Xudeedi

Nomads
  • Content Count

    1,691
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Xudeedi

  1. Mr.Somalia, miskiin dhabar-macaan baa tahay. Your celebrating for a victory that you did not earn. No officer from the SSDF constituency was leading the war. If your clan has the might to burn anything as you are entertaining here on SOL, then you would have done it long time ago. Abdi-Jamaal the deputy security minister of the SSDF administration and only commander who is in Galgala today is Atam's cousin. The men who took town were his men from Maraje, Western Bari. Keep entertaining yourself, but the war just began. This will spill over places farther than western Bari.
  2. Libaahe kaftanka aniga Xaaji waxba ha u sacabtumin. Somaliland has nothing to do with this. Don't worry nobody will chase you out of Ceerigaabo. This is about something bigger (Bosaso) that you understand nothing about. Thanksful Adeer Ilka Jiir did not win the war, he only visited his hometown after Atam vacated for a millitary strategy. As Atam stated on BBC today, "We have the town surrounded, and will attack-back in no time". Clan meetings are going on in Dhahar, as soon as things are sorted, SSDF administration will be dealt with. For you die-hard SSDF fans, one thing is a fact, no man from your constituency is leading the war or can dare to step a foot in Galgala. Stop celebrating for a victory that is not yours. Atam and Abdi-Jamaal are cousins and their conflict will be sorted.
  3. ^ Xaji lool Dowlada Maakhir ninkii dhisi lahaaba wasiirka Gaashaandiga baad u magacowdeen dee. Khiyaana Qaran
  4. Faroole and traitors from the region will be held accountable.
  5. click on the link below http://galgalanews.com/index/?p=3613
  6. Sheekh Maxamed Said Atam oo Hogaamiya Ciidamada deegaanka ee Galbeedka bari ayaa Maanta la hadlay Boggan GalGalanews , isaga oo sheegay in uu Xeelad Dagaal uga Baxay GalGala ee aan La wiiqin Wadoodiisa, Sida aan Horay u Baahinay GalGala News Atam waxa uu ku celiyay inuu Xeelad Dagaal Dibu Gurasho Sameeyay. Waxa uu Cara baabay inaanu wali Dagaalkii Dhamaan isla markaana ay Adeegsanayaa Waxa uu ku sheegay “Ku Dhufoo Ka Dhaqaaq, isla markaana ay Haatan GalGala ku Hareeraysanyihiin. “Anaga Islaam Baanu Nahay Mana Daan Daansan Anaga PL iyagaa weerar Soo qaaday GalGala PL ma Hoos Timaad waxana Dhaqaale Raadis Dagaalka ku Doonaya PIsta Ama Kooxda loo Yaqaan Sha’haado la Dirar waana naluku soo duulay waana is difaacaynaa” Ayuu Yiri Atam. Atam waxa uu Qeexay in dadka deegaanka Ku Noolay aanay ahayn Hal Qabiil ee deegaanka Lawada deganyahay isla markaana Sha’haada la dirirka ayaan la Diriraynaa waxana ay la Dagaalamaan Laa Ilaahu Ilaahu waxa la Sawiray Masaajidadii Magaalada oo dhana waa la Bur Buriyay”Ayuu Yiri Atam. Sheekh Atam Waxa uu Ku cel celiyay in ay Ajaanib Yihiin kuwa Dagaalka ku soo qaaday GalGala oo ay ka mid Yihiin Ethiopia iyo USA. Sidoo kale waxa uu Mar labaad iska Fogeeyay inaanu wax Log ah ku Lahayn Al-Shabaab iyo Al-Qaacida e,ay Islaam Kaliya wadaagaan Al-Shabaabka ayuu Sheegay Maxamed Sicid Atam. Waxa Ku eedeeyay PL inay Odayaashii deegaanka Radiyeen ama diideen In Hashiis la Galo, isaga oo xusay in hadii ay Hashiis Galayaan in PIStu ay Farah Galinta ka Daayaan GalGala iyo Galbeedka Bari. Faroole ayuu ku eedeeyay inuu Balan qaaday inuu Tir Tiro AShaahada la Dirirka Balse taasi ayuu ka Been sheegay oo Balantii ka Baxay,wixii dhibta wada ilaa la soo Qabto. Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa sheegay inay Xal tahay in oo uu isagu u Arko Natiijo in Shacabku Tashaan oo ay ka Guuraan Kuwa Diinta Gadanaya Qorigana ay Sidanayaan ilaa PIStu ka Baxdo Gudaha Galbeedka Bari. In Kastoo ay Jiraan Waraysiyo badan oo uu siiyay Sheekhu Warbaahinta Caalamka Sida BBc-da Iyo VOA-da hadana xidhiidh aanu la Samaynayo ayuu Ku Sheegay Waraysigan inay Weerar Cir iyo dhul ah ku Qaadayaan waxa uu ku sheegay Maamulka AAn madax Banaanayn ee Faroole Hor Boodayo waa sida uu Hadalka u dhigayay waa Waraysigii ugu Horeeyay oo uu Shacabka Reer Maakhir Toos Fariin Maqal ah Ugu diro.
