Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Wakiilo Ka Socda Wasaaradaha Arimaha Gudaha DKMG iyo Puntland oo Kulan uga Furmay Garowe Garowe (RBC) Waxaa maanta lugu qabtay Xarunta Jaamacdda PSU ee galbeedka Magaalada Garowe kulan baalaran oo ay ka soo qayb galeen Xubna kala duwan oo ka kala socda Gobalada Puntland iyo Gobalada koofureed qaarkood. Kulan kaa oo ay soo qaban qaabisay Hay,adda ILO oo ah Hay,adda hoostgata UNka ahna Hay,adda Shaqaalaha aduunka ayaa waxaa goob joogyaal ka ahaa Xubna ka socda Wasaradda arimaha gudaha DKMG ah iyo Dowlada hoose ee Gobalka Banaadir iyo wasaarada arimaha gudaha Puntland iyo Dowladaha hoose ee Gobalada Puntland. Shirkaa oo socon doona muda laba maalin aha ayaa waxaa ka soo qayb galay 40 xubnood waxaana ay kaga doodi doonaan sidii wada shaqayn buuxda u dhaxmari lahayd Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradaha Arimaha gudaha Puntland iyo DKMG ah iyo Dowladaha hoose . Inta uu socda kulan kaan ayaa xooga waxaa lugu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqayn dhaxmarta Wasaaradda arimaha Gudaha iyo Dowlada hoose iyo Shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay. Taasoo iminka wada shaqaynta ka dhaxaysa aysan ahayn mid si wayan u muuqata. Waa markii ugu horaysay ee barnaamij nuucaan oo kale ah laga fuliyo Puntland in muda ah waaxana arintaan aad u soo dhawayay ka soo qaybgalayaashii kulan kaa joogay oo saxaafdda la hadlay. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland oo Ku Taliyey in Shirarka Dibada Ka Dhaca Loo Soo Wareejiyo Puntland (Garowe) RBC: Wasiir Dowlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gashaan oo maanta ka qayb galayay kulan maanta uga furmay xarunta jaamacdda PSU xubn ka kala duwan oo ka ocda DKMG ah iyo Puntland ayaa sheegay in Puntland cid kasta soo dhawaynayso. Waxa uu sheegay wasiira Dowlaha in puntland waxbadan ku cel celisay kulamada lugu qabto Kenya iyo Jabuuti in halkaa lugu qabto maadama ay tahay goob nabdoon sida uu sheegay hasayeeshee waxa uu sheegay in arintaa ay ka dhega adeegaan. Mr Gaashaan ayaa intaa sii raaciyay in Puntland ay ku dagaalanto sidii dadka soomaalida la isku soo jiidi lahaa waxuuna tilmaamay in arintaa ay tahay tan Puntland had iyo jeer ku cel celiso oo ay hamiga ku hayso . Wasiira Dowlaha ayaa tilmaamay in dhoor jeer ayaa madaxda DKMG ah kal hadlay in Puntland ku qabsadaan kulamada dalka dibadiisa lugu qabto iyo sidoo kale tartamada ciyaaraha .la qabto. “Runtii waxaan hada ka hor la kulmay allah u naxaristee wasiirkii hore ee Sportska DKMG ah Salaymaan colaad rooble waxaana xaqiidii kala hadlay in tartamada ciyaaraha lugu qabto Puntland asna waa iga aqbalay marka wax kasta hadii sidii loo dhaho u fulaan waxba ma dhacayn” sidaa waxaa yiri Wasiira Dowlaha Mamul wanaga Puntland. Maxamed Faarx ciise Gashaan ayaaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Bulshada soomaaliyeed lugu dadaalo in mel iskugu yimadaan waxuuna xubnaha kulan kaa ka soo qaybgalay ee ka socday DKMG ah u jeediyay in madxda DKMG ah ay kula taliyaan sidii Soomaliya isku keeni lahaayeen. Ma ahan markii ugu horaysay ee Puntland ka hadasho arimaha la xariira DKMG ah iyo Puntland fikirkeeda ku aadan soomaaliya waxa ayna Puntland ku cel celisaa in xudun ay u tahay Soomaaliya. