Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Dadka Ka Soo Jeeda Koonfurta Soomaaliya oo Saddex Maalmood Loo Qabtay inay uga Baxaan Gobolka Sanaag Baran (RBC) Wareegto uu soo saaray taliyaha ciidanka Puntland ee gobolka Sanaag C/laahi Cumar Canshuur ayaa muddo saddex maalmood ah u qabatay dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya inay uga baxaan degmooyinka gobolka. Wareegtadan ayaa ka dambeysay olole dad qabqabasho oo maalmahan ka socday magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ee Puntland halkaasi oo dad ku dhow kun ruux oo reer koonfureed ah laga musaafuriyey. Taliyaha ciidanka Puntland ee gobolka Sanaag C/laahi Cumar Canshuur ayaa dadka ka soo jeeda gobolada koonfureed ee dalka u sheegay in loo sugi doono saddex maalmood ka dibna lagu qaadi doono olole tarxiil ah haddii ay ku bixi waayaan mudada loo qabtay. Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegay in manta markii ay soo baxday wareegtada degmooyinka Bariga Sanaag ay ka bilaabatay in dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ay si iskood ah gawaari uga raacaan iyagoo u safraya dhinaca magaalada Gaalkacyo. Dadka manta ka baxay degmooyinka Sanaag qaarkood ayaa waxaa ku jira dad barakacayaal ah oo ku noolaa degaanad Sanaag oo ay miciin bideenamaan ahaan iyo dad ganacsato ah oo shaqooyin u joogay halkaasi kuwaasi oo ay cabsi weyn soo wajahday ka dib markii manta la shaaciyey wareegtada taliyaha ciidanka Puntland. Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dadka reer koonfureedka qaarkood oo u badan qoysas ay u guureen degmada Ceerigaabo oo xarunta gobolka Sanaag halkaasi oo maamusho Somaliland isla markaana aan loo diidin dadka. Gobolka Sanaag waxaa uu u kala qeysan yahay Puntland iyo Somaliland, sidaasi darted ayaa dad badan u guureen dhinaca Somaliland oo ay hadda u arkaan inay uga amaansan tahay maadaama Puntland ku baaqday in dadka reer koonfureedka ay degaanka ka baxaan. Waqtiga wareegtada ayaa ku eg maalinta Sabtida ee soo socota, waxaana intaas ka hor la filayaa in boqollaal qoys ay ka guuraan qeybta Puntland maamusho ee gobolka Sanaag. Ololaha musaafurinta dadka reer koonfureedka ayaa sidoo kale maalintii afraad ka socda magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ka dib markii dowlada Puntland ay sheegtay in dadkaasi ay iska saareyso sababo la xiriira amaanka. RBC Radio
  2. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo Milkilayaasha Hotelada u Sheegay In Dadka Seexda Hotelada Qoraalo Laga Qoro (Garowe) RBC: Gudoomiyaha Gobalka Nugaal cabdi xirse ayaa ugu baaqay Milkilayaasha Hotelada Magalada Garowe in ay ka soo qayb galaan kulan Maamulka Gobalka uu la qaadan doono dhamaan Milkilayaasha Hotelada si looga arinsado arima amniga la xariira . Waxaa uu sheegay in Kulan kaa lugu qaban doono Xarunta Gobalka Nugaal hasayeeshee waxa uu sheegay in looga arin san doono arima amniga la xariira si looga hortago falal amniga lid ku ah . ” Ma dhacayso in aan u dul qaadano cid amni darao gobal ka gasanaysa waana la dagaalamaynaa mana dhici doonto in aan faraha ka laabano cidkasta oo hotel lehna waxaan u sheegaynaa in dadka Hoteelada degaya ay ka qoraan halka ay ka yimaaden” sidaa waxaa yiri Gudoomiyaha Gobalka Nugaal . Gudoomiyha Gobalka Nugaal ayaa intaa ku daray in looga baahan yahay dhmaan Milkilayaasha in dadka hoteeladaddooda degaya ay ka qoraan qoroolo cadaynaya waxa ay yihiin waxuuna sheegay in hadii taa dhiciwayso Maamulka tilaaba arintaa kaga aadan uu qaadi doono. Cabdi Xirse ayaa dhinac kale sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo amniga Casimada Puntland waxuuna tilmaamay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo amniga oo aan cid sii gooniya loogu halayn cidkastana uu xil ka saaran yahay. Gudoomiyaha ayaa dhamaan Shacabka Gobalka Nugaal ugu yeeray in amniga gacan wayn ka gaystaan oo aysan ku halayn Ciidanka booliiska oo kaliya waxuuna ugu baaqay in amniga laga wada shaqeeyo . RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
  3. Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Xaaladihii ugu danbeeyey ee Puntland ay kusugnayd gaar ahaan boqolaalka Qof ee ay Xukuumadiisu 48-saac ee lasoo dhaafay ka qabqabtay magaalooyinka Garoowe & Boosaaso oo dib loogu celiyey deegaanada ay kasoo jeedaan ee Koonfurta Soomaaliya. Madaxweyne Faroole wuxuu difaacay Tilaabooyinka ay Xukuumadiisu dadkan dib ugu celisay,waxaana uu sheegey in dadka Barakacayaasha ah intoo badan oo aanan shaqooyin ka hayn deegaanada Puntland markasta si layaableh u taagan Dariiqyada Magaalada Boosaaso ay Xukuumadu go'aansatay inay Deegaanadooda ku celiso maadaama loo adeegsan karo Dhibaatooyinka & Khalkhalinta Amnidaro ee Puntland imika lagu hayo. Mr,Faroole wuxuu sheegey in Xukuumadiisu ay Cadaymo dhab ah u hayso in danbiyada ugu badan ee Argagaxisanimu ay geystaan dadka soo barakacay,waxaana uu Sheegey in Qaarkood lagu qabtay iyaga oo Falalkaas gacanta kula jira islamarkaasna ay Xabsiyada Waaweyn ee Puntland ka buuxaan boqolaal dad ah oo kasoo jeeda Koonfurta Dalka Soomaaliya oo uu sheegey inay Maxkamadaha Puntland Xukumeen. Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Wuxuu sheegey in dadka sida saa'idka ah ugu soo badanaya Deegaanadiisa intooda badani ay leeyihiin labo Ujeedo oo kale duwan kuwaas oo uu Mida koowaad kusheegay dad Tahriib usocda,halka kuwa kalena uu ku tilmaamay kuwo ay Argagaixisooyinka Aduunka soo adeegsadeen islamarkaasna u socda inay Amaanka wax u dhimaan,waxaana uu sheegey in sidaas owgeed ay dadka dib ugu celinayaan deegaanadii ay kasoo jeedaan maadaama intabadan Gobolada ay kasoo jeedaan ay Nabad & Xasilooni kajirto islamarkaasna Amaankooda la'isku halaynkaro. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  4. Garoowe:”Buurta Galgala Maalmaha Soosocda waa lagu kala baxayaa”Madaxweyne Faroole. 21. juli 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Malayshiyo Diimeedka isku aruursanaya Buurta Galgala ee gobolka bari islamarkaasna aad ugu dhow Xuduudka gobolada Sanaag & Bari ee dawlada Puntland,waxaana uu sheegey in Xukuumadiisu ay Talaabo Milatari oo deg-deg ah ka qaadayso Malayshiyaadkaas. Madaxweynuhu wuxuu aad u canbaareeyey Is aruursiga sida siaa’idka ah uga socda Deegaanadaas,waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in Ciidamo awood leh ay halkaas u direen islamarkaasna ay Ciidanku ku hareeraysanyihiin Buurta Galgala & Agagaarkeeda,wuxuuna Madaxweynuhu Sidoo kale sheegey in falalkii Amnidaro ee dhawaan ka dhacayey Boosaaso intoodabadan galgala laga soo abaabulayey loogana Gol lahaa inaysan dawladu halkaas Weerarin. “Waanu lasoconaa Dhaqdhaqaaqa kasocda Deegaandaas….waxaanu ognahay in Sanado Nin Caado qaate ah oo halkaas dagan uu Malayshiyaad aruursanaya,..Marka Halkaas waxaanu ognahay in laga soo abaabulo Falalka Puntland ka dhacay qaarkood,waxaanuna halkaas u dirnay Ciidamo farabadan Awood & Lixaad intaba waanu u dhamaystirnay”Ayuu yiri Madaxweyne Faroole oo intaas ku daray in Maalmaha soosocda Dagaal lagu kalaboxo uu halkaas ku dhacidoono. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamuud Wuxuu ku celceliyey in Xukuumadiisu ay aad uga warqabto Dhaqdhaqaaq kasta oo halkaas ka dhaca,waxaana uu sheegey in Imika la gaaray Waqtigii Hogaamiyahaas & Ciidankiisa Ciida lagu dari lahaa islamarkaasna loo tirtiri lahaa Magaca halkaas laga maqlayo oo uu sheegey in Xataa Dhawaan calan laga taagay. “Ninka halkaas degen (Atom),wuxuu xiriir la leeyahay Kooxda Alshabaab,waanu Ognahay in uu Dhawaan Maro xun oo mado (Calanka Alshabaab ee Madow) meeshaas ka taagay,macno samayn mayso Maro meel lasaaray,laakiin Alqaacida ayuu rabaa inuu Xoogaa Lacag ah uga qaato”Ayuu yiri Madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed. Waa hadalkii ugu horeeyey oo Sarkaalka Puntland dawladeeda ugu sareeya uu ka soo saaray islamarkaasna uga hadlo Xaalada Buurta Galgala oo Maalmihii lasoo dhaafay Uurkutaalo ku noqotay Shacabka Puntland oo aaminsan in Halkaas Khatar badani kasoosocota,waxaana uu Warka Madaxweynuhu imaanayaa xili Maalmihii lasoo dhaafay ay Wasiiro,Aqoondheerayaal dhanka ciidanka ah,Saraakiil Ciidan & Madaxda ugu saraysa dawlada Puntland kulamo xasaasi ah oo gagala ku saabsan ku lahaayeen magaalada Garoowe. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  5. Madaxweyne Faroole oo Maanta Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Buuraha Galgala Garowe (RBC) Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal weyn oo ka dhan ah buuraleyda Galgala ee gobolka Bari oo uu sheegay inay ku jiraan kooxo taabacsan ururka Shabaab. Madaxweynaha oo maanta markii ugu horeysay ka hadlay arimaha amaanka Puntland ayaa si cad u qiray in Xarakada Al Shabaab ay ka hawlgalaan Puntland, isagoo ku eedeeyey inay ka masuul yihiin dilalka, qaraxyada iyo beegsida masuuliyiita dowlada ee ku sugan degaanada Puntland. “Waxaa jira niman maleeshiyo ah oo uu madax u yahay nin lagu magacaabo ATAM oo ku jira buuraleyda Galgala, ciidamada ayaana ku hareereysan diyaar baana u nahay inaan soo afjarno waqti dhow”, ayuu yiri madaxweynaha Puntland. C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya uu doonayo inuu ku soo fido degaanada Puntland, awoodana kala wareego maamulka hadda ka jira Puntland taasi uu sheegay Faroole inay deg deg uga hortagayaan. Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale sheegay in dhowaan degaanka Galgala laga taagay calanka Xarakada Shabaab loogana dhawaaqay maamul Islaami ah, wuxuuna ku goodiyey inay deg deg u soo gabagabeyn doonaan. “Waxaan ka war sugeyney in arinta lagu dhameeyo wada hadal laakiin hadda arintu way kala cadaatay waxaana diyaar u nahay inaan wax ka qabano”, ayuu yiri Madaxweynaha oo dhinaca kale sheegay in dad degaanka ah ay ku lug leeyihiin arintan. Isagoo ka hadlayey hawlgalka dad qabqabashada ee maalmahan ka socday magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ayuu Mr. Faroole sheegay in ay qeyb ka tahay sugida amaanka ka hor intaan la qaadin weerarka si buu yiri amaanka magaalada Boosaaso aanu faraha uga bixin, wuxuuna nuujiyey dareen ah in haddii dowladu weerarto buuraleyda Galgala ay dhici karto in magaalada Boosaaso loo soo dabamaro oo Shabaabku weeraro ka fuliyaan. Wuxuu sheegay in dadka la qabqabanayo dib loogu celinayo degaanadooda gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, isagoo beeniyey in dadka shaqooyinka heysta la qabanayo. Hadalkn madaxweynaha Puntland ayaa ah midkii ugu horreyey oo si rasmi ah uu ugu dhaweaaqo xaalad dagaal oo weyn, iyadoo waayadanba ay jireen warar isa soo taraya oo ku aadan dhaqdhaqaaqyo ka jira degaanka Galgaa oo ka tirsan Boosaaso. RBC Radio
  6. GalMudug: Gaalkacyo Cid Kasta Way Degi Kartaa Xitaa Kuwa Puntland Soo Musaafurisay Madaxweyne Caalin Gaalkacyo (RBC) Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa xaley shaaciyey inay diyaar u yihiin soo dhoweynta dadka boqollaalka gaaraya ee laga soo musaafuriyey Puntland. Masuul ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay go’aansadeen inay si gacmo furan ku soo dhoweeyan dadka Soomaaliyeed ee laga soo ceyriyey gobolada Puntland, iyagoo xaqiijiyey in Gaalkacyo aan lakla lahayn ee ay dadkoo dhami ka dhexeyso. “Anagu waxaan muujineynaa Soomaalinimo, cid kasta way degi kartaa Gaalkacyo xitaa kuwa Puntland soo musaafurisay baa iman karta”, sidaasi waxaa sheegay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ee Galmudug. Warar laga helayo saraakiisha sar sare ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in madaxweyne Maxamed Axmed Caalin uu ku dhawaaqay in dadka reer koonfureedka ah ee maalmihii la soo dhaafay laga soo musaafuriyey gobolada Puntland lagu soo dhaweeyo Gaalkacyo oo ah xarunta Galmudug loona ogolaado inay ku noolaadaan kana shaqeystaan. “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhamaan dadka Soomaaliyeed meeshay doonaanba ha u dhasheene inay noo iman karaan oo ay Gaalkacyo ku noolaan karaan wax dhibaato ahna aan loogu geysan doonin”, ayuu yiri gudoomiyaha. Hadalka maamulka Galmudug ayaa ku soo beegmaya iyadoo waqooyiga Gaalkacyo ay ku xaniban yihiin in ka badan 600 ruux oo laga soo musaafuriyey degaanada Boosaaso iyo Garowe ee Puntland kuwaasi oo illa hadda lagu hayo saldhiga booliska ee qeybta Mudug. Wararka ayaa sheegaya in dadkaasi loo waayey meel la geeyo iyo cid lagu wareejiyo sidaa darteedna wali ay dul saaran yihiin baabuurtii lagu soo qaaday. Puntland ayaa sheegtay inay bilawday hawlgalo dadka reer konfureedka looga saarayo degaankeeda, kuwaasi oo Puntland ku eedeysay inay wax ku leeyihiin qaraxyada, dilalka iyo dhibaatooyinka amni xumo ee bilahan maamulkaasi dhex rafanayey. Maamulka Galmudug ayaa horey u cambaareeyey tallaabada dadka reer konfureedka loogu qabqabanayo ee ka socota Puntland, waxayna Galmudug shaley diiday in lagu wareejiyo boqollaalka ruux ee faramaran oo qaarkood ganacsiyadoodii laga soo qafaalay, hase ahaatee waxaa haatan muuqata uin Galmudug ay dadkaasi u ogolaatay degaankeeda. Tallaabadan ayaa noqon karta mid wax ka bedesha isla markaana naruuro u noqotacaqabadii ka taagneyd dadka la soo qabqabtayee maalintii labaad ku xayiran wqooyiga Gaalkacyo ka dib markii la waayey meel loo qaado. Dadka arimahan oo kale ka faalooda ayaa waxay sheegeen in tallaabada Galmudug ay u muuqato dareen wadaninimo oo ku soo beegmay xilli muhim ah, waxayna arintan horseed u noqon kartaa in ganacsiyadii waaweynaa ee dada reer koonfureedka ku heysteen degaanada Puntland loo wareejiyo Galmudug. C/fataax Nuur RBC Radio Xafiiska Wararka Nairobi
  7. interesting. thanks 4 the interview. My comment is that it seems like it was all scripted. I think the minister has been given the farole card to memorize lol
  8. Armed Somali Militia Seeks to Establish Islamic Emirate in Puntland The Saudi daily Al-Sharq Al-Awsat, published in London, reports on a crisis in northeastern Somalia between the government of Puntland and an armed Islamic organization headed by Mohamed Sa'id Atam, currently holed up in the mountains of the Gal Gala region, which seeks to establish an Islamic emirate. Puntland has been an autonomous region since 1998, and up to now has been fairly stable compared to central and southern Somalia, though it is a center of pirate activity.
