Cowke
Nomads-
Content Count
2,416 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Cowke
-
We must hold yusuf garad responsible for his irresponsible reporting which is being fed into the bbc coverage of our region. All somalis must stand up to this qabiliste thug and call for his resignation
-
What a crap map by the bbc. I think they dont verify what yusuf garad is telling them is somalia. Firstly look at where they highlight is somalia? wa dhul H.G lol. Is a blue flag flying in those land today? wa may. What flag flies there? a black flag. Secondly where they call disputed is totally ridiculous. The fact of the matter is makhir is all puntland and the second u go hit the ground u will realize that. As for sool and cayn they are controlled by puntland except las anod so how can 1 city in sool classify the whole region as disputed? U can just see as evidence the vice president when to addis to discuss border issues over cayn did they talk to somaliland about it? no. So what is disputed? That 1 city that is missing in sool will be reclaimed by the rightful govt of puntland
-
Puntland forces attack al-Shabab in Somali mountains Forces from Somalia's northern Puntland region have attacked a cell of al-Shabab militants, officials say. Puntland President Abdirahman Sheik Mohamed says the security forces killed 13 Islamist fighters after they attacked an army post near the commercial capital, Bosasso. The mountain raid was the first time Puntland's forces have clashed with al-Shabab, analysts say. The al-Qaeda-linked group controls much of southern and central Somalia. At least two members of Puntland's security forces were also killed in the clashes in the mountains near Galgalo. Puntland is semi-autonomous from the rest of Somalia but is allied to the embattled, UN-backed government in Mogadishu. The Puntland authorities have recently rounded up and deported hundreds of young men in Bosasso and sent them to Mogadishu, accusing them of being al-Shabab sympathisers.
-
The battle is just beginning it will get heated when ilkajir arrives and flushes out the galgala terrorists but where will they go this time is the big question. Probably ceelayo i think!!!
-
Yeah he wanted to capture bargaal iyo magaloyinka heebaha ku yaal. But america then airstriked bargaal mountains and they shifted their operations away from bargaal and went to galgala under the guidance of shaykh atam. Wa ilmo adeero labadu lakin reerkas way kala baxan laftigooda shaykh atam belongs to another linage and ducale another linage of the same clan. Anyways qorshooda waa isku wada mid which is to overthrow puntland and establish an islamic emirate in waqoyi bari under the leadership of their clan taking their orders from dahir aways
-
Originally posted by General Duke: quote: Jaamac Ismaaciil Ducaale Who is this man ? That guy was the guy who attacked bargaal remember. When america airstriked bargaal mountains it was because his group was hiding out there thats the ducale guy a well known terrorist
-
Ciidamo uu wato Jen C/laahi axmed Ilkojiir oo soo gaaray Qardho kuna wajahan Boosaaso Posted to the Web Jul 26, 14:57 Qardho:-Horin wasiiro ah ayaa goordhow soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ka dib markii ay kulan ku qaateen magaalada Garoowe kaas oo la isku raacay in dagaalka Galgala la soo afjaro sida uu noo sheegay ilo wareed lagu kalsoon yahay. Wasiirada ayaa waxaa horkacaya wasiirka arimaha gudaha ee Puntland Jen C/laahi axmed jaamac Ilkojiir oo wata ciidamo kuwaas oo laga sugayo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari. Iska horimaad ayaa saaka aroortii ka dhacay tuulada Toga Sugudhe kaas oo u dhexeeya ciidamo daacad u ah wadaadka Atam iyo ciidamada Puntland waxaan halkaas ka dhacay khasaaro gaaray labada dhinac . Tuulada Toga Sugudhe ayaa Qiyaastii 2 KM u jirta dhinaca Laamiga Tuulada Karin waxaana haatan halkaas ku sugan ciidanka Puntland waxaana ay soo qabteen ilaa 10 qof iyaga oo dilay 13 kale . Ciidamada daraawiishta ee Puntland ayaa waxay ka dhintay 2 askari waxaana ka dhaawacmay ilaa 5 kale waxana laga gubay gaari baroon ah dagaalka ayaa dhacay saaka aroortii. Xaalada magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay tahay mid degan waxaan dadku hadal hayaan dagaalkii dhacay iyada oo gurmad kala duwan uu socdo. M_M Deeq Halgan.net
-
Dahir aways is just dumb old man that doesnt learn from his dumb old mistakes of the past. He was defeated in 1992 when he tried this game under the disguise of al-itihaad does he think a new title "shabab or hizbul islam" will get him inside our regions? War dadka doqonsana. Dahir aways needs to learn something real quick someone from puntland will kill his own brother if he brought enemies into the home this is an age old policy dating way back now and if dahir aways thinks he will get into our regions using some galgala foot soldiers and idps disguised as women using indha shareer he has another thing coming. Puntland today is alot stronger then it was 1992 and yet we still managed to defeat you the usc and al-itihaad bloc. What makes them think puntland 2010 is going to submit? war odeygas dahir aways just doesnt learn from his past mistakes but i advice him inu is-dhiibo si dhaksaha badan just like his fellow brothers in baraxley and cadaado did. Tas baa surta gal ah if anything!!!