  7. Adeer the clan administrationin Garoowe only administer few town in Western Bari. Majority of my country is fully administered by locals.
  8. Atam needs to sit with his kinsmen in Dhahar not men from Garoowe. If he gets full clan concensus then boy's in Garowe won't be a problem.
  9. click below to listen to an interview with deputy security minister, Abdi-Jamaal. http://www.spr.fm/index.php?option=com_k2&view=item&id=417:wareysi-aanu-la-yeelaney-wasiirka-ku-xige enka-amniga-ee-maamul-goboleedka-puntland-c/jamaal-cismaan-maxamed&Itemid=121
  10. Galgala (SPR): Wareysi ay idaacada Somali Public Radio la yeelatey ayaa waxaanu ku wareysaney wasiir ku xigeenka amniga ee maamul goboleedka Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed oo ka warbixiyey dagaalkii Galgala iyo galitaankii ay galeen magaalada. Wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka ay wali wadaan isla markaana ay ku raad joogaan kooxdii ay is hayeen. Cabdi Jamaal ayaa sheegay in arimaha sheegaya in uu dagaalka yahay dagaal beeleed ay beentahay, aysana ogolaaneynin iyagoo beel ahaan deegaanka kasoo jeeda in ay beel kale ku duusho, dowladuna aysan cidna duulaan ku ahayn. Wasiirka ayaa sheegay in uu dowlada ugu jiro deegaankaasi, deegaankaasina uu matalayo, uusana matalin deegaan kale. Sidoo kale ayaa wasiirku wuxuu sheegay in xaalada nabad galyo ee magaaladu ay fiicantahay. Wasiirka ayaa sheegay in aysan dan kale dowladu ka lahayn oo deegaankaasi ay heli doonaan xaqii ka maqnaa isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen dad lahaystey. Sidoo kale ayaa wuxuu sheegay in dowladu ka dhisi doonta ciidan u dhashey deegaanka oo halkaasi la geeyo, si fiicana dowlada ula shaqeeya.
  11. Galgala: Ciidamada DP ayaa waxa ay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada Galgala ee ku taala buuraleyda deegaanka Galbeedka Bari. Ciidamdan oo ahaa kuwo aad utira badan oo gaaraya ilaa 1500 oo askari, isla markasina ah hogaaminayaan 2 Jeneraal oo kala ah C/laahi Axmed Jaamac, iyo Cabdisamad Calis Shire kuwaasi oo horkacayay ciidanka halkaasi galay. Wararkuna waxay intaas ku darayan in ay Madarshoon ay gaareen ciidamda kasoo horjeeday dawlada waxana ay sheegeen in ay halkaas ay u arkeen goob istiraatiiji ah. Qof xog ogal ah ayaa noo sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire uu haatan ku suganyahay galgala. Qaxootiga Dagaalka Dagaalkan ayaa waxa uu saameeyey dadka deegaanka ee la weeraray dhulkoodana la qabsaday waxana ay haatan dadkan oo horey loo go'doomiyay ay u qaxeen buuralyda magaalada dhinaca galbeed ka xigta halkaasi oo ay gabaad kaga yeesheen ciidamda Soogalay Galgala ee kusugan magaaladooda. Arintan ayaa waxa ay noqoneysa markii ugu horeysey oo ay ciidamo kasocda PL ay galaan goobta dagalka, waxaana tani kuwii hore kaga duwantahay in dagaalkan ay hoogaminayeen saraakiil deegaanka u dhashay taasi oo keentay in ay si sahlan ku galaan!!!
