Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. Dhahar: Mudaaharaad ka dhacay degmada Dhahar oo lagu taageerayo midnimada iyo jiritaanka umada Soomaaliyeed ayaa waxaa goob fagaara ah isugu soo baxay kumaanan kun oo qof oo ay ka midyihiin ururada bulshada, wax garadka, iyo odoyaal dhaqameedka gobolka. spr.fm
  2. ^ Jacaylbaro, as long as the blue flag does not bother you, i'm sure Hunguri will be on your side.
  3. Maanta ayaa wareegto Laga soo saaray Xafiiska Madaxwaynaha Pl waxa lagu qeexay in la Magcaabay Gobolka Cusub ee Hayland kaasi oo Caasimad Looga dhigay Degmada Dhahar, Madaxwaynaha ayaa wareegtadiisaa ku sheegay inuu Garowsaday Magcaabista Gobolkaasi ka dib wada Tashi uu la sameeyay Wasiirka Arimaha Gudaha Gen-C/laahi Ahmed Jama Ilka Jiir, iyo dib u eegista Dastuurka Dawlada. Gobolka Cusub ayaa la sheegay in dhawaan la soo Magcaabayo Gudoonka Gobolka iyo ku Xigeenkiisa sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Gobolka ayaa iyana dhawaan lagu Dhawaaqayaa. War aanu helay ayaa sheegaya in Maalmaha soo socda Si Toos ah Loo shaacindoono Degmooyinka Hoos imandoona Gobolkaasi Cusub. Gobolka Hayland ayaa Yeelanaya Awood balaadhan iyo Saami dhaqaale oo loo Meel mariyo si Loogu Kabo adeega Ciidan iyo kan Maamul ee Gobolkaasi. Wasiirka Xanaanada Xoolaha Beeraha ee Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ka mid ahaa dadkii Loolanka adag u Galay in Gobolkaasi lagu dhawaaqo oo la Meel mariyo adeegyadiisa si uu ula mid Noqdo Gobolada kale ee Puntland dhahar.com
  4. BADHAN(SP): Waxaam maalinimadii jimcahii ee 18-6-2010 kulan wada qaatay saraakiil sare oo katirsan ciidamada NATOiyo wefti uu horkacayo gudoomiyaha gobolka SANAAG maxamud siciid nuur Dabayl, waxaa sidookale safarkan waxaa kuweheliyey gudoomiyaha madaxkatirsana xukuumad sida isuduwaha wasaarada caafimaadka gobolka sanaag Dr sacid C/laah Ducale waxaa sidoo kale waftiga kuweheliye odayaasha iyo waxgaradka gobolka.kulalnkan oo kadhacay markab weyn oo kamid aha maraakiibta ciidamada ilaalada badaha ee Nato, kulankan oo soconaayey muddo sacaado ah ayaa waxaa looga wada hadlayey arimabadan oo ay uguhorayso wada shaqayn iyo sidii laysaga kaashan lahaa kashaqaynta arimaha burcad badeeda iyo sidii wax loogaqabanlahaa ugudanbaytii kulankaani waxaa uu kusoo gebageboobay is afgarad iyo guul.
  5. Laasqoray: Magaalada Laasqoray ayaa Bari hadii eebe Wayne Idmo waxa laga Rajo qabaa inuu ku soo xidho Markab Dagaal oo ay Leeyihiin Ciidamada Gaashaan Buurta ah ee Fadhiya Xeebaha Somaliya, Markabkaasi ayaa la Filayaa inuu Odayaasha Degmada Kulan la qaado, iyo Saraakiisha Warshada Kalluunka ee Laasqoray sidii Looga Xaajoon lahaa Shufta Badeeda. Duqa Degmada Laasqoray Al-Xaaji Yuusuf Jaamac Dibad ayaa la sheegay inuu Hormuud ka Noqonayo Gudiga Markabkaasi la Kulamaya, In kastoo ay Jiraan warar sheegaya in Gudoomiyaha Sanaag Mr Dabayl uu Kulanka Kor Jooge ka ahaan doono. Saraakiisha NETo ayaa la sheegay inay Odayaasha Degmada Laasqoray Kala Xaajoon doonaan Masiibada Budhcad Badeeda Somaliya iyo sidii Bulshada deegaanka Looga Wacyi Galin lahaa inay Gabaad Siiyaan Shufta Badeeda. Warar kale oo aan wali la shaacin ayaa sheegaya in Degmada Laasqoray laga dhisayo Saldhig Ciidan iyo Maxkamada Balaadhan oo lagu Maxkamadeeyo Shufta Badeeda Xeebaha PL laga soo qabto, waxana Mashuurcaasi wada Wasiirka Arimaha Gudaha C/laahi Axmed Jaamac [ilka Jiir] oo kaashanaya Hay’adda La dagaalama Shufta Badeeda. Warka ayaa intaasi ku daraya in Dr Faroole aanu Laftigiisu Raali Buuxda ka ahayn Hir Galinta Saldhigaasi Budhcada lagu Xidhayo, isaga oo Quudaraynaya in Loo Xawilo degmada uu ka soo Jeedo Asal ahaan ee Ayl taasi oo aduunka Looga Aqoonsaday Hooyga Budhcad Badeeda Somaliyeed.