-
Audio
-
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo Ka Qaybgalay Shir Ganacsiga Looga Hadlaayey oo Ka Dhacay Dalka Indonesia July 25, 2010 Wefdi ka socda Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka qaybgalay shir loo qabtey dalal gaaraya 5 dal, shirkaas oo ahaa mid looga hadlaayey ganacsiga yar-yar iyo kan dhexe, ayaa ergooyinkii dalalkaas ka socdey waxa halkaas lagu siiyey tababaro la xiriira ganacsiga, shirkan ayaa ka furmey dalka Indunesia 14 bishan july waxaana la soo gebagebeeyey 23.07.2010. Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay dalalka Afghanistan, Mozambique, Iraq, Indonesia Iyo Soomaliya (Puntland), waxaa shirkan soo qabanqaabisey wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Indunesiaiyo Macadaka Hal Abuurka Ganacsiga Iyo Horumaninta Warshadaha. Shirka ayaa diirada lagu saarey qaabka loo abuuro wershadaha yar-yar ee waxsoosaarka ka qaybqaata. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Wershedaha iyo Beeraha Puntland Md.Maxamuud Xayir Ibrahim oo hoggaaminaayey wefdiga Puntland ayaa halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, waxaana uu aad ugu dheerdaaye qaabka loo maalgashan karo Puntland iyo fursadaha gacansiga iyo weliba kheyraadka Puntland iyo qaabkii looga faa’ideysan karo. Gudoomiyaha ayaa hada ku sugan Magalada Jakerta ee Dalka Indonesia isga oo halkaas kulamo kula yeelanaya malinta beritu ah Ganacsato Iyo Masuulin kale oo uu ka mid yahay Dhigiisa Rugta ganacsig Iyo Warshada ee Indonesia. Ma ahan markii ugu horeeysay ee Gudoomiayah rugta ganasigu uu ku tago buuqasho dalka Indonesia 14 bishii Junry 2010 ayeey ahead markii gudoomiyah iyo ganacasto Somaliyeed ay halkaas booqsho ku tagaan isla markaasana heshis la soo galay rugta ganacsiga iyo warshadaha ee Indoneisa. Horseed Media Jakarta Indunesia
-
MAXA LOO DHISAY PUNTLAND? MAXAYSE GAARTAY 12 SANO KA DIB? Posted by admin on July 24th, 2010 Dowladda Puntland ee Soomaliyeed, waxaa la aas aasay 1dii August 1998dii ka dib markii sidaas ay go’aansadeen hogaamiyayaashii siyaasadda iyo kuwii dhaqanku, taas oo daba joogtay markii lagu guul daraystay shirar badan oo Soomaliya dibadda loogu qabtay, dalkuna uu dowlad la’aan ahaa muddo sideed sanadood ah. Isimada iyo Cuqaasha reer Puntland waxay astaan mid nimo iyo sal ay ku fariisato u noqdeen dhismihii iyo jiritaankii Puntland, waxayna u galgasheen oo geed walba u fariisteen sidii Puntland u noqon lahayd dowlad hanaqaada shirkii lagu aas aasayna uusan noqon mid dhicisooba. Waxay dhammaan ergooyinkii ka soo qeybgaly shirkaas si aqlabiyad leh oo xor ah u doorteen madaxweynihii ugu horeeyey ee Dowladda Puntland kaas oo noqday Md.Cabdullahi Yuusuf Axmed, sidoo kalena waxay Madaxweyne Kuxigeena udoorteen Md.Maxamed Cabdi Xaashi Waxaa Puntland loo dhisay in ay ka nabad gasho burburkii iyo baabi’ii ka socday koonfurta Somalia, isla markaasna ay dadkeeda iyo Somalida kale ee ku soo barakacdayba ku naaloodaan nabad iyo horumar buuxa. Ujeedooyinka Puntland loo dhisay marna kama mid ahayn in ay ka go’do Somalia inteeda kale, waxaana axdigii Puntland lagu dhisay sal iyo unugba looga dhigay in ay dolwad Somaliyeed oo federal ah ama nidaamka hooska so dhiska ah (bottom-up building system) raadiso ayna sidaas uga midnoqoto Somalia inteeda kale. Waxaan rabaa in aan qoraalkaan ku soo koobo saddex marxaladood oo ay Puntland soo martay aniga oo koobaya. Marxaladii I aad oo ah Lixdii sano ee Cabdullahi Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi, marxaladda II aad oo ah, afartii sano ee Cadde Muuse iyo Hassan Daahir iyo marxaladda hadda ee Cabdiraxman Faroole iyo Gen. Cabdi Cali Shire Marxaladii I aad: xukuumadii ay madaxda ka noqdeen Cabdullahi Yusuf iyo Maxamed Cabdi Xaashi waxay ahayd xukuumad aad u yar oo ka kooban sideed wasiir oo aan wasiir ku xigeeno lahayn iyo dhowr agaasime oo loo magacaabay hay’adihii madaxa banaanaa. Waxaa xukuumaddaas horyaalay hawlo aad u culus, mana jirin wax xarumo ama xafiisyo dowladeed ah oo ay ka dhaxashay dowladii burburtay, iyadoo dalku sideed sano burbursanaa wax kasta oo qaran lahaana la bililiqaystay, sidoo kalena waxaa burbursanaa dhammaan hay’adihii dowliga ahaa, sida ciidamadii dalka haday ahaan lahaayeen Military, Police, asluub ama Daraawiish. Waxaan iyaduna haba yaraatee jirin hanaankii dakhli ee dowladi ku shaqayn lahayd mana jirin wax cashuur ah oo dalka laga qaadi jiray marka laga reebo khidmad aad u yar oo ciidankii maleeyaashdku dekeda ka qaadi jireen. Mudadii saddexda sano ahayd ee ugu horaysay Puntland waxay gaartay tallaabooyin horumar leh, iyadoo la hirgaliyey dhamaan hay’adii dowladda, ciidamadii oo dib loo dhisay lana qalabeeyey iyo iyadoo la soo celiyey habkii dakhli aruurinta. waxaa intaas oo dhan ka muhiimsanaa oo dowladu ku guulaysatay amaanka oo gacan bir ah lagu qabatay, taas oo sahashay in ganacansigi iyo is dhex galkii kobco sidoo kalen ay dekadda Bosaso marti galiso Kililka shanadg ilaa Konfurta Somalia ilaa dhanka waqooyi oo ganacsatada degaankaas door bideen cashuurta ka heer hoosaysay tan Berbera iyo amaanka oo ahaa mid qof kasta isku halayn karo. Waxaa kale oo xukuumaddu xilligaas ku guulaysatay in ay caalamka iyo Somalidaba ka dhaadhiciso habka federaliga ah(Federal System Government) oo dadka reer Puntland u arkayeen in dalka lagu xasilin karo gobol walbana lagu gaarsiin karo horumar iskiis ah iyadoo ugu danbayntiina Madaxweynihii Puntland ku guulaystay in uu noqdo Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia ee lagu soo dhisay Kenya. Marxaladii IIaad: 10. Oct. 2004 waxaa Madaxweynaha TFGda loo doortay Madaxweynihii Puntland Md Cabdullahi Yuusuf Axmed, waxaana madaxweynaha Puntland loo dhaarshey sida dastuurku qabay Madaxweyne ku xigeenkiisii Md Maxamed Cabdi Xaashi, sidoo kalena waxaa Madaxweyne ku xigeen loo doortay Md. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) maadaama uu kursigii Madaxweyne kuxigeenku bannaanaada. In kasta oo muddadaas aad u koobnayd hadana waxaa lagu guulaystay in ay Puntland ka dhacdo doorasho xora oo xalaal ah. 8dii Janaayo 2005 waxaa Madaxweyne loo doortay Md Maxamud Muuse Xirse (Cade Muuse) Madaxweyne kuxigeenna Md. Xasan Daahir Maxamud (Afqurac) Dowladii Cadde Muuse, waxay garab iyo gaashaanba u noqotay dowladii Federalke, waxayna ku caawisay Ciidamo, Dhaqaale iyo Maskaxba, waxayna si walba ugu dedaashay in ay TFG du noqoto Dowlad Somalia ka hirgasha. Waxyaabaha lagu xasuusto dowladii Cade Muuse waxaa ka mid ah, dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaso, Maxjarka Bosaso iyo Keenistii Shirkadaha Shidaalka inkasta oo ay muran ku saabsan khayradka Somalia iyo sida loo qaybsanayo dhalisay. Dhanka kale waxaa jiray waxyaabo badan oo caqabado ku noqday dowladaas oo ay ka mid ahaayeen Burcad badeedii ka dilaacday Koonfurta Somalia oo ku soo fidday Puntland, Tahriibta iyo Khalal dhanka dhaqaalaha ah ka dib markii la soo daabacday lacago Farabadan oo falso ah. Xukuumaddii Cade Muuse waxay ku guulaysatay sidii xukuumadii ka horaysayba in ay qabato doorasho xora oo xalaal ah wax mugdiyana uusan ku jirin. Marxaladda IIIaad: Marxaladda saddexaad waa tan hada ee loogu doortay Madaxweyne Md Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) Madaxweyne ku Xigeenkana loogu doortay Md Gen. Cabdisamad Cali Shire, waxaana la doortay 9 Janaayo 2009, waxaa horyaalay dowladaas in ay xalliso arrimo badan oo ay ka dhaxashay dowladii ka horeeysay sida in xal loo helo arrimaha dhaqaalaha oo salka loo dhigo, la dagaalanka Burcad badeeda iyo Tahriibta, waxaa kale oo iyaduna arrin adag oo in la wajoho ay tahay ahayd, Dowladii Federalka oo burbur weyn oo Siyaasadeed soo foodsaaray, ka gadaal markii uu is casilay Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed. Waxaa qeyb ahaan dowladdu wax ka qabatay arrinka dhaqaalaha inkasta oo la saddex jibaaray cashuurtii, taas oo shacabkana culays dhaqaale ku noqotay iyadoo awalba dhaqaalahoodu liitay dhankalena dowladda u suurta galisay in uu soo xaroodo dakhli aad u fara badan marka loo eego dowladihii ka horeeyey. waxaa hubaal ah in (inkasta oo marxalad adag soo foodsartay) dowladda maanta jirta aysan ku guulaysan in ay wax weyn ka qabato arrimaha amaanka oo khal khalweyn galay. Gebogebo: Laguma soo koobi karo qormadaan gaaban dhammaan dhacdooyinka taariikhiga ah ee ka dhacay Puntland, sidoo kalena qorshahaygu ma ahayn in aan halkaan kaga hadlo dhaliisha maamulkan ama maamuladii ka horeeyey lahaayeen hase ahaatee waxaan qormadaan uga dan lahaa in aan wax yar ka iftiimiyo Puntland Ujeedada loo dhisay iyo waxa u qabsoomay 12 sano ka dib waqtigii la aas aasay oo ku began 1st August 2010. Isku soo duubo dowladda Puntland 12kii sano ee ay jirtay waxaa u qabsoomay wax badan oo la taaban karo, waxayna ka badbaaday xaaladda qalafsan ee ka jirta Somalia ee siyaaso-amaan, waxaa kale oo Puntland ay heshay kalsoonida caalamka oo u arkay meel amaan ah oo ka nabad gashay dhibaata iyo dagaalada ka jira koonfurta Somalia. Waxay dadka reer Puntland ku guulaysteen in ay horumariyaan ganacsiga iyo arrimaha bulshda. Dhanka kale waxaa lagama maarmaan ah in la xuso in aysan Puntland wada gaarin dhammaan himilooyinkii loo dhisay oo, ay wax badan dhiman yihiin sida, kobcinta ilaha dhaqaalaha, amaanka, iyo xiriirka caalamiga oo aad loo adkeeyo. waxa kale oo Puntland ku guul daraysatay in 12 sano ka dib wali aysan ka hir galin habka dimoqraadiyadda iyo nidaamka axsaabta badan (multi party system) Si kastaba ha ahaatee dadka reer Puntland waxay rajaynayaan in ay arkaan Puntland oo amaan ah, gaadhay horumar dhaqaale oo la taaban karo, ayna ka hirgashay dimoqradiyad hanaqaaday kana mid ah dowlad Soomaaliyeed oo federali ah. Wabilaahi Towfiiq. Mohamed Abdi Baldho
-
Allidalaamale(Sanaag) Maamulka Gobalka Sanaag ayaa kulamo la qaatay Dad barakacayaal ah oo ka soo jeeda Goballada Koonfureed ee Dalka Soomaliya, Kadib Markii Dawlada Puntland bilawday Hawlgalo ay ku daad guraynayso qaar ka mid ah Dadka ka soo jeeda Goballada Koonfureed ee Soomaliya.dakdaasi oo looga shakiyay waxyeelenta amniga deeganada Puntland. Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Nuur Afdabayl oo aan xiriir la samaynay ayaa Sheegay in Kulamadaasi ay la qaateen Xubno matalayay Dadka barakacayaasha ah ee ku Nool Gobalkaasi kadib Markii Maamulku uu bilaabay Talaabooyin ay Amniga ku xaqiijinayan islamarkaana ay kala simanyihin Goballada kale ee Puntland. Gudoomiyaha ayaa faafaahyay Waxyaabaha Dadkan ay kala hadleen, wuxuuna sheegay in ay soo bandhigeen qodobo dhawr ah oo ay ku Dalbanayaan Wadashaqaynta Maamulka ee Dhinaca Amniga, Waxayna sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay iska soo qabtaan Dadka Gobalka ka gaysta Falalka Amniga Wax u dhimaya ee ku dhex dhuumanaya danyarta soo barakacday. Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Nuur Dabayl ayaa sidoo kale sheegay Maamulku in uu diyaar u yahay Diiwaangalinta Dadkan iyo wada shaqayntooda Dhinaca Amniga ah iyagoo tixgalinaya Cabashooyinka Dadkan iyo Xaqa ay u leeyihiin si Nabagalyo leh in ay ula noolaadaan Bulshada Gobalka hadii ay dhinacooda ka adkeyaan amniga loo wada baahanyahay. Waa Markii ugu Horaysay ee Maamul Gobal oo Puntland ka tirsan uu kulan la qaato Dadka barakacayaasha ah islamarkaana uu kala hadlo Arrimo la xiriira Wadashaqayn dhinaca amniga ah tan iyo markii Dawlada Puntland ay bilawday Hawgallada Amniga la xiriira. Cumar Afguduud Allidamaale.com
