Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. Mudaaharaad balaaran oo maanta ka dhacay magaalada dhahar DHAHAR: Waxaa maanta ka dhacay magaalada Dhahar Mudaaharaad aad u balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen dadka deeganka Dhahar. Mudaaharaadkan oo dadka soo qabanqaabiyey oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjedaan in weerar lagu qaado buralayda magaalada Galgala, kadib marki uu dagaal kadhacay maalin kahor isla aagaasi. Dagaalkani ayaa waxuu dhexmaray ciidamada dowlada puntland iyo ciidamada deegaanka galeedka gobolka bari oo uu hogaamiyoSheekh Maxamed Siciid Atam. Dhanka kale waxaa kasocda magaalada dhahar abaabul balaaran oo ladonayo in lagu sameeyo dhexdhexxaadin nabadeed taasi oo ay hogaaminayaan dhaman nabadoonada ,waxgaradka deegaankaasi iyo weliba wasiiro kasocda dowlada puntland, waxaana larajaynayaa inwaqtiyada so socda ay ubaxan deegaankaasi wafti balaaran oo qabanaya howshaan dhexdhexaadinta ah. Axmed maxamud sh/madar SPR Dhahar
  2. Mr. Attam stated that their ideologies as far creating an Islamic administration is parallel to that of the Shabab, but his movement is independent.
  3. Bosaaso: Jaamac Ismaaciil Ducaale oo La diiday in la Aaso Bosaaso: Jaamac Ismaaciil Ducaale oo La diiday in la Aaso Wararka aanu ka helayno Magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in Nin Maxbuus ahaa oo ay Ciidamada Maamula PL ku soo qabteen dagaalkii ay la Galeen Ciidamada Maxamed Siciid Atam la dilay kaasi oo isaga oo Mayd ah la Keenay Magaalada Bosaaso, warka aanu helay ayaa sheegaya in Jaamac Ismaaciil Ducaale Doonyaale Nolol lagu qabtay isla markaana ay jir dil u dileen Ciidamada PISta ee PL. Maydkiisii ayaa Yaala Magaalada Bosaaso Gaar ahaan Cisbitaalka Bender Qaasim waxana ay diideen eheladiisii in la Aaso, Marxuunkaasi. Muran xoogan ayaa ka Aloosan Gudaha Magaalada Bosaaso, Odayaasha Beesha Galbeedka Bari ee ku sugan Bosaaso ayaa Shir deg deg ah Ku Leh Magaalada Bosaaso Mana Jiraan wax war ah oo Laga Helayo Kulanka Duubabka Maxamuud *****. Sidoo kale xaalada Magaalada ayaa degan mana Jiraan wax dagaalka ah oo dhacay marka laga Yimaado kii shalay dhex maray Ciidamada Pl iyo kuwa uu Hogaamiyo Sheekh Maxamed Siicid Atam oo ku sugan Buuraha Gobolka Bari ka Tirsan. Mr. Donyaale is a Makhiri from Bargaal, he was brutally executed by the PIS to avenge for unexpected defeat that they faced. He was among the Makhiri boys Cadde, few years ago bombarded their house in Bosaaso.
  4. Nothing entertains me more than Cowke and allidamaale. Both outlets are honest unlike undercover clan cheerleaders on SOL.
  5. He is a local from Western Bari who played a large role during the Majiyahan skirmishes. He along with others from the region later created this movement to counter a decade of isolation, discriminate acts of terror from Puntland targeting the region and deceptive coruption. He was recently named as the chairman of the organization.
  6. Naxar: Weak SSDF administration have publicly requested landers to urgently come to their aid. This is historical and will for ever be remembered. Do you not see the collaboration between the two rebel groups? (SSDF and SNM)just read Garooweonline.
  7. Regardless; the clan has the right to decide their destiny. Garoowe is insignificant and the clan administration is forever unmasked.
  8. Liiban: desperate secessionist are more scared than ever. The SSC movement will pave the way for more independent northern Somali unionist.
