Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Qarax Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac Geystay oo ka dhacay Bosaso June 23, 2010 Waxaa gelinkii dambe ee maanta qarax nooca bam gacmeedka ah lala beegsaday Ciidan ka tirsan kuwa amniga ee Dowladda Puntland,qaraxa ayaa ka dhacay wadada dheer ee laamiga gaar ahaan agagaarka Hoteelka Khaliij ee u dhow Shirkada Isgaarsiinta ee Golis. Wararka ayaa sheegaaya in Ciidanka lala beegsaday qaraxa ay ka yimaadeen degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar,waxaana ay saarnaayeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Waaraadka. Qaraxa ka dib Ciidanka waxaa ay fureen rasaas,waxaana sidoo kale agagaarka goobta uu qaraxu ka dhacay laga qab qabtay oo la xiray dadka ku sugnaa goobtaas. Khasaaro culus ayaa gaarey ciidanka qaraxa lala beegsaday,waxaana ilaa iyo 8-askari la geeyey Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaaso oo halkaas lagu dabiibaayo. Sidoo kale waxaa geeriyooday askari kale oo isagu dhaawac culus soo gaarey kaas oo la geeyey Isbitaalka gaarka ah ee Puntland, askarigaasi ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Maxamed Siciid “Hogaama laroor” oo ka tirsan Saraakiisha Caafimaadka ee Isbitaalka Bosaaso ayaa Horseed Media u sheegay in dhaawaca 8-askari ay iminka la tacalayaan isla markaana ay dhaqaatirta ku mashquulsanyihiin. Sarkaal caafimaadka oo ka waramaya khasaaraha qaraxa geystay Ilaa iyo hada lama sheegi karo cida ka dambeysay qaraxaan lala beegsaday Ciidanka amniga ee Puntland, waxaana iminka socda baaritaano ay wadaan Booliska. Horseed Media
  2. Gaalkacyo:Galmudug oo Dhaliishay waxqabadka Qaramada Midoobey. 23. juni 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa canbaareeyey waxqabadka hay'adaha samafalka ee Soomaaliya ka howlgala gaar ahaa Qaramada Midoobey ee deegaanada ay ka raliyaan kuwaas oo ay ku eedeeyeen in aysan waxbadan kaqaban deegaanada Galmudug tan & markii ay dhacday dawladii dhexe ee Maxamed Siyaas Barre,waxayna maamulka Galmudug codsadeen in ay Qaramada Midoobey ay wax badasho siyaasadeeda ku wajahan koonfurtas gobolka Mudug. Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug Xassan Faarax Barre oo ka qeybgalayey kulan ay Galmudug la lahayd Wafdi uu horkacayey Iskuduwaha Arimaha Bini aadantinimada Soomaaliya u Qaabilsan Mr,Mark Bowden ayaa dhaliilweyn usoo jeediyey hay'adaha Qaramada Midoobey oo sheegey in wax qabadkii gobolka Mudug ee ay u baahnaayeen lagu koobay dhanka dawlada Puntland,wuxuuna codsaday in ay Xafiisyo Qaramada Midoobey ka furto koonfurta magaalada Gaalkacyo. "Qaramada Midoobey waxaanu ku dhaliilaynaa in ay naga hadal daacisay waxqabadkii aanu u baahnayn hadii aanu nahay maamulka Galmudug,waxaanu codsanaynaa in ay waxbadan noo qabato iyadoo eegaysa xaaladaha Galmudug ay imika kusugantahay,2001-dii waxaad Labo ceel ugu deeqdeen magaalada Gaalkacyo,waxaadna dhahdeen Galmudug biyo maleh oo Ceel lagama qodikaro,labadiiba waxaad u rogteen dhanka waqooyiga taasina maahan mid cadaalad u ah shacabka"Ayuu yiri Xassan Faarax Barre o si ba'an u dhaliilay waxqabadka Qaramada Midoobey ee Galmudug. Sidookale Wasiir xigeenka amniga ee maamulka Galmudug Cali Diiriye Aloore oo kulankaas ka hadlaya ayaa isna sidaas si lamid ah u dhaliilay waxqabadka hay'adaha Samafalka ee xaafada koonfurta magaalada gaalkacyo oo uu sheegey in ay tahay xaafad si toos ah loo go'doomiyey,wuxuuna sheegey in ay codsanayaan in hay'adaha Qaramada Midoobey ay waxqabadkooda kusoo wareejiyaan dhanka Galmudug maadaama ay imika aaminsanyihiin in waxbadani iska badaleen Amaan xumadii halkaas kajirtay. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  3. Gaalkacyo:"Waqtigan macquul maahan Xafiis Qaramada Midoobey inay Galmudug ka furato"Mark Bowden. 23. juni 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Iskuduwaha Arimaha bini aadantinimada Qaramada Midoobey u qaabilsan Mark Bowden oo safar labo cisho ah todobaadkan ku qaatay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa wuxuu booqday xaafada koonfureed ee magaalada Gaalkacyo,halkaas oo si aad ah loogu soo dhaweeyey islamarkaasna uu booqday meelo kooban oo kamid ah xaafada koonfurta Gaalkacyo,waxaana amaanka Mas'uulkan oo ay saraakiil badani weheliyaan aad u sugayey ciidamo badan oo katirsan kuwa Galmudug & kuwo uu asagu watay. Mark Bowdan oo kulan qado ah laqaatay Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa dhagaystay eedaymo ay usoo jeediyeen hay'adaha Qaramada Midoobey oo ay ku eedeeyeen in aysan sidii loo baahnaa u caawin deegaanada galmudug,wuxuuna u sheegey in Qaramada Midoobey ay qorshaheeda