Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. I personally don't trust maxamed adow. He was just locked up in hargeisa and all of a sudden he produces a pro ssc report. It just proves that this guy reports based on how ppl treat him not on fair and unbiased reporting. He has never said anything good about puntland
  2. Baarlamaanka Puntland Oo La Horgeeyey Xeerar Loogu Talagalay Argagaxiisada July 17, 2010 Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa waxaa maanta la horgeeyey xeerar loogu talagalay argagaxiisada,waxaana horgeeyey Xukuumada Puntland. Xildhibaan Cabdisalaan Sheikh Maxamuud Shaybe oo u waramaayay Horseed Media wuxuu sheegay in xeerarkaas aan maanta laga doodin balse maalinimada berito lagu wado in ay hor yimaadan Baarlamaanka Wasiiro ka tirsan Xukuumada Puntland oo sharaxaad ka bixin doonaan. ”…Waxaa la horkeenay xeer loogu talagalay argagaxiisada iyo xeer maxkamad loogu talagalay maxkamada dambiyada culus gasha,waa la qaybiyey beri waxaa imaanaya Wasiiro ka socda Xukuumada oo sharaxaaya waxaa loogu talagalay…”,ayuu yiri isagoo intaa ku daray in maalmaha soo socda ay Xildhibaanadu go’aan kasoo saari doonaan. Xildhibaano kor u dhaafaya 36-mudaneyaal ayaa goobjoog ka ahaa kalfadhigii maanta. Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa dhowaan kulan ku yeeshay magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland oo looga hadlay arrimaha amaanka. Kulanka gaba gabadiisa ayaa shaaca laga qaaday in maxkamad gaar ah loo samayn doono dadka lagu tuhmo falal danbiyeedyada lagu tilmaamo Argagaxinta, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay gobalada Puntland. Horseed Media
  3. 17. July 2010 Iyadoo malinimadii shalay ahayd Dawlada puntland ay ku dhawaaqday Maxkamad Cusub oo loogu talagalay Dambiyada la xiriira Argagixisada ayaa Shacabka ku dhaqan Goballada puntland Waxay aad u soo dhaweeyeen talaabadan ay dhinaca Maxkamadaha Dawladu u qaaday. Shacabka Qaybihiisa kala duwan ayaa Tilmaamay in muhim tahay in la helo Maxkamada gaar ah oo lagu qaado Dambiyada la xiriira Agagixisada iyo Falalka Qorshaysan ee ka dhaca Deegaanada Puntland maadaama ay Xabsiyada ku jiraan Dad badan oo loo soo qabtay Dilal Qorshaysan, Qaraxyo falal kale oo la mid ah islamarkaana Dawladu aysan Wali Maxkamad saarin. Nabadoon Xuseen Maxamed Nuur oo ka mid ah Nabadoonada Puntland oo Xiriir nala soo sameeyay ayaa Wuxuu tilmaamay in talaabadani ay tahay mid tixgalin gaar aha mudan, maadaama Puntland aysan horay uga jirin Maxkamada gaar ah u falalka Argagixisada ah. Cali C/laahi oo isna ka mid ah Culimada puntland kuna Sugan Magaalada boosaaso ayaa isna sheegay talaabadani in ay aad u dhimi karto falalka guracan ee isugu jira Qaraxyada iyo Dilalka Qorshaysan Maadaama ay jirayso Goob u gaar ah Falalkasi iyo Shuruuc loo Cuskanao Dambiyada ay gaysteen. Hooyo Sahro Saalim oo iyadana ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegtay in ay aad u soo dhawynayso talaabadan lagu Hormarinayo Amniga guud ee Deegaanada Puntland gaar ahaana lagu Xakamaynayo Falalka Argagixisada la xiriira . Hambalyada iyo soo dhawaynta Shacabka ee Arrintan waxay timid kadib Markii Malinimadii Shalay Wasiirka Amniga Dawlada puntland uu shaaciyay Dawladu in ay Qorshaysay Maxkamad gaar ah oo lagu qaadayo Dambiyada la xiriira Argagixisada, islamarkaana maxkamadan oo Xarunteedu ay Noqondoonto Garowe ay Dhaqan galayso marka Golaha Wasiirada iyo Golaha Wakiilada Puntland ay Ansixiyaan islamarkaana uu saxiixo Madexweynaha Dawlada Puntland.