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Dab Ka Kacay Isbitaalka Puntland ee Magaalada Bosaaso (Sawiro) June 28, 2010 Waxaa duhurnimadii maanta dab ka kacay qayb ka mid ah Isbitaalka gaarka ah ee Puntland Hospital ee ku taalla galbeedka magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dabka ayaa ka kacay qaybta hoose ee Isbitaalka gaar ahaan qolalka keydka daawooyinka,waxaana uu ahaa mid aan sidaas oo xooganayn. Waxaana durbadiiba halkaas gaaray Ciidanka dab demiska ee Dowladda Hoose kuwa oo watay gaariga dab demiska iyadoo ay sameyeen dadaalo ay ku daminaayeen dabkaas oo aan ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha dabta ah ee ka dhashey. Maamulka Isbitaalka ayaa iyagu weli ka hadlin dabkaan qaabka uu ku kacay oo la isweydiinaayo. Xilliga uu dabka kacaayay ayaa waxaa jiifay qaybaha kale ee uu isbitaalka ka koobanyahay bukaano kala duwan oo arimo caafimaad u jooga,balse dabka ma uusan gaarin qaybtaas. Dabka ayaa saacado kooban ka dib lagu guuleystay damintiisa. Horseed Media
-
Ibtisam sool and sanaag didn't vote. They are just using fake figures. Garoweonline told us what somaliland will being doing!!!
-
Dadweynaha Garowe oo Soo Dhoweeyay Ka Hortagii Doorashada Somaliland ee Gobolada SSC Garowe (RBC) Shacabka ku dhaqan Magaalada Garowe ayaa si wayn u soo dhawayay ka hortagii ay ku sameeyeen dadka ku dhaqan Gobalada Sool Sanaag iyo Cayn sanaadiiq uu deegaankaa keenay Maamulka soomaliland xiligii doorashada Maamulkas.socotay. Waxa ayna dadkaa reer Garowe sheegeen in ka hortagaa uu ahaa mid ay ku muujiyeen dadka Gobalada SSC in ay yihiin dad reer Puntland ah waxa ayna sheegeen in arintaa ay si wayn u soo dhawaynayaan. Degaano dhoor ah oo ku yaala Gobalada SSC ayaa si wayn waxaa dadka deegaanka ay kaga horyimiaadeen sanaadiiq Maamulka Soomaliland uu halkaa keenay kuwaas oo sababay in rabshado qayba ka mid ah Gobaladaa ka dhacaan. Fikradaha dadkaa ay ku cabirayeen sida arintaa u arkaan ayaa waxaa int badan ay xooga saarayeen sida Maamulka Soomaliland uu arintaa ugu soo dhiiraday waxa ayna sheegeen in Gobalada SSC ay yihiin gooba uu ka arimiyo Maamulka Puntland. Waxa ayna ugu baaqeen Dadka ku dhaqan gobaladaas in ay la dagaalamaan cidii ay u arkaaan in ay faragalin ku hayso deeganadooda islamarkaana aysan u dul qaadan in xoog lugu qabsado ama lugu qasbo wax aysan raali ka ahayn. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Xaflad Loo Dhigay Arday Ka Qalin Jebisay Dugsiga Alwaax ee Magaalada Garoowe (Sawiro) June 27, 2010 Dufacadii 8-aad ee dugsiga hoose,dhexe iyo Sare ee Alwaax ayaa xaflad qalan jebin ah ku qabsaday Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe. Xafladaan ayaa kasoo qaybgalay Wasiirka Maamul wanaaga Puntland,Duqa degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi,masuuliyin ka socota Jaamacadaha magaalada Garoowe iyo dadweyne kale. Duqa degmada Garoowe ayaa ugu horeyn furay xaflada,waxaana u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu kasoo qaybgalo munaasabadaan ay dhigteen ardayda