ku jirto in ay wax u qabato cidkasta oo la aaminsanyahay in ay baahi hayso,wuxuuse ka gaabsaday in uu ku dhawaaqo inay xaafiisyo toos ah ka furanayaan xaafada koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu sheegey in aysna waqtigan macquul ahayn. "Waanu dhagaysanay warbixinadiina,Qarmada Midoobey qorshaheeda koowaad ayey tahay in ay cidkasta wax u qabato,waana ku faraxsanahay in aan markale idiin imaado,laakiin hadaladiina waxaad ku celceliseen xafiis koonfurta magaalada ka furta taasi maahan mid macquul ah waayo waad ogtihiin Xafiiska Qaramada Midoobey adeegyo badan oo uu u baahanyahay lagama helayo halka aad ka talisaan"Ayuu yiri Mark Bowden oo hadal qancin ah siinayey maamulka galmudug oo uu si Adag ula hadlayey. Iskuduwaha Arimaha Biniaadantinimada uqaabilsan Qaramada Midoobey wuxuu si aad ah ugu dheeraaday sababta dhabta ah ee aysan waqtigan howsha Xafiiseed ugali karin,wuxuuna halkaas kasoo jeediyey hadalo dhaadheer oo uu ku qancinayo madaxda maamulka galmudug,isagoo u sheegey in aysan waqtigan diyaarin kharashkii ay xafiisyo uga furan lahaayeen koonfurta magaalada Gaalkacyo,sidaas darteedna wuxuu sheegey in ay hoostagi doonaan xafiiska Qaramada Midoobey ee waqooyiga Gaalkacyo. "I aamina,waa runta waxaan idiinsheegayo,waad ogtihiin halka aad joogtaan waa meel fog,waa meel ka fog adeegyo badan oo aanu u baahnayn,marka imika kuma degdegi karno xafiis aanu halkaan ka furo,waayo xataa kharashkii loo baahnaa ee aanu ku furi lahayn xafiiskayaga halkaan maanu qorshayn oo howl badan ayuu u baahanyahay marka taas markasta lasocda waanuna samaynaynaa iskuday aad uwanaagsan"Ayuu yiri Mark Bowdan. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  4. Arday Ka Qalin Jebisay Machadka Caafimaadka Xaaji Cabdi Ee Magaalada Garoowe (Sawiro) June 23, 2010 19 Arday ayaa maanta ka qalan jabisay Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi,Ardaydaan ayaa waxaa Munaasabad balaaran loogu qabtay Xarunta WasaaradaCaafimaadka ee Magaalada Garoowe. Munaasabadan ayaa waxaa kazoo qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr.Cali Cabdulaahi, Wasiirka Maamul Wanaaga,Wasiirka Cadaalda Iyo dhaqan calinta,Wasiir Ku xigeenka Wasaarda Caafimaadka,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka,Madax ka socotay Hay’addaha samafalka ee joogta qaybtooda iyo ardayda dhigata machadka iyo ardaydii qalan jabinaysay. Munsaabadan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala gadisan kuwaas ka hadlaaya faa’idooyinka uu ahaayo machadkaan dadka Puntland iyagoo sidoo kale ardayda qalan jabinaysay ugu mahadceliyay mudada ay u dhabar adeegeen waxbarshada ee maanta ka qalan jabinayaan. Wasiirka Maamul Wanaaga ee Dawlada Puntland Maxamed Ciise Faarax Gaashaan ayaa ka hadlay muhiimada ay waxbarshadu leedahay isagoo tusaale usoo qaatay naftiis sheegayna inuu waqtigaan wax barto oo uu dhigto jaamacada bariga Africa ee magaalada Garoowe. Md.Gaashaan ayaa intaa ku daray in ardaydaan loo baahan yahay in ay wadaan waxbarashada inta ay hada barteen ay dhalinta uga faa’ideeyaan. Wasiirka Cadaalada iyo Dhaqan Celinta Md Cabdi Khaliif ayaa isna goobtaan ka hadlay waxaan uu sheegay muhiimada waxbarashda Puntland ay leedahay waxaana uu ku amaanay machadka Xaaji Cabdi inuu yahay mid wax soo saar wayn leh loona baahan yahay in wax lala qabto. Wasiirka ayaa intaa ku daray in maamulka iyo maclimiinta machadka Xaaji Cabdi in ay wadaan dadka ay wadaan oo aysan kadaalin. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa isna ka hadlay goobtaa,waxaan uu sheegay in uu uga hanbalyaynayo machadka Xaaji Cabdi inuu uu soo saaro Ardaydaan ayna wasaarada ahaan ardaydaan muhiimada wayn saari doonaan sidii ay shaqo ula raadin lahaayeen. Wasiirka ayaa intaa ku daray in ardaydaan ay ku dadaali doonaan sidii aysan u dhaafi lahayan goblka nugaal oo ay kalkaaliyo caafimaad si wayn loogu baahan yahay kaabayaasha caafimaad si kor loogu qaado. Dr Cali C/laahi Warsame ayaa ugu danbayntii waxaa uu sheegay in wasaarada caafimaadka ay aqoonsan tahay machadka Xaaji Cabdi iyo machadka kale ee caafimaadka ee ku yaala magaalada Boosaaso. Ardaydaan maanta qalin jabinaysay ayaa waxaa isla goobta munaasabad loogu qabtay lagu gudoon siiyay shahaadadi machadka. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland
  5. Xaji manhal is puntland hayad not somaliland one. hence why i bolded the somalia part. Mohamed Hassan Issa is based in garowe. The news is reported by halgan a puntland website because maxamed hassan cisse contacted them to the reporting. No other website has reported it yet and if they do they will just copy and paste.