  9. The Sheikh made it clear that they are an independent Islamic movement instituted to counter prolonged injustices in Western Bari region. He also highlighted that it’s a local driven initiative that is not part of Al-shabaab. The sheikh stated that the skirmish that took place in Karin yesterday resulted after the local clan of Western Bari, specifically farmers were abandoned to take their goods to Bosaaso. At last, the sheikh welcomed any piece process despite the fact that the administration broke prior treaties. From this interview, one can see that the administration has been aware of this clan initiative in Western Bari for some-time. One might ask, why would Faroole accuse this movement to have terror links when he negotiated with them few months ago? Obviously foreign interference is due.
  10. Wararka Idaacada Somali Public Radio ee 27/07/2010 Qodobada wararka ugu doorka roon waxaa ka mid ah: * Wararkii ugu dambeeyey xaalada Karin. (Wareysi aanu la yeelaney gudoomiyaha Wilaayada Islaamiga ee deegaanka Galgala Sh. C/raxmaan.) * Maamulka Puntland oo tabaabusheysi ugu jira dhisitaanka kowda August. * Ciidamada Amaanka ee gobolka Bari oo baaritaano ka wada. * Raisal Wasaare Sharmarke oo ka Hadley duqeymaha Amisom ay u geysaneyso magaalada Muqdisho. * Shirka madaxda Afrika oo kusoo gabagaboobey magaalada Kambala. Iyo qodobo kaloo badan….. listen http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=359:wararka-idaacada-somali-public-radio-ee-2 7/07/2010&Itemid=121
  11. Jacpher is Mr.Somali's other user-name, far from his alleged claim. Koore and Hunguri don't support Atam but never the less they acknowledge the root causes of the conflict and the element of clan.
  12. Libaax-Sankataabte i agree that both sides are one family but my response was for the war cheerleader. Nin-waliba kubada dhinica tolkii ha u laado ee munaafaqada ha la'iska daayo.
  13. Originally posted by Xudeedi: Ever since the creation of Puntland, Sanaag, Haylaan and western Bari region have seen and lived through midst of darkness as its stability has been repeatedly violated by Puntland Authority. Among these series of violations is but not limited to the Majiyahan incident, when Adde Muuse (former president of Puntland) had sent his ragtag clan militias to guard the mining village of Majiyahan, which led to a bloody battle between Makhiri’s (the clan that resides in Sanaag, Haylaan and Western Bari) and Puntland militia in quest of occupying Majihan by force, but later faced a defeat on April 2006. Sanaag region did not only experience battles and skirmishes, but was neglected by Puntland and all of its ministerial departments, who don’t bother even paying the serving army from Sanaag and Western Bari, a repeated pattern the Makhiri clan views as humiliation. These events along with Faroole’s latest war declaration in Galgala highlight that a proposition of a new Regional government instituted in those regions as the only long-term viable solution. Puntland had failed and re-failed and its administrators had long consumed international funds earmarked for those regions. Galgala: SSDF clan militia’s vs Inhabitant’s of Western Bari Atam came to power after a prolonged debacle of corruption, isolation and lack of respect for the region and its inhabitants. His movement is supported by the indigenous clan of Western Bari region thus it’s anticipated to lead momentum in the coming skirmishes. SSDF media outlets have for long strived to convey negative information from the region to the international community. Faroole, the president of the SSDF clan spoke on universal TV today and had urged his fellow SSDF kinsmen to join the war against those “who are coming for their clan”. Despite how the war is depicted, international intelligent agencies will do their own investigation to determine the root causes of this conflict. Lately, warlords and clan chiefs flipping the terrorist card to subdue historical foes has been a trending phenomena. At last, I only wish for this conflict to be suspended simply because saving a single life is more important than clan ego’s. Libaax-San-kataabte: Should my analysis and above thoughts be suspended simply because it doesn't agree with Tolka? I Log-in to SOL to view both sides of various apposing conflicts in Somalia. Ilma Adeerayaal i'm only contributing to the the forum's intended purpose. Atam was the creator of an Islamic Walaayah who governed Western Bari for a period of time. His ideology is firmly Islamic that fills a vacume long neglected by the clan administration in Garoowe. They are those (in SOL) who are honest and admit that the clan bothers them (Cowke, Thanksful), and others who mask their true thoughts by singing the old Punland hook (Sakhar, Gheele,etc). Despite where the Galgala conflict swings, it proved the significance of the clan element on both sides. So long as you support Faroole because of his clan, Makhiri's will support Atam because of his clan.
