Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Daahir Rayaale: Xisbiga Kulmiye Waa Xagjir Aargoosi Doonaya Hargeysa (RBC) Madaxweynaha maamulka Somaaliland Daahir Rayaale Kaahin oo u sharaxan jagada madaxweynaha ee xisbiga UDUB ayaa maanta khudbad uu u jeediyey dadweyne taageerayaashiisa ah wuxuu eedeyn ugu jeediyey Xisbiga mucaaradka ee Kulmiye. Daahir Rayaale waxaa uu dadweynaha taageerayaashiisa uga jeediyey fagaaraha Kheyriyada ee Hargeysa khudbad ku aadan ololaha xisbigiisa oo maanta ay ugu dambeysay isagoo halkaasi a jeediyey waxyaabo uu ku amaanayo xisbigiisa. “Walaalayaal UDUB waa hooyadii dimuqraadiyada Somaliland waa tii horseeday nabada iyo horumarka ka jirta degaanka. Laakiin Kulmiye waxaa ka buux rag xagjiriin ah oo doonaya aargoosi”, ayuu yiri Rayaale. Daahir Rayaale wuxuu sheegay in haddii Kulmiye loo doorto jagada madaxweynaha ay bilaabi doonaan aargoosi uu sheegay inay kula kici doonaan raggii horey uga tirsanaa UDUB, sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu intaa ku daray Daahir Rayaale in haddii uu ku guuleysto doorashada isagu uu horseedi doono horumar, wuxuuna taageerayaashii ka codsaday in isaga la doorto. “Intii ay UDUB talada heysay dalka wax nabadgelyo xumo ah miyaa ka dhacay?……. maya kama dhicin”, ayuu yiri isagoo ka hadlay mudada 8 sano ah ee uu madaxweynaha ahaa oo uu sheegay inuu nabada ku dadaalay. Daahir Rayaale wuxuu ballanqaaday inuu wax ka bedeli doono khaladaad badan oo uu lahaa maamulkiisa taasoo uu sheegay inuu fursad u heli doono isagoo ka faa’ideysanaya waayo aragnimada, taasoo loo fasirtay in waxyaabo badan hareer mareen intii uu kursiga ku fadhiyey. Hadalka Rayaale ayaa ahaa midkii ugu dambeeyey xisbigiisa ololaha doorashada oo haatan dhamaan soo gaaray, Waxaana maalinta berito iska leh xisbiga Kulmiye oo la filayo inay masuuliyiintooda hadalo u jeediyaan. RBC Radio
-
Wafdi Ka Socda Dalka Mareykanka Oo Gaalkacyo Soo Gaarey Maanta (Sawiro) Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Wafdi ka socda dalka Mareykanka ayaa maanta soo gaarey magaalada Gaalkacyo, iyadoo xubnaha wafdigaasina ay ka soo amba baxeen magaalada Garoowe ee caasimada Dawladda Puntland. Wafdigani ayaa ka socda Hay’ada American Refugee Council oo ah Hay’ad qaabilsan arimaha qaxootiga oo laga leeyahay wadanka Mareykanka, waxaana magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Murwo Caasho Geelle Diiriye iyo Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan. Wafdigani ka socda Hay’ada American Refugee Council ayaa kala ahaa Eric oo ah nin u dhashay dalka Mareykanka iyo Siciid Yuusuf oo ah wiil Soomaali ah oo hay’ada la shaqeeya isla markaana kala yimid dhinaca dalka Mareykanka. Waxaa xubnaha wafdiga weheliyay Agaasimaha guud ee Hay’ada Daryeelka Bulshada Puntland C/shakuur Maxamuud Gurey, waxaana xubnaha wafdigaasi lagu soo dhaweeyay oo ay kulan ku galeen xarunta Wasaarada Haweenka ee gobolka Mudug. Saraakiishani ka socota Dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay u yimaadeen in ay wax ka qabtaan arimaha qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay ****olaan baahiyaha dhinaca nolosha iyo horumarka bulshada magaalooyinka Puntland. Siciid Yuusuf Shiikh Cabdi oo ka tirsan Hay'ada American Refugee Council. Xubnaha wafdigani ayaa sheegay in ahaayeen afar xubnood, oo kala ah laba xubnood oo Soomaali ah iyo laba ajaanib ah oo u dhashay dalka Mareykanka, waxaana ay isu kala qeybiyeen magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyaga oo laba xubnood u diray magaalada Boosaaso halka labadana ay yimaadeen magaalada Gaalkacyo. Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Murwo Caasho Geelle ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso xubnaha wafdigani iyo hay’ada American Refugee Council, waxayna Wasiiradu sheegtay in Hay’adani ay ka codsatey mar hore in ay dalka yimaadaan gaar ahaan Puntland, mar ay booqasho ku joogtay dalkaasi Mareykanka. Hay’ada America Refugee Council saraakiisha ka socota ayaa sheegay in ay joogi doonaan labada maalmood ee soo socota iyaga oo booqanaya xarumaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha iyo qaxootiga isugu jira ee ku nool kaamamka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland. RBC Radio.
