Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
The pen means nothing in somalia you can be einstein if you want but if ur not from the known big clans u can never lead the nation. In Somalia muscle is more important the pen. Is that right? well it doesnt matter because i dont see foresee that changing anytime soon.
-
Wasirka amniga Puntland "Dadka aan u dhalan Puntland waa laga sarayaa " Wasirka amniga Puntland Genaral Yusuf Axmed Khaye ayaa maanta shir jara’id oo uu ku qabtay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe , waxaa uu kaga hadlay Amaanka Magaalada Bosaso iyo Hawlgalo ay cidamadu ay ka wadaan Gudaha magaaladaas, oo ay dad ku soo qabqabanyaan cidii danbi lagu helo kuwaas oo guri guri u baraya magaalada si loo ogado falalka amaan darada cida ku lug leh, waxaana uu uga digay dadka iyagu shacabka la dhexmaraya in puntland ay cidamo qoranayso, aysan waxba ka jirin oo Puntland ay leedahay cidamo ku filan Genaraal Yusuf Axmed Khayr waxaa kale oo sheegay in laga saarayo Dadka aan u dhalan Puntland laguna celinayo Meelihii ay ka yimaadeen si loo xaqiijiyo cida ka danbaysa amaan darada ku soo noqnoqonaysa Magalada ganacsiga Puntland ee Bosaso kadibna loo guda galo cida ku gabanaysa dadkaasi ciday doonaan ha hadane, waxaa uu intaasi raaciyay in loo bahan yahay sidii shacabku uga qayb qadan lahayeen amaanka bosaso sidii loowada ilaalin lahaa Wasirku waxaa uu ku micneeyay hawlgaladaan balaran ee ay qaadayaan in ay tahay mid lagu xaqiijinayo dilalkii ugu danbeeyay cidii ka danbaysay kuwaas oo loo gaystay saraakiil badan oo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo isugu jiray garsoorayaal xildhibaano iyo cidamo, Waxaana ay arintaani ku soo beegmanaysaa uu wasirku ka hadlay oo ku saabsanayd amaanka Bosaso iyadoo ay cidamo aad u badan ay ku sii qul qulayaan Magalada Bosaso kuwaas oo aan la garanayn sababaha ka danbaysa waxaa keenay in cidamo aad u badan oo ku gashaman tiknikada noocyadeeda kala duwan, C/naasir Yaasiin Salaad SBC International- Garoowe
-
I don't know why u all getting worked up about widhwidh for, it's so clear it's staged they don't even try to conceal it. WidhWidh was captured from ssc forces and snm took over not long ago and now the ssc take over widhwidh and all ssc community is happy and thinking their going to las anod inkasto ciyartu hawdka ma dhafayso lol. It's not big deal this widhwidh thing, when they go to las anod then it will big deal which i highly doubt they will
-
Somalia: Puntland Cabinet approves electoral commission bill 19 Jul 19, 2010 - 7:21:46 AM The cabinet of Somalia's Puntland state held its weekly meeting where it unanimously approved a bill to create an interim electoral commission, Radio Garowe reports. The meeting was held in Garowe presidential palace and attended by all members led by President Abdirahman Mohammed Farole. Explaining the bill to the cabinet, Puntland's State Minister for Democratization Hon. Abdi Jimale, stated that the commission will comprise of nine (9) members, five of them will be selected by the president and the parliament will complete the appointment of the remaining four members. The interim electoral commission will be required to oversee the parliament votings, conduct the elections of the counties and also fronting legalization of multipartism. The bill will be presented to the parliament for approval before it passes the presidential consent to become a law. President Farole’s government has promised to introduce multiparty democracy in the state as espoused by the state's constitution. Puntland, which declared itself as an autonomous part of federal Somalia in 1998, has enjoyed relative peace compared to the larger chaotic regions of Horn of African nation. GAROWE ONLINE
-
Chief, they are cracking down hard because these explosions on a weekly basis for months now is hit crisis point. Swift action is needed to send a message to the public that we won't tolerate this anymore. But remember these ppl if they found innocent they will be released and im certain alot of them will be realized in the coming days.
-
Strange how our military vehicles that shoud all be in sool fighting the border war is being converted into police trucks. Very sad indeed. I hope they come out with all of north-east hub on 1st of august and do huge parade!!!