  12. Maxamed Said Atam came to power during Cadde’s heinous Majiyahan proposal, where millions were funneled to the incompetent warlord in exchange for mining rights. Atam, a young ambitious cleric vowed to defend Western Bari under his leadership. The Majiyahan Mountains hosted many skirmishes and at last, the SSDF clan evacuated after loosing many lives and casualties, distinct defeat. Why was Atam very successful then? Atam was very successful during Majiyahan because he diplomatically unified the clan of Western Bari, and his opposition from the clan in the SSDF administration was even convinced to voluntarily terminate themselves from their SSDF posts. Coronel Aidiid Ahmed Nur who was the Darwiish Commander from Bari region withdrew himself from his post in support of Atam. The diaspora was also united as they seen the former notorious SSDF president’s direct intentions and rallied behind Atam. Why did the fortress fall? Ever since Cadde’s defeat, the SSDF clan inclusively generated a great deal of effort in conveying and propagating a negative reputation about Atam in order to rally for an international support. They said he was a terrorist, they said he was a hypocrite, they said he had foreigners; they said he was extremely powerful. Pity how they used the UN Monitoring group’s report, the same report that declared Faroole and Ilka Jiir as pirates, to back their accusations. Faroole received a deployment of weapons from Amisom warehouses in Mogadishu through his kinsmen, Omar Abdirashiid, accused rapist and the most incompetent PM the republic ever had. As hiiraanonline reported, 2 planes of weapons were deployed to Garoowe. Despite these weapons, we know that a clan can’t invade another clan as proven by the 20 year civil war data. Contrary to what many SSDF cheerleaders on SOL reported, Galgala was not invaded by the SSDF clan as they have repeatedly defeated by locals. Atam and his men strategically left town in order to not confront their kinsmen that later joined the battle, led by deputy minister of SSDF administration, Abdi-Jamaal. In an interview that Abdi-Jamal gave to Somali Public Radio, he clarified that the men invaded town were the inhabitants who ideologically apposed Atam. Such divisions exist among the ONLF, the secessionist, and even among the religious camps. If the SSDF clan could potentially invade Galgala, they would have done it long time ago. The city was invaded by puppets who themselves are beneficiaries of this multi-million dollar scheme that Faroole and his son have applied for. If the SSDF clan would have invaded Galgala, then residents of it’s big sister city, Dhahar would have spoken. The residents of Dhahar know the troops who took over a Galgala, and most are from Dhahar. May god have mercy on those that have died on both sides.
  13. Xaaji listen to the interview and determine for your self.
  14. Truth finally unmasked. Faroole and his stooges lost heavey casualty. "ninkii dhoof ku yimid bay geerida dhibaysaa."
  15. Wareysi ay idaacada bbc da ay la yeelatey nin afayeen u ahaa ciidamada deegaanka isla markaana sheegay in dagaalka meesha ka socda uu yahay mid la xiriira dagaal beeleed ka soo askumey waqtigii cade muuse. C/laahi Faarax ayaa sheegay in ay maanta guul ka gaareen dagaalkii isla markaana ay qabteen 2 gaari, 4 gaari oo gaashaamana ay ka gubeen. http://www.dhahar.com/article.php?articleid=9482
  16. Puntland wages a war on a native clan. We shall see further developments.
  17. Galgala: Kadib markii uu maanta dagaalka ka dhacay deegaanada galbeedka Bari buuraha ku teedsan ayaa waxa ay idaacada SPR isku deydey in ay xog dhab ah ka hesho iyadoo raadisey dadka deegaanka xog ogaal ka ah isla markaana si dhexdhexaad wax usoo gudbiya. Iyadoo uu khadka tilifoonka aad u xumaa ayaa waxaanu helney goobjooge ka mid ah dadka degan deegaanka Galgala oo nooga warbixiyey dagaalkii maanta dhacay. http://www.dhahar.com/article.php?articleid=9485
  18. ^ Adeer Ilka Jiir will be held accountable for his actions. This is a clan war and i wish for it to be suspended.
