Cowke

Nomads
  • Content Count

    2,416
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cowke

  1. Originally posted by Haatu: ^ Make one for Somalia then I'll be really impressed. Somalia well dont u see my video it is somalia, just the other side that is never seen.
  2. Xildhibaan Maxamed Cali Guuleed oo RBC uga Warbixiyay Ansixinta Xisaab Xirka Dowlada Puntland Sanadka 2009 (Dhageyso) (Garowe) RBC: Xilibaan Maxamed Cali guuleed oo ka mid ah Golaha Wakiilada Puntland xubina ka ah gudiga dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Puntland aaya RBC uga warbixiyay xisaab xir maalintii shalay ay sameeyeen Golaha Wakiilada Puntland kidib markii Wasaaradda maaliyada ay holaha xisaabxirka ay horkeentay. Waxa uu sheegay mudanahaa in ay meel mariyeen xisaab xirkaa islamarkaana ay cod u qaadeen 45 Muadane waxuuna tilmaamay inta aan la ansixin ka hor in Golaha ay ka doodeen isalamarkaana ay su.aalo waydiiyeen wasiirka Maaliyada Puntland faarax Cali shire. Mudane guleed ayaa intaa ku daray in Golaha wakiilada ay laba kal fadhi ay sanadkii yeeshaan labadaa kalfadhina ay yihiin mid miisaanayida lugu ansixiyo iyo mid xisab xirka lugu ansixiyo waxuuna sheegay in kalfadhigii shalay golaha yeesheen uu ahaa kii xisaab xirka . Maalintii shalay ayaa Golaha Wakiilada Puntland meel mariyeen xisaab xirka sanadkii tagtay ee miisaanayadii 2009 waxaana sidoo kale horay u ansixiyeen miisaanayadii 2010 inkastoo la filayo xisaab xirka sanadkaa in ay dhacado bilaha soo socda . Muadanahaa ayaa tilmaamay in dhaqaalaha ay sanadkaa isticmaashay Dowlada ay gaarayso 682 billion taa oo loo kala qaybiyay 178 bilion oo aheed ciidamada iyo howlahooda halka qarashka guud ee Dowlada uu ahaa 285 bilion halka sidoo kale howlaha kale wasaradaha ay ahayd 219 bilion taa oo isku gayan noqonaysa 682 bilion . Waxa uu tilmaamay xilibaanka marka sidoo kale 26 boqolkiiba waxa uu sheegay in lugu mareeyaya howlaha ciidanka amniga halka 42% loo isticaamalay hormarinta dalka waxaa sidoo kale dhanaka haya,ddaha lugu qarasha gareeyay 32% sida uu sheegay mudanaha oo u waramayay RBC . Ansixinta Golaha wakiilada ayaaa ku soo adaysa xili sidoo kale la filayoin dhawaan Golaha ka doodaan arima badan oo horyaala waxana la filayaa in dhawaan waxyaabahaa oo dhan ay meeel marsiin doonaan. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Audio
  3. Booliska Gaalkacyo oo Soo Qabtay Gawaari u Hoggaansami Weyday Amarka Maamulka Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigey gaadiid nooca xamuulka ah kuwaasi oo la sheegay in ay u hoggaansami waayeen shuruuc lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ka dhex shaqeeya maamulka Puntland. Gaadiidka ay ciidanka Booliska gobolka Mudug soo qabteen ayaa waxaa lagu soo xareeyay Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku xaniban yihiin gaadiidkii, rakaabkii saarnaa iyo wadayaashii intaba, waxaana la filayaa in lagu qaado dambiga ay galeen oo ah in ay ku xad gudbeen shuruucdii dhowaan maamulka Puntland uu ku soo rogay Gaadiidka sida uu sheegay Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud. Gawaaridani ayaa la sheegay in laga soo qabtey deegaanka Bursaalax ee hoostaga degmada Galdogob, waxaana wadayaasha gaadiidkani lagu soo eedeeyay in ay ka dhuumaaleysanayeen ciidanka Booliska gobolka Mudug, kuwaasi oo wada baaritaano ay ku sameynayaan gaadiidka isaga kala goosha Puntland dhexdeeda, isla markaana fulinaya amar faraya in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa gaadiidka rakaabka ah, amarkaasi oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland. Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa digniin horey ugu jeediyey wadayaasha gaadiidka rakaabka ah ee ka dhex shaqeeya gudaha Puntland ee ka baxa magaalada Gaalkacyo, digniintaasi oo ah in ay iska ilaaliyaan isku dayga in ay ka dhuumaaleystaan sharciga iyo laamaha amaanka, haddii ay isku dayaan in ay dhuumaaleysi dad rakaab ah ku qaadaan in la marsiin doono talaabo sharciga Puntland waafaqsan. RBC Radio.
