Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Puntland is Strong state that stands on her on two feets, cid wax ay ka bahan yihin ma jirto dadka anaga ayey noo bahan yihin
  2. Taliska Booliska G/Bari: Dadka Qaraxyada Ka Wada Boosaaso Waa Isir La Dirir (Dhageyso) Boosaaso (RBC) Taliye ku xigeenka booliska qeybta gobolka Bari G/lle Dhexe Cawil Axmed Salaad ayaa ka hadlay amaanka magaalada Boosaaso iyo qaraxii u dambeeyey ee habeen hore gudaha magaalada lagula beegsaday ciidamo ka tirsan booliska. G/lle Dhexe Cawil Axmed Salaad oo maanta taliska booliska Boosaaso saxaafada kula hadlay ayaa ku eedeeyey in qaraxyada laga geysto Boosaaso ay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda jiritaanka Puntland, kuwaasi oo sida uu sheegay aan kala saari doonin shacab, ciidan iyo masuul midna. “Habeen hore waxaa qarax lala beegsaday ciidan boolis ah oo magaalada amnigeeda ilaalinayey, waxaa ku dhaawacmay gabar dhaawac halis ahi soo gaaray oo hadda isbitaalka jiifta. Dhinaca ciidanka waxaa dhintay saddex nin, hal nina waa dhaawac”, ayuu yiri taliye ku xigeenka oo ka hadlay qarax habeen hore ka dhacay Bariga Boosaaso. “Dadka wax qarxinaya ma aha dad gaar u raadsanaya ciidanka, waa dad isir la dirir ah oo diidan jiritaanka Puntland”, ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalkani. Taliye ku xigeenku oo aan weydiinay haddii ay jiraan dad la soo qabtay, wuxuu sheegay in booliska dad u soo qabtay qaraxaasi ayna baarayaan, haddii wax lagu waayana la sii deyn doono. Wuxuuse ka gaabsaday in kiiska baaritaanka ah uu ka hadlo. Taliye ku xigeenka booliska gobolka Bari oo ka jawaabayey su’aal ku saabsan in hawlgalada ciidanka ay joogto yihiin isla markaana amaanka aan wax badan laga qaban ayaa ku dhaliilay dadweynaha inaysan wada shaqeyn fiican la sameyn ciidanka. Wuxuuna si gaar ah dadka ugu booriyey inay hurdada ka toosaan oo ay booliska ku soo wargeliyaan dadka amaanka dhibaatada ku haya. Shirkan jaraa’id ayaa ah kii ugu horeeyey ee saraakiisha booliska gobolka Bari kaga hadlaan amaanka magaalada tan iyo intii uu dhacay qaraxii lala beegsaday ciidamo ka tirsan booliska labo habeen ka hor kaasoo ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidanka kuna dhaawacmeen tiro kale oo ay ku jiraan rayid. RBC Radio http://www.raxanreeb.com/?p=58048
  3. Wasiirka Waxbarashada Puntland Oo Ka Hadley Safar Uu Ku Tegay dalka Ethiopia July 12, 2010 0 comments | leave your own! Wasiirka Waxbarashada Dawladda Puntland ayaa ka warbixiyey safar dhowaan uu ku tegay dalka Itoobiya halkaas oo u aaday arimo la xirrira horumarinta heerka waxbarashada Puntland. Dr.Cabdi Faarax Juxa oo maanta la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay inuu dalka Itoobiya kula kulmey masuuliyinta Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Itoobiya una ka mid yahay Wasiiru dowlaha Waxbarashada Xukuumada Itoobiya Dr.Hayle. Wuxuu sheegay in Dawladd Itoobiya ay aqoonsatay iminka