  9. Dad Laga Soo Musaafiriye Boosaaso Oo Soo Gaarey Magaalada Gaalkacyo (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta barqadii waxaa soo gaarey boqolaal ruux oo dhalinyaro ah kuwaasi oo laga soo musaafiriyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga ee maamulka Puntland. Ilaa iyo afar gaari oo ah nooca xamuulka ee loo yaqaan Candhameydlaha oo sida dad badan islamarkaana ay galbinayaan ciidamada Booliska Puntland ayaa soo gaarey magaalada Gaalkacyo, waxaana gaadiidkii dadkaasi waday si toos ah loogu xareeyay xarunta Taliska Qeybta Booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Dadkani oo ka soo jeeda gobolada koonfurta dalka Soomaaliya ayaa lagu soo qabtey hawlgal dhinaca amaanka ah oo ay maalintii shalay ciidanka Booliska Puntland ka sameeyeen gudaha magaalada Boosaaso, waxaana tiro ahaan dadkani ay gaarayaan ilaa iyo 500 oo ruux, sida ay sheegeen Saraakiishii wadey dadkaasi. Boqolaalkani ruux ee la soo daabulay ayaa maamulka Puntland u qorsheeyay in dib loogu celiyo goboladii ay kal hore ka yimaadeen ee koonfurta Soomaaliya, kadib markii looga shakiyey ku lug lahaanshaha amni darrada ka jirta magaalooyinka Puntland oo ay magaalada Boosaaso ugu horeyso. Dadkani ayaa waxaa ka muuqatey diif iyo daal uu ku reebay safarkii ay soo galeen, waxaana dhamaantood ay u muuqdeen kuwa laga xiirey timaha, taasi oo ay sameeyeen ciidanka Booliska gobolka Bari, si loogu aqoonsado in ay yihiin dadkii laga soo musaafiriyey magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa haatan diyaarinaya in dadkaani dhalinyarada ah ee gaaraya 500 oo ruux in la siiyo raashin ay cunaan iyo nasiino kadibna ay u gudbin doonaan gobolada koonfurta dalka Soomaaliya iyaga oo la kaashan doona maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug. Dhinaca kale Madax ka socota Hay’ada DRC oo uu horkacayo Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud ayaa booqasho ku tagey Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug si ay u arkaan boqolaalka dhalinyarada ah ee laga soo celiyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee maamulka Puntland. RBC Radio.
  10. Garowe (RBC) Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa laga bilaabay qabqabashada dadka degaan ahaan ka soo jeeda gobolada koonfureed ee Soomaaliya kuwaasi oo ku noolaa magaalada. Hawlgal ballaaran oo ciidamada booliska ay bilaabeen maanta ayaa lagu qabqabtay dad gaaraya 100 ruux oo ah dhalinyaro ka soo jeeda gobolada koonfureed ee dalka, waxayna dadkan ahaayeen ganacsato iyo xoogsato ku noolaa Garowe in mudo ah. Saraakiisha ciidamada ee hogaamineysa hawlgalkan ayaa sheegay inay maanta magaalada ka musaafuriyeen 100 ruux oo ay ka qabqabteen waddooyinka magaalada. Dadkan ayaa iyagoo saaran gawarida waaweyn ee xamuulka ayna waardiye ka yihiin ciidamada ayaa galabta loo musaafuriyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo la sheegay in looga saarayo Puntland. Waxaana magaalada Gaalkacyo horey ugu sugnaa dad kor u dhaafaya 500 ruux oo shaley iyaguna laga soo qabqabtay magaalada Boosaaso. Warar RBC ka heshey Gaalkacyo ayaa sheegaya in dadkan iyo dadkii shaley la geeyey magaalada ee laga soo qabqabtay Boosaaso ee jooga Gaalkacyo weli lagu hayo saldhig ciidan oo Gaalkacyo ku yaalla halkaasi oo ay dhibaato ku heysato ka dib markii maamulada Puntland iyo Galmudug isku fahmi waayeen in dadka loo gudbiyo dhinaca koonfurta oo ay maamusho Galmudug. Mid ka mid ah dadka degaanka oo RBC u waramay ayaa sheegay in dadka ay heysato xaalad nololeed oo adag maadaama 24 saac iyoka badan ay ku xereysan yihiin saldhiga booliska Gaalkacyo iyadoo ay yar tahay cunada iyo biyaha loo heli karo dadka. Marka la eego tallaabadan dadka loogu musaafuriyey Gaalkacyo waxay u muuqataa inay tahay mid aan laga fiirsan oo dadka aan loo diyaarin halkii la geyn lahaa iyo sifihii ay ku safri lahaayeen, taasina ay keentay in dad gaaraya ku dhowaad 600 24 saac iyo ka badan ku xereysan yihiin xero ciidan. Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaa la filayaa inuu aqbalo qaabilaada dadkan Puntland soo musaafurisay oo ah dad Soomaaliyeed una dhashay gobolo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan. RBC Radio
  11. Ciidanka oo Maalintii Labaad Howlgalo Kawada Magaaladda Bosaaso (Sawiro) July 20, 2010 Ciidamada amniga ee magaaladda Bosaaso oo gacan ka helaaya kuwa Daraawiishta Puntland ayaa shalay magaaladda ka bilaabay howlgalo ay dad badan ku qab qabteen. Dadka lagu qab qabtay howlgalada ayaa u badan kuwa kasoo jeeda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya laguna tuhmaayo in ay ka dambeeyaan falalka amaan darrada ee ka jiray magaaladda. Inbka badan 500-qof ayaa laga musaafuriyey magaaladda isla markaana la saaray gawaarida waaweyn ee loo yaqaano caandhomeydle kuwaas oo geeyey magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgalada ayaa maanta guda galay maalintiisa labaad,waxaana wararka qaar sheegaayan in ay sii socon doonaan mudo maalmo ah. Labo ka mid ah Ciidanka ayaa maanta lagu dilay bartamaha magaaladda, lamana yaqaano cidii ka dambeysay dilkooda, saraakiisha Ciidanka ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan. Magaaladda Bosaaso ayaa waxaa ka dhacaayay mudooyinkii lasoo dhaafay falal amaan darro ah oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan. Horseed Media
  12. Odeyashan galgala waa inay iska saran odeygan shaykh atam dhulkooda. Thats the only solution. Puntland govt held peace-talks with him and his crew in galgala and we thought it all ended. But still these killings are happening of officals. The question is how do you think puntlanders feel marki waxgaradkooda la laaynayo iyo qof hizbul islam aminsan seexanayo buraha galgala? ma socon karto taas. Odeyasha galgala stop pointing the finger maybe the majiyahan thing was wrong but this not majiyahan today waxgarad ayaa bossaso lagu laaynaya and there is strong evidence that atam is behind it. Where-as do these people get their weapons from? dadka dad toganayo xaage bay ka helan hubka? ma dad reer bossaso ah baa oraneyo "hoo qaado hubkan soo dil waxgaradkeygu"? of course not. The idps ayaa lagu kor shaqaysaneya atam ayaa hubka siiyo oo yirahdo soo togo waxgaradkas iyo dad kale dawlada kamid ah. Who knows he might even give them bonus payment if they are successful in the hit. Anyways whatever is happening it's clear peace-talks didn't work out because farole met with the odeyaal of galgala and atam and these killings are still happening. So it's obvious only 1 solution is needed "take out atam" either farole will do it or the odeyaal should.