  14. Warbaahinta Puntland ee taageerta Maamulka Faroole ama u taageerta si qabyaaladeed ayaa waxay u bareereen iney beenta iyo dacaayada uu maleegayo maamulka faroole faafinaya iyadoo dadka xitaa ku khalday Juquraafiga iyagoo dagaalkii shaleyto dhacay ka fogeeyey Magaalada Bosaaso iyo duleedka Magaalada Laag ee uu yaalo Controlka magaalada Bosaaso. Warbaahinta Halgan oo uu leeyahay wadaad lagu macgacaabo Asad Mataan oo Reer Denmark ah kuna abtirsada Reer Keenadiid ayaa ugu horeeyey oo taageerey dacaayada uu maleegayo Maamulka Faroole oo u bareerey Caburinta XORTA ah oo wararkeeda si madax banaani ah uga tebisey. HALGAN.NET waxay aheyd shabakadii markii Maxaakimta sida weyn u taageertey markii lagu soo dhowaadey Magaalada Gaalkacayo-na taageeradii kala noqotay oo taageertey maamulkii Cade Muuse isla markaana ay taasi xujo ku noqotey in Wadaadka iska leh uu Qabiilka kala wayn yahay taageerida Xaqaaiqda ka jira Gobolada Puntland. Horseedmedia oo iyaduna si khaldan u maalgeliso Dowlada Hollan ayaa waxaa iska leh Rag aad uga ag dhow Cade Muuse isla markaana iyadu ka shaqeysa horumarinta Qabyaalada iyo hoos u dhigida arimaha xaqaaiqda ah ee ka jira Deegaanada Puntland. Waxaa xusid mudan in Horseedmedia ay bilaabatey xiliyadii Jabhadii Beesha Cismaan Maxamuud ee loo masaafuriyey Degnada Ceel Afweyn ee Xuduuda Togdheer iyo Sanaag isla markaana loolanka kula jirtey Askarigii Cabdullahi Yusuf. Horseedmedia waxay fund ama kharash ka heshey Maamulkii Cade Muuse iyadoo aheyd afka keliya ee lagu kalsoon yahay ee uu adeegsado maamulkaasi hadey noqoto la dagaalanka beelaha kale ee Puntland gaar ahaan dagaaladii uu Cade Muuse ku guul dareystey ee Buuraleyda Majiyaha ee uu tuugta Australian-ka ahaa keeney. Sidoo kale Waxaa nasiib daro ah in Warbaahintani ay caawinaad ka heshay Dowlada Holland gaar ahaan Wasaarada arimaha Dibada iyadoo ay wasaaradaasi ugu deeqday Qalab iyo lacago isla markaana ay dhalintii arjiga u qortey Wasaaradaasi ay ku marin habaabsheen hawl wadeenada wasaaradaasi qorshaha Horseedmedia. Waxaa kaloo jira Warbaahinta Gaalkacayo gaar ahaan Allpuntland oo iyaduna ah warbaahin guracan isla markaana waxii kasoo jeeda beelaha kale ka aaminsan ineysan mudneyn inaan la faafin karin, waxaana warbaahintan Allpuntland lagu xusuustaa Odeygii isku magacaabey inuu yahay Suldaanka Beesha Wabeeneeye ee sheegtey Buuraha Majiyahan iney yihiin deegaan ********** isla markaana ay warbaahintani buun buunisey lahaanshaha Buurahaasi iyo tuulooyinka iyo Magaalooyinka u dhow dhow Majiyahan sida Galgala iney tahey Xero Wabeeneeye iyadoo taariikhdu ay xuseyso oo soo meerisey in xitaa Toga Qaw ay beesha Wabeeneeyey ku timi Magan gelyo Siyaasadeed iskaba daa iney deegaankan yeeshaan e. Ma mudna in wax laga sheego Warbaahinta Garowe Online maadaama uu leeyahay wiilka Madaxwenaha hada xukunka haya ee Maxamed C/raxmaan isla markaana ugu magcaaban la taliyaha Madaxweynaha dhinaca Warbaahinta. Faroole maalintii Shaleyto