  4. Hay’ada PMRC Oo Tababar U Soo Xirtey Ardey Dhameysatay Barashada Soo Saarista Filimada & Barnaamijyada (Sawiro). Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Gaalkacyo (RBC Radio):- Hay’ada ka shaqeysa arimaha warbaahinta ee PMRC ayaa maanta tababar dhinaca saxaafada ah u soo xirtey ardey farabadan kuwaasi oo soo qaatey duruus ku aadan soo saarista Barnaamijyada iyo Filimada. Ilaa iyo 18 ardey ah oo ka howlgala Dugsiga Waxbarashada iyo horumarinta nabad ee (GECPD) ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado kuwaasi oo soo dhameystay waxbarashada ku saabsan soo saarista filimada iyo barnaamijyada, waxaana munaasabad weyn oo ardeydaasi ay shahaadada ku gudoomayeen lagu qabtey isla gudaha xarunta (GECPD). Gudoomiye xigeenka gobolka Mudug Mudane Bashiir Maxamed Mire, Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji, Xildhibaanada Golaha Deegaanka, Mas’uuliyiin ka socota ururada Bulshada Rayidka ah, Macalimiintii tababarka bixineysay ee ka socotay PMRC iyo marti sharaf kale oo badan ayaa ka soo qeyb galay halka ay munaasabada shahaado bixinta ah ay ka dhaceysay ee xarunta (GECPD). Mahad Jaamac Axmed oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’ada PMRC isla markaana ka mid ah barayaashii bixinayey tababarka ayaa sheegay in dhalinyarada saxaafada Puntland gaar ahaan kuwa gobolka Mudug oo midoobay ay furteen xaruntani PMRC isla markaana ay ku guuleysteen in ay soo saaraan jiilal badan oo ku soo biira warbaahinta Puntland isaga oo intaa raaciyey in laga kaaftoomay in tababarayaal saxaafadeed looga yeerto dalka dibadisaa. Sahro Yuusuf oo ah Kormeeraha xarunta waxbarashada iyo horumarinta nabada ee (GECPD) ayaa mahad celin u jeedisay maamulka gobolka iyo kan degmada ee ka soo qeyb galay munaasabada, waxayna intaa ku dartey in barnaamijkani tababarka ah uu ahaa mid loogu talo galay in ay ka faa’ideystaan tiro ardey ah oo ka mid ah shaqaalaha xarunta, waxayna sheegtay in barnaamijka tababarka uu ahaa mid ay iska kaashadeen Hay’ada PMRC iyo xarunta GECPD. Ugu dambeyn Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo soo xiray xaflada ayaa mahad celin u jeediyey dhamaan dhinacyada iska kaashadey tababarkani isaga oo sheegy in ay tahay wax ku dayasho mudan, isla markaana waxaa uu shahaadooyinkii gudoonsiiyey qaar ka mid ah ardeydii dhameysatay waxbarashada soo saarista filimada iyo barnaamijyada. RBC Radio.
  5. Dont worry about it. When I do go to bossaso and galkayo and garowe I will make sure I get all the necesary footage. I will be going there to get married when im ready.
  6. Xaji as for somaliland u should be very worried because if the north-east is taken over shabab you know what that means 4 u dont u? Dont think these guy will hesistate going into hargeisa and burco, hell burco will probably welcome them considering the heavy shabab element there. This is not good news for you my friend a stable puntland is in the interest of somaliland because do you want to be neighbours with maniac wadaads who are on land expansion spree? because if u do then go ahead and support shabab and the atam cause because they wont just stop at bari. A stable puntland administration is what has kept somaliland at peace sxb your lucky alot of the mess from the south is flushed out at galkayo or else who knows what somaliland would be like today if puntland wasn't there or the ssdf clan wasn't there!!!