  4. Xudeedi there is no questions that terrorists are located in galgala, it was even in the united nations report. As for galgala being in bari yes it is in bari but we call it sanaag bari. Because they share closer ties to fellow makhiris then the rest of bari.
  5. General what i am is regardless, infact its good im not from puntland because it proves puntland is loved by all people. So it goes in puntland favor anyways. Like i said noone defeat in knowledgable debate. come in my room on paltalk its only english speaking no somali speaking. just knowledge!!! You will be schooled and slapped down and feel ashamed of where u r from!!!
  6. General then move on bro because i am smarter then you or come on paltalk and dare debate me i will tear u apart
  7. I like Gen.Careys and from what I am told he has same vision as abdullahi yusuf when it comes to security and that means "no holds barred" the only people that hate him are the enemies like yourself. Good on puntland admin for naming him as general and let him sort out the security issues facing the state and also deal with the enemies of state dhinac walbo ha joggeen.
  8. I am hearing news the galgala boys have even raised up the flag of shabab in parts of bari and are trying to establish their new form of govt for their degaans. Puntland administration has recieved firm support from sanaag odeys to take action against this group who wants to destablize the region.
  9. Boosaaso:G/Sanaag oo isku aruursanayaan taageerayaasha Ururo diimeedyada ka jira K/Soomaaliya. 16. juli 2010 Boosaaso:(Allpuntland)-Warar hoose oo laga helayo qeybo kamid ah deegaanada Sanaag bari ee Puntland & xiriirka gobolada Sanaag & Bari ee Puntland ayaa sheegaya in halkaas ay ka dilaaceen Hogaamiyeyaal islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dawlada Puntland. Wararku waxay intaas ku darayaan in meelo ay kamid tahay buurta Galgala oo ay horay u degenaayaan taageerayaasha Hogaamiye Maxamed Siciid Atom ay halkaas uga dhawaaqeen inay taageersanyihiin Kooxda Xisbul Islaam ee kajirta koonfurta Soomaaliya. Sidoo kalena warar kale oo ay APL ku kalsoontahay ayaa sheegaya in meelo kale oo kamid ah Gobolka Sanaag sidaas oo kale ay uga bilowdeen taageerada Xisbiyo kale oo ay Alshabaab kamid tahay,islamarkaasna laga taagay Calanka Alshabaab deegaano hoosyimaada degmada Dhahar ee gobolka Haylaan. Dawlada Puntland ayaa bilihii lasoo dhaafay ka walaacsanayd amaanka gobolkaas oo ay horay uga digtay in Hogaamiye diimeedyadu ay halkaas fariisimo kasamaystaan,waxaana dhawaan halkaas booqday Wafdi kasocda dawlada Puntland oo uu hogaaminayey Wasiirka Arimaha gudaha ee Puntland,balse wafdigaas uma suurtobin inay tagaan Buuraha laga shaki qabo. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  10. Garoowe:(Allpuntland)Golaha Wasiirada Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa 24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxay laaheeyeen kulamo Xasaasi ah oo aanan kala joogsi lahayn,kuwaas oo ay uga hadlayeen xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka. Kulankan oo shalay aroor hore bilowdaya ayaa shalay Duhurnimadii xoogaa hakad galay,waxaana uu markale bilowday shalay galab isagoo ilaa xalay la isla gaaray saqdhexe,dabadeedna saaka oo Jimce ah Wasiirada Puntland ayaa markale dib ugu noqday Hoolka Shirarka ee Madaxtooyada Puntland. Kulamada Wasiirada Puntland oo intabadan Todobaadkiiba mardhici jiray ayaa todobaadkan ka xaasisan kuwii hore,waxaana Wararku sheegayaan in Dawlada Puntland ay walaac ka qabto Dhaqdhaqaayo laga soo sheegayo deegaano katirsan gobolka Sanaag oo ay bilaabeen Hogaamiyeyaal Diimeedyo halkaas kajira. Wasiir xigeenka Wasaarada Warfaafinta ee dawlada Puntland ahna kusimaha Wasiirka Warfaafinta Cabiqani Salaad Guray ayaa APL u sheegey in weli aysan kulamadaasi dhamaan islamarkaasna ay Wada xaajoodyadu aad u culus yihiin,wuxuuse Wasiir xigeenka Warfaafintu ka gaabsaday inuu APL u sheegey ujeedada Kuladmaas. “Waxaan