wuxuu noqdey Cali Saxaaf oo ama Cali Komedey oo ahaa ninkii ugu magcaabnaa Warfaafinta Madaxweynihii hore ee Ciraaq Marxuum Sadaam Xuseyn iyadoo ninkaasi warar ku tiri ku teen ah jeedin jirey. Waxaa xusid mudan in Faroole mushkiladan ka danbeeyey iyadoo uu martabadiisii hoos u ridey oo sidii MAKHAAXI FADHI KU DIRIR warbaahinta ka qeylshey, isaga ayuu ahaana kii ugu horeeyey ee Hanjabaada u marshey hawada inuu Dagaal ku qaadi doono Galgala. Hadii aynu dib u jilaacno doorka khaldan ee Warbaahinta guracan ee Faroole ka agdhow qabiil ahaana uga agdhow ayaa waxaa khaladaadka ugu waaweyn ka mid ahaa iney faafisey warkii ay faafisey idaacada VOA ee ahaa ninkii Qarshey magaciisa ee sheegey inuu indhihiisa ku arkey dad cadaan ah oo Ingiriis ah in dagalka lagu diley,[kkkk], bal eega Wadaadkii Asad wuxuu qorey. Waxaana xusid mudan inuusan dagaalku ka dhicin Galgala ee uu ka dhacay Laag banaankeeda Koonfureed, markaa Asadow Juquraafiga Baro, wadaadnimadaadiina ha dhaafsan Caadifad Qabiil ee meesha dagaalku ka dhacay Galgala maahee waa Laag. Horseedmedia kama badin wadaadka Qabyaaladu raacdey e waxaa dhacdey iney iyaguna faafiyeen calaacalkii Faroole isla markaana dadka akhrista Warkooda ay u sheegeen in dagaalku ka dhacay Galgala oo weliba ay ku magcaabeen BUUR iyadoo lawada ogsoon yahay Galgala ineysan Buur aheyn e ay tahey Degmo ka fac Weyn tuuladii Baargaal ee nimanyahow Qabyaalada caadifadeeda yeysan idin duufsan. Horseedmedia waxay qortey in Wadaadkii la baacsadey oo looga **** tegey Galgala 13nin laga soo diley iyadoo meydkoodiina lasoo qaatey, su'aashu waxa weeyese ma garanaysaa Galgala meesha ay ka dhacdo Bosaaso? Wadeedse tagta? ka akhri waxay qortey Horseedmedia halakan. Faaladani maaha mid lagu taageerayo Wadaad Mayal adag e waxay ka hadleysaa xaqaaiqda ka jira meeshan iyadoo ciidamadii shaley lagu weerarey Karin ay ahaayeen hal ciidan oo ahaa kuwa difaaca Deegaanka, haba khaldanaado fikirka ay wataan e, laakinse beel ayey ka dhasheen waxayna ku doodayaan inay deegaankooda u madax banaan yihiin, taasina waa mid iyaga u taala iyo Odayaashooda ama wax garadkooda, waxaa kaloo mudan in la xuso in ciidamadani aysan ku jirin dad u dhashey Koonfur ama Gobolada Bakool iyo Baay oo masaakintoodii laga raafayey maal mahan oo idil Bosaaso laguna daad gureynayey Gaalkacayo iyo BAADIYAHA BUURAHA BOSAASO. Sidoo kale Faaladani difaaci meyso Alshabaab ama Wadaad qaab beeleed uga dhashey Galgala e waxay ka hadleysaa sida dadka loo jaah wareershey oo warar been abuuro ah loogu faafiyey isla markaana cawaaqib xumo dhalin doonto bidhaanteediina hada la arko. Warbaahinta Maxamuud Saleebaan waa tii ku fashilantey iney faafiso Hanjabaadii isdaba jooga aheyd ee uu waday Halyeygoodii Cabdullahi Saciid Samater markuu Odayaasha Dubays ugu hanjabey inuu Ka RARI DOONO DUBEYS MAGAALADA BOSAASO iyadoo Horseedmedia ay abaal marisey oo ugu YEERTEY ALXAAJI, waxayse ilowday in Suudi yalaxow oo ahaa Alxaaj!!! Ugu Danbeyn waxaan la xusuusinayaa in Warbaahintaas iney Warbaahintu ay badan tahey isla markaana hadii aysan ka waantoobin Warbaahinta wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha Raqiiska ah iney ka mid noqon doonaan mashkilada Bari