  6. Isbitaal cusub oo ay maanta Hay,dda Manhal ka furtay magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.(Daawomasawirada) Posted to the Web Jun 23, 16:05 Laascaanood:-Waxaa maanta oo taariikhdu ahayd 23/06/2010 laga furay isbitaalka guud ee Manhal magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool isbitaalkaan ayaa waxaa loogu talo galay inuu wax badan ka bedelo daryeelka caafimaad ee bulshada ku dhaqan guud ahaan Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood iyo tuulooyinka ku hareeraysan. Halkaan ka Daawo masawirada xaflada furitaanka isbitaalka cusub ee Manhal Isbitaalka Manhal ee maanta laga furay magaalada Laascaanood ayaa ah mid loo dhamaystiray agabkii caafimaad sida 1- Laboratory 2- X-ray 3- Ultrasound 4- ECG 5- Pharmacy iyo qaybihii kale ee uu isbital lahaan jiray. Isbitaalkan Manhal ayaa waxaa dhistay Hay.adda Manhal oo aad ugu heelen wax ka qabashada arimaha bulshada horayna looga bartay inay dhinacyo badan oo la xiriir arimaha bulshada ay wax weyn ka qabteen. Xaflada furitaanka Isbitaalka Manhal aya waxaa goob joog ka ahaa madax ka tirsan hay adda Manhal sida madaxa guud ee hayadda manhal Shiikh.C/waaxid Xaashi ,madaxa caafimaadka Hay,adda Manhal Maxamed Ahmed Maxamed iyo dr.shine. Waxaa kale oo ka soo qayb galay Xafladii furitaanka Isbitaalkaan cusub ee ay Hay,adda Manhal ka hirgelisay magaalada Laascaanood Mayorka magaalada las caanood, Gudoomiyaha gobolka laas caanood, wasiirka caafimadka Somalilland wasiirka boostada iyo isgaarsinta, culimada iyo shacbak reer sool iyo madax kale oo fara badan Manhal Headquarter -Somalia Mohamed Hassan Issa 0025290-794133 /0025290-729776 more pics can be seen Here
  7. Khilaafkii Sheekh Shariif iyo Sharmaarke oo weli taagan 23 Jun 23, 2010 - 7:30:04 AM Muran cusub ayaa soo dhexgalay Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Ra'iisul wasaare Sharma'arke, kaasoo ka dhashay isbadal lagu sameynayo dowlada, waxaana labada ma'suul ay gaashaanka ku dhufteen dhexdhexaadin uu waday Shariif Xasan. Sh. Shariif ayaa la sheegay inuu diiday go'aan uu soo jeediyay Ra'iisul wasaare Sharma'arke, kaasoo ku saabsanaa in la yareeyo tirada wasiirada DF laguna soo daro xubno ka socday Ururka Ahlusuna oo ay heshiis ku gaareen Addis Ababa. Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Sh. Shariif uu diiday xubno ku jira golahaas, iyadoo Ra'iisul wasaaruhu uu ku adkeystay inuusan ka saarayn isagoo sheegay inuu u arko inay awoodi karaan wax ka qabashada dalka. Il wareed ka tirsan Xafiiska Ra'iisul wasaaraha Somalia ayaa u sheegay GO in labada mas'uul ay ku kala kaceen kulan uu dhexdhexaadiye ka ahaa Shariif Xasan kaasoo dhashay markii ay labada mas'uul isku khilaafeen golaha wasiirada ee cusub. "Ra'iisul wasaaruhu wuxuu u gudbiyay Madaxweynaha qoraal ku saabsan gole wasiiro oo cusub, kuwaasoo badalaya kuwa hada shaqeeya ayna ka mid tahay Ahlusuna, balse wuu diiday markii uu ku arkay xubno uu diidan yahay" ayuu yiri sarkaal ka tirsan xafiiska Sharma'arke oo magaciisa qariyay. Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu dhowr jeer isku dayay tan iyo markii loo doortay xilka cusub ee Baarlamaanka inuu isku keeno labada mas'uul, wuuse ku guuldareystay. Madaxweyne Sh. Shariif ayaa la sheegay inuu qorsheynayo magacaabida Ra'iisul wasaare cusub oo badala Sharma'arke, iyadoo sidoo kalena warar hoose ay sheegayaan inuu socdo olole ka dhan ah Ra'iisul waasaraha oo ay wadaan labada Shariif. Khilaafka u dhexeeya Madaxda DF ayaa soo bilowday markii la isku afgaran waayay xil ka qaadis aan sharciga waafaqsanayn oo uu ku dhawaaqay Sh. Shariif bishii hore isagoo doonayay inuu ku qanciyo Gudoomiyihii hore ee Baarlaaanka Sh. Aadan Madoobe. GAROWE ONLINE
  8. Dhahar (RBC) Wafdi ballaaran oo uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose Puntland Gen. C/laahi Axmed Jaamac (Ilka jiir) ayaa maanta gaaray degmooyin ka tirsan gobolka Sanaag. Wafdigan oo u kala qeybsanaa labo qeybood ayaa waxaa xubno ka ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha Siciid Xasan Shire, Wasiir ku xigeenka amniga C/Jamaal Cismaan Samatar, Wasiir ku xigeenka sportiga, shaqada iyo shaqaalaha Siciid Daahir Qodax iyo labo xildhibaan oo ka tirsan barlamanka Puntland. Wafdiga uu horkacayo wasiirka arimaha gudaha Gen Ilka jiir oo ka soo ambabaxay magaalada Garowe ayaa iyagu gaaray degmada Baran oo si diiran loogu soo dhoweeyey, halka qeybta labaad ee wafdiga oo uu horkacayo wasiirka xanaanada xoolaha ayaa iyaguna lagu soo dhoweeyey degmada Dhahar. Masuuliyiinta gobolka, kuwa degmooyinka Dhahar iyo Baran, cuqaal iyo dadweyne ayaa ka qeybgalay soo dhoweynta wafdigan ballaaran ee maanta gaaray degmooyinka gobolka Sanaag, waxayna noqoneysaa markii ugu horeysay oo wafdi heerkaasi gaaraya oo ka socda maamulka Puntland ay gaaraan degmooyinka gobolka. Ujeedada booqashadan ayay xubnaha wafdigan ku sheegeen inay tahay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaalada ka jirta gobolka, waxayna ku soo beegmeysaa iyadoo wareegto uu soo saaray madaxweynaha Puntland uu ku magacaabay gobol cusub oo la magac baxay Hayland kaasi oo ku soo biiraya gobolada Puntland. Sida wararka na soo gaaraya ay sheegayaan waxaa la filayaa in booqashada wafdigan ay qeyb ka noqoto dhismaha maamulka cusub ee gobolka Hayland sida gudoomiyaha gobolka, taliyaha ciidanka iyo xubnaha kale ee maamulka oo la magacaabi doono. Mudada wafdigan ay joogaan gobolka waxay kulamo la qaadan doonaan maasuuliyiinta iyo odayaasha degaanka, waxaana la filayaa in booqashadan ay ku maraan degmooyin kale oo ka tirsan gobolka. RBC Radio