-
Allidalaamale(Gaalkacyo) Gudoomiyaha Gobalka Mudug ayaa Maanta shaaciyay Dhismaha Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Goldogob iyo Jariban oo ka wada tirsan Gobalka Mudug. Gudoomiyaha Gobalka Mudug Col, Axmed Cali Salaad ayaa sheegay inay wadaan Dadaalo lagu damacsanyahay Dhislamaha Golayaasha Deegaanka Degmooyinka Goldogob iyo Jariiban, wuxuna Gudoomiyuhu sheegay in Dhawaan Degmooyinkan ay gaaro doonaan Xubno ka socda Maamulka Gobalka iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Dawladaha hoose ee Dawlada Puntland oo ka iman doona Magaalada Garowe. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Baaqyo horay ay ugu direen qaybaha Buslhada iyo Waxgaradka Degmooyinka oo ku aadan in ay u diyaar garoobaan Xuluashada Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka si loo helo Gole ka dooda Arrimaha bulshada soona saara natiijo Wax ku ool u ah bulshada iyo Deeganka oo dhan. Waxaa la filayaa Todobaadkan Wafdi isugu jira Maamulka Golabalka Mudug iyo Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Dawladaha Hoose Degmada Goldogob in ay ku tagaan Socdaalkoodii ugu horeeyay ee ay ku doonayaan in ay Golayaal Deegaan ugu dhisaan Degmooyinka Goldogob iyo Jariin Waxaana ku xigi doonta Degmada Jariiban oo iyadana la doonayo in laga hirgaliyo Gole Deegaan. Cumar Afguduud Allidamaale.com Gaalkacyo
-
Garoowe:(Allpuntland)-inkabadan 100 oo kamid ah nabadanada dawlada Puntland ayaa waxaa magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ay kasoo saareen Baaq ku saabsan Adkaynta nabad gelyada, Garsoorka, Cadaalada iyo dhawrista xuquuqda aadamaha,waxaana ay Baaqan soo saareen kadib markii uu soo dhamaaday shir ay ku lahaayeen magaalada Garoowe. Baaqan oo Xafiiska Allpuntland ee Garoowe lasoo gaarsiiyey wuxuu u qornaa sidan:- BAAQA ADKEYNTA NABAD GELYADA IYO DHAWRISTA XUQUUQDA AADAMAHA. Shirweynihii 2aad ee madax dhaqameedka Puntland ayaa waxa lagu qabtay xarunta nabadgelyada bushada ee Magaalada Garowe, Shirkaas oo socday mudadii u dhexaysay July 20kii ilaa 24kii July 2010 waxa ka soo qayb galay in ka 100 qof oo ka kala socday madax dhaqameedyada 7 gobol ee Punt land, xubno ka mid ah wasaaradaha Dawlada iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah. Shirka waxa lagaga hadlay oo si qoto dheer loogu falanqaeeyey wixii ka qabsoomay ,dhibaatooyinkii ama caqabadihii lagala kulmay fulintii Baaqii madax dhaqameedka eek u saabsanaa “Adkaynta nabad gelyada, Garsoorka, Cadaalada iyo dhawrista xuquuqda aadamaha”, intii ka dambeysay shirwenihii 1aad ee lagu qabtay Garoowe bishii Feb. 2009. Shirka waxa lagaga hadlay oo si qoto dheer loogu falanqaeeyey wixii ka qabsoomay ,dhibaatooyinkii ama caqabadihii lagala kulmay fulintii Baaqii madax dhaqameedka eek u saabsanaa “Adkaynta nabad gelyada, Garsoorka, Cadaalada iyo dhawrista xuquuqda aadamaha”, intii ka dambeysay shirwenihii 1aad ee lagu qabtay Garoowe bishii Feb. 2009. Waxaa shirkani si gaar ah diirada loogu saaray arrimaha ay ka mid yihiin: • Aanada, dilka iyo qaabka diyo kala qaadashada. • Xuquuqda Haweenka, caruurta, Bara kacayaasha iyo qaxootiga. • Burcad badeedka iyo dhawrista degaanka. • Ammaanka dalka. Waxaa kale oo ka soo qayb galayaashu ka wada hadleen xaalada ammaanka dalka iyo duruufaha ku xeeran. Waxa kale oo shirka lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa isku xirka, iskaashiga iyo horumarinta wada shaqaynta madax dhaqameedka iyo maamulka. Dood dheer iyo falanqayn ka dib, waxaa shirkan ka soo baxay qodobada soo socda: 1. Waxay madax dhaqameedku ku barbar taagan yihiin kuna taageerayaan Dawlada Punt land tallaabooyinka lagu sugayo Amniga iyo nabad gelyada dalka. 2. Madax dhaqameedyada waxay ugu baaqayaan dhammaan shacabka reer Puntland inay ilaashadaan nabad gelyadooda iyo ammankooda gacan buuxdana siiyaan ciidamada amniga iyo Dawladaba. 3. Waxay madax dhaqameedku ka muujinayaan dareen adag dawladana ugu baaqayaan inaan xadgud lagu sameenin dadka nugulka ah ee ay ka mid yihiin haweenka, caruurta, Naafada iyo waayeelka qaxootiga ama barakacyaasha ah ee dalka ku sugan, mar kasta, siiba xiliyada lagu gudo jiro sugida Ammanka. Waxay madax dhaqameedyadu shirka ka sheegeen in aanadii hoos u dhacday gobolada oo dhan qiyaas dhan 40%-50% celcelis ahaan. Hase yeeshee, waxay ku baaqayaan in: i) Dhammaanba la tirtiro dhaqanka Aanada. ii) In La soo qabto gacan ku dhiiglaha lana hor geeyo sharciga. iii) Laga waantoobo qarinta, fakinta, u hiilinta iyo is garabtaaga gacan ku dhiiglaha, cidii taageertana loo aqoonsado dambiile lana horgeeyo sharciga. iv) In magaha lagu bixiyo sidi dhinacyadu ku heshiiyeen si aanay raad xun oo dambe u keenin. 1. 