Xudeedi
Nomads-
Content Count
1,691 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Xudeedi
-
Sanag/Haylan Elders Committee Spokes Person sends a message to the international Community.... In an interview with Somali Public Radio, Axmed Saciid Madaxay; a renowned clan elder of Sanaag, Haylaan and Western Bari regions discussed the peace process effort initiated by the clan elders in regards to the Galgala incident. A committee of elders from various centers of the region has held several meetings in western Bari towns of Laag, Ceeldaahir and Afurur intended to initiate a peace dialogue following the latest skirmish in Karin town of western Bari between militia’s loyal to Maxamed Saciid Atam and Puntland troops. After numerous meetings, the elders have advanced to Bosaaso where they met with the vice president of Puntland, minister of interior and deputy minister of security. Puntland’s policy has not altered from their war declaration which could have a disastrous impact on the future of the state. The elder stated, “Our message to Puntland and the international community is to attend to this conflict in a peaceful manner and this war hype should be suspended. We would like to pronounce to the world that we are hopeful and can resolve this in a peaceful manner, if the administration cooperates accordingly. We have spoken to Atam and his men and they are expecting our visit to Galgala in the upcoming few days.” The clan conference was preceded by a deadly skirmish in Karin town of Western Bari region. Puntland’s administration openly requested for an international hand on a war against what they termed as “terrorist”. The indigenous inhabitants of Western Bari strongly oppose Puntland’s alleged terrorist claim and depict the Karin incident as populous uprising against targeted arrests and arbitrations from Puntland’s Intelligence Service as Atam himself indicated in interview by Voice of America. Puntland Intelligent Service, short for PIS is an anti-terror organization funded by US Federal dollars. According to reliable UN reports, the organization is dominated by a single clan, an apparent imbalance that caters to many problems facing this fragile state. S.P.R
-
http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=406:nabadoon-axmed-siciid-“howsha-nabadaynta- wax-ayidsanaan-ah-kama-heyno-madaxda-puntland”&Itemid=121
-
Nabadoon Axmed Siciid “Howsha nabadaynta-----Wax ayidsanaan ah kama heyno madaxda Puntland”….. Boosaaso (SPR): Wareysi aanu la yeelanay oo isla markaana caawa ka baxay idaacada Somali Public Radio ayaa waxaa uu Nabadoon Axmed Siciid Madaxey oo ka mid ah nabadoonadii kasoo ambabaxay Sanaag iyo Haylaan ka warbixiyey in ay xal nabadeed usoo mareen deegaanada gobolka Bari. Isagoo sheegay iney soo mareen Af-Urur, Ceeldaahir, iyo Laag, isla markaana shirar ku qabtey. Nabadoonka ayaa tibaaxay in ay usii gudbeen magaalada Boosaaso iyagoo la kulmey qaar ka mid ah madaxda sare ee Puntland. Nabadoonka ayaa sheegay in aysan ka arkin wax ayidsanaan ah ka arkin baajinta dagaal in lagu qaado. Isagoo sheegay in ay odayaasha iyo kuwa buurta saran ay is ogyihiin in ay usoo socdaan, isla markaana ay ogolaadeen sidaa. Nabadoonka ayaa sheegay in ay wadadii nabada ay hayaan isla markaana ay caalamka u sheegayaan in ay xal wax ku raadinayaan iyo in ay ku kalsoonyihiin in ay xal nabadeed uga saari karaan buurta. Isla markaana ay ka codsanayaan Puntland in ay waqti yar howsha u daayaan odayaasha iyagoo balan qaadey in ay xal ka gaari karaan. Somali Public Radio
-
^ further evidence of the clan element.
-
Will Somali society become more religious or secular in the future?
Xudeedi replied to General Duke's topic in General
Great Thread Duke: Although it's commonly assumed, that increasing wealth and attachments obtained as a result (science, education, technology) is gradually eroding religion, there are some glaring anomalies. The most remarkable is the USA, which is one of the wealthiest large nations and also one of the most religious comparative to developed nations. I disagree with the notion that Somali’s in the diaspora are moving towards one or the other extreme (religious or secular). I think many are finding that middle ground and are finding ways to attend to their unique circumstance. The Somali identity is very unique and the Islamic is its center point. “Diinteeni iyo Dhaqankeeni” are words that always follow each other. -
Poetry has been a traditional vehicle to convey thoughts. These are Makhiri's voicing their concerns.