-
Hawlgal Dad Badan Lagu Xirxiray oo Maanta Laga Fuliyey Boosaaso (Sawiro) Boosaaso (RBC) Ciidamada booliska oo ay wehlinayaan kuwa Daraawiishta Puntland ayaa saaka waaberigii ka bilaabay magaalada Boosaaso hawlgal si saf mar ah dadka loogu qabqabanayo. Hawlgalkan oo bilawday subaxnimadii ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu soo qabtay boqollaal ruux oo u badan dhalinyaro laga soo qabtay waddooyinka magaalada. Waxaana hawlgalku uu socday illaa maanta duhurnimadii. Ciidamo hubeysan oo wata baabuurta waaweyn ayaa lagu arkay magaalada iyadoo dadka lagu daabulayo baabuurta iyadoo dhamaan dadka la qabtay loo taxaabay saldhigyada booliska ee magaalada. Inkastoo saraakiisha amaanku aysan ka hadlin hawlgalkan ayaa haddana warar ku dhow hay’adaha amaanka waxay sheegayaan in dadka la qabtay ay gaarayaan illaa dhowr boqol oo ruux. Dadka la xiray ayaa u badan dadka ka soo jeeda gobolada koonfurta dalka iyo dad u dhashay qowmiyada Oromada oo ku nool magaalada, waxaana sidoo kale jirta dad degaan ahaan ka soo jeeda Puntland oo iyaguna hawlgalka lagu xiray. Mar wariyaashu maanta tageen saldhiga dhexe ee booliska Boosaaso oo dadka la geeyey ayaa waxaa lagu arkayey dadka la soo qabqabtay oo si horin horin ah u dhex fadhiya saldhiga booliska. Saraakiisha booliska, maamulka gobolka iyo kan degmada Boosaaso ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan hawlgalkan. Warar madax banaan ayaa sheegaya in hawlgalkan uu daba joogo tallaabooyin amaanka magaalada Boosaaso wax looga qabanayo oo ay wadaan masuuliyiinta dowlada iyadoo ay jireen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo dhowaanahan ka dhacay Boosaaso. Waxaana hawlgalkan uu yimid toddobaad ka dib magacaabista guddiga amniga Boosaaso oo toddobaadkii hore loog dhawaaqay kulankii golaha wasiirada dowlada Puntland oo ka dhacay magaalada Garowe. RBC Radio
-
Shirkada Golis oo Maanta Ku Dhawaaqday Hadiyad Sanadeed Qaali ah (Sawiro) Boosaaso (RBC) Shirkada Isgaarsiinta Golis Telecom ayaa maanta shaacisay hadiyado sanadeed qaali ah oo ay heli doonaan macaamiisha shirkada, iyadoo qaab nasiib ah luga heli doono. Xaflad maanta ka dhacday xarunta shirkada ee Boosaaso ayaa masuuliyiinta shirkada waxay ku sheegeen in shirkadu ay dadweynaha macaamiisha ah u soo bandhigtay hadiyadahan, iyadoo dadweynahana ay tartan u geli karaan hadiyada. Madaxa xafiiska Suuqgeynta Golis Siciid Xuseen Ciid ayaa xaflada ka sheegay in hadiyadan loogu magac daray ‘GOLIS IYO NASIIBKAAGA’. “Dadweynaha waxaan u sheegeynaa in maanta shirkadu ay furtay barnaamijka Golis iyo nasiibkaaga oo ah hadiyad sanadeed, waxaa looga qeybgali karaa in fariin ay ku qoran tahay ‘hadiyad’ aad u dirto numberka 140″. Maareeyaha guud ee shirkada Golis Aadam Sheekhdoon Cali ayaa sheegay in hadiyadan aysan wax lacag ah ku xirneyn, waxaana dadweynaha u furan in ay ka qeybgalaan tartanka hadiyadan nasiibka ah taasi oo socon doonta mudo toddobaad ah, iyadoo markaasi ka dibna shirkadu ay xaflad weyn ku abaalmarin doonto dadka ku guuleysta abaalmarinta. Qaabka ka qeybgalka: 1- Mobilkaaga Golis ka *** farriin adigoo ku qoraya ‘hadiyad’. 2- u *** fariinta numberka ‘140′. Hadiyadaha waxaa ka mid ah: - Gaari noociisu yahay Mark 2 Chaser - Talaagad waxqaboojisa - Qasaalada dharka lagu dhaqo - Laptob computer - Mobile phones iyo alaabo kale Sida masuuliyiinta shirkadu sheegeen waxaa ka qeybgalka barnaamijka nasiibka hadiyadaha ay u furan tahay guud ahaan macaamiisha heysata mobile-ka Golis meel kasta oo ay joogaan. Shaqaalaha shirkada Golis ayaan loo ogoleyn inay ka qeybgalaan barnaamijkan. Cabdalle Muumin RBC Radio
-
Chief Its quite sad people want to see chaos on puntland streets because we dont wish that upon anyone. Like the erigavo issue we let that go because nabad ba ka jirta, if we wanted we could of caused chaos however the las anod thing is totally different because 1 clan lives there therefore 100% under puntland. Anyways its sad that ppl wish this for our state. Notice it never happens in galmudug lol because its obvious the source is from related clan of galmudug
-
Amistad the sad thing is these sort of incidences are becoming so regular that the puntland authorities has created special tribunal court to try and sentence these thugs because the justice system in puntland is just overloaded and usually these scumbags sitt in jail for years and years without gettng their trial. This special tribunal will speed up these ppl and carry heavy sentences life inprisonment. Farole needs to let the PIS do their job because keeping the peace inside the cities needs police/pis/and community to work together hand in hand.