  15. Halkan ka Dhegeyso waraysiga Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla Nairobi (laasqoray Online) – Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla oo joogta magaalada Nayroobi ee dalka kenya ayaa waraysi kaga hadlaysa dagaallada ka dhacay degaannada Galgala iyo Karin ee Puntland. Xildhibaanadda ayaa ku baaqday in arrinta nabad lagu dhammeeyo, odayaasha iyo cuqaashuna xil iska saaraan ammaanka dalka. Halkan ka Dhegeyso waraysiga Xildhibaan Caasha Axmed Cabdalla
  16. Ku: Madaxweyne C/raxmaan Faroole, iyo xubnaha dawladda Puntland Ku: Isimmada, Odayaasha, iyo Waxgaradka Puntland Ku: Aqoonyahannada, indheergaratada iyo ururrada bulshada Ku: Shacab weynaha Puntland iyo cid kasta oo nabad danaynaysa… Waxan, haddaa nahay Jaaliyadda ********** ee Magaalada Seattle, ee Gobolka Washington, aan ugu baaqaynaa Masuuliyiinta Dawlad Goboleedka Puntland iyo kooxaha ka soo horjeeda, iyo shacab weynaha Puntlandba, in nabadda laga wada shaqeeyo oo dagaallada la joojiyo. Waxannu u aragnaa ciidammada Puntland duullimaadka ay ku qaadeen degaammadayada iyagoo u gacan dhaafay odayaashii iyo wax-garadkii dalka, gardarro aan geed loogu soo gabban. Waxan soo jeedinaynaa. 1. In miyirka la isticmaalo oo wax kasta wada hadal lagu dhammeeyo sidii odayaashu horay ugu baaqeen. Madaxweyne C/raxmaan Faroole marar badan baa odayaasha degaanku gogol u fidiyeen nabadeed, iyagoo sheegay inay iyaga masuuliyaddooda tahay inay wixii dhib u keenaya Puntland ay gacan ku qabtaan, laakiin, madaxweynuhu dhegaha ka furaystay talooyinkii wax ku oolka ahaa ee odayaasha degaanku u soo jeediyeen. 2. In shacabka Puntland iyo dawladdooduba gacmaha isqabsadaan kuna dedaalaan inaan dagaallo ka hurin carrigan nabad weyntu ka jirtay. Taas waxa lagu gaadhi karaa in la xakameeyo colaadda aanna lagu degdegin dagaalka iyo gacma ka hadalka. 3. In guddi nabadeed loo sooco arrimaha ammaanka oo aan laga sugin laba nin oo qudha. Puntland nabaddeeda waxa saldhig u ahaa isimmada, odayaasha iyo shacab weynaha oo iska kaashaday nabad kuwada noolaanshaha dalka. 4. In odayaasha meelaha dagaalladu ka dhaceen ka soo jeeda la dhegeyso ra’ayigooda, isla markaa masuuliyadda ugu horraysa ay iyagu qaadaan. Lana hubiyo waxa meesha ku jira khaasatan laga saaro wararka ku-tiri-kuteenka iyo isku dirka ku salaysan. 5. In Madaxweyne Faroole ka daayo Puntland belo u yeedhyeedhka, sababtoo ah haddaad caalamka ku tiraahdo argagixisaa dalkayga joogta aan jirin, gurigaaga ayuunbaa ku ololaya. Tusaale, Muqdisho ayaa noogu filan oo far isku fiiqii hadda la garan la’ayahay meel laga soo qabto. 6. In Ciidammada milateriga degaannada ay tageen laga soo celiyo. Puntland waa beelo, beelina beel kale dhulkeeda kuma fidi karto iyadoo ka faa’iidaysanaysa maammulka dawladda. 