-
Dawladii markii uu hantiyey wan kudiirsadaye. Dib u celi ciyaalkaan lahaa cadawgu doonaayo. Dugsiyada quraan kaan lahaa haka dudurtaane. Aniguna ku daanshoo isiri nabadu waa daade. Dibadaha dalxiis kuugu iman nafta madeeqsiiyey. Ha yeeshee dab buu keenay iyo umad la duugaayo. Wexey dulun dulcaysaba hadey nabadii dandaantay. Afka nimanka soo duubtay oo duqeyda laynaaya. Waa niman awood daagsaday oon cidina dareemayne. We were hopeful with the transition of power, despite high expectations, Faroole surpassed Cadde's incompetence.
-
Dadkii bey dhuraan uu Amxaar shilin u dhiibaaye. Danba anoon ka gelin doolar iyo wuxuu duunyo guranaayo. Xabsiyada inuu igu daldalo denbi sidaan geystey. Dulqaad kaygu waa badan yahee odayga aan daayey. Doqon inuu imoodoo dulmiga igula soo duulo. Oo maanta hadal diido oo ciidan idulkeento. Hadii fooda laysdaro halkaa haadku dalaqleeyo, Dugaaguna uu hilib kadayo diricyadiiniiye. Meeldheer hadii aadan deyin oo indhaha diirka kacadaynin. Dimacad iyo waxaad dalaq dhahdaa bohola duugoobey. The author points to the PIS and the administration hunger for foreign aid at the expense of locals. Great Poem
-
link http://maakhir.net/2010/wararka/255-doonimaayo-waa-gabay-cusub-oo-ka-halaya-shaqaaqada-galgala-ka-ta agan.htm
-
“Doonimaayo” waa gabay cusub oo Ka Hadlaya Shaqaaqada Galgala Ka Taagan Abwaan Cumar M. Gurey Dirir oo ku magac-dheer Cumar Sanaag ayaa gabaygan ka tiriyey xaaladaha colaadeed ee ka taagan gobolada Haylaan iyo Bari isaga oo ku boorinaya bulshada ku dhaqan deegaanadaa iney nabada dhawraan iyadoo aan wax la dhaafsadaa jirin, una sheegaya bahda Soomaaliyeed iney tahay dood furan. Doonimeyn inaan gabay diroo deelka ka higaadsho. Hayeeshee dantaa igu dirqiday inaan daruuraaye. Maskaxdaydu wexey diidey iyo dulucda aan sheegi. Dadka colaada doon doonayana hal’aan dareensiiyo. Ninkii raba dagaal lagu dumana waan u digayaaye. Daacad nimo nimaan ila dalbeyn dalka ha iidaayo. Darxumo doonimaayiyo dagaal lagu dufoobaaye. Danta hadaan lawada raadineyn rays la-helimaayo. Dagaalkaa hadii aan ladamin dabka la oogaayo. Oo deris walaala ah lanoqon waa ladumayaaye. Ninkii duuda dacalkaa kadegey oo dab qabadsiiyey. Oo derin intuu duudka dhigay daanka kala jiidey. Damiirkiisa muugelin dabkani wuu durka hayaaye. markuu deriska dilo buu adiga kugu danbaysiine. Duli loomayeertiyo inaad dibinta ruugtaaye. Dakanadu mafiicniyo inuu dadku coloobaaye. Waa kala durkaayaa dhulkii daaqsinka ahaaye. Waxaad kala direysaa ragaad doorka ku ahayde. Haduu deyrku dumo sow dabayl ina duqaynmayso. Afartaa sidii daad rogmadey maysu daba joojey. Maka digey inaad duli gashaan daa’in abidkiina. Dawladii Putland oo doraad duqu uu daan duunshey (Cadde Muuse). Digtoorkaan lahaa baa daweyn daqaradii gaarey(Faroole). Dal shisheeye qofkii soo arkoo nabad ku soo daaley. Dawladii markii uu hantiyey wan kudiirsadaye. Dib u celi ciyaalkaan lahaa cadawgu doonaayo. Dugsiyada quraan kaan lahaa haka dudurtaane. Aniguna ku daanshoo isiri nabadu waa daade. Dibadaha dalxiis kuugu iman nafta madeeqsiiyey. Ha yeeshee dab buu keenay iyo umad la duugaayo. Wexey dulun dulcaysaba hadey nabadii dandaantay. Afka nimanka soo duubtay oo duqeyda laynaaya. Waa niman awood daagsaday oon cidina dareemayne. Dadkii