kuu sheegi karaa in Kulamadii aanu shalay aroortii u fariisanay weli u fadhino Hada oo aan kula hadlayo..laakiin kuma oran karno Howl hebla ayaa looga hadlayaa,waayo taas hadaad iweydiiso waa Khalad,dhawaan ay noo soo dhamaanayaan Aanuna Warbaahinta uga waramaynaa wixii kasoo baxa”Ayuu yiri Cabdiqani Salaad Gurey oo ay APL weydiisay waxyaabaha looga hadlayo Kulamadooda. Warar ay APL ka heshay Ilo ay ku kalsoontahay ayaa sheegaya in Kulankaas si gaar ah uu madaxweynaha Puntland farta ugu fiiqey Dhaqdhaqaayada kajira Gobolka Sanaag,islamarkaasna uu Xukuumadiisa ka codsaday in loo istaago Howlgal halkaas laga bilaabo. Cabdiqani Xayir Allpuntalnd
  11. Gen Careys oo Dib Loogu Yeeray Taliska Ciidanka Daraawiishta Puntland (Warbixin) Galkacyo (RBC) Warar laga helayo ilo xog ogaal ah oo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in dib loogu yeeray taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. C/laahi Cali Mire Careys. Ilo wareedkan oo aan dooneyn in la magacaabo ayaa u sheegay RBC in Gen. Careys oo waayadanba ku sugnaa magaalada Gaalkacyo looga yeeray xarunta madaxtooyada ee magaalada Garowe, waxaana wararka laga helayo saraakiil sare oo ku dhow Gen Careys ayaa sheegaya in Gen. Careys loogu yeeray wada tashiyo ku saabsan sidii loogu qancin lahaa inuu markale hogaanka u qabto taliska ciidanka Daraawiishta Puntland oo mar uu hogaamin jiray. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa wada tashiyo gaar ah oo arintan ku saabsan waxay ka socdeen aqalka madaxtooyada ee Garowe, iyadoo madaxweyne C/raxmaan Faroole uu u muuqdo inuu doonayo inuu dib u habeyn ku sameeyo ciidamada Daraawiishta oo mudaba kala daadsanaa. Haddii Gen. Careys uu aqbalo talo soo jeedinta madaxweyne Faroole waxaa markaasi laga yaabaa in loo dhiibo hogaanka ciidanka Daraawiishta Puntland, taasi oo sida masuuliyiin badan ay aaminsan yihiin wax weyn ka bedeli karta xaalada amniga. Gen. Careys oo ahaa saraakiishii hore ee ururkii SSDF, ayaa maamuladii Puntland ee C/laahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ka soo qabtay taliska Daraawiishta Puntland. Markii C/laahi Yuusuf uu noqday madaxweynaha DKMG Soomaaliya Gen. Careys waxaa uu ahaa taliyah ciidanka ilaalada madaxweyne Yuusuf isagoo ku sugnaa magaalooyinka Baydhabo, Jowhar iyo Muqdisho. Gen. Careys oo weli lagu tiriyo inuu yahay taageerayaasha waaweyn ee Col. C/laahi Yuusuf ayaa bishii December 2009 dib ugu soo laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug markii uu xilka ka degey C/laahi Yuusuf. Saraakiil militari oo qaarkood RBC ay wax ka weydiisay arintan ayaa ku tilmaamay in u yeerista Gen Careys ay muujineyso siyaasada madaxtooyada Puntland oo ku wajahan dhowr jiho. Dad badan ayaa aaminsan in Careys uu yahay sarkaal khabiir ku ah hawlaha ciidanka, wax badana ka soo shaqeeyey Daraawiishta Puntland taasi oo dowlada Puntland ka caawini karta dhowr arimood; - In dowladu ay gacan adag ku dhigto xaalada amniga ee gudaha Puntland taasi oo xilligan aan sal badan ku fadhin. - In meesha laga saaro xiisadihii ka dhashay lacagihii faalsada ee dhowaan lagala baxay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, taasoo ay ku lug lahaayeen dad la sheegay inay qaab beeleed u abaabulnaayeen. - Dowlada Puntland oo aan marnaba ka tanaasulin qorshaha dib u soo celinta Laascaanood oo hadda gacanta ugu jirta maamulka Somaliland. Inkastoo saraakiisha xiriirka dhow ay leeyihiin Gen. Careys ay muujiyeen suuragalnimada arintan ayaa haddana Gen. Careys laftiisa aanu ka hadlin arintan. Waxaana wax walba ay kala caddaan doonaan maalmaha soo socda. RBC Radio