  6. Xaflada Qalinjebinta Qaybaha Caafimaadka Iyo Kumbiyuuterka Ee Tayo College Badhan -Sanaag+sawiro BADHAN(SP): Galabnimadii khamiista 17/06/2010 ayaa xaflad aad loosoo agaasimay lagu qabtay barxada xafladaha ee Tayo College Badhan. Xafladan oo munaasabadeedu ahayd gudoonsiinta shahaadooyinka iyo abaalmarinta ardaydii ka qalin jebisey qaybaha caafimaadka iyo kumbiyuutarka. Xafladan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin katirsan maamulka Punland, hay’do caalami ah, culima awdiin, aqoonyahano, waalidiin, mus’uuliin katirsan Bahda waxbarashada ee degaanka, duqayti, abwaano, ururada haweenka/dhalinyada iyo qaybaha kale ee bulshada. Hadaba, xaflada waxaa lagu furay aayado qur’aan ah oo uu akhriyey arday ka tirsan ardayda qaybta qur’aanka kariimka ha ee Tayo College, waxaa ku xigey warbixin kooban oo maamulaha koleejka Axmed Siciid C/cadde kaga waramey koleejka iyo xaaladihii uu soomaray iyo waxqabadka hada laladamacsanyahay koleejka.waxaa ku xigey isuduwaha guud ee wasaarada caafimaadka gobolka Sanaag Dr. Siciid C/laahi Ducaale hadaba agaasimuhu waxaa uu xusay in maanta faraxwayn ay u tahay guud ahaan bulshada ku dhaqan deegaanka gaar ahaana bahda caafimaadka ee gobolka maadaama maanta ay u soo baxday kooxdii u gu horeysay ee shahaado caafimaad lagu gudoonsiiyo degmadii ay u dhasheen, wuxuu kaloo sheegay in uu waxqabadka xaga dawlada uu isla garabtaagidoonaan wixii tamartooda ah. Sidoo kale ururda caalamiga waxaa ka hadlay goobta mas’uul sare oo katirsan hay’ada D R C Mr Maxamed Muuse isaga oo kubooriyey ardayda qalin jebineysa in ay sii wataan kordhiyaana aqoontooda sidoo kale wuxuu ku sii adkayey in maamulka kolejku u sii dhabar adaygaan hawsha adag ee ay u hayaan bulshadooda waalidiintana wuxuu ka codsaday in ay isgarabtaagaan cidii u danayneysa ama waxbaraysa ubadkooda. Sidoo kale waxaa goobta xaflada isna hadal qiima gal ah ka jeediyey Shiikh Axmed Shiikh Saalax oo carrabka ku dhiftay baahida looqaba in bulshada deegaanku kula latartanto bulshooyinka kale aqoonta iyo dadaalka lagu horu marinaya dalka iyo dadkaba sidoo kale wuxuu ku nuuxnuuxsaday in de’yartu ay u baahantahay in ay dhaqanka bartaan diintana ku dhaqmaan. Xaga ururada haweenka waxaa ka hadashay Hooyo Xaawa C/laahi Warsame oo xubin muhiima ah ka ah ururka haweenka ee Al-nasar Badhan iyada oo guud ahaanba u soo jeedisay mahadnaq macalimiinta iyo bahda waxbarashada ee gobolka, waxay ku dartay intaas in kaalinta waxbarashadu ay tahay mida qura oo maanta si saxan noogu adeegaysa sababtuna tahay in cida howlaha wadaa go’aankooda gaar u qaateen oo eysan dadka ayagu horumarka aan ku fekereyn ay ka madax banaanyihiin. Intaa kadib Abwaan C/laahi siciid ayaa gabay qiira geliyey dadka ka tiriyey goobta xaflada wuxuu ku amaanay koleejka in uu adeegsanayao qalab casri ah aqoon casri ah oo luqadaha caalamiga ah sida ingiriisiga iyo carabiga sidoo kale wuxuu sheegay in koleejku uu xooga saarayo tarbiyada ama anshaxa ardayga oo ardaygu hadii edebtu ka xumaato aanu wax barinkarin wuxuu