bey dhuraan uu Amxaar shilin u dhiibaaye. Danba anoon ka gelin doolar iyo wuxuu duunyo guranaayo. Xabsiyada inuu igu daldalo denbi sidaan geystey. Dulqaad kaygu waa badan yahee odayga aan daayey. Doqon inuu imoodoo dulmiga igula soo duulo. Oo maanta hadal diido oo ciidan idulkeento. Hadii fooda laysdaro halkaa haadku dalaqleeyo, Dugaaguna uu hilib kadayo diricyadiiniiye. Meeldheer hadii aadan deyin oo indhaha diirka kacadaynin. Dimacad iyo waxaad dalaq dhahdaa bohola duugoobey. Inaad daqaradii Cadde ku dhacay daba gucleyneyso. Ama dahabka buuraha ku jira damacday laab taadu. Dhaqankii *****ga ma u ahayn waxaad dhureysaaye. Doodiina waan soo xiroo waxaan ku soo duubay. Duqeydii Sanaag iyo Karkaar hal aan dareensiiyo. Idinkaa ku caan baxay dagaal laga horduulaaye. Idinkaa daweyn jirey wixii doqona oo liita. Idinkaa dabkii soo unkama horey ka duugaaya. Dalka dawlad idinkaa u ahaa la dugsanaayaaye. Ku dabaala nabad iyo wanaag lagu dur-duurtaaye. Gabaygan ninkii faalo iyo dood ka qaba hala xidhiidho abwaan Cumar-sanaag oo cinwaankiisu yahay omarmm@hotmail.co.uk. Maakhir Media Network
-
audio link http://www.laasqoray.org/press/?p=7375
-
Gabay: Faroolow waxaan kaaga digi – Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) Aniga oo ah Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) waxan idiin soo gudbinayaa gabay aan u dirayo Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Faroole. Gabaygan waxan tiriyey ka dib dagaallada ka aloosmay Puntland, kuwaasoo la qaboojiyey oo odayaasha degaanku u guntadeen, laga soo yaabo inay dib u qarxaan. Waxa xusid mudan in Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya hub iyo saanad u soo dirtay maammulka Garoowe. Waxan uga digayaa madaxweyne Faroole shirqoolka lala doonayo in Puntland lagu dumiyo. Gabaygiina sidan buu ku bilaabmayaa: Akhris/dhegesi wanaagsan. Faroolow waxaan kaaga digi dabin colaadeede Dayaca koonfureed buu Shariif soo dawinayaaye Daabbaddaa la soo raray Hartaa lagu dubaaqayne Dulmigiyo inkaarada ka carar nabaddu waa doore Duullaan Galgala lagu baxshiyo damaca hoos yaalla Duhur weerarkaa shalay Caddaa loogu daw galaye Dambas lama dugsado iyo walaal dooxatada jaane Duufaankii Xamar baaba’shay kugu dagaayaane Dambiishiyo dhitada kuu dedane darinta kuu yaalla Doobigaaga buuxaa nin kale daadi leeyahaye Dalkeennaa barwaaqada ahee beeshu wada daaqdo Dambaaburiyo olol lagu shidaa loo dan leeyahaye Puntland duruufaha jiriyo xaalkan degi waayey Doorroone oday iyo waxgarad laysku wada duubay Isin daadahshoo nabadda jira kuma dedaaleene Dulqaadka iyo gobannimadu waa dhaxal da’weynaaye Atam iyo dariiqada Galgala maaha deyn qolo’e Alshabaabna duub uma xidhine daacaddii qire’e Degaankiisii buu doonayaa inuu difaacdaaye Haddaan lays dafirihayn cid kale dooxya muu geline Afartaasi waa dood oon furay deelka maansada dheh Dawan nabad ku baaqiyo wanaag deeqsi hadalkii dheh Dawaaraha israaciyo murtida dadab dhiggeedii dheh Afarkalena daabaan gobeed dacawigeedii dheh Dadku waa dad nabadeed haddaan laysku dirahayne Dalku waa dal nabadeed Buntlaan oo is daasade’e Waa tol isu daacada hadday dani timaaddaaye Hoggaankii laguu doortaybaan xil u dedaadalayne Dawlad inaad hagtaa bay ahayd dalal heshiisaane Dummaddaada