  19. This is a fabricated news. This is a clan war as the interview in BBC indicated.
  20. Sheekh Atam oo cunno u qaybiyey dadweynaha reer Galgala August 5, 2010 By admin Wararka ka imanaya degmada Galgala ayaa waxay sheegayaan in Sheekh Maxamed Ismaaciil Atam u fasaxay shacabka magaaladu inay rartaan raashin baakhaar uu magaalada ku lahaa yiillay. Tani waxay ka dambaysay, cunaqabataynta ba’an ee ciidammada Puntland ku hayaan degaammadaas, oo laga xayiray baabuurtii soo gelaysay ee keenaysay raashinka iyo saabaanka kale. Dhanka kale odayaasha iyo isimmada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Bari oo maanta saxaafadda siiyey war murtiyeed, ayaa sheegay inaan wax waanwaan ah oo xagga madaxweyne Faroole ka socda aan la wada gaarin. Caaqil Axmed Siciid Madaxay oo Idaacadda SPR u warramayey ayaa sheegay in madaxweyne Faroole soo idmaday madaxweyne kuxigeenka Puntland, Cabdisamad Cali Shire, kaasoo aanay xal wada gaarin. Warbixintii oo cod ah oona dhamaystiran halkaan riix… Warar aannu si hoos ahaana u hellay ayaa sheegaya in Col. Cabdisamad rabo inuu dagaal meeshaas ka dhaco, halka Gen. Ilkajiir, Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ku adkaystay in waxaan nabad ahayn arrinta lagu deyin, odayaashana aan loo gacan dhaafin arrinta. Col. Cabdisamad ayaa lagu eedeeyaa inuu yahay nin Faroole ku hadlo, oo fuliya arrimaha iskahorkeenka keena ee bulshooyinka Puntland u dhexeeya. Waxa kale oo xusid mudan Col. Cabdisamad oo horay laf ahaantiisa looga qabsaday magaaladiisii Laascaanood, inaanu soo hadal qaadin wax qorsha ah oo ku aaddan shacabka reer Laascaanood ee xoogga lagu haysto. ”Sadaqadu waxay ka bilaabataa gurigaaga….,” waa tan uu gees maray Cabdisamad. Wixii soo kordha kala soco laasqoray Online.
  21. Bulshada Puntland intooda badani ma doonayaan in dagaal ka dhaco Puntland,hase ahaatee wax jira dhowr kooxood oo raba in dagaal dhaco kuwaas oo kala ah 1-Aran Jaan 2-PIS 3- ********tii Koonfureed oo ahaa kuwii ugu nebcaa jiritaanka Puntland Aran Jaan waa koox uu madax u yahay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole waxayna ka kooban yihiin lix Qof waana Dad aan la dhaqan ahayn Bulshada Puntland intooda kale waxana ka mid ah Wiilkiisa iyo Nin la yiraahdo Ina Shide,lixddan qof waxay ka soo wada jeedaan Beesha Madaxweynaha ,Aran jaan waxay Puntland ku wada wataan gawaari isku mid ah waana ka caan wadooyinka Puntland shaqadooduna waa wax kasta oo ay lacag kaga heli karaan Puntland in ay sameeyaan iyaga oo haba yaraatee waxba xeerinayn 1-PIS Ciidankan waxa loogu talo galay markii hore argagixis la dirir hase ahatee sanadahan danbe waxay qayb ka yihiin dagaalka sokeeye ee Soomaaliya iyo aano qabiil,dagaalka Galgalana waa mid aka mid ah falalkii ay sameenayeen sanadahan danbe oo ahaa aano qabiil kooxdan waxa u madax ah Wasiirkii hore ee amniga ee Puntland. PIS maaha qura cida ay daba joogtaa Beesha degta Galgala waxa kaloo jira Beelo kale oo sidoo kale loo isticmaalo shaqada PIS aano qabiil waana tan keentay in Ninkii maanta dawlada Puntlad qisastay ay sii ogaayeen beeshiisu sidaas awgeedna ay ku afduubeen labo nin oo ka soo jeeda Beesha ay u badan tahay PIS ********ka Koonfureed ayaa