-
Hay’ada Tadamun oo Deeqdii ugu Horeysay Gaarsiisay Dadkii Ku Guryo Beelay Xerada Shabeelle ee Boosaaso (Sawiro & Dhageysi)) Boosaaso (RBC) Hay’ada Wadaniga Tadamun ayaa maanta deeqdii ugu horeysay oo ka kooban bustayaal iyo bacaha roobka gaarsiisay 1,600 qoys oo ku guryo beelay dabkii ka kacay toddobaadkii hore xeryaha barakacayaasha Shabeelle, Girible iyo Jigjiga oo ku yaalla bariga magaalada Boosaaso. Deeqdan oo ah midii ugu horeysay ee la siiyo qoysaskaasi ku dhibaatoobay dabka ayaa waxaa qeybinteeda ka horeeyey sahan xog ururin ah oo hay’ada ku sameysay dhibaatada heysata qoysaska barakacayaasha ee dabku saameeyey, gaar ahaan baahida ku saabsan hoyga. Masuuliyiinta hay’ada Tadamun oo ay wehliyaan masuuliyiin ka socotay maamulka degmada Boosaaso kuwaasi oo goob joog u ahaa qeybinta deeqdan la gaarsiiyey dadka barakacayaasha ee ku nool saddexda xero qoxooti. Maamulaha guud ee hay’ada Tadamun C/laahi Sheekh Xasan ayaa RBC u sheegay in deeqda ay gaarsiiyeen dadka barakacayaasha ee ku guryo beelay xerada Shabeelle ee Boosaaso ay gaareyso 1,600 oo buste iyo 100 bacaha roobka ah, taasi oo sida uu sheegay ah qeybtii ugu horeeysay ee gurmadka deg dega maadaama qoysasku ay ku jiraan xaalad adag una baahan yihiin gacan deg deg ah. Ku xigeenka duqa magaalada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir oo isaguna goobtaasi kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka degmadu uu u mahadcelinayo si gaar ah hay’adaha ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay xagga gurmadka uga horeeyaan kuwa ajnabiga marka ay dhibaatooyinka jiraan, wuxuuna gudoomiye ku xigeenka Boosaaso ku baaqay in dadaalada lagu caawinayo barakacayaasha ay sii socdaan. Ku Xigeenka duqa Boosaaso wuxuu dhinaca kale sheegay in dowlada hoose ay diyaarineyso qorshe dadka barakacayaasha ah loogu sameynayo degaan u gaar ah oo leh adeegyada muhimka ah, si ay uga samatabaxaan dadbabka had iyo jeer ku soo noqnoqda. Bashir Cali Aadan oo ah madaxa mashaariicda ee hay’ada Tadamun oo RBC wareysi gaar ah siiyey hawshan ka dib ayaa sheegay in ka hay’adahaan ay noqdeen kuwii ugu horeeyey ee wax gaarsiiya dadka walaalaha ah ee dhibaateysan iyadoo ay gacan ka geysatey hay’ada Unicef, isagoo xusay in kaalmooyinka noocan oo kale ah ay sii socon doonaan. Intii ay socotay hawsha qeybinta deeqdan ay Hay’ada Tadamun gaarsiisay qoysaskii ku dibaatoobay dabkii xeryaha Shabeele, Girible iyo Jigjiga waxaa gacan ka geystey ciidamada booliska degmada oo iyagu amaanka ilaalinayey isla markaana habsami u socodka hawsha gacan ka siinayey shaqaalihii hawsha waday. Haween ka mid ah kuwii maanta nasiibka u heley deeqdan la siiyey ayaa RBC u sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay qalabka la siiyey oo ay sheegtay inay ka caawin doonaan inay markale dhisato gurigii ka gubtay 13-kii bishan oo ahayd markii uu dab xoogan baabi’iyey xerada Kaam Shabeelle. Waxaa dadka qaadanayey deeqdan ku jiray waayeelo, indhoolayaal iyo haween caruur sita oo aad ugu nugul dhibaatada ka heysata xagga hoyga. Barakacayaasha ayaa ka sokow deeqdan waxay baaq u jeediyeen maamulka gobolka, kan degmada iyo ganacsatada deegaanka oo ay ka codsadeen in la siiyo dhul gaar ah oo ay degaan loogana dhiso guryo si ay uga nabadgalaan gubashada had iyo jeer ku timaada guryahooda taasoo xitaa khatargelisa noloha dadka. Dabkii 13-ka bishan June baabi’iyey xerada Kaam Shabeele waxaa ku dhintay nin waayeel ah iyadoo tiro dhowr ruuxna ay ku dhaawacmeen ka dib markii uu dabku ugu tegey aqaladooda oo ku yaalay saddexda xero qoxooti. Barakacayaasha ku dhaqan Boosaaso ayaa ah kuwo sanad kasta sii kordhaya, waxaana jirta caqabad weyn oo ka heysata xagga hoyga degaanka iyo nolosha. mana jirto cid si gaar ah u kafaala qaada dadkaasi marka laga reebo deeqaha la gaarsiiyo balse waxaa hubaal ah in deeq kaliya oo dadkaasi la siiyo aysan kaafin doonaan baahiyaha taagan ee barakacayaasha, tiiyoo ay dheer tahay kaalintii maamulka oo meesha ka maqan. Cabdalle Muumin RBC Radio
