo kamid ah Haweenka qaadka ku iibiyaha waddada dhinaceeda ayaa iyada oo indhaheeda ay qarisay ilmo waxay u sheegtay warbaahinta Juurile.com in maanta laga baabi'iyey meheradii ay qaadka ku iibin jirtay isla markaana aanay haysan meel kale oo wax ku iibsato tiiyo ay jiraan carruur yar yar o ay meesha ka biilato. "Si aan yeelo maaqaan meeshii aan biilka ka dayan jiray wa ataas dhulka ayaa lala simay, wax digniin ah oo nala siiyey markii hore majirin, sidaasi darteed maamulka maanta waxa uu naga galay qalad weyn", ayey tiri Faadumo Cali Nuur oo kamid ah Haweenka qaadka iibiya ee maanta laga bur buriyey goobo sharci darro ah oo ay ku lahaayeen hareeraha Waddada. Xoghayaha Dawladda Hoose ee Bossaso Maxamed Xasan Camo iyo Taliyaha Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Bossaso Coll C/raxmaan Qaybdiid oo maanta shir jaraa'id oo ay uga warbixinaayeen hawgalka waddo banaynta ku qabtay xarunta Ciidanka Dab Demiska ee Magaalada Bossaso ayaa waxa ay ku tilmaameen hawlgalka bur burinta ah ee Magaalada ka socda mid lagu soo celinaayo bilicda Magaalada isla markaana lagu baabi'inaayo goobaha sharci darrada ah ee Waddada ku yaal. Maasuuliyiinta maamulka u hadashay ayaa waxa ay sheegeen in hawlgalku uu socon doono muddooyinka laguna bur burin doono dhamaan goobaha sharci darrada ah, sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay dadka ugu baaqeen in ay si wanaagsna ula shaqeeyaan Ciidamada iyo dadka kale uu ku hawlan banaynta Waddada si Magaalada looga dhigo mid ay bilicdeedu wanaagsan tahay. Cismaan Saalax Ismaaciil Cis_ma@hotmail.com Bossaso Puntland Somalia Juurile.com
  5. JUURILE:-Xaflad Siweyn Loo Soo Agaasimay oo Lagu Maamuusaayey Maalinta Carruurta Africa oo Ku Beegnayd 16-ka June oo Kadhacday Magaaalada Qardho+Sawirro. Munaasabad aad u balaaran oo lagu maamuusaayey maalinta carruurta Africa oo ah maalin si weyn looga xuso guud ahaanba Qaaradda Africa oo ku beegan 16-ka Bisha June ayaa waxaa lagu qabtay Hotelka Alla Aamin ee Magaalada Qardho. Xafladda oo ahayd mid aad u balaaran ayaa waxaa hoggaankeeda lahaa Ururo dhalinyaro oo kala tirsan Iskuulada Waxbarashada ee Magaalada Qardho sida Iskuulada Qardho Primary School, Haji-Aadan Primary and Intermediate School, Imaamu Al nawawi Primery , Intermediate and Secondary School, Kubo Primary and Intermediate School iyo Horgoble Primary School. Sidoo kale xafladda ayaa waxaa soo abaabulay Naadiyada Barnaamijka Iskaashiga, Horumarka iyo Waxbarashada ee Child-to-child Approach (CTC), waxaana maalgelinteeda iyo qaban qaabada guud iska kaashaday Ururka Wadtashiga Ardayda Puntland ee PCSA iyo Hay'adda UNICEF. Munaasabadda ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin kasocday Dawladda Puntland, Bulshaweynta ku dhaqan Magaalada Qardho kuwaas oo ay ugu horeeyaan Madaxda Gobalka Kar kaar kuwa Degmada Qardho, Guddoomiyaha waxbarashda Degmada Qardho Siciid Maxamed Faahiye (DEO), Kormeeraha Waxbarashada Gobalka Kar Kaar Mr.Ahmed Mohamed Nuur (Xulluu), Agaasimaha Waxbarashada tooska ah ee Dawladda Puntland Mr.Mohamed Isma`il Finiin, Guddoomiyaha Ururka Wadatashiga ardayda Puntland ee PSCA C/risaaq Xiddig Warsame iyo marti sharaf kale. Dhamaan marti sharaftii hadalada ka jeedisay xarunta xafladdu ka dhacday ayaa waxa ay ku dheeraadeen muhiimadda ay leedahay daryeelka iyo taageerada carruur yar iyaga oo isku raacay in laga taageero carruurta dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo daryeelka guud. Guddoomiyaha Ururka waxbarashada Degmada Qardho oo loo soo gaabiyey DEO Siciid Maxamed Faahiye oo kamid ahaa masuuliyiintii xafladda kasoo qayb gashay ayaa waxa uu dhamaan ugu baaqay waalidiinta in ay ila mahooda xil weyn iska saaraan isaga oo intaasi ku daray in waxbarashada wanaagsan iyo caafimaadka ilmaha oo lahaagijiyo ay wax badan ka qabato daryeelka ilmaha yar. Agaasimaha waxbarashada tooska ah ee Deegaanada Puntland Mr.Mohamed Ismaa'iil Finiin oo isna hadalo ka jeediyey munaasabadda maalinta carruurta Africa ee ka dhacday Magaalada Qardho ayaa waxa uu wax badan ka iftiimiyey daryeelka carruurta isaga oo ugu baaqay waalidiinta in ay isu xilsaaraan daryeelka ila mahooda isla markaana ay simaan carruurtooda, sidoo kale Kormeeraha waxbarashada ee Gobolka Kar Kaar Mr.Ahmed Mohamed Nuur "Xulluu" ayaa waxa uu tilmaamay in carruurta yar yari ay daryeel iyo gar gaarba ka sugayso waalidiintooda sidaasi darteedna loo baahan yahay in ay waalidiintu arrintaasi gartaan ayna siwanaagsan u daryeelaan carruurooda. Sidoo kale Guddoomiyaha Ururka Wadatashiga ardayda Puntland ee Puntland Students Consultancy Association(PSCA) C/risaaq Xidig Warsame ayaa waxa uu munaasabadda kasoo jeediyey hadalo aad u qiimo badan oo ku aadan daryeelka carruurta isaga oo goobta ka faah faahiyey cidda looga baahan yahay daryeelka carruurta, Mr Xidig ayaa waxa madasha ku sharraxay u jeedada xafladda waxaana uu ku tilmamaay in ay tahay mid lagu xusaayo maalinta