iyana doonaya dagaalka puntland gaar ahaan kuwii aadka uga soo horjeeday Jiritaanka Puntland iyo Madaxweynihii hore Cabdulaahi Yuusuf ,kooxdan oo dano gaar ah leh waxay maalmahan lagu arkaayey Telafishanada iyo Idaacadaha iyaga oo sheegaya in walaalahood Puntland ay soo weeraratay Argagixiso,waraysigii ugu danbeeyey wuxu ahaa kii Bishan labadeeda ING Yariisow oo hogaamin jiray ururkii ****** Concern Group kaas oo ka soo hor jeeday Dawladii Cabdulaahi Yuusuf isaga oo sheegay in Puntland ay soo weerartay Alshabaab, kooxdan waxa Hogaaminaya wasiirka warfaafinka dawlada KMG ING Yariisow,Wasiirka kaluumaysiga Ibbi,Shariif Xasan intuba waxay sheegeen in ay kala hadleen argagixisada ku soo duushay Puntland madaxweyne Faroole. Ugu danbayntii Sadexdan koxood oo duulaanka ku ah Galgala oo dadkeedu aadka u jecel yahiin jiritaanka Puntland iyo deris wanaaga Beelaha walaalaha ah ee reer Puntland ayaa waxay ahaayeen sidoo kale kuwo aad uga soo horjeeday Madaxweynihii jeclaa jiritaanka Puntland iyo in la helo Qaran Soomaaliyeed Mudane Cabdulaahi Yuusuf oo ay la galeen dagaal,xiligii Puntland ugu nabada badnayd Beeluhuna ay ahaayeen kuwo garabka is haysta Madaxweynaha hada talada haya Cabdiraxmaan Faroole shirkii Carta oo lagu soo doortay CabdiQaasim in Madaxweyne ka noqdo dawladii KMG xiligaas oo reer Puntland intooda badani ka soo horjeedeen shirkaas iyo agendihiisa ayaa wuxuu ka sheegay madashii shirka in Cabdulaahi Yuusuf yahay Dhiigyo cab sidoo kale Yariisoow wuxu ahaa ninkii hogaaminayey Mudaharaadkii Cabdulaahi Yuusuf la rabay in looga saaro Cisbitaalakii lagu daweenayey,Ninka kale oo ka mid ah Aarn Jaan Ina Shide waa ninkii uu cabdulaahi dagaalka la galay isaga oo ahaa Itixaad,hadaba Shacabka Puntland intooda nabada jecel waa in codkooda la maqlaa si ay ugu hortagaan Ibbi Yariisow iyo Shariif xasan in dagaalada Muqdisho u soo xawilaan Puntland sida ay horay u sheegeen waxa yaraan doonto gor gortanka siyaasadeed ee Reer Puntland Allsanaag.com
  22. Shirkii Odayaasha ********** uga socday magaalada Ceel Daahir oo ahaa nabadaynta ayaa waxay heleen fariin ka timid Madaxweynaha Puntland oo ah in dulqaadkiii ka dhamaaday sidaas awgeedna ay tahay lagama maarmaan in aan dagaal lagu qaadno, magaalada Galgala. Fariintani maaha mid ka timid xakuumad ahaan, hase ahaatee waa mid madaxweyne Faroole doonayo in lagu ogaado wuxuu damacsan yahay oo ah in uu mar hore gaaray go'aan ,kaas oo ah dagaal Madaxweynaha oo maalmahan danbe soo buux dhaafiyey ciidan u badan oo ah Beesha uu ka dhashay******teen ee Ciise Maxamuud ayaa aaminsan in qaar ka mid ah Beesha ********** ay ku kaalmayn doonaan dagaal ay ku qaadaan magaalada Galgala. Madaxweynaha Puntland oo ah nin aan ka xishoon qabiilka kuna dhaqmay dhowr mar oo hore oo ay ka mid ahayd Xiligii uu ka sheegtay Magaalada Garoowe Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi ayaa markii u horaysay oo ay u tageen qaar ka mid ah Odayaasha ********** waxa ka yaabiyey sida uu u kala qaybinayo Beesha ay ka soo jeedaan. "Hadaad tihiin Beesha Dubays oo ********** idinku waxaad tihiin Reer bari waxaynu nahay wax walba hadaanu nahay ********** dad is dhalay, xidid ah degaano ka dhaxeeyo,Cumarka iyagu