Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
Why the hell has the military trucks of puntland been converted to police trucks? I guess when they say "Puntland cidna duulan kuma ahan" their is something in that. I would love to know where all the tanks of aideed that were captured in the galkayo war went? They were stored in bur-salax, siinay and other parts mudug? But I have no clue if thats the case today. Plus what other weapons have been bought since the 90's would be really good investigative article if someone from puntland media would that. I know Yusuf Was big fan of getting new weapons. I mean just look at what he toys he gave his personal bodyguards He invested everything into the army i know that for a fact. But what about today? Their needs to be investigative article On Puntland Weaponry from 1991 till today. Because 1991-1993 we were nowhere to be seen in the political scene and all of sudden after aideed defeat we rose back up to the top. Did aideed weapons being captured change our fate? It obviously change aideed clans fate look at them today. Anyways guys I think Puntland media should do huge investigative article on this because I know I am interested into knowing Puntland weapons inventory!!!
-
Monday, July 5th, 2010 at 12:44 pm Shil Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Ka Dhacay Wadada Isku Xirta Sinu-Jiif iyo Garowe (Daawo Sawirada) Garowe (RBC Radio) 9 qof ayaa dhintey ku dhawaad 15 qofna way ku dhaawacmeen shir gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysa Degmada Dongorayo ee Gobalka Nugaal iyo Tuulada Sunajiif. Dhaawaca gaariga gadoomey oo Isbitaala lagu daweynayo Gaariga gadoomey ayaa ahaa gaadiidka xamuulka nooca Soomaalidu u taqaano Candho-meydle, waxaana gaarigan uu ka yimid Magaalada Boosaaso, sida ay RBC Radio u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah shilkan waxaa uu dhacay saaka waa berigii, waxayna wararku sheegayaan in gaarigan uu ku dhacay gaari kale kadibna uu wadda ka baxay. Isbitaalka guud ee Garowe dhaawaca la keenay ayaa dhan 6qof, waxaana xaaladooda RBC uga waramay agaasimaha Isbitaalka Dr. Maxamed Carabey, wuxuuna sheegay in dhaawaca badankiis ay aad u liitaan. dhaawaca oo Isbitaalka yaal Dr. Carabey waxaa uu sheegay in dhaawucu uu wada liito, isagoo tilmaamay in qaar dadka ka mid ah ay luguhu go’an yihiin ayna ja jaban yihiin sidoo kale waxaa uu sheegay in madaxa ay dad wax ka qabaan oo ay koobo ku jiraan. Sida dhakhtarku sheegay dhaawaca 6-da qof ah ayaa ahaa kuwii u cuslaa, waxaana lagu wadaa qaliimo. Khasaaraha shilkan gaari ee maantey dhacay waxaa uu ku soo beegmay iyadoo uu xiran yahay Isbitaalka guud ee Garowe ayna ka socoto shaqo dayactir ah, waxaana dadkan hadda lagu daawaynayaa qaybta gargaarka deg deg ah ee Isbitaalka guud waxaana dadkan la dhigayaa sida uu agaasimaha Isbitaalka sheegay qaybaha la dayactirey iyadoo uu tilmaamay inay khasab noqotey in dadkan Isbitaalka loo furo, sababtoo ah majirto Isbitaal kale oo hawshan qaban kara isla markaasna Caasimada ku yaal. Dadka dhaawaca ah iyo kuwa dhintey waxay u badan yihiin dad kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, waxaana Isbitaalka soo buuxshey ehelada dadka gaarigu la dhacay. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa usoo gurmatey dadkan shilka gaari ku waxyeeloobey, waxaana yimid qaybta gargaarka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda waxayna hadda ku jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhaawaca Isbitaalka la keenay, waxaana wasaaraddu ay Isbitaalka keentay daawo dadkan wax looga qabto. khasaaKhasaaraha gaarigan gadoomey waa kii ugu darnaa ee dad intaas le’eg ay khasaaro ba’ani kasoo gaarto labadii sano ee u danbeysay kana dhaca wada u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Boosaaso, waxaana inta badan loo sababeeyaa shilalka wadooyinka ka dhaca iyadoo aysan lahayn wadda meelo ka mid ah calaamadihii wadooyinka, burburka wadda iyo darawaliinta qaarkood oo aan xirfadoodu fadhiyin. RBC Radio Garowe Dhaawaca gaariga gadoomey oo Isbitaala lagu daweynayo dhaawaca oo Isbitaalka yaal
-
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal howlgalkaan xirmooyinka lugu bur burinayo cidii ka hortimada waa la xirayaa cidna loo hibayn maayo Waxa uuna sheegay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi xirse in dadaal mamulka u galay in dadka xirmaysta gooba aysan lahayn tilaaba looga qaadi lahaa waxuuna sheegay in taa ay ku gulaysteen qaybaheedii hore. Gudoomiyaha aaya sheegay in waqti badan ay dadka ka wacyigalinayeen sidii loo furi lahaa dooxooyinka ay xirmaysteen taasna waxa uu waajibka noqday ayuu yiri in iminka lugu dhaqaaqo. Cabdi Xirse ayaa sheegay in goobaha howlgaladaa ka socdaan ay dajiyeen ciidan gaaraya 100 asgari islamarkana ugu talgaleen in ay bur buriyaan xirmooyinkaa sharcidarada ah Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in howlgaladaan uu sii socon doono inta laga ciribtirayo goobaha sharcidarada loo xirmaystay waxuuna tilmaamay in an cidna looga hibayn doonin cidii ka hortimaadana waxa uu sheegay in la xiri doono. Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin wax caqabad ah oo ay kala kulmeen waxuuna tilmaamay in si wayn arintaa u soo dhawayeen maadama ayuu yiri dhulkaa ay qabsadeen waxa uu ugu yeeray burcad Dhuleed. Gudoomiyaha ayaa ugu danbayntii sheegay in goobahaa howlgaladaa ka socda ay ku casuumi doonaan Madaxda Dowlada gaar ahaan Madaxwaynaha Puntland si ay u soo arkaan xirmooyinka tilaabada Maamulka ka qaaday. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Taliyaha Heeryo oo sheegay in howlgalada xirmooyinka sharcidarada lugu bur burinayo uu sii socon doono (Swairo) (Garowe) RBC: Taliyaha ciidanka howlgalka lugu bur burinayo gooba sida sharcidarada ah lo xirmaystay Gaashaanle Dhaxe Maxamed Jaamc (heero) oo RBC kula kulantay xili uu ku sugnaa deegaanka Jamagale o howlgalkaa ka socday ayaa u sheegay Warbaahinta RBC in howlgalkaa uu yahay mid muda sedax cesho ah ciidanka waden. Waxa uu tilmaamay taliyaha howlgalkaan hugaaminayay in arintaan ay tahay mid amar u siiyeen Maamulka Gobalka iyo kan degmada islamarkaana ay tahay mid lugu bur burinayo gooba si sharci dara ah loo xirmaystay oo dad si gaar ah xu xirmaysteen. Gashaanle Heeryo waxa uu intaa ku sii daray in Ciidanka ay cagta mariyeen gooba dhoor ah islamarkaana ciidanku ay dhaxdageen goobaha ay howlgaladaa ka wadaan si shaqada goobahas ka hayan ugu sii fududaato mana jirto ayuu yiri wax dhibaata ah oo dadka deegaanada xirmaystay kala kulmeen. Taliyaha ayaa mar aan wax ka waydiinay inta howlgalkaa uu socday bal hadii ay jiraan dad ay u qab qabteen ayaa sheegay in ay dad howlgalkaa ku xir xireen islamarkaana ay gacanta ku hayaan oo baarutaano lugu hayo. Goobaha howlgalka ka socday ayaa lugu bur buriyay dhoor goobood oo dad xirmaysteen si coowska ka baxa uga beec mushtaraan waxaana ciidaka booliiska ay jajabiyeen dhismaysahoo dhulkaa ay dadka ku wareejiyeen. Bur burinta goobahaan ayaa ka danbaysay kidib markii dadka xoola dhaqatada ah ay cabasho xoogan ka muujiyeen dadka xirmaysanaya gooba aan sharci ahayn oo ay xowlaha daaqi jireen waaxna arintaa keentay in howlgalo balaaran laga fuliyo. Deegaanka Jama gale oo caan ku ah dhir kala nuuc nuuca ah iyo beero ayaa waxaa shalay ilaa iyo maanta garay qoysas fara badan oo reer guuraa ah kuwaas oo xoolahoodii ku sii daayay dhulkii cowska lahaa ee ciidanka amniga u baneeyeen Waxana xili RBC halkaa booqatay in dhahayna qabanayeen xowlo kala duwan oo daaqaya cowskii ka baxay deegaanka oo muda ah mid aan la daaqin islamrkaana kor u baxay. Goobahaa howlgaladaa ka socdaan waxaa ku sugnaa Guoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi xirse Cali iyo duqa degmada Garowe Cabdi Casiis Nuur cilmi iyo Saraakiil kale waxaana ciidanka ay amar ku sii siiyeen in howlgalka ay sii wadaaan. Ma ahan markii ugu horaysay ee howlgal nuucaan oo kale ah Ciidanka amniga Gobalka Nugaal halkaa ka fuliyaan waxana arintaan imaanaysaa xili Mamulka Gobalka Nugaal uu amar ku bixiyay in la bur buriyo goobaha shraci darada ah loo xirmaystay. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Abdi Xoosh I think is showing that the d-block community are not holding back anymore because somalis have pushed and pushed and pushed and thi time they getting pushed back and they all cry "foul". There is political correctness in somalia where we all have to view or treat the snm clan as "sensitive" people who have been victimized and so forth. I mean even me Growing up as kid I couldn't say what I want as joke or as serious infront of the snm boys or my parents would whip me. So I think Abdi Xoosh is speaking for himself but I know that i agree with alot of the things he did say except the "woman" part. I think we need lobby group that is "right wing conservative" that voices the feelings of "d-block" people in open way no holds barred. Maybe a radio program or talkback segment could do it inside the country. But we shouldn't be held hostage by the past in my book and I think thats just why so many ppl are exploding like Abdi Xoosh and Even myself sometimes on this forum. I personally believe in right wing conservative policies against non d-block clans "you respect me and i will respect u" but u dont respect me then hell with u and ur clan thats the sort of attitude that needs to be done. By the way Abdi Xoosh was also "pushed" as he said and intimadated which you should take note off however again the political corrections ignores the other side of the problem and just focuses on the 1 d-block guy.
-
9-qof Oo Ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay Agagaarka degmada Dangarooyo July 5, 2010 Shil gaari oo sababay khasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa saaka aroortii ka dhacay agagaarka degmada Dangarooyo ee gobolka Nugaal. Guddoomiye kuxigeenka degmada Dangarooyo Maxamed Faarax Tooge oo la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay in shilka uu ka dhacay tuulada Libaaxo oo qiyaastii 24-KM u jirta degmada. Shilka ayaa yimi ka dib markii uu rogmaday gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Candhomeydle,kaas oo ka yimi magaalada Bosaaso kuna sii jeeday dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya. Guddoomiyaha ayaa xusay in isla markii uu dhacay shilka ay ku geeriyoodeen 7-qof ayadoo ay dhaawacmeen inka badan 10-qof,waxaana dhaawaca loola cararay Isbitaalka magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland. Wuxuu intaa ku daray in Isbitaalka ay ku geeriyoodeen labo qof oo kale,taasna tirada dhimashada ay ka dhigayso 9-qof. ”…Dadka dhintey waxaa ku jira 5-haween,waxaana ku jira sidoo kale labo Caruur oo da’a yar ah.waanu aasnay dad la aqoonsaday oo la heley ehelkooda kuwa kalena weli ma aanu aasin…”,ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka degmada Dangarooyo. Ilaa iyo hadda lama yaqaano sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shilkaan gaari oo noqonaaya kii ugu dambeeyey ee ka dhaca degaanada Puntland. Horseed Media
-
I heard abdi xoosh said "88 part 2" baa kugu dhici doonto or something along those lines, not aware that he insulted women if so shame on him
-
whenever garoweonline hears "100" days policy they love it, because farole did one in his first 100 days. Don't get worked up. Farole waxaa ku dhacey ariin oo xataa ciyaalki aysan ku dhihin "wuxuu kala saari waayay xaaskisa iyo siyasiga" waa arin mushkilo ku haysa shicibka puntland. But if he doesnt clean up his act wallahi he will be shown the door because puntlanders love conservative right wing policy men preferrably colonels!!!!