-
Ku Xigeenka Duqa Boosaaso oo RBC Radio uga Waramay Qorshaha Dib u Dejinta Barakacayaasha Boosaaso (Dhageyso) Boosaaso (RBC Radio) Gudoomiye ku xigeenka magaalada Boosaaso C/qaadir Yuusuf Daahir ayaa u sheegay RBC in maamulka degmadu uu qorsheynayo in dhul u gaar ah la dejiyo dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Boosaaso. Ku Xigeenka duqa magaalada Boosaaso waxaa uu sheegay in arintaasi loo sameynayo si looga hortago dhibaatada ka timaada dabka ka dhasha xeryaha barakacayaasha oo saameyn ku yeelata dadka degaanka. Wareysi gaar ah oo gudoomiye ku xigeenku uu siiyey RBC Radio ayuu ku sheegay in dowlada hoose ay hadda gacanta ku heyso dhulkii la dejin lahaa barakacayaasha kaasoo ay ku deeqeen ganacsato, aqoonyahano iyo waxgarad reer Boosaaso ah. Wuxuuna sheegay in maamulka degmadu ay dadaal ugu jiraan sidii wax badan looga qaban lahaa arimaha amniga, nolosha iyo tasiilaadka kale ee ay u baahan yihiin dadka si meesha loo rarayo dadka ay u noqoto meel lagu noolaan karo. Wuxuu sheegay in dhulkaasi laga dhisi doono guryo degaamo ah, suuq, goobo waxbarasho iyo dhamaan adeegyada kale ee muhimka u ah dadka barakacayaasha ah, iyadoo maamulka degmadu uu la kaashanayo hay’adaha. C/qaadir Yuusuf wuxuu intaa ku daray in dhibaato badan ay ka jirto sidii loo nidaamin lahaa dadka soo barakacay oo sii kordhaya, isla markaana aaney ka taxadarin khataraha sida dabka oo kale ee had iyo jeer khasaaraha u geysta. Mar RBC weydiisay ku xigeenka duqu arinta dab demiska Boosaaso oo lagu dhaliilo inuu ka dib dhaco marka uu dab qabsado meel magaalada ka mid ah ayuu sheegay in ciidanka dab demisku ay dadaal muujin doonaan. Dhinaca kale wuxuu ku xigeenka duqu u mahadceliyey hay’ada Tadamun oo deeqdii ugu horeysay gaarsiiyey illaa 1,600 qoys oo ka mid ah barakacayaasha magaalada oo dhowaan ku guryo beelay dab ka kacay xeryo ka mid ah magaalada 13-kii bishan. Inta badan magaalada Boosaaso waxaa xilliga xagaaga ka dhaca dab sababa khasaarooyin kala duwan una badan xeryaha barakacayaasha isla markaana khatar gelin kara dadka kale ee degaanka. RBC Radio Audio
-
Wafdi Uu Horkacayo Madaxweyne Xigeenka Puntland Oo Gaalkacyo Soo Gaarey (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Wafdi uu horkacayo Madaxweyne xigeenka Puntland Gen, Cabdi Samad Cali Shire ayaa soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka soo amba baxay magaalada Garowe ee caasimada dawladda Puntland ee Soomaaliyeed, waxaana lagu wadaa in labada maalmood ee fooda inagu soo heysa wafdigu ay joogi doonaan gudaha magaalada Gaalkacyo. Xubno Wasiiro Ah Oo La Socday Wafdiga Madaxweyne Xigeenka Puntland. Xubnaha Wafdiga Madaxweyne xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Puntland Yuusuf Axmed Kheyre, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamed Faarax Aadan, Wasiir xigeenka Arimaha Gudaha Dawladda Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Puntland Cali Yuusuf (Xoosh) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Cali Jaamac Gibin. Wasiirka Haweenka & Horumarinta Qoyska Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo mas’uuliyiin kale oo badan ayaa wafdiga Madaxweyne xigeenka waxaa ay uga hortageen degmada Xarfo, waxayna u soo galbiyeen Aqalka Madaxtooyada ee ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Gen, Cabdi Samad Cali Shire Madaxweyne xigeenka Puntland ayaa markii uu soo gaarey magaalada Gaalkacyo la hadley warbaahinta waxaa uuna sheegay in uu la kulmay soo dhaweyn weyn tan iyo intii uu soo marayey dhulka u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Garoowe, isaga oo intaa ku daray in uu Gaalkayo joogi doono ilaa labada maalmood ee soo socota, isla markaana uu warbaahinta wareysiyo ka siin doono qorshaha socdaalkiisa. RBC Radio.