waa Soomaaliland. sidaa waxa yiri Faroole Sheekadan waa mid ay horay ugu guulaysteen xaq jirka SSDF taas oo ahayd Maxamuud Garaad waa Dad aanu deris nahay is dhalnay degaano naga dhaxeeya,hase ahaatee Faarax Garaad waa Soomaalilanad waana sababta ay Lascaanood ilaa hada ku maqan tahay in Beel la kal qaybiyo qaarna la soo dhoweyo inta diidana Shaabad lagu dhufto. Ugu danbayntii Faroole oo Dadka intiisa badani aaminsanayeen in uu ahaa mid ka cago jiiday in xalka Galgalan lagu dhameeyo si nabad ah oo dani ugu jirto dhamaan bulshada walaalaha ee Reer Puntaland ayaan la garanayn meesha uu dagaalkan uu iclaamiyey ku danbayn doono waxaanse aan shaki ku jirin in Baaqa u horeeya oo lagu doonayo nabad uu ka soo bixi doono Garoowe iyo meelo badan oo hada raali ka ah duulanka qaawan ee Faroole iyo inta Beel ahaan ula socota Allsanaag.com Nabadu waa asaaska nolosha baniaadamka, xaq jirnimaduna waa bur burka nolosha bani aadamka
  23. Marka aad dhegaysato khudbaddii madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo wasiirka amniga waxa aad fahmi kartaa sida ay uga go’antahay in dagaal lagu qaado buuraha Galgala hadday wax kasta dhalayso. Waxay kale oo ay tusaysaa sida saddexda nin ay isku mowqif uga taagan yihiin. haddana nuxurka haddalkoodu saddexduba waxay ka sinnaayeen in ay dadka ka dhaadhiciyaan: 1) Khatarta weyn oo cadow soo abaabulay inay ka jirto buurta galgala, oo uu ninka la yiraahdo Atam madax u yahay. 2) Inuu ********** kiciyo oo dagaal geliyo oo u tuso In ay cidi khatar ku tahay, Atam iyo reerkiisaba ha noqdeene, In dadka reer bariga ah Khaas ahaan la kiciyo sida madaxweyna ku xigeenku iyidhi –reer boosaasoodow ka kaca. 3) Waxay kale oo ay ku qancinayeen dadka wersengeli in aan qabiil ahaan loola dagaallamayn (in kastoo aanba fikirkooda la dhegaysanayn). 4) In xataa qofkii caqli gal ah oo fekerkooda ka soo hor jeeda, sida saxaafadda aanay dhegaysan. Haddaba maxay tahay saddexda nin waxa isku feker ka dhigay, maxaase hadda keenay oo ay hore ugu imaanweydey? Waxaynu ognahay in oloaha Galgala uu bilaabay Cadullahi Siciid Samatar, haddana uu Wasiirka amnigu dabada ka riixayo, madaxweyna ku xigeenkuna la qabo si kasta ha noqotee. Haddaba haddi aynu taariikhda dib ugu noqonno waxaynu ogaanaynaa in Atom markuu ku dagaallamayey Majiyahan 2006, Yusuf Axmed Khayrre uu ahaa Taliyaha Ciidanka Poliska uuna ahaa ninka ciidanka u dirayey, oo uu dagaal dhex maray. Cabdullahi Siciid Samatar oo ay Yusuf isku jifi yihiin isaguna uu ahaa Wasiirka Amniga. Labada nin ee aan soo sheegay (Samatar iyo Khayrre) iyo Atam waa laba reer oo wada dega utuna horena ka dhexayn karaan, dhul, nacfi iyo hungurina meesha yaallo. Arrinta saddexda nin waa “Vendetta” ama utin, inkastoo qolo duullaantahay mar walba. Midda kale dhulka riixasho iyo wax la mid ahina way jirtay sida tii laag oo kale. Marka ula jeeddada labada nin waa fursad ka faaiidaysi, tan labaadna waxay u muuqata in ay ku guulaysteen madaxweyna in ay ku qanciyaan in wixii ay u sheegaan uu maqlo oo sidaas dani ugu jirto, inkastoo uu ka dhega adaygayey intii hore. Waxa kale oo lola jeeday in madaxweynaha iyo wasiirkale oo ay isugu dhodhowaayeen la iska horkeeno, si lookala dhex