  13. Puntland didn't copy somaliland in anything. After cairo reconcliation meeting failed in 1997 that is when puntland said hell with it. We are going to declare "regional govt". But before 1998 you know mamul way ka jirtay north-east of somalia lakin heer local buu ahaa ma ahayn regional. Mudug managed its state, bari managed their own, nugaal same, sool wa sidas, sanag sidas. 1998 just brought the 5 regions together thats all it did. That's what u all forget to mention. Ma waxad mooda in puntland 12 years lagu dhisay? war caqli gaabkas carurta la tag sxb puntland was building and taking care of itself since 1991. Lakin siyasikeena ayaa badelmay after 1997. We said "centralism" attitude we won't tolerate anymore and created puntland si ay uu noqoto astaan uu tagan federalaga ee ma ahayn astaan uu tagan "hamar haa lay iga taliyo". Thats what created puntland. Seccession was never in the question. As for dad la masafurineyo. Horta anagu dadka noo yimado ma orano "refugees" waxaa la dhaha dadka "soo barakacay" u understand what that means? it means displaced people. People who have been displaced from their region and moved to puntland another region of somalia. Anaga ma orano "dadka qaxootiga noo imaaday" because that would indicate isku dal manahin. Stop fabricating things that are not there. As for the flag of puntland hadi la eego macnaha federalaga haa waa talaabo kale ay puntland qaaday inaay somali-weyn tusto in federalaga uu nagu gowracan yahay. The flag and Song is just another piece of evidence to show the still "centralist" minded factions like shabab and even some people inside the tfg that puntland stands for the federal option. Calanka baan copy ka sameyney somaliland marka that means somaliland copied jabuti ileen jabuti dal iyo calan jiro buu ahaa? Stop kidding yourself. Meeshan qof copy sameeyo ma jirin ee the cairo conference marki lagu daalay oo la arkay in dad mafia ah agenda kale haysto ayaa laga soo quustay oo lagu dhawaaqay mamul gobolledka puntland!!! Hadana taas mar dhow ayaa laga saarey dasturkeena oo hada waxan nahay "mamulka puntland" because waxan tusayna sharif iyo tfgka inaan siman nahay manahin dad hostagto. Mamul gobolleedka marki la yiri dadka waxay moodeen in dawlad hamar ka jirto aan hos tagan nahay weli lakin caseku sidas ma ahan. Mamulka puntland ayaa nala yirah anagu. Mamulka hamar ka jirana waan la siman nahay ee dalka marki laga hadleyo "stakeholders" oo siman ayaa miska isku imaneyo. Thats the reality of the situation. Indhaheynu is focused on hamar sxb not hargeisa.
  14. They don't look like soldiers to me!!! Look like ordinary citizens. At least dhar ciidan ayaa loo xidhay markas ayaa la dhaha "look at prisoner of war". Nice try toghdheer news but no somali media is picking up this story clearly fabricated!!!
  15. You guys seem to think talking about somaliland secessionism or doing articles or media shots will help it's recognition cause but it won't because somalia borders is managed by the tfg and anything to happen will require this govt to authorize it. Thats the reality guys whether u like it or not. U can sit all day talking about talking about somaliland but that wont get it recognized. W I talk about puntland because at least something baan uu jeeda ay sameyneyan. We have puntland thats taking care of our people whilst we are in hamar as pm and having many xildhibano there monitoring the processes so we are not left out. Puntland haday qol isku soo xiri laha i would be worried because this will mean when hamar sorts out its problems they will come for me and thats not in my interest at all!!! So its better me being apart of somalia process for my long-term success. Somaliland is different because they been always isolated from somalia politics their seems to be political discrimination against their clan for whatever reason it maybe. It might be historical reasons it might be they are not very strong clan!!! I don't know what it is but i do know there is discrimination against them at the official level and also in social level. What else can explain why they never allowed to get president? weligis ma dhicin from 1960 till today. Their must be reason for this. I hear a few reason for it. Some say they are not large clan therefore don't merit the presidency. Some even say way dhaqan xun yihin (what xoosh said). Whatever the reason is I dont care but what i do care is that justice is served in somalia and all clans work together for the good of the nation. I am not promoting giving 1 clan something they don't deserve because that's not justice. But I believe giving every clan and every region their fair share of the pie and working to restore our nation.