Shahaadooyinka dugsiyada sare ee Puntland taasna ay sahlayso in ardayda reer Puntland ee ka baxa dugsiyada sare ay si fudud ku geli karaan jaamacadaha ku yaalla dalkaas. ”…Waxaan kala hadalnay sidii ay inooga caawin lahaayeen deeqyada waxbarashada,shuruud waxaa ay ku xireen in aanu keeno manhajyada,shahaadooyinka iyo imtixaanka sidii qiimeyn ay ku samayn lahaayeen,waana geynay oo waa ay aqoonsadeen…”,ayuu yiri. Dr.Cabdi Faarax Juxa ayaa guul ku tilmaamay talaabadan oo ay Dawladda Itoobiya ku aqoonsatay shahaadooyinka dugsiyada sare ee Puntland. Horseed Media
  4. Golaha Wasiirada Puntland Oo Maanta Kulankoodii Kaga Hadley Arrimo badan July 12, 2010 0 comments | leave your own! Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaaladda Garoowe ee Caasimada Puntland,waxaana uu ahaa mid looga hadlaayay arimo badan iyadoo ay kasoo qaybgaleen inta badan Wasiirada Xukuumada Puntland,waxaana shir guddoominaayay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud. Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Puntland Cabdulaahi Maxamed Faarax Aswad oo kulankaasi ka dib la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in kulankaasi waxyaabaha looga hadlay ay ka mid ahaayeen; -Socdaalkii dalka Itoobiya ay ku tageen masuuliyin ka tirsan Puntland oo uu hogaaminaayay Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo dib ugu soo laabtay dalka. -Wefdigii ka socday Qaramada Midoobay oo shalay booqasho ku tegay magaalada Garoowe lana kulmay Madaxweynaha Puntland iyo golaha Wasiirada -Amniga magaaladda Bosaaso Wuxuu sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire uu kulan ka hor jeediyey khudbad uu kaga hadlaayay safarkoodi iyo masuuliyinti ay halkaas kula kulmeen. Khudbada Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ku jirtey in Dawladda Itoobiya ay deeq waxbarasho oo gaaraya 100-arday ugu deeqday Puntland isla markaana dhowaan ay halkaas tegi doonaan masuuliyin ka tirsan Wasaarada waxbarashada Puntland si ay u soo dhamaystiraan heshiiskaas,siduu sheegay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Puntland. Mudane Aswad ayaa sheegay in guddi gaar ah oo qaabilsan arrimaha amaanka lagu dhawaaqay kuwaas oo ka shaqayn amaanka Bosaaso xilli mudooyinkii lasoo dhaafay ay ka dhacayeen falal amaan darro ah. Dhowaan Madaxweynaha Puntland ayaa kulan looga hadlaayay arrimaha amaanka la qaatay Guddoomiyaha gobolka Bari iyo Duqa magaaladda Bosaaso. Horseed Media
  5. Farole is dealing with. Apparently linked to IDP'S. Waxaa la moodaya in dadki soo barakacay ayaa la soo adeegsaneya. I mean remember that shabab soldiers are mainly kids or derbi jiif shoe shiners and they seem to being doing the same thing to puntland derbi jiif and getting them mobilized to carry out attacks on puntland officials. Anyways farole held meeting with mark bowden today and is sorting out the idp issue and allocating land to them, making sure they have i.d cards and stuff.