  12. Khamri ay qabteen Booliska Gobolka Mudug Oo Lagu Burburiyey Magaaladda Gaalkacyo [Photos] July 15, 2010 Waxaa maanta fagaaraha barxada qaybta Booliska gobalka Mudug lagu burburiyay ilaa 130 dhalo oo ah maandooriyaha loo yaqaan qamriga oo ay Ciidanka amaanka gobalka Mudug dhawaan gacanta kusoo dhigeen 3 kartoon oo ay ka buuxdo qamriga loo yaqaan Dry Gin,waxaana ay ciidamadu ay sheegeen in lagu soo qaatay qamrigan gaari ka yimid dhanka gobalka Wardheer degmada galaadi ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Maxkamada Darajada koowaad ee gobalka Mudug ayaa ku xukuntay min 6 bilood oo xarig ah dadkii lagu soo qabtay qamrigan waxayna sidoo kale maxkamada xukuntay in meel fagaara ah lagu bur buriyo qamrigan. Goobta ay ka dhacaysay burburinta qamrigan ayaa waxa joogay Gudoomiyaha maxkamada darajada koowad ee gobalka Mudug io xeer ilaaliyaha maxkamada,Gudoomiyaha maxkamada rafcaanka gobalka mudug sidoo kale waxa goobtaas ku sugnaa Taliyaha Ciidamada booliska gobalka mudug G/sare Muuse Xasaasi iyo qaar ka tirsan ciidanka booliska gobalka Mudug. Taliyaha Ciidamada Booliska gobalka Mudug G/sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) ayaa ka hadlay goobtaas isagoo u mahad celiyay ciidanka booliiska oo marar badan soo qabtay waxyaalaha qalqalka galiya amaanka iyo xasiloonida gobalka Mudug.waxaana uu ku booriyay in aysan ka caajisin hawsha ay u hayaan dalka iyo dadkaba,sidoo kale waxaa uu digniin u diray kooxaha ka ganacsada mandooriyaha isagoo sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonan ciidamada amanka gobalka Mudug. Ma ahaan markii ugu horeeysay oo ay ciidanku soo qabtaan maandooriyaha loo yaqaan qamriga,hase ahaate waxaa jira goobo waa weyn oo caan ku ah ka ganacsiga qamriga kuwaasi oo ku yaala bartanka magaalada Gaalkacyo. Ahmed Mohamed Ali (Caano Geel) Horseed Media Galkaacyo-Puntland
  13. Kuliyada Macalimiinta ee GTEC Oo Lagu Soo Kordhiyey Qayb Cilmi Baaris Ah (Sawiro) July 15, 2010 Kuliyada tababarka macalimiinta ee GTEC ayaa maanta waxaa lagu qabatay munaasabad balaaran oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin kala gadisan oo ka socdaay dawladda Puntland,Aqoonyahano iyo ardayda wax ka barata kuliyada. Masuuliyiintii kasoo qaybgalay munaasabada lagu furaayay qaybta cilmi baarista kuliyada GTEC ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa. Waxaa munaasabadaan ugu horayn ka hadlay maamulaha GTEC C/risaaq Shoole oo sheegay in maanta ay isugu yimaadeen furitaan qaybta cilmi baarista ee Kuliyada tababarka Macalimiinta ee GTEC. C/risaaq Shoole ayaa intaa ku daray in ay muhiim wayn u leedahay in la helo qayb cilmi baariseed iyo dad aqoontaa leh,waxaana uu sheegay in kuliyada ay ku dadaasho si ay kor ugu qaadi lahayd baarayaasha Puntland loona heli lahaa macalimiin tayo leh. Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ayaa isna halkaas ka sheegay in loo baahnaa qaybtaan lagu soo kordhiyey kuliyada,wuxuuna xusay in waxyaabaha laga faa’ido Cilmi baarista in ay ka mid tahay in ardayda kuliyada oo keliya ay is yaqaanan balse marka ay timaado cilmi baarista ay dad badan is baranayaan. Wuxuu intaa ku daray in maanta ay si lumayso taariikhda Soomaaliya ayna u baahan tahay in la daba qabto,waxaana ardayda iyo macalimiinta kuliyada uu kula dardaarmay sidii ay cilmi baaristooda ay ugu darsan lahaayeen qaabka loo daba qaban karo taariikhda Soomaalida. Kuliyada maanta lagu soo kordhiyey qaybta Cilmi baarista ee GTEC ayaa ah mida lagu tababaraayo macalimiinta Puntland iyo weli dhalinyarada kasoo baxda dugsiga sare kuwasoo loo tababaraayo Macalinimo. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka Horseed Media Garoowe-Puntland
  14. Audio Is Below http://horseedmedia.net/2010/07/16/puntland-oo-maxkamad-gaar-ah-samenaysa-argagaxisada-iyo-sababaha- keenay/