sheegay in ay khasaaro tahay in nimaan afafka caalamiga ah aqooni uu jaahil noqonayo. Waxaa ku xigay maamula ku xigeenka dugsiga al Nuur macalin Axmed Kuluc Cabdi Jaamac, hadana isaga oo ku hadlay afka macaliminta deegaanka waxaa uu cadeeyey in magaalada Badhan maanta ay ka furan yihiin dugsiyo carabi ku baxa sida dugsida Al-furqaan oo kan ugu balaaran ee degaanka kajira ah iyo dugsiga Al-nuur oo isna aad u tayaysan sidoo kale, macalinku wuxuu sheegay in Luqada ingriisiga wax looga barto koleejka Tayo somaligana waxaa wax looga bartaa dugsiga Siiney ee hoose dhexe oo maanta afkii hooyo ardada ku barbaariya hadaba miyaa naloogu faanikaraa aqoonta dalka ka socota. Ugu danbayntii Dr C/kariin oo ah dhakhtarka ka howlga cisbataalka wayen ee Badhan kana bixiya lagjaro qeybta caafimaadka ee Kolejka wuxuu ku booriyey ardayda caafimaadka in ay kamira dhaliyaan tacabka lageliyey, wuxuu u sheegay in ay tahaya wax lagu farxo iyagoo calankii soomaliya ku gaadaysan in ay shaqaadooyin degaankoodii ku gudoomayaan ana buuyiri malintii aan qalin jebinayay waxaan hoos joogay calan dalkale.ugu danbayntii waxaa hadlay maamula ku xigeenkii Tayo Kollej Pr Axmed Maxamed Xayraan waxaa uu umahad celiyey macalimiinta ka soo shaqaysay hawshan sidoo kale wuxuu dhiira geliyey ardayda Tayo College gaar ahaan qaybta caafimaadka oo hada ka howlgala Badhan General Hospital ayaga oo lacag la’aan u gu adeega bulshada ugu danbayntii waxaa gudoonsiiyey ardayda ka qalin jebisey health section shahaadadooda iyo abaalmarinta kuwa kalimaha galay isuduwaha w caafimaadka ee gobol sanaag halka Principalka College ku uu ka gudoonsiiyey shahaadooyinka iyo abaalmarinta ardaydii ka qalin jebisey qaybta kumbiyuuterka ugudanbeyntii waxaa kelmedii culimada soo jeediyey sheikh maxamuud uguguna dardaarmay umadii meesha isugutimid alle kacabsi uguna baaqay inay diinta gacanta midig kuqabsadaan. Hadaba warbixin ku saabsan koleejka iyo sida uu u shaqeeyo waxaa ka soo gudbindoonaa gadaal. Kala soo xiriir. Director maxadke Axmed Maxamed Xayran Tell:799255 E-mail: Tayo_college@hotmail.com Tell Office: 866599
  7. Idaacada Bulshada Somaliyeed ee SPR iyo Aragtida Shacabweynaha Somaaliyeed Dhahar:-Waxaa markii u horeysey ay si toosa uga hadashay Idaacada FMTa ah ee lugu soo biirayey dhowaan warbaahinta Dalka somaliya gaar ahaan gobolada Puntland Degmada Dhahar ee Gobolka Hayland halkaasi oo markle la doonayo in maanta si toosa ay u soo baahiso Idaacadu Wararkii iyo barnaamijyadii ay ugu tala gashay qaybaha kala duwan ee dadwaynaha ku dhaqan goboladaasi oo inbadan u baahi qabaybaha warbaahinta. Hadaba waxaa inoo suuragashay inaan Wax ka waydiino dadwaynaha Reer Dhahareed aragtidooda Idaacada Cusub ee Iminka laga furay degamada dhahar iyo Bosaso oo markii u horeysey ka shaqaysay Degmada dhahar,Qardho,Xingalool,Baraagaah qol,Waaciye,Sheerbi,Balibusle,Xida,Guudcad iyo Meelo kale oo ka mida Degaanada Gobolka Nugaal ee dangaryo,Yakayaka iyo meelo kale oo ka mida. Inkastoo aysan weli si toosa Wararka Iyo Barnaamijyada