-
Amistad, these explosive devices has been unfoiled by the competent security appartus in puntland, it proves how alert and experienced they are getting by the day and foiling these cowardly acts by troublemakers. I commend the puntland police force who has time and time again proven how competent they are in keeping the peace and safeguarding human life. Good job
-
Waxaa lasugayaa oo diyara garoow aad u xoog badan loogujiraain sidii Deegaanada puntland looga Xusi lahaa Sanad guurada 12-naad ee ka soo wareegatay Asaaska Dawlada puntland islamarkaana ay jiraan Diyaargaraw Dadka iyo Dawladuba ay ugu Jiraan Xafladaha munaasabadan lagu Xusayo ayaa maanta Dawlada Puntland waxay ku dhawaaqday Xuskan in lagu calan saari Doono Calanka Puntland. Wasiirka Maamul wanaag Dawlada Puntland M'ed Faarax Ciise Gaashaan oo hormuud u ahaa Gudi ka Kooxan Wasiiro, W/Xigeeno, lataliyayaal Madexweyne, Gudoomiye Gobal iyo Mid Degmo oo aanu la xiriirnay kana waraysanay Abaabulka iyo Diyaargarawga Xuskan ayaa sheegay munasabadan in si weyn loogu Diyaargaroobay. Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay Xuskan in la saari Doono calanka Puntland iyadoo la barbar taagayo Calanka Qaranka Soomaliyeed wuxuuna Arrintan cusub ku sababeeyay Maadaama la dhamaystiray Ansixinta Calanka, Astaanta iyo Heesta Calanka Dawlada Puntland. Manaasabadan oo ah ku beegan Sanad guuradii 12-naad ee Dawlada puntland ayaa ah mid ka Duwan kuwii hore ee lagu Maamusayay Asaaska Dawlada Puntland Waxay Munaasabadii tan ka horaysay ahayd Mid lagu calan saaray Calanka Qaranka Soomaliyeed. Waa markii ugu horaysay ee Dawlada Puntland ay ku dhawaaqday in la calan saarayo Calanka Cusub ee Dawlada Puntland Xilli Dhawaan Calanka ay Doodo dhaadheer ka yeeshen Golayaasha Dawlada puntland.