  7. The guy is nut and believe me the wadads on paltalk are very much pro shabab and have contacts with them. U know alot of the leaders of shabab are from qurbaha? they came from some mosque in the west and these wadaads know them and do keep in contact with them. As for atam you can see the man clearly doesn't want to negiotate. There was negiotation talks at galgala for months if anyone if u remember? Farole tried to reason with them and told them that when he finishes his term ilkajir will be next president. Thats just common sense after-all who has more $$$ then farole other then ilkajir? noone. He is clearly the next president. But no atam doesnt want none of that and wants to use bosaso port as docking station for shabab to get arms from yemen and keep up the fight in hamar. We dont support shabab we support federalism in puntland and if we are going to help anyone it will be sharif not shabab. This guy atam is just crazy nutter and u know what i been hearing? the guy that was captured the ducaale guy is from haafun lol he aint even from the makhir subclan. Apparently alot of ssdf folks are in that group and even one of the commanders if reportedly said to be from garowe masjid al huda. So really dagaalkan ma ahan dagaal beeleed ee wa dagaal puntland diid iyo federal diid. U know what they say history has funny way of repeating itself in 1992 under the al-itihaad costume they tried the same thing but failed yet they want to repeat the same failed experiment. Some ****** will never learn!!!
  8. Haatu it's my first video give me a break
  9. I cant calculate puntland a/4 and a/5 from hamar exchange rate waa two different notes with different bank rates. Hamar uses a different form of somali shilling and has their exchange rate set at hamar. So using hamar note and bosaso note is two different issues ama wixi galkayo ka dhacay wad taqan
  10. Well puntland currency isn't the same as hamar. They use two different banking systems. Didn't u see what happened in galkayo recently?
  11. If farole raised up the tariffs on bossaso port alot more would come in but he doesn't to keep steady flow of business for traders. Plus remember 3 airports are being planned. Galkayo is getting renovated $250,000 terminal. Garowe is getting new airport and terminal that is capable of holding 10 jumbo jets. Plus Bossaso is nearly done and will be able to hold 20 jumbo jets when complete. When these key infrastructures are done alot more tax will come in from the airports as more goods and flights will go straight to bossaso or garowe from the world. I predict alot of yemen/ethiopia/uae/jabuti/malaysia/indonesia flights to happen regulary. And possibl sudan as we are streghtening ties with them also at the educational level. Plus the U.N and Hayadaha will use our port and airport to dock and undock goods destined to the hellhole of usc which is a bonus for us.
  12. Suldanka well sue yahoo finance because it appears you are correct and the multi national yahoo finance is wrong. As far as im concerned I trust my reliable sources
  13. Better yet you can go just go to my results and see the exchange rate listing http://coinmill.com/SOS_calculator.html#SOS=636000000
  14. You guys will probably start arguing that this is not right blah blah blah. So I'll save you the hassle. Go here and press in the somali shillings 636000000 and see what the equates to in american dollars. Shilling Convertor Ps: This is updated convertor also. Which you can verify on the website or better yet read the quote below. The Somali Shilling is the currency in Somalia (SO, SOM). The symbol for SOS can be written So Sh. The Somali Shilling is divided into 100 centesimi. The exchange rate for the Somali Shilling was last updated on July 27, 2010 from Yahoo Finance
  15. GAROOWE : Xisaabiyaha Guud ee Puntland oo ka warbixiyey Miisaniyada Sanadaha 2009-2010. Posted to the Web Jul 27, 13:44 Garoowe:-Xisaabiyaha Guud ee dowlada untland Cabdirisaaq Xasan Muuse ayaa maanta waraysi khaasa siiyey Puntlandpost ayaa ka warbixiyey miisaaniyadii 2009 ee ay shalay ansaxiyeen Golaha Wakiilada Puntland waxaana uu sheegay in ay 45 mudane meel mariyeen ansaxinta miisaaniyada 2009-2010 taas oo cadadkeedu ahaa (lix boqol sodon iyo lix miyan) 636,000,000 milyan. Mr. cabdirisaaq ayaa sheegay in sanadkaan miisaaniyada Puntland ay dheeri ku noqotay 8,000,000 bilyan taas oo ah mid ka baxsan miisaaniyadii sanadka 2009 soo galay Puntland sidoo kale waxaa uu xisaabiyuhu sheegay in sanadka 2010 ay rajaynayaan in uu dhaqaalaha Puntland kor u kaco. Mar aan wax ka wadydiiyey in dhaqaalaha Puntland uu saamayn u gaystay xoolahii horay uga dhoofi jiray dekada wayn ee Boosaso ay hada ka dhoofeen dekada Barbara waxaana uu intaas ku daray in aysan wax saamayna ku keenin dhaqaalaha Puntland soo galay sababtoo ah waxaad ka dareemi kartaa miisaaniyada sanad u soo xerootay Puntland sidaasna waxaa yiri Xisaabiyaha guud ee Puntland Mr. Cabdirisaaq Xasan Muuse. Ugu dambayntii, waxaa uu intaas ku daray xisaabiyuhu in dhaqalaha Puntland uu marayo heerkii ugu sareeyey islamarkaana ku tilmaamay in uu yahay mid sidii loogu talo galay u socda waxaa uu sheegay in madaxda sare ee Puntland ay wax ka qabteen xakamaynta dhaqaalaha Puntland. Siciid Cabdisalaan Siciid Wakiilka Puntlandpost-Garoowe E-mail: loole15@hotmail.com