  15. Puntland oo Maxkamad gaar ah u samenaysa Argagaxisada iyo sababaha keenay July 16, 2010 Dowlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay maxkamad gaar ah u sameyn doonto dadka lagu tuhmo falal danbiyeedyada lagu tilmaamo Argagaxinta, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacay gobalada Puntland. Go’aankan ayaa kasoo baxay kulamo maalmo ka socday magaalada Garowe ee caasimada Puntland, kulamadaasi ayey ka qeyb galayeen dhamaan Xukuumada oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada. Kulamadan ayaa si qoto dheer looga hadlay falalkii qorsheysnaa ee ka dhacay Puntland ee isugu jira dilalka, qaraxyada iyo waliba dadka ka danbeeya sidii tilaabo looga qaadi lahaa. Iswaafajinta Sharciga Kulamadan ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee looga hadlayey sidii la isu waafajin lahaa Sharciga Puntland ee hada jira ee ku dhisan Shariicada Islaamka, iyo sidii maxkamado gaar ah loogu sameyn lahaa dadka geysta falalka amniga lidka ku ah. Wasaarada Amniga ee Puntland oo soo gudbisay qorshayaal kala duwan oo ku aadan sidii loo adkeyn lahaa Amniga Puntland, ayaa soo dhaweysay go’aankii ugu horeeyey ee isku raacaan Golaha Wasiirada oo ku aadan dadka geysta falal danbiyeedyada lagu tilmaamay argagaxisada. Wasiirka Amniga ee Dowlada Puntland Gen.Yusuf Axmed Khayr oo Wareysi siiyey Horseed Media ayaa sheegay in sharcigan ku aadan Argagaxisada uu yahay kii ugu horeeyey oo si gaar ah wax looga qabanayo kooxaha iyo dadka soo abaabula ama fuliya weerarada argagaxisada iyo dilalka qorsheysan. “…Argagaxiso waxaanu u naqaan cid walba oo qorsheysa inay dadka ku argagaxiso dilalka arxandarada ah, qaraxyada shacabka lagu dhextuuro, iyo qorshayaasha lagu doonayo in lagu burburiyo amniga dalka….” ayuu yiri Wasiirka oo ka hadlayey arrimaha maxkamada ay qaabilsan tahay. Wasiirka oo ka hadlayey arrimahan ayaa sheegay in soo saarista sharciga ay salka ku heyso qaraxyadii iyo dilalkii dhawaanahan ka dhacay magaalada Bosaso ee lagu dilay saraakiil iyo madax ka tirsan dowlada Puntland iyo waliba dad rayid ah, asagoo sheegay in loo baahan in xukun culus lagu rido dadka falalkan geysta iyo waliba kuwa gacanta siiya. Maxkamadan argagaxisada oo ayadu qeyb ka noqon doonta kuwa hada jira ee caadiga ah, ayaa la doonaya sida ay sheegeen xubnaha ka tirsan dowlada Puntland, inay dadjiso maxkamadeynta dadka argagaxisada lagu tuhmo. Illaa iyo hada lama faah faahin sharciyada lala beegsan karo dadka ayagu gacanta siiya xubnaha lagu tuhmo inay yihiin argagaxiso, ayadoo dowlada Puntland horey digniino uga soo saartay in sharciga lasoo taagi doono cidii gacan siisa dadka geysta falal danbiyeedyada qorsheysan. Gen.Yusuf Axmed Khayr, Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa sheegay in hada la sugayo sharciyo kale oo cusub oo ay dowladu ansixiso oo kuwaasi oo ku aadan Burcadbadeeda iyo Tahriibta. Xukun Dil ah Dowlada Puntland ayaa sheegtay in qofkii lagu cadeeyo inuu qeyb ka ahaa falalka Argagaxisada uu xukunkiisu uu yahay dil, waxaa sidoo kale la sheegay in xukumo culus lala beegsan doono dadka ayagu soo dhaweeya ama gacan dhaqaale iyo taageero siiya kooxaha falalka argagaxisada geysta. Fulinta Xukumadii hore loo riday Kulankan Xukuumada Puntland ka yeelatay arrimaha amniga ayaa kusoo beegmaya xili ay jiraan dhaliilo ku aadan in xabsiyada ay weli ku jiraan dad lagu eedeeyey inay geysteen dilal qorsheysan iyo falal argagaxiso kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay dil, ayaan weli lagu fulin xukunkooda. In badan oo kamid ah ehelada dadka lagu dilay falalkii ka dhacay Bosaso, ayaa dhaliilay in aysan weli dowlada fulin xukumadii dilalka ahaa oo ay horey u riday maxkamada darajada 1aad ee magaalada Bosaaso, maxkamadaasi oo ah midda inta badan lasoo taago dadka loo soo qabto falalka isugu jira dilka iyo weerarada qorsheysan. Sirdoonka iyo Danbi baarista. Dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Puntland ayaa intooda badan isku raacsan in tilaabooyinka ugu muhiimsan ee Dowlada Puntland looga baahan yahay inay xoojiso ayaa dhanka, sirdoonka iyo xog aruurinta ku aadan dadka qorsheeya falalkan iyo waliba danbi baarista daba gasha shaqsiyaadka ka danbeeya weeraradii dhacay. Dadka ku dhaqan Puntland ayaa ku kala aragti duwan Maxkamda u gaarka ah arrimaha Argagaxisada, ayadoo ay jiraan dad sheegaya in ay noqoneyso mid si gaar ah uga shaqeysa maxkamadeynta dadka arrimahaasi lagu tuhmo isla markaana ah tilaabo horey loo qaaday oo amniga lagu sugayo, halka ay jiraan dad shaki gelinaya in go’aamada kasoo baxa maxkamadaasi ay ka duwanaan doonaan kuwii horey uga soo bixi jiray maxkamadaha hada jira. Hussein Farah Horseed Media