-
Degmada Burtinle waa degma weyn ay hoos timaado 23 tuulo oo ay iyadu xukunto. Degmadu malah Isbitaal iyo bukaan socod eegto midna, sidaa darteed reer Burtinle waxay go'aansadeen in ay isku tala galaan ayagoo kaashanay ALLAHA WEYN iyo dadkooda kuwa jooga dalkooda iyo kuwa jira Dibada. Waxay u howl galeen dhismihii isbitaalka waxyana iska aruuriyeen lacag gaaraysa USD $ 12,000 iyagoo ku tala gashan inay sii wadaan qorshaha uruurinta lacagta inta ay hadafkooda ka gaarayaan, waxaa dhamaaday darbigii kore oo joogiisu dhan yahay 2mitir sidaa sawirka ku arki doontaan dhulka isbitaalka baaxadiisu waa 70x45mitir oo hadda la wareejiyay dhamaan iyado la qorsheeyay in lagu daro mustaqbalka 70x25 mitir cabirkaas oo hadda banaan. Kharashka dhismaha isbitaalka waxaa lagu qiyaasay Qeybta 1aad waa:- 157,525.26 USD Qeybta 2aad waa:- 100,000.00 USD Qeybta heerka dhamaystirka isugayn wuxuu noqonayaa 257,525.26 USD xubnaha Guddiga Howsha masuulka ka ah waa sidan hoos ku qoran:- Guddiga Dhexe 1. Bashiir Axmed Biixi Guddoomiye 2. Macalin Sh. Cabdullaahi Sh. Maxamud G/kuxigeen 3. Maxamed Yuusuf Jaamac Xoghayn Guddiga dhaqaale aruurinta 1. Faarax Salwe Maxamud Guddoomiye 2. Cabdirisaaq Warsame Guure G/Kuxigeen 3. Cabdinasir Maxamuud Mire Xisaabiye 4. Cabdullaahi Khaliif Faarax Khasnaji 5. Cabdullaahi Cali jaamac Xubin 6. Cabdullaahi Warsame jaamac Xubin 7. Saacid Cumar Xuseen Xubin 8. Cabdullaahi Jaamac CIsmaan Xubin 9. Cabdirisaaq Faarax Dhaashane Xubin Guddiga Dhismaha 1. Cabdullaahi Yuusuf Cagdheer Guddoomiye 2. Cabdiqaadir Daahir Xubin 3. Shiine Sh. Maxamuud Xubin Guddiga Xiriirka 1. Faarax Salwe Maxamuud 25290757487 2. Cabdirisaaq Warsame Guure 25290794514 3.Cabdullaahi Cali Jaamac 25290756069 4. Maxamed Yuusuf Jaamac 25290792026 N:B Ciddii Doonaysa in ay la soo xiriirto fadlan ha wacaan telfoonada iyo magacyada kor ku xusan. KU *** LACAGT AAD KAGA QEYB QAADANAYSID DHISMAHA XARUNTA CAAFIMAADKA BURTINLE ADEEGA SAHAL EE 438585 WAXAAN KA CODSANAYNAA DADKA DIBADA JIRA OO U DHASAHAY DEEGAANKAAN IYO CIDDII KALE OO SAMAFALKA KHAYRIGA KA QEYB QAADANAYSA IN AY GACAN NAGA SIIYAAN HOWSHA BALAARAN EE ISBITAALKA BURTINLE LAGA DHISAYO. WABILAAHI TOWFIIQ WWW.ALLPUNTLAND : WAXAAN IDINKA CODSANAYNAA INAAD SIDA UGU DHAQSAHA BADAN AAD UGA QAYB QAATA INAAD DADKA U SOO BANDHIGTAAN
-
Dowlada hoose ee Boosaaso oo wada Maalinkii sadexad burburinta gobaha aan sharciga ahayn Maalntii saddexaad ayaa dowladda hoose ee magaalada Boosaaso waddaa hawlgallo ay ku burburinayso meelaha aan sharciga ahayn ee lagu ganacsado iyo dhismayaasha ku xadgudbay qiyaastii loogu talo galay. Dowladda hoose oo sheegtay in ay hawlgalladan uga gol leedahay sare u qaadidda bilicsamida magaalada ayaa sheegtay in tan iyo Sabtidii ay hawlahaasi si wacan u socdaan. Tiro ka mid ah dadka danyarta ah ee magaalada ayaa ku cabanaya in aanay dowladda hoose marna ka saacidin u astaynta goobo muhim u ah ganacsigooda oo ay ku shaqaystaan, waxase xusid mudan in maalintii jimcihii ee toddobaadkan uu duqa Boosaaso dadka ku ganacsada goobaha aan munaasabka ahayn uga digay in ay ku sii nagaadaan, waxana uu u Maxamuud Faarax Beeldaaje dadyowga u sheegey in ay waqti kooban u haysteen ka baaraan dagidda dib uga noqoshada goobahaas. Su'aasha ligan ayaa ah hawl galladan ma ahaan doonaan kuwo midho dhala, mise sidii marar hore ayaa dadka goobahooda ganacsi laga burburiyay ay dib ugu soo noqon doonaan meelohoodii.