  16. Mid kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Karin oo geeriyooday July 27, 2010 Jaamac Ducaale oo kamid ah xubnihii ay Ciidamada Dowlada Puntland ku qabteen dagaaladii shalay ka dhacay deegaanka Karin ee koonfurta magaalada Bosaaso, ayaa la sheegay inuu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray. Jaamac Ducaale oo kamid ahaa xubna dagaalkaasi ka qeyb qaatay kana mid ahaa hogaamiyaasha Maleeshiyaadka ka amar qaata Shiikh Maxamed Siciid Atam, ayaa waxaa lagu qabtay dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka Jaamac Ducaale ayaa asagu dhaawac culus kasoo gaaray dagaalka, ayadoo labo xabadood ay uga dhaceen madaxa iyo xabadka. Maanta ayuu isbitaalka guud ee Banderqaasim ku geeriyooday maxbuuskaasi kamid ahaa xubnihii ay Dowlada Puntland ku eedaysay inay hormuudka u ahaayeen kooxdii shalay dagaalka kula gashay tuulada Karin ciidamo halkaasi fariisin kulahaa. Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sagu qabashada Jaamac ku tilmaamay mid muhiim ah isla markaana horey dowlada Puntland u baadi goobeysay ninkan oo kamid ahaa kooxo hubeysan oo hada kahor kasoo degay xeebta degmada Baargaal. Dagaalkii shalay ayey ku dhinteen tiro badan oo ka tirsan ciidamada Dowlada iyo kooxihii soo weeraray, ayadoo la xaqiijiyey in dhanka dowlada ay ka dhinteen 7 askari oo isugu jira ciidamada PIS 3 askari, Daraawiish 3 askari iyo Askari ka tirsan Birmidka Booliiska. Dhanka kooxda hubeysan ayaan la aqoon tirada ka dhimatay ayadoo ay jiraan warar sheegaya in tirada dhimashada ee dhinaca kale ay gaareyso 11 ruux, hase yeeshee ma jiraan cid si madax banaan u cadeyn karta tirada ku dhimatay dagaaladii ka dhacay deegaanka ka baxsan laamiga ee dhanka buuraha Galgala xiga. Horseed Media
  17. For all the naysayers and haters of puntland. Listen to atam and what he says about himself and how he is shabab affiliated and wants to establish a islamic emirates in puntland and overthrow farole. ATAM
  18. This is my first tribute video to puntland. I think its the best on youtube as far as content is concerned but anyways thats my opinion. Enjoy all
  19. Looking forward to seeing it. If you can post video of it would be preferable!!!
  20. Below is a link to see how the reshuffled tfg cabinet appears and each of the ministers clans. Cabinet Reshuffle Deep Look
  21. Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya: Wan Taageersanahay Dagaalka Puntland Ay Kula Jirto Kooxda Shabaab. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Muqdisho (RBC Radio):- Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Cabdi (Cirro) ayaa sheegay in uu taageersan yahay dagaalka Maamulka Puntland uu kula jiro kooxaha gacansaarka la leh Ururka Al-shabaab. Mudane Cirro waxaa uu sheegay in ay horey uga war heleen in kooxo taageersan Ururka Shabaab iyo Ajaanib la socota in waayihii ugu dambeeyay ay isku aruursanayeen buuraleyda deegaanka Galgala, kuwaasi oo doonaya in ay burburiyaan maamulka Puntland ee ka dhisan deegaanada waqooyi bari Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in laamaha sirdoonka Dawladda FKMG Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba ay ka heleen akhbaaro sheegaya in deegaano ka mid ah gobolka Bari ee Puntland ay ku sugan yihiin Argagaxiso, isla markaana ay doonayaan in ay halkaasi duulaan caalami ah ka qaadaan. Waxaa kale oo uu Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya Mudane C/rashiid Cirro uu sheegay in loo baahan yahay shacabka Puntland iyo Xukuumadooda ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah sida uu hadalka u dhigay, kuwaasi oo uu ula jeeday kooxaha gacan saarka la leh ururka Al-shabaab ee ka dagaalama deegaano ka mid ah koonfurta dalka Soomaaliya. Ugu dambeyn Wasiirka Ganacsiga Dawladda FKMG Soomaaliya waxaa uu mahad celin balaaran u jeediyey Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaa uuna ku amaaney go’aanka geesinimada leh ee uu ka qaatey kooxaha dawladiisa ka soo horjeeda ee gacan saarka la leh Ururka Al-shabaab. RBC Radio.