-
Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo 1-da bisha 8-aad ee Sanadkan oo ay Maalmo koobani nagaxigaan ay ku beegantahay markii Dhidibada lootaagay Maamulka Puntland oo imika 12-sano jirsaday ayaa waxaa gobolada kaladuwan ee Puntland kabilowday diyaar garowga & u istaaga xuska Maalinta ay Puntland 12-sano jirsanayso. Qaarkamid ah gobolada Puntland ayaa markiiba waxaa ka bilowday hadal haynta shucuubta reer Puntland & sida uu xuskani noqondoono,waxaana sidoo kale jira Kulamo ay leeyihiin Saraakiil & madax katirsan Maamulka Puntland oo magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe,Qardho & Boosaaso kuyeeshay kulamo ay kayeelanayaan sidi uu maamul kasta oo heer gobolk ama mid degmo xuskiisa u hagaajisan lahaa. Inkasta oo ay Maamulada Gobolada ka baxsan caasimada Puntland kulamadaas qaateen ayaa hadana waxaa maanta kulankoodii ugu horeeyey isuguyimid Gudi uu Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed u magacaabay inay Xus heer qaran ah oo Caasimada lagu dhigi doono soo qaban qaabiyaan,waxaana gudigan oo dhinacyo kaladuwan leh islamarkaasna ka kooban 13-Xubnood ay kala yihiin sidan:- 1-Guddoomiye Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan. 2-Guddoomiye kuxigeen Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye. 3-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta Cabdulaahi Maxamed Faarax Aswad. 4-Xubin Wasiir kuxigeenka deegaanka iyo duur joogta Cismaan Cawad Cali. 5-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada Siciid Daahir Qodax. 6-Xubno la taliyaasha Madaxweynaha Gaashaanle sare Yaasiin Cumar Dheere. 7-iyo Abwaan Xassan Xaaji Guul wade. 8-Xubin Maareeyaha guud ee akadeemiyadda dhaqanka Puntland Axmed Sheikh Jaamac. 9-Xubin Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab. 10-Xubin Guddoomiyaha degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi. 11-Xubin Guddoomiyaha daladda dhalinyarada Maxamed Muuse Maxamed. 12-Xubin u qaabilsanaha waaxda arimaha bulshada ee wasaarada Haweenka Xaliimo Cali Biyood. 13-Xoghayaha guddiga Cali Muuse Gaaf guutaale. Gudigan oo intoodabadani ay qabanqaabiyeen Xafladii 11-aad ee Sanadguurada Puntland markii la aas aasay oo sanadkii hore laqabtay ayaa waxaa ay noqotay midi ugu heerka saraysa ee ay Puntland dhigto intii ay jirta,waxaana sidoo kale Xafladaas oo uu Madaxweyne Faroole qabanqaabiyey islamarkaasna gudiyo kaladuwan usameeyey ay noqotay midii ugu wanaagsanayd oo Soomaalinimo ka muuqato oo dalka laga dhigo tan & markii ay burburtay dawladii dhexe ee Soomaaliya. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Cabdulqadir Haashi oo London kula kulmey Wasaarada Arimaha Dibada UK iyo Jaaliyada Puntland Posted by admin on July 18th, 2010 London(Puntlandi.com) Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Qorshaynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatey jaaliyada Puntland ee UK,Wasiirku wuxuu kulankaa xogwaran u gudbiyey Jaaliyada. Shirkaa xog waranka ah ka hor wuxuu wasiirku oo ay weheliyaan Mudane Maxamed xasan barre iyo professor Cabdulqaadir Faarax jibriil oo ah xubno ka tirsan qurba joota Puntland ee UK ay kulan looga hadlayey arimaha Puntland ay la qaateen Wasaarada Arimaha Dibada Ingiriiska qaybteeda Xiriirka Caalamiga ah u qaabilsan soomaaliya iyo puntland, halkaas oo lagu lafa guray arimo badan oo muhiim ah, kaas oo ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan iyo is afgarad. Kulankii Soo dhaweynta ahaa ee Wasiirku la qaatey jaaliyada ka dib waxaa cashasharaf loogu sameeyey wasiirka Makhaayad ku taal London, halkaasoo Wasiirku warbixin guud ku siiyey xubno ka