5. Dambiilayaasha xuduudka ka gudbaya Waxaa in badan dhacday in dad dambiilayaal ahi ka gudbaan xuddudka Punt land oo ay galaan maamulada deriska la ah, si looga hor tago arrintaas, waxay madax dhaqameedku ku baaqayaan: • In la hagaajiyo xiriirka iyo wada shaqaynta ka dhexeeysa madax dhaqameedyada ku dhaqan maamulada kala duwan si loo xakameeyo in dambiilayaashu u gudbaan degaanada deriska la ah Punt land. 6. Adkeynta nabad gelyada Adkeynta nabad galyadu waa xil saar muwaadin kasta, waxaana leh masuuliyada kowaad Dawlada, sidaa darted, waa in: i) Kor loo qaado tayada ciidanka aminiga lana xoojiyo agabka ay u baahan yihiin, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka iyo dadweynaha reer Punt land. ii) Waa in Dawladu mamnuucdo in hub lala dhex maro magaalooyinka. iii) Waa in la dhiiri geliyo lana xoojiyo diiwan gelinta hubka dadweynuhu haysto. iv) Laga hirgeliyo dhammaan gobolada oo dhan mashruuca wada shaqeynta bulshada iyo booliska lana gaarsiiyo ilaa heer xafadeed, waaxeed iwm. 7. Xuquuqda Haweenka Madax dhaqameedku waxay xuseen inay hoos u dhacday tacadiyadii iyo xad gudubkii loo geysan jiray haween intii ka dambeysay shirweynihii 1aad, waxaa aad u sii yaraaday dhaxal duudsigii iyo dumaal ku xanibkiiba, waxaase weli jira kufsi iyo faraxumayn ka yar intii hore. Waxana iyana weli jira dhibaatooyin ku saabsan arrimaha guurka,furiinka iyo meherka iyo wax barasha la’aanta haweenka, sidaa awgeed, hogaamiye dhaqameedku waxay xoojinayaa go’aankoodii ahaa in: • Kiisaska kufsiga iyo fara xumaynta haweenka ay u gudbinayaan maxkamada. • Taageerayaan, dhiiri gelinayaana wax barashada iyo kor u qaadida aqonta haweenka. 8. Xuquuqda caruurta Hogaamiye dhaqameedku waxay ku baaqayaan in: • La ilaaliyo xuquuqda caruurta iyadoo lagu sallaynayo barbaarintooda shareecada islaamka. • Dhamman caruurta dhedig iyo laba, miyi iyo magaalaaba la siiyaa waxbarasho tayo leh. • Loo sameeyo caruurta aan ehelka lahayn, agoonta iyo Naafada, derbi jiifka xarumo wax lagu baro laguna xanaaneeyo. • Caruurta dembiyada gesha loo sameeyo xarumo gaar ah oo lagu dhaqan celiyo oo ku huboon daryeelka noloshooda. 9. Xuquuqda dadka Naafada ah(maskaxda iyo Jirkaba) iyadoo oo ay soo badanayaan dadka dhimirka wax ka qabaa, ku silicayaan magaalooyinka dalka , Waxaa madax dhaqameedyadu ku baaqayaan: • In Loo sameeyo iyada oo ay iska kaashayaan (Dawlad, Beesha caalamka iyo bulshada reer Punt land) xarumo lagu daryeelo. • In Dadka lixaadka la’ loo sameeyo xarumo lagu baro xirfada ay ku shaqaysan karaan, laguna xanaaneeyo. 10. Xaquuqda dadka Qaxootiga iyo bara kacayaasha Madax dhaqameedku waxay sheegeen in ay kor u kacday; siina kordhayso tirada bara kacayaasha ka imanaya koonfurta iyo bartamaha Soomaliya dagaalada dhulkaa ka jira awgood, waxayna ku baabaqayaan: • In dadkaasi yihiin magan. • In loola dhaqmo sida uu dhigayo sharciga islaamka iyo qawaaniinta caalimiga ah ee dhawrista xuquuqda dadka qaxootiga ah iyo mabaadii’ida caalamiga ah ee Bara kacayaasha. • Waxaa ka reeban wax allaale iyo wixii xad gudub ku ah maalkooda, sharaftooda iyo naftoodaba. • Waxaa iyagana loogu baaqayaa in ay ilaaliyaan amniga, shariciga, dhaqanka, anshaxa suuban iyo diinta dadka iyo dalka marti geliyey. 11. Xuquuqda dadka laga tirade badan yahay Waxay sheegeen madax dhaqameedku in aanay jirin wax faquuqid ama takoorid ah oo lagu hayo dadkaas, hase yeshee, waxaan si fiicanaan u taaba gelin is dhexgelkii bulshada ee dhinaca guurka. Sidaa awgeed, waxay ku baaqayaan: • In loo noqdo shareecada islaamka oo ina faraysa in muslimiinta aan wax faraq ah u dhexeyn diidaysana takoorid iyo faquuqid dadka muslimiinta ah dhexdooda inay is takooraan. 12. Dhawrista degaanka Waxay sheegeen madax dhaqameedku in iska hormaadyo hubaysan oo ku saabsan dhawrista degaanka ay ka dhaceen meelo badan oo dalka ka mid ah, tusaale ahaan; khilaafyo ka dhashay qodista Berkadaha, gubista dhirta qoyan laga shidayo dhuxusha iyo jarida cawska waxaa iska hor yimid dadkii xaalufinta waday iyo dadkii ay bulshadu u xil saartay ilaalint degaanka taas oo socotay mudo sanad ah, waxaana shirka laga sheegay in Gobolka Sanaag oo keliya ay ku dhinteen iska hor imaadyadaas 12 qof, ku dhaawacmeen 19 qof oo kale. Sidaa darteed, waxay madax dhaqameedku ku Baaqayaan: • In la qabto shirar iyo kulamo kor loogu qaadayo dhawrista degaanka. • In la abuuro guddiyo ka hawl gala dhawrista degaanka bulshadana wacyi geliya. • In wacyi gelin lagu samee yo bulshada si loogu baraarujiyo bulshada ilaalinta deegaanka. • In la joojiyo degaamaynta cusub oo laga sameeynayo dhul daaqsimeedka. • In la joojiyo dhul xidhashada dadka gaarka ah ee dhulka xooluhu daaqaan, lana baabiyo kuwa hadda jira. • In wax laga qabto nabaad guurka iyo xaalufka ka jira dhul daaqsimeedka. • In Dawlada Punt land ay sameeyso shaqaalahii ilaalin jiray deegaanka (Forestry Guards). • In Dawlada Punt land soo celiso seero xelliyeedyada jiri jiray si looga hortago xaalufka iyo nabaadguurka. • In la raadiyo tamar kale oo lagaga kaaftoomo dhuxusha, sida, gaaska, biibi gaaska, tamarta cadceeda, dhuxul dhagaxda, korontada iwm. lana sahlo sidey ku iman lahaayeen dalka sida cashuurta oo laga dhaafo. • In la ilaaliyo duurjoogta, lagana mamnuuco dhoofinta iyo leynta . • In la ilaaliyo kheyraadka bada, sida iyado la joojinayo kaluumeysiga sharcidarada ah, sunta lagu shubo bada, iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka. • In la mamnuuco soo saarista iyo ka ganacsiga bacda, taasoo aad u waxyeeleysay nolosha xoolaha nool iyo deegaankiiba. 