  22. Thats what making so hard to get galgala because their located in mountaineous terrain. This is terrain map of our land where our tribes live. As u can see the karkaar mountain covers a wide area. Somalia needs an airforce to combat this. Inshallah when the naval base is completed we will make sure the airfoce bases will be located in puntland. None of the key institutions will ever be located in hamar again layskuma halayn doono anymore. We will locate it all in puntland.
  23. Xaji war sxb dont u think yusuf garad has pushed it now? hada biased iyo waxaas lama marayo ee sheekadu hada waxay maraysa inu been cad aqristiyasha bbc uu sheego. This is clear violation and beyond irresponsible. I just cant believe where he calls somalia but we all know where he calls somalia cidda meeshas fadhiso mana aminsana somalia ee waxaana laga jeeda calanka ay watan wa mid ka duwan midka somalia. Lets assess how patriotic his clan is sxb waa the same clan oo yiri "qabil dhan" baan somalia ka tirtiraya waxaas ma wadani ayaa sheegi karo? Wa ninka la dagaaley cid walbo ma ahan just qabilkeyga. Wuxu xasuuq ku geystay baidoa waana la xasuusta gaajadi ka dhacay baidoa in ayaga ka dhambeyeen. Dadka degan hamar weyne iyo dadkas manta dhulkooda ma degana waxaa degan beeshooda. Barawa iyo dadki dhan oo minorityki xasuuqa loo geystay wala yaqan wayna ka qaxeen mantana waxay badana joggan kenya dhulkoodana kuma laban karan. wa qabilki oo abdirahman tuur u direy waqoyi oo ay isku laayeen. Wa qabilki soo diray jamac ali jamac oo puntland laysku laayay. Wa qabilki al-itihaad soo adeegsaday in bosaso oo laysku dhamaday. Xitaa beesha uu ka dhashey wixi uu ku sameyey wala yaqan. Dagaalki four month war in hamar we all remember. Bal meel fog ha firin cadaado iyo baraxley isma arki karan waana labo mamul. Same with dhusomareeb. Xitaa iyaga ayaa is cunay oo weli is caafin oo sidas ku nool. Ninkas ayaa manta somalia sheegayneyo? Ogow sxb u might hate d-block but know one thing d-blocku somalia dhan dembi kama galin ee siyad ayaa la dagaley waqoyi lakin qabilka yusuf garad somali dhan ayuu dembi ka galey markas ayuu sheeganaya in qabilkas somalia yihin. They have never apologized to anyone for what they have done. But d-block always apologize for what siyad did. Just shows u the different quality of our ppl. Sxb xitaa rra ppl ayaa dhulkooda ka soo qaxayo oo imaneyo puntland iyo somaliland maxay ku tusaysa? waxay ku tusaysa in dhulkooda la degi karin meeye somalinimada uu sheeganayo? SXB reerkas inayba sheegtan somalia ma ahan. I cant believe the map he highlighted and warrants a huge complaint. Anyways ninkas manta inuu sheegto somalia dhulkisa ayaa ah waan ka xum ahay waana been cad
  24. Xaji i dont mind hadi paltalk beentas laysku sheego lakin niyahow this bbc oo calamka waxay aqrisado wa waxaan. This is now dangerous and i am putting my complaint against him
  25. xaji well waxaas ma ahan wax loo adkeysan karo uu calamka beentas ku aqrinayo. Its just amazing what he thinks is somalia even though we all know who rules those lands is ahlul sunnah and last time i checked they didnt have blue flag near anywhere they live. Xaji this yusuf garad is reporting is biased and always has been biased lakin hada wuxu maray inu BEEN CAD dadka uu sheego