ka qalin jebisay dugsiga sare ee Alwaax,wuxuuna ku booriyey ardayda in ay waxbarashada sii wadaan aysana ka harin. Maamulka dugsiga oo goobtaa ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga uu yahay midka ugu da’a weyn dugsiyada ku yaalla magaalada kasoo la furay burburkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya.wuxuuna xusay in lagu barto luuqadaha Ingiriiska iyo Carabiga. Xaflada inta ay socotay ayaa ka hadlay masuuliyin kala gedisan oo ka socotay Jaamacadaha PSU,Bariga Africa iyo Jaamacada GTEC oo ku wada yaalla magaalada Garoowe,waxaana ay intooda badan ku dheeraadeen muhiimada ay leedahay waxbarashada iyagoo dhiirageliyey ardayda qalin jebinaysay. Abwaan Shube ayaa goobtaa kasoo jeediyey tix gabay ah ugu talagalay xaflada ay dhigteen ardayda kasoo baxday dugsiga sare ee Alwaax,waxaana uu gabaygiisa ku sheegay in dhalinyaradaan looga fadhiyo in ay bulshada ka dhex iftiimaan. Wasiirka maamulka Wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashan ayaa ugu dambeyntii halkaa ka hadlay,wuxuuna mahadcelin usoo jeediyey ardayda qalin jebinaysay isagoo ku baraarujiyey in ay halkaas kasii wadaan dadaalkooda isla markaana xoojiyaan waxbarashada. Ardayda ka qalan jabinaysay Dugsiga Sare Alwaax ayaa ahaa arday dhan 60 Ruux kuwasoo ilaa iyo dugsiga hoose wax ka baranaayay dugsiga alwaax ee magaalada Garoowe. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland
-
Libaahe puntland and gedo ties doesn't concern you. Just pray to god that your election that your boasting about doesn't end up in flames when it is over.
-
Liibahe This is a thread dedicated to d-block fam and how we can cooperate together to benefit each other. We already share ties at the traditional level like clan elders but we need to extend it. Military and Economic Ties with Galguduud and Gedo would be beneficial for all of us. Obviously we can't share a govt due to geographical reasons but we can benefit from the distance. Agriculture from gedo shipped from kismaayo to bossaso can enhance trade. Military ties can be formed also so we can work together in the north and south and just requires the right stakeholders. I personally am willing to let go off kismaayo if this means streghtened ties between gedo and garowe however I won't tolerate that kismayo is ruled by anyone that aint d-block. If canoole realized when morgan was nowhere to be seen they went and camped with turki even though turki shares political ties with dahir aweys. I personally know that puntlanders will accept a kismayo that is d-block managed even if it's not us managing it however what we refuse is these slidy acts of getting assistance from dahir aweys. Morgan never needed to get assistance from the usc why do they even though their is alot more gedo ppl then puntlanders in the south. Anyways what this thread is about is how we can streghten ties to gedo/galguduud/jubba even at military/economical level would be sufficient enough for all respective stakeholders and we all benefit not just puntland but all do.
-
Freedom no but saving puntland is priority for me not somaliland. I don't view that place as my home!!!