-
Ninanac. My father knows him very well, they met at nairobi in 2003 when the abdullahi yusuf govt was getting built. Yeah we know these ppl. Even that siilanyo guy very good friends with my father. Sxb abahaygu dawladu ayuu kamid ahan jirey waagi hore. Safir buu ahaa.
-
Sharmarke doesn't really care about hamar infact I think he wants to prolong the war so everything built in somalia will go to puntland because "hamar" is unsafe. I mean they building multi million naval facility in Puntland, If hamar was safezone then hamar would be most likely get it. So in a way I think Sharmarke wants the war to continue in hamar so puntland can equip itself with the needed infrastructure to relocate the capital city in the near future. Thats our best option or else the kursi of power will only go to the usc clan because after-all only the usc clan lives in hamar but with the capital relocated then that will change. So Sharmarke keep the war going as long as possible till we build massive port facility, finish the airport and ministry buildings and get all the roads in the state up to date.
-
05. July 2010 Ciyaarihii naadiyada Puntland ppl ee ka socday caasimada malaysia ee kuala lumpur ayaa soo dhamaaday galabta 01 may 2010 iyadoo ay wada ciyaarayeen kooxaha baangii& pv10 oo ahaa kuwa awood ba’an soo sheegtay mudadii ay ciyaartu socotay. xulalka labadan naadi ee pv10 iyo baangii ayaa ahaa kuwo ciyaaraha ka reebay naadiyo badan taasoo u saamaxday inay labadan team isugu yimaadaan dhamaadka ciyaaraha ee ppl. ciyaartani waxa ay ahayd mid culus,waxa ayna ku bilaabantay ciyaaryahano qaba maaliyado kala duwan gacmaha is haysta oo soo wada galay garoonka,markaasna waxa bilowday sacab ay so bandhigeen taageerayaasha labada dhinac. xulalka ciyaartooyda ayaa kaliftay maanta in looga so daawasho tago daafaha caasimadda kl ee malaysia si ay u daawadaan ciyaartan in badan la wada sugayey iyago kala danaynayey inay kala taageeraan labada naadi ee galabta isku so qalab urursaday si uu midba midka kale uga hanto koobkan wata magaca qaran ee ppl lehna xamaasadiisa gaar ahaaneed ee dhawaanahan loo so daawasho tagayey. ciyaarta si deg deg ah ayaa loo bilaabay maadaama waqtigu si liicayey ,waxaana ay bilaabatay 5:30 pm ee galabnimo,waxaana markiiba bilowday dagaal ciyaareedka labada kooxood ay wadeen. taageerayaasha ayaa markiiba koox walba bilowday sawaxan ay ku taageerayaan ciyaaryahanadooda waxayna isla markaas ku dhawaaqayeen habdba laacibka markaas ay kuubaddu lugta ugu jirto. xulka naadiga pv10 ayaa daqiiqadii shaanaad ee ciyaarta ku hubsaday gool lama filaan ah shabaqa kooxda bangi taasna waxay keentay inay niyad wanaagsan qaadaan taageerayaasha xulka pv10. taageerayaasha baangii ayaa aamus bilaabay,waxayna ka war sugayeen jawaabta ay bixin doonaan ciyaar yahano ay u arkayeen markaas in ay ciyaarta wax ka keeni karaan. xulka pv10 ayaa sii laba jibaaray dadaalkooda goolal raadiska waxayna daqiiqadu isku xiga ku hubsadeen shabaqa kooxda bangi 3 gool oo talantaali ah ,taa soo ku kaliftay kooxda bangi inay badalaad badan sameeyaan si ay ciyaartooda wax uga badalaan,waxaana u suurtagashay 05:53 pm isla qaybtii hore ciyaarta inay la yimaadaan gool iyago iska fujiyey oof oo ka haystay xaga goolasha,waxaa mar kale laga maqlay garoonka codadka taageerayaasha bangi oo aad moodo inay ka so tuuseen hurdo. kooxda baangii aya wali halkeedi ka sii wadatay halgankii ay kula jirtay waxaana u suurta gashay afar daqiiqo ka dib inay helaan gool kale oo runtii aad looga so shaqeeyey kicisana dareenka taageerayaashooda,Ciyaartu wey cuslaatay waxaa la bilaabay ciyaar xiiso badan lahayd oo sababtey in taageerayaasha labada dhinac ay ku soo dhawaadaan seeraha kubada barantanku ka socdo, ciidamada Ilaalada amaanka ayaa isku dayey in ay dadkan ka durjiyaan Seeraha ciyaarta, waxaana markale lagu guuleystay in ay fariistaan qaarkoodna waxa ay bilaabeen in ay ka hayaamaan ciyaarta ayagoo aad moodo in ay og yihiin waxa ay ku soo xirmi doonto ciyaarta qeybteeda hore. Nasashadii ciyaartu Ama wareegii hore waxa ay ku soo dhamaatey 4-2 oo ay kala lahaayeen labada xulba, mid walbana wuxuu markan qabaa rajo wanaagsan