carruurta Arica waxaana uu ku sheegay 16-ka June maalin qiimo badan ugu fadhida dhallaanka Africa. "Sida aad wada og tihiin xafladdan waxa ay daba joogtaa xafladahii hore ee lagu maamuusi jiray maalinta dhallaanka Africa, sanad kasta waxa uu leeyahay halku dhig u gaar ahaa, haddaan idiin sharraxo halkudhigii sanadkii tegay ee 2009-ka waxa uu ahaa Africa waa meel u wanaagsan carruurta (Africa Fit for children), halka sanadkan uu ka yahay "Qorshaynta iyo kharash garaynta carruurteenu waa mid kamid ah masuuliyadeena gaarka ah" (Planning and budgeting for our children is our collective responsibility), sidaasi darteed waxaan filaynaa kuna rajo wey nahay in aan horumar weyn ka gaarno haddii Alle idmo", sidaasi ayaa waxaa yiri Guddoomiyaha Ururka Wadatashiga ardayda Puntland ee PSCA C/risaaq Xidig Warsame. Intii ay socotay munaasabadda maalinta carruurta Africa ayaa waxaa ay goobta kusoo bandhigeen ardaydii ka qayb qaadnaysay xafladda ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka sidoo kale waxaa goobta lagu soo bandhigay riwaayado ka turjumaaya Carruurta Africa iyo xuska loogu sameeyey Magaalada Qardh isla markaana waxaa goobta laga qaaday heeso loogu talagalay maalinta carruurta Africa, iyadoo dhaamaan dadkii xafladda kasoo qayb galay ay ahaayeen kuwo aad ugu faraxsan sida ay u dhacday munaasabadda iyo gar gaarida carruurta Africa. Sikastaba xafladdan loogu talagalay maalinta carruurta Africa ee lagu qabtay Hotelka Alla Aamin ee Magaalada Qardho ayaa waxa ay kusoo gaba gabowday jawi wanaagsan iyi sidii loogu talagalay. Cismaan Saalax Ismaaciil Cis_ma@hotmail.com Bossaso Puntland Somalia Juurile.com
  6. JUURILE:-Dab Bur Buriyey Guryo ay Degganaayeen Dad Baracayaal ah oo Maanta Qabsaday Qayb Kamid ah Kaamka Boqolka Buush ee Bossaso. Dab gaystay khasaare hantiteed ayaa waxa uu saaka abbaarro 10-kii subaxnimo qabsaday qayb kamid ah Kaamka Boqolka Buush ee Magaalada Bossaso kaasi oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo kasoo barabaxay koonfurta Soomaaliya iyo kililka shanaad ee Itoobiya. Dabka ayaa waxa uu ahaa mid aan lamid ahayn kuwii horay uga kiciyey xeryaha barakacayaasha ee Magaalada Bossaso waxaana uu ahaa mid aan sidaasi u weynayn inkastoo laga hortegay isaga oo aan gaysan khasaare baahsan Dhanka khasaaraha ayaa dabku waxa u cagta mariyey isla markaana baab'iyey dhamaan wixii dhex oolaa 6 guri oo kamid ah kuwa ay deggan yihiin dadkii ku noolaa Kaamka uu dabku kacay ee Boqolka Buush. Ciidanka Dab demiska ee Magaalada Bossaso ayaa wax yar kadib bilowga dabka waxa ay tageen goobta uu dabku kacay waxayna isla markiiba ku guuaysan in ay dabka demiyaan isaga oo aan yeelan awood badan. Qar kamid ah dadkii Degganaa goobta uu dabku ka kacay ayas waxa ay saxaafadda u sheegeen in aan ilaa iyo hadda laga warqabin waxa dabka dhaliyey hase yeeshee looga shaki qabo in uu ka dhashay mid kamid Buushashka gubtay oo uu dhex oolaa dab nool iyadoo ay xilligaasi ka maqnaayeen Guriga Hooyada iyo Aabaha ayna joogeen carruur yar yar oo keli ah. Mid kamid ah dadka ay Guryahu ka gubteen oo lagu magcaabo C/fataax ayaa uu sheegay in dabku uu maanta baabi'iyey Gurigiisii isla markaana uusan garanayn wax dabka dhaliyey isaga oo ka codsaday Dawladda, hay'adaha gar gaarka iyo dhamaan dadweyaha in ay laso gaaraan gar gara deg deg maadaama ay soo fuudsaartay xaalad adag. "ILaa iyo iminka magarnaayo wax dabka dhaliyey saaka ayaa Magaalada u shaqa tegay, hadda dhow ayaan maqlay in Gurigii gubtay sidoo kale Hooyada Guriga iyadana waxa ay ku maqnayn shaqo, Gurigana waxaa joogay ciyaalka oo keli ah Alle mahadiis Carruurta waxba magaarin ee waxa agebi ahaanba baaba'ay Gurigii iyo Guryahii kale ee ka agdhowaa", ayuu yiri C/fataax oo kamid dadka uu maanta dabku haleelay Dabka maanta qabsaday Kaamka Boqolka Buushe ee Magaalada Bossaso ayaa waxa uu noqonaayaa kii labaad oo qabsada Kaamkaas ilaa Bishii March sanadkan oo uu halkaas ka dhacay dabka cagta mariyey in ka badan 1,100 oo Guri sidoo kale dabkan ayaa waxa uu noqoyaanaa kii saddexaad ee muddo ka yar saddex asbuuc ka kaca Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Bossas Cismaan Saalax Ismaaciil Cis_ma@hotmail.com Bossaso Puntland Somalia Juurile.com