Soomaalinnimo wada dabiibtaaye Danyartii kolkaad didisey iyo maato kula deyra Damacaaga laga yaab haddaan lasku diganayne Dalku waa dal khayraadka yaal deeqo aadmiga’e Darkase lama wadaagine bahdaa baa duxdii cunaye Dulmi niman tirsanyoo wax badan samir ku daadduumay Dibindaabyo inaad ugu dartaa ma aha dawgaayee Nin damiirle lama soo shireen muusannow darane Dadweynaha mindiyo uma direen la isku dooxaaye Dabka iyo madaafiicda ba’an uguma diiqiine Dafaar uguma baaqeen inay Dhahar duqeeyaane Dabaabdaha iyo xoogganaad Laag u daabulaysid Dooyada aad Eyl, Garacad iyo Gaalkacyo u doontay Kalluun dabatadii kolay ku tahay daafta Bari joogay Laascaanood ku daaddihi haddaad daacadda u jeeddid W.T. Maxamuud Axmed Cabdalle (shiine) Email: mabdalle@gmail.com
-
Pirateland leader Farooole”Ali Xaraare waa Qabyaaladiiste
Xudeedi replied to ceelayohoyoo's topic in Politics
Faroole waa wareeray. lol -
^ which topic was that. Cowke was hilarious, i object to him being banned. looooooool
-
Libaahe: Chief Caaqil and Cowke are the same, nevertheless we welcome the new username. Come on board and welcome Ceelaayo. "Ceelaayo Walaayo, Wa'ahluhaa Balaaya".
-
Galgala Hala Weeraro Laascaanoodna Fadlan Nabad uga Baxa Mr Faroole By xarago • August 2, 2010 • Post a comment (MMN) Boosaaso: Madaxweynaha Maamul Goboleedka P/land Mr C/raxmaan Faroole ayaa marlabaad ku baaqay in dagaal lala galo Ciidamda Ilaalinte Deegaanka ee Galgala Ku sugan waxaanu hadalkaa habeenkii xalay ahaa ka jeediyay isagoo ka hadlaya xafladii lagu soo dhawaynayay aas aaskii p/land oo 12 jirsatay maalintii shalay ahayd Waxaanu halkaa ka akhriyay khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa sida wax qabadka intuu xilka hayay xidhiidhka ka dhexeeya p/land iyo DKMS wuxuu kaloo aad usoo dhaweeyey heshiiska ay gaadheen Jabada UWSF iyo dowlada itoobiya waxa kale uu uu iftiimiyay inay yareeyen maraakiibtii laga soo afduubi jiray bada saldhigna u ahayd magaalada Eyl Hadaba waxa iswaydiin leh maruu xalay Madaxweynuhu ka hadlay halka ay ka taagan yihiin haysashada laascaanood ayuu baaq nabadeed u diray Maamulak cusub ee la wareegay talada somaliland waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ““Laascaanood waa Puntland sinaba gorgortan loogama geli karo, waxaan ugu baaqayaa maamulka cusub in aanu marin wadadii kii hore ee uu ilaaliyo dersnimada iyo walaalnimada. ” ayuu yiri Dr.Faroole. Hadaba waxa aynu wada ogsoonahay in Laascaanood ay ka taliyaan Somaliland. waxaanu sheegay inay Laascaanood P/land tahay si nabadana looga baxo waana mid uu mar walba ujeedo maamulka Xooga ku haysta Laascaanood laakiin dheg jalaq uma siiyaan codsiga yaree ka yimaada Faroole waxaan nabad ahayn oo uu laascaanood kaga saaraya ma sheegin Madaxweyne Faroole Dhinaca kale waxa faroole ku baaqay in dagaal lala galo ciidamada ilaalinta deegaanka ee Galgala ku sugan waxaanu caalamka ugu baaqay ina laga caawiyo siduu dagaal ula gelilahaa ciidamaas waana mid anfariir ku riday shacabka reer P/alnd waxaana hadaladiisii xalay ka mid ahaa”waa in la iska qabto oo lala dagaalamo kuwa ku jira buuraha Galgala isaga oo ula jeeday Ciidamada ka amarqaata wadaadka la yiraahdo Shiikh Attom kuwaas oo dagaal toos ah dhexmaray iyaga iyo ciidanka Puntland, Waxayse