  16. If puntland wanted to get recognized it could've a long time ago. Somalia borders are managed by the tfg because this is the legal national government no matter how effective or ineffective it may be. We can get the prime minister to raise a bill in parliament to recognize puntland as separate state. and have the prime minister sign over it. The mp's can be easily bribed or convinced just like how abdullahi yusuf convinced them to vote for him as president in kenya. You guys seem to think puntland wants secession but it doesn't because puntlanders share alot of ties in kismayo by leaving somalia kismayo or the rich agricultural areas in jubba owned by puntlanders will forever be lost to the usc clan. So no puntland will never leave somalia we got more to lose then to gain. But we will build our naval capabilities and arm our navy with the latest vessles and arms to give us an edge over other clans who won't have such naval power. We will sail to jubba and attack and take back what is rightfully ours. After-all we can literally go to the jubba by army because that will require talking to the usc clan. Anyways our politics is not seccession and never will be. We want a united somalia not just because of kismaayo but because this is the best interest of somalis rather then having fragmented statelets with 5000 soldiers in each territory is ****** and unworkable. Its better having united nation thru federalism it's the best way to make sure all people in somalia no matter if they live in a tuulo out in remote area or in the capital city hamar will have a say in how this country is governed. It's the best solution that is workable for somalis and takes into account every tribe in somalia its not pro just for 1 clan, this can be applied to everyone no matter which part of somalia they live in. The seccessionist policy is only for 1 clan located in north-west region it doesnt address all of somalia. This is why they always ignored and isolated but we will see what siilanyo will do for them and hopefully bring them out of the darkness they live in.
  17. Ictirafku birito bay imaan doonta sxb. Bal lets starts the early party gabar ilkacas noo keena
  18. Ogaysiin Aasaaska “Puntland diaspora forum - Danemark” Waxaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 19.07.2010, lugu qabtay magaalada Arhus ee Denmark ,shir ballaaran oo ay kasoo qayb galeen qurbajoogta Puntland. Markii lays tusaaleeyey baahida loo qabo gole kulmiya qurbajoogta Puntland ee ku nool dalka Danemark Markii doodo iyo afkaar kala duwan keddib, leysla meel dhigay hadafka iyo himilooyinka Golaha. Markii lays tusay in lasoo gaaray waqtigii la xiriirin lahaa golayaasha Qurbajoogta puntland . Markii laysku wada af gartay qodobbadii shirka looga hadlayey ayaa: Si wadajir ah loo aasaasay “Golaha qurbajoogta Puntland- Danemark – Puntland diaspora forum – Danemark” Keddib waxaa la doortay maamulka Golaha oo ka kooban: 1- Cabdisalaam Cali Askar – Guddoomiye 2- Mohamed Jama Soyan – Gud. Ku xigeen 3- Farah Yassin Osman – Xoghayaha warfaafinta 4- Cabdiraxman Axmed Shire – Xoghayaha maamulka & maareynta 5- Ing. Cabdimaalik Mohamoud Farah – Xoghayaha xiriirka gudaha & dibedda 6- Axmed Xasan Warsame (Asbaro) – Xoghayaha borotokoolka 7- Omar Ahmed Shirwac – Xogahayaha hantidhawrka Guddoomiyaha Golaha qurbajoogta Puntland-Danemark-Puntland diaspora farum. fyok78@hotmail.com
  19. Golaha Wakiilada Puntland oo meel mariyay Sahrcigii argagaxisada (Garowe) RBC: Golaha Xukuumada Puntland ayaa meel mariyay sharcigii argagaxisada oo dhawaan ay horgeeyeen golaha Xukuumada Puntland kaa oo ay horay golaha Xukuumada u ansixiyeen Mudanayaasha Golaha baarlamaanka ee Dowlada Puntland ayaa kulankii ay shalay iskugu yimaadeen waxaa ay uga doodeen in la sameeyo maxkamada u gaar ah dadka lagu hello wax loogu yeero argagixisada maxkamadaas oo ay horay iskugu raaceen golaha xukuumada.Puntland. Arintaan aaya Golaha Wakiilada Puntland isku raaceen in Sharcigaan kla meel mariyo inkastoo maalintii hore Golaha arimahaa u xil saaran ka doodeen iyana dabadeena Golaha intooda kale u soo gudbiyeen Golaha wakiilada ayaa waxaa ay ay bilaabeen in ay dib u eegaan sharciga u yaal Argagaxiisada si ay u meel mariyaan ama u diidaan , waxaana maalintii shalay ku guulaysteen in hab gacan taag ah u ansixiyaan Sharcigaan argagaxisada ayaa ah mid dhawaan Golaha Xukuumada meel amriyeen hasayeeshee waa mid ku cusub Puntland marka la eego intii Puntland aas aasneed waxaana la filayaa in Golaha Wakiilada marka ay meel mariyaan in uu dhaqan galo Dhawaan ayaa la filayaa in uu dhaqan galo sharicigaan aragagaxisada oo iyo shruucda kale ee tahriibta iyo Burcad badeeda oo iyana la hor geeyay Golaha WAkiilada Puntland markii ugu horaysay RBC NEWS