13. tahriibta iyo burcadbadeeda: Hogaamiyaasha dhaqanka ee shirka ka soo qayb galey waxay tilmaameen intii ka danbeysay shirweynihii 1aad ee sanadkii hore febr. 2009 in tahriibtu aad hoos ugu dhacdey, sida laga soo xigtey ururo wadani ah lixdii bilood ee u danbeeyey sanadkii hore waxaa tahriibey 11,283 qof oo isugu jira Ethiopiyaan iyo Somali, halka shantii bilood ee u horeeyey sanadkan 2010 ay tahriibeen 1212 qof oo keliya, waxaana lasoo qabtey 32laash iyo48 motor oo isugu jira 25- 75 kheyl, hawlgaladaas oo ay sameeyeen Cidamada amaanka ee Puntland. Burcad badeedka waxaa la qabtey: 214 qof oo hada ku jira xabsiyada dalka. Goobihii faraha badnaa ee burcad badeedu ka qadhaaban jireen oo kusoo ururey hal meel oo ah magaalada Garacad oo ku taal koonfurta Puntland ee badweynta hindiya. Intaasoo dhami waxay ku yimaadeen howlgalo isdaba jooga oo ay qabteen Xukuumada, Culimaadu diinka iyo odayaasha dhaqanku. Arimahaasi oo dhami waxay ku tusayaan in hoos u dhac weyni ku yimi tahriibayaashii iyo Burcad badeediiba. Sidaa darted madaxdhaqameedyadu waxay ku baaqayaan in: • In wacyi gelin lagu sameeyo bulshada loogana waramo dhalinyarada khatarta tahriibta iyo burcad badeedu u leedahay. • inLa baro xirfado ay ku shaqeystaan si shaqo loo abuuro dadka ku howlan tahriibta iyo burcad badeeda. • In la tayeeyo ciidamada ilaalinta xeebaha ee Puntland • In la kordhiyo tirade xabsiyada dalka, korna loo qaado tayada noloshooda caafimaadba 14. Hirgelinta qodobada kasoo baxay shirweynaha labaad ee madax dhaqameedka Puntland. Madax dhaqameedka Puntland waxay ka codsanayaan xukuumadda, hay’adah wadaniga ah iyo dadweynaha: • inay gacan ka geystaan hirgelinta iyo waxka qabadka qodobada ku soo baxay baaqan. • Beesha caalamka, hay’adaha caalamiga ah, laamaha qaramada midoobey, inay is garabtaagaan horumarinta dalka, amniga, cadaalada, xuquuqda aadanaha iyo la dagaalanka argagixisada iyo budhcad badeeda. • Waxay kaloo codsanayaan in laga taageero sidii ay dadweynaha u gaarsiin lahaayeen qodobada baaqan, una qaadi lahaayeen olole wacyigelineed oo ay ugu baxayaan dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka • Waxay kale oo mada dhaqameedku codsanayaan in taageero laga siiyo sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen dhamaan gobolada dalka oo dhan. ALLAH MAHAD L E H. Xafiiska Allpuntland ee Garoowe.
-
Somalia: Security crackdown will continue in Bossaso, says Puntland official 23 Jul 23, 2010 - 7:10:10 PM The security crackdown in Bossaso, the commercial capital of Somalia’s northern stable state of Puntland, by security forces, which resulted to deportation of more than 500 people to their homes in southern Somalia this week will continue, says Bari regional governor. Sheikh Abdihafid Ali Yussuf, speaking to Radio Garowe, said Puntland’s government will do anything to maintain the security of its commercial hub, Bossaso, adding that those deported posed security threat to the region “Those people we deported are mainly unemployed who have nothing to do in Bossaso. We don’t target innocent persons, who earn living here, just because they are from southern regions” he said. He applauded Bossaso residents for their cooperation on maintaining the security of the city, which is regarded as the melting pot and regional commercial hub with residents hailing from all over Somalia. The crackdown entered its fourth day on Thursday. In recent past, the commercial city has witnessed several assassination plots and blasts targeted on government officials. The perpetrators are believed to be people with links to militants fighting in southern Somalia, according to government officials. Puntland, located at the northeastern tip of Somalia with shores along the Gulf of Aden and the Indian Ocean, has been a stable region since the outbreak of the Somali civil war in 1991. GAROWE ONLINE
-
Somalia: Puntland does not need foreign peacekeepers, says president 23 Jul 23, 2010 - 7:46:27 PM The president of Somalia’s stable Puntland region has said that the region does not foreign peacekeepers, but said that Puntland is “ready to help” in anyway to restore peace across Somalia, Radio Garowe reports. Puntland President Abdirahman Mohamed Farole told a VOA Somali Service interview on Thursday that Somalia needs peace restored and effective national institutions to be rebuilt. “We [Puntland] did not secede from Somalia. The pain in Mogadishu and southern Somalia is also our pain. We are ready to help in every way to stabilize the country and to invite the international community in terms of financial resources and peacekeepers and we welcome this,” President Farole said during the interview. But the president was very clear that Puntland does not need foreign peacekeepers to be deployed within Puntland. “Puntland does not need any foreign troops. We suggest that foreign peacekeepers be deployed south of Puntland, such as in areas controlled by Ahlu Sunna militia,” President Farole said, while referring to a pro-government militia based in Galgadud region. Earlier this month, the regional bloc IGAD called for the expansion of African peacekeepers from the approved force-level of 8,100 soldiers to 20,000 troops to help Somalia's weak