  7. Kulanka Haweenka nabada ka shaqeeya ee Afrika oo ay Caasho Geele Diiriye Somalia u matashay (Sawiro) June 14, 2010 Magaalada The Hague ee dalka Holland ayaa waxaa ka dhacay munaasabad lagu maamuusayey haweenka Nabada ka shaqeeya ee Qaarada Afrika ayaa waxaa sanadkan lagu casumay Caasho Geele Diiriye oo ah Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland. Kulankan oo habeenimadii Jimcihii ka dhacay magaalada The Hague, ayaa waxaa loogu talo galay dhiiri gelinta haweenka inay ka qeyb qaataan arrimaha nabadeynta ee Qaarada Afrika, ayadoo sanadkan lagu soo qaatay dadaaladii ay horey deegaanada Puntland uga sameysay Caasho Geele Diiriye oo hada ah Wasiirka Haweenka ee Dowlada Puntland. Kulankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey hay’ada haweenka Ajaanibta ee ku dhaqan dalka Holland, waxaána sidoo kale kasoo qeyb galay wafuud ka kala timid dalalka Congo, Burundi, Rwanda, Indonesia, Holland, Phillipins, Eritereya, Ethiopia iyo Somalia. Dalka Soomaaliya oo laga casumay Wasiirada Caasho Geele ayaa waxay kulankan uga qeyb qaadatay khadka internetka si toos ah ayadoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay waxqabadka haweenka Puntland ee ku aadan dhanka nabadeynta. Waxaana khudbada ay soo diyaarisay Wasiirada Caasho Geele halkaasi ka akhrisay Sahra Axmed oo kamid ah haweenka aqoonyahanka ee Soomaalida Holland. Faduma Yassin oo kamid ah madaxda ururka MWPN ee haweenka ajaanibta ah ee dalkaasi Holland ee nabada ka shaqeeya, ayaa sheegtay in kulankan loogu talo galay sidii haweenka Afrika dadaalka ay u sameeyaan dhanka nabada loo muujin lahaa, isla markaana dhiiri gelin ugu noqon lahayd kuwa kale inay wada shaqeeyaan oo u shaqeeyaan sidii dalalkooda nabad looga dhalin lahaa. Qodobada shirkan looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaa: Kaalinta ay haweenka Afrika nabada ku leeyihiin, Kaalinta ay Qurbo joogta haweenka Afrika ku leeyihiin nabdeynta Afrika iyo qodobo kale. Abdiraxim Siciid The Hague, Holland
  8. Puntland State Minister Meets Delegation from Somali Constitution Making Support Mission. Garowe - The State Minister of the Puntland Presidency for Democratization and Federal Affairs, Dr. Abdi Hassan Jimale, hosted a delegation from the UNDP Somalia Office in Nairobi this morning. Mr. Arnold Marseille, the reporting and communication officer from UNDP Somalia Constitution Making Support Project and Mr. Omar Aden Mohamed the Media and Civic Education Officer for the Constitution Project were accompanied by the UNDP SIDP representative Mr. Phillip Cooper to the State House in Garowe, the administrative capital of Puntland. The project has five goals to complete within its mandate so as to succeed in its mission according to a service description document submitted to the State Minister's office prior to the delegation's visit. The goals suggest a dependence on public engagement, progress in stabilization and political dialogue between Puntland, the TFG and significant political groupings. "The purpose of our visit is to discuss on how to implement Civic Education for the TFG Somalia Constitution," Mr. Omar Aden Mohamed said. "Our objective in this regard is to reach as many Somalis as possible." Mr. Arnold Marseille gave an overview of the planning stage and recounted activities that had been undertaken by the project. After the overview of the initial stage,the delegation inquired on the media tools used in the dissemination of the Puntland constitution. H.E Dr. Abdi Hassan Jimale provided an elaboration of the various processes and tools used during the dissemination process as well as the lessons learnt during the implementation of the task. The State Minister brought up the unresolved contentions that came up during the TFG constitution development process. "As a stakeholder of the TFG constitution we are entitled to inclusion in the constitution making committee," Dr. Jimale Said. "Ignoring Puntland will be disadvantageous to the entire constitution process." Dr. Jimale informed the delegation that that concern had been tabled to the relevant authorities with suggestions for amendment. The State Minister told them that the TFG constitution would not be received well by the people of Puntland since they had not been included in the constitution making processes. In addition to this, the State Minister revealed that the bone of contention was borne as a result of the criteria employed in the selection of the TFG's constitution making committee members. "In Puntland we do not select people on the 4.5 strategy and do not recognize it or any similar selection criteria," Dr. Jimale explained." We select people basing on their qualifications, experience and professional achievements." The State Minister reiterated the need for the TFG to include representatives from Puntland on the constitution making committee and suggested either replacing some of the current committee members with Puntland representatives or by increasing the membership of the committee so as to include Puntland in the process. It was agreed that the grounds for contention presented by H.E Dr. Abdi Hassan Jimale were sound and promised to convey the message to their colleagues. Dr. Jimale clearly outlined Puntland's support for the Civic Education component but regretted its relation to the existing contentions descended from the initial processes of the Federal constitution development. Finally, an in-depth discussion ensued between the State minister, the delegation and the Office of the Presidential Advisor on Media Affairs. Information was shared on viable strategies for the implementation of civic education with regard to the constitution. The discussions centered on the effectiveness of various media tools as well as methodologies for developing messages that would resonate with the people of Puntland. The session was wrapped up warmly with plans for further correspondence and consultation as the delegation departed. The mission of the Somalia Constitution Making Support Project is to support the Somali stakeholders of the process in delivering a new constitution that supported, reflects and represents the Somali people's views of governance systems, rights and duties in their nation. Source: puntland-gov.net