  6. Cowke is going to become an IDP in Puntland. I am getting my ticket soon!!!
  7. Ardeyda Dugsiyada Sare ee Garowe oo Loo Dhigay Koob Ciyaareed (Sawiro) (Garowe) RBC: Waxaa galabta ka furmay garoonka kubada cagta ee Mirre Aware ee Magaalada Garowe Koob ay ku tartamayaan afar dugsi sare oo ku yaala Magaalada Garowe Caasimada Puntland Koobkaan ayaa waxaa dhigtay Hay,adda Save Childareen oo ka mid ah Hay,addaha ka howlgala deegaanada Puntland waxa uuna koobkaan maanta lugu daah furay laba kooxood oo kala matalayay Dugsiga sare ee Alwaaxa iyo Dugsiga sare ee Imaamunawaawi . Inta aan la furin koobkaan ka hor ayaa waxaa halkaa hadlo ka jeediyay Wasiirka S/S/Sportska Puntland Maxamed Nuur cagwayn waxa uuna sheegay in uu kula dardaaramayo dhalinta tartankaa ka qayb galaysa in ay soo bandhigaan ciyaar wanaag. Labada kooxood ee koobkaa lugu furay ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiisa badnayd waxaana labada dhinac ay iskula bar bar dhaceen 0_0 inkastoo labada kooxood ay iska baardareeyeen fursado guulo u horseedi karay . Koobkaa oo ay ku tartamayaan afar dugsi sare ayaa socon doona muda 10 cesho ah waxa uuna daah fur u yahay tartama kale oo iyana Hay,adda Save ku qaban doonto Gobalada kale ee Puntland sida uu sheegay Cabdi Qani Shikh Maxamuud oo ah madax barnaamijkaa fulinayay. C/qani ayaa tilmaamay in ay kaga gol leeyihiin koobkaan in ay ka soo saaran koox dhamaystiran hasayeeshee uu ka horeeyo tartama ay galin doonaan dhamaan dugsiyada sare ee Puntland waxuna sheegay in tartankaa uu yahay mid la rabo in kor loogu qaado tayada Sortska Puntland. Ciyaartaan ayaaa waxaa grsoorayaal ka ahaa afarta Garsoore eek ala ah 1Maxamed Warsame 2 Saacid Cusmaan 3 Jorje Axmed Idriis C/risaaq Maalinta barita ah ayaa la filayaa in ay food isku dari doonaan garoonka Mire Aware labada kooxood ee ka kala socda Dugsiga sare ee Ganmbool iyo dugsiga sare ee Nugaal waxana dhamaan afartaa kooxood ay isku arki doonaan mid mid iyadoo markaa loo eegi doono xaga dhibacaha cidii badnaata in la siiyo Koobkaa. Waa markii ugu horaysay ee in muda ah kidib koob nuucaana loo qabto dugsiyada sare ee Puntland waxaana arintaa aad u soo dhawayay Maamulada dugsiyada sare oo ku tilmaamay tilabadaa mid dhiiri galin ah. RBC NEWS Sports Xafiiska Garowe C/raxamaan Maxamed Muuse Ilkacase
  8. Galgala oo la Ciyaartay Badhan July 11, 2010 By Axmed Muuse Dheere Labada Degmo ee Galgala iyo Badhan oo ka kala Tirsan Bari iyo Sanaag ayaa Wada dheelay maanta Ciyaar Xiisa badan oo lagu Marti qaaday Garoonka Magaalada Badhan, Warka ayaa sheegaya in Ciyaartaasi ayay Weerar Weerar Celis ku Bilaabatay Markii Hore hase yeeshee ay Labada Naadi soo Bandhigeen Ciyaar aad Loogu Masquuday. Kabtan Galgala Maxamed Siciid Salaax oo loo Yaqaan [saxaaf] ayaa ii sheegay isaga oo Badhan ku Sugan inay Ciyaartaasi ku dhamaatay 2- Gool iyo Laba Gool uuna Goolka Galgala u dhaliyay AMin. Kabtanku waxa kaloo sheegay inay Sanaag iyo Hayland ay Marayaan isla markaana ay Sanaag qaar ka mid ah Ciyaar la soo dheeleen sida Ceerigaabo oo ay Ciyaal Laga Yaabay soo Bandhigeen. Sidoo kale Hadaaftimo ayay Ciyaar la dheeleen waxana ay Kaga Badiyeen Hal aan Zero, iyada oo sidaasi ay Guushu ku Raacday Naadiga Degmada Galgala. Maxamed Siciid Saalah waxa uu Hanbalyo u diray Kabtanadii Hore ee Xulka Galgala oo Qurabaha Jira sida Axmed Cade iyo Toxob oo ay sheegeen inay aad u Taakulayaan Xulkaasi Galgala sidii ay Heer Fiican uga Gaadhi lahaayeen Ciyaaraha. Inta badan Naadiyada Sanaag iyo Hayland ayaa Lagu Yaqaan inay Ciyaar Xiisa badan dheelaan sida Ciyaaraha Koobka Golada PL . Jamac Feyte