tirsan jaaliyada Puntland ee UK, waxayaabihii uu wasiirku ka war bixiyeyna waxaa kamid ahaa xaalada nabadgelyada, horuumarka, midnimada iyo sidii loo hormarinlahaa Dhulkii(Puntland). Wuxuuna u sheegay in qurbajoogta ay banaan tahay kaalin toodii loona baahanyahay inay wax weyn kaqabtaan dhulka ayna kamidoobaan danta guud, waxaa halkaas goob joog ka ahaa jaaliyadaha Birmingham, Leicester iyo reer London. Intii lagu guda jirey Cashada waxaa ka hadlay goobtii gudoomiyaha kumeelgaarka ee Puntland Diaspora Forum (PDF) Cabdiweli maxamed gurey iyo Prof.Cabdulqaadir faarx jibriil Waxaa kaloo isna ka hadley iskuxidhaha qurbajoogta UK Maxamed Xasan Barre iyo Cabdixakiin jooje oo metelayey reer Leicester waxaa iyana goobjoog ahaa Liibaan Cali Xirsi iyo Ahmed Cabdalla Tigaana oo kasocdey ururka Horuumarinta Isboortiga iyo Dhaqanka puntland ee UK. Hoos ka daawo Sawirada oo dhan PICS Puntlandi.com London
-
Somalia: Puntland general appointed president's defense advisor 17 Jul 17, 2010 - 2:44:07 PM The president of Somalia's Puntland State government has appointed a well-known military general as his defense advisor, Radio Garowe reports. Puntland President Abdirahman Mohamed Farole issued a decree Friday appointed the new defense advisor as Gen. Abdullahi Ali Mire "Areys." Gen. Areys, who has served in previous Puntland administrations as the state's military commander, has began working as the president's new defense advisor as the state is facing security concerns from Al Shabaab terror group and pirate gangs. In recent years, Gen. Areys served in Mogadishu as the commander of presidential brigade for former Somali President Abdullahi Yusuf, who is also Puntland's first leader. When Mr. Yusuf resigned in Dec. 2008, Gen. Areys returned to his home region of Puntland and lived as an ordinary civilian. GAROWE ONLINE
-
Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Puntland Oo Soo Bandhigtay Adeegyo Ugu Talagashay Bisha Barakaysan ee Ramadaan July 18, 2010 Shirkadda Isgaarsiinta Telcom Puntland ayaa soo bandhigtay hadiyado ay ugu talagashay dadweynaha kaas oo lagu soo dhowaynaayo Bisha Ramadaan. Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Telcom Xassan Cumar Axmed oo maanta Shir jira’id ku qabtay xarunta Shirkadda ayaa sheegay in hadiyadahaan ay yihiin nooci ugu horeeyey ay shirkadu keento isla markaana ay ugu talagashay Bisha barakaysan ee Ramadaan. Wuxuuna intaa ku daray in qof macaamiisha ah uu xooqanaayo $1-doolar oo kaar lacag ku jirto isla markaana ku guuleysanaayo hadiyadaha kala ah; -Gaari -Laptop Computer -Sanad Waxbarasho Jaamacadeed oo ku yaalla Puntland,waxaana uu qofka baranaaya maadada Information Technology (IT) -Ticket Soomaaliya gudaheed(qofka wuxuu dalbanaaya meesha uu rabo) -Tallaagadda wax qaboojisa (Freezer) -Qasaalada dharka dhaqda -Baaskiil iyo qalab kale oo Sports-ka loogu talagalay -Aircooler (Saxaraawi) -Hand Set Mobiles iyo dharka xaragadda gaar ahaan kuwa loo yaqaano Suit -Mixer iyo Baby Package Madaxa Suuqgeynta Telcom wuxuu intaa ku daray in hadiyadahaan si toos ah u bilaabmanaayan maanta oo ku beegan 18/07/2010,waxaana ay ku eegtahay 10/09/2010. Horseed Media
-