  9. Kulan Ku Saabsan Dhiirigelinta Maalgashiga oo Ka Furmay Boosaaso (Sawiro) Boosaaso (RBC) Rugta ganacsiga iyo warshadaha dowlada Puntland ayaa maanta furtay kulan aqoon isweydaarsi ah oo ay ka qeybgalayaa ganacsatada Puntland. Kulankan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa sida masuuliyiinta rugtu ay sheegeen waxa looga gol leeyahay dhiirigelinta maalgashiga iyo kor u qaadida ganacsiga xorta ah. Waxaa kulankan ka qeybgalaya xubnaha ganacsatada ee gacanta ku haya ilaha ganacsi ee waaweyn ee ka hawlgala degaanada Puntland kuwaasi oo sidoo kale ka qeybqaadanaya fikradaha la isku dhaafsanayo mudada uu socdo kulankan. Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland Maxamud Xayir Ibraahim oo ka hadlay furitaankii kulanka maanta ayaa sheegay in rugta ganacsigu ay dadaal badan u gashay sidii sare loogu qaadi lahaa loona dhiirigelin lahaa maalgashiga oo ah arin dhiseysa dhaqaalaha dalka, isagoo tilmaamay in kulankan uu qeyb ka yahay dadaaladaasi. Gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqay guud ahaan ganacsatada inay ku dhiiradaan maalgashiga dalka si loo helo ilo dhaqaale oo ballaaran ayna ka faa’ideysan karaan bulshada, isagoo xusay in ganacsiga xorta ah uu yahay waxa ugu horeeya ee dhisa mustaqbalka dadka. Kulankan waxaa inta uu socdo looga hadli doonaa doodo ku saabsan ahmiyada ganacsiga uu leeyahay marka loo eego shaqooyinka kale, dhaqaalaha Islaamiga, kaalinta maalgashigu ku leeyahay horumarka iyo sidoo kale ganacsiga xorta ah ee ku dhisan tartanka furan. Waxaana kulanka muxaadaro ka jeedinaya Dr. Yuusuf Maxamud Ciise oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo ku takhasusay maalgashiga caalamiga kana soo shaqeeyey bangiga horumarinta Islaamka. Qaar ka mid ah ganacsatada ka qeybgaleysa ayaa soo dhoweeyey kulankan ay soo qabanqaabisay rugta ganacsiga waxayna tilmameen in rajo weyn laga qabo waxyaabaha ka soo baxa kulankan inay wax ku kordhin doonaan fikradaa ganacsatada Soomaalida gaar ahaan kuwa shirkadaha waaweyn ee Puntland ka hawlgala oo kulanka hadda ka qeybgalaya. Waxaana uu kulankan noqonayaa midkii ugu horeeyey ee loo qabto ganacsato loogana hadlo maalgashiga iyo dhaqaalaha Islaamiga oo dalka lagu qabto. Wuxuuna shirku ku soo beegmayaa iyadoo masuuliyiinta rugta ganacsiga Puntland ay safaro badan bilihii u dambeeyey ku soo mareen wadamo dibada ah taasoo qeyb ka ahayd kor u qaadida ganacsiga Puntland. Cabdalle Muumin RBC Radio
  10. Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo Xariga Ka Jartay Dhisme Cusub (Sawiro) Boosaaso (RBC) Wasaarada arimaha gudaha Puntland ayaa dhisme cusub oo ay ka dhisatay magaalada Boosaaso maanta si rasmi ah u furtay. Dhismahan oo ka koobab xafiisyo iyo hoolal shirar ayaa loogu talagalay inay ku shaqeyso wasaarada arimaha gudaha iyo dowladaha hoose qeybteeda magaalada Boosaaso iyadoo horey wasaarada u deganaan jirtay guri kiro ah. Munaasabada xariga looga jaray xarunta wasaarada ee cusub ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlada oo isugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno, maamulka gobolka, kan degmada iyo waxgarad. Wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage oo xariga ka jaray dhismaha cusub ayaa halkaasi ka sheegay in dhismahan uu noqon doono mid loogu shaqeeyo dadweynaha maadaama wasaarada arimaha gudaha ay tahay wasaarad qaabilsan golayasha degaamada. Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Cabdi Yaasiin oo isaguna ka hadlay xarig jarka ayaa sheegay in laga bilaabo maalinta berito [21-June-2010] ay wasaaradu ku soo guuri doonto dhismahan cusub oo ay ka soo bixi doonaan dhismihii hore ee kirada ahaa. Agaasimaha guud ee wasaarada Maxamed Siciid Cumar (Kaashawiito) oo isaguna ka hadlay munaasabada ayaa ka mahadceliyey dhismahan oo ay gacan ka geysteen hay’adaha samafalka, wuxuuna Mr Kaashawiito intaa ku daray in loo baahan yahay soo dhameystirka waxyaabaha ka dhiman guriga oo uu ugu horeeyo matoorkii korontada kaasi oo aan hadda diyaar ahayn. Dhismahan cusub ayaan wasaaradu sheegin kharashka ku baxay hase yeeshee waxaa ay qaadatay mudo bil iyo bar ah in la dhameystiro dhismaha iyadoo la raacay dhismihii hore ee wasaaradu ku lahaan jirtay isla goobta kaasi oo ahaa guri qadiimi ah. Dhismahan cusub ee ay yeelaneyso wasaarada arimaha gudaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaar kale oo wasaaradaha dowlada ka mid ah ay weli degan yihiin guryo kiro ah oo aysan lahayn dowladu. abdalle Muumin RBC Radio