oo ku aadan in uu galabta danau kota kala tagayo guul uu ku hanto ppl cup. nasasho yar ka dib waxa ay ciyaartooydu dib ugu so laabteen garoonka,Xulalku waxa ay sameeyeen in ay gudaha garoonka ama Masraxa kubada soo galiyaan ciyaaryahano keyd ufadhiyey, oo markii dambe noqday wiilal soo baxay, waxa ayna Ciyaaryahanadii la keenay noqdeen kuwa jawigii ciyaarta oo dhan badaley. Intii aan la keenin ciyaaryahanada badalka ama markaasi keydka ahaa, waxa ayna tabayeen xulka baangii in ay Shabaqa gadaashiisa ufadhiyaan ciyaaryahano ay ku kalsoonaayeen, waxaana laga qabsaday ciyaartii hore oo xoog looga heystay khadka dhexe ee ciyaarta oo aysan ujoogin Ciyaaryahano ubarbar dhiga kara weerarka naadiga pv10. Waxaa la keenay ciyaaryahano soo jeediyey indhaha daawadayaasha garoonka fadhiyey oo ka dhigay in aysan meel kale eegin, Labada kooxoodba mid walba waxba markan lama harin ciyaartuna waxa ay mareysaa meel khatar cadiim ah ALLOW SAHAL AMUURAHA. Daqiiqado badan oo laysku soo laabtey ayna socotey ciyaartu waxa ay ahayd weerar xad dhaaf ah oo marba gool aadayay, laakiin wuxuu ku badnaa Goolku naadiga baangii, baangiina wey dadaashay waqti badan. Dhamaadkii Ciyaarta ayaa lasoo gaaray waxa ayna labadaba xul qaadayeen weeraro gaadmo ah, oo marba meel aadaysay, sidoo kalena dadka taageerayaasha ah kuma aysan faraxsaneyn jawiga ciyaartu gashey. Kubad culus ayaa ku timid Goolka kooxda naadiga baangii, waxaana watey ciyaaryahanka isku xira ciyaaryahanada difaaca geesaha & kuwa dhexe, markaasna ka tirsanaa Xulka pv10, , wuxuu ku hubsaday Shabaqa Kooxda bangi gool qurux badan, markaasna uu saxiixay Siiri wadaha ciyaarta, kadibna waxaa dhacay khalkhal ku yimid xaalada garoonka. kabtanka naadiga baangii ayaa bilaabay inu dardargaliyo naadigiisa taasoo kicisay niyada taageerayaasha kooxdiisa, waxaana Kooxda baangii ay qaaday talaabooyin ay ku bareejeyneyso Kooxda naadiga pv10 oo markaasi leh 5-2, waxaana weeraro badan oo la wadey suurtagali waayey in loo dhawaado goolka Kooxda pv10 oo difaac adag ku jirtay balse nasiib wanaag ayaa si lama filaan ah waxaa usuurta gashay ciyaayahanka khadka dhexe ee bangi inu ku shoot gareeyo gool haya pv10 kuubad kacsan taasoo kaliftay inay ruxdo shabaqa kooxda pv10 oo iyadu halgankeedi ku jirtay daqiiqadihii ugu danbeeyey. Gabagabadii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatey 5-3 oo ay guushu ku raacday Kooxda pv10, waxaana markiiba si weyn loo sugay amaanka guud ee garoonka danau kota oo ay ciyaartu ka socotey, Jawiga guud ee garoonku wuxuu isku bedelay dabaaldagid ka dib mid caadi ah lehna jawi farxadeed ,nasasho yar ka dib waxaa laguda galay munaasabadii xiritaanka ppl oo isbuucyadan ka socday wadanka malaysia. waxaana munaasabada furay madaxa sports ardada puntland ee malaysia mudane c/xakiin yusuf cali (kowsarad) wuxuuna so dhaway iyo mahadnaq ka dib ka hadlay faaiidooyinku uu sportsku uleeyahay dhalinyarada,isago tilmaamay inuu sportsku qayb lixaadle ka qaato arimaha bulshada ,sportsku wuxu kobciyaa is dhexgalka dadka iyo isbarashadooda waxayna u noqotaa ciyaartooyda dhacdo aysan ilaawi karinin,mudane kowsarad isago hadalkisi si wata waxa uu yiri "maanta anagu halkan baanu ku qabanay ppl anago dhalinyaro ah oo iska wax u qabso wax ku so wadnay waa ilaahay mahadiis waxaan ka codsanayaa wasaarada sports puntland in wadanka gudihiisu koob kan oo kale sanadkiiba labo jeer waayo naadiyo wadankii xoog kuma lahan koobka qaranka un baa sanadkiiba mar isugu yimaadaan goboladu,waa in kan naadiyaashana la xoojiyaa lana badiyaa ,qurbajoogtana waxaan ugu baaqi inay iyaguna nagu daydaan anaga iyo rer india oo naga horeeyey sida ay wax u yagleeleen ". waxaa isna halkaas ka hadlay madaxa isku xirka ardada puntland ee malaysia kana mid ahaa gudiga ppl mudane c/fitaax ciise xaaji cumar (laahoor) wuxuuna ka hadlay muhiimadu u leeyahay koob kan oo kale wuxuuna ka faalooday wixii laga so maray intii uu socday koobku isago xusay in dhamaan la wada sameeyey dhabar adayg iyo in laga dhabeeyo hadafkii lagu unkay koobkan,waa ilaahay fadligiis inaynu ka guul gaarnay fikirkeeni oo ahaa inaynu isku duubni wax u wada qabsan karno waana taas aad maanta u