-
Shire oo la kulmey Lindsay Tanner 20 Jun 20, 2010 - 7:09:48 AM W. Maliyada Puntland Farah Ali Shire, W. Maliyada Australia Lindsay Tanner & Madaxa PDF ee Australia Omar Dholawa Wasiirka Maaliyada Puntland, Mudane Faarax Cali Jaamac oo booqasho rasmi ah hadda ku jooga dalka Australia ayaa maalintii bisha Juun ahayd 18ka kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Australia Mudane Lindsay Tanner. Labada Wasiir ayaa si qota dheer uga wada hadlay xaallada Puntland imminka ku sugan tahay iyo wixii dawlada hadda ka talisa oo uu hogaaminayo Mudane Cabdirahman Mohamud Mohamed (Faroole) oo ay ku jiraan dad badan oo reer Australia ahi ka qabteen arrimaha dhaqaalaha, bulshada, amniga iyo xiriirka caalamiga ah. Wasiirka Maaliyada Australia ayaa ka waraystay Wasiirka xaallada guud ee mandiqada iyo rajada lagu qabo xaalka Soomaalia. Wasiirka Puntland ayaa rajo ka muujiyey xaallada Soomaaliya, wuxuuna Mudane Faarax Wasiirka ku adkeeyey in caalamku iska kaashadu Australiyana door ka qaadato sidii nabad buuxda loogu soo celin lahaa Soomaaliya si loo badbaadiyo ummada Soomaaliyeed oo labaatankii sano oo ugu dambeeyey dhibaato ka haysatay xagga kala dambaynta. Wasiirku wuxuu kaloo kala hadlay sidii dawlada Australia ugala shaqayn lahayd Dawlada Puntland sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada burcad badeeda arrintaas oo ah mid amniga Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka wax u dhimaysa haddii aan si wadajir ah wax looga qaban layskana kaashan. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii Australia kaalmo farsamo ugu fidin lahayd Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Labada Wasiir ayaa isku afgartay dhamaan wixii la isla soo qaaday waxayna isla meel dhigeen in la sii wado xiriirka Puntland iyo Australia. Is-aragaan labada wasiir ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Australian Puntland Diaspora Forum waxaana shirka goobjooge ka ahaa Madaxa ururka Omar Mohamud Dhollawaa, iyo Ayaanle Jaamac oo xubin ka ah qurjoogta reer Puntland ee Australia. Shirka oo socday muddo dheer ayaa wuxuu ku soo gabagaboobey is-afgarad iyo in la sii xoojiyo xiriirka Australia iyo Puntland. Shirwac M. Jaamac Melbourne, Australia
-
Wafdi kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu madaxweyne xigeenku horboodayo ayaa dhawaan u boqoolaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta Ethiopia si ay uga dabatagaa maalka dhawaan ay Ciidanka Ethiopia halkaan (Buuhoodle) kala tageen,waxayna ka shaqeynayaan inay si dhakhso ah usoo celiyaan hantida maqan,shacabka Buuhoodlena waxaa looga baahanyahay inay degenaanta ku dadaalaan,waxaanuna ilaalinaynaa hubka aad haysaan ee Ethiopia leedahay"Ayuu yiri Wasiirka Kaluumaysiga ee Puntland oo ka hadlayey gabagabada safarkiisa. Safarka madaxweyne xigeenka Puntland ayaanan lagaranayn goorta uu bilaami doono,waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda ka anbabaxo deegaanada Puntland,isagoo Ethipia si adag ugala hadli doona qadiyada gobolada Sool,Sanaag & Cayn oo ay qeyb weyn ku leedahay.
-
somalia:Puntland state warns Somaliland’s election to be held in Sool and Sanag regions. Fishing minister of Puntland state, Eng Mahamed Farah Adan, warned Somaliland administration to try incoming Somaliland elections to be held Sool, Sanag and Ayn regions. The minister during his visit to buhodle resident said all Sool, Sanag and Ayn regions are controlled by Puntiland state and it is fragrant aggression Somaliland elections to be held in the regions. Eng Mahamed Farah Adan said Puntland respects incoming Somaliland elections but said it refused the election to happen in Puntilan soil and added some Somaliland officials campaigning for Somaliland elections reached recently Las’anod town and some of Sanag’s eastern resident. Fishing minister of Puntland state said Puntland will respond if Somaliland tries to held election in Las’anod town. Another officials in Puntiland cabinet and parliament have also sent such warnings. The warnings from officials of Puntland came after some of the leaders of Somaliland’s parties reached the residents and said the election to be held there, Sool, Sanag and Ayn regions. Somaliland administration seized Las’anod town from Puntland at the end of 2008 and recently the president of Puntiland said they will bring Las’anod town under Puntland administration.
-
Hales yeah farole and his team are really lifting up the puntland profile in the international arena, at least he kept that part of his election promises. Even today the puntland finance minister met up with australia finance minister to streghten ties between the two states. Not bad week on the foreign relations front. EU Ambassadors visit garowe plus puntland finance minister meets his counterpart in Australia to streghten ties. PS: Sxb as for the traditional buffet yeah sxb it nugaal valley capital garowe where everyone eats a goat under a tree!!!
-
EU Ambassadors in Structural Dialogue with Puntland. Garowe - A historic meeting took place in Puntland when a delegation of Ambassadors and Embassy representatives from the European Union convened with high-ranking officials from the Puntland Government. The meeting was an initial step taken towards the establishment of structural dialogue between Puntland and the European Union. It is envisaged that the EU and Puntland will engage in a similar dialogue to be held in Nairobi a few months from today. Heading the EU delegation was the Temporary President of the EU to Somalia, H.E Nicolas Martin Cinto. H.E Nicolas Martin Cinto is also the Ambassador of Spain to Kenya. The delegation comprised of H.E Mr. Stefano Antonio Dejak, the Ambassador of Italy to Kenya, Mr. Renaud Ferrand , the first Counselor at the Embassy of France in Kenya and Mr. BIELECKI Andrzej the First Secretary at the Embassy of Belgium in Kenya. From the Embassy of Finland Mr. Jussi Laurikainen, the Assistant/Governance for Good Governance and Regional Issues/Somalia was present while Ms. Paula Vazquez Horyaans presented the EU Somalia Operations Unit. Mr. Mohamed Osman Aden, the Counselor at the Somali Embassy in Kenya, accompanied the