  11. Mudane David Miliband oo qaabilay wafti uu hogaaminayo Mudane Raage Wafti ballaaran oo uu hor kacayo wakiilka Dawlad Goboleedka Puntland ee gobollada Yorkshire ee dalkan Britain Mudane Raage Xaaji Maxamed Raage ayaa maalintii shalay ee ay taariikhdu ahayd 17 June 2010 waxay kulan gaar ah la yeesheen Mudane David Miliband wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee dalkan Britain haddana aad loo dhawrayo in uu ku guulaysto jagada hogaamiyaha cusub ee xisbiga Labourka. Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen siyaasiyiin, aqoon yahanno iyo ganacsato ka soo jeeda deegaannada Puntland waxay Mudane David Miliband ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaanna xiriirka iyo iskaashiga soke ee ka dhexeeya dalkan Britain iyo Dawlad Goboleedka Puntland kaasi oo uu Mr. David Miliband aad u soo dhoweeyey sidii loo sii xoojin lahaa. Sidoo kale wuxuu wakiilka Dawlad Goboleedka Puntland ee Yorkshire Mudane Raage aad ugu mahad celiyey Mudane Miliband sida fiican ee uu u qaabilay waftigiisa, kana war bixiyey xasiloonida guud ahaan deegaannada Puntland, nabad jacaylka shacabka reer Puntland, Wuxuuna aad u soo dhoweeyey dhammaan arrimaha kulanka lagu soo qaaday isagoo weliba ku sii nuuxnuuxsaday baahida weyn ee loo qabo helitaanka aragtiyo cusub oo wax ku ool ah kuna saabsan ka hortagga khataraha colaadeed ee geeska Afrika, sugidda amaanka badda cas iyo badweynta Hindia iyo sidii ay beesha caalamku dhab ahaan ugu hagar bixi lahayd badbaadinta iyo samatabixinta Soomaaliya. Gabagabadii, Kulankaasi oo ku dhamaaday jawi farxad leh, waxay labada mas'uul ku kala tageen sidii loo sii ambaqaadi lahaa arrimaha la isku afgartay kulankan. Mahadsanidiin. Madaxa Xafiiska wakiilka D/G Puntland ee Yorkshire
  12. Qaliin indhood oo ka bilowday Badhan Hawlo Qaliin indhood oo Tabarucaad Ah ayaa Kabilowaday Cisbitaalka Weyn Ee Magaalaga Badhan Waxaa mudooyinkaba kasocday cusbitalka weyn ee magaalada badhan hawlo indho fiiqid ah iyadoo dadbadanina ay is diiwaan gesheen kudhowaad ilaa 600 oo qof,balse markii lakalashaandheeyey dadka qaliinka ah iyo kuwakaleba ayaa tirada dadka qaliinka ubaahani waxaa aynoqotay 110 qof,hadaba sakaa oo ahayd subaxnimo jimce aha abaaro 7:00 am subaxnimo ayaa waxaa kabilaabmay hawshii qaliinka iyadoo tirada haweenka ee indhaha loofiiqay ay dhamayd 65 halka tirada raguna ay ahayd 45 nin .barnaamijkaan indho fiiqada ayaa ah barnaamij tabarucaad ah oo ayfulinayso hayaada MANHAL. mana ahan markii ugu horeysey ee haayda manhal ay hawlo qaliin oo tabarucaad ah ay ka fuliso guud ahaan gobalkaan gaar ahaan degmadtan badhan ,kalhore aye markii hayada manhal ay hawlo qaiin guud ah ay kafulisay gobolka .sidoo kale warayi kooban oo uusiiyey Dr.shiin (SP) oo aha dhaqtarka iminka hawshaan wada ayaa waxa uu uu sheegay inay meelo badan oo gobolka ah sii mari doonaan sida magaalada xingalool oo ay ku wajahanyihiin beri galab hadii alaha awooda lihi ogolaado.dhankakale warysi aan uu webka (SP) layeeshay maamulaha cusbitalka Axmed Jibriil Cali ayaa waxaa uu sheegay in hawshu si wacan usocoto wallow uu sheegay in isaga iyo shaqaaluhuba aanay seexan muddo 2 habeen ah hawsha oo badnayd awgeed . Axmed Maxmed (findhe)
  13. Wefdi Caalami ah Oo Ka Socda Wadamo Yurub ah Oo Booqasho Ku Tegay Garoowe June 19, 2010 Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland wafdi Caalami ah oo ka socday wadamada Yurub qaybtood kuwasoo ahaa Safiirada u fadhiya dalka Kenya,waxaana ay wadamadu kala yihin France, Finland, Italy, Belgium iyo Safiirka Spain u fadhiya dalka Kenya oo ah Madaxa Midowga Yurub ee Sooomaaliya. Waxaa sidoo kale kamid ahaa wafdigaan Madaxa Midowga Yurub ee Geeska Africa Iyo Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cismaan Edson. Waxaan wafdigaan kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Konacco Madaxwayne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire iyo xubno kamida ah golaha Wasiirada Puntland waxaana loo soo galbiyay xarunta Madaxtooyada Puntland halkaasoo uu ku sugnaa Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud. Wafdigaan iyo Madaxweynaha iyo kuxigeenkiis iyo xubno ka mid ah golaha Wasiirada Puntland ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin ku qaatay xarunta Madaxtooyada. Kulankaan kadib ayaa waxaa saxaafada xarunta Madaxtooyada kula hadalay Maxamed Cismaan Edson oo kamid ahaa wafdiga isagoo saxaafada uga warbixiyay wafdigaan iyo sidii ay u yimaadeen waxaana uu sheegay in wafdigaan ay yihiin Safiiro ayna u yimaadeen in ay si rasmi ah usoo booqdaan Puntland. ”..Waxaa la isla soo qaaday in la hagaajiyo wada shaqaynta iyo xirrirka iyadoo uu shirkaan maanta hormuud u yahay shirar badan oo yeelan