  9. Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Arday Baratay Caafimaadka (Sawiro) Garowe (RBC Radio) Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi ee magaalada Garowe, ayaa maantey waxaa uu qabtey xaflad balaaran oo ardey machadka ka qalin jabisay Shahaadooyin lagu gudoon siinayay. Wasiir Caafimaadka oo Ardey Shahaado gudoonsiinaya Xafladan qalinjabinta ardeyda Machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi ee Magaalada Garowe ayaa lagu qabtey Hoolka shirarka ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaana kasoo qaybgalay munaasibadii shahaado siinta Wasiirka Caafimaada Dr. Cali Cabdulahi Warsame, Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta, wasiiru dawlaha Maamul wanaaga, wasiir ku xigeeno, Xildhibaano golaha baarlamaanka ka tirsan, aqoonyahan, odayaasha, Haweenka iyo ardeyda machadka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi. Ismaaciil Xaaji Cabdi oo ka mid ah maamulka machada ka Caafimaadka ee Xaaji Cabdi ayaa ka warbixiyey Machadka goortii la furey inta dufcadood ee ka baxday iyo tirada ardey ee Iskuulka dhigata, wuxuuna sheegay in Machadka Xaaji Cabdi la furey sanadkii 1995 waxaana furey Maamulihii hore ee Machadkii Caafimaadka Soomaaliya Xaaji Cabdi, waxaana dufcadii u horeysay ay ka baxday 1997. WASIIRKA IYO NABADOON SHIIKH CALI OO ARDEYDA DHEXTAGAN Ismaaciil Xaaji waxaa uu sheegay in machadku uu xirmay sanadkii 1998 kadib markii uu Maamulihii Machadku Xaaji Cabdi, Machadka Xaaji Cabdi ayaana xirnaa tan iyo sanadkii 2004-tii markaas oo dib boorka looga jafay isagoo wixii xiligaa ka danbeeyeyna hawshiisa si fiican u waday. Dufcadii labaad ee Machadka ka baxda waxay qalin jabiyeen 2007 iyadoona ay ku xigtey Dufcadan maanta nasiibka u heshay in shahaadooyinka uu gudoonsiiyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame,19 ardey ee qalinjabisay ayaa dhamaantood ah kalkaaliyeyaal sare. Wasiirka Garsoorka, Wsirka Cafimadka iyo wasiiru dawlaha Maamul wanaaga Wasiirada Garsoorka iyo maamul wanaaga oo madasha ka hadley ayaa qirey baahida Caafimaad ee dalka ka jirta iyo sida loogu baahan yahay in lasoo saaro jiil cusub oo wax ka badala dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka ka jira, waxayna masuuliyiintan ugu baaqeen ardeyda qalin jabisay inay horey u socdaan ayna aqoontooda Caafimaad sii balaarshaan ayna inta yar ee ay barteena uga faa’ideeyaan dadkooda iyo dalkooda oo aysan meel iskala fariisan aqoonata. Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa isaguna madasha ka hadley, waxaana uu hanbalyo iyo bogaadinba u jeediyey ardeyda maantey qalin jabisay isagoo tilmaamay inay maantey wasaaradda Caafimaadka iyo ardeydaba u tahay Maalin farxad iyo qiimo badan, wasiirku wuxuu sheegay in baahi Caafimaad oo balaarani inay dalka ka jirto oo loo baahan yahay dhalinyaro waxbaratey kuwaas oo qayb lixaad leh ka qaata wax ka qabashada baahiyaha dhanka caafimaadka dalka ka jira. Wasiirku wuxuu sheegay in ardeydan ay u raadinayaan sidii ay shaqooyin ku heli lahaayeen wuxuuna tilmaamay in iyagu ay leeyihiin muhiimada koowaad ee shaqo siinta, wuxuuna taas uga dhigayay dhiirigalin, ardeyda kale ee hada dhigata Machadka ayuu Wasiirku ku booriyey inay aqoontooda sii wataan si ay u soo gaaraan maalintan farxada badan oo kale ee Shahaadooyinka ardeyda lagu siinayo. Ugu danbeyntii ayaa Xaflada waxaa lagu soo gabogabeeyey shahaado gudoonsiinta ardey, waxaana ardeyda shahaadooyinka gudoonsiiyey wasiirka wasaaradda Caafimaadka ee Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame. Jawiga Xaflada ayaa ahaa mid dagan, waxaana aad hoolka wasaaradda ee xafladu ka socotey soo buuxiyey ardeyda Machadka, waxayna ardeyda Machdku ay sacab ku soo dhaweynayeen ardeyda Shahaadooyinka la siinayo marka loo yeero, waxayna xafladu ku soo dhamaatey jawi farxad iyo raynrayni ka muuqato. RBC Radio Garowe
  10. Wafdi Ka Socda Puntland Oo Gaaray Degmada Dhahar June 23, 2010 Wafdigan oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano kana soo ambabaxay Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa maanta si wayn looga soo dhoweeyay degmada Dhahar ee Gobolka Hayland. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire oo hogaaminayay wafdigaasi ayaa Horseed Media u sheegay in ujeedada socdalka wafdigoodu uu salka ku hayo sidii looga hortagi lahaa doorashooyinka Maamulka Somaliland oo mudo kooban ay ka dhiman yihiin. Waxaa uu sheegay in dadka ku nool Degmada Dhahar uu wafdigoodu saaka kala hadlay goob fagaara ah,isla markaasina ay u cadeeyeen ujeedka socdaalkooda. Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadka ay ku wacyi galin doonaan in ay ka feejignaadaan arimaha doorashooyinka Somaliland. Sidoo kale wuxuu sheegay in saacadaha soo socda ay kulamo gooni gooni ah ay la yeelan doonaan dadwaynaha ku nool gobolka Hayland,kuwaasi oo u sheegay in ay kala hadli doonaan arimo khuseeya nabad galyada doorashooyinka maamulka Somaliland iyo ka hortagooda. “…Waxaa jira wafdi kale oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Axmed Jaamac ilka jiir,waxaa ay tagi doonaan saacadaha soo socda Ceel Buuh iyo Baran…”Ayuu yiri . Mar Horseed Media ay waydiisay wafdigan wuxuu kaga badalan yahay wafdi kan dhigiisa ahaa oo dhowaan gaaray gobolka Sanaag ayaa waxaa u sheegay in wafdigaan uu yahay mid si wayn loo soo abaabulay. Si kastaba ha ahaatee arimahan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xilli doorashooyinkii Maamulka Somaliland ay ka dhiman yihiin iligii loo asteeyay muddo saddex maalmood ah. Horseed Media