delegation. The Vice-president of Puntland, H.E Brig. Gen. Abdisamad Ali Shire and members of the Puntland Government warmly received the EU delegation at Garowe Airport today before escorting them to the Presidential Palace in Garowe. On arrival at the Presidential Palace, the delegation met privately with H.E President Abdirahman Mahamed Mahamud in his office at the palace. Then, they were ushered into the conference facility where they discussed with Cabinet Ministers and authorities from the Office of the President. In the conference room, the delegation was introduced to the Minister of Security, the Minister of Interior, Local Government and Rural Development, the Minister of Planning and International Cooperation, the Minister for Marine Transportation and Ports, The Minister for Environment and The Minister of Health from the Puntland Government. The delegation also met the State Minister of the Puntland Presidency for Democratization and Federal Affairs, The State Minister of the Puntland Presidency for Security, the Special Police Unit Commander and the Chief of Staff at the Office of the President. "This is a historic moment for Puntland," H.E President Abdirahman Mahamed Mahamud said. "It is the first time that Puntland has received such a high ranking delegation." President Abdirahman read a message from Puntland to the EU delegation and an official dossier was handed out to the delegation. On behalf of the EU delegation, H.E Mr. Nicolas Cinto presented a message from the EU to Puntland. The delegation also presented a report on EU funded interventions in Puntland. The parties discussed a number of issues regarding piracy, security and development in Puntland. The EU and Puntland mutually agreed upon suggestions for further collaboration and correspondence before wrapping up the meeting on a happy note. After the meeting, the delegation was treated to a traditional Somali Buffet in a scenic mountainous setting located in the Nugal region countryside before their departure. Source: puntland-gov.net
-
Puntland Finance Minister Speaks To Radio Daljir Regarding Puntland Economical Development
-
Somalia: EU envoys in historic visit to Puntland 19 Jun 19, 2010 - 3:19:31 PM A delegation from European countries toured Somalia’s Puntland state for the first time, Radio Garowe reports. The plane carrying the delegation led by the Spanish envoy to Kenya, whose country temporarily hold EU chair, landed at Conoco, in the outskirts of Garowe city, the administrative capital of Puntland. Puntland State President Dr. Abdirahman Mohamed "Farole," and senior government officials received the delegation comprising of envoys representing European countries to Kenya, in Garowe presidential palace. “It is a historic trip for the EU envoys in Kenya to Garowe, they are arriving at a time when the region is green and rainy season, and they have even seen how Puntland is rich interms of livestock,” he said after the meeting with the envoys. Among the things discussed is strengthening cooperation and advancing EU-sponsored development projects in Puntland State, which has been successful, added the president. He however noted that the envoys had short time to spend on the trip, promising another tour to take them around and discuss development projects in Puntland State. The envoys were then taken to Salahley, in the outskirts of Garowe, where they were prepared for special lunch. After the wonderful lunch, the envoys met with traditional elders who included Islan Isse Islan Mohammed, Sultan Said Mohammed Garase, Garad Abdullahi Ali Iid, Sultan Said Mohammed and Sultan Mohammed Mashqare. “I am telling you that Puntland enjoys peace and tranquility both in the rural and urban like you have seen now, the peace is a common interest for everyone in Puntland,. We only need the developed countries to support us on what we can’t achieve. We pray to God for the stability of the rest of the country that is suffering from conflict. We call on you to offer your help and we will always welcome you,” said Islan Isse Islan Mohammed. . The EU delegation flew back to Nairobi, Kenya, later Saturday. GAROWE ONLINE
-
Garoowe:(Allpuntland)-Xildhibaanada Baarlamaanka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu dhawaan si rasmi ah ufurmay kal-fadhigii 24-aad ee golaha baarlamaanka Puntland ayaa waxaa u bilowday 15-cisho oo fasax ah kuwaas oo ay xildhibaanadu Wacyigelin & xoojin maamulada Iyo shucuubta gobolada ay kasoo jeedaan ugu bexeen. Xildhibaanadan oo intoodabadana uu midkasta u baxay gobolka uu kasoojeedo,waxaana ay raxanraxan u tageen gobolada Mudug,Bari,Karkaar & SSC,halkaas oo ay meelo kamid ah dhibaatooyin xaga shaqooyinka & Amaanka ahi ka taagan tahay,waxaana xildhibaanadan ay sidoo kale aadeen gobolada ku dhow Xuduudka Soomaaliland oo ay Maamulka Hargaysa dhawaan kusoo xadgudbeen. Qaarkatirsan Xildhibaanada Baarlamaanka dawlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa APL u sheegey in gobolada SSC sigaar ah isha loogu haynayo maadaama ay halkaas dhawaan ka dhaceen dagaalo kala duwan,islamarkaasna waxay xildhibaanadu sheegeen in meelo kamid ah goboladaas oo ay Soomaaliland keentay sanaadiikhda Doorashooyinka ay ishortaagidoonaan,xiliga doorashooyinka Soomaaliland. Sidoo kale xildhibaanadani waxay APL u sheegeen ay ka qeybqaadan doonaan isfahansiinta shacabka gobolada ay kasoo jeedaan & Maamuladooda si amaanka looga wada shaqeeyo,waxayna sheegeen in ay qorshayaasha 15-kacisho ee fasaxooda ah ay ku jiridoonaan ogaanshaha hiirarka maamul ee gobolada Puntland. Todobaadkii tagay dhamaadkiisa ayaa waxaa si toos ah ufurmay kal-fadhigii 24-aad ee golaha wakiilada dawlada Puntland,waxaana ay xildhibaanadu islamarkiiba galeen fasax 15-cisho ah oo ku eg 1-da bisha Luulyo,waxaana fasaxoodan lagu sheegey inay ka qeybqaadanayaan hor'umarin maamulka Puntland & sidii ay gacan usiin lahaayeen golaha fulinta (Xukuumada) ee Puntland,sidoo kalena waxay ka qeybqaadanayaan maalmaha Xuriyada ee Soomaaliya. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Excellent news. I hope these peacetalks produce positive results like the ahlul sunnah peacetalks!!!