-
Alot of people have said to save puntland is to install a multi party democracy so all clans are equal and can be muxafid and mucarad. I believe this would've of solved the ssc issue because if their were parties available the ssc folks would form an opposition party without leaving the state. What I predict is if Puntland becomes multi party state this how the political future of our regions will look. 1 Party whatever name it is will base their policies upon "security" and securing the borders from galmudug and somaliland aggression. I believe that hisbi will have mudug/ssc/makhiris as members because this is an issue that concerns them and can unite them. Infact when farole was elected all the mudug votes went to ilkajir(makhiri) and the strongest supporters of Abdullahi yusuf were mudug/ssc/makhir and they still are supporters of him. Then their will be another party that simply promotes itself on "development" of puntland. This party will enjoy wide-spread support from bari people as their concerns at local level is not "enemy" aggression because they live in safe-zone and far away from enemy clans and thus their goals are more development based and infact it's secret rule in Bossaso "Don't go there unless you bring a mashruc" to advance the society. The third party will be garowe boys. These people are very similar to bari and don't have any external enemy threats because garowe is a safezone bordered by bari and mudug and sool and thus are not very security conscious nor do they like hearing about "we will go fight" however if they do fight their is all hell to pay for the enemy as "aideed" learnt in galkayo. The nugal party policy will be probably be the middle zone between bari and mudug and be development/security combination policy as their card to win votes from the public. I think they will also be very international conscious guaranteeing that puntland needs to open up more embassies and streghten international relations. So that's probably how the puntland multi parties will look like and their policies. The question is what is stopping it? well i think it will happen during farole term and the next election in 2012/2013 will be party based. Plus from what my father has told me and he knows of the secret meetings that occurred in garowe before farole was elected that he will be last ssdf leader of puntland. Infact my father saying the people are worried that we will fight for power like that occurred between jamac ali jamac and abdullahi yusuf and it nearly occurred between cade muse and farole and that is why abdullahi yusuf had to come to calm things down between cade and farole even though it was all kept behind "closed doors". Anyways after farole leaves what I am aware of is their will never be an ssdf leader and infact that was signed between all respective stakeholders. That is why alot of the garaads and makhiris like ilkajir are pro puntland still because they are aware of the pact-signing before farole that occurred and what that means. The weird thing is multi parties will probably save puntland from dis-integrating and farole should hurry up an enact it as soon as possible so we can save our state. I can't wait to hear parties campaigning through-out puntland to get votes can you imagine what ilkajir saying "it's time we get erigavo back vote for me as puntland president" or someone like mohamed abdi hashi saying "we must secure all our borders and this is non-negioble to habarta in burco or habarta in galmudug" Or someone from my clan such as maxamed abdi awaare saying to voters "vote for me and i will make sure that oil money sees every citizen backpocket". Puntland all united and strong an must remain strictly d-block fam. Their can be other clans livig there like usc/rra however not involved in the political scene!!! I believe also we need to extend our ties to our brothers in galguduud and include them in the administration. From what I saw on gedonet just 1 tuulo in galguduud was bringing out 3 tanks and 11 military trucks and that was not even abudwak but a mere tuulo called called bangeele in galguduud region. Forget about what their holding in their strongholds at gedo and kismayo. Some of the tanks at bangeele tuulo Economic wise galguduud ppl are linked to bossaso anyways. We should form some form military ties and have them bring in their weapons for servicing at garowe vehicle repair centre below Plus their troops could do with a bit of training at carmo below. So We should focus on streghtening ties in jubba areas and galguduud areas. We already share an economical tie. We share no military nor political ties therefore their needs to be politician in puntland to extend our relationship with the abudwaq boys to at least a military level and preferrably a political level. If we can't convince them to join politically well lets streghten military ties between us. We will let them service their weapons at garowe and even train their boys at carmo whilst they come in and join puntland when we are at war against galmudug and somaliland or even hamar. We need to streghten ties with other d-block people and someone in puntland should realize this and this will also guarantee peaceful co-existance at kismayo if ties are good between abudwaq and garowe.
-
Libaahe if a port will be built in the central regions believe me it will be gara'ad not hobyo. Las Qoray Port is acceptable because Puntland will collect the taxes. However galmudug port is not accepted as another administration will benefit from the port-taxes. As for your sanaag zone buddy you will continue paying your taxes to puntland and contribute to building the State of Puntland!!!
-
Puntland Bossaso Port business traffic will not be jepordized by any group in somalia be it galmudug or somaliland. Bossaso port will continue to service The following Regions. 1. Bari 2. Nugal 3. Mudug 4. Hiiran 5. Galguduud 6. Sool 7. Toghdher 8 Sanaag 9. ONLF State This is not negioble and we will not allow the construction material that you require to build the port to reach you. Same goes for deked at maydh. Berbera guys know not too provide an avenue for the sanag boys to get a deked of their own. And Bossaso will make sure they don't use our port to import the construction material.