aan ugu talagalay bisha barakaysan ee Ramdaan anan soo bandhigin qorshohooda Hadana waxaanugu bishaaraynaynaa dadwaynaha inaan wax yar dedaalkeena aan bulshada wax ugu qaban doono iyadoo aan la soo koobi karin soo dhowaynta iyo hanbalyada ay dadku u dirayaan warbahintan,waxaana xusub mudan inay markii u horeysey ay dadwaynuhu wax wayn ku tilmaameen soo gudbinta FMTA Ee Idaacadaha BBCda iyo VOAda oo ay ka dhegasan karaan Mowjada Idaacada SPR Ee 89.5Fm. Maxamed Axmed Ciise Dhahar Studio SPR
  8. Breaking News: Mission Accomplished ( Somali Public Radio on Air) Idaacada SPR Xarunta degmada Dhahar ayaa si rasmi ah hawada ugashay iyada oo haatan dadka reer sanaag ay dhagaysanyaan idaacada SPR kana dhagaysanyaan mawjada 89.5 Hadaba Dhagaysi wacan warbaahinta cusub ee SPR (Somali Public Radio
  9. Jaliyada Sanaag Hayland iyo Galbeedka Bari oo Bogaadin u dirtay Saalax Doonyaale Tan markii uu Dalka Somaliya Soo Gaadhay Saalax Nuur Saalax oo ah Madaxa Igu Sareeyay ee Idaacada Cusub ee Somali Repablic Radio, uuna dadaal dheeraad ah ugu Jiro sidii uu Idaacadaasi Uga dhigi lahaa mid Tayo leh oo dhex dhexaad Ugu adeegta Bulshada deegaanka, ayaanu Helay Telfoono iyo Emailo ay noo soodirayaan Qurba Joogta Reer Maakhir kuwaasi oo Hanbalyo u diray Saalax Doonyaale. Boqolaal Kun oo Reer Hayland,Sanaag iyo Galbeedka Bari ah ayaa Nala soo xidhiidhay kuwaasi oo ku Yaacsan Daafaha Aduunka" Kamaal Sicid Kure oo ku Nool Norway, ayaa Leh"hadii aanu Nahay Jaliyada Norway ee Maakhir aad baan Ugu Riyaaqnay Dadaalka Balaadhan ee Saalax Doonyaale deegaanku ku Gaadhsiinayo Hormar ay Ugu Horayso Idaacada Layska Maqalo oo Balaadhan"Wuxuu Yiri isaga oo Hadalkiisa sii wata"dadka Qurbaha iyo dhalinyarada Aqoonta Leh waxa laga Rabaa inay Saalax Tusaale fiican u Qaataan. Ruux kale oo Magaciisa ku Sheegay"Axmed Ciisa Ali oo Jooga USA"Ayaa Yiri Runtii deegaanka Maakhir waxa Moodaa inay Bil Barwaaqo u dhalatay Waxaan Maqlayaa Dekedii Baa la dhisayaa Idaacad Baa la Geeyay Xaqiiq Deegaankii waa Horumray ayuu Ku soo Koobay Hadalkiisa. Lama soo Koobi Karo Fariimaha naga soo Gaadhay Qurba Joogta hase ahaatee Hadii aan mid Labo ka Xusno,"Faaduma Muuse Caraale oo ku Nool UK ayaa Tiri"Saalax Waxa uu Horseed uyahay Isbedel deegaanka Dhanka Hormarka Lagu Gaadhsiinayo Saalax Noolow ayaan ku Neelahay. Khaalid C/laahi Uurcad oo Ku Nool Canada ayaa isna dhanbaal Noo soodiray uu Ku Leeyahay" Dadka deegaanka waxa Looga Fadhiyaa inay Noqdaan Ul iyo Diir isla markaana ka Midoobaan dhanka Horumarka deegaanka Saalax Hawsha uu wado waa mid Midha dhal Fiican Leh"ayuu Yiri Uurcad oo Canada Jooga. Saalax Nuur Saalax oo ayaa May,29,2010- Si Heer Sare ah Loogu soo dhaweeyay Magaalada Dekeda leh Bosaaso isaga oo ka soo duulay Dalka USA Boqolala Ruux ayaa Garoonka Bosaaso Saalax Kaga Hor Yimi[Riix Halkan] Salaax Nuur Saalax ayaa Kulamo Gooni Gooni ah la Yeeshay Wariyaasha Magaalda Bosaaso iyaga oo Lafa Guray Heerka Warbaahinta Guud ee Puntland iyo sida Ugu Haboon ee Idaacada Cusub dhidibada Loogu Taagikaro Mudan Saalax