  9. Wasiirka Ganacsiga Puntland Oo Furay Tababar Loo Qabanaayo Ganacsato (Sawiro) July 11, 2010 Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Xassan Faarax Jaamac ayaa maanta furay tababar ku sabsan ganacsiga iyo maalgashiga kasoo soconaaya mudo saddex maalmood. Tababarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay jaamacada Bariga Africa xarunteeda magaalada Garoowe,waxaana gacan ka siisay jaamacada Bariga Africa Hay’adda Manhal. Waxaana furitaanka tababarkaan kasoo qaybgalay Wasiirka ganacsiga Puntland,Duqa degmada Garoowe,maamulka jaamacada iyo masuuliyin kale. Tababarkaan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha jaamacada Bariga Afrika Sheikh Maxamuud oo ka warbixiyay waxaa uu ku saabsan yahay tababarka ay u qabteen ganacsatada,waxaana uu sheegay in tababarkaan uu yahay mid ay jaamacad bariga afrika ay ugu tala gashay in ay ka faa’idaystaan ganacsatada iyadoo ganacsatada lagu baraayo qaabka wax loo maalgashto. Duqa degmada Garoowe Md. C/casiis Nuur Cilmi iyo Dr Maxamed ayaa iyana goobtaa ka hadlay kuwasoo tilmaamay inuu yahay tababarkaan mid muhiim ah oo loo baahan yahay si ganacsigu uu u noqdo mid xor ah oo ay dadka oo dhan ka faa’idaystaan. Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xassan Faarax Jaamac oo si rasmi ah u furay tababarkaan ayaa sheegay inuu mar uga mahadcelinaayo jaamacada Bariga Africa tababarkaan ay ganacsatada maanta u soo qaban qaabisay kasoo loogu tala galay mudada uu socdo in ganacsatada lagu faham siiyo qaab maalgashiga loo sameeyo. Wuxuu intaa ku daray in aysan hada ganacsatada Puntland aysan lahayn warshado sidaas oo ay ku wareegaan oo kaliya isgaarsiinta iyo xawaalada loona baahan yahay in warshado la sameeyo si loo helo waxa uun uu wadankeena uu soo saaro,wuxuuna ganacsatada ku booriyey in waxaa ay bartaan ay u gudbiyaan kuwa kale. Tababarkaan ay soo qaban qaabisay jaamacada Bariga Afrika ayaa waxaa lagu qabtay xarunta jaamacada Bariga Afrika ee magaalada Garoowe. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland
  10. I personally prefer hamari women. I dont know why but I like women who are short and have nice bubbly bodies lol. I am not the type that likes tall skinny girls, ima baxan reminds me of boys lol
  11. Jacaylbaro lol naago inay joggan hargeisa shaqi kuma jirto taas sxb. I think Xoosh made a good point there and its not just XOOSH that says this but all somalis say the same thing
  12. That bus is used to travel through puntland to reach the people. They are not sitting in hotel room like the people you just posted here. Again better governance in puntland!!! Bus Routes Law Garowe Bus Route Law Galkayo Road Signs Bossaso PS: I am going to be IDP in Puntland