wada jeedaan wixii aynu ku so dadaalaynay inaynu guntiisi gaarnay,wuxuuna ugu qaabay shacabka reer puntland ee daafaha caalamka kala joogaan inay isku duubni iyo wax wada qabsi ay sameeyaan taas ayaa guul lagu gaari karaa ayu ku so gunaanaday hadalakiisa mudane laahoor. isku so wada duuboo waxaa xaflada so gabagabeeyey gudoomiye maxamed c/samed wuxuuna ku dheeraaday isku xirnaanta ardada iyo walaltinimadooda isago sheegay inaysan meelna ku kala tagayn ayna dhalin yartu sxbo yiihiin had iyo jeer ilaaliyana midnimadooda,wuxuuna mahad gaar ah u celiyey ashkhaastii ka qayb qaadatay qabsoomida ppl isago ku tilmaamay talaabo horey ay u qaadeen dhalinta reer puntland ee malaysia,wuxuuna sheegay isago ka faaiidaysanaya fursadan in la qaban doono doorashadii ururka isagu xusay in term koodi uu ka dhamaaday si deg deg ahna la guda gali qabsoomida doorashada ururka wuxuuna rajo fiican ka muujiyey inaysan xilligeedi dhaafayn haddii eebe idmo wuxuuna ballan qaaday inu taageerayo cid alaale iyo cidii loo doorto gudoonka ururka ,ayna tahay waajib muqadas in maamulkayagu la shaqeeyo kuwii so baxa taasna waxaa ku jirta masiirka umadda ayu ku so afjaray hadalkiisa.intaas ka dib wuxuu guda galay qaybinta biladaha iyado la siiyay kooxda 1aad,2aad iyo 3aad,laacibka sanadka,difaaca qarabkan,gool haya ugu khatarsan .siiirigiii ugu wanaagsanaa iyo kooxda idaman oo hanatay bilada anshaxa,waxaana la siiyey bilad gaar ah kooxda utama oo gashay kaalinta 3aad iyado laga rebay finalka . waxayna kala ahaayeen naadiyadii ka qayb galay ppl naadiga utama,idaman,bangi iyo pv10,hadaba gudoomiyhu wuxuu markii danbe u wacay captain axmed masiinge ee naadiga pv10 wuxuna u gacan galiyey koobkii quruxda badnaa ee ppl,captainku wu gudoomay koobka wuxuuna hal mar kor ula kacay isago ruxaya waxana ku so xoomay ciyaartooydii pv10 oo watay taageerayaal xamaasadaysan waxayna dhunkadeen koobkii iyago halkaas ku sameeyey dhoolatus farxadeed,waxaana laga dareemayey wajiyadadooda dareen wanaagsan cadaynayey in ay gaareen guushii ay ku haminayeen intuu socday koobku. mar aan wax ka waydiiyey ciyaarta masuulkii watay naadiga pv10 mudane mowliid isbandhays ayuu ii sheegay inu aad ugu faraxsanahay gusha ay gaareen ilaah baana mahad leh taasna waxa ay ku timid dadaal ka ay muujiyeen kooxdaydu iyago la yimid niyad sami iyo dulqaad rajo fiicanna waanu qabnay,,,walalaha kale ee aanu ka gulaysan waxaan leeyahay ciyaar fiican baad nala so bandhigteen waadna dadaasheen balse ma noqon nasiibkiini kolay qolo un baa la hoyan laha koobkan waxaan idiin rajayn guul xiliyada so socda ayu ku so gunaanaday hadalkiisiisa masuulka pv10. mar aan arkay masuulkii watay naadigii laga guulaystay maanta ee baangi axmed kayare ayaa ii sheegay inu ku faraxsanyahay halka ay so gaareen kuubaduna ay nasiib tahay, runtii ciyaar wanaagsan baanu so bandhignay balse isfaham daro xagayaga ah baan u aanayn anigu wixii dhacay ,waxaana rajayn inay no tahay tusaale xilliyada kalena aanu sixi doono khaladaadkii aanu galnay guushuna ay nagu danbayn insha allah,walalaaha kale ee naga guulaystayna waxaan leeyahay ciyaar wanaag baad so bandhigteen guul baana idin rajayn mar haddiii koobkii ppl guulaystay inago dhan waynu guulaysanay ayu ku af meeray hadalkiisa mudane kayare . isku so wada xooriiyoo waxaa la so gabagabeeyey munaasabdiii ppl waxaana ka mid ah marti sharafti ka so qayb gashay chair man ka ururka ardada somaliyed ee malaysia mudane cabdirashiid qalinle,maxamed axmed (madaxweynaha),axmed c/raxman biixi,musharax najiib balala ,musharax maxamud jamuux iyo xubno kale oo halkan aan lagu so koobi karin,waxayna xafladu ku so dhamaatay sidii loogu tala galay iyado ay dhalintu aad ugu riyaaqeen. Aniso puntland danau kota stadium kl-malaysia
-
Abdi Xoosh apologizes to the Somaliland people after a heated debate got out of hand on universal tv. The apology can be watched here Ps: Kind of like my apology sol after I got carried away!!! Abdi-Xoosh is no different the "d-block" gene kicks in and gets carried away when destroying our opponents. By the way Abdi Xoosh destroyed those guys on universal and thats why he is apologizing because they all cried!!!