-
DHISMAHA DEKADDA HOBYO WAXAA HORTAAGAN DEKADDA BOOSAASO!! By. ANISO CALI. Jun,18,2010 www.Hobyoradio.com DHISMAHA DEKADDA HOBYO WAXAA HORTAAGAN DEKADDA BOOSAASO!! By. ANISO CALI Dhismaha dekkada magaalada Hobyo waxaa hortaagan dekadda magaalada Bosaaso, maxaa yeelay badeecada laga soo dejiyo dekada magaalada Boosaaso waxaa la geeyaa ilaa magaalada Beladweyne oo Caasimada Soomaaliya u jira 350 km. Hadii la dhiso dekada magaalada Hobyo waxay fursad u noqoneysaa dadka ku dhaqan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya iyo Kallinka 5aad ee Soomaalida Itoobiya oo safar dheer iyo dhibaato badan ku qaba ganacsiga ee laleeyihiin dekada Boosaaso oo aad uga fog deegaanadooda. Waxaa marag ma doonto ah in dadaal kasta oo la isku dayo oo ku aadan dhismaha dekada magaalada Hobyo uu fashil ku dhamaanayay , taasna waxaa sabab u ah Ganacsatada Putland oo hanti fara badan ku bixiya sidii ay ku ilaalsan lahaayeen suueqooda ugu muhiisan waa Gobolada Dhexe ee Soomaaliya. Dib u xasuuso Shirkadii Bannaadir ee Gacanta ku heyn jirtay dekadda Ceel-macaan , hadafkooda ugu weyn wuxuu ahaa in aan dib loo furin dakadda weyn ee Muqdisho, maxaa yeelay nin dadka Muqdisho ay u furan tahay uma baahna Ceel-macaan. Haddii la dhiso oo ay shaqo bilowdo dakada Magaalada Hobyo waxaa hubaal ah in dadka ku dhaqan Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya ay dhaqaale ahaan soo kaban doonaan, fursado shaqo oo aysan hada heysan ay heli doonaan. (DAHAB LUMAY NINBA SI U DOON-DOON) ANISO CALI Ardoo5@hotmail.com
-
I don't foresee a smooth of transiton of power in somaliland. What I foresee is a great backlash if siilanyo enters office and it will be split down tribal lines. Where-as if Riyale stays in power which I think he will Siilanyo will just disappear and las anod will come to puntland and erigavo also. The whole deal puntland went into with boqor burmadow was to leave that region alone untill silanyo gets into power and siilanyo will hand those regions over peacefully. However if siilanyo doesn't enter office we will use military force against rayale and his stooges. So really these elections seem interesting and can't wait for the results
-
Eastern Sool because according to somaliland sools lies in the eastern areas where-as puntland constitution says "waqoyi bari"..waqoyi=sool and sanaag and bari=mudug/nugal/bari
-
Oodweyne I can't help you can not read english. The article clearly states "voting hasn't taken place in sool". Let me bold it out for you. A female electoral commission officer was shot dead in fighting between Somaliland forces and rebel group Sool Sanaag Cayn in the troubled eastern region of Sool , according to an international election coordination mission led by London-based development charity Progessio. Voting hasn’t taken place in the area , said Michael Walls, joint coordinator of the mission. The guy is speaking about sool as a whole or else he wouldn't mention the whole region. He says voting has taken place in the area and the area he is talking about is sool because he said sool not degaan of sool. This article is speaking about the whole sool region not taking part in the election or else what else is it saying?
-
oodweyne, garoweonline is very well respected media outlet. Don't accuse it of propaganda because I can guarantee you what they say on garoweonline is always backed up with solid evidence!!! Now lets go back to where we were. "Waxaa la filayaa in codadka lagu daro degaanada ay sheegato Somaliland ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyada lagu khaldayo ra'yi caalamka," sidaas waxaa yiri goob jooge ku sugan Hargeysa oo diidey magaciisa in la xuso.