  13. Amistad it doesnt where i am from but what matters is the advancement of puntland!!!
  14. Xildhibaanada Puntland oo Maanta ansixiyay adeeg u gaar ah Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso. By admin July 11, 2010 Boosaaso (AB):-Kulan Maanta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa looga dooday meel marinta adeegoyo gaart u noqonaya garoonka diyaaradaha Magaalo xeebeedka Boosaaso ee Gobolka Bari. Dhamaan Xildhibaanada Puntland ee soo xaadiray fadhiga Maanta oo gaarayay ilaa 50 mudane ayaa isku raacay oo ansixiyay adeeg u gaar ah garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso. Adeegyada garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa waxaa ka mid ah qaabka canshuuraha soo gala garoonka diyaaradaha sida qidmada laga qaado diyaaradaha soo caga dhigta garoonka. Ansixinta maanta ee adeega garoonka diyaaradaha ayaa ku soo aadeysa xili la filayo dhawaan xildhibaanada Puntland ay ansixiyaan misaaniyad sanadeedka sanadka 2010. allburtinle.com Boosaaso -Bari
  15. 30% dadka la qabtay ee fuliya dilalka qorshaysan waa IDPs-ka ...waxaa lagu heshiiyey in la tiro koobo, kaarar loo sameeyo, dhul la dejiyo" M/weyne Faroole. Audio
  16. Madaxwayne Farole oo kulan la qatay Maanta Mark bowdan u qaablsanaha arimaha Soomaaliya QM (Garowe) RBC: Waxaa maanta soo gaaray Magaalada Garowe ee Caasimada Puntand wafdi uu horkacayo u qaablsanaha araimha Sooomaaliya Mark bowdan iyo xubna ka socda Hay,addaha deeqbixiyaasha. Wafdigaan ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee KONOKO airaport ee duleedka Magaada Garowe waxaana markii ay soo dageen kidib loo soo galbiyay xarunta Madaxtooyada Magaalada Garowe halkaa ay kulan kula qaateen Madaxwaynaha Puntand Cabdi raxmaan Maxamed Maxamuud Farole. Kulan kaa kidib ayaa waxaa saxafadda uga warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Madaxwaynaha Puntland Dr cabdi raxamaan Maxamed Maxamuud Farole waxuuna sheegay in kulan waqti gaaban socday ay wada qaateen Xukuumada Puntland iyo Marka Bowdan . Waxuna sheegay in kuLan kaa uaga wada hadleen arima la xariira dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan puntaland sidii Hay,addaha gacan uga gaysan lahaayeen islamarkaana waxa uu sheegay in in ay jiraan dad ka mid ahaa dadkaa oo ka qayb qaata falalka amni dara ee ka dhaca Puntland Madaxwayne Farole Waxa uu sheegay in ay u sheegeen wafdigaa in ay jiraan dad badan oo loo soo qab qabtay falalkii ka dhacay Puntland ee amniga lidka ku ahaa dad ka tirsan dadka ku soo barakacay Puntand kuwaas oo uu sheegay in siyaaba khadan loo soo adeegsaday. Waxuuna tilmaamay in ay isku afgarteen si looga hortago falalkaa in dadkaa tirakoob lugu sameeyo islamarkaana loo sameeyo karar aqoonsi ah kuwaas oo uu sheegay in wax wayan ka tari doonto sida uu hada xaalku yahay horana kararkaa loogu sameeyaya dadka barakacayaasha ee ku dhaqan magaalada Gaaakcyo Mr farole ayaa dhinac kale sheegay in ay ka wada hadleen wafdigaa uu horkacayay Mark Bowdan iyo Xukuumada Puntland dhinacyada amniga sidii looga wada shaqayn lahaa waxuuna tilmaamay Madaxwayanaha in ay isla garteen in arintaa laga wada shaqeeyo . Wafdigaa ayaa la filayaa in dib ugu laabataan Dalka Kenya oo ay markoodii hore ka soo socdaaleen waxuuna socdaakaan uu qayb ka yahay safaro badan oo dhoor jeer ku soo gaaray deegaanada Puntland. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