-
Garoowe:Puntland oo ka dabatagaysay Hanti ku maqan Ethiopia. 20. juni 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Ethiopia ayaa dhawaan waxay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn dagaal kula gashay qaarkamid ah shacabka magaaladaas kadib markii ay Ethiopia xanibtay gawaaridii magaalada soo geli jirtay,islamarkaasna hor istaagtay dhamaan adeegyadii bulshada ee halkaas tagi jiray oo uu u badnaa ganacsiga oo uu qeybweyn ka yahay keenista Qaadka,waxaana ay taasi fududay in halkaas uu ka dhoco dagaalka labada dhinac oo khasaare badan gaystay. Maalmo kadib waxaa magaalada Buuhoodle gaaray wafdi sare oo kasocda dawlada Puntland,kuwaas oo Xildhibaano & Wasiiro isugujira ayna intooda badani kasoo jeedaan gobolka Cayn,waxaana ay halkaas ka bilaabeen kulamo muhiim ah oo labada dhinac la'isku fahansiinayo,balse Ciidanka Ethiopia ayaa iyaga oo ka faa'iidaysanaya dhexdhexaadinta madaxda Puntland waxay halkaas kala tageen dhamaan hantidii ay ka hayeen shacabka ay wada dagaalameen oo ay u badnaynd gawaari Xamuul ah & lacag aad u badan. Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in qaarkamid ah madaxda sare ee Puntland ay gaari doonaan magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia si ay madaxda wadankaas ugala xaajoodaan hantida shacabka reer Cayn ee halkaas ku maqan,waxaana ay dawladu sheegtay in wafdigaasi ay si dhakhso ah howshaas u geli doonaan islamarkaasna soo celin doonaan hantida maqan. Wasiirka Kaluumaysiga & Kheyraadka badda ee Puntland Maxamed Faarax Aadan oo xalay kujiray gabagabada safar uu in mudo ah kujooga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa warbaahinta u sheegey in wafdi uu horboodayo madaxweyne xigeenka dawlada Puntland islamarkaasna ay kamid yihiin Wasiiro & madax kale ay dhawaan ka anbabixi doonaan deegaanada Puntland si ay hanrida maqan uga dabatagaan,waxaana uu sheegey in ay doonayaan in lasooceliyo hantida shacabka reer Puntland. "Wafdi kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu madaxweyne xigeenku horboodayo ayaa dhawaan u boqoolaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta Ethiopia si ay uga dabatagaa maalka dhawaan ay Ciidanka Ethiopia halkaan (Buuhoodle) kala tageen,waxayna ka shaqeynayaan inay si dhakhso ah usoo celiyaan hantida maqan,shacabka Buuhoodlena waxaa looga baahanyahay inay degenaanta ku dadaalaan,waxaanuna ilaalinaynaa hubka aad haysaan ee Ethiopia leedahay"Ayuu yiri Wasiirka Kaluumaysiga ee Puntland oo ka hadlayey gabagabada safarkiisa. Safarka madaxweyne xigeenka Puntland ayaanan lagaranayn goorta uu bilaami doono,waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda ka anbabaxo deegaanada Puntland,isagoo Ethipia si adag ugala hadli doona qadiyada gobolada Sool,Sanaag & Cayn oo ay qeyb weyn ku leedahay. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Qudhac Puntland is not Somaliland fake news ok. I know your jealous and this will make you even more furious. Puntland Finance Ministers Meets Australia's Finance Minister. Include The EU Envoy which had 7 european countries ambassadors that just arrived in garowe who will be coming back to open up their embassies!!!
-
Masuuliyin Ka Tirsan Puntland Iyo Saraakiisha Ciidanka Badda NATO Oo Kulan Leh June 20, 2010 Masuuliyin ka tirsan Dowladda Puntland ayaa ka ambabaxay dekadda magaalada Bosaaso iyagoo kusii jeeda meel qiyaastii xeebta Bosaaso u jirta 7meyl halkaas oo ay kulan ku wada qaadan doonaan Saraakil ka tirsan Ciidanka Badda NATO ee jooga xeebaha Soomaaliya. Kulanka ayaa ka dhici doona mid ka mid ah Maraakiibta dagaal ee NATO kuwaas oo xeebaha Soomaaliya u jooga howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida. Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxamed Raage oo si kooban u waramay Horseed Media inta uusan ka ambabixin dekadda Bosaaso ayaa sheegay in kulanka ay ka wada hadli doonaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen howlgalka la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida. Dhamaadkii Bishii hore ayay ahayd markii masuuliyin ka tirsan Puntland oo uu horkacaayay Wasiirka Amniga Puntland Jenraal Yuusuf Axmed Kheyr ay duleedka xeebta Bosaaso kula kulmeen Saraakiisha NATO ayadoo kulanka uu ka dhacay markabka dagaal ay iska leeyihin Ciidanka Badda Britain ee HMS CHATHAM. Saraakiisha NATO ayaa mudooyinki lasoo dhaafay kulamo la qaadanaayay maamulada degmooyinka dhaca xeebaha oo ay ka wada hadlayaan arimaha la dagaalanka Burcadbadeeda. Horseed Media
-
Good Development
-
Mark Bowden Oo Maanta Gaalkacyo Soo Gaarey. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Xariiriyaha Bini’aadanimada ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Wafdigani oo uu horkacayo Mark Bowden oo ka soo kicitamay dalkaasi Kenya ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Saraakiil ka socota Hay’ada Qaramada Midoobay ee xafiisyadoodu ku yaaliin gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo. Xubnaha wafdigani ka socda Qaramada Midoobay ayaa waxay u gudbeen xarumaha Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, waxayna kulamo la qaateen Hay’adaha Qaramada Midoobay ee xafiisyadoodu ku y yaaliin magaalada Gaalkacyo. Dhinaca kale wafdigu waxay kulamo la qaateen maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo waxayna ka la hadleen arimo badan oo khuseeya bini’aadantinimada, kulamadaasi oo ku soo dhamaadey is afgarad, iyadoo xubnaha wafdigana ay dib uga laabteen magaalada Gaalkacyo gelinkii dambe ee maanta. RBC Radio
-
Excellent Job Puntland Minister. This is great news that our ministers are strengthening ties with their counterparts around the world. By the way I am certain omar srilanka on the rightf who is truly great patriot is doing wonderful job for Puntland. Keep up the hard work boys!!!