ayaa Mudo Gaaban ku Sugnaanshihiisa Bosaaso u Kicitimay dhanka Caasimada Hayland ee Dhahar waxana Halkaasi Diyaar Ugu ahaa Dadka Gobolka Hayland Heer Gobol iyo Mid Degmo [Daawo Sawirada] Saalax ayaa Kulan Qota dheer la Yeeshay Maamulka Gobolka Kan degmada iyo Bahda Warfaafinta ee deegaankaasi, sidoo kale Bahada Sportiga ayuu la Kulmay kuwaasi oo Bogaadin u diray Saalax Dadaalo dheeraad ah oo uu Ka soo qayb qaatay Kobcinta Sportiga ee Gobolka. Ciyaar Saxiibtinimo oo ay wada dheelayeen Xulka Hayland iyo Mudug ayaa iyana ka dhacday Caasimada Hayland ee Dhahar Ciyaartaasi ayaa Ujeekeedu ahaa in lagu soo dhaweeyya Team-ka Saalax Doonyaale ee doonaya inay Idaacad ka Hir Galiyeen Deegaanada PL[ Daawo Ciyaarta]. Dhanka kale Dawlada Puntland Gaar ahaan Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa Nuqul ka mid ah War Saxafadeed ay ku soo dhawaynayaa dadaalka la doonayo in Idaacada Deegaanada PL Looga Furo soo Saaray [Warsaxaafadeedkii]
  10. Sport News---- Daawo sawirada------Ciyaar xiiso badan oo dhex martay Dhahar iyo Gaalkacayo oo lagu soo dhoweynayay Saalax Doonyaale oo ka dhacday Dhahar Stadium. Dhahar:- Ciyaar aad u xiiso badan oo lagu soo dhoweynayo Saalax Nuur Saalax Doonyaale ayaa waxa ay ka dhacday Dhahar Stadium ee Degmada dhahar, ciyaartaas oo dhexmartay xulalka kala matalayay Degmooyinka Dhahar iyo waliba Gaalkacayo. Kooxda Gaalkacyo ayaa ah markii ugu horeysay oo ay ku cayaareen gobolada Haylaan iyo Sanaag. Kooxda Gaalkacyo ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada isla markaana aad u amaaney qaabkii loo soo dhaweeyey. Waxaa xafladan kasoo qeyb galay gudoomiyaha degmada Dhahar Salaad X. Shire, Gudoomiyaha Sportiska gobolka Bari Mustafe Majacase, Gudoomiyaha sportiska gobolka Haylaan, iyo gudoomiyaha sportiska gobolka Sanaag. Sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka mid ah Puntland. Saalax Nuur Saalax ayaa sheegay in cayaaruhu ay yihiin laf dhabarta nolosha iyo isdhexgalka bulshada, isagoo tibaaxay in uu aad u daneynayo dhamaan gobolada Puntland gaar ahaana aad ugu riyaaqey kooxda iyo masuuliyiinta gaalkacyo inuu halkaa kula kulmo. Ciyaarta oo ku bilaabatay jawi wanaagsan isbarasho, iyo waliba isdhexgalka lagu yaqaano isboortiga ayaa waxa ay soo jiidatay dhamaan dadkii daawanayay ciyaarta. 10 kii daqiiqo ee ugu horeeyey ee ugu horeyey ciyaarta waxa u muuqatay mid leh weerar iyo weerar celis aan saa usii badnayn hase ahaatee xiligaasi kadib ayaa waxa ay kooxda degmada Dhahar ay heshay fursadihii ugu kululaa kadib markii ku bad uu soo sameeyey laacibka khadka dhede Maxamed Dhaale uu si kor ah ugu baasay laacibka Dhinaca Bidix ee weerarka ka ciyarayay Amiin Xasan Daahir isaga oo u sii wareejiyay Laacibka Dhinaca midig ka ciyaaray C/risaaq Axmed Yaasiin oo Madaxa kula beegsaday shabaqa hase ahaatee uu gool hayaha kooxda Gaalkacayo oo uu hogaaminayo Dr. Dhagacade isla markaana maalgaliyo. Qeybtii labaad ee ciyaarta kadib, ayaa bedelka uu sameeyey macalinka kooxda Gaalkacayo, ayaa ciyaarta wax weyn kabadashay taasi oo keentay fursadihii ugu khatarsanaa ee ciyaarta ee soomara kooxda Gaalkacyo. Dhamaadkii ciyaarta daqiiqado kahor, ayaa badal uu sameeyey Macalinka Kooxda Degmada Dhahar, waxa ay keentay in ay ciyaarta ay furasada badan oo ay lumiyeen kooxdu ay keentay. Siciid Baxwal (Dhahar.com) Gaalkacyo (Dhar Cagaarka), Dhahar (Bluuga iyo cadaanka)