doonaan..”,ayuu yiri. Intaasi kadib ayaa wafdiga la geeyey meel loogu sameeyay qado sharaf tasoo ku taalla duleedka magaalada halkaasoo ay joogeen Isimo kamid ah Isimada Puntland sida Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Garaad C/laahi Cali Ciid iyo labo Isin oo kale, waxaana ay isimadaan ay kala hadleen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hormarka Puntland wafdigaan maadama ay arkeen xaalada amaan ee ka jirta deegaanada Puntland. Madaxwayanha Puntland ayaa qado sharaftaas ka dib Saxaafada warbixin kooban siiyey,wuxuuna sheegay in ay wefdigaan kawada hadleen waxyaabo badan kuwaas oo ay ka mid yihiin in ay ka wada shaqeeyaan dhinaca amaanka isla markaana ay booqashada ay ku imaanayaan degaanada Puntland ay badiyaan. Sidoo kale wuxuu sheegay in mashaariicda wadamadaas ay noqdaan kuwa sidii loogu talagalay loo hirgeliyay taasina ay keeni karto iska warqab buuxa iyo xirrir joogta ah. Waa markii ugu horeysay oo ay degaanada Puntland soo gaaran wefdi intaa la’eg oo ka socda Wadamada Yurub isla markaana ah safiiro. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka HorseedMedia Garoowe-Puntland
  14. Warar dheerad ah kulan dhexmarey EU & Puntland 19 Jun 19, 2010 - 5:01:09 AM Kadib markii saakey 19.06.2010 soo gaareen xarunta dowladda Puntland ee Garaowe wafti ka kooban safiirada wadamada EU u fadhiya dalka Kenya ayaa waxaa nasoo gaarey warar hordhac ah kulan xarunta madxtootada ku dhexmarey xubnahaan iyo Xukuumada madaxweyne Farole. Kulanka ayaa waxaa furey Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole oo u hambaliyeeyey wefdiga soona bandhigay waxqabadkii horay ay dalalka Yurub soo gaarsiiyeen Somalia iyo gaar ahaan Puntland. Waxa uu xusay laamiga isku xira magaalada Garowe iyo Bosaso kaasoo ay dhistay dowladda Italy iyo mashaariic EU ka wado Puntland. Waxa uu si khaas ugu hambaliyeeyey dalka France una sheegay in deeqdii lagu baxshay la dagalanka burcad badeeda ay soo gaartay xukumadiisa. Madaxweynaha khudbadiisi kadib waxaa ku xigay Madaxa kumeelgaarka ah ee midowga Yurub oo hoggaminayey wefdiga, ahna Ambassadorka Spain u fadhiya dalka kenya waxaa uu ka hadlay in kulankani uu horudhac u yahay kulan kale oo lagu qaban doono Niarobi lix bilood kadib, waxaa uu soo bandhigay wax qabadka midowga Yurub uu soo gaarsiiyey Puntland ayagoo usoo meel marinaya hay'adaha UN. Qoraalkaasi oo lagu sheegayay in 269,000,000 oo Yuuro. Sidoo kale waxaa uu xusey in hawlaha wax qabadka ugu muhiimsan ay yihiin, La dagaalanka burcad badeeda, xaaladda IDPs. Xubnaha kale oo waftiga ka tirsan yaa iyaguna hadlay, dhamaan waxay xuseen in shirkani uu yahay horudhac shirar kale iyo wada shaqeyn dhexmari doona dowlada Puntland iyo EU. Arrimaha kale oo lagu soo qaatay kulankan ayaa ahaa canshurta shaqalaha caalamiga ahi dowladda Puntland rabto iney ka qaado mushaharaadkooda iyo hawlgalada WFP ka bilbeyso dekada Bosaso . Waxaa kaloo la soo badhigay baahida qeybaha kala duwan ee Puntland. Waftiga ka socdey EU ayaa ka codsaday Puntland in ay soo qorato baahideeda kala duwan sida hurumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. dhinaca kale kulankan ayaa waxaa ka hadley Wasiiro ka tirsan Xukumada Puntland gaar ahaan Wasiirka Caafimaadka, Dekadaha, Bay'adda iyo kuwo kale kuwaasoo dhamaan xusey baahiyaha ka taagan Wasaaradaha ay xakumaan. Magacyada waftiga soo gaarey Puntland ayaa waxa kala ahaayeen: Hoggaanka Weftiga: Nicholas Martin Cinto- Ambassador of Spain islamarkana ah Temporary President of EU to Somalia Renand Ferrand, French Embassy Jussi Laurikainen, Finland Embassy Paula Vazquez Horyaans, EU Stefano A Dejak, Ambassador of Italy Andizej Bielechi, Embassy of Belgium Mohamed Osman Aden, Consular Somali Embassy Nairobi Kulankaani kadib waxuu waftiga EU qado lagu sameynayey duleedka magaalada Garowe u raacay Madaxweynaha Puntland oo ay weheleiyaan ku-xigeenka, golaha Wasiirada intooda badan, golayaasha kale halkaasoo sanadka roobab lixaadle ka da'een. GAROWE ONLINE
  15. Meles Zenawi Oo Beesha Caalamka Ugu Baaqay in ay Taageeraan Soomaaliya June 19, 2010 Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay Dowladda Federaalka taageero siiyaan oo u ku tilmaamay in mudooyinki lasoo dhaafay ku howlanayd in ay nabad iyo deganaansho kusoo celiso dalka Soomaaliya oo mudo 20-sano ay ka socdaan dagaalo sokeeye. Isagoo ka hadlaayay Caasimada dalkiisa ee Addis Ababa ayuu sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya aysan ku koobnayn halkaasi balse ay khatar ku tahay amniga caalamka. Zenawi ayaa intaa ku daray in kooxo xirrir la leh Ururka Al-qaacida oo ku sugan Soomaaliya ay halis ku noqon doonaan amniga addunka hadii aan laga hortagin. Kooxaha mucaaradka ee ka dagaalamaaya dalka Soomaaliya wuxuu ku eedeyey in aysan doonaynin nabad. Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada Caalamka sida aadka ula socda arimaha Soomaaliya. Horseed Media