Maamulka Degmada Burtinle oo Bilaabay La Dagaalanka Dhulka La Xirmeysto (Garowe) RBC: Wararka naga soo gaaraya degmada Burtinle ayaa sheegaya in saakay deegaaaka tuulo Jalam iyo deegaanada hoos yimaada ay ka fulin doonaan Howlgalo lugu bur burinayo gooba si sharci dara ah loo xirmaystay oo dadka deegaanadaa cabasho ka muujiyeen sida uu RBC xaarir uu la soo sameeyay u sheegay Xog hayaha Dowlada hoose ee Burtinle. Xaafid C/risaaq ayaa intaa ku daray in howlgalkaan uu yahay mid ay gacan ka gaysanayaan dadka deegaankaa tula jalam iyo deegaanada hoos yimaada waxuuna sheegay in howlgalkaa uu noqon doono mid ay ku bar tilmaamsadaan goobaha sida sharci darada ah loo xirmaystay. Howlgalkaa ayaa waxaa fulinaya sida xaafid hadalkiisa ku xusay Ciidanka amniga degmada Burtinle oo gacan ka helaya Ciidanka amniga Gobalka Nugal oo halkaa gaaray waxana arintaan la filayaa in maalma ay qaadato bur burinta xirmooyinka sharcidarada ah oo dhawanahaanba si xowli ah uga socday deegaano hoos yimaada Gobalka Nugaal. Dhawaan ayay ahayd markii Howlgal asbuuc qaatay Ciidanka amniga Gobalka Nugaal ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobalka Nugaal gaar ahan deegaanka Jamagale halkaa oo asbuucii aan ka soo gudbnay uu gaaray Madxwayne Farole islamarkaan u qudbad u jeediyay dadka deegaanka oo u kula dardaarmay in deegaankooda ilaaliyaan. Howlgalkaa maanta halkaa Maamulka Degmada Burtinle ka fulin doono aya qayb ka ah howlgalada Maamulka Gobalka Dhwaan ku baaqay kaa oo ku aadan in la furo goobaha la xirmaystay si xoowlaha u helaan gooba ay daaqaan madama inta badan dadkaa xirmaystay ay ka ganacsadaan cowska ka baxa goobahaas. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Ciidanka Booliska Gobolka Mudug Oo Fashiliyey Qarax Miino Oo Dhulka Lagu Aasey (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa maanta fashiliyey qarax miino oo lagu aasey guri ku yaal xaafada Israac ee magaalada Gaalkacyo, iyadoo Ciidanku gacanta ku dhigeen ninkii qaraxaasi dhulka ku aasey. Ciidamada amaanka ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay gaareen halkii looga soo sheegay in lagu aasey qaraxa, kadib markii dadka xaafadaasi degan ay ka heleen xog ku saabsan in qarax la geliyey guri ku yaala xaafada Israac. Saraakiisha Ciidanka Booliska Gobolka Mudug kuwooda u tababaran soo bixinta waxyaabaha qarxa ayaa hawlgal adag oo ay qaadeen ku guuleystay in ay soo saaraan laba shey oo ah noocyada qarxa, waxayna ka koobnaayeen daasado ay ku jiraan baaruud isla markaana ay ka soo jeedaan laba fiilo oo maynis iyo balaas ah. Taliyaha hawlgalkaasi miino soo saarista fuliyey oo la yiraahdo Dhame Qalinle Yuusuf ayaa waxaa uu sheegay in ay ku guuleysteen soo saarista miinooyinkaasi si nabad gelyo ah, haatana ay gacanta ku hayaan ninkii qaraxaasi dhulka geliyay iyo laba shey oo ah waxyaabaha qarxa oo ay soo saareen. Goobta qaraxa miino laga soo saarey oo ah guri ku yaal xaafada Israac ayaa waxaa tagey Gudoomiyaha gobolka Mudug Col, Axmed Cali Salaad, Taliyaha Booliska Gobolka Mudug G/sare Muuse Axmed C/raxmaan (Xasaasi) iyo mas’uuliyiin kale oo u badan Saraakiisha ciidanka Booliska. Guriga la geliyay qaraxa miino ayaa ah guri filo ah oo ku yaala xaafadaha xiga dhinaca Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, waxaana darbiyada guriga lagu xardhey digniino ku aadan in aan guriga la geli karin, gaar ahaan far ay ku qoran tahay Khatar oo uu ka hooseeyo sawir gacmeed qof laga matalay. Eedeysanaha la sheegay in uu geliyay qaraxa gurigaasi ayaa waxaa uu sheegay in uu san wax lug ah ku laheyn qaraxaasi, balse isagu uu guriga wax ka leeyahay, maalmihii la soo dhaafeyna ay muransanaayeen isaga iyo kuwa la dhashay oo isku heystay lahaanshaha gurigaasi oo dad badan oo walaala ah ka dhaxeeya sida la sheegay. Ciidanka amaanka gobolka Mudug ayaa eedeysanihii qaraxa la sheegay in uu geliyay guri ku yaal xaafada Israac waxay si toos ah u geeyeen Maxkamada Darajada Koowaad ee degmada Gaalkacyo, halkaasi oo lagu qaadi doono dacwad ku saabsan talaabada lagu soo eedeeyay. RBC Radio.