7. In haddiiba ay jiraan ciidammo aan degaanka u dhalan oo buurtaa ku jiraa nin keliyana alla ha ka yeelee, dalka laga saaro. ‘Belo af la qabtay leedahaye, **** la qabto malaha.’ 8. In Dawladda Puntland magdhaw siiso dadkii ku waxyeelloobay dagaallada oo rayadka ahaa, illayn iyagu waxay galabsadeen lama arkee. Isla markaa, dawladdu ka fiirsato inay ku duusho degaannada aan dawladdu si fiican uga shaqayn. Dawladda maammulkeedu waan inuu gaadhaa meesha ammaan laga sugayo. 9. In isimmada Puntland iyo odayaashu u guntadaan, sidii horeba loogu yiqiin nabadaynta iyo joojinta dagaalkan sababi karaa burburka Puntland. Marnaba raalli waa inaanay uga noqon in maammulku ku tagri falo awoodda loo igmaday. Dadka Baaqa Ku saxiixan magacyadoo waa sidan: 1. Garaad Cali Yuusuf 2. AY. Maxamuud A. Cabdalla 3. Ismaaciil Maxamuud Cali Bayr 4. Cabdinasir Maxamed Siciid Diiriye 5. Nabadoon Cabduraxman Dubbad 6. Ibraahim Shire 7. Oday Cabdirisaaq Aw-yuusuf 8. Cabdullahi Yaaquub 9. Axmed Jaamac Maxamuud 10. Guuleed Cali Maxamuud 11. Axmed Shire Gaab 12. Sahra Cali Yuusuf 13. Aamina Shire Faarax 14. Foosiya Shire Faarax 15. Maxamed Xasan Suldaan 16. Axmed Maxamed Xirsi 17. Saalax Yuusuf Dabaraani 18 Cabdisamad Xaraare 19. Ahmed C/raxmaan Bahal Bari 20. Xaaji Maxamuud Ciise Gunti-Xabash 21. Xaaji Axmed Ciise Gunti-Xabash 22. Aammina Garmaqaate 23. Maxamed Axmed Yaaquub 24. Cabdirisaaq Shire Faarax 25. Luul Aw-Yuusuf 26. Cabdiraxmaan Axmed Jaamac 27. Aadan Timafaras 28. Xaliima Timafaras 29. Cabdinaasir Timafaras 30. Axmed Cawed Faarax 31. Cabdirisaaq Maxamuud 32. Cabdullahi Kismaayo 33. Cabdirisaaq Ismaaciil Axmed 34. Ismaaciil Maxamed Ciise 35. Ciise Maxamuud Ciise 36. Cismaan Maxamuud Ciise 37. Maxamed Aargoos 38. Cabdi Yuusuf 39. Xuseen Maxamuud Ciise 40. Eng. Cali Siciid Madexey 41. Farxiya Timafaras 42. Maxamed Cabdi Cashuur Guddiga Odayaasha Jaaliyadda ********** ee Seattle. Email: maash68@gmail.com
  17. MAXAA KU KALIFEY SHEEKH ATAM INUU DAGAAL LA GALO MALEESHIYADA FAROOLE Kadib markii ay maalintii shaleyto aheyd ay dhaceen dagaalo kulul oo faraha la isula tegey kana dhaceen duleedka Koonfureed ee Magaalada Bosaaso gaar ahaan Tuulada Laag iyo Karin goob u dhaxeysa ayaa waxaa Sheekh Maxamed Siciid sheegey Sababaha ugu waaweyn ee ku kalifey inuu dagaal la galo Maleeshiyaadka Faroole. Wadaadku waxa uu sheegay in sababta ugu weyn ee ku kaliftey kacdoonka Hubeysan ay tahey in ay ciidamada Puntland ay bilaabeen in ay dadka mandaqada kasoo jeeda ay xirxiraan. Kadibna ay dumarkoodii xitaa xiraan iyo dhalinyaradii mandaqada Gaar ahaan kuwa beeshiisa kasoo jeeda ee Magaalada Bosaaso ku dhaqan. Ka akhriso halakan dhacdooyikaas http://www.dhahar.com/article.php?articleid=8997 iyo Halakan kuwa kale ee la mid ah http://www.dhahar.com/article.php?articleid=3692 Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa sheegey kadib ciidamada PIS ay bilaabeen in ay aag walba ka dhigaan ciidamo ay dadka ciriirin badan ku bilaabeen. Ilaa iyo ciidamadooda ay weerarka soo qaadeen. Waa siduu hadalka u dhigaye isla markaana ay difaacayaan Xuquuqdooda oo aysan dulaan ku aheyn cidkale. Dhegeyso Wareysigii uu ka baxshay Dagaaladii Shaleyto halakan