  20. Hay,adda Save Childareen oo maanta Koob gudoonsiisay Dugsiga sare ee Ganbool oo qaday Koobkii loo dhigay Dugsiyada sare ee Garowe(Sawiiro ) (Garowe) RBC; Waxaa maanta lugu qabtay xarunta Hay,adda cilmi barista Puntland ee PDRC Xaflad koob lugu gudoonsiinayay Dugsigii ku guulaystay koob kubadda Cagta ahaa oo ay qabatay Hay,adda Save Childaren oo ka mid ah Hay,addaha ka howlgala Puntland . Xafladaa waxaa kazoo qaybgalay Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socda Maamulka Dowlada Hay.adda Save Childareen iyo Kooxihii koobka loo qabtay iyo marti sharaf kale oo lugu casuumay . Furitaanka Xafladaa ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin tilaabadaa lugu hormarinayo sportska oo ay qaaday Hay,adda Save Childareen . Koobkaan soo gabagaboobay ayaa waxaa ka soo qayb galay Afar dugsi sare ee Caasimada Puntland ka howlgala waxana koobkaa uu ahaa mid dhibca lugu kala qaadayay hasayeeshee waxaa ku guulaystay Dugsiga sare ee Ganbool ee Magaalad Garowe. Wasiirka S/S/S portska Puntland Axmed Cigaalle Cawaale oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu amaanyo Save Childareen tilabada ay qabatay waxuuna ugu yeeray in dadaalkooda ay sii wadaan oo uusan intaa uga ekaan . Cawalle ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in sportska kor loo qaado si Puntland uga dhaxamuuqato olambikada aduunka tartamada ay qabtaan waxuuna ku dhiiri galiyay dhalintii ka soo qaybgashay in dadaal dheeraad ah ay muujiyaan si ay u noqdaan kuwa dadaalkooda ugu suuragaliyo in tartamada aduunka ka qayb galaaan. Cali Saciid oo ah madax ka socda Hay,adda Save Childareen oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in barnaamijkaan ay maanta gabagabeeyeen uu ahaa mid tijaaba ah islamarkaana waxa uu sheegay in ay hayaan mashaariic kala duwan oo loogu talagalay in dhalinta lugu hormariyo. Sargaalkaa ka socda Hay,adda Save Childaren ayaa intaa sii raaciyay 2500 oo dhalan yaro ugu talagaleen in ay u abuuraan xirfado ay biri ku shaqaysan karaan sida in labaro Dhisida guryaha, Makaanikada, Korntada, iyo waxayaabaha kale ee farsamada gacanta, waxuuna sheegay in barnaamijayadaa ay yihiin kuwa ay dhamaan doonayaan in deegaanada Puntland ka fuliyaan. Cali siciid waxa uu sheegay in barnaamijyadaas oo dahan ay la kaashan doonaan Uruurada dhalinyarada Gobalada ka jira kuwaas oo uu sheegay in ay ka qaadan doonaan hal Uruur oo arimahaa kala shaqeeya sida Uruurka MUDAN oo uu sheegay in Nugaal ka qaateen. Waxa uuna ugu baaqy dhamaan dhalintii koobkaa Save Childaren dhigtay in ay isku sabraan, ku dadaalaan hormarinta Sportska oo ah is dhaxgalka Bulshada islamarkaana sumacad u soo jiidaan Puntland maadama ubixii soo koraayay ay yihiin. Ugu danbayntii ayaa halkaa lugu gudoonsiiyay Dugsiga sare ee Ganbool oo ku guulaystay koobkii afarta dugsi ku tartamayeen waxaana sidoo kale xafladaa lugu bixiyay abaal marino ay Helen ciyaartooyga ugu fiican kan ugu akhlaaqda badan iyo kan ugu wanaagsan inkastoo xafladaa aysan soo xaadirin kooxda Imaamnawai oo koobka ka qayb gashay . Waa Markii ugu horaysay ee muda dheer kidib koob loo qabto Dugsiyada sare ee Puntland islamarkaan uu si buuqa la,aan ah ku dhamaado waxana inta badan koobabka la dhigo ay ahaan jireen kuwa buuq dhaliya sababa in hakad la galiyo koobkaa. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
  21. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka PL Prof. Ali Abdullahi Warsame oo Nairobi Hawlo Shaqo u Joogo Wasiirka Caafimaadka puntland Dr Cali Cabdulaahi Warsame Waxaa maalmihii la soo dhaafay booqasho shaqo ku joogay magaalada Nairobi-Kenya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka PL Prof. Ali Abdullahi Warsame. Wasiirku wuxuu martiqaad rasmi ah ka helay qaar ka mid ah hay’adah ka caawiya Puntland horumarinta adeegyada Caafimaadka wuxuuna inta uu joogo Nairobi ka kulmi doonaa inta badan hay’adaha PL kala shaqeeya adeegga Caafimaadka iyo qaar ka mid ah saafaradaha wadamada daneeya inay wax ka qabtaan xaaladaha caafimaadka shacabka soomaliya, gaar ahaana Puntland. Wasiirka ayaa kullankiisii ugu horeeyey wuxuu maanta (2o.07) la qaatay Hay’adda Islamic Relief. Kullankaas oo ay ka soo qaybgalleen masuuliyin sare oo ka socday Hay’adaas oo uu hogaaminayey Mr. Iftikhar Ahmed Shaheen, kaasoo ah mas’uulka ugu sareeya Islamic Relief howlaha ay ka wado Somalia. Kullankaas ayaa Wasiirku wuxuu warbixin dhamaystiran ka siiyey Islamic Relief baahida caafimaad ee ka jirta Puntland iyo qaabka ugu haboon ee wax looga qaban karo. Sidoo kale Prof. Ali Abdullahi ayaa uga mahadceliyey Islamic Relief shaqada ay ka wado Puntland xaga caafimaadka iyo Waxbarashada. Islamic Relief waxay ka mid tahay hayadaha fara ku tiriska ah ee Muslimka ee ka howlgala Somalia, waxayna wax weyn ka qabatay adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Bilihii ugu danbeeyey Islamic Relief waxay gargaar xaga caafimaadka ka gaysatay xiryaha dadka soomaliyeeed ee kasoo bara kacay koonfurta Soomalia ee nool Puntland, gaar ahaan ku yaala Magaalada Gaalkacyo-Gobolka Mudug. Islamic relief waxay bilihii la soo dhaafay u fidisay gargaar caafimaad in ka badan 4000 oo bukaan ah oo ku kala nool xeryaha qaxootiga ee gaalkacyo. Waxay sidoo kale dhistay 3 xarummod oo caafimaad oo ku meelgaar ah (temporary treatment shelters) iyo 10 goobood oo qashinka lagu shubo kuwaas oo dhammantood loogu talagalay qooxitiga ku soo bara kacay Puntland. Islamic Releif waxay sidoo kale ugu deeqday Isbitaalka guud ee Galkacyo gargaar deg deg ah oo ka kooban daawo iyo qalab lagu qiimeeyey USD 60,000/- iyo waliba 3 matoor oo ah kuwa dhaliya korontada. Waxaa kale oo ay Hay’adani ugu deegday Xarunta Wasaaradda caafimaadka 2 baabuur oo ah nooca gargaarka deg- dega (umblances) kuwaas oo ay rajaynayso wasaaraddu inay dhawaan soo gaaraan xarunta Wasaaradda ee Garowe. Ugu danbayn waxaa ay hayaddu dhawaan bilaabaysaa in ay la wareegto ka shaqaysiinta iyo howlgallinta dhowr xarumood oo ka mid ah xurumaha hooyadda iyo Dhallanka ee Puntland oo aan hadda shaqaynin, waxaana sidoo kale ay waddaa inay taageerto Isbitaalka Guud ee Garowe ayadoo ballan qaaday in ay door weyn ka qaadato tayaynta iyo sare u qaadida xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka Guud ee Garowe.