-
oodweyne, ok let me break it down for you once again as you simply don't get it ama you just keep accepting the lies of your brothers in hargeisa. Read carefully this article!!! Breakaway Somalia Region Holds Peaceful Presidential Election June 26, 2010, 12:52 PM EDT By William Davison June 26 (Bloomberg) -- Somaliland, a breakaway region of northwestern Somalia, held a presidential election that was mostly peaceful today, with fighting limited to a disputed eastern region, international election observers said. Most of the polling stations were orderly and organized, said Richard Williamson, a former U.S. ambassador to the United Nations and presidential envoy to Sudan, who along with International Republican Institute President Lorne Craner is leading the Washington-based group’s team of election observers. Military vehicles are patrolling the capital city of Hargeisa and all private vehicles and public transport have been ordered off the roads. The election in one of the few peaceful and democratic territories in the Horn of Africa has been delayed for two years because of wrangling over voter registration. President Dahir Riyale Kahin of the United Peoples’ Democratic Party is facing challenges from Ahmed Mahmoud Silanyo of the Kulmiye party and Faisal Ali Warabe from the Justice and Welfare Party. About 1 million people are registered to vote. “It’s good for stability, their future and can do nothing but help them to get international recognition and investment,” Williamson said in an interview. A female electoral commission officer was shot dead in fighting between Somaliland forces and rebel group Sool Sanaag Cayn in the troubled eastern region of Sool, according to an international election coordination mission led by London-based development charity Progessio. Voting hasn’t taken place in the area, said Michael Walls, joint coordinator of the mission. Riyale became president of the former British colony in 1992 and won election to the post in 2003, after his party defeated the opposition Kulmiye party by 80 votes. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 and largely escaped the violence in the remainder of Somalia. No country has recognized Somaliland as an independent state. The polls closed at 6 p.m. local time. --Editors: Kristen Hallam, Andrew Noel To contact the reporter on this story: William Davison in Hargeisa via London at khallam@bloomberg.net To contact the editor responsible for this story: Dick Schumacher at dschumacher@bloomberg.net
-
"Waxaa la filayaa in codadka lagu daro degaanada ay sheegato Somaliland ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyada lagu khaldayo ra'yi caalamka," sidaas waxaa yiri goob jooge ku sugan Hargeysa oo diidey magaciisa in la xuso.
-
Qudhac hiding in 1 bedroom isn't voting lol. Puntland said the election is not happening therefore it's not going to happen sool/sanaag. Hargeisa-Burco-Berbera is where the election is happening.
-
Ra'isal wasare Sharma'arke oo magacabey Xukumad cusub 26 Jun 26, 2010 - 10:36:19 AM GAROWE ONLINE Ra'iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu magacaabo gole wasaaradeed cusub, sida ay sheegayaan wararka ay Garowe Online ka helayso xafiiska Ra'iisul wasaare Sharma'arke. Golaha wasiirrada ee cusub ayaa waxaa qayb ka ah Ururka Ahlusuna Waljamaaca oo horay heshiis awood-qaybsi ah ula galay Dowlada Somalia, iyadoo ay wasiiradan ku jiri doonaan xubno aan horay uga mid ahayn. "Wasiirada cusub ee la magacaabayo waxaa ku jira Axmed C/salaan oo hormuud ka ahaa heshiiskii ay kala saxiixdeen [March 15, 2010] DF iyo Ahlusuna, waxaa