  11. Kulan Aqoon Isweydaarsi ah oo Ka Socday Xarunta Rugta Ganacsiga Puntland oo La Soo Afmeeray (Sawiro) Boosaaso (RBC) Kulan aqoon isweydaarsi ah oo mudo afar maalmood ah u socday ganacsatada Puntland ayaa maanta lagu soo gabagabeeyey xarunta rugta ganacsiga ee magaalada Boosaaso. Munaasabad lagu soo xiray kulanka aqoon isweydaarsiga ah oo maanta ka dhcaday hoolka shirarka ee xarunta rugta ganacsiga ayaa waxaa ka qeybgaly masuuliyiinta dowlada, ganacsatada, culimada iyo waxgarad kale. Gudoomiyaha rugta ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahim oo ka hadlay gabagabada shirka ayaa halkaasi ka sheegay in kulankan uu diirada saaray qodob muhimad gaar ah u leh ganacsiga xorta iyadoo ujeedadu ahayd in la dhiirigaliyo maalgashiga. Gudoomiyuhu wuxuu intaasi ku daray in kulankanku uu qeyb ka ahaa dadaalo lagu horumarinayo ganacsiga dalka oo ay rugtu soo qabanqaabisay, isagoo xusay inay jiri doonaan kulamo kale oo midkan oo dhowaan qabsoomi doona. Dr Yuusuf Maxamud Ciise oo ah aqoonyahan ku xeeldheer dhaqaalaha Islaamka isla markaana duruusta bixinayey mudadii uu socday aqoon isweydaarsiga ayaa isaguna sheegay inuu rajeynayo in wax badan ay iska bedeli doonaan aragtida iyo siyaasada ganacsatada ee ku wajahan maalgashiga. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan oo ka mid ah culimada reer Boosaaso ayaa isaguna si gaar ah ganacsatada ugu dhiirgaliyey in ganacsigooda ay ku saleeyaan Alle ka cabsi kana fogaadaan wixii u keeni kara xaaraam inay gasho. Munaasabadan waxaa sidoo kale ka hadlay wasiirka dekedaha Siciid Maxamed Raage, wasiir ku xigeenka maaliyada, gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga, duqa magaalada Boosaaso iyo masuuliyiin kale. Waxaa gabagabada maanta shahaadooyin lagu gudoonsiiyey ka qeybgalayaasha aqoon isweydaarsigan oo ay gacan ka geysatey hay’ada Al Manhal. Intii uu socday kulankan waxaa diirada la saaray qodobo dhowr ah oo muhim u ah ganacsiga xorta ah iyadoo si aad ah looga dooday dhaqaalaha Islaamka. Qaar ka mid ah ganacsatadii ka qeybgashay mudadii uu socday kulanka ayaa RBC u sheegay in waxyaabaha laga faa’iday ay ka mid tahay iyagoo faham buuxa ka qaatay faa’iidada ay leedahay maalgalinta dhaqaalaha dalka, sare u qaadida ganacsiga iyo tartanka ganacsiga ee waqtigan ka jira caalamka. Waxaa kulankan uu ahaa midkii ugu horeeyey ee noociisa ah oo lagu qabto gudaha dalka loogana hado maalgalinta iyo ganacsiga xorta, waxaana la rajeynayaa in kulankan uu daahfur u noqdo kulamo kale oo la mid ah. Cabdalle Muumin RBC Radio
  12. Hadalheynta Qaranka ( Xaalada Beeraleyda Gobolka Mudug) Sawiro. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Barnaamijka Hadalheynta Qaranka waa todobaadle inta badan aynu ku soo qaadno marxaladaha loogu hadalheynta badan yahay ee ka jira gobolada iyo deegaanada dalka Soomaaliya. Todobaadkan waxaanu Barnaamijka Hadalheynta Qaranka si gaar ah ugu eegi doonaa xaalada Beeraleyda ku dhaqan gobolka Mudug gaar ahaan kuwooda beeraha ku leh dhulka deegaanka Roox ee duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Deegaanka Roox waxaa uu magaalada Gaalkacyo ka xigaa dhinaca waqooyi, waxaana qiyaas ahaan uu Gaalkacyo u jiraa qiyaastii in ka badan 45 Km, waxaa halkaasi ku yaala beero waaweyn oo ku fadhiya dhul baaxad leh, waxaana beerahaasi maal gashtay oo iska leh ganacsatada gobolka Mudug qaarkood. Beeraha deegaankaasi Roox waa kuwa loo dalxiis tago mararka qaar, waxaa ka baxa Dalagyo iyo Geed mirood, waxaa sidoo kale ka baxa cowska la siiyo xoolaha oo qaarkii loo iib geeyo magaalada Boosaaso si loo siiyo xoolaha la dhoofinayo ee safarka u galaya ilaa iyo wadamada Khaliijka Carabta. Dalagyada iyo Geed miroodka beeraha Roox ka baxa ayaa waxaa ka mid ah, Cambaha, Liin bambeelmada, Saytuunka, Liin dhanaanta, Basasha, Yaanyada, Basbaaska, Qaraha, Sisinta, Galeyda, Masagada, Barbarooniga, Babaayga, Mooska iyo waxyaabo kale oo badan. Ganacsatada beeraha Deegaanka Roox ku yaala iska leh ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi weyn, waxay wadaagaan biyaha iyo waxyaabaha kale ee lama huraanka u ah, waxaa beer walba ka howlgala oo ka shaqeeya dhalinyaro da’yar ah oo ka yimid dhinaca gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasi oo in badan ka yaqaana tabcashada beeraha noocyadooda kala duwan. Waxaa intaasi u dheer in ay leeyihiin xoolo nool, gaar ahaan ariga oo ay dhaqdaan, waxaadna beer walba ku arkeysaa tiro xoolo ari ah oo ku xareysan, kuwaasi oo ay dhaqaan dhalinta ka shaqeysa beeraha, waxayna nolol ka dhigtaan caanaha xoolahaasi ay ka maalaan iyo raashinka oo u dhexyaala beeraha dhexdooda. Beeraleyda ayaa waxaa ay magaalada Gaalkacyo u iib keenaan qudaarta fudud ee mar walba soo go’da sida Basbaaska, Barbarooniga, Liin dhanaanta, Yaanyada, Basasha iyo weliba Babaayga, kuwaasi oo ay ku iibiyaan qiimo jaban, waxaana arintani aad uga faa’ideysta ganacsatada yar yar ee ku shaqeysta ka ganacsiga qudaarta, kuwaasi oo markii hore qudaarta fudud looga keeni jiray meelo ka fog fog magaalada Gaalkacyo. Haddaba Roobabkii gu’ga ee lagu diirsadey sanadkan ee misana sida weyn uga da’ay guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay deegaanka Roox beeraha ku yaala u geysteen khasaaro xoogan, kadib markii beeraha deegaankaasi ay ku soo rogmadeen daadad xoogan oo waxyeeleeyay dalagyadii iyo geed miroodkii u baxayay sanadkani beeraleyda gobolka Mudug. Waxaa sidoo kale waxyeelo ka soo gaartey ceelal biyood ay ka dhaansan jireen biyaha oo uu dulsaarnaa matoor biyaha ceelka ka soo saara isla markaana gaarsiiya beeraha, kaasi oo uu dumay dhulkii uu ku fadhiyay, waxaana