iswaydiintu tahay yaa mudan in lala dagaalamo ma Galgala mise Gobolka maqan ee Sool kaas oo ilaa hada cidaba iswaydiin maxayse daaran tahay qayla dhaanta soo noqnonaysa ee Faroole warbaahinta ka jeedinayo in dagaal wax lagu xaliyo iyadoo Isimadii Gobolka Haylaan u baqooleen siday u soo afjari lahaayeen shaqaaqadan ka taagan Galgala oo ah ta keliya ee lagu xalin karo waxaana halkaa ka cad in Faroole aanu doonayn in wadahadal wax lagu xaliyo xabad mooye waxaana dagaalkan daba ka riixaya qolada la baxday PIS oo aad moodidba inay taladii maamulka ay la wareegeen Hadaba maxay tahay kaalinta kaga aadan Madaxda reer Maakhir ee ku jira Maamulka Faroole 1. Waa in ay la wareegaan qadiyada Galgala loona daba fadhiista wax alaale iyo wixii ku saabsan gobolka xurguftu ka taagan tahay ee Haylaan waana inay dhagaha u raaricayaan Madaxda reer Maakhir erayada ka soo yeeraya hogaamiyaha Atam 2. Waan in ay maamulka Faroole ku khasbaan in ciidamada laga kor qaadaa dadka birmagaynada ah 3. Waa in laga warsugo Isimada ku howlan sidii ay usoo afjari lahaayeen arinta Galgala iyadoon la carqaladaynayn nabadeynta ay wadaan odayaashu madaama xalay uu ku dhawaaqay in lala dagaalamo Ciidamada ku sugan Galgala Mr Faroole 4. Waa in madaxweyne ku xigeenka p/land aanu faraha la soo gelin qadiyada Galgala madaama gobolkii uu kasoo jeeday gacantiisla laga fara maroojiyay dibna aanu ugu noqon magaaladii laga qabsaday ee laascaanood kuna ekaadaa sidii uu u xoraysan lahaa gobolka uu ka yimi lagana joojiyaa dhaqdhaqaaqyada uu ka wado hada Boosaaso 5. Waa in la tirtiraa Hayada PISta oo mashruucan Dagaalka daba ka riixaysa Ciidamadeena lagu daraa kuwa daraawiishta p/land madaama ay yihiin ciidamo beeleed khaasa oo aan ka amar qaadan maamulka Faroole loogana arimiyo Qardho iyo Jabuuti Hadii qodobadaas la raaco waxa soo af jarmaya mashaqada ka taagan Gobolka hadiise lagu adkaysto in dagaal wax lagu xaliyo waxa imanaysa in uu bur bur ku imandoono maamulka p/land ee shalayto 12 jirsaday waxaanu afka saarayaa wadadii khasaaraha
-
Thanksful: It was you who was against Ilka Jiir, and have been on the opposing side of any pro-Makhiri thread. Your view are very clear in regards to the inhabitant of Sanaag and Western Bari. Thus, today you entertain a unified Puntland. Very cheap indeed. Cade was humiliated so will pirate chief Faroole, and Xudeedi will defend his free kinsmen in Bari, not Ilka Jiir. We have allready condemned Ilka Jiir, he risks of being portrayed as a traitor for parroting the clan administration in Garoowe. Faroole allready mentioned the clan element of this conflict by calling Atam and VOA reporter Ali Xaraare clanist.
-
Zack: I don't only condemn the current administration. The current administration is only an extention of institutionalized injustices derived from narrow clan formula. Cadde, Yuusuf and Faroole were all failures and it's not them, it's the system that prolonges corruption and lack of development. There has not been an administration in the SSDF state that has not waged a war on Western Bari. Desperatelly, you could clearly see how they falsely state Galgala to be part of Sanaag when it's part of Bari. I denounce the clan admin, no clan has authority over another.
-
Popular Contributors