-
Puntland oo u Diyaar Garoobeysa Xuska 1-da August Garowe) RBC: Mamulka Puntland ayaa wado diyaar garow xogan oo ku aadan sidii xus wayn loogu samayn lahaa sanad guuradii 12aad ee aas aaskii Maamulka Puntland sanadii 1998 oo aheed xiligii Mamulka Puntland la hirgaliyay Dhaq dhaqaaq ku aadan maalintaa iyada ah sidii xus wayn loogu samayn lahaa ayaa laga dareemayaa Xarunta madaxtooyada Magaalada Garowe waxaana arintaan iminka wado dowlada ku shegtay in maalintaa ay tahay malin ku wayn shacabka Puntland . Wasiirka Maamul wanaaga Puntland maxamed Faarax Ciise Gashaan iyo xubna kale aya loo xilsaaray maalintaa 1 agusta in ay qaban qabiyaan waxaana socda kulama kala duwan oo ay arimahaa kaga tashanayaan sidii ay ka yeeli lahaayeen sida qaar ka mid ah xubanahaa RBC u sheegeen. 1agusta ayaa sanadii aan ka soo gudbnay si wayan looga xusay Magaalada Garowe waxaana lugu qabtay Caasimada Puntland ee Garowe Munaasabad ay ka soo qayb galeen Madaxwayanaha Puntland iyo labada Gole taa oo aheed markii labaad ee la xuso 1 agusta oo loo aqoonsaday aas aaskii Puntland . Xuska maalintaa ayaa ah mid dadku siwayn uga war dhoorayaan waxaana la filayaa in loo qabto Munaasabado maalintaa lugu xusayo maadama maalintaa ay tahay maalin kuwayn shacabka Puntland . Waxaa u noqonaya xuskii labaad ee uu qabto Maamulka iminka jira hadii uu xuskaan qabsoomo tan iyo xiligii la soo magacaabay sanadii 2009 bishii Janaayo xiligii uu badalay mamulkii ka horeeyay ee G/Cade muuse kidib markii cod akhlibiyad leh ka helay Golaha Wakiilada Puntland RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
-
Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddiga Ka Shaqaynaaya Munaasabada 1-da August Wareegto lambarkeedu yahay sideed kuna taariikhsanayd 15.7.2010 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud uu ku magacaabay guddi ka kooban 13-xubnood,kaasi oo ka shaqayn doona abaabulka munaasabada 1-da August ee fooda inagu soo haysa oo ku beegan sanadguuradii 12-aad ee kasoo wareegtay aas aaska Puntland. Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo la hadlaayay Horseed Media ayaa sheegay guddigaasi ay ka kooban yihiin golaha wasiirada Puntland iyo dadweynaha rayidka ah. Wuxuuna intaa ku daray in guddigaasi kulamo uga soconaaya magaaladda Garoowe ay uga arinsanayaan munaasabadaasi. Guddiga ayaa waxaa ay kala yihiin; 1-Guddoomiye Wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan 2-Guddoomiye kuxigeen Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland Marwo Caasho Geelle Diiriye 3-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta Cabdulaahi Maxamed Faarax Aswad 4-Xubin Wasiir kuxigeenka deegaanka iyo duur joogta Cismaan Cawad Cali 5-Xubin Wasiir kuxigeenka wasaarada shaqada Siciid Daahir Qodax 6-Xubno la taliyaasha Madaxweynaha Gaashaanle sare Yaasiin Cumar Dheere 7-iyo Abwaan Xassan Xaaji Guul wade 8-Xubin Maareeyaha guud ee akadeemiyadda dhaqanka Puntland Axmed Sheikh Jaamac 9-Xubin Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab 10-Xubin Guddoomiyaha degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi 11-Xubin Guddoomiyaha daladda dhalinyarada Maxamed Muuse Maxamed 12-Xubin u qaabilsanaha waaxda arimaha bulshada ee wasaarada Haweenka Xaliimo Cali Biyood 13-Xoghayaha guddiga Cali Muuse Gaaf guutaale Horseed Media
-
Liiban how are pirates the problem? ma iyaga ba technico magaaloyinka ku wareegayo oo dad xasuuqayo? Ma iyaga ba political force dooneyo inay noqdan? Again sxb wax macquul bala sheega. Pirates are only problem for foreigners ee domestic problem dadka kuma hayan. When you have people like hamar who chopping people's heads off and u have burco folks dying in the sea because they have no future well that is called domestic crisis that needs to be dealt with. But as for the pirates bal aar sheeg hal dhibaato ay ku hayan shicibka somaliyeed?
-
Haday raban inay ismamulan it's their right and if they have to fight for it so be it. Garowe needs to stay out of it really. If we want to help we should or let them take care of themselves!!! Honestly i dont like farole attitude towards ssc. His attitude is "wax kuma gabanayo iyo kuma daynayo" wax macquul ma ahan taas as far as im concerned.
-
Aaaliyah it's being overdone. We don't need to focus on songs but more development
-
New Puntland Song PS: I think these songs are are being over-done now