  18. First of all, there is no empirical evidence that there are foreign fighters in Galgala. It is nothing but a mere fabricated propaganda by SSDF media outlet. On the other hand, I have not seen any Makhiri individual that supports Atom, until the SSDF media turned the situation into a tribal war. Nowadays, it became very common to use the terrorist card as a catalyst in order to pursue personal or clannish goals. As a matter of fact, both casualties were mainly composed of the people of Highland,Western Bari,and Sanaag. It is pitiful and a mind boggling to see some of the members of this website parroting for a war.
  19. Xaaladdii ugu dambaysay ee Galgala iyo askari sas ku diley labo Wararka nagaga imanaya magaalada Galgala ayaa sheegaya in ciidammada Puntland isku urursanayaan meesha loo yaqaanno Karin Boosaasood oo ka hooseeya buuraha Dhalan iyo Majayahan. Ciidammadan oo odayaasha degaanku uga digeen Madaxweyne Faroole, inay ku dhaqaaqaan hawlo faragelin ah ayaa halkaa fadhiya. Shil la sheegay inuu dhacay xalay ayaa la sheegay in askari ka tirsan ciidanka Puntland uu saqdii dhexe sasay cabsi awgeed, ka dibna baas ku furay askartii la joogtey. Labo askari ayaa halkaa ku dhintay midna waa ku dhaawacmay. Cabsida askarigan ayaa ka dambaysay, meeshaas oo ay soo eegayaan buurahaas oo hadda ka hor dagaal ka dhacay. Dhanka kale Madaxweyne Faroole oo tuulada Xarfo (Tuulo Buuryaqab) kula kulmay Islaanka Cumar Maxamuud, ayaa la sheegayaa inuu hadda la soo noqday feker ka duwan kii hore. Warar aan ku kalsoonnahay ayaa sheegaya in Faroole looga digey inuu ku degdego weerar indhala’aan ah oo degaannaas ku qaado, garabna maro talada odayaasha oo warbaahinta aad looga sheegay. Mr. Faroole ayaa hanjabaad iyo cagajuglayn ka sii daayey saxaafadda, horena u diiday inuu wada xaajood la galo odayaasha iyo cuqaasha beesha **********. Laakiin, arrimahaas hadda waxa la sheegayaa inay Mr. Faroole la soo qadhaadhaadeen uuna xawilayo inuu hadal la furo odayaasha. Dadka degaanka ayaa wacad ku maray inay iska caabbinayaan weerar kasta oo kaga yimaadda ciidanka Puntland. Odayaashuna waxay taagan yihiin arrintan in lagu xalliyo si nabada, marka laga reebo dhawr iimaan laawe oo iyagu Faroole ku baal jira. Shirkii baarlammaanka iyo wasiirrada beesha ayaa lagu go’aamiyey in Gen. Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilkajiir arrinta faraha looga qaado. Jananka oo aan ahayn nin kaftan lagu yaqaanno ayaa laga hayaa, “Faroole ha soo taabto salka arrintan….” yacni, hadduu gardarrada joojin waayo, iyo weerarka qaawan. Ugu dambayntii Mr. Faroole oo talooyin cusub Islaanku ku kordhiyey ayaa laga sugayaa inuu la yimaaddo hab ka duwan qaabkii hore loogu diiday.