  11. Adeer wipe off your tears. Dhahar.com has nothing to do with the thread nor how Saalax was received. The same news were reported by jowhar.com, somalifans.com, galgalanews.com, laasqoray.net, hadaaftimo.com, sanaagpost.com, allsanaag.com, somalipublicradio.org, ceerigaabonews.com and many more. Take your nonesense elsewhere
  12. Adeer, the thread was created by a non-Makhiri and has received the support of all Puntlanders in SOL. What sets you aside is very obvious and thus Mr.Donyale wont pause for no female trait (jeolosy and envy). The Land Cruiser aint stopping untill the wheels fall off.
  13. Baraagaha Qol: Saalax Doonyaale oo ah Madaxa Idaacada Somali Repablic Radio ayaa Gaadhay Degmada Baraagaha Qol ee ka tirsan Gobolka Hayland, Mudan Saalax ayaa Ku sugnaa Caasimada Hayland ee Dhahar isaga oo Kulamo la Yeeshay Aqoonyahanada Heer Gobola iyo Mid degmo waxana uu u sharaxay Ujeedkiisa iyo Hir Galinta Idaacada Balaadhan ee uu Wado inuu Taago. Salaax Doonyaale ayaa si aad ah loogu soo dhaweeyay Degmada Baraagaha Qol ee Hoos Timaada Hayland waxana Meel Fagaaro ah Kaga Hor yimi Boqolaal Ruux oo sida Calamo Qoyan iyo Sawirka Saalax Doonyaale. Guriga umada ee Magaalada Baraagaha Qol ayaa uu Kulan Kula Yeeshay dadka degmada isag oo Fahansiiyay in Isbedel dhanka Horumarka Gobolada Hayland iyo Sanaag laga dhalinayo. Saalax ayaa Bosaaso Soo gaadhay Isbuucan waxana Soo dhaweeyay Kumanaan ruux oo Taageersan Isbedelkiisa Horumarineed. Saalax Nuur Saalax Doonyaale ayaa ka mid ah Aqoonyahanada Reer Maakhir ee ku Nool Qurbaha Gaar ahaan USA isaga oo wax badan oo la Taaban Karo Qabtay “Oraahda Maanta ayaa ah Saalax Halgu Daydo” Galgalanews
  14. Africaown; I’m glad that your venting off the desperate private messages that you’ve been sending, thus your minority as indicated by your tri-state signature. As to the prisoner, is our fine lady Bishaaro being treated well in the cell next to you?
  15. Zack, miskiin ciyaal caana boora ah ayaa tahay. you are as geographical ill referenced as you are about academic credentials. I proudly settle 1/3 of a free republic, from Ceerigaabo to Gaalkacyo. your prisoner attitude once again wants to devide a single family. I have no time to waste for a prisoner with an oppressed mentality.
  16. Zack: Your sorrow envy attitude is only disheartening your narrow clan binoculars. Mr.Donyale is a hero to a free state, Puntland State of Somalia. The people he visited are free and are only exercising their god given rights. I don't see ONLF leaders being welcomed in Dagax Buur. We ask your MBA holders to visit Puntland, and they might be welcomed with celebrations. Zack has a prisoners mentality.