-
Maamulaha Jaamacadda PSU oo ardayda dugsiyada sare ka baxday ugu yeeray in Jaamacadaha dalka wax ka bartaan (Garowe) RBC: Maxamuud Shikh Xaamud oo ah Maamulaha Jaamacadda PSU ayaa sheegay xili uu ka qayb galayay Xaflad qalin jabin ahayd oo lugu qabtay dugsiga Gambool in waxbarashadu ay tahay mid aad muhiim ugu ah Bulshada . Waxuuna sheegay Ardayda ka qalin jabisa dugsiyada sare ay intooda badabn jaamacada u radiyaan dalka dibadiisa hadii aay wayaana suura gal tahay ayuu yiri in ay saaqidaan . Maamulaha Jaamacadda PSU waxa uu sheegay in 90% ardayda dalka dibadiisa loo diro aysan uga faadaysan sidii loogu talagalay wixii loo diray taana waxa uu tilmaamay in ay tahay mid khasaaro ku ah waalidka . Dhaqaalaha aradaydaa dibada waxbarashada loogu diro ku baxa ayuu ku sheegay Maamulahaan in laba jibaar ka badan tahay kuwa ku baxa aradyda wax ka dhiganaysa jaamacadaha dalka ku yaala . Waxuuna sheegay taa in ay dhibaata ku tahay ardayga maadama uusan jirin cid la xisaabtamaysa iyo waalid uu ka baqayo waxuuna sheegay in loo baahan yahay si taas aysan u dhicin in jaamacada dalka wax ku bartaan. Maxamuud Shikh Xaamud ayaa sheegay in jaamacadda PSU ay la midoobay 8 jaamacood oo ku yaala Gobalada dalka Soomaaliya sida afar jamacadood oo ku yaala Maamulka Somaliland jaamacadda Muqdusho Jaamacadda Bariga africa iyo Jaamacadda Simba . Waxa uuna sheegay in hehiiska 9 jaamacadood ay gaareen uu ka danbeeyay kidib kulan k a dhacay Dalka Swedan oo ay kuwada yesheen si loo mideeyo jaamacadaha ku yaala dalka Soomaaliya waxun ugu baaqay in aradyda ka soo baxda dugsiyada sare ay ka faadaystaan jaamacadaahas. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan Oo qabtay Doorashada Hogaankooda (Sawiro) July 3, 2010 Waxaa shalay ka dhacday magaalada khartoum ee dalka Sudan doorashadii madaxtinimo ee ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalkaasi ka dhisan iyadoo laguna wado in maalmaha nasoo xiga in la shaaciyo gudigii fulinta ee ururkaas. Subaxnimadii shalay markay ahayd 9 subaxnimo ayaa waxaa si rasmi ah ugu bilaawday hoolka jaamacada Zaciim Al Azhari ee ku yaala degmada Baxri ee magaalada khartoum iyadoo lagu dooranaayay doorashadaas gudiga fulinta iyo shuurada ee uu ururku ka kooban yahay ee hayn doona mudada sanadaka ah ee nasoo xigta,waxaana hoolka ku sugnaa ku dhowaad 2-kuun oo arday. Murashaxiinta oo gaarayay 28 murashax oo isku soo taagay xilka gudiga fulinta ayaan la garanayn cida kusoo bixi doonta madaxa ururka ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan waxaana ka mid ah murashaxiintaas Wariye Fiidow Maxamuud Fiidow. Wararka ayaa sheegaaya in lagu dhawaaqi doono natiijada doorashada habeen dambe xiliga magaalada khartoum. Daa’uud maxamed nuur oo ah ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka arday soomaaliyeed ee uu hada xilka ka dhamaanya oo ii waramayay ayaa sheegay in doorashada si nabad galyo ah oo aan qalaaso lahayn ku dhamaatay. WIxii warar ah ee kusoo kordha wararka doorashada dib ayaan idinka soo socodsiin doonaa Insha’allah Wariye Fiidow Maxamuud Fiidow Sudan kahrtoum fiidka@live.com
-
Ururka Ardayda Puntland Malaysia oo Dooratay Hogaan Cusub (Sawiro) Ururka ardayda reer pl ee dalka malaysia ay ku dhigteen plaza hall munaasabad doorasho si weyna loo soo agaasimay iyado ay ka so qayb galeen dhamaan qaybaha bulshada reer kl si ay uga markhaati kacaan sida ay doorashadu udhacayso. Ugu horayntiii waxa xaflada lagu furay aayadaha quraanka kariimka ka ah oo uu akhriyey axmed shiikh cabdi.ka dib waxaa laguda galay barnaamijkii xaflada iyado uu micraphone ka xiriiriyahu ku so dhaweeyay dr ismacil oo ka mid ah aqoonyahanka soomaliyeed ee malaysia wuxuuna ka hadlay dr ahmiyadu ay waxbarashadu uleedahay aadamiga isago sheegay inay aad u yartahay doorashadan caynkan oo kale oo arday vote gareeyo si habaysan oo buuq yari ah ku dhacdo wa wax aad loogu farxo allena looga mahadceliyo dhalinta rer puntland u ah yididiilo iyo horukac wanaagsan oo in lagu daydo mudan ayu ku so koobay hadalkiisi dr ku. Waxaa isna meesha ka hadlay gudd. gudiga commisionka axmed cisman isago sheegay inay ka guddi ahaan ka koobanyihiin 10 xubnood una ballan qaadeen ardayda inay u qabtaan doorasho xor ah oo ay codkooda ku dhiibtaan taas ayaa naga go an waana fulinaynaa insha allah indhihiina ayaa idiin macallin siday wax udhacaan ayu ku daray hadalkiisi. Waxa mic lagu so dhaweeyey ex gudoomiye maxamed c.samad shalaqbeen wuxuuna yiri ( waxaa farxad ii ah inaan maanta goob joog ka noqdo doorashadii ardayda oo si habsami leh u socota waxaana mahad gaar ah iska leh alle ka sokow gudiga doorashada oo waqtigoodi u huray inay so diyaariyaan doorasho cadaalad ah oo ay ardaydu ku qancaaan,aniga iyo ragaygii kolay wax badan maanan qaban balse waxaa guul ah maanta inaan halkan so gaarsiino ardayda oo iyago isku duuban ka shaqeeyaan midnimadooda waxaana idinku baaqayaa qofkii la doorto inaad la shaqaysaan si aynu uga so baxno hawlaha ina horyaala ana waxaan balan qaadayaa inaan si walaltinimo leh garbaha u qabto gudoomiyihii la doorto caawa). Waxaa iyadana u hadashay dhanka gabdhaha sis xamda waxayna sheegtay inay qayb lixaad leh ka qaateen dumar ahaan isku keenida ardada iyo midnimadooda waxaana ka codsan hogaanka cusub inay miiska dhigaan xubnihii dumarka ay xaqa uyeesheen anagana waxaan ballanqaadaynaa inaan si kasta ula shaqayno dhalinyarta wixiii xagayaga ah waa naga diyaar ayay tiri xamda. Intaas kadib waxaa laguda galay codbixintii doorashada ,waxaana isu dharaxay gudoonka ardayda labo musharrax oo kala ah maxamed cali geeldoox iyo maxamed faarax dalmar. Waxaan