Transitional Federal Government (TFG) restore order in the face of an insurgency led by Al Qaeda-affiliated Al Shabaab militants. President Farole's comments come at a time the African Union summit in Kampala, Uganda, is pushing African countries to contribute soldiers to the 6,000-strong AMISOM peacekeeping force in Mogadishu. The Republic of Guinea and the Republic of Djibouti have both expressed support to join AMISOM troops, according to AU officials. Located in northeast Somalia, Puntland has been relatively stable since the outbreak of the Somali civil war in 1991. Al Shabaab and other militants have failed to infiltrate Puntland, although the militants are blamed for assassinations of Puntland officials since 2009 in an effort to destablize one of Somalia's most stable regions. RELATED: READ: Somalia: 'Puntland under attack by foreign terrorists': Farole GAROWE ONLINE
-
Gudiga qaban qaabadda 1 Agusta oo kulama is xig xiga ku leh Garowe (Garowe) RBC: Gudiga qaban qaabadda 1Agusta oo ah xiligii l aas aasay Mamulka Puntland sandii 1998 ayaa kulma is xig xiga ku qaadanaya caasimada Puntland ee Garowe kuwaas oo ka arinsanaya sidii loo abaabuli lahaa munaasabadda 1 agusta . Kulamadaa oo intooda badan xooga lugu sarayay sidii loo qan qaabin laha munaasabadaas ayaa waxa shir gudoominaya Gudoomiyha gudigaa arintaa loo xil saaray Wasiira Dowlaha Maamul wanaga Puntland Mxamed Faarax Ciise Gaasaan. Mr Gaashaan ayaa sheegay in kulamada ay uga tashanayeen sidii xubin kasta halkee ay qaabilsaneed uga sii qabsan lahayd howsha loo xilsaaray waxuuna sheegay in ay aad ugu rajo waynyihiin in muaasabada ay si wanaagsan u qabsoonto. Magaalada Garowe ee xarunta Puntland oo ah halka munaasabada wayn lugu qabto ayaa iminka laga dareemayaa hadl haynta maalintaa 1 Agust waxaana goobaha lugu qaxweyo aad loo hadal haya maalintaa iyada ah iyo habka munaasabadaa u dici doonto . Munaasabadaa aaskii sanadguuradii 12aad ee Puntland ayaa noqonaysa tii labaad oo si wayn looga xuso Puntland tan iyo xiligii uu maamulka qabtay Madaxwayanaha haatan xilka haya Cabdi raxmaan Maxamuud Farole RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxman ilkacase
-
INDIA: Sanad guuradii Puntland oo looga diyaargaroobayo India Posted to the Web Jul 23, 16:08 India: (pp)- Waxaa magaalada Hyderabad ee dalka India oo ardeyda soomaaliyeed aadka ugu badan yihiin ka socda qaban qaabo aan horey loo arag taas oo ardeyda reer puntland ugu diyaar garoobeyaan Sanad guuradii 12aad ee aas aaska Puntland kasoo wareegtey,Waxaa Xafladasi lagu qabanayaa Hotelka PEARL Ragency. Ardayda soomaaliyeed ee wax kabarata dalka Hindiya dhamaantood hadal heynta xaflada sanad guurada puntland ee ardeydu ugu diyaar garoobeyso in ay qabtaan Habeenka 1/Augst/2010. Mar aan booqdey xaafadaha kala duwan ee ardeyda reer puntland deganyihiin waxaa irid walba suran calaamada caanka u ah sanad guurada 12aad ee ardeyda reer puntland sanad walba ku qabtaan gudaha dalkan Hindiya, gaar ahaan magaalada ardeydu ugu badanyihiin ee Hyderabad. Xafladaan sanad guurada 12aad ee aas aaska puntland waxaa dhexda u xirtey oo u istaagay isku dubaridisteeda qaban qaabinteeda iyo hawsha xaflada oo dhan Ururka Puntland Diaspora Forum (PDF) faraca dalka Hindiya oo uu gudoomiyaha uyahay aqoonyahanka Eng Mohamed Abdi Saciid (Sagac) waxaana uu si gaara hawshaan ugu xilsaarey oo uu gudoomiyaha qaban qaabada xafladaan ugu magacaabay Mr Mohamud Yusuf Qahar oo kamid ah ardeyda reer puntland oo aadka ufirfircoon kartitana uleh hawsha loo idmaday oo in badan kasoo shaqeeyey danaha ardeyda soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland. Waxaa xusid mudan shir xalay dhexmarey guud ahaan ardeyda reer puntland ee 8da Gobol oo ay puntland ka koobantahay kasoo kala jeeda ay isugu yimaadeen oo ay kaga tashanayaan hawlaha hor yaala ee xusida sanad guurada 12aad ee aas aaska Puntland, waxaana halkudhiga sanadkaan ee xaflada laga dhigay kalmada ah Kudayo Puntland ku dayo siday nabadeedu tahay! Waxaana ururka Puntland Diaspora Forum (PDF) uu balan qaaday in uu xiriir uu lasameeyey qayb kamida madaxda puntland ee dalka joogta in ay habeenkaas Telephone uga qayb qaadan doonaan xafladaas. Hamoogaan ishana kuheyn marwalba gaar ahaan 1/Augst/2010 si aad uga bogitid xafladu sida ay udhacayso anaga oo si hagar la’aan ah idin kugu soo gudbin doona iyadoo Video Maqal iyo Muuqaal ah leh iyo sawiro sida ay xafladu udhacdo iyo marti sharafta kasoo qayb gali doonta oo noqon doona kuwo caan ka ah Gayiga umada soomaliyeed gaar ahaa Puntland. Puntland Diaspora Forum india (PDF) Eng Mohamed Abdi Said Ahmed sadaam1991@hotmail.com Daabacaada: Puntlandpost.com
-
-
LEICETER: Xuska Sanadguurada 12aad ee kasoo wareegtay goortii la asaasay Dowlad Goboleedka Puntland oo lagu qanayo Leiceter Posted to the Web Jul 24, 04:04 Leiceter:(pp)- Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool UK, gaar ahaan magaalooyinka Midlandiga waxaa loogu bishaareynayaa in la qaban doono Xuska sanadguurada 12aad ee kasoo wareegtay asaaskii Dowlad Goboleedka Puntland. Xafladaas waxaa lagu qaban doonaa magaalada Leicester . Munaasabadaas oo lagu soo bandhigi doono arimo baddan waxaa la dhigi doonaa: - Goorta: Sabti 07/08/2010 Goobta: St. Matthews Neighborhood Centre Saacadda: 14:00 – 19:00 Haddaba waxaan idiin rajeynaynaa kasoo qeybgal wacan iyadoo ay xafladdu u furan tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed yar iyo weyn, ciroole iyo waxgarad iyo waliba rag iyo dumarba. Wixii faahfaahin dheeraad ah lasoo xiriira taleefoonada kala ah: - Liibaan: - 07956668355 Laalac: - 079603746 Cabdixakiim 07949900582 abdi joje saicentadv@yahoo.com Daabacaada: Puntlandpost.com