  16. Telcom Puntland has implemented Landline Service in the whole Puntland cities with full of features. The most important is that Telcom Puntland was the first Telecommunication Company that implemented underground Cable, which took part the city good-looking and quality Landline Service. In addition to that Telcom achieved a good reputation of its landline services.
  17. Telcom Puntland has implemented Landline Service in the whole Puntland cities with full of features. The most important is that Telcom Puntland was the first Telecommunication Company that implemented underground Cable, which took part the city good-looking and quality Landline Service. In addition to that Telcom achieved a good reputation of its landline services.
  18. Redsea can u not tell me your experience but prove the service they provide telesom. 1. Calling rates 2. How many cities do they operate in I won't even need to get into the quality services because i am sure the telesom calling rates aren't cheaper then golis because golis has one of the cheapest rate in the world according to economist
  19. Redsea can u not tell me your experience but prove the service they provide telesom. 1. Calling rates 2. How many cities do they operate in I won't even need to get into the quality services because i am sure the telesom calling rates aren't cheaper then golis because golis has one of the cheapest rate in the world according to economist
  20. Redsea to claim telesom is the leader in the horn you will need sufficient evidence. I say golis is the best because golis calling rates are the lowest in the world. Below is quote from what the calling rates for golis telecom was in feburary 2010. In hoos loo dhigo qiimaha ay ku hadlaan 27-kaas magaalo ee aan kusoo xusnay,guud ahaan qiimaha local-ka ee Shirkadana laga dhigo 2.4 Cents/daqiiqadi. 2.In hoos loo dhigo qiimaha Local-ka ee Landline-ka lagana dhigo 1.8-Cent/daqiiqadi,halkii uu awal ka ahaa 2-Cents marka uu wacaayo layn kale iyo marka uu wacaayo Mobilba. 3.In qiimaha lagu hadlo habeenki wixii ka dambeeya fiidnimadda uu noqdo 1.8-cent daqiiqadi,laguna caam yeelo yeelo Shirkadda oo dhan,halki awal uu ku koobna magaalooyin gaar ah. 1 week ago they updated it also reduced the calling rates but i cant find the article. So if the calling rates of any somali company can beat that please show me. Plus the land mass golis works under 27 towns and expanding. Plus lets not forget their telecom puntladn and stg group which if thinks get nasty in this debate will be thrown into the mix so i can go 4 the kill
  21. Redsea to claim telesom is the leader in the horn you will need sufficient evidence. I say golis is the best because golis calling rates are the lowest in the world. Below is quote from what the calling rates for golis telecom was in feburary 2010. In hoos loo dhigo qiimaha ay ku hadlaan 27-kaas magaalo ee aan kusoo xusnay,guud ahaan qiimaha local-ka ee Shirkadana laga dhigo 2.4 Cents/daqiiqadi. 2.In hoos loo dhigo qiimaha Local-ka ee Landline-ka lagana dhigo 1.8-Cent/daqiiqadi,halkii uu awal ka ahaa 2-Cents marka uu wacaayo layn kale iyo marka uu wacaayo Mobilba. 3.In qiimaha lagu hadlo habeenki wixii ka dambeeya fiidnimadda uu noqdo 1.8-cent daqiiqadi,laguna caam yeelo yeelo Shirkadda oo dhan,halki awal uu ku koobna magaalooyin gaar ah. 1 week ago they updated it also reduced the calling rates but i cant find the article. So if the calling rates of any somali company can beat that please show me. Plus the land mass golis works under 27 towns and expanding. Plus lets not forget their telecom puntladn and stg group which if thinks get nasty in this debate will be thrown into the mix so i can go 4 the kill