galo, laakiin in ay taasi najaxayso mooyi. Waxa kale oo jirta in maxkamad loogu magac daray argagixiso la dagaallan oo arrintan uun salka ku haysaa la dhisay, laguna qanciyey madaxweynaha in ay arrintu fududahay. weliba si arrintan loo meel mariyo waxa la horraysiiyey in maxkamadda horta la ansaxiyo ka dibna dagaalka lagu dhaqaaqo, si aaney mucaaradad ula kulmin. Sababaha madaxweynaha ku kallifaysa in uu arrintan ku dhaqaaqo waxa ugu weyn afar sababood oo ah: 1) Wuxuu mucaarada xoog leh kala kulmay labada reerood oo kale oo Maxamuud Saleebaan, marka wuxuu doonayaa inuu u dhega nuglaado oo ay hoggaanka u qabtaan, taasina waa “U turn” ama waa siyaasad beddel. 2) Bariga Puntland ayaa dagaallo badan oo beelaha Mjeerteen u dhaxaya oo soo noqnoqday, loona caalwaayey intuu joogey faroole. Taasoo ay sii dheertahay Bosaso oo dilka aanada ah oo qoshaysan ku batay. 3) Wuxuu Quudarraynayaa farole inuu Ethiopia iyo America ka dhaadhiciyo inuu yahay ninka ugu daacadsan Soomaali oo dhan, si ay ugu qancaan in uu sidii Cabdullahi Yusuf Federalka madax looga dhigo marka sharif waqtigu ka dhamaado. 4) Inta aan sheegay waxa weheliya in la rabo in dadka reer Puntland(**********) loo samayo cadow ay ku mashquulaan, si looga baxo tafaraaruqa ku dhex jira. Isku soo wada duuduuboo waxa muuqata in dagaal ka dhacaa Galgala uu yahay mid aan la huri doonin sida ka muuqata inay ka go’antahay saddexda nin, in kastoo ku xigeenku iska dhexboodayo, oo xagga Laascaanod inuu ku noqdo lagala quustay, horaa loo yiri “Ninka hooyadiis qorax u jiidey aayadiis hadh uma jiido”, SSC baa laga waraystaa. Marka la isku soo xooriyo Galgala dagaalkeeda iyo Atam waa iska sadqayn amase “Kebashulfida’, xataa haddii Wersengeli nabad ka keeno arrinka Galgala caawa. Marka wuxuu yidhi: “Nin waliba danbuu leeyahaye haysku daalina e”. Waa ula jeedda badan, waana siiga isku qaris, wuxuuna isku qanciyey in wersengeli aanay wax ay ka xumayn karaa jirin haba yaraatee. Khudbadda Faroole waxay ahayd mid reer lagu weerarayey 80%, xataa Cali Xaraare oo eed iyo aflagaaddo aan geed loogu soo gaban uu kula kacay. Waxa kuu muuqanaysa bedel siyaasadeed oo jira, waxana ay salka ku haysaa khilaaf laga dareemay isku xirnaanta beelweynta Wersengeli, marka in laga faaiidaysto ayaa loo arkaa intay taasi jirto. Haddii lagu guulaysto arrinkan waa guul oo way “geesiya badantahay”, haddii ay adkaato madaxweynaha ayey dib ugu noqonaysaa, raga barnamijka wadaa shaqa kuma leh oo horaa loo yiri: “guuldarradu waa goblin”. Allsanaag.com Cumar saciid Xaaji
  24. Madaxwaynaha PL Dr Faroole ayaa Saladii Jimce ee Maanta ka hadlay Masaajid uu dadka Garoowe kula Tukaday Madaxwaynaha ayaa ka hadlay Khudbadkii ka dib in PL ay ku soo duuleen Cadow waxa uu ugu Yeedhay oo doonaya inay Maamulka Jaah wareeriyaan,sidoo kale xaalada Galgala ayuu aad ugu dheeraaday oo Ku Tilmaamay mid dhawaan dhan uun u dhacaysa. Madaxwaynaha ayaa sheegay in Kooxda Buuraha Galgala ku Jirta ay dhawaan soo Af jarayaan isla markaan aanay PL iyo iyagu saas Isu Hor fadhiyayn. Sidoo kale waxa uu soo qaaday Dr Faroole inay soo Kordhiyeen qalab Cusub oo dhan is Gaarsiinta ah waxana Adeegsandoona Buu Yiri Laamaha Amaanka PL. “Koox intay Meel