-
Maalinta Qaxootiga aduunka oo laga Xusay Garowe (Garowe) RBC: Waxaa maanta laga xusay Mgaalada Garowe ee caasimada puntland maalinta Qaxootiga aduunka oo loo aqoonsaday 20 juun oo maanta oo kale ah Munaasabad lugu xusayo maalintaa Qaxootiga aduunka oo lugu qabtay xarunta wsaaradda amniga Puntland ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan.iyo saraakiil ka socota Hay,adda UNHCR Xafladaa ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Saalax oo ah Madax Hay,adda UNHCR Gobalk Nugaal waxuuna sheegay in maanta oo kale ay tahay maalinta loo aqoonsaday maalinta qaxootiga aduunka Maxamed Saalax waxa uu intaa ku daray in Qaxootiga ay dhibaatooyin badan ay kala kulamaan aduunka meel kasta oo ay ku nool yihiin waxuuna sheegay in ay dhibootooyinkaa ay yihiin kuwa kala daran oo isku mid ahayn. Hasayeshee dhiibaatooyinkaa ayuu ku sheegay in kuwa ugu daran ay l kulmaan qaxootiga ku nool qaaaradda afrca gaar ahaan Soomaaliya oo dagaalo ka jiraan tan iyo wixii ka danbeeyaya sanadii 1991 Munaasabada maanta lugu qabtay xarunta Wsaaradda amniga Puntland ee Garowe waxa ay ku soo aadaysa xili munaasabad tan la mid ah ay ka dhacayaan qayba badan oo ka mid ah calamka RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Wasiirka Maaliyada Puntland oo fadhi rasmi ah la qaatay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Australia June 20, 2010 Wasiirka Maaliyada Puntland, Mudane Faarax Cali Jaamac oo booqasho rasmi ah hadda ku jooga dalka Australia ayaa maalintii bisha Juun ahayd 18ka kulan rasmi ah la qaatay Wasiirka Maaliyada ee Dalka Australia Mudane Lindsay Tanner. Labada Wasiir ayaa si qota dheer uga wada hadlay xaallada Puntland imminka ku sugan tahay iyo wixii dawlada hadda ka talisa oo uu hogaaminayo Mudane Cabdirahman Mohamud Mohamed (Faroole) oo ay ku jiraan dad badan oo reer Australia ahi ka qabteen arrimaha dhaqaalaha, bulshada, amniga iyo xiriirka caalamiga ah. Wasiirka Maaliyada Australia ayaa ka waraystay Wasiirka xaallada guud ee mandiqada iyo rajada lagu qabo xaalka Soomaalia. Wasiirka Puntland ayaa rajo ka muujiyey xaallada Soomaaliya, wuxuuna Mudane Faarax Wasiirka ku adkeeyey in caalamku iska kaashadu Australiyana door ka qaadato sidii nabad buuxda loogu soo celin lahaa Soomaaliya si loo badbaadiyo ummada Soomaaliyeed oo labaatankii sano oo ugu dambeeyey dhibaato ka haysatay xagga kala dambaynta. Wasiirku wuxuu kaloo kala hadlay sidii dawlada Australia ugala shaqayn lahayd Dawlada Puntland sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada burcad badeeda arrintaas oo ah mid amniga Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka wax u dhimaysa haddii aan si wadajir ah wax looga qaban layskana kaashan. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii Australia kaalmo farsamo ugu fidin lahayd Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Labada Wasiir ayaa isku afgartay dhamaan wixii la isla soo qaaday waxayna isla meel dhigeen in la sii wado xiriirka Puntland iyo Australia. Is-aragaan labada wasiir ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Australian Puntland Diaspora Forum waxaana shirka goobjooge ka ahaa Madaxa ururka Omar Mohamud Dhollawaa, iyo Ayaanle Jaamac oo xubin ka ah qurjoogta reer Puntland ee Australia. Shirka oo socday muddo dheer ayaa wuxuu ku soo gabagaboobey is-afgarad iyo in la sii xoojiyo xiriirka Australia iyo Puntland. Shirwac M. Jaamac Melbourne, Australia
-
Good to see People moving on