horey ceelashaasi ugu qoday Hay’adaha samafalka kuwooda qaabilsan arimaha beeraha, laakin haatan waxay ku sii shaqeystaan oo ay beerahooda ku waraabshaan baliyo waaweyn oo ay fariisteen biyihii uu dhigay roobkii gu’ga, kaasi oo uga buuxa xurfooyin ku yaala dhinacyada beeraha deegaanka Roox. Dhinaca kale waxaa ganacsatada gobolka Mudug ee leh beeraha ku yaala deegaanka Roox waxay cabasho lixaad leh ka muujiyeen cayayaan yar yar oo dhibaato xoogan ku haya beerahooda, kaasi oo cunaya geed miroodka beerahaasi ku yaala, waxayna si gaar ah uga cawdeen cayayaanka loo yaqaan dirindiirta kaasi oo aafeeyay dhamaan geed miroodkii beerahaasi. Gaar Yaasiin oo ka mid ah milkiilayaasha mid ka mid ah Beeraha ku yaala deegaanka Roox ayaa xilli uu ku sugnaa gudaha beertiisa, waxaa uu RBC Radio u sheegay in ay jiraan cayayaan dhibaato ku haya dalagii iyo geed miroodkii sanadkan ay ku tiir iyo tacab beeleen, isaga oo sheegay in ay heleen taatiko ay kula dagaalamaan oo ah in ay buufiyaan oo ay ku shubaan had iyo goor dawooyin loogu talo galay in ay cayayaanka ka dilaan dhirta dusheeda, waxaana hawshaasi wada qaar ka mid ah hawl wadeenada beerahaasi oo isticmaalaya haan ay ku jiraan biyo daweysan oo u saaran dhabarka, isla markaana wadata tubo lagu buufinayo dhirta. Ganacsatada beerahani milkiyadooda iska leh ayaa sheegay in ay qabaan rajo weyn oo ah in ay mustaqbalka dhow kaafin karaan dhamaan qudaartii looga iib keeni jiray meelo ka baxsan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhulka fog ee koonfurta Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay rajeynayaan in lagu dhiiran doono hawsha ay wadaan oo ay ku dayan doonaan shacab farabadan oo ka mid ah kuwa ku nool gobolka Mudug. Guud ahaan intaasi ayaan ku soo gaba gabeynayaa barnaamijkii Hadalheynta Qaranka, tan iyo markale Nabad Gelyo. RBC Radio.
  13. Wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland oo shaacisay in ay wado barnaamij wax soo saarka beeraha lugu hormarinayo (Garowe) RBC: Wasiir ku xigeenka wasaaradda Beerha iyo waraabka Puntland Burhaan Cali cilmi ayaa shaaca ka qaday in Wasaaradda Beerha iyo waraabka Puntland Qorshaynayso in ay dhawaan fuliso barnaamij lugu hormarinayo beeraha Puntland. Waxa uu tilmaamay Wasiirka in barnaamijkaa uu yahay mid la doonayo in wax soo saarka beeraha kor loogu qaado asagoo tilmaamay in dadka beeralayda la isku dayi doono in la fahansiiyo in ay wax soo saartaan. Burhaan Cali Cilmi ayaa intaa sii raaciyay in barnaamijkaa ay dahwaan tijaabadiisa ugu horaysa ka fulin doonaan deeganka 22aad ee waqooyiga 22 Km kaga beegan Magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Puntland ayaa ugu danbayntii ugu baaqay Beeralayda Puntland in beerahooda qotaan si wax ay u soo saraan waxuuna sheegay in hadii ay ta samayaan wax badan isbedali doonaan. Hadlka wasiirka ayaa imaanaya xili dhwaan xubna ka socda Jaaliyadaha reer Puntland ee ku dhaqan Dalka UK ay socdaal ku gareen deegaanka EYL kaa oo ay ku wahliyeen Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo saraakiil kale. RBC NEWS
  14. Xaji the 4.5 system is only transitional untill other regions form regional govt!!! So don't get to carried away because koonfurians as you put it have recognized government and you must adhere to our rules because we have the advantage!!!
  15. Showqi yes it is very positive news the factories are coming back.
  16. Londan: Beesha Mudullood oo maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonto maamul goboleedka Waax iyo Waadi. 22. Juni 2010 Londan(AllPuntland)- Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Jaaliyada Mudullood ee wadanka UK ayaa waxa looga dhawaaqay Gudi soo diyaariya qaab dhismeedka Dowlad Gobaleedka loogu magac daray (Waax) iyo (Waadi) , waxaana gudigaasna Gudoomiye looga Dhigay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood ee UK Marwo Jawaahir Baarqab . Gudigan loo xilsaaray iney ka soo shaqeeyaan dhismaha maamulkan ayaa bilaabay xiriiro ay la sameynayaan dhamaan jaaliyadaha Mudulood dibada ee dalalka caalmaka gaar ahaan dalalka Yurub iyo W/Ameerika. Marwo Jawaahir oo war kooban saxaafada siisay ayaa sheegtay in ilaa hada ay dhiseen gudiga ay madaxda ka tahay gudi hoosaadyada dhaqaalaha iyo gudiga farsamada iyo gudiga abaabulka . Sidoo kale gudiga dastuurka ayaa ayaguna soo bandhigay Daraaftiga eey soo diyaarsheen iyo MAPKA iyo xuduudaha eey yeelan Doonto (Waax) iyo (Waadi) sidoo kale waxa gudiga laga codsaday, in muda 30,cisho ah oo kabilaabaneeysa, Maalinta, la magacaabay ineey ku soo geba gebeeyaan howsha loo xil saaray. Beesha Mudulood oo ah beesha ugu dhulka balaaran beelaha daga K/Soomaliya ayaa sida la isla yaqaano waxeey gaar u dagtaa gobolada Banaadir iyo labada shabeele , waxaana dhinaca kale ay beela kale la dagtaa gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaliya. Magacyada Gudiga qaban qaabada maamul goboleedka ( Waax&waadi) 1-Gudoomiye ku xigeen 1aad DR Xuseen Sh Cali Tuure 2-Gudoomiye ku xigeenka 2aad Kamaal Xassan Culusow 3-Madaxa Maaliyad Saciido Axmad Weyne 4-Cabdullaahi Cumar Cadow Fol dheere 5-Hassan Abdi Risaaq Police 6-Hassan Qaasim Hassan 7-Cabdullahi Xassan Mahamad (Wiish) 8-Axmad Geedow Xassan 9-Cabdul Qaadir Maxamad Xuseen 10-Faarax Maxamad Cosoble ( Farax Shop) 11-Qeeys Hurdaaye 12-Saciid Sheekh Xassan (Saciido Dheer) 13- Saciido Cilimi Xassan 14-Caasho Cumar Sheekh. Si kastaba maamulkan ayaa waxaa wadatashigiisa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha Mudulood kuwaas oo talada dhismaha maamulkan ka soo dhiibaya meelaha ay caalamka ka joogaan.