loo magacaabayaa Wasiirka arimaha gudaha" ayay tiri il wareed ay la xiriirtay GO. Ra'iisul wasaaraha Somalia oo bil ka hor ku gacansayray go'aan uu Madaxweyne Sh. Shariif ku gaaray inuu xilka ka eryay ayaa wuxuu qaatay go'aankan uu kusoo magacaabo gole wasaaradeed oo cusub. Madaxweyne Sh. Shariif iyo Sharma'arke ayaa isku afgaran waayay wasiirada cusub ee la magacaabayo, iyadoo wararka xafiiska Ra'iisul Wasaaraha laga helayo ay sheegayaan inuu Sharma'arke ku adkeystay inuu ku dhawaaqo wasiirada cusub. Sh. Shariif ayaa la sheegay inuu gaashaanka ku dhuftay wasiirada uu soo gudbiyay Sharma'arke, kuwaasoo ay ka maqan yihiin xubno badan oo ay Jaal yihiin Sh. Shariif, kuwasoo ka mid ahaa Isbahaysigii ARS, sida Sh. C/raxmaan M. Faarax [Janaqow] iyo Sh. C/qaadir Cali Cumar. Wasiirada cusub ayaa waxaa ku jiray Mustaf Sh. Cali Dhuxulow oo la-taliye sare u ahaa Madaxweyne Sh. Shariif balse hadda xulufo ah la ah Sharma'arke, kaasoo lagu badalay Sh. C/raxmaan Janaqow, halka wasiirka arimaha dibada laga dhigay Max'ed C/llaahi Oomar oo bishan iscasilay. Madaxweynaha Somalia ayaa laga sugayaa inuu ansixiyo golaha wasiirada ee cusub oo tiradooda lagu sheegay 27-xubnood, kuwaasoo badalaya golaha hada shaqeeya oo dhowr wasiir oo lagu dilay qaraxyo ay maleegwwn ururada mucaaradka ku ah dowladda. Ra'iisul wasaare Sharma'arke ayaa rumeysan in Golaha Wasiirada ee cusub ay ka wanaagsanaan doonaan xaga waxqabadka wasiirada hadda shaqeeya oo qaar ka mid ah ay iska casileen xilalkooda kuna eedeeyeen dowlada waxqabad la'aan. Dhinaca kale waxaa jira warar aan la xaqiijin oo sheegaya in Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid jagada Wasiirka arrimaha dibada siiyey nin ay aad isugu dhowyihiin Madaxweyne Sheekh Shariif Xasan Macalin oo ah iminka agaadimaha guud ee Madaxtooyada Somalia. Lama oga sababta xilka looga qaadey Jangali balse wararka ayaa xusaya in Ra'isal wasaaruhu rabo inuu ku qanciyo liiskaan Madaxweyne Sheekh Shariif.
-
Ilka-dahable your wlc. But this is thread to include what you know of because i don't know every single project that is happening. The last i heard on the oil thing was about 1 month ago and it seems to be going ok. Here is the head of african oil being questioned on tv regarding the oil exploration http://watch.bnn.ca/commodities/may-2010/commodities-may-27-2010/#clip306596
-
Sol, Sanag & Ceyn oo intooda badan doorasho ka dhicin 26 Jun 26, 2010 - 3:00:18 AM Wararka naga soo gaaraya degaanka Kalabeyr oo 30km u jirta magalada Laascaano ayaa waxaa ku dhintey madaxii doorashada Somaliland kadib markii ay dagaal la galeen dadka degaanka oo diidan codbixintaan. Wararka ayaa intaas ku daraya in magalooyinka waaweyn ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan ka dhicin wax doorasho ah ee la sheegi karo halka warar aan la xaqiijin sheegayaan in magaalada Ceerigaabo muran xoog weyn ka tagaan yahay oo dhinaca codbixinta ah kasoo u dhexeeya xisbiyada UDUB iyo KULMIYE. Xisbiyadaan ayaa warar aan la xaqiijin sheegayaan iney bixinayaan lacago laaluush ah oo mid walba raadinayo in sanaadiiqda ku buuxsadaan. Magaalada Dhahar iyo Baran oo ay ku sugan yihiin wafti heer sare ah oo ka tirsan Xukuumada Puntland ayaa sheegaya ineysan jirin wax codbixin ah oo halkaas ka dhacdey. Hadaaftimo wararka ka imaanaya ayaa la sheegaya in halkaas sanaadiiq codbixin oo taaley laga saarey kadib markii xubnihii wadey oo ka tirsanaa dadka degaanka ay amar ku siiyeen wafti uu hogaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Ilkajiir iney ka baxaan halkaas. Magaalada Laascaano ayaa wararku sheegayaan in xaaladu kacsan tahay iyadoo sanaadiiqda