  16. Hogaanka SSC Oo Ka Hadlay Hadal Ka Soo Yeeray Wasiir Ka Tirsan Puntland Iyo Ciidamo Ka Soo Goostay Somaliland (Dhageyso) June 18, 2010 Hogamiyaha Ururka Badbaadada iyo Minimada SSC Saleebaan Ciise Axmed “Xagla Toosiye” oo u waramayay Horseed Media isagoo ku sugan Degmada Buuhoodle ayaa war aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay hadal ka soo yeeray Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Faarax Aadan oo u waramay Horseed Media, kaasi oo ahaa in Hogaanka SSC Saleebaan Ciise Axmed Xagla Toosiye uu carqaladeeyay shir ay yeesheen Beelaha SSC iyo Ciidamo ka soo goostay Ururka SSC oo uu sheegay wasiirku in ay ku soo biireen Maamulka Gobolka Cayn lana filayo in qayb ka noqdaan Ciidamada Daraawiishta Puntland. Saleebaan Ciise Axmed ayaa ku sheegay hadaladaasi kuwo si isaba jooga ah uga soo yerayay Puntland, wuxuuna sheegay in arrimahaasi ay salka ku hayaan marin habaabin la doonayo in loo gaysto hadafka SSC. Waxaa uu intaasi ku daray in Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland Maxamed Faarax Aadan iyo xubno kale ay ku sugnaayeen muddo badan Gobolka Cayn ayna doonayaan in ay dhibaateeyaan hadafka SSC hasa yeeshee waxaa uu xusay in taariikhdu ay qori doonto arimahaasi. Dhageyso Saleebaan Xagala Toosiye oo u waramaya Horseed Media “..Ciidamo ka goostay Puntland oo dib ugu biiray Puntland ma jiraan waa warar aan waxba ka jirin, Ciidamadii Puntland ee nasoo garaay kana yimi Boossaaso iyo garoowe oo gaaraya ilaa 100 askari iyo Ciidamo kale oo iyana gaaraya 80 hada jiida hore ee Dagaalka ayay ku jiraan, waana ku xisaab tamaynaa, maadaama ay yihiin kuwo si gaar u tababaran…”ayuu yiri. Hogaamiayaha Beelalaha SSC ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Puntland ee ku soo biiray SSC ay yihiin niman wata mab-da, isla markaana aan lagu marin habaabin karin wax uu ugu yeeray mashruuc uu nin wato. Ciidamo Ka Tirsanaa Somaliland oo Ku Biiray S S C Hogaamiayaha Beelaha SSC Saleebaan Ciise axmed “Xagala Toosiye” ayaa sheegay in SSC ay maanta ku soo biireen Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Somaliland, kuwaasi oo uu sheegay in uu hogaaminayay Taliayahii aaga Bari ninka lagu magacaabo Mustafe Galaal. Mudane Saleebaan ayaa ka gaabsaday in uu carabaabo tirada Ciidamadaasi, wuxuuse xusay in ciidamadaasi ay wateen 6 Baabuur oo isugu jira kuwa xamuul iyo Tibnikada. “….Sabbata ka dambaysay in Ciidamadu ay nagu soo biiran waxa ay ku jaan go’an tahay muuqaal u sawirmay, kaasi oo ah kacdoonka shacabka SSC, waxaana aan kuu sheegayaa in SSC ay ku tiirsan tahay shacabkooda gudo iyo Dibada….” Arintaan ayaa imanaysa Xili uu maanta sheegay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland in Ciidamo ka tirsanaa Somaliland iyo SSC ay ku soo biireen maamulka gobolka Cayn ee Puntland. C/qani C/laahi Cabdi Horseed Media AUDIO
  17. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland “Saleeban Xagla toosiye ayaa Carqaladeeyey Kulan Ka dhacay Gobolka Cayn June 18, 2010 Max’ed Faarax Aadan ayaa sheegay in hogaanka beelaha SSC Saleebaan Ciise Max’ed (Xagla toosiye) uu fashiliyey shir ay degmada Buuhoodle ay ku yeesheen waxgaradka,Isimada,Aqoonyahano,hogaanka SSC iyo xubno kale oo ka mid ah dawdweynaha ku dhaqan degmada Buuhoodle,kaasi oo loga hadlayey amaanka gobolka Cayn. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland ayaa intaasi ku daray in kulankooda oo soconayey mudo kooban diirada lagu saaray amaanka gobolka,ka hortaga doorashooyinka Somaliland,in hubka laga saaro gacanta shacabka ku dhaqan gobolka iyo arimo kale oo salka kuhaya amaanka guud ee gobolka Cayn. Waxaa ka soo qaybgashay kulanka xubno ay ka mid ahaayeen Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland Max’ed Faarax Aadan,Garaad Cabdullaahi Garaar Soofe,Caaqil Xasan Xaaji Haaruun,Max’uud Xaaji Cumar Camey,taliyaha qaybta Ciidanka Booliska gobolka Cayn Max’uud Max’ed iyo mas’uuliyiin kale. ….”Inta uu soconayey kulankaasi ayuu hal mar istaagay Saleebaan Ciise Max’ed,wuxuu dalbaday in la siiyo mCiidamo uu ku dagaal galo balse waxaa ka diiday dhalinyaro ka soo qaybgashay shirka,taasi ayaa keentay in Saleebaan Xagla toosiye uu ku dhawaaqo SSC guul,hanoolaato iyo erayo kale gabagabadiina keentay in lagu kala kaco shirkaasi in lagu kala kaco….” ayuu yiri. Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa sidoo mkale sheegay in Warbaahinta qaay ay kulankooda ka qoreen warar khaldan kaasi oo ay ku sheegeen in shirkaasi la isku afgartay,sababtoo ah buu yiri Saxaafada looma ogolayn kulankaasi. Caaqil Max’uud Xaaji Cumar wuxuu sheegay Xagla toosiye in Iskuulka degmada Buuhoodle aan laga qodi karin shidaal,si taasi la mid ahna aysan suurtagal ahayn arimaha uu wado ayuu yiri Wasiirku. Maalmaha soo socda ayaa lagu balansan yahay kulan uusan ka soo qayb gali doonin hogaanka beelaha SSC Saleebaan Ciise Max’ed (Xagla toosiye). C/qani C/laahi Cabdi Horseed Media Boosaaso