  17. This is a video of Habo Tuna Factory located in Habo Bari Region. It employs up to 1500 people in puntland and is 1 of the 2 fish processing plants of the state the other being las qoray fishery plant. Anyways You can watch the Habo Fish Factory advertisement below
  18. Jaaliyada Mudulood ee UK oo maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonta Maamul Goboleedka Waax iyo Waadi‏ In Somali on June 22, 2010 at 4:00 pm Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen dhamaan xubnaha Jaaliyada Mudulood ee wadanka UK ayaa waxa looga dhawaaqay Gudi soo diyaariya qaab dhismeedka Dowlad Gobaleedka loogu magac daray (Waax) iyo (Waadi) , waxaana gudigaasna Gudoomiye looga Dhigay Gudoomiyaha Jaaliyada Mudulood ee UK Marwo Jawaahir Baarqab Gudigan loo xilsaaray iney ka soo shaqeeyaan dhismaha maamulkan ayaa bilaabay xiriiro ay la sameynayaan dhamaan jaaliyadaha Mudulood dibada ee dalalka caalmaka gaar ahaan dalalka Yurub iyo W/Ameerika. Marwo Jawaahir oo war kooban saxaafada siisay ayaa sheegtay in ilaa hada ay dhiseen gudiga ay madaxda ka tahay gudi hoosaadyada dhaqaalaha iyo gudiga farsamada iyo gudiga abaabulka . Sidoo kale gudiga dastuurka ayaa ayaguna soo bandhigay Daraaftiga eey soo diyaarsheen iyo MAPKA iyo xuduudaha eey yeelan Doonto (Waax) iyo (Waadi) sidoo kale waxa gudiga laga codsaday, in muda 30,cisho ah oo kabilaabaneeysa, Maalinta, la magacaabay ineey ku soo geba gebeeyaan howsha loo xil saaray. Beesha Mudulood oo ah beesha ugu dhulka balaaran beelaha daga K/Soomaliya ayaa sida la isla yaqaano waxeey gaar u dagtaa gobolada Banaadir iyo labada shabeele , waxaana dhinaca kale ay beela kale la dagtaa gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaliya. Magacyada Gudiga qaban qaabada maamul goboleedka ( Waax&waadi) 1-Gudoomiye ku xigeen 1aad DR Xuseen Sh Cali Tuure 2-Gudoomiye ku xigeenka 2aad Kamaal Xassan Culusow 3-Madaxa Maaliyad Saciido Axmad Weyne 4-Cabdullaahi Cumar Cadow Fol dheere 5-Hassan Abdi Risaaq Police 6-Hassan Qaasim Hassan 7-Cabdullahi Xassan Mahamad (Wiish) 8-Axmad Geedow Xassan 9-Cabdul Qaadir Maxamad Xuseen 10-Faarax Maxamad Cosoble ( Farax Shop) 11-Qeeys Hurdaaye 12-Saciid Sheekh Xassan (Saciido Dheer) 13- Saciido Cilimi Xassan 14-Caasho Cumar Sheekh. Si kastaba maamulkan ayaa waxaa wadatashigiisa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda beesha Mudulood kuwaas oo talada dhismaha maamulkan ka soo dhiibaya meelaha ay caalamka ka joogaan
  19. ONLF rebel faction signs ceasefire deal with Ethiopia 22 Jun 22, 2010 - 9:13:08 AM Top officials of Ethiopian rebel group ****** National Liberation Front (ONLF) have reportedly entered into a ceasefire agreement with Addis Ababa, Radio Garowe reports. Mr. Salahudin Haji Abdirahman Maow, Chairman of one of the ONLF factions told reporters in Nairobi that the aim of the agreement which was signed in Germany was to benefit the population they represent. “Our aim for this agreement is to elevate the suffering from the Somali people in Ethiopia, who have been oppressed for the last twenty seven years. The ceasefire would continue for three months,” he said. Hussein Matan, the group’s army commander said they have informed their fighters to cease from any fire in respect to the agreement. The agreement comes at the backdrop of denial by Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi who said on May that his government has not inked any agreement with the ONLF, but pointed out that the said agreement was between the administration in Ethiopian-controlled Somali region and the group. Admiral Mohammed Omar Osman, a senior ONLF leader has previously announced that his group would not ceasefire until the region is liberated from Ethiopian occupation. The ONLF group, which was founded in 1984, is fighting to make the oil-rich Somali region of ****** in eastern Ethiopia an independent state and has warned foreign oil explorers against prospecting on its land. GAROWE ONLINE
  20. Jabhadii ONLF oo kala jabtay & garab la heshiiyay Ethiopia 22 Jun 22, 2010 - 8:49:55 AM Madax sare oo ka tirsan Jabhadda ONLF ayaa sheegay inay heshiis lagu hakinayo xabada ay la galeen Dowlada Ethiopia, iyagoo xusay in heshiiskan uu yahay mid ay ugu daneynayaan shacabka ay matalaan. Gudoomiyaha garab ka mid ah ONLF Mudane Salaaxudiin Xaaji C/raxmaan Macow oo saxaafada kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in saxiixa heshiiskan uu ka dhacay dalka Germany, kadib markii ay wadahadlo dhowr casho socday ku yeesheen halkaas. "Heshiiskan waa mid aan ugu talogalnay inaan ku badbaadino shacabka Somalida ah ee ku nool Ethiopia oo aan xuquuqdooda u dagaalamaynay 27-kii sano ee aan soo dhaafnay, waana heshiis socon doona sadex bilood" ayuu yiri Salaaxudiin oo kula hadlay warfidiyeenka dalka Kenya. Sarkaalka dhinaca ciidamada u qaabilsan ONLF Mudane Xuseen Mataan oo isaguna shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay mid lagu joojinayo xabada socota, ayna ciidamadooda ku wargeliyeen inay xabada joojiyaan. Jahada ONLF ayaa oo la aasaasay 1984-kii ayaa waxay dagaalo adag kula jirtay Dowlada Ethiopia, waxaana dagaaladaas ku dhintay dad badan oo shacab, ajnabi iyo dhiacyadii dagaalamay. Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa [May 2010] ka sheegay Addis Ababa inay heshiis kula jiraan garabka ugu awooda badan Jabhada ONLF, wuxuuna ku tilmaamay heshiiskaas mid u horseedaya Kililka Shanaad horumar iyo nabad. ONLF ayaa waxaa u muuqataa mid u kala jabtay laba garab, iyadoo garab ka mid ah uu hogaamiyo Admiral Maxamed Cumar Cismaan, kaasoo sheegay inaysan joojinayn dagaalada ay kula jiraan Dowlada Ethiopia inta ay xoreynayaan dhulkooda. Dowlada Ethiopia ayaa sidoo kale sanadkan waxay heshiis la gashay Jabhad kula dagaalami jirtay dhulka Somalida-Ethiopia oo lagu magacaabo UWSLF iyadoo mas'uuliyiinteeda iyo taageerayaasheedu ay shirar ku leeyihiin Ismaamulka Somalilida ee Dalka Ethiopia. Talaabadaani ayaa qeyb ka ah dhibaatooyinka jabhadaha iyadoo dad badani oo shacab ay ku dhintaan dagaalada kadibna siyaasiyiinta jabhadaasi ay la heshiiyaan maamulada jira. GAROWE ONLINE
  21. This is hilarious interview of saleban cisse xaglotosiye in 2009 when he was running for puntland presidency. Saleban Cisse 2009 Today this guy is saying he is fighting with puntland!!! So why didn't he fight with Puntland 2009? ahhhh so when he lost the election is when he started fighting with puntland now that explains alot!!!
  22. Now my suggestion to the puntland chamber of commerce is to set up an insurance company to guarantee the safety of local businessmen assets in cases of damage and thus this will give more businessmen peace of mind when investing into the state. Domestic and Foreign Investment into Puntland is crucial to development of the state and we need to safeguard it by not only giving our verbal assurance but providing insurance to businessmen and their assets. I hope this meeting will provide results to the people of puntland and it's very important issue that needs to be addressed.
  23. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo Ganacstada Ugu Baaqay inay Dalka Hantidooda Geliyaan (Sawiro) Gudoomiyaha Rugta Puntland Boosaaso (RBC) Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamud Xayir Ibraahim ayaa ganacsatada ugu baaqay inay hantidooda geliyaan dalka si ay taasi dhiirigelin ugu noqoto maalgashadayaasha ajnabiga ah. Maxamud Xayir oo wareysi gaar ah siiyey RBC Radio ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka dalka ay ku jirto dhiirigelinta ganacsiga xorta ah iyo in dadka muwaadiniinta ah ay iyaga dalkooda ka shaqeystaan hantidoodana ku aaminaan. “Waa sax ganacsiga iyo wax soo saarka gudaha waa in la dhiirigeliyaa, anaguna hadaanu nahay masuuliyiinta rugta ganacsiga waxaa na saaran masuuliyad, dowlada lafteeda dadaal badan ayey ka geysatey, haddana sidaas oo ay tahay waxaa loo baahan yahay in dhamaad ganacsatada ay dalka maalgashadaan”, ayuu yiri gudoomiyaha. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga wuxuu ka waramay kulan aqoon isweydaarsi ah oo haatan ka socda xarunta rugta ganacsiga kaasoo looga hadlayo dhiirigelinta maalgashiga iyo ganacsiga xorta ah, wuxuuna sheegay inay dhowaan qaban doonaan kulamo kale. “Ujeedada kulamadan waxay tahay in sare loo qaado lana dhiirigeliyo fahamka ganacsatadeenu u leeyihiin maalgashiga taasina waxaan fileynaa in gabagabada shirkan ay miro fiican ka soo baxaan”, ayuu yiri Mudane Xayir oo intaa ku daray mahadcelin uu u soo jeediyey ganacsatada oo uu sheegay inay dadaal badan iyo wadaniyad muujiyeen. Mar aan gudoomiyaha wax ka weydiinay sida loo kala maareyn karo waxyaabaha dibada laga keeno ee dalka soo gala iyo wax soo saarka gudaha dalka lagu sameeyo ayuu sheegay in rugtu ay kaalin ka geysan karto kaliya marka la helo cid damaanad qaada in waxyaabaha dadku u baahan yihiin uu si waafi ah u gaarsiin karo suuqyada. Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo RBC uga warbixiyey shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ee looga hadlay arimaha Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in shirkaasi ay kasoo bexeen miro la taaban karo guulna u ah Soomaalida dhamaanteed. Wuxuuna xusay in taasi laga dareemi karo wufuuda tirada badan ee lagu martiqaaday shirkaasi oo ay dhinaca Puntland uga qeybgaleen wafdi uu hogaaminayey madaxweyne C/raxmaan Faroole uuna ka mid ahaa gudoomiyaha rugta ganacsiga. Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale si weyn u soo dhoweeyey isbedelkii xagga canshuurta ee lagu sameeyey xoolaha ka dhoofa dekeda Boosaaso taasoo uu sheegay inay sare u qaadeyso dhoofka xoolaha nool oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliyeed ee waqtigan jira. -Wareysigan oo cod ah waxaan soo gudbin doonaa goor dhow. Cabdalle Muumin RBC Radio