codbixinta tahay mid isu-soo bax balaaran uusan jirin oo lagu qarinayo goobo qarsoon. Tuulooyinka degaamadaas ayaa waxaa ku sugan dhinaca kale xildhibaano ka tirsan Barlamanka Puntland. Guddi doorashada Somaliland ayaa horey u shaaciyey maalintii shaley tirada dadka ka qayb galeysa doorashada iyada oo gobolka Sool lagu qorey iney iska diiwaan galisay 98,000 halka Sanaag lagu sheegey 48,000. Goob joogayaal ku sugan magaalada Hargeysa ayaa GO u sheegey in doorashada Somaliland ka dhacey magaalooyinka waaweyn sida Burco, Hargeysa iyo Barbera iyo degaanada ku hareereysan kuwaasoo ay degan yihiin tageerayaasha xisbiyada ku hardamaya madaxtinimada Somaliland [uDUB, KULMIYE iyo UCID]. "Waxaa la filayaa in codadka lagu daro degaanada ay sheegato Somaliland ee gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn iyada lagu khaldayo ra'yi caalamka," sidaas waxaa yiri goob jooge ku sugan Hargeysa oo diidey magaciisa in la xuso. Garowe online ayaa sii guud idinku soo gudbin doona warbixino sida ay u dhacdo codbixintaan. GAROWE ONLINE
-
Madaxweyne Shariif oo Xaley Ka Hadlay Doorashada Somaliland Maanta Ka Dhacaysa Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya Shaeekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xaley khudbad dheer oo uu ka jeediyey munaasabada xuska 26-ka June waxaa uu kaga hadlay doorashada madaxtinimada ee maanta ka socota degaanada Somaliland. Wuxuu Sheekh Shariif ku tilmaamay doorashada guul ay gaareen shacabka Somaliland, balse loo baahan yahay inaysan ilaawin in midnimadii dalka ay weli muqadas tahay. “Waxaan ognahay in shacabka Somaliland ay caawa ku jiraan doorasho, weliba ay si amni ah ugu jiraan, waxaan ugu hanbalyeynaynaa dadaalka ay nabada iyo horumarinta bulshada u galeen iyo habka furan ee siyaasadeed ee ku dhisan doorashada xorta ah oo ay hogaankooda ku xushaan si nabad ah oo cod furan ah”, ayuu yiri madaxweynuhu. Wuxuu intaa ku daray: ” Waxaan diyaar u nahay in wax kasta oo tanasul ah iyo xaalmarinba ah aannu u samayno walaalaha Somaliland ee Gobolada Woqooyi si loo helo midnimo Qaran loona dhayo dhibkii goboladaas ka soo gaaray dhacdooyinkii ugu danbayntii sababay bur-burka. Waxaan si gaar ah u xusuusinaynaa Madaxda iyo Shacabka gobolada woqooyi ee Somaliland in xaaladda Soomaaliya ay ka duwan tahay xaaladdii 1991 – waayo waqtigaan waxaa dalka nagu haysta — ha noqoto koofur, ama puntland, ama Somaliland – dad nabad-diid ah oo u adeega Al Qaacidda, kuwaas oo haddii ay koonfur guula ka gaaraan ku soo maqan, Puntland iyo Somaliland – waana xaallad amni ah oo adag, oo taariikhiga ah dareen iyo farsamo cusub in lagu waajaha ah”. Madaxweynaha dowlada ku meel gaarka Soomaaliya oo ka hadlay munaasabada xaley saqdii dhexe iyadoo amaankana si weyn loo adkeeyey ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in 50 sano ka dib xoriyada maanta la raadinayo midnimada ummada Soomaaliyeed. “Waxaa laxow leh in 50 sano kaddib maanta la raadiyo midnimo iyo madax-banaani Soomaaliyeed ee aan goor hore hannanay. Arrintani waxaan ku tilmaami karaa oo kaliya, in ay tahay nasiib darro iyo musiibo ku dhacday umadda Soomaaliyeed, isla markaana aan lagu eedayn karin cid kale oo shisheeye ah. Waayo, Ilaahay wuxuu quraankiisa ku yiri: tahluukada haku doonanina gacmahiinna. Iyo aayadda kale oo oranaysa “wixii musiiba ah oo idinku dhaco, waa waxaad gacmihiina ku keensateen, wax bandanna ilaahay ayaa idiin cafiyo”, ayuu yiri madaxweynuhu. Sheekh Shariif wuxuu guud ahaan shacabka ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan waxa uu ugu yeeray kooxaha shisheeyaha ee amni darrada ka wada gudaha dalka. RBC Radio