wax ka waydiiyay sidey doorashadu u dhacayso xooghaya dudiga doorashada maxamed aadan haameey waxaana hadaladiisi kamid ahaa ( walal waad ujeeda sidey wax usocdaan waxaana codaynaya 34 arday oo ka kala yimid 15 jaamacadood oo ku yaal malaysia waxaana so xulay gudoomiyaasha jaamacadaha ka guddi ahaana kormeer baanu ka haynay si ay u noqdaan waxaanu dhabarka uridanay mid sugan ardaydana arkaan wax hufan oo dhaxal gal ah oo barito lagu dayan karo taas baa naga go an waana meel marinaynaa,ardayda walba box kaas buu ku vote garayn dadkuna way u wada jeedaan ninkii ay ardaydaas u doortaan ayaa noqonaya qofka sharciga ah ). Hadaba daqiiqado gudahood tirinta codadka ka dib ayay ku dhawaaqeen gudiga doorashada siday codadku u kala baxeen waxayna sheegeen in ay wada codeeyeen 34kii xubnood halka 9 cod uu helay musharrax maxamed cali geeldoox ,musharrax maxamed faarax dalmar uu helay 25 cod, waxaana halkaas ka cad inu ku guulaystay doorashada gudoomiye maxamed faarax dalmar. Waxaa loo yeeray musharrixii laga guulaytay si uu oraahdiisa u dhiibto wuxuuna yiri (aad baan ugu faraxsanahay sida cadaalada ah oo ay doorashadu u dhacday waana u mahadcelin gudiga doorashada iyo asxaabtayda intii ii codaysay iyo intaan ii codayn,waana ku qanacsanahay codbixinta, waxaana qabaa inaan guulaystay maadaama ay doorashadii lagu guulaystay ,anigu ma harin xilliga aan nasiibka uyeesho ayaan sugayaa waana u hambalyayn walalkii ku guulaystay xilkan ilaahay ha la garab galo waana in aynu si wadaji ah ula shaqayno si aynu u gaarno horumarka aynu tiigsanayno). Waxaa isna so istaagay gudoomiyaha la doortay waxaana hadaladiisi ka mid ah (ilaah baa mahad leh doorashadii si hufan bay ku dhacday ardaydii codeeyey oo dhan wan u mahadcelin iyo gudiga doorashada, waxaan nasiib uyeeshay caawa inaan qabto xilkiii ururka ardayda runtii masuuliyad weyn baa i saaran waxaana ka codsan dhalinta rer puntland inay si wadajir iila shaqeeyaan si ay hawluhu u fududaan waxaana idinku baaqayaa midnimo inaad ka shaqaysaan wada socoshadiina si aynu guul u gaarno ,aniga waxaa ii qorshaysan waxyaalo badan oo wax tar uleh ardayda waxaana dhawaan so magacaabayaa xukuumad tayo leh kana so bixi karta hawlaha loo idmay insha allahu ururkan wu si shaqayn ururada kalena xiriir weyn baanu la samayn dalkii iyo wadamada qurbaha oo ay ardayda reer puntland ina ka joogta). Isku so wada xoori waxaa la so gaaray guntii iyo gabagabadii munaasabada waxayna ku so idlaatay jawi aad u sareeya iyado laga dareemayay dhalinta farxad iyo raynrayn iyago ku faraxsan siday ay ardadu u qabsadeen doorasho aan horay loo arag taasoo ka muuqatay hufnaan iyo cadaalad. wuxuuna xiriiiriyaha xaflada mudane isbaandhays iclaamiyey in ay dhici doonto 7 july xaflad kale oo aad u balaaran taas oo ah xilwareejin iyo so dhawayn gudoomiyaha cusub wuxuuna sheegay in ay noqon doonto mid damaashaad oo ay ka so qayb gali doonaan dhamaan dadka ku hadla af hooyo. Waxaa Noo Soo Gudbiyey Aniso Puntland plazza Hall Kl Malaysia
-
Ban urges unity in Somalia 2010-07-02 09:44 New York – The UN chief Ban Ki-moon urged Somalis to seek unity in their divided country, which marked its 50th independence anniversary nearly two decades into a brutal civil war. Somalia gained independence from Italy in 1960 and merged with Somaliland, a British protectorate that proclaimed independence five days earlier on June 26. "The secretary-general commends the courage of the people of Somalia and reaffirms that the United Nations will continue to support them to overcome the serious challenges they face and to achieve their dream of living in peace, stability and prosperity," Ban's press office said in a statement. He "invites all Somalis to reflect back on that founding moment in their history when the people of Somalia looked to the future of their nation with pride and great expectation," it added. "It is that vision of a united, strong and prosperous Somali nation that should direct the present and future." The Western-backed government of President Sharif Sheikh Ahmed, who only controls a few neighborhoods and strategic locations in the capital Mogadishu, celebrated the 50th anniversary of his country, marred in civil war since 1991. A leading Somali insurgent Islamist group, Hezb Al-Islam, ordered citizens on the eve of the anniversary to boycott celebrations and warned of reprisals if they attended. Meanwhile, the electoral panel of Somalia's breakaway republic of Somaliland said opposition leader Ahmed Mohamud Silaanyo had been elected president of the region in weekend polls held in defiance of Islamist threats. Somaliland has been spared much of the violence that has ravaged rump Somalia, where an Islamist insurgency is battling to overthrow Ahmed's government.
-
The admins say don't use clan names. Thats all it says the rules to not mock other clans and stuff like that. But to post about reality is not mocking. Sharif tried to sack sharmarke. Thats reality. Sharmarke said "we are equals" to sharif. Thats reality. Abdullahi yusuf sacked geedi. Thats reality also. Geedi packed up his bags. Thats another reality. Ma cay ba waxaas? ma ahan sxb ee waa reality!!! Ps: Hargeisa boys are apart of the tfg, that is another reality!!! So I dont know where u get the idea from that i am breaking any rules. Talking reality is not breaking rules. Besides This post was just too boost my ego not attack or harm other clans!!!
-
That needs clan names on where each of them are from. I know some but not all. Anyways i am certain their's a website from north/south mudug that will take care of that.