  18. Puntland oo Sheegatay in ay ku soo Biireen Ciidamo Ka kala Tirsanaa Somaliland iyo Jabhada SSC June 18, 2010 Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland Inj.Max’ed Faarax Cali oo la soo xiriiray Horseed Media ayaa sheegay in ay ku soo biireen maamulka gobolka cayn ee puntland Ciidamo ka kala tirsanaa Maamulka Somaliland iyo Jabhada SSC. Inj.Max’ed Faarax Cali ayaa sheegay in ciidamadaasi gaarayaan 60 askari, kuwaasi oo u heegay in ay qayb ka noqon doonaan dhowaan ciidamada daraawiishta puntland. ….”Ciidamada Puntland ee ku biiray Jabhada SSC ee dib ugu soo laabtay Puntland waxay ahaayeen Ciidamadii ka shaqeeynayey Madaxtooyada Magaalada Boosaaso,Dekedda iyo goobo kale….”ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in ay jiraan Ciidamo kale oo gaaraya ku dhawaad 50 ay ku biireen Jabhada SSC. Mudane Max’ed Faarax Aadan ayaa xusay in Ciidamada Somaliland ee ka soo goostay ay ahaayeen Ciidamo horay ugu sugna goblka Cayn isagoona shaaca ka qaaday in dhamaantood ay ka soo jeedaan gobolkaas. Waxaan isku daynay hadaan nahay Horseed Media in aan xiriir la samayno Hogaanka jabhada SSC si ay wax uga ogaato wax ka jira hadalkan ka soo yeeray Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland hase yeeshee nooma suura gelin. Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo Maamulka Puntland uu si toos ah u sheegto in ay jiraan Ciidamo ka goostay kuwaasi oo ku biiray Jabhada SSC oo qaarkood dib ugu soo noqdeen Puntland. Hoggaanka SSC ayaa horey u sheegay in ciidamo badan oo ka soo tegay maamulka Puntland ay ku soo biireen xoogaga jmhadda cidamadaas aoo ka kala yimid Tukaraq, Bosaso iyo weliba Garoowe. Cismaan Turaabi Horseed Media Boosaaso
  19. Xaji thanks for the correction you are right it does mean minister of aviation. The guy is Ahmed Karash a ssc fellow actually
  20. Maadeey the kid is not the problem xooga lacag ayaa qoyskooda loo qora ka bacdi waa lagu shaqeysta. Carurtu waxayba noqdeen commodity la ibsado manta. Its like parents who cant afford to raise their children drop them off at some mosque where they get brainwashed and shabab recruits from there.
  21. I already posted this news with pics http://www.somaliaonline.com/ubb/ultimatebb.php?/topic/9/23424
  22. Sanadguurada 9aad SBC xafladeeda oo maanta kadhacday magaalada Boosaaso Xafladan oo ahayd sanadguurada 9aad ee SBC waqtigii ka soo wareegatay yagleelida warbaahinta sbc ayaa maanta lagu qabtey xarunta shirarka Gamber house ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas,uuliyiin ka kala socday puntland hay,adaha ururada ganacsatada iyo masuuliyiinta warbaahinada ka howl gala puntland Kuwaasoo inta badan ka hadlay xafladaasi. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay ku simaha agaasimaha SBC Maxamed Deeq Cabdalla oo ka warbixiyay howlaha ay shacabka ku soo kordhisay warbaahinta SBC Iyo Waliba intii ay hawada ku jirtay oo uu sheegay in ay awooda saarayeen arimaha bulshada Diiniga iyo amniga taasoo suuragalisay in idaacadu ay yeelato dhegeystayaal iyo mujtamac balaaran. Cali Cabdi Awaare oo ah mulkiilaha warbaahinta SBC ayaa isna ka hadlay xaflada oo Sheegay in la balaarin doono warbaahinta SBC intii aan la gaarin sanadguurada 10aad Isagoo sidoo kale sheegay in nabada ay tahay mid astaan u ah warbaahinta SBC sidoo kalena uu uga mahad celiyay dhamaan shirkadaha ganacsiga gaar ahaan shirkada isgaarsiinta Golis qaybtii ay ka qaadatay SBC. Faarax xaaji mire oo ka mid ah masuuliyiinta isgaarsiinta Golis ayaa isna ka mid ahaa masuuliyiintii u bogaadiyay SBC oo sidoo kale ku sheegay hadalkii xaflada in ay sii kordhinayaan wadashaqaynta warbaahinta SBC. Sidoo kale waxaa halkaasi hadaladooda ku aadan Hambalyeenta SBC International Ka soo jeediyay kusimaha Tv-ga ETN Boosaaso, Faarax Cadeec Warsame iyo Agaasimaha guud ee Warbaahinta Daljir Axmed Tallman, waxayna ka wada sinaayeen ka hadalka daruufta adag ee ay ku shaqeeyaan Saxafiyiinta Soomaaliyeed, iyagoo dalbaday in gacan laga siiyo shaqadooda. Gudoomiyaha rugta ganacsiga puntland Maxamuud Xayir Ibraahin oo isna ka qayb galay Xaflada SBC ayaa ku baraarujiyay ganacsatada in ay labo jibaaraan wadashaqayna ay la leeyihiin warbaahinada si ay u suurta gasho horumar dhinac walba leh. Dr Xerow iyo Cabdiqaadir Saciid Shiino oo iyagana ka mid ah mas,uuliyiinta jaamacadaha Muqdisho iyo Bariga Afrika ayaa ku nuuxnuuxsaday in la kordhiyo Barnaamijyada waxbarasho ee ka baxa SBC iyo waliba kuwa diiniga. Ugu danbayntii waxaa soo xiray xaflada sanadguurada SBC gudoomiyaha Gobolka Bari Sh Cabdixaafid Cali Yuusuf oo isagu si gooni ah farta ugu fiiqay in uu ahaa intii uu xilkan qaban gudoomiyaha barnaamijka kadiska SBC taasna ay tahay wadashaqaynta uu la wadaago warbaahinada waxuuna kula dardaarmay howlwadeenada SBC in ay dadka u Gudbiyaan barnaamijyo iyo warar waxtar u ah dadka ayna iska fogeeyaan wixii dhib u keeni kara bulshada ay u adeegayaan. Maxamed Cali Iimaan SBC International- Boosaaso