  20. Breaking News: Dhammaadkii Puntland oo bilowday! Dagaallo ba’an ayaa la soo sheegayaa inay ka dhaceen dhowr goobood oo aan Boosaaso saa uga fogeyn, ka dib markii foodda ay isku dareen dagaalkaa ciidammo ka amar qaata Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, iyo ciidammo degaanka u dhashay. Dagaalka ayaa ka bilowday Karin Boosaaso maanta duhurnimadii, waxa kale oo la sheegayaa dagaal ka dhacay Laag iyo Boosaaso dhexdeeda. Madaxweyne Faroole ayaa BBC-da u sheegay in dhinacoodu guulaystay oo ay dileen 13, iyagana saddex askari ka dhaawacantay. Hase ahaatee, warka runta ah oo weriyuhuba xaqiijiyey, ciidammada Puntland ee Faroole amarka ka qaata, waxa soo gaadhay jab weyn. 4 baabuur waa laga gubay, labo iyagoo hubkii saaran yahay bay ka goosteen, hub badanna gacantaa looga dhigay. Faroole qasadkiisu waa inuu beesha caalamka marin habaabiyo oo ka gado meesha argagixisaa joogta. Odayaasha iyo waxgaradka degaankuna waxay hore u caddeeyeen in argagixiso aanay joogin dhulkooda, haddiise cid xiriirro bannaanka yeelatay jiraan, in iyaga aan loo gacan dhaafin. Dhanka kale masuulka ugu sarreeya ee beesha ********** ugu jira dawladda Puntland, Gen. Cabdullahi Axmed Jaamac Ilkajiir, ayaa la sheegayaa inay Faroole iskaga hor yimaaddeen arrintan. Waxa la saadaalinayaa in haddii dagaalku ku baaho meelo badan, ay noqon doonto Dhammaadkii Puntland, haddii aan cid caqli u saaxiib ahi daba qaban. Sababtoo ah, afartii beelood ee u waaweynaa ee ku bahoobay Puntland labo horay u qulquleen: *********** iyo Dashiishle. Imminkana ********** ka bixitaankiisa Puntland wuxu sabab u noqon karaa Puntland oo dunta ama noqota meel ********** uun ku kooban.
  21. ^Desperate adeer. How many user-names must Mr.Somalia create to further his propaganda. Adeer cry louder.
  22. Adeer Atam and Ilka Jiir are both only individuals, Xudeedi does not cheer for no individual. I support the Makhiri boys in Western Bari who appose your clan administration. Xudeedi is a man who supports the free people in Bari who your whole clan wishes for your downfall. Ilka Jiir will be held accountable for his silence but i can only comment after he speaks to the press.
  23. Mr. Somalia you are lying to yourself. What bothers you is the clan more than anything. What Faroole is doing is just like Cadde did few years and this same Atam humiliated the SSDF clan then. You SSDF boys operate with the logic that your clan is always right; you know Faroole is a corupt old cab driver yet you support him simply because he is from your SSDF enclave. Yet when Makhiri's support their kinsmen, then they should be identified as clannist. Poor SSDF logic