-
Haatu hard to refute so you can only mock!!!
-
This is clear proof that my clan owns the tfg. When sharif tried to sack sharmarke, he couldn't do it and sharmarke said "we are equals". When Abdullahi Yusuf sacked Geedi, Geedi had to leave. So it's clear that we own the tfg for everyone that is concerned who owns the tfg. Ps: So the snm boys don't feel left out buuba pours cup of tea for sharmarke. And not only that all snm clans are in the tfg hal reer kama maqna
-
Nairobi:Puntland & Ethiopia oo heshiis dhanka Waxbarashada ah wada gaaray. 2. juli 2010 Nairobi:(Allpuntland)-Wasaarada Waxbarashada ee dawlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Federaalka ee Dalka Ethiopia ay si toos ah u aqoonsatay manaahijta Waxbarasho ee ardada Puntland ay qaataan,islamarkaasna qofkii aqoonsiga ka bixista dugsiyada sare ee Puntland haysta uu si fudud wax uga dhigan karo jaamacadaha waaweyn ee dalka Ethiopia & Machadyada Waxbarasho ee dalkaas. Aqoon sigan ayaa yimid kadib markii Wasiirka Waxbarashada ee dawlada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu kulan rasmi ah la qaatay Wasiiru-dawlaha Waxbarashada ee Ethiopia,waxaana kulankaas oo saacado badan socday kadib ay labada dhinac islaqaateen in si toos ah loo mataaneeyo Waxbarashada labada dhinac islamarkaasna ay ardada Puntland si fudud wax uga dhigan karaan jaamacadaha waaweyn ee dalka Ethiopia. Wasiirka Waxbarashada ee Dawlada Puntland ayaa Warbaahinta usheegey in Ethiopia ay shuruudo adag ku xirtay Aqoonsiga waxbarashada Puntland,wuxuuse sheegey in si fudud ay uga bexeen dhamaan shuruudahan islamarkaasna ay Ethiopia si kal & laab ah u taageertay hor'umarka Waxbarasho ee dawlada Puntland islamarkaasna ay kaalinteeda ka geysan doonto sidii loo sii siyaadin lahaa. Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) wuxuu u hanbalyeeyey dhamaan ardayda Puntland oo uu sheegey inay tahay tani tilaaabo wanaagsan loona baahnaa,islamarkaasna ay horay u arkeen ardayda Puntland oo jeclaanlahayd inay dalkaas u Waxbarasho tagaan,balse ay maanta guul ka gaarin howshaas,wuxuuna sheegey in Wasaaradiisu ay horay heshiisyo noocan oo kale ah ula gaartay Dawladaha Sudan & Yemen. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Wasiirka Cadaaladda Puntland oo Xariga Ka Jaray Xarun Carruurta Lagu Xannaaneeyo oo Laga Furay Garowe (Garowe)RBC: Waxaa lugu qabtay shalay galinedii danbe xarunta Xanaanada Caruuta ee Mishkat Munaasabad xariga looga jarayay Xarun cusub oo loogu talagaly in lugu xanaaneeyo caruurta Xaruntaa ayaa ah xarun ku cusub Magaalada Garowe ee aasimada Puntland waxaana furitaankeeda ka soo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Maamulka Puntland iyo waalidiin kala duwan. Wasiira wasaaradda Cadaalada Puntland Cabdi Khaliif Xaaji Xusaan oo munaasabadaa xariga ka jaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo xarun lugu xanaaneeyo caruurta si loo tarbiyayo . Waxuuna tilmaamay in ay aad u soo dhawaynayan howlahaan lugu doonayo in caruurta lugu xanaaneeyo si caruutaa loo tarbiyayo waxuuna sheegay in loo baahan yahay in caruurta laga taxadiro. Wasiira caadaalada ayaa sheegay in loo baahan yahay in waalidiinta qudhooda ay gacan siiyaan Maamulka xaruntaa si kor loogu qaaado howlahaa hor yaala waxuuna sheegay hadii maamulka la shaqeeyo in caruurtu ay noqon karaan kuwa tarbiyaooda toosto. Munaasabadaa uu xariga ka jaray wasiira cadaalada ayaa daah fur u aheed xarunta xaanada caruuta ee MISHAAT taas oo xaruntii labaad ee laga hirgaliyo Puntland waxana xarunta wayn ay ku taala Magalada Bosaaso ee Xarunta Gobalka Bari. Caasho axmed Yacquub oo ah madxa xaruntaa xaanada caruurta ee MISHKAAT ayaa RBC u sheegtay in ay wadaan qorshaaayl kala duwan oo ay doonayaan in caruutaa tarbiyo loogu helo . Waxa ayna tilmaamtay in xruntaan aay ka aas aasen Magaalada Bosaaso 2004 tii kidib markii ay ragtay baahida dadku u qabaan in loo furo xarun caruuta lugu xanaaneeyo si caruuta loo tababaro . Waxa ayna tilmaamtay in dadaalaan aysan ka caajisi doonin oo aay sii laba jibaari doonaan sidoo kale ayay sheegtay in arintaan ay u tahay bulshada muhiim inkastoo ay sheegtay in ay jiraan dad aan fahan sanayn barnaamijkaan waxa uu yahay. Caasho ayaa sheegtay in xaruntaan ay si toos ah dhawaan duruusta uga bilaabi doonaan waxa ayna ugu yeertay Waalidiinta in caruutooda keenaan si loo tarbiyayo mana jirto cid gacan siinaysa Xaruntaan xanaada caruuta oo ah xarun ka diinwaan gashay Wasaaradda waxbarashada Puntland. Waa markii ugu horaysay ee xarun nuucaan oo kale ah laga furo Magaalada Garowe ee xarunta Puntland RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Great Development by the Puntland Education minister. This is now the second university to recognize puntland high school certificates as "entry" points into sudan and ethiopian universities. Lets take it to another level juxa. Egypt and Yemen Next!!! Another great victory for puntlanders and our respected education facilities which are clearly the best in somalia