Gasho Tiraahda Diin baan wax ku dhaqaynaa hadana Is Rogta oo Tiraahda Qabiil baanu Wax ku Raadsan Anaga ma Naqaan Sheekooyinka Noocaasi oo kale ah PL waa is diaaficin iyada oo Kaashan SHacabkeeda iyo Laamaha Amaanka”Ayuu Yiri Faroole. Waxa uu Cara baabay isla xaalada Galgala intii ka hadlayay in ay Jiraan dad badan oo Baaqii dawladu Jeedisay ee ahayd Cafis inuu Loo Fidinayo dadka ka Goostay Atam ay Qaateen oo durba Suuqyada Bosaaso lagu arkay. Hadalka Faroole ayaa imanaya iyada oo Odayaasha Maakhir ay ku Sugan yihiin Goobaha Dagaalka sidii ay Nabad uga dhalin lahaa Labada Garab in kastoo Nabadoon Saxaafada War Siiyay uu sheegay in Dawladu aanay dheg Jalaq u Siinayn Waan Waanta Laga wado Galgala Dagaalkan ayaa dhacay 26-Bishii aan soo dhaafnay waxana Fooda is daray Ciidmaada Sheekh Maxamed Said Atam oo sheegay inay Yihiin kuwa Khayraadka deegaankaasi Difaacaya iyo Kuwa Maamulka Pl ee Garoowe ka soo Duulay. Galgalanews/Garoowe
  25. FAROOLE OO CADEEYEY SABABTA UU DUULAANKA UGU YAHEY GALAGALA OO IYIRI '' ANIGAA IMAAM AH, REER GALGALANA HA KA GUUREEN GALGALA'' Wararka ka imanaya Magaalada Garoowe ayaa waxay sheegayaan oo xaqiijinayaan in Madaxweynaha calaacalka badan ee hada xilka haya, C/raxmaan Farole inuu marka kale Galgala afka saarey oo qeylo dhaan kale dirsadey. Maalmihii lasoo dhaafey ayaa Garowe waxaa kasoo yeerayey calaacal iyo cabaad aan looga baran Puntland madaxdeeda iyadoo Madaxweyne Faroole aad moodey inuu jaahwareer nafsi ay ka haysato xaalada ka taagan Puntland. Faroole oo maanta jimcadii ku tukuday masaajid amnigiisa si weyn loo adkeeyey oo ku yaala Garowe ayaa khudbadii jimcada ka dib ka hadley isla markaana cadeeyey shakigii ay qabeen dadweynaha ku dhaqan Galbeedka Bari oo aheyd in dagaalkii uu iclaamiyey Faroole aysan diin iyo argagixiso joogta Galgala shaqo ku laheyn ee ay tahey Dhulka. Faroole ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa '' Dadka sheeganaya iney beero ku leeyihiin Galgala waxaan u sheegeynaa in dhulku weyn yahay oo markaa ay u guuri karaan meelo kale'' Arintan ayaa daliil cad u ah in Faroole uusan xakiim aheyn isla markaana sirtiisii uu ku haystay Qalbiga uu carabkiisu ka xadey iyadoo ay shacabka Puntland u cadaatey in ujeedada ugu weyn ee dagaalka faroole iclaamiyey ay tahey mid Dhuleed ee aysan aheyn mid Amniga Puntland wax looga qabanayo. Faroole ayaad moodaa inuu xaalad nafsi oo adeygi hayso iyadoo aad moodid inuu ku jiro Break Down isla markaana ay hadaladiisu noqdeen mid calaacal iyo xaalad abuur ka buuxo. Madaxweyne Faroole ayaa horey u yiri waa iney Beeluhu iyo dumarku hubka qaataan isla markaana lala dagaalmo beesha ********** taasina ay abuurtey argagax siyaasadeed iyadoo Dowlada Puntland ay hada labo u kala jaban tahey. Dadka ku xeel dheer siyaasada curdunka ah ee Puntland ayaa la yaaban oo dhinac u saari la meesha Faroole wax u wado iyadoo eeda dusha looga saarey cuqdad qabiil iney ku jirto laakinse taladu ay ka xumaatey. Waxaa hubaal ah in Puntland ay aayaheeda ka tashato iyadoo lama huraan ay tahey in Madaxweyne FAROOLE la casilo iyadoo uu khatar ku yahay Jiritaanka Puntland taasina waa mid Muqadas ah oo ka weyn damac beeleed ama mid shaqsiyadeed. LaasqorayNET