  17. Ganacsatada Puntland oo Kulan uga Furmay Xarunta Jaamacadda Bariga Afrika (Garowe) RBC: Waxaa maanta ka furmay xarunta Jaamacadda Bariga Afrika kulan socon doona muda afar cesho ah kaa oo ay ka soo qayb galeen xubna ka socda Shirakaadaka Ganacsiga Puntland ka howlgala . Shirkaa ayaa waxaa martigaliyay Jaamacadda Bariga Africa waxaana looga doodi doonaa mudada u soocodo sidii loo samayn lahaa maalagashi iyo diinta islaamka waxa ay ka qabto in maalagashi la sameeyo. Kulankaa oo qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka howgasha Magaalada Garowe ka qaybgalin ayaa waxaa furay Maamulaha Jaamacadda Bariga Africa Shikh Maxamuud Xaaji yuusuf waxuuna sheegay in kulan kaa uu socon doono muda afar cesho ah. Xubnaha ka soo qaybgaay ayaa la filayaa in go,aamo ay ka soo saari doonaan sida saraakiil Jaamacada ka tirsan oo aan xariiro la samaynay noo sheegeen waxaana kulan kaa la filayaa in xooga lugu saaro qaabka ganacsi loo abuuri karo. Ma jirto faah faahin intaas dheer oo aan ka hayan kulan kaa maanta u furmay xubnahaa ka socda shirkadaha ganacatada Puntland ka howgala oo iskugi jira qayabaha kaa duwan ee gancsatada Arintaan ayaa ah mid iminka ku cusub Puntland hasayaeshee hadii aay hirgasho ayaa waxa ay suuragal ka dhigaysaa in dhalain badan oo iminka shaqa hayan ay helaan shaqooyin taa oo fursad u siin karta in nolashooda ku dabaraan. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
  18. Freedom oh get lost how can u have crime rate in hargeisa when the locals are all hopeless anyways and sleep outside in the streets. Excellent ambassador hotel but thousands of your locals sleep outside on the streets. Just go to hadhwanaag and see the current state of boon hersi and how he lives. Puntland is built by its locals and now are second arm the diaspora are coming in to make it the best place in horn of africa. Remember somaliland has exhausted its diaspora arm and that is the best u guys can do u cant go any further where-as puntland has not even touched its diaspora yet imagine when we do?
  19. Good Job Garowe municipal council for introducing this road rule which is very important in keeping the buses orderly and timely. Galkayo has had this for a while now and has been successful in keeping the buses on time and the strets safe hence why you never hear of accidents in galkayo. Galkayo Bus Stops a true success
  20. Basaska ka shaqeeya gudaha Caasimada Puntland oo amar lugu siiyay in aysan istaagi karin gooba ka baxasan goobihii loo asteeyay (Garowe) RBC: Dowlada hoose ee Magaalada Garowe e caasimda Puntland ayaa amar ku siisay gaadiidlayda bee.lka loo yaqaano in aysan istaagi Karin goob aan ahayn gooba ay dhawaan Dowlada hoose u calaamadaysay oo ku teedsan Wadada laamiga ah ee dhaxmarta Caasimada Puntland. Waxaana wadayaasha ka xamaasha Gawaarida dad waynaha ee be;elka loo yaqaano amar lugu siiyay in aysan gaariga istaajin gooba ka baxasan goobaha loo asteeyay gawaarida. Arintaa ayaa ka danbysay kidib markii Dowlada hoose ee Magaaada Garowe ka samaysay dhinacyada laamiga tabeelayaal ay ugu talagashay in gaadiid lay,ada be.elka istaagaaan halka dad waynahana loogu baaqay in goobaha la calaamadeeay ay tagaan. Wadayaasha gaadiidlayda ayaa arintaa walaac ka muujiyay walow amuurtaa ay si wayan u soo dhawayeen dadka deegaanka oo sheegay in dhibaata ku qaben bee.alaydaa oo ay timaameen in ay mararka qaar xanibi jireen isku socodka gaadiidka. Maamuka Gobalka iyo kan degmada Garowe ayaa labaduba amar ka soo saaray gaadiidlayda iyo gancsatada Khaadka ool abaduba ku tilmaameen in ay caqabado ku ahaayeen marida wadada laamiga ah . Lama oga sida uu sharacigaan u hirgali doono walow Dowada hoose ee Garowe ku goodisay cidii jabisa sharcigaa in tilaba ka qaadi doonaan islamarkaana gaarigii amarkaa ka hor yimaado oo ciqaab ganaax la kulmi doono oo aan loo naxariisan doonin. Tilabadaa ayaa ku soo aadaysa xili maamahaan dowalada hoose waday qorsho ay ku sheegtay in ay ku saxayso istatiijiyada Magaalada waana markii ugu horaysay ee tilaaba nuucaan uu qaado Maamulada soo maray Caasimada. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ikacase