  22. Plus I forgot to mention there is 3 airport projects happening as we speak. Galkayo airport getting a new terminal costing $250,000. Garowe airport is nearly done and ready to be opened. Bossaso airport has the runway left and is being worked on and should have its opening soon. Port project that was signed with the wfp to extend bossaso port and make it the biggest in somalia. There is the naval project that is being constructed. The bendar ziyada project is nearly done which includes a whole new city built from scratch. They are just finishing the bridge and the grand opening of the city will be after that. There is the government renovation buildings thats happening also in garowe. New parliament and ministries. Some of the ministries have been completed. Parliament is to be opened soon. Plus a bunch of private investments happening. Listed below in order Dahabshil biggest bank in east africa being built in bossaso as we speak. Tawakal is building 5 storey hotel/bank all in one facility in bossaso Golis is opening up 8 storey tower at bossaso and relocating their headquarters there. Plus 7 storey golis branch in garowe is being opened. Plus garowe new shopping mall is being opened which is 3 stories. Plus god knows how many others but according to the sama tv interview i watched their literally hundreds of private projects happening in puntland but i think most of them are residential but huge chunk are commercial and soon to be announced puntland will be entering the production era where processing plants get expanded. The oil is progressing slowly but its geting there. Road projects are not much happening but theirs plans to renovate the galkayo-garowe road and garowe to dangarayo road. Education ethiopia and sudan have recognized puntland high school certificates proving its the most quality education system in somalia. So really thats just a few things to name i cant be bothered listing everything but believe me somaliland projects looks pathetic when compared to what we have happening
  23. Plus I forgot to mention there is 3 airport projects happening as we speak. Galkayo airport getting a new terminal costing $250,000. Garowe airport is nearly done and ready to be opened. Bossaso airport has the runway left and is being worked on and should have its opening soon. Port project that was signed with the wfp to extend bossaso port and make it the biggest in somalia. There is the naval project that is being constructed. The bendar ziyada project is nearly done which includes a whole new city built from scratch. They are just finishing the bridge and the grand opening of the city will be after that. There is the government renovation buildings thats happening also in garowe. New parliament and ministries. Some of the ministries have been completed. Parliament is to be opened soon. Plus a bunch of private investments happening. Listed below in order Dahabshil biggest bank in east africa being built in bossaso as we speak. Tawakal is building 5 storey hotel/bank all in one facility in bossaso Golis is opening up 8 storey tower at bossaso and relocating their headquarters there. Plus 7 storey golis branch in garowe is being opened. Plus garowe new shopping mall is being opened which is 3 stories. Plus god knows how many others but according to the sama tv interview i watched their literally hundreds of private projects happening in puntland but i think most of them are residential but huge chunk are commercial and soon to be announced puntland will be entering the production era where processing plants get expanded. The oil is progressing slowly but its geting there. Road projects are not much happening but theirs plans to renovate the galkayo-garowe road and garowe to dangarayo road. Education ethiopia and sudan have recognized puntland high school certificates proving its the most quality education system in somalia. So really thats just a few things to name i cant be bothered listing everything but believe me somaliland projects looks pathetic when compared to what we have happening