-
Wafdi PL oo jooga Seychelles 23 Jul 23, 2010 - 6:59:19 PM Urur la yiraahdo COMESA (Common Market for Eastern and Southern Africa) oo ah urur ay ku mideysan yihiin dowladaha Bariga iyo Galbeedka Africa ayaa shir caalamiya oo uu soo qaban qaabiyey waxaa uu ka Soconayaa Wadanka Seycheles. Iyadoona shirka lagu marti galiyey madax kala duwan oo ka socotey beesha caalamka, islamarkaana ay si weyn uga muuqanayaan mas'uuliyiin ka tirsan Wadamada ku bahoobey Comersa ee ah Bariga iyo Galbeedka Africa. Dowlaha Ka Qeyb-galaya Shirka Shirkaan oo ay fadhiyaan Madax ka tirsan Dowlado iyo Ururo ay ka mid yihiin EU, AU, IGAD, Masar, Kenya, Tanzania, Zembawi, Ugandha, Ethiopia, Dowlada Federalka Somalia, Puntland & Hay'addo ku taxluuqa la dagaalanka Burcad Badeeda. Waxay ku fasireen madaxda wadanka sycheles shirkan ujeedadiisa kowaad in ay ku wajahan tahay Sidii Dowlaha Bariga & Galbeedka Africa ay u sameysan lahaayeen awood dhameystiran oo looga hortagayo burcad badeeda, islamarkaana ay jiraan Qodobo kale oo kulanka horyaala. Wasiirka Arrimaha Dibada Dowlada Seycheles oo ka hadley kulanka bilowgiisii, waxaa uu sheegey in uu ka codsanayo beesha caalamka fulinta talaabooyin looga baahan yahay oo ah sidii ay isku mowqif uga noqon lahaayeen khatarka burcadda badda, una caawin lahaayeen wadamada saameynta burcadu ku yeelatey ee Somalia kow ka tahay. Sidoo kale waxaa hadalo kasoo jeediyey halka uu ka furmey Shirku Masuuliyiin kala duwan, inkastoo wali uu soconayo kulanku ayaa gabagabada shirka ay kasoo baxayaan qodobo waafiya oo ka yimaada dhinacyada haatan Seycheles ku shiraya. Waxaana ka mid ah Qodobada Haatan Shirka Horyaala Sidan 1. Dardargalinta dagaalka lagula jiro burcad badeeda Soomaalida. 2. Hirgalinta wadan walba oo ay burcadu saamaysay ciidamo xeebihiisa ilaaliya. 3. In laga caawiyo wadama aan awooda u lahayn la dagaalanka burcada lagana taageero hirgalinta ciidamo badeed. 4. Maxkamadaynta burcad badeeda oo laga codsaday wadamada K enya, Tanzania iyo Seycheles. Waxeyna Shirka ka sheegeen Saraakiil ka socotey EU, AU & Urur Goboleedka IGAD in qodobadan ay yihiin kuwo dhaqan galintooda sida deg deg ah looga sugayo ay yihiin wadama Shirka kasoo qeyb-galey. Puntland & Bogaadintii shirka Seycheles Intii u soconayey shirka dhamaan ma'suuliyiintii shirka ka hadlay waxay hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyeen Dowlada Puntland doorka ay ka ciyaartay la dagaalanka burcad badeeda Soomalida iyagoo ku amaanay in deegaano hore burcadu saldhig ku lahayd ay ka suuliyeeniyo qaqabashada iyo dagaalka dowladu bariga kaga wado. Xiriiriyaha barnaamijka la dagaalanka burcad badeeda Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka bada Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo u waramay Radio Garowe isagoo haatan ku sugan Seycheles ayuu xusay intii la soo qaaday kooxaha burcad badeda ah ee ku jira xabsiyada Puntland, kalana hadleen mas'uuliyiinta wadamadaa In Puntland ay ka gacan siiyaan dhismaha Ciidan Badeedka. Md. Ducaysane ayaa intaa ku darey in ay jiraan balan-qaadyo ay ka heleen Dowladaha Shirka ka qeyb-galaya, isagoo taa sii **** dhigey in Waftiga Dowlada Puntland ee haatan ka qeyb-galaya Shirka Seycheles ay booqdeen Maxaabiista loo haysto burcad badeednimada ee lagu hayo xabsiyada wadankaasi. Waxaana uu sheegey Mr C/risaaq in 40-qof oo Somali ah oo loo haysto fal danbiyeedka burcad badeednimada Waftigu uu xabsiga ku booqdey, kuwaas oo ay indha indheyn ku sameeyeen xaaladooda iyo qaababka Seycheles ula dhaqanto. GAROWE ONLINE
-
Farole oo booqday Xarfo lana kulmay Islan Bashir 23 Jul 23, 2010 - 6:31:13 PM Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/raxmaan Maxamad Farole ayaa booqasho maanta [23 July] ku aaday Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Guddiga Amniga ee gobolkaasi iyo weliba kulan khaas ah oo uu la galay Islaan Bashir Islaan Cabdulle. Bidix ka bilaw: Cali Gaab, Gen. Careys, Madaxweyne Farole iyo Islaan Bashir Madaxweyne Farole ayaa hogaaminayay Wafdi dowladeed oo ay ka mid ahaayeen Wasiir xigeenka Arrimaha Gudaha Cali Yusuf Cali Xoosh iyo La taliyaha Madaxweynaha ee Difaaca, Gen. C/llahi Cali Careys oo dhowaan loo magacaabay xilkaasi. C/llahi Farax Beylo oo ah Gudoomiyaha Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug ayaa warbaahinta u sheegay in Wafdiga Madaxweynaha Puntland lagu soo dhoweeyey iyadoo kulamadii arrimaha amaanka la isku gartay in la sii adkeeyo amaanka guud ee Gobollada Puntland. Ma jiraan wax tafasiil ah oo ka soo baxay kulankii khaas ahaa oo dhex maray Madaxweyne Farole iyo Islaan Bashir iyadoo la wada ogsoonyahay doorkooda muhiimka ah ay cayaraan Hogaanka Dhaqanka oo ka mid ah tiirarka ay ku taagan tahay Dowladda Puntland. GAROWE ONLINE
-
President farole has just updated the people about his recent trip to xarfo mudug. You can listen below!!! http://horseedmedia.net/2010/07/23/madaxweynaha-puntland-oo-la-kulmay-guddiga-amniga-gobolka-mudug/
-
http://horseedmedia.net/2010/07/23/barnaamij-arragtida-shacabka-bosaso-ee-hawlgalada-amniga-dhageyso -2/