  22. Wasiirka Qorshaynta iyo Xariirka Caalamiga ah ee Puntland oo kulan ugu yeeray dhamaan uruurada INGOyada ka howlgala Puntland (Garowe) RBC: Waxaa maanta lugu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta iyo xarirka Caalamiga ah Kulan baalarn oo ay ka soo qaybgaleen Uruurada INGOyada ka howlgala Puntland kuwaas oo wasaaradda Qorshaynta ugu yeetay kulan ay la yaleeto si lo ogaado waxyaabaha ay dalka ka qabtaan. Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo xariirka Caalamiga ah ee puntland Daa.uud Maxamed Cumar oo halkaa ka hadlay aya sheegay in ay jiraan uruuro badan oo aan waxba qaban hadana qaata lacago kuwaas oo aan la aqoon halka ay ka bixiyaan lacagtaa iyo sida loo mareeyo. Wasiirka waxa uu intaa ku daray in loo baaahn yahay in la saxo wax kasta si loo ogaado hwsha u qabto uruurka maadama ay jiraan uruuro badan oo muujiya dadaal iyo kuwa aan waxba qaban taana waxaa uu ku sheegay in aysan ahayn mid wanaagsan. Dr Daa,uud Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in Uruurada diinwaangashan ay garayaan boqol iyo inka badan taana waxa uu ku sheegay mid aan muhiim ahayn waxuuna tilmamay in ay muhiim tahay in la iska waraqabo si wax loo saxo oo hormar loo gaarsiiyo deegaanka daladna loo sameeyo uruuradaan . Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo xariirka Caalamiga ah ee Puntland ayaa sheegay in looga baahan yahay uruur kasta iyo Hay,adda kasta in ay soo bandhigaan wax qabadkoodii si loo ogaado waxyaabaha u qabsoomay iyo wixii aan qabsoomin. Waxuuna sheegay in iminka ay sameeyeen Websiyd ay ugu talagaleen in waxqabadka Hay,addaha iyo Uruurada lagaliyo ay sameeyen dhawaana uu howlgali doono waxuuna sheegay in webkaa lagalin doono wax kasta oo qabsoomay . Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dhamaan Gobalada Puntland ay ka fureen xafiisya hoos yimaada Wasaaradda Qorshaynta iyo xariirka Caalamiga ah ee Puntland waxuuna sheegay in xafiisyadaas ay yihiin kuwa ay isku xiran yihiin gudoomiyaasha degmooyinka iyo Maamulada Gobalada. Waa markii ugu horaysay ee kulan nuucaan loo qabto uruurada INGOyada kuwaas oo lugula xisaabtamayo wixii u qabsoomay tan iyo xiligii uu xilka qabtay Wasiirka Qorshaynta ee iminka hugaanka wasaaradda u haya RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase
  23. Chief_Aaqil the people still have the old thinking in place. Calm the south down and invade the north and bring them under occupation. Remember zeylac till kismayo is the property of somalia and the president can have the right to attack anyone that dares violate it. So really I just foresee them doing that with somaliland "inay soo jiitan" ma raban waxayna ka muuqata look at the way tfg parliament shares power. Hell we dont even allow snm ppl to sit under their own name. LOL. Sxb way iska cad dahay what they want to do.
  24. Dadkii Maanta Laga Qabqabtay Boosaaso oo Galabta Loo Dhoofiyey Magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo (RBC) Ciidamada booliska magaalada Boosaaso ayaa galabta magaalada ka dhoofiyey in ka badan 600 ruux oo maanta lagu qabqabtay hawlgal ay fuliyeen ciidamada. Gawaari waaweyn oo ay ka buuxaan dadka maanta la qabqabtay oo u badan dhalinyaro ayaa galabta u safray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaasi oo sida dad xog ogaal ahi sheegeen dadka dib loogu celiyey. Sida RBC ay u sheegeen ilo wareedyo ku dhow hay’adaha amniga tirada guud ee dadka maanta la qabtay ayaa gaaraya 700 ruux oo dhamaantood laga qabtay waddooyinka magaalada Boosaaso, kuwaasi oo lagu ururiyey saldhigyada booliska ee magaalada. Baaritaan maanta lagu sameeyey dadka la qabqabtay ayaa lagu siidaayey 130 ruux oo sida la sheegay ka soo jeeda gobolada Puntland, halka tirada inteeda kalena galabta loo daabulay magaalada Gaalkacyo. Dadkan galabta loo qaaday Gaalkacyo ayaa ah dad dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolada Koonfurta dalka, degaanka Soomaalida Galbeed (******iya) iyo dad ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee Ethiopia, kuwaasi oo dhamaantood laga soo ururiyey magaalada Boosaaso. Saraakiisha amniga waxay gebi ahaan saxaafada u diideen inay wax xog ah ka bixiyaan dadka la qabqabtay iyo sida laga damacsan yahay, inkastoo warar hore ay sheegayeen in dadka la kala saari doono. Qabqabashada dadka maanta ayaa lagu tilmaamay sababo dhinaca amaanka ah, waxaana masuuliyiinta amnigu horey u sheegeen inay wadaan talaabooyin amniga wax looga qabanayo, gaar ahaan midka magaalada Boosaaso oo waayadan dambe qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen. Ma cadda in hawlgalku uu sii socon doono maalmaha soo socda iyo inkale, Waxaana hawlgalkan maanta uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo hawlaha dadka caadiga ah ee magaalada ku nool kuwaasi oo cabsi ay ku beertay dadkan laga qabqabanayo waddooyinka magaalada. RBC Radio